Professional Documents
Culture Documents
Buugga Dibbad Wareeg
Buugga Dibbad Wareeg
XUSUUSQOR
DIBADWAREEG
2
Ama aan harraadkiyo dhibtiyo; habaqle dheeraanin,
Hagrashaba ma joogtee haddaan; halista loo jiidhin,
Hanfigiyo haddii aan shiddada; samirku noo hiilin,
Heli maysid saaxiibkayoow; himiladaadiiye,
Anna waxaan isugu hawlayaa; waa halbeeg jabaye,
Ka haajiray Hargeysiyo dhulkay; hibadu saarrayde,
Hoygii Taleex iyo ka tagay; xaafaddii Hodane!
- Hayyaan: Nageeye Cali Khaliif, 2023
3
Affeef ............................................................................................................................ 6
Hordhac ........................................................................................................................ 7
CUTUBKA 1AAD: GALKA DAWLADNIMADA, SIYAASADDA IYO
HALGANKA ............................................................................................................. 12
1. Xoghayntii Naftayda!......................................................................................... 13
2. Samowade ........................................................................................................... 17
3. Qarannimo ......................................................................................................... 20
4. Dabadhilif ........................................................................................................... 22
5. Dal-dhammeeye .................................................................................................. 27
6. Gobannimo-u-dirir ............................................................................................. 31
7. Walaahaw ........................................................................................................... 35
8. Amakaag ............................................................................................................. 36
9. Dhaygag ............................................................................................................. 40
10. Garnayl ........................................................................................................... 44
11. Waan Diiday Reernimo! ................................................................................. 47
12. Hammi ............................................................................................................ 51
13. Maxay Doorashadu Soo Waddaa? .................................................................. 54
14. Digniin ............................................................................................................ 57
15. Ogaysiis .......................................................................................................... 61
16. Baraarug.......................................................................................................... 66
17. Gurmadkii Midnimada ................................................................................... 74
18. Duufaan .......................................................................................................... 82
19. Ubixii Goobweyn ............................................................................................ 88
20. Sooyaal ............................................................................................................ 95
21. Diihaal ............................................................................................................. 98
22. Dhambaal ...................................................................................................... 102
23. Gashi ............................................................................................................. 105
24. Baadigoob ...................................................................................................... 111
25. Saluug ........................................................................................................... 112
26. Hiiraal ........................................................................................................... 117
27. Garmaqaate ................................................................................................... 120
28. Daleelo ........................................................................................................... 129
29. Dhextaal ........................................................................................................ 132
30. Dibadwareeg ................................................................................................. 134
31. Dabargo’ ........................................................................................................ 145
32. Uur-ku-taallo ................................................................................................ 148
33. Dhaxalreeb .................................................................................................... 151
34. Sahwi ............................................................................................................. 156
35. Maageer ......................................................................................................... 158
36. Dayaxii Madoobaaday .................................................................................. 162
37. Goobyaal ........................................................................................................ 173
38. Xidaar............................................................................................................ 180
39. Hiirtaanyo ..................................................................................................... 184
4
40. Qaamuus ....................................................................................................... 191
41. Caloolyaw ...................................................................................................... 193
42. Maandeeq ...................................................................................................... 195
43. Feleg .............................................................................................................. 198
44. Cadhadii Dadweynaha .................................................................................. 199
45. Garbaduub .................................................................................................... 206
46. Ahaanshiiyo .................................................................................................. 214
47. Burde ............................................................................................................. 222
48. Daaci ............................................................................................................. 229
49. Dhabar Adayg ............................................................................................... 231
50. Liqdaar .......................................................................................................... 232
51. Nidar ............................................................................................................. 234
52. Waciid ........................................................................................................... 235
53. Hayyaan ........................................................................................................ 237
54. Tabaalo .......................................................................................................... 244
55. Gaylan ........................................................................................................... 246
56. Duullaan ....................................................................................................... 250
Lifaaq sawirro ah .................................................................................................... 255
Ku saabsan Qoraaga: .............................................................................................. 286
5
Affeef
Buuggani waa Xusuusqorkayga gaarka ah. Gabay kasta marka aan
dhammeeyo ayaan qori jiray dhacdada gabaygaasi ku soo baxay. Sidaas ayay
dhacdooyinkii gabayadu ku noqdeen buuggan yar. Tani waxa ay xiiso gaar ah
u samaynaysaa qof kasta oo raba in uu ogaado dhacdada rasmiga ah ee
gabaygu ku soo baxay oo aan tafaasiil kale iyo turjumid midna lahayn.
Gabayada qaarkood waxa aan xusuusqorkooda raaciyay dhacdooyin isla
gabayga la xidhiidha oo aan la kulmay markii aan gabayga baahiyay ka dib.
Tusaale ahaan, qof gabayga dhagaystay ama akhristay oo jawaab dareen leh
igu soo celiyay.
Ma ihi qoraa mana lihi haba yaraatee wax waayo aragnimo ah oo qoraalka la
xidhiidha. Waxyaabaha aan akhriyay kama mid aha wanaajinta qoraalka ama
farshaxanka sheekooyinka. Kuma fiicni qalin-ku-sheekeynta marka loo eego
fagaare-ka-hadalka. Sidaa si la mid ah, ma ihi nin wax hagaagsan ka fahansan
afkiisa ama dhaqankiisa. Waxa taas caddayn kuugu filan, tobannaan jeer ayaa
jaamacadda la iga codsaday inaan buuxiyo maaddada afka Soomaaliga oo soo
bannaanaatay. Si joogto ah ayaan uga cudurdaaran jiray, hal mar oo cidba loo
waayay mooyaane, waliba halkaa marna waan ka qoomamoodaa, sababta oo
ah ma aqaanno Soomaali igu filan oo aan cid kale wax ka sii bari karo.
Sideedaba, afku asal buu leeyahay oo waa dhulkii miyiga ahaa ee
sooyaalkeenna ummaddeed yaallay. Miyigu isaga ayaa qofka afka iyo
dhaqankaba bara isaga oo aanay cidina u dhigin. Qaab nololeed soo jireen ah
oo si u qaabaysan ayuu miyigu ahaa. Taasaa keentay in qofku afkiisa iyo
dhaqankiisa hodan ka ahaado. Maanta, rag iyo dumarba, dhalinyarada
suugaanta wax ka mid ah tiriyaa, waa dadkii ku dhashay ama ku
garaadsaday magaalooyinka. Magaalooyinku waa qaab nololeed kale oo
cusub oo u baahan la qabsi nololeed iyo bulsheed. Reer magaalnimadeenu
malaha asaas adag oo afka ama sooyaalkaaga aad ka baran karo. Sida oo kale,
dugsiyada iyo manaahiijtu uma qaabaysna in ay soo saaraan qof Soomaali ah
oo noloshiisa iyo soo jireenkiisa si wanaagsan u yaqaanna, nolosha cusubna
wax ka yaqaanna. Arrimahaasi waxa ay keeneen in suugaanyahanka maantu
uu marar badan baahi u qabo wax ka badan waxa uu haysto ee aftahamo,
dhaqan, af ama sooyaal ah. Sababahaas oo dhan aawadood, waxa aan ka
cudurdaaranayaa gaabis kasta oo ku jira gabayada ama qaab qoraalka
sheekooyinka gabayada ama labadaba.
6
Hordhac
Waxa aan aamminsanahay, jiritaanka Ilaahay, kalinimadiisa iyo awoodihiisa
oo dhan. Waxa aan aamminsanahay, runnimada Nebi Muxammed iyo
farriinta Ilaahay u soo dhiibay. Waxa aan aamminsanahay, Somaliland
waligeed dawlad may noqinnin. Sida oo kale Soomaaliya waligeed dawlad
may noqonnin. Waxa dawlad noqotay Jamhuuriyaddii Soomaalida (Somali
Republic) oo ka koobnayd Somaliland iyo Soomaaliya oo midoobay.
Jamhuuriyaddaas cusub ayay dunidu aqoonsatay, kana mid noqotay
dawladaha kursiga ku leh Qaramada Midoobay. Markii dambena xubin ka
ahayd Jaamacadda Carabta, Midawga Afrika iyo Urur Gobolleedka IGAD.
7
ee cid waliba ku jirtay balse reer Koonfurka u badnaa ee sida foosha xun u
burburiyay riyooyinkii quruxda badnaa.
8
Soomaaliya waxa ka socda dagaal afkaar iyo mabaadii ku salaysan. Waxa
dagaallamaya laba fikir. Reer Galbeedka iyo dawladaha derisku waxa ay
riixayaan aragtida dawladnimo ee u eeg tan Galbeedka oo la been abuuray,
waxaanay hormuud u yihiin sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd dawlad u
hoggaansan iyaga oo ka madhan dhammaan wax kasta oo qofka Soomaaliga
ah muhiim u ah: diin, waddaniyad, dhaqan iyo soo jireenba. Sababtaa
aawadeed, waxa ay taageero dhaqaale, ciidan iyo siyaasaddeed la garab
taaganyihiin maamullada kala duwan ee dalka ay ka sameeyeen. Ujeeddada
ugu weyn ee ay leeyihiin waxa weeyaan in adeegeyaal af Soomaali ku hadla
ay Soomaaliya madax uga dhigaan, ka dibna ay si sahlan u boobaan
khayraadka dalkan. Aragtida labaad waa tan xagjir/xaqjirka ah, kolba sidii
aad u akhrido. Waxa rasmi ahaan aragtidan hormuud maanta ka ah Al
Shabaab iyo unugyadeeda qarsoon ee kala duwan. Waxa sida oo kale
aragtidan ka mid ah qof kasta oo Soomaali ah oo qawadsan cadka quudheed
ee maanta hortiisa yaalla. Waa aragti ku salaysan in Soomaalidu aanay
marnaba qaadan karin nooca dawladeed ee reer Galbeedku ay
dhoodhoobayaan. Waa aragti nuxurkeedu yahay in Soomaaliya ay ka dhalato
dawlad Islaami ah oo asalkeedu ku qotomo taariikhda, diinta iyo asalka qofka
Soomaaliga ah. Waa aragti xambaarsan ahaanshiiyo bulsho, xorriyad fikir iyo
madaxbannaani ummaddeed. Waa aragti liddi ku ah isu dhiibidda gaalada
galbeed iyo kuwa deriska ah. Waa aragti taariikh iyo diin salka ku haysa.
Run ahaantii, dadka kale dhaliishooda iyo hadalladooda oo dhan waxa aan u
arki doonaa kala duwanaansho fikir oo mudan in la soo dhaweeyo, balse laba
kooxood marna yaan hadalkooda la dhagaysanin. Kooxda hore waxa
weeyaan niman wadaaddo ah oo doonaaya in ay dadka ku haystaan
fulaynimo la diimeeyay. Waa koox runta qadhaadh ka baqday, ka dibna si ay
xaqqa uga dhuuntaan doonaaya in ay fulaynimadooda diinta Ilaahay qiil uga
raadiyaan. Kooxdaas marna yaan la dhagaysanin. Kooxda labaad waxa
weeyaan koox u badan hoggaanka siyaasiga ah ee Soomaalida maanta. Waa
koox hore uga imid ahaan jiray ururradii Islaamiga ahaa ee kala dambeeyey.
Waa koox fursad ka dhex arkay maamullada Soomaaliya laga yabyabay oo ku
macaashay. Waa koox qandaraash, lacag badan iyo danaysi shakhsi ah u
afduuban. Iga rumayso, kooxdani fikir ahaan, wali halkoodii hore ayay
joogaan oo iyaga iyo ururradii Islaamiga ahaa ee ay ka tirsanaayeen, fikir
9
ahaan ma kala foga, balse danta ayaa ku qasabtay in ay ka shaqeeyaan wax
aanay aamminsanayn. Haddaba akhriste, hadal kasta oo labadaa kooxood ay
ku suurad xumaynayaan dagaalkan waajibka ah, ha ka dhagaysanin. Dadka
kale, dhaliishooda iyo dooddooda, ha sharaysanin.
Ugu dambayntii, sidan aan yeelay ayaan lamahuraan u arkay. Waxa aan sida
oo kale ku xusuusinayaa in Malcolm X uu mar hore yidhi “haddii aanad
diyaar u ahayn in aad naftaada u hurto Xorriyadda, ka saar Qaamuuskaaga
ereyga Xorriyad”.
10
Xusuusqorkan gabayada ah waxa aan u hibeeyey Walaashay Saynab. Waxa
meel fog qalbigayga kaga yaalla jacaylkeeda, hiilkeeda iyo adkaysigeeda.
11
CUTUBKA 1AAD: GALKA DAWLADNIMADA, SIYAASADDA IYO
HALGANKA
12
1. Xoghayntii Naftayda!
Jimce, July 15, 2011
Waxa bilaabmay sannad dugsiyeedkii 2009dii-2010kii ee Dugsiga Sare ee
Maxamuud Axmed Cali. Waxa aanu u gudubnay fasalka saddexaad. Markan
ardayda waxa loo qaybiyaa laba qaybood. Qolooyin raacda dhinaca Sayniska
oo gaar u barta maaddooyinka Chemistry, Biology, Physics iyo qolooyin raaca
dhinaca Culuumta Bulshada oo iyaguna qaata maaddooyinka History,
Geography, Business. Anigu waxa aan ku biiray qoloda dambe.
Sagal, waxa ay dhigan jirtay fasal kale oo isla dugsiga ah. Waxa dhammaaday
fasalkii saddexaad, waxaana loo gudbay fasalkii afraad ee Dugsiga Sare,
dabayaaqadii sannadkii 2010kii, fasalkaygii iyo fasalkii Sagalna waa la isku
daray. Sannadkan ardaydu waxa ay muujiyaan dadaal dheeraad ah,
maadaama oo imtixaankii guud ee ugu dambeeyey Dugsiga Sare uu soo
socdo. Wax akhris iyo is diyaarin ayaa inta badan la bilaabaa. Waa halkan
halka aanu Sagal isku baran doonnaa. Isbarashadayadu waxa ay ku
bilaabantay arrimo la xidhiidha diyaar garawga imtixaannada soo socda iyo
sidii guul looga keeni lahaa. Si kastaba ha ahaatee, aniga ardaynimadii iyo
wax wada akhriskii waxbaa ii weheliya. Waa anigan Sagal xiisaha gaarka ah u
qaba. Kolba xiisahaasi wuu soo siyaadayaa, ilaa heer uu igaba mashquuliyay
wax akhriskii.
13
Goortu waa galab Jimce ah January 28, 2011ka, goobtuna waa gayigii
kalgacalka iyo gudaha magaalada Hargeysa. Waa waddada hor marta
meheradda caanka ah ee Sabaxareed oo Sagalna ay meel u dhaw deggenayd.
Galabta waa anigan dhiirranaan muujiyay. Waxa aan Sagal ku idhi ‘ina abti
waan ku damaaciyay?’ waxa ay iigu jawaabtay ‘ma kaa dhab baa’? ereygaasi
waxa uu ahaa wixii ugu xoogga badnaa ee soo saaray hibo halabuurnimo oo
igu jirtay balse aanan ogayn. Maansooyin door ah oo cattaw jacayl
xambaarsan ayaan xilligan curiyay. Xilligan waxa aanu saaxiibnay Cumar
Dhuulle Cali. Heesihiisii ayaa wehel rasmi ah ii noqday, dadna waxa ugu
wanaagsan qofka isaga oo geeriyooday aad haddana weheshan karto.
Maalmahan iyo bilahan, waxa aan galay marxalad runtii aad u adag. Waxan
iigu muhiimsan ee aan raadin jiray waxa ay ahayd Sagal aragtideeda. Dugsiga
ma timaaddo, guriga ayay wax ku akhrisataa. Ardayduna sidaas ayay u
badanyihiin. Waxa aan sameeyey sabab kasta oo keeni karta inaan mar uun
arko, waan se waayay. Waxa aan iska fadhiyi jiray meheradaha iyo
gidaarrada guridooda u dhaw, bal in aan mar uun arko iyada oo bannaanka u
soo baxday.
Waxa aan is waydiiyay masuuliyadda iga saaran difaaca dalkayga iyo halka
aan caawa joogo aragti ahaan iyo itaal ahaanba. Waa habeenka aan tiriyay
14
gabaygan Xoghayntii Naftayda. Markii aan maalmo joogay Hawdkii, ayaan
dib ugu soo noqday Hargeysa.
1 Xamse Ismaaciil Xusseen (Dhedo). Saaxiib xaafadda Sabaxaareed ku lahaa goob waraaqaha lagu
daabaco ama lagu badiyo.
2 Waraaq.
3 Adeegga dirista lacagaha Mobileka ah ee shirkadda Telesom.
15
Xasilloonibaad ii ahayd; sida Xaddiiskiiye,
Xeeldheeri hadalkaagibaan; sii xusuusnahaye,
Xeer baynu leennahay haddii; layga kaa xadaye,
Alleylehe xisaab li’i u nacay; xaafaddoo idile,
Waa taan Xammuul Hawd u baxay; sii xagaasadaye,
Xamaamana ma qaadane naftaa; diidday xeradiiye,
Xuduudaha la sheegana ma arag; mana xusuusnayne,
Aniguba waxaan xalay ku dhaxay; taaggi Xodayoode!4
Faallo:
Gabaygani waxa uu ka mid yahay gabayada jacaylka ah ee ku jira
diiwaankan. Waxa aan halkan ugu soo qaatay waa hal ujeeddo oo muhiim ah.
Waa ujeeddo la xidhiidha inaan ku dareensiiyo, xattaa maalmihii
dhalinyaronimo iyo jacaylkii Sabaxareed, waxa haddana mar walba igu
weynaa raadinta gobanniimada, wax-iska-caabinta iyo dareenka ah in ay
jiraan wax weyn oo mudan in loo haglamo. Gabaygan oo jacayl ku saabsan,
haddana meerisyada ugu dambeeya waxa aan ku idhi:
16
Wali lama xoroobine adaan; dhuuxin xaajada’e,
Xuddurbuu gumaysigu qabsaday; xalayto fiidkiiye,
Xabashigu wuxuu soo wattaa; xulafo Shaydaane,
Waa xeebahaygii waxay; niman xaraasheene,
Nin ragoo xaqqiisii la dhacay; taa xammili waaye,
Waa xeer inoo yaal haddaa; Xamar illawdaane,
Xarragana ma naawilo intuu; xaal sidaa yahaye,
Mar haddii xakamihii go’oo; la is xiniin taabtay,
Xarakooyinkaad6 igu ogtahay; malahu xaaraane!
2. Samowade
Sabti, August 16, 2014
Gabaygani waxa uu soo baxay maanta oo ah Sabti, August 16, 2014ka oo ah
maalintii aan ka qalinjabiyay Kulliyada Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga
ah oo aan Shahaadada koowaad ka qaatay oo xafladda qalinjabintu ay ka
dhacday dhismaha ay deggenyihiin Ururka Midawga Afrika ee magaalada
Addis Ababa, Itoobiya. Waxa jira sheekooyin fara badan oo la xidhiidha
aasaaskii Ururka Midnimada Afrika, sababta Addis Ababa xarun ugu noqtay,
xeerka lagu aasaasay ururkaasi oo aqoonsan xuduudihii gumaysigu ka tagay
oo Soomaalidu ay mar walba u arkaan in uu liddi ku yahay jiritaankooda,
midnimadooda iyo isu soo ururinta dadka Soomaaliyeed ee la qaybiyay iyo
sida ururka marar badan loogu adeegsaday in Soomaalida iyo dalkooda
hadda burbursan ee Soomaaliya lagu cadaadiyo. Soomaaliya, waxa uu muran
dhul oo mar walba taagani kala dhexeeyaa dalalka Itoobiya iyo Kenya,
maanta se in labadaas la isku soo sawiro ayaa loo kala dheereeyaa. Iyaga
colaaddoodu waa halkii, balse qofka Soomaaliga ah ayaa aragtidayda jabay oo
is dhiibay.
Aan dib u soo laabto. Waxaa xafladda jooga oo Hargeysa ka yimid, Muuse
Biixi Cabdi, guddoomiyaha Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
(Cirro) oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo guddoomiyaha Xisbiga
Waddani iyo wasiirro badan oo kuwii la tuhmaayay ay ku jiraan. Waxa
17
wasiirrada ka mid ah Xirsi Cali Xaaji Xassan. Jaamacadda aan ka qalinjabiyay
waxa ay qayb kale ku lahayd Hargeysa, sidaasidaraaddeed, waxa iyaguna
nala jooga oo qalinjabinta ku sugan arday Hargeysa uga yimid si ay halkan
xafladda qalinjabinta uga qaybgalaan. Ogow oo Hargeysaba xaflad qalinjabin
ah way ku qabsan karaan. Waxa aad is waydiisaa; arday badan oo ka timi
Hargeysa, soo maray safar dheer oo dhulka ah, kharashka iyagu iska soo
bixiyay, ay weheliyaan masuuliyiintii xilka u hayay intoodii badnayd oo
ujeeddada ay u yimaaddeen ay tahay in ay dhismaha Ururka Midawga
Afrika, waliba qaybaha aan muhiimka ahayn isku soo sawiraan? Kollayba
aniga taasi way ila qalloocantahay. Waxa aan se ogahay in ay yihiin ummad la
handaraabay oo in ay safraanba ay wax weyn u tahay. Qaarbaa aad ugu
faraxsanaa in ay markii ugu horraysay Hargeysa bannnaanka uga baxeen.
Qaranjab iyo hanjab ayay tusaale u ahayd. Aan ku xusuusiyo, qaybta xafladda
lagu qabtay maaha meelaha muhiimka ah ee madaxdu ku shiraan, waa
dhisme yar oo dambe oo aan muhiim ahayn, balse dhismaha weyn ka tirsan
dhisme ahaan.
18
Waakan gabaygii Samowade oo dhammaystirani:
Sannadahaba waan aamusnaa; Cumar-siraadoowe,7
Suugaanta gabay waan ka tagay; sa’ iyo woowgiiye,
Sida soobir caydhoobaybaan; daayay sadarkiiye,
Hadba waan sahwiyayaa anoo; jooga suuqyada’e!
19
Aniguna sidiisaan ahoo; waa sir iyo caade,
Gabaygaygu waa Samowadiyo; waxad sugayseene,
Waa soor gobeed iyo midnimo; xaajo saafiyahe,
Saldhiggeedu waa wadajir iyo; sabo barwaaqaaye,
Soomaalida waxaa kala siree; qoloba geed saaray,
Saf mareed xanuun ugu dhiciyo; waa sun wadareede,
Dhalinyarada sabankoow ka kaca; qaranki suudaalye,
Suuradaha Qur’aankiyo akhriya; sadarka Yaasiinka,
Ku sifooba Diintoo ka taga; saarka iyo beenta,
Oo Soomaalinimadii luntiyo; calankii suureeya!
3. Qarannimo
Jimce, February 27, 2015
Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan nin aanay Darawalnimada waxba uga
bilawnayn ayaa gaadhi soo iibsaday. Markii uu dhaqaajiyayba gaadhigii wuu
la qallibmay. Isaga oo dawakhsan oo gaadhigii dul taagan ayay u yimaaddeen
Ciidamadii Nabadgelyada Waddooyinku. Waxa ay waydiiyeen sharcigii
baabuurka iyo kii waddo marista. Waligii isagu sharcigaas muu maqal.
Ninkaas waxa laga sheegay “Nimanyahaw gaadhigan anigaa gattay anigaana
geddistay!”.
20
kuwii keeney qaranjabka. Walina dawo looma helin. Waxa jira dhallinyaro
badan oo aabaabulan oo arimahaasi ka dhiidhiyay, balse dhalinyaradaasi ma
midaysna. Taasina waxa ay dhaawacaysaa guul kasta oo ay gaadhi lahaayeen.
21
4. Dabadhilif
Khamiis, March 26, 2015
Bishii June 16keedii, sannadkii 1992kii maalin Salaasa ah iyada oo lagu jiro
bilawgii qaran jabka Jamhuuriyaddii Soomaalida ayaan ku dhashay
deegaanka Kaam Buraale oo u dhaw Kaamkii Qaxoontiga Darroor ee gobolka
Hawd. Aabbahay waxa uu ahaa ganacsade iyo darawal caan ah oo
baabuurtiisu ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee Hargeysa iyo miyiga la
degganyahay gaadiid ahaan loo isticmaali jiray. Aabbahay waxa uu ka mid
ahaa dadkii reer Waqooyiga ahaa ee dhuumashada kaga baxay magaalada
Hargeysa ka dib cadaadiskii maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu u
qaxay gobolka Hawd sannadkii 1982kii ka dib markii hantidiisii qaybo ka mid
ah la burburiyay isaguna uu dirqi kaga baxsaday magaalada Hargeysa
halkaas oo uu ku biiray Jabhaddii hadafkeeda markii dambe la afduubay ee
SNM.10
10Qodobka Lixaad ee Dastuurkii SNM ee lagu ansixiyay Shirweynihii 5aad ee sannadkii 1987kii,
waxa uu u qornaa sidan: “The Somali National Movement (SNM) is committed to the total liberation
of the Somali Republic and shall oppose any division of the country into regions or mini-states that
are prejudicial to the unity of the country." Af Soomaali ahaan, waxa uu macnuhu noqonayaa
“Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM), waxa uu u taaganyahay xoraynta
guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaalida, waxaanu ka soo horjeedaa iskuday kasta oo dalka loogu
qaybinayo ‘Gobollo’ ama ‘Ismaamullo yaryar’ taas oo halis ku ah Midnimada dalka.” Raggii
aragtidaa ku dagaallamay ee ku dhintay waxa ka mid ahaa Maxamed Faarax Dalmar Yuusuf
(Maxamed-Cali), Maxamed Mooge Liibaan, Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), Cabdiqaadir Koosaar
Cabdi, Ibraahin Ismaaciil Maxamed (Koodbuur), Axmed Macallin Haaruun, Maxamed Xaaji Muuse
(Haragwaafi), Aadan Sheekh Maxamed Cabdi (Aadan-Shiine), Aadan Saleebaan Cali, Axmed Daahir
Nuur (Axmed-Dhagax) iyo boqollaal ama kumannaan kale.
22
kumannaan adhi ah isugu dareen oo ay u iibiyeen si noolka safarka looga
bixiyo Michael Mariano si uu doodda iyo dacwadda reer Waqooyiga u geeyo
xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Waa kii ergaygii Ingiriiska u
qaabilsanaa Qaramada Midoobay si badheedh ah u sheegay inaan doodda
reer Waqooyiga ee iyaga liddiga ku ah aan marna la furi karin. "Golahan
kama tirsanidin, idinna garan mayno, gartiinana ma geli karno" waa tii xaajjo
ku soo ururtay. Waa tii taasi keentay cadho iyo tiiraanyo xoog leh iyo in
dadkii reer Waqooyi ay weer cad madaxa ku xidh-dhaan. Waa tii gabayada
iyo heesaha gobannimodoonka ahi is dhaafeen ee ay meel walba ka dhaceen.
Waa tii dhulxariiqqa iyo faalladu dheeraatay. Ingiriis ha na dhaafo waa tii
gole walba lagaga sheekeystay. Dhulkan soo dhicintiisa aynu xoog iyo
xoolaba u doonnanno waa tii kor iyo hoosba laysugu sheegey. Dareenka
noocaas ahi waa kii keenay midnimadii reer Waqooyi ee Xamar. Waa tii
dareenkaas aawaddeed la illaaway in geeddiga cusub loo sahan tago. Wixii
intaa ka dambeeyey waa taariikh.
23
qabyaaladda cadawgu maleegaayo. Sidaasidaraaddeed, meelo gabayga ka
mid ah reeraha Soomaaliyeed ayaan gabayga mid mid ugula hadlayaa:
Sida oo kale, waxa aan tusaalaynayaa halgan dheer iyo dhiig badan ka dib,
maalinta dhulkaasi xoroobo guusha iyo barwaaqada ay dadka dhulkaasi
gaadhi doonaan iyo sharafta ay ku noolaan doonaan. Ugu dambaynta, waxa
aan digniin u gudbinayaa gumaysiga gaboobay ee Xabashida, waxaanan kula
ballamayaa dagaal iyo dhiig lama huraan u muuqda. Gabaygani waxa uu
dabasocday markii TPLF iyo adeegeyaasheedu ay dhulka ballaadhan ee
Galbeedka gobolka Sitti ku wareejiyeen maamulka Canfarta. Arrinta
muhiimka ahi waxa weeye, Soomaalidu iyada oo qabiilnimo u abaabulan
cadawgeeda way is yaqaanneen, balse iyada oo magac maamul ama
dawladdeed wadata waa laga libaystay, sababtuna waxa weeye, qabiilka
Soomaaliga ahi dhammaantii dabadhilif ma noqdo, laakiin maamulka
Soomaaliga ahi wuu noqdaa.
24
Iga duub mid lagu diirsadaan; kuu dulmarayaaye!
25
Doonyaha Isaaq dego ma arag; wiil dagaallama’e,12
Adoo lagu dilaabaa ka roon; daallin daba jooge,
Shisheeyahan dalkeenii qabsaday; haw durbaan tumine,
Damiir yeelo Soomaaliyeey; waa dayacanteene!
12 Magacyada qaar ka mid ah beelaha Soomaalida. Ujeeddadu waxa weeyaan guubaabin iyo abaabul
bulsheed oo asalkeedu yahay wadajir iyo midnimo. Gabaygani waxa uu dabasocday markii TPLF iyo
adeegeyaasheedu ay dhulka ballaadhan ee Galbeedka Sitti ku wareejiyeen maamulka Canfarta.
Arrinta muhiimka ahi waxa weeye, Soomaalidu iyada oo qabiilnimo u abaabulan cadawgeeda way is
yaqaanneen, balse iyada oo magac maamul ama dawladdeed wadata waa laga libaystay, sababtuna
waxa weeye, qabiilka Soomaaliga ahi dhammaantii dabadhilif ma noqdo, laakiin maamulka
Soomaaliga ahi wuu noqdaa. Markaa, ujeeddada magacaabista qabiilladu waxa weeyaan, reeruhu
dhulkooda ha difaacdaan, reeraha kalena ha u gurmadaan.
13 Jabhadda TPLF.
14 Meeraha Maaris.
26
Erey kalena waa iga digniin; gaalka loo diraye,
Wax badanbaa dadkaygiyo bulshada; docadocayseene,
Wax badanbaa dalkaygiyo arlada; kibir ku daaqdeene,
Wax badanbaad wanaag dayrisoo; ciidan dumidseene,
Hadduu shalay dadkaygii hurduu; duud ku odhan waayay,
Hadda waanu wada diirnay oo; diidnay kibirkiiye,
Ama gaalo soo didiya oo; NATO15 derejeeya,
Ama Hoobiyaha daadiyoo; baqasho door mooda,
Fulaybaan wuxuu damacsanyahay; diirka ka caddayne,
Balse waan ku soo doonayaa; duhur dharaareede,
Dalkaygaana waan kaa xorayn; door ay gaadhaba’e,
Dubaaqaaga iyo laabta gali; waa digniin culuse!
Faallo:
Maalintii aan gabaygan soo gudbiyay ee aan ku baahiyay Warbaahinta
sannadkii 2018kii, nin baa ila soo hadlay16. Waxa uu yidhi “reeraha
Soomaalida ah oo dhan dagaalbaad ugu baaqday, balse reerkayaga kumaad
darin, taasina waa faquuq, xumaan iyo cuqdad kugu jirta. Waa nacayb aad
reerkayaga u qabto”. Waxa aan ku idhi “reeraha Soomaalida ah oo dhan ma
wada sheegi karo, dhawr reer uunbaan magacyadooda sheegey, kuwaana
maan ammaanin ee waan eedeeyey oo wax iska celiya ayaan ku idhi”. Waxa
uu yidhi “maxaad reerkayaga ugu dari wayday reeraha aad eedeynayso ee
aad leedahay wax iska celiya?” Intaas kumuu joojinine, qoraal dheer ayuu iga
qoray oo uu igu eedeynaayo qabyaalad iyo eex, maadaama reerkooda aanan
ku darin reeraha Soomaaliyeed ee aan dagaalka ugu baaqay. Waxa uu iigu sii
daray “mid ka mid ah magaalooyinka aad sheegtay, qabiilka aad ku sheegtay
ma deggana ee waxa deggan qabiil kale. Markaa, dhulkayaga qabiillo kale ha
siinin oo gabaygaaga ha ugu sharciyadaynin”. Haddaba akhriste, bal u fiiro
anigu dhulka aan difaacaayo iyo aniga dhulka la iga difaacaayo. Bal u fiirso
sooyaalka aan difaacaayo iyo ka aniga layga difaacaayo. Akhriste, waatan
Soomaalidii noolayd horraantii qarniga 21aad.
5. Dal-dhammeeye
Sabti, May 23, 2015
Waxa aan dhiganayay Jaamacadda New Generation ee Addis Ababa ku taalla,
Kulliyadda Siyaasadda laga soo bilaabo dhammaadkii sannadkii 2011kii.
Shahaadada heerka koowaad ayaan ka dhigtay. Jaamacadda waxa dhigta
27
arday qoomiyado badan oo kala duwan. Itoobiyaan noocyo badan ah,
Suudaan dhawr nooc ah, Eritariyaan, Soomaali iyo qoomiyado kale. ‘Maalinta
Dhaqanka Jaamacadda’ ayaa sannadkiiba mar la qabtaa. Ardayda ayaa
barnaamijka qabata. Qoomiyad waliba dhaqankeeda ayay soo bandhigtaa
ardayda Jaamacadda dhigta. Calanka dalkooda ayay soo qaataan. Hal mar
ayay dhaqankooda soo bandhigaan iyaga oo isku duuban. Qoomiyadaha kale
arrintoodu waa sidaas. Marka Soomaalida la soo gaadho, ayay boqol calan
soo qaataan oo ay boqol nooc noqdaan. Waa lays dhexboodaa, waa lays
caayaa, mararka qaarkoodna waaba lays dilaa. Meeshuba way walaaqantaa.
Dadka kalena way nala yaabaan. Sannadihii dambe waxa la gaadhay in
Jaamacaddu amar soo saarto. Waxa ay amartay inaan qof Soomaali ahi
Jaamacadda calan la soo geli karin. Amarkaas cidina umay hoggaansamin.
Dad aan Jaamacadaba dhiganin oo aanu sharciga Jaamacaddu qabanaynin,
haddiiba dib lagala xisaabtami lahaa, ayaa calamo loo soo dhiibaa. Hoosta
ayay dad calamo soo geliyaan, gaar ahaan hablo magaalada laga soo kaxeeyey
oo aan waxbarashoba shaqo ku lahayn. Marka ay gudaha soo galaanna way la
soo baxaan. Waa waali iyo nacasniimo. Dadka kale oo dhami way nala
yaabban yihiin. Soomaalidu waa immisa nooc ayaa maalin walba nala
waydiiyaa? Wax jawaab ah uma hayno!
Caawa waxa aan fadhiyaa meel yar oo Bunka laga cabbo oo ka mid ah
xaafadda Soomaalida ee Addis Ababa. Waa kaligay. Guddiyo kala duwan
ayaa meel agtayda ah ku shiraya. Ardayda xafladda qalinjabinta Somaliland u
qabanqaabinaya ayaa si gaar ah ii colaadinaya. Mar hore ayay ii yimaaddeen.
Tolkaa soo raac ayay igu yidhaahdeen. Nin tolkii ka baxay ayay ii arkaan.
Marmar waabay I aflagaadaynayaan. Kuwa maamulada kale waa la mid. Nin
waliba marada reerkooda ayuu hoosta ku sittaa. Mid waliba afkuu buurayaa,
wax uu u cadhaysanyahayna lama yaqaanno. Dadka waxan samaynayaa waa
arday loo soo diray in ay wax bartaan. Arday la rabay in ay mustabal
saadaaliyaan. Arday la rabay in ay maskaxdooda xoreeyaan. Calool xumo
taas ka weyn marna maan dareemin.
28
Haddaba gabaygan Dal-dhammeeye waxa uu si hufan u soo bandhigayaa
maanta qof Soomaali ah oo dhalinyaro ah hawsha u taalla. Waxa uu
sawirayaa hanka sare ee maanta dhalinyarada wax baratay laga rabo. Waxa
uu dhalinyarada ku waaninayaa in loo dagaallamo isbeddel dawladeed,
hoggaan wanaagsan, wax soo saar, gobbanniimo iyo dib u dhis ummaddeed.
Waxa uu dhalinyarada uga digayaa qabiilka la siyaasadeeyey, maryaha
calamada lagu sheegey iyo ficilka aan faa’idada lahayn ee laysku nacsiiyay.
17 Dr. Cabdiwaasac Cabdillaahi Bade, Macallin Culuumta Siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Addis
Ababa University.
18 Malakul Jibriil.
19 Maxamed Aadan Dirir. Nin saaxiib ah, wariyena ah oo Hargeysa deggan.
20 Cabdirisaaq Cismaan Maxamed. Nin saaxiib ah, wariyena ah oo Hargeysa deggan.
29
Dayuus iyo intaad noqon lahayd; waliba Diinlaawe,
Dalkeenaa wanaag laga helaa; Daayinkeen dhigaye,
Damiirkeeni waxa hoos u dhigay; iima daadegine!
30
Waa dayro xaalkeenu iyo; dirir colaadeede,
Daciifnimada waa laga durkaa; daayin abidkaaye,
Dildillaaca dood been ah iyo; heello daba yaaca,
Abidkeedba waa lagu dagmaa; malaha diiwaane,
Isku duubni iyo wada jirbaa; lagu dan gaadhaaye!
6. Gobannimo-u-dirir
Arbaca, June 03, 2015
Todobaadkan oo kaliya gudihiisa, dagaallo ayaa Xamar ka dhacay. Soomaali
badan baa ku dhimatay. Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa
duqeeyey magaalooyin ka mid ah dalka Suuriya. Shacab badan oo Muslimiin
ah ayaa ku baaba’ay. Yuhuudda ayaa duqaysay marinka Qasa. Falastiiniyiin
masaakiin ah ayaa ku rogmaday. Mudaharaaddo ayaa ka dhacay Masar.
Taageerayaal badan oo Ikhwaanul Muslimiin ah ayaa la laayay qaarna
xabsiga ayaa lagu guray. Maraykanka ayaa Ciraaq hawlgallo ka fuliyay.
Muslimiin badan ayuu cagta mariyay. Yemen dagaallo lagu hoobtay ayaa ka
socda. Liibiya waxa ay noqotay hogya silica iyo gaajada. Suudaan way
ruxmaysaa. Guud ahaan dalalka Muslimka, nin kasta oo wax iska caabbin
muujiya, waxa abaal looga dhigay dil, xabsi ama in shisheeyaha laga iibiyo si
uu u gumeeyo. Waa arrin xanuun badan oo xaqqiiqo ah.
31
Guuldarrooyinkan ku dhacay ummadda Muslimka ah waxa aan anigu
aaminsanahay in ay sabab u yihiin hoggaan xumo gudahooda ah iyo
hisheeyaha oo kala daadsanaantooda ka faa’idaystay ka dibna
dhammaantood birta ka aslay. Waxa aan dareemay in gobanniimadu ku jirto
in si guud wax laysaga celiyo. Gabaygani wax iska celintaas ayuu ku soo
baxay kuna saabsanyahay. Ugu dambaynta waxa aan Muslimiinta, gaar
ahaan Soomaalida ku guubaabinayaa in geeri sharaf leh ama nolol
gobbaniimo leh ay raadiyaan oo marna aanay aqbalin nolol gunnimo iyo
liidnimo ah.
32
Dhulgariir gufaaciyo kolaad; gumuc ku aafayso,
Jayshkaaga gaarka ah kol aad; guuto amar siiso,
Gurmad baan Rabboow kaa rabaa; amase gaashaane!
Faallo:
Labada meeris ee gabayga ugu dambeeya ayaan jecelahay inaan si gaar ah isu
dul taago:
Ama waynu guuleysan oo; libinta waan gaadhi,
Ama geeri sharafleynu dhiman; gocasho waa ceebe!
Labadan meeris markii gabaygan aan baahiyay way faafeen. Halqabsi caan ah
ayay noqdeen. Koox xulafo ah ayay taasi cudur ku noqotay. Quudhiwaagu
waa cudur halis ah. Koox halabuurro ah ayaa isu kaashaday sidii
suugaantayda ay sawir xun ugu samayn lahaayeen. Kooxdan waxa
hoggaaminayay nin dhalinyaro ah oo hadda aanu saaxiibnahay oo Jaamac
Ismaaciil Siciid (Shube) la yidhaahdo. Suugaan badan oo aan leeyahay ayaa la
soo weeraray. Tashuush badan ayaa laygu furay oo runtii aanan jeclaysan.
Waxa se ugu sii darnaa labadan meeris oo dadka oo dhami markaa aniga ii
33
yaqaanneen. Labadaas ayay awood badan saareen sidii ay booli iyo xatooyo
ugu sheegi lahaayeen. Waxa ay yidhaahdeen labadan meeris waxa lahaa
abwaankii dhintay ee Khaliif Sheekh Maxamuud. Buug abwaanka laga qoray
ayaa laga baadhay oo dadkii warku gaadhay ay ka baadheen waa se laga
waayay. Markii laga waayayna waxa ay yidhaahdeen waa laga illaabay in
buugga lagu qoro. Runtii ceebeyn iyo aflagaaddo abaabulan ayay ahayd.
Ilaa maanta, waxa aan aqaannaa dad badan oo aaminsan inaan labadaa
meeris soo xaday oo marxuum dhintay uu leeyahay. Ima dhibto, sababtoo ah
anigu runta waan ogahay, waxa se I dhibta in dad badan oo aynu
aflagaadayno run ahaantii waxa aynu ku aflagaadaynaa ay yihiin shirqool,
ceebeyn iyo ijaafooyin dad iskaashaday ka shaqeeyeen, innaguna aynaan iska
hubsanin.
34
7. Walaahaw
Arbaca, June 10, 2015
Waxa dhammaanteen aynu xusuusanahay in sannad walba kummannaan
arday ah oo Soomaaliyeed ay ka soo qalinjabiyaan Jaamacadaha kala duwan
ee dalka iyo kuwo badan oo kale oo dibadda ah. Ardaydaasi waxa ay soo
bartaan culuumta noocyadeeda kala duwan, haddana cilmigaasi kama
muuqdo nolosha qaybaheeda kala duwan ee guud ahaan Soomaaliya iyo
deegaamada kaleba. Anigu waxa aan eedda saarayaa hoggaan xumada oo
keentay inaan laga faa’idaysanin cududda iyo maskaxda dhalinyarada wax
baratay. Gabaygan Walaahaw waxa uu ku saabsanyahay niyadxumada iyo
warwarka ay arrintaasi igu hayso.
27Faysal Cali Waraabe. Waa nin ka mid ah dadka guud ahaan siyaasadda ku fashilmay haddana
taagan xaflad walba oo arday ay ku qalinjabinayso, waliba af xumo iyo liidnimo la taagan. Waa mid
ka mid ah dadka ay tahay in laga joojiyo in uu yimaaddo goobaha waxbarashada ama xaflad
qalinjabineed.
35
Cilmi laga waraabshaan rabaan; maatidaa wadhane,
Waraabaha ciyaayaan rabaan; inaan ka waabshaaye,
Ummadyahay wax sheeg iyo tusmaan; kuu waddacayaaye,
Ilaah baan wanaag iyo samaan; kuu warsanayaaye,
Waligaa wanjaafiyo ha mudan; wiirsi iyo ceebe!
8. Amakaag
Salaasa, July 28, 2015
Waa dabayaaqadii bisha April, 2015kii. Anigu hadda Jaamacadda Addis
Ababa University ayaan ku jiraa. Ardaybaan ahay. Shahaadada labaad ee
Masterska ayaan samaynayaa. Warbaahinta ayaan bartaa. Waxa saaka fasalka
soo galay Dr. Negeri Lencho oo ah Hormuud-ku-xigeenka Kulliyadda
Saxaafadda ee Jaamacadda Addis Ababa University. Isagu waxa uu ka soo
jeedaa qoomiyadda Oromada. Waxa uu taageere u yahay xisbiga EPRDF28 ee
Itoobiya xukuma. Waa musharrax xildhibaannimo ee doorashooyinka
dhawaan dhici doona. Dr. Negeri, waxa uu hadalkii saaka ku bilaabay
“maanta maqaalkan ayaynu falanqayn doonnaa”. Maqaalka waxa lagu
daabacay Wakaaladda Warar rasmiga ah ee Itoobiya (ENA)29. Waa
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka Itoobiya. Maqaalka waxa cinwaan
looga dhigay ‘Maamullada Puntland iyo Somaliland oo soo codsaday in ay ku
soo biiraan dalka Itoobiya’!
Dr. Negeri Lencho hadalkiisi ayuu sii watay. Maqaalkii oo Af Ingiriisi iyo Af
Xabashi labadaba ku qoran ayuu in cabbaar ah sharraxay. Ka dibna waxa uu
na waydiiyey sidee u aragtaan in Maamullada Puntland iyo Somaliland ay ku
soo biiraan dalka Itoobiya? Ardaydiibaa dood bilaabay. “Aniga waxa ay ila
tahay argagixiso ayay leeyihiine ha inaga maqnaadaan” mid Dhabuub30 ah
ayaa sidaa ku dooday. “Maya. Maya. Waa dad yar oo waynu ka adkaan
karnaaye, Dekado muhiim ah ayay leeyihiin, inaguna Dekado ma lihine, ha
loo oggolaado in ay inagu soo biiraan. Arintaas ha la dedejiyo” mid Xabashi
ah ayaa sidaa ku nuuxnuuxsaday. Anigu waan daawanayaa. Fasalka kaligay
ayaa wax Soomaali ah dhigta. Meesha xorriyaddu way xaddidantahay oo sida
aad doonto marna uma hadli kartid. Aniga oo iska aamusan, ayuu mid I ag
fadhiyay oo Oromo ahi igu yidhi, maxay kula tahay? Waxa aan ugu jawaabay
“waxani waa riyo ee run maaha”. Mid kale oo gees kale fadhiyay ayaa hadal
igula soo booday. Wuxuu si faanfaan ah u yidhi “Nageye, it’s already done –
waar Nageeyoow, warkani mar hore ayuu dhammaadaye adigaa hurda!”
