You are on page 1of 48

Awoodda Caqliga Dahsoon

1
Awoodda Caqliga Dahsoon

Awoodda Caqliga
Dahsoon
(The Power of
Subcouncious Mind)

Sida loo isticmaalo Awoodda Qarsoon ee


Caqliga Dahsoon

Waxa Qoray
James Thompson

Turjumaddii
Xamse Tudhaale

2
Awoodda Caqliga Dahsoon

1aad: Hordhac
Cutubka 2aad: Caqliga Soo jeeda
Cutubka 3aad: Caqliga Dahsoon
Cutubka 4aad: Dib u qaabaynta caqligaaga
Dahsoon
Cutubka 5aad: Isticmaalka Tiknoolajiyadda
si loo qaabeeyo Caqligaaga Dahsoon
Cutubka 6aad: Doorka Salaaddu ka
qaadato dib u qaabaynta caqliga Dahsoon

Turjumaha Buugga waxa aad kala soo xidhiidhi


kartaa: 00252634410163

Xog kooban oo ku saabsan Turjumaha Buugga


Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale) waxa uu ku
nool yahay Magaalada Hargaysa. Waxa uu
diyaariyay laba shahaado oo heerka koowaad
ah oo uu ka diyaariyay Jaamacadda Atlantic
International University iyo Amity University oo
uu ka kala diyaariyay (General Psychology
iyo Human Resource Management)

3
Awoodda Caqliga Dahsoon

Cutubka 1aad:
Hordhac

Waxa kugu dhex duugan awood dahsoon..


Awood aan la dhayalsan karin taas oo kuu
horseedaysa isbeddel nololeed marka aad
barato sida ugu wanaagsan ee loo
adeegsado. Awooddaasina waa caqligaaga
dahsoon.

Dadka badankiisu ma garanayaan awoodda


caqligooda dahsoon sababtuna waa in
aanay fahmin waxa uu yahay iyo sida uu u
shaqeeyo caqliga dahsooni.
Waxa laga yaabaa in lagu aaminsiiyey in
caqliga dahsooni yahay shay cajiib ah ama
mucjiso ah. Xaqiiqadu se waxa ay tahay
caqliga dahsooni waa qayb ka mid ah qaab
dhismeedka maskaxdaadu u shaqayso.
Xaqiiqatan caqliga dahsooni waa waa mid
aad u awood badan, waxa aanan ugu
yeedhaa Awoodda Qarsoon, sababtuna
waa in aanay dadka badankiisu garanayn
4
Awoodda Caqliga Dahsoon

sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo;


loogana faa’idaysto. Buuggani waxa uu
daaha kaaga qaadi doonaa sida loo
adeegsado awooddan qarsoon si aad
isbeddel wanaagsan ugu samayso
noloshaada.
Caqligaaga dahsooni waxa uu kaa caawin
karaa in aad xaqiijiso yoolashaadda, ka
takhalusto hab-dhaqannadaada aan
wanaagsanayn oo aad ku beddesho hab-
dhaqanno fiican, in aad wanaajiso sawirka
aad naftaada ka haysato, aad noqoto mid
hal-abuurnimo leh, awoodna u leh in uu
degdeg aqoon u kasbado iyo qodobbo kale
oo muhiim ah.
Marka aad baratid sida ugu habboon looga
faa’idaysto awoodda caqligaaga dahsoon,
waxa aad ka dhaxlaysaa farxad iyo
badhaadhe badan, guulo hor leh, dhaqaale
wanaagsan, caafimaad fiican iyo xidhiidh
awood leh oo ka qiimo badan intii aad
waligaaba filaysay.
Buuggan waxa aynu ku ogaan doonnaa
waxa uu yahay caqliga dahsooni, sida uu u

5
Awoodda Caqliga Dahsoon

shaqeeyo iyo sida looga shaqaysiiyo si aad


dib ugu qaabayso una noqdo mid aad ku
gaadho noloshii aad raadinaysay. Balse ka
hor inta aynaan bilaabin, aan kuu soo
bandhigo oo aan kuu caddeeyo shay inta
badan ay dadku ku dawakhaan. Marka aynu
ka hadlayno caqliga soo jeeda iyo caqliga
dahsoon, waxa muhiim ah in aad
ogsoonaato caqligu in uu mid kaliya isku
yahay balse uu halkaagaas caqli uu u
shaqeeyo laba qaab oo kala duwan,
waanan sababta ay culimada cilmu nafsigu
u siiyeen laba magac.. caqliga soo jeeda
iyo caqliga dahsoon.

Inta aad ku jirto akhriska Buuggan, waxa in


badan kugu soo noqnoqon doona labadan
magac ee caliga, balse waxa muhiim ah in
aanad ku dawakhin ee aad fahanto.gabi
ahaanba waxa ay qabtaan laba shaqo oo
kala duwan, balse waa isku hal xubin.

Cutubka 2aad:

6
Awoodda Caqliga Dahsoon

Caqliga soo jeeda


(Conscious Mind)

Ka hor inta aynaan u bogin awoodda


caqliga dahsoon, waxa aad muhiim u ah in
aynu fahanno astaamaha caqliga soo jeeda.
In kasta oo uu Buuggu ka hadlayo awoodda
caqliga soo jeeda, haddana waxa muhiim
ah in aynu ogaano qaybta kale ee caqliga
(Caqliga soo jeeda) si aynu fahan guud u
qaadano.
Astaamaha ugu muhiimsan caqliga soo
jeeda waxa ka mid ah in ay tahay qaybta
xakamaysa fikirrada kugu soo dhacaya iyo
shaqadooda. Tusaale ahaan, immika waxa
aad kor u qaadda gacantaada bidix, taasi
waa shaqo uu qabtay oo uu maamulay
caqligaaga soo jeedaa.
Caqliga soo jeedaa sidoo kale waxa uu
qaabilsan yahay fikirrada maangalka ah ee
maskaxdaada ka dhex guuxaya, waa
qaybta awoodda u leh in ay xaaladaha uga

7
Awoodda Caqliga Dahsoon

fikirto hanaan macquul ah, falanqaysa sidoo


kalena aad ku gaadho go’aanno xaqiiqada
ku salaysan.
Sidoo kale marka aad qiimayso
khaladaadkii aad samaysay tagtadaadii ee
aad wax ka barato, waxa aad ka
shaqaysiinaysaa qaybta caqligaaga ee soo
jeedda. Waqtiga aad dejinayso hadaf
mustaqbalka ay tahay in aad gaadho, waa
tusaale kale oo ku tusinaya in qaybta aad ku
fikiraysaa ay tahay qaybta caqligaaga ee
soo jeedda.
Mararka qaarkood waxa laga yaabaa in aad
maqasho qof odhanaya “ Waxa aan
gaadhay go’aan macquul ah” tani waa
awoodda caqliga soo jeeda. Waxa uu in
siiyaa awoodda aynu ku danayno xaaladda,
ku qiimayno xaqiiqooyinka, ku falanqayno
khataraha ee aynu ku go’aansanno in waxa
aynu aaminsan yahay uu yahay waxa ugu
wanaagsan. Sidoo kale waxa uu ina siiyaa
awoodda aynu meel iskugu keenno qorshe
aynu ka fikirnay si aynu u fulino oo tallaabo
u qaadno.

