You are on page 1of 25

SILSILADDII XAYDHA

Afeef

Qormadan waxaa iyadoo taxane ah barta garanuug.com kusoo


gudbiyay Shaafici Qaasim Nuur. Annaka oo SOMALI
LIBRARY ahna waanu iskusoo ururinay oo hal qormo ayaanu ka
dhignay.

Waa kan Channelka

https://t.me/Somalilibrary

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 1


SILSILADDII XAYDHA

Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad


eegaayey
Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku
dhayanayso”
***

“Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd


kusoo mariyey
Eed laba gadiid ka hirqataad,
honono’aysaaye”

Soomaalidu waa ummad suugaanta quudata, gabayga iyo gabyaaguna


waxay noloshooda kaga jireen meel sare. Raggii ay Soomaalidii hore
qaddarin jirteyna waxa ka mid ahaa wadaadka diinta yaqaan, gabayaaga
aftahanka ah iyo isinka ama hoggaanka dhaqanka. Waa ummad
odhaaheed oo waxay fac-ka-fac isu soo gudbinayeen maahmaaho,
meerisyo gabayo ah iyo sheekooyin murti leh, kuwaas oo aanay jirin
kutub ay ku qoran yihiin oo laga soo min guuriyo balse afka uun lagu kala
dhaxli jiray. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana waxa far qorid la’aanta
kaga lumay suugaan badan iyo weliba kasmooyin idil oo madax bannaan
sida xiddigiska, isku daaweynta dhirta iyo barashada degaanka.

2 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Markii qoraalka farta la hirgeliyey 1972kii ayaa la isku deyey bal in la daba
qabateeyo suugaan badan oo haddii aan markaa la qori lahayn, aan
maanta wax naf leh laga xasuusteen. Suugaantii xilligaa la ururshay
waxaa ka mid ahaa gabayadii xiisaha lahaa ee Silsiladdii Xaydha, taas oo
ah sheekada iyo tixaha is huwan ee aan maanta idinku jalbeebin doono.
Ku-sinnaan 1941kii kolkii dagaalkii labaad ee adduunka gulufkiisu
taagnaa, ayaa rag door ah oo awri isugu xidhiidhsan tahay ka ambabaxeen
ceelka Burco. Raggaas oo ka koobnaa xidid iyo xigaalo aan la tarraxin,
waxay usoo safreen reerahoodii oo markaa yiillay bannaanada Xaguuga
iyo Xalxalis. Toobiye waa loo tabaabulshaystaaye, markii magaaladii laga
soo ambabaxay jicsinkiina badankiisii lasoo gatay ayaa nin la odhanayey
Xirsi Cali Buraale oo Xirsi-Caamir loo yiqiin lagu yidhi, “Xirsiyow adiga
ayaa awr caddaysimo ahi kuu xidhiidhsan yahaye, orod oo subag aynu
kusii jid-marno inoo soo iibi.”

Xilligaas subagga rag shafeecsado ama jicsin u qaato waxa ugu mudnaa
sixinka, haddii la waayana dhuuxa ama heenka hadba sida loo
yaqaan. Xirsi-Caamir wuxuu soo iibiyey subag heen ah, balse markii
danbe lagu ilaaqay, xaydhna laguba sheegay. Dhaliishaa waxa aloogay
Weerar Cali Geelle oo raashin uu Burco kasoo miistay safarka ugu
xidhiidhsanaa, socotadana ka mid ahaa.

Weerar Cali Geelle wuxuu Xirsi-Caamir ku haaraamay inuu wax usoo


hadoodilay oo subag aan wanaagsaneyn uu ragga la hor yimid. Si gaar ah
waxa uu uga hafeefanayaa inuu bisad ka yaraaday markii nimankii ay
xididka ahaayeen soortii xilka lahayd lasoo hordhigay. Midhkaas oo
haddiiba uu jiro Xirsi facshar iyo fadeexad ugu filnaa. Bal u fiirso sida

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 3


SILSILADDII XAYDHA

raggii hore cidda ay hablaha kala qabaan uga sarriigan jireen, waa intii
xishoodka la huwanaa ee xirribuhu dadka ku yiilleen e.

Markii reerihiiba lagu soo dhowaaday ee la maraayo meesha la yidhaahdo


Ceeg, subaggiina lagu soo jid-maray ayaa Weerar af labadii yeedhay, wixii
uu qoonsadayna diirka ka qaaday. Goobtaas ayuu Weerar ka dareeriyey
tix ibo-fur u noqotay taxane gabayo ah oo aad u mudh baxay, kuwaas oo
afarta geriyahan ba ku ekaaday, dibanaha dhawaaqa iyo dabaysha
dhabataana ay isku si usii qaadeen. Taxanahan oo lagu suntay Silsiladdii
Xaydha waxa ka qayb qaatay rag badan oo ladqabo iyo loollan-doon isugu
jirey. Waxaanse meesha ka madhnayn in markii uu Weerar gabayga
bilaabayey uu uga dan lahaa inuu abuuro kaftan jidaasha laysku dhaafiyo,
jidkuna kusoo gaabto.

Sida aynu ka dhex bidhaansan karno tixaha inagu soo food leh, raggii
hore si hufan ayuu u haasaawi jiray una kaftami jiray iyadoo aanu afku ka
duulin arrinkuna ka dhooqoobin. Ayeeyday Cambaro Faarax Bullaale,
oo ah waayeel dhaqan yaqaan ah, mar aan u akhriyey labada gabay ee
silsiladdan u horreeya, waxay la yaabtay sida farshaxannimada leh ee ay
raggaasi isugu hal celinayeen, waxaanay igu tidhi, “Ayeeyo hadday kuwa
maanta jooga yihiin markiiba huudh ayay isu qaadi lahaayeen.” Si
kastaba ha ahaatee gabayada silsiladdii xaydhu, marka laga tago hadal
haynta sheekadooda, waxay reebeen meerisyo badan oo halhays noqday
kuwaas oo loogu maahmaaho kolba cidda loola gol leeyahay.
Iga hooya haddaba tixdii ugu horreysay ee uu Weerar Cali Geelle
silsiladdaas ku ibo-furay. Isaga oo Xirsi ku darraabaya in aanu si
wanaagsan ugu hagar bixin ee uu hafaryo uun usoo hadoodilay ayuu
yidhi:

