Professional Documents
Culture Documents
JAAMACADDA JAZIIRA.
Daraasaad ku saabsaan Soomaalida.
Muqdisho-Soomaaliya.
23/10/2013
Jamhuuriyadda soomaaliya.
JAAMACADDA JAZIIRA.
Daraasaad ku saabsaan Soomaalida.
Muqdisho-Soomaaliya.
kii 23/10/2013
Qeybta 1aad
Sooyaalka Qawmiyadda
Soomaalida.
* **
Waa maxay Daraasaadka Soomaalida?
Daraasaadka Soomaalidu waa qoraallo Cilmi ah oo
si koo kooban looga hadlaaya qayba kala duwan, oo
xiriir la leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed ,sida
sooyaalka iyo isirka Soomaalida,qaabdhismeedka
dhulka qawmiyadda Soomaalida iyo ahmiyadda
istiraatiijiyadeed ee uu dunida u leeyahay.
Waxa kale oo aan daraasadkaan ku soo qaadan donna
qoraallo ka hadlaaya sooyaalka qoridda Afka
Soomaaliga iyo halgankii dheeraa ee loo soo galay
qoraalka Afka iyo Suugaanta laamaheeda kala
duwan,sidoo kale waxaan ku soo qaadaneynaa
qormadaan qoraallo ka hadlaaya dhaqanka iyo
hiddaha u gaarka ah qawmiyadda Soomaalida.
Qoraalladaani waa qoraallo si gaar ah loogu soo xulay
ardayda dhigata waxbarashada sare,sida macaahidda
sare iyo jaamacadaha,si ay wax uga ogaadaan ugana
fahmaan sooyaalka , dhaqanka iyo hiddaha
ummadooda,laguna dhiirrigeliyo in ay Cilmibaaris ku
sameeyaan dhaqanka iyo hiddaha ummaddooda.
***
Ujeeddada Daraasadaan.
Ujeeddooyinka daraasadkaan laga leeyahay waxaan
ka tilmaami karnaa:
Mawduucyada la daraasaynaayo.
Waxan ku dadaali donna in aan halkaan ku soo
bandhigno, kuna gorfeyno daraasadkaan aqoon kala
duwan oo la xiiseeyo,kana hadllaayaan mawduucya
kala duwan,sida:
Sooyaalka Soomaalida ee waayihii hore,waayihii
dhexe,iyo waayaha cusub.
Jogoraafiga dhulka qawmiyadda Soomaalidu
degto halka uu ku yaal, qaabdhismeedkiisa
sida:buurahiisa ,dhulkiisa sare,xeebihiisa,togagga
uu leeyahay Cimilladiisa,dooxooyinkiisa,
xilliyadiisa,dabeylihiisa,iyo qiimaha Istiraatiijiyadeed
ee uu leeyahay Gobalka Geeska Afrika ee
qawmiyadda Soomaalidu degto iyo waddama la
deriska ah.
Dhaxldhaqameedka Soomaaliyeed laamihiisa kala
duwan,sida :
***
3-Waayaha Cusub ee Dunida.
Marxaladdaan waayaha cusub ee dunidu waxay ka
billaabaneysa qabsashadii muslimiintu qabsatay
magaala madaxdii Roomaankii
Bari(Alqusdandiiniya),iyo wixii waqtigaa ka
dambeeyay ,waxaanna ka xusi karna dhacdooyinkii
waaweynaa oo ka dhacay Gobalka Geeska Afrika
dhacdooyinka soo socda:
Qarnigii 10aad ee h. horraantiisii oo ku beegneed
horraantii qarnigii 16aad ee m, Hoggaamiyihii madaxa
ka ahaa imaaraddii “Zaylac” Al-imaam Axmed
gurey,waxuu duullaan ballaaran ku qaaday
Boqortooyadii Xabashida ,oo dagaal joogta ah ku
heysay imaaradihii islaamka,ka dib markii uu mideyay
imaaradihii islaamka, oo tafaraaruqu ka
dhexeeyay,waxuuna noqday Amiirkii Dawladii
islaamka ee Gobalka Geeska Afrika,waxuuna ku
guuleystay in uu qabsado Caasimaddii Xabashida oo
la dhihi jiray (Beyt Amxaaro),sanadku markuu
aha(937h/1521m),ka dib markii uu guluf dagaal oo
ballaaran ku qaaday Boqortooyadii Xabashida.
1543kiim/949h,waxaa geeriyooday Al-imaam
Axmed Gurey, oo ahaa madaxii u sarreeyay
imaaradihii islaamka ee ka jiray waqooyiga
Soomaaliya, 27sano ka dib markii uu ku guuleystay in
uu mideeyo Soomaalidii iyo ummadihii kale ee la
deggan Gobalka, kana adkaaday Boqortooyadii
Xabashida oo mudda dheer damacsaneed in ay liqdo
ummadaha Gobalka deggan,waxuuna Imaamku u
geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ka mid
ahaa dagaalladii uu la galay ciidamadii Boortaqiiska
aha oo garab siinaaya ciidamadii Xabashida oo laga
adkaaday dagaalka.
***
Gumeystayaashii dalka qabsaday
iyo sidii ay u qeybsadeen.
Qarnigii 19aad ee m.niskiisii dambe ,sahan iyo xog
uruurin dheer ka dib,waxa dalka Soomaaliya ku soo
duulay gumeystayaashii reer yurub iyo Xabashida oo
garab ka heleysay gumeystayaasha,waxayna u kala
qabsadeen dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed,sida tan:
1884kii ,Engiriisku waxuu qabsadayBerbera,
waxaana loo aqoonsaday in ay tahay dhul Engiriisku
ka taliyo.
1884kii ,Faransiisku waxuu qabsaday Obokh,
waxaana loo aqoonsaday in ay tahay dhul Faransiisku
ka taliyo.
***
Hoggaamiyayaashii Halgankii Hubeysna.
Halgankii gumeysi diidka ahaa iyo naceybkii loo
qabay gaalo iyo cawaankeed, waa uu wejiya
badna,halgamayaal fara badan ayaana ka qeyb
qaatay,waxaanse halkaan ku soo qaadaneyna
halgankii hubeysna ee dhiigga badni ku daatay, oo ay
horseedka ka ahaayeen geesiyaalkii Soomaaliyeed oo
naftooda qaaliga ah u huray in ay iska tuuraan
heeryadii gumeysiga .
waxaanna ka xusi karna halyeeyadii hoggaanka u
haayay dagaalkii hubeysna ee ka curtay dalka
Soomaaliya, halgamayaasha soo socda :
1-Halgame: Sayid Maxamed Cabdalla Xasan.
2-Halgame:Shiikh Bashiir Yuusuf.
3-Halgame: Shiikh Cabdi Abiikar “Gaaflle.”
4-Halgame:Shiikh Xasan Barsane.
5-Halgame:Nasiib Buunddo. iwm.
Waxuuna halgakaasi dhmaaday 1927kii m.
***
Maamulkii Ciidamada Engiriiska ee
Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.
1941- 1950kii,dalka Soomaaliya intiisa badan,
waxuu gacanta ugu jiray Dawladdii Engiriiska, oo ka
mid ahaeyd Dawladadihii ku guuleystay dagaalkii
2aad ee dunida,inta aan ka aheyn xeebta
Soomaaliyeed oo Faransiisku gacanta ku haayay
gumey.
***
Diyaargarawgii Xurriyadda
Waqooyiga & Koofurta Soomaaliya.
Muddadii u dhaxeysay 1950-1960kii ,waxa dalka oo
dhan ka billaawday diyaargaraw iyo dareen xurnimo
oo diiradda lagu saaraayay sidii loo gaarsiin lahaa
Goballada waqooyiga iyo koofurta Soomaaliya midnimo
iyo xurnimo buuxda,waxaana ugu waaweynaa
dhacdooyinkii dalka ka dhacay muddadaas
dhacdooyinka soo socda:
Goballada Koofurta.
Goballada Waqooyiga .
Sidoo kale waxa si xawli ah uga socday goballada
waqooyiga Soomaaliya dareenkii xurnimaddoonka oo
dalka oo dhan wada saameeyay,waxayna Axsaabtii
siyaasadeed ee ka jirtay Goballada Waqooyi ku
cadaadiyeen Dawladdii Engiriiska in ay gobalka
xurnimo u diyaariso ,si ay ula midoobaan
walaalahooda koofutra Soomaaliya.
***
***
Dhalashadii Dawlladdii Rayidka ee
Soomaaliya1960-1969kii.
1960-1969kii,waxa dalka ka dhashay dawlad
Soomaaliyeed oo rayid ah,oo dhibaatooyin fara badan
ka dhaxashay Gumeystayaashii dalka Gumeysan
jiray,waxayna dhibaatooyinkaasi isugu jireen
dhibaatooyin dhaqaale,siyaasad iyo maamul, oo
caqabad ku noqday horay u socodkii Dawladdii
cusbeed,muddadii( 9) sano aheyd.
Waxaana la soo gudboonaaday Dawladdii
Soomaaliyeed oo curdunka aheyd,caqabaad fara
badan,oo aan ka xusi karno:
Madaxweynayaashii Xilligii
Dawladdii Rayidka1960-69kii.
Muddadii Dawladdii rayidka aheyd dalka
maamuleysay,waxa dalka soo maray laba
madaxweyne oo kala ahaayeen:
Md.Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”oo laba
xilli soo qabtay xilka madaxweynanimada1960-
1967kii.
Md.Cabdirashiid Cali Sharma’arke.1968-1969kii,oo
la dilay asiga oo aan dhameysanin muddadii
madaxtinimadiisa, lagu dilay magaalada
laascaanood ee aheyd magaala madaxdii Gobalka
Sool,asiga oo booqasho ku maraayay dalka.
***
Ra’iisalwasaarayaashii Xilligii
Dawladihii Rayidka 1960- 69kii.
Muddadii ( 9 ) sano aheyd ee ay dalka ka talineysay
Dawlladdi rayidka aheyd,waxa dalka soo maray (3)
Ra’iisalwasaare oo kala ahaayeen:
o Md. Cabdirashiid Cali Sharma’arke .
o Md. Cabdirisaaq Xaaji Xueen .oo labduba
Ra’iisalwasaarayaal ka ahaayeen xilligii uu
madaxweynaha aha, Md.Aadan Cabdulle.
o Md.Maxamed Ibraahim Cigaal oo dalka
Ra’iisalwasaare ka aha xilligii uu madaxweynaha
ahaa Md.Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
1969kii,waxa dharaar cad lagu dilay magaalada laas
caanood, madaxweynihii dalka, Md.Cabdirashiid Cali
Sharma’arke, waxaana dilay askari ka mid ahaa
ilaaladiisii gaarka ahaa,taasina waxay tilmaan cad u
aheyd xaaladdii siyaasadeed ee cakirneed ee xilligaas
dalka ka jirtaay.
***
Dhalashadii Dawlladdii Kacaanka
1969-1990kii.
1969kii ,bishii oktoobar 21keedii ,xukunkii dalka
waxa la wareegay ciidamadii qalabka siday ee
dalka ,iyada oo aan dhiig ku daadan,
waxaynaahaayeen ciidamada qalaka siday awoodda
kaliya oo aan faraha la gelin maamul xummadii
baahsaneyd ee dalka ka jirtay, waxayna lahaayeen
nidaam ciidan oo adag iyo kala dambeyn la isku
halleyn karay.