8
Awoodda Caqliga Dahsoon

Sida uu cajiibka u yahay caqliga soo jeedaa,


waxa kale oo uu leeyahay xad uu ku joogo
oo aanu dhaafi karin. Waxa uu leeyahay
caqliga soo jeedaa xusuus kooban, tusaale
side ayaa ay u dhacdaa in aad ilowdo qof
aad garanayso magaciisa ama
furayaashaad sidataya halkii aad dhigtay?
Tani waxa ay tusaale u tahay xusuusta
kooban ee caqliga soo jeeda.
Xadadka kale ee caqliga soo jeedaa waxa
ka mid ah in uu qaban karayo hawl kaliya
oo aanu shaqo labaad qaban karin, tusaale
ahaan adiga oo wax akhriyaya haddii uu qof
kula hadlo, waa in aad akhriska sii wadato
ama aad joojiso oo aad hadalka dhagaysato
kana jawaabto. Macquul maaha in aad laba
shaqo mar kaliya ku wada qaban karto
qaybtan maskaxda ee soo jeedda.
Kalmaddan (Soo jeeda- Concious) waxa ay
ka turjumaysa in aanu caqliga soo jeeda
qaban karin hawl aanu diiradda saarin ama
aanu u soo jeedin waqtina aanu galin. Waana
doorka uu qaadanayo caqliga dahsooni. Aynu
giijisanno suunka si aynu ugu gudubno qaybta
labaad ee ah Caqliga Dahsoon!

9
Awoodda Caqliga Dahsoon

Cutubka 3aad:

Caqliga Dahsoon (The


Subconcious Mind)

Halka uu ka yahay caqligaaga soo jeedaa


qaybta garaadkaaga ee aad ka war hayso
waxa ka dhex socda, qaybta aanad ka war
hayn ee caqligaaga ayaa loogu yeedhaa
Caqliga Dahsoon.
Qaybtani waxa ay shaqaysa 24-ka
saacadood ee habeenkii ilaa maalintii, waxa
aanay qaban kartaa shaqooyin badan oo
aan xaddidnayn mar kaliya. Waa sida
koombuutar ka dhex shidan qaybta danbe
ee maskaxdaada. Waxa ay si joogto ah u
xakamaysaa hawlaha aad ku qabanayso
mooganaanta, sida: caadifadaha iyo
caadooyinka. Marka aad soo jeeddo iyo
marka aad hurudaba caqligaaga dahsoon
waxa uu u shaqaynayaa si joogto ah isaga
oo xakamaynayaa dhammaan shaqooyinka
muhiimka ah ee ka dhex socda jidhkaaga,

10
Awoodda Caqliga Dahsoon

iyada oo aanay caawinayn qaybta kale ee


soo jeeddaa (Conscious mind)
Uma baahnid in aad ka fikirto neefsashada
si aad uga shaqaysiiso wadnahaaga, si aad
u dheefshiiddo cuntadaada, si aad u
libiqsato, iyo hawlo kale oo fara badan oo
jidhka ka dhex dhaca. Dhammaan hawlahan
oo dhan waxa si joogto ah masuul uga ah
qaybta garaadka ee dahsoon marka aad
hurudid iyo marka aad soo jeeddaba.
Caqligaaga dahsooni, waxa uu si joogto ah
ula xidhiidhayaa unug kasta oo jidhkaaga ku
jira, isaga oo ka warqaba waxa ku dhex jira,
sidoo kalena u diraya shaqada ay tahay in
uu qabto. Caqliga dahsooni waxa uu masuul
ka yahay oo kale hawlaha joogtada ah ee
ay tahay in uu barto ama la qabsado
caqligaaga soo jeedaa.

Haddii aan soo qaato tusaale ku saabsan


barashada kaxaynta baabuurta, bal ka fikir
waqtigii ugu horaysay ee aad baranaysay
sida gaadhiga loo kexeeyo, waa in aad si

11
Awoodda Caqliga Dahsoon

taxadar leh uga fikirta waxa kasta oo aad


samayn jirtay waqtigaas!
Waxa aan xasuusta waqti aan inantayda
barayay gaadhi kaxaynta, dhawr sanno ka
hor, waxa aan ku odhan jiray “ immika waxa
aynu u leexanaynaa midigta wada inagu
soo wajahan, ka qaad lugtaada leebarka,
shido bidhbidhaha.. biriiga qabo.. u leexi
taayirka midigtaada.. immika toosi
shookaanta.. ka qaad lugtaada biriiga oo
saar leebarka.”
Sidoo kale waa in ay iyada oo soo jeedda
ka fikirtaa tallaabada ay qaadayso sidoo
kalena aan u hagaa si soo jeedda. Markii ay
dhammaysatay hannaanka barashada ee
soo jeeda (Conscious Learning Process)
waxa maskaxdeeda ku dhaadhacay
tilmaamihii sidoo kalena waxa tallaabo
tallaabo ula qabsatay qaybtii maskaxda ee
dahsoonayd, sidaa darted uma baahna in
ay ka fikirto tallaabada ay qaadayso.
Waqtigan aynu joogno waa dirawalad
dhammaystiran, badanka qaabka ay u
kaxaynayso gaadhigana uma baahna in ay

