You are on page 1of 6

TAARIIKHDA JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED

KULLIYADDA: Dhaqaalaha
DUFCADDA: Batch6
GROUP-KA: Horseed group

XUBNAHA KOOXDA(GROUP-KA) HORSEED

1. Kowsar cabdullaahi axmed


2. Aadan cali axmed
3. Faadumo xasan aadan
4. Fahad nuur shariif
5. Fartuun ciise
6. Cabdiraxmaan cali cilmi
7. Saciido cabdiqaadir
8. Maxamed maxamuud maxamed
9. Cabdinaasir cabdullaahi cabdi
10. Cabdiqani maxamed cabdicasiis
11. Maxamed caji jaamac

WAXYAABAHA AAN TAARIIKHDA JAAMACADDA UMMADDA KU BARANDOONO WAXAA


KA MIDA:

 Aasaaskii jaamacadda ummadda soomaaliyeed……………b ogga 2-aad


 Kulliyadihii jaamacadda laga bixin jiray……………………bogga 3-aad
 Shaqsiyaadkii ka qalinjebiyey………………………………bogga 4-aad
 Xarumihii jaamacadda………………………………………bogga 4-aad
 Dib u furistii jaamacadda……………………………………bogga 5-aad
 Dufcadihii jaamacadda………………………………………bogga 5-aad
 Arrimihii ardayda…………..………………………………..bogga 5-aad

1
AASAASKII JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED:-

Taariikhda jaamacadda ummadda ma ahan waxa lagu soo koobi karo sadaro
balse si guud Ayaan qormadaan taariikhdeeda uga hadli doonaa amase ku baran
doonaa. Jaamacadda ummadda soomaaliyeed inta aan laga dhigin jaamacad
waxa ay ahayd machad lagu barto sharciga,dhaqaalaha iyo siyaasadda, taasne
waxay ku timid sidaan:
Dagaalkii labaad waxaa ku jabay huwantii uu jarmalku hor kacayey waxaana ka
mid ahaa talyaaniga oo jarmalka ku xulufo ahaa.
Qaramada midoobey(United Nation Organisation) waxay soo jeedisay sida
laga yeelayo wadamada ay gacanta ku hayaan dowladihii dagaalka ku jabay.
Waxay isla garteen in xornimo la siiyo waddamada la gumeysto waxaana
waddamadaas ka mid ahaa soomaaliya.
Si soomaaliya ay xornimo taama ah u gaarto waxay qaramada midoobey soo
saartay xeer talyaaniga lagu farayo inuu soomaaliya 10 sano gudohood ugu
diyaariyo xornimo dhameystiran,
talyaanigu bishii sebtembar 1954-kii ayaa waxa uu aasaasay machad dadka
soomaaliyeed lagu barayo sharciga iyo dhaqaalaha si ay dalka ula wareegaan
marka muddadii loogu tala galay la gaaro, sidaa ayuuna bilowgii ku aasaasmay.
Xornimadii ka dib macahadku wuu sii jiray 1964-kii ayaa machad jaamacadeed
loo bedelay oo ardayda soomaaliyeed ee dugsiga sare ka soo baxdo waxay laba
sano oo waxbarashadooda ka mida ku qaadan jireen machadka, halka labada
kalane ay jaamacadaha talyaaniga ku soo dhameysan jireen,
maadaama machadka ay aqoonsanaayeen jaamacadaha Rome iyo Padova oo
fadhigoodu ahaa talyaaniga.
1969-kii markii uu afgambiga aannu dhiigga ku daadan dalka ka dhacay,
talaabooyinkii ugu horeeyey ee dowladdii melateriga dhanka waxbarashada u
qaaddo waxaa ka mid ahaa in ardaydu dalkooda wax ku barato oo dibedda laga
maarmo,
taasine waxay dhalisay in 1-12-1969-kii machadkii loo bedelo Jaamacadda
ummadda soomaaliyeed.

