You are on page 1of 35

Axkaamta Soonka

AXKAAMTA SOONKA
WQ:
Ismaaciil Haniye.

1
Axkaamta Soonka

2
Axkaamta Soonka

3
Axkaamta Soonka
Xuquuqda buuggan :
Buuggan waa u fasax qof kastaa inuu daabacdo , siina
faafiyo. Waxa se aan la oglayn :
-In dadka laga iibiyo .
-In magaca qoraaga la badalo oo magac kale lagu ismo.

4
Axkaamta Soonka

Hibeyn :
Buuggan yar ee kooban waxan u hibeynayaa qof
kasta oo muslin ah oo ku hadla afka-soomaaliga.
Waxan ku leeyhaay akhriste ‘’waa hadyad kaaga timi
qalbi ku jecel oo kula jecel, aqoonta , samaha , iyo
wax kasta oo uu naftiisa la jecel yahay’’

“La jecloe walaalkaa waxad naftaada la jeceshahay”


Nebi Muxamed ( N.N.K.H.).

5
Axkaamta Soonka
Erayo La Soo Gaabiyay

AHUN: Alle ha u naxariisto.

NNKH: Nabadgelyo Iyo Naxariis Korkiisa Ha Aahaato.

RC: Radiyallaahu Canhu/Canhum.

CS: Calayhi/Calayhim Salaam.


FG : Fiiro gaara.

6
Axkaamta Soonka

Erayga Qoraaga

”Ninkii Tiin abuuriyi


Ninkii Timir tallaalaba
Taariikhdu waa warin”
-Cabdulqaadir-Yamyam.

Eebbe ayaa mahad oo dhan iska leh. Eebbaha i abuuray, i


kobciyey, i barbaariyay, igu galladay maanka fayow ee
aan ku caabudo. ee dadkaygana aan ku anfacayo
Naxariis, nabadgalyo, maamuus iyo milgo ay sharafi ku
dheehan tahay korkiisa ha ahaato, xabiibkii qalbiga iyo
ruuxda; Muxammed ”NNKH”.
”Yaa ka wanaag badan, Daaha yaasiinoow
Yaa kuu ekeen kara, yaase kula simanoow
Yaabkii yimaaddaba, kaannu raacaynoow
Sallalaa Calayk suubanoow Nabiyoow” 1.
Soonka bisha Ramadaan waa mid kamida tiirarka diinta
islaamka,waana ku waajib qof kasta oo muslim ah ,
1 Qasiido Nabi Ammaan ah.
7
Axkaamta Soonka
qaangaadh ah , miyir qaba , degan oo aan musaafir ahayn ,
cafimaad qaba , kana madhan waxyabaha soonka buriya
sida dhiigga caadada ama dhiigga dhalmada.
Xukunkan waxa sugay Qur’aanka sharafta leh iyo Sunnada
Nebiga (N.N.K.H.) , sidoo kale waxa ku isku waafaqay
muslimiinta oo dhan.
Alle (S.W.T.) wuxu yidhi:

“Kuwa Alle rumeeyow waxa la idinku faral yeelay


soonka , sidii loogu faral yeelay oo kale kuwii idinka
horreeyey”.

Barashada aqoonta islaamku waa mid ku waajiba qof


kasta oo diintan haysta , cid kastoo baratana waxa ku
waajiba in ay dadka sii barto , anoo taas ka duulaya
waxan walaalahayga aan jecelahay halkan ugu soo
gudbinayaa qodobo kooban oo ku saabsan Axkaamta
Soonka.
Allaha qaadirka waxan ka baryayaa inuu miisaanka
xasanaadka noo saaro . Ammiin .. Ammiin.