12
Awoodda Caqliga Dahsoon

ka fikirto oo waxa maamulaya caqligii


dahsoonaa.
Dhammaan xirfadaha iyo wax kasta oo aad
baratay waxa uu dabaqayaa qaabkan ah in
aad marka hore ka barato qaybta maskaxda
ee soo jeedda marka danbe ee uu u
dhaadhaco maskaxda qaybta dahsoonna
uma baahnid in aad ka fikirto oo
masuuliyaddaas waxa la wareegaysa
qaybta dahsoon ee garaadka adiga oo aan
dhaadayn baanad samaynaysaa, tusaale
ahaan Dabaasha, Baaskiilad kaxaynta,
xidhashada kabahaaga. Sababta ugu weyn
ee aad u baratay xirfadahanina waa in aad
ku celcelisay marar badan adiga oo
isticmaalaya garaadka soo jeeda. Ku
celcelintu waa mid ka mid ah furayaasha
ugu muhiimsan ee lagu qaabeeyo caqliga
dahsoon (aad u xusuusnoow qodobakn
ku celcelinta waxa aynu kaga hadli
doonnaa qaybabaha danbe ee Buugga)
Waa kuwan astaamo kale oo uu leeyahay
caqliga dahsooni: waxa aan ku soo sheegay
cutubkeenii hore ee aynu soo dhaafnay in
caqliga soo jeedaa uu yahay qaybta
13
Awoodda Caqliga Dahsoon

falanqaynta, qiimaynta iyo odoroska ee


maskaxdaada halka uu caqliga dahsoonina
ka yahay qaybta Dareenka/caadifaada ee
maskaxdaada, waa isha ay ka soo
burqadaan dhammaan caadifadahaagu,
sida Jacaylka, Nacaybka, Niyad jabka,
Hinaasaha, Murugada, Cadhada iyo
Farxadda. Sida ku celcelinta oo kale
caadifadduna waa mid ka mid ah
furayaasha dib u qaabaynta garaadka
dahsoon.
Sidoo kale sidii aan hore ugu soo sheegay
cutubkii hore waxa aan carrabaabay in
caqliga soo jeedaa uu leeyahay xusuus
xaddidan balse lama mid ah caqliga
dahsooni oo waxa uu leeyahay kayd
xusuuseed aan xadidnayn. Xaqiiqdii wax
kasta oo aad soo martay intaad noolayd (
laga soo bilaabo dhalashadaadii) waxa ay
ku kaydsan yihiin caqligaaga dahsoon sida
cod kasta oo aad maqashay, wax kasta oo
aad la kulantay, wax kasta oo aad
maqashay iyo dareen kasta oo aad
dareentay. Haddii aad u soo dhawaado
shaqada shaqooyinka kale ee uu qabto

14
Awoodda Caqliga Dahsoon

caqliga dahsooni waa kuwan muhiimka ah,


sida in uu yahay barta ay ka soo
abqaalmaan aaminadahaagu oo ay ka mid
yihiin in aad isku aragto qof leh hal-
abuurnimo ama se aan lahayn, mid caqli
badan ama aan caqli badnayn, mid
guulaystay ama aan guulaysan, mid aan la
jeclaan karin ama la jeclaan karo.
Dhammaan aaminadahan ka soo
abqaalmay caqligaaga dahsoon ee ku
saabsan naftaadu waa natiijada dhammaan
wixii aad soo martay nolosha. Tani waa mid
aad muhiim u ah in aan ka warqano oo aan
u fiirsano sababta oo ah marka aynu
waynaano waxa aynu la noolnahay aragtiyo
taban oo aynu ka haysano nafteenna iyo
aaminaado ku dhex jira caqligeenna
dahsoon, kuwaas oo aynu la soo kulannay
sannadadii yaraanteenna. Caruurtu
badankoodu waxa ay la kulmaan kalmado
aan wanaagsanayn kalmadahaas oo ku
beerma caqliga dahsoon ee ilmaha yar
kuwaas oo la socda noloshooda.
Ereyadan xun xun waxa laga yaabaa in ay
ku yidhaahdaan Ardayda ay isku fasalka

15
Awoodda Caqliga Dahsoon

yihiin, walaalahood, waalidiintood ama


macalimiintooda.
Waxaana ka mid ah:
Waxa aad tahay mid buuran
Waad fool xun tahay
Waxa aad tahay nacas
Waxa aad tahay mid caajis badan
Waxba kuma filnid
Waxba ma qaban kartid

Waxa aan sheegi karaa kalmado badan oo


noocan oo ah laakiin waxaan filayaa in aad
ila fahantay. Marka carruurta lagu celceliyo
ereyada noocan oo kale ah iyada oo
caadifadi la socot, waxa beermaya fikiro iyo
aaminaado aan wanaagsanayn oo taban
kuwaas oo ku kaydsamaya caqliga dahsoon
ee ilmaha yar waxa aanu caqliga dahsoon u
haysanayaa wax dhab ah oo jira.
Carruurta oo kaliya maaha kuwa la kulma
xaaladahan tabani balse waqtiga aad

16
Awoodda Caqliga Dahsoon

waynaato xaaladaha taban ee aad la


kulantaa waxa ay ku dhaxalsiin karaan isla
qodobkaynu ka hadalnay.
Aaminaadaha aad naftaada ka qabto ee ku
jira garaadkaaga dahsoon waxa ay
saamayn wayn ku leeyihiin xaqiiqada aad la
kulanto noloshaada. Haddii aad caqliga
dahsoon ku sidato aaminaado taban oo
naftaada ku saabsan, waxa aad si dhab ah
ula kulmaysaa aaminadahaas oo dhab ah,
balse haddii aaminaadaha caqligaaga
dahsoon ku jira ee ku saabsan naftaadu
yihiin kuwo wanaagsan waxa aad si dhab
ah ula kulmi doontaa isla aaminadaahaas
inta aad nooshahay.
Sababtu waa in xaqiiqada aad ku
nooshahay ay la mid noqonayso sawirka
aad maskaxdaada ku haysato. Aan ku
celiyo mar labaad qodobkan, waayo waa
mid xasaasi ah xaqiiqada aad ku
nooshahay waxa ay la mid noqon
doontaa aamindaaha iyo sawirka
maskaxdaada ku jira oo macnaheedu
yahay hadba wixii maskaxdaada kuugu jira
ayaa ay noloshaaduna u eekaanaysaa.
17
Awoodda Caqliga Dahsoon

Waatan sida ay u shaqaynayso arrintani,


waxa aan hore u soo sheegay in caqligaaga
dahsooni uu xakameeyo ficiladda aad u
qabanayso mooganaanta, taas oo aan ku
koobnayn oo kaliya neefashada iyo garaaca
wadnaha balse ay ku jiraan ficilladaada iyo
hab-dhaqannadaadu, waxaanay u
maamulaysa hab-dhaqannadan iyo
ficilladan iyada oo ku sidkaysa
aaminaadaha naftaada aad ka qabto eek u
kaydsan caqligaaga dahsoon.
Aan ku siiyo tusaaleyaal kooban:

• Haddii aad aaminsan tahay in aad


tahay qof xun waxa uu caqligaaga
dahsooni kuu horseedi doonaa in aad
samayso waxyaabaha kaa dhigi kara
qof xun