Waxayna soo saareen go’aanno dhaxalgal ah oo
ummaddu u riyaaqday sanadihii u horreeyay oo ay
dadka kicinaayeen si ummaddu u ogaato in ay
waxqabsan karto.
Waxayna Dawladdii kacaanku ku tallaabsatay
horuumar degdeg ah ,waxaana dalka oo dhan ku
baahday nabadgelyo iyo isdhaxgal aan horay loo
arag,waxaana la shaqaaleeyay dhammaan dhallintii
dalka wax u soo bartay, oo kacaanka ka hor shaqo
la’aan ba’an dalka ku heysatay.
Waxayna ku guuleystay Dawladdii kacaanku in ay
wax ka qabato adeegyadii bulshada si aan kacaanka
ka hor wax looga qaban;sida: Adeegayadii
Caafimaadka,waxbarashada iyo nabadgelyada.
***
***
Qaybta2aad.
Tilmaanta Dhulka
Qawmiyadda Soomaalida.
.جغرافية الصومال
خريطة بالد الصومال.
Qaabdhismeedka Dhulka
Qawmiyadda Soomaalida.
Meesha uu ku yaallo.
Dhulka ay degto Qawmiyadda Soomaalidu, waxuu ku
yaalla bariga qaaradda Afrika, gaar ahaan Gobalka
loo yaqaan Geeska Afrika.
Xagga dhirirka.
Dhulka ay degto qawmiyadda Soomaalidu waxuu ku
yaalla inta u dhaxeysa xarriiqinta 3aad oo ka mid ah
xarriiqmaha ballaca,oo koofur ka xigta dhulbaraha iyo
xarriiqa 12aad ee waqooyi ka xigta dhulbaraha,
waxuuna noqonaaya dhirirka dhulka qawmiyadda
Soomaalidu degto dhul ku fadhiya 15 xariiq oo ka mid
ah xarriiqmaha ballca.
Xagga ballaca.
Dhulka qawmiyadda Soomaalidu degto,waxuu ku
yaalla inta u dhaxeysa laga billaabo badweynta
hindiya ee xarriiqa dhirirka 15 aad oo bari ka xiga
xarriqa (Girinitishka), gudaha dhul qaaradeedka
Geeska Afrikana, waxu gaarsiisan yahay ilaa xarriqa
35aad ee bariga xariiqa(Girinitish), waxuuna gaaraya
ballaca uu ku fadhiyo dhulka qawmiyadda Soomaalidu
15 xariiqmo oo ka mid ah xariiqmahadhererka.
***
Muuqaalka guud ee Dhulka
Qawmiyadda Soomaalida.
Guud ahaan muuqaalka dhulka ay qawmiyadda
Soomaalidu,waxuu u egyahay seddex xagal aan
toosneyn,geeskiisuna noqonaayo geeska
“Gordafooy”(Raas caseyr),dherirka feertiisa waqooyiga
ee ku dhirirsan gacanka cadmeed,waxuu gaaraayo
600 oo mayl ,laga billaabo gordafooy ilaa laga
gaaraayo Gacanka “Tajorra” ee ku yaal waqooyiga
dalka Jabbuuti.
Feertiisa koofur bari ee ku dherersan badweynta
hindiya,waxuu gaaraaya dhererkeedu 1200m/l, oo ku
eg webiga (Taana) oo ku yaalla bariga dalka
Kenya,kaas oo ah xadka koofuro ee dhulka
qawmiyadda Soomaalidu degto.
Salka seddax xagalku ku fadhiyo, waxuu noqonaayaa
xudduudda dhabta ah ee dhulka qawmiyadda
Soomaalida, oo ku dhirirsan buuraleyda shawa ee
dhulkd Xabashida,
dhulka qawmiyadda Gaallaha,xudduudda Gobalka
Harar uu la leeyahay Xabashida iyo bariga
(Badyareyda Rodolf),oo dhammaantood ku dhirisan
dhuka Xabashida.
***
Xudduudda iyo Bedka dhulka
Qawmiyadda Soomaalida.
Bedka dhulka.
Bedka dhulka ay degto Qawmiyadda
Soomaalidu, waxa lagu qiyaasa in uu gaaraayo
bedkiisu 1000,000 mayl oo laba jibaaran ,inta ay ku
fadhido Dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa
lagu qiyaasaa in uu gaaraayo 597541mayl oo laba
jibbaaran.
o Xudduud dhuleedka.
o Xudduud badeedka.
Waxa ka xadeeya dhulka qawmiyadda Soomaalidu
degto xagga bariga badweynta Hindiya ,xagga
waqooyigana waxa ka xadeeya Gacan badeedka
Cadmeed iyo badda Cas.
***
Qaabdhismeedka Dhulka
Qawmiyadda Soomaalida.
Qaabdhismeedka dhulka qawmiyadda Soomaalidu
degto, waxa loo kala qeybiya qeybaha soo socda:
Dekadda 0bokh.
Dekedda Tajorro.
Dekadda Saylac.
Dekadda Jabbuuti.
Dekadda Berbera.
Dekedda Boosaaso.
Dekadda Kismaanyo.
Dekedda Baraawe.
2- 0ogada dhulka Qawmiyadda
Soomaalida.
Dhulka qawmiyadda Soomaalida in badan oo ka mid
ah waxa ku fadhiya dhul 0oga sare ah oo isku xiran,
oo ka badan seddex meelood laba meel , guud ahaan
dhulka Soomaalida,dhulkaan 0ogada ah waxuu ka
billaabanaya waqooyiga dalka ,waxuuna u
hoobanaaya dhulka 0ogadu laba dhinac oo kala ah:
- Waqooyiga Oogadada.
Dhanka waqooyi ee 0ogadaan ,waxuu u hoobanaya
dhanka Gacanka Cadmeed si toos ah,waxaana lagu
qiyaasaa inta uu ka sarreeyo heerka badda 200 mitir.
-Koofuta Oogadada.
0ogadaan dhankeeda koofuro, waxuu u hoobanaya si
tartiibtartiib ah dhanka waqooyi galbeed iyo dhanka
koofur bari ee Soomaaliya.
waxaana loo kala qaadaa qaabdhismeedka dhulkaan
0ogada ah oo baaxadda weyn qeybaha soo socda:
Webi Shabeelle.
Oo mara bartamaha Soomaaliya,waana webiga ugu
dheer webiyada mara dhulka qawmiyadda Soomaalidu
degto,waxaana la sheega in uu dhererkiisu gaaraayo
1500 km.waxuuna ka mara dhulka Soomaaliya
800km,halka uu Etobiya ka maro dhul gaaraya
700km. waxuuna ku dhamaada,oo uu ku faafa dhul
bacaad ah oo u dhaxeeya Baraawe iyo Kismaayo.
Webiga Jubba.
oo mara koofurta Soomaaliya, waxuuna leeyhay laago
biyaha soo siiya,sida laagta daawe,iyo weeb,waxuuna
gaaraaya dhirirkiisu 1600km.waxuuna uga shuba
badweynta Hindiya meel u jirta 15km waqooyiga
magaalada Kismaayo.
Webiga Hawaash.
oo mara galbeedka Soomaaliya,gaar ahaan dhulka
Soomaali galbeed.
Webiga Taana.
oo mara xudduudda koofurta Soomaaliya ,gaar ahaan
xudduudda ugu dambeysa ee dhulka ay degto
qawmiyadda Soomaalidu uu la leedahay dalka
keenya.
3-Biyaha Roobabka.
Roobabka ka da’a dhulka qawmiyadda Soomaalidu
degto, waxay da’aan laba xilli oo kala ah:
Xilligaan Gu’a.
Roobabka da’a xilligaan gu’a waxay intooda badan
da’aan inta u dhaxeysa 21ka bisha Maarso ilaa 21ka
bisha Juun ama billaawga bisha luuliyo, waana xilliga
roobabka ugu badan ay ka da’aan dhulka
qawmiyadda Soomaalida.
Xilliga Deyrta.
Roobabka da’a xilligaan dayrta ,waxay dalka ka
billaawdaan 22ka bisha Sabteember ilaa dhamaadka
bisha ka Desember ,roobabka xilligaan da,a way ka
yaryihiin roobabka da’a xilliga Gu’a.
4-Biyaha Ceelasha.
Biyaha ceelashu waa biyaha ugu badan oo dalaka
laga helo ,siyaaba kala duwan ayaana loo
adeegsada,sida: waraabka beeraha,xoolaha,iyo dadka
iwm.
Ceelasha laga qodo dalka ,waxay isugu jiraan kuwa
gaagaaban,kuwa dhaxdhaxaad ah iyo kuwa aad u
dhaadheer,waxuuna ku xiran yahay dhererka ama
gaabnida ceelku hadba sida uu yahay
qaabdhismeedka dhulka ceelka laga qodaayo.
***
Xilliyada Dalka Qawmiyadda Soomaalida.
Soomaalidu waxay leedahay xilliyo sanadeed ,oo u
kala qeybsan sida tan:
Xilliga Guga:
Waxuuna xilligaani dalka ka billaawdaa 21ka bisha
Maarso ilaa laga gaaro bisha juun ama billaawga bisha
luuliyo,waana xilliga roobabka ugu badan ay dalka ka
da’aan,waxaana dalka laga beertaa dalagya
kaladuwan;sida: Galleyda,sisinta,khudaarta
noocyadeeda kala duwan,lawska iwm.
Xilliga Xagaayaha:
Xilliga Deyrta:
Xilligaani waxu dalka ka billaawdaa 22ka bisha
Sabtember ilaa laga gaaro, dhammaadka bisha
Desember,waxaana xilligaas dalka ka da’a roobabka
derta ,waxaana dalka laga beertaa dalagya kala
duwan;sida: Mesegada,suufka,lawska,digirt iyo
khudaarta noocyadeeda kala duwan.
Xilliga Jiilaalka:
Xilligaan jiilaalku , waxuu dalka ka billaawdaa 21ka
bisha Desember ilaa laga gaaro 20ka bisha
Maarso,xilligaan wax roobab ah dalka kama da’aan,
celceliska heer kulkuna waxuu gaara 35 derejo,waana
xilliga ay dhaceyso dabeysha mansuunka waqooyi.
**
Cimillada Dhulka Qawmiyadda
Soomaalida.
Dhulaka ay degto Qawmiyadda Soomaalidu,
waa dhul aad u ballaaran oo leh Cimillo kala duwan,
waxaanna ka soo qaadan karnaa Cimilladaas
muuqaallada soo socda:
Dhedada badda:
Dhedada badduu waxay ka mid tahay muuqaallada
waaweyn ee Cimillada oo aad loo dareemi karo
,waxayna ku badan tahay dheda badeedku dhulka
xeebaha, waxayna ku yartahay goballada gudaha oo
ka fog badda iyo qeybaha sarsare ee dhulka
Soomaalida.
Roobabka:
Xaddiga roobabka ka da’a dhulka Soomaalidu degto
waa uu kala duwan yahay,xagga xilliyada roobku
da’aayo,inta uu la eg yahay qiyaasta roobka da’aaya.