36
Yaabkaas ayuu saaka fasalki ku dhammaaday. Waxa aan isku dayay inaan
arrintan ujeeddada laga leeyahay ka salgaadho. Dr. Negeri Lencho ayaan
cabbaar ka dib raadiyay. Xafiiskiisa ayaan ugu tagay. Waxa aan ku idhi
“fadlan qoraalkan ujeeddadiisa ma I fahamsiin kartaa”? Wuu igu qoslay.
Kaftan iyo jeesjees badan ka dib waxa uu yidhi “markii idinku dawladnimada
aad qaadateen 1960kii, iyada oo Hargeysa ay biyo la’aan tahay, saw dadkiina
kumay daan odhan jirin Herer iyo Hawaash ayaynu xoraynaynaa? Sababtu
waxay ahayd si culayska gudaha aad u yaraysaan waa in dadka himilo fog
loo abuuraa xattaa haddii aanay waligeed suurtogal ahayn. Tanina waa tii oo
kale. Si aanu u midayno qoomiyadahan badan ee Itoobiya ee qaarkood
goosashada rabaan, waa inaanu abuurnaa khayaal bulshada laga dhaadhiciyo
oo sheegaya in ummadihii jaarkayaga ahaa oo dhami ay rabaan in ay annaga
nagu soo biiraan oo ay nala midoobaan, markaa waa in innaguna
wadajirkeena iyo dawladnimadeedna aynu ilaashanaa. Ujeeddadu waa
intaas. Haddana xilli doorasho ayaa lagu jiraa oo midaynta shucuubta
Itoobiya waa muhiim. Maqaalkana waxaa qoray mid ka mid ah Kaadiriyiinta
Xisbiga oo fulinaaya arragtidaas”.
Halkaas ayaanu ku kala tagnay subaxaas Dr. Negeri Lencho, balse arrintaasi
xusuus iyo fikir hor leh ayay igu beertay.
Wakhti kooban uun ka dib taas hore, maadaama muddo xilleedkiisii kursiga
Madaxweynenimo ee dalkiisu uu sii dhammaanayo, Madaxweynaha
Maraykanka Barack Obama waxa uu safar ku yimi labada caasimadood ee
dalalka Kenya iyo Itoobiya. Si weyn ayaa loo soo dhaweeyey. Kenya ayuu ku
soo horreeyey. Dhaqaale badan ayuu ugu yaboohay. Heshiisyo ayuu la galay.
Wuxuu u soo kicitimay dhinaca Itoobiya. Waxa uu Addis Ababa soo gaadhay
maalintii shalay. Waa bisha July 27, 2015ka. Heshiisyo iyo isfaham isaga iyo
Itoobiya dhex mara ayaa la filayaa. Kolay aniga iyo dadkayga Soomaaliyeed
xumaan mooyaane Itoobiya iyo Maraykan wanaag kama filayno. Obama sida
oo kale waxa uu khudbad ka jeedin doonaa dhismaha Midawga Africa ee
Addis Ababa. Soomaalidu waabay iska faraxsanyihiin. Madaxweynihii
Maraykanka ayaa gobolkeena Geeska Afrika soo bookhday ee ha la soo
dhaweeyo Madaxweynaha. Riwaayadahaas ayaa warbaahinta bulshada ka
socota. Anigu waanigan yaabban. Waxa xusuus gaar ah leh, markii Ingiriisku
dhulka Soomaalida qaybinaayay ee dhulweynaha Soomaali Galbeed uu
Xabashida ku wareejinaayay ee la calaamadinaayay xuduudbeenaadka
maanta aynu naqaanno, Soomaalidu way iska daawanayeen. Abwaannadii
Soomaaliyeed arintaas fool xumadeed way sii arkayeen, intii itaalkooda
ahaydna way ka digeen, Soomaalidu se way dhagaysan waayeen. Mar dambe
ayaa xaqiiqada la ogaaday. Caawana sidiibay u eegtahay.
37
Waxa aan caawa ka fikirayaa in mar kale Soomaalida inta hadhay la
qaybsado. Waxa aan aad uga fikirayaa in Maraykanka oo adeegsanaya
qaanuunkiisa qaldan iyo quwaddiisa dhaqaale iyo siyaasaddeed uu dalka
Soomaaliya si doqoni ma garatay ah u hoos geeyo dawladaha jaarka ah ee
Kenya iyo Itoobiya. Tusaalaha aan kuu soo dhaweeyo. Ciidamada Itoobiya
waxa ay Soomaaliya ka joogaan magaalooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin
Baydhabo, Xuddur, Kismaayo, inta badan gobolka Gedo, qaybo muhiim ah oo
ka mid ah gobolada Baay, Bakool, Hiiraan iyo Galguduud. Sida oo kale,
Puntland iyo Somaliland, Itoobiya ayaa si dadban gacanta ugu haysa,
sirdoonkeeduna ay si xooggan uga hawlgalaan. Sida oo kale, dawladda
Kenya, waxa ay inta badan ciidamadeedu haystaan dhulka Jubbaland.
38
Arligeenna dhacanbaan Cabdoow32; gocasho ooyaaye!
Faallo:
Dr. Negeri Lencho, markii dambe waxa uu noqday Wasiirka Wasaaradda
Warfaafinta ee Itoobiya. Maalintii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) 34
dawladda Soomaaliya ay sida sharcidarrada ah ugu dhiibtay Tigraygii
Itoobiya sannadkii 2017kii, Dr. Negeri Lencho waxa uu ahaa ninkii ugu
horreeyey ee warbaahinta ka hadlay ee yidhi waxa na loo soo dhiibay qof
argagixiso ah oo danaha Itoobiya halis ku ah.
dhiibtay Tigraygii Itoobiya xukumayay sannadkii 2017kii. Dhiibista Qalbidhagax waxa ka dhalatay
cadho weyn oo dadweyne.
39
9. Dhaygag
Jimce, September 25, 2015
Waa galabnimo Khamiis ah oo Jimce soo galaayo, September 24, 2015ka.
Waxa soo dhaw Salaaddii Maqrib. Waxa aan dhex marayaa Masjid Jaamaca
weyn ee magaalada Hargeysa. Wiil yar oo da’ ahaan qiyaastii ilaa todoba jir
ah oo Soomaali ah oo ka mid ah kuwa nolosha ku dhibban ee darbijiifka ah
ayaa si kedis ah waxa uu ugu gardarrooday Islaan Oromo ah oo ilmo yar
dhabarka ku sidata mid kale oo ilaa lix jir ahna gacanta haysa. Gardaro
carruurnimo ayay ahayd. Wiilkii Soomaaliga ahaa, waxa uu yara dhirbaaxay
wiilkii yaraa ee lix jirka ahaa ee Oromada ahaa ee Islaantu ay gacanta haysay.
Wuu yara ooyay! Anigu meeshaan taaganahay. Odayaal Soomaali ah oo
meesha Shax ku ciyaarayay ayaa kii yaraa ee Soomaaliga ahaa eryay oo
dagaalay. Wuu iska cararay isaga oo iska sii qoslaya. Odayaashi Soomaalida
ahaa, Islaantiina way raalligeliyeen. Wax weyn lagama soo qaadin markii
hore. Islaantii Oromada ahayd, kii yaraa ee Soomaaliga ahaa oo sii ordaya
ayay ka sii daba tidhi “waaryaa, kan aan dhabarka ku sido ma dhirbaaxi
doontid!” ka dibna way iska dhaqaaqday. Qof kasta oo meesha taagnaa yaab
ayuu u go’ay. Oday waayeel ah oo aan garanaayo oo meesha taagnaa ayaa
hadlay. Waxa uu yidhi “waa runteed oo haddii sidan aynu nahay aan wax
laga beddelin, iyagaa ina qabsan doona. Nin waloowba sidaa ogow”. Isagina
wuu iska dhaqaaqay. Aniga dhacdadani way I damaqday. Aniga oo cagaha
jiidaya ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii.
Caawa Jimce ayaa soo galaya. Waxa aan sii maray xaafadda gabadhii Hodan
Diiriye oo ku taallay Xiddigta Hargeysa. Way I yara dacaayadaysay oo waxa
ay tidhi “dadkii kale markay waxbarashadii soo dhammeeyeen ee ay
magaalada yimaaddeen way kala degeene, adigu sidaadiibaad u yuubantahay
oo ay naftu kaaga sii baxaysaa. Gabayadan iyo Soomaaliweyntan ku
wareerisay iska daa oo naftaada wax u cun!” umabaan jawaabin Hodan.
Uurkayga dabka ka baxaya iyo dhacdada xanuunka badan ee aan galabta
arkay midna umaan sheegin. Wakhti yar ka dib, gurigaygii oo aan goobta ka
40
fogayn ayaan u sii luuday. Hurdo ayaan iska waayay. Sidii aan u soo jeeday
ayuu wakhtigu igu gaadhay niskii dambe ee habeennimo. “Kan aan dhabarka
ku sido ma dhirbaaxi doontid!” Odhaahdaas ayaa damiirkayga dhimbiilo ka
shidday. Maaha inaan dulmi barakaynaayo, balse waxaan liqi waayay
xaqiiqada qadhaadh ee ay arrintaasi xambaarsantahay. Inaan dhawaaqo oo
dadkayga u digo ayay dani ka fursan wayday. Waana sababta uu ku curtay
gabaygan Dhaygag. Gabaygu dhammaantii waxa uu ku saabsanyahay in
Soomaalidu ay dalkooda ilaashadaan, maadaama Geeska Afrika ay kula
noolyihiin qoomiyado ka tiro badan, sida oo kalena uu jiro isku day badan oo
shisheeyuhu ku doonaayo in uu ku qabsado Xeebaha Soomaalida oo quwado
waaweyni ku gacan siinayaan.
41
Bulshadeennu waxay dhawraysaa; dhalinta weeyaane,
Idinkuna haddaa dhoohantiin; waa dhabcaalnimo’e!
Faallo 1:
38 Dad badan ayaa halkan igula dooday. Dheddignimada iyo Labnimada midna cay iyo ammaan
maaha. Waa abuur Ilaahay. Haddii adiga oo Lab ah lagugu arko calaamadaha iyo sifooyinka
Dhegidka, halkan weeye meesha ay ujeeddadu ku jirtaa.
39 Qaybo ka mid ah deegaamada Soomaali Galbeed ee Xabashidu xoogga ku haysato.
42
Waxa aan mar dambe dhagaystay Faysal Cabdi Rooble oo ka mid ah
Soomaalida ku nool dalka Maraykanka oo yidhi “dadka Itoobiyaanka ah ee
Soomaaliya sharcidarrada ku joogaa waxa ay ka badanyihiin tirada dadka ku
nool Jamhuuriyadda Jabbuuti”. Taas macnaheedu waxa weeye, dad
Itoobiyaan ah oo ka badan dadka ku nool dalka xorta ah ee Jabbuuti ayaa
Soomaaliya sharcidarro ku jooga. Waa tiro ka badan hal million oo qof oo
Itoobiyaan ah. Dhinaca kale, sida uu waraysi ku sheegey Maxamed Xaaji
Ingiriis oo ka mid ah cilmibaadheyaasha Soomaalida, bilawgii qarnigii 20aad,
magaalada Diridhaba in ka badan 90% waxa lahaa dad Soomaali ah, haddana
(sannadka 2020) Soomaalidu magaaladaas waxa ay ka yihiin 18%. Sida oo
kale magaalada Jigjiga ayaa iyaduna qarka u saaran in lala wareego.
Faallo 2:
Si isbeddelka dhinaca dadka ah ee socda aad u sii fahanto, tani waa hordhaca
daraasad uu daabacay Machadka Rift Valley Institute sannadkan 2023ka oo
cinwaankeedu ahaa ‘Religion and Conflict in Dire Dawa: Intercommunal
Tensions and Opportunities for Peace’. Daraasaddu waxa ay ku bilaabantay:
Diridhaba waa magaalada labaad ee ugu weyn Itoobiya. Waxa ay dhisantay
qiyaastii sannadkii 1894kii. Magaalada waxa ku nool dad ku dhaw nus
malyuun qof, baadiyaheedana waxa deggan ilaa 200,000 oo qof. Sannadkii
2004tii, qaraar ay Itoobiya soo saartay oo tirsigiisu ahaa 416/2004 ayaa
magaaladan la go’aamiyay in dawladda federaaliga ahi ay si toos ah u
maamusho, ka dib muran u dhexeeyay maamullada Soomaalida iyo Oromada
oo la xidhiidhay maamulka iyo lahaanshiiyaha Diridhaba. Tan waxa ka
horreeyey dagaallo u dhexeeyay labada dhinac oo deegaanka magaalada ka
dhacay dhammaadkii sagaashamaadkii. Lahaanshiiyaha magaalada iyo
deegaamadeeda ayaa tan sal u ahaa. Sidaasidaraaddeed, waxa la go’aamiyay
in maamulka magaalada loo qaybsado 40:40:20 (40% Soomaali, 40% Oromo
iyo 20% oo ah qoomiyadaha kale oo Axmaaradu ay ugu badantahay).
Dhawaan Baarlamaaka federaaliga ah ayaa soo hadalqaaday in magaalada
maamullada Soomaalida ama kan Oromada lagu daro, balse waa lagu sii
dhiirran kari waayay xaasaasiyadda arrinta aawaddeed. Kursiga maayirka
magaaladu waxa uu u dhexeeyaa Soomaalida iyo Oromada. Midba mar ayuu
qaataa.
43
Christians (25.6%), Protestants (2.8%), Catholics (0.4%) iyo noocyo kale (0.3%).
Dhinaca baadiyaha magaalada, wax ka badan 99.5% dadku waa Muslimiin,
laakiin, magaalada gudaheeda Muslimiintu waxa ay ka yihiin 57.4%, halka
gaaladuna ay yihiin wax ku dhaw 42.6%. Dhinaca qoomiyadaha, baadiyaha
magaalada Diridhaba waxa deggan dad Oromo ah oo ka badan 73.5%.
Soomaalidu waxa ay hadda ka yihiin 26%. Dhinaca magaalada gudaheeda,
Oromadu waxa ay ka yihiin 33.1%, Soomaaliduna 23.5%, halka Axmaaraduna
ay ka yihiin 29.5%. Taas macnaheedu waxa weeyaan isku darka Oromada iyo
Axmaarada ayaa magaalada gudaheeda ugu badan (62.6%). Soomaalida,
Oromada iyo Axmaarada reer Diridhaba waa dad aad isugu milmay af ahaan
iyo bulsho ahaanba. Waxa ugu muhiimsan kala guursiga qoomiyaha oo ah
mid aad u sarreeya.40
10. Garnayl
Arbaca, November 18, 2015
Waa Maalinnimo Salaasa ah, November 17, 2015ka. Waxa aan kaga qayb
galay magaalada xuduudbeenaadku maro ee Wajaale aaskii wariye Axmed
Xasan Cawke oo ku geeriyooday Jigjiga. Runtii xaqqiiqo aad u qadhaadh iyo
taariikh ay adagtahay in aan liqo ayaa ka dhacday aaska Cawke. Waa se lagu
kala duwanaan karaa sida loo arko. Itoobiyada gumaysiga ahi waxa ay si
xeeldheer ugu dadaashaa in ay si kasta oo suurogal ah u tirtirto taariikhda iyo
jiritaanka qof Soomaali ah oo iyada iyo damaceeda diiddan. Waxa ay mar
walba halgan ugu jirtaa sidii ay ugu muujin lahayd in qofka Soomaaliga ahi
yahay qof dawlad ahaan iyo taariikh ahaan iyaga hoos taga oo ka tirsan.
Sheegashada dhulka Soomaalida ee ilaa Banaadir gaadhsiisan, waxa dhinac
socda in Xabashidu ay dadaal dheer ku bixiyeen in qofka Soomaaliga ah loo
arko qof ay isku dawlad yihiin, iyagana hoos yimaadda xukun ahaan. Meel
lagu sheegay in ay tahay Xabaashii Sayyidka ayaa laga taagay Calanka
Xabashida iyada oo lagu sheegey in uu ahaa Halgamaa Itoobiyaan ah oo
dhulkiisa gumaysiga reer Yurub ka hor taagnaa. Sida oo kale taalladiisa
Jigjiga laga sameeyey ayaa Calanka Xabashida laga taagay. Dhacdooyinkani,
aniga aragtidayda, waa ku talogal iyo qorshe duudsi taariikheed ah. Ma jiri
karto sabab kaliya oo keensan karta in taallada Sayyidka laga sameeyo Jigjiga.
44
geesiga iska celiya, damacoodana is hortaaga. Inaan shakiyo xaqbaan u
leeyahay. Cawke dhimay. Waxa la sugayaa waa in la aaso. Markii hore waxaa
la sheegey in Hargeysa lagu aasi doono, wakhti ka dib waxa la soo sheegey in
Gabiley lagu aasi doono. Labadaas midna ma dhicin. Cawke waxa lagu aasay
Beer Aabbihii lahaa oo ku taalla dhinaca Xabashidu gumaysato ee magaalada
Wajaale. Waxa aaska iyo aabulkaba kaalin ku leh daaquudka Itoobiyaanka
uga wakiilka ah dhulka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar (Ina
Iley). Isaga ayaana ka soo qaybgalay aaska. In Cawke dhinaca Xabashidu
haysato ee Wajaale lagu aaso dan weyn oo gumaysi ayaa ugu jirta Xabashida.
Macnuhu waxa weeye: Soomaalidu waa Itoobiyaan. In wax kale la
qarinaayayna, anigu ma ogi, waa se suurtogal waliba si weyn.
45
Axmed Xassan Cawke ma Itoobiyaan ayuu ahaa mise Soomaali? Maxaa
sababay in Axmed Xassan Cawke lagu aaso daanta ay Itoobiya xukunto ee
magaalada Wajaale? Maxaa loogu aasi waayay daanta ay Somaliland xukunto
ee isla magaalada Wajaale?
Aaskii Cawke, Cumar Cali Xassan (Seerbiya) ayaanu Xabaasha dusheeda isku
aragnay. Waxa aan ku idhi ‘maanta duudsi weyn oo taariikheed ayaa dhacay’.
Way ku adkaatay in uu markaa I fahmo. Sidaas ayaa lagu kala dareeray.
Haddaba, gabaygan Garnayl waxa uu isku dayayaa in uu iftiimiyo damaca
soo jireenka ah iyo duudsiga taariikheed ee Xabashidu ay ku hayaan isirka
Soomaaliga ah iyo halyaygoodaba.
46
Waa guurtidii Timacaddiyo; oday ka soo gaadhe,
Waxaan uga golleeyahay malaha; garanba maysaane!
47
xidhiidha heerka xorriyadda Saxaafadda ee Somaliland ee aan wax ka
qoraayay. Waxa aanu kulamo wariyayaal lagu tababarayo ku qabannay
magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Fursad wanaagsan oo dal
barasho ayay runtii ii ahayd.
48
oo dhan maaha. Waxa sidan dan mooday siyaasiga faashilka ah iyo shacab
badan oo xaqqiiqooyinku iskaga qaldameen. Ummadda durbaanka kaliya ee
loo tumaa waxa uu noqday kan reernimada. Dood kale oo macno leh oo loo
guuxi karo oo dadka intii wada joogtay lagu sii kala goyn karo (Xamar iyo
Hargeysa) marna siyaasigu ma soo bandhigin, mana soo bandhigi karoba.
Taas beddelkeeda, dulmi, caddaaladdarro, boob, eex, qabyaalad, xadhig, rejo
xumo iyo dhammaan kumannaankii cudur ee midnimada lagaga soo cararay,
dhammaantood halkan way yaallaan. Qofkii ka hadlaa, waa qarandumis iyo
dib-u-socod. Miisaankii oo dhan ayaa khaldamay. Reernimo kaliya ayay
ahayd dooddii meesha taallay. Halkaas ayuu ka dhashay gabayga Waan
Diiday Reernimo!
44 Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan. Maalmahan Cabdikariin waxa aanu ahayn saaxiib iyo sheeko
wadaag.
45 Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan.
46 Maamulgobolleeddada faraha badan ee dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ka samaysmay.
49
Dillaal iyo mallaalnimo markii; Dollar lagu baaday,
Markii uu gumaysigu dagay; gaalka derejaysay,
Markii uu damiirkiyo caqligu; digigixoon waayay,
Markii uu hankeedii debcay; dib isu soo eegtay,
Dekanooyinkii loo dhigay; degashanaysaaye!
50
Dulleeddada Hargeysiyo Burciyo; dooxyadii Adari,
Dekaddii Kismaayiyo Jubboo; hirar dawaamaaya,
Xamar doonyaheediyo Nugaal; labada daaroodba,
Gaalkacayo labadeeda daraf; ee la kala dayray,
Soomaalidu geyiga ay degtiyo; degelladeedoo dhan,
Midnimaan la doondoonayaa; door ay gaadhaba’e!
12. Hammi
Khamiis, February 11, 2016
Bishii May sannadkii 1978kii, ayuu Cabdikariin Axmed Guuleed (Cabdikariin
Awraalli)47 ka soo laabtay dalka Germany oo uu Muqdisho ka soo degay,
isaga oo doonaayay in uu wax ka qoro buuggiisii qalinjabinta jaamacadda oo
cinwaankiisu ahaa “THE INTERDEPENDENCY OF THE ECOLOGY
(ENVIRONMENT), THE ECONOMY (LIVESTOCK), AND THE SOCIAL
STATUS OF THE PASTORALISTS IN SOMALIA". Markii uu dhammeeyey
xog ururintii cinwaankiisa ayuu Hargeysa yimid. Intii uu Hargeysa joogay,
waxa uu marar kala duwan bookhday Cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Cabdikariin waxa uu sheegey in saddex dhacdo oo si weyn dareenkiis u
beddelay uu kala kulmay Cisbitaalka Hargeysa. Cabdikariin Awraalli ayaa
47Aqoonyahan muddo ka soo shaqeeyey arrimaha gargaarka iyo samafalka guud ahaan deegaamada
kala duwan ee Soomaalida. Waxa si weyn loogu xusuustaa doorkii uu ku lahaa gargaarka dadkii
qaxoontiga ahaa ee ka soo qaxay dagaalkii Soomaali Galbeed iyo markii dambe dadkii ka soo qaxay
magaalooyinka markii lagu jiray dagaaladii SNM iyo Maxamed Siyaad Barre. Waxaa sida oo kale
lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa aasaaska dugsiga hoyga ah ee Gaashaamo. Markii dambe, waxa
uu muddo xubin ka ahaa Baarlamaanka Itoobiya.
51
dhacdooyinkan iiga sheekeeyey dhammaadkii sannadkii 2015kii. Saddexda
dhacdo waxa ay kala ahaayeen:
Maanta, waxa wax laga murugoodo ah in 40 sannadood ka dib, wali aynu isla
duruufihii la noolahay. Waxa wax laga murugoodo ah in maalin dhawayd
dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa uu qof Oxygen la'aan ugu dhintay!
Arrintaasi waxa ay marmar badan ka dhacdaa dhakhtarka weyn ee Hargeysa.
52
waa ilbaxnimo, balse xilligan kala duwanaanshiiyaha fikirku waxa uu ka
noqday cadaawad iyo xumaan. Tilmaanta dhaliishu waxa ay noqotay
qarandumisnimo iyo dibusocodnimo. Nidaamyada qaarkood waxa ay
bixiyaan adeegyo, mid caafimaad, mid waxbarasho iyo mid kale oo nololeed.
Nidaamyada qaarkood, wax adeeg ah ma bixiyaan balse dadka dhib kuma
hayaan. Dadku iyagaa noloshooda la daalaadhaca. Nidaamku dadka wixii ay
ahayd in uu u qabto, uma qabto, balse noloshooda gaarka ah dhib kuma aha.
Nidaamyada qaarkood, wax adeeg ah ma bixiyaan, dhibkoodana dadku kama
nabadgalaan. Xadhig iyo Cagajuglayn. Noocan ugu dambeeya ayaanu malaha
annagu nahay. Sidaasidaraaddeed, xilligan waxa aan in badan
saaxiibbadayda iga fikirka duwan aan ku odhan jiray, ima khasbi kartid
sidaanan aniguba kuu khasbi karin, markaa labadeenuba waynu ku
khasbanahay in aynu isqancinno. Arrimahaas ayuu gabaygani ka hadlayaa.
Waxa uu si hoose isu waydiinayaa, 30 sannaddood ka dib, Somaliland maxay
xaqqiijisay?
53
Aduunbaa habawsane filkaa; way halgamayaane!
49 Jamhuuriyadda Soomaalida ama xattaa Xamar oo caasimadda ah way noqon kartaa, Afrikaanka
hoyga ka dhigtayna waa shisheeyaha faraha badan ee magacyada kala duwan ku jooga. AMISOM iyo
Afrikaanka kale ee jaarka ah ayaa ka mid ah. Waxa sida oo kale ka mid ah Sirdoonka faraha badan ee
dawladaha reer Galbeedka.
50 Waxaa xiiso gooni ah leh, labada erey ee Hagbad iyo Handaraab, waxa aan gabaygan ku xusay
sannadkii 2016kii. Aniga oo markaa la yaabanaa sida beeshayda Isaaq taariikhdoodii, sooyaalkoodii,
halgankoodii iyo ummadnimadoodiiba loogu soo koobay wixii ka dambeeyey 1991kii. Waxa se cajiib
ah, markii la doortay Muuse Biixi dhammaadkii 2017kii. Waxa la yaab noqotay in si guud dalku uu
galay marxalad adag. Dadku intay yaabeen waxay yidhaadeen, waa nala Handaraabay dalkiina
Hagbad baa laga dhigtay iyaga oo u jeeda waxba dalka kama socdaan. Muuse Biixi na waxaa loo
bixiyay Muuse-Handaraab.
54
Beenta, reernimada iyo qabyaaladda ayaa oodda goostay. Soomaaliya oo
dhan iyo gaar ahaan Somaliland, ma jiraan wax macno leh oo la kala doortaa.
Siyaasigu ma laha aragti siyaasaddeed. Aniga aragtidayda, kuma jiro
siyaasiyiinta aynu maanta naqaano mid kaliya oo kaa iibin kara aragti
hoggaamineed. Taasi waxa ay keentay in siyaasigu uu joogo maalinba halkuu
wax ka heli karo. Xisbiyadu waa meel lagu qaybiyo fadhi-ku-dirirka iyo
naxliga, mana laha wax halabuur ah oo siyaasaddeed. Dhammaanteen waxa
aynu naqaannaa siyaasiyiin sannadihii ugu dambeeyey isaga dabqaaday
mucaaradnimo xagjir ah iyo muxaafadnimo guulwadayn ah. Labada midna
aragti kumay imannin. Waxa ay ku timi danaysi iyo hunguri shakhsi ah.
Waxa suurogal ah in kii waligiiba ku boobaayay ee aad nacday ee aad ridday
ee aad ka codaysay uu xagga kale kaaga soo wareego oo uu xukuumadda
cusub galo oo uu boobkiisii halkii ka sii wato. Sidaasidaraaddeed, doorashadu
waxa ay noqotay qaab dadka loo boobo, kolba loo laba wajiileeyo, lays kagana
mashquuliyo dadweynaha. Waxa intaas sii dheer, Somaliland waxa la sii
garanayaa ilaa Madaxweynaha saddexaad ee soo socda. Jufooyinku waxa ay
yaqaannaan ilaa Xildhibaanka saddexaad ee soo socda ha ahaado Golaha
Deegaanka ama kan Wakiillada. Mar hore ayay jufooyinku qaybsadeen
xilalka. Hadda, anigu waan garanayaa ugu yaraan shan iyo tobanka
sannadood ee soo socda kuwa I meteli doona.
55
Dawladaha shisheeyaa na bara; camallo doofaare,
Dalag kalama soo baxo dhulkiyo; degelladaydiiye,
Dawadii dhacdiyo Qamandidaa; lay dawarayaaye!
53Madaxtooyooyinka.
54Sheekada Dibiga Doollood ee Soomaalida dhexdeeda caanka ah ayaan halkan ku xusay. Waa
sheekada nuxurkeedu ahaa: Dibiga Doollood dhagahiisu wax san way maqlaan, indhihiisu se wax
san ma arkaan.
56
Dalka shalayto kii iibiyaa; deeqsi ii qorane,
Oon waliba xilal door ah iyo; derejo siiyaaye,
Duuflaalladii ila hadhaan; wali dul joogaaye,
Raggii qaranka dalaw dheer ka riday; doorkan waa madaxe,
Oon waliba dirac geesiyiyo; danab ku sheegaaye,
Sida Diirta qaar ii cunaan; daaya leeyahaye,
Na ‘doortaaydu’ waa tuuganimo; daabac loo dhigaye,
Dadka iyo dhulkuba waa xaraash; dayrtan maanta ahe,
Dillaalkiyo mallaalkaa haddana; laysku dilayaaye,
Dalka oo la boobiyo xumaan; durugta mooyaane,
Maxay doorashadu soo waddaa; waa su’aal dedane?
14. Digniin
Arbaca, February 08, 2017
Galabta tartanka doorashada Madaxweynenimo ayaa ka socota magaalada
Xamar. Musharrixiin labaatan ka badan ayaa tartamaya. Hebel wuu codeeyey
ayay ahayd weedh-dha ugu badan ee laga maqlaayay aaladaha warbaahinta.
Anigu, waxa aan ka soo lugeeyey gurigayaga oo ku yaalla xaafadda
Qudhacdheer. Waxa aan soo maray jidka dheer ee dugsiga Maxamuud
Axmed Cali ilaa Biriijka weyn ee Hargeysa. Geesta Galbeed ayaan u weecday
oo waxa aan gaadhay ilaa Deero Mall oo u dhaw Cusbitaalka weyn.
Magaalada inteeda badani way xamaasadaysantahay. Baabuurta, meheradaha
iyo dadka caadiga ah ee soconayaba warka doorashada ayaa dhegta iyo
ishaba lagu hayaa. Anigu sida wax u socdaan ayaan eeg eegayaa, waliba si
dareen iyo fiiro leh. Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaan macallin ka ahay.
Maqrib ka dib xiisad baan dhigi doonaa. Markaan soo galay fasalkii ardaydii
intii badnaydba way maqantahay. Kuwii yimidna waxa ay yidhaahdeen
“macallin caawa na fasax aanu natiijada doorashada daawannee!”. Waan soo
fasaxay, aniga oo aan cidna kala tashannin, khalad iyo sax wixii ay ahayd,
hadda ka hadli maayo, balse aniga laftaydu waan rabay inaan arrinta ilaa
57
dhammaadkeeda si hoose ula socdo oo aan ardayda fasaxo. Waxa aan daarta
dheer ee Cimaaratul Khayr ugu imi Mustafe Cabdillaahi Xassan (Rayaale) iyo
Cumar Maxamed Axmed (Cumar Cadami) oo halkaa ku daawanayay
natiijada doorashada. Tartan adag ka dib, doorashada waxa ku guuleystay
Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo marka loo eego musharrixiintii
tartamaysay, ka mid ahaa kuwa ay Soomaalidu ugu niyad wanaagsanaayeen.
Waanu isa soo raacnay saddexdayadiba. Meheradda Herer Coffee oo aan
goobta ka fogayn ayaanu xaggeeda sare fadhiisanay.
56Ciidamada Nabad Ilaalinta Midawga Africa ee Soomaaliya jooga - African Union Mission in
Somalia.
58
cid kasta oo kaleba lagu wajaho niyad samaan, tanaasul, is qancin iyo wax
wada lahaansho.
Ugu dambayn, waxa aan ugu gabagabeeyey, haddii digniinta aad qaadan
waydo ama waanada iyo talada dadkaaga aad weeleyn waydo, waxa aad
ogaataa in liiska madaxdii hore ee na soo martay ee dillaalnimada iyo
dabadhilifnimada ku sifawday aad ka mid noqon doonto. Waxba umaan
qarinin, sidaas ayaan ku qanacsanahay.
59
Dulmiga iyo laaluushka iyo; dirediraalaynta,
Doqonniimo iyo reernimaan; kaaga digayaaye!
Duullaanka gaaladu waddaan; kaaga digayaaye!
Dildillaaca dood been ah baan; kaaga digayaaye!
Dalkeenaa la kala ootaybaan; kaaga digayaaye!
Itoobiya waxay damacsantaan; kaaga digayaaye!
59 Aragtiyihii Danloob.
60
Hadallada inbaan kuu dedoon; kuugu duurxulaye,
Nin kastoo wax diidani wuxuu; doonayaa jira’e,
Degdeg iyo fudayd iyo qabbaan; kaaga digayaaye!
15. Ogaysiis
Arbaca, March 08, 2017
Dunida saboolka ah oo dhan oo ay Soomaaliduna ugu horrayso, kuwii
xorriyadda laga qaatay, waxa ay sannad walba kab miisaaniyadeed oo
malaayiin dollar ah siin jireen kuwii ay xorriyadda beenta ah siiyeen. Sida oo
kale waxa dayn ama deeq ujeeddo leh laga heli jiray kolba meeshii suurtogal
ah. Kabka miisaaniyadeed waxa ay ahayd in lagu sii meel gaadho oo la isku
fillaado, waxa se looga faa’idaystay in kuwa xukunka joogaa ay ku hodmaan.
Taasi waxa ay dhashay in dawladnimadu ay fashilanto dalalkii saboolka
ahaana ay balaayiin dollar oo dayn ah madaxa saartaan. Soomaalidu kuwaas
ayay ka mid ahayd.
60Diinta ama wax kale laguma dhaarto. Ilaahay oo kaliya ayaa lagu dhaartaa. Waa gef markii aan
curinaayay gabayga aanan dareensanayn. Ilaahayna waan uga toobbad keenay.
61
waxa loogu dhiibo ay gaadhsiin karaan. Taasina way soo oodantay oo ceeb
weyn ayaa looga dhaadhacay. Waxa soo baxay hay’ado iyo shakhsiyaad silica
ka baayacmushtareeya. Mar kale ayaa la tijaabiyay in qaadhaanbixiyeyaashu
ay toos ula macaamilaan dadka tabaalaysan oo ay wixii taakulo ah iyaga toos
u gaadhsiiyaan. Markii la maqlay waxbaa la bixinayaa dad badan oo aan nolol
ahaan liidaninba ayaa iimaanka laga qaaday. Waxa isdiiwaangeliyay kuwii
xoolaha nool haystay. Bishii ayaa in lacag ah loogu soo diraa telefoonnada
gacanta si toos ah. Taasi waxa ay keentay in dadkuba tacabkii nacaan oo ay
caqliga ka caydhoobaan. Si rasmi ah ayaa tuulooyinka loogu soo ururay.
Tuulooyinka shaaha caanoboodhe ayaa lagu caddeeyaa. Dadka waxa aad
mooddaa in tamartii oo dhan laga siibay. Barkadaha xattaa biyaha laguma
duwo. Meel walba buul yar oo bac ah ayaa laga taagay. Dadkiba dib ayay
qaxoonti u noqdeen. Dadkii xoolaha lahaa ee iyaga wax la soo moodi jiray,
maanta saliid cadday iyo qasaac ayay cunaan, shaahana caagag ayay ku
cabbaan. Markii ay jidkaa doorteen, Ilaahayna rabitaankoodii ayuu u
rumeeyay. Waa tii la yidhi Soomaalidu waa xoolo dhaqato, gaar ahaan tan
Waqooyi. Warkaasi caawa run maaha. Magaalada Hargeysa kama soo heli
kartid koob caano ah oo hagaagsan gu' iyo jiilaalba. Caanaha in lagaa iibiyo
waa la baryaa. Dawladnimadii iyo dadnimadiiba waynu ku saaqidnay.
Balaayadaa guud way jirtaa xalla looma hayo. Waxa intaa dheer, abaaraha iyo
macaluushu waxa ay ka mid ahaayeen nolosha qofka Soomaaliga ah. Nolosha
oo dhan, Soomaalidu waxa ay ku soo jirtay nolol inteeda badani adagtahay.
Abaaraha ayaa mar walba joogto ahaa dhulka Soomaalida. Qarnigan 21aad oo
kaliya abaaro waaweyn ayaa ka dhacay deegaamada Soomaalida. Tusaale
ahaan sannadihii 2008dii, 2011kii, 2014kii iyo 2017ka, waxa ay abaaruhu
saameeyeen inta badan Soomaalida. Macaluul iyo geeri badan ayaa ka
dhalatay abaarahaasi. Xalka kaliya ee jirayna waxa uu ahaa in qaadhaan la
ururiyo, biyo intii suurogal ah la dhaamiyo, dadka caydhoobayna baco iyo in
raashin ah loo qaybiyo, ka dibna la sugo ilaa abaarta dambe ay imanayso. Xal
kale iyo fikir lagaga gaashaanto aafooyinka dabiiciga ah waligeed lama
samaynin. Gabaygan Ogaysiis, marka hore Ilaahay ayuu ummaddiisa u
waydiinayaa in uu culayska iyo dhibka ka dulqaado, naxariistiisana u furo.
Intaas ka dib, waxa uu gabaygu Soomaalida ku canaananayaa inaanay marna
waxba ka baranin casharrada nololeed ee soo mara. Waxa uu ku
canaananayaa inaanay marna tabaabulshe bulsheed ka yeelanin aafooyinka
noloshu wadato. Waxa uu ku canaananayaa in reer hebelnimada, eexda iyo
qabyaaladdu ay hortaaganyihiin nidaam kasta oo dawladeed oo la dhisi
lahaa. Waxa uu Soomaalida kula dardaarmayaa in dawladnimo macno leh iyo
isku tashi ummaddeed oo kaliya lagaga gaashaaman karo aafooyinka
deegaanka ee soo noqnoqda, xalka caqliga ahna u baahan.
62
Maalmahan waxa faafay cudur la yidhaahdo nacaybka qof kasta oo soo hadal
qaada waxa loo bixiyay Soomaaliweyn. Soomaalidu cadawgeeda ha ka
feejignaato waxa loo macneeyey Xamar jacayl. Aniguna waxa aan ka mid
ahaa shakhsiyaadka Soomaaliweynta lagu colaadiyay. Aniguna taas waan
ogaa, waliba si weyn, diyaarna waan isaga ahaaba. Si kastaba ha ahaatee,
bilawga bisha March, 2017ka ayaan barnaamij kaga qaybgalay Huteelka
Maansoor ee Hargeysa ku yaalla. Qaar ka mid ah abwaannada Soomaalida
ugu magaca dheer ee ugu caansan ayaa ka soo qaybgalay. Cabdi Aadan Xaad
(Cabdiqays) ayaa joogay oo ka mid ah Xiddigaha Maansoyahanka
Soomaalida. Waxa aan waydiiyay abwaannada su’aal nuxurkeedu ahaa
“Somaliland iyada oo sideeda u jirta, saw qofku Soomaalida guud ma
guubaabin karo?” Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo sida
oo kalena ah abwaan leh suugaan aad u badan oo kala duwan ayaa ii
jawaabay. Waxa uu yidhi hadal nuxurkiisu ahaa “Daarood iyo Hawiye,
haddii aanu Isaaq nahay, waxba la yeelan mayno”. Waxa xiiso gaar ah leh,
Dheeg waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland. Marka
Soomaaliyada kaleba layska daayo, saddexda reer ee uu magacyadooda
sheegeyba, Somaliland way degganyihiin, in ay si niyad samaan ah wax u
wada yeeshaanna waa lama huraan. Dad badan ayaa hadalka Dheeg
habeenkaa u qushuucay. Haddaba, hal arrin ayaan mar walba isha ku hayn
doonaa, waa sida baalalka keydka ummadda iyo dhaxalka taariikheed ee
guud ahaan Soomaalidu ay noogu kala garsooraan.
Aniga iyo Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg). Addis Ababa. July, 2014.
63
halis badantahay abaarta dadka ee maanta guud ahaan dhulka Soomaalida ka
jirta. Ugu dambayntii, waxa uu gabaygu Soomaalida u markhaati gashanayaa
in haddii ay odhan lahaayeen nalama waaninin, la waaniyay oo Sheekh iyo
Shariif, abwaan iyo aqoonyahanba ay ku daaleen sidii ay ugu tilmaami
lahaayeen bulsho ahaan waxa aayahooda iyo noloshooda dambe u
wanaagsan.
61 Abaartii Dabadheer.
64
Waa in ay awooddiyo caqliga; ku ijtihaadaane,
Awowgay wixii dilay intaan; wali la ooyaayo,
Abaar lagama bixi doono iyo; dhib iyo aafaade!
Faallo:
Maanta bishu waa August 06, 2019ka. Waxa aanu joognaa Mina, Sacuudi
Carabiya. Waxa aanu si kedis ah isaga soo hor baxnay Xildhibaan Dheeg.
65
Timaha ayuu xiiranyahay maadaama oo uu soo cumraystay. Laba go’ oo
cadcad ayuu xidhanyahay maadaama oo maanta uu Xaj u xidhanyahay.
Markii uu I arkay wuu igu soo naxay. Malaha waxa uu ka shakiyay inaan si
kaftan ah ku idhaahdo “Soomaaliyadii aad caayaysay maxaad
Baasaboorkooda ugu soo Xajtay? Sidee Xajka lagaaga aqbalayaa?” ‘Abti,
dambigeena Alle ha dhaafo’ ayuu igu bilaabay isaga oo salaan ii soo taagay.
‘Aamiin abti’ ayaan anna ku idhi oo waanu kala dhaqaaqnay. Akhriste,
dhibtu halkaas ayay gaadhay maalmihii fidnada iyo fasahaadka Soomaalida.
Magaalo adiguna tag qayrkaana u cay falsafad ku salaysan ayay koox
mannaxayaal ahi kula dhaqmi jireen bulshada. Ciddii fasahaadkooda
fahamtana way xidhi jireen ama caayi jireen.
16. Baraarug
Isniin, September 04, 2017
Waa habeen ka mid ah habeennada bishii November 2016kii. Waxa aan Taxi
ka kiraystay badhtamaha Hargeysa. Waxa aan u socdaa xaafadda Cabbaaye.
Taxi-ga waxa wattay oday aad u da’ weyn oo waayo arag ah waxna bartay.
Waxa uu ahaa oday Ciise Muuse ah. Waxa uu ii sheegey in uu ka mid ahaan
jiray ciidamadii Soomaalida. Sheeko ayuu ii bilaabay. Dawlad la’aanta iyo
nidaam darrada ayuu aad ugu dheeraaday. Waayihii la soo maray iyo maanta
waxa jooga ayuu mid mid isu dultaagay. Dhalinyaranimadiisii iyo hankii
ummaddu lahayd ayuu dib u xusuustay. Markii dambe ayaan waydiiyay
“adeer Soomaali maxaad u malaynaysaa? Halkee loo socdaa?” Gaadhigii buu
joojiyay. Wuu I soo eegey si dareen leh. Waxa uu yidhi “adeer, haddii halkaa
aynu maraynaa ay beri hore ahaan jirtay meel biyo mareen ah oo iliilad ama
doox ah, maanta waad degi kartaa, waad dhisan kartaa, waad seexan kartaa,
waad yeelan kartaa, balse waa ilaa inta roob da’aayo. Haddii roob da’o,
biyuhu marinkooda way yaqaannaan. Biyuhu marinkooda ka lumi maayaan.
Biyuhu halkoodii ayay soo marayaan, waxa aanay qaadayaan wixii aad
meesha dhigtay. Waxa aan adeer u jeedaa, maanta Soomaalidu waxa ay
seexdeen iliilad biyo mareen ah. Hayska hurdaan. Maalinta roob da’o, wax
waliba sidoodii ayay ku noqon doonaan. Calamadan yaryar ee reeruhu ay
meelahan ka taageen waxba yaanay idin niyad xumaynin. Biyaha roobka ayaa
qaadi doona. Waa iska madadaalo. Maalinta dhalinyaro u kacdo, waxani way
iska dhammaan doonaan. Jiilkii guusha keeni lahaa ayaa loo baahanyahay.
Jiilkaasina waa idinka. Annagu hadda waanu gabawnay. Idinku nolol tan ka
duwan abuura una diyaar garooba, halgankeedana la yimaadda”.
Sheekada odaygaasi xusuus cajiib ah iyo hammi cusub ayay igu abuurtay.
Haddaba, markii aan tiriyay gabayga Digniin ee aynu xagga hore ku soo
marnay, dad badan ayaa igu eedeeyey inaan taageere u ahay Farmaajo.
Digniintaydii ayay dadka qaar ka dhigeen danaysi shakhsi ah. Waxa
66
tuhunkaas sii xoojiyay safar aan anigu Xamar ku imi badhtamihii bishii April,
2017ka. Safarkaygu mid shakhsi ah ayuu ahaa. Markii aan Xamar imi, waxa
aan shaqo ka bilaabay Hay’ado madaxbanaan. Xattaa Wasaaradaha dawladda
inaan ka shaqeeyo, waan ka cudurdaartay.
