You are on page 1of 140

MINISTRY OF TRADE AND INVESTMENT

Somaliland

An Investment Guide to Somaliland


Opportunities and Conditions
August 2013

Hagaha Maalgashiga

Somaliland
Fursadaha iyo Shuruudaha
2013 2014
www.SomalilandInvest.net

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

XUSITAAN:
Samaynta Hagaha Maalgashiga ee Somaliland 2013-2014 wuxu ka dhashay iskaashi. Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Xukuumada Somaliland waxay
u mahad celinayaan dhammaan Wasaaradaha, hayadaha iyo baadhayaashii lugta
ku lahaa sida Rugta Ganacsiga, Wasaaradaha Wershedaha iyo Beeraha; Wasaarada Qorshaynta Qaranka; Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Hayada Qurba-Joogta;
Wasaarada Beeraha; Wasaarada Xannaanada Xoolaha; Wasaarada Macdanta iyo
Tamarta; Wasaarada Kalluumaysiga; Wasaarada Arrimaha Gudaha; Jaamacada
Camuud; Hayada Tababarada iyo Baadhista (TRG) iyo AIMS.
Waxa kaloo ay dawladu uga mahad celinaysaa hayada Maraykanka u qaabilsan horumarka caalamiga ah, ee USAID, taageerada dhaqaale ee ay ka geysatay
hawlgelinta iyo soo saarista Hagaha Maalgashiga.
Afeef:
Qorayaashu qodobada ay halkan ku qoreen ma aha kuwo metelaya aragtida Hayada
Maraykanka u qaabilsan Horumarka Caalamiga ah ee USAID ama Dawlada Maraykanka.
Hagaha Maalgashiga Somaliland waxa kale oo laga helayaa shebekada internet ka:
www.SomalilandInvest.net oo leh luqadaha Ingiriisiga iyo Soomaaliga.

Maxjarka xoolaha lagu baadho ee ku yaala Berbera waxa lagu baadhaa xoolaha oo lagu
siiyaa shahaado caafimaad inta aan la dhoofin.

HAGAHA MAALGASHIGA
Jaantuuska guud

V
VI
VII

Fariinta Madaxweynaha Somaliland


Fariinta Wasiirka Ganacsiga and Maalgashiga
Milicsiga Somaliland

01. BARASHADA SOMALILAND

11. Fikrad guud


12. Dadka
13. Taariikh
15. Horumarka Dhaqan Dhaqaale
16. Kaabayaasha
17. Baaxada Suuqa Ganacsiga iyo Galaangalkiisa
18. Waaxaha ugu Mudan ee Maalgelineed

02. FIKIRKA SHARCI EE MAALGASHIGA


SOMALILAND
23. Qaabdhismeedka Hayadaha
23. Sharciga iyo Xalinta Khilaafka
25. Ilaalinta Maalgashiga Shisheeye
25. Ka Damaanad-qaadka La wareegida Hantida
26. Xeerarka Shaqada iyo Ruqsadaha Shaqada
28. Lahaanshaha Dhulka iyo Kiraysiga
30. Ilaalinta Maalgashiga
31. Tasiilaadka Dhulka iyo Cashuur Dhaafka

03. WAAXDA XOOLAHA


33. Hordhac ku Saabsan Taariikhda
33. Macluumaad guud
37. Sharciga la Xidhiidha Xoolaha
38. Caqabadaha ugu waawayn
42. Suuqa Xoolaha
45. Talooyin ku ocda Maalgashiga Xoolaha

04. WAAXDA BEERAHA

53. Macluumaad Guud


54. Doorka Wasaarada Beeraha
54. Lahaansho Dhul Beereed
55. Caqabado
55. Baahida Suuqa
57. Fursadaha Maalgashiga Beeraha
59. Daraasado la Xidhiidha Maalgashiga Beeraha

III

somaliland
05. QAYBTA TAMARTA

73. Warbixin guud


74. Jiilka imika iyo fikrado cusub
75. Maalgashiga Tamarta Dabka
76. Heshiisyada Saamilayda
77. Tignolijiyada Tamarta
Saliida Mashiinada
Shidaalka Warshadaha Culus
Tamarta Dabaysha
Tamarta Cadceeda
Dhalinta iyo Qaybinta Laydhka
Shooladaha Wax Karinta

06. WAAXDA KALLUUMAYSIGA


89. Kalluumaysiga
90. Deegaanka
93. Suurtagalnimada maalgashi
99. Mashruuc

07. WAAXDA MILIXDA

107. Warbixin Hordhac ah


107. Waxsoo Saarka Milixda
108. Maalgashiga Milixda

08. CAQABADAHA KU XEERAN MAALGASHIGA


IYO WARSHADAYNTA
117. Adeeg Maaliyadeed
118. Isgaadhsiinta
118. Gaadiidka
120. Suurta galnimada Ganacsi
122. Dabka

LIFAAQYADA
125. Liiska Qiimaynta
126. Kala Horaysiin, Xadidaad iyo Mamnuucid
126. Halka laga Helayo Macluumad Dheeraad ah
127. Fasaxyada Guud
128. Xiliga Shaqada

IV

FARIINTA
MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND
Xukuumada Somaliland aad bay sharaf ugu tahay inay bilowdo Hagaha Maalgelineed (Investment
Guide) oo ah kii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato. Abuurida hagaha oo isugu jira buugan
iyo kan bogga internetka wuxu tusayaa dadwaynaha Somaliland gudo iyo dibadba iyo waliba
dadka shisheeyaha ah in Somaliland ay tahay mid u furan ganacsiga. Tani sidoo kale waxay
muujinaysaa gaadhitaanka horumarka ee aynu samaynay inagoo kasoo gudubnay colaad iyo
xasilooni dari una gudubnay horumar koriin dhaqaale oo waara.
Hagahu wuxuu soo koobayaa habka loo maal-gashanayo Somaliland, wuxuuna bixinayaa xog
iyo macluumaad ku saabsan fursadaha maalgashi ee waaxyaha wax soo saarka leh ee Somaliland
dhexdeeda sida; xoolaha, beeraha, tamarta iyo kalluumaysiga.
Xukuumadaydu waxay diyaar u tahay inay soo jiidato maal-gashiga loogu baahanyahay dib u
dhiska iyo koboca dhaqaale si loo abuuro fursado dhaqaale iyo kuwa shaqo iyadoo u jeedaduna
tahay in laga qayb-qaato in la gaadho horumar iyo koboc dhaqaale oo waara. Si himiladaa loo
rumeeyo dawladayda waxa ka goan inay abuurto jawi ganacsiyo oo dhiirigalinaya hal-abuur
cusub oo dar-dar galinaya xidhiidhada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo balaadhiyo
fursadaha ganacsi, iyadoo isla markaana la xaq dhawrayo lana ilaalinayo hantida maalgaliyayaasha.
Waxaan u hanbalyaynayaa Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Wasaaradaha kale,
hayadaha, cilmi baadhayaasha, kuwaas oo taageero ay ka heleen USAID dartii, soo saaray
Hagahan Maalgashi ee aadka loogu baahnaa.

Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)


Madaxweynaha Somaliland

FARIINTA
WASIIRKA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
Bulshada reer Somaliland waxay ka marag kacayaan horumarka weyn ee la sameeyey 20kii sano ee la is maamulayey.
Nabadii waxa la soo celiyey ka dib markii dadaal aynu leenahay loo sameeyey, waxa la hirgeliyey hanaan
dimuqraadiyadeed kaas oo suurogeliyey shan doorasho oo u dhacay si guuli ku dheehantahay kuwaas oo isugu jirey
tii Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose; waxa kale oo dhacday in la asaasay ciidamo tababaran oo
amniga adkeeya kana hortaga argagaxisada iy danbiyada abaabulan. Haddaba haddii dhidibada loo taagay arrimahaas
imika waxa la gaadhay wakhtigii hore loo sii wadi lahaa horumarkaa la gaadhay iyada oo la isticmaalayo maalgalin
shisheeye si loo kobciyo koriinka dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Somaliland waxay kordhisay kala shaqaynta dhaqaalaha wadamada dibeda haday tahay gobolka iyo meelo kaleba.
Itoobiya waxay Somaliland kula jirtaa wada hadalo ku saabsan sidii loo wada geli lahaa wax wada qabsi qoto dheer
oo ah kii ugu horeeyey ee ay labada dal wada yeeshaan. Jabuuti waxay si wayn u maalgalisay dhaqaalaha Somaliland,
waxaana ka mida maalgashiga shirkada Coca-Cola oo ku kacay lacag ku dhow $15 million oo dollar. Somaliland
waxay isticmaashaa hab diblamaasiyadeed si ay u fududayso una caawiso maalgashiga shisheeye ee tooska ah oo ka
imanaya Turkiga, Emaaraadka Carabta, Masar iyo China iyo waaxyaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Somaliland sida
xoolaha iyo kalluumaysiga.
Waxa mahad leh sida loo adkeeyey maamulka maaliyada dawlada ee loo kordhiyey dakhliga cashuuraha iyo ilaalinta
lagaga soo horjeedo musuq maasaqa. Miisaaniyada qaranka ee sanadkan 2013 waxay tahay miisaaniyadii ugu
balaadhnayd uguna dheelitirnayd ee taarikhda Somaliland. Waxa kale oo jirta inaan dawlada wax dayn ah lagu
lahayn. Caruurtayadu waxay helaan waxbarashada hoose oo bilaasha; waxaanu kordhinay adeegyada caafimaadka,
biyo gaadhsiinta magaalooyinka iyo miyigaba; iyo shirkadaheena mobile ka lacagta lagu diro iyo xawilaaduhu waxay
inoo ogolaadeen inuu ganacsigeenu si weyn u fido.
Dhoofinta xooluhu waxay ka yihiin ilaa 60% dakhliga dalka soo gala, inta ugu badana waxa la geeyaa xoolaheena
wadamada gacanka, lakiin waxa jirta suurtagalnimo baladhan oo Somaliland ku kasban karto saami suuqyo kale oo
caalami ah iyo marxalado kala duwan oo leh qiimo isku xidhnaaneed. Waxaan leenahay waaxda kalluumaysiga taas
oo wax soo saarkeeda joogtada ah sannadkii lagu qiyaaso 40,000 oo tan. Iyadoo la isticmaalayo tegnoolajiyo casri
waxa la beeray geed abaareed waxa kale oo la sameeyey tababaro wax ku oola iyo cilmi baadhis taas oo kor u kicin
karta beeraha. Kaydka Somaliland ee saliida qaydhin, gaasta iyo dhuxul dhagaxdu wuxuu soo jiitay dareenka
maalgashadayaal caalamiga ah, heshiisyana waxaa lala gaadhay shirkadaha, Genel, DNO, Ophir iyo qaar kale si
loogu siiyo fasax shidaal baadhis iyo soo saaris. Heshiisyadani waxay tusayaan malgashadayaasha awooda kalsoonida
ay ku qabaan xasiloonida wadankeena.
Waxa kale oo ay ka jiraan fursado balaadhani tamarta la cusboonaysiin karo. Waxa la bilaabayaa mashaariic tijaabo
ah oo ku saabsan tamarta laga curiyo hawada iyo qorraxda waxana la habaynayaa toosinta xeerarka oo hore loogu
yiqiin debec laaan si kor loogu qaado maalgashiga. Jawi maalgashi oo midaysan ayay abuurtay wasaarada ganacsiga
iyo maalgashigu taasi oo lagu fududaynayo diwaangalinta ganacsiga. Muhiimada sharci dajinta sida sharciga
maalgashiga shisheeye, sharciga habka dhaqaalaha islaamka, xeerka tamarta dabka iyo xeerka ganacsiga bangiyada
oo la ansixiyey ama hadda uun baarlamaanka la hordhigayo ayaa muujinaya dibu habayntaas.
Somaliland waxay qaaday talaabooyin badan oo ay ku abuurayso soo jiidashada maalgashiga, waxana ka mid ah
samaynta Qaybta Jawiga Maalgashiga si loo sahlo diiwaangelinta. Laakiin caqabada ugu weyn ee ka hor timid waa
aqoon darada bulshada caalamku aanay ogayn nabada iyo xasiloonida Somaliland iyo awooda dhaqaale, Somaliland
horumar wayn ayay samaysay oo ay tahay in maalgashadayaashu xaqiiqsadaan arintaa.Dawladayadu waxay diyaar
u tahay soona dhawaynaysaa in maalgashadayaashu yimaadaan ayna arkaan fursadaha dihin ee aan hore loo taaban

VI

MILICSIGA GUUD
EE SOMALILAND

Magaca
Badka
Caasimada
Dhererka Xeebta
Tirada Dadweynaha
Tirada Dadka
Magaalooyinka ku nool

Jamhuuriyada Somaliland
137,600 Km2
Hargeisa
850 Km
3.5 Million
1.6 Million

Lacagta
GDP
Dakhliga Dadka
Sarifka
Istandarka Wakhtiga

Somaliland Shillings
US $1.5 Billion
US $429
1 US$: 6500 Sl Sh
GMT+3

Diin
Xaddiga aan wax qorin
Luuqada
Madaarada
Dakada
Magaalooyinka
Waaweyn

Sunni Islam
43%
Somali, Arabic and English
Hargeisa & Berbera
Berbera
Burao, Borama, Berbera,
Laasnood and Erigabo

VII

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

1 / HORDHAC
GUUD MAR
Jamhuuriyada Somaliland waxay ku
taalaa Geeska Afrika xuduudaheeduna
waxay kala yihiin sidan: Gacanka
Cadmeed ayaa ka xadeeya waqooyiga,
koonfur iyo koonfur bari waxaa ka
xadeeya Somaliya, galbeed iyo koonfur
waxa ka xadeeya Itoobiya waxaana xaga
waqooyi galbeed ka xadaysa Jamhuuriyada
Jabuuti. Waxay dhacdaa inta u dhaxaysa
loolka 8 00 iyo 11 27 waqooyi iyo
dhigta 42 35 iyo 49 00 bari, waxaana
ku yaala dhanka bari ee wadanka buuro
dhererkoodu gaadho 2000 mitir. Badka
dhulka Somaliland waxaa lagu qiyaasaa
137,600 km, dhererka xeebtiisuna waxay
gaadhaa 850 km, cimilo ahaan Somaliland
waa oomane ama oomane u eke.
Dhulka Somaliland wuxuu u qaybsamaa
saddex qaybood juquraafi ahaan: dhul
xeebeed (Guban), dhul buureed (Oogo)
iyo dhul siman (Hawd). Guban waxay
dhacdaa inta u dhexaysa Badda iyo
silsilada buuraha ee Golis, waa dhul
dhuuban isla markaana aad u kulul. Guban
xaga bari way usoo yaraataa xaga
galbeedna way usii balaadhataa. Silsilada
buuraha Golis waxay dhererantahay laga
soo bilaabo koonfurta Guban ilaa xeebta
waqooyi ee dalka , Silsiladan buurta ugu
dheeri waa buurta Surad oo dhererkeeda
lagu qiyaaso ilaa 2,633 m (7000 ft) marka
Eritrea

400'0"E

450'0"E

500'0"E

550'0"E

Djibouti
Djibouti
100'0"N

100'0"N

Hargeysa

Addis Ababa

Somaliland

Ethiopia

50'0"N

50'0"N

Somalia

Mogadishu
Kenya
00'0"

Nairobi
Tanzania

11

60

100

120

180

200

400'0"E

300

240

300 Miles

00'0"

400 Kilometers

450'0"E

500'0"E

550'0"E

laga cabiro badda meel saman. Silsilada


buuraha Golis waxay fidsantahay xaga
galbeed laga soo bilaabo Itoobiya ilaa
iyo bari oy gaadho gobolka Sanaag.
Somaliland malaha wax wabiyo ah balse
waxay leedahay togag iyo dooxyo
engagan. Dooxyadaasi inta badan waa
bilaa biyo marka laga reebo xili roobaadka
oo biyaha roobku buuxiyaan.
Sida ay muujinayso khariidada cimilo
roobeedka Somaliland xadiga roob ee
helaa waa uu kala duwanyahay dhul
xeebeedka guban waxa uu gaadhaa 150
mm halka uu gaadho 500mm gobolada
koonfurta-galbeed iyo silsilada buuraha
golisba. Xaga heer-kulka iyada laftirkeeda
gobolada Somaliland way ku kala
duwanyihiin iyadoo ay kala
duwanaanshahaasi guud ahaan ku
xidhanyahay jooga dhulka. Buuraha Golis
celcliska heer-kulkeedu waa 18o C halka
dhul-xeebeedka sida Berbera iyo saylac
uu yahay 31oC. Guud ahaan wadanka oo
dhan celceliska heer kulka Xagaagii waxa
uu u dhexeeyaa 34o C ilaa 38oC, Heerkulkii ugu sareeyay ee Somaliland la
diwaangaliyo waxa uu ahaa 48o C.
Halka celceliska heer kulka jiillaalkii uu
yahay 15o C ilaa 24o C, isla markaana
heer-kulka ugu hooseeya ee la diwaan
galiyay waa -2o C magaalada Ceerigaabo
ee u dhaw buurta Surad.

DADKA
Tirada dadka Somaliland waxaa guud
ahaan lagu qiyaasaa 3 Milyan iyo Badh
(3.5 Million). Inta badan (50%) waxa ay
ku noolyihiin miyiga iyaga oo ah xoola
dhaqato iyo beeralay, 35% waxay ku
noolyihiin magaalada halka 15% ay yihiin
qurba jog ku nool badi qaaradaha Yurub
iyo Waqooyi Ameerika. Sidoo kale
bilowgii 1980kii tiro badan oo reer
Somaliland ah ayaa magangelyo ka
raadsaday meelo badan oo aduunka ah,
sidoo kale tiro wax ku ool ah ayaa degan

wadamada khaliijka carabta. Qurba-jooga


Somaliland waxay dadkooda u soo diraan
lacago ay ku maareeyaan nolol maalmoodkooda isla markaana ay ganacsiyo
ku furtaan. Korodhka tirada dadka
Somaliland waxa lagu qiyaasaa 3.14%.
Dada ay dadka reer Somaliland badanaa
ku geeriyoodaan waxa ay u dhexaysaa
49-55. Cufnaanta tirada dadku waa in 1
kilo mitir ee isku wareega ay ku noolyihiin
22 qof. Somaliland waxa aad ugu badan
dhallinyarada. 68% tirada dadku waxa ay
dadoodu ka hoosaysaa 30 sano jir 1.

Veterinarians and lab technicians at a newly opened livestock fattening facility in Burao.

1 | Hordhac
1

Capacity Needs Assessment for Economic Actors in Somaliland, UNDP Commissioned Research Conducted by ECOTRA, May, 2011, Somaliland.

12

TAARIIKH
Somaliland waxa ay dhul mareenadii hore
ugu yeedhi jireen si aan kala duwanayn
dhulkii Cawaanka, Punt land, Xeebtii
Fooxa lahayd iyo Dhulkii Uduga. Magaalo
xeebeedyada sida Berbera iyo Saylac
taariikh ahaan waxaa lagu noolaa ilaa
qarnigii 1aad ee taariikhda miilaadiga.
Qoraal la magac baxay Periplus of the
Erythraean Sea oo uu qoray ganacsade
Giriig ah ayaa muujinaya in dadka reer
Somaliland ee deganaa magaalo
xeebeedyadaasi ay xidhiidh ganacsi la
lahaayeen Masaarida, Shiinaha,
Iiraaniyiinta, Hindida iyo Carabta.
Waxyaabaha ay ka ganacsan jireen waxaa
ka mid ahaa Beeyada, Fooxa, Xawaashka,
Malmalka, Fool-maroodiga iyo Xabagta.
Qarnigii 2aad xidhiidhka ganacsi ee
dadka Somaliland iyo carabtu aad ayuu
u xoogaystay.

Somaliland Wixii ka Horeeyey


(1869 1960)

Si la mid ah wadamada kale ee gobolka,


Somaliland waxay mihiim u noqotay
danaha reer Yurub ka dib furitaankii
Marinka Suways 1869kii. Somaliland
gumaystaha ingiriisku wuxuu qabsaday
wax yar uun ka dib shirkii Baarliin ee
Afrika lagu qaybsaday 1884, isla
markaana Ingiriisku wuxuu la saxeexday
heshiis cuqaal reer Somaliland ah 1887
si ay Somaliland u noqoto maxmiyad
Ingiriis ah. Somaliland waxay ahayd
maxmiyad ingiriis ilaa laga soo gaadhay
26 Juun 1960 markaas oo ay xornimada
ka qaadatay ingiriiska, Somalia iyana
waxay xornimada ka qaadatay Talyaaniga
1dii July 1960 isla 1dii Julyna labada
dawladood way midoobeen waxaanay

13

sameeyeen wax la
Jamhuuriyada Somalia.

odhan

jiray

Somaliland Wixii ka Dambeeyey


Xornimada (1960 1991)

Sagaalkii sano ee u horeeyay xornimada


ka dib (1960-1969) baarlamaan iyo
dawlado si diimuqraadiya loo soo doortay
ayaa wadanka u kala danbeeyay. Intaa ka
bacdi waxaa wadanka ka dhacay af-ganbi
milateri oo uu hogaaminayey General
Mohamed Siyaad Barre, ka dib milatarigu
wuxuu laalay dastuurkii dalka isla
markaana wuxuu soo rogay xukun (sharci)
milatari. Maamulkii milatari sidoo kale
wuxu sameeyay tiro siyaasado kala sooc
sooc ah taas oo dadka reer Somaliland si
gooni ah u saamaysay dhaqaala ahaan,
bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba.
Siyaasadihii cabudhinta ahaa ee
nidaamkaasi waxay sababeen samaysanka
ururkii hubaysnaa ee Dhaqdhaqaaqa
Waddaniga Soomaliyeed ee SNM oo lagu
aasaasay London 6dii April 1981. Toban
sano oo halgan hubaysan ah, oo si daran
oo gaar ah u saameeyay labada magaalo
ee Burco iyo Hargaysa, hal milyan oo qof
in kabadana bara kiciyay. Markuu
milatarigu meesha ka baxay Oday
dhaqameedyada Somaliland ayaa
abaabulay dhawr shir beeleed, iyaga oo
taageero ka helayay SNM, si ay u
xoojiyaan nabada iyo heshiisiinta
qabiilooyinka kala duwan, isla markaana
shir beeleedkii ugu balaadhnaa ayaa la
qabtay muddadii u dhaxaysay 25kii
March ilaa 26kii May 1991, waxaana
shirkaa lagu goaamiyay ka noqoshada
midawgii lala galay Somaliya iyo gooni
isku taaga Somaliland oo la taageeray.