Waxayna ka da’aan dalka roobabka ugu badan
koofurta iyo galbeedka Soomaaliya,waana
Yaraadaan roobabku mar kasta oo aan waqooyi la
ado,waayo roobabka waxa aad u saameeya sarreynta
dhulka,dhulka Soomaaliduna kor ayuu u kacaya mar
kasta oo aan waqooyi aadno ilaa aan ka gaarno fiinta
ugu dheer dalka ,taas oo ah fiinta “Surrad” ,oo u dhaw
magaalada Ceeragaabo ee Gobalka Sanaag.
Dabeylaha:
Dabeyluhu waa qeyb ka mid ah Cimillada
Soomaaliya,waxaana ka dhaca dhulka Qawmiyadda
Soomaalida dabeyla kala duwan,waxaana ugu
caansan laba nooc oo dabeyla ah haddii laga fiiriyo
xagga xoogga dabeysha iyo jahada ay u dhaceyso
dabeyshu,waxayna kala yihiin dabeylahaasi:
***
Qeybta 3aad.
Afka,Hiddaha
&
Dhaqanka
Soomaalida.
اللغة والتراث الثقافي الصومالي
Muuqaallo dhaqanka iyo hiddaha
Baadigoobkii Qorista Farta
Afka Soomaaliga.
Mudda dheer ayaa baadigoob loogu jiray sidii lagu
heli lahaa far lagu qoro Afka Soomllaliga ,waxaana
laga xasuustaa intii billawday baadigoobka farta
Soomaaliga Shiikh Yuusuf Alkowneyn,oo laguna
neynaasi jiray “Aw Barakaale, Aw Barkhadlle,Aw
Rakuublle” oo noola (8) boql sano ka hor ,waxuuna
shiikhu dadaal dheer u galay sidii uu wax uga qaban
lahaa dhibaatadii Soomaalida ka heysatay higaaddii
Afka carabiga oo ahaa Afkii waxbarashada Soomaaliya
ee xilligaas,waxuuna ku guuleystay in uu xalliyo
dhibaatadii higaadda ka taagneed ,waxuuna soo
saaray higaadda dalka Soomaaliya laga adeegsado oo
ah “Alif la kordhebey Alif la hoosdhebey” oo aheyd
higaad aad uga sahalan higaaddii carabiga oo dhibka
badan lagala kulmay.
Waxa kale oo xusid mudan dadaalkii dheeraa ee
culamaau’diinka Soomaaliyeed ugu jireen in ay u
helaan eray kasta oo carabi ah oo diinta ka mid ah
eray u dhigma oo Af Soomaali ah,waxuuna soo
dedejiyay baadigoobkii farta Afka hooyo in Culumadu
sii laba jibbaarto dadaalkii iyo baadigoobkii ay ugu
jireen in ay helaan far lagu qoro Afka hooyo,waxayna
billaabeen in ay far carabi ah ku qoraan Afka
Soomaaliga ,waxana wax isugu qori jiray farta
Carabiga Culumada iyo intii Aqoonta u laheyda
carabiga kaliya.
waxaanna ka xusi karnaa Culumadii farta Carabiga
wax ku qori jirtay: Sayid Maxamed Cabdulla Xasan,
Maxamed Cabdulle Mayaale, Shiikh Aweys Bin
Maxamed Al- qaadiri,oo ilaa iyo maanta lahaayo
qoraalladii ay ku qoreen Af Soomaaliga oo ku qoran far
Carabi ah.
***
**
Isirka Awoowayaashii hore ee Soomaalida.
Mudda laga joogo 10.000 sano ka hor ,ayaa waxa la
sheegaa in jinsiga Xaamiga ah ee ay ka soo jeedaan
Awoowayaashii hore ee Soomaalidu uu ku soo noolaan
jireen hareeraha Buuraleyda loo yaqaan
“Qawqaaz”,oo ku taalla bartamaha waqooyi bari
Aasiya,mudda ka dibna waxay u soo hayaameen
Galbeedka Qaaradda Aasiya, iyaka oo degay
jasiiradda Carabta.
Aqoonyahannada wax ka qora sooyaalka dunida ma
sheegin sababahii ku bixiyay Xaamiyiinta in ay ka soo
hayaamaan ,waxaase la mala-awaalaya in isbedello
ku yimid Cimillada dunida ay ku qasbeen in ay ka
hayaamaan halakii ay horay u degganaayeen.
Waxa kale oo la sheegaa in kooxahaan Xaamiyiinta
ahi ay ka koobnaayeen (3) qolo,oo lagu kala magacaabi
jiray”Masar,Kuush,iyoBuut”,waxayna dhammaantood
u soo hayaameen Gobalka bariga dhaxe iyo waqooyiga
Afrika.
Markii ay u soo tallaabeen waqooyiga Afrika,waxaey
muddo ku nasteen hareeraha webiga “Neyl”,waxana la
sheegay in ay is dhax galeen dadyawgii “Zunuujta”
ahaa ee uga soo horreeyay Gobalka,mudda ka dibna
waxay xoog ugu riixeen Zunuujtii gudaha qaaradda
Afrika.
Jinsiga manta loo yaqaan Soomaalida ,waxuu ka
mid yahay firkii ka tafiirmay faracii “kuush”, oo ka mid
ah jinsiga Xaamiga ah,waxayna isku fir yihiin
Qawmiyadaha kale ee deegaanka la degan,sida:
Qawmiyadaha: Oromada,Cafarta,siidaamaha,
Saahaha,iyo Randiinllaha,waxaana la mala-
awaalayaa in Qawmiyadda Soomaalidu ay ka mida
aheyd Qawmiyadihii ka soo hayaamay koofurta dalka
Masar,oo u soo hayaamay Gobalka Geeska Afrika
abbaarihii dhalashadii Nabi Ciise wax yar ka hor,ka
dib markii ay burburtay ilbaxnimadii kuush oo ka jiri
jirtay dhula manta loo yaqaab “Nowba”,oo Masar iyo
Suudaan u dhaxeeya,ka dib markii isbeddel ku yimid
Cimillada dunida uu isu beddelay lama degaan dhulkii
ay degganaayeen.
Waxa kale oo la sheegaa in Qawmiyadda Oramadu
ay Soomaalida uga soo horreysay Gobalka Geeska
Afrika,mudda ka dibna hayaankii Soomaalidu uu soo
gaaray Gobalka Geeska Afrika,waxayna Soomaalidii
hayaanka aheyd xoog ku riixeen Qawmayaddii
Oromada(Gaallaha),oo la sheegay in dagaal ba’an uu
dhax maray labada qolo Gobalka ,ugu dambeyntiina
Qawmiyaddii Soomaalida dagaalkii ku adkaatay,oo ay
isku baahiyeen Gobalka Geeska Afrika.
***
Dhalanlle Qoraallo
Sanaag
***
Iskudaygii 1aad.
Sooyaalka Qorista Farta Soomaaliga.
Mudda dheer ayaa baadigoob loogu jiray sidii lagu
heli lahaa far lagu qoro Afka Soomllaliga ,waxaana
laga xasuustaa intii u horreysay ee billawday
baadigoobkaas “Shiikh Yuusuf Alkowneyn”, oo noola
(8) boql sano ka hor, waxuuna Shiikhu dadaal dheer u
galay sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatadii
Soomaalida ka heysatay higaaddii Afka Carabiga, oo
ahaa Afkii waxbarashada Soomaaliya ee
xilligaas,waxuuna ku guuleystay in uu xalliyo
dhibaatadii higaadda ka taagneed ,waxuuna soo
saaray higaadda dalka Soomaaliya laga adeegsado oo
ah “Alif la kordhebey Alif la hoosdhebey Alila
gudan” oo aheyd higaad aad uga sahalan higaaddii
Afka Carabiga oo dhibka badan lagala kulmay.
Waxa kale oo xusid mudan dadaalkii dheeraa ee
Culamaau’diinka Soomaaliyeed ugu jireen in ay u
helaan eray kasta oo Carabi ah oo diinta ka mid ah,
eray u dhigma oo Af Soomaali ah.
Culumaddiinka Soomaaliyeed, maadaam ay ahaayeen
Aqoonyannada kaliya oo dalka ka jiray, waxay marba
marka kadambeysa sii laba jibbaaraayeen dadaaladii
ay ku raadinaayeen in ay u helaan Eray kasta oo
Carabi ah Eray u dhima oo Af soomaali ah,waxuuna
dadaalkaasi soo dedejiyay baadigoobkii loogu jiray in
la helo far u gaar ah Afka hooyo ,waxayna billaabeen
in ay far Carabi ah ku qoraan Afka Soomaaliga,
waxana wax isugu qori jireen farta Carabiga Culumada
iyo intii Carabiga taqaan kaliya, oo ahaayeen intii
fahmsaneed fartaas. waxaanna ka xusi karnaa
Culumadii farta Carabiga wax ku qori jirtay: Sayid
Maxamed Cabdulla Xasan, Maxamed Cabdulle
Mayaale, Shiikh Aweys Bin Maxamed Al- qaadiri,oo
ilaa iyo maanta lahaayo qoraalladii ay ku qoreen farta
Carabiga.
***
Iskudaygii 2aad.
Qoristii Qaamuuskii u horreeyay oo Far
Soomaali ku qoran.
Aqoonyahanno badan oo shisheeye ah,gaar ahaan
kuwa daneeya Afafka ummadaha,ayaa mar hore
dareemay baahida weyn ee loo qabo in la helo far lagu
qoro Afka Soomaaliga,waxaanna ugu horreeyay
aqoonyahannadii shisheeye ee isku daygaa sameeyay
nin Engiriis ahaa oo la oran jiray “RV.delarajaas” oo
qoray buug Qaamuus ah oo ahaa “Soomaali-
Engiliish,Engiliish-Soomaali ah”, kana koobnaa ku
dhawaadaad (4000)oo eray, sannadku markuu ahaa
1897kii.
***
Iskudaygii 3aad.
Gumeystayaashi reer yurub iyo isku daygii
Qorista Farta Soomaaliga.
Gumeystayaashii reer yurub ee dalka Soomaaliya
qabsaday, waxay isku dayeen in ay helaan far u gaar
ah,oo lagu qoro Afka Soomaaliga,waxaana dadaallada
ka mid ahaa:
1938kii,Dawladii Engiriisku waxay isku dayda
in ay sameyso far laatiin ah oo u gaar ah Afka
Soomaaliga,laguna dhigo Dugsiyadii hoose ee dalka ka
jiray maxmiyaddii Engiriiska,laakiin arrintaas waa
laga horyimid, oo waa la diiday.
1939kii,Dawladii Engiriisku markii ay ku
fashilantay isku daygeedii koowaad, waxay mar
labaad u xilsaartay in uu daraasad qota dheer ku
sameeyo mudda 3 sano ah ,nin Caalim aha oo ka
tirsana Machad baara Afafka reer bariga iyo Afrika, oo
la dhihi jiray “D.r. Enderveski”, waxuuna soo saaray
daraasad qota dheer ee uu uga hadlaayay Afka
Soomaaliga .
***
Iskudaygii 4aad.
Dadaalladii qoraalka farta Soomaaliga
Xunimada ka hor.
1920kii ,waxaana markii u horreysay la soo saaray
far lagu qoro Afka Soomaaliga oo uu soo saaray
aqoonyahan Soomaaliyeed oo la dhihi jiray:
Md:Cismaan yusuf keenidiid, waxaana loo aqoon
jiray fartaas fartii” Cusmaaniyadda”,waxaana laga
isticmaali jiray koofurta Soomaaliya.
