You are on page 1of 22

Macallin Balcad

MacallinBalcad

Su’aalo iyo jawaabo maaddada saynis 8AAD

S1: waa maxay cudurada la is qaadsiiyo ?

j- waa cudur kasta oo kasoo gudba qof qaba cudurka una gudbi kara
qof aan qabin.

S2: waa maxay soore ?

j- waa marti galiyaha cudurka .

S3: waa maxay galmo ?

j- waa isku taga lab iyo dhediga.

S4- sheeg siyaabaha lagu kala qaado cudurada ?

j- hawada, biyaha, cuntada, galmada iyo cayayaanka.

S5- maxaa ka mid ah cudurada ku faafa hawada?

J5- hargabka, iyo bburukiitada.

S6- sheeg cudurada laga qaado galmada?

j- isfiilitada, jabtada iyo AIDS ka.

S7- side lagu kala qaadaa tiifowga ?

j- biyaha iyo cuntada wasaqeysan.

S8- yaa keena cudurka duumada ?

j- cayayaanka.

1
Macallin Balcad
MacallinBalcad

S9- waa maxay duumo ?

j- waa cudur halis ah kana mid ah xanuunada faafa.

S10- waa maxay deris ku noole ?

j- waa noole ku dul nool noole kale.

S11- waa maxay fansidaar ?

j- waa daawada ka hortaga cudurka duumada.

S12- maxaa sababa cudurka duumada?

j- balaas moodiyam.

S13- sheeg noocyada balaas moodiyamka?

j- balaas moodiyam falsibaram, balaas moodiyam ofeli, balaas


moodiyam fifakis iyo balaasmoodiyam malaariyo.

S14- yaa faafiya cudurka duumada ?

j- kaneecada dhediga ee loo yaqaano anoofalis.

S15- xagee weerartaa duumada ?

j- unugyada beerka iyo unugyada cascas ee dhiiga.

S16- sheek shank amid ah calaamadaha lagu garto cudurka


duumada ?

j- qandho, gariir, matag, murqo xanuun, iyo dhiigyaraan.

2
Macallin Balcad
MacallinBalcad

S17- sheeg dadka unugul cudurka duumada ?

j- caruurta da’dooda ka yartahay 5 sano iyo haweenka uurka leh.

S18- xagee ku nooshahay anoofalis?

j- meelaha biyo qabatinta, musqulaha iyo wabiyada.

S19- sheeg saddex ka mid ah siyaabaha ay ku gudubto


duumada?

j- in kaneecadu gudbiso , in xubno la iskugu deeqo iyo in cirbad la


isla wadaago.

S20- sheeg afar ka mid ah siyaabaha loogu hortagi karo cudurka


duumada ?

j- in musqulaha kalooriin lagu shubo, in la buufiyo guryaha, in maro


kaneeco la xirto, in daawada fansidaar loogu hortago.

S21- maxaa sababa cudurka waraabowga?

j- waxaa sababta bakteeriyada tareebanema balidam.

S22- maxuu ku bilowda cudurka waraabowga ?

j- boogo yar yar oo aan xanuun laheyn .

S23- xagee nabarada kasoo baxayaan heerka 2aad ee


waraabowga?

j- calaacasha iyo cagta.

3
Macallin Balcad
MacallinBalcad

S24- sheeg heerarka uu maro waraabowga ?

j- waxa uu maraa 3 heer.

S25- sheeg calaamadaha waraabowga heerkiisa 2aad ?

j- qandho, murqo xanuun, cuna xanuun tabardaro iyo daal.

S26- maxaa lagu daaweeyaa cudurka waraabowga ?

j- antibiotics.

S27- xagee ku dhacaa cudurka waraabowga heerka 3aad ?

j- wadnaha , xididada jirka, maskaxda iyo dareemayaasaha.

S28- maxuu keena cudurka waraabowga ?

j- naafanimo, dhimasho iyo waali .

s29- side lagu xakameynayaaa cudurka waraabowga?

j- in laga fogaado sinada .

S30- waa maxay jabot ?

j- waa caabuq lagu kala qaado galmada.

S31- maxaa sababa jabtada ?

j- bakteeriyada neyseeriya gonoriya.

S32- xagee ay jabtada kaga dhacdaa raga ?