4 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Xirsi-Caamirow layna hiif, laguna haaraanye


Allaylahe habaar baad qabtaa, waana la hubaaye
Rag hadduu hor fule kaa dhigtoo, hibo laguu yeelo
Waa loo hagaajaa anfaca, hadasho waa ceebe
Nimankaan hablaha kala qabniyo, hurinta reer Muuse
Inaad la hor martaa may ekayn, waxan habboonayne
Hor Ilaahay soor wacan adaan, noogu hawl geline
Hilibka iyo maakhirigaba waa, heli karayseene
Hareeraha kun miidaa jiroo, laga hiraabtaaye
Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey
Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso!!
***

Markii uu Weerar tixdaa la sara kacay, faqiina fagaare u beddelay ayaa


Xirsi Cali Buraale na is daafacay. Gacanta kamuu hadline afka ayuu ka
hadlay. Farshaxan buu ahaaye, dhinacyo badan ayuu Weerar wax ka
tusay. Marka hore waxa uu Weerar Xasuusinayaa inay labadooduba
magaalada ku wada jireen, uuna haystey kansho uu isaguba ku iibsado
subag iyo surbiyaan kolba kii uu jid-mar ahaan u janto.

Mar labaadka ayuu Xirsi ku gar-naqsanayaa in subaggii uu benderka


kasoo gaday somal-haadkii socodka dheer la iska soo xigsiiyay, dhawr
subaxna safraddii la iskaga biiyey, sidaa darteedna tixda uu Weerar ku
alaladay ay tahay hadal meel waayey. Meel kale oo gabayga ka mid ah
ayuu Xirsi-Caamir sidii wadaad xarafka diineed ku xeel dheer uu u
wacdiyayaa Weerar. Wuxuu ku waaninayaa in wixii jidiinkiisa mara ee uu
shafeecsado wax ka sheeggoodu aanu habboonayn. Gebo gebada ayuu
Xirsi ku dacwiyayaa in haddii soortii uu isagu soo gaday Weerar la

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 5


SILSILADDII XAYDHA

silloonaatay ay ahayd in uu dhinac isaga duwo, dheefteedana ka qado.


Waxa uu yidhi Xirsi-Caamir isaga oo Weerar u hal celinaya:

Hadal kaad i tidhi Weerarow, waa huf iyo beene


Adiguba hortey waxaad fadhidey, hooska tuulada e
Habeennuu wax sii ururiyaa, Hawd ninkii qabanne
Haydaarada iyo waad ogeyd, hilinki dheeraaye
Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey
Ee aad laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye
Hareeraha ka leefkii markay, gacantu haarowdey
Waatay fartii hilib dalqaha, sii harraatidaye
Nin wixii hungurigiisa maray, hiifay waa qadafe
Hareer baabu isaga weeciyaa, waxan habboonayne
Haddii uu hogseeg yahay maxaad, uga hakoon weydey?
***
Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee
qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii tegey, waatey rag door
ah, asii aan saa usii kala durugsanayni, ku ballameen inay isku sii lug-
darsadaan iyagoo ka ambabaxaya ceelka Burco, una sii jeeda rugihii ay
reerahoodu yiilleen oo ku beegnaa hawdka Togdheer. Saluuggii ka
dhashay subaggii jicsinka loo qaatay awgii, waatuu Weerar Cali Geelle
gabay ku warjeefay Xirsi Cali Buraale oo ahaa ninkii soo gaday sahaydii
subagga iyo xaydha loo kala saari waayey. Xirsi Cali Buraale na waatuu
iska deedafeeyey eeddii lagu soo dudduucay, isaga oo gabay gar-naqsi ah
kaga jawaabey.

6 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Markii haddaba labadaa tixood la is weydaarsadey, reerihiina lasoo


gaadhey ayaa arrintii hadal haynteedii la dhigi waayey. Kanaa gar leh iyo
kanaa garowshiinyo mudan ayaa laysla dhex maray. Qofkii labadooda
midkood u warramaaba, ka maqan ayuu eedda saaraa, kan gartiisa
akhristeyna wuu u garaabaa. Wax badan baan maqli jirey laba garood oo
iska garab dhasha waa la arkaa, laba bilood oo iska garab dhasha se lama
arko!!!

Iyadoo xaajadii la rogrogaayo, loona rag badsanaayo ayaa Weerar Cali


Geelle wixii dhacay dhankiisa uga warramay nin la odhan jirey Maxamed
Nuur Abokor oo “Huube” ku magac dheeraa. Waxa uu ugu war bixiyey in
Xirsi-Caamir xurmadii ka tegey oo nimankii ay xididka ahaayeen xaydh
madow faraha u geliyey.

Wadaad loo su’aal xumeeyaa isna waa jawaab xumeeyaaye, Huube wixii
loo sheegay ayuu wax ku dhisay. Isaga oo aan gole iyo geed midna la tegin
ayuu gartii keligii naqay. Eed oo dhan wuxuu dusha ka saaray ninkii
maalintii socod, seediyaashii xaydha kala ufoon waayey. Balse gari Allay
taqaannaaye, Weerar Cali Geelle oo gartiisa u akhristeyna iskamuu hor
boodin e, waxa uu ku xidhay inuu marag iyo caddeymo waafi ah dooddiisa
ku xoojiyo. Waxa uu Huube gartaa ku naqay, haddii ay sidaa u dhacdo oo
Weerar warkiisa dhayda ka caddeeyo, in aanu Xirsi-Caamir sina ceeb uga
fakaneynin.

Asalkeeda bannaanba, markii garta la furfurayo ee golaha laysugu


yimaaddo, waxa ay ku bilaaban jireen, ‘Ilaahow aqoon darrana ha nagu
cadaabin, eexna ha nagaga tegin’, taasna Maxamed Nuur Abokor, waa

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 7


SILSILADDII XAYDHA

Huube e, ma uu ilduufin, saa ‘innagaa cashiiro ah haygu soo cabannin’


ayaabu Xirsi-Caamir ugu quus gooyey e.