1928kii ,waxa mar kale soo baxay isku day la isku
dayay bal in la soo saaro far wax ka qabata baahidii
farta loo qabay oo ahey dareen ku taagan aqoonyahan
kasta oo wadani ah,waxuuna soo saaray aqoonyahan
Soomaaliyeed oo la dhihi jiray Md: Daa,uud Maxamed
Cali
1933kii, waxa mar kale la soo saaray far u gaar ah
Afka Soomaaliga ,oo uu soo saaray nin la dhihi jiray
Md :Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Nuur oo ahaa
macallin mudda ka soo shaqeynaayay waxbarashada
goballada waqooyiga , qaallna ka soo noqday
magaalada boorama ,wxaana loo aqoon jiray fartii
gudabeersiga,oo ahaa magacii qabiilkii ninkii fatra soo
saaray ,waxaana laga istcmaali jiray goballada
waqooyiga Soomaaliya
1938kii,dawladii engiriisku isku dayday in ay u
smaeyso far laatiin ah oo ugaar ah afka
soomaaliga,isla markaana laga dhigo dugsiyada hoose
ee ka jiray maxmiyadda soomaali laandi,waxaana
lagala hortegay mudaaharaadyo lagu diidan yahay
arrinkaas.
1939kii,markii dawladii engiriisku aragtay in arrinta
fartu ay tahay arrin khatarteeda leh,waana joojisay
mashruucii farta,waxayna u xilsaartay nin khabiir ku
ahaa Afafka bariga Afrika,oo la dhihi jiray
Dr.Endarviski oo Engiriis ahaa,in daraasad ku
sameeyo farta ku habboon ee lagu qori karo fafka
Soomaaliga,waxuuna ninkaas 3 sano ka dib soo
saaray warbixin uu ku talabixnaayo in afka
soomaaliga lagu qoro farta laatiinka ah.
1951kii,waxa mar kale la soo saaray far lagu qoro
afka hooyo, waxaana soo saaray aqoonyahan
Soomaaliyeed oo la dhihi jiray Md: Mustdafa shiikh
xasan ,oo ka mid noqday aqoonyannadii soomaaliyeed
oo baadigoobka ugu jiray in la helo far lagu qoro Afka
soomaaliga.
1952kii,waxa si xawli ah isu soo taraayay
baadigoobkii loogu jiray farta afka hooyo ,waxaana soo
baxay sanadkaan ( 3) farood oo ay soo kala saareen
aqoonyahannada kala ahaa:
1-Md: Xuseen Shiikh Axmed Kadare.
2-Md: Cali Shiikh Cabdullaahi Qudbi
3-Md:Muuse X .Ismaaciil Galaal.
1955kii,waxa ka dhacay magaalada muqdisho shir
laba geesood ahaa oo ay ka yeesheen labadii gumeysi
ee dalka gumeysanaayay fartavlagubqoraayo afka
soomaalia ,waxaana shirkaa ka soo baxay bayaan ku
talinaayay in lagu qoro afka Soomaaliga ah farta
laatiinka ah.
Iskudaygii 5aad.
Xukuumadihii Rayidka iyo
Qorista Farta Soomaaliga.
1960kii,Markii la qaatay Calankii xurnimada, Golihii
Baarlamaanka ee u horreeyay oo dalku yeesho, waxuu
ku tala bixyay in xukuumadda dalka ka jirta ay soo
magacaawdo guddi qaran oo wax ka qabta arrinta
farta Afka hooyo lagu qoraayo .
1960kii ,oo ku beeneed 16 Sabtember , xukuumaddii
dalka ka jirtay ,waxay hordhigtay Golihii
Baarlamaanka, qorshe qabya ah oo la xiriiray soo
magacaabidda Guddi qaran ee Afka Soomaaliga,
waxayna xukuumaddu u xilsaartay wasiirkii
waxbarashada dalka in uu soo magacaabo Guddi
qaran ee Afka Soomaaliga.
1960kii ,horraantii bishii 0ktoobar ,wasiirkii
waxbarashada md:Cali Garaad Jaamac, waxuu
magacaabay Guddi ka kooban (9) xubnood,oo kala
ahaayeen:
B.W.Andrzejewki.
S. Strelcyn .
J .Tbiana.
Guddigaan heer Caalami ah, Dawlada Soomaalidu wax
shaqa ah kuma laheyn hawsha Guddiga,oo waxa
maamulaayay hey’adda “UNESCO”, ee Qaramada
midoobay ugu qeybsan waxbarashada iyo
dhaqanka,waxuuna Guddigu daraaseeyay warbixntii
uu soo saaray Guddigii Afka ee ka horreeyay ,ee uu
madaxa ka ahaa md:Muuse Galaal,waxa kale ee uu
daraaseeyay (7) ka mid ahaa farihii la soo saaray oo
isugu jiray farihii waddaniga ahaa iyo kuwii laatiinka
ahaa .
1966kii, Guddigii “UNESCO”,waxuu soo saaray
warbixin uu kula talinaayaan Dawladda Soomaaliyeed
in farta uu soo saaray, md: Shire Jaamac Axmed, ay
tahay farta ku habboon in la qaato,haddii dib u habeyn
lagu sameeyo.
Guddigu waxa kale oo uu intaas ku deray in arrinta
hortaagan qorista farta Soomaaliga aysan aheyn arrin
farsamo ,balse ay tahay arrima Siyaasadeed oo
Dawladduu ka baqesay in dalka ay ka dhacaan
rabshado iyo dhibaatooyin kale oo bulshada ka dhax
dhaca.
Laakiin nasiib darradii ka hortimid hawshii Guddiga,
waxay noqotay in warbixinta Guddigu ku soo
beegantay iyada oo xukuumaddii dalka isbedel uu ku
yimid, oo loo dhiibay xilka wasiirka koowaad,md:
Maxamed X.Ibraahim Cigaal, xukuumaddii Cigaal
waxa kama qaban arrintii Afka ,oo meel ayey iska
dhigtay, ilaa laga gaaro waqti ku habboon in la soo
saaro.
***
Asbaabtii loo qori waayay farta
Soomaaliga ka hor Dawladdii Kacaanka.
Inkasta oo daddaal dheer loo galay in la helo far u
gaar ah qorista Afka Soomaaliga, hadddana laguma
guuleysan in la soo saaro far laysku raacsan yahay ,oo
lagu wada qancsan yahay.
waxaanna ka tilmaami karnaa sababahaas loogu
dhiirran waayay in hal far la qaato:
Awood yaridii xukuumadihii rayidka ahaa ee
dalka soo maray.
Dawlado shisheeye, oo la kala safnaa farihii la soo
saaray,oo qolaba far gaar ah taageereysay.
Fikradaha qaar oo laga urinaayay xusul duub
qabiil.
***
Qaabqoraalka lammaanaha
Af Soomaaliga.
Waa maxay lammaane?
Lammaane waa Eray ka sameymay aasaasayaal
kala kaan ah,oo u kala baxa magacsaleedyo,
magacyo farac ah,sifo(Tilmaan) iyo qurubyo kala
duwan,oo isku qobtolan.
Israacraaca iyo iskunudanka aasaasayaasha
lammaanuhu ka sameysan yahay, waxa ka
abuurma magacyo leh qaabdhismeed iyo macne
cusub,oo aan horay afka ugu jirin.
Lammaanuhu ma aha wax abyan(dhameystiran),
ee xirmay,oo qaamuusyada ku wada uruursan,ee
waa wax furan,oo had iyo goor dhalanaaya, oo soo
kordhaaya.
Aasaasayaashaa kala duwan ee isku nudma,
waxa ka dhasha in uu yahay magac lammaana ah iyo
inkale maxa noo caddeynaaya,oo lagu garta?, maxaase
summada u ah oo lagu oqaansan kara?
Waxana noo caddeynaaya in eraygu lammaana yahay
qodobada soo socda:
o Qodobka macrrifada , oo gadaal ama
dhammaadka ka raaca magaca;
Tusaale: Ratiga.,rida,runta iwm.
o Lammaanuhu afka waa uu tarmiyaa, oo erayo aan
horay ugu jirin,ee kolkaa dhashay ayuu afka ku soo
kordhiyaa.
o Inkasta oo lammaanuhu ka sameysan yahay
weero iyo qurubyo la isu geeyay,oo la isku nabay,
haddana waxuu ka mid yahay weeraha galay
qaamuusyada kala duwan, ee Afka Soomaaliga.
o Xeerka cusub,ee qaabdhismeedka
lammaanuhu,waxuu sida badan noo caddeeyaa,waxa
lammaanaha ugu horreeya ,oo ka gala dhanka bidix,
waa magacsaleed la yiraahdo:magacmadaxeedka
lammaanaha.
o Moorfiimyada kala duwan ,ee lammaanuhu ka
sameysan yahay,waxa mar kasta ka mid ah magac la
yiraahdo “magacmadaxeedka lammaanaha.”(Morfiin ,waa
erayga ugu yar oo aan la kala jebin Karin,oo sideeda macna u leh.).
Magacsaleed+fal+qurub.
Waxuuna u qormaaya sida tan:
Geel+jir+e =geeljire.
Saami+sug+e =saamisuge.
Habaar+qab+e =habaarqabe.
War+gur+e = wargure.
Miino+baar+e =miinabaare.
Hanti+dhawr+e =hantidhawre.
Gar+soor+e =garasoore.
Kaba+tol+e =kabatole.
Xaq+soor+e = xaqsoore.
**
Tusaalaha 4aad.
Magacsaleed+magacsaleed+sifo.
Waxuu u qormaaya sida tan:
Caasho+carrab+dheer=caashacarrabdheer
Ayeeyo+lug+dheer =ayeeyolugdheer.
Wiiqo+war+dheer =wiiqowardheer.
Abooto+ida+badis =abootoidabadis.
Waraabe+lug+gab =waraabaluggaab.
**
Tusaalaha 5aad.
Magacsaleed+qurub+fal.
Waxuu u qormaaya sida tan:
Dabo+ka +ruub =dabakaruub.
Deris+ku+nool =deriskunool.
Jare+ka+bood =jarakabood.
Seef+la+bood =seeflabood.
Keeb+la yuurar =keeblayuurar.
Garab+ku+guur =garabkuguur.
Gacan+ka +hadal =gacankahadal.
Tala+ku+nool =talakunool.
**
Tusaalaha 6aad.
Magacsaleed+sifo.
Waxaana loo qoraa sida tan:
Keyn+madaw =keynmadaw.
Maan+gab =maangaab.
Bad+weyn =badweyn.
Beer+nugeyl =beernugel.
Indho+gaduud =indhagaduud.
Casi+gab =casirgaab.
Dgeg+dheer =dhegdheer.
**
Tusaalaha 7aad.
Magacsaleed+sifo+qurub.
Waxuuna u qormaaya sida tan:
Madax+weyn+e =madaxweyne.
Ilko+cas +e = ilkacase.
Af+weyn+e =afweyne.
Garab+yar+e =garabyare.
Gacmo+dheer+e =gacmadheere.
Maraya+ cadd+e =maryacadde.
Madax+yar+e =madaxyare.