• Haddii uu ku jiro fikir caqligaaga


dahsoon in aad tahay fiqiir ama in aad
noqoto qof hanti leh, caqligaaga
18
Awoodda Caqliga Dahsoon

dahsooni waxa uu kugu sababi


doonaa in aad khasaariso
kharashaadka ku soo gala oo aad u
maarayso hannaan liita. Ama waxa uu
kuu sawiri doonaa caqabado kaa
dhiga fiqiir, sababtuna waa in
awooddadu la heer noqonayso
fikirkaagaas

• Haddii uu ku jiro fikir caqligaaga


dahsoon oo ah in aan lagu jeclayn
waxa uu garaadkaaga dahsoon kugu
sababi doonaa in aad ka fogaato
dadka ama aad burburiso dhammaan
xidhiidhada aad leedahay

• Haddii uu ku jiro fikir caqligaaga


dahsoon kaas oo ah in
caafimaadkaagu liito ama aad ku jirto
xaalado caafimaad oo halis ah waxa
uu ku sababi doonaa caqligaaga
dahsooni in aanu si wanaagsan u
shaqayn difaacaaga jidheed, taas oo
ka dhigi doonta qof xanuusanaya
19
Awoodda Caqliga Dahsoon

Waxa aan rajaynayaa in aad fahan kugu


filan ka qaadatay tusaalayaashan. Fikir
maskaxeedka dahsoon ee ku saabsan
sawirka aad naftaada ka haysato waxa uu
kuula muuqanaya mid xaqiiqo ah. Markaa
hadii aanad ku faraxsanayn xaalad fikir ee
aad ku sugan tahay waxa aad u baahan
tahay in aad bedesho sawirka khaldan ee
ku jira caqligaaga dahsoon.
Marka aad bedesho aragtiyahan taban ee
caqligaaga dahsoon galay kana dhigto kuwo
togan oo wanaagsan waxa isbeddeli doonta
xaqiiqada aad ku nooshahay iyo xaalladda
aad ku sugan tahay. Waana taas awoodda
qarsoon ee caqliga dahsooni, waana waxa
aynu kaga hadlaynu kuna sharraxayno
dhiganahan.
William James, aabihii kasmo nafeedka/
cilmu nafsiga maraykanka ayaa yidhi
“Isbeddelka ugu weyn ee jiilkeenu waa
helitaanka in aadamuhu bedelista ay
beddelayaan hab-fikirkooda gudeed ee

20
Awoodda Caqliga Dahsoon

garaadku uu beddeli karayo qaybaha


dibadeed ee nolosha”
Tani maaha fikir cusub balse xaqiiqo
nololeed biyo kama dhibcaan ah oo aadmigu
ku soo dhaqmayay kumanaan sanno.
Caqabada jirta ayaa ah ma dabaqno talooyinka
noocan oo kale ah ee ina anfacaya.
Ujeedkayga aan u qoray Buuggan ayaa ah in
aan idinka caawiyo ka shaqaysiinta xaqiiqadan
nololeed si aad u samaysan isbeddel
wanaagsan oo nololeed. Cutubkan soo
socadana waxa aan idiinku sheegi doonaa
hannaankii aad u dabaqi lahaydeen.

21
Awoodda Caqliga Dahsoon

Cutubka 4aad:

Dib u qaabaynta Caqliga


Dahsoon

Immika waxa aan rajaynayaa in aad ka


dharagsan tahay muhiimadda ay leedahay
in aad ka saarto garaadkaaga dahsoon
aaminaadaha iyo sawirka taban ee aad
naftaada ka haysato adiga oo ku beddelaya
aaminaado iyo sawir nafeed togan. Laakiin
side ayay suurto gal u noqonaysaa in aad
sidaas yeesho?
Waxa jira qaabab kala duwan oo loo dib u
qaabayn loogu sameeyo garaadka
dahsoon, balse qaabka aan doonayo in aad
kuugu soo gudbiyo Buuggan ayaa ah
hannaanka ugu fudud ee aan aaminsahay
in uu si toos ah dib u qaabayn ugu
samaynayo garaadkaaga dahsoon.

22
Awoodda Caqliga Dahsoon

Xaqiiqdii, hanaankani waa mid aad u fudud,


balse waxa laga yaabaa in aad ka fikirto in
aanu shaqaynayn. Balse waxa aan kuu
caddaynayaa in uu shaqaynayo oo aan
tijaabiyay. Haddii se aad wali ka shakisan
tahay in aanu shaqaynayn, waxa aan ku
leeyahay laba kalmadood oo ah
TIJAABI..TIJAABI LIX BILOOD OO KALIYA,
deetana bal naftaada is barbar dhig marka
ay kuu dhammaadaan lixdaas bilood ka hor
iyo ka dib.
Marka aad sidaas samayso, waxa aan huba
in aad aamini doontid hannaankan.

Qaabkani waxa waxa uu ku qotomaa in aad


samayso oo aad habayso qirashooyin ama
kalmado is dhiirrigelin ah kuwaas oo ah
kuwo togan (adiga oo ka faa’idaysana
garaadkaaga soo jeeda)
Waxa aad ku qortaa kalmadahaas
dhiirrigelinta ah warqad deetana si ula kac
ah u akhri si aad ula falgaliso kalmadahaas
oo aad ugu xasiliso garaadkaaga dahsoon.
Isla waqtiga uu garaadkaaga dahsooni
23
Awoodda Caqliga Dahsoon

aqbalyo kalmadahan cusub, waxa uu


meesha ka saarayaa aaminaadihii hore ee
khaldanaa ee hore uu u qabatimay, tanina
waxa ay keenaysa in uu hab-fikirkaagu
isbeddelo si uu u aqbalo sawirka cusub ee
aad naftaada ka haysato ee ku abqaalmaya
caqligaaga dahsoon. Xusuusnoow,
fikirkaagu waxa uu aqbali doonaa
muuqaalka cusub ee aad naftaada ka
aaminayso. Immika bal aynu yar falanqayno
hawshu sida ay u dhacayso…. Tallaabada
ugu horraysa ee ay tahay in aad qaado
ayaa ah in aad soo qaadato qalin iyo
waraaq oo aad fadhiisato, deetana aad
bilowdo qaabaynta nolosha aad rabto in aad
ku noolaato.
Hannaanka aad sidaas u samaynaysaana
waa in aad qorto kalmado dhiirrigelin ah oo
cabiri kara noloshaada iyo qofka aad rabto
in aad noqoto. Waxa aad wax ka qoraysa
dhammaan qaybaha kala duwan ee
noloshaada sida Dhaqaalahaaga,
Xidhiidhkaaga, Caafimaadkaaga, qaabkaad
sadaqada u bixiso, sida aad ruuxda u
kobciso, Guriga aad ku nooshahay,