Gebogebada gabaygiisa ayuu Huube u banbaxayaa sidii uu baduugaha


uga dhigi lahaa doodda Xirsi ee biyodhaceedu yahay ‘hadduu dhuunigu
silloonaa maxaa loo dharqanayey’.

Isagoo cuskanaya dulucda maahmaahdii ahayd ‘neef gawracani geedo


kama baydho’, ayuu Huube arrintaa ku maakubay haddii geelu – waa
xoolo dhaqashadiisa dhibi ku mataansan tahaye – meel dheer u kicitimo,
kolkii niman dhawr ah loo diro ee ay dhengedda soo saaraan, waxay
dhabbaha soo hayaanba markay dhanqalmaan, dhibicda biyo ah ee tulud
tuldaha kamida caloosheeda ku jirta haddii ay dharruurtaan inaan lagu
dhaleecayneynin. Isagoo ku hal-qabsanaya nin la odhan jirey Maxamed
Xaashi (Buuri-hayste) ayuu yidhi Huube:

Ragbaa gabayga moorada ka daya, Maxamed Xaashow e


Malluugta iyo waa kala tagaan, minan qalloocdaaye
Markaanse anigu meel kaga dhacaa, murame joogaaye
Rag la madhay mageyno iyo xidid, mudane saad qaatay
Oo kala mijiray sahay intuu, maalki kala qaybshey
Maksabkii kasoo hadhay hadduu, midigta kuu saaray
Kol haddaad magaalana fadhidey, manina dhiibeysey
Oo lacagtu waa madhan ogtee, midigtu kuu buuxdey
Miid dhuux ah baa laga helaa, maalin iyo leyle
Maakhiri lo’aad baa kun daas, lagaga miisaaye
Muraad noolba waa laga helaa, moodka kii culuse
Inuu subaggu kaa muunad dhacay, maqal islaamkiiye

8 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Muslax Caamirow kuma gar-naqo, maliyo been beene


Mudaahanadu waa waxa qarribey, madaxda reeraaye
Haddii xaajadii muran ka dhaco, laygu soo meersho
Milmilla haw dhashee inaan dulmiyo, maanka kuma hayne
Hadba moosinkey taagantaan, kaga majiiraaye
Gar haddaan melmeli Xaajigaanan, marag ku qaadeene
Inaan adiga kula meel ahaad, muhatay dhawr jeere
Abtirsiino meel uma hayee, hay miliilicine
Haddii geelu waa maal jinniye, meel fog naga aado
Uusmiirka kama maarannoo, waa mitibinnaaye
Marbaa garowga naaguhu miraan, magas ahaadaaye
Waw macandis ruuxii dib jirey, madax ugaadheede
Haddii Weerar hadalkuu marsaday, marag usoo joojo
Oo uu wax lama miiciyee, maadha ka caddeeyo
Ninkastaa manfacadii ha cuno, murudki xaydhiiye
Waxba yaan ku madadaalinine, moosku kugu ciirye
*****
Hagaag….. Gabaygii Huube ayaa gees walba u duulay, falanqayn iyo
faaqidaad badan ayaa lagu sameeyey. Gadh-caddaagii iyo guurtigii
sebenkaas ayaa gorfeeyey. Waxa la is weydiiyey: Horta yaa garta qaaday?
Geedkee se lagu qaaday?!! Xamxam iyo xanshaashaq badan ayaa
abuurmay. Dad badan ayaa saluugey hannaanka gartaa loo naqay, hawgu
horreeyo Diiriye Aw Guuleed Warsame oo ka mid ahaa waxgaradkii
waqtigaas. Diiriye Aw Guuleed oo madmadow badani iskaga gedaamay
gar-qaadistii Huube, ayaa iska kari waayey bal inuu qawl yar su’aalo
ninkan hawsha aan la bisleynin keligii isku qaaday. Judhiiba waxa uu
su’aaley: Haddii Weerar dhaliishaa uu aloogay markhaatiyo usoo

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 9


SILSILADDII XAYDHA

fadhiisin waayo, Xirsi-Caamir na dhaar ku xagaf siiyo, markaa sow


dhanka Weerar dhaliishii dib uguma ciirin? Isagoo tixraacaya tuducyadii
Huube ayuu yidhi Diiriye:

Haddii Weerar hadalkuu marsaday, marag usoo waayo


Oo uu wax lama miiciyee, muujin kari waayo
Macal-qabasho dhaareed Xirsina, yaw mudh soo tidhiye
Hadduu maro madaacaleyna yahay, meertay dabadeede
Kolkaa sow mudducigii handadey, moosku kuma ciirin?!
Midhkaasi weydiin degdeg ah oo maankiisa kusoo dhacdey ayay ahayde,
immika ayuu Diiriye u hogbaday inuu gabay madax bannaan kaga
falceliyo hannaankii uu Huube gartaa u naqay. Ugu horreynba waxa uu
Diiriye ku canaantey Huube inuu xaajadii hororsaday, iyada oo aan laga
wada shawrinna shanta la galay. Waxaa amakaag iyo af-kala-qaad ku
noqotay, xaajo laba dhinac ka dhaxaysa oo weliba laysaga gabyey inuu
Huube isaga oo aan sheekh iyo shaybe midna la kaashan keligii gartaa
rido.

Waxaabad mooddaa iyaga oo geed gob ah isu doonyeystay inuu Diiriye


weedhahan Huube hordhigey: Rag Allow xaggee baa lagu arkay
xeerbeegti hal nin ka kooban!!…… Bal inaad Huubow xaajadii kirkirtay
oo korandaalli ka tuurtay, afo iyo odeygeedii oo is qabtay kol ay ku tahay,
sowkii sharcigu guurti laba dhinac ka kooban u saari jirey!!!…… Arrintaa
aad sarka-xaadisey ee sahalka u gashay, rag aqoon leh, aw iyo haddii
odayo loo geeyo, Alleylehe in aanay sida aad u dhigtey abidkeedna
noqoneynin.