Carrab+cad+e =carrabcadde.
Lugo+dheer+e =luga dheere.
**
Tusaalaha 8aad.
Qurub+magacsaleed.
Waxuuna u qormaaya sida tan:
Kala+barid =kalabarid.
Kala+tegid =kalategid.
Kala+soocid =kalasoocid.
Kala+irdhoobid =kala-irdhoobid.
Kala+yaacid =kalayaacid.
Kala+beyrid =kalabeyrid.
Kala+geyn =kalageyn.
Kala+guurid =kalaguurid.
***
xxxxxxxjoogsi
Xarafraaca tixda.
Ridmada.
Miisaanka.
Halbeegga.
***
Hoyga Suugaanta Somaalida.
Waxa jira waxyaaba baadan oo saameyn ku leh
qofka noloshiisa,siyaaba kala duwanna u saameeya,
sida: Suugaanta,Diinta, Caadooyinka iwm.
haddii aan soo qaadanno Suugaanta laamaheeda kala
duwan ,waxaanna arkeyna kaallinta weyn ee ay ku
leedahay kicinta dareenka bulshada Soomaaliyeed
meel ay joogtaba, marka la doonaayo in la kiciyo
dareenka bulshadadha.
Haddaba Suugaata qiimaha iyo qaderintaas ku leh
bulshda dhaxdeeda, waxa la is weydiin kara halka ay
ka soo billaabatay ,halka hoy u ah ,oo dalka intiisa
kale ay uga fiday?. shaki kuma jiro in aan si sax ah
loo heynin halkii u horreysay ee Suugaanta lagu
billaabay,ciddii billaawday iyo goortii la billaabay
midna, waxaase la mala- awaalaya in hoyga
Suugaanta Soomaalidu uu ahaa miyiga, oo dadka
Soomaalida intooda badan ay ku nool yihiin ilaa iyo
manta.
Ruuxa laashinka ah marka uu tixda marinaayo
waxuu indhaha la raacaa muuqaallada qurxda badan
ee deegaakiisa, waxuuna tixdiisa ku xardhaa
muuqaalladaas kala duwan ,sida Buuraha quruxda
badan,daruuraha waaweyn,onkodka roobka,
webiyada qulqulaaya,ubaxa medebada kala duwan leh
ee xilliyada roobka meel kasta ka soo carfaaya,
noocyada xoolaha iyo medabooda kala duwan iyo
manaaficda faraha badan ee laga helo xoolahaa iwm.
Sidaa awgeed hoyga miyiga Soomaalida iyo sida uu u
degan yahay , waxa la dhihi kara waa halka ugu
haboonaashada bdan curinta Suugaanta Soomaalida
noocyadeeda kala duwan.
***
Qaybaha iyo laamaha Suugaanta
Soomaalida.
Laamaha Suugaanta Soomaalidu ka kooban tahay
aad bay u badan yihiin ,ilaa iyo haddana lama haayo
tira koob sugan oo la dhihi karo laamaha Suugaanta
Soomaalidu waa intaas kaliya ,laamaha ilaa iyo
hadda la uruuriyay oo lagu uruuriyay Akaadeemiyadii
Cilmiga,fanka iyo Suugaanta, waxay gaarayaan ilaa
(300) oo laamood, wixii ka horreeyay qaran jabkii
Soomaaliya sannadkii 1991kii.
Deegaannada Soomaalidu degto,way ku kala duwan
yihiin noocyada Suugaanta,oo waxa laga yaabaa in
nooc ka mid ah Suugaanta hal deegaan laga
yaqaanno,nooc kalana laga yaqaanno hal deegaan iyo
wax ka badan.
laamaha tirada badan ee aan kor ku soo sheegnay
tiradooda,laan kastaana waxay leedahay astaamo u
gaar ah oo looga sooco laamaha kale ee Suugaanta iyo
astaamo ay la wadaagto laamaha kale ee Suugaanta.
Hadaba haddii aan dooneyno in aan wax ka ogaanno
laamaha Suugaanta Soomaalida ,waxaan dhihi karna
Suugaanta Soomaalida waxa loo Kala qaadaa laba
qeybood oo waaweyn ,oo kala ah:
B - Heeso:
Heesuhu waxay ka kooban yihiin erayo gaagaaban, oo
leh qaab dhismeed iyo astaama Suugaaneed oo kala
duwan,waxayna heesuhu ka kooban yihiin jaadad
badan ,isla markaana leh jiib,jaan,sacab,durbaan ,
luuq lagu qaado iyo xarafraac iwm.
waxaana loo kala qaada heesaha laamaha soo socda:
1. Heeso Jaceyl ah. 2-Heeso Waddani ah.
3-Heeso Horuukac ah. 4-Hees Hawleedyo.
5-Hees Caruureed. 6-Hees Ciyaareed.
7-Hees Ugaareed. 8- Hees Ammaaneed.
Laanta hees Ciyaareedka ah ,waxa iyana loo kala
qaada laba laamood oo waaweyn,oo kala ah:
Laan ruuxi ah. oo ka kooban laamahaan hoose
oo kala ah:
1- Sharax. 2-Mingis.
3-Beebe. 4-Luunbe.
5-Boorane. 6-Xayaat.
7-Saarka jaan dheerta ah .iwm.
***
T- Maanso.
Erayga Maanso waa magac guud, oo koobaaya wixii
la tiriyo oo aan hees aheyn ,lehna miisaan, hab
dhac,luuq iyo xarafraac ku dhisan xaraf gaar ah oo ka
gala tuducyada tixda laba meelood iyo ka badan,
aanna laheyn laaxin macnaha tixda wax u dhimi kara.
Maansada Soomaalida waxa loo kala qaadaa ilaa (8)
laamood oo waaweyn , oo laga tiriyo goballada kala
duwan, oo ka mid ah dalka Soomaaliya ,waxeyna kala
yihiin laamahaasi:
1. Gabay. 2-Geeraar.
3-Wegllo/welgo. 4-Guuraaw.
5-Baraanbur. 6-Saar.
7-Masafo.
Guud ahaan Goballada dalku way ku kala duwan
yihiin laamaha maansada, mana jiro hal Gobal oo laga
tiriyo dhammaan laamaha maansada Soomaalida.
kala duwnaasha hal abuurka maansada Soomaalidu,
waxuu xiisa gaar ah u yeelaaya guud ahaan
maansada Soomaalidu hiddaha iyo dhaqnka u
leedahay, waxaana la dhihi karaa waxa ugu wacan
kala duwnaashaha maansada , kala duwnaashaha
dabeeciga ah ee degaannada dalka Soomaaliya, sida
degaanada beeraleyda, Xoolaleyda, beera-xoolaleyda,
kalluumeysatada iwm.
In badan oo ka mid ah qorayaasha wax ka qora
Suugaanta Soomaalida, waxay qabaan in waqooyiga
iyo koofurta dalka Soomaaliya ay ugu ku kala duwan
yihiin laamaha Suugaanta sida soo socota.
Waqooyiga dalka.
Wixii ka waqooyeeya Gobalka Mudug,waxa ku badan
Suugaanta maasada ,gaar ahaan Gabayga,waxaana
lagu sababeeya ku badnaashaha maasada ee
Goballadaas , in nolosha miyiga ee Goballadaasi ay
tahay noolol aad qallafsan oo dhib dadan,waxaana ku
badan Goballadaas is qabqabsiga ku saleysan
nolosha adag ee ka jirta degaannadaas .
Waxayna yiraahdaan dadka wax ka qora Suugaanta
Soomaalida , marka ay ka hadlaayaan waxyaabaha
ku bixiya qofka Suugaanta qaar,waxay tilmaamaan
asbaab badan oo ay ka mid yihiin, Ciilka,murugada,
Xanuunka,Jaceylka iyo Xaaladaha adag ee ka
jirta deegaanka.
Waxaana arrinta noo caddeynaaya tixdaan Gabayga
ah ee soo socota:
(Haddaan Gabayga uurkoo bukiyo
* arami kaa keenin)
(Ammaan umal xanuun iyo jaceyl
* kugu ijbaareynin)
(Afka unbaad ka leedahee tixuhu
* arar mayeshaane) .
Koofurta dalka.
laga billaabo Gobalka Mudug ilaa halka ugu dambeysa
koonfurta Soomaaliya ,waxa la dhihi karaa waa
Goballo noloshu ay caadi tahay oo laga helo khayraad
fara badan ,dadka ku nool Goballadaasina kuma
diriraan daaqsinta xoolaha,daawda ceel iyo
durdurrada biyaha ,sida bandanna dadka ku nool
Goballadaas , waa dad nabadeed ,oo sida badan
deegaannadaas kama dhacaan Colaado lagu hoobto,
oo dad badan ku dhinto ,duunyana lagu kala qado.
Goballadaan waxa ku badan Suugaanta qaybteeda
heesaha oo sida badan tilmaama farxadda, reyn reynta
nabadda iyo barwaaqada ay ku nool yihiin dadka
halkaa degan .
* **
Hilinnada Suugaanta Soomaalida.
Hilinku waa jidka haloosiga ah ee ruuxa laashinka
ahi tixihiisa marsiiyo, laashinku iskama tiriyo tixaha uu
tirinaayo,hadii aysan hortiisa aallin ujeedda cad ama
hilin cad ee uu marsiiyo ama uu ka mariyo tixdiisa,
sidaa daraadeed waa lagama maarmaan in tixdu
leedahay hilin cad oo tixda lagu abbaaro.
Hilinnada Suugaanta Soomaalidu way fara badan
yihiin halkaan laguma soo koobi kraayo hilinnada
Suugaanta Soomaalida lagu cabiro, waxaanse isku
dayeynaa in aan wax ka tilmaanno hilinnadaas,
waxaana ka soo qaadan karna hilinnada Suugaanta
Soomaalida hilinnada soo socota:
1-Ammaan. 2-Abaal dhac
3-Calaacal. 4-guubaabo.
5-Digasho. 6-faan.
7-Hanjabaad. 8-Ergo. Iyo dood.
9-Talo iyo tusaale. 10-Baryo.
11-Hal xiraale. 12-Sarbeeb.
13-Dacwo iyo diin fidin. 14-Naf –hafrid.
15-Kaftan iyo xifaalo. 16-Diradiro.
17-Habaar. 18-Xikmad iyo murti.
19-Kuhaan. 20-Caay iyo Aflagaaddo.
21-Tamanni ama jecleysi. Iwm.
***
Suugaanta Maansada.
Maansada Soomaalidu, way laama badan
tahay,waxaanna ka xusi karna laamahheeda:
1-Gabay.
Waa maxay Gabay?
Gabaygu guud ahaan ,waa hal doorka Suugaanta
Soomaalida,gaar ahaan laanta Maansada,marka laga
fiiriyo milggaha uu ku leeyahay Suugaanta Soomaalida
dhaxdeeda.
Gabaygu waxuu ka mid yahay Suugaanta ka dhalata
murugada,ciilka,jaceylka iyo xanuunka qofka la
soo gudboonaada, waxaana tixaha gabayga laga fahmi
kara xaaladda heerka dareenka laashinku halka uu
taagan yahay.