24
Awoodda Caqliga Dahsoon

Gaadhiga aad wadato, qaab nololeedkaaga,


in aad tahay qof wax jecel waxna bixiya, inta
aad safartay, halka aad u safartay,
shaqadaada.. I.W.M
Marka aad intaas qorto, waxa aad
qaabaysaa sida aad u doonayso in ay
noloshaadu noqoto, immisa kalmadood
ayaad qori? Ma jirto tiro mucjiso ah ama ay
tahay in aad qorto oo aan kuu shegayo,
balse waxa aan kugula talinayaa in aad
qorto kalmado badan (12 kalmadood) oo
dhan walba ka taabanaya noloshaada.
Sababta aan sidan kuu leeyahayna waa in
aad aad si fiican uga baaran dagto qaybaha
kala duwan ee noloshaad rabto in aad
samaysato kuuguna fududaato in aad mar
walba xusuustaada ku soo celceliso. Ma
rabo in aan kuu yeedhiyo nooca kalmadaha
aad isticmaalayso, balse waxa aan kaa
siinayaa tusaaleeyaal, si aad u samaysato
kuwo noloshaada la jaanqaadaya.

Waa kuwan tusaalayaashu:

25
Awoodda Caqliga Dahsoon

- Waxa aan leeyahay ganacsi guulaystay


- Waxa aan baxay safarro kala duwan. –
Waxa aan ku noolahay gurigaan
rajaynayay. - - Waxa Alle iigu naxariistay
qoys qurux badan – Waxa aan ahay
Hooyo wanaagsan – Waxa aan ahay Aabe
wanaagsan. – Lacagta waxaan u helaa si
fudud. – Waxa aan haystaa lacag badan. –
Waxa aan bixiyaa sadaqo badan. –
Caafimaadkaygu waa mid dhammaystiran.
– Difaacayga jidheed waa mid xooggan. –
Jimicsiga waan ku raaxaystaa. – Wax
akhriska waan ku tamariyaa
- Waxa aan ahay mid naxariis badan. –
Asxaabtayda iyo Ehelkayga waan jeclahay
– Waxa aan haystaa asxaab wanaagsan. –
Waxa aan haystaa qoys I jecel, Dadka kale
waxa aan siiyaa farxad iyo niyad dhis.
Kuwani waa tusaaleyaal uun, muhiimaddu
waa in aad qaabaysato nolosha aad rabto
26
Awoodda Caqliga Dahsoon

iyo qofka aad rabto in aad noqoto. In kasta


oo aanay ku khusayn qoraalada sare ee
tusaalaha ah qaarkood, waxa aan rabaa in
aan kuu sheego laba qodob oo muhiim ah
oo ku jira.
Ugu horrayn dhammaantood waa kalmado
ka turjumaya taaganta ama waqti xaadirkan,
kalmadaha aad qoraysid dhammaantood ha
ahaadaan kuwo ka turjumaya waqti
xaadirka aad taagan tahay, maaha inay
ahaadaan qaar tagtadii ama timaadada ka
hadlaya, taas oo kaa dhigaysa in aad tahay
qof haysta nolosha uu ku haminayo.
Caqliga dahsooni waxa uu aqbalaa
kalmadaha ka turjumaya waqtiga aad
nooshahay (Present) sidaa darteed waa in
aad waafajisaa kalmadahaaga kana dhigta
kuwo ka turjumaya taagantaada.
Haddii yoolkaagu yahay in aad qorto Buug,
waa in aad tidhaahdaa “ Waxa aan ahay
qoraaga Buugtiisu ugu iibsiga badan yihiin”
intii aad qori lahayd “ Waxa aan qori doonaa
Buug sannadkan soo socda”

27
Awoodda Caqliga Dahsoon

Qodobka labaad ee ay tahay in aad ogaato


ayaa ah waa in dhammaan kalmaduhu
ahaadaan kuwo togan (Positive) Kalmadaha
tabani waa in aanay ku jirin liiskaaga
qoraalka. Qaar ka mid ah culimada kasmo
nafeedka/cilmi nafsiga ayaa aaminsan in
caqliga dahsooni aanu arag ama aanu
maqal kalmadaha taban sida “ma/not”
waxaana uu u turjuntaa si kale oo khatar
kugu noqon karta oo ah haddii aad
tidhaahdo “ Anigu ma baqanayo” caqligaaga
dahsoon waxa uu u bedelayaa “ waan
baqayaa” oo waxa uu ka boodaya (Ma).
Sidaa daraadeed waxa aad tidhaahdaa oo
aad u bedeshaa “ Waxa aan ahay qof
dhiirran oo isku kalsoon”
Ha werwerin waxa laga yaabaa in ay waqti
kugu qaadato in aad la timaaddo kalmado
habaysan oo noloshaad rabto ka turjumaya.
Waa arrin wanaagsan in aad maalmo ku
qaadato sidii aad u sixi lahayd liiskaaga.

Hannaanka aad u soo bandhigayso


kalmadahaaga dhiirrigalineed waa mid aad

28
Awoodda Caqliga Dahsoon

u awood badan, sababtuna waa in aad


go’aansanayso sidii ay noloshaadu u
eekaan lahayd. Sidoo kale waxa bannaan in
aad marba marka ka danbaysa aad dib u
qaabayso kalmadahaaga.
Xaqiiqatan, tani waxa ay muujinaysa in aad
la qabsatay hawsha hannaanka shaqana uu
si fiican u shaqaynayo, sababta oo ah waxa
ay la micno tahay in ay fiican kuugu
caddaanayso sida aad rabto in noloshaadu
kuu noqoto.
Haddii aad dareento mid ka mid ah
kalmadahaagu in aanay dabaqayn
noloshaada iska tuur ama dib u qaabee
kuna dar qoraallo cusub waqtiga aad
doonto.
Immika, marka aad qaabayso liiskaaga
kalmadeed, maxaa aad ku qabanaysaa?
Halkani waa halka uu ka bilaabmayo
xiisuhu, sababtuna waa in aad bilowday
hannaankii caqligaaga dahsoon ugu xasilin
lahayd.