4
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- waxee kaga dhacdaa kaadi mareenka .

s33- xagee kaga dhacdaa dumarka ?

j- waxee kaga dhacdaa qeybta hore ee ilmo galeenka iyo marinka


kaadida.

S34- sheeg halka ay saameyso cudurka jabtada ?

j- waxa ay saameysaa malawadka, futuda, cunaha iyo miskaha.

S35- maxay sababi kartaa jabtada hadii aan la daaweynin


bukaanka ?

j- waxee keeni kartaa xaalada caafimaad daro aad halis u ah.

S36- sheeg shank amid ah astaamaha lagu garto jabtada?

j- kaadida oo badata, cunaha oo xanuuna, qandho, madhalaysnimo


iyo kaadida oo gubta.

S37- immisaa maaalmood ayaa lagu ogaan karaa jabtada ?

j- ugu yaraan 14 maalmood.

S38- maxaa lagu daaweeyaa jabtada ?

j- jeermis dilayaasha antibiotics

s39- side lagu xakameyn karaa jabtada ?

j- in sinada la joojiyo oo laga fogaado.

S40- waa maxay aydhis ?

5
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- waa cudur dilaa ah.

S41- maxaa sababa aydhiska ?

j- fayriska lagu magacaabo HIV.

S42- maxaa laga soo gaabiyay erayga AIDS ?

j- Acquired Immune Deficiency syndrome.

S43- waa maxay micnaha ereyga aidska ?

j- waa caabuq difaaca aadamiga yareeya.

S44- maxaa laga soo gaabiyay ereyga HIV ?

J- human immune deficiency virus.

S45- waa maxay micnaha ereyga HIV ?

J- waa fayrus difaaca aadamiga yareeya.

S46- sheeg saddex ka mid ah sida lagu kala qaado AIDS-ka ?

j- in xubno la iskugu deeqo, in cirbad ama qalabyada cidiyaha lala


isticmaalo qofka qaba.

S47- sheeg shan ka mid ah astaamaah aydhiska ?

j- caabuq dhuunta ah , murqaha oo xanuuna, qufac qalalan , shuban


mudo dheer iyo tabar daro.

S48- sheeg labo ka mid ah sida lagu xakameyn karo aydhiska ?

6
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- in laga fogaado sinada iyo in aan la isticmaalin cirbadaha iyo


aagadaha dadkale isticmaaleen.

S49- maxaa loo adeegsadaa daawada ?

j- waxaa loo adeegsadaa in lagu daaweeyo cudurada.

S50- maxay daawadu ka badashaa jirka ?

j- waxa ay ka badashaa sida uu jirka u shaqeynayo.

S51- maxay daawadu u leedahay jirka ?

j- waxtar iyo waxyeelo.

S52- waa maxay talo bixinta dhakhtarka ?

j- waa qoraal tilmaamaya sida loo adeegsado daawada.

S53- maxuu tilmaamaa qoraalka dhaqtarka ?

j- waxuu tilmaamaa xadiga laga qaadanayo iyo mudada uu


adeegsanaayo .

s54- goormaa ay daawadu waxyeeleysaa jirka .

j- marka si qaldan loo adeegsado.

S55- sheeg saddex ka mid ah daawooyinka maskaxda


waxyeeleeya ?

j- waa daawooyinka xanuunka suuliya, daawooyinka keena saqrada ,


daawooyinka dajiyaasha.

7
Macallin Balcad
MacallinBalcad

S56- sheeg qeybaha uu dhulka ka koobanyahay ?

j- waxa uu ka koobanyahay biyo iyo barri.

S57- immisa biyo ah dhulka ?

j- 70%

s58- immisaa barri ah dhulka ?

j- 30%

s59- sheeg boqoleyda biya dhanaan ee dhulka ?

j- 97%

S60- waa maxay ilaalinta biyaha ?

j- waa beeqaaminta biyaha .

S61- waa maxay waraab dhibciska ?

j- waa buufinta biyaha.

S62- sheeg saddex ka mid ah faa’iidada uu leeyahay waraab


dhibciska ?

j- waxa uu si tooos ah biyaha u gaarsiiyaa xididka geedka,

- waxa uu badbaadin karaa 80% oo biyo ah

- waxa uuna yareeyaa biyo lunka iyo uumi baxa.

S63- waa maxay qabashada biyaha ?

8
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- waa keydinta biyaha .

s64- xagee lagu keydiyaa biyaha?

j- war iyo balli.

