You are on page 1of 4

HORYAALKA FIDNO CHAMPION LEAGUE SOMALIA

Horayaalka Fidno Champion ee Somaaliya maxaad kala socotaa shaxda siyaasadeed ee lagu ciyaaro Dalkeena Somaaliya. Horyaalka Fidno Champion League ee Somaalia Lugtiisii koowaad ayaa la soo gaba-gabeeyay Taariikhdu markay ahayd 20/08/2012 , Lugtiisa labaadna waxay bilaabtay 21/08/2012 waxaana uu socon doonaa ilaa laga gaaro 2032, Horyaalka Fidno sida caada u ah is aragiiba waxa uu socdaa Mudo dhan 20 Labaatan sano, 7 Todoba Bilood, & 4 Afar maalmood. Lugta labaad wareega sadexaad waxaa usoo gudbay afar 4 Kooxood oo culus. oo kala ah 1-Kooxda HALAAG, 2- Kooxda-TUSBAX, 3-Kooxda DABJOOG, 4-Kooxda UJEEDO BADAN Gudoomiyaha Horyaalka fidno Mr MAN ayaa war uu soo saaray Taariikhdu markay ahayd 7/06/2013 waxa uu sheegay in koox kale oo cusub lagu soo Daray Horyaalka Fidno, ayuuna si lama filaan ah liiskooda u soo gudbiyay kooxdan cusub, magaca kooxda waa (MAXAYSATO)

Kooxdaan cusub ee ku soo biirtay Horyaalka Fidno champion Magaca kooxda ayaa nagu cusub lakiin ciyaar tooydooda oo dhan waa ciyaartooy caan ah oo kooxo badan usoo ciyaaray ,lana wada yaqaano farasamadooda iyo qaab ciyaareed kooda oo dhan, qaar ka mid ah waxay qabaan ilaa 2 Guduud (Red) Qaarna waxay qabaan Hal hal jaale(Orange) , qaar kale waxay qabaan dhaawac culus oo ah xaga maskaxda ah daawooyin ayay ku socdaan. Ciyaartooyda Kooxda Maxaysato Magacyadooda Waa sidan Tababare Mr Qiyaano 1- Qalin, 2- Sabraaye, 3-Lugta iisaar, 4-Xasuuq, 5-Warmoog, 6-Majabe, 7-kabtanka kooxda Laba weji 8- Bir, 9-Sheekh Boorso, 10 Manaxe, 11-Xaajibeeso kaydka waxaa u fadhiyo 12-Toogte 13 Taabsade 14-Harag Dugaag

Kooxdaan cusub ee Maxaysato waxaa ku jiro ilaa 2 ciyaartooy oo ciyaaraha siyaasada Somaaliya ku cusub Labadaan ciyaartooy ee cusub waxay u soo safteen nasiib daro koox ay kujiraan ciyaartooy la wada nacay. Ciyaartooydaan cusub waxaa ka mid Mr QALIN waa ciyaartooy ku cusub garoomada Mr Qalin aad baa loo yaqaanaa lakiin waxaa ka qay liyay Qalin iyo Buug waxayna ku ee deeyeen inuu si xun ula dhaqmo uuna yahay nin aan ukala xaq soorin Qalinka iyo Warqada uu wax ku qoro ayuu ukala eexdaa, marka waxay yiraahdeen ninkaan waa nin aan ku fiicneen in uu ciyaaro maxaa yeelay kubada waxa uu ubaasayaa ninka ay isku Beelyihiin oo kaliya xitaa hadii gool lagu leeyahay kalama jeclo waxaa uga muhiimsan in uu kubada ulaado saxiibkiisa lajaalka ah si kooxda ay guul ugaaro Mr Qalin waxa uu yiri xalay ayay kooxdeena cusub ee Maxaysato ayaan iswada aragnay ee ahaa kulankeenii noogu horeeyay, markaan casheenay kadib waxa talooyin ii soo jeediyay dad aan saaxiibo nahay waxay igu yiraahdeen saxiib Kooxdaan cusub isaga bax maxaa yeelay waxaa usafan ciyaartooy aad loo nacay iyo qaar cuslaaday oo fasamooyin hore ee laga tagay wato waxay igu la taliyeen in aan ku biiro kooxda Dabjoog ama Tusbax, kooxda ujeedo badan way kuu baahan yihiin lakiin No 1 culus oo booska aad ka ciyaarto ayaa ujoogo hada kooxda ujeedo badan ee xiligaan uma baahno No 1 kale. Mr Qalin talaa ku cadaatay waxa uu sheegay inuu isaga baxay Kooxdaan Maxaysato waxa uuna u sheegay taageerayaashiisa waan isaga baxay kooxdaan waxaan rajaynayaa in aan ku biiro kooxda Tusbax ama Dabjoog waxay ubadantahay in aan usoo safto kooxda Dabjoog

