You are on page 1of 3

DIGAAGADII QAADIGA

‫!دجاجة القاضي‬

FASAADKA GARSOOR XUMIDA!


--------------------------------------------------------------------------

Ninbaa maalin maalmaha ka mid ah waxa u soo galay Meel digaaga lagu iibiyo isagoo wata
digaagada gawracan( Qalan)  oo uu rabay inuu meesha ku jarjarto, ninkii meesha lahaa ayuu
u dhiibtay oo ku yidhi Digaagadan ii sii hay waxyar ka dib ayaan kugu soo laaban oo aan kaa
qaadane. Wax yar markuu sii maqnaaba waxaa goobtii soo maray qaadigii magaalada ,
wuxuuna nin weydiiyey Digaagad mahaysaa? Nin meesha lahaa wuxuu ugu jawaabay maya
Qaadi kaliya waxaan hayaa hal Digaagad oo waliba Gawracan oo nin  socota ahi mardhawey
ii dhiibtay wax yar ka dibna uu qaadan rabo, Qaadigii ayaa nin ku yidhi iyada isii ninkii
markuu ku imaadana waxaad ku dhahdaa wey duushay Digaagadaadii! haduu kula sii
murmana aniga ii keen (yacnihii Qaadiga magaalada ayaan u tagaynaa si uu inoo  kala saaro
ku dheh), adiguna haba isku dhibin arintaas aniga igudaa!  Waayahay ayuu ninkii yidhin,
Qaadigii Digaagadii waa qaatay waanu ka tagay, ninkii lahaa Digaagada ayaa u imaaday
ninkii, wuxuuna  ku yidhi Digaagadii isii? Wuxuuna ugu jawaabay Digaagadaadii wey
duushay! Wuxuu ugu warceliyey  siday ku Duulikartaa Digaagada aan ku dhiibay iyadoo
qalan ( la gawracay)! Miyaad waalantahay wax caqligu qaadan karo sheeg  Isla markiiba
ninkii Goobta digaaga lahaa ayaa ku yidhi ina wadi waxaa ina kala saaridoona Qaadiga
magaaladee! Haye waayahaye ina wadi ayuu yidhi !

Intii ay wadada ku sii jireen ayaa wadada waxay ku arkeen laba nin oo midna muslimyahay
Midna Yahuudi yahay oo is Dagaalaya, wey ku leexdeen si ay u kala qabtaan, iyagoo kala
qabanaya ayaa ninkii Goobta digaaga lagu iibiyo lahaa  ninkii Yahuudiga ahaa Isha farta ka
galiyey ka dibna ishiibaa ka soo dhacday! Dadkii goobta ka ag dhawaa ayaa isku soo
ururay(xoomay)  waxayna qabteen ninkii Goobta digaaga lagu iibiyo lahaa si ninkan uu Isha
ka riday looga xaqo, ninkii hore , midkii dambe iyo dadkii meesha joogayba  waxay isu
raaceen Qaadigii magaalada! Markay waxyar u sii jiraan goobtii maxkamadda ayaa ninkii
labada kiis loo haystay isku dayey inuu baxsado! Wuuna baxsaday dadkii iyo ninkii
Digaagadaada lahaa ayaa eryaday ( caydhsaday, bursaday) waxay eryadaanba Masaajid
ayuu galay wey ka daba galeen minaaradii masaajidka ayuu fuulay wey ka daba fuuleen wuu
ka soo dhacay! Wuxuuna ku duldhacay wadaada Da' ah oo minaaradda masaajika hoos
fadhiyey! wadaadkii Da'da ahaa wuu dhintay wiil uu dhalay odaygii dhintay ayaa soobaxay
wuxuuna magtii aabihii isana u qabsaday ninkii markii horebaDambiilaha ahaa!
Hadda xaalku wuxuu marayaa sadex kiis oo loo haysto ninkaas waxaana la Isla soo aaday
Qaadigii magaalada, Qaadigii marka la Isla soo gaadhay ayaa waxa uu arkay ninkii isaga ahaa
ee ay arinta Isla ogaayeen wuuna qoslay! laakiin kama warqabo inuu ninkani sadex arimood
oo kala dardaran ku eedaysanyahay!
1. Digaagadii
2. Ishii uu ka diray ninkii yahuudiga ahaa iyo
3. Dilkii ninkii Da'da ahaa
Ka dib markuu ogaaday kiisaska ninka loo haysto ayuu madaxa qabsaday wuxuuna guda
galay inuu fakaro, muddo ka dib ayuu guda galay inuu kiisaskii mid mid u dhagaysto, midkii
ugu horeeyey ayuu weydiiyey Cabashadiisa wuxuuna u sheegay siduu wax u dhacay,

