You are on page 1of 6

DULMAN Q2AAD W

Wariye iyo Warbaahin Q1AAD


Cabdinaasir Xiddi g
November 21, 2021

BARTEENNA FACEBOOK

Lafa gurka labada eray ee aan halku-dhiga uga


dhigay qormadayda Runtii maaha arrin laga
gayoonayo oo qormo iyo qoraal lagu soo ebyi karo,
balse waxa aan isku dayayaa in aan tilmaan iyo
tusaale dheer ka bixiyo, balse haddaan si kooban u
dul istaago labada eray ee wariye iyo warbaahin,
aan ku horreeyo wariye.
Wariye: Waa magac tilmaamaya, qofna ku suntaya
lahaanshiiye, tab iyo aqooneed uu u leeyahay
warinta ama warsheegida, waxaa kale wariye la
dhihi karaa waa qof leh awood tebineed oo u
gaarsiin karo dadka kale war hufan haddana
kooban. Eraygu af ahaan waxa uu ka soo
dhambalmay, war, warin, wareysi, warramid,
wariye, is rogroga faleed ee erayga war ayaa wax
ka dhashay in war tebiyaha toolmoon. Waxaa jira
erayo badan oo isla warka qofka keenay ama
sheega tilmaamaya waxaanna ka mid ah”
warramaa warhaye, warside, wargal warsheege
Iqb.”
Eraygu jirrida jiraalkiisu waa WAR, waxaa la
raaciyey tilmaanta IYE, tilmaantaasi waa mid
sheegaysa falka uuqofkaasi qabto kuna magac
dhaban yahay, tusaale, kaal, kaaliye, hoggaan,
hoggaamiye, Hiil, hiiliye, Iye waxa ay tilmaamaysaa
tabta aqooneed ee qofkaas iyo muujinta xirfadiisa
hawleed ee uu ku magac dhaban yahay.
Sidaa darteed, wariyahu waa qofka soo tabiya,
bandhigga, soo wariya, hadba xaaladda markaasi
lagu jiro wax ku cusub, sida war dhiilo xambaarsan,
war dhacdo hore la xiriira, ama war ku saabsan
arrimaha bulshada oo dadwaynaha loo soo
gudbiyo, sida hormarka, caafimaadka, sooyaalka
iyo dhaqanka, IWM waxaa na loo yaqaana bandhig
ama barjaamij,. Magaca wariye ama warbaahin,
warlalis iyo waxii la mid ah waxa ay dalkeenna soo
galeen markii uu yimid saancadaalihii nagu soo
duulay, markaas ayaanna qaab shaqo ahaan loo
bilaabay, balse, waxaa jirtay in uu jiray qaab kaas
ka duwan oo wariye loo yaqaaney ka hor waagii
hore, marka garta iyo geedka la joogo ee
xeerbeegtidu gorfeynayso, qofbaa loo dhiibi jiray
go’aanka kama dambeysta ah, kaas ayaanna tebin
jiray oo dadka u werin jiray, isaga ayaanna wariye la
dhihi jiray balse, ma ahayn shaqo lagu xoogsado
oo leh bilgoosad iyo hawl laysla yaqaan.
1: Horta waa kuma wariye?
Waa qofka ka shaqeeya warbaahinta qaybaheeda
kala duwan, sida Wargeys, Idaacad, TV, Mareeg,
IWM. oo ku soo gudbiya warar iyo barnaamijyo kala
duwan, balse, bahda warbaahintu dhammaanteen
maaha wariye, waayo waxaa jira qaybo ka duwan
soo tebinta warka, sida soo saaraha, tifaftiraha,
agaasimka, isku dubarida, muuq qaadaha, muuqaal
kaydiyaha iwm.
Wariye waxaa la yiraahda, qofka soo tebiya warka
ama qaab qoraal ahaan ah ku soo bandhiga, sidoo
kale, raadiya oo goobaa, xuuraamada oo soo
xodxoda arrimaha wararka bulshadu xiisaynayso.
Wariyuhu waa qof aqoon durugsan u leh shaqada
saxaafadda, tabbabaran, yaqaanna sidda loo u
uruuriyo xogta qaab qoraal, maqal ama sawir, una
habbeeya qaab wadareed oo u qalma bulshada loo
gudbinayo, Wariyahu waa isku xiraha adeegaha iyo
loo adeegaha
Bulshada qaybaheeda kala duwan, madax iyo
dadweyne, waanna baahiyaha iyo faafiyaha xogaha
dahsoon ee dadweynaha ka dedan iyo dhacdooyin
ka dhacay meelo kaa dheer oo aadan ogaateen,
warlalis iyo wariye la’aan. Haddii aan tilmaaney