8
Axkaamta Soonka
AFEEF

”Nin Raggi eraygiisna


Astaan buu u dhigtaaye
Rabbow eex ma tiraabine
Aqoon haygu cadaabin”
-Maxamed-Gaarriye
Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaahda: ”Aqalkaaga
hortiisana Ood weyn baa la dhigtaa, odhaahdaada
horteedana afeefbaa la dhigtaa". Waxa aan ka
cudurdaaranayaa wixii khalad ah ee buuggan ku dhex
jira, kolley gafku waa mid ku lammaan qof kasta e; oo
waa tii hore loo yidhi: "Nimay hooyo dhashay, hal ma seegi
waydo”.
Wixii khalad ah ee buuggan lagu arko, waxa la iigu soo
hagaajin karaa:
Email: Foolaad202@gmail.com.
Facebook: Ismaaciil Haniye.
Watspka: 0633440058.

9
Axkaamta Soonka

Maxaynu ugu diyaar garawnaa


bisha Ramadaan .
Bisha Ramdaan waa fursad dahabiya .
Waa bishii dambi-dhaafka Waa bishii la iska maydhayey
dambigii qofku galay . Waxyaabaha aynu kaga
faa’ideysanayo waxa kamida :-

In aan niyadda la wanaajiyo , acmaashana Alle dartii loo


qabto.
In Alle aan ka barino inuu ina gaadhsiiyo bisha soon ,
inana waafajiyo ka faa’ideysigeeda .
In aan is saamaxno , si camalkeena loo aqbalo.
In aan ka toobad keeno.
In aan badsano acmaasha wanaagsan.
In aan dadka xuquuqda innagu leh u celino xuquudooda
In aan la saaxiibnno dadka wanaagsan , si ay daacada
Alle inoogu kaalmeeyaan.
In aynaan soomin maalinta la shakisan yahay.

10
Axkaamta Soonka
in aynu aad uga qayb qaadano arrimaha sama-falka
bulshada , sida quudinta agoont iyo masaakiinta.
In aan sameysano Jadwal aan ku nidaaminayno sidii
aynu uga faa’ideysan lahayn bisha Ramadaan.
In aan xidhiidhino qaraabada.
In aan u sama-falno Waalidka.
In aan baraheenna Bulshada uga faa’ideysano fidinta
khayrka , sida Fecebook , watpka IWM.
In aan wanaajino dadka jaarka ah .
In aan ka qayb qaadano nadiifinta iyo qurxinta masaajidka
In aan sii qaybno ducooyinkii aan Alle ku baryi lahayn.
In aan nadaafada qof ahaaneed ku dadaalno , maadama oo
lagu jiro xilli xanuuno fidayaan.
In aan sameyno afur wadaag.
in aynu badsano bixinta sadaqadda .
( Talooyinkan waxan inooga soo guuriyey Sheekheena Sh.
Cumar Dirir Alle ha xafidee.)
Walaalahay dhammaantood waxan leeyahay Ramadaan
Kariim , Alle haynaga aqbalo Acmaasha wanaagsan.

11
Axkaamta Soonka

Soonka iyo Fadligeeda.

Alle (S. W.T.) ayaa wax walba abuuray, wuxu abuurayna


kuu doono mudan ka dhigay. Dhulkuu abuuray oo
Makkuu mudankiisa ka dhigay, dadkuu abuuray oo
Muxamed Nuur (Cs) ayuu ka boqray.Biluhuu abuuray oo
bisha Soon ayuu bilanta bilaha ka yeelay.
Bisha Soon (Ramadaan) waa mudanta bilaha ugu sharafta
iyo khayrka badan. Waxyaabo badan ayuu Alle kaga
soocay bilaha kale oo uu iyada ku gaar yeelay. Fadligeeda
badan waxan ka xusi karnaa qodobadan hoose :
1.Waa bishuu Alle Qur’aanka sharafta badan
soo dajiyey , siduuba Yidhi :-

" ‫شهر رمضان الذي أنزل فيه القران‬


“Bisha soon waa bishii Qur’aanka la soo dajiyey”

2.Waa bisha ugu fadliga badan bilaha,


dhexdeedana waxa ku kulma cibaadooyin
badan oo aan ku kulmin bilaha kale sida ,
Soonta , Salaadda , Qiyaamka , Cimraysiga,
IWM.