Haddii aan isku dayno in aan wax ka ogaanno
Sooyaalka Gabayga Soomaaliyeed,goortii u horreysay
ee la billaawday, ciddii u horreysay ee billaawday iyo
goobtii lagu billaabay,waa adagtahay in xog
dhameystiran, wixii laga sheegana waa mala awaal
kaliya,cid xog dhab ah ka heyso lama haayo.
Gabygu waxuu leeyahay hal beeg lagu cabiro
miisaanka gabayga,oo laashinku ku billaabo
gabaygiisa, waxuuna gabyaagu ku billaaba
gabaygiisa halbeegaan ah:
“Hoyaalayeey hoyaalayeey *hoyaalayeey hooyee”
Gabaygu waxuu leeyahay beydad uu ka kooban
yahay, ,beyd kastaana waxuu leeyahay laba ligood oo
aan sinneyn,lugta hore waxa lagu magacaaba
“hojis”lugta labaadna waxa lagu magacaaba
“hooris”,lugta dambana mar kasta waa in ay ka
gaabnaata lugta hore.
*
Tusaale Gabay:
Waxa tiriyay:
(Axmed Ismaaciil Qaasim.)
Eraybixinta tixda:
o Darwiish.waa Sayid Maxamed Cabdalla Xasan..
o Daakiray.ku werdin jiray.
o Dalluun.qabriga.
o Dhoodimeer.magacii loo aqoon jiray faraskii
sayidka.
o Darmaan.Geenya qurux badan.
o Haanseyn.kooreyn,ama koore saarid.
o Dariiqada.dariiqadii saalixiyada ee sayidku
raacsana.
*
Taariikh Nololeedka Gabyaaga.
Laashinka gabagaan curiyay waxa lagu magacaaba :
Axmed Ismaaciil Diiriye,oo ku magic dheeraa
“Qaasim”,laashinku waxuu ahaa nin af tahan ah ,oo
leh Suugaan badan oo uu uga hadlaayo gobanimada ,
wadaniyadda iyo waaya araganimadii uu nolosha ka
dhaxlay.
*
Munaasabadda tixda.
Laashinku waxuu curiya tixdaan 1960 kii, kolkii la
qaatay Gobanimadii mudda dheer loo soo
halgamaayay, waxuuna xasuustay dareenkii
wadaninimo iyo halgankii dheera ee sayidkii u soo
galay xurnimada manta loo dabaal degaayo ,waxuuna
jecleystay in ay habbooneyd in uu sayidku gob jog u
ahaado farxadda iyo reyn reynta xurnimada manta
loo dabbaal degaayo ,asiga oo ku jooga faraskiisii
dhood-meer ee uu u jecllaa farddihii uu gaalada kula
diriri jiray.
*
Astaamaha Gabayga.
Gabaygu waxuu leeyahay astaamo ama summad looga
sooco Suugaanta Soomaalida laamaheeda kale,
waxaana loo kala qaadaa astaamaha gabayga laba
qeybood, oo kala ah:
Helinka tixda.
Tixda Gabaygu , waxay ku socota hilin ka mid ah
hilnnada Suugaanta Soomalida,kaas oo ah hilinka
“tamanniga”(jecleysi ), oo uu laashinku tamanninaayo
in uu jeclaan lahaa in uu arko Sayidkii oo dib u
noolaada, oo goob jog u ahaado guushii halgankii
dheera ee uu u soo galay Xurnimada maanta la
gaaray.
Xarafraaca tixda .
Tixdu waxay ku socota xarafka “D” oo tuduc kasta
laashinku si dheelli tiran uu ugu xardhay.
Dulucda tixda.
Dulucda tixdu waa milgaha iyo maamuuska ay ku
leeyihiin xasuusta ummaddooda kuwa
dalkooda,diintooda iyo dadkooda naftooda qaaliga ah
u huray.
***
2- Geeraar:
Waa maxay Geeraar.
Geeraarku waa laan ka mid ah laamaha maansada
Suugaanta Soomaaliyeed,waxaana la tiriya sida badan
xilliyada farxadda iyo guusha la gaaro,waxuuna ka
kooban yahay tixo gaagaaban oo isku xiran.Geeraarku
waxuu ka mid yahay maansada Soomaaliyeed ee
ragga kaliya ay tiriyaan.
*
Tusaale Geeraar.
Waxa tiriyay:
(Jimcaale Dhegataag)
Eraybixinta tixda.
o Dawr. Kol,mar.
o Dabin.siriq,qool.
*
Astaamaha Geeraarka.
Geeraarku waxuu leeyahay astaamo u gaar ah iyo
astaamo uu la wadaago maansada laamaheeda kale.
Waxaana astaamaha loo kala qaada:
Hilinka tixda.
Xarafraaca tixda.
Xarafka tixdu ku socoto waa xarafka “D”.
Dulucda tixda.
Waxa la isaga digaaya dhaqan xummada ay ku
dhaqmaan kuwa xilalka qaran lagu aaminay.
***
3-Masafo.
Waa maxay Masafo?
Masafadu waa laan ka mid ah laamaha maansada
Soomaaliyeed,waxaana tiriya sida badan Culumada
Diinta Islaamka, si ay u kiciyaan dareenka dadka,
Suugaanta Afkooda hooyana ku fahamsiiyaan
Diinta,waxayna ka mid ahaan jirtay masafadau
qaababkii Culumada Soomaaliyeed ku fidin jireen
Diinta Islaamka.
*
Tusaale Masafo.
Waxa tiriyay:
“Soomaaliyaan u …..”
1-Soomaalyaan u dagaalameyna,
2-Dalkaan ballaaran u daafaceynna,
3-Kuwa dulmaaya la dagaal geleyna,
4-Kufriga soo degay diida leenahay,
5-Diintiinnu duul kale dhawrimeyse,
6-Ha daalino u dulqaata leenahay,
7-Dabelka mawdku intaw i daandeyn,
8-Hilibka duud cunun oonan deb noqon,
9-Dadka tusaan danihiisa leenahay,
10-Durriyadaada deb looma aasee,
11-Kuwa dambaan u dariiq faleynna.
*
Eraybixinta tixda:
Dabeylka mawdka: Geerida ruuxu uu geeriyoodo.
Daandeyn: greqaadid.kaxeyn.
Duud : tirxiga bakhtiga
Durriyada. Ilmahaaga,firkaaga.
*
Munaasabadda tixda:
Waxa la sheegay in tixdu ku baxday madel shireed oo
laysugu yimid,oo Suugaan badan laga soo jeediyay,
ayaa sheekhu tixdaan masafada ah ka jeediyay,si uu
dadka ugu sharraxo maqaamka iyo melgahii raggu
kala laha xilligii markaa la joogay.
*
Astaamaha Suugaanta Masafada.
Astaamaha masafada waxa look ala qaada :
Hilinka tixda.
Sheekhu waxuu tixdiisa qaadsiiyay hilin ka mid ah
hilinnada lagu tiriyo Suugaanta Soomaalida,kaas oo
ahaa hilinka “Guubaabo”.
Xarafraaca tixda.
Tixdu waxay ku socota xarafka “D”oo tixda uga jira
laba meelood iyo ka badan.
Dulucda tixda.
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in dadka
Soomaaliyeed lagu guubaabiyo sidii ay uga dhiidhin
lahaayeen gardarrada bareerka ah ,oo lagu doonaayo
in dalkooda lala wareego, khayraadkiisa lagu
daldasho.
***
4-Guuraaw.
Waa maxay Guuraaw?
Guuraawgu waa laan ka mid ah laamaha maansada
Soomaaliyeed,waxuuna ka mid yahay Suugaanta u
gaarka ah Goballada koofurta Soomaaliya,tixaha
Guuraawgu waa sida tixaha geeraarka,masafada,oo
waa gaagaaban yihiin.
*
Tusaale Guuraaw.
Waxa tiriyay:
(Geeddi Garabey.)
Shirib:Nikax ah.
“Tarriga yaa tilmaamayo*
oo taws qabo lagu tufa?”
*
Eraybixinta tixda:
o Taakow Maxamed:waa nabaddoonkii beesha
goobta Shirka iska leh.
o Timiro:waa magac haweenka loo bixiyo ,oo
laashinku siiyay haweenka oo dhan.
o Tolliin: waa farsamada haananka iyo weelasha
kale oo haweenku sameeyaan.
o Tif arjeeg: waa geed magaciis ,oo xididdadiisa
laga sameeyo haananka,dhiilaha iwm.
o Todoba Aashuun: waa dheray dhooba laga
sameeyo oo biyaha lagu shubto.
o Tacab ba’ay: baaba’ bey noqdaan.
o Tacabkeygi: tacabkii beereed.
o Todobaad: xus loo sameeyo ruuxa dhintay,
todoba maalmood ka dib.
o Taws: xanuun,dhibaato.
o Tag: xaas, xilaha la qabo.
o Tarri: haan biyaha lagu dhaansado.
o Tuf: Duco.
*
Taariikh Nololeedka Laashinka.
laashin Geeddi Garabey,lama haayo goortii uu
dhashay iyo halkii uu ku dhashay,waxa kaliya oo la
hubo waxa weeye in uu dhintay dhammaadki qarnigii
20aad, waxuuna ku dhashay Gobalka Shabeellada
dhexe, waxuuna ahaa laashin Caan ah,oo goobaha
Shiribka looga dambeyn jiray. Geeddi garabey waxuu
ka mid aha laashimiinta ku Caan baxay
Afmaalnimada.
*
Munaasabadda tixda:
Munaasabadda tixdu waxay aheyd madal Shireed, oo
ay laheyd beel ka mid ah beelaha deegaanka,waxaana
deegaanka dhaqan aheyd in laga duceysto
laashimiinta ka duceeya goobaha Shibka.waxaana la
siiyay laashinka markii uu mariyay Guuraawgaan Rati
ay saran yihiin 4 haamood oo gocayo ah.
*
Astaamaha Guuraawga.
Guuraagu waxuu leeyahay astaamo u gaar ah iyo
astaamo uu la wadaago Suugaanta laamaheeda kale.
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “ Yaboohsi ama
Tuugsi”laashinku uu Suugaantiisa uu wax ku
weydiisanaayo.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socotaa xarafka ah” T”,oo laashinku si
qurux badan uu ugu xardhay tixaha Guuraawga.
Dulucda tixda:
Dulucada tixdu u dhaceyso,waa ku xoogsi laashinku
uu ku xoogsanaayo tixaha Suugaaneed eek a tiriyo
goobaha Shirarka.
***
5-Wegllo/Welggo.
Waa maxay Wegllo?
Weglladu waa laan ka mid ah laamaha Maansada
Soomaalida,waxaana la tiriyaa xillayada la soo
guuleysto, oo cadaw laga soo adkaado,waxeyna
leedahay astaama u gaar ah iyo kuwa ay la wadaagto
Suugaanta inteeda kale.
*
Tusaale Wegllo.
Waxa tiriyay:
(Daraawiishtii……)
Ninkii Geesiya….
Nihkii Geesiyaa gentaasha ridee.
Hubkaan genay gaaladuu rogayee.
**
Halkii leysku galo fulaa ganbadee.
Hubkaan genay gaaladuu rogayee.
**
Sidii Ari goosamoo bahal galay.
Miyaan u gumaadnay gaaladiyee.
**
Taariikh Nololeedka laashinka tiriyay Wegllada.
Lama haayo magaca laashinka tiriyay iyo taariikh
nololeedkiisii midna.
