You are on page 1of 21

Halgankii Yaasiin Cismaan ee fartii Cismaaniyada Sanadkii 1920-kii ayuu Cismaan Yuusuf Keenadiid ku guuleystey in uu allifo xuruuf loo

adeegsado qoraalka af-soomaaliga.Xuruuftaasi waa midda keliya ee taariikhda lagu hayo oo nin Soomaali ah uu leeyahay. Hortiis waxaa af-soomaaliga qori jirey, dadkana bari jirey Shiikh Yuusuf Alkowneyn, Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh Awees. Saddexdaas ninba wexey qoraalkooda u adeegsanayeen xuruufta carabiga. Waxaa in laxuso mudan xilliga uu Cismaan Yuusuf fartaas qorayey oo ahaa xilli aanan u sahlaneyn nin dhallinyaro ah oo soomaali ah in uu fikradda noocaas ah intuu helo. Haddii uu fikraddii

heleyna, in dadaal intaas leeg uu ku bixiyo si uu dadkiisa ugu helo xuruuf ey afkooda ku qortaan. Fartaasi waa xuruufta loo yaqaan Cismaaniya, waxaana loogu magac darey magaciisa ah Cismaan. Fartaasi wexey tahay mid ku haboon codka luqadda soomaaliga (phenologicaly). Isticmaalkeeduna wuxuu aad u soo shaac baxay dagaalkii labaad kadib, markaas oo ey soomaalidu ku keydsadeen qoraallo muhiim ah (taariikh iyo dhaqan) iyo akhbaar badan. Fartaani wexey soomaalidu u sahashey in ey ku urursadaan suugaan badan oo taariikhi ah sida gabeyadii la tiriyey xilligii uu socdey halgankii Daraawiishta iyo silsiladihii gabeyadii GUBA. Waxaa kale oo fartaani ey ka soo qeyb qaadatey halgankii

gobannimo doonka oo aasaaskii Leegada waxaa wax lagu qoran jirey fartan Cismaaniyada. Martino Morelo oo nin talyaani ah, wuxuu buugiisa (Il Somalo della Somalia) ku sheegey in qoraalka Cismaaniyada uu yahay mid munaasib ku ah af-soomaaliga markii laga eego meelo dhowr ah, matalan xuruufta uu af-soomaaliga u baahanyahay oo laga wada helayo, ku dhawaaqista xuruufta, shaqalladeeda iyo shibanayaasheeduba. B. W. Andrezejewiski oo ah luqadyahan (linguist) una dhashey Ingiriis, wuxuu Martino Moreno ku raacey aragtiduu kaqabo farta Cismaaniyada. Sidaan soo sheegney, fartaasi wexey soo shaac-baxdey iyada oo lagu jiro halgan gobanimo doon ah,

wexeyna markiiba ku faaftey dhallinyaradii Leegada aheyd dhexdooda, wexey noqotey xuruuf ey halgankooda u adeegsadaan. I. M. Lewis oo arrintaas qiimeynaya waxuu yiri " Cismaaniyadu wexey u shaqeysey sidii shey wax kala sifeeya (catalist) wexeyna xafidey waxii ugu qiimo badnaa ee dhaqan ahaa ee uu afka soomaaligu lahaa ". Hadalkaas wuxuu Lewis ku qorey buugiisa la yiraahdo (Modern history of Somalia). Xirsi Magan Ciise oo kamid ah ragga afhayeenada u ah farta Cismaaniyada, mar uu ardey ka ahaa jaamacadda kolombiya (Colombia university) ee dalka Mareekanka, halkaas oo uu ka qaatey shahaadada (bachelors) sanadihii kontonaadkii, wuxuu ka sheekeeyey, mar ey jaamacadda dhiganayeen in subax uu