10 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Kamuu tegin Diiriye inuu nalka ku ifiyo dabciga Weerar ee ah


sasabashada iyo isu bihin-bihinta kolba cidda uu maalinkaa gacan ama
garawshiinyo ka jeeqaaqayo. Wuxu yidhi:

Gartaad Maxamed-Huubow naqdee, uunka wada gaadhey


Gaashaamaday noogu timi, galab carrawtiine
Dayuuradaha guuraynayiyo, gaadhiyaa sidaye
Guddi nin ah shareecadaba waa, lagala giigaaye
Giddigii Xirsi Cismaanka iyo guudka Habar Yoonis
Gug baa laysku yidhi xaajadaad, goysey keligaaye
Haddiise hadalka lama guud maree, odayo loo geeyo
Guntii waxa ah Huubow inaad, gawdhis leedahaye
Ninkii galaxsanaa baa ku heley, ee gedeyn jiraye
Geed buu ku saaraa markuu, kuu gol leeyahaye
Kolka se cirirku kugu geeddi yahay, layska garan waaye
Qunbii subagga laga soo gingimay, ee la kala goostay
Ninna soo gad kii kalana waatuu, guddoonsadaye
Waatii guntiga loo furtee, laysku gaabsadaye
Maxaad Caamir ugu geeddi tahay, sow ku guban meysid?!
*****
Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha? Sow nin waliba tarkii
haka gar naqo maaha? Oo weliba gabay hasoo adeegsado maaha?!
Waataynu soo sheegnay in ninkii ugu horreeyey ee arrinka xaydha ka
garnaqay uu ahaa Maxamed Nuur oo “Huube” loo yiqiin. Sidoo kale
Diiriye Aw Guuleed Warsame waatuu cagidiiba hadal ka keenay
hannaankii gar-qaadiseed ee Huube.

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 11


SILSILADDII XAYDHA

Waayahay… Halkan ayaa waxa meertada kasoo gelaya Aar Xandulle Nuur
oo uu Huube adeer rumaad u ahaa. Aar Xandulle markii uu xaajadii
maankiisa la kaashaday waxa u muuqatay, gari Allay taqaannaaye, in
adeerkii Huube hawshii garqaadista ee uu galay aanu kasoo dhalaalin,
balse uu ku barbarriiqday. Isagoo aad mooddo garsoore madaxiisu ku
cirreystay miiska dacwadaha, ayuu Aar Xandulle Nuur inoo
balballaadhinayaa waddadii ay isaga la ahayd in gartaa loo maro.

Wuxuu ku doodayaa inay qummanayd in gartaa guddi madax bannaan


loo saaro, oo welibana wixii adduun ah ee xaajadaa ka midho-dhalinteeda
ku baxaya meel la saaro, si looga bedbaado laaluushka doc-ka-tuurka ah
ee waqtigan la joogaba halakeeyey hannaankeenna garsoorka. Si
lillaahiya markii arrinkaa loo lafoguro, labada dhinac na laysu soo
fadhiisiyo, in mudduciga markhaatiyo la weydiiyo, haddii uu soo waayana
madaacaleyga millad laga doono.

Marka aan kugu jalbeebiyo meerisyada xaaja-yaqaannimadu ku gobo’


tidhi ee uu Aar Xandulle arrintaa kaga garnaqay, ayaa waxa markiiba
maankaaga kusoo degdegaya mid ka mid ah afartankii xadiis ee
wadaaddada Shaaficiyadu xerta u laqbayn jireen kolka ay cilmiga
xadiiska u seesdhigayaan. Dhaqan-yaqaanka qaarkii ayaa yidhaahda
gabayaaga Soomaaliyeed wuxuu u badan yahay isagoo masalooyinka
shareecada bowsi uun ku maqlay, inuu haddana tixihiisa maanso si
farshaxannimo leh ugu dhex sooho.

Kolka uu Aar Xandulle hilinka u jeexo halkii ay ahayd in gartaa la mariyo,


ayuu usoo daadegayaa inuu wax ka yidhaahdo arrinkan lagu kala saftay
ee dhinac na dooddiisu tahay “haddii dhuunigu silloonaa maxaa loo

12 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

dharqanayey?”, dhinaca kalena ku adkaysanayo in tafantoofkii toobiyaha


dheeri uu ku moohaariyey, wax kastaba ha ahaadee, wixii la helayey in la
calafsado.

Sida uu xogta ku helay Aar, raggii socotada ahaa waxaa bacadle awr uga
milaallaa soor jaad walba leh oo ay ka mid ahayd timir, caleen-shaah iyo
weliba iidaan kale. Haddaba mesalada maankiisa gadday ayaa waxay
tahay, haddii subaggii sahayda loo sitay la qoonsaday, sowtan awrta
xidhiidhsani la dhigijac leh soor jaad kastaba isugu jirta, maxaa ragga
looga urquumi waayey?!! Wuxuu yidhi Aar Xandulle Nuur:

Milgaha gabay Cismaanow beryahan, waanigaan marinne


Ka mastuurtay waa hore haddaan, miigganaan jiraye
Rag wixii is maagaba garbaa, lagu muquunshaaye
Waxaan anigu maankay ka helay, marinna aan mooday
Kol haddaan mudducigii gartaa, marag usoo joojin
Ama aan madaacaley wallii, lagula soo meerin
Aan labada meelood dacwiga, laysu soo muujin
Oo aan guddidu meel u bixin, kharashna meelaynin
Waa ila maroor Caamirow, moosku kugu ciirye
Afartaa wax lama miiciyee, maadh maka caddeeyey
Midhna waxaan ka idhi xaajadii, la isku maan dhaafay
Meeshaa ma joogine waxaa, igu maqaaloobay
Margi-weyne awr bay hanfaha, uga milaallayde
Masruuf waa siteen jaad kastaba, mudanka sooreed e
Timir malab leh shaah mulukiyaa, miingi ka ahaaye
Macalluul ka-yaab iyo xarrago, waaba kala maane
Muslinnimo haddii loo garnaqo, marinka dawleeya

