You are on page 1of 2

Keligay baan ahaa.

Gaadhigii aannu la soconnay baa cidla na la fadhiistay kolkaas baa qof waliba
cagihiisa maalay. Gaadhigu ma jabin ee dhiiqo ayuu galay. Roobab waaweyn oo maalintaas oo dhan iyo
habeenkii ka horreeyayba da'ayay ayaa dhulkii ciidda ahaa ka dhigay daad iyo dhiidhi, baabuurkuna wax
uu ahaa Siisow xun oo awalba is ka kharaab ah. Anigu dad badan oo dusha saarnaa baan ku jiray oo ilaa
xalay intii aannu soo soconnay ee roobku da'ayay shiraaq xun oo daldaloola ayaa na gu dednaa oo na gu
darroorayay. Waannu wada qoynay, alaabtiina waa ay qoyday. Anigu waxba ma aan sidan aan ahayn
dharka aan gashan ahayn iyo kabaha aan illan ahay.
Markii gabbalku dhacay waannu wada dhaxamoonnay oo hoosta is ka wada galnay si aannu isu diirsanno.
Anigu wax aan laabta ka galay naag indho qurux badan lahayd oo ninkeedu shidhka saarnaa, iyaduna
laabta ayay i ga gashay oo habeenkii oo dhan laabta ayaannu is ka ga jirnay. Aad baannu raalli u ga ahayn
in aannu is dugsannay, dadkuna na ma ay arkayn oo mugdi iyo roobabbow bay ahayd. Xitaa hadalkayaga
xabeebta yeeshay la ma maqli karayn. Cidiba is ma ay arkayn is mana maqlayn oo labalaba iyo
saddexsaddex baa hoosta la isaga galay. Qofka hadlaa wax uu dawinayay cod dheer oo guuxa baabuurka
iyo dhibicda roobka dhex jiidhi kara. Waddadu waa xagaaf aan qardajeex waxba dhaamin oo baabuurku
sagxadda ayuu na gu garaacayaa, laakiin wax aan dareemayaa in dadka badankoodu silica raalli ku yihiin.
Waa silic wanaagsan.
Gabadh dhallinyaro ah oo buuran iyo nin qaad iyo sigaar is ku daldalaya, oo ilaa markii aannu magaalada
ka soo baxnay sheeko huruuf leh wadaagayay, oo aannu sheeko xumadooda ka maadsanaynnay, imika
waa ay is dugsanayaan oo isu juuq daayeen. Aniga ayaa xaggooda u gu xigay oo intii aan gabbalku dhicin
ee aanay is la aamusin eraygii u gu dambeeyay ee aan ka maqlay wax uu ahaa iyada oo ku leh "na ga
durug dhillay yahow xun ee khasiiska ahi". Baga! ayaan idhi, allaylehe labadaasi ha na ga aamuseen.
Murankoodii baannu ka raysannay. Islaantii madoobayd, ee uunsiga iyo cadarka waallida ahi ka soo
kakamayeen, ee xagga hore ka soo jeedday, ee buraanburka iyo Quraanka is ku dhex walaaqaysay,
iyadana yar aniga i la'eg baa sidii uu naas ka jaqayo dhuunta ka galay oo na ga aamusiiyay, oo buraanbur
iyo Quraanba u diiday. Oday dhegi go'an tahay oo dabeecad xun oo qofka la hadlaba bakoorad xun oo
uskag la casaatay ku la soo boodayay isagu waa keligii oo habeenka iyo dhaxanta cidla ayuu yaxoobaa.
Haddii uuna dabeecad xumaan lahayn naag ag fadhida oo reer miyi ah oo aad u aamusan buu laabta gelin
lahaa, laakiin waa taa wadaadkii tusbaxa dheeraa xaggeeda u durkay wax sheyddaan ka dambaajiyaba.
Dhaxan daran baa dhacaysa ay xawaaraha baabuurka iyo roobku u ga dareen. Waa la wada juuq gabay,
sidii geel iyo nirgo is jaqay oo wada fadhiistay. Habeenkii oo dhan wax dhintay iyo wax nool qofna qof
kale ma ogayn.
Kolkii waagu beryay ee ay iftiin noqotay weli roobkii wuu da'ayay, gaadhiguna daadkii buu dhex
