You are on page 1of 22

ARAGTIDA & BARNAAMIJKA

SIYAASADEED EE MUSHARAX
MADAXWEYNECABDULQAADIR
XUSEEN MAXAMED

“JAAHWEYN”

info@jaahweyn.com
Amaanka Dalka waxaa lagu
sugu karaa, siyaasad degan,
dib u heshiin, Shaqo Abuuris,
Horumarin bulsho iyo Ciidan
tayo leh

Midnimada Ummadda
Soomaaliyeed waxay u baahan
tahay aragti nadiif ka ah
qabyaalad iyo eex, oo salka ku
heysa ku cadaalad iyo sinaan
ARAGTIDA Musharax C/qaadir Xuseen Maxamed “Jaahweyn” waxaa uu aaminsan yahay si
SIYAASADEED EE looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee horyaala
MUSHARAXA dalkeena in ay lama huraan tahay in la helo hogaan dhiiran, leh aragti fog, daacad
ah, dhexdana u xirta sugidda amniga, hirgalinta garsoor caadil ah, kobcinta
dhaqaalaha iyo wax-soorka, baahinta adeegga bulshada si loo gaaro isbadal
dhab ah oo horseedda badbaado qaran iyo barwaaqo nololeed.
Dalkeenu wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah marka loo eego geedi-socodka
dib u yagleelka dowladnimo. Caqabadoha ina horyaala waa kuwo laga dhaxlay
nidaamyadii dalka soo maray ee ku dhisanaa siyaasadaha qabyaaladeysan,
musuqmaasuq iyo kali-talisnimo sababtay colaad sokeeye iyo qaran jab u xuub
siibtay fowdo iyo xag-jirnimo diineed.
Tan iyo sanadkii 2000 waxaa socday dadaalo ku aadan dib u dhiska iyo xoojinta
nidaamka siyaasadeed ee dalka, Iyadoo ugu dambeyntii lagu guuleystay
sanadii 2012 in la dhameystiro marxaladii KMG-ga aheyd, lana hirgaliyay dowlad
Soomaaliyeed oo rasmi ah.

@Jaahweyn4president 1
ARAGTIDA ----Nasiib daro labadii nidaam (dowladood) ee ka dambeeyay xilligii KMG-ka,
SIYAASADEED EE waxay ku guuldareysteen hirgalinta hamigii hor usii wadida hanaanka dowladnimo
MUSHARAXA iyo in aysan ka miro dhalin taageeradii shacabka Soomaaliyeed iyo aqoonsigii
caalamka.
Hadaba waxaa inoo muuqata in ay waajib tahay in loo istaago in dalka
laga badbaadiyo jahawareerka siyaasadeed, lana xaqiijinayo in ummadda
Soomaaliyeed hesho dowlada u qalanta, kartina u leh hanashada dalka iyo
xaqiijinta himilooyonka shacabka Soomaaliyeed,
Aragtidan siyaasadeed waxaa sadhig u ah oo hagaya mabaadi`dan hoos ku
xusan:
• Taabagalinta nidaam & dhaqan siyaasadeed ku dhisan wadatashi, nabad
baahsan, cadaaladda iyo sareynta sharciga.
• Ilaalinta diinta, dhaqanka, midnimada iyo madaxbanaanida ummadda
Soomaaliyeed.
• Ilaalinta xoriyadda, sharafta iyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka
Soomaaliyeed iyo daryeelka noloshiisa.
• In dhamaan go`aanada siyaasadeed lagu dhiso maslaxda dalka, dadka iyo
diinta.