macaallin u soo galey galaaskii, markaasuu wuxuu ku yiri ardadii : qof walba hasoo istaago oo sabuuradda ha ku qoro afkiisa sida ey ku noqoneyso (good morning). Xirsi wuxuu yiri waxaa fasalka fadhiya ardey ka kala yimid Carab, Jabaan, Hindi iyo kuwo ka yimid Ugaandha. Ardadii mid walba waa uu istaagey oo fartiisii buu wuxuu ku qorey (Subax wanaagsan) aniguna waxaan ku qorey fartii Cismaaniyada. Ardadii kayimid dalka Ugaandha waa eey qori waayeen oo maeeyan qabin far qoran oo ey isticmaali kareen. Halkaas ardadii ka timid Ugaandha wexey dareemeen in ey ardada kale ka hooseeyaan. David D. Laitin oo nin Mareekan ah in muddo ahna afsoomaaliga diraasaad ku hayey wuxuu tilmaamayaa in waxa khasbayey dhallinyaradii u doodayey farta Cismaaiyada ey aheyd (sida sheekada Xirsi Magan ka muuqata) iyaga oo

doonayey in ey muujiyaan in ey soomaalidu yihiin ummad jirta oo ummadaha kale dhinac taagan. Run ahaantiina xilligeedii waa ey ka dhigtey ummad jirta. Dhibaatada ugu weyneed oo ey farta Cismaaniyada la kulantey wexey aheyd dhaqan -qabiileedka soomaaliyeed oo wax walba la saaro misaan qabiil. Fartii ayaa miisaan qabiil la saarey, markaasaa ninkii qorey wuxuu yeeshey abtirsiinyo reereed. Halkaas baa qaar kamid ah siyaasiyiintii soomaaliyeed wexey u arkeen in fartaan ey tahay xuruuf reer leeyahay. Cismaan Yuusuf, qabiilkiisa oo Cimaan Maxamuud ah. Halkaas baa waxaa laga heley iin uu ninkii doonaya kala diriro farta. Iintuna waa iyada oo loo nisbeeyo magacii Cismaanya

qabiilka Cismaan Maxamuud. Dicaayadda noocaas ahi wexey fududeysey in ey abuuranto mucaarado xoog leh oo diiddan xuruuftii Cismaaniyada. Waxaa kale oo abuurmey rag dhallinyaro ah oo ey ku abuurantey in iyaguna ey sameystaan xuruuf si ey ula loolantamaan fartan keligeed suuqa taal.Waxaase dhab ah in xuruuftii Cismaaniyada, iyada oo mucaaradkeedu uu aad u xooggan yahay in ey goysey masaafo dheer oo ey ku dhowaatey in ey qaramowdo. Dhibaato kale oo fartaas hor istaagtey baa iyana jirtey oo wexey aheyd dareen xagga diinta ka socdey oo xoog lahaa, kaas oo raadinayey in afsoomaaliga lagu qoro xuruufta carabiga. Dabayaaqadii sanadihii kontonaadkii waxaa soo xoogoobey

raggii u ololeynayey in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka. Waxaa ra yigaas difaacayey ragaqoonyahanno ah iyo kuwo kale oo kamid ahaa raggii halgankii Leegada wax kaga jirey. Wexeyna u arkeen labo sababoodba in loo qaato xuruufta laatiinka ah. Iyada oo aanan tabar dhaqaale looheyn in la helo madbacado iyo makiinado qora xuruufta Cismaaniyada iyo iyada oo eeyan jirin qabiil si gaar ah u sheegan kara xuruufta laatiinka. Waxaa raggaas markii dambe hormood u ahaa Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Muuse markiisii hore wuxuu ahaa ragga diidan xuruufta laatiinka ah. 1954-kii mar uu London wax ku baranayey wuxuu soo saari jirey qoraallo af-soomaali ah oo ku bixi jirey xuruuf carabi ah. Muuse wuxuu hadda kahor yiri : " xuruufta laatiinka wexey innagu dhex abuureysaa dhaqan ku saleysan dabaqad, taasina waa mid u adeegeysa