*
Munaasabadda tixda.
Waxa la sheegay in tixdaanu ka mid aheyd ,tixa weglla
ah oo ay tiriyeen daraawiish ku soo guuleysatay goob
ka mid ah,goobohii dagaalka oo ay gaalada kula
dagaallameen,waxaana tixda laga fahmi karaa sida ay
ugu faraxsan yihiin guushii ay ka soo hooyeen
gaalada.
*
Astaamaha Weglada.
Hilinka tixda.
Hilinka tixdu ku socoto waa “Digasho.”
Xarafraaca tixda.
Tixdu waxay ku socotaa xarafka “G”.
Dulucda tixda.
Dulucda tixdu waxay u dhaceysaa sida ay ugu
faraxsan yihiin guushii ay ka soo hooyeen gaaladii ay
la dagaallameen ,oo ay jabka iyo baaba’a ugu
geysteen.
**
6-Saar.
Waa maxay Saar?
Saarku waa laan ka mid ah laamaha maansada
Soomaaliyeed,oo dadku aad u jecel yihiin marka la
tirinaayo,waxaana la tiriyaa xilliyada farxadda iyo
reyn reyntu ay jirto, sida badanna waxa la adeegsada
marka la doonaayo in wax la guubaabiyo.
**
Tusaalle Saar.
Lama helin laashinkii tiriyay.
**
Munaasabadda tixda.
Sida laga dhedhensan karo miraha saarka ,tixdu
waxay ku baxaday munaasabada looga hadllaayay
sida Soomaalidu uga tagtay dhaqankii iyo hiddihii ay
lahaan jirtay waagii beri samaadka iyo sida xilligaan la
joogo sida dhaqan guurku ugu socdo ummadda
Soomaaliyeed ,oo inbadan oo ka mid ah aysan u jiri
wax qiyam ah oo ay dhawraan.
*
Astaamaha Saarka .
Saarku waxuu leeyahay astaamo uu uga duwan yahay
lamaha kale ee maansada Soomaaliyeed, iyo kuwa uu
la wadaago laamaha kale ee maansada,waxana loo
kala qaada:
Xarafraaca tixda.
Hilinka tixda.
Hilinka Tixdu socoto waa guubaabo dadka
Soomaaliyeed lagu guubaabinaayo in ay dhaqankooda
iyo hiddahooda ay ilaashadaan.
Xarafraaca tixda.
Tixdu waxay ku socotaa xarafka” H”oo tixda meela
badan uga jirta.
Dulucda tixda.
B - Hees Ciyaareedka.
Waxaana loo kala qaadaa hees Ciyaareedka qeyba
badan,waxanna ka soo qaadan karna:
1-Suugaanta Shiribka.
Waa mxay Shirib?.
Shiribku waxuu ka mid yahay Suugaanta
Soomaalida,qeybteeda heesaha,gaar ahaan laanta
hees ciyaareedka oo laga dheelo dhammaan Goballada
koofurta dalka Soomaaliya, waxuuna leeyahay
jiib,jaan, luuq,hojis iyo hooris ama haan iyo haruub
isku xirma,waxaana Ciyaara barbaar Gaashaaman oo
ku hubeysan hubka dagaalka ee Soomaalidu dagaalka
u adeegsan jirtay.
Inkasat oo Shiribku asal ahaan Suugaanta dagaalka,
hadda waxaa lagu soo ban dhigaa sida badan;
farxadda, faanka ,kaftanka iyo maadda aan xanafta
laheyn.
*
Tusaale Shirib Gelbis ah.
Gelbisku waa hab iyo hannaan lagu maamuuso
Arooska Geber magac ku leh deegaanka ,oo ay kala
guursanaayaan laba qabiil, oo sida badan aan isku
deegaan aheyn,waxaana la tiriyaa Shiribka gelbiska
ah marka la doonaayo in la guri geeyo geber magac iyo
maamuus ku leh deegaanka,ama ka soo jeedda qoys
magac ku leh deegaanka.
Waxaana sida badan lagu soo bandhiga Shiribkaan
Gelbiska ah dardaaran qiima badan oo geberta
aroosadda ah lagula dardaarmaayo waxa laga
doonaayo geberta sharafta badan, isla markaana looga
digaayo dhaqankaa xun oo loo baahan yahay in ay ka
digtoonaato.
Shiribkaan Geliska ah , waxa isdhaafsanaaya laba
laashin oo deegaanka caan ka ahaa, oo la kala dhihi
jiray;
o Aw Xasan Filay Dheere iyo
o Cumar Ma dhinte.
Shiribkiina waxuu u dhacay sida tan:
Aw Xasan F. dheere.
Horaay u socoo hindiyeey*
waa hawl naaga horreen jirte.
Cumar.M.dhinte.
Hadbaa habeen damba hadeer*
haqeennuu waa ku heysaya.
A.X.F.dheere.
Haruubya haan horuu dhameey*
hoggaanku kuma heysayee.
C.M.dhinte.
Ama mid haanahaan qabnaa*
herti la soo hogoog xumaaw.
**
A.X.F.dheere.
Muggow gordaa amuu guraa*
gaadaarta gacantuugu haay.
C.M. dhinte.
Amase guryantooy ahaaw*
gafuurka gaad ha kaa marshee.
**
A.X.F.dheere.
Feraya duurya faarya dhaay*
la ag fadhiiso fiid gaashaw.
C.M.dhinte.
Amasee falfalliir qaaroo*
fadiil madooba fiidki keen.
**
A.X.F.dheere.
Nin waa dhukaan la dhaaniyee*
dhabtuula fadhi dhiilya weel.
C.M.dhinte.
Ama laabada dhul qaaboow *
sidii dhebeddii dhaydhayeey.
**
A.X.F.dheere.
Afar walxaato kaaf ku taal*
haddaad ka weyso iska keen.
C.M.dhinte.
Kariya keenya kaalay kaay*
haddaad ka weyso iska keen.
**
A.X.F.dheere.
Haddii duceeyow kuu yimaad*
u duudi waxaa danta yaal.
C.M.dhinte.
Amase deyrisooy ahaaw*
ha layska kaaba deyriyee.
**
Munaasabadda tixda:
Shiribkaani waxuu ku baxay munaasabad aroos gelbis
ah ,oo lagu aroosinaayay Geber magac iyo maamuus
ku lahaa Deegaanka ,oo kala guursadeen laba qabiil oo
magac lahaa.
Munaasabadaha noocaan oo kala ah, waxa ka soo
qeyb gala laashimiin,barbaar gaashaaman iyo Afmaal
aad loogu soo xulay.
*
Astaamaha Suugaanta Shiribka .
Hilinka tixda.
Hilnka Shiribku waa dardaaran lala dardaarmaayo
gebedha aroosadda ah, si ay reerkeeda uga adkaato.
Xarafraaca tixda.
Tixdu waxay ku socotaa xarafka ah” D”oo si qurux
badan loogu xardhay tixaha Shiribka.
Dulucda tixda.
Dulucda tixdu waxay u dhaceysaa in gebedhu tahay
tiirka ugu weyn tiirarka gurigu ku taaganyahay,haddii
tiirkaas uu xumaadana gurigu ma noqonaayo guri lagu
nasto oo loo soo jeelo.
***
2-Heesaha Durbaanka.
Waa maxay Durbaan?
Durbaan , Gurbaan ama Haan,waa nooc ka mid ah
Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ,oo
aad loo xiiseeyo marka la tumaayo,waxaana si gaar
ah u xirta gebdhaha ,si ay u soo jiitaan wiilasha
barbaarta ah oo qeyrkood ah,oo ay isu dhaafsadaan
sheekooyin iyo kaftan dhallinyaro oo xiisa badan.
Sida badan Ciyaarta Durbaanka waxa saldhig u ah
haan gocoyo ah oo afka looga xiro maqaar laga bixiyay
canug neyla ah, oo inta dhogota laga fiiqo caana lagu
qooyo, dabadeed xarig adag lagula xiro hanta afkeeda,
si haantu u bixiyo cod aad u dheer haddii gacanta lagu
dhufto.
Sida badan waxaana lagu xira durbaanka guri ay
leedahay geber ka mid ah gebdhaha barbaarta ah oo
laashimad ah,oo inta gebdhaha dhaxda ka fadhiisata
hanta labada jilib ku qabataa, iyada oo si darandoorri
ah oo farsameysan ugu garaaceysa labadeeda
gacmood hanta afkeeda ,isla markaana tirineysa
heesta durbaanka,gebdhaha kalana ay u jiibinayaan.
*
Tusaale Hees Durbaan .
Hobeeya hobeey.
Booy Naawireed,
Hobeey hobeey.
Baabuur jid falay,
Hobeey hobeey.
Boon Macallinkeed,
Hobeey hobeey.
Berima Cumar Culus,
Hobeey hobeey.
Waa noo bishaan,
Hobeey hobeey.
Waa noo billaaw,
Hobeey hobeey.
Ama lagu ba’yee.
Hobeey hobeey.
Ama lagu bilmee.
Hobeeya hobeey.
**
Eraybixinta tixda:
Munaasabadda tixda.
Sanadihii kontomeeyadii waxa dalka ku
baahay,shirkado mareykan ah,oo dalka oo dhan ku
sameeyay baaris shidaal iyo macaadin,waxaana dalka
oo dhan can ka noqday jidada aad u toosan
oosoomaalidu u taqaanno jid mareykan,waxaana
jidadkaas falaayay baabuur katarbiilla ah.
Waxa marki u horeeysay meela ka mid ah dalka ,gaar
ahaan meelaha biya ka dheerka ah , sida “ceel
Naawireed”,oo laga bajiyay meel aad uga fog biyaha.
Arrimahaas iyo arrimaha kale oo ku cusbaa deegaanka
oo aan horay loo arki jirin,ayaa gebedha laashimadda
ah ku bixiyay in ay tiriso heestaan durbaaka ah.
*
Hilnka tixda:
Hilinka tixdu waa “Yaab iyo amankaag”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xatrafka “B”.
Dulucda tixda:
Dulucada tixdu waa yasid la yasaayo beelo agar ah.
***
Munaasabadda tixda:
Heestaani waxay ka mid aheyd ,heesihii qiimaha
badnaa ee loogu waqlalay dhalashadii Calanka
Soomaaliyeed ee buluugga ah,oo xiddigta shanta gees
leh dhaxda ku lahaa,ee asiga oo xur ah la taagay
1960kii.
*
Hilinka tixda.
Tixdu waxay ku socotaa hilnka “waddaniyad”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socotaa xarafka “C”.
Dulucda tixda.
Dulucada tixdu waa tilmaanta iyo astaamaha lagu
garto Calanka Soomaaliyeed.
***
J-Hees Hawleed.
Waa maxay Hees Hawleed?
Hees hawleedku, waa nooc ka mid ah Suugaanta
Soomaalida ,gaar ahaan qeybta heesha,waxaana la
tiriyaa hees hawleedka marka hawlaha adag faraha
lagu haayo,si la isu hilmaansiiyo culeyska hawshu
leedahay. Waxaana ka mid ah:heesaha
mooyaha,Salsalka,badar sumcidda,xoola
shubidda,beera limidda,kalluun dabidda iwm.
*
Tusaale Hees Hawleed.
1-Heesaha Mooyaha.