12
Axkaamta Soonka
3.Waa bisha la furo al-baabada jannada oo
dhan, lana xidho Albaabada Naarta.
4.Waa bisha la silsiladeeyo shayaadiinta
madaxa adag , dadkuna sharkooda ka nastaan.

5.Waa bisha dadka ugu badan Alle (S.W.T.)


Naarta ka xoreeyo, una dambi dhaafo. Alle
kuwaa hay naga mid dhigee. Ammiin .
6.Malaa’iigtu waxay dambi-dhaaf u weydisa
Ilaahay dadka sooman ilaa ay ka afurayaan.

7. Jannadu waxay leedahay albaab Rayaan


la dhoho oo dadka soonta badan oo kaliyi
Jannada ka galaan.
8. Bisha Ramadaan waxa ku jira habeenka
laylatul qadriga oo ka khayr badan kun
bilood. qofka habeenkaa haleelaana wuxu
lamid yahay qof cibaadaystay kun
habeen.

i
Dhamman fadaa’ishan aynu soo xusnay waa kuwo kuwada
sugnaaday sunnada Nebigeena Muxamed ( N.N.K.H.) , mana
aha intan oo kaliyee aad bay u badan yihiin , waanse ka soo
qadhiidhanay uun.

13
Axkaamta Soonka

Xukunka Soonka

Soonka bisha Ramadaan waa mid kamida tiirarka diinta


islaamka,waana ku waajib qof kasta oo muslim ah , qaan
gaadh ah , miyir qaba , deggan oo aan socdaal ahayn ,
cafimaad qaba , kana madhan waxyabaha soonka buriya
sida dhiigga caadada ama dhiigga dhalmada.
Xukunkaana waxa sugay Qur’aanka sharafta leh iyo
Sunnada Nebiga (N.N.K.H.) , sidoo kale waxa ku isku
waafaqay muslimiinta oo dhan.
Alle (S.W.T.) wuxu yidhi:

“Kuwa Alle rumeeyow waxa la idinku faral yeelay


soonka , sidii loogu faral yeelay oo kale kuwii idinka
horreeyey”.
Nebiguna (Cs) waxa uu xadiis ku
yidhi :
" ‫"وصوموا شهركم‬
“Bishiinana sooma”.

14
Axkaamta Soonka

Qofka ka taga Soonka

Ka hor intaynaan sheegin wuxu noqonayo xukunka qofka


ka taga soonka waxa muhiima in qof kastaaba ogaado inuu
soonku yahay cibaado Eebbe inagu waajibiyey , dhayal in
looga tagana aanay banaanayn.
Ka tegidda Soonka laga tagaa way kala xaalada duwan
tahay , qofa walba jeedo ayuu uga tagaa, sidan hoose
ayaanay noqonaysaa iyadoo kooban :
Sababtu uga tagay : Xukunka
Qofka diida waajibnimada soonka , wuu gaaloobayaa.

Qofka uga taga safar awgii , dibuu ka soo qalaynayaa

Qofka uga taga Xanuun joogta ah oo uu qabo , wuu


afurayaa , maalin kastana qof buu afurinayaa.

Qofka uga taga Xanuun aan joogta ahayn , dibuu ka soo qalaynayaa

Haweenayda uur ama Naas-nuujin dartood uga tagta dibay


ka soo qalayn.

15
Axkaamta Soonka

Tiirarka Soonka

Soonku wuxu leeyahay labo tiir oo kala ah :-


1.Niyo oo ah in qofku niyeysoto inuu soomayo .
2.In la iska ilaaliyo dhammaan waxyaabaha afuraya
sidi cunidda ,cabitaanka , galmada , laga bilaabo
waaberiga ilaa qorax dhaca.
Faa’ido Muhiima :
-Ma waajibaa inuu qofku niyeysto inuu
soomayo habeen walba , mise waxa ku filan
inuu bilowga Ramadaan niyeysto inuu bisha
wada soomayo ?
-Waxa fiican inuu habeen kasta sii niyeysto inuu Barri
soomayo , xilliga uu niyeysanayaana waa inuu ahaado
waaberiga ka hor saacadna ha ahaatee.