2
KULYADIHII JAAMACADDA UMMADDA LAGA BIXIN JIRAY

Kulliyadaha jaamacddu bixin jirtay waxay kala ahaayeen:


1. Kulliyadda dhaqaalaha
2. Kulliyadda sharciga
3. Kulliyadda beeraha
4. Kulliyadda kiimikada warshadaha
5. Kulliyadda waxbarashada
6. Kulliyadda xanaanada xoolaha
7. Kulliyadda injineeriyadda
8. Kulliyadda caafimaadka
9. Kulliyadda jiyoolajiyada
10. Kulliyadda saxaafadda
11. Kulliyadda daraasaadka islaamka
12. Kulliyadda luuqadaha
13. Kulliyadda culuumta siyaasadda iyo
14. Kulliyadda xirfadaha
Tirada kulliyadahaan kor ku xusan isku mar lama wada hirgelin ee sanaddo kala
duean ayaa lagu soo kala deray.
- Aan ku horeynee sanaddii 1971-dii wixii ka horeeyey sharciga iyo dhaqaalaha
kaliya ayey jaamacaddu bixin jirtay, balse 1971-dii ayaa lagu soo deray
kulliyadaha beeraha iyo kiimikada wershadaha,
- Sidoo kale waxaa iyane 1972-dii lagu soo deray kulliyadda waxbarashada.
- Waxaa kaloo 1973-dii lagu soo deray kulyadaha kala ah:
xanaanada.xoolaha,injineeriyadda, caafimaadka iyo jiyoolojiyadda.
- Lix sano ka dib 1979-kii ayaa waxaa lagu soo kordhiyey kulyadaha kala ah
saxaafadda,daraasaadka islaamka iyo luuqadaha.
- 1981-kii ayaa lagu soo deray kulyadda culuumta siyaasadda.
- Isla 1984-tii waxaa lagu soo daray kulyaddii xirfadaha(mihnadaha)
Jaamacadda ummadda soomaaliyeed 14-Kulyadood ayadoo leh, in ka badan
800 oo barayaal isugu ajaanib iyo soomaali iyo
10,000 oo ardey ah ayey burburtay.

3
SHAQSIYAADKII KA QALINJEBIYEY JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED

Dadkii JUS ka aflaxay lama soo koobi karo maxaa yeelay waxay ahayd halka
jaamacad ee dalku lahaa,
Taasne waxay keentay in arday kasta oo dugsiga sare ka soo baxa uu
jaamacadda galo.
Waxaase dadkii JUS ka soo baxay ka mid ahaa:
1. Axmed ashkir bootaan wasiirkii waxbaradhada ee dowladdii milateriga
soona noqday goddoomiyaha(Ractor) jaamacadda ummadda soomaaliyeed.
2. Xasan sh maxamuud (Madaxweynihii hore ee soomaaliya)
3. Prof maxamed sh cusmaan jawaari (goddoomiyihii hore ee baarlamaanka
barena ka ahaa jaamacadda ummadda)
4. Cabdi faarax shirdoon (raiisulwasaarihii hore ee soomaaliya)
5. Cabdiwali maxamed cali gaas (rasiisulwasaarihii hore ee soomaaliya ahaane
madaxweynihii hore ee maamulgobaleedka puntland)
6. Cali maxamed geedi(raiisulwasaare hore ee soomaaliya)
7. Cabdiqawi yuusuf (goddoomiyaha maxkamadda ICJ-da ee)
8. Maxamed axmed jimcaale (ragtarka JUS ee burburka ka dib)
9. Kim jian (safiirka shiinaha u fadhiya soomaaliya)
10. Yuusuf garaad cumar( w/arrimaha dibadda ahaane tifaftirihii BBC Somalli).
11. ENG cabdiraxmaan cumar cusmaan ENG yariisow (wasiirkii hore ee
warfaafinta iyo duqii hore ee magaalada muqdisho)
12. Nuur xasan xuseen “nuur cadde” (raiisulwasaarihii hore ee soomaaliya)