S65- sheeg noocyada waraabka ?

j- waa labo nooc oo kala ah waraab dhibcis iyo waraab daad

s66- xilligee ugu wanaagsan in la waraabiyo beeraha ?

j- subaxdi iyo habeenkii ama marka qabowga jiro.

S67- waa maxay dikhowga biyaha ?

j- waa wasaqeynta biyaha.

S68- sidee lagu ilaalin karaa biyaha lagu isticmaalo guryaha ?

j- in la xero tubooyinka marka la isticmaalo

s69- sheeg boqoleyda biyaha macaan ee dhulka ?

j- 1%

s70- waa maxay uumi bax ?

j- waa is beddel tartiib ah ee hoor loogu bedelo hawo ama neef.

S71- waa maxay xareedeyn ?

j- nadiifinta biyaha.

9
Macallin Balcad
MacallinBalcad

S72- sheeg sida loogu soo saari karo cusbo biyaha bada ?

j- habka uumi baxa iyo habka karkarinta biyaha.

S73- imisa cusbo ah ayaa ku jira halkii liitar oo biyaha badda ah


?

j- 494 garaam

s74- maxaa la samenayaa haddii la rabo si dagdag ah cusbo in


loogu soo saaro biyaha badda ?

j- waxaa la adeegsanayaa habka karkarinta .

s75- sheeg goobaha aadka loogu isticmaalo biyaha ?

j- guryaha, beeraha iyo warshadaha .

s76- maxaa lagu sameeyaa biyaha guryaha lagu isticmaalo ?

j- waxaa loo adeegsadaa cunto Karin, cabid, qubeys dhaqida iyo


waraabinta beeraha.

S77- maxaa lagu sameeyaa biyaha laga isticmaalo beeraha?

j- waraabinta dalaga beeraha, dhaqida miraha iyo qasida suntan


cayayaanta.

S78- sheeg warshadaha aadka u isticmaala biyaha ?

j- kuwa soo saaro warqadaha , birta, kiimikada iyo qaar kale.

S79- waa maxay naasley ?

10
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- waa xayaan kasta oo laf dhabarrey ah oo dhiig kulul leh.

S80- waa maxay taran ?

j- taranku waa astaan ka mid ah astaamaha noolaha .

s81- waa maxay feramoon ?

j- waa fariin side kiimikaaleed oo laga soo daayo qanjirada jirka .

s82- waa maxay bacrimin ?

j- waa marka ay isu galmoodaan labka iyo dhediga oo ay midoobaan


shahwada iyo ugxaanta.

S83- waa maxay uur- ku sid ?

j- waa korriinka buuxa ee uurjiifka aadamiga.

S84- waa maxay ilma galeen ?

j- waa xubin ku dhex taala bartamaha godka sinaha.

S85- maxay leeyihiin naasleyda ?

j- waxa ay leeyihiin lafdhabar iyo dhiig kulul.

S86- side ay ku tarmaan naasleyda ?

j- habka taran jinsiyeed.

S87- sheeg xubnaha taranka ee dhediga naaslayda ?

11
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- labo ugxaan sidayaal, labo marin ugxaaneed, ilmo galeen iyo


xubinta galmada .

s88- maxay soo saarayaan xaniinyaha ?

j- unugyada taranka ee labka ee lagu magacaabo xawo

s89- yaa sameeya ugxaanta ?

j- labada ugxaan sideyaalka .

s90- sheeg xubnaha taranka ee dhediga naasleyda ?

j- labo xaniinyo, marinka xawada, qanjirada taranka, tubada saarta


xawada iyo xubinta galmada.

S91- yaa isku xera hooyada iyo uurjiifka ?

j- waxaa isku xiriiriya madheerta .

s92- xagee uu ka helaa uur jiifka cuntada ?

j- xudunta .

s93- waa immisa muddada uur ku sidka ee dadka ?

j- 9 bilood.

S94- sheeg da’da qaangaarka ee wiilasha ?

j- 13-15 sano

s95- sheeg saddex ka mid ah calaamadaha qaangaarka ee


gabadha ?

12
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j - sinnaha ayaa ballaarta

- ugxaan sidiyaasha ayaa ugxaan soodaaya


- waxaa soo kora qanjirada caanaha ee naasaha.