Aniga oo sidaa Xamar u jooga, ayaa bisha May 02, 2017ka laygu casuumay
Hotel Paradise oo Xamar ku yaalla. Waxa aan Muxaadaro labaatan daqiiqo ah
u jeediyay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya. Mawduucu waxa uu
ahaa: Masuuliyad Wadareedka (The Collective Responsibility). Waxa
madasha fadhiyay Raysalwasaaraha, ku-xigeenkiisa, dhammaan 68ka
xubnood ee Golaha Wasiirada, marka laga reebo dhawr wasiir oo safarro ku
maqnaa, waxa iyaguna goobta joogay Xildhibaanno, dhalinyaro iyo waxgarad
si gaar ah loo casuumay. Golaha waxaan u sheegay in waxa lagu qiimayn
doonaa ay tahay oo kaliya waxa ay shacabkan tabaalaysan u qabtaan, balse
aan lagu qiimayn doonin inta khudbaddood ee wanaagsan ee ay jeediyaan.
Arrimaha midnimada labada gobol, faragelinta noocyadeeda kala duwan,
Federaalka qabiilaysan iyo boobka Dekedaha Soomaaliya ayaan soo hadal
qaaday. Tusaaleyaal suugaan ah ayaan soo qaatay oo arrimahaas ku saabsan.
Markii hadalka aan dhammeeyey ayaa bannaanka loo baxay. Shaah ayaa loo
soo baxay daqiiqado kooban. Waxa gacanta I qabtay Raysalwasaare Xassan
Cali Khayre. Meel gooni ah ayaanu tagnay. Aad buu iigu sheekeeyey. Waxa
uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Soomaaliya maanta waxa ay u
baahantahay qof aftahammo badan (‘run iyo been’ labadaba u sheegi kara),
adiguna nin aad u aftahan ah ayaad tahay, waxa aan rabaa in aad nala
shaqayso”.
67
Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Raysalwasaare-ku-xigeenka Soomaaliya.
Waxa uu yidhi “Nageeye, arrimaha uu ka hadlay dhammaantood waxba
kama jiraan. Gabayadiisa waxa ay ahayd in uu jacayl, madadaalo iyo dhaqan
u beddelo. Maanta maalin gobannimodoon maaha. Waxa aan u sheegayaa
Federaalka Soomaali ayaa dooratay ee cidina inoomay keenin. Dalka cadaw
haysta oo ku soo duulayna ma jiro. AMISOM waa walaalaheen oo ina jecel.
Itoobiyana waa walaalaheen”. Khudbaddaa taariikhiga ah ayuu jeediyay
Mahdi Maxamed Guuleed, ka dibna wuu fadhiistay. Aniga halkan dareen
wayn ayaa iiga bilaabmay. Waxa aan maalmihii dhacdadan ku xigay ogaaday
xan aad u faaftay oo suuqa siyaasadda taallay oo nuxurkeedu ahaa ‘in Mahdi
Guuleed yahay adeege weyn oo ay Itoobiya Hargeysa ku lahayd, haddana
Xamar u jooga’.64
Cabdi Xariir Baaruud, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulaw, Nageeye Cali Khaliif
iyo Mahdi Maxamed Guuleed. Xilligan Mahdi Guuleed waxa uu degganaa
Hotel Jazeera. Waa intii aan wali xafiis iyo guri midna loo diyaarinin. April,
2017. Xamar.
Haddaba, iyada oo arrini halkaa marayso ayay masiibo weyn oo taariikhi ahi
ka dhacday magaalada Muqdisho. Xukuumaddii uu hoggaaminaayay
Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Cabdikariin Sheekh
Muuse (Qalbidhagax) oo ka tirsan Jabhadda ONLF65 u dhiibtay maamulkii
Tigrayga ee Itoobiya dhammaadkii bishii August, 2017ka. Kacdoon shacab iyo
cadho dadweyne ayaa runtii arrintan ka dhalatay. Wax lama filaan ah ayay
arrintaasi noqotay, Soomaaliduna in yar mooyaane, meel ay joogtaba way ka
64 Xantani aad ayay u sii faaftay muddadii uu Mahdi xafiiska joogay.
65 Ogaden National Liberation Front - Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya.
68
gilgilatay. Waxa Maraykanka iga soo garaacday gabadh aanan garanaynin.
Malahayga nugayl Soomaalinimo ayay igu tuhmaysay. I may salaamin.
Markii aan Telefoonka ka qabtay waxa ugu horreeyey ee aan maqlay waxa uu
ahaa “annagu Soomaalida waanu iskaga baxaynaa” way ooyaysaa! Waxa ay
ku celcelinaysaa “annagu Soomaalida waanu iskaga baxaynaa” “annagu
Soomaalida waanu iskaga baxaynaa”. Markiiba waan fahmay sababta
hadalkeeda. Waxa aan isku dayay inaan dejiyo balse kumaan guuleysanin.
Oohinteedu qalbigayga way gubtay. Niyadjabka la gaadhsiiyay, wax si fudud
looga bogsan karo maaha.
Waxa iyaduna ila soo hadashay Fartuun Qalbidhagax. Waxa ay igu tidhi
“anigu waxa aan ahay gabadh Soomaaliyeed. Aabbahay waxa uu ahaa
muwaadin Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed waxa aan u sheegayaa
Aabbahay in uu ahaa Mujaahid waddani ah, ummaddiisa iyo dalkiisana
cadaw ku haystay la dagaallamayay. Aabbahay waxa uu doonayay in uu
dalkiisa iyo dadkiisa xorriyad gaadhsiiyo. Aabbahay mar walba waxa uu
ilaalinayay sharafta dad Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed ee dhiigga iyo
damiirka leh waxa aan ugu baaqayaa in ay ka dhiidhiyaan arrintan foosha
xun ee dawlada Soomaaliya ay Aabbahay kula kacday”.
Maalmahan, waxa mar kale qof kasta oo fursad u heli karaa uu dib u
dhagaystay gabaygii Digniin ee habeenkii Farmaajo la doortay aan ugu digay.
Todobaadkan oo dhan farriimaha ugu badan ee I soo gaadhay waxa ay
ahaayeen “ninkii aad u digtay waakaase, maxaad yeeli?” Dadka qaarbaa si
jeesjees ah ii soo waydiiyay “Soomaaliweyntii aad raadinaysay waataase, saw
maad quusannin?”
69
Cumaroow66 haldoor buuxa iyo; baarri baad tahaye,
Baydariga aan waaban iyo; buunibaad tahaye,
Nin Banaadir joogaan ahiyo; xeebihii bariye,
Bulshadiyo dadkaygii hadduu; Mawle kugu beego,
Inta aad bariidiyo salaan; bilicsan gaadhsiiso,
Baydkaan ku sii faro u gee; waan ballamaynaaye!
70
Dhulkan bololay daarahan burburay; holoca baaruudda,
Bililiqadan baahdiyo dhaciyo; xaajo bidixaynta,
Han bilaash ah buuq iyo mushxarad; sheeko baraleyda,
Isu bogidda faan been ah iyo; balo la haasawga,
Boqno goynta gaaladu waddiyo; bili la’aanteenna,
Dhulkeennaa la baayacay baddoo; horeba loo boobay,
Baxsanoow dalkeennii warmahan; beerka kaga taagan,
Hooyadan baroortiyo ilmada; baahidu u dheertay,
Baradaad istaagtaba dhulkaa; cadawgu boobaayo,
Nin buruudli waa yaabanyiyo; kii baraad lihiye,
Waa waxa bukaanka iga dhigay; ciilkan biirsamaye!
69 Saldhigyo ciidan.
70 Deegaanka Bariirre ayay ciidamada Maraykanku ku dileen dad shacab ah oo Soomaaliyeed oo aan
waxba galabsanin, waxaanay ku eedeeyeen in ay ahaayeen argagixiso halis ku ah jiritaanka
Maraykanka. Dawladda Soomaaliya waxay tidhi: Maraykanku run buu sheegayaa.
71 Waxa Xamar ka dhacay waxa weeyaan dhiibistii foosha xumayd ee Cabdikariin Sheekh Muuse
(Qalbidhagax).
72 Xarunta ay degganyihiin ajaanibka Soomaaliya jooga.
73 Maxamed Haaruun Biixi.
74 Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.
71
Runta lagama baydhee xaqqaa; laga badheedhaaye,
Boqol sano haday gaadho oo; baaqi lagu yeesho,
Haddii buur la saariyo haddii; booyad lala raaco,
Haddii fule barriiqdiyo hadduu; geesi baqan waayo,
Haddii samirku baaxaadegoo; barasho iimawdo,
Nabarradu haddii ay battaan; baanna lala waayo,
Balaayadu hadday raagto oo; laga bogsoon waayo,
Boqol calan hadday yeelatoo; laysu bixi waayo,
Ummaddaydu in ay baaba’daa; waa bar kuma taale,
Burco iyo Cadaadliyo Sanaag; Boocamiyo Tuuyo,
Beledweyn Bullaaliyo Xalxalis; Booramiyo Faafan,
Xeebaha Baraawiyo Nugaal; tan iyo Boosaaso,
Badda xeelligeediyo Jigjiga; amase Buuhoodle,
Bixin-duule Beer iyo Afmadaw; Baarray iyo Qoyta,
Baki iyo ilaa Buurxakaba; tan iyo Baardheere,
Beledxaawo buuraha Qandala’; guriga Buu’aale,
Balcad iyo Awaariyo Darroor; amase Boondheere,
Baydhaba Bardaaliyo Gurracan; tan iyo Buurdhuubo,
Bannaannada Wajaaliyo Afmeer; Badhan intaa taalla,
Waa bushaaro iyo guul ninkuu; calaf ku beegaaye,
Soomaalidaa badan shacbigan; Mawle iga beeray,
Mar uun bay badhaadhaha adduun; saari baallaha’e,
Mar uun bay Baraarugi hadday; kala baqooleene,
Riyadiyo mar uun bay ka bixi; beela beelaha’e,
Been sheegi maayee wakhtigu; ways beddelayaaye,
Bushaarayso wuu imanayaa; bari samaadkiiye!
Faallo:
Markii gabaygan aan baahiyay, waxa uu taabtay dareenka qaar ka mid ah
Soomaalidii cadhaysnayd ee quustu ka muuqatay. “Isma dhiibayno. Madax
na khiyaamaysay nama dullaysan karaan. Dadkayaga shisheeye lagama iibin
karo. Dhalinyaradu ha kacaan oo gacmaha hays qabsadaan. Gunnimada aynu
iska dulqaado oo gobanniimo u halganno. Hala baraarugo”. Ereyadaas ayaa
in badan igu soo noqnoqday. Rag badan oo halabuur ah ayaa gabayo
baraarug ah arrintan ka sameeyey oo dhacdadan foosha xun hiilkooda ku
biiriyay. In suugaantaa la diiwaangeliyo waan jeclaan lahaa waanan boorrin
lahaa. Khaliif Faarax Xayyir ayaa ka mid ahaa. Gabayadaas nidaamkii
Farmaajo may jeclaysanin. Maalintaas laga bilaabo, Farmaajo iyo nidaamkiisu
qof liddi ku ah ayay ii yaqaanneen. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo markan
nidaamkii jiray muhiim u ahaa, waxa uu nin saaxiibbada ka mid ah ku yidhi
“mucaaradaddii nagaga kacday dhiibista Qalbidhagax, gabayga ninkaas ayaa
ka mid ahaa waxyaabihii noogu xannuunka badnaa, sababta oo ah
72
siyaasiyiinta mucaaridka ah waxa laga yaabaa in dano gaar ah ay arrintan ka
lahaayeen balse ninkaa dadku waxa ay u arkayeen qof aan dan shakhsi ah
naga rabin balse dan ummaddeed wada. Taasaa keentay in labadiisii gabay
iyo dadkii kale ee arrintaas ka gabyay ay xannuun gaar ah nagu noqdaan”.
73
kale oo muujinaaya in aanay Soomaalidu wali bislaanin, inta ujeeddadu
midaysaana ay runtii aad u yaryihiin. Jabka weyni halkaas ayuu ku jiraa.
74
mid aanan marnaba filanaynin. Waxa uu yidhi “wuu iimaan beeley. In uu
kugu been abuurto oo uu adiga laftaada Jaad kaa dhigto waxba kuma aha.
Markaa sidaasaan u siiyaa. In uu Jaad helo ayaa naftaada kala muhiimsan
ninkaa aad ilma adeerka tihiin”.
Ogow, marka aanu nahay laba nin oo ilma adeer ah oo Hawd wada jooga
anigaa marti lay ahaan jiray, balse fasahaadka Ina Iley waxa uu keeney in
naftayda Jaad lagu beddelan karo, ka igu beddelan karaana uu yahay ina
adeerkay oo waliba aan anigu isaga ilaalin jiray. Runtii, aad baan uga
damqaday sida Tigrayga gumaysiga ah ee Itoobiya iyo daalimiinta u
shaqeeyaa ay wax walba ugu tunteen. Aabbahay waxa aan ku idhi “tuulahan
inaga kaxee oo gurigeenii ina gee, barrina Hargeysa ayaynu u baxaynaa”.
Sidaas ayuu safarkaygaasi ku soo dhammaaday. Gumaysi iyo tacaddi oodda
goostay ayaan soo arkay.
Dhacdo kale, Xaaji Maxamed waa oday reer Boosaaso ah. Si guud ayaanu u
xidhiidhi jirnay, balse maannaan is arag. Garoowe ayaan markii ugu horaysay
anigu tagay dhammaadkii 2017kii aniga oo Laascaanood ku socda.
Telefoonkiisa ayaan garaacay. Waxa aan u sheegey inaan Garoowe joogo.
Salaan iyo haddii uu magaalada joogo isa sii arka ayaan u jeeday. Waxa uu
igu yidhi in yar I sug. Waxa uu la hadlay qof magaalada joogay. Waxa uu ku
yidhi ninkaas Huteelka uu deggenyahay ka soo qaad oo guriga keen. Barri
subaxna intaanu waagu baryin, Laascaanood gee. Arrintaas waxa aan u
fahmay uun adeernimo iyo soo dhawayn. Isagu waxa uu ku maqnaa
Boosaaso, waxa uu se ii sheegey in uu maalmo gudahood Hargeysa iman
doono. Sidii ballanku ahaa ayaanu Maxamed Hargeysa isku aragnay. Waxa
aan uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ii martigeliyay. Waxa uu yidhi
“martigelin may ahayne, amnigaaga ayaan u baqanaayay. Waxa aan is idhi
Huteelka uu deggenyahay ayaa lagala bixi doonaa. Sidaasaan kaaga soo
qaaday oo aan gurigayga kuu geeyey. Dadka aad saaxiibbada moodayso qaar
badan baan saaxiibbadaa ahayn”. Dib ayaan u amakaagay. Xilliyadan waxa
caadi iska ahayd in Tigrayga Itoobiya magaalooyinka Soomaalida oo dhan
qofkii ay doonaan loo dhiibo.
75
Haddaba, dhacdooyinkaas oo is xambaarsan ayaan gabaygan ku soo
gudbinayaa. Wixii aan Koonfur ku soo arkay wax ka mid ah ayaan kaga
warramayaa. Reer Waqooyigana waxa aan ku dhiirrigelinayaa in ay door
hormoodnimo ah ka qaataan badbaadinta isirka Soomaaliga ah ee run
ahaantii jiritaankiisu uu halista ku jiro. Gabaygani waxa u soo baxay maalin
Khamiis ah, December 28, 2017ka oo ku beegan sannad guuradii 11aad ee ka
soo wareegtay maalintii ciidamada Itoobiya ay qabsadeen caasimadda
Soomaaliya ee Xamar December 28, 2006dii.
76
Nin aan talada goyn jirin maxaa; galabta loo dhiibay,
Xilkiisii masuul gabay maxaa; guurti lagu sheegay,
Gumaystuhu nin uu dhalay maxaan; geesi ugu yeedhay,
Gobol gobol maxaa laysku diray; geeshkii wada yaallay,
Guud ahaan dalkaygii muxuu; cadawgu googoostay!
77Niman dhalinyaro da’ dhexe ah oo culimo ah ayaa kulan gaar ah ila yeeshay magaalada Hargeysa,
dabayaaqadii 2016kii. Iyaga ayaa kulanka soo qabanqaabiyay. Waxay iga codsadeen in suugaanta
Qawmiga ah aan guud ahaanba joojiyo oo suugaanta aan u beddelo mid Islaami ah. Waxay ahayd
soo jeedin wanaagsan. Waxa aan u sheegey in baylahda taallaa ay tiro badantahay, qof waliba wixii
uu qaban karana uu qabto, ujeeddada ugu dambaysaana ay tahay in Muslimka Soomaaliga ah la
badbaadiyo oo la mideeyo, ka dibna Muslimka kale loo sii gudbo. Waxaan u sheegey in aniguna aan
77
Anoon ararta sii guro fogayn; way gun dheertahaye,
Taariikho wada guun ah baan; soo gudbinayaaye,
Gu’yaal tagay xusuustood haddaan; gudub u faalleeyo,
Berlin78 heshiiskii la galay; aramiduu gaystay,
Gayigeena waa tii la dhacay; gebi ahaantiiye,
Gaddii Sheekh Bashiir iyo raggii; cadawgu googooyay,
Danahooda gaarka ah marnaba; uma guclaynayne,
Waxay goobayeen ee kufrigu; gumuc u leefsiiyay,
Waxa loo gunaanaday xornimo; in aynu gaadhnaaye!
shakhsiyan isu xilsaaray inaan dadka Islaamka ah ee Soomaaliyeed isu ururiyo, maadaama inta
afkaygu gaadhi karaa ay intaa tahay. Waxa aan iyagana kula garnaqsaday in iyaguna intii
tamartoodu tahay ay Muslimka Soomaaliga ah isu ururintiisa awood badan saaraan. Dood ka dib,
waxaanu ku kala tagnay is afgarad aan buurnayn. Maalmo ka dib, waxaan ogaaday in
saaxiibbadaydii culimada ahaa ay igu dareen liis la yidhaahdo ‘Qawmi, ama nin Diinta ay
Soomaalinimadu kala weyntahay, diyaarna aan u ahayn in uu Diinta Ilaahay u hiiliyo’. Maalinta
liiskan ay igu dareen; anna waxaan isu arkaayay nin tamartiisa oo dhan gelinaaya in Muslimiinta
Soomaalida ah uu mideeyo. Arrintaas waan dhibsaday, balse waxa aan ku gaabsaday inaan wakhtiga
u daayo. Muddo ka dib, ayaan ogaaday in nimankii culimada ahaa ee taladu naga dhaxaysay ay
iyaga laftoodi isa sii khilaafeen, waxa aan ogaaday in qaarkood masaajiddadii la kala guureen. Waxa
aan ogaaday in qaarkood kuwii kale ku eedeeyeen arrimo Diin ka bax u dhaw. Waxa aan ogaaday
inaanay salaanta iska qaadin. Waxa aan ogaaday in wax kooban oo qiimo adduun ah ay ku kala
tageen! Waxa aan is waydiiyay wixii ay adiga kuu sheegayeen maxay iyagu u fulin waayeen. Waxa
aan is waydiiyay sababta aniga oo Soomaali raadinaaya, intii awooddayda ah, Muslimka kalena aan
dhibaato ku haynin laygula colloobi karo, male xunna layga malaysan karo, halka iyagu ay
masaajiddada Ilaahay kala sheegan karaan, iska daa in ay Muslim mideeyaane. Waxa aan ogaaday in
la joogo xilligii Nebigu (SCW) uu sii sheegey ee ahayd in khilaafka Diintu uu xooggaysan doono.
78 Shirkii qaybsiga Afrika ee 1884kii.
79 Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde.
78
Goolkaa markii lagula helay; gaabis muu imane,
Shisheeyuhu wuxuu soo gingimay; gabannadiisiiye,
Maandeeq ninkii gawriciyo; Gini ninkii siistay,
Reeruhu markay kala gurteen; geesi lagu sheegye!
Baydhabo, Kismaayo, inta badan gobolka Gedo, qaybo muhiim ah oo ka mid ah gobollada Bakool,
Hiiraan iyo Galguduud. Sida oo kale, Puntland iyo Somaliland, Itoobiya ayaa si dadban gacanta ugu
haysa. Dawladda Kenya, waxa ay inta badan ciidamadeedu haystaan dhulka Jubbaland.
79
Geedigu halkuu sii socdaad; yaab u go’asaaye,
Gobannimo ha joogtiyo xornimo; gobollo sheegtaane,
Xaqiiqadu ninkii ay gubtaa; aamus garan waaye,
Gefka iyo xumaha soo socdaa; taa ka gudoweyne,
Gaaliyo Islaamkaba haddii; laysu wada geeyo,
Waa arami guud oo khalqigu; ii gudboonyahaye,
Dhaaxay filkood gaasireen; ciilla geliyeene,
Ha gumawdo Soomaalidii; laysla soo garaye!
Ujeeddada si loo gaadho oon; ruuxna ugu giigin,
Waataa Baddeenii la gaday; gebi ahaanteede,
Gibirkana82 ragbaa loo shubaa; maalmo gudahoode!
80
‘Gamgamaha’86 Axmaaradu waddaa; loo gudboonyahaye,
Guud ahaan dadkeenii haddii; laysu wada geeyo,
Nin kastoo xiniinyuhu gubaan; maanta waa garace!
Garab iyo walaal iyo ma helo; ruux u soo gala’e!
Faallo:
Badhtamihii sannadka 2018kii ayaan mar kale tagay magaalada Kismaayo.
Waxa aan ka qaybgalay Carwada Buuggaagta Kismaayo. Jubbaland TV87 ayaa
si rasmi ah looga baahinaayay barnaamijka. Markii aan anigu isa soo taagay
Microphone-ka ee aan hadalkii bilaabay, ayuu mid I ag marayay Telefoon
garaacay. Waxa uu cod la maqlaayo ugu yidhi qofkii uu la hadlaayay
“Nageeye ayaa soo istaagay. Kollay iminka ayuu Itoobiya ama maamullada
wax ka sheegayaaye, tabinta tooska ah ma ka jaraa mise waan iska daayaa?”
Hadalkaas si fiican ayaan u maqlaayay. Markhaatiyina wuu lahaa! Anna si
aan cadhada ugu sii badiyo, gabaygan ayaan goobta ka akhriyay. Ninkii uu la
hadlaayay, sida mar dambe dad kale ii sheegeen, waxa uu ku yidhi “waxa uu
doono ha yidhaahdo, annaga Itoobiya nama xukunto ee kama jari kartid”.
Waxa uu ahaa qof gobanniimo yari ay ku sii hadh-dhay. Labadii ninba way
inala joogaan oo si wanaagsan ayaan u aqaannaa.
86 Gamgamuhu waa erey Xabashi ah oo macnihiisu u dhawyahay diiwaangelin, ama tirokoob ama
xaadiris.
87 Muuqbaahiyaha rasmiga ah ee deegaanka oo uu gacanta ku hayo maamulka deegaanku.
81
18. Duufaan
Sabti, June 16, 2018
Bilawgii Bishii May, 2017kii xilli habeenimo ah ayaanu aniga iyo Cumar
Maxamed Axmed (Cadami) oo reer Ceerigaabo ahi ka soo baxnay meherad
xeelliga Xeebta Liido ku taalla oo aanu ku cawaynaynay. Waa xilli aad u
dambe marka loo eego xaaladdii amni ee maalmahaasi ay Xamar ku sugnayd.
Anigu magaalada waxa aan joogaa maalmo aan labaatan gaadhin, Cumarna
wax badan igama soo horraynin. Labadayaduba waanu ku cusubnahay
duruufaha Xamar ee ay casharrada nololeed ka buuxeen. Cumar isaga oo
nolol wanaagsan ku haysa ayuu Burco ka tagay aniguna sida oo kale Hargeya
ayaan ka imi. Inkasta oo ay maalmahaasi adkayd in la rumaystaa, haddana
run ahaantii midkaayana Xamar shaqo kaliya uma soo doonanin. Waxa aanu
u nimi sidii kacdoon Soomaaliweyn Xamar aanu uga abaabuli lahayn ama
aanu uga qayb qaadan lahayn, gaar ahaan dhalinyarada. Maskaxdayada
waxaas ayaa ku jiray, daacadna way naga ahayd runtii.
Aniga iyo Cumar waxa aanu saaxiib ahayn muddo. Baabuur ma wadano.
Maba haysano. Gaadiidka kaliya ee aanu raaci karnaa waa Bajaaj. Waxa aanu
u soconnaa guri ku yaalla Isgoyka caanka ah ee Dabka88 oo uu degganyahay
nin aanu saaxiib nahay. Markaanu albaabka Liido ka soo baxnay ayaanu u
nimi bajaajle bannaanka taagan. Waa nin da’ahaan afartameeyo ah, sida
qiyaastayadu tahay. Waxa uu xidhanyahay furaanad calanka Soomaaliya ah.
Maadaama ay noo socdeen casharro nololeed oo Xamar ku saabsani, Cumar
waxa aan ku idhi ninkan waynu la kaftamaynaa. “Waxa aanu u soconaa
Isgoyska Dabka. Annagu waxa aanu nahay niman reer Waqooyi ah. Calankan
aad xidhantahay waanu ka xanaaqnaa. Laba arrimood mid dooro: inaanu ku
siinno $1.5 oo aad calankaaga xidhnaato iyo inaad iska bixiso oo aanu $2 ku
siinno. Adigu go’aan gaadh!” Sidaas ayaanu bajaajlihii ku nidhi. Annaga oo
dultaagan ayuu bixiyay furaanaddii calanka Soomaaliya ahayd. Cagahiisa
ayuu dhigay, ka dibna waxa uu yidha “soo baxa nooh” oo macnaheedu yahay
soo fuula bajaajta aan idin qaadee! Labadayaduba waanu ilmaynay, Cumarna
ninkii wuu la dagaallamayba! Ka dibna waanu iskaga tagnay, balse
dhacdadaasi raad weyn iyo xusuus fool xun ayay nagu reebtay. Waxa laga
yaabaa in aanu annagu khaldanayn oo aanu miskiin soo shaqo tagay ilaaq ula
tagnay, balse tani sawir weyn ayay na siisay.
Anigu oo xusuuso wada noocaas ah sitta ayaa arrimo qoys aawaddood, waxa
aan ku laabtay Hargeysa qaybtii dambe ee sannadkii 2017kii, maalmuhuna
imay saacidin. Bishii March, 2018ka ayaan shaqo ka helay Bangiga
82
Daarasalaam qaybtiisa Hargeysa waxa se shaqadaasi iga hor istaagay nin
horena aanu isu naqaannay, kana mid ah maamulka Bankiga. Waxa uu igu
yidhi “shaqada waad waad ku guuleysatay balse maadaama aad
Soomaaliweyn u ololayso, halis ganacsi ayay nagu tahay in aanu ku
shaqaalaysiinnaa”. Ninkaasi waxa uu ka mid ahaa maamulka Bangiga
Daarasalaam laantiisa Hargeysa.
Hal arrin ayaa markan culays weyn igu haysay. Waxa ay ahayd in dad badan
oo ehelkaygu ugu badanyihiin ay ii arkeen danlaawe ku hawlan wax aan
dantiisa ahayn. Arrintaasi aadbay ii dhibtay. Aniga oo aaminsanaa inaan ka
shaqaynaayo dantayda iyo danta guud ee bulshada in ehelkaygu ii
aqoonsadeen danlaawe. Waa arrinta kaliya ee aan ka damqado. Nasiib
wanaag dadku isku wada aragti iyo garasho maaha, inta aad gabaygan
akhriyayso waxa aad la kulmi doontaa meeriska ‘Saynab-deeqa mooyee maxaa; la
iska kay daayay’. Saynab waa curadda Hooyaday, barbaarintaydii iyo
noloshayda oo dhanna door aad u muhiim ah ayay ku lahayd. Inaan
waxbarto iyada ayaa sabab u ahayd. Xilliyadan aan bilaabay kacdoonkan
cusub, waxa ay ahayd qofka kaliya ee ii hiilin jiray. Maalmahan adagna iyada
ayaa wehel ii ahayd. Maalmahan ayaan curiyay qaybta hore ee gabaygan
Duufaan.
Mar kale ayaan Xamar ku laabtay. Waa dhammaadka bishii May, 2018ka.
Goobtu waa Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Nin la tuhmaayay aragti ahaan
iyo bisayl ahaanba, sida oo kalena nimaadka maamul meel sare kaga jiray
ayaa noo sheekeeyey. Dhalinyaro badan oo si gaar ah loo soo xulay ayaanu
ahayn. Waxa aanu ku nidhi “dawladdu maxay qabatay muddadii ay jirtay”?
Waxa uu yidhi “isla su'aashaas ayaan maalin dhawayd waydiiyay Salaad Cali
Jeelle, waxaanu iigu jawaabay: Ilmaha yari in uu weynaaday waxa lagu
gartaa, jaarka ayaa ka soo dacwooda. Ilmaha yari jaarka ayuu dhibaa. Mid uu
dhagax ku tuuro iyo mid uu caayo. Markaa hadda dawladdu in ay hore u
socotay waxa lagu garanayaa, dad badan ayaa ka soo dacwooday!”. Soo
laabashadaydii Xamarna doodaha noocaas ah ayay la kulantay. Waa doodo
aan macno badan u lahayn dawlad dhiska Soomaaliya. Inkasta oo hadalka
ninkaas kaftan loo qaadan karo, haddana waa kaftan aan nuxur lahayn.
83
Ababa uun u sii socda aan albaabkaas ka soo xidho”89. Waxa an ku idhi “ma
waxa aad I leedahay Isaaq iyo Majeerteen, Itoobiya way u rukuucsanaayeen,
anna waan u sujuudayaa”. Dhinacayga, waxa aan go’aansaday in kulankaasi
uu noqdo kii isugu kaaya dambeeyey.
89
Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya waxa ay caan ku ahayd taageerada
qabqableyaashii Soomaaliya iyo maamulladii rabitaankeeda ayidsanaa. Sida oo kale waxa ay door
muuqda ku lahayd dhismaha dawlad Soomaaliya yeelato oo aan liddi ku ahayn danaheeda gobolka
iyo haymanada jiritaankeeda. Sida oo kale waxa ay dadaal badan ku bixisay in aanay Soomaaliya ka
dhalanin dawlad iyada cadaw ku ah ama cadawgeeda saaxiib la ah. Taasi waxa ay dhalisay in Addis
Ababa ay xarun u noqoto maamullada iyo hoggaamiyeyaashii ugu badnaa ee Soomaaliya.
90 Saynab Cali Khaliif.
91 TPLF.
84
Dulcad92 sheekadeediyo maxaa; filimo lay daaray!
92 Mid ka mid ah xeryihii Qaxoontiga ee reer Waqooyigu u qaxeen intii lagu jiray gumaadkii
Kacaanka ee dadka reer Waqooyiga.
93 Maalmahan waxaa fashilmay mashruuca biyogelinta Hargeysa oo la sheegay in ay ku baxday lacag
ka badan 12 million oo Dollar. Lacagtii mashruucaasi loogu talo galay shakhsiyaad xilal hayay oo la
yaqaanno ayaa iska qaatay, sida dadweynuhu isu sheegeen. Cidina ma waydiinin. Isla maalmahan,
waxa soo baxay war sheegaya in dawladda Shiinuhu ay u baahantahay xayawaanka la yidhaahdo
Diinka. Waxa la sheegey in ay farsamo u hayso, qofkii keenana ay ka iibsanayso. Dhawr nin ayaa
Diin ka soo qaatay baadiyaha, waxaanay damceen in ay iibiyaan. Waa la soo qabtay. Waxa lagu
xukumay ganaax lagaceed iyo xabsi. Wasiirka Malaayiinta qaatay ha taabanin, miskiinka Diinka soo
qabsadayna xidh oo ganaax. Caqligaas ayaa yaallay Hargeysa.
94 TPLF iyo guud ahaan nidaamka Itoobiya.
85
Maraakiib dagaal iyo hub bay; ila dul joogaane,
Intay doqoni hoos eegaysaa; daaqsin loo baxaye,
Dawarsadaha kaa moodaysaan; waa dagaalyahane,
Waa taliye daahsoon kuwaa; dayrka dhigateen,
Ujeeddooyin loo soo diray; sii dabbarayaane,
Maalintuu dagaal ina qabsado; ama la soo duulo,
Dirayskoodu meel buu u yaal; iyo dabkoodiiye,
Duufaannadaa soo socdeen; cidi dareemaynin,
Digtoonoow ninkii aan idhee; diiday hadalkayga,
Digashadan xanuunka leh marbuu; dib uga sheekeyne,
Aniguna halbeeg durugsanbaan; diirad ku hayaaye,
Duddo madhan intaan joogi laa; dawladnimo been ah,
Xaqqu haygu soo dego anoo; diiday liidnimo’e,
Calanyahaw xaggeen kaa dayaa; waan ku daydayaye?
86
Asalkaba dadkaygii haddii; Daayin kugu beego,
Dabinkuu cadaawuhu xidhay; sii dugsanayaane,
Waa hadal da’weyn iyo tix aan; kuugu duurxulaye,
Dookhiisu nimuu caashaqoo; doonay gabadhaada,
Inantaada kuma doorsadoo; damacu waa meele,
‘Bal dadkayga waydii’ waxaa; gama’a ii diiday?
87
Ducoqabe horaa loo socdaa; dibina waa ceebe,
Dalka iibi kii horeba wuu; nooga sii daraye!
Faallo:
Ninkii shaqada Bangiga Daarasalaam ii diiday waxa aanu ku kulannay
Jabbuuti dhammaadkii sannadkii 2018kii aniga oo markaa Xamar ka imi.
Maalintaas waxa aan hadal ka jeedinaayay shir aqoonyahanka Soomaalida
qaar ka mid ah loogu qabtay Jabbuuti, isaguna waxa uu ka mid ahaa martidii
la casuumay. Shirkan waxa abaabulkiisa lahaa Machadka Daraasaadka
Siyaasadda ee Heritage oo Xamar ku yaalla, waxaana martigeliyay
Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Markii munaasibaddaasi
dhammaatay ayay ka soo qaybgalayaashi bilaabeen in ay sawirro xusuus ah
iska reebaan. Ninkaasi waxa uu mobilekiisii u dhiibay Xoghayaha Xisbiga
Waddani Khadar Xuseen Cabdi (Khadar Looge) oo shirka isaguna ka soo
qaybgalay, ka dibna waxa uu ku yidhi “aniga iyo abwaanka sawir xusuus ah
naga qaad”. Inta aanu Khadar sawirkii qaadin ayaan ku idhi “haddii aynu
sawir gallo, saw halis ku noqon maayo ganacsigiinna”? Ka dibna wuu qoslay.
Sawirna maannaan gelin. Waanu kala dhaqaaqnay annaga oo is fahannay.
wax ku dhex akhrista!”. Tani, heerka jaahilnimada, guulwadaynta, ismuujinta caqliga ka fog iyo
anshaxumada la dawladeeyey ayay tusaale u tahay.
88
garanaynin oo dhalinyaro ah aadna u qosol badan ayaa isaga oo na dultaagan
hadalkan yidhi.
89
doono, qabanqaabada hawshaana uu isagu masuul ka yahay, ogaysiiska
Bandhigaasna uu goor dhaw isagu baahin doono.
90
dhacday magaalada Muqdisho. Xukuumaddii uu hoggaaminaayay
Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa muwaadin Soomaaliyeed
oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF u dhiibtay maamulkii Tigrayga ee Itoobiya.
Gabaygaygii Digniin ayay mar kale daawashadiisu badatay, dadkuna waxa
ay mar kale iga sugayeen sida aan arrintan u waajihi doono. Gabayga
Baraarug oo dhammaystiran ayaan soo baahiyay. Gabaygani waxa uu hiil u
ahaa Soomaalinimada, waxaanu niyad qaboojin u ahaa qof kasta oo
masiibadaasi quus gaadhsiisay. Baraarug waxa uu hiil u ahaa dulmane
Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), waxaanu dhimbiilo naareed ku
ahaa nidaamkii hoggaanka joogay ee Tigrayga u gacan geliyay. Abwaanno
door ah ayaa iyaguna suugaan hiil ah tiriyay. Khaliif Faarax Xayyir ayaa ka
mid ahaa raggii arrintaas sida weyn uga dhiidhiyay. Anigana maqalka
magacayga ayuu aad kor ugu qaaday gabayga Baraarug. Sida oo kale
maalmahani waxa ay ahaayeen maalmo aan wajahay haliso amni oo shakhsi
ah oo u kala duwan.
Mar kaliya ayaan Ubax waayay, muddo markii aan xidhiidhkeedii tabayay
ayaan anigu raadiyay, iimay se suurogelin inaan helo. Wax kasta waan
sameeyey, waan se waayay. Dhammaadkii bishii April, sanadkii 2018kii
ayaan mar kale safar ku tagay magaalada Kismaayo. In aan Ubax raadiyo
ujeeddooyinka safarka ayay ka mid ahayd ama waabay ugu muhiimsanayd,
maan se helin. Saaxiibkay Cabdishukri ayaan si saaxiibtinimo ah u waydiiyay
“gabadha magacan leh ma taqaannaa”. Waxa uu ahaa qofka kaliya ee aan
kalsooni buuxda ku qabay ee arrintan aan la wadaagi karo. Waxa uu igu yidhi
“in aad marka horeba baratay ayaa khalad ahayd”. Waan yaabay. Waxa uu ii
sii raaciyay “gabadhan magaalada oo dhan ayaa raadinaysa oo waa la
91
waayay. Wali nin ay codsigiisa ka jawaabtay lama arag. Markaa sideebaad
adigu ku baratay?” Sheekadii ayaan saaxiibkay uga sheekeeyey. Wuu ila
yaabay oo waliba wuu ila dagaallamay. Waxa uu igu yidhi “ninka gabadhaasi
jeclaatay ee dayacay ayaad tahay. Nasiib ma lihid”. Hadalkiisu ladhka ayuu
igu sii kordhiyay.
92
helo in aroos gobeed oo Soomaalida oo dhami ay bogaadiso aanu samaysan
doono. Ugu dambayntii, Ubax waxa aan ka codsanayaa in marka farriintani
ay soo gaadho ay si degdeg ah iila soo xidhiidho! Marka gabayadayda oo
dhan la isku daro, waxa aan ugu jecelahay gabaygan.
93
Geel iyo gammaan iyo ma lihi; guunyo lacageede,
Gaadiid ma raacee cagtaan; boodhka geliyaaye,
Xilkan guudka iga saaranbaa; taa ka gudo weyne,
Soomaalidan is wada gawracdaan; hiil u galayaaye,
Garashadan habawdaan filkood; gaadha leeyahaye,
Gardarrada shisheeyuhu wadaan; gaadhka ka hayaaye,
Haba iga gabnawdee halbaan; soo godlaay idhiye,
Gorofbaan carruuro u sidaa; aan calool geline,
Gobannimo shinkeed raagaybaan; soo galbinayaaye,
Hanku igama guurine waxbaan; gaadh is leeyahaye!
Faallo 1:
Markii aan gabayga dhammaystiray ee aan muuqaal ahaan u duubay ayaan si
gaar ah ugu diray Ubax. Waxa aan ugu hoos qoray: tani waa hibadaydii oo
aan u adeegsaday helitaankaaga. Adiga iyo garaadkaa! Way aragtay, balse
iimay soo jawaabin. Taasi waxa ay ahayd farriintii ugu dambaysay ee aan
Ubax u diray. Horraantii bishii March, 2019kii, aniga oo ku sugan magaalada
Doha ee caasimadda dalka Qatar ayuu saaxiibkay Cabdishukri farriin iiga soo
diray Kismaayo. Waxa farriinta saaxiibkay ka mid ahaa meeris gabay ah oo
wali xusuustiisu ay igu weyntahay. Meeriskaasi waxa uu ahaa ‘Gabadhaad
Nageeyoow jeclayd; waa la guursadaye!’. Badhtamihii bishii April, 2019kii
ayaan sheekada Ubixii Goobweyn faafiyay iyada oo qabyo ah. Si weyn oo
aanan filaynin ayay runtii u faaftay. Inkasta oo dadkii faallooyinka dhiibtay
ay garta aniga I siiyeen, haddana anigu waxa aan garta siinayaa Ubax. Ugu
dambayntii, Ubax waxa ay ila soo hadashay dhawr sannadood ka dib. Way ii
warrantay, waanan u cudurdaaray. Sida oo kale, waxa aan rabaa in aan ku
xusuusiyo, gabaygan Ubixii Goobweyn asal ahaan waa gabay jacayl ah, balse
94
maadaama uu ujeeddooyin siyaasaddeed gudbinaayo, duruufaha nolosha ee
gabayadan siyaasaddeedna uu ujeeddooyin badan la wadaago, sababtaa
aawadeed ayaan halkan u soo geliyay.
20. Sooyaal
Salaasa, December 24, 2019
Waa Habeennimo bishu ay tahay May 01, 2018kii. Nin saaxiibbada ka mid ah
ayaanu isu raacnay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo
aanu ballan kula lahayn nin muhiim xilligaas u ahaa Madaxtooyada
Soomaaliya iyo maamulkii jiray. Waa markii ugu horraysay ee aniga iyo
ninkaasi aanu kulmayno. Wax yar ka dib, waxa aanu soo gallay xafiiskiisii.
“Waa wareey, waa odayaashii, waar abwaanka magaciisa iyo muuqiisu way
kala weyn yihiin. Soo dhawaada” ayuu ninkaa oo isu kaaya taagay oo
qoslayaa yidhi. Saaxiibkaygii aanu wada soconay si uu ii fahamsiiyo in aanu
hadda la joogno shakhsi ka mid ah kuwan ugu saamaynta badan
Madaxtooyada Soomaaliya ayuu yidhi “Nageeyoow, waakan Godane!”.
Xulashasha magaca Godane ee goobtani maskaxdayda su’aal ayay ku
abuurtay.
Tusaale kale, Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa laga soo
wariyay in uu madal furan oo dad badan oo Soomaali ahi ay joogaan uu ka
yidhi “haddii inamadaa yaryari (Al Shabaab) aanay joogi lahayn, dalka mar
hore ayaa la qaadan lahaa”. Sida oo kale, waxa uu mar kale meel madal ah ka
yidhi “wixii dhammaanteen aynu suurtogelin kari waynay oo ah maamul
97Bisha May 23, 2020ka, ayaan qoraalkan qoray: Qarnigan 21aad, waxa aan u jeedaa (2000-2020),
qofka Soomaaliga ah ee aad u malaynayso in uu yahay kan ugu saamaynta badan, gudaha ama
dibadda, ama labadaba, si togan ama si taban ama labadaba, waa kuma? Fadlan, si kooban balse
faahfaahsan, sababta aad sidaa ugu malaynayso ila soo wadaag adiga oo soo bandhigaya tusaaleyaal.
Saamayn iyo caannimo, yaanay iskaga kaa khaldamin. Waxa haddaba cajiib noqotay, dadkii
su’aashan ka soo jawaabay oo tiradooda boqollaal qof ay ka badnayd, in inta ugu badan, oo aad u
badan, kuna dhaw 75% faallooyinkii la dhiibtay, ay ku jawaabeen in qofka ugu saamaynta badan ee
qarnigan 21aad Soomaalida soo maray uu yahay hoggaamiyihii la dilay ee Xarakada Al Shabaab
Amiir Axmed Cabdi Godane. Qofka labaad ee dadku ay isku raaceen in uu sannadahan lahaa
saamayn weyn waxa uu ahaa Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.
95
dhis, nidaam dhis iyo kala dambayn, ayay inamadaa yaryari (Al Shabaab) ku
guuleysteen”. Hadallada noocan ahi, wax is waydiin ayay I geliyeen.
96
Saqda dhexe habeenkii maxaa; lay silsiladeeyey,
Sahwi iyo tabaaliyo maxaan; silic la soo jeeday,
Sahashiga wedkaygii maxaan; anigu suureeyey!
97
Wakhtigoo samaadiyo Rabbay; guul ka sugayaane!
21. Diihaal
Sabti, February 29, 2020
February 06, 2020ka, maalin Khamiis ah, waxa aan gabadh ku guursaday
Hargeysa. Gabaygani waxa uu horseed u yahay nolol masuuliyad iyo
odaynimo sal u tahay. Dhinaca kale, waxa marwada aan kula dardaarmayaa
in qaab nololeedkaygu marar badan uu keensan doono inaan ka gaabiyo
masuuliyadda qoys ahaaneed ee I fuushay. Samir iyo samotalisnimo ayaan
kula dardaarmayaa. Waxa aan si gaar ah u xusuusinayaa in mar walba ay
dareen gaar ah iyo daryeel shakhsi ah u yeelato dadka oo dhan, gaar ahaan
walaashay Saynab oo ah qofka noloshayda oo dhan ugu muhiimsan.
shaah ku soo cabbay meheraddii Sabaxareed. Ku soo laabashadayda Xamar ka dib, waxa aan degay
qol yar oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodan. Haddaba, todobaadkii hore, waxa aanu
sheeko dheer wada yeelanay nin saaxiib ah oo aan ka doonaayay in uu ii fududeeyo safar aan
doonaayo inaan ku tago Jilib. Jawaab ayuu iigu maqanyahay.
98
jirtaa sabab diidaysa in xulafada reer Galbeedka ee maanta Soomaaliya
xoogga ku haysta iyo Afrikaanka ay iyagu soo adeegsadeen ee AMISOM ay
dalka Soomaaliya ka baxaan, sida oo kalena lala heshiiyo Al Shabaab?
Jawaabta ii soo baxday waa MAYA!
Waxa xusuus mudan, Al Shabaab iyaga oo Xamar iyo inta badan Koonfurta
Soomaaliya ka taliya kana mid ah Ururkii Maxaakiimtii Islaamka ayaa lagu
soo duulay oo xukunka laga tuuray. Daalibaan, iyaga oo si sharci ah uga
taliya Afghanistan ayaa lagu duulay oo xukunka laga tuuray.