16
Axkaamta Soonka

Shuruudaha Soonka

Soonku wuxu leeyahay shuruudo aanay la’aantood soonku


ansaxaynin . Shuruudaha Soonku waa laba qaybood ;
shuruudo waajibiya soonka iyo shuruudaha uu ku ansaxo
soonku.

Shuruudaha waajibiya Soonka


:

1- In qofka soomayaa yahay Muslim, oo gaal soon kuma


waajibayo mana ka ansaxayo.

2- Inuu yahay qof qaangaadh ah, oo soonku kuma


waajibayo carruurta.

3- Inuu yahay qof caqli leh oo waxgaranaya, oo soonku


kuma waajibayo qof waalan.

4.Inuu yahay qof awooda soonka , oo qof aan awoodin


soonku kuma waajibayo , mana haboona inuu soomo.

17
Axkaamta Soonka

Shuruudaha ay ku ansaxdo
Soonka:
1- Niyada : inuu qofku niyeysto inuu soomayo

2- Daahirnimo , inay ka daahir tahay(gabadhu) dhiigga


caadada ama dhalmada.

3- inuu wax kala garanyo , oo ilamaha yar kama ansaxayso.

4.inuu wakhtigu yahay mid banaana in la soomo oo aanu


ahayn wakhtiyada ay soontu xaaraan tahay sida maalinta
ciidda.

18
Axkaamta Soonka

Sunayaasha Soonka:

Soonka waxa sunnayaashiisa kamida :


-In la dedajiyo Afurta
-In Suxuurta la dib dhigo
-in marka la afurayo xabado timira lagu bilaabo.
Rasuulka (scw) wuxuu yirdhi “Dadka kheyr kama suulayaan
inta ay dedejinayaan afurka, ayna dib u dhigayaan
Suxuurta”.
-In la badiyo Xuska Alle ( S.W.T.).
-In la badiyo aqrinta Qur’aanka kariimka ah.
-In la ducaysto xilliga suxuurt.

19
Axkaamta Soonka

Waxyaabaha buriyo Soonka:

Soonku waa cibaado u baahan in la ilaaliyo , lana barto


waxyaabaha buriya si la iskaga jiro, waana kuwan
waxyaalaha jebiya soonka :-
1.Cunid iyo Cabitaan ogaan , ama inuu
isticmaalo wax u dhigma cunno iyo
cabitaan. Haddiise uu isagoo is ilowsan
wax cuno ama cabbo soonkii kamay
burin .
2.Inuu si badheedh ah- isaga matijo
3.In qofka soomani kulan sariir la sameeyo
xaaskiisa , haddii qofku sameeyo isagoo
sooman soonti way ka jebtay , waxaana ku
waajibaysa kafaaro ah :
1.inuu Ilaahay u toobad keeno
2.Inuu maalintaas soo qalleeyo
3. inuu labo bilood oo xidhiidha soomo
4.Haddii uu awoodi waayana quudiyo lixdan miskiin.

20
Axkaamta Soonka
4. In qofka soomani siigaysto oo biyaha taranka ogaan isaga
keeno , haddiise ay biyuhu ka yimaaddaan isagoon sababta
lahayn , sida inuu isagoo hurda riyoodo , ama uu xanuun
ka keeno biyaha , soonkiisi kama jabin.

5.In ay gabadhu hesho dhiigga caadada ,amaba ay umusho,


haddii ay gabadha soomani labada arrimood mid kamidi
ku yimaado soonkeedu wuu burayaa , maalintaasna dibay
ka soo qallaynaysaa.

6.In qofka soomani niyeysto inuu soonka jebiyo , sida inuu


go’aansado inuu cunto cuno ama wax cabbo , soonkiisi
wuu ka burayaa xataa haddaanu waxba cunin ama cabbin.

7 . In qofka soomani ridoobo , sida inuu diinta caayo ama


Rasuulka (N.N.K.H.) aflagaadeeyey.