S96- xaggee ku noolyahay rahu ?

j- biyaha iyo barriga

s97- goormuu tarmaa raha ?

j- xilli roobeedka.

S98- side buu ku tarmaa raha ?

j- taran jinsiyeed.

s99- xagee uu ka dhacaa taranka raha ?

j- dibada raha.

s100- waa maxay bacrimin dibideed ?

j- waa bacramin ka dhacda dibada jirka.

s101- muxuu dhalaa raha ?

j- ukun

s102- maxay u baahantahay ugxaanta raha ?

j- qoyaan ama biyo

s103- maxaa ku wareegsan ugxaanta raha ?

13
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- xab isjiidjiidanaayo.

s104- muxuu la qayliyaa raha labka ah xilliga roobka ?

j- si uu usoo jiito dhediga.

s105-xagee ka neefsataa kalumada ?

j- waafyadooda.

s106- sheeg waxtarka uu leeyahay xabka ku wareegsan ugxaanta


raha ?

j- waxa uu ka caawiyaa ugxaanta in ay usku dhegto iyo in ay biyo


qaadaan.

s107- waa maxay kalluun ?

j- waa xayawaan lafdhabareey ah oo dhiig qabow leh.

s108- xagee uu ku noolyahay kalluunka ?

j-biyaha

s109- maxuu dhalaa kalluunka ?

j-ukun

s110- sheeg noocyada kalluunka ?

j- - daanlaawe

- lafley
- carjaw

14
Macallin Balcad
MacallinBalcad

s111- waa maxay daanlaawe ?

j- waa kalluun afkiisa furanyahay oo aan laheyn wax daan ah.

s112- side buu ku tarmaa kallunka ?

j- taran jinsi dibadeed ah.

s113- sheeg farqiga u dhaxeeya kalluunka lafleyda ah iyo kan


carjawga ah ?

j- lafley waxa uu leeyahay lafo adag

- carjawga waxa uu leeyahay lafo jilicsan.

s114- xaggee buu ku tarmaa kalluunka ?

j- biyaha dhexdooda.

s115- ma daryeelaa kalluunka ubadkiisa ?

j- maya

s116- waa kuma kalluunka xanaaneeya ubadkiisa ?

j- tillaabiye

s117- xagee buu ku qaadaa tilaabiye ubadkiisa ?

j- afkiisa

s118- tusaale ka bixi mid kastoo ka mid ah noocyada kalluunka


?

15
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- kalluunka daan laawe = lambarey.

Kalluunka lafleyda = toonada

Kalluun carjawda = libaax badeed.

S119- waa maxay shimbir ?

j- waa xayawaan lafdhabareey ah oo intooda badan duula waxayna


leeyihiin dhiig kulul.

s120- maxay dhallaan shimbiruhu ?

j- ukumo

s121- xagee ay ku dhallaan shimbiruhu ?

j- buulal

s122- ma leeyihiin shimbiraha xubno taran oo dibada yaala?

j- maya

s123- maxaa loo yaqaanaa shimbiraha marka ay ku fadhiyaan


ukumahooda ?

j-cuq ama xafasho

s124- sheeg waxtarka uu leeyahay huurinta ukumaha ?

j- iney helaan heer kul ku habboon.

s125- waa maxay ukun dilaacan ?

16
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- waa muddada ay shimbirtu ku dul fadhido ukunta.

s126- ma isku mid baa mudada ukun dilaacinta ee shimbiraha ?

j- maya

s127- sheeg hababka ukun dilaacinta ee shimbiraha ?

j-habka digaag xafashada.

Habka ukun dilaacinta.

s128-waa maxay ukun dilaaciye ?

j- waa makiinad ukun diirimaad siisa.

s129- ma xanaaneeyaan shimbiruhu ubadkooda ?

j-haa

s130- side ay ku tarmaan shimbiruhu ?

j- taran jinsiyeed.

S131- waa maxay footoosintasiska ?

j- waa hanaanka ay dhirtu ku sameesato cuntada.

S132- sheeg qeybaha uu ka koobanyahay footoosintaysiska ?

j- photo iyo synthesis.

S133- waa maxay micnaha photo synthesis ?

17
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- photo = ileys

synthesis= sameyn

s134- xagee uu ka dhacaa shaqada footoosintesis ka ?

j- caleenta geedka.