29
Awoodda Caqliga Dahsoon

Waxa ay tahay in aad samaysana waa in


aad laba jeer maalintii, in aad qaadato
nasasho, maskaxdaada aad nadiifiso oo
aad diiradda saarto kalmadaha ku qoran
liiskaaga. Sawiro adiga oo yeeshayba hab-
dhaqannadan gaadhayna yoolkaagii.
Niyayso adiga oo hawlihii qabanaya,
noqdayna qofkii aad rabtay in aad noqoto.
Adiga ayaa ay ku jirta waqtiga aad u
qorshaysay in aad waqti ku qaadato
liiskaaga, laakiin badanka waxa la sheegaa
in waxa ugu horreeya ee aad aragto/ qabato
Subaxdii iyo ka hor inta aanad seexan
habeenkii ay yihiin wax saamayn kugu
yeesha. Labadaas waqtina ay yihiin kuwa
ugu wanaagsan. Sababtuna waa in
garaadka dahsooni diyaar u yahay in uu
qaato wixii lagu shubo ama loo sheego
waqtiyadaas.
Marka laga yimaaddo waqtiga aad
samaynayso sidan, waxa muhiim ah in ku
qaabisho xaalad deggenaan kalmadahaaga
marka aad akhrinayso. Sababtuna waa in
deggenaantu furto albaabka laga galo
caqliga dahsoon.
30
Awoodda Caqliga Dahsoon

Marka aad dejiso maskaxdaada ee aad


abuurato deegaan bilaa sandhaq iyo buuq
ah, fikirrada iyo sawirrada aad diiradda
saartaa waxa ay noqdaan kuwo ku negaada
oo saldhiga caqligaaga dahsoon.
Sidaa darteed waa in aad laba jeer ( Mar
Subaxdii ah iyo Mar Habeenkii ah) aad
heeshaa deegaan deggan, waxa aanad
dooran kartaa in aad fadhiisato ama aad
jiifsato sariirtaada ama goob ku habboon oo
deggan.
mar kasta oo aad ku celcelin karto
xusuusan kartana kalmadahaaga waxa ay
kuu samayn doonaan macno balaadhan
waqtiga aad fadhido, sababtuna waa in
marka aad fadhido ay fududahay in aad
akhrido oo aad ku celceliso. Balse haddii
aad qaybto uma baahnid inaad fadhidid.
Marka aad hesho meel deggan oo raaxo
leh, waxa aad qaadataa neef aad u qoto-
dheer, aayar u saar diiradda neefta aad
dibada u soo saarayso adiga oo si tartiib ah
u samaynaya, u kala bixi muruqyada
jidhkaaga si tartiib ah, marka aad dibadda u

31
Awoodda Caqliga Dahsoon

saarto neefta u danbaysa, cabbaar sii yar


jog, degdeg ha u boodin.
Marka aad aragto in aad dareemayso
deggenaan oo ay maskaxdaadu furan
tahay, bilow in aad akhrido kalmadahaagii
aad qaybtay, waxa aad u qaadi kartaa
codkaaga ama adiga oo aamusan ayaad
maskaxda ka akhriyi kartaa.
Waxa aad akhriyi kartaa indhahaaga oo
furan, ama indhahaada isku qaban kartaa
haddii aad qaybsan tahay, mar kasta oo aad
akhrido kalmad waa in aad sawirataa
xaaladda ay ka turjumayso ogsoonaataana
in ay tahay wax dhab ah, sababtuna waa in
in sawirashada ama niyaysigu ay muhiim u
yihiin halganka aad ugu jirto guushaada.
Caqligaaga dahsooni ma kala saari karo
waxa aad sawirato ama niyaysato iyo waxa
dhabta ah, isla waqtiga lagu celceliyana
waxa uu u qaadanay xog dhab ah waana
sababta uu si fudud ugu qaadan karo
qaabkan xog ku shubis ee cusub. Sidaas
darteed si balaadhan u niyayso
kalmadahaad akhriyaysaa waxa ay ka
turjumayaan una sawirataa si qoto-dheer; si
32
Awoodda Caqliga Dahsoon

fudud ayaanu ula falgali doonaa


dareenkaaga.

Tusaale ahaan, haddii aad akhriyayso


kalmadda ah “ waxa aan ku noolahay
gurigaan rajaynayay” isku day in aad
sharaxaad ka sii bixiso oo aad aad
tidhaahdo “ Waxa aan ku noolahay
gurigaygii aan rajaynayay oo eegaya
dhanka badda, waxa aan dareemaya farxad
in aad daaradda ka daawanayo mawjadaha
isku dhacaya uriyana neecawda ka soo
dhacaysa isla dhanka xeelliga.”
Isla marka aad leedahay kalmadahan, waxa
aad isku daydaa in sawirato sifo kasta oo
aad doonayso oo ku salaysan kalmadahan.
Aynu eegno tusaale kale… ka soo qaad in
ay kalmadahaaga ku jirto “waxa aan ku
guulaystay orodkii” waxa aad ku dari kartaa
ereyo afka aad kaga dartay oo sharraxaad
ah oo ay ka mid yihiin “ Waxa aad
dareemayaa farxad isla markaan ka soo
gudbay khadkii dhammaadka, saaxiibaday
iyo qoyskayga ayaa iigu hambalyaynaya

33
Awoodda Caqliga Dahsoon

guushan aan gaadhay” isla waqtiga aad


akhriyaysana sawiro adiga oo ordaya kana
gudbay khadkii dhammaadka, gacmaha kor
u taagay qoyskaaga iyo asxaabtaaduna kuu
sacabinayaan oo ay faraxsan yihiin.
In aad ku darto sawirashada, sharaxadda
iyo caadifadaha kala duwan eek u ladhan
kalmadahaad adeegsanayso, waxa aad
dardar galinaysaa kalmadahaaga oo marba
mark aka danbaysa kuu dhadhamo doona.

Waxa kale oo ay kordhinaysaa xawaaraha


iyo awoodda ay caqligaaga dahsoon ku
galayaan kalmadahani, saamayna ugu
yeelanayaan. Isla waqtiga aad
dhammaysato akhrinta kalmadahaaga
dhiirrigelinta ah, qaado neef aad u qoto-
dheer, fur indhahaagana; deetana shaqo
tag ama qabso hawlihii kuu yaalay, haddii
ay habeen tahayna toos u seexo.
Waxa jira waqti xaddidan oo ay tahay in
qaabkan u samayso hawsha, mararka
qaarkood waxa aad u akhriyi kartaa si
degdeg ah adiga oo akhrinaya dhawr mirir

34
Awoodda Caqliga Dahsoon

halka waqtiyada qaar ay tahay in aad


akhrido saacad badhkeed (30 mirir) waxa
aad ka dhigta wax aad samayso subax
walba iyo habeen kasta kuna darsato caado
maalmeedkaga sida cadayga, (Cuntada iyo
Tukashada Salaadda) ku celcelintan maalin
walba ahi waxa ay muhiim u tahay in uu
marka danbe si toos ah u qaato caqliga
dahsooni oo ay noqoto caado aanad joojin
Karin oo kuu fududaata taas oo isbeddel ku
samaysa hab-dhaqannadaada iyo hab-
fikirradaadaba.
Waxaana waajib ah in aad waddid hawshan
ilaa aad la qabsanayso, sababtuna waa in
aanu caqliga dahsooni haysan karin laba
fikir oo kala duwan mar kaliya.
Tusaale ahaan, waxa uu caqligaaga
dahsooni aamini doonaa in aad tahay qof
caqli badan ama qof aan caqli badnayn in
aad tahay. Labadaba ma wada qaadi karo,
markaa haddii uu fikirkii hore ugu jiray
caqligaaga dahsooni ahaa in aad tahay qof
aan caqli badnayn waxa uu caqligaaga
dahsooni haysan doonaa fikirkan ilaa laga
daba keenayo fikirka ah in aad tahay qof
35
Awoodda Caqliga Dahsoon

maskax badan oo uu masaxayo kan hore.