DACWADDII 1AAD: Qaadi cabashadaydu waxaytahay siday ku dhacaysaa inay Duusho


Digaagad la gawracay! Qaadigii ayaa ninkii dacwada qabay ugu jawaabay:  ADIGU ALLAH
SWT MA RUMAYSANTAHAY? Ninkii Haa Qaadi, QAADIGII MIYAADAN MAQLIN QAWLKA EEBE
‫يحيي العظام وهي رميم‬
  ( EEBE waxa uu nooleeyee lafo iyagoo waliba caro noqday, boodh noqday ) istaag oo iska
bax waxba kuma lihid ninkaane!

DACWADDII 2AAD:
Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa isna sheegtay arintiisii in Ninki isha ka soo riday! QAADIGII:
‫العين بالعين السن بالسن‬.
Oo uu macnaheedutahay isha ilbaa mag u ah iligana iligbaa mag u ah,  laakin waxaan ku
sheegayaa ninka Muslimka ah iyo midka aan muslimka ahayni  laakiin muslimiinta ku
dhaxnool (ehlu dimiga ah) isku mag ma ahan sidaa darteed maadaama magtaadu isaga
magtiisa badhkeed ay tahay ishiisu waxay u dhigantaa labadaada ilood marka waa in adiga
hadda isha kalena lagaa ridaa ka dib isagana mid laga ridaa sidaa weeye Xukunkiinu hadii
aad ku qanacsantahay Soo istaag! Askartiina Soo diyaar garooba Ayuu ku dhahay Qaadigii!
NINKII intuu candhuuftiisii dib u liqay ayuu meeshii isaga cararay!

DACWADDII 3AAD:
Waxaa isna loo yeedhay wiilkii uu dhalay odaygii Da'dada ahaa wuxuuna yidhi Mudane
Qaadi Ninkani Aabahay oo Minaarada Masjidka hoos fadhiya ayuu ku soo dul dhacay sidaa
ayuuna ku dhintay waxaan rabaa inaan Cadaalad helo qaadi! Qaadigii ayaa ugu jawaabay
xukunkiinu ma cada si aan u cadeeyana waxaad tagaysaan isla meeshii aabahaa ku dhintay
adiguna waxaad fadhiisanaysaa halkii aabahaa fadhiyey Ninkanina wuxuu fuulayaa
Minaaradii uu ka soo dhacay! Ka dib wuu kugu soo duldhacayaa! Maxaayeelay in arintaas
lagu dhiman karo iyo in kale ayaan ogaanaynaa!  ka dib ninkan Diyadii aabahaa Ayaa laga
qaadaa! Wiilkii: qaadi haddaan
dhintana? Taasi dhibaato ani ii taala ma ahan!  Adigay ku qusyasaa!   Wiilkii Ayaa intuu isku
naxay  Qaadigii ugu jawaabay qaadi maya maya Waxba marabo kiiska Aabahay halkaas ku
xidh waan iska baxayaa!

Haddaba maxaytahay xikmadda ku jirta sheekadan?


Jawaabtu waxay tahay marka Cadaaladdu xumaato xuquuqduna wey dayacmaysaa
halkaasna waxaa ka soo baxaya wax aan la
mahadinayn!

TURJUME: Hashi Nur Abdulkadir

Xigasho:

#‫توفيق_الحكيم‬
‫من مسرحية مجلس العدل‬

You might also like