Dhacdooyinkaas kala duwan ee ay dantu walaalaysay ayuu gabaygan Diihaal
ka warramayaa.
99
Ujeeddadu haday durugsantahay; aan u daadego’e,
Dumarkiyo carruurihi ku lume; meel darxumo taalle,
Nin damiirli kama aamuseen; dooddihii Hodan’e!101
Oo waliba deelqaaf iskii; kalama daaleene,
Diiwaannadii oohintaan; duugayaa waliye!
Hodan iyo sheekadeeda argagaxa leh qofkii raba in uu fahmo ha ka akhriyo Buugga Qab iyo
101
100
Halgan lagama daaliyo xorriyad; daacad loo yahaye,
Diihaalka gaajiyo waxay; daranyo joogaanba,
Ama ay duddiyo meel cidlo ah; dani ku haysaaba,
Duruuf adag waxay xaajadaa; ugu dulqaataanba,
Iyagoo dalluun qaba waxay; geylan diriraanba,
Daalibaanba102 waa kuwa hantiyay; degelladoodiiye!
101
22. Dhambaal
Axad, March 22, 2020
Waa galabnimo Axad ah, November 16, 2019kii. Waxa aan joogaa magaalada
Muqdisho. Nin oday ah oo aan Taxi ka kiraystay ayaa ii sheekeeyey. Waxa uu
ahaa reer Diinsoor. Waxa aan waydiiyay Soomaalida cudurka ugu xun ee ku
dhacay waa maxay? ‘Wadaniyadxumo iyo tuuganimo’ ayuu iigu jawaabay, ka
dibna sheekadan kooban ayuu iiga sheekeeyey. Waxa uu yidhi “habeenkii
laga taagayay calanka Jamhuuriyadda Soomaalida xorta ah dhinaca
Koofureed isla markaana la midoobaayay ee July 1, 1960kii waxa aan joogay
magaalada Baydhabo aniga oo dhalinyaro ah. Nin ehelkayga ah ayaa lagu
yidhi caawa calankiibaa la taagayaaye, is diyaari oo maryo fiican diyaarso si
aad damaashaadka habeenka xorriyadda dadka ugala qaybgasho. Ninku
waxa uu ku jawaabay ‘ma Calan Soomaaliyeedbaa la taagayaa’? Haa baa lagu
yidhi. ‘Oo Dawlad Soomaaliyeedbaa la helayaa’? Haa baa lagu yidhi. ‘Oo
Madaxweyne Soomaaliyeedbaa ina xukumaya’? Haa baa lagu yidhi. ‘Oo
Booliis Soomaaliyeedbaa ina ilaalinaya’? Haa baa lagu yidhi. Waxa uu yidhi
‘oo yaa lacagta inoo haynaya’? Waxa la yidhi dee qof Soomaali ah! Waxa uu
yidhi ‘kol haddii lacagta qof Soomaali ahi inoo hayn doono, anigu dawladdaa
caawa dhalanaysa dabaaldeggeeda ka qaybgelimaayo!”
102
hantidoodii oo dhan uu baabiiyay, iyadu dagaallantay oo ka guuleystay, ka
dibna nabad samaysatay ayay hoggaan u yihiin. Waxa la filaayay in ay
asaaskii dawladnimo bilaabaan, cashuurta Hooyada baahan laga qaadana
wax loogu qabto oo ugu yaraan qorraxda lagaga dedo meesha ay caanaha yar
ku iibiso. Taasi may dhicin, cashuurtii masaakiinta waxa laga dhigtay wax la
urursado, lagu naaxo oo daaro laga dhisto. Waxa maanta battay xaaraan ku
naaxyo aan diir iyo damiir midna lahayn. Waxa wax laga murugoodo ah,
qofkii soo hadal qaada foolxumadaasi, in loo bixiyo qarandumis, caadeqaate
iyo shisheeye kalkaal si loo aamusiiyo. Sabatoo ah, siyaasiga waxba kama
maqna, waa Tukihii bakhtiga iyo biyaha isla helay oo kale. Waxa intaas dheer,
maadaama aniga la igu tuhmaayay aragtida Soomaaliweyn, si gaar ah ayaan
mar walba u eedeysnaa. Waxa aan eedeysane u ahaa aragtidayda qof
ahaaneed. Tani waxa ay hoggaanka siyaasiga ah siisay fursad ay aniga iyo
caammada iskaga kaaya hor keeni karaan, dadkana ugu tusi karaan in aan
ahay cadaw ay waajib tahay in laga feejignaado.
Kaligiitaliskii Maxamed Siyaad Barre iyo maamulkii Kacaanka ee xoogga ku qabsaday taladii
104
103
Hadba dabaq nin gaarihi dhistaad; igu dhawaysaaye,
Dhalanteedka iyo heesahaad; hiil ka dhigataaye,
Markaan dhego adaygana anaad; ii dhabbacataaye,
Anna dhuumashada waan arkaa; waanan dhaadanaye!
104
23. Gashi
Axad, May 24, 2020
Bogcaddan muhiimka ah ee ay Soomaaliya ku taallo, waxa ay leedahay
halisaheeda amni, dhaqaale, siyaasaddeed iyo khilaaf ee la xidhiidha kala
riixashada danaha is diiddan oo marar badan gaadha heer caalami ah.
Dagaalkii qaboobaa ee dunida, Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalkii
hubka badan ay siiyeen reer Barigu si ay iyaga saaxiib ula noqoto, reer
Galbeedkana ay isaga fogayso. Tartanka u dhexeeya quwadaha waaweyn,
waxa uu marar badan oo hore Soomaalida u horseeday in laysla jiidho.
Qaybintii Afrika 1884kii, Soomaalidu waxa ay ka dhaxashay dhib weyn oo
ilaa maanta iyo maalmaha soo socdaba u horseedi doona khilaaf, dagaal iyo
halgan dheer oo u muuqda lama huraan.
105
midyihiin Baydhabo, Xuddur, duleedka Kismaayo, inta badan gobolka Gedo,
qaybo muhiim ah oo ka mid ah gobollada Baay, Bakool, Hiiraan iyo
Galguduud. Xamar iyo xaaladdeeda caawa ka wada hadli mayno. Sida oo
kale, Kenya waxa ay inta badan ciidamadeedu haystaan dhulka Jubbaland.
Haddaba, waxaas oo balaayooyin ah oo ina horyaalla; waxa loo
diyaargaroobayaa Lixdanguuradii Xorriyadda Soomaaliya. Xorriyaddee?
Waxa ka wanaagsan oo runta uga dhaw iyada oo la xuso Lixdanguuradii
guuldarradeena. Ka dibna jidkan sillan iyo waddadan aan meella tagin sidii
looga weecan lahaa lays waydiiyo.
Sheeko dheer ka dib, Fahad waxa uu yidhi “waxa aan xusuustay sheeko xiiso
leh oo aan mar hore akhriyay. Sannadkii 1998kii ayaan akhriyay sheeko laga
qoray dhibaatooyinka dawladnimada Soomaaliya. Qoraaga sheekadu waxa
uu yidhi “waxa aan is waydiiyay dawlad dhan oo ‘Jamhuuriyadda
Soomaalida’ la yidhaahdo oo Madaxweyne leh, oo ciidamo leh, oo wasaarado
leh: mid Difaac, mid Maaliyadeed, mid Dibaddeed iyo Hay’ado Sirdoon, sidee
bay suurogal u noqotay in mar kaliya la waayo oo ay kala daadato?
Su’aashaas ayaan is waydiiyay sannadkii 1993kii oo aan ka jiifsan waayay.
Waxa ay ila noqotay wax suurtogalnimada ka fog. Sida foosha xun ee loo
burburay ayaan ka samri waayay. Arrintaasi waxa ay igu kalliftay inaan
raadiyo oo aan la sheekeysto inta badan madaxdii Soomaaliyeed ee dalkan
soo hoggaamiyay 1960kii ilaa 1991kii. Intoodii badnayd waan helay oo waan
la sheekeystay, su’aalana waan waydiiyay. Waxa ii soo baxay waxaanan
filaynin. Waxa aan la yaabay dadkii dalkan soo hoggaamiyay ee Malaayiinta
Soomaaliyeed ee aan ka mid ahay ay rejada ka sugayeen iyo dadkaas tayo
xumadooda, karti darradooda, qorshe la’aantooda, aragtidooda gaaban iyo
faham xumada ay dawladnimada ka haystaan. Candhuuftayda ayaan dib u
liqay! Hadda oo aan sheekadan qoraayo, sannadku waa 1997ka, waxa aan is
waydiinayaa sidee bay Soomaaliya ku soo gaadhay 1991kii haddii dadkani
ahaayeen kuwii ummadda hoggaaminaayay? Soomaaliya maxay isaga
burburi wayday 1965kii, ama 1970kii ama 1980kii? Markii hore waxa aan is
waydiinaayay maxaa loo burburay 1991kii? Iminkana waxa aan is
waydiinayaa maxaa loo soo gaadhay 1991kii? Ilaahaybaa idin jeclaa haddiiba
1991kii la soo gaadhay!”.
106
Fahad sheekadaas ayuu ka sheekeeyey ka dibna hore ayuu u sii socday, isaga
oo isku dayaya in uu sharrixi karo dhibta haysata dawladnimada Soomaaliya,
isaga aragtidiisa.
Halkaas ayaan ka helay humaagga ugu xooggan iyo magaca aan gabaygan u
bixiyay ee Gashi labadaba.
105 Maxamed Baashe Xaaji Xassan. Qoraa iyo falanqeeye siyaasaddeed oo arrimaha Soomaalida
xogogaal u ah. Waxa aanu muddo si xeeldheer uga sheekeysan jirnay, sida Soomaalidu u xusi karto
lixdan guurada xorriyaddooda ee ku beegan maalmaha soo socda ee 26ka June iyo 1da July, 2020ka.
106 Mid Soomaalidii Waqooyi ah ayaa Ingiriiska galay badhtamihii qarnigii hore. Waxa uu ka mid
ahaa shaqaalihii maamulkii Ingiriiska. Taasaa u fududaysay in uu Ingiriiska shaqo ka helo, kuna
107
Ama aan guddoon lagu hirtiyo; talo u guuxaayay,
Halka nabarku iga gaadhaybaan; goobayaa waliye,
Oo aan gu’yaal badan sidaa; gooni ku ahaaye,
Gaagaabsigaygii haddii; layla garan waayay,
Ama uu garaadkiyo caqligu; waa fog naga guuray,
Ummadyahay godkaagii xumaa; kuugu soo galaye,
Alleylehe waxaad galabsataa; gooni kuu helaye!
noolaado. Markii ay soo dhawaatay xorriyaddii Hargeysa ayuu u tagay xafiiskii gumaysiga
Ingiriiska. Waxa uu yidhi “waxa aan doonayaa inaan dalkaygii ku laabto. Baasaboorkiiniina waakan.
Ii fududeeya inaan baxo”. Waxa ay ku yidhaahdeen “waar ninyahaw meesha Afrika ayaa la
yidhaahdaa oo dawladiba kama dhalatee, baasaboorkaagana hayso, boqortooyadan Ingiriiskana
iskaga noolaw”. Wuu diiday. “Ma aniga ayaad waxaa igula hadlaysaan gumaysteyahaw gumaystuhu
dhalay, dalkaygiibaan ku noqonayaa oo aan wax u qabanayaaye”. Sidaa ayaa ninkaa laga soo
sheegey. Sidaas ayuu ku yimid Hargeysa dhammaadkii kontomaadkii ama bilawgii lixdamaadkii.
Iyaga iyo Allahood’e, waxa la soo wariyay in ninkaasi horraantii todobaatanaadkii uu tahriib ku
galay Denmark, isaga oo ka yaabban waxa markii horeba soo celiyay. Ninkaas magaciisa waxa uu
Maxamed Haaruun Biixi iigu sheegey Cabdi-Hawd.
107 Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa
maalmahan isaguna ila soo xidhiidhay. Waxa uu xilligan ahaa Guddoomiyaha wax loo bixiyay
‘Guddiga Xuska Lixdan Guurada Xorriyadda’. Masuuliyadda guddigani waxa ay ahayd in ay
108
Anigana geddaasuu tashigu; gooni ii helaye,
Gadgaddoonka iyo waayahaan; ciil la gaamuraye,
Xalaybaa gudoodiga mirtii; Taar I soo galaye,
Gurigayga iyo jiifkibaan; diiday gogoshiiye,
Gabagabada waxa lay akhriyay; qodobbadii guude,
Go’aankana anaa laygu yidhi; dunida gaadhsiiye,
Gayigeenna hadalkiisibaan; soo gudbinayaaye!
109
Goblan baan is moodaye haddaan; la igu gaashaaman,
Malaayiin garaaddo leh haddaan; gumuca loo dhiibin,
Gabbaldaye nin ii qabay haddaan; laga gol roonaanin,
Garbaduub nin ii xidhay haddaan; seetto lagu giijin,
Gufaaciyo dabayl iyo haddaan; gulufku xoogoobin,
Golcastiyo kaliilaha haddaan; gaajo lagu raagin!
Faallo:
Maxamed Baashe Xaaji Xassan waxa uu dadaal badan oo nafhurnimo ah
geliyay sidii 60 sannadood ka dib, dib loogu yagleeli lahaa Jamhuuriyad
Soomaaliyeed oo caddaalad iyo xaqsoor ku wada nool. Waxa uu si furan u
soo bandhigay in aragtida gooni-u-goosigu aanay marna suurtogal ahayn,
duruufuhuna ay lagama maarmaan ka dhigi doonaan in labadii gobol ee
Waqooyi iyo Koonfur dib loo mideeyo. Maxamed Baashe Xaaji Xassan isaga
oo aragtidaas ku taagan oo hoggaan u ah dhaqdhaqaaqa ‘Mar Kale Midnimo’
ayuu ku geeriyooday magaalada London, June 18, 2020ka. Munaasibaddii
sida gaarka ah gabaygan Gashi ku saabsanaa ee June 26keeda iyo July 1deeda
Guhaad waa aniga oo ah qofkan dhulku farriinta u soo dhiibay. Anigu waxa aan metelayaa qof
108
110
ee sannadkan 2020ka, Maxamed Baashe cimrigu kuma simin. Balse nasiib
wanaag, maadaama gabaygani uu soo baxay dhammaadkii bishii May,
2020ka, Maxamed intii aanu geeriyoonin wuu dhagaysatay gabaygan, waanu
akhristay. Geerida Maxamed Baashe Xaaji Xassan waxa ay aniga igaga tagtay
masuuliyad culus. Ilaahay ha u naxariisto.
24. Baadigoob
Salaasa, July 14, 2020
Somaliland waxa ay sheegtay in ay goosatay, dadka qaarkoodna waxa ay
arrintaas u yaqaannaan dib ula soo noqoshada xorriyaddii 1960kii.
Goosashada ama dib ula soo noqoshada layskuma raacsana. Waxa jira dad
arrintaas diiddan oo aad u badan. Kuwaas ayaan anigu ka mid ahay. Dad
badan ayaa rumaysan in goosashadu aanay marna xal u ahayn in dulmiga iyo
dawlad xumada la baabiiyo. Dad kale ayaa rumaysan in Somaliland
gudaheedu ay sii kala furfurmi doonto haddii dadka goosashada diiddan la
dhagaysan waayo. Tusaale ahaan, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, deegaan ahaanna ka soo jeeda gobolka
Awdal ayaa wax laga waydiiyay arrinta goosashada reer Waqooyi. Wasiiir
Bayle waxa uu ku jawaabay “goosashadu halka ay ka bilaabmayso waad
calaamadin kartaa, balse halka ay ku dhammaanayso ma calaamadin kartid”.
Inta furfurkaas iyo isu abtirintaasi ka socoto guud ahaan Soomaaliya, waxa
isaguna dhinaciisa ka sii socda damaca iyo ka faa’idaysiga silica Soomaaliya
ee ay wadaan dawladaha shisheeye ee kala duwan. Haddaba gabaygan
kooban ee Baadigoob arrimahaas ayuu ka warramayaa.
111
Boholyawgan igu raagaybaa; beeray xiisaha'e,
Waa bariidadaadii waxaan; beegso leeyahaye,
Bili iyo waxaad ii siddaa; barako khayraade,
Waa baawar iyo xoog waxay; rag isku boobeene,
Waxaan baaxadsooraha u maray; layga bahlihiye,
Sidiibay wixii lagu ballamay; rag uga baydhaane,
Sidiibuu sharcigu meel bannaan; ugu basaasaaye,
Sidiibay kuwii beerta cunay; baaqi sugayaane,
Bililiqada iyo tuugadaa; lagu badhaadhaaye,
Beddel looma helin xaajadii; baadilka ahayde,
Marka balo la sheegabbara hadday; kooxi iga baydho,
Nin kastoo buruud adag hadday; beeni ka adkaato,
Anaa bili ku dheeriyo markuu; baanisuhu liico,
Ee ay runtii laga baqiyo; baylahdu is gaadho,
Halkaan baadidii iga maqnayd; kor ugu baaqaayay,
Inaan baaqigaygii yaraa; boholo loo qaybsan,
Maxaa kaa billaahiya xalbaan; baafi leeyahaye!
25. Saluug
Jimce, January 1, 2021
Taariikh ahaan gobolkan Geeska Afrika waxa uu xidhiidh dhaqaale,
siyaasaddeed iyo milatariba la wadaagaa Bariga Dhexe guud ahaan iyo gaar
ahaanba. Badda Cas iyo marinnada istiraatijiga ah ee Bab el-Mandeb iyo Suez
Canal ayaa sida oo kale ah saameeyeyaasha gobolkan. Sidaasidaraaddeed,
loolanka gobolku waa joogto, dhinac walba. Waxa gobolka ku loollamaaya
awoodaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, labdaba. Tusaale ahaan:
112
waxa uu garabsiinayaa kooxaha kacdoonka ka wada Yemen, si uu u
hagardaameeyo rabitaanka Maraykanka ee dalkaas.
113
Sida ku xusan warbixin ay cinwaan uga dhigeen ‘Electoral Crossroads:
Dilemmas of Future Democratization in Somalia’ oo sannadkii 2017kii ay
faafiyeen Safer World oo ay kaga hadleen caqabadaha haysta doorashooyinka
Soomaaliya, Soddonkii sannadood ee ku xigay xorriyaddii 1960kii
Soomaalidii Jamhuuriyaddu waxay soo marteen ilaa saddex nooc oo
dawladnimo ah. Sannadihii 1960-69kii waxa la odhan karaa nooc
Dimuqraadiyad ah ayaa la tijaabiyay. Sannadihii 1969-76kii waxa dalka ka
talinaayay nidaam kaligii talis ah oo milatari ah. Sannadihii 1976-91kii waxa
ay taladu ku ururtay nidaamkii kaligii taliska ahaa oo soo huwaday magaca
Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.
114
in doorashooyinka 2020/2021 ay noqdaan doorashooyin ku salaysan codka
dadweynaha.
Afar sannadood ka dib, waxa aynu saaka joognaa bilawga 2021ka, halkii ayaa
la taaganyahay, hal tallaabona dhinaceeda looma qaadin. Waxa mar kale lagu
laabtay doorashooyin dadban, waxa se niyadda lagu qaboojistay in
doorashooyinka dambe ee 2025ka, lagu kala bixi doono rabitaanka shacabka
iyo codka dadweyne. Shakhsiyan suurtogalnimada arrintaasi ilama fududa!
Dabcan, Soomaalidu wali kamay heshiinin sida loo qaybsan doono awoodaha
dawladnimo. Haddii qabiilka laga guuro, ilaa hadda lama yaqaano nidaam
kale oo loo guuro. Haddii cod loo guuro, ma deegaan iyo degmooyin ayaa
wax lagu qaybsan doonaa mise tirada dadweynaha, wali arrintaas lagama
heshiinin. Waxa jira Gobollo badan oo dadka ku nooli ay tiro ahaan
koobanyihiin qiyaas ahaan iyo hal Gobol oo laga yaabo in uu ilaa Saddex
Gobol ka dad badanyahay. Dadweynaha marna lama diiwaangelinin. Markaa,
sidee kuraasta loo qaybinayaa wali heshiis laguma aha. Kala shaki iyo
kalsoonidarro badan baa jirta oo ku saabsan qaybsiga awoodaha dawladnimo.
Haddaba, saaka waxa bilaabmay sannadka cusub ee 2021ka. Waxa aan joogaa
magaalada Garoowe. Waxa aan halkan kaga qaybgalayaa shir Machadka
Heritage uu soo qabanqaabiyay oo lagaga hadlaayo sidii Soomaaliya
dawladnimo macno leh looga hirgelin lahaa. Waxa madasha jooga dad badan
oo aqoonyahan ah. Intii shirkani socday doodo badan ayaa la galay. Waxa aan
ku qancay in sannadkan bilawday uu ku biiri doono liiska sannadihii hore ee
aan waxba ka beddelin duruufahan adag ee ay Soomaaliya ku jirto. Halkan
ayuu ka curtay gabaygan kooban ee Saluug.
115
Faallo:
Machadka Heritage waxa ay bishii August, 2022kii daabaceen cilmibaadhis
kooban oo ku saabsan Dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaadhka ah ee
Soomaaliya: Sooyaalka, Caqabadaha iyo Mustaqbalka'. Sida ay Heritage
qortay, maalmihii shirka loogu qabtay magaalada Carta qaybo ka mid ah
dadkii looga qaateenka ahaa ee reer Soomaaliya, iyada oo la qaadan karo
dastuurkii 1960kii ee Jamhuuriyadda ama wax kooban laga beddeli karo,
waxa la diyaariyay axdi qarameed kumeelgaadha ah, xukuumaddii dalka
Jabbuuti lagu soo dhisayna waxa la faray in muddoxilleedkeeda inta lagu jiro
ay diyaariso oo ay dhammaystirto dastuur heshiis lagu yahay.
Xukuumaddaasi waxa ay kala daadatay sannadkii 2003dii. Shirkii kale ee
Kenya, waxa axdiga kumeelgaadhka ah lagu qoray in dastuur lagu diyaariyo
muddo soddon bilood gudahood ah. Taasina may suurtogelin. Sannadkii
2012kii ayay hoggaankii siyaasadda ee Soomaaliya oo ka koobnaa lix qof oo
kala ahaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysalwasaare
Cabdiwali Cali Gaas, Guddoomiye Shariif Xassan Sheekh Aadan,
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo Puntland ahaa, Axmed Caalin oo
Galmudug ahaa iyo Cabdiqaadir Macallin Nuur oo Ahlu Sunneh ahaa ay ku
heshiiyeen dastuur kumeelgaadh ah oo federaal ah. Waxa goobjoog ka ahaa
Ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga.
Intaas ka dib, tan iyo sannadkii 2016kii, laba jeer ayaa la dhammeeyey waxa la
yidhaahdo 'dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya'.
116
Mar kale ayaa hannaanka 'dib-u-eegista dastuurka' dib loo soo bilaabay iyada
oo Wasaaradda Dastuurkuna ay qayb ka tahay. Guddiga labaad ee la socodka
arrimaha dastuurka ee Baarlamaaniga ah ee Baarlamaankii 10aad ayaa
khilaafay soo jeedintii guddiga koowaad ee Baarlamaankii 9aad. Guddigani
waxa ay talooyinkooda u soo gudbiyeen Baarlamaankii 10aad iyo
xukuumadda sannadkii 2020kii. Guddigani waxa ay awoodo muhiim ah
siiyeen maamulgobolleeddada. Waxa ay sidooda u daayeen dhismaha labada
xafiis ee Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha. Sida oo kale, waxa ay sidooda
u daayeen dhismaha labada aqal ee Baarlamaanka, waliba waxa ay kor u
qaadeen awoodaha Aqalka Sare. Guddigani waxa ay ka aamuseen maqaamka
Muqdisho. Guddigu waxa ay soo kordhiyeen qodob nuxur ahaan sheegaaya
in dastuurku uu kumeelgaadh ahaado ilaa si uun loo xalliyo arrinta SL. Waxa
intaas dheer, guddigani waxa ay dastuurka ku kordhiyeen laba cutub oo
cusub, hal qayb oo cusub, 30 qodob oo cusub iyo 190 faqradood oo cusub.
Dhinaca kale, waxa ay guddigani dastuurka ka saareen 16 qodob iyo 65
faqradood.109
26. Hiiraal
Jimce, January 22, 2021
Xukunkii muddada dheeraaday ee xisbigii EPRDF110 ee ay gacanta ku hayeen
TPLF111 ka dib, mudaharaaddo ayaa guud ahaanba Itoobiya ka bilaabmay
horraantii sannadkii 2015kii. Mudaharaaddadaas waxa hoggaaminaayay
qoomiyadda Oromada oo uu hormood u yahay Jawaar Maxamed oo
Maraykanka ku noolaa iyo garabkiisii dhalinyarada ee Qeerroo. Muddo
Saddex sannadood ah ka dib, waxa xilkii iska casilay Raysalwasaarihii dalka,
waxaana xilka loo dhiibay Abiy Axmed oo asalkiisu uu Oromo yahay, balse la
Axmaareeyey, Hooyadiina ay Xabashiyad tahay. Halkan isbeddel xooggan
ayaa ka bilaabmay. Waxa la baa’biiyay xisbigii EPRDF. Waxa arrintaas ka
gadooday ururkii Tigrayga ee TPLF. Taasi waxa ay keentay in ay isku
117
urursadaan gobolkooda Waqooyiga ku yaalla ee Tigray. Ugu dambayntiina
dabayaaqadii sannadkii 2020kii waxa ay aqoonsiga kala noqdeen maamulkii
Abiy Axmed, waxaanay doorashooyin dawladda dhexe aanay aqoonsanin ay
ka qabteen gobolkooda Tigray, dawladdii Abiy Axmed na waxa ay
tallabadaasi ku sheegtay mid sharci darro iyo dastuur jabin ah. Halkaas waxa
ka bilaabmay isku dhac militari oo u dhexeeya TPLF iyo maamulkii Abiy
Axmed ee Addis Ababa.
118
gumaysiga ahayd ee ay Itoobiya ku dhisnayd. Waxa uu gabaygani dadka
Soomaaliyeed xusuusinayaa, in aragtida Itoobiya ee ku salaysan gumaysiga
Soomaalidu ay halkeedii taalo, waxbana aanay iska beddelin. Ugu
dambayntii, waxa uu gabaygu Soomaalida xusuusinayaa in ay ku farxaan
jabka Tigrayga balse aanay ku farxin guusha Abiy Axmed, sababta oo ah
guushiisu waxa ay halis ku tahay Soomaalida oo dhan, waxaanay sii
ballaadhin kartaa damacii Itoobiyaanka ee hiigsiga xeebaha Soomaalida.
119
Halaq iyo abeesaan wax badan; hoy la jiifsadaye,
Hanjabaad wixii lay akhriyay; halisna aan jiidhay,
Haddaan ciiddu ii hiilinayn; hees ma tiriyeene!
27. Garmaqaate
Isniin, April 01, 2021
Bashiir Ciise Cali oo muddo dheer guddoomiye ka ahaa Bangiga Dhexe ee
Soomaaliya ayaa marar badan talooyin waayeelnimo igu caawin jiray oo
runtii dareen hadal ah. Bashiir oo sannadkii 2017kii aanu si fiican isu baranay
waxa uu dhacdooyin uu goobjoog u ahaa iyo kuwo uu waayo aragnimadeeda
leeyahayba iiga sheekeyn jiray si joogto ah oo niyad furnaan ah. Mararka
qaarood dareenkiisa iyo shucuurtiisa ayaa is beddeli jiray. Waxa uu hal hays
u lahaa “anigu haatan waan gaboobay, da’daydu waa Siddeetan jir oo wakhti
badani iima hadhine, intiina dhalinyarada ah haddii aydaan wax beddelin oo
duruufuhu sidan u sii socdaan, sakaraadka ayaa idinku dheeraan doona”.
117 Magaalada Herer, caasimaddii qadiimka ahayd ee Muslimiinta gobolka Geeska Afrika.
118 Xamar.
120
Run ahaantii, anigu mar kasta oo xaaladaha siyaasaddeed ee Soomaaliya ka
jiraa ay I niyad jabiyaan waxaan xusuustaa hadalkii Bashiir ee ahaa:
Sakaraadka ayaa idinku dheeraan doona. Runtii waabu inagu dheeraaday.
Haddaba, mar kale ayay maalmuhu soo laabteen iyaga oo kuwii hore aad ugu
eeg. Bisha May ee sannadkan 2021ka waxa la xusi doonaa sannadguuradii
30aad ee ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland. Durba waxa la
dareemayaa dad door ah oo arrintaas hadal haynteeda bilaabay su’aalo
masiiri ahna iska waydiinaya. Waxa jira dad aqoonyahan iyo indheergarad ba
leh oo dood adag ka qaba: maxaa loo dabbaaldegayaa soddon sannadood ka
dib? Tusaale ahaan, Maxamed Haaruun Biixi119 oo ka mid ah aqoonyahanka
reer Hargeysa, qalinkiisuna aadka u fiiqanyahay, sida oo kalena xogogaal u
ah siyaasadda iyo hirdanka gudaha iyo dibadda ee Soomaaliya iyo Geeska
Afrika ka socda oo arrintan falanqaynteedu isku god na dejisay ayaa madal
kaga garnaqsaday hadal ujeeddo fog xambaarsan. Maxamed waxa uu yidhi
“anigu waxaan qabaa inaanay jabhadihii Soomaalidu waxba sixin. Maxamed
Siyaad Barre oo talada ummadda boobay, markii dambena wax walba sii
boobay si uu xukunka u sii haysto eed waan u hayaa. Sida oo kalena qolyihii
119 Maxamed Haaruun Biixi, waxa uu ku dhashay magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool
sannadkii 1975kii. Aabbihii, Haaruun Biixi Oday waxa uu ahaa Xisaabiye ka tirsan Wasaaraddii
Hawlaha Guud ee Soomaaliya. Hargeysa ayuu ku barbaaray; Dugsiyadii Janaraal Daa’uud iyo
Axmed-guray ayuu ku qaatay waxbarashadii Hoose iyo Dhexe. Sanadkii 1988kii, isaga oo fasalka
7aad ah ayay dagaaladii lagu la jiray nidaamkii Maxamed Siyaad Barre ka qarxeen magaalada
Hargeysa iyo Gobolladii Waqooyi. Sidaas ayuu ugu qaxay Gobolka Hawd. Tuulada Rabaso ayuu
qaxoonti ku noqday. Sannadihii 1989kii iyo 1990kii qaybo ka mid ah waxa uu ka qaybgalay dagaalkii
lagu ridaayay kalitalisnimadii Maxamed Siyaad. Markii nidaamkii MSB meesha ka baxay, Maxamed
waxa uu ka mid noqday shaqaalihii Hay’addii miino baadhista ee Rimfire International; waxa uu
muddo kooban ka shaqaynaayay in uu miinooyinka ka guro goobihii lagu dagaallamay. Maxamed
iyo dhalinyaro kale oo badnayd oo aan tababar fiican iyo qalab sidaas ah haysanin ayaa sidaas ku
shaqo galay badhtamihii sannadkii 1992kii. Xilligu waa subaxnimo bishii June, 1992kii. Saaka, waxa
uu shaqo miino baadhis ah ka wadaa Xeradii Ciidamada Soomaalida ee Degmada Balligubadle oo
Koonfur ka xigta magaalada Hargeysa. Si lama filaan ah iyo goob lama filaan ah iyo goor lama filaan
ah ayay Maxamed miino ku qaraxday. Waxa la keeney Cusbitaalka Hargeysa oo xaaladdiisu ay aad u
liidatay. Markii la keeney wax yar buu sii arkaayay, balse maalmo ka dib, si aayar-aayar ah ayuu
araggii uga tagay. Maxamed xilligaas waxa uu ahaa 17 jir.
121
waxbaanu saxaynaa yidhi, iyagana eedbaan u hayaa – waxaan u jeedaa
habjadihii Soomaalida. Haddii ay maanta soo laabtaan dhaqamadii Maxamed
Siyaad Barre, inankayga iyo kuwa la faca ah, kulama talin doono in ay jabhad
reereysan samaystaan oo ay Itoobiya isu dhiibaan. Taariikhda waxbaa laga
bartaa”.
122
wax is daba marintu seetada ayay goosatay. Runtii, tusaale kale uma baahnid
haddii aad eegto dayaca ka muuqda kaabeyaasha magaalada Hargeysa, ka
dibna aad eegto Xildhibaannada dawladda hoose ee Hargeysa iyo hantida ay
ka tabcadeen cashuurta ummadda ee Hooyooyinka cadceedda fadhiya laga
qaado. Soddonkan sannadood ee gooni-u-goosiga ah, caafimaadka,
waxbarashada, waddooyinka iyo guud ahaanba adeegyada dawliga ah ee
aasaasiga ah, wax la sheego lagama qabanin. Waxa tayo xumo u xidhmay
dugsiyadii dawliga ahaa. Waxa soddon sannadood ka dib Oxygen la’aan
loogu dhimanayaa cusbitaalkii guud ee Hargeysa. Sida oo kale, waxa la
boobay oo ku dhacday gacmaha dad gaar ah dhammaan wixii
mucaawimooyin ahaa ee gaalo iyo Islaamba muddadaas ay bixiyeen.
123
waxa dadka loo ceebeeyey wax kasta oo dood iyo aragti wadaag ku salaysan.
Afduub aragtiyeed ayaa dhacay. Wax is waydiinta iyo doodaha ka baxsan
inta kooban ee laysla ogyahay ayaa la fogeeyey. Qof kasta oo aragti soo
bandhiga waxa loo bixiyay magacyo ceebeyn iyo fogayn ah. Waxaana loogu
daray xadhig iyo cabudhin joogto ah oo xaaraan ah. Taasi waxay dhaawac
weyn u gaysatay wax kasta oo la wada lahaa, waxaanay horseedday furfur
iyo kala qaybsanaan bulsho oo xoog leh.
Cumar Cali Xassan (Seerbiya) oo kaalin muhiim ah kaga jira dib u noolaynta
fankii Soomaalida gaar ahaan riwaayadaha iyo heesaha ayaanu dhacdadan ka
sheekeysanay maalintii dhacdadaas ku xigtay. Cumar waxa uu iila hadlay si
dareen leh oo xaqqiiqo ay gubayso. Sheekada waxa uu ku bilaabay “walaal
xalay habeenku aad buu u dheeraa”. Ka dibna, waxa uu si qotodheer uga
sheekeeyey dhacdadii shalay Xamar ka dhacday iyo sida ay lama huraan u
tahay in reer Waqooyigu ay door muhiim ah oo lama huraan ah ka qaataan
siyaasadda Soomaaliya, kana tanaasulaan aragtida aan waaqiciga ahayn ee
gooni-u-goosiga ah. Waxa uu ku dheeraaday sida ay lama huraan u tahay in
124
reer Waqooyigu iyaga oo midaysan ay soo dhexgalaan siyaasadda
Soomaaliya si loo helo miisaan iyo isudheellitir awooddeed.
125
Han gurracan guddoon jilicsan iyo; kii na kala geeyey!
dhacay.
126
Waxaad tahay nin Weynuhu galladay; boqol kun oo goore,
Geeska Afrikiyo xeebahaad; gudub u joogtaaye,
Doonyuhu waxay gooshayaan; gacamadaadiiye,
Nebiyada in baa haybta guud; gacal wadaagtaane,
Waxaad tahay nin dhuuxiisu galo; meelo gaamuraye!
Xabashida waxa ka dhashay cadho weyn oo bulsho iyo dagaal faraha lagaga gubtay oo dadka
Soomaalida ahi ay dalkooda kaga xoraynayeen Xabashida iyo dabadhilifyadii la socday. Waana lagu
guuleystay in Xabashida laga saaro Xamar bilawgii sannadkii 2009kii.
133 Gabre waxa uu ahaa sarkaal Itoobiyaan ah oo saamayn weyn ku yeeshay gudaha Soomaaliya
127
Nin gurrani itaalkii markuu; uunka kala geeyey,134
Gudashada xil ceebeed markuu; hadimo ii gaystay,
Goldaloolladii igaga timid; gibil ma saarrayne,
Garsoorkii la eediyo dhibtii; laga galiilyooday,
Shacabkoo gadoodiyo dadkaa; doortay geerida’e,
Ninna gooni uma sheegan karo; maalin gelinkeede!
magaalada New York hadaljeedin cinwaankeedu ahaa ‘Peace for the Horn of Africa in the Political
Program of the SNM’ kaga qaybgalay shir lagaga hadlaayay arrimaha Geeska Afrika. Waxa uu
metelaayay jabhaddii SNM. Waxa uu kaga hadlay wax ka mid ah qorshaha SNM ay doonayso in ay
ku maamusho Jamhuuriyadda Soomaalida dhicitaanka kalitalisnimada Kacaanka ka dib. Sida uu
qoray Buubaa, SNM waxa ay doonaysay in dalku uu noqdo nidaam Madaxtooyo ah,
Madaxweynahana ay dadku ku soo doortaan cod toos ah, Golaha Baarlamaankana lagu qaybsado
tirada dadka. Waxa uu sheegey, haddii ay dalka qabsadaan, in dalka loo qaybin doono ismaamul
hoosaadyo iyo degmooyin hoos yimaadda iyada oo la eegaayo tirada dadka, Juquraafiyadda iyo
iskufillaanshiiyaha dhaqaale ee ismaamul hoosaadyada la dhisaayo, waxaana la daadejin doonaa
adeegyada dawliga ah ilaa heer deegaan. Sida oo kale, dastuurka dalka waxa loo qori doonaa si ku
habboon nidaamka dawladnimo ee la doonaayo, waxaana curin doona dad muddakar ah. Dastuurku,
waxa uu kala nidaamin doonaa awoodaha dawladda dhexe iyo ismaamul hoosaadyada. Dawladda
dhexe waxa ay masuul ka ahaan doontaa arrimaha dibadda, difaaca, maaliyadda, maamulka lacagta
iyo arrimaha la mid ka ah; ismaamul hoosaadyaduna, arrimahooda hoose iyaga ayaa u
madaxbannaanaan doona. Sida oo kale, dawladda dhexe waxa ay yeelan doontaa awood ku filan oo
ay ku socodsiiso arrimaha dastuurku siiyay.
128
Gunaad aasan iyo dhaawac iyo; guuldarraa xigiye,
Goobooyin goobooyin kale; hawga sii gurane,
Haddii gudimo daabkeedu jabo; tahar ma goyseene,
Markii aynu kala guurnaybuu; gaade soo kacaye,
Guud ahaanba Soomaalidii; laga gol roonaaye,
Wuxuu cadawgu gaafmeerayaa; gobolladeeniiye,
Mustafeba137 duruufahan la galay; gooha damin waaye,
Guubaabadaydiyo murtidu; waa mid gudoweyne,
Waa gogoldhiggii maansadiyo; gabayadaydiiye,
Goobjoogna waan kugu ogaa; taniyo goortiiye,
Ujeeddada adaa garanayoo; sii gunaanadiye,
Gudihii Hargeysiyo haddaad; degelladii gaadho,
Guhaad138 waxaad tidhaahdaa wakhtigu; wuu is gurayaaye,
Geeddiga horaa loo wadaye; hayga gaagixine,
Gadaal hawgu noqon sheeko aan; laga gayoonayne,
Aqoonsigu Galbeed kaama xigo; Barina waa gow’e,
Geyigaba adoo haysan kara; labada geesoodba,
Waxba gooni socod baynu nahay; haw gunuunucine!
28. Daleelo
Axad, March 28, 2021
Dalka Jabbuuti oo dal ahaan xorriyaddiisa dhuleed qaatay muddo hadda laga
joogo ku dhawaad 46 sannadood ka hor waxa uu ku yaallaa goob muhiim ah.
Jabbuuti muddadaas nus qarniga ku dhaw ee ay xorriyadda haysatay iyo dad
tiradooda ka yar tahay 'hal million' oo qof, baaxadda dhulkiisuna ay ka
yartahay 23,000km², Dekaddiisana ay wax kala soo degaan 'boqo iyo
dheeraad million' oo Itoobiyaan ah oo cashuur adag laga qaado, dhulkiisana
ay ku yaallaan saldhigyada ciidan ee shisheeye ee ugu badan dunida oo dhan
oo sannadkiiba 'boqollaal million' oo doollar oo kiro ah laga qaado iyo sida
noloshu maanta tahay waa arrimo caqligu aanu qaadan karin una baahan
isdultaag iyo faallo. Runtii dayaca iyo dib u dhaca ka muuqda Jabbuuti waxay
u eegtahay tuulo yar oo Soomaaliya ku taalla oo soddon sannadood aan
dawlad arag. Sicir bararka iyo isku dul noolaanshaha ayaa ka sii daran. Waxa
u sii dheer xadhigga, cabudhinta iyo xorriyad la’aanta.
Magac afgarasho ah oo aan gabaygan uga jeedo beesha Isaaq guud ahaan iyo gaar ahaan guurtida,
138
129
waxay si joogto ah u kormeertaa khudbadaha Masaajiddada ee maalinta
Jimcaha dalka oo dhan. Guud ahaan dalka kama jiraan wax warbaahin ah oo
madaxbannaan. Idaacadda, Telefishanka iyo Jaraa'idka xukuumaddu waxay
ku shaqeeyaan qorshaha xukuumadda oo kaliya, dadka kalena wax xuquuq
ah oo xog gudbinneed kuma laha.
130
Todobaadkan dalka Jabbuuti waxa ka bilaabmay wax loogu yeedhay ololaha
doorashooyinka. Waxa tartamaya Ismaaciil oo kaliya! Mar la waydiiyay
goormaad kursiga ka tagaysaa waxa uu ku jawaabay “dhalinyarada ayaa
tidhi Aabbo kaama maarano ee ha naga tagin, markaa iyaga aawadood ayaan
isu soo sharraxay”.
131
Dullinimo asaagay maxaad; libinta ii diidday,
Daraaddaa maxaan labada gelin; seegay danahayga,
Intaan dirac ahaan jiray muxuu; doqon I faalleeyey!
29. Dhextaal
Sabti, July 16, 2021
Maanta waa July 16, 2021ka. Waayaheeda iyo halka maanta la joogo ka
sheekeysan mayno. Aniga bil ka hor oo ahayd June 16, 2021ka waxa ii
buuxsamay 29 sannadood oo cimri ah, waxaana ii bilaabmay gu’gii
soddonnaad. Dhinaca kale, waxa sannad laga joogaa markii aan curiyay
gabaygii Gashi ee ka hadlaayay Lixdanguurada xorriyadda. Sida oo kale,
waxa Saddex sannadood laga joogaa markii aan sameeyey gabaygii Calanka
ee Duufaan. Sidaa si la mid ah, waxa Toban sannadood laga joogaa maalintii
aan curiyay gabaygii Xoghayntii Naftayda bishii July, 2011kii. Gabaygaas oo
baydadkiisa ay ka mid ahaayeen:
132
riixaysaa dhinaca gabayga. Waa xaajo la filan karo, sababaheeduna ay xoog
badanyihiin.
133
Dhoolkii hillaacaay haddii; dhibic lagaa waayay,
Dharaariyo habeennaba haddaan; sugayay dheeftaada,
Waa dhediyo ceeryaan waxaan; saaka dhurayaaye,
Sheekadan intaan kuu dhildhilay; wada dhannaanaatay,
Fahamkeedu waa meelo dhaw; waanu dheeryahaye,
Dibnahaan ka sii dhawrayaa; dhihitinkeediiye!
30. Dibadwareeg
Axad, July 18, 2021
Muddo Toban sannadood ah ayaan ugu yaraan dhawr iyo Toban jeer
naftayda ku qanciyay dagaal kaliya. Haddaba soo koobis muhiim ah oo aad
wax ku fahmi karto iyo sida aan halkan ku soo gaadhay ayaan rabaa inaan
gabaygan Dibadwareeg ku bilaabo.
2. Dabadhilif, 2015kii
134
Daarood Ismaaciil ka badan; duudda geedaha’e,
Da’yartiyo haldoorkii u kacay; diriri maayaane,
Hawiyuhu waxay daadsanyiin; tan iyo Diinsoore,
Hadday duul walaalo ah noqdaan; lama dullaysteene,
Ciisuhu haddii uu damqado; waa la didilaaye,
Diridhaba habeen kuma dhaxeen; gaalka duufka liye,
Markuu dududda laalaadiyaa; looga sii daraye,
Samaroon waxaa lagu dekanay; doogsintii hora’e,
Doonyaha Isaaq dego ma arag; wiil dagaalama’e,
Adoo lagu dilaabaa ka roon; daallin daba jooge,
Shisheeyahan dalkeennii qabsaday; haw durbaan tumine,
Damiir yeelo Soomaaliyeey; waa dayacanteene!
3. Gobannimo-u-dirir, 2015kii
Gobannimo-u-dirir baan rabaa; geysh dagaalama’e,
Markaasaan Galbeed iyo xorayn; Geeska oo idile,
Gacmaha is qabsada oo kufriga; gumuca deeqsiiya,
Ama waynu guulaysan oo; libinta waan gaadhi,
Ama geeri sharaflaynu dhiman; gocasho waa ceebe!