jibaaxay, shiraaqii xumaa ee daldaloolayna sidii buu noo gu darroorayay, run ahaantiina waannu wada
qoynay. Imika waannu ka la wada fuqnay oo qofna qof ma huwana. Anigu waaban gam'ay. Wax aan yara
maqlayay naagtii indhaha wacwacnayd oo dadka ku leh "alla kan yar xalay dhaxan baa dili lahayd haddii
aanan dharkayga oo dhan huwin lahayn". Wallaahay waa runteeda Indhacad. Inan gumeedkii qabay
shidhka ayuu ku qayilayaa oo iyadaba xalay qabowgu wuu dili lahaa haddii aanan jidhkayga yar laakiin
aadka u kulul huwin lahayn. Hadallo qadhqadhaya ayaa la is waydaarsaday kolkii waagu beryay ee ay
iftiin noqotay. In baabuurku gaabinayo iyo in aan carrigii dhawayn baa la isu sheegay. Dadka waaweyni
khamrad bay ka cabanayaan oo dhafoorrada ayay is wada hayaan, dadka yaryarina gaajo. Anigu toddoba
iyo toban jir baan ahay oo wax aan helo hilib kulul iyo bariis kulul baan u gu jeclaan lahaa.
Goor ay barqo dheer tahay, roobkuna circaddaa yahay oo aan cadceedi jirin, ayuu gaadhigii meel cidla
ciirsila ah na la fadhiistay. Dhiidhi buu galay oo dhiiqo ayuu afarta shaagba ku limmaday. Ha la qodo! La
ma qodi karo. Ha la lugeeyo. Dadka qaar baan lugayn karin. Roobku imika ma xooggana laakiin dhulkii
loo socday ma dhowa. Indhacad ma lugayn karto oo waa midhaxareedaad. Shidka ayay gashay. Intii waxa
la yeelayo tashigeeda la waday baan anigu keligay taw idhi. Oo wax alaab ah ma sito cidna la ma aan
socon ee maxaa i ga dhul yaalla. Socodka xitaa orod baan ku daray. Run ahaantii aad iyo aad baan
socodka u macaansaday. Hawadu waa nadiif, dhulku waa biyo iyo rays, degaanku waa doog iyo qurux,
roobkuna weli wuu shuuxayaa, cirkana daruur baa ku wada daboolan, socodkuna dhaxantii buu i ga
yareeyay. Dad uun baan joogin, iyo xoolo. Waan og ahay dhulka sidan barwaaqada u ah waxa dadkii iyo
duunyadii ka cidleeyay oo waa colaad. Aabbahay wax uu ii ga sheekayn jiray colaad, aniguna colaaddaa
aan maanta dhex ordayo ayaan ku garaadsaday. Dhulku aad buu u qurux badan yahay, socodkana aad
baan u gu raaxaysanayaa, laakiin waan gaajaysan ahay oo wax aan u baahan ahay hilib falfal ah oo kulul
iyo bariis uumigu ka duulayo.
Wax aan ordaba goor casardheere ah wax aan ku soo baxay reer. Waxii kowaad ee aan arkay wax uu ahaa
aqal weyn oo cad oo labadaryaale ah oo aroos ah. Daf baan idhi aniga oo dhawaaq is ka horraysiiyay.
Aroosku sidiisaba ma aha guri caadi ah ee waa gole bulsheed oo furan. Aniga oo qoyan wax aan ku dhex
dhacay dhallinyaro rag iyo dumarba isu gu jirta oo arooska u soo wada xarragootay. Goob diirran oo
udgoon. Aniguna waa wada qoyan ahay oo waan qadhqadhayaa.
Dhar engegan baa la i siiyay, oo gogol diirran baa la i fadhiisiyay, oo bakeeri shaah ah oo caddays geel
iyo sonkor badan leh baa falaas la ii ga shubay, oo hilib falfal ah oo kulul iyo bariis uumigu ka duulayo
oo sixin leh baa la i siiyay, oo waa la ii sheekeeyay. Aad baan raalli u noqday, wax aan se u hiloobay
habeenkii silica badnaa ee Indhacad.

You might also like