21
Axkaamta Soonka

Dadka loo banneeyey inay


afuraan maalinta
Ramadaan
Diinteenna Islaamku waa mid ku dhisan dhibirsanaan iyo
sahlanaan. axkaamteedana wax lagala yimaadaa intii la
tahli karo. waxaana loola yimaaddaa sidii loo kari karo. .
Waxa jira sababo u banneeya qofka uu soonku ku waajibay
inuu iska afuro markuu xaaladahan soo socda ku
jiro :
1 Qofka xanuunsanaya, xanuunkaasi waa laba
jaad
Xanuun u filayo inuu ka bugsan karo , wuu
iska afurin , waanu soo qallaynayaa intii uu
xanuunsanayey.
inuu qabo xanuun halisa oo aanu rajeynayn inuu ka
bugsanayo , sida inuu qabo cudurka macaanka oo heer
halisa gaadhay, qofkani wuu iska afurayaa ,maalin
kastana oo Ramadaan kamidana qof buu afurinayaa, ama
wuxu bixinayaa raashin u dhigma 1.25 kg.

22
Axkaamta Soonka
Gabadha yeelata dhiigga caadada ama dhalmada ,way
afuraysaa dibna way ka soo qallaynaysaa.
In ay gabadhu uur yeelato , ama ilmo naas-
nuujinayso, xaaladahan markay gabadhu ku
jirto waxay soonta waxay uga tegi kartaa laba
arrimood midkood:
-In ay ka baqdo in nafteeda dhibi soo gaadho.
-In ay ilmaheeda yar ee uurkeeda ku jira amma ay naas-nuujinayso
ay uga baqdo in dhibi soo gaadho . Haddii labadan mid kamidi
dhici karaan way iska afuraysaa dib ayaanay ka soo
qallaynaysaa.
In uu yahay Oday da’ ah oo gaboobay oo aan
awoodin soonta , wuu iska afurayaa , maalin
kastana wuxu quudinayaa miskiin.

In qofku Musaafir yahay , safar xalaal oo aan macsi


ahayn , xeeladaysi soon ka war-wareegana ahayn
. Qofka safraya waxa u fiican inuu iska afuro
dibna uu ka soo qalleeyo. Waxa isku mida Safarka
la lugaynayo ama ka gaadiidka casriga ah la
raacayo.

23
Axkaamta Soonka

Masalo : Qofka gaajo darani qabato isagoo sooman :


Qofka isagoo sooman gaajo darani qabato , kana baqa
inuuba dhinto haddii uu sii soomanaado , wuu
jabinayaa , maalintaana dibuu ka soo qallaynayaa,
sidaas ayey isku waafaqsan culimada Islaamku.

24
Axkaamta Soonka

Su’aalo iyo Jawaabo

25
Axkaamta Soonka
S.1 Xaakada oo la liqaa ma Jabisaa Soonta?

J.Sida culimada Islaamku u badan yihiin xaakadu ma


jabiso soonka oo waxay qaadanaysaa xukunka
candhuufta, waxaase wanaagsan in la tufo oo aan la liqin.

S. Cuntada oo la dhadhamiyo miyey burisaa Soonta?

J.Dhadhaminta cuntadu ma jabiso soonka , haddii aan la


liqin , hase ahaatee waa in baahi ka fursan waayi keentaa
dhadhaminta Cuntadaa la dhadhaminayo.

S.Isku dirka dadku ma jabiyaa soonka ?

J. Isku dirku waa danbi weyn , Rasuulkuna wuxu yihi :


“Diradiraaluhu jannada ma galo “ , hase ahaatee soonka
ma jabinayo ee ajarkuu yaraynayaa

S. Ma banaan tahay in Ninku la ciyaaro ama dhunkado


Xaaskiisa isagoo Sooman?

Way u banaan tahay in ninku la ciyaaro ama uu


dhunkado Xaaskiisa isagoo Sooman, marka laga reebo
inuu ka cabsado in ay biyuhu ka yimaadaan, hadayba
biyo yimaadaan way ka burtay Soonto, waxaana laga

26
Axkaamta Soonka
rabaa inuu aanu waxba cunin oo sii af-xidhnaado ,
maalintaasna dib ka soo qalleeyo.

S. Waa kee xanuunka loo banneeyey inuu qofku iska


afuro ?