The famous Las Geel cave paintings, located between Berbera and Hargeisa, are estimated
to be over 5,000 years old. They continue to attract attention from tourists and
archeologists worldwide.

1 | Hordhac

14

HORUMARKA DHAQANDHAQAALE
Marka la eego dhinaca horumarka dhaqandhaqaale, Somaliland laguma sheegin
war-bixinta Qaramada midoobay
laanteeda horumarinta ee UNDP soo
saarto ee loo yaqaan Warbixinta
Horumarka Baniaadamka (Human
Development Report) sababtuna waxay
tahay Somaliland oon weli haysan ictiraaf
caalami ah ka dawlad ahaan. Haddana,
taasi soomaliland kamay hor joogsan inay
ahaato mid nabdoon, xasilan isla markaana
haysata dawlad dhexe oo la soo doortay
si fiican u shaqaysa. Intaas waxa dheer
inay hirgalisay hanaanka xisbiyada badan
iyo weliba inay ka jiraan ururada bulshada
oo si wax ku ool ah u shaqeeya. Marka
la eego wadan hadda uun ka soo
doogsaday xasilooni daro iyo dagaalo
isla markaana aan helin caawimo caalami
ah haddana xukuumadahii kala danbeeyay
ee Somaliland waxay ku guulaysteen, si
kala duwan, inay aasaasaan maamul
shaqeeyay, kor u qaadeen nabada iyo
heshiisiinta dadka Somaliland waxaanay
suurta galiyeen masrax ku haboon
horumarka bulsho iyo koboca dhaqaale.

Qiyaasta Korodhka Dakhli


GDP
$1.5 billion
Dakhliga dadka
$429
Waaxaha Dhaqaaluhu ka
yimaado
Beeraha
65%
Warshadaha
Adeega

10%
25%

Ka sakow in beesha caalamku aanay


aqoonsan somalilaland, haddana

15

Somaliland marka laga yimaado nabada


ay ku naaloonayso waxay horumar
balaadhan ka samaysay baahiyaha
daruuriga ah sida waxbarashada iyo
caafimaadka laga soo bilaabo 1991kii.
Marka la eego bur-burkii baaxada lahaa
ee dagaaladii sokeeye ay dalka u gaysteen
iyo waliba xaqiiqadii ahayd in
xukuumadihii kala duwanaa ku
shaqaynayeen miisaaniyad aad u yar
iyagoon wax mucaawina toos ah ka helayn
deeq-bixiyayaasha caalamiga ah iyada
oon la aqoonsanayn awgeed haddana run
ahaantii Somaliland waxay ku talaabsatay
horumar balaadhan.
.
Laamaha Qaramada Midoobay iyo
Ururada Dawliga ahi hadda si balaadhan
ayay u joogaan ugana hawl-galaan
Somaliland. Tusaale ahaan, laamaha
Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala
Somaliland waxaa ka mid ah: UNICEF,
WFP, UNDP, WHO, WFP, ILO, IOM,
FAO, UNHCR, UNIDO, UNESCO iyo
UNFPI. Ururada Caalamiga ahna waxa
ka mid ah: NRC, DRC, Progressio, Action
Aid, OXFAM, Health Unlimited, PSI,
Care International, World Concern, World
Vision, Caritas iyo kuwo kale. Deeqbixiyayaasha kale ee wadanka ka hawlgala waxa iyana ka mid ah: World Bank,
EU, DFID, USAID, DANIDA. Dhammaan
hayadahan, ururadan iyo deeqbixiyayaashani gacan kama gaystaan
hawlaha samafalka aadami-nimo oo
kaliya laakiin sidoo kale waxay gacan ka
gaystaan hawlaha shaqo-abuurka, sare u
qaadka dakhliga dalka iyo maalgashigaba.
Sida caadadu ahayd 80% fursadaha shaqo
waxay ka jireen wax-qabadka reer miyiga.
Wax soo saarka xoolahuna waa

Iyadoo ay ugu wacantahay goobta istraatiijiga ah ee ay ku taalo ee u dhaxaysa


gudaha bariga afrika iyo bariga dhexe iyo weliba dhererka xeebta Somaliland ee
gaadhaysa 850 km oo ah marinada maraakiibta iyo dekada Berbera iyo guud ahaan iyadoo
ku ku sifowday mid amnigeedu xoogan yahay, Somaliland waxay awood u leedahay in ay
ka hirgasho koboc dhinaca suuqa xorta ah, fududaynta ganacsiga, noqotona wadada
taraansitka ee wadamada geeska, bariga iyo badhtamaha Africa

shaqooyinka ugu mihiimsan ee waxqabadka xoolo dhaqatada, hase ahaatee,


beryahan dambe reer miyigii waxay si
balaadhan ugu soo guurayaan magaalada,
waxaana lagu qiyaasaa 6-10% inay u soo
guurayaan magaalooyinka. Lacagta ay
soo diraan qurba joogta iyo wax soo
saarka xoolahu waa labada arimood oo
soo geliya dalka dakhliga ugu muhiimsan
ee bulshada Somaliland isla markaana ay
ku maalgaliyaan dhismayaasha iyo
ganacsiga. Isku darka lacagta ka timaada
xawaaladaha iyo tan xoolaha nool waxa
loo baahan yahay in si hagaasan loo
jiheeyo si loo abuuro dhaqaale rasmi ah.

isgaadhsiinta, iyo dakadaha kuwaasi oo


muhiim u ah waaxyaha maalgashi ee xaga
sare aynu kusoo xusnay sida Beeraha,
Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Tamarta.

WAAXYAHA/
QAYBAHA

Wadooyinka
In la horumariyo waiyo Gaadiidka dada dekada Berbera
ka timaada; In la abuuro
heer amni oo wadooyinku yeeshaan, in la
horumariyo dayactirka
wadooyinka lana dayactiro wadooyinkii jiray, in
la dhiso wadooyin cusub
oo muhiim ah.

Boosta iyo
In la abuuro cabirka
Isgaadhsiinta maaraynta is gaadhsiinta, la suurogaliyo
is-dhexgalka mobilada,
in la dhiso habkii boosta
iyo kaabayaasha kale ee
isgaadhsiinta.

Cilmiga
isgaadiinta Kumbuyuutarada
iyo Internetka

In laga guuro tiknoolojiyada analoga ah loona


gudbo ta dhijitaalka ah,
in la balaadhiyo awooda
Raadyowga iyo TVga, in
la abuuro hab shabakad internet ah oo ay
ku wada xidhiidhaan
hayadaha dawladu.

Dekadaha

In la balaadhiyo shaqada
dekada, in la sameeyo
marso (terminal) gaar u
ah koontiinarada, in la
aasaaso goob ganacsi oo
xor ah, in la qodo goob
la joojiyo maraaakiibta
waawayn lana helo qalabka dekada wax lagaga
qaado ama lagu dhigo.

KAABAYAASHA
Horumarinta kaabayaasha dhaqaale waa
siyaasada ugu mudan ee Somaliland u
marayso koboca, dib u dhiska iyo horumar
waara. Xukuumadu si wanaagsan ayay u
fahansantahay arintaa waxaanay isku
dayaysaa inay abuurto jawi ku haboon
maalgashiga iyo wax soo saarka isla
markaana ku dhisan kaabayaal la isku
halayn karo si loo gaadho koboc dhaqaale
iyo horumar. Khibrada Somaliland ee
tobankii sano ee u danbeeyay ayaa noo
sheegaysa in koboca dhaqaale iyo
horumarkuba ku xidhan yahay helitaanka
kaabayaasha dhaqaale ee wadanka oo
dhan. Run ahaantii, waxaa jira wadanka
fikrad la isku wada raacsanyahay oo ah
baahida loo qabo in la dhiso kaabayaasha
si loo abuuro shaqooyin loona horumariyo
koboca dhaqaale iyo sinaanta
muwaadiniinta. Kaabayaasha ugu
muhiimsan in wax laga qabto waxa ka
mid ah: wadooyinka, guriyaynta,
waxbarashada,
caafimaadka,

FURSADAHA
MAALGASHI

Dawlada waxa ka goan inay abuurto jawi


ku haboon inay ka hawlgalaan shirkadaha
maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba
kuwaas oo doonaya inay ka fuliyaan
mashaariicdooda horumarineed iyaga oo
galaya heshiisyo. Maalgaliyayaasha iyo
1 | Hordhac

16

deeq bixiyayaashu waxay ka wada


shaqayn karaan si ay usoo jiitaan
shirkadaha waawayn, dawladuna waxay
ka warqabtaa in haddii loo baahan yahay
in dhaqaaluhu kobco, in la helo maalgashi
lagu sameeyo wadanka oo ay ku
sameeyaan maalgashadayaashu sida
(kuwa maxaliga ah, qurbajoogta iyo
ajaanibkuba).

Maalgashiga
Tobankii sano ee u danbeeyay maalgashiga
Somaliland si tartiib tartiib ah ayuu u
kordhayay gaar ahaan maalgashiga
qurbajooga Somaliland. Sidoo kale waxaa
jira danayn ugub ah oo maalgashadayaal
kalena danaynayaan tii ugu cadaydna
tahay warshada Coca-Cola ee sanadkii
hore wadanka laga furay.
Iyadoo ay ugu wacantahay goobta
istraatiijiga ah ee ay ku taalo ee u
dhaxaysa geeska afrika iyo iyo bariga
dhexe iyo weliba dhererka xeebta
Somaliland ee gaadhaysa 850 km iyo
dekada Berbera iyo guud ahaan
Somaliland ee ku sifowday mid amnigeedu
xooganyahay, Somaliland waxay awood
u leedahay in ay ka hirgasho koboc
dhinaca suuqa xorta ah, fududaynta
ganacsiga, noqotona wadada taraansitka
ee wadamada geeska, bariga iyo
badhtamaha Africa.
Tani waa sababta Wasaarada Ganacsiga
iyo Maalgashigu iyada oo la kaashanaysa
rugta ganacsiga Somaliland ay u soo
saartay Hagaha Maalgashiga Somaliland
kaasoo loogu talogalay inuu macluumaad
ku saabsan wadanka, dadka, ganacsiga,
amniga wadanka IWM uu siiyo
maalgashadayaasha. Shaki kuma jiro in

17

maalgashi wadan shisheeye ay culays ku


tahay maalgashadayaasha gaar ahaan
xaalada Somaliland oo ah wadan aan la
aqoonsanayn taas oo ay u arkaan
maalgashadayaashu inay tahay mid
khamar ah,
Dawlada Somaliland waxay iyada oo
adeegsanaysa wasaaradeeda ganacsiga
iyo maalgashiga doonaysaa in hagahani
uu bedalo fikirka qaldan ee
maalgashadayaashu ka qabaan Somaliland
tusana in Somaliland tahay meel ganacsiga
u furan isla markaana ay yaalaan fursado
maalgashi oo ka faaiidaysi mudan. Waxa
kale oo hagahu muujinayaa waxyaabaha
damaanad qaadka u noqonaya
maalgashadayaasha sida amniga,
shuruucda maalgashiga, shaqaalaha,
gaadiidka iyo tamarta. Sidoo kale haguhu
waxa uu qeexayaa fursadaha maalgashi
iyo kuwa koboca dhaqaale ee dalka.

BAAXADA SUUQA
GANACSI IYO GALAANGALKIISA
Tirada dadka Somaliland waxaa lagu
qiyaasaa 3.5 milyan iyaga oo dakhliga
dadkana (GDP per capita) lagu qiyaasay
ilaa $429, tani waxay sheegaysaa korodh
xaga dakhliga ah $290 oo ay 2003 kii
maraysay, korodhkan waxaa loo
nisbaynayaa xasiloonida iyo nabada oo
keentay koboc dhaqaale. Dada u
dhaxaysa 15-64 ayaa ah inta shaqaysa
ama shaqayn karta, marka loo eego
warbixinta Baanka Adduunka 2011 dadka
dadaa ihi waxay ka yihiin bulshda 56.4%,
tani waxay noqonaysaa 1.6 million tirada
guud ee ahayd 3.5 milyan dadka

Somaliland. Tirada guud ee dadka


shaqeeyaa waa 52.6%, guud ahaan tirada
shaqaalaha ee daadii shaqada waxaa lagu
qiyaasaa 38.5% meelaha magaalooyinka
ah, dhulka miyigana waxa lagu qiyaasaa
59.3% sidaa daraadeed xadiga shaqa
laaanta meelaha magaalooyinka ahi waa
61.5% miyigana waa 40.7%. Baaxada
suuqu aad bay u yartahay lakiin bulshada
Somaliland si tartiib tartiib ah ayay ugu
guuraysaa dabaqada dhexe ee dakhligeedu
kordhaayo.

WAAXO

FURSADAHA MAAALGASHI

Bangiyada
iyo Maaliyadae

Casriyaynta sida bangiyadu


u shaqeeyaan, marin cusub
oo adeeg dhaqaale ah in la
abuuro oo gaadhaya miyi iyo
magaalaba, samaynta fursado
maaliyadeed oo ah hab islaami
ah.

Beeraha

In la abuuro xarumo cilmi


baadhiseed; In la sameeyo
barnaamijyo tababaro ah; in
la dhiso tayada hayadaha ka
shaqeeya beeraha; in la horumariyo adeegyada kaabayaasha; in sare loo qaado ka ganacsiga beeraha lana taageero
ururada beeralayda.

Isku halaynta bulshada soomaliland ee


lacagta dibada lagasoo diro iyo dhoofinta
xoolaha nool ayaa la mida isku halaynta
cuntooyinka iyo alaabta dibada lagala soo
dego, taas macnaheedu waxa uu yahay in
bulshada Somaliland ku tiirsantahay
waxyaalaha dibada laga soo dajiyo iyagoo
ka doorbidaya isla markaana cuntooyinkii
wadaniga ahaa aan loo hayn warshado
wax ku biiriya. Taasi waa sababta uu
hagahan maalgashi cilmi baadhista ugu
sameeyay meelaha looga baahanyahay
maalgashiga. Waxa la filayaa mar kasta
oo maalgashadayaasha la siiyo xogta
saxda ah ee ku saabsan caqabadaha iyo
fursadaha ku jira waaxyaha kala duwan
waxay sahlaysaa inay ka gaadhaan goaan
siday u samayn lahaayeen maalgashi.

Xoolaha

In la horumariyo adeega caafimaad ee xoolaha; la kordhiyo


qiimaha xoolaha dibada loo
dhoofinayo; in la horumariya
suuqa iyo suuqaynta; in la
aasaaso xarumo cilmi baadhiseed; in la raadiyo suuq cusub.

Kalluumaysiga

In lagu sameeyo kayd kalluumaysi biyaha soke ee xeebteena; in la dhiso suuq kalluun; in la sameeyo dariiqada
ugu wacan ee kalluunka lagu
keeno suuqa; in loo raadiyo
suuq cusub kalluunka.

Warshadaha

In kor loo qaado ganacsiga


iyadoo la kaashanayo dalalka
jaarka ah; in la sameeyo
xarumo ganacsi; in dib loo
dhiso warsheda sibidhka ee
Berbera iyo in kor loo qaado
tayada dadka ku lug leh.

Tamarta

In kor loo qaado maalgashiga


waaxda tamarta; in la kordhiyo
tamarta la cusboonaysiin karo
iyo in la aasaaso dab-dhaliyayaal awood fiican leh meelaha
magaalooyinka ah.

WAAXYAHA UGU MUDAN


IN LA MAALGALIYO
Marka la eego qorshaha horumarinta
shanta sano ee Somaliland 2012-2016
waxaa jira lix waaxood oo loo tixgaliyay
inay yihiin muhiim marka laga hadlaayo
dhaqaale, dawladuna waxay ku dhiiri
galinaysaa maalgashiga shisheeye lixdan
waaxood:

1 | Hordhac

18

Mid ka mid ah shaqaalaha wershadaha biyaha la cabo

Meelaha kale ee la Maalgashan


karo
Marka laga yimaado lixdaa waaxood ee
xaga sare ku xusan, kuwaas oo qorshaha
horumarinta shanta sano ku suntan,
Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashigu
waxay u aragtaa in qaybahan soo socdaa
ay iyana mudantahay in maalgashi lagu
sameeyo.

Dhoofinta
19

Meelaha ugu muhiimsan ee dawladu


dhiirigalinayso in la maalgashado waxa
ka mid ah shirkadaha wax ka dhoofiya
wadanka si waxyaabaha wadanka laga
dhoofinayaa u kordhaan loogana maarmo
waxyaabo badan oo dibada inooga
yimaada. Sidaa daraadeed waxa jira
waxyaabo cusub oo la warshadayn karo
sida in Milixda la habeeyo. Sidaa
daraadeed dawladu si ay u dhiiri galiso
arimahaa waxay qaadaysaa talaabooyin

Waxa la filayaa mar kasta oo maalgashadayaasha la siiyo xogta saxda


ah ee ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha ku jira waaxyaha kala duwan
waxay sahlaysaa inay ka gaadhaan goaan siday u samayn lahaayeen
maalgashi

ay ka mid yihiin cashuur dhaaf iyo wax


la mida, tani waxa lagu sii faah-faahin
doonaa qaybta lagaga hadlayo shuruucda
la xidhiidha maalgashiga.

Qodida Shidaalka
Waaxda kale ee muhiimka ah in la
maalgashado taas oo isubadali karta
mustaqbalka dhaqaale wada gaadha
wadankan waxay tahay qodida macdanta
oo ay ku jiraan saliida iyo gaastu, iyo
waliba dhuxul dhagaxda oo si fudud lagu
soo saari karo. Iyadoo la eegayo indha
indhaynta iyo baadhis lagu sameeyay ayaa
dhawr sano ka hor la ogaaday in qaybo
badan oo dhulkeena ah laga heli karo
shidaal iyo gaasba, qaar ka mida
baadhitaankaas waxaa shaaca laga qaaday
1950aadkii iyo 80kii sidoo kalena waxa
jira macluumaad cusub. Shaki kama
taagna baahida adduunyadu u qabto
shidaalka oo sii kordhaysa inay sabab u
tahay baahida waddamada Aasiya ee
dhaqaalahoodu kordhayaa u qabaan
shidaalka, taasina Somaliland shidaal in
laga soo saaro ayay ka dhigaysaa mid si
xooga loogu baahanyahay, dawladuna
waxay hada ku hawlantahay sidii loo
samayn lahaa hayadihii wadada u sii
xaadhi lahaa soo saarista shidaalka si
wixii khayraad ah ee ka soo baxa loo
wada gaadhsiin lahaa dadka iyo horumarka
dhaqaale ee dalka.

Dalxiiska
Meesha kale ee mudan in la maalgashado
waxa weeye in la aasaaso shirkado dalxiis,
si dadka ina soo booqda loogu dhiirigaliyo
inay soo dalxiisaan soona arkaan hogaga
buuraha ku yaala ee taariikhiga ah,
xeebaha quruxda badan iyo weliba
buuraha la yaabka leh ee Somaliland,

markaa waaxda dalxiiska in la maalgaliyaa


aad bay uga qaybqaadan kartaa koboca
dhaqaale, waaayo waxaa jira dad badan
oo qurbajoogta Somaliland ka mid ah oo
dibadaha ku dhashay ama mudo ku
maqnaa isla markaana u soo boholyoobay
wadanka. Hadababhadii la sameeyo
hudheelo wanaagsan iyo kaabayaasha
dhaqaalaha ee dalxiiska waxa ku soo
dhiiranaya qurbajoogta. Taasina waxay
taageeraysaa waaxaha kale ee dhaqaalaha
iyadoo kordhinaysa inay qurbajoogtu ku
soo dhiiradaan maalgashiga. Waxana loo
baahanyahay in si wada jira loo kiciyo
dalxiiska.

Madaarada iyo Duulista Hawada


Waaxdani waxay korodh dhaqaale u
horseedi kartaa Somaliland mustaqbalka
dhaw isla markaana sida Wasaarada
Duulista Hawadu sheegtay dadka ka
dhoofa ama ka soo daga Madaarka
Hargaysa waxay sannadkii 2010 iyo 2012
kii kordheen ilaa 18% marka loo eego
labadii sano ee ka horeeyay halka
xamuulka diyaaraduhuna kordheen 29%.
Intaa waxa dheer tirada qurbajoogta
wadanka ku soo noqota sanad kasta oo
iyana korodhay. Sidaa daraadeed
maalgashiga qurbajoogta iyo ka
shisheeyaba waa looga bahanyahay
waaxdan oo la rajaynayo inay 10% ilaa
15% ay korodho sanad kasta, saddexda
sano ee soo socda. Waxaana calaamad
wanaagsan oo horumar muujinaysa inoo
ah in shirkado sida Shirkada Diyaaradaha
ee Itoobiya (Ethopian Airlines) oo kale
ay maalgashi ku samaynayaan waaxdan
ayna bar tilmaameed ka dhigtaan dadka
dhoofaya ee reer Somaliland.

1 | Hordhac

20

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

2 / DULMAR KU SAABSAN XAGA SHARCIGA


MAALGASHIGA DALKA
QAAB DHISMEEDKA
DAWLIGA AH
Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa
Qaab maamul oo ka kooban saddex
waaxood, Fulin, Sharci Dajin iyo
Garsoor. Waaxda Fulinta waxa madax
ka ah Madaxweyne isagu soo magacaaba
Wasiiro uu la xisaabtamo.

