You are on page 1of 4

Asc dadku waxey qorayeen buugaag qarniyo badan buugagtana

waxaa la qori doonaa waqti dheer oo soo socda, suaashu waxay


tahay goorma ayey aheyd makii kuugu danbeysay ee aad buug
akhrido, inkasta uu qofkastaa ogyahay in wax akhrisku yahay
hawl aad u qiimo badan hadana waxaa hoos u dhacay caadadii
aqriska buugaagta, dadka badankood waxey sheeganayaan
inaaney heysan waqti ay wax ku akhriyaan hadaba celcelis
qofwalba waxa uu daawadaa mobilka ama tvga in ka badan 2
saacadood maalintii, waxaqriska waa jimicsiga maskaxda oo
waxey muhiim u tahay sida jimicsiga jirka, Marka halkan
waxan kuugu soo gudbinayaa 5 faaiido oo uu wax akhrisku
leeyahay.

Nambarka 1aad: waxaad ka heleysaa aqoon

Tani waa faaiidada ugu weyn iyo faaiidada ugu muhiimsan ee akhriska .

Aadanuhu waa noolaha kaliya ee dunida ku nool ee gudbin kara


macluumaadka iyo aqoonta, Luqadaha qorani waxey naga soocaan
dhamaan noocyada kale, Tani waxey awood noo siineysaa in aan
aqoonta si degdeg ah u wareejino, Waxeyna noo ogolaataa in aan si
dhaqso leh u hormarno , waxkasta oo aad aqrido waxey maskaxdaada
ka buuxiyaan xogo cusub iyo aqoon. Sidaa si la mid ah waxaad
noqoneysaa mid awood uleh inaad wax ka qabato caqabadaha nolosha
sidoo kale hadii aad lumiso waxkasta qofna kaama qaadi karo
aqoontaada.
Lambarka 2aad: hagaajinta xusuusta iyo xoojinta xirfada muhiimka ee
xalinta mushkiladaha

In aad buugag badan akhrido waxey kaa dhigaysaa mid aad ugu
wanaagsan dhanka xusuusta sidoo kale waxaad ka fakeraysaa dadka
fikradahooda hamigooda iyo dhamaan waxkasta oo buuga ku
xusnaa taas ayaan kaa dhigeysa mid aad u xoogantahay xasuustiisa.
Dhanka kale In aad ka fakirto inta aadan buuga dhameynin
caqabadaha ku jira buuga oo aad xaliso markaa waxaa awoodey in
aad shaqo geliso xirfadaha fekerka muhiimka ah adigoo ka fiirsadey
dhamaan tafaasiisha lagu siiyey, oo aad kala soocdey.

Lambarka 3aad: kobcinta erayo maalmeedka iyo hagaajinta xirfadaha


qorista.

Marka aad wax akhrido erayada badan ee aad la kulantid waxey si


lama huraan ah u geli doonan erayadaada maalinlaha ah iyo in aad si
fiican u hadasho.
Awooda in aad si kalsooni leh ula xariirto loo shaqeeyayaaasha iyo
asxaabtaada waxey kor u qaadi doontaa kalsoonidaada sidoo kale
hadii aad shaqaale tahay waxey kaacaawineysaa in lagu dalacsiiyo.
Dhanka kale marka laga yimaado balaarinta erayadaada sidoo kale
waxay hagaajisaa qoraalkaaga , qorayaal badan oo guuleystey ayaa
khibradooda ku kasbadey akhrinta buugagta kuwa kale.

Lanbarka 4aad: waxey kaa yareyneysaa walwalka iyo walaaca.


U ogolaanshiyaha maskaxdaada iney diirada saarto waxyaabo aan
aheyn caqabadahaaga waxey noqon kartaa mid faaiido badan leh
xitaa lagama maarmaan ah , wax aqrisku wuxuu bixiyaa badbaado ,
caafimaad iyo beddel wax soo saar leh oo lagu bedelo fikirka xun ,
waxey maskaxdaada siineysaa meel amaan ah oo aad ku nasato , ilaa
aad dib usoo ceshato xooga aad u baahantahay in aad uga gudubto
caqabadahaaga .
Lanbarka 5aad: kordhinta diiradsaarida iyo kobcinta
dhiirigelinta.
Nolosha wada mashquulka ah oo uu dareenkayagu u soo jeedo
jihooyin kala duwan oo ay adagtahay in aad wax diirada saarto oo
uu sabab u yahay la socoshada mobilka casriga iyo social media
dabcan noocan mashquulka ah waxa uu hoos u dhigaa wax soo
saarka. Marka aad akhrineyso buug dhamaan dareenkaagu waxa uu
diirada saaraa waxa aad akhrineyso taas oo keeneysa in dunida
inteeda kale ay meesha ka baxdo, inaad akhrido 20 daqiiqo malinkii
waxey hagaajin doontaa feejignantaada.
Sidoo kale wax akhrisku waxa uu kordhiyaa dhiirigelintaada oo
akhrinta buugagta dhiirigelinta leh waxay wax ka tari kartaa
koritaankaaga iyo hormarkaaga , buugu waxa uu ku siin doonaa
fursad aad u hesho waayo-aragnimada aadan fursad u helin oo kuu
ogolaanaya in aad barato xirfadaha nololeed ee ku jira.
Asal ahaan wax akhrisku waa abuurka sheerigelinta sidaa si lamid
ah wuxuu kaa dhigaa mid naxariis badan oo si wanaagsan u hurdo.
Ugu danbeyn akhrisku maaha kaliya mid aad ka heleyso xogo cusub
ee waa mid kaa dhigaaya mid aad u caqli badan hadaba hadaad
ogaatey faaiidooyinka wax aqriska miyaaney aheyn in aad bilowdo
oo aad joogteyso wax akhriska hadii aad hore u aqriyi jirtay qeybta
faalada nagula wadaagto qaabka aad wax u akhrido
Aad baa ugu mahadsantahay akhriska maqaalkan.

You might also like