Isla waqtiga uu caqligaagu aqbalo fikirkan
cusub ee galay, waxa isbeddeli doona hab-
dhaqanadaadii iyo hab-fikiradaadii
isbeddelkuna waxa laga yaabaa in uu deg-
deg u dhaco, walaw badanka ay si tartiib
tartiib ah uu dhaco isbeddelku oo uu muddo
qaato. Mararka qaarkood isbeddelkaasi
waxa uu u dhaca hannaan aanad dareemi
karin oo dabeeci ah. Waa kuwan nooca
isbeddelo ee aad la kulmi karto.. waxa aad
heli doontaa kalsooni… waxa aad bilaabi
doontaa in aad aaminto in aad awood u
leedahay gaadhitaanka yoolalkaaga….waxa
aad isku arki doontaa qofkii aad rabtay in
aad noqoto.. waxa aad bilaabi doontaa in
aad qaado tallaabooyinkii ay ahayd inaad
qaaddo si aad u xaqiijiso yoolkaaga. Ku
nooloow hab-fikir togan xiitaa haddii aanay
hawluhu u qabsoomin sidii aad rajaynaysay
ama si ka dhakhso badan, sidoo kale waxa
muhiim ah in aad filasho yeelato ku saabsan
isbeddelada noloshaada ka dhacaya,.
Filashadu waa saadaal shiidaal u noqon
karaya caqligaaga dahsoon marka aad siiso
amarro. Isla waqtiga uu fisho caqliga
36
Awoodda Caqliga Dahsoon

dahsooni shay, waxa uu ka dhigaa wax


dhaca oo xaqiiqa.
Marka uu caqligaaga dahsooni aqbalo
aaminaadahan cusub, waxa kale oo muhiim
ah in uu qaado tallaabooyin miyir qab ah oo
ku sidkan yoolkaaga. Waxa aan hore u
isticmaalay tusaalaha ah in aad
kalmadahaaga dhiirrigelinta ah ka dhigatay “
Waxa aan ku guulaystay tartan orod”
tusaalahan isla waqtiga uu saldhigo
caqligaaga dahsoon, waxa aad is arki
doontaa adiga oo u fikiraya hannaan soo
jeedda oo qaadaya tallaabooyin aad iskugu
diyaarinayso tartan orod.
Waxa aad bilaabi doontaa in aad raadiso
tartan orod oo ka dhacaya halka aad ku
nooshahay; go’aansatana kay tahay in aad
ka qayb gasho.
Waxa aad diyaarsanaysa qorshaha tabobar
si aad u xaqiijiso hadafkan, hannaanka
noocan ah, caqligaaga dahsoon iyo
caqligaaga soo jeedaa waxa ay u wada
shaqayn doonaan si wada jir ah, si aad u
gaadho hadafkaas.

37
Awoodda Caqliga Dahsoon

Mar kasta oo aad raacdo hannaankan loogu


shubayo aaminaadahan iyo fikirradan cusub
caqligaaga dahsoon, si joogto ah isku
waydii; tallaabooyin noocee ah ayaa ay
tahay in aad qaaddo adiga oo soo jeeda, si
aad naftaada ugu dhaqaajiso jihada
yoolkaaga. Isla markaad sidan samayso,
waxa aad heli doontaa qaab kalsooni
cusboonaysiin ah oo aad ku xaqiijin karto
kuna gaadhi karto mid kasta oo ka mid ah
kalmadahaaga dhiirrigelinta ah ee aad
isticmaasho.
Ku faro adayg muddo lix bilood oo kaliya
hannaankan, deetana u fiirso isbeddellada
ka dhaca noloshaada. Isla waqtiga aad
sidan samayso waxa aad dareemi doontaa
awoodda qaabkan shaqo ay leedahay.

38
Awoodda Caqliga Dahsoon

Cutubka 5aad:

Isticmaalka
Tiknoolajiyadda Si Loo
Qaabeeyo Caqliga
Dahsoon
Cutubkii hore waxa aan kaga soo hadlay
qaabka aan aaminsahay in uu yahay ka ugu
fudud uguna awoodda badan ee lagu
qaabayn karayo hab-fikirrada ku jira caqliga
dahsoon, si uu qofku u nashqadeeyo nooca
nololeed uu rabo.
Waxa aan rumaysanahay, haddii aad
raacdo qaabkaas aan kaga soo hadlay
Cutubkii hore, in aad abqaali doonto
aaminaado iyo fikiro noloshaada u horseeda
isbeddelkii aad rajaynaysay. Haddaba
Cutubkanna waxa aan kaga hadli doonaa
qaab tiknoolajiyadeed la mid ah kii aan hore
uga soo hadlay, kani se waxa uu kaga
duwan yahay waa nidaam aad
adeegsanayso qalabka tiknoolajiyadda sida

39
Awoodda Caqliga Dahsoon

(Koombuutarrada iyo aaladaha kale ee wax


laga daawado.)
Waxa aad daawanaysaa muuqaal kooban,
marar badan oo maalintii iyo habeenkii ah,
adiga oo isticmaalaya (Laptop, Ipad ama
Smart Phone)
Noocan tiknoolajiyadeed waxa loogu
yeedhaa muuqaalka maskaxda (Mind
Movies) waxaana lagu duubayaa kalmadihii
dhiirrigelinta ahaa ee aynu kaga soo
hadalnay cutubkii hore iyada oo lagu dul
codaynayo sawiro aad dooratay. Waxa
aanad daawanaysaa maalintii iyo habeenkii
dhawr jeer si ay kalmaduhu ugu
dhaadhacan caqligaaga dahsoon.
Xusuusnoow in aan kuu sheegay marar kala
duwan in qaabka aad u noolaanayso ay ku
xidhan tahay sawirka ama muuqaalka
caqligaaga dahsoon ku jira ee aad naftaada
ka haysato iyo noloshaadaba.
Isticmaalka noocan tiknoolajiyadeed, waxa
uu horumarinayaa garaadkaaga dahsoon
sawirka aad ku haysato eek u saabsan
naftaada iyo noloshaada, sidoo kale waxa
40
Awoodda Caqliga Dahsoon

aad samaynaysaa seeska uu ka bilaabmayo


horumarkaaga shaqsiyeed.