J. Waa xanuunka aan laga rajo qabin inuu bukuhu ka


bugsado.

S.Muxuu sameynayaa qofka arka qof sooman oo biya


cabaya isagoo is ilowsan ?

J.Wuu ku baraarujinayaa, mana haboona inuu ka


aamuso waayo waa xummaan uu arkayo.

S. Ma u banaantay inay iska afuraan dadka ka shaqeeya


shaqooyinka adag sida dhismaha , ama moofooyinka
maalinta Ramadaan ?

J. May , uma banaana.

S.Qofka Riyooda isagoo sooman , kana yimaadeen


biyihii taranku , soonti ma ka jabaytay ?

J. Qofka riyooda ayna ka yimaadaan biyaha manidu kama


jabayso soonkiisu , kaliya waxa ku waajibaya maydhasho.

27
Axkaamta Soonka
S.Ma u banaantay gabadha inay soonto iyadoo caado leh ,
oo ka xishoonaysa ehelkeeda ?

J. Uma banaana inay gabadhu soonto iyadoo dhiigga


Caadada leh , haddii ay xataa xishoonayso way ku
dambaabaysaa.

S.Matagu ma jabiyaa Soonka ?

J. Haddii qofku ogaan isaga matajiyo soonki wuu ka


burayaa , haddiise wuu iskii isaga matago kama jabayo.

S. Waa maxay ku xukunka qofka cuna ama cabbaxiliga


adaanka ama rubuc saac ka dib adaanka?

J. Haddii qofka su'aashan ku xusani ogyahay in xilliga


uu wax cunay waxna cabay ka horeeyay waabariga, qale
isaga kuma waajibin. Haddiise uu ogaado inuu wax
cunay waxna cabay waabariga ka dib, kolkaasi qale ayaa
ku waajiba. Haddiise uu kala garanwaayo in xilliga uu
wax cunay ee cabay ahaa waabariga ka hor ama kadib
kolkaasi qale kuma waajibin, waayo waxa la
xukumayaa in ay habeen tahay illaa ay cadaato inuu
waagii baryay. Waxase qofka mu'minka ah u haboon
inuu soonkiisa ilaashado, oo markuu adaanka maqlo ka

28
Axkaamta Soonka
istaago waxyaabaha soonka buriya, ilaa uu ogyahay
mooyee in mu'adinku adimayo waqtigii subaxa ka hor.

S. : Waa maxay xukunka qofka sooman ee indho-kuusha?


J. Waxba kuma jabna inuu qofka soomani indho kuusho iyo
inuu indhihiisa ku dhibciyo dawo midna.

S. Hadduu luqluqdo qofka soomani ama sandaarsado oo


biyuhu galaan gudihiisa miyuu soonkii ka jabayaa?

J. Haddii uu luqluqdo qofka soomani ama sandaarsado oo


biyuhu galaan gudihiisa soonku kama jabayo, waayo
umuu kasin.

29
Axkaamta Soonka

Dawooyinka iyo Soonka

Irbadaha la isku mudo :


Irabadaha la isku mudaa waa labo nooc :

1.Irabado loo qaato cunno ahaan , oo buuxin


karta booskii cunnada iyo cabitaanka ,
kuwani soonta way jabinayaa , waayo
booskii cunnada iyo cabitaanka ayey galeen.
2. Irbado aan cunno iyo cabitaan ahayn , oo
aan lagaga maarmi karayn cunnada iyo cabitaanka ,
kuwani ma jabinayaa soonka ,waayo cunno iyo cabitaan
midna maaha.
Irabad kastoo la isku mudayo xilliga soonka
waxa la eegayaa labadaa nooc ee aan kor ku soo
xusnay kay tahay:
-Haddii ay cunno tahay ama nafaqo jidhka xoojinaysa
leedahay soontii way burinaysaa .
-Haddii aanay cunno ahayna ma jabinayso.