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 13


SILSILADDII XAYDHA

Uu marag u furo xoolahaa, layna maqashiiyey


Miyaan xaydh madow maalinkaa, lagaga maarmaynin?!!
*****
Markii ay halkaa marayso, oo ay gaadhey in wiil iyo adeerkii laba saf kala
raacaan, ayaa waxa meertadii kusoo biiray nin la odhan jiray Jaamac
Xirsi. Jaamac marka hore waa ladqabo. Waxa uu tolweynaha guud iyo
ardaaga arrintani ku rafatayba usoo jeedinayaa inay arrinka xaydha soo
afmeeraan maadaama uu soo jiitamay. Waxa uu dareensiinayaa in
jarmaade, guure iyo galab-carrawtiinba geedkii shaxda iyo golihii shirka
ay kusoo dhacayaan gabayada xaydhu. Sidaa awgeed, kub geeljire kor
looma dhaqo e, waxa uu Jaamac ku talinayaa inay arrinkooda hoos hoos
u dhammaystaan, si aan duddooyinka kale ugu maadsan.

Odayeyntaa kaddib ayuu Jaamac Xirsi weedhiisa ka ridanayaa wixii la


isku maan dhaafay. Waxa uu hadal ku gooyey mar haddii aad baradaada
ka durugto inay baahiyi kula ollog tahay, sidaa awgeedna nimankii soortii
xilka lahayd faraha geliyey loogu garaabayo, maxaa yeelay duruufta ayaa
ku moohaarisay. Halkaas ayuu Jaamac Xirsi ku raacay safkii Weerar Cali
iyo weliba Huube, isagoo Xirsi-Caamir na ku maagay inuu seediyaashii
saaruq usoo miiray.

Ugu danbaynta ayuu Jaamac si toos ah u abbaarayaa Diiriye Aw Guuleed


oo uu ku tilmaamay nin uu ficil qaaday, haddii aanu is yeel yeelayna ay
isagaba u muuqato in gartii laga helay.

Waxa uu yidhi Jaamac Xirsi:

Nimanyow gondaha reer Xirsi, iyo guudka Habaryoonis

14 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Haddii gabaygi xaydhee fogaa, haatan go’i waayey


Oo weliba lama gaabinnine, gees walba u duulay
Galka Beeratiyo Ceelxumiyo, gobabka Oodweyne
Gaashaamo iyo Yucub-yabooh, gooddiyada Ceelka
Iyo Goodirraale iyo Xalxalis, geedo laga waabtay
Guryuhu badane haywaadharkiibaa, galabta keenteene
Waarbal gaabsada yaanu noqon, gocondho weeyaane
Rag se geddoomey meel socotadii, gaadhu ka idlaatay
Mar haddii guryaha laga durkood, gacal ka dheeraato
Gooddigana joogoo hunguri, guuri kari waaye
Gasiinkii xalaal kuu ah baad, gacanta saartaaye
Gulcub se waxa ah kaad garan la’dee, goobta kaa dila e
Gaagaadde soortii xumayd, gaajo waa cudure
U garawnay inuu Weerar cuno, gabayna waw daw e
Nimankii gabdhaha qabay haddii, guushkan la hor keenay
Kuma gubannine dee Caamir baa, gaday wax shaydaane
Ninkaad adigu waa galaxsantiyo, gedo ku sheegaysid
Intuu ficilku kula gees ordaad, gaadhay Huubana e
Garta marag ah adigaa ku furay, goor horeetaba e
Dhaaxaad gashaad xaajo weyn, goysey keligaaye
Guddiga looyarkeedaad tahee, hays gabbaanadine
Godkaa Maxamed naqay Diiriyow, gawdhis laga waaye

Aan halkaygii kasii wado taxanihii ku saabsanaa gabayadii Xaydha,


innagoo dul istaagi doonna gabaygii toddobaad ee laga tiriyo silsiladdan.
Jeerkan waxaa meertadii kusoo noqday Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir),
oo ahaa xuddunta uu ka unkamay asaraartankan oodda jebiyey. Xirsi-

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 15


SILSILADDII XAYDHA

Caamir waxa uu markan daba joogaa go’aankii Maxamed Nuur Abokor


(Huube) ee ahaa in Xirsi facshar iyo fadeexad dhex fadhiistay haddii lagu
marag furo inuu raggii ay qoob-wadaagta ahaayeen xaydh ka durduuray.
Isagoo midhkaas ka ledi waayey ayuu Xirsi-Caamir u iftiiminayaa Huube
in gabayga Weerar Cali dhaafsiisan yahay dooddan ku saabsan jicsinkii
lagu soo jidmaray. Waxa uu daboolka ka qaaday, baroortu orgiga ka weyn
e, in isaga iyo Weerar xurguf iyo xafiiltan hore ka dhexeeyeen, sidaa
awgeedna uu Weerar fursadda ka faa’iideysanayo.

Dhanka kale, waxa uu xasuusinayaa Huube in ciddii garsoor lasoo bido


ee xaajadii loo dhiibtey kala melmeshaa aanay if iyo aakhiro toona
mahadin. Haddaba, si uu Huube gartan u qaado waa inuu labada dhinac
ee ilaaqtanku ka dhexeeyo isu soo fadhiisiyo, waa in xeerbeegtidii
arrinkan loo xulay xubno ka mid ahi madasha ku weheliyaan,
dabadeedna markii arrinka uu fallamaguro, waa inuu u kala soocaa
saddex qaybood: Wax qiraal noqda, wax mudducigu marag usoo joojo iyo
wax madaacaley ka jid baxo. Haddii aan sidaa hufan garta loo niqin, oo
Huube isagoon xagna deyin uu garta isaga uun ku mooso, waxa uu Xirsi
ku dacwiyayaa inay tahay xaqdarro aan sharci iyo xisti midna qiil ku
lahayn.

Maadaama uu Weerar soortii lasoo sahayday duray, oo bari iyo bogox ba


ka ridey inaan loo hagar bixin, ragga qaarna macaluul ka-yaab meesha
soo geliyeen, waxa ay ka fursan weydey in Xirsi-Caamir mar labaad
meertada kusoo noqdo, si uu wixii madmadow ah meesha uga saaro.