S135- muxuu u baahanyahay geedku si uu cunto u sameysto?

j- - kaarboon laba oksaydh

- biyo
- ileyska qoraxda
- maadada cagaarisada

s136- maxaa lagu magacaabaa daloolaha caleynta ?

j- ibo

s137- waa maxay cagaariso ?

j- waa maadada caleenta u yeesho midabka cagaaran.

S138- maxey soo saartaa caleynta ?

j- gulukoos iyo oksajiin.

S139- xagee geedaha ku keydsadaan cuntada ?

j- - miraha

- jiridda
- xididada

18
Macallin Balcad
MacallinBalcad

s140- xagee laga helaa tamarta ?

j- cuntada.

S141- maxay qabtaan xidida geedka ?

j- waa halka ay dhirtu biyaha kasoo nuugto.

S142- sheeg farqiga u dhaeeya dhirta iyo xayawaanka ?

j- - dhirto waxay leedahay dhaqdhaqaaq xadidan

- xayawaanku waxa uu leeyahay dhaqdhaqaaq xor ah.

S143- waa maxay silsilada cuntada ?

j- waa xiriirka isku tiirsanaashaha ee cuntada

s144- waa maxay soo saare ?

j- waa dhirta

s145- waa maxay dheefsadaha 2aad ?

j- waa xayawaanada cuna dhirta .

s146- muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya dhirta iyo


xayawaanada ?

j- - dhirtu waxa ay siisaa xayawaan oksajiin.

- Xayawaanku waxa uu dhirta siiyaa kaarboon laba oksaydh.

S147- maxay dhirtu ka heshaa xayawaanada.

19
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- kaarboon laba oksaydh

s148- maxay xayawaanku ka helaan dhirta ?

j- cunto iyo oksajiiin.

S149- yaa ka caawiya dhirta faxlida ?

j- xayawaanada

s150- sheeg noocyada quudashada ee xayawaanada ?

j- - dhir cune

- Hilib cune
- Dhir iyo hilib cune .

S151- Sheeg farqiga u dhaxeeya cimilo iyo cimilo gooreed ?

j- - cimilo-gooreedu: waa xaaladda gibilka ee ay meeli leedahay


muddo gaaban.

- Cimilo: waa xaaladdaha cimilo-gooreedu ay meeli leedahay


muddo dheer

s152- maxaa lagu magacaabaa barashada cimilada ?

j- meteorology ) meetoroloji

s153- maxaa loo yaqaanaa saynisyahanka ka shaqeeya cimilada?

j- cimilo-aqooneed.

s154- maxaa lagu uruuriyaa xogaha cimilo gooreedyada ?

20
Macallin Balcad
MacallinBalcad

j- dayax gacmeedyada iyo kobmiyuutarada

s155- sheeg saddex kamid ah qalabyada lagu cabiro cimilo


gooreedka iyo cabirkooda ?

j-

qalabka cabirka
xawaare-beege dabaysha
roob beegga roobka
huur-beega qoyaanka hawada ama uumiga

s156- maxaa sababaya in labarto cimilada ?

j- is beddellada cimilada oo saameyn ku leh aadanaha dunidaan ku


nool.

s157- sheeg cimilada ugu saameynta badan ?

j- - heer kulka

- Xaddiga roobka da’a


- Dabaylaha

s158- waa maxay tacabka beeraha ?

j- beerida dhirta

s159- waa maxay keyme ?

j- waa keyd dabiici ah oo illaahay nasiiyay.

21
Macallin Balcad
MacallinBalcad

s160- waa maxay dalxiis ?

j- dalxiisku waa u safrida goobo leh dhaqamo

s161- waa maxay safaanaa ?

j- waxaa loo yaqaanaa cowska dhaadheer.

s162- imisa ayee gaarayaan geedaha ka baxa keymaha ?

j- 3 tiriliyan oo geed ah

s163- sheeg qeybaha uu leeyahay cimilo gooreedku ?

j- - roobka

- Dabeysha
- Daruurta
- Heerkulka
- Huurka
- Cadaadiska hawada iyo qoraxda

S164- maxay leeyihiin goobaha loo dalxiis tago ?

j- ilbaxnimo iyo waayo aragnimo

s165- sheeg cimilo goboleedyada ay leeyihiin keymaha ?

j- - cimilo kuleyl

- Cimilo dhexdhexaada
- Cimilo qabow.

22

You might also like