2 @Jaahweyn4president
BARNAAMIJKA Barnaamijka siyaasadeed ee Musharaxa wuxuu ka turjumayaa aragtida,kor ku
SIYAASADEED EE xusan iyo gaaritaanka himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay udub-dhexaad
MUSHARAXA u tahay dhismo maamul dowladeed oo horseeda bulsho xor ah, isku kalsoon,
kuna wadanool nabad, iyo cadaalad, hiigsaneysa horumar gaara dhamaan
qeybaheeda.
“Hadafkeenu waa dhismo
maamul dowladeed oo Sidaa darteed, barnaamijkeena siyaasadeed wuxuu si buuxda ugu howgalayaa,
horseeda bulsho xor ah, isku mudnaanta koowaadna siin doonaa arrimaha soo socda:
kalsoon, kuna wadanool
nabad, iyo cadaalad, • Sugidda Aminga & Xasilinta Dalka.
hiigsaneysa horumar gaara
• Xoojinta cadaaladda & Madax-banaanida Garsoorka.
dhamaan qeybaheeda”
• Horumirinta dhaqaalaha & Wax soo saarka
-Musharax: Jaahweyn
• Baahinta Maamullada & Dawlad Wanaagga
• Geedi-socodka siyaasadda iyo dib u heshiisiinta
• Kobcinta & Daryeelka Dhalinyarada
• Iyo Xoojinta xiriirka caalamka.

@Jaahweyn4president 3
1. SUGIDDA AMINGA & XASILINTA DALKA
MUDNAAN Aminigu wuxuu saldhig u yahay nolosha iyo dib u soo celinta qaranimadii dalka. Horumar
GAAR AH lama gaari karo iyada oo aan la helin amni taam ah iyo xasilooni gaarta dhinac walba
oo nolosha ah. Sidaa daraadeed aragtida Musharaxa ee ku aadan aminga waa mid
baaxadweyn kana dhigeysa waajibka ugu sareeya ee saaran hay`adaha dowladda
iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa la gaaray xilligii la soo af-jari lahaa fikirka iyo falalka cabsi-galinta iyo amni
“Aminigu waa saldhiga darada. Waxaan qaadi doonnaa tillaabooyin cadcad, qorshe amni oo ay shacabku
nolosha, iyo dib u soo celinta ku kalsoonaan karaan, inagoo mudnaanta siinayna:
qaranimadii dalka.”
• Dhismaha & tayeynta ciidanka qalabka sida iyo dhamaan hay`adaha amniga
si ay u hantaan sugidda amaanka dalka, loona soo afjaro baahida loo qabo
-Musharax: Jaahweyn joogitaanka ciidamo shisheeye.
• La dagaalanka Argagixisada iyo maleeshiyaadka abaabulan iyo xakameynta
hubka sharci darrada ah.
• Dib u xoreynta dalka iyo xasilinta goobaha xorta ah iyo ilaalinta xudduudaha
dalka.
• Kobcinta fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka iyo ka hortaga xag-jirnimada iyo
sare u qaadida Wacyiga wadniyadeed ee bulshada & horumarinta saxaafadda
• Xoojinta Iskaashiga aynu la yeelano dawladaha aynu saaxiibada nahay iyo
hay’adaha caalamiga ee xoojinta Aminiga & horumarintiisa.
Shacabka Soomaaliyeed in ay amniga ka qeybqaataan waxaa ka horeeya in ay
helaan dowlad looga daydo dadaalka sugidda amni iyo xasilinta dalka.

4 @Jaahweyn4president
Si aan u
dabargoyno
argagixisada, waa
inaan yagleelnaa
xukuumad, leh
aragti siyaasadeed
oo cadaalad
ku dhisan, isla
markaana awood
u leh xoojinta
ciidanka.

@Jaahweyn4president 5
Dhibaatada
Argagixisada
waxay saameysay
Soomaali oo idil;
marka aan la
dagaalameyno,
waxaan
kaashaneynaa
Soomaali oo idil

6 @Jaahweyn4president
Tayeynta iyo
Daryeelka
Ciidanka Qalabka
sida waxay
fure u tahay
xalka amniga
Soomaaliya