qofka uu yahay wariye, waa lagama maarmaan in
aynu is weydiino, waxna ka sheegno, arrimaha
lagama maarmaanka ah ee looga baahanyahay
wariyaha ayna tahay in uu yeesho astaamada iyo xil
gudashadaa
Wariyaha quman waa inuu noqdaa mid aqoon u leh
shaqadiisa, waayo aragnimona u leh, aqoontaasi
waa in ay ahaata mid gaarsiisan heer dugsi sare
iyo waxbarasho sare teer iyo heer jaamacadeed
haddii ay suurtagal tahay, waanna inuu haystaa
tabbobaro badan oo ku saabsan shaqadiisa.
Waa lagama maarmaan in uu agabkiisa u leeyahay
aqoon xeeldheer dhanka farsamo si uu u
furdaamin karo, haddii ay dhacdo mararka
qaarkood cillad farsamo. Aqoonta iyo ogaalka
warbaahinta iyo saxaafaddu waa aqoon iyo ogaal
aad u mug weyn, waxaa na lagu bartaa dugsiyo iyo
xarumo aqooneed oo gaar ah, college-yadda iyo
jaamacadaha.
Wariyaashu waa sida dhakhaatiirta oo kale. Bal
qiyaas bukaan sariirta xarun caafimaad saaraan
oo qallliin degdega u baahan, haddii qof aana
aqoon iyo ogaal u lahayn arrimaha caafimaadka
uu dhaho dhakhtar baan ahay oo bukaanka waan
qalayaa.! Maxaad ka filaysaa halista ay arrintaasi
leedahay?
Waxaa la mid ah qof aan aqoon iyo ogaal u lahayn
shaqada wariyanimmada intuu warlalis ama muuq
baahiye, mareeg soo fadhiisto oo wuxuu doono
iska sheego.
Warbaahintu way ka halis badan tahay, waxaa na
lagu tilmaama mindi laba af leh oo dhankii la
doonaba loo adeegsan karo.
Waa hubaal warbaahintu in ay qayb laxaad leh ka
qaadan karto hurinta colaadda, kor u qaadistza
nabadda iyo horumarka, sidaa darteed, waxaa lama
huraan ah oo laga rabaa qofka wariyaha ah, inuu
aqoon durugsan u leeyahay soohdimaha iyo
xeerarka warbaahintu ku shaqayso.
Intaa marka laga yimmaado, haddana waxaa jira
arrimo kale oo xaasaasi ah oo u baahan inuu kala
doorto qofka wariyaha ah.
Sida aan la socono dadku ma sinna oo garaadka
iyo garashada mid waliba guuluhu in gaara oo
gooniya ayuu ku galladay, waxaa na jira hibbo iyo
hal abuur qof waliba gaar u leeyahay.
Sidaa darteed qofka wariyaha ah waa inuu ogyahay
hibbadiisa iyo kaalinta uu ku habboon yahay ama
uu ka soo dhalaali karo.
Tusaale kooban, macallinmiinta iyo dhakhaatiirtu
iyagoo aqoon guud oo heer jaamacadeed leh, ayuu
haddana mid waliba maado gaara ku howl gallaa,
kuna shaqeeyaa.
Wariyahu, waa inuu ogaada shaqada warbaahintu
inay tahay badweyn kala duwan , islamarkaana uu
ka cayaari karo ama uu ka gali karo kaalinta
hibadiisa ku habboon tahay.
Ma ahaan shaqada warbaahintu, warar dhimasho,
dhaawac, iyo dhiillo xambaarsan oo dhagaha
dhagaystayaasha loo soo bandhigo oo kaliya.Ma
ahaan wariyahu inuu kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku
koobo dhacdooyin maalin leh ah.
Wariyaha aqoonta iyo hal abuurka leh, waa kan
awooda u leh inuu diyaariyo wararka iyo
barnaamijyo kala duwan oo ka warramaya
dhacdooyin tagay iyo kuwo hadda taagan.
Wariyahu, waa in uu noqdaa qoraa sare,
xeeldheeree, aqoon baare, raadraace iyo
falanqeeye ka faalooda.
Arrimaha bulshada,
Siyaasadda,
Dhaqaalaha,
Deegaanka,
Taariikhaha iyo
Dhaqanka iyo
suugaanta.
Haddaba marka laga yimaado aqoonta iyo hibadda
qofka wariyaha u gaarka u leeyahay, waxaa jira
qoddobo kale oo lama huraan ah oo laga rabo
wariyaha isla markaana lafdhabar u ah tabta iyo
aqoonta warbaahineed,

You might also like