Waaxda Xeer dajintu waxa ay ka


koobantahay laba Aqal oo la isku yidhaa
Baarlamaan. Aqal waa ka Wakiilada
waxaanu ka kooban yahay 82 Xubnood
iyaga oo matala dhammaan dagmooyinka
dalka. Aqal-ka kalena waa ka Golaha
Guurtida, waxaa uu ka kooban yahay 82
xubnood, waxaana laga soo xulaa
qabaailka Somaliland, waxaanay yihiin
Aqalka Sare baarlamanka JSL.
Waaxda Garsoorka waxa madax ka ah
Maxkamada sare iyada oo isla markaana
ah Maxkamada Dastuuriga ah oo ay u
gaar tahay Fasiraada Dastuurku.
Maxkamada Sare waa ta ugu saraysa
Saddexda Darajo ee Garsoorka.
Maxkamda Heerka koobaad waxa ay u
sii kala baxdaa maxkamada Dagmada oo
awood u leh dacwadaha Qoyska iyo
dacwadaha fudud ee Madaniga ah iyo ta
Gobolka oo awood u leh in ay dhagaysato
dhammaan dacwadaha kale. Maxkamada
Sare iyo ta Heerka koobaad waxa u
dhexeeya kuwa rafcaanka.

23

Waaxda Fulintu waxa ay u hawlgashaa


heerka koowaad ee Maamul daadajinta
marka ay hirgalinayso siyaasadaha kala
duwan iyada oo shaqooyinka qaar loo
wakiisho Lixda Gobol. Gobol kastaa
waxa uu leeyahay Badhasaab uu
magacaabo Madaxweynuhu shaqo ahaana
hoos taga Wasaarada Arimha Gudaha.
Dawladaha hoose ee Goboladu ma leh
siyaasada fulinta Qaranka ee Gobolka.
Dawladaha Hoose ee JSL waxa ay
leedahay awood wayn oo ay ku
maamulaan shaqooyinka ganacsi ee
Gobolada. Dawladaha hoose waxa
shaqadooda dusha kala socda Golayaasha
Deegaanka oo lagu soo doortay Cod toos
ah. Dawladaha hoose waxa ay awood u
leeyihiin in ay abuuraan sharciyo ku eega
awoodooda. Waxa kale oo ay awood u
leeyihiin in ay soo saaraan Siyaasado la
xidhiidha Nadaafada, siinta Liisanada
ganacsatada yar yar, qoondaynta Dhulka
caamka ah, gacan ku haynta nabadgalyada
iyo danta caamka ah ee Xuduudahooda,
Dugsiyada Hoose IWM. Dawladaha
Hoose iyo maamulada Goboladu ma laha
awood la xidhiidha shaqada Garsoorka
waxaana taas loo gaar yeelay Dawlada
Dhexe.

SHARCIGA IYO HABKA


XALINTA
KHILAAFAADKA
Habka sharciga waa qaybo isku dhafan
oo ka kooban dhaqanka Somaliland,
shareecada Islaamka (Waliba Mad-habta
Shaafici ) iyo sharciga Xeer-dajinta ee
ka soo kala jeeda dhaqanada Nidaamka
Roomaanka iyo kan Madaniga ah. Marar
badan muranada sharci iyo wax is

Lahaanshaha dhulka waa la ogal yahay Gudaha Somaliland. Ajinabiga


iyo dadka Somaliland u dhashayba way iibsan karaan isla markaana iibin
karaan hanti sidii ay doonaan.

waydaarsashadu waxa ay ku xidhan tahay


sida ay isku waaqafsan yihiin dhaqanadaa
sharciyada kala duwan iyada oo ay ku
xidhan tahay ujeedada dhinacyada
dacwadu ama shayga uu muranku ka
taaganyahay.
Iyada oo aanay jirin in si cad loo kala
saaray dhaqanada sharciyada kala duwan
laakin xalinta murano badan ama wax is
waydaarsashadu waxa ay inta badan
raacdaa habkan soo socda; Shareecadu
waxa ay inta badan ku xooga badan tahay
Garsoor ahaan arimaha la xidhiidha
shakhsi iyadoo waliba ay kabto sharciyada
dhaqanku. Sharciyada dhaqanku waxa ay
u badantahay Garsoor ahaan dhacdooyinka
yar yar ama kuwa waaweyn ee aanay
dhinacyadu diyaarka u ahayn in ay u
hogaansamaan sharciga Baarlamaanka ka
soo baxay. Sharciga Baarlamaanka ka soo
baxayna waxa uu u badan yahay Garsoor
ahaan dhacdooyinka waaweyn iyo kuwa
Casriga ah. Sharaxaadan guud waxay
tahay tilmaan laakiin muran kastaaba
waxa lagu xalin karaan marka loo baahdo
dhammaan sharciyada kala duwan oo
dhan ( Shareecada, dhaqanka iyo Xeerka
ka soo baxay Xeer-dajinta)
Marka loo hadlaayo sida dhabta ah,
muranada ka dhaca Somaliland waxa loo
xaliyaa laba hab oo kala duwan. Habka
kooban waxa weeye habka dadban ee ay
hogaamiyaan Dadka dhaqanku. Xitaa
marka labada dhinac uu mid kood dacwad
ka furto Maxkamada heerka koobaad
waxa ay u baahdaan in habka dhaqanka
lagu soo xaliyo inta aan dacwada la
dhagaysan.
Habka dhexdhexaadinta dhaqanka waa
hab aad looga isticmaalo wadanka

gudihiisa waxaanay u baahan tahay


ogolaanshaha labada dhinac laga helo
inta aan goaanka kama dambaysta ah
lagu dhawaaqin. Marar badan waxa laga
doorbidaa xalinta habka dhaqanka kan
Maxkamadaha caadiga ah. Haddii la
buuxiyo shuruudaha loo baahan yahay
waxa laga yaaba in Dawladu fuliso
goaamada lagu gaadho habka dadban.
Haddii habka dadban ee xalinta muranadu
shaqeeyo waa in heshiiska ama goaanka
laga diiwaan galiyaa Maxkamada Heer
Gobol muddo 10 cisho gudahood ah laga
bilaabo maalinta uu soo baxay. Waa
haddii uu qoran yahay isla markaana uu
waafaqsan yahay habka kale ee loo
baahan yahay si Maxkamadu u hirgaliso
heshiiska lagu gaadhay habka dadban.
Habka labaad ee muranada loo xaliyaa
waxa weeye Maxkamadaha tooska ah
iyadaa ah habka inta badan la maro marka
uu guulaysan waayo habka dadban.
Dacwadaha la hor keeno Maxkamadaha
waxa loo raacaa Xeerka Madaniga ah
isagaana sheegaya dhammaan sharciga
salka u ah hawlaha ganacsi oo dhan.
Dacwadaha Madaniga ah waxa maamula
Maxkamadaha tooska ah iyada oo labada
dhinacna ay waakiishaan Qareeno u
dooda.
Qareenada waxa loo ogolaadaa in ay ka
shaqeeyaan Maxkamadaha hortooda
marka ay haystaan shahaado sharci ama
ay leeyihiin khibrad dheer. Ma jiro Isutagii-Guud ee maamulayay Qareenada.
Laakiin Ururka Qareenad ayaa ka doodaya
arinkaa sidii loo heli lahaa iyo sharcigeedii
waxaana la filayaa in dhammaadka 2013
horumar dheeraad ah laga sameeyo
arinkaa laguna guulaysan doono
2 | Sharciga Maalgashiga

24

hawlgelinta ururkan.
Wixii Macluumad ah ee dheeraad ah
halkan eeg: http://www.somalilandlaw.
com/somaliland_lawyers_association.
html.
Arinka la xidhiidha Shirkadaha iyada oo
ay ku jirto sharciga maamulaya
maalgashiga waxa maamula xeerka ay
soo saaraan Xeer-dajintu. Labada xeer
ee ugu mihiimsan ee la xidhiidha
shirkadaha iyo maalgashigu waxa weeye
xeerka Shirkadaha iyo ka maalgashiga
Dibada.

ILAALINTA
MAALGASHIGA
Somaliland waxa ay leedahay nidaam leh
xuquuq maalgashi iyo sharci ganacsi
iyada oo maalgashadayaashu ay u heli
doonaan maal-gashigooda ilaalin iyo
magdhaw:

Iaalinta Maalgashiga Dibada


Xeerka Maalgashiga Dibadu wuxu
leeyahay dhammaan habka iyo xuquuqaha
ay doonayaan Maalgashadayaasha dibadu.
In kastoo faahfaahinta xeerkan weli laga
shaqaynaayo. Imikana waxa wax laga
badalaayaa habka maalgashiga dibada iyo
xuquuqda ay leeyihiin maalgashadayaasha
ajinabiga ahi.
Si ay u helaan maalgashadaasha dibadu
xuquuqda uu sheegayo Xeerka
Maalgashiga Dibadu waa in ay ka diwaan
galiyaan Golaha Maalgashiga Dibada.
Habka diwaan galintu waxa uu sheegayaa
in maalgashadayaashu faahfaahiyaan

25

maalgashigooda isla markaana ay


dalbadaan in Goluhu u ansixiyo
maalgashigooda. Codsiga waa in la soo
diraa ka hor inta aan la soo gudbin hantida
la maal gashanaayo. Qaabka uu Goluhu
u raacayo marka uu eegayo codsiga waa
la hor marinayaa. Sharcigu waxa uu
farayaa Golaha in ay maalgashadaha
siiyaan Shahaadada Maalgashi Shisheeye
ee la Diiwaangeliyay iyadoo waliba loo
ansixinaayo shirkada haddii la ogalado
maalgashiga.
Diwaangalinta Shirkad waxa loo raacaa
hab laba talaabo ah. Marka hore waxa
ay ka bilaabantaa Wasaarada Ganacsiga
iyo Maalgashiga iyada oo la soo
gudbinaayo codsi iyo Xeerka Shirkada
ama Xeer-hoosaadka la socda waxaana
loo diraa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud
si uu ugu soo saaro Shahaadada diwaan
galinta. Diwaan galinta Shirkada
Ajinabiga ah waxa ay u baahantahay in
ay Gudida Maalgashigu Ogolaadaan.
Wakhtiguna waxa uu inta badan qaataa
laba ilaa Saddex Usbuuc.

Haddii Gudidu ogalaato Maalgashiga,


maalgashaduhu waa in uu buuxiyo codsi
kale si uu u dalbado in uu is diiwangaliyo
maalgashiga marka uu ku soo wareejiyo
Somaliland Hantida uu maalgashanaayo.
Gudidu waa inay siiyaan Shahaadada
Diwaangalinta Maalgashida Dibada
haddii la ogaaladay inta aanu soo wareejin
hantida uu maalgashanaayo. Marka
maalgashaduhu helo shahaadada waxa uu
helayaa dhammaan Xuquuqaha uu
siinaayo Xeerka Maalgashiga Dibadu.

Takoorid Laaanta Maalgashiga


Maalgashiga loo diiwaangaliyay si
waafaqsan sharciga isla markaana uu
ansixiyay Gudida Maalgashigu waxa
loola dhaqmayaa sida kawa shirkadaha

Habka sharciga waa qaybo isku dhafan oo ka kooban dhaqanka Somaliland,


shareecada Islaamka (Waliba Mad-habta Shaafici) iyo sharciga
Xeerdajinta ee ka soo kala jeeda dhaqanada Nidaamka Roomaanka iyo
kan Madaniga ah

wadaniga ah. Lama kala soocayo


maalgashiga wadaniga ah, ka qurba joogta
ah iyo ka dibada ka yimi midna.

DAMAANADA LA
WAREEGIDA HANTIDA
LA MAALGASHADAY

Maalgashiga loo diiwaan galiyay si


waafaqsan sharciga isla markaana uu
ansixiyay Gudida Maalgashigu lalama
wareegi karo iyada oo aanay jirin hab
kale oo lagu ilaalin karo danta caamka
ah mooyee.

Xuquuqda Dib ula Noqoshada


Hantida la Maalgashaday
Hantida la maalgashaday waa in ay ku
baaqi noqotaa gudaha Somaliland ugu
yaraan Saddex sano laga bilaabo maalintii
la diiwaangaliyay ilaa laga helo ogolaasho
Gudida Maalgashiga. Dhinaca kale,
Macaashka laga helay maalgashiga waa
la celin karaa wakhti kasta iyada oo aan
wax shuruud ah lagu xidhayn. Xeerka
Maalgashiga Shisheeya waxa uu siinayaa
Maalgashadaha in la siiyo Shahaadada
Maalgashiga Shisheeye haddii uu doonayo
in uu dib u maalgashado dalka gudihiisa

2 | Sharciga Maalgashiga

26

Faaiidadii uu ka sameeyay maalgashigiisa


isaga oo la imanaayo cadayn ku filan in
uu jiro maalgashigaasi.

SHARCIYADA
SHAQAALAHA IYO
OGOLAANSHAHA
SHAQADA
Shaqaalaha Somaliland waxa ay leeyihiin
xuquuqo iyo waxtar uu siinaayo Xeerka
Shaqaalaha Somaliland.

Xuquuqda Shaqo-siinta ka Hor iyo


Shuruudaha Shaqaalaysiinta
Xeerka Shaqaaluhu waxa uu dhigayaa
habka uu raacayo looshaqeeyuhu marka
uu doonayo in uu shaqaale qorto:
Shaqada furan waa in lagu xayaysiiyaa
Saxaafada gudaha laba Usbuuc. Loo
shaqeeyuhu waa in uu sameeyaa Gudi ka
masuula shaqaalaysiinta oo ka kooban
ugu yaraan saddex qof- laba waxa ay ka
imanayaan shirkada shaqada qoraysa
midina waxa uu ka imanayaa Wasaarada
Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Gudidu
waa in ay eegaan codsiyada la soo
gudbistay iyo waliba haddii uu jiro
imtixaan qoraal ah ama afka ah hadba
sida ay shirkadu u baahantahay. Ugu
yaraan waa in laba qof in ka badani ay
isku raacaan qofka shaqada la siinaayo
isla markaana ay saxeexaan cadayn qoraal
ah. Xeerka Shaqaaluhu waxa uu aad uga
soo horjeedaa takoorida waxay doontaba
ha ku salaysnaato. . Maalgashadayaasha
cusubi waxa ka ogaan karaan siyaasadaha
shaqaalaysiinta iyaga oo kala xidhiidhaya
Wasaarada Arimaha Bulshada iyo
Shaqada halkan :http://molsa-slgov.org/

Heshiisyada Shaqaalaysiinta
27

Xeerka Shaqadu waxa uu u ogalaanayaa


loo shaqeeyaha in ay siiyaan
shaqaalahooda heshiis shaqo. Heshiisku
waxa uu siin karaa shaqaalaha xuquuq
dheeraad ah oo aan ku qornayn Xeerka
Shaqaalaha. Heshiisyada shaqaalaha waxa
loo isticmaalayaa si loo cadeeyo loona
mideeyo xuquuqaha aan u sheegayn habka
loogu talagalay in uu la socdo xuquuqda
shaqaalaha.

Goaan ka Gaadhida Xidhiidhka


Shaqo
Somaliland waxa ay hormarinaysaa imika
habkii loo kala saari lahaa qofku in uu
haysto heshiis shaqo oo kaliya iyo in uu
qofku yahay shaqaale joogta ah isla
markaana isaga oo haysta heshiis shaqo.
Ka hore waxa lagu maamulayaa heshiiska
ka labaadna waxa loo raacayaa heshiiska
iyo Xeerka shaqaalaha oo wada jiro.

Anshax marinta iyo Shaqo ka Eryida


Shaqaalaha
Wasaarada Shaqada iyo Xeerka Shaqaduba
waxa ay ku dhiirigalinayaan loo
shaqeeyaha in ay abuuraan waax ka tirsan
shirkada oo ay shaqaaluhu u soo
gudbiyaan cabashooyinkooda. Taasi
waxay sare u qaadaysaa niyada
shaqaalaha isla markaana waxay ka
badbaadinaysaa khatarta in dacwado
badan oo lagu furo shirkada.
Xeerkashaqaaluhu waxa uu siinayaa loo
shaqeeyaha ilaa xad awood ay ku anshax
mariyaan shaqalahooda. Labada hab ba
ee anshax marinta inta badan loo
adeegsadaa waxa weeye in mushaharkooda
hoos loo dhigo iyo in la hakiyo heshiiska
shaqo. Talaabada anshax marinta
shaqaalaha waa in si fiican loo nidaamiyo.

Maalgashiga sida saxa looga diiwaangeliyey lagana dhammeeyey guddiga


diiwaangelinta ganacsiga waxa loo tixgelinayaa sida ganacsiyada
maxaliga ah

Waraaqaha digniinaha iyo sababteeda


waa in lagu siiyo shaqaalaha mudo 7
cisho gudaheeda isla marka uu dhaco
falka laga anshax marinaayo isla
markaana waa in la siiyo ogaysiis
Wasaarada Shaqada si ay ula socdaan
habka anshax marintu u dhacayso haddii
loo baahdo.
Haddii loo shaqeeyuhu doonayo in uu
shaqada ka joojiyo shaqaalihiisa waa in
la raacaa shuruudahan oo si sax ah loo
soo gabagabeeyo xidhiidhka u dhexeeya
labada dhinac:
  Shaqo ka joojintu sida digniinaha
kale ama talaabooyinka kale ee
anshax marineed waa in la
ogaysiiyWasaarada Shaqada iyo
Arimaha Bulshada.
  Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado
in loo shaqeeyuhu uu u soo bandhigi
karo Wasaarada Shaqada shaqo ka
joojinta halka ay goaan hore ka
qaadan lahaayeen.
  Wasaaradu waxa ay shaqeeyaha
shaqada ka joojin kartaa ilaa 90
cisho.
  Haddii shaqaalaha lagu soo eedeeyo
dambi ciqaab ah ama loogu yeedho
shaqo Qaran, shaqada waa laga
joojin karaa ilaa inta ay
dhamaanayso xaaladaasi iyada oon
wax kharash ah lagu lahayn looshaqeeyaha.
Xeerka Shaqaaluhu waxa uu ogalanaayaa
in isla markiiba la caydhiyo shaqaalaha
haddii si xun loogu xad-gudbo xeerarka
shaqada iyo in lix wiig oo digniin ah la
siiyo shaqaalaha inta aan la caydhin.
Sababaha caydhinta degdega ah waa inay
ku taalaa Xeerka shaqaalaha ama

heshiiska shaqo.

Socdaalka iyo
daganaanshaha

ogolaanshaha

Shuruudaha socdaalka Somaliland si


fudud ayaa loo buuxin karaa. Marka
ganacsi loo socdo Dal-ku gal hal mar ah
ayaa laga codsan karaa Safaaradaha
Somaliland ee Dibada ama in toos loo
dalbado marka la yimaado meelaha laga
soo galo dalka. Laba sawir baasaboor,
warqad martiqaad oo laga helo shirkad
Somaliland ah haddii ay jirto, cinwaanka
uu ku socdo qofka fiisaha dalbanayaa,
warqada dalabka saxda ah oo la buuxiyo
iyo lacagta dalabka weeye waxa loo
baahan yahay marka la dalbanaayo Dalku-gal hal mar lagu soo gali karaayo.
Qofka dal-ku-galka dalbanayaa waa in
uu la yimaado cadayn tusaysa kharash ku
filan safarkiisa iyo Tigidh noqosho.
Waraaqaha
Dal-ku-galka
iyo
macluumaadka kale ee loo baahanyahay
waxa laga helayaa Waaxda Socdaalka
Somaliland ee ciwaankeedu yahay halkan:
(http://slimmigration.zzl.org/Visa.html).
Maalgashadayaashu waxa kale oo ay heli
karaan Dal-ku-gal marar badan lagu soo
gali karo dalka. Shuruudii looga baahnaa
dal- ku -galka halka mar ayaa loogaa
baahanyahay dal-ku-gal marar badan ah
laakin waa in la buuxiyo waraaqaha lagu
dalbanaayo visa lagu gali karo in ka badan
hal mar gaar ahaan maalgashadayaasha
doonaya in ay si joogta ah dalka u
yimaadaan. Waxa laga yaabaa in aan
dibada laga soo bixin dal-ku-gal ka in ka
badan hal mar oo wadanka lagu soo gali
karo.
Waraaqaha lagu dalbanaayo dal-kugal
2 | Sharciga Maalgashiga

28

hal mar ka badan waxa laga heli karaa


Wasaaraadaha kala ah Arimaha Dibada,
Shaqada, Arimaha Gudaha iyada oo ay
dheertahay mid laga soo qaadanaayo
Waaxda Socdaalka Somaliland. Ilaa imika
lacagta laga qaado dal-ku-galka ka badan
hal mar waa $500 sanadkii.
Waaxda Socdaalka Somaliland waxa ay
diyaarinaysaa siyaasadii lagu taageeri
lahaa daganaansho sharci ah. Laakiin
imika waxa jira dal-ku-gal muddo dheer
dhacaaya isla markaana lagu soo gali karo
dalka in ka badan hal mar haddii
maalgashadayaashu u baahan yihiin.