30
Axkaamta Soonka
Dawada Qiiqda :
Xiiqda oo af Ingiriiska lagu magacaabo "asthma", dawada
loo qaatana lagu isticmaalo qalab la yidhaahdo "asthma
inhaler" , qofka xiiqda qabaa ma isku buufin karaa isagoo
sooman ? mase ka jabaysaa soontu ?
Si kooban waxa muhiima in aan ogaano
in dawadani tahay uumi-bax biyo yar
wadata oo aan caloosha gaadhin , mana
jabiso soonka , sidaana waxa qaba
badanka culimada Islaamka ee casrigan

Dawada cadayga :
Dawada lagu caydaa ma jabiso soonka haddii
lagu cadaydo , waxaanse fiicnayn in la liqo.

Dawada dhibicda indha :


Dawada lagu shubo indhaha ee dhibic ah
ma buriso soonka,waana caadi haddii
qofka soomani ku dhibciyo indhihiisa.

31
Axkaamta Soonka
Dawada Lagu luqluqdo :
Isticmaalka dawada lagu luqluqdaa (mouth
wash)ma jabinayo soonka haddii aanu liqin,
waxaana culimada Islaamku ku taliyaan in aan la
qaadan iyadoon loo baahnayn.

Dawada Xaydka (caadada dumarka) Joojisa :


Dumarka qaar ayaa isticmaala dawada caadada joojisa ,
si ay bisha Ramadaan u wada soomaan , haddaba waa
maxay xunka dawadani ?
Sida guud way banaantay in gabadhu isticmaasho
dawada xaydka joojisa bishada Ramadaan , waxaase
shardi ah in dhakhatar aqoon leh , lagu kalsoon
yahay sheego in aanay dhibaato soo
gaadhsiinayn gabadha qaadanaysa dawada.
FG : Waxaase fiican in aanay gabadhu qaadan
dawadan , waxaana u khayr badan in ay ka
fogaato.

32
Axkaamta Soonka
Dawada dhibicda dhagaha :
Isticmaalka dawada dhibicda dhagahu
soonka ma jabiso , sida ay u badan yihiin
culimada Islaamku, sidoo kale waxa la
mida maydhidda dhagaha.

Qof sooman ee Gows laga Saaray:


Qofka sooman ee gows iska saaray dhiigga ka soo
daatay ma jabinayo haddii aanu caloosha gaadhin.

Dawada talaalka karoonaha :


Sida aynu wada ognahay waxa dunida
dacal ka dacal ku fiday xanuunka
karoomaha ,waxaana dhakhaatiirku soo
saareen irbad talaala , haddaba qofka
sooman irbadaa haddii uu qaato soonti ma
jabaysaa ?.
Jawaabta oo kooban waa : Irbada talaalka karoonuhu
ma jabinayso soonka , haddii qofku isagoo sooman is
talaalo , waayo maaha irbad cunno ah .

33
Axkaamta Soonka
Waxaase xusid mudan in haddii qofku ku
xanuunsanayo irbadda oo soonkii wax ka
noqonayso, waxa wanaagsan inuu habeenkii qaato
talaalka.

Dawada wadna xanuunka :


Dawada wadna xanuunka ee kiniinka ah ee la galiyo
carabka hoostiisa ma jabinayso soonka , waxaana
fiican in aan la liqin

34
Axkaamta Soonka

Gebagabo :
Ilaahay ayaa mahad leh , mudnaan waxa leh suubinihii
Muxamed ( N.N.K.H.) .
Akhriste adna aad baad ugu mahadsan tahay akhrinta
buugg yarahan kooban . Waxa xusid mudan in aan
axkaamta soontu inta ku koobanayn , balse intani tahay
inta ugu mudan , iftiimina u noqon karta qofka sooman .
Waan islahaa badi ee waxan ogahay in aan dadku
akhriyeyn .

Alle khayrka bisha Ramdaan ha inna waafajiyo.


Ducadaadana ha naga ilaabin.

Ismaaciil Haniye
Watepka : 3440058.
Ramadaan kariim.

35

You might also like