XARUMAHA JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED


Buruburkii ka hor jaamacaddu waxay la hayd 7 xarumood oo kala ah:
 Gaheyr; xarunta ugu weyn ee JUS
 Lafoole; labo xarumood
 Machadka Farsamada (polytechnic ee km4)
 Machadka caafimaadka ka soo horjeedka isbitaalka digfeer
 Machadkii machadka siyaasaddak; dhanka galbeed ee isbitaalka digfeer
 Shabeele xamar wayne; xaruntii dhexe ee jaamacadda
Dib u howlgelintii jaamacadda ayaa waxaa lagu deray labo xarumood oo kala
ah caabudwaaq iyo jaamacaddii hiiraan oo loo bedelay jaamacadda ummadda
taas oo wadarta jaamacadda ka dhigeysa 9 xarumood.

4
DIB U FURISTII JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED

Burburka dowladdii dhexe ee soomaaliya wuxuu saameeyey dhammaa


hayadihii dowladda oo dhan. Jaamacadda ummadda soomaaliyeed waxaa dhan
ka soo gaaray burburkii dalka oo dhan ku habsaday.
Dhowr iyo labaatan sano ka dib waxaa lagu guuleystay in dib loo furo JUS oo
ahayd hooyadii waxbarashada dalka. Sanaddii 14-11-2013-dii ayaa golihii
wasiirad xukuumaddii Cabdi faarax shirdoon saacid ee uu madaxweyne ka
ahaa Xasan sheekh maxamuud waxa ay soo saareen qaraar dib loogu furayo JUS
waxaana ansixiyey golihii shacabka ee dowladdii madaxweyne xasan sh
max'uud.
Sanadku markuu ahaa 16-8-2014-kii ayaa guddigii sare ee JUS oo MD xasan
sheekh madax u ahaa waxay shaaciyeen in JUS dib loo furayo arday cusubne
qaadan doonto.
sidaas ayaa 17-9-2014-kii ardaydii u horeysay burburka ka dib fariisteen.
DUFCADIHII JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED

Dufcaddii ugu horey ee jaamacadda ummdda soomaaliyeed waxay soo baxday


sanaddii 1971-kii, waxayna ahaayeen 4 qofood oo kala ahaa:
saddex nin oo sharciyaqaano ah iyo hal nin oo dhaqaale yaqaan ahaa.
Ka hor burburka JUS waxaa ka qalinjebiyey 19-dufcadood, halka burburkii ka
dib ay hal dufcad ka qalinjebisay taa oo wadarta dufcadaha jaamacadda ka
qalijebisay ka dhigeysa 20-dufcadooda.
DARYEELKII ARDAYDA
Inta badan ardaydii dhiganjirtay JUS waxay ahaayeen kuwa jaamacadda seexda
maadama ay jaamacaddu u diryaarisay hoy, hu’iyo hunguri,
sidoo kale jaamacaddu waxay ardayda siin jirtay lacago, maadaama ay ardaydu
isugu jirtay ku dugsiga dhexe ka imaan jiray iyo kuwa dugsiga sare ka imaan
jiray, waxaase lacagaha ku badnaay ardayda dugsiga dhexe ka socotay,
maadaama macalinimo labo(P.P=primary program) sano ah loo diyaarinaye. --
- Wax-yaabaha kalloo ardayda la siinjiray waxaa ka mida ahaa in simistar
kasta bilowgiisa la siinjiray buugaagta maadooyinka la qaadanayo oo
dhameystiran.
- Labada bil ee fasaxa ah ardayda waxaa loo qaadijiray dalxiix ayadoo arday
waliba kulliyadiisa lagu saleynayey.
- Tusaale ahaan ardayda barata beeraha waxaa la geynjiray beeraha ku deedsan
labada wabi ee juba iyo shabeelle. Ardayda dhaqaalaha barata waxaa lagu soo
wareejin jiray ilaha dhaqaalaha dalka.

5
6

You might also like