{Iihi iihi ihii.}
{Gacalooy Gacalooy,}
{Gebedheyda yareey,}
Goortaan gabayi maago,
Gabayga mooyaha maago.
Oon gunuunuc billaabo,
Geedo waa lulushaan,
Geelu waa ololaa,
Anna weyska gabyaa.
*
{Gacalooy gacalooy,}
{Gebedheyda yareey,}
Kol haddaan kasha qaato,
Kasha mooyaha qaato,
Oon korkiisa istaago,
Ka shaqeeyo haruurka,
Kun hal baan ka dilaa.
*
{Gacalooy gacalooy,}
{Gebedheyda yareey}
Geel haddan kugu waayo,
Iyo guunyo la maalo,
Iska joog gurigiinna,
Iska guudad xirnaaw,
Gacalkaa u adeego.
*
{Gacalooy Gacalooy}
{Gacanteey Midigeey,}
Afaraan kaaga digaa,
Kaaga deyrinayaa,
Kaaga diin dhigayaa,
Ninka Geesi ha guursan,
Marka Geela la qaado,
Gudubow ka ardaa,
Goob xun baa la dhigaa,
Ggabllan buu ku badaa,
*
Ninka Gaaban ha guursan,
Marka Geelu Cadhoobo,
Garbihiisa ma gaaero,
Gondahaw ka dhayaa,
*
Ninka dheerna ha guurin,
Markii Gaajo timaado,
Gurigoow is gogllaa,
Go’ayeey ka yiraa,
Waan bukaa ku dhahaa,
Ma bukee ha bukoodo,
Baarka caara ha goyso
*
Fulagiina ha guursan,
Meel faciis ka tagoow,
Weligiis fadhiyaahe,
Fol xumow ku badaahe.
*
Ninka waaxid yaqaanna,
Ninkeey weeso ku taallo,
Wacdiyo waxsan sheega,
Wehelkaa ha ahaado,
Wax haddaad heli weyso,
Waalidkaa u adeego,
Isaa kaa welwelaahe.
*
{Gacalooy Gacalooy,}
{Gacanteey Midigeey,}
Afaraan kaaga digaa,
Kaaga diin dhigayaa,
Kaaga deyrinayayaa,
Habarraawe ha guursan,
Habar weyn nin qabaa,
Habartii nimeey joogto,
Habllo key la dhasheen,
Habarraawe koryaa,
Habar weyn la furyaa,
Habllo guursadayaa,
Hooggu waa habartii,
Geesna kaaga hareyn,
Muu haruub kuu biyeeyo,
Muu hoggaan la wareego,
Horbannaan ha ahaado,
Yaan lagaaga horreynin.
Eraybixinta tixda.
Mooye: Geed loo qoro qaab weel ,oo badarka lagu
tummo.
Gudub:dhinac ordaa.
Gabllan:ilma la’aan.
Gonddo:qoobabka geela.
*
Munaasabadda Tixdu ku baxday:
Munaasabadda tixdu ku baxday waxay la sheegay in
ay aheyd munaasabad haween badani ay ku
tumaayeen badar loo diyaarinaaya Madal Shireed ee la
isugu imaanaayay.
*
Hilinka tixda.
Hilinka tixdu ku socoto waa “Dardaaran”.
Xaraf-raaca tixda.
tixdu waxay ku socoto hal xaraf ka badan,waxana ka
mid ah xarafaha tixda”G,K,D,W,H.
Dulucda tixda.
Waa dardaaran ximbaarsa xikmad iyo murti dhaxalgal
ah oo loo gudbinaay gebedha caruusadda ah ,ee
aqalka cusub loo dhisaayo.
***
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Ammaan iyo
kalgacalsi”.
Xarafraaca tixda.
Tixdu waxay ku socota xarafka “A”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay tilmaan cad ka bixineysa qiimaha
iyo jaceylka uu u haayao ninka dhaanshawga ah
ratigiisa ,iyo soo bandhigid uu soo bandhigaayo
kaallinta ratigu ku leeyahay nolosha adag ee miyiga
Soomaaliyeed.
***
Tixda 2aad.
Bacadllow yaa bun kuu duba.
Yaa billaawe kuu xira,
Bafta kuu garaariya,
Bilcaan kuu aroosiya,
Waan loo baranin maahine.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “tamanni iyi
kalgacalsi”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka” B”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay tilmaameysa qiimaha ratigu ku
leeyahay bulsshada miyiga.
***
Tixda 3aad.
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “warbixin iyo weydiin
yaab ku dhisan”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka”H”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhacaeysa in aakhiro leysu
raacan doono dhibaatada loo geysanaayo xayawaanka
la adeegsanaayo ,gaar ahaan gaadiidka oo markasta
la saaro waxa culus badan.
**
Tixda 4aad.
Iyadooy kaliil tahay,
Dadku wada kadeed qabo.
Ninkaan kebed la xiimeyn,
Oon koron raraninaa ba’ay.
**
Hilinka tixda:
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka” K”.
Dulucda tixda.
Dulucada tixdu waxay u dhaceysa muujinta milggaha
geela ,gaar ahan awrta xilliyada dhibaatada badan oo
reer miyiga la soo gudboonaada.
**
Tixda 5aad.
Haddaan dheelli kuu raro,
Iyo dhooma laallaad,
Igu dhiibadaad tahay,
Dhaxdaan iiga soo dhacay.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “kalgaceyl” uu u haayo
ratigiisa.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socotaa xarafka”DH”.
Dulucada tixda:
Dulucada tixdu u dhacaeyso,waa jaceylka uu qabo
ratigiisa iyo sida uu markasta ugu daalo in aan wax
dhibaata ahi aeysan soo gaarin.
Eraybixin tixaha.
Billaawe: Toorreey,Ablleey.
Huurki :qabri.
Kadeed: dhibaato.
Kebed:raro,heeryo.
Xiimeyn:la ordaeynin.
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Qiimaha Geela.”
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “G”.
Dulucda tixda:
Dulucda tidu waxay u dhaceysa dhibaatada lagala
kulmaayo geel la’aanta.
***
Tixda 2aad.
Umul wiilliyoo,
Aroos maa tahay,
Maxaa uunsigu,
Kaaga soo uri?
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Yaab iyo amankaag”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota shaqalka “U”.
Dulucda tixda.
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in habeedda Geelu
ay uga dhigan tahay geel jiraha sida uunsiga oo kale.
***
Tixda 3aad.
Qaayib qoyska leh,
Jeeruu qun u dhalo,
Oo nirgaha qubo,
Quulla dubadkiyo,
Qiiqu kama haro.
**
Eraybixin:
Qaayib: hal magaceed.
Qun: si fiican .
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “Q”
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhacaeysa in aan dhibaata
laga baxeynin haddaan Geelu si fiican u dhalin.
***
Tixda 4aad.
Markey taalliyo,
Ameey kala taal,
Ama lala tago,
Waa tolleeyoo,
Looma kala tago.
***
Eraybixinta tixda.
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “ Qiimaha Geela”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “T”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in geelu yahay hanti
toleed ,oo ninka iska leh uu u haayo tolkiisa.
***
Tixda 5aad.
Meel xabbada badan,
Oo xinjiri taal,
Oo rag ku xarbiyay,
Xayaat ololsheey.
**
Eraybixin:
Xinjir: dhiig daadsan.
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Qiimaha geela”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socotaa xarafka “ X”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waa dhibaatada ku lifaaqan lahaasha
geela .
***
Tixda 6aad.
Goodeey geesigu,
Geerida horteed,
Gaadasheeyoo,
Geel la’aan diid.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Qiimaha geela”.
Xarafraaca tixda.
Tixdu waxay ku socotaa xarafka “ G ”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waa in aan qof adduuya jooga uusan
noolaan Karin geel la’aan,waa sida uu qabo ruuxa
geeljiraha ah.
***
Tixda 7aad.
Weynidaayoo,
Wanaagsanidaa,
Waxes kuu dhiman,
Adoo waaroo,
Aan wedba laheyn.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Tamanni.”
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socotaa xarafka “W”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in aysan jirin wax ka
dhiman geela wanaagiisa. oo aan ka heyn in uu waaro
kaliya, oo uusaan weligii dhiman.
***
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “D”.
Dulucada tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceusa yaab uu la yaaban
yahay lo’ jiruhu medebada kala duwan oo lo’du
leedahay.
***
Tixda 2aad.
Hadduu weyl dhalo,
Weyl labaaddii,
Wallaceed yahay,
Waalid waayoo,
Yaan la waabinin.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa qaderinta iyo qiimeynta
lo’jiruhu u haayo lo’da uu dhaqanaayo.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “W”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in sida lo’jiruhu u
jecel yahay saca isku xijiya dhaw da’ood oo weyla ah.
***
Tixda 3aad.
Gosha lama dego,
Gaari lama furo,
Geesi lama dilo,
Gosha kii dega,
Giir la’aan iyo,
Gaaja waw halis,
Geesi kii dila ,
Col galbeed iyo,
Gawrac waw halis,
Gaari kii fura,
Guur la’aan iyo,
Gabaw waw halis.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “xikmad iyo murti”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “ G”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa oo ay gudbineysa in
seddexdaan waxyaabood ay ka mid yihiin
waxyaabaha laga bartay waaya aragnimada nolosha
aaddamiga.
***
Tixda 4aad.
Allaw ooridaan,
Aameelkaa culin,
Ku agaasimin,
Aroos lagu furo.
**
Hilinka tixda:
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in naagaha midda
aan si wanaagsan lo’da u gaasimin ,aanna mar kasta
Aan culin weelka lagu lisaayo in ay habbontahay in si
degdeg ah la isaga furo.
***
Tixda 5aad.
Daw ku rimiddiyo,
Diraac dhaliddeey,
Duunya dheertahay,
Anna daristiyo,
Dadaal badi iyo,
Isla dadabkaan,
Dadka dheerahay.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa “Qiimeyn”.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka” D”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in saciisu lo’da kale
uu wax dheer yahay ,asiguna uu lo’jirrada kale wax
dheer yahay.
***
Tixda 6aad.
Allaw awrkaan ,
Afar deyrood,
Oo isdabataal,
Aala socotiyo,
Eyra kug derin,
Arooryada hore ,
Aar ha kaa dilo.
**
Hilnka tixda:
Hilinka tixdu waxay ku socota inkaar la inkaaraayo
dibiga awrka ah oo lo’da boodin xilliga lo’du osollan
tahay.
Xarafraaca tixda:
Xarafka tixdu ku socoto waa shaqalka “A”.
Dulyucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa in aan la jeclleyn
dibiga awrka ah oo lo’da rimin xilliga lo’du asollan
tahay,oo lo’jiruhu jecel yahay inlo’da all aka
dhaxsaaro.
***
Tixda 7aad.
Wanaagsane weris.
Weyluu xalay dhalay,
Wiil la moodyoo,
Loo waqlali gaar.
**
Hilinka tixda:
Hilinka tixdu ku socoto waa qiimaha uu lo’ jiruhu u
haayo lo’da.
Xarafraaca tixda:
Tixdu waxay ku socota xarafka “ W”.
Dulucda tixda:
Dulucda tixdu waxay u dhaceysa sida lo’ jiruhu u jecel
yahay in saciisu uu weyla la dhalo.
Dhammaad.