LAHAANSHAHA DHULKA
IYO ISTICMAALKA
HANTIDA
Lahaanshaha dhulka waa la ogalyahay
gudaha Somaliland. Ajinabiga iyo dadka
Somaliland u dhashayba way iibsan
karaan isla markaana iibin karaan hanti
sidii ay doonaan. Marka hantida la kala
wareejinaayo waxa laga diiwaan galiyaa
Maxkamada Rafcaanka heer Gobol hadba
halka uu heshiisku ka dhaco. Waxa kale
oo cashuurta kala wareejinta la siiyaa
dawladaha hoose oo dusha kala socota
dhulka iyo 3% cashuurta kala wareejinta
oo la siinaayo Wasaarada Maaliyada.
Maalgashadayaashu waa in ay la socdaan
in la wado diwaangalinta dhammaan
dhulka Somaliland oo dhan sidaa awgeed
ma sahlana in si fudud lagu ogaado cida
leh dhulka. Maal gashadayaashu waxa
ay ka hubin karaan lahaanshaha dhulka
Dawladaha Hoose.
Marka laga diiwaangaliyo hantida
Maxkamadaha Rafcaanka isla markaana

29

la bixiyo cashuurta kala wareejinta


mulkiiluhu waa u xor in uu u isticmaalo
hantida sida uu doono. Dawladaha Hoose
ayaa ka masuul ah in ay siiyaan
lahaanshaha marka heshiiska laga
diiwaangaliyo Maxkamadaha Rafcaanka.
Hantida waa la isku wareejin karaa iyada
oo muddo la isticmaalayo Somaliland
dhexdeeda. Shuruudo kooban ayaa ku
xidhan in hanti lala wareego iyada oo la
isticmaalayo haddii ay tahay maalgashade
Ajinabi ah iyo mid Muwaadin ahba.
Xuquuqda iyo waajibaadku waxa ay ku
xidhan yihiin heshiiska labada dhinac
iyada oo Maxkamadu ay ogolaanayso sida
ay ku heshiiyaan labada dhinac.

Shirkadaha iyo Tixgalintooda


Noocyada Shirkadaha
Shirkadaha waxa loo diiwaangalin karaa
mid ay xadidantahay masuuliyada ay ku
leedahay saamiga ama damaanada la
balan qaadayo. Somaliland Shirkadaha
Gaarka ah iyo kuwa guudba waa la
diiwaangalin karaa. Haddii shirkadu
leedahay in ka yar 30 saamiley ah waxa
la odhanayaa waa Shirkad Gaar ah, kuwa
leh in ka badan 30 saamiley ah waxa la
odhanayaa waa mid guud. Shuraakada
iyo Ganacsiga maalgashadaha Kaliyaata
ah waa la ogol yahay Somaliland waxaana
loo raacayaa sida uu sheegayo Xeerka
Madaniga ee dalka.

Hantida ugu yar ee la maalgashan


karo
Hantida ugu yar ee la maalgashan karo
waxa loo dhaafayaa Diwaangaliyaha
Shirdaha oo ku dhex yaala Xafiiska XeerIlaaliyaha Guud sida uu dhigaayo Xeerka

Shirkaduhu. Sida dhabta ah ee la raaco


inta ugu yar ee la maalgashan karo imika
maaha mid ku adkaan karta
maalgashadayaasha iyada oo ay ku xidhan
tahay hadba nooca ganacsi ee shirkadu
wado.

Masuuliyada Golaha Hogaaminta


Xubnaha Golaha Hogaaminta Shirkad si
sharci ah u diiwaangashan waxa ay
leeyihiin awood fiican marka la eego
Xeerka Shirkadaha Somaliland. Iyaga
ayaa leh goaan qaadashada ganacsi isla
markaana waxa ay ka gaashaaman yihiin
dacwadaha ay ku soo oogaan Saamilayda
ay saamayso goaanada ganacsi ee ay
sameeyaan. Waxa kale oo ay goaan ka
gaadhaan dhinaca ganacsigu u soconaayo
iyaga oo eegaya hadba danta Shirkada
kana duulaaya ujeedooyinka Shirkada.
Waxa kale oo ay goaan ka gaadhaan
macaashka loo qaybinaayo saamilayda
haddii shirkadu macaash samaysay
sannadkii tagay. Si aad u ogaato wixii
macluumaad ah ee dheeraad ah raac
halkan hoose:
http://www.somalilandlaw.com/somaliland_
company_law.html

sida xaga sare lagu soo sharaxay waxa


laga dhaafayaa cashuurta saddex sano.
Saddexda sano waxa ay bilaabmayaan
marka shirkadu bilawdo shaqadeeda.
Marka uu dhammaado muddada laga
dhaafay cashuurtu haddii faaiidada dib
loo maalgaliyo waxay helayaa in 50%
laga dhimo cashuurta caadiga ah ee
saarnayd macaashkaa dib loo maalgaliyay.

Sharciyada
Xeerarkan ayaa lagu maamuulaa noocyada
ganacsi ee Somaliland ka dhex jira:
Xeerk Shirkadaha ( Xeer L:
25/2004).
Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga
(Xeer L:26/2005).
Xeerka Xoolaha Dalka (Xeer L:
29/2004).
Xeerka Bangiyada ( Xeer L:
34/2012).
Xeerka Isgaadhsiinta ( Xeer L:
50/2011).
Xeerka Kalluumaysiga ( Xeer L.
24/1995).
Xeerka Shaqaalaha Shirkadaha
Gaarka ah ( Xeer L. 31/2004).
Xeerka Madaniga ah.
Xeerka Macdanta.
Xeerka Badda.
Xeerka Dhulka.

DHIIRIGALINTA
MAALGASHIGA SIDA IN
DHULKA IYO
CASHUURTABA LA
DHAAFO
Haddii maalgalin shisheeyo la
diwaangaliyo iyada oo la maraayo Golaha
Diwaangalinta Maalgashiga Shisheeye
2 | Sharciga Maalgashiga

30

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

3 / WAAXDA XOOLAHA
TAARIIKH ARAGTIYEED
KU SAABSAN
XOOLAHASomaliland

Baridhiga dhexe intiisa badani waa saxare


engegan kaas oon saacidayn taranka
xoolaha; sidaas darteed wadanka
Somaliland wuxuu u ahaa isha xoolaha
nool kumannaan sannadood. Qarnigii
labaad, xidhiidh ganacsi ayaa si fiican
uga aasaasmay gobolada Somaliland ee
dheraran xeebaha.
Xajku waa tiirka islaamka ilaa xiligii la
aasaasay. Dhaqanka gawraca (hadyiga)
xooluhuna inta xajka lagu guddo jiro
waxa ay salka u dhigtay dalab joogto ah
oo sannadle ah oo ay Boqortooyada
Sacuudi Carabiya ay u qabaan xoolaha
laga soo bilaabo ilaa qarnigii 7aad.
Qisadii Nebi Ibraahim lagaga codsaday
inuu sadqeeyo inankiisii Ismaaciil, laakiin
uu ilaahay kaga furtay wanka Somaliland
ee madaxa madaw, dhaqanka gawrucuna
waa ka joogto dhammaan wadamada
muslimka ah. Sidaas darteed, nooca
Somaliland ee loo yaqaan maxali ahaan
Berberaawi ayaa ilaa hadda laga xiiseeyaa
Muslimka, gaar ahaan, inta Xajka lagu
gudo jiro.
Dekada Berbera waxa ay ka mid ahayd
safka hore dhoofinta xoolaha nool ee
dunida ilaa horaantii iyo badhtamihii
1970 kii; si kasta ha ahaatee sannadkii
1976kii waxa meesha ka saaray
Ustaraaliya, taas oo safka hore sii ahayd
ilaa 34 kii sanno ee ku xigay. Ustaraaliya
waxa ay tartamaa wayn ku tahay xoolaha
Somaliland ee Wadamada Gacanka
Carabta, gaar ahaan suuqa faaiidada leh
ee Bortooyada Sucuudi Carabbiya Si
kastaba ha ahaatee, 2012 waxay ahayd

33

markii ugu horaysay ilaa 1976 ee wadarta


tirada xoolaha Somaliland ka sareeyaan
ta Ustaraaliya.

ARAGTI GUUD

Xooluhu hadda waa waaxda hogaaminaysa


dhaqaalaha Somaliland. Wax soo saarka
xoolaha waxa lagu xisaabiyaa in ay yihiin
60-65% ee Wax Soosaarka Guud (GDP).
Iyada oo uu sal u yahay qiimayntii FAO
ee 1998 iyo heerka kordhka ee hore, waxa
ay Somaliland leedahay qiyaas dhan 1.69
milyan oo geel ah, 0.40 milyan oo lo ah,
8.4 milyan oo riyo ah iyo 8.75 milyan
oo ido ah sannadkii 2011. Xoolahaa 75%
waxa ay ku nool yihiin gobolada Sool,
Sanaag, iyo Togdheer.
Xoolaha ugu badan ee ay Somaliland
dhoofisaa waa idaha iyo riyaha, kuwaas
oo noqda 91% dhammaan xoolaha la
dhoofiyay. Sannadkii 2010 dhexdiisii
waxa dekeda Berbera laga dhoofiyay
wadar dhan 2.352 milyan oo adhi ah
(kuwaas oo ay ku jireen xoolo ka yimid
Itoobiya). Wadartan, 1.612 milyan (69%)
waxa la dhoofiyay intii u dhexaysay
Sebtembar iyo Noofambar oo ahayd
moosinkii xajka. Qiyaas ahaana celceliska
qiimaha dhoofku waxa uu ahaa $70
doolar, qiyaasta wadarta qiimuhu waxa
ay ka saraysay 160 milyan oo doolar.
Iyada oo ay la socoto cashuurta dawladu
oo qiyaas ahaana ah $ 3.60 doolar
neefkiiba, taa macnaheedu waa dakhli
cashuureed oo qiyaas ahaan ah $ 8.5
milyan doolar, ama 10% wadarta dakhli
ee dawlada Somaliland ka hesho.
Somaliland, ilaa xad iyo dhoofiyayaasha
kale ee Geeska Afrika, waxa ay ku tiirsan

Shoat is a common term in the Somali regions inclusive of both sheep and goats.


Maalgashigan kordhay, sharciyadan isku duba ridan, horumarka
kaabayaasha dhaqaale, isku dubarid waaxeedka astaameed ee kordhay,
Somaliland waxa ay haysataa fursad wayn oo ay kaga faaiidaysato korodhka
waaxda xoolaha ee Bariga dhexe iyo gobolada kale ee Dunida Muslimka,
iyadoo xoojinayaan dalabka koraya ee maxaliga ah.

yihiin wadamo yar oo keliya oo ay u dhoofiyaan xoolahooda. Tusaale ahaan 2.585


milyan ee ahaa idaha iyo riyaha laga dhoofiyay Dekada Berbera 2010 kii, qiyaas
ahaan 78% waxay tegeen Sacuudi Carabiya, 20% Yeman iyo baaqigii oo kala tegay
Masar iyo Cumaan.
Figure 1: Tirada Xoolaha (Neef) ee laga dhoofiyay Berbera ilaa Dalalka Gacanka Carabta laga
bilaabo 2004 2012 (Ka Timid: Wasaarada Xannaanad Xoolaha)

sanadka
2002
2003
2004
2005
2006
2007
2008
2009
2010
2011
2012

GEEL
18,864
21,874
5,147
5,069
22,810
14,245
26,515
20,206
92,651
96,181
102,664

IDO/RIYO
341,711
563,107
859,404
1,023,795
1,017,242
1,350,054
1,219,519
1,556,003
2,584,810
3,104,684
3,219,584

LO
37,547
84,312
131,852
148,151
85,631
88,143
80,051
88,005
133,021
150,934
190,354

WADAR
398,122
669,293
996,403
1,177,015
1,125,683
1,452,442
1,326,085
1,664,214
2,810,482
3,351,799
3,512,602

Figure 2: Wadarta dhoofka billaha ah ee Idaha iyo Riyaha ah ee ka baxa Berbera


Source: Berbera Port Authority (BPA)

2,000,000

Sheep & goat


monthly exports
2006-201 2

1,500,000

1,564,48 4
1,219,771 5

1,000,00 0

78171

938,22 8

500,000
Jan -06

Jan -07

Jan -08

Jan -09

Jan -10

Jan -11

Jan -12

3 | Waaxda Xoolaha

34

Figure 3: Celceliska ascaarta suuqa ee idaha iyo riyaha iyo xaddiga lagu dhoofiyo neefkiiba
Ka Timid: Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Rugta Ganacsiga Somaliland

average Prices of Sheep & goats


$80
$70
$60
$50
$40
$30
$20
$10
$0

3,500,000
3,000,000
2,500,000
2,000,000
1,500,000
1,000,000
500,000
2005

2006

2007

2008

Number of Heads Exported

2009

2010

2011

2012

Average Market Price per Heads

Figure 4: Xadiga Idaha iyo Riyaha ee ka Dhoofa Berbera iyo Korodhka Boqolayda Sannadkii
Source: BPA

Sheep & goats exports


2008-2012

3,500,000
3,000,000
2,500,000
2,000,000
1,500,000
1,000,000
500,000
2008

2009

2010

2011

Number of Heads

2012

70.0%
60.0%
50.0%
40.0%
30.0%
20.0%
10.0%
0.0%
-10.0%
-20.0%

% Growth

Figure 5: Xadiga Loda ah ee ka Dhoofa Berbera iyo Korodhka Boqolayda Sannadkii


Ka Timid: Maamulka Deked Berbera (MDB)

Number of Heads
in Thousands

200
150
100
50
2008

2009
Number of Heads

35

2010

2011
% Growth

2012

60%
50%
40%
30%
20%
10%
0%
-10%
-20%

Figure 6: Xadiga Geel ah ee ka Dhoofa Berbera iyo Korodhka Boqolayda Sannadkii


Source: BPA

Camel exports 2008-2012


120,000

250%

100,000

200%

80,000

150%

60,000

100%

40,000
20,000

50%
0%

2008

2009

2010

2011

Camel Exports

-50%

2012

% Growth

Figure 7: Idaha iyo Riyaha Meelaha ugu Muhiimsan ee looga Dhoofiyo Suuqa Khaliijka

Ka Timid: FAOSTAT, MLA, BPA. *2011 & 2012 kii tirada shaxdan ee ku saabsan Suudaan waxay ka timid Wasaarada
Beeraha ee Suudaan Khaliijka, ** Dhinaca Suuriya 2011 & 2012 kii shaxdan laguma darin.

1998-1999: First Somali


livestock ban

8000

2001-2009: Second
Somali livestock ban

7000

2008: Australia
passes animal
welfare law

6000
5000

Australia

4000

Syria

3000

Suda n

2000

Somaliland

2012

2011

2010

2009

2008

2007

2006

2005

2004

2003

2002

2001

2000

1999

1998

1997

1996

1995

1000
1994

Number of Heads - in thousands

Sheep & goats annual exports


Sudan*, Somaliland, Syria** & australia

3 | Waaxda Xoolaha

36

SHARCIGA KU
GEDAAMAN XOOLAHA

Si looga shaqeeyo dhoofka xoolaha,


qofku waa inuu liisan ka soo samaystaa
Wasaarada Ganacsiga isagoo bixinaya
kharashka la rabo. Dhoofka xoolaha waxa
lagu maamulaa Xeerka Xanaanada
Xoolaha. Sharcigan haddaba, xoolaha
dhedigi waa mamnuuc in la dhoofiyo,
dhoofka ka horna, waa in la mariyaa
baadhitaan caafimaad oo adag si loo
hubiyo caafimaadkiisa. Waxa mamnuuc
ah in la dhoofiyo xoolaha iyadoon ugu
horayn la baadhin lana hubinin xaaladooda
caafimaad.
Qofka codsanaya ee doonaya liisan waxa
uu u soo qorayaa waraaq codsiya
Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha
waxaanu ku cadaynayaa tafaasiilahan soo
socda waraaqda codsiga ah dhexdeeda:
Magaca qofka doonaya kawaanka;
Ujeedada uu ka leeyahay kawaanka
ama hawlaha la xidhiidha;
Raasamaalka shirkada, qaabdhismeedka, iyo faahfaahinta
lahaanshaha shirkada;
H a b r a a c y a d a s h i r k a d a i y o
faahfaahinta xeerarka shirkada ama
dokumentiga sharciga oo uu la
socdo faahfaahinta cidda loo filaayo
inuu noqdo maamule;
Tirada shaqaalaha ee la filaayo;
Goobta la filaayo inay noqoto oo
la socdo faahfaahinta lahaanshaha
ama sharciga heshiis ee dhulka;
Faahfaahinta haddii uu jiro wax
horumar ah oo laga dhisaayo dhulka
sida xogta injineernimo ee
dhismayaasha, haddii ay jirto
qiimayn la sameeyay ama
dhaqdhaqaaqa dhulka la rabo, iyo
wixii faahfaahimo kale ku xidhan

37

ee ah horumarinta dhulka;
Heerarka wax soo saarka ee laga
filaayo agabka marka uu
dhamaystirmo.
Waraaqda codsiga ah ee ku socota
Wasaarada waa inay la socotaa warqad
kale oo ka socota dawlada hoose oo
xakamaynaysa goobaha loo filaayo in la
dhigo fududeeyayaasha si loo hubiyo in
dawlada hoose haysato fursad ay ugu
dhex dari karto hawlahooda qorshayneed.
Marka codsiga laga qabto codsadaha,
Wasaaradu waxay haysataa (30)
maalmood in ay dib ugu eegto codsiga
iyo inay goaan ka gaadho in la siiyo
liisanka iyo in loo diido codsiga. Marka
ay Wasaaradu qaadato inay ogolaato
codsiga, liisanka lagaga hawlgelayo
goobta ganacsi waxa soo saaraya
Wasaarada waxaanu shaqaynayaa laba
iyo toban (12) bilood.
Wasaaraddu waxay ku hawlan tahay
dejinta qaab dhismeedyo sharciyo ah kaas
oo lagu maamulaayo caanaha, hililbka,
iyo hawlaha dhoofka (Sharicga caanaha
oo qabyo ah, Baadhitaanka Hilibka iyo
Sharciga Xakamaynta iyo anshaxa
daryeelka xoolaha); iyo udejinta halbeeg
manhaj Daryeelayaasha Caafimaadka
Xoolaha ee Bulsho (DCXB) kaas oo hoos
imanaaya anshaxa Xanaanada Xoolaha
oo ay kormeerayaan Golaha Xanaanaynta
Xoolaha. Dhammaan xeerarka maamulaya
waaxda xoolaha iyo sharciyada cusub ee
ay ogolaanayaan Baarlamaanku waxa laga
heli karaa halkan: www.SomalilandLaw.
com.

Saylada caalamka ee hilibka xalaasha ah waxa lagu qiyaasaa ilaa


US$2.77 oo Trilyan.

CAQABADAHA U
WAAWAYN EE SOO
WAJAHA DHOOFKA
XOOLAHA SOMALILAND
EE SUUQA BARIGA
DHEXE Somaliland
1. T
artanka: Somaliland waxay
wajahaysaa tartan adag oo ah dhoofka
xoolaha nool, gaar ahaan adhiga, kaas
oo ka imanaaya wadamada sida
UUstaraaliya iyo Suudaan. Suuqa u
danbeeya, xoolaha Somaliland waxa
ay helaan qiimo hoose sababta oo ah
dhamaystir liita (yaryaraan, xoolo
daciif ah). tusaale ahaan, sicirka
xoolaha Somaliland waa $90 120
doolar neefkiiba xagga uu ka yahay
adhiga Swakin ee ka imanaaya
Suudaan sicirkoodu $ 170 180
doolar neefkiiba. Xoolaha sida fiican
u dhammayska tiran ee nooca xoolaha
maxaliga ee Gacanku (Njadi, Neami,
Hari iyo Awasi) waxa ay goosanayaan
qiime sare oo ah $320-350/neefkiiba.
Celceliska miisaanka xoolaha ka
imanaaya Somaliland waxa lagu
qiyaasay 20 ilaa 22 kg, kaas oo ku
dhow ilaa kala badh miisaanka
xoolaha UUstaraaliya iyo Suudaan.

Taranka Ustaraaliya:
  Badhtamihii 2010 ka, Ustaraaliya
waxa ay meel marisay Xeer
ballaadhan oo ah daryeelka xoolaha
(Nidaamka Hubinta Silsilada
Dalabka Dhoofka) kaas oo lagu
dhaqaayo iibka, gaadiidka,
kaawaanada ee xoolaha nool maxali
ahaan iyo kuwa loo dhoofinaayo
suuqyo kale. Halkaas oo ay
Ustaraaliya gacan ka gaysatay

kawaanada Cumaan, Qadar iyo


Kuwayd si ay ula jaan qaadaan
Xeerarkan, kamay fulinin Sacuudi
Carabiya sidoo kale xoolihii ay u
soo dhoofin jireen Sacuudi Carabiya
si wayn ayuu hoos ugu soo dhacay.
Tusaale ahaan, badhtamihii 2008
UUstaraaliya waxay u dhoofisay
suuqa dihin ee BSC in ka badan
870,000 oo neef, 2011 waxa ay u
dhoofisay 24000 neef oo keliya. Si
kastabe ha haatee, ganacsiga
xoolaha ee UUstaraaliya waa kuwa
aad u shilis, si aad u saraysana u
diyaar garaysan, oo ay daba
socdaana xafiisyo ka mid ah kuwa
hogaaminaaya
dhaqaalaha
adduunka
sidaas darteed
Ustareeliya waxay ahaanaysaa
tartame adag suuqyada Bariga
Dhexe.

Tartanka Suudaan:
  Suudaan hadda waxa ay tartame
wayn ku tahay xoolaha Somaliland
ee suuqa Sacuudi Carabiya, gaar
ahaan inta lagu jiro moosinka
Xajka. Dhoofka xoolaha Suudaantu
waxa uu u koraayay si joogto ah
sannadahan dhawaa. Saamiga
Suudaanta ee suuqa Sacuudigu
waxa uu ka koray 27% 2006 ilaa
40% 2010 dhexdiisa. Qiimaha
wadarta xoolaha dhoofay Jan
Noofanbar 2012 waxay ahayd $408
milyan, korodh dhan 20% ilaa
sannadkii hore. Hoos u dhaca
Suudaan ee dakhliga Saliida iyo
kasbashada lacagaha qalaad, kana
dhashay goitaankii Koonfurta
Suudaan, waxa uu ku qasbay
xukuumada Suudaan inay daaha ka
3 | Waaxda Xoolaha

Note: In the livestock industry, meat only refers to slaughtered animals carcasses, boneless, with bones, various cuts that are either frozen or chilled

38

rogto fursado kale oo ay ku hesho


lacag adag taas oo ay ku jiraan
beeraha iyo dhoofka xooluhu.
Waaxda xoolaha ee Suudaan guud
ahaan aad ayuu iskugu duba ridan
yahay (gaadiidka, kaydka quudinta,
adeega daryeelka xoolaha) taas oo
uu jiro korodh ah maalgashiyada
ay sameeyaan.

