You are on page 1of 11

Dastuurka Somaliland

Xubinta 2aad
Mabaadi’da guud
Qodobka 8aad
Sinnaanta muwaadiniinta

1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn


midabka ,qabiilka ,dhalashada ,luqada ,lab iyo dhedig,mudnaanta ,afkaarta iwm ,waxay
sharciga hortiisa kuleeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman

2. Kala sarraynta iyo takoorka kusalaysan issirka ,abtirsiga,dhalashada iyo deegaankau waa
reebban yihiin,isla markaana barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xun xun eesoo
jireenka aa waajib qaran

3.Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo
waajibaad la siman ta muwaadiniinta,oo ay ka reebantahay xuquuqda siyaasiga ah ee ugaarka
muwaadinka

Qodobka 9aad
Nidaamka siyaasadeed
1. Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig uah
nabad ,talo wadaag ,dimuquraadiyad iyo hanaanka xisbiyada badan

2.tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka jamhuuriyadda Somaliland kama


badnaan karaan saddex xisbi

3.iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah ,waxa reebban in
xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaallad

Qodobka 10aad
Xidhiidhka dibadda
1.jamhuuriyadda Somaliland waxay dhawraysaa heshiisyaddii ay dawladii
hore loo odhan jiray soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye ,haddii
aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxada jamhuuriyadda Somaliland

2.jamhuuriyadda Somaliland waxay aqoonsan tahay kuna dhaqmaysaa


axdiyadda qaramada midoobay iyo qaanuunka caalamiga ah ;waxa kale oo
ay xurmaynaysaa baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga
3.jamhuuriyadda Somaliland waxay aaminsantahay mabaadi ‘da aayo ka
talinta ummaddaha adduunka
4.waxay aaminsantahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallili
karo dariiq nabadeed iyo wada hadal ah ;waxayna dhowraysaa soohdimaha
dalalka kale
5.waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtey eeee dhex ooli jirtey dalalka
geeska afrika lagu beddelo is afgarad iyo isku soodhawaansho
6.somaliland waa jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah ummadda
carbeed ,shucuubta afrika iyocaalamka islaamka
7.dawlada jamhuuriyadda Somaliland waxay kazoo horjeeda falalka
argagixisanimada iwm
Qodobka 11aad
Dhaqaalaha dalka

1.si loo xaqiijiyo kobcinta wax soosaarka ,kor uqaadida heerka


nolosha ,abbuuridda goobo shaqo ,iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha
dalka ,dwladu waxay dajinaysa siyaasadda guud ee dhaqaalaha ,ooku
salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah
2.iyadoo la dhowrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda
dabaqado dhaqaale ookakooban qaar wax haysta iyo qaar aan wax haysan
dawladu waxay xaqiijinaysaa in aadeegyadda bulsho iyo fursadaha dhaqaale si
cadaalad iyo sinaana loo qaybiyo
3.maalgalinta shisheeyaha ee dalka gudihiisa dawladaa
damaannad qaadaysa

Qodobka 14aad
Cashuuraha ,takaaliifta iyo ribadda
1.waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo
maslaxada bulshada sidaa darteed lama qaadi karo ,cashuur ama takaaliif aan
xeer jidayn

2.ribadda iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib uleh


bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way
reebbanyihiin
SOO JEEDINTA =GUDDOON CABDILLAAHI
CABDI
Qodobka 15aad
Waxbarashada ,dhalinyaradda iyo isboortiga

1.dawladu waxay mudnaan gaara siinaysaa horumarinta ,ballaadhinta iyo


faafinta cilmiga ,iyadoo uaragta inay waxbarashadu tahay maalgalinta ugu
habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta
siyaasadeed,bulsho iyo dhaqaale
2.barashada iyo tarbiyada diinta islaamku waa dariiqad aasaasi
ah ;dhamaan heerarka waxbarashadana waa ku qasab ,isla markaana
horumarinta dugsiyada quraanku waa waajib qaran
3. si dhalinyaradda loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo
caafimaad qaba , korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda dawladu
waxay ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiirigalinta ciyaaraha jidhka
iyo isboortiga , kuwaasoo loo aqoonsan doono maadooyinka aasaasiga oo ka
mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawlada iyo kuwa kale
Qodobka 17aad
Caafimaadka
1. Dawladu iyadoo fulinaysa siyaasada daryeelka caafimaadka
guud ,waxa waajib ka saaran yahay ka haqabtirka dalka qalabka ka
hortagga cudurradda faafa ,helitaanka daawayn lacag la ‘aan ah iyo
daryeelka fayon dhowrka guud

2.dawlada waxa xil ka saarranyahay horumarinta iyo baahinta adeegyada


caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah .
Qodobka 18aad
Deegaanka iyo waxkaqabashada aafooyinka

1.dawladu waxay mudnaan gaara siinaysa ilaalinta iyo fayo qabka


deegaanka oo aasaas uah caafimaadka bulshada iyo dhawrista khayraadka
dalka .
2. aafooyinka dhaca sida abaaraha ,duufaanadda ,cudurradda faafa , dhul
gariirka iyo dagaalada waxay dawladu kayeelanaysaa ku talo gal .
Qodobka 19aad
Daryeelka qaybaha bulshada baylahsan

1. Dawladu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka ,daryeelka xanaanada


iyo waxbarashada hooyada ,dhalaanka ,naafada iyo dadka aan
xiskoodu dhammayn een lahayn awood iyo cid kafaalo qaada

Qodobka 20aad
Shaqada,farsamada ,daryeelka iyo badbaadinta shaqaaalaha
1. Shaqadu waa xaq uuleeyahay kuna waajib ah ,muwaadin kasta
oogudan kara .sida darteed ,dawladu waxay xil iska saaraysaa
shaqo abuuris iyo tayaynta tababaradda shaqaalaha
2. Shaqaaluhu waxay xaq uleeyihiin mushahar udhigma hawsha ay
qabtaan ,waxaanay qof ahaan ama urur ahaan la gorgortami
karaan loo shaqeeyaha ,waxaana reebban shaqada oo laysku
khasbi karo Shaqaalaha dawlada iyo xubnaha ciidamada qalabka
sida waxay xaq uleeyihiin gunnadda hawl gabka iyo kaalmada
bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka nafooba ooxeerka
waafaqsan
3. Dawladu waxay horumarinaysa habka taakulaynta ,caymiska iyo
badbaadinta shaqaalaha .

Soojeedinta =isxaaq xusseen

You might also like