4. Hammi, 2016kii
Aniguna cidlaan heesayaa; hadh iyo laylkiiye,
Hammi ila fogaadiyo maxaan; arami hayn waayay,
Hurdadiyo isyeelyeelku waa; hadal carruureede,
Shisheeyuhu hormood kama noqdeen; damalladii Hawd’e,
Halgankii dadkaygiyo xornimo; kama habsaameene,
Heeryada gumaysiga ilxumo; lama hagoogteene,
Afrikaanku hoy kama dhigteen; lama huraantiiye,
Halyay iyo ninkii magac lahaa; kama hayaameene,
Habrashada nin liitiyo magaan; nama hoggaansheene,
Horusocod anoo jecel wakhtigu; igama hiisheene!
5. Baraarug, 2017kii
Anuunbaa Bullaaliyo Wardheer; baafiyoon heline,
Burji malaha Soomaalidaa; beledka joogtaaye,
Waa qaran bukoodoon dawiyo; baano loo heline,
Ficil iyo haddaan lagu ballamin; dil iyo baaruudda,
Wallee hadal bilaashaan xornimo; Biixiyoow144 dhaline!
6. Duufaan, 2018kii
Duufaannadaa soo socdeen; cidi dareemaynin,
135
Digtoonoow ninkii aan idhee; diiday hadalkayga,
Digashada xanuunka leh marbuu; dib uga sheekeyne,
Aniguna halbeeg durugsanbaan; diirad ku hayaaye,
Duddo madhan intaan joogi laa; dawladnimo been ah,
Xaqqu haygu soo dego anoo; diiday liidnimo’e,
Calanyahaw xaggeen kaa dayaa; waan ku daydayaye?
7. Sooyaal, 2019kii
Siyaasigu intuu meel cidlo ah; inagu seeteeyey,
Anna Sabaxareed aan fadhiyo; samirna dheeraaday,
Waa sacabbo madhan xaajadaan; saymo loo geline,
Waa erey sarbeebiyo tixaan; mariyay saabaane,
Waxa dhiigga loo saydhayana; helay sirteediiye,
Soomaalidii aan wax badan; samo la doonaayey,
Mid I siray mid been igu sasabay; mid I sabaaleeyey,
Wuxuun baan samayn oo nin ragi; wuu sahwiyayaaye,
Sahankaan u diray meel fogbaan; sugayay maalmaaye,
Sidaa igu ogow waan jeclahay; in ay samaataaye!
8. Diihaal, 2020kii
Darmo nabad ah iyo rays adoo; Dabac ku maalaaya,
Aqal laba daryaale ah adoo; meel dugsiya jiifa,
Duruufuhu marbay kaa ridaan; Doollo iyo Hawd’e,
Danwadaagta iyo guulwaduhu; damac ma yeeshaane,
Gobannimo ninkii doonayay; diriri joogtaaye,
Damiir iyo ninkii dhiig lahaa; wuu dagaalamaye!
136
Anna waxaan odhaahda ugu daray; doodda hadalkayga,
Doqon iyo ninkii aan ogayn; waw dan leeyahaye,
Dulmigiyo xumaha Aadamuhu; wuu ka diriraaye,
Dalkeenii shisheeyahan qabsaday; daallinkiyo tuugga,
Dabadhilifka iyo gaaladaa; inagu soo duushay,
Hadba waxay dadkaygoo is jecel; kala dillaalaanba,
Ama ay drone iyo qunbulad; nagu duqeeyaanba,
Kuwan ina dul joogaana way; inagu daaleene,
Kibirkii ragbaa diiday oo; dhiig ku doorsadaye!
Dibindaabyadii waxa ka hadhay; dayrtan maanta ahe!
Daruurtiyo waxaan eegayaa; Dirirka Cawleede,
Dalkuna wuu is wada raacayaa; maalmo dabadoode!
9. Gashi, 2020kii
Runtoo loo gargaariyo waxqabad; waw gudboonnahaye,
Nin waliba intuu garanayaa; loo gudbinayaaye,
Is gaafoodhintii iyo naxwihi; soo gabaabsiya’e,
Gashi Ciiddu igu leedahoo; gaaxdaybaa badane,
Goobyaaliddii hore tashigu; taa ka soo gudubye,
Meel aan la gaadhaba xilbaa; laygu guud furaye,
Halgan aan gaboobaynin baan; saaray gaadada’e,
Gabaygana halkaasaan ku xidhay; gebi ahaantiiye!
137
Dhismahoo hagaagiyo waxaan; filayay dheeraaye,
Dhayal baaba lay moodayaye; dhaawac baan ahaye,
Ka dhul sugay itaalkay inaan; dhiciyo Maandeeqe!
Anigoo dhafoorrada qabsaday; layga sii dharagye!
Waa dhiidhigii uu nin ragi; dhaafsan jiray ciile,
Dhimashaduna waa guul haddii; laysu dhaarsado’e,
Waa dhabar adayg waxaad nasriga; ugu dhawaataaye,
Dhacadiid wixii lagu sugaa; kuu dhadhami waaye!
Duufaan waa gabay aniga iyo calanka Soomaaliya aanu ku sheekeysanay oo soo baxay June,
146
2018kii.
138
Anna gobannimaan doonayaa; hebella deelqaafe!147
Daratadan la eediyo kuwii; diiratada beeray,
Qof dardaran dammiin aan caqliga; derejo loo siinin,
Nin aan duugga nololeed wax kale; loogu dara haynin,
Iyo waxaan dagaal kula jiraa; daallin iyo tuuge!
147 Dhalinyarada reer Koonfureed qaarkood ee aan Xamar ku arkay, way ka arradanyihiin milgaha
iyo qaayaha nolosha, waliba iyaga oo afka ka sheegta in Soomaaliya ay midaysantahay oo aanay kala
go’in. Waxa ay jecelyihiin ama ay ku riyoodaan in sida ay iyagu wax u arkaan wax loola arko, haddii
kalena ceebayn, cay, aflagaado, ka been abuurasho aan xishood iyo xad midna lahayn iyo edebdarro
heerkeedan ugu sarraysa ayaa kuu diyaar ah.
148 Daafidu waa Canjeerada Xabashida nooc ka mid ah. Halkan waxa looga jeedaa, sandareero iyo
shilimaad, askar shisheeye, basaasnimo iyo dabadhilifnimo gaaleed, ninna dalkayaga iyo
magaalooyinkayaga kuma haysan karo.
149 Madaxtooyooyinka looga taliyo Soomaaliya iyo maamulladeeda kala duwan.
139
Aniguna filkay kama duwani; qaatay daabaca’e,
Dacar lama macayn karo haddaan; la isku duubnaane,
Dabayluhu waxay soo sidaan; mur iyo deebaaqe,
Dab inaan aloosiyo inaan; dogobyo xoogeeyo,
Dirac iyo nin geesiya inaan; ficil dareensiiyo,
Ama aan dariiq loo halgamo; dib u ilaaleeyo,
Degta iyo inaan labada garab; diiradlaha saaro,
Dabadhilifka naaxiyo inaan; dooxatada jiidho,
Aniguba diyaarbaan u ahay; dil iyo baaruude!
Faallo:
Waa July 19, 2021ka. Waxa aan taaganahay Isgoyska caanka ah ee Banaadir ee
magaalada Muqdisho. Telefoonkii ayaa ii soo dhacay. Waxa aan ku idhi “Al
Muslimuuna Calaa Shuruudihim – Muslimiintu waa kuwii ballankooda
ilaaliya”. Markii aan ka dhaqaaqay magaalada Afgooye oo gurigayga Xamar
u jirta wax ka yar 30km ayaa iigu dambaysay wax astaan dawladeed ah
dhammaanteedba. Wax yar ka dibna waxa aan galay deegaamada ay ka
taliyaan Al Shabaab. Astaantooda ama calankooda ayaa ka taagan ama
dulsaaran geedaha waddada dhinaceeda. Hadda, saacaddu waa 5:20
galabnimo. Waxaan taaganahay magaalada yar ee magaceedu weynaaday ee
Toorotoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Xamar u jirta 100km. Askari
gadh cas ayaa fadhiya Kaantaroolka. Aniga oo gaadhiga ku dhex jira,
magaalada ayaan ku dhex wareegey, waxaanan isha la raacay dadka iyo
noloshooda. Magaalada waxan ugu badan ee lagu iibinayaa waa Tooshashka
la shito. Waan ka dhaqaaqay. Jidka ayaan ku sii affuray. Magaalada Farsooley
ayaan isa soo taagay 08:00 fiidnimo. Casho ayaanu ka cunay, sida oo kale,
caano ayaanu ka qaadanay, ka dibna jidka dheer ayaanu cagta saarnay. Waa
gudcur habeennimo. Waxa aan sii dulmaray Buundada caanka ah ee
Haawaay oo u dhaw goobtii Maraykanku ku dilay Amiir Axmed Cabdi
Godane. Waxa aan subaxnimadii ciidda Carafo gaadhay magaalada yar ee
Kuunyo Barraw, halkaas ayaan ku tukaday salaaddii ciidda, soo dhawayn iyo
nasasho ayaan ku qaatay.
140
Waxa aan salaamayaa Amiirka. Waxa aan salaamayaa ehelkayga”. Wax yar
ka dib, waxa soo galay Sheekh Xassaan Xusseen Aadan oo ka hadlaaya u
samafalka waalidka. Waxa aan soo maray, dhul ka badan 500km oo ay ka
taliyaan Al Shabaab, marka la eego waddada aan soo maray ee Xamar ilaa
Jilib, run ahaantiina waa qayb aad u yar oo ka mid ah dhulka Soomaaliya ee
ay Al Shabaab ka taliyaan. Maxaan haddaba arkay? Aan soo koobo nuxurka
safarkayga, faahfaahintana aan dib u dhigto.
Kaantaroolka laga soo galo Magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe oo hadda ah caasimadda
Al Shabaab, Soomaaliya. July 26, 2021.
Ugu horrayn, waa lay soo dhaweeyey, sidan ugu heerka sarraysa. Si
xilkasnimo iyo ehelnimo ah ayaa lay soo dhaweeyey. Intii suurtogal ah, waxa
lay muujiyay walaalnimo iyo qalbi furnaan. Nolol si caadi ah u socota, ayaan
la kulmay. Waxa lay diiday, wax kasta oo I dareensiin kara kalinimo ama
martinimo. Bookhashadaydu mid la sii diyaariyay oo rasmi ah ayay ahayd.
Waxa aan Jilib la tagay dhammaan wixii aan u baahnaa, sida Smart Phone iyo
Laptop, waana laygu tixgeliyay. Nasasho kooban ka dib, waxa aanu
kulannay, xubno derejo dhexe ah oo Al Shabaab ka mid ah. Waxa aanu ka
sheekeysanay dhawr qodob oo wakhtigan ugu badan naga qaatay. Waxa aan
rabaa inaan soo koobo, mid walba iyo doodda dhinacooda.
Daraawiish iyo Al Shabaab: Inta aad Al Shabaab la joogto, waxan ugu badan
ee ay dhagahaagu maqlayaan waa aayado Qur’aan ah oo Jihaadka la
xidhiidha, nashiidooyin Carbeed iyo gabayadii Sayyid Maxamed iyo
halgankii Daraawiisheed iyo suugaanta arrimahaa la xidhiidha. Qof kasta oo
Al Shabaab ka mid ah, waxa uu wax uun ka fahamsanyahay Sayyid
141
Maxamed, gaar ahaan gabayadiisii. Al Shabaab, waxa ay aad u jecelyihiin in
loogu yeedho Daraawiishta Qarniga 21aad. Sayyidka ka dib, halgankii
Axmed-gurey ayay Al Shabaab jecelyihiin in ay dib u nooleeyaan, ku faanaan,
kuna daydaan. Suugaantii Soomaaliyeed ee halgamadaas la xidhiidhay oo
dhan way xafidsanyihiin, dugsiyadoodana waa lagu dhigtaa, waxaanay ka
midyihiin manhajkooda waxbarasho ee rasmiga ah.
Halyeeyo Cusub: Axmed Cabdi Godane ama Mukhtaar Abu Zubayr waxa uu
deegaankan iyo guud ahaan xubnaha Al Shabaab kaga tagay magac aan
marna duugoobi karin. Hadal hayntiisu aadbay ugu badantahay deegaanka,
dadka iyo warbaahintoodaba. Waxa dhisan guuto ka mid ah kuwan ugu
halista badan Al Shabaab oo magaceeda la yidhaahdo Guutada Abu Zubayr.
Waxa deegaankan ku nool dhalinyaro uu magaciisu u yahay wax walba.
Dadka aan la kulmay, waxa ay Godane u qirsanyihiin, hoggaamin,
daacadnimo, geesinimo, haladayg iyo iimaan, waxaanay rumaysanyihiin in
raad taariikheed oo wayn uu kaga tagay Geeska Afrika. Sida oo kale, waxa
meel walba, gaar ahaan idaacaddooda iyo warbaahintooda Al Kataa’ib laga
hadal hayaa halgankii iyo nafhurnimadii raggii ay ka mid ahaayeen Godane,
Cayraw, Dulyadayn, Abu Jabal iyo rag kale oo taariikhdan cusub ee
Soomaalida ee ay Al Shabaab hormuudka ka tahay, marka indhahooda lagu
eego, kaalin weyn oo lama illaawaan ah ka soo qaatay. Waxa sida oo kale jira
goobo muhiim ah oo raggaas loogu magac daray, si taariikhdooda loogu
xusuusto. Al Shabaab waxa ay dhaliilsanyihiin inta badan aqoonyahanka iyo
haldoorka Soomaalida. Waxa ay aaminsanyihiin in aqoontoodu ay noqotay
wax lagu faano oo shirarka lagaga qayb galo balse aanay marnaba wax
isbeddel ah u horseedin Soomaaliya. Aqoonta noocan ah, waxa ay Al Shabaab
u yaqaannaan Fagaare-joog. Al Shabaab waxa ay jeclaan lahaayeen in
haldoorka Soomaalidu taariikhdan socota ay qayb ka noqdaan.
Jihaadka iyo Ubadka: Saaka waa subax kale. Waxa aan gaadhi yar ku dhex
wataa magaalada Jilib. Laba nin oo aanu wada soconay oo magaalada I kala
baraayay oo Al Shabaab ka mid ah ayaa u yeedhay wiil yar oo aan ka
weynayn Lix jir. Waxa ay ii sheegeen in uu wiilkan aabbihii ku dhintay
duqaymaha diyaaradaha Maraykanka. Qur’aanka halkeebaad maraysaa ayay
waydiiyeen. Waxa uu yidhi Suuraatul Shucaraa (Suuradda Abwaannada).
Way igu yara qosleen, sababtoo ah hoos ka tuur hore ayaa labada nin noo
dhexeeyey oo la xidhiidha in maanta abwaannada Soomaaliyeed badankoodu
ay ka gaabiyeen doorkii Jihaadka. Mid ka mid ah labadii nin ayaa inankii
yaraa waydiiyay, markaad waynaato maxaad doonaysaa inaad noqoto. Waxa
uu yidhi “waxa aan doonayaa inaan noqdo Mujaahid”.
142
AMISOM. Xuddur, Baydhabo, Diinsoor, Baraawe, Buulo Madheedh iyo
meelaha kale ee ay AMISOM joogaan waxa ay adeegsadaan oo kaliya
diyaarado. Dhulka laysuma gudbi karo. Guud ahaan dhulka waxa gacanta ku
haya Al Shabaab. Ciidamada AMISOM marna hadda diyaar uma aha in ay ka
soo baxaan xarumahooda oo ay Al Shabaab dagaal la galaan. Al Shabaab
waxa ay aaminsanyihiin in maalmaha AMISOM u hadhay ay tirsanyihiin.
Qori Xarrago: Waa subax kale iyo magaalada Jilib. Saaka waxa la igu
casuumay inaan tijaabo shiishka ah sameeyo. Waxa la ii dhiibay qori BKM ah,
mid AK-47 ah iyo baastoolad yar. Saddexdoodaba waan ku shiishtamay.
Waxa ila socday laba nin oo ka mid ah raggii aan martida u ahaa. Waxa ay
aaminsanaayeen inaan ahay nin magaalo ku koray, markii dambena
waxbarasho iyo wax la mid ah ka shaqeeyey, sidaasidaraaddeed ay igu
adkaan doonto inaan qori ridi karo ama aan shiish hagaagsan samayn karo.
Koonaha magaalada Jilib oo ah jeexdimaha godan ayaanu gallay. Waa meel
magaalada oo dhami u soo shiish tagto. Meel gebi ah ayaanu tagnay. Qori
loox ah oo lagu qoray ‘Quddus lama Yuhuudaynaayo’ ayaanu meel noo jirta
ilaa 50 mitir dhignay si aanu ugu shiishtanno ama u tooganno. Labada nin ee
ila socdaa waa rag leh tababar aad u sarreeya. Waxa xaqqiiqo noqotay in aan
ahay nin shiish wanaagsan oo dhugmo sarraysa leh, sida oo kalena faham
fiican ka haysta qoryaha iyo noocyadooda, taas oo iyagu aanay filanaynin.
Anigu waxa aan sagaal jir ku gaadhay guri baadiye ku yaalla oo ay yaallaan
nooc walba oo hubka fudud ah. Halkaas ayaan wax walba ku bartay. Labadii
nin way la yaabeen shiishkayga. Gaar ahaan qorigii BKM-ka ahaa oo aan si
xarrago leh u fadhiisiyay shiishkiisa, cabbirkiisa iyo rididdiisaba, aniguna aan
ka helayba runtii. Hal mar ayaan idhi ‘wallaahi qorigani waa qori xarrago’.
Way igu qosleen, ka dibna, halkaas ayay iga soo raacday, in wixii markaa ka
dambeeyey ay iigu yeedhaan magaca ay ii bixiyeen ee ‘Qori Xarrago’.
Maalintaas laga bilaabo magacaygu iyaga agtooda waxa uu ahaa Qori
Xarrago.
Adkaysiga: Galab kale ayuu nin ragga ka mid ahi sheekeeyey. Sheekadii ayaa
waxa ay soo gaadhay wax la xidhiidha duqaymaha diyaaradaha Maraykanka.
Ka dibna waxa uu yidhi “Maalin maalmaha ka mid ah ayay rag mujaahidiinta
ka mid ahi gaadhi yar ku safreen. Meel dhexe markii ay marayeen ayay
daaleen, ka dibna waxa ay go’aansadeen in ay jidka ka baxaan oo ay yara
nastaan. Waa xilli casar ah. Gaadhigii ayay jidka dhiniciisa dhigeen, iyaguna
143
way ka yara fogaadeen maadaama maalmahaas duqaymaha diyaaraduhu ay
aad u badnaayeen. Dareen ayaa jiray deegaanka oo dhan, markaa
duqaymuhu mar walba suurtogal ayay ahaayeen, mujaahidiintuna taas way
ogaayeen. Wax yar ka dib, waxa gaadhigii ku dhacay gantaal, ka dibna wuu
burburay. Raggii way badbaadeen, maadaama ay gaadhiga ka fogaayeen.
Telefoonadii ayay ka garaacdeen saaxiibbo kale oo gaadhi u soo diray, soona
qaaday. Haddii aan qaddiyaddaas indhahayaga ku eego, Maraykanku waxa
uu khasaaray gantaal $5m ah. Annaguna waxa aanu khasaarnay gaadhi
$5,000 ah. Iyamaa khasaare badan qaba? Dabcan Maraykanka ayaa khasaare
badan qaba. Markaa maadaama ay iyagu naga khasaare badanyihiin, waanu
la samirtamaynaa”.
144
dagaallamo. Waxa ay rumaysanyihiin in iyagu ay yihiin kuwan ugu
dambaynta tooda loo yeeli doono, marka laysla daalo. Waxa ay
rumaysanyihiin marka gaalada iyo damacooda ay dalka ka xoreeyaan in ay
dadkooda ka mid noqon doonaan; xattaa haddii dambi loo haysatana ay
diyaar u yihiin in la maxkamadeeyo. Waxa ay aaminsanyihiin, in runtu
horteenna iman doonto, sida Daalibaan oo kale.
Si kastaba ha ahaatee, laba todobaad oo safar ah ka dib, Xamar ayaan dib ugu
soo laabtay.
31. Dabargo’
Salaasa, August 31, 2021
Ka soo laabashadaydii Jilib, waxa xigtay dhacdo kale oo weyn oo leh xusuus
taariikheed oo caalami ah. Waa bixitaankii ciidamada Maraykanka ee dalka
Afghanistan. Haddii aan dib kuu yara celiyo, Daalibaan iyo xulafada
dawladda Maraykanku waxa ay Afghanistan ku dagaallamayeen muddo ku
dhaw labaatan sannadood. Ka dib, markii kibirkii iyo isla weynidii
Maraykanku ay ka suurogeli weyday Afghanistan, waxa lagu qasbanaaday in
Daalibaan lala hadlo. Maraykanku waxa uu u hoggaansamay dalabaadyadii
waaweynaa ee Daalibaan ee ay ugu horrayso in dalkooda uu si degdeg ah uga
baxo. Heshiis qodobbadiisu ay muujinayaan sida Maraykanku ugu
guuldarraystay duullaankii Afghanistan ayay February 29, 2020kii, Daalibaan
iyo Maraykanku ku kala saxeexdeen magaalada Doha ee dalka Qatar.
Maalintaas waxa aan gabaygii Diihaal ku idhi:
145
Duruuf adag waxay xaajadaa; ugu dulqaataanba,
Iyagoo dalluun qaba waxay; geylan diriraanba,
Daalibaanba150 waa kuwa hantiyay; degelladoodiiye!
146
jidka Afghanistan. Waa jidka kaliya ee suurtogal ah ee maanta horteenna
yaalla. Waa jid aan filaayo in lagu wada qasbanaan doono. Koonfurta
Soomaaliya waxa ka socda dagaallo la doonaayo in lagu wiiqo awoodda Al
Shabaab. Xaqqiiqada dhulka taallaa waxa ay muujisay in taasi aanay
suurtogal ahayn. Waxa la filayaa in ciidamada Afrikaanka ah ee AMISOM ay
Soomaaliya ka baxaan marka ay ku dhiig baxaan. Bixitaankaasi waxa uu
keensan doonaa in la hor istaagi kari waayo jihaadiyiinta Soomaaliya. Sidaas
ayaan Ilaahay ka rejaynayaa. Jihaadiyiintana waxa aan ka rejaynayaa in ay u
diyaargaroobaan dhismaha dawladnimo dadku ay leeyihiin oo aan taangi
shisheeye lagu ilaalinaynin. Sida oo kale waxa aan ka rejaynayaa in ay dhisi
doonaan dawladnimo xor ka ah cudurrada faraha badan ee muddada ina
hayay. Waxa aan ka rejaynayaa in ay khaladka jira badankiisa sixi doonaan,
runta ku noolaan doonaan, xeeladna ay socon doonaan. Jidkaas ayaan jeclaan
lahaa in Soomaaliya ay ku dambayso, laakiin in dhiig badan oo kale uu daato
ayaa ka sokaysa. Waxa aan si weyn uga fikiray maalinta rag aan ogahay ay
Xamar diyaaradaha gaalada dabada qabsan doonaan ee ciiddooda iyo
calankooda ay ka yaaci doonaan sababta oo ah, waxa ay ogyihiin dambiga iyo
ihaanaysiga ay gaysteen. Maalintaas, inaan raggaa loo naxariisanin ee sidan
ugu adag loo abaalmariyo ayaan ku hammiyay. La eegi doonaa.
Ugu dambayntii, waxa aan ku qancay, haddii Soomaaliya aanay marin jidka
Afghanistan, in jiritaankeeduba uu khattar ku jiro oo haddii ay soo
duuleyaashu guuleystaan ay taas macnaheedu tahay in kala qoqobka, boobka,
kala qaybinta dalka iyo farogelinta cadawgu ay heli doonaan fursad aan la
mahadinin, taas oo natiijada ka dhalataana ay noqon doonto dabargo’
ummaddeed.
147
Doqon iyo ninkii liitta iyo; dumarka mooyaane,
Dirir iyo colaad loo dhaqaaq; labada daamoode,
Duullaanki wuu soo socdaa; damaca waallaaye,
Waa dabargo’eennii waxaan; kaaga digayaaye!
32. Uur-ku-taallo
Jimce, October 1, 2021
Sannado badan oo aan gabay ku halgamaayay, intii itaalkayga ah, waxaan
kala kulmay in aan arko dad badan oo la dhacsan aragtidayda iyo dad badan
148
oo diiddan labadaba. Taasi muhiim maaha. Waxa muhiim ah inaan is
waydiiyo, sacab iyo soo dhawayn ama diidmo iyo fogayn mooyaane, maxaa
kale ee gabaygaagu uu ka beddelay duruuftan adag ee maanta ay Soomaalidu
ku jirto. Waxba ayaa ii soo baxday. Inaan gabayga ficil ku daro ayay ka fursan
wayday. Waxaan marar badan ka fikiray ficilkaasi nooca uu noqon karo.
Dawladnimada diciifka ah ee Xamar taalla ka mid noqo ayaan ku fikiray.
Haddii aad dawladnimadaas ka mid noqoto maxaad kordhin kartaa ayaan is
waydiiyay. Waxba ayaa ii soo baxday.
Dawladnimada iyo dadka ka shaqeeya labaduba waa daciif. Xilka waa lagu
xarragoodaa ee marna lagagama shaqeeyo dan ummaddeed. Taas gunteeda
ayaan soo taabtay. Waxa ka sii daran, noocan dawladnimo ee gaaladu ay
Xamar keentay ee dhaqaalaha badan ay ku bixisay ama ciidamada badan ee
shisheeyaha ah ay ku ilaalisaa marnaba maaha dawladnimo dabiici ah.
Maalinta dhaqaalahaas gaalada la waayo ama ciidamada shisheeye ay Xamar
ka baxaan, way burburaysaa. Dawladnimo noocaas ah, oo tiirarka ay ku
taagantahay, dadka hoggaanka ka ah, fikirka iyo mabaadiida midna aydaan
wadaagin, haddii aad ka mid noqoto, maxaad ka rajaynaysaa ayaan is
waydiiyay. Fashil ayaa ii soo baxay. Gacmaha ayaan ka laabtay. Sidaas ayaan
Xamar isaga joogay muddo ku dhaw afar sannadood. Maalin kasta waxa ii sii
xaqiiqoobaayay arrintaas run ahaanshiiyaheeda. Waxa aan muddadaas tiriyay
gabayo badan.
Maalintii aan baahiyay gabayga Garmaqaate bishii April, 2021ka, waxa ila soo
xidhiidhay gabadh doonaysay in ay gabaygaas su’aalo iga waydiiso, meelaha
qaarkooda aan sharraxaad ka siiyo. Xidhiidhkaasi, ugu dambayntii waxa uu
isu beddelay mid intaa ka qotodheer. Isku dareen iyo isku damqasho ayaanu
noqonay. Gabadhan yar waxa ay qoyskooda dhibaato weyni ka soo gaadh-
dhay tacaddiyadii tiro beelka ahaa ee Itoobiya ay ka gaysatay dhulka
Soomaali Galbeed. Intii ehelkeeda ugu dhawayd ayaa si toos ah loo
beegsaday. Dil iyo xadhig ayay qoyskeedu bartilmaameed u noqdeen. Waxa
se xanuunka ugu weyn leh, in qaar ehelkeeda ka mid ah Hargeysa laga
dhiibay oo loo gacan geliyay Itoobiya. Gabadhaasi waxa ay tusaale nool u
tahay dhibaatada riiqda dheeraatay ee Itoobiya ay u gaysatay dadka
Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed. Sida oo kale waxa ay tusaale nool u tahay,
godobta maguuraanka ah ee maamulladii Itoobiya ay ka dhisatay gudaha
Soomaaliya ay gaysteen.
149
magaalada Jilib oo ahayd xarunta Al Shabaab si aan u ogaado xaqiiqada
maamul ee halkaa ka jirta. Xal iyo xog raadis ayaan halkaa u tagay.
Gabaygaygii iyo wixii aan soo arkay aawadeed, waxa aan ku sii qancay inaan
ficil bilaabo, meesha aan ka bilaabi karaana ay maanta halkaas tahay.
150
Waxaan eegayaa ‘Soohaneey’; imashadaadiiye!
33. Dhaxalreeb
Sabti, January 1, 2022
Professor Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu muddo soo ahaa mid ka mid ah
kuwan ugu magac dheer aqoonyahanka Soomaalida. Muddo ku dhaw 40
sannadood oo uu cilmibaadhe, macallin iyo qoraaba ahaa, waxa uu wax
badan ku kordhiyay dhigaalka taariikheed ee Soomaalida. Ilaa sannadkii
2016kii, aniga iyo Samatar waxaanu lahayn xidhiidh toos ah. Sida oo kale,
waxaanu aragti wadaag ka ahayn xidhiidhka siyaasaddeed ee ay mustaqbalka
yeelan karaan Xamar iyo Hargeysa. Waxaan marar badan ka dhimbiil qaadan
jiray sheekooyin isaga iyo duruufihiisii nololeed ku saabsan oo si laab furnaan
ah uu iila wadaagi jiray. Markii aan Xamar imid sannadkii 2017kii, ayaanu
markii ugu horraysay in aragnay aniga iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.
Talo ayaan waydiistay ku saabsan maalmaha nololeed ee aan maraayay iyo
timaaddada la sugaayo. Waxa uu igu yidhi “taladaydu waxa weeyaan, adiga
oo dagaallami kara soddon sannadood, dagaalkaaga ha ku soo koobin hal
sano”. Waxa ay ahayd talo nuxurkeedu ahaa, maalmihii badnaa way
dambeeyaane, ha degdegin. Wixii intaa ka dambeeyey, waxaan ka mid ahaa
dhalinyaro tiro ahaan kooban oo mar kasta oo uu Xamar yimaaddo uu la
kulmo, lana sheekaysto.
Maalin Sabti ah, November 27, 2021kii ayaanu kulan sheeko wadaag, qado iyo
is xog waraysi ah ku yeelanay Peace Hotel, Muqdisho. Waa muddo kooban
uun ka dib markii loo doortay xubin ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka
Soomaaliya oo meteli doona gobolka Awdal. Ujeeddada kulanku waxay
ahayd inaanu si faahfaahsan uga sheekeysano guud ahaan muranka
doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan xuliska Xildhibaannada Waqooyi oo
muran arrintaa ku saabsani ka dhexeeyay Mahdi Maxamed Guuleed iyo
Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Dabcan Samatar waxa uu ahaa garabka Cabdi
Xaashi. Waxa kale oo aan si weyn u doonaayay inaan kala sheekeysto
muddada afarta sannadood ah ee la doortay waxyaabaha u qorshaysan in uu
ka shaqeeyo siyaasad ahaan.
151
leh ee soo gala Baarlamaanka waxay u arkaan in uu caqabad ku noqon karo.
Dhammaantood, waxay aad u jecelyihiin in qofka reer Waqooyiga ah ee
Baarlamaanka iyo guud ahaanba siyaasadda soo galayaa uu noqdo qofka ay
iyagu rabaan. Wax waxaas la mid ah ama aan ka fogayn ayaa deegaamada
kale laftooda ka socda, balse ta Waqooyigu way ka sii fool xumayd, walina
waatan socota ee aad ogtahay.
Hadalkaas Fahad wax weynbaa ka jira, sababtu waxa weeye, dadkan meesha
jooga ee hoggaanka doonayaa run ahaantii isma dhaamaan. Kolse haddii aan
Baarlamaankii soo galay, waxaan ku qasbanahay inaan waxan jira, wixii aan
wax ku biirin karo ku biiriyo, codkaygana u meel dayo. Qofkii iila muuqda in
u arrimaha qaarkood ku dhiirran karo ayaan ku dadaali doonaan inaan
codkayga siiyo, aniga oo aan rejo badan ka qabin in wax weyni is beddelaan
wakhtiyadan dhaw. Yeelkadeede, dastuurka Soomaaaliya, waxa uu noqday
mid ka mid ah balaayooyinkan waaweyn ee maanta ina haysta. Inta aan
golahan joogo, waxaan isku dayi doonaan inaan dadaalkayga oo dhan isugu
geeyo in dastuurka si wanaagsan oo Soomaalidu heshiis ku tahay loo qoro,
lagana heshiiyo. Golahan waxa igula jira, dad badan oo aan hubo in ay
arrintaas caqabad ku noqon doonaan, waxaanse dhexda u xidhan doonaa
inaan wax uun qabto. Waxa kale oo maanta Soomaalidu aanay waxba ka
ogayn waxa ka socda Xerada Xalane; waxaan tacab badan gelin doonaa inaan
ogaado arrimaha baalmarsan heshiiska Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay
iyo Midawga Afrika ee xeradaas ka socda. Waxaan ballan kuugu qaadayaa
inaan bannaanka u soo saaro, wax kasta oo suurtogal ii ah, si Xalane
arrinteeda looga gungaadho.
152
midnimadeeda iyo jiritaankeeda dawladnimo ka shaqaynaayay. Caqliga aan
Koonfur ku arkay maaha mid marna keeni kara waxa aynu doonayno.
Maalmahan iyo bilahan waxaan ka fikiraa inaan is waydiiyo malaha waad
khaldanayd, waxaanse hubaa wixii aan raadinaayay waxa uu ahaa wax
wanaagsan. Hoggaanka siyaasiga ah ee Koonfur joogaa, isaga ayaa u baahan
in bulshadiisa laga xoreeyo oo masaakiinta ay noloshooda ku ciyaarayaan
laga qabto. Waa hoggaan badankiisu ku sifoobay laaluush, danaysi, musuq
iyo karti xumo. Hoggaan noocaas ah, lagama dhex raadin karo, waxa aynu
doonayno.
Afarta sannadood ee la I doortay, waxa aan ku dadaali doonaa inaan wax uun
saxo, intii suurtogal ah, adiguna arrintaa markhaati ayaad ka ahaan doontaa.
Haddii la I dhagaysan waayo, oo jidkii hore ee qaloocnaa lagu sii socdo, anigu
haatan waaban gaboobay, meel ayaan iska fadhiisan doonaa. Waxa ay u
badantahay inaan Gabiley ku laabto. Qolyaha gooni-u-goosatada ah, waxa
aan u sheegi doonaa in aanan aragtidooda siyaasaddeed aaminsanayn, balse
aanan haddana haynin, wax kale oo aan ku beddelo. Taasi waxa ay keensan
doontaa inaan waxooda faraha uga qaado. Ugu dambayntii, adiga waan kugu
kalsoonahay, waan garanayaa waxa aad doonayso iyo sida aad u doonayso.
Waxa aan kugula talinayaa, marar badan oo horena sidaas waan kugula
taliyaye, inaad ka fikirto, haddii waxa aad doonayso aad waydo, wixii aad
yeeli lahayd.”
Haddaba, sheekadaas aniga iyo Samatar ka dib, maalin Jimce ah, December
10, 2021kii ayaan tagay magaalada Baydhabo. Waa markii ugu horraysay ee
aan Baydhabo tago. Madaarka waxa jooga ciidamo Itoobiyaan ah. Maamulka
Koonfur Galbeed ee magaaladan ka jiraa, waa mid aad fadhiid u ah. Waxba
gacanta uguma jiraan, run ahaantii. Dhammaan maamulka waxa ilaaliya
ciidamada Itoobiyaanka. Waxa la ii sheegey in Cabdicasiis Xassan Maxamed
(Laftagareen) oo maamulkan Madaxweyne ka ahi uu isku dayay in uu joojiyo
ganacsatada lacagta cashuurta ah siiya Al Shabaab. Waxa la ii sheegey in
maamulkiisu uu go’aan soo saaray. Go’aankaas nuxurkiisu waxa uu ahaa in
ganacsade kasta oo cashuur siiya Al Shabaab laga qaadi doono lacag
labanlaab ah oo cashuur ah. Arrintaasi waxa ay culays ku keentay
gacansatada magaaladan. Al Shabaab ayaa iyaguna go’aan soo saaray. Waxa
ay magaalada Baydhabo u diideen in ay galaan booyadihii shidaalka u siday
magaalada ee ka imanaayay Xamar. Taasi waxa ay keentay in magaalada ay
shidaal la’aani ka dhacdo oo xattaa sida la ii sheegey gaadiidkii
Madaxtooyada ee Laftagareen ay shidaal waayaan. Al Shabaab ayaa laga
codsaday in ay gaadiidka shidaalka soo fasaxaan. Laftagareenna waxa uu
oggolaaday wax walba. Laftagareen tamartiisu waa sidan. Waxa uu tusaale u
yahay maamulladan maqaarsaarka ah ee meelahan ka dhisan ee magaca
mooyaane aan nuxurka kale lahayn.
153
Haddaba aniga oo ku jira xaalladdan iyo dagaalkan fikirka ah iyo hubanti
la’aantan mustaqbal ee naftayda iyo Soomaaliya labadaba, ayuu saaka iigu
bilaabmay sannadkan cusub ee 2022ka. Intii aan Koonfur joogay waxaan
fahmay dhawr arrimood. Waxa ka mid ah, guud ahaan Soomaaliya, laba
kooxood oo kaliya ayay run ka tahay in ay xaqqiijiyaan waxa ay doonayaan.
Ugu yaraan labadan kooxood waxa ay diyaar u yihiin in ay dooddooda
riixaan oo ay iib geeyaan. Labadaa kooxood waa Somaliland iyo Al Shabaab.
Dhammaan dhinacyada kale ee siyaasadda Soomaaliya ku loollamayaa
bulsho ahaan iyo hoggaan ahaan kama go’na in ay xaqqiijiyaan waxa ay afka
ka sheeganayaan.
154
Dhammays caanaheedii markaan; soo dhadhamin waayay,
Geelaygiyoo dhalay markaan; dhaqayo raacdeeyey!
Dhakafaar anoo qaba markaan; dhaygag socon waayay,
Dhirta iyo ugaadhiyo markuu; dhagaxu ii ooyay!
155
Dhan loo dayaba xaajadu markay; wada dhanaanaatay,
Dhangaagaaleyaashiyo markuu; fule is dhuubaayay,
Iyadoo dalkeennii dhammaa; Xabashi loo dhiibay,
Dhimbiilaha kumaa ololiyoo; dhimasho yaa doortay?
Dhaxantiyo kulaylaha xornimo; yaa u dhididaayay?
Inaan baaqigaygii la dhicin; yaa rag uga dhaartay?
Dhabarkiyo laxaadkiyo xubnaha; yaa u shubay dhiigga?
Dhiganaha xusuus ii gashiyo; dhugasho yaa keenay?
Dhiboygii shisheeyuhu watiyo; dhoohan yaa kiciyay?
34. Sahwi
Axad, January 23, 2022
Macallinimo ayaan muddo ku soo shaqeeyey. Waa muddo afar sannadood ku
dhaw. Muddadaas kala dambeeyey waxa aan macallin ka noqday dhawr
Jaamacaddood oo Xamar iyo Hargeysa ku kala yaalla. Takhasuskayga aan
bixin jiray waxa uu ahaa Cilmiga Bulshada. Waxa aan wax bari jiray ardayda
Kulliyadaha Siyaasadda, Saxaafadda, Xidhiidhka Caalamiga ah iyo mararka
qaarkood arrimaha ka ag dhaw. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxa
aan ku biiray dhammaadka sannadkii 2018kii. Markii dambena waxaan
Madaxa Qaybta Saxaafadda ka noqday Jaamacadda Ummadda. Dufcaddii
ugu horraysay muddo ka badan 30 sannadood ayaa sannadkan ka qalinjabin
156
doona Saxaafadda Jaamacadda Ummadda. Tiradoodu waa 45 arday. Waxaa
ka mid ah arday isaga oo dhigta Jaamacadda ay dagaaladii sokeeye ka
bilaabmeen Xamar sannadkii 1991kii, ka dibna sidaa Jaamacadda kaga
hadhay. Markii dib loo furay Kulliyadda sannadkii 2017kii ayuu mar kale dib
isu diiwaangeliyay. Sannadkan ayuu ka midyahay 45ka arday ee
qalinjabindoona. Todobaadkii hore ayay dhammeeyeen imtixaanaddii ugu
dambeeyey ee Jaamacadda, waxaanay isu diyaarinayaan qalibjabintii rasmiga
ahayd. Soo dhawayn bulsho oo balaadhan ayay la kulmeen.
‘Maxaad nagula sii dardaarmi lahayd’? ayay marar kala duwan I waydiiyeen.
Gabaybgan kooban, balse nuxur ahaan ila ballaadhan ee Sahwi ayaan ku
sagootiyay.
157
Aniguba muddaan surimo xidhan; salalay awgeede,
Saadaaladii aan wadiyo; samirki dheeraaye,
Sooyaalka iyo baanihii; libin namay siine,
Suugaan wixii aan akhriyay; cidi ma suurayne,
Markaan sadar idhaahdaba anaa; lay sirgacayaaye,
Si xun baaba lay eegayaa; sahashi waa yaabe!
35. Maageer
Salaasa, April 26, 2022
158
Maanta waxa aan joogaa Teendhada Afisyooni. Waxa ku hareeraysan
gaadiidka dagaalka ee gaalada AMISOM. Qof walba oo halkan galaaya iyaga
ayaa baadhaaya. Waxa saaka halkan ka dhacaysa doorashada Guddoomiyaha
Aqalka Sare ee Soomaaliya. Waxa ku tartamaaya Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo
horena ugu fadhiyay kursigan, waxa uu ka soo jeedaa Hargeysa, Saalax
Axmed Jaamac oo haddana ah Wasiirka Dastuurka, waxa uu ka soo jeedaa
Sanaag iyo Cismaan Abokor Dubbe oo hadda ah Wasiirka Warfaafinta, waxa
uu ka soo jeedaa Togdheer. Tartan adag ka dib, waxa guddoomiyenimada ku
guuleystay Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Ninkii xil doonaaya yeelkadii, balse
ninkii midnimo ama dawlad wanaag Xamar u yimid, war weyn ayaa runtii
sugaaya. Waxa sannadkan golaha Aqalka Sare soo galay Professor Cabdi
Ismaaciil Samatar oo ka soo galay Awdal iyo Abwaan Axmed Colaad Digaale
(Abwaan Qorane) oo ka soo galay Hargeysa. Waa laba nin oo si muuqata u
diiday gooni-u-goosiga Hargeysa yaalla, sida oo kalena aan hubo inaanay
raalli ku ahayn midnimada foosha xun ee Xamar taalla. Labadooduba waxa
ay maanta dhex joogaan oo ay xubno ka yihiin golahan aan awoodda badan
lahayn.
Marka laga tago Professor Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Xaashi
Cabdillaahi oo dadka badankoodu ay rumaysanyihiin in ay yihiin rag
midnimada aragti ahaan iyo aaminaad ahaan u rumaysan, inkasta oo
labadooda midkood anigu shakhsi ahaan aan dood ka qabo, ragga kale ee
siyaasiyiinta ah ee gabaygan magacooda aan ku daray iyo qaar kale oo aad u
badan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxa ay runtii u muuqdaan
niman xil-ku-joog ah.
159
aragtiyoodba hoggaan ahaan hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo aanay
aragti ka ahayn balse ay ku-adeegasho iyo maalin-dagaal ka tahay. Taasi
waxay keentay in siyaasigii Xamar xil ka waayaa uu Hargeysa ka soo jeesto
isaga oo quus muujinaaya, kii Hargeysa xil ka waayaana uu Xamar iska
xaadiriyo isaga oo dayro iyo diihaal muujinaaya. Maalmahan waxa runtii isku
qasmay oo la kala garan waayay qofkii aragti kugula doodaaya iyo kii manfac
adduunyo kugula doodaaya.
Aniga iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. April 26, 2022, Xamar.
160
Hargeysa midna aan xalka laga sugaynin, balse xalku uu ka iman doono Jilib
iyo Jamaame.
dhammaadkii 2021kii loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare. Waxa uu muddo Shan sannadood ah
igu metelaayay kursiga Wasiirnimo ee dawladda Soomaaliya.
166 Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Xildhibaan muddo dheer ah iyo Wasiir hore.
167 Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
168 Cismaan Abokor Dubbe, Wasiirka Warfaafinta iyo Senator loo doortay Aqalka Sare.
169 Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, aqoonyahan iyo Senator loo doortay Aqalka Sare.
161
Faallo:
Jaamac Maxamed Qaalib maanta oo ah April 26, 2022ka gelin dambe, ayuu ku
geeriyooday magaalada Jabbuuti. Waxa murugo gaar ah leh, markii aan
gabaygan qoraayay maanta gelinkii hore, Jaamac wuu noolaa. Waan ku
faraxsanahay in daqiiqadihii noloshiisa ugu dambeeyey aan aniguna
qoraayay wanaaggiisa iyo hal adagnimadiisa.
162
ahaa Soomaalidii sida xun uga gilgilatay duullaankii Xabashida ee
Soomaaliya sannadkii 2006dii, waxaanu ka mid ahaa Ururkii Dib-u-xoraynta
Soomaaliya ee lagaga dhawaaqay Asmara, Eritrea.
Jaamac Maxamed Qaalib, waxa uu ahaa nin adkaysi badan, iskoris ah, isagu
wax is baray, waxbarasho nidaami ah aan soo marin, balse ka dheereeyey
kuwii soo maray. Waxa uu ahaa nin xusuustiisu ay aad u heer sarraysay,
siyaasadda aragti cad ka lahaa, qalinkiisuna uu runta yaqaanay.
Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu sannadkii 2014kii soo saaray buuggiisa 'The
Ogaden Versus the Mythical Ethiopian Claim'. Buuggan waxa uu kaga
jawaabayaa buug sida Jaamac sheegey mar dambe isaga soo gaadhay oo
sannadkii 1977kii uu Jaamacadda Addis Ababa ku daabacay qoraagii
163
Itoobiyaanka ahaa ee Mesfin Woldemariam oo uu cinwaan uga dhigay
'Somalia: The Problem Child of Africa'.