Tartamayaasha kale:
  Waxa jira wadamada sida Hindiya,
Iraan, Baakistaan iyo wadamo kale
oo ah Bariga Fog waxa ay ka
helayaan saami Bariga Dhexe ee
xoolaha nool, dhoofka xoolaha
wadamadani waxa uu ku kooban
yahay qaybo gaar ah oo suuqa ah,
marka loo eego ah baaxad yar;
xoogana saaray dhoofka hilibka.
Natiijo ahaan, dhoofka xoolaha
Somaliland waxa uu ku fiican yahay
inuu soo korayo sannadada soo
socda.
2. Nadaafada iyo sharciyada la
xidhiidha nadaafada: Wadamada
Gacanka Carabtu waxay dejiyeen
shuruuc xagga caafimaadka xoolaha
nool ah oo midaysan. Gobolada
Somaliland waxay u baahan yihiin in
la hubiyo xoolaha laga soo
dhoofinayaa inay waafaqsanyihiin
halbeega. Cunaqabtayntai xoolaha ee
Heerka Caalamiga ah ee ay hirgeliyaan
Xafiiska Cudurada Faafa waa uu ku
dhici karaa xoolaha Somaliland.
Tusaale ahaan, dhaqaalihii ku lumay
cunaqabtayntii xoolaha 1998 waxa
lagu qiyaasay $100 Milyan oo dollar,
halka cunaqabtayntii Sebtember 2000
-2009 lagu qiimayay $ 326 Milyan.

39

Halka ay xoolaha Somaliland ee la


dhoofiyaa ay buuxin karaan hadda
halbeegyada Caafimaadka Xoolaha
ee Wadamada Gacanka Carabta, waxa
la rabaa in la kordhiyo dabagalka, iyo
baadhitaanka caafimaad ee xoolaha
Somaliland Somaliland si ay u galaan
suuqa dhoofka hilib xalaalka ee suuqa
Bariga Dhexe.
3. Tayo liidata iyo gaadiidka
maraakiibta oo awood ahaan
hoosaysa: Laaanta gaadiidka badda
xiliyada oo dhan ee ah Berbera ilaa
Salalah iyo dekadaha kale waxa ay
caqabad adag ku tahay xoolaha loo
iib gaynaayo Yeman, Masar iyo
Wadamada Gacanka Carabta.
Gaadiidka badda ee aan ku haboonayn
xoolaha waxa ka dhashay in ay
xooluhu sii lumiyaan miisaan muuqda
inta safarka lagu jiro waxaana ay
gaadhaan bartilmaameedkii u
danbeeyay iyagoo uskag ah si aad
ahna u caatoobay taas oo si taban u
taabanaysa iibkooga. Tusaale ahaan,
neefka riyaha ee kaga baxa Berbera
miisan dhan 22kg. marka uu todobaad
ku sii jiro safar, ee uu saran yahay
gaadiid xun, waxa uu gaadhaa Dubia
isagoo miisaan kiisu yahay 16 - 18
kgs (miisan lun dhan 22% - 38%).

Caqabadaha Waawayn ee Haysta


Waaxda Xoolaha Gobolada
Somaliland
1. Kaabayaal Liita: Hadda, waxa ka
jira Berbera laba maxjar oo si gaar
ah loo leeyahay iyo goob lagu hayo
xoolaha oo ku taala Burco (kaas oo
uu ku socdo dib u dhis). Si kasta ha
ahaatee, suuqyada xoolaha ee

magaaloyin badan oo Somaliland ahi


aad ayuu u liitaa. Qaar ka mid ah deeq
bixiyayaasha waxa ay bilaabeen in
ay sare u qaadin iyagoo siinaaya
kaabayaasha
aasaasiga
ah
dalacayaasha iyo dejiyayaasha laakiin
ilaa hadda waxa jira baahiyo kale oo
u baahan in wax laga qabto sida
gaadhsiinta biyaha, dayrid,
baadhitaanka daryeelka xoolaha iyo
sidoo kale agabka kale. Ururinta
xoolaha gobol ahaan iyo suuqyada
kale waxa ay qaadataa dhawr
maalmood, weli waxa loo baahan
yahay garoono tayo sare leh oo lagu
hayo xoolaha.
2. Qiimayn dadban: Marka la barbar
dhigo wadamada dhaqda xoolaha,
Somaliland waxa ay ladahay qiimayn
halbeegaysan. Natiijaduna tahay,
dihnaanta faaiidada uu leeyahay
tartanku (tusaale ahaan, iswaydaarsiga
xogta suuqa, awoodaynta wax kala
iibsiga suuqaya iyo tayada
halbeegyada) taas oo suuro gal ka
dhigaysa
qiimaha
silsilda
daneeyayaasha waana ay xadidan
tahay Soomaliland. Heerarka loda
ee ay isticmaalaan dhoofiyayaasha
Soomaliland, tusaale ahaan waxay ku
xidhantahay hadba sida loo qaado si
buuxdana uma raacdo dariiq cad iyo
heerar cad.
3. Seerayaasha oo hoos u dhacay iyo
caqabadaha kale ee haysta Xoolo
dhaqadtada: Waxa jira seerooyinkii
oo si muuqata hoos ugu dhacay
dhammaan gobolada Soomaliland,
kaas oo saamaynaya kala
duwanaanshihii daaqa, hoos u dhac

iyo yaraansho tirada cawslayaasha


gaar ahaan loda iyo adhiga. Cimilada
isbedeshay waxa ay badisay abaarihii
soo noqnoqonaayay, waxa batay
dhismayaashii riigaga /berkadaha taas
oo si xun u saamaynaysa goobihii
daaqsinka ee soo jireenka ahaa. Intaa
waxa dheer, xoola dhaqatadu waxay
wajahayaan dhibaatooyin badan sida
xogta suuqa oo aanay haynin, sicirka
ay dejinayaan dhoofsatadu/loo
dhoofiyayaasha/ ganacsatada /
dilaaliinta oo aan fadhiyin iyo
suuqyada oo loo soconaayo masaafado
dhaadheer. Xoolo dhaqato si fiican
wax u soo saarta oo habaysani waxa
ay keeni kartaa tartan ay xoolaha
Somaliland ka galaan waaxda
dhoofka.
4. Fidinta adeega oo xadidan: fidinta
adeega xoolaha iyo adeegyada
caafimaad ee xoolaha ee Somaliland
wuu xadidan yahay, dhakhaatiirta
xooluhu inta badan waxa ay joogaan
Hargaysa iyo Berbera waxana ay ka
tegeen waaxdii fidinta shaqaalaha
daryeelka xoolaha ee bulsho iyo
kalkaaliyayaashi caafimaadka
xoolaha. Si kastaba ha ahaatee,
nidaamkani waa uu fidayaa waxa uu
noqonayaana maalgelinada tooska
dhawaan ee Wasaarada Xoolaha iyo
dhawr deeq bixiyayaal iyo ururo
maxali ahi ay ku tababareen hawl
wadeeno daryeelka xoolaha ah una
dejiyeen manhaj isku mid ah.

3 | Waaxda Xoolaha

40

Figure 8: 2013 Daraasad ay maalgelisay hayada USAID oo ku saabsanayd suuqa ay ku


dambeeyaan xoolaha Somaliland
Ascaarta
Suuq
dhamaadyada

Idaha
US$ /
Neefkiiba

Riyaha
US$ /
Neefkiiba

Geel
US$ /
Neefkiiba

Lo
US$ /
Neefkiiba

Bahrain

$180

$180

N/A

N/A

KSA

$130

$130

700

N/A

Kuwait

$150

$150

N/A

N/A

Qatar

$140

$140

N/A

$505

Oman

$110

$110

N/A

$600-$650

UAE

$104

$104

N/A

$700-$750

Egypt

$500

$500

$2000

N/A

Yemen

$140

$140

N/A

$500-$800

41

Waxa jira dareen guud oo ah qiimaha kor u kacaya suuqyada waaweyn ee


dhammaadka ah maadaama baahida xoolaha ee Bariga Dhexe ay sii
kordhayso gaar ahaan tirada dadka Xajka tegaya sannad kasta.

DHAQDHAQAAQA
SUUQYADA DHAMAADKA
EE U WAAWAYN
Dhaqdhaqaaqa Guud ee waxaada
xoolaha ee Bariga Dhexe
1. Dalabka kordhaya, ascaarta sare
ee ka abuurmaysa Bariga Dhexe:
Mar haddii ay ascaartu sabaynayso
sannadka oo dhan, waxa jira jiho ah
inuu kordhaayo ascaartu suuqyada
dhamaadka ee Bariga Dhexe mar
haddii uu dalabka xooluhu kordhaayo,
gaar ahaan, dadka ka qayb gelaaya
Xajka sannad kasta waxa uu kordhaa
(60% ayuu kordhay laga soo bilaabo
2001 ilaa 2011). Waxa jirta qiyaas ah
in 4.8 milyan oo qof inay ka soo qayb
gelayaan sannada 2020 taas oo ku
laban laabmaysa tii tiradii 2008. Shan
sanno ka hor, celcelis ahaan neefka
adhiga ahi waxa lagu iibinaayay
Burco qiime ah $ 37/neefkiiba.
Hadda, waxa lagu iibiyaa qiime ah
$87 neefkiiba Burco dhexdeeda.
Xiliga Xajka, neefka Sacuudiga waxa
lagu iibinayaa $ 200, Masarna waxa
uu goosan karaa $ 500 doollar. Hoos
udhaca ku yimid xoolaha laga soo
dhoofin jiray UUstaraaliya 2011 way
saamaysay ascaarta taas oo ah
caqabadaha soo gaadhsiintii suuq
dhamaadka.
2. U soo janjeedhsasho Caalami ah ee
suuqa hilibka ee koraya ee
Wadamada Gacanka Carabta: 20
kii sanno ee tegay, isticmaalayaasha
iyo sii iibiyayaashuba waxa hagaayay
habraacyada shahaadada tayada oo
furtay suuqa wershadaynta hilibka.
Cuntada xalaasha ee suuqyada

caalamiga ah waxa lagu qiyaasay $


2.77 Tirilyan, waxaanu ku socdaa inii
sii fido sidoo kale. Isticmaalayaasha
Bariga Dhexe, gaar ahaan, suuqyada
sare, iyo isticmaalayaasha yar yar
waxa ay u soo jeesteen dhankan.
Somaliland waxa ay ku taalaa meel
fiican oo ay ka faaiidaysan karto
suuqan koraya, si kastaba ha ahaatee,
waxa loo baahay yahay isku xidh ah
kuwa soo saara, ganacsada, suuq
geeyaasha, iyo sharci u dejiyayaashuba
in ay xaqiijiyaan gelitaanka suuqan.
3. Isbedelka doorbidida dhandhanka
waxa ay keenaysaa in la iibsado
adhiga yar yar: Sannad guuradii
labada kun ka hor, adhiga la iibiyay
waxa uu ubadnaa saddex jir iyo wax
ka wayn. Taa lidigeed, intii lagu gudo
jiray 10 kii sanno ee u danbeeyay,
iibka adhiga jiray sannad iyo wax ka
yar (tusaale ahaan, hilibka rooska ah
waxa laga sameeyaa 6 bilood jir ama
ka yar) waxa uu ku qasbay xoolo
dhaqatadii iyo xoolo beeralaydiiba in
ay hore u iibiyaan xoolahooda.
Isbedelkan adhiga yaryar waxa dhiiri
geliyay isbedelka ku yimid Dawladaha
Gacanka ee ah hilibka xoolaha yar
yar, kaas oo ah mid aad loogu soo
jeestay.

Sacuudi Carabiya
1. BSC ilaa hadda waa suuqa keliya
ee ugu wayn ee la geeyo xoolaha
Somaliland(ku dhawaad 80%).
Waxaana caawiyay doorbidida uu
isticmaalaha Sucuudiga ahi bidayo
adhiga Somaliland (waxa maxali
ahaan loo yaqaanaa Berberawi)
waxaanu ka qayb qaatay wanaajinta
3 | Waaxda Xoolaha

42

xidhiidhka ganacsi.
Si kasta ha ahaatee, si wayn ugu
tiirsanaanta suuqan keliyi waa mid
si wayn werwer ugu haysa
dhoofsatada Somaliland iyo Waxa
jira jacayl badan oo loo qabo xoolaha

dadoodu isku jirto, taasi ay keenayso


isku mid laaanta kuwa kale ee soo
dhoofiya.Waxa muhiim ah in aad
ogaatid heerka faaiido ee hooseeya,
gaar ahaan adhiga iyo geela,
dhimashada hal neef ama diidmada
neef xanuunsanaya ee ganacsatada

Figure 9: Isbarbar-dhiga Sicirka Suuqa ee Sacuudiga


Lr.

Nooca
Xoolaha

Asal ahaan

Miisaanku inta uu u
dhexeeyo kg

Sicirka RS

Sicirka
Dollarka DM

Adhi

Ustareeliya

40-45

700-750

180-200

Adhi

Itoobiya

20-24

430-450

115-120

Adhi

Somaliland

16-24

300-420

80- 112

Adhi

Suudaan

20-24

520-550

140-145

Qiyaasta xadiga faaiidada ay ka helaan ganacsatada xooluhu suuqyada waa:


a) Adhiga: Xadiga celcelis ee ay helaan dhoofiyayaashu waa $8 doolar neefkiiba.
b) Geela: Xadiga celcelis ee ay helaan dhoofiyayaashu waa $50 - $80 doolar neefkiiba.
c) Loda: Xadiga celcelis ee ay helaan dhoofiyayaashu $106 - $133 doolar neefkiiba.

yaryar, caadi ahaan 3 jir. Xooluhu


waa in ay ka caafimaad qabaan
xannuunada iyo in uu yahay geelu
mid uu kuruskiisu taagan yahay
(marka uu geelu uu kurusku
janjeedhsado ama uu ku sugan yahay
xaalad caafimaad oo xun)
3. Soo dhoofsadayaasha BSC waxay
xoolaha u iibsadaan iyagoo eegaya
dadooda. Waxa jira jacayl badan oo
loo qabo xoolaha yaryar, caadi ahaan
3 jir. Xooluhu waa in ay ka
caafimaad qabaan xannuunada iyo in
uu yahay geelu mid uu kuruskiisu
taagan yahay (marka uu geelu uu
kurusku janjeedhsado ama uu ku
sugan yahay xaalad caafimaad oo
xun) Hal caqabad oo haysata
dhoofsatada Somaliland ahi waa
maraakiibta oo aan waafaqsanayn
dalabka macaamiisha, waxa dhacda
in ay u iishaan ama u janjeedhsadaan
in ay isku soo dhex daraan xoolo

43

Somaliland ahi waxa uu waayayaa


faaiidada 10 15 neef oo caafimaad
qaba.

Imaaraadka Carabta Midoobay (uae)


1. UAE waxa uu ahaa suuq firfircoon
oo xoolaha iyo hilibkaba ah ka hor
cunaqabatayntii 2000. Sidaas darteed
waa muhiim suuqan u danbeeya in
lagu daro dhoofka xoolaha Somaliland
si uu kor ugu qaado istaraatiijiyada
kala duwista.
2. UAE sidoo kale waxa uu u yahay
suuq dhammaad qayb wayn oo ka
mid ah suuqa loda Somaliland kaas
oo dib loogaga soo dhoofiyo
Cumaan. Loda waxa baabuur laga
soo saaraa Dekeda Salalah ilaa
Imaaraadka.
3. Waxa jirta fursad si loo kordhiyo
xoolaha Somaliland ee u dhoofaaya

UAE iyadoo la adeegsanaayo


gaadiidka bada iyo gaadiidka cirka
sababtoo ah waxa la helayaa
duulimaad joogto ah maalinlena ah
oo toos ah, Berbera ilaa Dubai.
4. Isticmaalka hilibku waxa la filayaa
in si joogto ah u kordho sannadadan
soo socda sababtoo ah korodhka
dadka, heerka dhaqaalaha oo sare u
kacaya, iyo xooga shaqaalaha
khibrada leh ee jooga Imaaraadka.

Qadar
1. Somaliland si toos ah uguma
dhoofiso xoolo Qadar. Si kastaba ha
ahaatee, waxoogaa xoolaha Somaliand
ah waxa si joogto ah dib loogu
dhoofiyaa Qadar iyagoo uga imanaya
wadamada kale ee ka midka ah Gacan
Carabta sida Sacuudi Carabiya iyo
UAE.
2. Qadar waxa ay ka mid tahay
wadamada Gacanka Carabta,
sidaas awgeed waxa ay u
hogaansamaan sharci isku mid ah
oo soo dejinta ah. U dhoofin laaanta
xoolaha Somiland Qadar si tooska ah
laguma sifayn karo xanibaad sharci.
Guud ahaan waa fashilaad ka timid
dhanka xoolo dhoofiyayaasha
Somaliland inay daah rogaan oo ay
geeyaan suuqa Qadar iyo sidoo kale
xidhiidh ganacsi laaanta labada
dawladood.

Cumaan
1. Cumaan waxay ku jirtaa darajada
Saddexaad ee loda nool iyo ta
labaad ee dhoofka xoolaha yaryar
ee saylad dhammaadka xoolaha loo

dhoofiyo Dawladaha Gacanka


Carabta. Wadanku waxa uu ku jiray
koriin degdeg ah oo ah dalabka suuqa
xoolaha afartii sanno ee ina dhaafay,
gaar ahaan dalabka loda. Cumaan
sidoo kale waxay muujisay inay tahay
suuq degdeg u koraya una
balaadhanaya oo ay tahay in ay daah
rogaan dhoofiyayaasha xoolaha
Somaliland.
2. Xoolaha nool ee ay Cumman ka soo
dhoofsan jirtay Ustaraaliya waxa
ay istaageen sannadkii hore
sababtuna ay tahay, a) adhiga
Ustaraaliya oo qiimihiisu qaali yahay;
b) Ustaraaliya oo dalbanaysa in lagu
dhaqo xoolaha sharciyo u gaar ah
daryeelka xoolaha; c) jiritaaanka
xoolo aad uga jaban, walow xoolaha
Somaliland miisaan ahaan ay ka yar
yihiin kuwa Ustaraaliya. Qiimaha
adhiga Ustaraaliya waxa uu ka booday
65 Cumaani Riyaal ah ($168)
neefkiiba badhtamihii 2011. Waxaanu
gaadhay 85 Cumani riyaal (220)
badhtamihii 2012 xiligii Ramadaanta.
Qiimo korodhkan joogtada ah ee
xoolaha ka imanaaya Ustaraaliya,
maamulka ilaalinta isticmaalayaasha
wuxuu dhiiri geliyay in lagu soo rogo
qiimo fadhiisin adhiga Ustaraaliya.
Sidaad darteed isticmaalaha
cumaaniga ahi waxa uu doorbidayaa
xoolaha Somaliland ee qiimo ahaan
jaban. Celcelis ahaan qoyska reer
Cumaan waxa uu awoodi karaa in uu
iibsado lax ama ri ah xoolaha
Soomaalida marka loo eego adhiga
laga soo dhoofiyay Ustaraaliya,
Suuriya iyo ka maxaliga ahba.
3 | Waaxda Xoolaha

44

Yaman
1. Yaman waxa ay la lahayd xidhiidh
ganacsi oo taariikhi ah waana
ganacsi la wadaage xoogan oo
Somaliland leedahay. Yaman waxa
ay isticmaashaa istaraatiijiyad ka
faaiido badan suuq dhammaadyada
kale ee Wadamada Gacanka Carabta
ee xoolaha Somaliland u
dhawaanshaha Juquraafi ahaan
awgeed.
Yaeman kama mid aha xubnaha
Wadamada Gacanka Carabta waxaana
uu ahaa wadada u furan iibka xoolaha

45

Somaliland intii lagu guda jiray


cunaqabatayntii uu Sucuudigu soo
rogay 1998 iyo markii danbe ee ahayd
2001-2009.

Masar
1. Masar waxa ay ahayd soo dhoofsade
xoogan oo xoolaha, inta badan geela,
isagoo soo maraya dariiqyo kala
duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin
Jabuuti, laakiin xayiraad ka qaadistii
Sucuudigu ku sameeyey xoolaheena
ka dib, waxa jiri kara daaqad cusub
oo fursadeed taas oo keeni karta soo
dhoofin sharci ah/ oo toos ah oo geela
Somaliland lagu keenayo Masar,

There is a general trend of increasing prices in major Middle East end


markets as the demand for livestock increases, and particularly as the
number of people attending the Hajj each year increases.

halkaasna waxa hoos u dhacaaya


kharashka gaadiidka.
2. Masar waxa ay dib uga iibisaa
Liibiya geela Somaliland, waana
albaab uu kaga fidi karo iibku
Waqooyiga Afrika.

Suuqyada kale ee dihin


1. Malaysiya: Wershada Hilibka
Xalaalka ee Maleeshiyaanku waxa ay
muujisay xiise wayn oo ah inay ka
soo dhoofsato xoolaha Somaliland.
Wefdi heer sare ah oo uu hogaaminayay
Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland
ayay casuuntay Dawlada Maleeshiya
si ay wada xaajood u galaan 2007dii
waxaana xigay booqashooyin dhawr
ah oo ahaa ganacsato Maleeshiyaan
ah iyo saraakiil dawlada ah ay ku
yimaadeed badhtamihii 2010 iyo
2011. Shirkad ku taala Burco, tusaale
ahaan, waxa ay wada shaqayn la
yeelatay Maleeshiyaanka dhoofsada
hilibka si ay u maalgeliyaan Maxjar
/ goob xoolo naaxin ah.
2. Turkiga: Turkigu waxa uu ka mid
noqonayaa suuqyada dihin ee bixin
kara fursad ah inuu ku fido dhoofinta
xoolaha Somaliand. Wadanku waxa
uu soo dhoofsaday 140,000 oo neef
oo lo ah badhtamihii 2011, inta u
badan waxa uu ka soo dhoofsaday
Ustaraaliya. Masaafada ugu dhaw
Somaliland ee uu ku samayn karo
dhoofka lodu waa Berbera oo ah mid
geli karta tartanka.