Waatay ku maahmaahi jireen “beenaale markhaatigiisa ayuu


fogeeyaaye”, Xirsi Cali Buraale waxa uu marag gashaday nin isagana la

16 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

odhan jirey “Xirsi-Wadhane” oo socotada ka mid ahaa, welibana ay


Weerar gooni isu sii xigeen. Wuxuu ku gar naqsanayaa in dhawrkii caano-
maal ee ay fool usoo jeedeen subaggii sahayda loo sitey laga wada
gasiintey, wax ceeb ahna aan lagu arag. Wuxuu yidhi Xirsi-Caamir:

Midhkaad tidhi adaan kugu qabsaday, Maxamed Nuurow e


Maantuun ha moodine horaa, muran u taagnaaye
Nin maroorshey xaajada ifkuu, murug ka qaadaaye
Maqfira iyo haddii aanu celin, mahad Allee toobad
Miisaanka aakhirana waa, man iyo dheeraade
Wax mustaqir noqda iyo wuxuu mudduci, marag usoo joojo
Iyo wuxuu madaacaley qurdi, iyo xeer iskaga meersho
Kol haddaanad labadooda muuq, meel isugu keenin
Oo aan guddida dhawr milgo lihi, meesha kula joogin
Macnaba maaha xaajada inaad, qolo ku moostaaye
Waa maxay masaladaa naqdeen, adiyo maankaagu?
Haddii Weerar hadal uu marsaday, maalmo kuu tiriyey
Oo uu manfacadi u cunay, mohobbiyoo caayey
Uu sida ibleyska is maldahay, midabbo dhawr jaadle
Ood adigu macaluul ka-hadal, meesha soo gelisey
Waxaan ahay madaacalay mudduci, moosinkeed bixinne
Anna maan tixdaan maagganaa, miinka ka caddeeyo
Inaanu maalin soo qadin Burciyo, madashi reerkooda
Isagay muraad wada siteen, meeshana u xigaye
Magaciis ha raagee Xirsaa, ii markhaatiyahe
Is majiiristii socod kolkii, sahay la maageeray
Wax dhammaan muddadu noo ahayd, muudhka subaggiiye

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 17


SILSILADDII XAYDHA

Aan mushtariga wada iibsannaan, muran ka oognayne


Maakhiri lo’aad iyo mid adhi, meesha may geline
Isagay muraad wada siteen, meeshana u xigaye
Magaciis ha raagee Xirsaa, ii markhaatiyahe
Hadduu meel ka gaabtana qurdaan, magan u joogaaye
*****
Waayahay… Silsiladdii xaydhu waxay noqotay sidii tusbax furmay oo
kale. Maya e waxay noqotay sidii kubbado layn toosan is daba yaal oo
kolkii mid la taabto ay ta ku xigta sii dhaqaajinayso. Sida ka muuqata
gabayga kor ku xusan, Xirsi-Caamir waxa uu ku gacan saydhay go’aankii
Huube, si uu dooddiisa u badhitaaro na waxa uu marag u qabsaday nin
ka mid ah raggii ay isku lugta ahaayeen.

Iyadoo go’aankii Huube aad mooddo in rafcaan laga qaatay, guddi


cusubna aan weli la magacaabin ayaa waxa taajkii garsoorka isu xidhay
nin la odhan jirey Guuleed-Xawaash, kaas oo isu xilsaaray bal inuu
arrinkan xaydha ee yuruyurudiisu badatay soo af jaro. Tixdii Guuleed-
Xawaash oo aannaan wada helin, balse inta naga soo gaadhey ay murti
iyo minqax miidhan tahay ayuu isaga oo aan usoo meermeerin sidan soo
socota gartii u ridey: Waxa uu hadal ku gooyey kol haddii ninkii sahayda
loo dirtey uu ahaa nin gedihiisu weyn yihiin, oo aan looga baqayn in la
khiyaano, isla markaana uu ahaa ruux isku san bannaan oo miyirkiisu
taam yahay inaan laga siisanayn inuu xaydh ku horo raggii xilka ku lahaa.
Gabaygii Guuleed-Xawaash oo aan dhammayn waxa ka mid ahaa:

Waxa Huube lagu gawdhiyaa, waa garaad xumo e


Annagaa gartiinnii naqnoon, gees ka mari hayne
Kol hadduu garaad leeyahoo, gugu u weynaadey

18 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Ninkii xaydha soo gaday ayaan, eed isugu geeyay


Halqabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa
inanteedii curad waxa ka guursaday nin reer miyi ahaa oo jamaal iyo joog
Ilaah u dhammeeyay, afarta maal-adduunyana wax ka haystay. In muddo
ah markii ninkii iyo inantii wada joogeen, Rabbina aanu sarrifin, ayaa
subaxii danbe islaantii soddohda ahayd isha ku dhufatay ninkii oo
aqalkiisa kasii baxaya – malahayga tuulada ayuu u shir tegayey sidii
dhaqanku ahaan jirey. Soddohdii intay isha lasii raacday ninkii inanteeda
qabay ayay tidhi, “Ninka intaa le’egi inantayda kama ilmo dhali waayin e,
hagrasho ayaa jirta”. Haddaba waxa tabnigaa u yaabban Aar Xandulle
Nuur oo ka mid ahaa raggii ka qayb qaatay gabayada Xaydha, lana
amakaagsan raggan tiradoodu tobanka gaadhey ee mid waliba isu
xaydxayday xallinta xaajada xaydha, balse aan wax natiijo ah ka keenin.
“Allaylahe ragga intaa le’egi labadaa nin ma kala saari waayin e, malaha
u hagarbax ayaan jirin”, sidaas ayuu laabta ka dareensan yahay Aar
Xandulle Nuur.

Sida ka muuqata gabaygiisa hoos ku qoran, wuxuu si weyn u dhaliilsan


yahay guddidii xaajada gashay iyo weliba gabayadii lagaga garnaqay,
kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar xeeladaysan oo aan xaqa ku
addimeynin, maxaa yeelay carrab dalab leh, lugo dalab leh laga garan
og!!!