Taba baraha Kooxda Maxaysato Mr Qiyaano waxa uu hore Tababare ugu ahaa kooxda ujeedobadan way iska ceeyriyeen lakiin weli lataliye xaga farsamooyinka ayuu kayahay maadaama uu aad uyaqaano sida goolal farsamaysan loo laado Mr Qiyaano waa farsamo yaqaan afka wax ku farsameeyo Mid ka mid ah Ciyaartooyda kooxda Maxaysato Mr Xasuuq waa nin caan ah oo lawada yaqaano kana soo ciyaaray garoonka Geeri & Guul waa nin halaag ah oo taariikhdu aysan ilaawi doonin weerarkii uu ka sameeyay xiligii uu uciyaraay kooxdiisii hore Damac Badan, Mr xasuuq markuu u ciyaaray kooxdaan waxaa uu sameeyay aroos aan caadi ahayn isagoo lacago fara badan geliyay taas oo ahayd lacag uu kasoo dhacay maamulihiisa Mr Aarsade, taas oo sababteeda ahayd in ay guuldaro ku soo dhaamto kooxdiisa , Mr xasuuq waa nin ku dheer xaga farsamada iyo isadaba marinta lacageed, ayaa hadal u jeediyay ciyaartooyda kooxda Maxasato. Harag Dugaag waa ciyaartooy aan la dhayal san karin lakiin nasiibdaran Ciyaartooyga Sabraaye laba koox ayuu usoo ciyaaray lakiin waa nin waqtiga uhiiliyo mar walbo waana nin afgaaban qadafkana iska ilaaliyo Mr Qalin waa Ciyaatooy caalami ah lakiin aan waayo arag ahayn, koox liidato ayuuna u soo saftay ciyaartiisii ugu horeeysay Xaaji beeso waa nin lagu yaqaano sida loo habeeyo lacagaha kooxda soo galo wax walbo waxaa ugu horeeyo in uu buuxiyo afartiisa jeeb, Sheekh Boorso waa ciyaartooy nasiib badan lakiin waxa uqarsoon aan la garaynaynin waxaana lagu xantaa in uu u ciyaarijiray Kooxda Halaag Mr warmoog waqtigaba lama socdo hadii gool lagu leeyahay iyo hadii uu gool leeyahayba war uma hayo waxaa ku rakiban mashiin kale oo aan lagaranaynin waxa uu yahay Kabtanka kooxda Mr Labo weji waa nin lagu yaqaano farsamooyin heer sare ah oo ay san fami Karin ciyaartooyda ka soo horjeedo lakiin markaan daal ayaa ka muuqdo iyo tabar yari , waxaana usii dheer Taageera yaashiisa ayaa aad u nacay maxaa yeelay qaab laga tagay ayuu ku ciyaaraa, mana dhargo, mana xishooda kabtanka kooxda maxaysato Fg sida uu sheegay maamulaha Horyaalka Fidno champion Mr Man waxa uu yiri ciyaartooyda waa lakala qaadan karaa sidan ayuuna liisku yahay , kooxda Halaag iyo Dabjoog ciyaartooydooda way kala badalan karaan , sidoo kale kooxda Ujeedo Badan iyo kooxda Tusbax way kala qaadan karaan,

Kooxda maxaysato intooda badan waxay kasoo ciyaareen garoomo badan sida garoonka Mugdi Alaybade, Geeri & Guul waa ciyaartooy mudo soo ciyaaraysay laakiin weli mid gool dhaliyay kuma jiro intooda Kooxda Maxaysato Ciyaartooydooda waxay ubadantahay inay dib ugu laabtaan kooxiihii hore oo ay uciyaari jireen ee kala ahaa Halaag, Dabjoog, Tusbax, ujeedo badan. Afartaan koox ayaa lafilayaa in ay sii wadaan Horyaalka fidno, way dhici kartaa in Maamulaha Horyaalka Fidno uu ku soo daro kooxo kale si Horyaalka uu xiiso uyeesho , wariyaasha ugu fiican ee soo tabin doono waxaa ka mid ah Wariye, Halbuug, wariye Biibaaye, Wariye mahubsade, wariye Mashiixe, Radiyaasha aad ka dhagay san kartaan waxaa ka mid ah Radiyo shanta Mashiixdo, Radiyo Tolka, Radiyo guux weyne,Radiyo Birta dheer,Radio 4.5FM Webseedyada aad kala socon kartaan waxaa ugu muhiimsan WWW.QABQASADE.COM. WWW.QABIIL.COM Tv yada aad ka daawan kartaan waxaa ka mid ah Tv Tolka.com , Tv bulshadeena.com , Tv xanaaq.com Waxaad nagala soo xiriiri kartaan www.fidnochampionsomalia.com Tel 0000000111 waxaa si toos ah kaaga qabanaayo Mr Man lasoco horyaalka Fidno champion Maqal iyo muuqaalba waa lagu soo tabin doonaa Cuqdada iska saar W/Q MOHAMED adkeeste

You might also like