164
Jaamac waxa uu ka hadlay nooca maamul ee waligiiba ka soo jiray gobolka
Soomaali Galbeed. Waxa uu yidhi "Madaxda maamusha gobolkan, waligood
dadkoodu may soo dooranin, balse waxa si madax-ka-taabasho ah u soo
magacaaba maamulka sare ee gumaysiga Itoobiya. Shuruudaha qofkan lagu
soo magacaabo waxa ugu muhiimsan in uu si rasmi ah ugu amar qaato una
hoggaansamo amarada iyo go'aamada Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya
ee gobolka Ogaadeen, Taliyahaas oo mar walba ah, qofkan run ahaan ka
taliya gobolka. Taliyahani waxa uu fulinayaa siyaasadda cadaadiska, dilka iyo
gumaysiga ku dhisan ee Itoobiya. Marka taasi dhacdo, dadku waxay ka
kalsooni baxaan madaxda Soomaalida ah ee gobolkan, ka dibna waxay taasi
soo dedejisaa in waji cusub la keeno, qofkii horena si foolxun meesha loo
dhaafiyo. Cahdigii Meles oo kaliya, gobolku waxa uu yeeshay ilaa Labaatan
Madaxweyne-kusheeg oo kolba mid la tuuray".
Jaamac xusuusta ayuu mar kale dib u celiyay. Waxa uu yidhi "sannadkii
1967kii ayuu Raysalwasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
waxa uu isku dayay in uu qaboojiyo xiisadda siyaasaddeed ee labada dal.
Cigaal waxa uu go'aankan qaatay iyada oo dadka Soomaalida ahi ay shaki
weyn ka qabaan sida Itoobiya ay arrinta daacad uga noqon karto.
Wadahadalo arrintan ku saaban ayaa xuduudbeenaadka Waqooyiga
Jamhuuriyadda iyo gobolka Ogaadeen waxay ku dhexmareen saraakiil
maamul oo labada dhinac ka socday. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii
Jamhuuriyadda ku metelaayay wadahadalka. Waxa na hoggaaminaayay
Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaalida u fadhiyay Itoobiya.
Maalintii kulanka ugu dambaysay ayaa qado lagu sameeyey dhinaca kale ee
xuduudbeenaadka ee Itoobiya. Markii qadadu soo dhammaatay ayuu roob
soo daatay, ka dibna baabuurta ayaa la soo galay. Baabuurtii Itoobiyaanka
waxa gudaha raacay saraakiishii Itoobiyaanka ahaa, waliba kuwii lagu
sheegey in ay xilal hoose hayaan, kii Soomaaliga ahaa ee la lahaa waa Ku-
Xigeenka guddigan wadahadalka, gaadhigii ayaa ka buuxsamay, ka dibna
dusha sare ayuu fuulay, halkaas oo uu roobku ku helay, kuna qoyay. Sababtu
waxa weeye, isagu Itoobiyaan maaha, xilkan lagu magacaabayna waa magac
uune, maamuus iyo awood midna malaha".
165
Aniga iyo Jaamac Maxamed Qaalib. January, 2022, Xamar.
166
Koonfurta Jamhuuriyadda ay xukumaysay dawladii Wasaayda Qaramada
Midoobay ee Talyaanigu, waxa dhalinyaro kooban oo Soomaali ah loo qaaday
dalka Talyaaniga si ay u soo qaataan tababar militari. Boqorkii Itoobiya ee
Haile Selassie, waxa uu abaabul ka bilaabay dawladaha reer Galbeedka
dhexdooda, isaga oo ka codsanaayay in dawladda Soomaaliyeed ee
mustaqbalka dhalan doontaa, marnaba aanay yeelanin wax ciidamo militari
ah. Iyaga oo fulinaaya damaca iyo rabitaanka Itoobiya; qaar ka mid ah
dawladaha reer Galbeedku, waxay Soomaalida u sheegeen, in dawladdooda
mustaqbalku aanay awoodin dhaqaale ahaan in ay dhistaan ciidamo militari.
Cabdillaahi Ciise oo ahaa Raysalwasaarihii dawladdii daakhiliga ahayd; waxa
uu ku dadaalay in uu qariyo waxa ay Soomaalidu damacsanyihiin ilaa
maalinta xorriyadda la qaadan doono lagu dhawaaqo. Markii Qaramada
Midoobay ay ku dhawaaqeen maalinta xorriyadda; saraakiishii ugu horraysay
ee loo tababaro ciidamada militariga Soomaaliya ayaa laga soo wareejiyay
booliiska. Raggaas waxa ka mid ahaa Maxamed Faarax Caydiid iyo
Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Raggaasi waxay udub dhexaad u noqdeen
dhismaha ciidamada militariga Soomaaliya. Waxaana si rasmi ah loo asaasay
ciidamada militariga ee Soomaaliya bishii April 12, 1960kii. Waa xilli aan wali
xorriyadda la qaadanin.
167
diideen in ay siiyaan xattaa hub ku filan in ay Soomaalidu isku difaaci karaan
oo kaliya. Raysalwasaarihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isaga
oo ciidamada Soomaaliya u raadinaaya kaalmo ciidan, waxa uu safar ku tagay
sannadkii 1962kii caasimadaha reer Galbeedka ee Washington, London, Bonn
iyo Rome. Dawladahaasi, waxay si wadajir ah Soomaalida ugu oggolaadeen
kaalmo kooban oo si fudud loogu qalabayn karo ciidamo aan ka badnayn
5,000 oo askari. Kaalmadaas kooban waxa shuruud looga dhigay inaanay
Soomaalidu, marnaba dawlad kale waydiisan karin wax kaalmo militari ah.
Xilligan loo diiddanyahay in Soomaaliya ciidan ay isku difaacdo ay
samaysato, Itoobiya waxay lahayd 30,000 oo militari tababaran ah oo joogto
ah iyo kumannaan aan joogto ahayn oo hub nooc walba ah ka hela reer
Galbeedka gaar ahaan Maraykanka. Raysalwasaare Cabdirashiid Cali
Sharmaarke wuu ka biyodiiday soojeedinta reer Galbeedka, waxaanu
Soomaaliya u hoggaamiyay dhinaca Midawgii Soofiyeeti, kuwaas oo hub
nooc walba ah iyo tababar nooc walba ah siiyay Jamhuuriyaddii Soomaalida.
Itoobiya, waxay reer Galbeedka ugu jirtaa, marka laga halaayo arrimaha
Bariga Afrika, mid la mid ah kaalinta ay Israel ugu jirto siyaasadahooda
Bariga Dhexe. Sidaasidaraaddeed; burburkii Jamhuuriyadda ka dib; Itoobiya
waxa ay fursad wanaagsan u heshay in ay si walba u walaaqdo arrimaha
gudaha ee Soomaaliya. Itoobiya waxa ay ku qanacday inaanay aamusiin karin
baaqa gobannimadoonka ah ee Soomaali Galbeed, haddii ay dhisanto dawlad
dhexe oo Soomaaliyeed oo awood leh. Sidaasidaraaddeed, waxay Itoobiya
awooddeeda oo dhan isugu gaysay inaanay marna dawladi ka dhismin
Soomaaliya. Iyada oo qorshahaas fulinaysa; Itoobiya waxa ay si joogto ah hub
kala duwan ugu qaybin jirtay dhinacyada ku loollamaayay siyaasadda
gudaha ee Soomaaliya. Tusaale ahaan:
168
kale, Itoobiya waxay hub iyo rasaas ku taageertay hoggaamiye
kooxeedyadii isbahaysigii SNF (Somali National Front) sannadkii
1997kii iyo Cabdillaahi Yuusuf, sannadkiii 2000.
169
waxaana cunaqabatayn la saaray dawladda Eritrea oo aan wax farogelin ah
ku haynin arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
170
Markaa, Baarlamaan weyn oo hoose ha yeeshaan reer Koonfureedku iyo
dawladdooda u gaarka ah (tirada Baarlamaankooda hoose iyo haddii ay
maamulgobolleedyo isu sii qaybinayaanna, iyaga ayaa go’aankeed leh), reer
Waqooyiguna Baarlamaan u gaar ah ha yeeshaan iyo dawlad u gaar ah. Qolo
waliba waxooda iyaga ayaa gaar u yeelanaaya, (iyaga ayaana
maamulanaaya).
171
Wixii aan intaas ahayn; labada dawladood, arrimahooda gudaha iyaga ayaa
ka masuul ah. Tusaale ahaan, Baarlamaan hoosaadyada labada dawladood
iyaga ayaa ridi kara Madaxweyneyaashooda, dawladda Federaaliga ahina
shaqo kuma laha, mana farogelin karto. Anigu sidaas ayaan aaminsanahay,
waxaan se dhalinyarada ku dhiirrigelinayaa in wax la soo qoro oo wax intaa
dhaama la keeni karo, waanan soo dhawaynayaa”.
170 Muuse Biixi Cabdi, waxa uu markan ahaa Madaxweynaha Somaliland. Waxa uu diiday in uu ka
qayb galo aaska Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib. Muuse waxa uu ahaa nin maamul ahaan iyo
hoggaan ahaanba liitta. Gabaygu waxa uu ku sifaynayaa in uu ahaa duryan ururay (muran ururay).
171 Sababta aan gabayga Daxayii Madoobaaday ugu bixiyay waxa weeyaan, Jaamac waxa uu ugu
nolol dambeeyey dad Soomaali ah oo haldoor ah oo run sheegnimo, waddaniyad iyo karti badan loo
qirsanyahay.
172
Duugoobi maayee xaqbaan; dabada haystaaye,
Dagaalladan Itoobiya ka dhacay; waa digniin adage,
Ilaahay docdoodiyo faruur; degelladoodiiye,
Dabiib wixii nafluhu moodi jiray; daawo noqon waaye!
Digashada kuwii loo ogaa; daaye hadalkiiye,
Ummadihi la duudsiyay ka kace; degelkii ceebeede,
Dirir iyo colaad loo dhaqaaq; labada daaroode,
Dulmigii fogaadiyo nabsigu; dacalka soo saarye!
37. Goobyaal
Khamiis, June 16, 2022
Professor Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu sannadkan 2022ka soo saaray
buug cusub oo magaciisa uu u bixiyay ‘Framing Somalia: Beyond Africa’s
Merchants of Misery’. Waa buug uu kaga hadlaayo sida xaaraan-ku-
naaxnimada ah ee kooxo isugu jira siyaasiyiin, hay’ado, safaarado,
cilmibaadheyaal iyo dawlado shisheeye ay uga macaashaan silica iyo hoogga
ka jira Soomaaliya. Samatar buuggiisan, waxa uu daadifaynayaa in
dhibaatada Soomaalidu ay tahay ‘qabiilka ama abtirsiimada’, waxaanu
dooddiisa ku difaacayaa in dhibaatadu ay tahay ‘hoggaan xumo’. Waxa uu
dooddaas markhaati uga doonayaa sooyaalka taariikheed ee dawladnimada
Soomaalida. Sidaasidaraaddeed, Samatar, waxa uu buugga si adag u
eedaynayaa aragtiyaha ku saabsan dadka Soomaalida ah ee uu faafiyay I.M.
Lewis. Ka dibna waxa uu daadifaynayaa dadkii iyo hay’adihii
cilmibaadhiseed ee aragtida Lewis ku qancay ee sii qaaday ee ay ka mid
ahaayeen Matt Bryden (1999), Hellander (1998), Bradburry (2008),
International Crisis Group (2006), Menkhaus (2006) iyo Mary Harper (2012) oo
dhammaantood salka dhibaatada Soomaalida ku tilmaamay ‘qabiilka’. Waxa
uu si adag u diidayaa sida ay reer galbeedka iyo aqoonyahankoodu wax uga
qoraan arrimaha Soomaaliya, waxaanu ayidayaa in qoraalladaasu yihiin wixii
mar dhexe loo bixiyay ‘Caddaan Studies’, loona baahanyahay in
aqoonyahanka Soomaaliga ahi uu indho kale iyo adduun-arag kale ku eego
dhibaatooyinka Soomaaliya iyo xalkooda.
173
‘Framing Somalia: Beyond Africa’s Merchants of Misery’.
174
Samatar, waxa uu si aad u dhiirran uga hadlayaa doorkii culimada
Soomaalida ee geeddisocodkii iyo noloshii ummadda. Waxa uu ka hadlayaa
sababihii keeney in ay Xamar ka abuurmaan Midawgii Maxaakiimta
Islaamka. Waxa uu si adag u dhaleecaynayaa duullaankii Itoobiya ee
Soomaaliya oo Maraykanku uu maalgeliyay. Waxa uu dhagar-taariikheed
ugu yeedhayaa kala-jabkii ku yimid Maxaakiimtii Islaamka. Waxa uu
hoggaan xumo iyo karti la’aan ku eedeynayaa raggii kursiga qaatay ee
dhalinyaradii dagaallamaayay iyo raggii furimaha dagaalka joogay ee
Itoobiya dalka ka difaacay la tashan waayay ee cidlada kaga dhaqaaqay.
175
Raysalwasaaraha iyo ku-xigeennaduna waa la mid oo waxay qaadanayaan
40% mushaharkii ay qaadan jireen markii ay kursiga ku fadhiyeen. Sida oo
kale, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka ee xilka ka degay waxay
qaadanayaan gunno lacaggeed oo gaadhaysa 40% lacagta mushaharka ah ee
ay qaataan Guddoomiyeyaasha kursiga ku fadhiya, ku-xigeennadooduna waa
la mid. Sidaa si la mid ah; Wasiirka xilka ka degay waxa uu qaadanayaa
gunno lacaggeed oo gaadhaysa 40% lacagta uu qaato Wasiirka kursiga ku
fadhiya. Xildhibaanka Baarlamaanka ka tirsanaa ee xilka ka degay waxa uu
isaguna qaadanayaa gunno lacaggeed oo gaadhaysa 40% mushaharkii uu
qaadan jiray markii uu kursiga ku fadhiyay. Intaas waxa sii dheer daryeel
kale oo badan oo siyaasiyiintaasi ay heli doonaan oo ay ka midyihiin dhul ay
degaan, ama guri, gaadiid, shaqaale, daryeel caafimaad iyo sugidda
ammaankooda ah. Xattaa waxa ku jira in alaabta guriga laga beddelo
dhawrkii sannadoodba mar iyo lacagta aaska oo la bixiyo haddii uu dhinto
iyo xaasaskiisa iyo carruurtiisa oo ay gunnadu u sii socoto inta xeerku
oggolyahay.
176
Hindise-sharciyeedka Siyaasiyiinta Dawladda.
content/uploads/2016/02/Exit-Strategy-Challenges-for-the-AU-Mission-in-Somalia.pdf.
177
oo Qaramada Midoobay ay meelmariyeen. Waa hawlgal hadda ka kooban ilaa
22,000 oo askari oo ka kala socda dalal ay ka midyihiin Uganda, Burundi,
Kenya, Ethiopia iyo Djibouti. Bishii October, 2011kii, ku dhawaad 6,000 oo
askari oo Kenyan ah, ayaa soo galay gudaha Soomaaliya, waxaana bilawday
hawlgalka ay u bixiyeen Linda Nchi ‘Ilaalinta Qaranka’. Markii dambena
ciidamada Kenya waxay magac ahaan ku biireen hawlgalka nabad ilaalinta
Afrika ee AMISOM. Waxa iyaduna mar dambe AMISOM magac ahaan ku
biirtay Itoobiya oo ay ciidamadeedu iska joogeen qaybo badan oo Soomaaliya
ka mid ah. Dhammaadkii March, 2022ka, hawlgalka AMISOM waxa loo sii
beddelay hawlgalka kumeelgaadhka ah ee ATMIS, waxaana la siiyay sannado
kale oo dheeraad ah oo ay Soomaaliya iska sii joogi karaan.
178
Goobyaalay laylkii intaa; gama’ u jiifteene,
Garbaduub markii lay xidhxidhay; waa gadood dhabahe,
Gudashada xilkaygii waxaan; goobayaa badane,
Hadba geeddi iyo meel fogbaan; gabay ku sheegaaye,
Gurmad raagay iyo ciidanbaan; gabagabeeyaaye,
Guubaabadii kalama hadhin; maalin gelinkeede!
kasta oo agtayda joogayna uu u maleeyey inaan geeri u dhawahay. 72 saacadood ka dib, ayaan
dunida ku soo laabtay. Waan fahmay in ay ahayd farriin xagga sare ka timid.
175 Reer Galbeedka iyo Reer Bariga.
176 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Waxaan halkan ku xusayaa dagaalka uu Ruushku ku
179
Wali gaylankiibay wadaan; geyshkii Falastiine!
38. Xidaar
Arbaca, September 14, 2022
178 Dagaalkii Daalibaan iyo Maraykanka. Gunaanadkii dagaalkaasi waxa uu noqday in labaatan
sannadood ka dib uu Maraykanku iskaga baxo Afghanistan, xukunkana ay la wareegaan Daalibaan.
179 Taallooyinka xusuusaha leh ee ka taagan daafaha caalamka, badankooda waxa lagu xusuustaa
180
Anigu waxa aan ka mid ahay dhalinyaro reer Waqooyi ah oo aragti ahaan u
janjeedha dhinaca midnimada. Anigu qof ahaan uma janjeedho midnimada
balse waan aaminsanahay si dhammaystiran. Ilaa Dugsigaygii Sare ee
Maxamuud Axmed Cali ee sannadkii 2011kii ayaa arrintaas markhaati saaxiib
iyo mid suugaaneedba loo hayaa. Aragtidaydu sidaas ayay u caddayd mar
walba iyo meel walba. Sannadkii 2016kii ayaan tiriyay suugaanta ugu badan,
uguna caansan ee midnimo ku saabsan. Ka dibna, 2017kii ayaan tagay Xamar.
Xilligan si aan uga fogaado tuhun kasta oo dan shakhsi ah loo malayn karo,
waxa aan shaqo ka bilaabay mid ka mid ah xarumaha gaarka loo leeyahay ee
Xamar ku yaalla, aniga oo Madaxtooyada, Wasaaradda Qorshaynta iyo
Baanka Dhexe oo shaqooyin layga siiyay saddexdaba ka cudurdaartay, markii
dambena Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan macallin ka noqday,
aniga oo takhasuskayga aqooneed kaashanaaya. Hankaygu waxa uu ahaa
inaan dad soo saaro. Ardaydaydii ayaa joogta oo markhaatiga ii furi doona.
Sida la wada fahmi karo, Hargeysa iyo tolkay waxa aan agtooda ka ahay
qarandumis, horeba waan u ahaa, sababta oo ah aragtida siyaasaddeed
ayaanu ku kala duwanahay, waana wax la sababayn karo. Haddaba,
dhalinyarada reer Koonfureed qaarkood ee aan Xamar ku arkay, way ka
arradanyihiin milgaha iyo qaayaha nolosha, waliba iyaga oo afka ka sheegta
in Soomaaliya ay midaysantahay oo aanay kala go’in. Waxa ay jecelyihiin ama
ay ku riyoodaan in sida ay iyagu wax u arkaan wax loola arko, haddii kalena
ceebayn, cay, aflagaado, ka been abuurasho aan xishood iyo xad midna
lahayn iyo edebdarro heerkeedan ugu sarraysa ayaa kuu diyaar ah.
181
Xeerbeegtideennii la waa; xaakimka ahayde,
Xagjir iyo xaggeer jiraba waan; helay xogtoodiiye,181
Adigaan xilkii maansadiyo; dooddan kuu xulaye,
Xeeldheerihii ereyga iyo; Xaashi182 baad tahaye!
181 Xagjir, calmaani, dabadhilif, gaaloraac iyo nooc kasta oo hoggaanka Soomaalida ka mid ah waan la
sheekeysto qaarkood.
182 Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
183 Magaaladaydii Hargeysa.
184 Deegaanka Xaaxi waxa I jeclaysiiyay reer Cali Cabdillaahi oo aanu Hargeysa deris ku ahayn iyaga
oo markaa Xaaxi ka soo guuray. Waxa aanu sida oo kale dugsiga Qudhacdheer isku fasal ahayn
Cabdixakiin iyo Muxiyaddiin oo ahaa ila Cali Cabdillaahi. Waxa aan aad u jeclaan jiray inaan mar
safar ku tago Xaaxi.
182
Xansheerkii dhallaannimo miyaan; xiise kula ooyay?
Faallo:
Nin ka mid ah hoggaanka siyaasaddeed ee dalka horena u ahaa Xildhibaan
ayaa sannadkii 2020kii, waxa uu isaga oo la hadlaaya Raysalwasaare-ku-
xigeenkii Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo reer Waqooyi ah waxa uu
yidhi “ciirtaada dhame, ayaa caydaada yaqaanna”. Waxa uu hadalkani daba
socday, Mahdi Guuleed oo loo arkaayay in uu yahay nin ciirta Xamar dhama,
Xamarna jooga. Anna waxa aan rumaysanahay in waxa gaaladu Xamar
183
keento ee lagu soo dawarsado magacii la xumeeyey ee Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed ee reer Waqooyiguna ay ka mid ahaayeen, inta badan ee waxaa
la soo dawarsado Xamar lagu cuno. Sidaasidaraaddeed, ciir badani ay reer
Waqooyiga ka maqantahay, balse aanay Mahdi Guuleed iyo inta la midka ahi
aanay marna dhamin ciir Xamar leedahay.
39. Hiirtaanyo
Jimce, September 23, 2022
Cumar Cali Xassan Geelle (Seerbiya), waxa uu sannadkan 2022ka soo saaray
buuggiisa cusub ee Fan iyo Fannaan. Waa buug uu si farshaxan ah ugu
ururiyay sooyaalkii Soomaalida ee fanka casriga ah ugu yaraan boqolkii
sannaddood ee ugu dambeeyey. Buuggaasi waxa uu helay taageero shacab
iyo soo dhawayn wanaagsan. Caawa oo aan gabaygan qoraayo waxa uu
joogaa magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu kaga qaybgalaayo madal
akhriska iyo qoraalka fanka lagu dhiirrigeliyo.
184
Aniga iyo Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
February, 2022. Xamar, Soomaaliya.
Muddadii aan Xamar joogayba, aniga iyo Cumar waanu wada degganayn
inta badan. Isaga qolkiisa waxa u yaallay kaban anna waxa ii yaallay qori AK-
47 ah. Isagu waxa uu bartaa garaacista kabanka, anna waxaan curiyaa gabayo
halgan-u-eekayaal ah. Sida oo kale, ugu yaraan toban jeer ayaan Cumar ku
halqabsaday dhawrkii sannaddood ee ugu dambeeyey, walina waan sii
wadaa ku halqabsigiisa. Waxa ka mid ah gabayada aan ku halqabsaday:
1. Garnayl, 2015kii
Cumaroow187 gardaadshaha fankoow; gacalkayoow heedheh,
Gu’gan iyo gu’gii hore ma tirin; geeddi maasada’e,
Mar haddii halyay soo guntada; goobta laga waayay,
Aan gabayadaydii furfuro; waa geddaan rabaye!
2. Baraarug, 2017kii
Cumaroow188 haldoor buuxa iyo; baarri baad tahaye,
Baydariga aan waaban iyo; buunibaad tahaye,
Nin Banaadir joogaan ahiyo; xeebihii bariye,
Bulshadiyo dadkaygii hadduu; Mawle kugu beego,
Inta aad bariidiyo salaan; bilicsan gaadhsiiso,
185
Baydkaan ku sii faro u gee; waan ballamaynaaye!
4. Sooyaal, 2019kii
Cumaroow190 adaa soconayee; waan silloonahaye,
Saarkiyo qaraamigu aday; farax ku siiyaane,
Sannad waanigii aamusnaa; ina saluugteene,
Sababahana waataa wax badan; iga sugayseene,
Waxay taladu wali saarantahay; saymo iyo hooge,
Waa surin cidhiidhyoon waxaad; igu sabaysaaye,
Sahan been ma sheegee ragbaa; diiday samihiiye,
Waxaan shalayto saadaaliyaa; saaka aragteene,
Aniguna sidii aad ogayd; saahid baan ahaye!
5. Garmaqaate, 2020kii
Cumaroow191 muddaan garashaday; doortay goonida’e,
Dhaaxaan dadkoo gama’sanaa; ciil is gawracaye,
Nin gargaar u baahdaan ahiyo; garabsigaagiiye,
Alleylehe geddii aan rabaad; galabta joogtaaye,
Aniguba gu’yaal baan tashiga; diiday gogoshiiye,
Guubaabadii Maxamed192 iyo; gabayadii Xaashi,193
Gaacayte194 iyo Dhuulle195 iyo; laxammadii Goobbe,196
186
Marbaan heesihii ina Giriig197; dib u garaacdaaye!
6. Dibadwareeg, 2021kii
Cumaroow198 dad lama caasiyee; deeqsibaad tahaye,
Waxaad tahay nin diiwaanno badan; iigu daabacane,
Dulmigiyo waxaad tahay nin aan; duudsi qaayibine,
Inkastoon diraac hore farriin; debecsan kuu dhiibay,
Dahab laguma miisaami karo; arartii Duufaane,199
Waa dardaaran waayeel waxaan; kuu dulmarayaaye,
Damqashadan xanuunka leh adaan; kuu dunuunucaye,
Degmadaad ogayd lagama rarin; damacna waa kiiye,
Mar haddii dalkeenii dhammaa; cadaw ku soo duulay,
Duco iyo wax sheeg iyo haddii; samihi duugoobay,
Digniinta iyo waanada haddii; dayro laga keenay,
Doorkii nin ragi qaadan jiray; daayacbaa galaye,
Digarogasho waa lamahuraan; maalintii darane!
Durbaanka iyo heesaha marbaa; la iska daayaaye,
Aniguna dareenkii cuslaa; kuugu duurxulaye!
7. Dhaxalreeb, 2022ka
Cumaroow200 adaan kuu dhildhilay; dhuuxa maansada’e,
Inkastoon dhextaal hore farriin; badiba kuu dhiibay,
Dhagahaaga dooddaan lahaa; kuuma dhaadhicine,
Dar Allaan u dhaartaye haddaan; galawgu dhiillaabin,
Nin kastoo I dhaawacay haddaan; tiisu dhicisoobin,
Waxaan hadal u sii dherersadaa; wayska dhalanteede,
Mar haddaan xaqqaa dhumucda weyn; dhab uga faallooday,
Dhaxalreeb waxaa iigu filan; dhicinta Maandeeqe!201
8. Maageer, 2022ka
Cumaroow202 ujeeddada murtida; gabaygu waa meele,
Alleylehe midnimadaad ogayd; la isku maandhaafye,
Muddo waxaan isaga aamusnaa; murugtay hawshiiye,
Anigana muraadkaygu waa; sidigtii Maandeeqe,
Han aan cidiba muunaynin baan; meeyey leeyahaye,
Hadba muusanawgiyo tixdaan; soo mir kacayaaye,
2018kii.
200 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
201 Xorriyadda Soomaalida iyo midnimadeedii 1960kii ayaa loo bixiyay Maandeeq.
202 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
187
Madalootibaa203 noogu weyn; magaca reer Sheekhe,204
Waa murannadii Saalax205 iyo; midhihii gaabnaaye,
Maareeye206 iyo Xaashibaa207; talo la moodaaye,
Maahmaahihii ina Dubbaa208; kuu markhaatiyahe,
Wuxuu Samatar209 meehaabayaa; marin cidhiidhyoone!
9. Goobyaal, 2022ka
Cumaroow210 guhaad lagama karo; ruux la gaasiraye,
Alleylehe galiilyada wakhtigu; gaadhay halistiiye,
Gacantaba wax iiguma jiraan; labada geesoode,
Adigoon gardiid ii malayn; gaabisbaan ahaye,
Waa kaa gu’gaygii cimrigu; soo gabaabsiyaye,211
Goobyaalay laylkii intaa; gama’ u jiifteene,
Garbaduub markii lay xidhxidhay; waa gadood dhabahe,
Gudashada xilkaygii waxaan; goobayaa badane,
Hadba geeddi iyo meel fogbaan; gabay ku sheegaaye,
Gurmad raagay iyo ciidanbaan; gabagabeeyaaye,
Guubaabadii kalama hadhin; maalin gelinkeede!
dhammaadkii 2021kii loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare. Waxa uu muddo Shan sannadood ah
igu metelaayay kursiga Wasiirnimo ee dawladda Soomaaliya.
206 Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Xildhibaan muddo dheer ah iyo Wasiir hore.
207 Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
208 Cismaan Abokor Dubbe, Wasiirka Warfaafinta iyo Senator loo doortay Aqalka Sare.
209 Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, aqoonyahan iyo Senator loo doortay Aqalka Sare.
210 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
211 Meeriskan ‘Waa kaa gu’gaygii cimrigu; soo gabaabsiyaye’, ilaa saddex jeer ka badan ayaan qoray oo
aan haddana masaxay. Waxa aan ka baqday in uu guhaan igu noqdo, haddana, maadaama aan u
jeeday in cimrigii la yaqaannay ee Aadamaha aan kala badh soo gaadhay, waxa aan doonaayay inaan
muujiyo in carruurnimo, dhayalsi, dhalinyaronimo iyo madadaalo ay dhammaantood
dhammaadeen. Sidiisa ayaan u daayay oo gabaygaba meeriskan ayaa udub dhexaad u ahaa. Markii
aan gabayga dhammeeyey, waan xanuunsaday. Waxa aan u xanuunsaday si aanan waligay hore u
xanuunsanin. Wakhti ka badan 72 saacadood ayaan u eegaa sidii qof miyir doorsoomay oo kale, qof
kasta oo agtayda joogayna uu u maleeyey inaan geeri u dhawahay. 72 saacadood ka dib, ayaan
dunida ku soo laabtay. Waan fahmay in ay ahayd farriin xagga sare ka timid.
212 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
188
Xagjir iyo xaggeer jiraba waan; helay xogtoodiiye,213
Adigaan xilkii maansadiyo; dooddan kuu xulaye,
Xeeldheerihii ereyga iyo; Xaashi214 baad tahaye!
213 Xagjir, calmaani, dabadhilif, gaaloraac iyo nooc kasta oo hoggaanka Soomaalida ka mid ah waan la
sheekeystay qaarkood.
214 Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
215 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
216 Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo August 18, 2022ka ku geeridooday laguna
aasay magaalada Hargeysa. Hadraawi waxa uu ahaa nin guud ahaanba dadka Soomaalida ah dhaxal
ballaadhan uga tagay. Sida oo kale waxa uu saamayn weyn kaga tagay guud ahaan adduunka fikriga
ah ee aragtiyaha Hadraawi ka dhimbiil qaatay ee uu magaciisu ku baahay. Sida oo kale, waxa uu
ahaa nin dhiirrigelin badan, jecel in dadku koraan oo ay halyeeyo cusubi dhashaan, rumaysan in
noloshu qori isu dhiib ay tahay. Waxa uu ahaa nin aaminsan in dhalinyaradu ay doorkooda nololeed
189
Sidaasay ifkii kaga hoydeen; hannaddadeenniiye,
Way kaa hayaameen raggii; heeganka ahaaye,
Hogga iilka iyo aakhiray; kaga horreeyeene,
Heec iyo magaanbaa u hadhay; haybta nololeede,
Hanti urursi iyo tuugannimo; la isku haaraanye,
Hiyyi been ah mooyee la waa; han iyo maamuuse,
Hoodaale kii loo ogaa; soo hadhgeli waaye,
Waxaan ahay haldoorkii nabsigu; geeyey heegada’e,
Waxaan ahay nin hiil iyo wax sheeg; loo han weyn yahaye,
Hoobaanta iyo luuqdu waa; hibo Ilaahay’e,
Hoobeeyda geeraarradaa; laygu soo habaye!
gutaan, kaalintoodana ay buuxiyaan. Hadraawi waxa uu ahaa nin adkaysi badan, hal adayg ah, sida
oo kalena aaminsan in qofku waxa uu rumaysanyahay uu ku dheggenaado oo uu ku samro. Waxa uu
ahaa nin dulmiga neceb, gobanniimadana jecel.
217 Gobannimadii Soomaalida iyo dawladnimadoodii.
190
40. Qaamuus
Jimce, November 18, 2022
Bilawgii bishan November, 2022ka ayaan safar ku tagay magaalada Kigali iyo
magaalooyin kale oo ku yaalla dalka Rwanda. Waxa uu ahaa kulan dawladda
Sweden ay soo qabanqaabisay oo ay ku kulmayeen qaar ka mid ah
jaamacadaha Saxaafadda lagu barto ee ku yaalla Bariga Afrika. Waxaanu
halkan ku kulannay rag iyo dumar bareyaal jaamacaddeed ah oo ka socday
jaamacado ku yaalla dalka Itoobiya. Sida oo kale, waxa kulanka la isku bartay
qaar ka mid ah maamulka jaamacadaha ku yaalla Rwanda.
Waxa si kooban noogu jawaabtay gabadh. Gabadhu koob Khamri ah ayay soo
qaadatay. Waxay xidhantahay maro yar oo gaaban oo meel aad u korraysa oo
bawdyaheeda ah joogta. Koobkii Khamriga ahaa ayay saartay labadeeda
bawdo dhexdooda oo qaawan. Naasuhu way qaawanyihiin, timuhuna waa
sida oo kale. Waa Xabashiday ka timid Jaamacadda Bahir Dar ee caasimadda
maamulka Xabashida. ‘Wixii la idinka caawin karo, waanu eegaynaa’ ayay
tidhi, kulankiina wuu dhammaaday. Ninka halkan caawa fadhiyaa waa aniga.
Markii dalkaygu jabay, ayaan aniguna jabay.
191
macallimad gabadh ah ama macallin nin ah, waxa aan se u fahmay
macallimad gabadh ah. Ma hubo).
Hooyadii wiilkaa yar dhashay ayaa loo sheegey warkaas. Hooyadi waxay
amartay in wiilkeeda xeebta Boosaaso la geeyo oo todoba jeer biyaha badda
lagu soo maydho, marka ugu dambaysana ciid iyo biyo lagu maydho.
Bal hooyadaas eeg, bal anigana I eeg. Markii dadkaygu jabay, ayaan aniguna
jabay. Halkan ayuu ka curtay gabaygan Qaamuus.
192
Haddii aad qiraal iyo war iyo; aarsi qabanayso,
Qormo nabad ah kuma seexateen; qaaraddii Yurube,
Quddus iyo dhulkii aan lahaa; kuma qaxweeyeene,
Waxba qiimaheennii lumiyo; qiil ha daydayine,
Qudh la waayo iyo geeridaba; waad ku qanacdaaye,
‘Qasrigii Caddaa’220 iyo haddaan; teennu kala quusan,
‘Qaramada Midoobiyo’ haddaan; qaylo lagu daalin,
Qosol been ah mooyee haddaan; runi qadhaadhaanin,
Qori caaradiisiyo haddaan; qalinku noo hiilin,
Qarni tagay warkiisii haddaan; qaaddi ka adeegin,
Qabqab iyo isyeelyeel haddaan; lagu qasaaroobin,
Qamuunyada nin faashaday haddaan; ciiddu qarin waayin,
Qaniinyada gumaysiga haddaan; qaatil ka adkaanin,
Qassab laguma waayee haddaan; dhiiggu sii qubannin,
Qab la sheegto iyo muusanaw; waa qaraar jabaye,
Qalcadaha adkee waranku yuu; kaa qalloocsamine!
41. Caloolyaw
Isniin, November 28, 2022
Magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dhulka Somaliland,
waxa todobaadyadii la soo dhaafay lagu xidhxidhay dad tiradoodu ay boqol
qof ku dhawdahay oo lagu soo eedeeyey in ay ka mid yihiin dadka
caadaystay ama faafiya dhaqmada xun-xun ee qawmu-luudka. Waa
dhaqanka laba nin oo wax-is-mooda ama laba naagood oo is hungureeya.
Dadka la eedeeyey waxa ka mid ah dad bulshada dhexdeeda aad looga
yaqaanno. Waxa la tuhunsanyahay marar badan oo horena la xaqqiijiyay in
hay’ado shisheeye oo adeegsanaaya shakhsiyaad gudaha joogaa iyo xarumo
magaalooyinka ku yaalla ay mashaariicda noocaas ah maalgeliyaan oo ay
lacago ku bixiyaan. Waxa jiray dad aafadan mar hore ku baraarugay, balse
xadhig iyo dhibaato loo gaystay. Waxa maanta Hargeysa ku xidhan
Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo arrimahan ka digistooda mar hore
bilaabay, balse arrintaas aawadeed marar badan loo dhibaateeyey. Waxa sida
oo kale dhawaan Hargeysa iskaga guuray oo Al Shabaab ku biiray Sheekh
Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan-Sunne) oo sannadihii ugu
dambeeyey marar kala duwan Hargeysa lagu xidhay, isaga oo si aad ah uga
hadli jiray faafinta xumaanta ee lacagta badan lagu maalgelinaayo.
193
nuxur ahaan intaa ka ballaadhan. Waa xeer aan kufsiga la dagaallamaynin,
balse xumaanta iyo sinada fasaxaaya, sida culimada iyo dadka caqliga lihi
isku raaceen. Sacdiya Salaad Samatar waxa ay dhaar ku martay in xeerkaa la
ansixin doono ama ay gaaloobi doonto dalkana ay iskaga tagi doonto. Waxa
aan aaminsanahay, ha loo cudurdaaro, waxa ka cadhaysiiyay ha la eego,
iyadana runta ha loo sheego, fasahaadkana ha looga nasteexeeyo, haddii ay
diiddana abaalkeeda ha la mariyo oo ha la dilo. Dilka ayaa ka wanaagsan
fidnada iyo fasahaadka.
Waxa kale oo dalka oo dhan aad ugu faafay gaalaysiinta dadka, noocyada
kala duwan ee diinlaawenimada, daroogada iyo waxa loo bixiyay isdhexgalka
diimaha oo marar kala duwan shirar loogu qabtay magaalooyin ka mid ah
dalka iyada oo ay hay’adaha shisheeye dabada ka riixayaan. Su’aal ayaa
markaa hortaada imanaysa. Marka aad aragto dalkaagii oo waxa noocaas ah
lagu faafinaayo, waxbana aanad ka qaban karin oo kuwii kaa horreeyeyba
xabsiyada lagu illaaway, kuwa faafinaya ee hor boodayaana ay yihiin kuwii
xilka ummaddeed iyo masuuliyadda hayay, aan su’aasha ku waydiiyee: jidka
kuu bannaan ee aan dagaal iyo balaayo ahayni muxuu yahay? Haddii jid kale
jiro, adigu jidkaa raac, balse anigu jid kale waan waayay.
194
Ceeryaamadii subax haddaan; fule ku ceeboobin,
Caddaankiyo madawgaba haddaan; ciirsi laga waayin,
Haddii aan ‘Mataankii Casaa’221; cudud la waydiisan!
42. Maandeeq
Khamiis, December 15, 2022
221 Aqalka Cas ee looga taliyo dalka Ruushka – Kremlin. Waxa aan mataan ugu sheegey waxa weeye,
waxa isaguna jira Aqalka Cad (White House) ee looga taliyo dalka Maraykanka. Markaa Aqalka Cad
iyo Aqalka Cas waa mataano.
222 Cumar Maxamed Axmed (Cumar Cadami). Saaxiib iyo walaal hiil ah maalinta adag.
223 God ka mid ah godadka Dayaxa. Waa god la yidhaahdo waxa dhasha ninka geesiga ah ee calool-
195
Maandeeq waxa loo bixiyay gobanniimadii Soomaalida iyo calankii gobollada
qaarkood ay qaateen sannadkii 1960kii. Maandeeq waa astaan gobanniimo
iyo halkudhig halgan, libin iyo yididiilo ummaddeed. Maalmahan,
Soomaalidu waxay haysatay ee adduun ah waxa agteeda ugu qaalisanaa
geela. Maandeeq waa magac ka mid ah magacyadan loo bixiyo geela, gaar
ahaan, tan qiimaha badan ee ka tilmaaman geela kale. Maadaama Soomaalidu
dawladnimada aanay aqoonin, dawladnimadii waxay ku tusaaleeyeen wixii
ay haysteen wixii ugu qiimaha badnaa oo ah geela. Magacyada geelana waxay
ku tusaaleeyeen, kii ugu qiimaha badnaa oo ah Maandeeq.
Sidaasidaraaddeed, Maandeeq waa magac soo koobaaya, waxan ugu qiimaha
badan ee ay Soomaalidu haysato. Maandeeq waa Maandeeq. Waa magac loo
bixiyo, wax kasta oo la jecelyahay, loo hanweynyahay, laguna faraxsanyahay.
Gaar ahaan, magacan waxa loo bixiyaa hablaha, iyada oo la muujinaayo sida
maanka iyo maskaxda waalidka ay ugu weyntahay.
1. Baraarug, 2017
‘Maandeeq’ bilaash laguma; helin beecna haw filine,
Boqollaal halyaybaa u go’ay; loona baaba’aye,
Lixdankii Buluugleey markii; beerta laga taagay,
Bulshadoo walaalo ah dadkoo; baal u wada jeeda,
Waa tii midnimo loo ballamay; bari samaadkiiye,
Taasiba bushaaray ahayd; ‘Beder’ sideediiye!
3. Garmaqaate, 2020
Maxamedoow225 adduunyadan gurracan; rag isku soo gaadhye,
Gobannimo la’aanteed adaa; doortay geerida’e,
Adigaa guluubbada indhaha; siistay libin guude,
Googgaale cigalleedu waa; hadal ma goobaane,
Garbay noqotay oo kuu furfuray; gabayadaydiiye,
Maxamed Haaruun Biixi. Maxamed, waxa uu laxaadkiisa aragga ku waayay dagaalladii dalka ka
225
dhacay.
196
Nimanbaa hasheenii Gobaad; hoos u gawracaye,
Gabxo lamadegaan iyo cidlay; galabta joogtaaye,
Gasariir wax lala yaabay iyo; guuldarraa timiye,
Gu’yaal iyo gu’yaal buu nin xumi; gigayay ‘Maandeeqe’,
Markay caanihii gaabisay; sii gujinayaane!
4. Dhextaal, 2021
Dhiillaabay laylkii markaa; dhagida jiifteene,
Dhismahoo hagaagiyo waxaan; filayay dheeraaye,
Dhayal baaba lay moodayaye; dhaawac baan ahaye,
Ka dhul sugay itaalkay inaan; dhiciyo ‘Maandeeqe’!
Anigoo dhafoorada qabsaday; layga sii dharagye!
Waa dhiidhigii uu nin ragi; dhaafsan jiray ciile,
Dhimashaduna waa guul haddii; laysu dhaarsado’e,
Waa dhabar adayg waxaad nasriga; ugu dhawaataaye,
Dhacadiid wixii lagu sugaa; kuu dhadhami waaye!
5. Dhaxalreeb, 2022
Cumaroow226 adaan kuu dhildhilay; dhuuxa maansada’e,
Inkastoon dhextaal hore farriin; badiba kuu dhiibay,
Dhagahaaga dooddaan lahaa; kuuma dhaadhicine,
Dar Allaan u dhaartaye haddaan; galawgu dhiillaabin,
Nin kastoo I dhaawacay haddaan; tiisu dhicisoobin,
Waxaan hadal u sii dherersadaa; wayska dhalanteede,
Mar haddaan xaqqaa dhumucda weyn; dhab uga faallooday,
Dhaxalreeb waxaa iigu filan; dhicinta ‘Maandeeqe’!227
6. Sahwi, 2022
Soomaalidaan doonayiyo; sahanki iimawye,
Sidiibay farriin uga sugaan; saancaddaalaha’e,
Sidiibuu siyaasigu danlay; uga samaystaaye,
Saadaaladii loo fadhiyay; seegtay hilinkiiye,
Waxba kuuma saafine adaan; boogta kuu saraye,
Qarankiinibaa lagu salliday; saaqid iyo tuuge!
Saddex iyo siddeed iyo intay; saami tahay hawshu,
Sahankeedu wuu durugsanyahay; sidigtii ‘Maandeeqe’!
Seetada ninkii diidayoow; saahid baad tahaye!
7. Maageer, 2022
Cumaroow228 ujeeddada murtida; gabaygu waa meele,
197
Alleylehe midnimadaad ogayd; la isku maandhaafye,
Muddo waxaan isaga aamusnaa; murugtay hawshiiye,
Anigana muraadkaygu waa; sidigtii ‘Maandeeqe’,
Han aan cidiba muunaynin baan; meeyey leeyahaye,
Hadba muusanawgiyo tixdaan; soo mir kacayaaye!
8. Hiirtaanyo, 2022
Waxay hibadu noo saarantahay; hawsha dirireede,
Soomaalidii huruddaybaan; godob u haystaaye,
Hirdankeedu waa meel sokiyo; hadal carruureede,
‘Maandeeq’229 halkii lagu qalay; wali hawaartaaye,
Laba dhaaxba iga hiilisaan; kala hor joogaaye,
Himilada waxaan goobayaa; haybaddii qarane!
43. Feleg
Sabti, December 31, 2022
Sannadkan caawa dhammaanaaya ee 2022ka, Soomaaliya oo dhan waxa uu u
ahaa mid aan waxba kaga duwanayn sannadihii ka horreeyey. Waxa uu ahaa
sannad fasahaadku sii faafay, faqrigu sii labalaxaadsaday, burburka bulsho sii
ballaadh-dhay, abaaruhu ay Soomaali badan nafahooda galaafteen,
macaluushuna ay saamaysay Soomaali dhawr milyan ka badan.