Dadka qaarkood waxa ay wada


isticmaalaan qaabkii aan hore ugaga soo
hadalay Cutubkii hore iyo qaabkan immika
aynu ka hadlayno, halka kuwo kalena ay
isticmaalaan muuqaal maskaxeedka aynu
immika Cutubkan kaga hadlayno, si ay dib
ugu qaabeeyan fikirrada ku jira caqligooda
dahsoon.
Aniga ayaa isticmaalay qaabkan muuqaal
maskaxeedka ah, waxa aanu ahaa qaabkii
ugu awoodda badnaa ee aan isticmaalay
abid.
Tiknoolajiyadduna aad ayaa ay u
fududahay, haddii aad garanaysid sida loo
isticmaalo adiga ayaa samaysanaya
muuqaalka aad rabto ee adiga ku khuseeya,
adiga oo isticmaalaya barnaamijyada lagu
sameeyo muuqaallada.
41
Awoodda Caqliga Dahsoon

Qaabkan tiknoolajiyadeed waa mid aad


isticmaali karto haddii aad samaysan karto,
balse haddii aad ku daysato qaabkii hore ee
aynu kaga soo hadalnay Cutubkii (4 aad)
waa mid wanaagsan oo ku anfacaya,
isbeddel wax ku ool ahna ku dhaxalsiinaya.

42
Awoodda Caqliga Dahsoon

Cutubka 6aad:

Doorka Salaaddu Ka
Qaadato Qaabaynta
Caqliga Dahsoon

Cutubkan waxa aan ku falanqayn doonaa,


dooarka Salaaddu ka ciyaarta qaabaynta
iyo fikirk beddelka caqliga dahsoon.
Cutubkani waa mid ku saabsan qofka iyo
Iimaankiisa, haddii aad tahay qof aan Diin
haysan, maaha Cutubkani kaagii.
Waxa aan kula wadaagayaa sida Salaaddu
u awoodsiin karto dedaallada aad ugu jirto
in aad qaabayn ku samayso fikirrada ku jira
caqligaaga dahsoon.
Qodobka ugu muhiimsan ee ay taha in aad
ogaato, waa in dedaallada aad ugu jirto in
aad dib u qaabayn ugu samayso caqligaaga
dahsoon ay taageero weyn siin doonto
Salaadda aad tukanaysaa. Dedaalka iyo
Salaaddu waa kuwo si wadajir ah u wada

43
Awoodda Caqliga Dahsoon

shaqaynaya si aad u gaadho isbeddelka


aad u baahan tahay.
William James oo ah aabihii kasmo
nafeedka/Cilmu nafsiga ee Maraykanka
ayaa xaqiijiyay in caqliga dahsoon uu si
fudud u gali karo sawir kasta ama fikir kasta
oo uu Iimaan ku ladhan yahay.
Imaanku waa mid la isku wada waafaqay in
uu muhiim u yahay Salaadda oo haddii
aanu Iimaan jirin, Salaadduna macno ma
samaynayso. Imaankaaguna maaha mid jira
haddii aanu ku jirin Maskaxdaada soo
jeedda, sidoo kale caqliga dahsoon marka
uu Iimaanku galo, aad bay u adag tahay in
laga saaro.
Fiiro Gaar Ah: Qoraaga Buugan qoray
maaha Muslim, balse waxa uu qirayaa
awoodda uu leeyahay Iimaanku iyo in uu
qofku Tukado Salaadda, walaw uu u jeedo
isagu Salaadda Kiristanku tukadaa. Waxa
aynu ka fahmi karnaa oo aynu dareemi
karnaa Muhiimadda ay inoo leedahay ka
muslim ahaan in aynu xoojino Iimaankeena
joogtaynana cibaadada, si uu aynu isbeddel

44
Awoodda Caqliga Dahsoon

ugu samayno nolosheenna una qaabayno


hab-fikirkeenna. Isku mid ma aha qofka
cibaadada badan ee ooga Salaadaha iyo
waajibaadka kale ee Alle (S.W.T) ina faray.
Muhiimadda Cutubkan aan u soo qaatayna
waa inaynu ku baraarugno Muhiimaadda
Iimaanka iyo Cibaadadu u leeyihiin
isbeddelka qofka ee dhanka Garaadka.

45
Awoodda Caqliga Dahsoon

Cutubka 7aad:

Soo Koobid:

Waxa aan rajaynayaa in aad ka qaadatay


faham buuxa, waxa uu yahay Caqliga
dahsooni, sida uu u shaqeeyo iyo hubka
ugu culus ee la adeegsado in uu yahay
marka aad rabto in aad isbeddel ku
samayso noloshaada.
Waxa aan kugu dhiirrigelinayaa in aad
immika bilowdo sidii aad caqligaaga
dahsoon ugu shubi lahayd fikirro iyo
aaminaado kaa caawiya in aad hadafkaaga
gaadho.
Qaabka aad u bilaabaysana waa in aad
adeegsato siyaabihii kla duwanaa ee aan
kaga soo hadlay Cutubkii 4 aad.

Tixraacyo:

46
Awoodda Caqliga Dahsoon

Aqoonta iyo fahamka aan u leeyahay


Caqliga dahsoon iyo sida uu u shaqeeyo
waxa sabab u ahaa Buugaag badan oo aan
daraaseeyey iyo Koorasyo kala duwan oo
aan qaatay muddo sannaddo ah. Ma wada
xusi karo dhammaan balse waxa aan rabaa
in aan si gaar ah u xuso kuwan:

1. The Power of Positive Thinking, by


Dr.Norman Vincent Peale
2. The Genie Within, by Harry W . Carpenter
3. As a Man Thinketh, by James Allen
4. The Power of Your Subconscious Mind, by
Joseph Murphy
5. The Knack of Using Your Subconscious
Mind, by John K. Williams
6. It Works, by R.H. Jarrett
7. Self-Mastery Through Self-Hypnosis, by Dr.
Roger Bernhardt and David Martin
8. The Biology of Belief, by Dr. Bruce Lipton
Lead the Field, by Earl Nightingale

47

You might also like