@Jaahweyn4president 7
2.
XOOJINTA CADAALADDA &
MADAX-BANAANIDA GARSOORKA.
MUDNAAN GAAR Garsoor madax-banaan waa tiir ka mid ah asaaska jiritaanka dowladnimo. Dal aan laheyn
Garsoor caadil ah ma gaari karo xasilooni, horumar iyo nabad waarta.
AH …
Cadaalad-daradu waa boog ku taala nidaamka Garsoor ee dowladdihii dalka soo
maray, una baahan in la dhayo, waxayna kaliftay in shacabka cadaalad u doonto
arxanlaawayaashii Argagixisada.
Qorshaha hirgalinta nidaam Garsoor oo caadil ah wuxuu xakameyn doonaa tacadiyada
ay shacabka kala kulmaan hay`adaha Garsoorka, wuxuuna xaqiijinayaa:
Dejinta iyo meelmarinta siyaasad iyo qorshe wax looga qabanayo cadaalad-darada
hareysay nidaamka Garsoorka, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.
Xaqiijinta in muwaaddinka Soomaaliyeed helo cadaalad iyo dammaanad qaad in aan
lagu xad-gudbi karin xuquudiisa iyo xoriyaddiisa.
Xaqiijinta madaxbanaanida Guddiga Adeega Garsoorka, Dhismaha Maxkamada
Dastuurka iyo tayaynta Maxkamadaha dalka heerarkooda kala duwan.
Xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Amniga iyo Garsoorka si loo helo cadaalad iyo
hirgelinta Sareynta Sharciga.
Hirgalinta adeega ha`ayadaha Garsoorka ee dalka oo idil, si loo xaqiijiyo in dambiiluhu
waayo meel uu gabaad ka dhigto.

8 @Jaahweyn4president
Danta dalka iyo
dadka waxay ku
jirtaa nidaam
cadaaladeed
oo ku dhisan
qiyamka
Islaamka iyo
dhaqanka
suuban ee
Soomaaliyeed

@Jaahweyn4president 9
3.
HORUMARINTA DHAQAALAHA &
WAX SOO SAARKA
MUDNAAN GAAR Burburkii nidaamkii dowladeed ee nagu habsaday waxaa uu kalifay in dadkeena
AH … iyo dalkeenuba ay tilmaan iyo magac u noqdaan colaadda iyo gaajada.
Haddaba si looga hortago aafada saboolnimada, loona asaaso bulsho caafimaad
qabta oo leh mustaqbal iftiimaya waxaaynu mudnaanta siinaynaa:
“Horumarinta dhaqaalaha
dalka wuxuu saldhig u • Xoojinta Amniga iyo badqabka illaha nolosha iyo dhaqaalaha dalka.
yahay La dagaallanka
saboolnimada & kor • Kobcinta wax soosaarka dalka ee xagga beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga.
u qaadista nolosha
muwaadinka ” • Dedeginta soo saaridda Kheyraadka dabiiciga ah iyadoo dalka laga
badbaadinayo dhibbatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka imaan
-Musharax: Jaahweyn kara soo saaridda kheyraadka.
• Dhiirigalinta maalgashiga iyo gacasiga qeybihiisa kale duwan, iyadoo la
xaqiijinayo damaanaadka sharciga iyo fududeynta howlaha ganacsi.
• Xoojinta Adeegyada guud iyo dhisida kaabayaasha horuminta dhaqaalaha.
• Abuuritaan fursado shaqo iyo la dagaalka faqriga iyo gaajada.
• Gurmadka iyo ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo ilaalinta bay`ada iyo
ka hortaga xaalufinteeda.

10 @Jaahweyn4president
Burburkii
nidaamkii
dowladeed ee
nagu habsaday
waxaa uu kalifay
in dadkeena
iyo dalkeenuba
ay tilmaan
iyo magac
u noqdaan
colaadda iyo
gaajada

@Jaahweyn4president 11
4.
BAAHINTA NIDAAMKA DOWLADNIMO
IYO MAAMUL WANAAGA
MUDNAAN GAAR Si loo helo nidaam dawladeed oo la isku haleyn karo, kuna baahsan dhammaan
AH … dalka waxaa lama huraan ah:
Dhameystirka Dastuurka iyadoo la waafajinayo mabaadiida asaasiga ah ee
ummadda Soomaaliyeed.
“La dagaalanka iyo
ciribtirka musuq-maasuqa, Daadejinta awoodda Dawladdnimo heerarkeeda kale duwan iyo xoojinta
lunsashada iyo ku takrifalka nidaamka Fedaraalka si waafaqsan Dastuurka dalka.
hantida Qaranka waa
talaabada kowaad ee Dhameystirka maqaanka iyo matalaadda Caasimadda.
dowlad-wanaaga iyo
kobcinta dhaqaalaha ” Hirgalinta nidaamka xisbiyada siyaasadeed iyo doorshooyin “Qof iyo Cod” ah.