198
jaamacaddeed oo ardaydiisu ka filayaan wixii macallin wanaagsan laga filan
jiray. Marna waxaan ahay Soomaali qaamaysan oo adduunka dushiisa aan
faan badan ku lahayn. Sannadkan dhammaanaaya ee 2022ka, waxa uu aniga
iigu suntanyahay sannad aan dhammaantii ku qaatay dagaal affeed iyo
dhiillo maalinle ah. Waa sannad dhammaantii suugaantaydu ay ku aroortay
wax-iska-celin iyo dagaal. Aniga dhinacayga, waxa uu ahaa sannad runi
qadhaadhaatay, safarku sii dheeraaday, dhalinyaronimaduna yaraatay. Waxa
uu ahaa sannad godka gabaygu ku laxaadsaday diiwaangelinta wixii
lamahuraan u muuqday.
199
oo dhami ay xaq u leeyihiin in ay si furan oo madaxbannaan u go’aansan
karaan xuquuqahooda siyaasaddeed, dhaqaale iyo bulsheed.
Waxani haddaba waa iska hadal uun. Runtu waxa weeyaan, xaq rasmi ah oo
aanad dhacsanin, oo aanad qassab ku keensannin, cidina bilaash kugu siin
mayso. Xaqqiiqada dunidu waa sidaas. Waligeedna sidaas ayay ahayd,
ahaanna doontaa. Xaqqaaga dhacso. Wixii kale, waa madadaalo iyo sheeko
faneed. Aniga oo haddaba tan xusuusan, waxa aan marar door ah gabayo
naftayda iyo Soomaalidaba ugu sheegay in runtu ay tahay dil, dagaal, loollan
dhiig leh iyo wax iska celin lama huraan ah. Gabayada noocaas ah oo
tobannaan ka badan, waxa ugu sii dambeeyey:
1. Goobyaal, 2022kii
Adduunyada gu’yaal iyo gu’yaal; gebi ahaanteedba,
Markay garasho diiddaba ragbaa; doorta geerida’e,
Gobannimo ninkii doonayiyo; geesibaa kaca’e,
Marka gawrac lagu aarsaday; guuli dhalataaye,
Waxa ‘Taallo’ guudkeeda sudhan; gororku waa ‘dhiige’!232
2. Xidaar, 2022kii
Waaba laysku xiiqaye haddaan; lays xinjiro taaban,
Xumaa laysu sheegtaye haddaan; runi xaqqiiqoobin,
Xadaafiir haddaan aawaddeed; xididdo loo siibin,
Xaqqeennii la duudsiyay haddaan; xuladdo loo goynin,
Xaraan-ku-naax iyo haddaan; hebello xayraamin,
Qarannimo xalkeedii haddaan; Ximir233 la waydiinin,
Waa xaajo beenaad waxaad; ii xagxagataaye,
Xejji waranka waa loo dhintaa; xarafka Diineede!
3. Hiirtaanyo, 2022kii
232 Taallooyinka xusuusaha leh ee ka taagan daafaha caalamka, badankooda waxa lagu xusuustaa
halgan ama halgamayaal dhiiggooda u huray in ay ummaddahooda isbeddel ku sameeyaan ama
cadaw ku soo duulay ka xoreeyaan. Taallooyinku waa astaan dhiig iyo halgan. Dhiigaas ayay xusuus
u yihiin.
233 Ximre. God ka mid ah godadka dayaxu fadhiisto. God faalka ka mid ah.
200
Adduunyada halaag baa ka dhacay; waana la hubaaye,
Hoog iyo dagaallaa ku fiday; hawkar iyo baase,
Hareeraha waxaa lagaga shiday; holac colaaddeede,
Hanashada dhexdeediyo danaa; la isku haystaaye,
Hadhaw iyo wixii soo socdaa; loo halgamayaaye,
Haye iyo bilaash laguma helo; hadalla waa beene,
Huqda dhiigga iyo geeridaa; lagu heshiiyaaye!
4. Qaamuus, 2022kii
Haddii aad qiraal iyo war iyo; aarsi qabanayso,
Qormo nabad ah kuma seexateen; qaaraddii Yurube,
Quddus iyo dhulkii aan lahaa; kuma qaxweeyeene,
Waxba qiimaheennii lumiyo; qiil ha daydayine,
Qudh la waayo iyo geeridaba; waad ku qanacdaaye,
‘Qasrigii Caddaa’234 iyo haddaan; teennu kala quusan,
‘Qaramada Midoobiyo’ haddaan; qaylo lagu daalin,
Qosol been ah mooyee haddaan; runi qadhaadhaanin,
Qori caaradiisiyo haddaan; qalinku noo hiilin,
Qarni tagay warkiisii haddaan; qaaddi ka adeegin,
Qabqab iyo isyeelyeel haddaan; lagu qasaaroobin,
Qamuunyada nin faashaday haddaan; ciiddu qarin waayin,
Qaniinyada gumaysiga haddaan; qaatil ka adkaanin,
Qassab laguma waayee haddaan; dhiiggu sii qubannin,
Qab la sheegto iyo muusanaw; waa qaraar jabaye,
Qalcadaha adkee waranku yuu; kaa qalloocsamine!
4. Caloolyaw, 2022kii
Canaantaa la eedaye haddaan; Fiinta laga caagin,
Carbiska iyo leeddada haddaan; caguhu boodhoobin,
Annagaan cabsoonnine haddaan; dayr na celin waayin,
Haddii aan duruufaha cakiran; samir la caadaysan,
Citiqaadka geerida haddaan; cabasho liidoobin,
Cirka iyo haddii aan arliga; ciiro ku ekaanin,
Ma calaacalaynee haddaan; cadawgu naafoobin,
Cisho noolba aarsiga haddaan; ciidan lagu saarin,
Cilcillawga fiidkii haddaan; Cadami235 guubaabin!
201
qaddiyad iyo taariikh. Somaliland oo ah aragti Isaaq iyo beesha Dhulbahante
dhawr arrimood ayay ku kala aragti duwanyihiin. Ugu horrayn, Isaaq iyo
Dhulbahante, waxa ay ku kala aragti duwan yihiin waxa loo bixiyay
‘Qarannimada Somaliland’. Isaaqa Somaliland hormuudka ka ahi, waxa ay
dambi ka dhigeen aragtida midnimada ah. Waxa ay arrintaas daliil uga
raadiyeen Dastuurka Somaliland oo 97% lagu meel mariyay in Somaliland ay
ka go’day Jamhuuriyaddii Soomaalida. Marka labaad, Isaaqu, waxa ay
Somaliland ku dhiseen aragtida waddaniyadeed ama taariikheed ee halgankii
SNM. Waxa la weyneeyey oo la barakeeyey halgankaas. Goobaha adeegga
dadweynaha, xarumaha dawladda, goobaha waxbarashada iyo manaahiijta
iyo guud ahaan rayul caamkaba waxa lagu dhisay weynaynta SNM. Ogow,
ninka taariikhda leh, ayaa dalkana leh. Ugu dambayntii, Isaaqu, waxa ay hoos
u dhigeen barashada, ku faanidda ama weynaynta taariikhdii Daraawiishta.
202
heli karin. Saaka subaxnimadii hore, dagaal ayaa ka bilaabmay Laascaanood.
Waxa ka horreeyey dagaalkan, go’aamo subaxnimadii hore ee saaka ay soo
saareen Garaaddada iyo madaxda dhaqanka ee beesha Dhulbahante. Waxa ay
sheegeen in ay ka madaxbannaanyihiin labada maamul ee hareeraha ka xiga
ee Somaliland iyo Puntland. Sida oo kale, Garaaddadu waxa ay ugu baaqeen
ciidamada Somaliland in ay ka baxaan deegaamada Dhulbahante. Tan ayaa
keentay in magaaladu ay gasho xaaladdan saaka ay ku jirto. Muuse Biixi oo
ah Madaxweynaha Somaliland ayaa madaafiic ku garaacay gudaha
magaalada Laascaanood. Waxa ay madaafiicdaasi sababeen dhimasho,
dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac dadweyne oo baahsan. Dagaalka
saaka bilaabmay, waxa uu cirka ku sii shareeray xaalad kacsanaan ah oo ay
magaaladu ku jirtay muddooyinkii la soo dhaafay. Waxa mar dhawayd
hadlay Garaadka Guud ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali
Garaad Jaamac. Waxa uu sheegey in dadkiisa iyo deegaankiisa la soo
weeraray, waliba si gaadmo iyo gardarro ah, iyaga oo aayahooda ka
tashanaaya, xabbaddana ay bilaabeen ciidamada Somaliland. Garaadku waxa
uu yidhi “gala dagaalka” isaga oo la hadlaaya dadkiisa. Waxa uu ku baaqay
in la is difaaco.
Soomaalida aan runta jeclayn qaar ka mid ah ayaa hadalkan u arkay colaad
abuur iyo hadal aan ahayn hadal Garaad. Dadka noocaas ah, waxa boqol jeer
runta, xaqqa iyo caddaaladdaba uga dhaw Garaadka. Nabad lama helo, iyada
oo aan la kala xishoonin. Nabad lama helo, iyada oo aan gardarrada la jabinin.
Durba, hareeraha waxa ka socda dhawaaq nabaddeed. Waxa se nabadda ka
horraysa in colaadda laga gungaadho. Dhulbahante ma oggola qaddiyadda
gooni-isu-taagga, qof taa ku qasbi karaana ma jiro. Halkan ayuu ka curtay
gabayga Cadhadii Dadweynaha.
203
Dab intaan ku joogsaday intaan; doqon walaalaystay,
Intaan gabayo duubiyo intaan; hadallo sii daayay,
Hadba duurxulkaygii intaan; arar ku deeqsiiyay,
Dal-dhammeeye237 waataan akhriyay; Diiday Reernimo’e,238
Waataan Ogaysiis239 ku daray; doodo waafiyahe,
Ama aan Digniin240 iyo Midnimo241; curiyay Duufaane,242
Sooyaal243 dabkii aan shidaa; gaadhay daafaha’e,
Diihaal244 waxaan kuu sharraxay; xaajo kaa dedane,
Waxan Dibadwareeg245 kaga warramay; looma daadegine,
Dayaxii Madoobaaday246 iyo; duul kalaa hadhaye!
204
Duqaydiyo abwaannada haddaan; diiday laga keenin,
Cadhadii dadweynaha haddaan; suuggu248 damin waayin!
Faallo:
Maalin Jimce ah kuna beegan August 11, 2023ka waxa aan masaajidka
xaafadda Hodan Hills ee Hargeysa ku tukaday salaaddii Jimcaha. Sheekh
Soomaali ah oo aan aqaannno ayaa khudbadda Jimcaha akhriyay. Waa Dr.
Cabdiqani Xusseen Beder. Waxa uu ka hadlay xiisadaha siyaasaddeed ee ka
taagan deegaamada Somaliland. Xiisadda siyaasaddeed ee ugu weyn ee
hadda taagani waa muranka u dhexeeya xukuumadda Muuse Biixi iyo beesha
Garxajis, murankaas oo keenay in xoogag hubaysan oo Garxajis ahi ay galaan
buurta Gacan Libaax. Sida oo kale, dagaal qadhaadh ayaa ka socda
Laascaanood. Labadaas arrimood ayaa taagan.
205
Sheekhu waxa uu ka hadlay dulmigii iyo tacaddigii uu u gaystay nidaamkii
Maxamed Siyaad Barre dadka deggan Hargeysa sannadihii 1988kii. Waxa uu
ku dheeraaday sida ay taasi qalbigiisa xusuus ugu leedahay. Waxa uu mar
kale ka hadlay oo uu dadka dhagaysanaayay dib u xusuusiyay in horraantii
bishii February ee sannadkan uu khudbad kaga hadlay dagaalkii maalmahaas
ka bilaabmay Laascaanood. Waxa uu mar kale ku celiyay in dagaalkaasi uu
ahaa walina yahay dagaal fitno ah. Waxa uu dadkii aan ka mid ahaa ee
dhagaysanaayay u sheegey in laga fogaado fitno kale. Waxa uu dadka beesha
Garxajis u sheegey in aanay marnaba taageerin wax dagaal ah oo lala galo
nidaamka Biixi. Ta Garxajisku meel ha ii taallo, waxa aan se gaar ula baxayaa
arrinta Laascaanood.
45. Garbaduub
Arbaca, March 8, 2023
Xusseen Sheekh Cali (Xusseen Macallin) oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi uu
siiyay Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda
206
VOA-da March 2, 2023ka249, waxa uu ku sheegey in Soomaaliya ay muddo bil
gudaheed ah soo geli doonaan ciidamo Itoobiyaan, Kiiniyaan iyo
Jabbuutiyaan ah oo ka qayb qaadan doona in ay gudaha Soomaaliya dagaal
kula galaan xoogagga Al Shabaab. Xusseen Macallin Maxamuud, waxa kale
oo uu sheegey in ciidamadaasi aanay ka mid noqon doonin ciidamada
Midawga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya (ATMIS). Ugu dambayntiina
waxa uu sheegey in bilaha kooban ee ka hadhsan sannadkan 2023ka, guud
ahaan dalka Soomaaliya laga sifayn doono xoogagga Al Shabaab. Soo
gelitaanka ciidamadan ee gudaha dalka Soomaaliya, lama hor gaynin
Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada midna.
soomaaliya-oo-faah-faahiyey-shirkii-washington/6986629.html.
207
Anigu qof ahaan iyo suugaan ahaanba farogalinta noocan ah waan
diiddanahay. Run ahaantii, tobannaan iyo tobannaan ayay gaadhayaan inta
goor ee aan gabay ku diiday nooc kasta oo farogelin ah oo Itoobiya ay ku
samayso gudaha dalka Soomaaliya iyo guud ahaanba Soomaalida. Aragtida
weyn ee gabayadayduba waa in Soomaalida loo sheego in ay ka
feejignaadaan fasahaadka kaga soo fool leh Addis Ababa. Waxa
tusaaleyaashaas ka mid ah:
1. Dabadhilif, 2015kii
Inkastoo dagaal iyo colaad; laysu dacareeyey,
Inkastoo dalkeenii wacnaa; cadaw ku soo duulay,
Inkastoo waxaan doonayaa; durugsanyuu dheeryay,
Dabadhilifka gaalada watee; Diinta ka hallaabay,
Danaystaha shisheeyuhu korsaday; wuu degdegayaaye,
Mar uun baa gumaysiga dibbiray; duubka loo jariye,
Mar uun baa dalkeennaa la dhacay; doob u soo kiciye,
Mar uun baa Daraawiish la heli; gaalo dubataaye,
Mar uun baa Wayaanaha250 la didin; oo dib loo celine,
Mar uun bay duruuftiyo wakhtigu; soo dalloosimane,
Dambasame mar uun buu onkodi; daaqsin bixiyaaye,
Markaasaa wixii geesi dumay; loo dabaaldegiye,
Markaasaa xorriyad lagu dakayn; degalka Soomaale,
Markaasaa dariiqqiyo Sunnaha; Diinta loo noqone,
Markaasaa diyaarado casri ah; Maaris251 loo diriye,
Markaasaa agoomaha dayacan; duunyo loo qoriye,
Bulshadii dadaashaa marbay; guul la deristaaye,
Iskuduubni iyo wadajirbaa; lagu dan gaadhaaye,
Insha Allaahu waynoo dagaal; doqoni yeelkeede!
2. Amakaag, 2015kii
Asalkaba dadkaygoow haddaan; erey yar kuu sheego,
Haddii aan ujeeddada murtida; oogta ka caddeeyo,
Siyaasigan inkaaraha qabiyo; waliba aafaadka,
Siyaasigan Axmaarada wattee; gaalku ku adeegto,
Siyaasigan dalkii iibiyee; ubadkii caydheeyey,
Siyaasigan indhaha beelay iyo; waliba iimaanka,
Siyaasigan ujeeddada xun ee; kuu abtirinaaya,
Siyaasigan agoontiyo shacbiga; aanada u gaystay,
Siyaasigan Ilaahay nacee; Diintii ka abraaray,
Wallee guul ma urisaan intaa; daba ordaysaane,
208
Ayaamaha dambeeyiyo wakhtiga; waan oddorosaaye,
Waxa aniga igu eersataan; way la amakaage,
Dib u eega taariikhdu waa; lama ilaawaane!
3. Dhaygag, 2015kii
Nimankii Hawaash naga dhiciyo; Dheenta Labihawle,
Dhoobada Awaariyo raggii; Faafan naga dheelmay,
Dhagaxbuur ilaa Dhooboweyn; taniyo Dheekaaso,
Ceelkii Dhanaaniyo raggii; Dheenta naga xoogay,
Dhagaxmadaw ilaa Dhiito iyo; Waraha dhaadheerba,
Lafta Dhaqayaboor iyo Wardheer; Yowle dhiniciisa,
Kaymaha dhammaajada leh iyo; dheegga Xamaraadba,
Iskudhoon Dharkaynmaale iyo; dhoollihii Adari,
Dhambal iyo ilaa Diridhabood; yaab u dhimanayso!252
5. Digniin, 2017kii
Dareemada ka badan baahiyaha; degalka yaallaaye,
Dabadhilifnimiyo liidnimaan; kaaga digayaaye,
Dulmiga iyo laaluushka iyo; dirediraalaynta,
Doqonniimo iyo reernimaan; kaaga digayaaye,
Duullaanka gaaladu waddaan; kaaga digayaaye,
Dildillaaca dood been ah baan; kaaga digayaaye,
Dalkeennaa la kala ootaybaan; kaaga digayaaye,
209
Itoobiya waxay damacsantaan; kaaga digayaaye!
6. Baraarug, 2017kii
‘Ma beenbaa’ in Soomaalinimo; maanta laga baydhay?
‘Ma beenbaa’ in xeebaha badhkood; beec la kala siistay?
‘Ma beenbaa’ in qarankii burburay; nacabku boobaayo?
‘Ma beenbaa’ in Baydhaba Tigray; ‘bases’254 laga siiyay?
AMISOM ‘Ma beenbaa’ in ay; dhaqankii baabiisay?
9. Duufaan, 2018kii
Dadkaygoow is kaashada markaan; daacad ugu sheego,
Diihaal anoo qaba markaan; gabayo deeqsiiyo,
xaadiris.
210
Wayaanuhu259 kuwuu soo dirtiyo; dooxatiyo tuuggu,
Ujeeddada si ay uga duwaan; doodda hadalkayga,
Dib u socod intoo layga dhigay; horumar diidaaya,
Dulcad260 sheekadeediyo maxaa; filimo lay daaray!
TPLF.
259
Mid ka mid ah xeryihii Qaxoontiga ee reer Waqooyigu u qaxeen intii lagu jiray gumaadkii
260
211
Soomaaliyeey filkaa waxay rabaan; waad la socotaaye,
Samci ma lihid oo waa horaad; seegtay hilinkiiye,
Zamankii gumaysiga markii; layna kala soocay,
Sugumaha galbeed iyo Jigjiga; saami loo bixiye,
Sigataye intii kuu hadh-dhaa; loo sid tiriyaaye,
Muggan Saylac iyo xeebuhuu; sahanku joogaaye,
Geeddigu aduu kugu socdaa; saaran leeddada’e,
Samir been ah kuma gaadhaysaan; waxa sugaysaane,
Hadba dood salleelo ah adoon; lagu sabaalaynin,
Sooyaalka hadafkaaga waa; lagu saleeyaaye,
Hayeeshee wixii soo socdaa; lagu sargoogaaye!
261 Guhaad waa aniga oo ah qofkan dhulku farriinta u soo dhiibay. Anigu waxa aan metelayaa qof
kasta oo Soomaali ah oo farriintan dhulku ay ku socoto.
262 Taliskii Tigrayga ee xukumaayay Itoobiya Soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey.
212
16. Uur-ku-taallo, 2021kii
Ogaadeenku way badanyihiin; Ananu263 joogaaye,
Iyagaba dadkoodii horaan; loo addoonsadaye,
Axmaaradu waxay laynayaan; innamadoodiiye,
Waa reer Isaaq264 wiilashii; Xayle265 iibsadaye,
Abtiyaalladaabaa ku maqan; waana la ogaaye,
Hadba waxaan la sii ooyayaa; uur-ku-taallada’e!
Gabayadan aan meelaha kooban ka soo qaatay, waa wax yar oo ka mid ah
jidka dheer ee la soo maray. Haddaba, maanta cid kasta oo durbaanka u
garaacda in gudaha Soomaaliya la soo geliyo ciidamo duullaan ah oo ka socda
dalalka deriska ah gaar ahaan Itoobiya, waxa ay sii murgin doontaa xalka
Soomaaliya. Gabaygan koobani, waxa uu digniin iyo gooddis u yahay
maamulka Xassan Sheekh Maxamuud iyo cid kasta oo taageersan duullaanka
dalalka deriska ah ee gudaha Soomaaliya.
263 Ananu waa Tuulo yar oo ka mid ah gobolka Jarar ee Soomaali Galbeed.
264 Qabiilka reer Isaaq ee beesha Ogaadeen.
265 Maamulka gumaysiga ah ee Itoobiya.
266 Dhadhaab waa xeradan ugu weyn qaxoontiga ee adduunka oo dhan. Waxa ku nool dad qaxoonti
213
Xassanoow267 guddoon jilicsan iyo; godob laguu raacye,
Gobannimada Soomaaliyeed; hiil umaad geline,
Garashada habawdiyo wakhtigu; taada kaa gudubye,
Taariikhihii kaa godmade; labada geesoode,
Anna hadimadii gaamurtiyo; ciilka gaaxsadaye,
Gudcurkii habeennimo haddaan; faallo gami waayay,
Ama aan gudoodiga mirtii; ficil galiilyooday,
Gayigayga kuma eegi karo; kii na gaasiraye,
Garbaduub ninkii lagu xukumay; gaaban ka ahaaye!
46. Ahaanshiiyo
Sabti, March 25, 2023
Caalimkii Islaamiga ahaa ee reer Masar ee Sayyid Quddub waxa hadalladiisa
kollayba aniga I khuseeya ina saameeyey ka mid ah “run ahaantii,
Itoobiya. Dib u akhri gabaygii Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde ee ‘Hashaan gaaddo weynoow
Libaax; uga gabboon waayay, inaan Gorayo Cawl uga tagaa; waa wax soo gudhaye’.
214
ereyadaydu waxa ay ahaan doonaan kuwa dadku ay is moogaysiiyaan oo ay
iska indho tiraan, ilaa aan u dhinto falcelinta ka dhalata ereyadayda
(maadaama aan la jeclayn hadalkayga), ka dibna ereyadaydu waxa ay si
lamafilaan ah u noolayn doonaan qalbiyo mar hore dhintay (qalbiyadaas oo
iyaguna dabka sii ololin doona)”. Aniga oo haddaba ka dhimbiil qaadanaaya
odhaahdaas caanka ah ee Sheekha, waxa aan qof ahaan ku qanacsanahay in
waxa ugu sharafta badani ay tahay in qofku uu u dhiman karo rumaynta
waxa uu rumaysanyahay. Taasi waa sharaf iyo go’aan. Waxa arrintaas
qiimaheeda sii wanaajin kara, marka waxa aad u dhimanaysaa uu yahay xaq
aad hubto iyo sugnaan iimaani ah oo daliilladeeda diineed buux dhaaf yihiin.
Tusaale ahaan, dalkaaga oo gaal ku soo duulay inaad u dhimataa waa xaq
diineed iyo mid akhlaaqeed. Taas yaa diidi kara?
Beerta loogu magac daray Aadan Xaashi Cayraw ee magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe
oo hadda ah caasimadda Al Shabaab, Soomaaliya. July 26, 2021.
215
Maxaa haddaba dagaalka iyo geerida lagu falayaa? Dagaalka iyo geerida
waxa lagu gaadhayaa ‘ahaanshiiyo’. Waa taa ujeeddada loo dagaallamayaa.
Qofna ma doonaayo in uu adduunkan jooga isaga oo ah lumad iyo anbad aan
aragti, ujeeddo iyo ahaanshiiyo midna lahayn. Wixii Aadamaha oo dhami uu
diiday, annaguna waanu diidnay, yeelina mayno. Nabad gunnimo leh, maya.
Geeri sharaf leh, haa. Geerida iyo dhiigga waxa aanu ku gaadhaynaa nolol
sharaf leh ama geeri janno leh.
1. Gobannimo-u-dirir, 2015kii
Garan maayo waxan hoos u dhigay; garashadeeniiye,
Gobannimo-u-dirir baan rabaa; geysh dagaalama’e,
Markaasaan Galbeed270 iyo xorayn; Geeska271 oo idile,
Gacmaha is qabsada oo kufriga; gumuca deeqsiiya,
Ama waynu guulaysan oo; libinta waan gaadhi,
Ama geeri sharaflaynu dhiman; gocasho waa ceebe!
2. Gashi, 2020kii
Muddaa lay giriifaye haddii; laygu guban waayo,
Gunbaa lay maleeyaye haddaan; soo gilgilan waayo,
Gacmahayga dhiig iyo haddaan; aafo laga goosan,
Nin kastoo I gaasiray haddaan; arami loo gaysan,
Dadkaygii la gawracay haddaan; laga gayoon waayin,
Geddii Sheekh Bashiir iyo haddaan; Gureyba loo aarin,
Gobannimo la’aanteed haddaan; geeri laga dooran,
Gabagabo colaad iyo haddaan; guure lagu daalin,
Godobtayda kii qaba haddaan; ruuxda laga goynin,
Gurmadkiyo awaaraha haddaan; Galawgu dhiillaabin!
3. Garmaqaate, 2021kii
Waxaan ahay nin soo gaamurooy; hawli gubaysaaye,
Abidkay god aan degay filkay; guur imay odhane,
Kol ay geeri tahay waan aqaan; guusha nololeede,
Geddaydaba duruufuhu han yari; ima gayaysiine!
Nin ragoo go’aankiisi hore; hiifay waa gocore,
Mar haddaanad hadaf gaar ah iyo; himilo goobaynin,
Hadba gole nin lihi ootaybaad; foodda gelisaaye,
216
Gurruujiyo272 sidii Buuni273 baad; giririflaysaaye!
4. Dhaxalreeb, 2022kii
Dhawaaqayga wuu garanayaa; kii wax dhaaddaniye,
Dhalinyarada274 noo hiilisaay; balo lagaa dhawrye,
Dhab cadaawe iyo baadinimo; waa ka dhacanteene,
Dhibaatada ifkiyo geeridaba; waa dhadhamiseene,
Waxaa dhawrsayseen iyo xaqqii; waa u dhimateene,
Dhiiggiinibaa lagu hantiyay; dhul iyo maamuuse!
5. Goobyaal, 2022kii
Adduunyada gu’yaal iyo gu’yaal; gebi ahaanteedba,
Markay garasho diiddaba ragbaa; doorta geerida’e,
Gobannimo ninkii doonayiyo; geesibaa kaca’e,
Marka gawrac lagu aarsaday; guuli dhalataaye,
Waxa ‘Taallo’ guudkeeda sudhan; gororku waa ‘dhiige’!275
6. Hiirtaanyo, 2022kii
Adduunyada halaag baa ka dhacay; waana la hubaaye,
Hoog iyo dagaallaa ku fiday; hawkar iyo baase,
Hareeraha waxaa lagaga shiday; holac colaaddeede,
Hanashada dhexdeediyo danaa; la isku haystaaye,
Hadhaw iyo wixii soo socdaa; loo halgamayaaye,
Haye iyo bilaash laguma helo; hadalla waa beene,
Huqda dhiigga iyo geeridaa; lagu heshiiyaaye!
7. Qaamuus, 2022kii
Haddii aad qiraal iyo war iyo; aarsi qabanayso,
Qormo nabad ah kuma seexateen; qaaraddii Yurube,
Quddus iyo dhulkii aan lahaa; kuma qaxweeyeene,
Waxba qiimaheennii lumiyo; qiil ha daydayine,
Qudh la waayo iyo geeridaba; waad ku qanacdaaye!
8. Caloolyaw, 2022kii
Canaantaa la eedaye haddaan; Fiinta laga caagin,
217
Carbiska iyo leeddada haddaan; caguhu boodhoobin,
Annagaan cabsoonnine haddaan; dayr na celin waayin,
Haddii aan duruufaha cakiran; samir la caadaysan,
Citiqaadka geerida haddaan; cabasho liidoobin,
Cirka iyo haddii aan arliga; ciiro ku ekaanin,
Ma calaacalaynee haddaan; cadawgu naafoobin,
Cisho noolba aarsiga haddaan; ciidan lagu saarin,
Cilcillawga fiidkii haddaan; Cadami276 guubaabin!
218
Waatay xaqqii la ambadeen; Umal278 sidiisiiye!
278 Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekani waxa kuu ka mid ahaa culimadii Soomaaliyeed ee sida
weyn uga hor yimid duullaankii Itoobiya ee dalka Soomaaliya sannadkii 2006dii. Cajaladihiisa
duuban ee meel walba laga heli karo waxa hadalladiisa ka mid ah in ciidamada soo duulay iyo kuwa
gadhwadeenka u ah ee Soomaalida ahba la laayo oo meeshii lagu arkaba lagu dilo, dhiiggooduna uu
yahay hadur. Maanta oo aan qoraalkan qoraayo, Soomaaliya wax waliba waa sidii maalintii uu Umal
hadalkaas jeediyay, balse hadda Umal isagu wuu isbeddelay, waliba mar hore ayuu isbeddelay.
279 Magaalada Herer.
280 Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu ka mid ahaa oo waliba Soomaalida oo dhami ay u
qirsantahay, dadkii sida weyn uga gilgishay duullaankii Itoobiya ee 2006dii iyo guud ahaanba
farogelinta Itoobiya ee Soomaaliya oo uu doodihiisa iyo qoraalladiisaba si weyn ugu diiday uguna
dhaleeceeyey noloshiisa oo dhan. Cadhadan ugu badan ayuu caawa ku suganyahay. Sida aan meelo
kale ku sheegey, waxa uu quus ka joogaa wixii uu noloshiisa oo dhan u soo huray oo ah Soomaaliya
midaysan oo xooggan oo nabad ah.
281 Amiir Axmed Cabdi Godane (Abu Subeyr), hoggaamiyihii xarakada Al Shabaab oo ku dhintay
219
Haddaan aayaheenniyo tashiga; omoska loo jiidhin,
Ummadaha la duudsiyay haddaan; amalku saamaynin,
Anshi waxan lahayn iyo haddaan; orodku soo gaaban,
Ololaha jihaadkiyo haddaan; udubku xoogaysan,
Adduunyada dhammaanteed haddaan; teennu ku ahaannin,
Afarteeda geesood haddaan; aarmi283 lagu saarin,
Allaah yidhiye gaalada haddaan; laga il roonaanin,
Aayaadka diintiyo haddaan; amarku guuleysan!
Faallo 1:
Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere), waa afhayeenka Al Shabaab.
Maraykanka ayaa madaxiisa dulsaaray lacag gaadhaysa Shan Million oo
Dollar. Waraysi uu siiyay March 28, 2023ka, idaacadda afka Al Shabaab ku
hadasha ee Al Furqaan waxa uu ka sheekeeyay laba dhacdo oo muhiim ah:
283 Ciidamo.
220
Faallo 2aad: Al Shabaab iyo Daraawiish
Run ahaantii aad bay taariikh ahaan isugu eegyihiin Sayyid Maxamed
Cabdilleh Xassan, hoggaamiyihii dhaqdhaqaaqii Daraawiisheed ee 1900-
1920kii la dagaallamay gumaystihii Ingiriiska ee qaybo ka mid ah Gobollada
Waqooyi iyo Amiir Axmed Cabdi Godane, hoggaamiyihii Xarakada Al
Shabaab oo 2006-2023ka, Koonfurta Soomaaliya kula dagaallamaysa
isbahaysiga AMISOM, duullaankii Xabashida iyo xulafada reer Galbeedka.
Ha moogaanin in Sayyidka 1920kii la odhan jiray Wadaadkii Waallaa, markii
ficilladiisa lala yaabay, balse 1960kii loo bixiyay Aabbihii Ummadda, markii
halgankiisii loo qushuucay. Aan tusaalaha kuu soo dhaweeyo:
Maanta, Soomaaliya waa lagu soo duulay, hadda iyo horeba. Cahdigii
Sayyidka waxa dalka qabsaday gumayste. Taasaa waajib ka dhigtay in la
dagaallamo. Nin aad dagaallamaysaan, ciddii kaa raacda, in la laayo, waa
qaanuun dabiici ah. Sidaa si la mid ah, maanta Al Shabaab waxa ay ku jiraan
dagaal caalami ah. Waxa run ah in Soomaaliya ay gumaysi rasmi ah ku jirto.
Al Shabaab waxa ay codsadeen mar hore in dalka ciidamada shisheeye ay ka
baxaan, shareecada Islaamka la meel mariyo, iyagana laga saaro liiska
Argagixisada oo loo aqoonsado in ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed,
dalkooda shisheeye ka difaacay, lana maamuuso.
221
Dagaalka Al Shabaab ee maanta Soomaaliya ka socda, saldhigiisu waxa
weeye:
1. Dalkeena waa lagu soo duulay oo waxa jooga ciidamo ajaanib ah oo
kumannaan ah.
2. Maadaama dalka lagu soo duulay, qof kasta oo Soomaali ah waxa waajib ku ah
in uu dagaallamo oo uu dalkiisa difaaco.
3. Qofkii dagaallami kari waaya, waxa waajib ku ah in dhulka dagaalku ka socdo
uu ka guuro oo uu deegaamada nabadda ah u guuro, gaar ahaan meelaha ay Al
Shabaab ka taliyaan.
4. Qofkii diida in uu dagaallamo, goobaha dagaalkana ka guuri waaya, wixii soo
gaadha ee dhib ah looguma talo gelin, balse waa lamahuraan.
5. Qofkii isagu gaalada soo duushay iyo dawladda ay samaysteen taageera, difaaca
ama u shaqeeya, waa cadaw, waana waajib in lala dagaallamo.
Nuxurka Al Shabaab waa intaas. Ilaa hadda wax nuxur ah oo Daraawiish iyo
Al Shabaab u dhexeeya garan maayo. Arrinta Daraawiisheed, ayay dadka
qaarkood wareeraan marka loogu tilmaan qaato Al Shabaab oo ay aragti
ahaan iyo ficil ahaanba mataano yihiin. Daraawiish dadkaasi waxa ay u
yaqaannaan gobannimodoon gaalo soo duushay la jihaaday, Al Shabaab oo
maanta jooga oo kumannaan gaalo ah la dagaallamayana waxa ay u
yaqaannaan dadqalato. Waa beentood taasi. Sababtu waa xogogaalnimo
la'aan ama qabyaalad.
47. Burde
Jimce, April 14, 2023
Maalin Jimce ah, April 14, 2017kii ayaan imid Xamar. Maanta waxa ii
buuxsamay lix sannadood oo aan Xamar ku noolaa. Wax badan ayaan ka
bartay magaaladan. Qoys ahaan waxa aan ka soo jeedaa qoys magac ahaan
caan ah. Qof ahaan waxa aan maanta haystaa ama aan heli karaa wixii qof
aniga aynigayga ah oo Soomaali ahi uu ku fikiri karo. Dugsiyada iyo
222
jaamacadaha laga soo baxayna waan ka soo baxay. Nolol qof ahaaneed oo igu
filan waan haystaa. Meeshii aan istaagaba waxa jooga dad diyaar u ah in ay I
sharfaan oo ay I wayneeyaan oo ay I soo dhaweeyaan. Dunida oo dhan ayaa ii
furan. Xilo iyo xoolo igu filan waan haystaa ama heli karaa. Xil iyo maamuus
marna maan waayin. Kaftankii dhalinyaronimo ee Hargeysa. Isqaadqaadkii
qoysnimo ama qabiilnimo. Noloshii Xamar ee igu fillayd. Intaasba waan ka
dhaqaaqay. Intaasiba way dhadhami waayeen. Maxaa haddaba iga maqan?
Halkan weeyaan meesha ay tahay in loo fiirsado. Waxa ii dhadhamaaya oo
kaliya in nolosha ay wax iska beddelaan oo mustaqbalka soo socda sawir kale
loo sameeyo ama in qof ahaan nolosha oo dhan aan waayo. Laba daliil oo
kaliya oo kala dambeeyey aan ku siiyo:
1. Gobannimo-u-dir, 2015kii
Ama waynu guulaysan oo; libinta waan gaadhi,
Ama geeri sharaflaynu dhiman; gocasho waa ceebe!
2. Dibadwareeg, 2021kii
Gobannimo daraaddeed markay; digasho ii gaadhay,
Waxaan daydayaayiyo markaan; ‘dawladnimo’ waayay,
Dugaashiga cadaawaha markii; derejo loo qaatay,
Dhagihii daboollaa markaan; daawo kala quustay,
Soomaalida damiir iyo markii; fahamba loo diiday,
Dildillaacan sii fiday markaan; gooha damin waayay,
Markii uu dadaalkaan wadiyo; samihi duugoobay,
Dacwad iyo Islaamnimo markay; hoos u dayi wayday,
Dooddiyo warkaygiyo markaan; gabayadii daayay,
Dirir iyo col mooyee markay; hadal ka soo daashay,
Anigiyo duruufaha markay; dani walaalaysay,
Waxaan ‘duurka’ awgeed u galay; waa daliil adage!
223
dhacay qarannimadii Soomaaliya. Mustaqbalka lama rajaynaayo in Kismaayo
ama Garoowe ay oggolaato in ay sharci ahaan ka tirsantahay dal la yidhaado
Soomaaliya oo Xamar ay caasimad u tahay. Baydhabo ama meelaha kalena
waa la mid. Hargeysa iyada dooddeedu miiskaba ma saarna. Haddii markaa
dalkii Soomaaliya sidaa u eegaaday oo nin waliba uu tuuloyar goostay, ka
dibna uu hor fadhiistay, ciidamo gaalo ahna isku dayray, ka kalena aanu
waxba u oggolayn, oo maamulgobolleeddadu aanay gudahooda dabka kala
qaadanin, maxaa xal ah? Si tusaaluhu kuugu soo dhawaato, waa tii mar
gabaygii Diihaal ee 2020kii aan ku daray:
Dalalka Kenya iyo Itoobiya waxa ay mar walba dareen ka qabaan dawlad
dhexe oo muddakar ah oo Soomaaliya ka dhalata. Taas danahooda
istiraatijiga ah kama dhex arkaan. Khubaradu waxa ay ka warramaan in
labadan dawladood ay ku hawlanaayeen ilaa sagaashamaadkiiba sidii
Soomaaliya looga dhisi lahaa nidaam maamul oo ku salaysan federaal-
beeleysan. Tusaale ahaan, sida xogaha qorani ay tilmaamayaan,
Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo ka hadlaayay National
Defense University, magaalada Washington ee dalka Maraykanka bishii
September, 2003dii, waxa uu sheegey in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay
doonayaan in dalka Soomaaliya uu ahaado dal leh dawlad taagdaran oo itaal
baranbaro ah oo iyaga saaxiib la ah. Waxa uu intaas raaciyay in ay ka cabsi
qabaan haddii dawlad dhexe oo hagaagsani ay Soomaaliya ka dhalato in ay
taasi horseedi karto in ay dib u soo noolaato aragtidii Soomaaliweyn oo
khattar ku ah Kenya iyo Itoobiya.
224
World Population Prospects sannadkii 2022kii, tirada dadka adduunka ku
nooli waxa ay kor u dhaafeen 8 billion. Saadaashu waxay sheegeysaa in
sannadka 2030ka, tirada dadka adduunku ay gaadhi doonto 8.5 billion. Sida
oo kalena, sannadka 2050ka ay tiradu gaadhi doonto ku dhawaad 10 billion.
Tusaale ahaan, Itoobiya sannadkii 2022kii waxa lagu sheegey in tirada
dadkeedu ay ahaayeen 122 million. Wakhti yar ka dib oo ah sannadka 2050ka,
waxa la filayaa in tirada dadkeedu ay gaadhaan 213 million. Dad tiradoodu
ka badantahay 90 million ayaa la saadaalinayaa in ay ku soo biiraan wax ka
yar soddon sannadood, waxa aanay ka mid noqon doontaa tobanka dal ee
adduunka ugu dadka badan.
Soomaalidu waa tii Jamhuuriyad noqotay 1960kii. Waxa taa hormood ka ahaa
reer Waqooyiga. Waxa lagu midoobay midnimo xalaal ah iyo niyad wanaag.
Waxa la doonaayay in shantii Soomaaliyeed la wada gobeeyo oo calanka iyo
xorriyadda la wada gaadhsiiyo. Reer Waqooyigu arrintaas door muuqda oo
225
aan lagula tartami karin ayay ku lahaayeen. Guud ahaanba halganka
midnimodoonka ah iyaga ayaa calanka u siday. Waa la midoobay. Xafiisyadii
iyo xoolihiiba waxa badsaday reer Koonfureedka. Taasi wax weyn may
ahayn. Waxa loo oomanaa in dalalkii maqnaa la soo xoreeyo. Dagaallo ayaa
loo galay. Laguma guuleysanin. Dadka reer Jabbuuti Jamhuuriyad yar oo u
gaar ah ayay samaysteen. Taasi waxa ay ahayd calaamaddii koowaad ee
fashilka dhismaha Soomaaliweyn. Dagaalkii Xabashida lala galay si Soomaali
Galbeed loo xoreeyo iyo jabkii ka yimid ayaa uttunta sii fogeeyey. Gadoodkii
reer Waqooyiga iyo jawaabtii foosha xumayd ee nidaamkii Kacaanku uu ka
bixiyay ayaa qof walba quusta u dhawaysay. Wixii intaa ka dambeeyey waa
taariikh.
Haddaba, Professor Ioan Lewis iyo saaxiibkii Professor James Mayall ayaa
sannadkii 1995kii waxa ay qoreen ‘A study of decentralized political
structures for Somalia: a menu of options’284 oo ay ku soo bandhigeen in
Soomaalidii burburtay sida kaliya ee ay ku sii wada joogi kartaa ay tahay in
nidaamka aad loo daadejiyo ilaa la gaadhsiiyo meel u eeg in aan waxbaba la
wada lahayn. Professor Charles Geshekter oo taariikhda Afrika ka dhiga
California State University, Chico ayaa gurigiisii London waraysi kula
yeeshay Professor Ioan Lewis. Waraysiga waxa lagu faafiyay caddadkii
koowaad ee Bildhaan oo soo baxay sannadkii 2001dii. Professor Charles
Geshekter ayaa Professor Ioan Lewis waxa uu waydiiyay sababta ay isaga iyo
saaxiibkii ku jeclaadeen in Soomaalida federaal ama wax u eeg laga dhigo? 285
https://digitalcommons.macalester.edu/cgi/viewcontent.cgi?article=1006&context=bildhaan.
226
Marka aynu xaqqiiqadaas qadhaadh ku go’aan qaadano, maanta cidda kaliya
ee abaabulan ee leh qorshe siyaasaddeed ama maamul ee Koonfur joogtaa
waa Al Shabaab. Xoog kale oo abaabulan oo halkan joogaa ma jiro.
Soomaaliya waxa ka jira boqol dhibaato. Boqolkaas dhibaato, sagaal iyo
sagaashan ka mid ah (99%) waxa xal u ah Al Shabaab. Iga rumayso, Al
Shabaab waxa ay xal u yihiin maamul gobolleeddadan dawladaha is mooday
ee ummaddii kala qaybiyay, waxa ay xal u yihiin nidaam la’aanta,
degenaanshiiyo la’aanta iyo cudur kasta oo ay fawdadu keento. Waxa ay xal
kama dambays ah u yihiin xaqqiijinta midnimada guud ee dalka iyo ilaalinta
madaxbannaanida dhuleed. Ogow, ninka taariikhda leh, ayaa dalkana leh.
Markaa, Al Shabaab waa xalka kaliya ee maanta Soomaaliya ay leedahay.
Ninkii dawladnimada Soomaaliya iyo midnimada dalka iyo dadka ka
fikirayaa waa in uu xaqqiiqsadaa in sida kaliya ee dalka dib loogu midayn
karaa ay tahay in Al Shabaab ay la wareegaan. Maxaa haddaba xalkan loo
diiddanyahay? Jawaabta waxa aad ka soo heli kartaa sooyaalka iyo taariikhda
hortaada taalla.
Maanta, mar kale wax weyn ayaa runtii jira. Wajigii koowaad ee dagaalkii u
dhexeeyay Al Shabaab iyo xukuumadda Xassan Sheekh wuu soo
dhammaaday. Waxa uu wajigaasi socday muddo ilaa toban bilood ku dhaw.
Waxa uu gulufkan cusubi bilaabmay maalintii loo cumaamaday Xassan
Sheekh Madaxweynenimada Soomaaliya bishii May, 2022kii. Sida ay xogaha
oo dhami tilmaamayaan, dagaalkaasi khasaare weyn ayuu gaadhsiiyay
dhinacyada oo dhan, balse ugu dambaynta waxa gacanta sare lahaa Al
Shabaab. Waxa ay weerareen oo ay cagta mariyeen in ka badan toban saldhig
oo ay lahaayeen ciidamada Soomaaliya: Ruun-irgood, Sabiid/Caanoole,
Burdaar, Caddakibir, Qaayib, Hilawlegaab, Ceelbacad, Baarsanguuni, Jannaay
Cabdalleh, Budbud, Masaggawaa, Xawaadley, Daaru Nicmah, Qaycad,
Galcad iyo saldhigyo kale oo muhiim ah ayay cagta mariyeen Al Shabaab.
Muuqaallo rasmi ah oo ay baahiyeen Al Shabaab waxa la arkaayay ciidamada
dalwadda oo laga dilay boqollaal, ka dib weerarradan xidhiidhka ah ee lagu
qaaday saldhigyadooda.