Gunaanadka tixdan ayuu Aar Xandulle sii harraatiyayaa Guuleed-


Xawaash oo aynu hormadii tan ka horreysay kusoo marnay inuu doc aan
sidaa usii fogeyn gabay garqaadis ah kaga soo liishaamay taxanta xaydha.
Isagoo aad mooddo inuu yara baciidsanayo sida uu mar qudha uun
Guuleed-Xawaash gundhada ugu galay gabayada xaydha, ayuu Aar

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 19


SILSILADDII XAYDHA

Xandulle tixdiisan kusoo xidhayaa tuducyo biyodhacoodu yahay: ‘Waar


raggii goobjoogga ahaa iyo intii ku gedaannayd ba waa joogaane, maxaa
Guuleed-Xawaash na dhayda ka lisay?!’ Wuxu yidhi:

Xa’da gabay beryahan Diiriyow, xaaladdeed dhigaye


Caawana xusuus baa qalbigu, xaajada u galaye
Xeerbeegti waa inay guddida, xaqa ka sheegtaaye
Xistiga iyo shareecaduba waa, laba xarriiqood e
Hadba xadbaw dhigan dambaabkiyo ajriga, xarafyadiisiiye
Midba xaashibaa malag hayaa, loo xaddidayaaye
Xintifaallo abidkeedba waa, xeerka dabadeed e
Xirsi iyo ninkaa Weerar Cali, lays xasaradeeye
Subaggay xannaanka u siteen, laysku xaaleeye
Kol haddaanad xog-ogaal ahayn, maragna xuuraamin
Xaydh iyo inuu sixin ahaa, looma xeel bixin e
Xag Ilaah waxaan deyin guddidii, xaalka loo diraye
Aakhiro xisaab baa jirta iyo, xaq iyo miisaane
Gartaan xaali loo niqinna waa, lagu xidhmaayaaye
Xusbadeeyay oo toban nin baa, xaajadaa naqaye
Inuu gabaygu xeel leeyahaan, xaqa la sheegaynin
Xigto looma waayine ku filan, reer Xirsi Cismaane
Waar Guuleed-Xawaashena maxaa, geliyey xiiqdeeda!
******
Af af loo hayo ayaa ba’ay!!

Ha sugi waayin Guuleed-Xawaash oo sida leebka u ganaya tuducyadiisii


dhadhaabyada ka cuslaa, dhinbiishana ka kululaa. Isagoo ka hafeefanaya
sida uu Aar Xandulle hangool farraarro leh ugaga fogeeyay golaha

20 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

garqaadista iyo gorfeynta gabayada xaydha, ayuu mariyey tix uu Aar ugu
baalaxooftaynayo, naftiisana uu ruugcaddaannimo ku bantookhayo.

Iyadoo uu weliba hadalkiisii kala hambaystay, halna aanu seegin, Aar


Xandullena uu ku sifeeyay wiil yar oo aan waayo aragnimo lahayn, ayuu
sharxayaa waxa ku kellifay inuu ka garnaqo silsiladdan lagu kala saftay ee
sawaxanka dhalisay.

Ugu horraynba waxa uu cod sare ku sheegayaa Guuleed-Xawaash inuu


yahay nin ballaadhan oo aan ku seetaysnayn soohdimaha raaskiisa oo
keliya, balse kolba goobta uu joogo godobtii ka dhacda garsoore iyo guurti
ka noqda, tan maanta miiska saaranina ay uga sii xagjirto.

Intaa kaddib ayuu Guuleed-Xawaash badka soo dhigayaa inuu yahay nin
haldoor ah oo aan ciduhu ka maarmaynin, meelo badan oo dhaxani kasoo
geli lahaydna isaga lagu gufeeyo. Waxa uu gabaygiisa kusoo afmeerayaa
haddiiba uu ka huleelo oo raaskiisa oo keliya uu ku ekaado, in qofka
koowaad ee ku wax la’ ama manfacadiisa tebeyaa uu yahay Aar Xandulle
oo ah ninkan sii durkinaya ee deyrka debedda uga saaraya!!! Waxa uu
yidhi Guuleed-Xawaash:

Weligiiba guul igama helin, gaban is waalaaye


Gufaacooyin baan ridi lahaa, waan ka gaabsadaye
Guuleed-Xawaash baan ahay, iyo guurtidii hore e
Giddigii Islaankaba haddii, eedi kala gaadho
Gaafaan ku leeyahay haddaan, joogo golahaase
Waxa I geliyey xaajada tolkaan, kala guraayaaye
Gugii galaba gabadh baan dhisaa, gogolna raacshaaye

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 21


SILSILADDII XAYDHA

Goolkiyo wankaan naaxiyaan, kugu gargaaraaye


Adna meeshi kaa gaabataad, igu gufaysaaye
Haddaan guuro oo reer tolkay, ciidanka u geeyo
Bal maxaad ka guran maalintaan, guri-cas kuu reebo!
******
Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af
Soomaaliga oo in badan kala da’ weyn aawadeed, waxa hallaabay ama
marar badan madmadow isku gedaamaa suugaan badan oo haddii qoraal
lagu sugi lahaa, afkeenna dhumuc iyo dhadhanba ku biirin lahayd.
Yeelkeede, wax aynu dugsanno ama wax ku dul dhisi karno waynu soo
gaadhney. Silsiladdan Xaydha lafteedu ma wada dhamma oo sidii wax u
dhaceen looma wada xasuusto, balse inteedii mugga lahayd, ujeeddadana
iftiiminaysey way ina soo gaadhey oo waynu haleelnay. Haddaba, tixaha
soo socda oo ah kuwa aan kusoo afmeeri doono taxanahan, ma wada
dhamma, mana dhumuc yara ee sidaa ku guddooma akhristeyaal.