-Musharax: Jaahweyn
Maamul-wanaagu wuxuu saldhig u yahay nidaamka dawlanimo ee casriga ah. Si
haddaba loo xoojiyo waxqabadka hay’adaha dowladda, waxaynu qaadeynaa
talaabooyinkan soo socda:
• Casriyeynta nidaamka maamul iyo maaliyadeed ee hay`adaha dowladda si
loo tayeeyo dhamaan adeegyada ay u hayaan muwaadiniinta.
• In sare loo qaado aqoonta kalsoonida iyo daryeelka shaqaalaha hay`adaha
dowlada iyo awooddooda isticmaalka tiknoolajiyadda casriga ah.
• Xoojinta daahfurnaanta adeegyadda dowladda si looga hortago musuq-
maasuqa iyo wax isdabamarinta.
• Abuuritaanka kalsoonida muwaadinka ee adeegyada hay`adaha dowladda.

12 @Jaahweyn4president
Shacabka
Soomaaliyeed
waxay u baahan
yihiin Hogaamiye
damiirkiisu
nool yahay, oo u
shaqeya, balse aan
ka shaqeysan

@Jaahweyn4president 13
5.
GEEDI-SOCODKA SIYAASADDA
IYO DIB U HESHIISIINTA
MUDNAAN GAAR Waxaa sanadihii la soo dhaafay dib u dhac weyni ku yimid geedi-socodkii
AH … siyaasadeed iyo dibu-heshiisiintii beelaha Soomaaliyeed. Hadaba, si loo xoojiyo
wadajirka ummadda & midnimadeeda waxaynu xoogga saareynaa arrimaha soo
socda:
• In dib loo yagleelo geedi-socodka siyaasadda iyo nabadeynta beelaha si
bulshada Soomaaliyeed ay iskugu soo dhawaadaan.
• In si dhab ah oo daacad ah loo wajaho, loona dhameystiro wadahada
dowladda dhexe iyo Soomaaliland
• In aan ka shaqeyno joojinta colaadaha taagan, abuuritaan jawi deganaansho
iyo kalsooni-dhis horseeda is faham iyo midnimo bulsho.
• Abaabul barnaamij dib u heshiisiineed oo lagu daaweynayo tabashooyinka
beelaha iyo tacadiyadii dhacay si loo afjaro colaada, xal waarana loogu
helo.
• In dibu-heshiisiintu ay noqoto mid ka madaxbanaan siyaasadda, oo ay
horkacaan waxgaradka Soomaaliyeed iyo culimaa’udiinka.
Fulinta arimahan kor ku xusan waxay suurtagal ka dhigeysaa soo celinta isku
duubnidii iyo wadajirkii taariikhiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

14 @Jaahweyn4president
Dhaqanka siyaasadda ee ku dhisan
musuqmaasuqa waa inaan soo afjarnaa, sida
ugu dhaqsaha badan, hadii kale jiilasha soo
socda waxay ka fahmi doonaan siyaasaddu
in ay tahay boobka hantida qaranka, waana
arrinta maanta heysta dawladnimada
Soomaaliya. Tuuganimo & Wax isbadamarin
siyaasad ma ahan

Dhibaatooyinka Soomaaliya heysta waxaa


asal u ah khilaafka iyo tafaraaruqa ka jira
dhexdeena; si looga gudbana, waxaan ku
dadaaleynaa inaan soo celino kalsoonida
shacabka Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo
dibu-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed
oo dhab ah