dabaqadda aqoonta leh oo keliya iyo dadka tirada yar oo xukunka haya. Arrintaasina wexey mustaqbalka sababeysaa aayatiinxumi ku timaada soomaalida ". Waxaa iyana jirtey mashruuc ey heyadda UNESCO waddey oo soo shaac baxay sanadkii 1966-kii oo ey rabtey in ey xuruuf laatiin ah u sameyso af-soomaaliga, waase socon waayey. Xuruufta carabiga soomaalida badankood waa ey yiqiineen, wexeyna ka baran jireen dugsiyada quraanka caruurnimadooda sida dhaqanku yahay. Waxaase dadka soomaalida ahi dhib ku ah afka carabiga. Intaanan dowladaha khaliijka loo shaqa tegin lama aqoon carabiga. Waxaa kale oo jirey, xataa hadduu qofku yaqaan xuruufta carabiga waxaanan u sahlaneyn in uu af-soomaali ku akhriyo

xuruuftaas. Midda keliya oo uu carabigu kaga sito labada xuruuf oo kale wexey aheyd, carabigu markiiba wuxuu markiiba heli karey dad qaada oo dadka bara iyo kuwo soo dhoweeya ee barta, waayo diin ayaa laga raadinayey. Mana eeyan jirin reero sheegan karey iyo kuwo reer ku ximiya midkoodna. Xoogga ugu weyn ee fikraddan wadey wexey ahaayeen odeyaal ganacsato ah oo bariga-dhexe ku xirraa. Odeyaashaa waxaa la oranjirey xaajiyaal, waxaana kamid ahaa Xaaji Yuusuf Cigaal, Xaaji Diiriye, Xaaji Cabdiraxmaan Garyare, Xaaji Maxamuud Cabdulle Dirir. Raggaasi oo rag xoolo iska leh ahaa, dhinacooda ayey ka cadaadinayeen maamulkii Leegada (SYL) in uu qaato farta carabiga. Xoog kale baa isna jirey oo arkayey in farta carabigu tahay waddada isku kaaya xireysa bulshooyinka carbeed, kuwaas oo aanu

u baahannahay inaan gacan ka helno si aanu uga kaashanno dagaalka aanu kula jirno cadowga soojireenka ah ey soomaalidu leedahay, cadowgaasina waa Itoobiya. Waayo Itoobiya marwalba wexey gacan kaheshaa dunida masiixiyadda. Wadaaddadu wexey ahaayeen kuwa mideynayey xoogaggaas rabey carabiga. Dagaalkii 2-aad markuu dhammaadey baa J. Q. K. Wexey guddoonsatey in Soomaaliya la siiyo istiqlaal, muddo 10 sanadood ahna loo diyaariyo in ey iyadu is maamusho. Talyaanigii wuxuu ku guuleystey in uu isagu noqdo dowladdii adduun weynaha wakiil uga noqon laheyd Soomaaliya 10-kaas sanadood. Muddadaas 10-ka sano ah baa waxaa dalka ka dhismey muasasaadyo siyaasadeed (political institutions) oo madax bannaan, kuwaasoo ku tartamayey ka qeybqaadashada

dowladdan cusub iyo isu diyaarinta dowladda xorta ah ee imandoonta. Waxaa xilligaas aasaasmey xoog dhexe ee siyaasadeed (dowlad), waana markii ugu horreysey taariikhda soomaalida oo la heley nadaam noocaas ah. Maamulkii Talyaaniga ee halkaasi ka jirey wuxuu ku dadaaley in xuruufta carabiga iyo tan Cismaaniyada eeyan noqon kuwo af-soomaaliga lagu qoro. Sanadkii 1949-kii wargeys Xamar ka soo bixi jirey oo la yiraahdo (Nuovo Giornale) baa wuxuu soo qorey maqaal uu cinwaan uga dhigey (Il problema della lingua Somala). Ninka qorey waa uu is qariyey wuxuuna maqaalkaas kaga cabanayey faragelinta uu Talyaaniga ku hayo qorista farta afsoomaaliga. Wuxuu qoraagu codsadey in dadka soomaalida ah loo daayo howlaha la xiriira afkooda hooyo iyo qoristiisa. Talyaaniga oo arrintaas ey ku weyneed marna kama uusan harin

