You are on page 1of 4

Muhiimadda in la wada hadlo iyo horumarinta waxay ka mid

ahaayeen mowduucyadii looga munaaqashoodey booqashada ay


Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey U
Qaabilsan Soomaaliya ku tagtey Magaalada Hargeysa

SOURCE: UNSOM Strategic Communication and Public Affairs Group


(SCPAG)
RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial broadcast, print, online and radio use. It is
not to be sold on and is restricted for other purposes.
All enquiries to
CREDIT REQUIRED: UNSOM Strategic Communication and Public Affairs Group (SCPAG)
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 17 – 18 JULY 2023 - HARGEISA, SOMALILAND

Muhiimadda in la wada hadlo iyo horumarinta waxay ka mid ahaayeen mowduucyadii looga
munaaqashoodey booqashada ay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya ku tagtey Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 19 Luulyo 2023 – Wadahadalka Soomaaliya-Somaliland, colaadda ka


taagan magaalada Laascaanood, horumarinta dhaqaalaha iyo xuquuqul insaanka
ayaa waxay ka mid ahaayeen Mowduucyadii looga munaaqashoodey booqasho ay
dhowaan magaalada Hargeysa ku tagtey mas'uul sare oo ka tirsan hay'adda
sarreeya Qaramada Midoobey – marka laga soo tago horumarinta iyo horumarka
degaanka.

“Farxad weyn bay ii tahay in aan Hargeysa dib ugu soo noqdo. Waxaa markii iigu
horeysay halkan imid sannadkii 1993 markaasi oo aan u shaqeynayay hawlgalka
Qaramada Midoobey (QM)… Soddon sano kadib, Hargeysa aad iyo aad ayay u
horumartey, waxaanna ku qaatay laba maalmood oo aad u wanaagsan, waxaanna
aad ugagu mahadnaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo
soo dhoweyn diirran ii sameeyey iyo wadahadalka wax-dhisaya ee aan wada
yeelanay,” ayay tiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, dhammaadkii booqashadeedii
labada-maalmood ahayd.
“Sababta aan halkan habeen ugu dhaxay ayaa waxay tahay in aan doonayay in
aan helo waqti igu filan oo aan dhab ahaantii ku qaabili karo kulana hadli karo dad
kala duwan,” ayay ku dartay hadalkii ay siisay warbaahinta dhammaadka
booqashadeeda ee maalintii Talaadada“.

Marka laga soo tago kalankii ay la qaadatay madaxda Somaliland, mas'uulka sare
ee Qaramada Midoobey waxay sidoo kale la kulantay wakiilo ka socda ururrada
bulshada rayidka ah ee degaanka waxayna booqatey xarrun dhalinyarada lagu
tababaro oo ay Qaramada Midoobey taageerto.

Kulannadii dowladda

Kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u


Qaabilsan Soomaaliyo ay la qaadatey Madaxweyne Biixi iyo qaar ka mid ah
wasiiradiisa, ayaa waxaa si weyn uga soo muuqday arrimaha siyaasadda.

“Waxaan ka hadalnay wadahadalka mustaqbalka ee Soomaaliya-Somaliland iyo


ballanqaadka uu Madaxweynaha ballanqaadey in uu si taabogal ah ugaga
qaybgalayo wadahadalladaasi – Markaa taasi waxay ahayd mid dhiirrigelin leh,”
ayay tiri Marwo Laing, oo sidoo kale la kulantay ergeyga gaarka ah ee Somaliland
u qaabilsan wadahadalka, Edna Aadan Ismaaciil si ay uga wada hadlaan mowqifka
ay xukuumadda ka taagan tahay dib-u-bilaabashada wadahadallada.

Ka hor booqashadeeda Hargeysa, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxay la kulantay


Ergeyga Arrimaha Somaliland u qaabilsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed. Intii kulanka uu socday waxay carabka ku
adkaysay taageerada hay'adda ee wadahadal loo dhan yahay kaas oo wax looga
qabanaya caqabadaha hadda taagan si loo xaqiijiyo xalal waara.

Colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, halkaasoo dagaallo cusub ay mar


kale ka qarxeen, ayaa sidoo kale ahaa mowduuc lagala munaaqashoodey
madaxweynaha iyo dadka kale ee wadahadalka ka qaybqaadanaya.

“Waxaan ku boorrinayaa muhiimadda ay leedahay xabad-joojinta si uu wadahadal


u suurtagalo iyo in marka dambe dib loo bilaabo wadahadallada nabadda si horey
loogu sii ambaqaado,” ayay tiri mas'uulkan ka socda Qaramada Midoobey,” ayay
tiri Marwo Laing.
Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale wadahadallo gooni gooni ah la yeelatay
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Shukri Ismaaciil Maxamuud;
Wasiirka Maaliyadda, Dr, Sacad Shire; Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta
Qaranka, Dr. Axmed Buuxane; iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda, Ahna Ku-
simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Abshir Cumar
Jaamac.

“Wadahadalladaasi kala duwan ee aan la yeeshey, ayaa waxaa iiga soo baxay in ay
yihiin koox ay ka go'antahay oo maskaxda si cad ugu haya danaha ugu muhiimsan
ee ay Somaliland leedahay waxayna isku-dayayaan in ay horumariyaan,” ayay tiri
Marwo Laing.

CKulannadii bulshada rayidka ah

Kulannadii ay la yeelatey wakiillada bulshada rayidka ah, mas'uulka sare ee QM


waxay kala hadashey mowduucyo ay ka mid yihiin ka-wada-qaybgalka iyo u-
dhammaanshaha siyaasadda.

“Waxaan ku ammaanay ururrada bulshada rayidka ah shaqada wanaagsan ee ay


hayaan iyagoo taageeraya kooxaha nugul, hadday yihiin dhallinyarada ama
haweenka ama shakhsiyaadka naafada ah ama qabaa'ilka la liido ama kaalinta
weyn ee ay kaga jiraan hawshan aadka muhiimka u ah. Waxaana u ballanqaadey
in QM ay si buuxda u taaageeri doonto,” ayay tiri Marwo Laing.

Kulannadan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah kulan ay la qaadatey Guddoomiyaha


Komishinka Xuquuqul Insaanka ee Somaliland, Maxamed Baaruud Cali. Waxay ka
wadahadleen horumarka uu ka sameeyay dhowrista iyo kor-u-qaadista xuquuqul
insaanka.

“Waxaan ku ammaanay shaqada fiican ee uu qabanayo, in uu horey u sii wadey


dejinta sharciyo ku saabsan arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha
muhiimka ah ee xoriyadda hadalka (xorriyatul qowlka) ee suxufiyiinta iyo
xorriyadda hadalka (xorriyatul qowlka) ee warbaahinta,” ayay tiri Marwo Laing.
Waxay sidoo kale la kulantay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland
waxayna markii dambe xustay “Waxay isiiyeen xikmado badan iyo aragtiyo
badan.”

Intii ay magaalada Hargeysa joogtay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee


Qaramada Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya waxay booqatey xarun lagu
tababarro dhallinyarada oo uu taageero Sanduuqa Dadka ee QM (UNFPA). Waxay
halkaasi isdhexgal iyo wada-sheekaysi kula yeelatay dhallinyarada waxayna si toos
ah u soo aragtey sida barnaamijyada horumarinta xirfadaha iyo maciishada, oo ay
ka mid yihiin cunto kariska iyo harqaanka (dawaarka), ay awood-u-siinayaan
dhallinyarada degaanka.

You might also like