@Jaahweyn4president 15
6. KOBCINTA & DARYEELKA DHALINYARADA
MUDNAAN GAAR Bulshada Soomaaliyeed 75% waa dhalinyaro ay da`doodu ka yar tahay 30 sanno
AH … jir. Dhalinyaradu iyagoo la wadaaga bulshada inteeda kale duruufaha nololeed
iyo dhibaatooyinka ka jira dalka, ayaa haddana waxaa u dheer in ay dhibane u
yihiin dagaalada sokeeye, colaadaha abaabulan, marin habaabinta argagixisada
xagjirka ah iyo saboolnimada baahsan oo sabab u ah tahriibka.
“Hadafkeenu waa
Hadaba si loo xaqiijinyo hadafka Badbaadinta iyo Daryeelka dhalinyarada waxaynu
badbaadinta & kobcinta
Dhalinyarada si ay uga si buuxda ugu howgalaynaa arrimaha soo socda:
qeybgalaan horumarka iyo
• In mudnaanta la siiyo adeegyada asaasiga ah ee dhalinyaradu sida
hogaaminta dalkooda.”
waxbarasho, caafimaad iyo tababarada xirfadaha ee kala duwan.
-Musharax: Jaahweyn
• In la kobciyo garaadka iyo dareenka waddaninimo ee dhalinyarada si ay u
xaqiijiyaan horumarka mustaqbalkooda, ogana qeyb qaataan xasilinta dala.
• Ka hor taga iyo la dagaalanka fikradaha xagg-jirka, tahriibka, maandooriyaasha
iyo falalal dambiyeed abaabulan ee dhalinyarada dhexdooda.
• In la taageero dhalinyarada leh hal-abuurka ee muujiya dadaalka, lana
siiyo fursado ay uga qayb-galaan dhamaan howlaha waddanka lagu
horumarinayo
• In dhalinyarada loo qoondeeyo miisaaniyad gaar ah oo ku aadan
mashaariicda horumarika dhalinyrada iyo in dibu-habeyn lagu sameeyno
siyaasadaha shaqaalaha anjabiga ah ee dalka la keeno, kuwaas oo runtii
qeyb ka ah shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka,

16 @Jaahweyn4president
Dhalinyaradu waa
udub dhaxaadka
bulshada, waa
in ay hogaanka
dalka qeyb libaax
ku yeeshaan

@Jaahweyn4president 17
7. XOOJINTA XIRIIRKA CAALMIGA
MUDNAAN GAAR Si loo soo celiyo maqaamkii iyo magacii ay Soomaaliya ku lahayd caalamka,
AH … loona ilaaliyo danaha istiraatiijiga ah ee ay leenahay, waxaynu qaadi doonaa
talaabooyinka soo socda:
• Xoojinta xiriirka wadamada dariska ah iyo kuwa caalamka ee ku dhisan
iskaashiga iyo is qaddarin lala yeesho dhamaan waddamada.
“Hadafkeenu waa xaqiijinta
in Soomaaliya yeelato • Xoojinta kaalinta aynu ku leenahay urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga
maqaamka iyo sharafta ay ah ee aynu xubinta ka nahay.
mudan tahay ee Caalamka”
• In aynu dowr muuqda ka qaadano nabadeynta gobolkan Geeska Afrika
-Musharax: Jaahweyn
iyo xoojinta in qawmiyadaha deggan ay ku wada naaloodaan nabad iyo
horumar.
• Tayeynta iyo wax ka qabadka safaaradaha aynu ku leenahay dalka
dibadadiisa si loo horumariyo danta dalka iyo dadka, loona dhowro sharaftena
iyo heybada Qaranka.
• In la hubiyo badqabka iyo ilaalinta hantida Dawladda Soomaaliya ee
waddanka dibaddiisa.

18 info@jaahweyn.com
Waxaan soo celineynaa maqaamkii iyo magacii ay
Soomaaliya ku lahayd caalamka, islamarkaasna
loona ilaaliyo danaha istiraatiijiga uu ah wadanka

info@jaahweyn.com 19
info@jaahweyn.com

You might also like