in uu talo ku yeesho howshan, wuxuuna dhisey guddi howshan diyaariya kuna xiran isaga. Dhismaha guddigan wuxuu dhacay intaanan la dhisin golihii degaanka (Territorial Council), si uusan goluhu wax rayi ah ugu yeelan guddiga far-soomaaliga. Talyaanigu wuxuu rabey in uu abuuro luqad uu isagu saameyn ku leeyahay, taas oo looga shaqeeyo xafiisyada dowladda, dugsiyadana lagu dhigto. Talyaaniga waxaa ka horyimid mucaarado adag oo uu xooggeedu ka imanayey dhallinyaradii Leegada, kuwaas oo qodobadey degsadeen kiisa 4-aad uu dhigayey in la dejiyo barnaamij lagu horu marinayo afka soomaaliga iyo in farta Cismaaniyada loo qaato xuruuf lagu qoro afsoomaaliga. Ragga qodobkaas fulintiisa ey Leegadu u xilsaaratey waxaa odey u ahaa Yaasiin Cismaan Yuusuf. Yaasiin wuxuu ahaa ninka ka dambeeyey

siyaasaddii Leegada ee sanooyikaas hore qeybteedii ku wajahneyd qorista af-soomaaliga. Yaasiin wuxuu ku dhshey magaalada Hobyo 1919-kii. Halkaas oo caruurnimadii uu ku bartey quraanka. Magaalada Xamar wuxuu yimid markuu jirey 15 sano, markaas oo uu bilaabey in uu barto carabiga iyo talyaaniga. Xilligii uu Ingiriisku dalka joogey Yaasiin wuxuu bartey afka ingiriisiga. Xilliyadaas buu wuxuu u istaagey in uu xoojiyo in farta Cismaaniyada ey ku faafto dalka. 1949-kii Yaasiin wuxuu ahaa ninkii lahaa talooyinkii ey Leegada u kaalmeystey xagga dhaqanka. Talooyinkaas waxaa kamid ahaa : 1 - in la baaro lana ururiyo dhammaan buugaagta ka hadlaya afsoomaaliga, iyo in la badiyo lana faafiyo buugaagtaas.

2 - in diraaso lagu sameeyo sidii loo heli lahaa xuruuf soomaaliyeed (far-soomaali) oo qoran. 3 - in afka soomaaliga loo isticmaalo xiriirrada bulsho ee kala duwan. 6 - buugaagta qiimaha leh oo ey dadyowga kale qoraan in lagu turjumo af- soomaali. 9 - af-soomaaligu waa in lagu dhigaa dugsiyada dalka. 10- in la baadi goobo qalabkii loo adeegsanlahaa in lafaafiyo buugaag afsoomaali ku qoran. Waxaa nasiib darro noqdey dhaqdhaqaaqii uu Yaasiin bilaabey ee farta Cismaaniyada in uu dhexgaley loolankii Leegada dhexdeeda ka socdey ee 2-da xoog (qabiil) dhexyiil, kuwaas oo ahaa (xoogga Hawiye iyo xoogga Daarood). Xooggii Daaroodka wuxuu ku yaraa maamulkii uu

Talyaanigu sameeyey ee maxmiyadda ahaa, sidaa darteed buu wuxuu lumiyey awoodii uu Leegada ku heystey. Bishii Meey 1949-kii Xaaji Maxamad Xuseen baa waxaa loo doortey in uu Leegada odey (presedent) ka noqdo. Xoghayena waxaa loo doortey Cabdullaahi Ciise. Xaaji Maxamad Xuseen wuxuu u dhashey reer Xamar, Cabdullaahi Ciise isagu waa (Sacad - Hawiye). 2-daas masuul midkoodna marabin farta Cismaaniyada in ey noqoto mid soomaalidu ey wax ku qorato. Taasi wexey dhalisey isbeddel xoog leh ee ku yimaada barnaamijkii Leegada ee ku wajahnaa qorista afka soomaaliga. Xaaji Maxamad Xuseen oo 3 sanadood keliya ayuu hayey xafiiskii maamulka Leegada, wuxuuna raad xoog leh ku yeeshey siyaasaddii qorists afsoomaaliga. Xaaji Maxamad wuxuu watey aragti u janjeerta carabta