FURSADAHA
MAALGASHADAYAA
XOOLAHA

1. Idaha iyo riyaha Somalida, kuwaas


oo yaryar kana miisaanyar kuwa
Ustaraaliya, Suuriya, iyo adhiga
Suudaantu, waxa ay la kulmeen
suuq muhiim ah oo ku haboon
isticmaalayaasha uu dakhligoodu
hooseeyo/dhexdhexaadka uu yahay
ee Bariga Dhexe; ganacsatada
Somalilandna waa in ay joogteeyaan
ku fiditaanka saamigooda ee qaybta
suuqan. Koboca tartamayaasha ee
suuqa sida Ustaraaliya taas oo si
xoogan u luminaysa saamiga suuqa
Wadamada Gacanka Carabta waxa
ay muujinaysaa in ascaarta saraysa /
aad u cayilnaanta xoolaha inta badan
ma doorbidaan isticmaalayaashu.
Isticmaalayaal badan oo ah kuwa uu
dakhligoodu dhexdhexaadka yahay
waxa ay doorbidaan xoolaha
Somaliland kuwaas oo xajmi ahaan
yar yar/ qiimuhuna hooseeyo (tusaale,
in ka yar 30kg). Sidaas darteed,
maalgeliye kasta oo Soomali ah
baadhayana fursado maalgelineed waa
inuu dammaanad qaataa suuqa
qaybtan muhiimka ah oo ay qabsan
karaan Somaliland. Xaqiiqo ahaan,
badhtama 2013, markii ay Suuriya
bilawday in ay mar labaad u soo
dhoofiso Wadamada Gacanka
Carabta, waxa ay toos ula tartamayeen
adhiga Suudaanta iyo Ustaraaliyaanka,
laakiin dalabkii Somalidu hoos umuu
dhicin iyo sicirkii adhiga
Somalilandba waxa ay ina siinaysaa
tani tilmaan cad oo ah inta badan
adhiga la dhoofiyay ee Somaliland
uu haysto suuq sooc ah oo uu keli ku
yahay dadka iibsadayaasha ah.
3 | Waaxda Xoolaha

46

2. Si kastaba ha ahaatee, fursado


maalgelineed oo waawayn oo ah
nafaqaynta dhammaystirka/
beeraha naaxinta iyo soo saarka
cawska ee jira inay ku tartamaan
suuqyada dhammaadka: Suuqyada
dhammaadka waxa ay daraasadi si
cad u tilmaamaysaa fursado ah qaybta
xoolaha Somaliland in ay aad u
maalgeliyaan
naaxinta/
dhammaystirka si ay u qabsadaan
qayb aad u qiimo wayn oo ah
isticmaalayaasha Bariga Dhexe ee ay
hadda haysataan Suuriya iyo Suudaan.
U dhawaanshaheeda Bariga Dhexe,
saamigeedu waa xidhiidh iyo ganacsi,
iyo astaan aad loo yaqaano (tusaale
ahaan, Berberaawi adhiga Somaliland
ee madaxa madow), adhiga Somalidu
waxa uu haystaa fursad uu ku qabsan
karo qaybo waawayn oo suuqa ah.
Maalgeliyayaashu waa in ay baadhaan
fursado maalgelineed oo kala duwan
oo ah nafaqaynta iyo cawska si loo
ilaaliyo caafimaadka xoolaha ee
sannadka oo dhan. Adhiga Somaliland
ee la geeyo Sucuudiga, tusaale ahaan,
waxa lagu haynayaa beeraha naaxinta
muddo ilaa laba toddobaad ah,
waxaana lagu celinayaa suuqii
maxaliga ahaa laftiisa, caadi ahan
waxa lagu iibiyaa $ 100 - $130 dollar
in ka badan qiimihii hore iibka. In ka
mid ah ama dhammaan qiimahan lagu
kordhiyay waxa lagu samayn karaa
beeraha naaxinta ee Soomaliland iyo
daneeyayaasha ku xidhan wadadan
dhoofineed.
Marka lagu daro, daraasad ayaa
tilmaamaysa in doorbidida

47

isticmaalayaasha Bariga Dhexe


doorbidoodu in ay tahay kuwa u
sareeyaa ay ku doorbidaan
dhammaystirka xoolaha - cilmi
baadhis ayaa waxa ay tilmaamaysaa
inta u badan iibsadayaasha u danbeeya
in ay doortaan neefka goobta xoolo
naaxinta lagu xanaaneeyay xaalad
caafimad darteed intuu ahaan lahaa
mid reer guuraa ka yimid. Xoolaha
lagu naaxiyay beeraha muuqaal ahaan
way ka fiican yihiin, miisaan ahaana
way ka waaweyn yihiin markay dada
yar jiraan socsocod laaanta darteed,
waanu ka biyo badan yahay, hilib
ahaana way ka daryeelan yihiin. Waa
muhiim in la ogaadaa in fursadaha
jira ee naaxinta xoolaha, waaxda
xoolaha Somaliland waa in aanay
luminin muhumida uu leeyahay
xoolaha xajmi ahaan yar waxa jira
dad badan oo danaynaya kuwa
dalkhligoodu hooseeyo ama
dhexdhexaadka ah ee isticmaaaa
Bariga Dhexe.
3. Waxa jirta baahi loo qabo in loo
kala duwo suuqyo cusub: ku
tiirsanaanta xoolaha Somaliland loo
dhoofiyo wadamo xadidan (inta
badana xoolaha la geeyo Sacuudi
Carabiya) waxa ay ku keentay
saamayn aad u daran markii
cunaqabatayn badan lagu soo rogay
muddo 10 sanno ah. Ganacsatada
Somaliland sidaas darteed waa inay
soo daah furaan suuqyo kale oo loo
dhoofiyo si loo yareeyo ku
xidhnaanshaha meelo kooban oo
qadiimi ah. Jiritaanka suuqyo dihin
iyo ka faaiidaysi laaanta suuqyada
Carabta sida Masar, ama Maleesiya

iyo Turkiga waa mid u baahan in wax


laga qabto iyagoo waddamadaasi ay
bixinayaan suuqyo waawayn oo
xoolaha iyo hilibka xalaasha ah.
Sidoo kale, aad ugu tiirsanaanta
saddex bilood oo keliya in la dhoofiyo
( ku dhawaad 70% dhoofka waxa la
iibiyaa inta lagu jiro Ramadaan iyo
moosinka Xajka) taas oo ka dhigaysa
in ay xoola dhaqatadu la kulanto
xaalad ah qulqul lacageed oo dheeli
tirnayn, sidaas oo uu yahay iibka
xooluhu isha dakhli ee ugu wayn
qoyska. Waxa loo baahan yahay in la
soo helo suuqyo kale oo ka baxsan
ka moosinka Xajka si ay xoola
dhaqatadu u helaan fursado dakhli
sannadka oo dhan.
4. Sare u qaadida iyo maraakiib
tartan geli kara waxa ay keenaysaa
fursado maalgelineed. Hadda waxa
jira cidhiidhi ah maraakiib ku haboon
oo loo qaabeeyay xoolaha dhoofka
ah ee ka tagaaya Somaliland. Xoolo
dhoofiyayaasha Somaliland waxa ay
isticmaalaan doonyo taas oo aan loo
qaabaynin sabbaynta badaha sare
dhammaan xiliyada qaar oo ay
gaadiid u ahaato xoolaha tegaya
Gacanka Carabta. Intaa waxa dheer,
ganacstadu waxa ay xoolaha ku
hayaan muddo dheer dekeda marka
aanu gaadiid jirin. Waxa ay ku hayaan
goob, quudin, biyo iyo shaqaale oo
laga qaadayo kharash maalinle ah(
tusaale ahaan, $ 1 dollar neefkiiba
taasina waxa ay burburinaysaa
faaiidadii toddobaad gudihii). Awood
laaanta awgeedd, doonyaha gaadiid
u noqda xoolaha oo lagu gaadhsiiyo

Salalah bilaha xagaaga waxa ay


abuurtay jawi aan la isku halayn
karayn iyo joogtayn laaan xoolaha
laga qaadaayo Somaliland ee la
gaynaayo Cumaan.
Maal gelin wayn oo lagu sameeyo
maraakiibtu waxa ay keenaysaa
faaiido wayn oo dihin iyo badbaado
saraysa oo ah socodka xoolaha
Somaliland ee dhammayska tiran.
Tusaale ahaan, maalgelinta $ 1 milyan
oo gaadiidka xoolaha waxa uu soo
saarayaa faaiido dhan 3 milyan oo
doolar sannad gudihii.
Ganacsatada xoolaha ee Somaliland
hadda ma awoodaan in ay la
saxeexdaan heshiisyo shirkadaha
waawayn ee Cumaan ama xafiisyada
dawlada maxaa yeelay waxaan jirin
gaadiid maraakiib ah oo xiliyadda oo
dhan shaqeeya. Intaa waxa dheer, in
aad loo habeeyo hawlaha maraakiibta
hubisa in ay u qaado xoolo isku daah
isku meel iyo in ay waafaqdo
baahiyaha iibsadaha ee suuqa Bariga
Dhexe waxa ay xoojinaysaa xidhiidh
ganacsi oo la isku halayn karo.
5. D
ihnaanta dhoofinta hilib daray ah
oo la barafeeyay. Somaliland waxa
ay dhoofin kartaa hilib daray ah oo
la talaagadeeyay oo lagayn karo
Wadamada Gacanka Carabta waxaanu
siinayaa ganacsatada in ay samaystaan
kawaano leh halbeegyo iyo qaabab
caalami ah. Diyaarada ka duusha
Berbera ilaa Salalah, Cumaan, tusaale
ahaan waxa ay ku gaadhaysaa 2
saacaadood in ka yar taa macnaheeduna
waa xoolihii la qalay aroornimada
3 | Waaxda Xoolaha

48

hore Berbera dhexdeeda waxa uu


gaadhayaa Salalah inta aan la furin
Supermaarkedyada iyo Booshariyada
isla maalin isku mid ah.
6. In laga faaiidaysto dookha dadka
ee u janjeedha waxyaabaha
dabiiciga ah, ahna mid si xor ah u
daaqay. Hilibka Somaliland soo
saaraan waa mid dabiici ah (organic),
laakiin weligii sidaa laguma iib
gaynin. Intaa waxa dheer,
waafaqsanaanta caalamka u jeestay
waxyaabaha dabiiciga ah, ee sida
xorta ah u daaqay, xoolaha dabiiciga
ah waa qayb aad u koraysa oo ah
suuqa u danbeeya ee Dawladaha
Gacanka. Si kastaba ha ahaatee, in la
galo suuqan haboon, waxaa loo
baahan yahay gacan saddexaad oo
xaqiijisa daa, meesha laga keenay,
xaaladaha dabiiciga ah, inuu daaqay
waxyaabo dabiici ah, , in loola
dhaqmay qaab daryeel leh iyo in la
hubiyo in aanay ahayn qaar hormoono
ahaan loo farsameeyay. Arimahaasi
waxay taageerayaan suuqan koraya.
7. Waxa jirta baahi loo qabo in
dhoofiyayaasha xoolaha la yeeshaan
xidhiidh xoogan oo toos ah
iibsadayaasha Bariga Dhexe ee aan
ahayn kuwa taqliidiga ahaa ee
Dekeda: Qaababka taqliidiga ah ee
jumladlayaasha iyo suuqyada
tafaariiqdu waa qaybo muhiim ah oo
ah silsilada suuqa ee ah beerta ilaa
isticmaalaha. Si kastaba ha ahaatee,
horumarka casriga ah ee dejinta suuqa
cuntada ee isku xidhan waa suuq
dhammaad muhiim ah oo u baahan in
ganacsatada Somaliland ee Xooluhu

49

awood xoogan u jeeshaan in ay galaan


suuqan sida ay dhigayaan qoddobadan
hoos lagu iftiimiyay:
In ay ku fidaan Dukaanada
Waawayn: Dukaanada waawayn ee
ku yaala Bariga Dhexe waa qayb
koraysa oo ka mid ah suuqa iyagoo
bixinaaya noocyo badan oo ah hilib
la barafeeyay iyo mid daray ah.
waxaana si aad ah ugu soo
noqnoqda bulshada dakhli ahaan
fiican iyo sidoo kale in yar oo
ladan, dadka Carabta ah ee
maxaliga ah waxa ay ku fidayaan
in ay xidhiidh la samaystaan dadka
Somaliland ee xoolaha dhoofiya
waana fursad ah suuq dhammaad
koraya.
Hudheelo Cunto: Suuqani waxa uu
ka kooban yahay makhaayado
bixiya cuntooyin kala duwan dadka
ka shaqeeya wershadaha kuwaas
oo u baahan hilib la fadhiisiyay oo
jaban, digaag iyo lo.
Hudheelada waawayn iyo silsilada
madcamyada: Ganacsigani gaar
ahaan qaybta dalxiiska,waxa ay
isticmaalaan hilib tayo leh, inta
badan isaga oo ah qaab la
barafeeyay oo la fadhiisiyay.
Goobaha cuntooyinka Degdega ah:
Waxa jira suuq aad u koraya oo ah
cuntada degdeg ah ee Bariga Dhexe
kuwaas oo ka dalbanaya wershadaha
hilib.
8. Fursadaha ganacsi ee taakulaynaaya
adeega heer kasta oo ah qiimaha
silsilada. Dhammaan suuqyadu waxa
ay u janjeedhaan in dalabka xoolaha
Somaliland uu korayo. Marka la eego
kaaba-yaasha hadda jira ee kooban

ee qaybtan, waxa jira fursado


waawayn oo ah kuwa bixiya adeega
heer kasta oo ah silsilada. Kuwan
waxa ka mid ah kuman koobna intan
oo keliya:
Adeega bangiyada
Adeega xannaanada xoolaha
A d e e g a m a r a a k i i b t a i y o
diyaaradaha
Caymiska
Nafaqaynta
Gaadiidka
Maxjarka
Kawaanada
Hargaha
Wax-soosaarka caanaha
Adeega qaboojinta/kaydinta

3 | Waaxda Xoolaha

50

DARAASAD
#1: Dabiici, Ganacsi Xor ahDaaqsinSomaliland

Cabdirisaaq Nuur waxa uu ku arkay mushkilad aasaasi ah xoolaha Somaliland:


waa Astaanta waxa aad dhadhamin kartaa hilibka xoolaha Somaliland. Waa daray,
waxa uu daaqay caws, waa dabiici, sharaxaad ayuu bixiyay. Laakiin ilaa hadda,
ma jiro Soomaali astaan uga dhigay in hilibka xoolahoodu yahay dabiici uu daaqay
six or ah.
Nolosha Somaliland waxa ay ku bilaabantay xoolo dhaqato reer guura ah kuwaas
oo ka iibiya xoolaha ganacsato u rarata dibada. Ganacsatadu waxa ay aqbalaan qiimo
hoose, mar haddii uu xoolaha Somaliland uu miisaankoodu yar yahay marka loo eego
kuwa heerka caalamiga ah. kuwo badan oo soo dhoofsadaa dib ayay u naaxiyaan
markaas ayay haddana dib uga iibiyaan wadankooda sicir sare.
Beerta Xoolaha ee Anaam waa tii ugu horaysay noocan Soomaaliland gudaheeda.
Meel kale iskumay dayin in ay casriyeeyaan ganacsiga xoolaha iyagoo isku daraya
naaxin, caafimaadk xoolaha, iyo in ay u qaybiyaan meelo isku mid ah. dalabka suuq
dhamaadka uu ku doonaayo xoolo si fiican loo dhamaystiray waxa uu dhiiri geliyay
abuurista nafaqeeyayaal si loo gaadho baahindan.
Dadka Somaliland, iyagoo la shaqaysanaaya Maleesiyaanka dhoofsada hilibka, waxa
ay ka dhisayaan Burco maxjar/feedlot ku kacaya $ 2.5 Milyan

#2: Horumar Camel Dairy Farm

waxa ay la kulantay suuq maxali ah oo casriyaysan kaas oo kor u qaadayaa faydhowrka


Qarniyaal, caanaha geelu waxa ay kaga jireen qayb muhiim ah cuntada Soomali
kasta. Xoolo dhaqataduna waxa ay aaminsan yihiin caano keliya nolol maalmeed
kooda noqon karo. Bulshada Somaliland waxa ay ku urursan tahay Hargaysa, Borama
iyo Burco, kuwa ku nool magaalooyinku waxa ay awoodaan in ay ilo kooban ka
helaan cabitaanka nafaqada leh iyadoo ay sababtu tahay helitaan laaan caano nadiif
ah. Markii uu Yuusuf Maxamed Cali Qoys uu ku soo noqday Somaliland 2007 waxa
uu iibsaday 60 neef oo geel dhaqamaad ah waxanu samaytay beera Caanaha Geela
oo ku taala Burco, waana badhtamaha Somaliland, waxaanu keenaa magaalad 20
30 litir oo caano daray ah maalin kasta waxaana ka soo gala dakhli celcelis ahaan
dhan todobaadkii $ 175.
Waxa mahad leh dalabka xoogan ee ay goobaha magaalooyinka ahi u qabaan
caanaha geela, Horumar waxa ay xaqiiqsatay caqabad ah dalabka iyo fursad ah in uu
magaalooyinka u keeni karo lagu kalsoon yahay oo joogto ah. badhtamihii 2012,
Yuusuf waxa uu maalgeliyay 200,000 dollar waxanu iibsaday ilaa 90 neef oo geel
ah soona saar 100 litir oo noqda 120$ maalin kasta. Si u u joogteeyo caano fayo
qaba leh halbeeg fiican, qayb lacagta waxa uu ku iibsaday ganaraytor, lafa gure
caanaha ah iyo qalab qaboojiyayaal ah oo ay ku jiraan talaagado solar ku shaqaynaaya
oo la qaadan karo si ay caanuhu muddo u sii ahaadaan daray. Waxa mahad leh
maalgeshigan, Horumar Camel Dairy Farm waxa ay caano daray ah gaadhsiisaa
qoysaska degan Burco oo isticmaala caano daray ah, isticmaala talaagado solar ah
oo la qaadan karo waxa ay sahlaysaa in ay caanaha ka soo ururiyaan caanaha geel
dhaqatada kuwaas oo xidhiidh toos ah ku leh Suuqa Burco.

51

#3: Beerta Cawska iyo Naaxinta ee Burco waxa lag filayaa


Koriin Wayn 2-5 Sanno ee soo socda

Qurba jooga Somaliland kaas oo ku soo noqday beertii qoyskooda si uu uga soo
saar caws iyo hawlaha naaxinta waxa uu u bilaabay in uu ka helo faaiido hal xili ka
dib. Qorshaha ganacsi ee ku tacaluqa sare u qaadida, naaxinta iyo ka ganacsiga
xoolaha wada jir ahaa isaga oo soo saaraya caws dhan 1500 acre. Beertina waxa ay
ku taalaa Beer oo Burco u jirta 30 km.
Maalgelin dhan $ 90,000 waxa ay soo saari kartaa faaiido dhan $391,000 sannadka
kowaad ( laba jeer oo bixitaan/ xili iib) , waxa laga filayaa $815,000 shaqada sannadka
labaad. Ganacsiga noocan ahi waxa uu gacan ka gaysanayaa horumarka dhaqaalha
gobolka ee ah dhoofinta iyo sidoo kale bixinta cashuurta taas oo xoojinaysa dakhliga
dawlada dhexe.
Ganacsigu sidoo kale waxa uu iibsanayaa beeralayda maxaliga ah, sidaa darteed
waxa uu xoojinaya ganacsigii maxaliga aha. Marka la eego qorshaha balaadhinta,
beertu waxa ay soo saarayaa shaqo abuuris sannadada soo socda shaqaale kuuli ah
iyo kuwo wakhti buuxa shaqeeya oo xirfad leh sida shaqaalaha maamulka (xisaabiyaha,
suuqgeeyaha, hawl wadeenka iyo iibiyaha ) kuwa tababaraaya cagafta/ kuwa kaxaynaaya
cagafta, kormeerayaasha, iyo dhakhaatiirta xoolaha ee laga soo shaqaaleeya Dugsiga
Farsamada Xoolaha ee Sheekh.

3 | Waaxda Xoolaha

52

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

Dhinacyada Dooxa Togdheer dadka deegaanka iyo qurbojooga ayaa waxay si balaadhan ugu
hawlanyihiin inay beeraan daaqa iyo cawska xoolaha si ay u taageeraan xoolo naaxinta loola
jeedo xoolaha la dhoofinayo.