227
Haddaba gabaygan koobani, waxa uu ka jawaabayaa su’aal saaxiibkay Cumar
Cali Xassan (Seerbiya) uu I waydiiyay oo nuxurkeedu ahaa: maxaa ku
daaliyay maad iska baashaashid, ka dibna gabaygu waxa uu ka faalloonayaa
masalooyin murugsan oo maanta aniga iyo assaaggay ku gedaaman.
mid ahi way joogaan, labada kalena way ii doonan yihiin. Sidaa ayaan u idhi afartii bannaanaaba
waan buuxiyay.
228
Soomaalidii waxa u baxay; dab iyo baaruude,
Wuxuu biligu noo saaranyahay; baaqa dirireede,
Balaayada la sheegiyo dilkay; noogu badisaaye!
48. Daaci
Sabti, May 6, 2023
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun waa nin aan u baahnayn inaan idin
baro. Waa daaci weyn oo ummadda Muslimka ah ee Soomaalida ah uu
Ilaahay ku quweeyey. Waa tiir adag oo diin, siyaasad, taariikh iyo aqoon laga
dugsado. Waa astaan nool oo u taagan ‘dad dhis joogto ah’. Abaal weyn ayay
Sheekh Mustafe u hayaan jiilka Soomaalida ah ee ku dhashay dawlad
la’aanta, burburka, qaxoontinimada iyo nolol xumada. Waxa uu Sheekh
Mustafe noloshiisa oo dhan ku dadaalay sidii uu silsiladaha jahliga uga jabin
lahaa malaayiin Soomaali ah. Waa ustaadka ummadda. Waa macallinka
bulshada. Waa baraha iyo barbaariyaha jiilka maanta iyo ka barri. Abaalkaas
weyn ayay dadkiisu u hayaan. Anigu waxa aan ka mid ahay malaayiin
Soomaali ah oo uu Sheekh Mustafe ka caawiyay in ay arki karaan wax ka
ballaadhan oo ka qiimo badan wixii ay shalay arkayeen.
229
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.
May 05, 2023. Masaajidka Al Waxyeyn ee Hargeysa.
230
Degdeg iyo is diiddooyin iyo; hadallo deelqaaf ah,
Docfaruurka iyo maad u dhalan; aashi doogsiga’e,
Deggenaanshihiyo fiirsigaad; dad uga soocnayde,
Alleylehe dareenkii bulshadu; daacad kuu noqoye,
Dadku waa markhaatiye shacbigu; kuu dunuunuca’e,
Degmadaad istaagtaba salaan; diirran lagu siiye,
Diiwaanka guushaad hantiday; doorka nololeede,
Ayaamahan is doorshiyo wakhtigu; waa daliil adage,
Gadhka iyo hadday labada daan; deebi ku cirrawday,
Da’ khayrlaad ku gaadhaye Ilaah; taada derejeeye,
Intaad dibadda joogtiyo intaad; dunida meerayso,
Duugoobi maayee abaalkaagu; sii durugye,
Ifku waa dariiq laga socdoo; la isu dayn waaye,
Kollay geeribaa loo dambayn; dawga aakhiro’e,
Waan kuu duceeyaye Ilaah; daranyo kaa dhawrye,
Daaraha Fardawsiyo Jannada; lagu durduursiiye!
Gabaygan koobani dhammaantii waa dhiirrigelin, isku tashi iyo samir loo
jeedinaayo Soomaalida dagaalka xaqqa ah kula jira isbahaysiga caalamiga ah
ee ka dagaallamaaya gudaha Soomaaliya.
231
Cumaroow289 dhambaal iyo war iyo; waa farriin dhabahe,
Dhalashada adaa ii xigee; kuma dhaliileene,
Dhacadiidsi kuulama hadline; dhaygag baan ahaye,
Waxan dhaabadeeyaba runtii; kuuma dhaadhicine,
Saakana waraabuhu ka dherag; kii na dhaawacaye,
Waa taa xeryaha loogu dhacay; duhur dharaareede,
Dhimashada ma diidnee horaa; laysu dhaarsadaye,
Waxa dhiigga loo daadiyaa; dhaxal ma guuraane,
Inkastoo dhaqaaliyo naf iyo; dhagarba loo qaatay,
Wixii uu shisheeyuhu dhadhabay; dhicis u eegaaye,
Waa dhediyo ceeryaan waxay; dhinaca haystaane,
Hadba xarumihii ay dhisteen; dhiidh-dhi laga keenye,
Iyagoo dhufaysyada ku jira; gudaha loo dhaafye,
Waa taa dhibaygii hurdada; looga dhaansadaye,
Wixii ay hub soo laba dhigeen; hiil u dhicin waaye,
Dhasalaalaqii waxa beddelay; dhuumashiyo roore,
Markii uu nin ragi soo dhugtamay; fadalka dheereeye,
Hadba hanaddadii dhiirranaa; sii dhammaystira’e,
Iyadoo dalkeennii dhammaa; cadaw ku dhaanteeyey,
Dhaaxaa dhimbiil iyo dab iyo; dhamac u jiidheene,
Dhaaxaa dhawaaq iyo war iyo; dhiillo kiciseene,
Dhalinyarada noo hiilisaa; belo lagaa dhawrye,
Dhiiggiinibaa lagu hantiyay; dhul iyo maamuuse,
Dharaaraa ka hadhay guusha aad; jeer u dhididdeene,
Sakaraadki way dhaaftay iyo; dheelalliyo beene,
Gobannimadi way soo dhawdahay; aad u dhimateene,
Rabbi baan ku dhaartaye wakhtigu; wuu dhakhsanayaaye,
Dhangaagaaleyaashiyo kufriga; waa la dhaawacaye,
Na dhaqaajin maayaan haddaa; dhabar adaygtaane,
Waa dhiirrigelin maansaduye; dhaadashada doorta,
Dhigaal iyo xusuus baa jirtee; dhaliya taariikhda,
Waa loo dhibaatoon jiraye; samirka dheereeya!
50. Liqdaar
Jimce, June 16, 2023
Habeennimo Jimce ah, June 09, 2023ka, waxa aan seexday aniga oo Xamar
jooga. Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, nin xil kaga magacaaban Madaxtooyada
Soomaaliya, Maxamuud Xaashi Cabdi oo Somaliland Wasiir ka soo noqday
iyo dad kale oo siyaasiyiin u badan ayaa caawa halkan kulan soo dhawayn ah
ugu samaynaaya Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Kursi weyn oo ka
232
durugsan meesha siyaasiyiintu fadhiyaan waxa si faanfaan leh u soo fadhiyay
Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo duubka boqortooyada isa saaray.
Kuraasta xagga dambe waxa fadhiya dad shacab ah oo dhalinyaro aan
wajiyadooda wada garanaayo u badan. Waan soo galay. Dad badan ayaa aad
u sacabiyay. Waxa la iga codsaday inaan xaggan hore ee siyaasiyiintu joogaan
aan soo fadhiisto. Waan diiday oo meel gadaal dambe ah ayaan iska
fadhiistay. Siyaasiyiintii oo dhan ayaa saf u soo galay in aan hadlo. Waan
diiday. Si walba waa la yeelay oo waan ka cudurdaartay. Mid wariye ah oo
munaasibadda xidhiidhinaayay ayaa inta uu ii yimid yidhi “sanduuqanyar
waraaq kala bax. Waa su’aalo. Ka dibna ta nasiibkaagu kuu dooro ka jawaab”.
Iyadana waan diiday. Dadka kaleba ha doortaan oo ha ka jawaabaan ayaan
ku idhi. Meeshiiba sidii anigu aan u hadli lahaa ayaa lagu mashquulay. Abiy
Ahmed waxa hareerihiisa ka socda oo dhan wuu u fiirsanayaa. Markii arrintu
muddo sidaa ay ahayd, anigu bannaanka ayaan isaga baxay. Abiy Ahmed
ayaa hadlay. Waxa uu yidhi “ninkaasi waa ninka kaliya ee si run ah u nool.
Wuu garanayaa waxa runta ah ee aynu isku hayno. Hadalkiisa oo dhan waxa
u doonaysaan in uu yidhaahdo colaaddeenni way dhammaatay, iyada oo aan
run ahaantii dhammaannin. Waa ninka kaliya ee dareenka halkan yaalla iiga
run sheegey. Idinku waxa aad doonaysaan in aynu been ku haasawno”.
Riyadii waan ka soo kacay! Wali se fasirkeedii maan helin.
233
ah ee iska noolaanshiiyaha ah, dadkii hormuudka u ahaa waxa ka mid ahaa
saaxiibkay Cumar-Seerbiya. Haddaba, is diiddooyinka noocaas ah ayuu
gabaygan kooban ee Liqdaar uu ku saabsanyahay.
51. Nidar
Arbaca, July 12, 2023
Anigu hadda muddo ayaan Xamar joogaa. Ma war li’I mana dhoohani. Xanta
runta ah ee maanta Xamar taallaa waxa weeyaan: haddii aan la is
yeelyeelaynin, xaqqiiqadu waxa weeyaan in cidda kaliya ee wax dawlad u eeg
Koonfurta Soomaaliya ka sameeyey ay yihiin Al Shabaab. Hadalka noocaas
ah, gole walba waa la isu sheegaa, inta hareeraha la iska eego, codkana hoos
loo yara dhigo. Hoggaanka siyaasiga ah, dadka fagaare joogga ah ee
aqoonyahanka ku sheeggan, falanqeeyeyaasha maxalliga ah iyo dadka
xogogaalka ahiba, waxa ay si weyn u rumaysanyihiin in xalka kaliya ee
maanta Koonfurta Soomaaliya ay leedahay uu yahay xukunka Al Shabaab.
Iyada oo runtaa la wada aamisanyahay, haddana in lala dagaallamo ayaa afka
laga wada sheeganayaa. Qof waliba waxa uu ka dhuumanayaa in
xaqqiiqadaas lama dhaafaanka ah, balse aadka u qadhaadh ee khattarta badan
234
uu sheegisteeda ku dhiirrado. Dagaalku wuu socdaa, muddona wuu socday,
waxaana abaanduule ka ah dawlado shisheeye oo leh damacyo kala duwan
oo wada gurracan.
52. Waciid
Arbaca, July 19, 2023
Soomaaliya waxa ku dhawaad labaatan sannadood ka socda dagaal u
dhexeeya Al Shabaab iyo beesha caalamka. Rasmi ahaan labada xoog ee is
hayaa waa labadaas. Maamullada reeraha ama tan federaalka ah ee xaafadaha
kooban ee Xamar ka mid ah fashidaa waa iska magac u yaal. Loollanka iyo
go’aaminta jihada mustaqbalka dalku labadaa xoog ayuu u dhexeeyaa. Kolba
xoogga guuleysta ayaa loo hoggaansami doonaa. Waxa xaqqiiqo ah meel
235
dhexe oo la istaagaa ma jirto. Waa in aad laba arrimood kala doorataa: in aad
la safato beesha caalamka ama inaad taageerto Al Shabaab. Meel dhexe ma
jirto.
236
Haddii aanad hiil iyo waxqabad; ila wadaagaynin,
Ama aanad weecaansi iyo; wadajir doonaynin,
Wedka lama huraayee gunnimo; waan ka weynahaye,
Soo waaban maayoo runtaan; weheshan doonaaye,
Waa iga waciid maansadiyo; weedh-dha dirireede,
Haddii aad wanaag iyo tolnimo; waajib garanayso,
Warankaan shisheeyaha ku wado; haysku wayrixine!293
53. Hayyaan
Arbaca, July 26, 2023
Maalmahan waxa Xamar, Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Geeska Afrika
ka tahriibay boqollaal dhalinyaro ah oo u badan haldoorkii bulshada.
Dhalinyaradaasi waxa ay safar dheer oo tahriib ah u mareen sidii ay u gaadhi
lahaayeen dalka Maraykanka. Seerbiya ayaanu arrintan ka doodnay.
Saaxiibkay waxa aan ku idhi: anigu qof ahaan, waxa aan kala doortay inaan
Maraykanka u tahriibo iyo inaan Maraykanka la dagaallamo. Waxa aan
doortay inaan la dagaallamo!
Anigu go’aanka bixitaanka jabhadnimo ee duurka iyo dirirta mar hore ayaan
qaatay sida aad ku soo aragtay gabayadii aan tirinaayay sannadihii ugu
dambeeyey, haddana duruufo badan oo muddo igu gedaannaa ayaa jiray oo
mar walba ii diiddanaa inaa xilli hore baxo. Duruufahaas xallintooda iyo kala
hagaajintooda ayaa wakhti ka dheer kii aan ugu talogalay iga qaatay. Ugu
dambayntii duruufahaasi way soo dhammaadeen, waxaana la soo gaadhay
wakhtigii aan bixi lahaa. Waxa aan jeclaystay inaan halkan farriin taariikheed,
mid saaxiibtinimo iyo mid garnaqsi ah ugu reebo saaxiibkay Cumar Cali
Xassan (Seerbiya) oo ah qofkan ugu badan ee aan gabayadayda ku
halqabsaday. Tusaale ahaan, aan mar kale dib kuu xusuusiyo inta jeer ee aan
ku halqabsaday saaxiibkay:
1. Garnayl, 2015kii
Cumaroow294 gardaadshaha fankoow; gacalkayoow heedheh,
Gu’gan iyo gu’gii hore ma tirin; geeddi maasada’e,
Mar haddii halyay soo guntada; goobta laga waayay,
Aan gabayadaydii furfuro; waa geddaan rabaye!
2. Baraarug, 2017kii
Cumaroow295 haldoor buuxa iyo; baarri baad tahaye,
Baydariga aan waaban iyo; buunibaad tahaye,
293 Gabayaagu haddii uu colaad qaato, wuu ka dhib badan yahay dadka kale!
294 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
295 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
237
Nin Banaadir joogaan ahiyo; xeebihii bariye,
Bulshadiyo dadkaygii hadduu; Mawle kugu beego,
Inta aad bariidiyo salaan; bilicsan gaadhsiiso,
Baydkaan ku sii faro u gee; waan ballamaynaaye!
4. Sooyaal, 2019kii
Cumaroow297 adaa soconayee; waan silloonahaye,
Saarkiyo qaraamigu aday; farax ku siiyaane,
Sannad waanigii aamusnaa; ina saluugteene,
Sababahana waataa wax badan; iga sugayseene,
Waxay taladu wali saarantahay; saymo iyo hooge,
Waa surin cidhiidhyoon waxaad; igu sabaysaaye,
Sahan been ma sheegee ragbaa; diiday samihiiye,
Waxaan shalayto saadaaliyaa; saaka aragteene,
Aniguna sidii aad ogayd; saahid baan ahaye!
5. Garmaqaate, 2020kii
Cumaroow298 muddaan garashaday; doortay goonida’e,
Dhaaxaan dadkoo gama’sanaa; ciil is gawracaye,
Nin gargaar u baahdaan ahiyo; garabsigaagiiye,
Alleylehe geddii aan rabaad; galabta joogtaaye,
Aniguba gu’yaal baan tashiga; diiday gogoshiiye,
Guubaabadii Maxamed299 iyo; gabayadii Xaashi,300
238
Gaacayte301 iyo Dhuulle302 iyo; laxammadii Goobbe,303
Marbaan heesihii ina Giriig304; dib u garaacdaaye!
6. Dibadwareeg, 2021kii
Cumaroow305 dad lama caasiyee; deeqsibaad tahaye,
Waxaad tahay nin diiwaanno badan; iigu daabacane,
Dulmigiyo waxaad tahay nin aan; duudsi qaayibine,
Inkastoon diraac hore farriin; debecsan kuu dhiibay,
Dahab laguma miisaami karo; arartii Duufaane,306
Waa dardaaran waayeel waxaan; kuu dulmarayaaye,
Damqashadan xanuunka leh adaan; kuu dunuunucaye,
Degmadaad ogayd lagama rarin; damacna waa kiiye,
Mar haddii dalkeenii dhammaa; cadaw ku soo duulay,
Duco iyo wax sheeg iyo haddii; samihi duugoobay,
Digniinta iyo waanada haddii; dayro laga keenay,
Doorkii nin ragi qaadan jiray; daayacbaa galaye,
Digarogasho waa lamahuraan; maalintii darane!
Durbaanka iyo heesaha marbaa; la iska daayaaye,
Aniguna dareenkii cuslaa; kuugu duurxulaye!
7. Dhaxalreeb, 2022kii
Cumaroow307 adaan kuu dhildhilay; dhuuxa maansada’e,
Inkastoon dhextaal hore farriin; badiba kuu dhiibay,
Dhagahaaga dooddaan lahaa; kuuma dhaadhicine,
Dar Allaan u dhaartaye haddaan; galawgu dhiillaabin,
Nin kastoo I dhaawacay haddaan; tiisu dhicisoobin,
Waxaan hadal u sii dherersadaa; wayska dhalanteede,
Mar haddaan xaqqaa dhumucda weyn; dhab uga faallooday,
Dhaxalreeb waxaa iigu filan; dhicinta Maandeeqe!308
8. Maageer, 2022kii
Cumaroow309 ujeeddada murtida; gabaygu waa meele,
Alleylehe midnimadaad ogayd; la isku maandhaafye,
Muddo waxaan isaga aamusnaa; murugtay hawshiiye,
2018kii.
307 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
308 Xorriyadda Soomaalida iyo midnimadeedii 1960kii ayaa loo bixiyay Maandeeq.
309 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
239
Anigana muraadkaygu waa; sidigtii Maandeeqe,
Han aan cidiba muunaynin baan; meeyey leeyahaye,
Hadba muusanawgiyo tixdaan; soo mir kacayaaye!
9. Goobyaal, 2022kii
Cumaroow310 guhaad lagama karo; ruux la gaasiraye,
Alleylehe galiilyada wakhtigu; gaadhay halistiiye,
Gacantaba wax iiguma jiraan; labada geesoode,
Adigoon gardiid ii malayn; gaabisbaan ahaye,
Waa kaa gu’gaygii cimrigu; soo gabaabsiyaye,311
Goobyaalay laylkii intaa; gama’ u jiifteene,
Garbaduub markii lay xidhxidhay; waa gadood dhabahe,
Gudashada xilkaygii waxaan; goobayaa badane,
Hadba geeddi iyo meel fogbaan; gabay ku sheegaaye,
Gurmad raagay iyo ciidanbaan; gabagabeeyaaye,
Guubaabadii kalama hadhin; maalin gelinkeede!
sheekeysto qaarkood.
314 Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
315 Cumar Cali Xassan (Seerbiya).
240
Dhaaxaan habeen iyo dharaar; mariyay hawraare,
Hirarkii isdhaafiyo wakhtiga; guul kamaan heline,
Heesaha macaan iyo fankii; waan ka haajiraye,
Haasaawihii dumarka iyo; daayay hadalkiiye,
Hiirtaanyo awgeed tashigu; ii hirgeli waaye,
Hammi ila fogaadiyo cidlaan; haatuf sugayaaye,
Habaqlaha waxaa iigu wacan; waa hawaawiga’e,
Hadafkii la waayiyo runtaan; sii hubsanayaaye!
241
14. Ahaanshiiyo, 2023ka
Cumaroow328 horaan kuugu idhi; qaranki iimawye,
Afgobaadsi maahee runbaan; kuu akhriyayaaye,
Dalkeennaa la kala ootaybaan; qaylo oogsadaye,
Waa ujeeddadii gabayga iyo; ereyadaydiiye,
Ka afeefan maayee tashigu; dhaaxba soo ururye,
Waa aragtidii aad muddaba; igu ogaydeene,
Ubixii rejadu wuu ka dhacay; aradka Soomaale,
Way kala irdhoobeen dadkii; aaminka ahaaye,
Abdo malaha saadaaladaad; eeg I leedahaye,
Alalaaska iyo heesahaan; kaa abhinayaaye!
242
Markii uu nabaadguur dhacaan; noogay kaligay’e,
Nayyaayiro ma joogtee wakhtigu; nabar I gaadhsiiye,
Waa naafo saadaaladii; naadirka ahayde!
Cumar sabab la’aan ugumaan halqabsan jirin. Waxa ay iga ahayd guubaabo,
wacyigelin iyo baraarujin. Ujeeddada weyni waxa ay ahayd inaan uga
warramo duruufaha adag ee maanta ay Soomaalidu ku sugantahay iyo sida
ay lama huraanka u tahay in loo halgamo oo nolosha magaalo iyo dan
la’aanta dhalinyaronimo ee Xamar taalla laga doorto nolol sharaf leh ama
geeri Janno leh. Jidka aan saaxiibkay u waday kaas ayuu ahaa. Aniga oo
hadafkaas weyn fulinaaya, Cumar tobannaan gabay oo dirir iyo dagaal ah
ayaan ku halqabsaday, ugu dambayntii se halganka waxa uu ka doorbiday
heellada, heesaha iyo haasaawaha. Haddaba gabaygan kooban ee Hayyaan,
waa farriintii ugu dambaysay oo aan doonaayo inaan saaxiibkay u reebo, ka
hor inta aanan ka bixin Xamar.
243
Anna waxaan isugu hawlayaa; waa halbeeg jabaye,
Ka haajiray Hargeysiyo dhulkay; hibadu saarrayde,
Hoygii Taleex335 iyo ka tagay; xaafaddii Hodane,336
Waxaan duurka uga heesayaa; waa hal kaa maqane,
Hadda iyo hadhawtaba haddaad; waydo hadalkayga,
Hawo raaci maayee xaq baan; dabada haystaaye,
Anigoo hoggaan kaa dhigaad; diidday hilinkiiye,
Adigaa bannaan igaga hadhay; hadaf la’aaneede,
Hayeeshee dharaaraha ifkii; baaqibaa hadhaye,
Hiyyigayga iyo kaagi way; kala hayyaameene,
Waa hiigsigii nolosha iyo; nin iyo haabkiiye,
Aniguna hub iyo ciidan baan; halabsan doonaaye,
Adna heelladiyo naagahaad; holin taqaannaaye,
Haye nabade waan soconayaa; hiirta waaberiye!
54. Tabaalo
Sabti, August 05, 2023
Sida warbaahinta gudaha Itoobiya ay qortay dhammaadkii bishii July,
2023ka337, Raysalwaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu ku baanay in
jid waliba uu u furanyahay dalkiisa si ugu dambaynta ay u heli karaan
dekked u gaar ah. Waxa uu suurtagalnimada ku daray in ay wada xaajood iyo
wax isdhaafsi danaynayaan, haddii taasi shaqayn waydana ay diyaar u yihiin
adeegsiga cudud ciidan. Isaga oo dhammaadkii bishii July, 2023ka kula
hadlaayay magaalada caasimadda ah gacansato iyo maalgashadeyaal, waxa
uu sheegey in ay ka daaleen dhaqaalaha badan ee kaga baxa in ay dekked kiro
ah wax kala soo degaan, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay in
dalkiisu uu helo dekked u gaar ah si ku tiirsanaanta dekkedaha deriska looga
maarmi karo. Waxa uu sheegey in ay ka fiirsanayaan adeegsiga cudud ciidan,
haddii laga maarmi waayo. Dhawr jeer oo hore ayuu hadallo noocan oo kale
ah sheegey Raysalwasaare Abiy Ahmed.
https://addisinsight.net/ethiopia-seeks-port-access-through-negotiations-and-force/.
244
Qoraagu waxa uu si kooban oo aad u faahfaahsan uga sheekeynayaa damacii
soo jireenka ahaa ee waxa maanta la yidhaahdo Itoobiya ay ku raadinaysay
dekked ay iyagu leeyihiin. Waxa uu qoraalku dib kuu xusuusinayaa
waraaqihii wada qaylodhaanta iyo hiil raadiska ahaa ee ay dunida Masiixiga
ah u kala diri jireen boqorradii Itoobiya iyaga oo waydiisanaaya in laga
caawiyo sidii ay dekked u heli lahaayeen. Mar walba qoraalkooda waxa
astaan u ahayd in ay yihiin Jasiirad Masiixi ah oo ku dhex taalla Badweyn
Muslimiin ah. Waxa sida oo kale astaan u ahayd in marin kasta oo iyaga iyo
dunida isku xidhi lahaa ay degganyihiin dad Muslimiin ah, taasina ay iyaga
halis ku tahay. Waxa mar walba qoraalladooda ku jirtay sidii ay u heli
lahaayeen: Saylac, Berbera, Tojorra, Obokh, Khartuum, Mussawac, Cassab,
Banaadir, Badda Cas, Badweynta Hindiya. Maanta ‘Cassab iyo Mussawac,
barrina Banaadir' ayuu hammigu ahaa markii Itoobiya ay xoogga kula
wareegtay Eritrea sannadkii 1962kii. Waxa kale oo damacu uu ahaa sidan ugu
habboon ee Jabbuutina loo qabsan karo.338
Intaasi waa arrimaha Abiy iyo Itoobiya. Col kale oo kan ka sii cadawsan ayaa
jooga gudaha Soomaaliya. Waa maamullada reeraha ee calammada loo
sameeyey iyo waxa loo bixiyay dawladda federaalka ah oo xaafado kooban oo
Xamar ka mid ah fadhida. Dhammaantood, hadda dhammaantood waxa ay
ku sifoobeen dabadhilifnimo iyo saqajaannimo xadhkaha goosatay.
Nidaamyadan waxa hoggaan ka ah dad af Soomaali ku hadla balse aan
dareen iyo dadnimo Soomaaliyeed midna lahayn. Warwarka weyni halka uu
ka jiraa waa halkan. Soomaalidu in ay xeebahooda difaacdaan ama ay damaca
shisheeye ka hor tagaan, waxa ka horraysa in ay horta talada dalkooda
gacantooda ku soo celiyaan. Ujeeddada weyn ee gabaygu waa halkaas.
Gabaygani waxa uu Soomaalida ugu baaqayaa in ay jiritaan diriraan oo ay
colaad riiq dheeraata u diyaar garoobaan. Sida oo kale, waa farriin kooban oo
ku socota horjoogaha Itoobiya oo nuxurkeedu yahay: haddii qof Soomaali ah
oo nool aad xeeb Soomaaliyeed xoog ama xeelad ku qaadato, intaas ayaa
gunnimo qofkaas ugu filan.
content/uploads/2018/11/Which-way-to-the-sea-by-Nuraddin-Farah.pdf.
245
Tabashada xannuunka leh miyaan; taaha damin waayay?
Tashi ila fogaadiyo miyaan; taws la kici waayay?
Tabaalaha adduunkiyo miyay; hawli tiro beeshay?
Taransiga anoo jecel miyay; tamari ii diidday?
Qayrkay halkuu tagay miyaan; taabi kari waayay?
Tirtirsiga cadaawaha miyaan; hoos u tirinaayay?
Ma intaan awood tamanniyaan; tiigsan kari waayay?
55. Gaylan
Jimce, August 18, 2023
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) waxa uu aniga dhinacayga
ahaa xaq u dirir iyo run sheeg Soomaali ah oo gobanniimo ku god galay.
Hadraawi waxa uu ahaa nin guud ahaanba dadka Soomaalida ah dhaxal
ballaadhan uga tagay. Sida oo kale waxa uu saamayn weyn kaga tagay guud
ahaan adduunka fikriga ah ee aragtiyaha Hadraawi ka dhimbiil qaatay ee uu
magaciisu ku baahay. Sida oo kale, waxa uu ahaa nin dhiirrigelin badan, jecel
in dadku koraan oo ay halyeeyo cusubi dhashaan, rumaysan in noloshu qori
246
isu dhiib ay tahay. Waxa uu ahaa nin aaminsan in dhalinyaradu ay
doorkooda nololeed guttaan, kaalintoodana ay buuxiyaan. Hadraawi waxa uu
ahaa nin adkaysi badan, hal adayg ah, sida oo kalena aaminsan in qofku waxa
uu rumaysanyahay uu ku dheggenaado oo uu ku samro. Waxa uu ahaa nin
dulmiga neceb, gobanniimadana jecel.
247
Haddaba gabaygan Gaylan waxa uu qofkii doonaaya xusuusinayaa in aniga
iyo gabaygayguba ay dagaal af ah horeba ugula jireen dulmiga iyo dulmi
falaha. Maantana aniga, gabaygayga iyo dabcan addinkayguba waxa ay
dagaal ficil ah oo hadal dhaafsiisan la geli doonaan dulmiga iyo dulmi falaha.
Gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka midabka iyo afka inala wadaaga, diintana
inala sheegta. Muhiim maaha in dadka qaarkood ay abuuraan su’aalo ku
saabsan xaqnimada dagaalkan, waxa se muhiim ah in xaqqiiqada horteenna
taallaa ay waajib ka dhigayso in gacan wax lagaga qabto kuwii diiday in ay
hadalkeenna, hadafkeenna iyo hawraarteenna dhagaystaan oo ay inagu
hoggaamiyaan.
248
Guubaabadaa lagu hirtaa; ficil galiilyooda,
Gaajooda waa loo dhintaa; guusha nololeede!
Faallo:
Qoraalka sare ee gabaygan Gaylan, waxa aan ku idhi “waxa Koonfurta iyo
badhtamaha Soomaaliya ka socda dagaallo la doonaayo in lagu burburiyo
awoodda wax iska caabbinta ah ee Al Shabaab. Dagaalkan oo nuxurkiisu
yahay in xiddidka loo siibo dhimbiisha ugu dambaysa ee gobanniimada iyo
xaq-u-dirirka Soomaaliyeed, ka dibna dalka laga dhiso dawlado yaryar oo
magac u yaal ah, waxa hormood ka ah reer galbeedka, waxa wakiil uga ah
dawladaha deriska, waxaana fuliyeyaal ka ah siyaasiyiin Soomaali ah oo
calooshooda u shaqaysteyaal ah. Haddaba, mar haddii xaqqiiqada dagaalku
ay sidaas tahay, siyaasiga Soomaaliga ah ee qorshahaa fulinaaya, askariga
difaacaaya iyo qof kasta oo dhismaha dawladnimada noocaas ah hiil u ah,
waxa waajib ah in gacanta xaq-u-dirirku ay gaadho oo la jaro. Soomaaliga
hiilka u ah in dalkayaga la qaato, ummaddayada la gumaysto,
khayraadkayaga la boobo, sharaftayada la dhaawaco, diintayadana la
beddelo, marna suurtogal maaha in lagu ixtiraamo diintii uu ku dhashay oo
249
fidnadiisa gacmaha laga laabto. Waa in dilka isaga laga bilaabo, si gaalka
weyn ee soo duulay aanu u helin jid uu soo maro. Runi waa intaas”.
56. Duullaan
Jimce, September 29, 2023
Dalalkiinii waa la qaybsaday. Xuduudo been ah oo aydaan raalli ku ahayn
ayaa la idiin sameeyey. Waa la idin gumeeyey si run ah. Waxa la idiin diiday
inaad rabitaankiina ku noolaataan, kuna dhimataan. Waxa la idiin sameeyey
dawlado aan maalin kaliya ka shaqaynin rabitaankiina iyo raalli
ahaanshiiyihiina. Waxa la idiin diiday in diintiina aad xor u noqotaan. Waxa
250
la idiin diiday in aad ummadnimadiina ilaashataan oo aad dhaqankiina iyo
sooyaalkiina haysataan. Waxa lagu tuntay muqaddasaadkiinii. Mid kasta oo
idinka mid ah oo kibirka iyo gunnimada diiday waa la gawracay.
Haldoorkiinii hortiina ayay haaddu ku cuntay, idinka oo daawanaaya. Waxa
la gumaaday magaalooyinkiinii iyo dadkiinii birimagaydada ahaa.
Dhammaantiin hoos ayaa u oydeen, habeen iyo maalinba. Waxa aad goobjoog
u ahaydeen dalalkiinii oo la burburinaayo, taariikhdiinii oo la tirtiraayo iyo
jiritaankiinii oo la aasaayo. Dhiiggiina ayaa loo soo kala dheereeyey,
dhaxalkiinana waa la kala qaybsaday. Muddo dheer ayaa dullinimadaa soo
aqbasheen ilaa magaciinu ba’ay oo aad cid walba u jabteen. Dunidu maanta
waxa ay u samaysantahay qaab idinka hiilinaaya. Waxa mar horeba la
go’aansaday sidii tiirarka ummadnimo ee aad leedihiin loo tirtiri lahaa. Waxa
xukunkiina loo dhiibay intii idiinku liidatay diin ahaan, akhlaaq ahaan,
dhaqan ahaan iyo dadnimo ahaanba. Kuwaa liitta ee idin xukuma ayaa
cadawga ku caawiyay in uu idin dullaysto.
Waa la idiin tashaday, idinkuna waad tashan kari waydeen. Maanta wax
waliba gacantiina way ka baxeen. Waxa aad noqoteen dad masaakiin ah oo
cadawgooda baylah u ah, cid iyo ciirsina aan haysanin. Sidaasidaraaddeed,
halgan ayaa idinku waajibay. Halgankaasi waa waajib diini ah oo damiiri ah
oo lamahuraan ah. Waa waajib qof walba maanta saaran oo aan cudurdaar
lahayn. Waa waajib haddii la gudan waayo lagu cadaab mudan karo. Waxa
aad haysataan diin Islaami ah oo horseed u noqon karta inaad mar walba
ahaataan kacdoonkan ugu weyn ee dunida ka jira ee dad lagu midayn karo.
Waxa aad leedihiin taariikh dahabi ah oo jidka guusha aad uga shidaal
qaadan kartaan. Waxa aad deggantihiin dhulkan ugu muhiimsan adduunka.
Waxa cagahiinna hoostooda yaalla khayraadkan ugu badan adduunka. Tiro
ahaan, waxa aad tihiin, dad ka badan laba bilyan oo qof. Waxa aad haysataan
ballan qaadkii Ilaahay ee ahaa in guusha dambe ay leeyihiin kuwa Ilaahay ka
baqda ee caabuda ee jidkiisa raaca. Ilaahay waxa uu yidhi:
.]139 :﴿و ََل ت َ ِهنُوا َو ََل تَحْ زَ نُوا َوأَنت ُ ُم ْاْل َ ْعلَ ْونَ إِن ُكنتُم ُّمؤْ ِمنِينَ ﴾ [ آل عمران
َ
251
ِهَّللاِ ُه َُو ْال ُهَدَ ٰى ۗ َولَ ِِئ ِن اتَّ َبعْتَ أ َ ُْه َوا َء ُُهم َب ْعَدَ َّالذِي
َّ ار ٰى َحت َّ ٰى تَتَّ ِب َع ِملَّت َ ُه ْم ۗ قُ ْْل ِإ َّن ُُهَدَى َ ص َ ض ٰى َعنكَ ْال َي ُهودُ َو ََل ال َّن
َ ﴿ولَن ت َْر
َ
.]120 :ير﴾ [ البقرة ٍّ ِ َص ن َلَ و ي ل و
َ ٍّ ِ َ ِ ِن م َّ
ِهَّللا َن م َ
ِ َِ ِ َ كل ا م ۙ ملْ ع ْ
ال َن م ء
ِ ََ َ ك ا ج
[ ﴾ َص ِب ُحوا َعلَ ٰى َما ِفَ َع ْلت ُ ْم نَاد ِِمين ِ ُ ﴿يَا أَيُّ َها َّالذِينَ آ َمنُوا ِإن َجا َء ُك ْم َِفا ِس ٌق ِب َنبَإ ٍّ ِفَتَبَ َّينُوا أَن ت
ْ ُ صيبُوا قَ ْو ًما ِب َج َهالَ ٍّة ِفَت
.]6 :الحجرات
Haddii aanu nahay Muslimiinta Soomaaliya, waxa aanu kaalmaha hore kaga
jirnaa Muslimiinta dhulkoodii la boobay, dadkoodii la xasuuqay, diintoodii
lagu soo duulay, ilbaxnimadoodii la burburiyay, xuduudaha beenta ah lagu
kala xidhay ee la diiday in ay isu gurmadaan, nidaamkoodii maamul gacanta
loo geliyay dhashii gumaystaha, koodii digigixoodana la gawracay. Waxa
aanu kaalmaha hore kaga jirnaa Muslimiinta lagu xukumay dilka, dhaca iyo
burburinta. Waxa aanu kaalmaha hore kaga jirnaa Muslimiinta lagu tashaday
in la tirtiro, dalkooda inta yar ee hadhayna la dhaxlo. Si la mid ah dalalka kale
ee Muslimiinta ee nolosha iyo jiritaankaba loo diiddanyahay, waxa dalkayaga
252
duullimaad ku jooga kumannaan ciidamo shisheeye ah oo hadafkoodu uu
yahay in ay noo dhisaan nidaam dawladdeed oo ay iyagu noo dooreen.
Annaga oo haddaba xaqqiiqadaas ka shidaal qaadanayna, waxa aanu
abaabullay kacdoon gudaha ah oo xaq-u-dirir ah. Waxa aanu Ilaahay kula
ballanay in aanu dulmiga diidno, kibirka ka dagaallanno, diintayada iyo
birimagaydadayada difaacanno, cadawgayagana aannaan isu dhiibin. Haddii
aanu nahay Muslimiinta Soomaaliya, waxa aanu diyaar u nahay in aanu
jidkaa ku dhimano ama ku noolaano.
253
Muslimkii Dehraan iyo Turkiya; doodda maqashiiya,
Inkastoo damiirkiyo xuskiyo; fahanki duugoobay,
Iyagaa dagaallami karee; Carabta deeqsiiya!
254
Lifaaq sawirro ah
Lifaaqan kooban, waxa aan ku soo gudbinayaa qaar ka mid ah shakhsiyaadka
wax ka qoray sooyaalka Soomaalida, gaar ahaan dhacdooyinkii qarnigan ugu
dambeeyey. Magacyada iyo sawirrada halkan ku jiraa waxa ay isugu jiraan
dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa ka mid ah dad leh
sooyaal siyaasaddeed nidaamyadii kala dambeeyey, dad ka soo mid ahaa
xarakooyinka siyaasiga ah ee Soomaaliya, dad leh waayo aragnimo bulsho
ama saamayn suugaaneed oo la wada qirsanyahay, taariikhyahanno leh
baadhitaanno cilmi oo xeel dheer iyo shakhsiyaad kale oo kaalin weyn kaga
jira daraasaadka Soomaalida casriga ah.
255
Aniga iyo Professor Afyare Cabdi Cilmi. Doha, Qatar, 2019.
Professor Afyare waxa uu muddo dheer bare sare ka ahaa Jaamacadda Qatar,
mar dambena waxa uu noqday Agaasimaha Machadka Cilmibaadhista iyo
Siyaasadda ee Heritage. Waxa uu qoray cilmibaadhisyo aad u tiro badan oo
ku saabsan siyaasadda Soomaaliya iyo waddooyinka suurtogalka ah ee xal
waara lagu gaadhi karo. Sida oo kale waxa uu qoray buugga caanka ah ee
‘Understanding the Somalia Conflagration: Identity, Political Islam and
Peacebuilding’.
256
Aniga iyo Qoraa Cabdalleh Xaaji Cismaan. Jabbuuti, 2018.
257
Aniga iyo Professor Xusseen Axmed Warsame. Jabbuuti, 2018.
258
Aniga iyo Professor Cabdalleh Cumar Mansuur. Xamar, 2022.
259
Aniga iyo Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).
Addis Ababa, 2014.
260
Qaar ka mid ah ardaydii fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed
Cali, Hargeysa. Sawirka waxa ku wada jira: Maxamed-cambe, Nageeye,
Maxamed-mawjadda, Axmed Yaasiin, Axmed Caddaani, Cabdillaahi-baajiyo, Axmed
Heebaan, Shukri Xusseen, Yaxye Ibraahin, Sucaad Bashiir, Nimco, Jaambiir
Maxamed, Muxuyiddiin-awoowo, Mustafe Axmed-jaar. Hargeysa, 2011.
261
Aniga iyo Wariye Haaruun Macruuf. Jabbuuti, 2018.
262
Aniga, Eng. Siciid Xassan Jicsin iyo Professor Saleebaan Axmed Guuleed.
Gudaha Jaamacadda Cammuud ee Boorama, 2018.
263
Aniga iyo Cabdirashiid Khaliif Xaashi. Duleedka Hargeysa, 2018.
264
Aniga iyo Abwaan Axmed Colaad Digaale (Qorane). Hargeysa, 2020.
265
Aniga iyo Dr. Cabdiwaasac Cabdillaahi Bade. Addis Ababa University, 2015.
266
Aniga iyo Dr. Cabdifataax Ismaaciil Daahir. Xamar, 2022.
267
Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed, aniga iyo Sheekh Cabdiraxmaan
Maxamed Faarax (Janaqaw). Xamar, July, 2022.
268
Aniga, Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon iyo Cumar Cali Xassan
(Seerbiya). Xamar, 2017.
269
Aniga iyo Cumar Cali Xassan (Seerbiya). Xeebta Liido, Xamar, 2018.
270
Sawirka 1aad: Aniga iyo Cabdiwaaxid Cali Gamadiid. Hargeysa, 2018.
Sawirka 2aad: Aniga iyo Cabdiwaaxid Cali Gamadiid. Hargeysa, 2023.
271
Aniga iyo qaar ka mid ah xubnihii ururka la dagaallanka qabyaaladda oo aan
kulankooda kala qayb galay. Waxa sawirka si gaar ah uga muuqda
Cabdikariin Axmed Mooge iyo Barkhad Jaamac Battuun. Boorama, 2016.
272
Aniga iyo Wariye Yoonis Cali Nuur.
Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, 2015.
273
Aniga iyo Orodyahanka Cabdi Bile Cabdi. Xamar, 2018.
274
Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, aniga iyo Cabdinuur Maxamed Axmed.
Xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xamar, 2021.
275
Aniga iyo Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle). Radio Hargeysa, 2016.
276
Aniga, Professor Cabdiraxmaan Cabdillaahi Baadiyaw iyo Cabdinuur Daahir.
Jabbuuti, 2018.
277
Aniga iyo Gen. Jaamac Maxamed Qaalib. Xamar, 2022.
278
Aniga iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar. Xamar, 2022.
279
Aniga iyo Qoraa Maxamed Ciise Turunji. Xamar, 2023.
Turunji waa qoraaga buugga caanka ah ee ‘Somalia: The Untold History 1941-
1969’. Waa mid ka mid ah buuggaagta ugu wanaagsan ee laga qoray
taariikhda Soomaalida casriga ah. Sida oo kale waxa uu qoray buug ku
saabsan taariikh nololeedkii Madaxweyne Aadan Cabdulleh Cismaan.
280
Aniga iyo Professor Maxamed Xaaji Mukhtaar. Xarunta Jaamacadda
Ummadda Soomaaliyeed ee Xamar, 2022.
281
Aniga iyo Professor Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa). Hargeysa, 2021.
282
Aniga, Dr. Ashraf Cali Axmed iyo Professor Maxamed Xaaji Ingiriis.
Xamar, 2023.
283
Aniga iyo Ismaaciil Maxamuud Maxamed (Carraale). Burco, 2023.
284
Aniga iyo Sheekh Mukhtaar Roobaw Cali (Abu Mansuur). Xamar, 2023.
285
Ku saabsan Qoraaga:
286
suugaaneed waxa si weyn u saameeyey jacaylka uu u qabo akhriska guud
ahaan taariikhda, gaar ahaan tan Geeska Afrika oo taariikhda Soomaaliduna
ay ugu sii muhiimsantahay. Waxa uu fursad u helay in uu sheeko wadaag la
noqdo qaar badan oo ka mid ah jiheeyeyaashii ama hoggaankii siyaasadda
Soomaalida oo isugu jira xubno ka soo baxay aragtihihii bariga ama kuwii
galbeedka, siyaasiyiintii qaybta ka ahaa nidaamyadii maamul ee kala
dambeeyey, dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta ahaa, jabhadihii reeraha,
aqoonyahankii nus qarnigii ugu dambeeyey wax ka qoraayay ama
falanqaynaayay dhacdooyinka Soomaalida iyo waayeelkii goobjoogga u ahaa
jidkii la soo maray. Sida oo kale, waxa uu daraaseeyey qaybo ka mid ah
taariikhda isbeddellada bulsheed ama siyaasaddeed ama dhaqaale ama fikir
ee dunida soo maray iyo sida ay isbeddelladaasi ku curteen, u guuleysteen
ama u fashilmeen. Saamaynta ka dhalatay burburkii dawladnimo, farogelinta
shisheeye ee arrimaha gudaha, duullaankii Xabashida ee Soomaaliya,
dhismaha maamullada qabiilaysan iyo dhagarta aan dhammaadka lahayn ee
deriska ayaa si weyn suugaantiisa looga dhex arki karaa.
Muddadaas uu macallinka ahaa, waxa uu ahaa qof mar walba ku foogan sidii
uu u saadaalin lahaa waxa barri la filan karo, isaga oo ka tusaale qaadanaaya
ardaydiisa oo ah mustaqbalka barri. Macallinimadu waxa ay siisay fursad uu
si hoose ugu fahmi karo hanka iyo riyooyinka jiilka soo socda. Qawad iyo
niyad jab qof ahaaneed oo uu ka qaaday suurtogalnimada in qalinka oo kaliya
wax lagu beddeli karo ayaa horseed u noqday go’aamadiisa qori ku
dagaallanka ah.
Sida oo kale, safarro muuqda ama qarsoon oo uu ku maray inta badan dhulka
Soomaalida ee u dhexeeya duleedka Asmara, irridda Addis Ababa,
nawaaxiga Nairobi, xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya iyo dareenkii
uu ka qaatay dadka ku nool dhulka baaxaddaas leh ayaa ku dhaliyay in ay jiri
karaan riyooyin waaweyn oo ummaddeed oo u qalma in la xambaaro oo loo
halgamo.
287
Ninka taariikhda leh, ayaa dalkana leh!
DHAMMAAD
288