(Naasiriya). Wuxuu u safri jirey Qaahira, halkaas oo uu raadiyaha Qaahira ka sii deyn jirey barnaamij ah dicaayadaha reer galbeedka. Dagaalkii uu Xaaji Maxamad qaadey wuxuu Leegadii ku reebey 2 arrimood : 1 - In aan fartii Cismaaniyada loo aqoonsan xuruuf af-soomaaliga lagu qoro. 2 - Af-soomaaliga in uusan noqon afka ey Leegada ku shaqeyneyso (official language),bal uu af-carabigu noqdo afka rasmiga ah. Bishii abriil 1950-kii, waraaq (memorandum) ka soo baxdey xafiiska maamulka Leegada wexey sheegeysey in ey soomaalidu guddoonsadeen in afka carabigu uu noqdo afka Soomaaliya laga qoro, kaas oo ey dadyowga kalena isku fahmaan (internatinal language) waraaqdaas

wexey ku socotey maamulihii talyaaniga oo magaciisa laoranjirey Fornari. Waraaqdu wexey sheegeysey qodobadan hoos ku qoran : 1 - Xoghayaha guud ee ururka Leegada Cabdullaahi Ciise, dhowaan wuxuu socdaallo ku soo marey dalka oo dhan. Xoghayuhu wuxuu baarey lahjadaha kala duwan oo ey soomaalidu ku hadlaan, kamana uusan helin mid laga cabbir-qaadan karo si loogu qoro afka-soomaaliga. 2 - Afka carabiga oo ah mid ey xuruufttiisu aad u badantahay, waxaa adag in af-soomaali lagu turjumo. Haddaba haddey soomaalidu u suurto-geliweydey in ey habeystaan afkoodii hooyo, waxaa nala haboonaatey in luqada carabiga ey noqto luqada caamka ah, taas oo

soomaalida fursad u siineysa in ey is af-fahmaan dadyowga dunida kula nool. Waxaa kale oo afka carabigu u kexeynayaa (oo uu tusinayaa) dadka soomaalida ah badweyn dhaqan ah oo aan xad laheyn. Waxaa kale oo luqada carabiga aanu ka heleynaa iskaashi dhaqan iyo mid siyaasadeed oo aannu la yeelanno dalalka muslinka ah ee aan walaalaha nahay. Kuwaas oo aanu wada rumeysannahay Ilaah keliya, rasuulkiisa Maxamadah (s. c. w.) iyo kitaabka muqaddaska ah ee quraanka. Arrintaasi wexey baansiin kusii shubtey khilaafka aragtiyeed ee ka dhexeysey Xaaji M. Xuseen iyo Yaasiin Cismaan. Waxii maalintaas ka dambeeyey wargeysyadu wexey soo qori jireen maqaallo ey isaga soo

horjeedaan ragga labada aragti kala qaba. Xaaji M. Xuseen wuxuu mar walba sheegi jirey in afka carabiga uusan aheyn mid ajnebi kuah dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeyn jirey Yaasiin in uu wato aragti reer Yurub Taasaana ka dambeysa fikradda daafaceysa farta Cismaaniyada. ahna raggaas bey ka socotaa. Yaasiin isaga oo taas ka jawaabaya wuxuu qoraalladiisa ku qori jirey in uu ogsoonyahay in luqadda carabiga ey tahay luqaddii diinta Islaamka, Islaamkuna uu yahay diinta ey dadka soomaalida ahi aaminsanyihiin, laakiin haddaan soomaali nahay carabigu maahan luqadayadii koowaad, mana ahan afkayaga hooyo. Wargeys Xamar kaas oo bixi jirey oo laoranjirey (Corriere della Somalia), iyada oo hadalka Yaasiin dabataagan baa nin reeraha

X.Maxamad ah wuxuu soo qorey maqaal markey taariikhdu aheyd 20/

You might also like