4 / WAAXDA BEERAHA
Guud Mar

In ka yar 10% ayaa lagu qiyaasaa in


dhulka Somaliland uu yahay mid
munaasib ku ah Beeraha. Inkastoo aanu
ahayn mid xaddidan, inta badana xadigiisu
yar yahay, haddana waxaa jira laba xilli
roobaad oo waaweyn, kuwaas oo ah Gu
(Spring) oo ku beegan bilaha April iyo
June, iyo xilliga kale oo ah Dayr (Autumn)
oo ku beegan bilaha September iyo
October. Sidoo kale waxaa labadan xilliroobaad u dhexeeya Karan oo ku beeganta
dabayaaqada bisha July ilaa bisha
September, waxaanay tani ka dhacdaa
inta badan gobolada galbeedka.

ku baxa waxa ugu weyn Hadhuudhka,


waxaana soo raaca Galayda waxaanay
labadaniba derejada ugu horeysa ee ku
talogalkoodu yahay isticmaalka qoyska
ee beeraleyda yaryar. Beerashada
Khudradda macaan (fruits) iyo khudradda
kale cuntada (vegetables) kuwaas oo
marka la eego aan sidaas u badnayn , ayaa
badanaa loo beertaa ganacsi ahaan,
waxaana khudaarta ganacsiga loo beerto
ugu horeeya Tamaandhada, Saladhka,
Basasha, Xabxabka, Basbaaska, Kaabajka,
liin macaanta, liin dhanaanta iyo cambe
babayga. Beeraha ku baxa xilli-roobaadka
ayaa qiyaas ahaan noqonaya 90%, halka
beeraha ku baxa biyaha waraabka lagu
qiyaaso inay 10% ka yihiin guud ahaan
dhul-beeraadka, kuwaas oo taageera in
ku dhow 4,000 oo qoys oo beeraley ah.
Waaxda dhaqaale ee Beeraha waxaa ku
xoog badan beeraleyda haysata dhulbeereedka yaryar oo qiyaas ahaan
beerahoodu lagu qiyaaso inay yihiin 2
ilaa 30 Higtar dhul ah. Celcelis ahaan
waxay qiyaasta beeraha yaryari noqdaan
ilaa 4 higtar. Xilliga roob laaantu jrto ,
ayay beeraha waraabku helaan faaiido
wanaagsan, sababtoo ah wakhtigan
suuqyada ma yimadaan khudaar badani
suuqa khudaarta lagu kabaa khudaar laga
soo waariddo wadamada jaarka ah ee ay
ka midka yihiin Itoobiya iyo Somalia.
Sannadihii u dambeeyay beerashada
Xabxabku waxay noqotay midmuhiim u
ah oo ay beeraleydu dakhli farabadan ka
hesho. Wakhtigan xaadirka ah Xabxabku
waa khudradda macaan ee keliya ee si
hagaaasan loogu dhoofiyo dalka Djibouti.

Beer-qodoshadu Somaliland waa mid inta


badan dabeecad ahaan qoys beerasho ah.
Midhaha ugu badan ee biyo roobaadka

Marka la eego Somaliland, waxaa jira


arrimo dhawra oo door ka ciyaara waxsoo-saarka beeraha, kuwaas oo hoos ku

ISaraca Beeraha ayaa lagu qiyaasaa inuu


8% ilaa 15% inta u dhaxaysa ka yahay
wax-soo-saarka Somaliland, halka waxsoo-saarka iyo dhoofka xoolaha nooli ay
yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo tan
ugu badan ee laga helo lacagta adag.
Sidaas darteed iyadoo eegaysa ahmiyadda
weyn ee ay Xoolaha nool u leeyihiin
dalka, waxay xukuumadda Somaliland
ula dhaqantaa inay tahay qayb gooni ah,
isla markaana waxay iyadoo xoolaha nool
iyo dhoofintoodu ay yihiin laf-dhabarta
dhaqaalaha waddanka iyo meesha ugu
badan ee aynu lacagta qalaad ka helno.
Muhiimada ay dalka u leeyihiin xooluhu
ayaa keentay in dawlada Somaliland ay
u samayso Wasaarad u gaar ah xoolaha.
Haddaba waaxdani Hagaha Maalgashigu
waxa ay sharxaysaa keliya wax-soosaarka Beeraha iyo qaybaha xidhiidhka
la leh Beeraleyda Somaliland.

55

Baahida loo qabo waxyaalaha la beero ee ka mid yihiin xabuubka, midhaha


iyo khudaarta ayaa la filayaa inay u koraan si balaadhan taas oo ay sabab
u tahay tirada oo soo badanaysa iyo heerka nolosha oo soo fiicnaanaysa.

tilmaaman:
1. Soo-Saarayaal (Beeraley)
Soo saareyaasha cuntada aasaasiga
ah
Soo saareyaasha Khudradda kala
duwan
2. Agabaynta iyo adeeg bixin
siidhadhka,
I i b i y e y a a s h a
bacarimiyayaasha,
kuwa
cayayaanka lagu dilo agabka, iyo
qalabka mishiinada
Cagaf-cagafyada iyo mishiinada
kuwa kireeya
Makiinadaha wax lagu ridqo
3. Adeega Suuq-geynta kuwa fidiya
Suuqa Midhaha kuwa ku iibiya
Suuqa Khudaarta kuwa ku iibiya
4. Hayaadka
Wasaaradda Beeraha
Dawladaha Hoose
Rugta Ganacsiga
Ururada maxaliga ah iyo kuwa
caalamiga ah
Akaademiyada iyo xarumaha cilmibaadhista
Ururada taageerada latashiga
dhinaca farsamada
Iskaashatooyinka iyo ururada
beeraleyda.

DOORKA WASAARADDA
BEERAHA
Wakhti-xaadirkan Wasaaradda Beeraha
awoodeeda ay Beeraleyda si firfircoon
ugu hagi karto adeegyadoodu ama ay ugu
tiirsanaan karaan waa mid xadidan,
waxaana inta badan doorka gacan-siinta
beeraleyda haya NGO-yada maxaliga ah
iyo kuwa caalamiga ah iyo hayadaha
horumarinta.

Hase yeeshee, wasaaradu waa mid ay


taageero iyo iskaashiba ka helaan
dhinacyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa
dawliga ah ee ka shaqeeya Beeraha.
Waxaana loo xilsaaray inay samayso isla
markaana horumariso siyaasadda waaxda
Beeraha, shuruucda iyo xeerarka, si hore
loogu mariyo wax-soo-saarka Beeraha.
Tusaale ahaan sannadkii 2013, waxay
qabyo-qoraal ku samaysay siyaasadda
tijaabada Siidhka iyo Shahaada-siintooda,
isla markaana waxay heshiis qalinka kula
duugtay Jaamacadda Camuud, gaar ahaan
Kuliyadda Beeraha oo loo aqoonsaday
inay noqoto xarun cilmi-baadhiseed oo
lagu derso midho-beereedka Somaliland.
Waxaad deraasad arrintan ku saabsan ka
eegtaa geba-gebada cutubkan.

MULKIYADDA IYO
LAHAANSHAHA DHULKA
Dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa
in gebi ahaanba dhulka ay iska leeyihiin
dadka reer Somaliland. Hase yeeshee, tan
iyo markii uu burburay Qarankii
Soomaaliyeed, dhulka waxaa kala
qaybsaday dad kala duwan, iyadoo ay
hada dhul baaxadiisu weyn tahay ay
lahaanshihiisa sheegtaan shakhsiyaad.
Marka laga tago caqabadaha uu keenay
jiritaan laaanta sharci fiican oo la
xidhiidha lahaanshaha dhulku, waxaa
xaalada sii xumayn kara korodhka tirada
dadka iyo isbedelka nidaamjuqraafiyeedka. Xukuumaddu waxay isku
dayeysay inay horumariso siyaasadda si
ay gacan uga geysato lahaanshaha dhulka.
Wasaaradda Beeruhu waxay dhiirigelisay
siyaasadda diiwaangelinta dhulka, oo ku
4| Waaxda Beeraha

56

salaysan khariiradaynta iyo samaysashada


mulkiyadeed, iyadoo ku dhiirigelisay
shakhsiyaad Beeraley iyo mulkiilayaal
dhuleed ahiba inay samaystaan waraaqda
mulkiyada. Gebi ahaanba wax horumar
ah lagama samayn dhinaca cashuurta
waaxda beeraha ee dhulka ku waajibtay.
Xukuumaddu wax kharash ah kama qaado
dadka dhulka leh, taasina waa ta keentay
in shakhsiyaad sheegtaan dhul aad u
ballaan oo dhul ah oo aanay waxba ka
beerin. Inta badan muranada dhinaca
dhulka beeraha ah waxaa lagu dhameeyaa
garnaq ijtimaaci ah oo loo maro habdhaqan ama mid diini ah.
Waxa laga yaabaa in werwerka sii
kordhaya ee xukuumadda ee ka imanaya
baahida loo qabo in la xaliyo arrimaha
ku saabsan Mulkiyadda dhulka, ay dhab
ahaan ka imanayso sii korodhka dadka
ka soo faro-baxaya noloshii xoolodhaqatada, taas oo ay macquul tahay inay
u soo wareegaan inay samaystaan beeroroobaad, iyadoo sababaha ugu weyn ee
ay uga doorbidayaan wax-soo-saarka
xoolaha ay ka mid yihiin:
Si aad uga dhakhso badan xoolo
dhaqashada , ayaa beeraha looga
soo kaban karaa kadib marka ay
dhacdo Abaaro daba-dheeraadaa.
Waxay saamaxaysaa inay ku
noolaadaan dad ka badan inta
xoolo-dhaqatada ku noolaan karaan.
Nolosheedu waa mid ka rafaad iyo
dhibaato yar ta xoolo-dhaqatada.
Midhuhu waa kuwo ka fursad badan
oo suurta-gal ay tahay in aad si
degdeg ah iib ugu hesho si aad ugu
soo iibsan karto adeegyada guriga.

57

CAQABADAHA
Heerka aadka u hooseeya Xadiga
maalgelinta ee kaabayaasha
aasaaska iyo tiknoolajiyada ku
haboon ee beeraleyda..
Sahamin laaanta dhulka ee lagu
ogaan lahaa buqcad walba saraca
ku haboon in laga beero ka dib
marka daraasadayn lagu sameeyo
ciidda iyo jewiga.
Intii badnayd agabkii beeraha ee ay
ka midka yihiin kaabayaashii iyo
qalabkii beer-biyoodka oo ku
burburay xilliyadii dagaaladii
sokeeye oo aan dib u hagaajin lagu
samayn.
Beeraleyda oo aan lahayn xirfadihii
aasaasiga, waxaana jira khasaare
midheed oo ay u keenaan xanuuno
iyo cayayaanku.
nidaamkii
M a q n a a n s h a h a
macluumaadka suuqyada beeraha.
Aqoon laaanta dhulka miyiga taal
ee adeegyada maaliyadda ee la
xidhiidha dakhliga iyo qalabka la
gelinayo beeraha.
Iyadoo aanay jirin kobcin tayeed
iyo horumarin agabeed si kor loogu
qaado wax-soo-saarka beeraha.
Macluumaad kooban oo laga hayo
noocyada saraca ku haboon ciidda
iyo duruufaha jawi ee kala duwan.
Mashaariicda beer-biyoodka dhulka
miyiga si kor loogu soo qaado waxsoo-saarka midhaha oo ah mid
liidata.
Kordhinta iyo baahinta wax-soosaareed waxaa adkeeyay iyadoo
aanay jirin meelo lagu keydsho
(gaar ahaan dhulka miyiga ah) iyo
waddo-xumo jirta.

Caqabadahan waxay fursad u yihiin


Maalgashadayaasha danaynaya Waxsoo-saarka beeraha.

BAAHIDA SUUQA IYO


TIXRAACOODA
Walow ay Beeraleydu hesho ascaarta
suuqyada, haddana waxay faro-madhnaan
ka joogaan inay helaan macluumaadka
kale ee suuqa. Khariiradaha isticmaalka
dhulka ee Somaliland ee faahfaahinaysa
ama lagu lafa-gurayo goobaha beeraha
ee ku fiican in laga beero midhaha
qaarkood, ayaan iyagu ahayn kuwo si
joogto ah loo cusboonaysiiyo, xataa
deraasaadka xadidan ee ilaa wakhtigan
la sameeyay lama gaadhsiin mujtamaca
Beeraleyda. Ma jirto xarun keyd oo lagu
ururiyo macluumaadka suuqa Beeraleyda
sida xadiga sannadlaha ah ee midhihii
soo goay, inta loo baahan yahay,
isbedelka cimilada, xanuunada iyo iibkii
midhaha ee sannadkii kaas ka horeeyay,
kuwaas oo ay beeraleydu u isticmaali
karaan hawshooda beerista, goaanqaadashada ama qorshe dhexdhexaad ah
oo ay ku maalgashadaan noocyo cusub.
Iyadoo ay tani jirto, ayaa haddana baahida
loo qabo wax-soo-saarka beeraha ee ay
ka midka yihiin hadhuudhka, khudaarta
iyo xawaashka la filayaa inay si joogto
ah u sii kordho, marka loo eego tirada
dadka ee maalinba maalinta ka dambaysa
sii kordhaysa iyo horumarka dhinaca
nolosha caadiga oo kor u sii socota.
Tusaale ahaan, waxaa lagu qiyaasa in
Itoobiya oo keliya, ay Somaliland
sannadkii ka soo waaridato inta u
dhaxaysa 61,000 ilaa 95,000 oo tan oo
khudaar ah.

Maadaama oo aanay deegaanada Miyiga


ahi helin adeegyo ku filan oo la xidhiidha
tilmaamida beeraleyda iyo dad u fidiya
taageero la xidhiidha hawlaha ganacsiga,
waxay keentay in Beeraleydu noqdaan
kuwo fahan yar oo xadidan ka haysta
aqoonta aasaasiga u ah shaqada Beerfalashada, taas oo keenta in Beeraleydu
beerato nooc la mid ah ta beerta jaarka
la ah laga beeray, isla markaana uu wakhti
isku mid ah ka iibiyo isla ganacsade
keliya. Isagoo wax yar ka fahamsan
natiijada ka iman karta korodhka
badeecado ama midho isku wada mid ah
oo suuqa iskugu yimaadaa ay keenayso
hoos u dhac ku yimaada qiimaha lagaga
iibsanayo midhihii tacabka badan uu u
soo galay. Sidoo kale fahan yarida ka
haysata ogaanshiyaha wakhtiyada suuqa
ay badeecadiisu qiimo wanaagsan fursad
ugu yeelanayso, suuq-gelinta iyo keydinta
ka dib marka beertu u soo godo, iyo suuq
u qaybinteeda iyo u raadinta suuqyo
cusub.
Damcadda iyo dookhu waa kuwo door
muhiim ah ku leh, isla markaana xarumaha
dadka badan ku noolyihiina waxaa
muuqatay in ay si aad ah uga fogaadeen
isticmaalka cuntooyinkii dhaqanka ahaa.
Si gaar ah weliba, Khudradda macaan
(Fruits) iyo Xawaashka ama khudradda
kale (Vegetables) waxay noqdeen
aasaasiyaad muhiim u ah cuntada rasmiga
ah (inta badan khudradda macaan sida
Muuska iyo cambaha iwm) ee lagu
isticmaalo Somaliland waxay ka timaadaa
Somalia, halka in ka badan kala badh
xawaashka iyo khudaarta kale (vegetables)
ay ka timaado dalka Itoobiya). Sababtuna
waxay tahay in dad badan ay Somaliland
kaga soo laabteen dhinaca qurbaha , halka
4| Waaxda Beeraha

58

qaar badan oo kalena iskaga soo digarogteen miyiga oo ay soo degeen


magaalooyinka. Baahida Suuqyada ka
jirtaa waa mid aad u saraysa, gaar ahaan
khudradda iyo xawaashka

Xadiga Roobabka iyo nooca roobka


Wakhti xaadirkan, waxaa Somaliland ka

59

jira qalab ururiya biyaha roobka oo


kooban iyo qalab kaydiya biyaha oo ay
isticmaalaan beeraleyda Somaliland,
sidaas darteed goobaha wax laga beeraa
waxay sannadkii wax-soo-saar sameeyaan
mar ama laba jeer. Khariiradan hoos ku
taalaa waxay tafaasiil kaa siinaysaa
roobabka ka daa Somaliland:

Frankincense has been harvested in the eastern parts of Somaliland for


hundreds of years. There is ample opportunity to expand processing
capacity to meet local and export market demand.

FURSADAHA
MAALGELIYEYAASHA EE
WAAXDA BEERAHA
Waxaynu xaga hore ku soo taxnay
dhibaatooyin farabadan oo la xidhiidha
Waaxda Beeraha. Balse xalinta
dhibaatooyinkan faraha badani waa
fursadaha ugu jira maalgeliyeyaasha.
Baahida Maxaliga ah waxaa dabooli kara
korodh maalgelineed oo Beeraleydu
helaan; sidoo kale suuqyo gobolka looga
helo sida Djibouti iyo Itoobiya, iyaguna
waxay bixinayaan fursado kale. Waxa
muhiim ah inaynu xusno in haddii la helo
tiknoolajiyad ku munaasib ah iyo
maalgelin ku filan, in wax beerista
Somaliland ay faaiido sareysa u soo celin
doonto maalgeliyeyaasha. Waxa aan loo
baahnayn in la sheego in dhulkeenu uu
dihin yahay wax kasta oo laga beeraana
uu yahay mid dabiici ah (organic)
waxaana halkan lagu soo koobay
fursadaha ka bannaan waaxdan Beeraha:

Beer-falashada:
Abaaraha iyo aafooyinka daadadka
ee ku habsadda dhulka laga beero
cuntooyinka aasaasiga ah
Shuraako lala galo beeraleyda
maxaliga ah
Kiraysashada dhul beereed oo
lala kaashado Xukuumadda
Somaliland
Beero-biyoodka ay ka soo baxaan
khudaarta iyo Xawaashku
Fursado ku jira buuxinta ama
xalinta kuwo dibadda laga soo
qaato iyo baahi badan u ka jirta
in loo dhoofiyo suuqyada
gobolka.
Baahi loo qabo khudrad iyo

xawaash daray ah ayaa in


dhowaalaba si xoog ah uga soo
kordhaysa magaalooyinka
waaweyn ee Somaliland.
Beerista Ubaxyada si loogu
dhoofiyo Yurub iyo Bariga Dhexe
Itoobiya waxay lacag xadigeedu
badan yahay oo lacagta adag ahi
ka soo gashaa dhoofinta ubaxa
(flowers) walow dhulkeedu
aanu ahayn mid ku haboon.
Waxay fursad weyni uga
bannaan tahay Maalgeliyeyaasha
inay Somaliland ka unkaan
beeraha nooca loo yaqaan guriga
cagaaran (Green house).

Keenista Agabka Beeraha

Iibinta, iibsashada iyo haynta


mishiinada beeraha iyo abuurista
Baananka qalabka Beeraha oo u
fidiya
beeraleyda
iyo
maalgeliyeyaasha mustaqbalka
adeegyada kireynta agabka iyo
qalabka beeraha.
Iibinta waxyaabaha ku tacaluqa
beeraha, sida siidhka, nafaqada
ciidda, sunta cayayaanka, bamamka
biyaha, beebabka waraabka, agabka
iyo qalabka.

Adeegyada Toosinta Beeraha

La-talinta nidaamka wax-soosaarka


Adeegyada Toosinta ee goobaha
iyo beeraha
Tababarada

Diyaarinta wax-soo-saarka beeraha


Midho Goosashada/Keydinta iyo
ridqidda cuntada midhaha ah
Waaxyaha shiidista Saliidda
Habaynta khudaarta nooc kasta

4| Waaxda Beeraha

60

DARAASAD
#1: Bustaan Khudradeed Ku Taal Tuulada Annayo, Ee
Waqooyiga Hargeysa
DUL-MARKA MASHRUUCA
Waa kii ugu horeeyey Somaliland dhexdeedda BUSTAAN-GURIYEEDKAN oo leh
Ganbisooyin dhaadheer ee lagu Maalgelyo khudaarta cagaaran iyo GEEDMIDHOODKA. Waxa aad ugu habboon in uu soo saaro khudaarta xilligga kalago;a
ee uu qiimaheeddu sareeyo sida TAMAANDHADA (Yaanyada). Bustaan Guriyeedka
waxa lagu abuurayaa Tamaandho, waxaanu leeyahay ganbisyo dhaadheer oo
cabbirkoodu yahay 30m (dhererka), 8 mitir (ballaca) iyo 4 mitir oo ah joogga.
Bustaanku waxa uu ku dhisan yahay farsamadda WARAABKA TIIXTIIXA, waxanu
wax-soo saar-kiisu soo goayaa 2 xilli Sannadkiiba.
Khudradda

Tiradda
Geedaha

Xaddigga waxsoo-saarka

Wadarta Wax-soosaarka

Xili 1aad:
(Tamaandho)

1,200

10 kilo

12,000 kiilo

Xilli 2aad:
(Tammaandho)

1,200

10 kilogram

12,000 kiilo

Wadarta Wax
soo saarka
Sannadka

24,000 kgm

Iibka=1,2OO Geed X 2O Kiilo X 0.5 $/Kg*= $12,000


*Qiimahaha Seyladdu Kiiloogiiba caadiyan wuxu u dhexeeyaa $0.5 - $1.

Qiimaha Wax-Soo-Saarka
Abbuurka, Bacrimminta, Dullin-dillayaasha, Summaha Cayayaanka

$300

Biyaha

$200

Qalabka

$250

shaqaale

$1,800

Kharashka Tooska Ah

$2,550

Macaashka Guud

$9,450

Ku Talogalka qiima dhaca oo ay ku jirto qasabadaha waraabku


($8100) 3sanno

$2,700

Macaashka Saafigga Ah

$6,750

Bustaan-Guriyeedka waxa lagu dhidbey dhul Carro Tayo wanaagsan leh. Hal shaqaale
joogto ah iyo labo Maansuuri ah ayey shaqadani u baahantahay. Kani waa Mashruuc
Tijaabo ah oo leh helitaanka dhul kooban.Isku-celcelin Beerta Somaliland waxa ay
qaadi kartaa 10 GURI-BUSTAAN. Hase ahaatee, Kordhinta Raasamaalka Maalgelintu
waxa ay kordhin kartaa Maamulka , Dayactirka iyo Shaqaalaha ayadoo kordhin karta
dhaqaalaha laga Filan karo.

61

WARBIXIN MAALIYEEDKA
Wadarta Iibka Sannadkii $ 12,000.