Waxa inoogu dambaysey iyadoo Aar Xandulle iyo Guuleed-Xawaash isu


halceliyeen, kaddib markii Aar Xandulle ku yidhi Guuleed-Xawaash,
“sheekada candhuuqada ha usoo gelin ee soo kulaal”. Guuleed-Xawaash
na markii uu arrinkaa liqi waayey, waakii mariyey tix uu ku faahfaahinayo
sababta keentay inuu gartan wax ka galo iyo weliba meeqaanka uu
bulshada ku dhex leeyahay, iyadoo ay weheliso waxoogaa hanjabo-Ruush
ah oo uu Aar ugu quus goynayo.

Waayahay… Teer iyo markii ay bilaabantayba waxa meertadan ku


garramayey laba saf oo is quwad le’eg. Safka hore waxa uu xoojinayey
dooddii Weerar Cali Geelle ee ahayd, “Allaylehe ninkii xididkiisa xaydha
ka waraabshey inuu xishood darraa”, waxaana hormuud u ahaa

22 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

Maxamed Nuur Abokor oo “Huube” loo yiqiin. Safka labaadna waxa uu


difaacayey Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir) oo dulucda weedhiisu ahayd,
“hadduu dhuunigu silloonaa, maxaa loo dharqanayey?” Safkaana waxa
horkacayey Diiriye Aw Guuleed Warsame.

Haddaba markii gabaygii xaydhu go’i waayey, gees walbana u duulay ayaa
ragga qaarkii Diiriye Aw Guuleed ku yidhaahdeen: “Diiriyow gartii waxay
u muuqataa in laydinka heley e, xaajada qarsada, xaalna bixiya, muranka
xaydhana halkaa ku xabaala”.

Diiriye Aw Guuleed arrinkaasi uma qudhqudhsamin. Iska dhaaf inuu


qarsado e, qaylo dhaan hor leh ayuu dirtay. Si uu medad ugu noqdo,
raggana wax uga jebiyo, waxa uu u habarwacday nin la odhan jirey Xaaji
Jaamac Abokor oo markaa Bari gacalkii kula ollog ahaa, watarracda
dhacdayna moogganaa.

Bilowga tixdiisa (oo aan dhammayn) ayuu Diiriye ku gacan saydhayaa


nimankii ula yimi dabuubtii ahayd “gaagaabso oo garowshiinyo bixi”,
isagoo ku tilmaamay kuwo caddaaladdii can-gashi dhaafsaday oo
dibnahooda la kiraystay. Wuxu yidhi Diiriye:

Qawdhan iyo malaa Jaamacow, waa i qaladeene


Qarshi iyo waxay dhaafsateen, quudki tuulada e
Qayrada Xirsi Cismaan intaan, qaylo marinaayo
Ee Xaajigii Qararre jirey, qabarku gaadhaaayo
Qarsiinada miyaan yeelayaa, Qaadir baa jira e
******

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 23


SILSILADDII XAYDHA

Xaaji Jaamac Abokor ayaa tixdii gaadhey. Warkii ayuu helay, wixii laga
yidhina waa loo mariyey. Isla ninkii gabayga u keenay, ayuu isna usoo
xambaariyey tix uu Diiriye iyo colkiisa ku garabsiinayo, Weerar Cali iyo
ciddiisana ku canaananayo.

Horraantaba, Xaaji Jaamac waxa uu tilmaamayaa, asluubtu waa sed e,


arsaaqdii afka la gashaday ee la alamsaday, ku akeekamiddeedu inay wax
laga istixyoodo tahay. Intaa wuxu raaciyey, subag iyo saaruq kay ahaydba,
soortii lasoo sahayday, mar haddii aan la saydhin, asii lagu soo wada
siqay, waxa uu Weerar la sarakacaaba inuu hadal sirgaxan yahay. Wuxu
yidhi Xaaji Jaamac:

Axmedow ninkii qabanayaan, qodob u sheegaaye


Qararre iyo waataan fadhiyey, gurigi Qoorwaaye
Qabaarkaba nin hayn baan ahoo, qoobka dhacay mooge
Qaylada dhankaa iiga timi, qoladi aan sheegtay
Qurux malaha dhuunigu haddii, laysku qoonsado e
Qasaarii Salaan waa wixii, jaray qudheenniiye
Jiilaal qawaarsaday abaar, qamacu duulaayo
Horta yaa bal qoonsaday ninkii, subagga soo qaaday?!
Haddii aa qubtaan Weerarow, quni ma yeedheene
Hadduu subaggu qudhun yahay maxaa, loo
qudhqudhinaayey?!
******
Illeen hadal lama dhammeeyo!

Weerar Cali oo sedriga gashaday inuu dooddii isagu ku gacan sarreeyay,


sow taar meel dheer ka yimi saqdhexe ma kicin! Sow nin qabar-maafish

24 t.me/Somalilibrary Shaafici Qaasim Nuur


SILSILADDII XAYDHA

ahaa oo qisadii loo geeyay uma qiil deyin! Goor uu dibnaha furtayba intuu
garan waayey, ayuu Weerar Cali Geelle qummaati ugu jawaabey ninkii
Qararre joogay. Isagoo ka jawaabaya midhkii ahaa “maxaa u qubi
weydeen?” ayuu Weerar iftiiminayaa wixii ku xanbaaray, in la qubo
daaye, soortii xilka lahayd in lagu soo xoomo. Wuxuu sheegay in jidaashii
lasoo maray iyo kayntii lasoo jibaaxay ee aan jinaw iyo jaan wax jidiinkaa
la mariyo lahayni ay ku jirrabtay, inkastuu jaahu diidaayey, inay kala
jiitaan jicsinkii fara-ku-dhegga lahaa. Tixdii Weerar oo aan dhammayn
waxa ka mid ahaa:
Qabaarkaba nimaan haynin oo, qaafilaa tahaye
Qararre iyo waxa aad fadhidey, gurigi Qoorwaaye
Subaggii qudhmuunaa waxaa, loo qudhqudhinaayey
Qarfadii la marayey naftii, qado u waayeene
Nin qudhiiba haysaa xarrago, qayb ka geli waaye

DHAMMAAD…

Shaafici Qaasim Nuur t.me/Somalilibrary 25

You might also like