Qiyaasta faaiidada guud = $9,450 / $12,000 = 79%

Qiyaasta faaiidada Saafiga ah = $6,750 / $12,000 = 56%


ASTEYNTA MASHRUUCA
Bustaankan haddoodilan oo leh ganbisooyin dhaadheeri waxa uu ku qaabaysan yahay
hal Unnug Mahruuc oo Tijaabo ah Xilligga Kala-goa khudaarta beeritaankeeda .
Hadda oo ahna xilliggii kal goa waxa ku beeran tammaandho, bustaanku waxa uu
ku yaalaa ANNAYO, WAQOOYIGA HARGEYSA. Awoodda wax-soo-saarka
bustaanku sannaddkii waxay noqoneysaa 24,000 kilograam. Baahi weyn baa jirta oo
loo qabo Tammaandho Seyladda Guddaha. Adeegsiga isku-taallaalka shinnidu waxa
uu keeni karaa wax-soo-saar sareeya, kaa soo keeni kara in uu hoos u dhigo kharashka
unnugga in la beero khudaar Tayo Wanaagsan leh xilligga kala goa,waxayna
goosaneysaa qiimo wanaagsan ayaddoo si joogto ahna u quudineysa seyladdada
Midhaha.Waxa qiimo sare la heli kara marka la soo saaro khudaar sax ah, wakhti sax
ah oo leh tayo waqnaagsan. Maalgelinta Farsamadani waxay hoos u dhigeysaa
Fursadaha SARAC BAA.
FURSADAHA SEYLAD GEYNTA
Dadka Hargeysa ku nool oo sii kordhaya waxa lagu qiyaasaa 500,000 - 1,200,000.
oo qof iyo cimmilada dalka oo ku habboon beeritaanka khudaarta Bustaanka
HADOODILAN, iyo jiritaanka baahida weyn ee loo qabo khudaarta sannadkii oo
dhan iyo ayaddoo qiimuhu sareeyo bilowga iyo dhammaadka xilligaas, haddii loo
adeegsado Farsamooyinka casriga ah in lagu beero Xilligga Kala-goa khudaarta,
waxana lagu helayaa qiimo sare oo leh qiyaas Macaash sare leh.
QORSHAHA GANACSIGA
Farsamaddan Isbixineysa ee Casriga ah ee beeritaanka, wax-soo-saarku waxa uu
noqonayaa in lagu beero khudaarta ku leh BAAHIDDA SARE seylaaddaha
dhexdooda.
QAABKA BEERITAANKA TAMAANDHADA
Qaabka wax-soo-saar ee soo socdaa waxa uu ku saleysan yahay, wax-soo-saarka
Tammaandhada.
Diyaarinta Takaarriyada Abuurka Guri-bustaanka dhexdiisa (7 takaarri oo
leh min 2 khad ama xarriiq)
Bacrimminta Carrada si loo suggo carrosannimaddeeda.
Si toosa ayaa Abbuurka (siidhka ) Carrada loogu ridayaaa.
Sugitaanka heerka qoyaanka ciidda ee Tiixtiix-waraabka.
Ka illaalinta Dullinka,cudurada iyo Harramaha iyadoo la adeegsanyo dullindilayaasha/Buufinta kimmikadda.
4 | Waaxda Beeraha

62

Case Study

contd

Quseynta oo dhammaantoodda laga helayo


Guddaha waxii lagu farsameynayay Beeraha.
Hagaajinta goosigga dabadeed ee Guritaanka/Dhillista/cabeynta iyo keydinta.
U raritaanka Seyladdaha khudradda ama Quutayaasha.
MARRINADA SUUQGEYNTA
Tammaandhada Bustaan-guriyeedka oo tayo wacan awgeed waxa uu wax-soo-saarku
si toos ah u gaadhi doonaa Quutayyaasha guud ama Jumladlayaasha.
BAAHIDA SHAQAALAHA
Mashruucan Tijaabada ahi waxa uu u baahan yahay HAL qudha oo ah Shaqaale
joogto ah sannadkii iyo LABO maansuuri ah 6 billoodba.
Taxa

Tafaasiil

Tiro

Musharka Bishii

Wadarta Sannadkii

Hal joogto ah

$100

$1,200

Labo maansuuri ah 2

$50

$600

Isugeynta guuud

$1,800

Shaqaalaha Maansuurigga ah ee kor ku xusan waxa


loo baahan yahay oo qudha xilliga guritaanka oo ah (3 billood).

RAASAMAALKA MASHRUUCA

Xogta Maal-gelinta
BUSTAAN-GURIYEEDKU, waxa uu jiraa xiligiisii 2aad ee beeritaanka.. Tiix-tiixwaraabiyaha,ANNA Tafiirta 1aad ee Abbuurka (shinnidda tammaandhadda) iyo
Bacrrimmiyayaasha waxa laga soo dejiyay KENYA. Biyaha waxa lagaga soo saarey
MARAWAXADA DABAYSHA ceel-dheere ku yaal beerta oo biyaha dusha lagu
keydiyo si loogu isticmaalo tiix-tiix-waraabinta.

Iibka Wax-Soo-Saarka
Fillitaanka iibka yaanyaddu xagan hoose ayuu .ku cad yahay:
Khudrad

Tiro
Geed

Waxsoosaarka
geedka
xilligga
/
kilo

Tiradda
xiiliyadda
goosashada
waxsoosaarka/
sannadkii

DAKHLI
SANNADEEDKA
/Kiloograam

Qiimaha
iibka/
kilooga/$

Isugeynta dakhli
sanadeedka/$

Tamaandho

1,200

10 kg

2 xilli

24,000

$0.5

$12,000

Alaabta Qaydhiin

Bustaan-guriyeedkan oo leh carro sanni waxa uu u baahan yahay


BACRRIMMIYAYAAL,Tafiirta abuurka isku-tallaalka nooca ANNA ee faca kowaad
in lagu beero.Waxgellinta iyo qiimaha Agabka kaleba waxay ku qeexan yihiin hoosta.
1

63

Haddoodilka dheer ee Guribustaanka oo leh waraabinta $8,100


tiix-tiixa

Abbuurka, Bacrimmiyayaasha, Dullin iyo Cayayaandillayaasha

$300

Biyaha

$200

Qalab-gacmeedka iyo Qalabka

$250
ISU-GEYNTA

$750

Kharashka Joogtada Ah
Maalgelinta Ma guurtada ahi waa $8,100.

Working Capital
Raasamaalka Shaqadaa/Sannadkii waa $2,550.
Isu-Geynta Maalgelinta Guud waa $10,650
** Xasuusin: Soo celinta iibka sannad guddihii, waa lagu xisaabtami doonaa

Photo: Annaya Greenhouse

4 | Waaxda Beeraha

64

DARAASAD
#2: Wax soo saarka Beer khudaareed leh Bali-biyood oo ku taal
Allaybaday
Mr. Axmed Qase waxa uu maalgelin ku sameeyay beer-khudaareed. Allaybaday
waxay caan ku noqotay goob ku fiican wax-soo-saarka beer-khudaareedka oo lagu
waraabiyo in ka badan 100 Bali (Dhulka dhaamka ah ee ay fadhiistaan biyaha roobku).
Beertiisan ayaa waxay maaafadeedu tahay in ka badan 50 Ha, isla markaana waxaa
la aasaasay labaatan (20) sannadood ka hor. Waxay leedahay Ballay weyn oo qiyaasta
dhererkiisu tahay 350 mitir, 150 mitir oo balac ah iyo 6 mitir oo hoos ah. Balaygani
waxay biyuhu ku jiraan inta badan sannadka oo dhan. Taasina waxay fursad siinaysaa
geedaha khudradda iyo xawaashkuba inay baxaan sannadka oo dhan. Qiyaastii 15
higtar ayaa loo qoondeeyay ama ay ka baxaan khudaarta qoyan (xawaashku) oo 5-10
higtar oo wareegsan ah wakhti kasta oo ay tahay. Geedaha khudaarta ayaa iyaguna
ka baxa qiyaastii 2 higtar. Ilaa 20 higtar oo dhul ah waa beer-roobaad ay si caadi ah
uga baxaan wax-soo-saarka midhaleyda oo kala ah hadhuudh iyo galey. Inta hadhay
dhulka beertana waxaa lagu beeraa cawska xoolaha nool la siiyo.
Axmed Qase wuxuu leeyahay oo uu maamulaa laba cagaf-cagaf iyo gaadhi lix tan
ah oo loo isticmaalo rarista wax-soo-saarka beerta ee la geynayo suuqyada. Wakhtiga
Jiilaalka waxaa gaadhigan loo isticmaalaa booyad ahaan oo biyaha lagaga soo qaado
Dhaamka laguna geeyo dhulka miyiga.

Local Market Days are hosted during harvest season for farmers and vendors to showcase
various vegetable and fruit varieties.

65

Raasamaalka hantiyeed ee Beerta

Costs (US$)

Dhul
Balay (Dhaam dhuleed)

$ 80,000

Mishiino gawaadhi 2 X $8,000

$ 16,000

Bamamka Biyaha 3 2 midh oo midkiiba yahay $300

$ 600

Beebabka Waraabka 3 1.000 meters midkiiba $2

$ 2,000

Gaadhi lixtan ah oo xamuul iyo Booyad loo isticmaalo

$ 6,000

Maamulka Gaadiidka

$ 5,000

Wax-soo-saarka Beerta

Khudradda
Saytuun

[300 geed x 400 midho x $0.15]

$18,000

Babaay

[100 geed X 20 midho X $0.70]

$ 1,400

Maango

[10 geed X 1,000 midho X $0.10]

$ 1,000

Xawaash (Vegetables)
Tamaandho

[40 t X $ 750]

$ 30,000

Basal

[60 t x $ 350]

$ 21,000

Basbaaska kulul

[6 t X $ 750]

$ 4,500

Basbaas Akhtar

[3 t X $ 1,500]

$ 4,500

Kaabash

[12t X $500]

$ 6,000

Saladh

[5,000 heads X $0.10]

$ 500

Xabxab

[6,000 pcs X $1]

$ 6,000

Cuntada Midhaha ah
Hadhuudh

[500 bags(50kg) X $18]

$ 9,000

Galley

[200 bags(50kgs) X $20]

$ 4,000
Wadarta Iibka

$105,900

4 | Waaxda Beeraha

66

DARAASAD

contd

Kharashka Wax-soo-saarka

Cagaf (Saliido iyo Xaydho)


Shaqaalaha Cagafta

[(30HaX$19)X2 xili]

$ 570

[2 X $200 X 2 bilood]

Qodida Gacamada

[1 gacan X 300]

$ 400
$ 300

Siidh, bacarimiyayaal, sunta cayayaanka, sunta beeraha

$ 2,800

Agab iyo Qalab

$ 300

Bamamka Biyaha (Saliid iyo Xaydh.) / [10Litir x 300 Cisho@$1]

$ 3,000

Qodid (harameyn)

$ 22,500

[2,250 maalinle X $10]

Goosashada qudaarta

[180 maalinle X $10]

Goosashada khudaarta cagaaaran

[600 maalinle X $10]

$ 600
$ 6,000

Goosashada iyo quseynta (garaw/galay) [600maalinleX$5]

$ 3,000

Bacaynta iyo joonyadaynta

[2,000 bacood X $0.3]

$ 600

Shaqaalaha beerta

[4 X $150 X12 bilood]

$ 7,200

Foormaan

[1X $200 X 12 bilood]


Total Direct costs
Gross Profit [Total Sales Total Direct Costs]

$ 2,400
$49,670
US$ 56,230

Kharashka Dul socda

Gadiidka gaadhiga hoos u dhaca ku yimaada hoos u dhac


[20% sanadkiida]

$1,200

Cagaf-Hoos u dhac

$3,200

[20% sanadkiiba]

Baabuurka maamulka hoos u dhac [25% sanadkiiba]

$1,250

Maamulka

$7,200

67

[$600 x 12 bilood]
Isku Geynta Kharashka Dul socda

$12,850

Net Profit

$43,380

4 | Waaxda Beeraha

68

DARAASAD
#3: Maalgelin lagu sameeyay Tijaabinta iyo balaadhinta Siidhka
oo lala kaashaday Jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal
Sannadkii 2012, (Gu iyo Deyr, oo xilliyada ay baxaan beeruhu) ayay hayadda
USAID ka taageertay Jaamacadda Camuud iyo Kooxda Farsamayaqaaniinta Beeraleyda
ee Somaliland (SATG) samaynta tijaabooyin iyo beeris qorsheysan oo xidhiidh ah
oo ku saabsan siidhka xawaashka (Tamaandhada, Basasha, xabxabka, kaabashka,
saladhka iyo basbaaska) oo lagu sameynayo goobo kala duwan oo ku yaal deegaan
beereedyada gobolka Awdal. Kala-sarayn kala duwan iyo wax-soo-saarka xawaashka
ee ugu fiican ayaa taas lagu ogaaday. Tan waxa lagu sameeyay beero ku yaal goobaha
Camuud, Baki iyo Ruqi oo ka tirsan gobolka Awdal sannadkii 2013.
Waxaa suurta-gal ah in taageerada noocan oo kale ah oo caawimada farsamada ah
aad ka hesho hayadaha ka hawl-gala Somaliland iyo abuurista Barnaamijyo socda
mudda dheer ee beer-falashada ee loo yaqaan (R&D), kuwaas oo ay isticmaali karaan
maalgeliyeyaasha wax-soo-saarka beeruhu.
Muddadii lagu jiray wanaajinta ama hagaajinta beer-falashada waxaa lagu deraaseeyay
xidhiidh lala samaynayey beerlayda, iyadoo la barayey sida ugu haboon ee masaafada
loo kala dhexeysiiyo goobta siidhka lagu ridayo, maamulida la-dagaalan dulinka iyo
weli cayimaada ciidda iyo rikoodh-garayn toddobaadle ah kala sareynta noocyada
tijaabada lagu samaynayay labada xilli, ayaa waxay hadda muujiyeen korodh qiyaas
ahaan gaadhaya 30-150% marka lays barbardhigo xadiga wax-soo-saar beeraleyda
Awdal.
Macluumaad badan waxaa laga heli karaa barta Maalgelinta wax-soo-saarka beeraha ee

Natiijooyinka

Diiwaanka Maalgelinta ee internetka website-ka ah: www.somalilandinvest.net

Isbarbardhiga wax-soo-saarka noocyada Tamaandhada ee laba xilli oo laga kala beeray goobbeereedyo ku yaal Camuud, Baki iyo Ruqi (SATG FILSAN 2013)

Xilli 1
(Xagaa: July-August 2012)

Xilli 2
(Jiilaal: December-January 2013)

Nooca

Xadiga ka
soo baxay
saddexda
goobood
(tan/higtar)

Derejada

Nooca

Xadiga ka
soo baxay
saddexda
goobood
(tan/higtar)

Derejada

Roma VF

13.4

Roma VF

24.5

Local

12.0

Local

21.4

Roma

11.4

EW 25520

19.8

AVTO 0101

10.4

Roma

19.3

EW 15044

17.1

AVTO 0101

15.9

AVTO 9802

7.3

Isku celceliska 10.9


xiliga

69

Isku celceliska 19.7


xiliga

Isbarbardhiga wax-soo-saar noocyada Basasha ee laba xilli oo lagu beeray goobo tijaabo oo ku yaal
Camuud, Baki iyo Ruqi (SATG FILSAN 2013)

Xilli 1
(Xagaa: July-August 2012)

Xilli 2
(Jiilaal: December-January 2013)

Nooca

Xadiga
Wax-soosaar ee
saddexda
goobood (t/
ha)

Derejada

Nooca

Xadiga
Wax-soosaar ee
saddexda
goobood (t/
ha)

Derejada

Texas Early
Grano

31.2

AVON 1013

47.8

Bombay Red

24.4

Bombay Red

40.7

Baftin
(Yemen)

23.9

Texas Early
Grano

36.7

AVON 1111

17.3

Baftin
(Yemen)

32.8

Red Creole

15.8

Red Creole

27.9

Isku celceliska
xiliga

22.5

Isku celceliska
xiliga

37.2

Isbarbardhiga wax-soo-saar noocyada Xabxabka ee laba xilli oo lagu beeray goobo tijaabo oo ku
yaal Camuud, Baki iyo Ruqi (SATG FILSAN 2013)

Xilli 1
(Xagaa: July-August 2012)

Xilli 2
(Jiilaal: December-January 2013)

Nooca

Xadiga
Wax-soosaar ee
saddexda
goobood
(t/ha)

Derejada

Nooca

Crimson Sweet
(Giire)

41.8

Charleston Gray 33.5

Charleston Gray 39.8

Crimson Sweet
(Giire)

29.3

Crimson Sweet
(Zorzi)

35.1

Crimson Sweet
(Zorzi)

35.4

Sugar Baby

26.7

Andaman

23.8

6
Isku celceliska xiliga

Xadiga
Wax-soosaar ee
saddexda
goobood
(t/ha)

Derejada

6
35.9

Isku celceliska xiliga

27.9

4 | Waaxda Beeraha

70

Photo:
Shaqaalaha Kordhinta Wax-soo-saarka Beeraha ee Jaamacadda Camuud, talo-bixin ku saabsan
kobcinta saraca beeraha siinaysa mid ka mid beeralayda deegaanada laga sameeyay tijaabada koru-qaadista wax-soo-saarka beeraha ee siidhadhka kala duwan ee gobolka Awdal.

71

4 | Waaxda Beeraha

72

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

5 /WAX SOO SAARKA


TAMARTA
GUUD MAR

Xidhmadan hagaha maalgashigu waa mid


si gaar ah ugu kooban badi ahaan
maalgashiga warshadaha laydhka oo
aanay ku jirin dabka laga helo saliida,
gaaska dabiiciga ah iyo macdanta dhulka
IWM.
Xiligan ilaha ugu waaweyn ee awooda
korontada ama laydhka somalliland laga
helaa waa laba qeybood oo kala ah ,
shidaal laga keeno wadamada dibada iyo
awood dab-dhalineed oo laga soo saaro
gudaha taasoo ah dhuxusha laga shido
geedaha oo loo isticmaalo tamar dab
dhalineed.
Waxaa ay yihiin shidaalka dibada laga
keenaa mid isugu jira noocyada naaftada,
baatroolka iyo gaasta loo isticmaalo
diyaaradaha, waxaana dhammaan
noocyada shidaalkaasi uu yahay mid loo
isticmaalo gaadiidka u kala goosha dalka
guud ahaantii iyo mishiinada laga dhaliyo
dabka caadiga ah ee dadku ay isticmaalaan.
Shidaalada kale ee dibada ka yimaada
waxa ka mida gaasta la shito iyo sidoo
kale gaasta dabiiciga ah ee loo isticmaalo
wax karinta, waxaana labadan nooc laga
isticmaalaa meelaha magaalooyinka ah.
Warshadaha korontada Somaliland ayaa
mishiinada ay isticmaalaan yihiin kuwa
ku shaqeeya naaftada, waxaana celcelis
ahaan lagu qiyaasaa shidaalka ay maalintii
isticmaalaan guud ahaan shirkadaha
korantu qiyaas dhan 90-100,000 litir oo
naafato ah.
Waxa sidoo kale shirkadaha korontada
Somaliland ee madaxa-bannaani ay
halgan xoogan ugu jiraan la tacaalida
qiimaha naafada, maadaama Somaliland

75

4
5

lagu tilmaamo inay tahay dalka ugu


shidaalka qaalisan wadamada Africa,
iyadoo uu qiime ahaan halkii doolar lagu
iibiyo $1.00-1.40/kWh. Cabirka qiimaha
dabka. Waxaana dhacda in qiimaha aan
fadhiyin ee lagu iibiyo shidaalku in uu
keeno sicir barar ku yimaada qiimaha
lagu iibiyo shidaalka taas oo sababta in
kor loo qaado qiimaha korontada,
waxaana ka masuul ah jaangoynta sicirka
shidaalka ganacsatada soo dajisa. Iyagoo
xadiga qiimaha ku ilaaliya horumarinta
ganacsigooda. Waxaana jirta in badi
ganacsiga Somaliland uu yahay mid
qaaliya, waanay adagtay in ganacsatada
warshadaha korantadu in ay helaan
faaiido rasmiya oo ay ku xisaabtamaan.
Dawlada Somaliland iyadoo og muhiimada
badan ee ay leeyihiin maalgalinta
shirkadaha korontada madaxa-bannaan
iyo mida dawladuba ayay haddana jirtaa
in inta badan fursadaha maalgalinta dalka
la mariyo meelo kale, iyadoo looba
qorsheeyay mar maalgalinta korontada
caasimada qadar lacageed oo dhan
US$15.17 million sanadihii 2012 ilaa
2016 ka taasoo shan milyan oo dollar oo
ka mid ah lacagtaasi loo qorsheeyay
warshadaha korontada madaxa-bannaan
mashrucaas oo lagu magacaabay
mashruuca horumarinta qaranka.
Waxaanay deeq bixiyeyaashii ka
doonayeen ka qeyb qaatayaasha in la
sameeyo siyaasad cad oo lagu ogaado
sida uu u fulayo mashruucaasi kaas oo
ay iska kaashanayeen dawlada iyo
hayadihii maalgelintaasi waday.
Caqabadaha ugu mudan Waaxda Tamarta
ee loo baahan yahay inay wax ka

For a list major IPPs, see Appendices section.


This price is very high. For example, retail tariffs in Uganda are $0.20/kwh; in Tanzania are less than $0.15/kwh; in Kenya they are $0.11/kwh.

The Government is prioritizing energy investment from private and public


sources, and is confident that major investment opportunities exist to
upgrade, diversify and modernize this important sector.

qabashadooda soo bandhigaan


maalgeliyeyaasha, siyaasiyiinta iyo
qaadhaan-bixiyeyaashu waxaa ka mid ah:
Baahida loo qabo maalgelin lagu
sameeyo wershadaha laydhka ee
gaboobay iyo isku-xidhka qaybinta
dabka ee xadidan;
Baahida loo qabo in laga baxo ku
xidhnaanta shidaal dibadda looga
keeno mishiinada laydhka, taas oo
keenta qiime sicirkiisu sareeyo in
laydhka lagu iibsado Somaliland;
Waxa daruuri ah horumarin loo helo
xoojinta xirfadaha iyo farsamada
shaqaalaha wershadaha laydhka si
ay u soo saaraan dab ama tamar
tayo sare leh;
H o r u m a r i n t a , d i b - u - e e g i s t a ,
dhaqaajinta, xoojinta iyo wacyigelin ballaadhan oo lagu sameeyo
qoddobada xeerka tamarta;
Baahida loo qabo in la abuuro
dabeecad badbaadada tamarta ah
iyo maalgelinta casriyeynta
tiknoolajiyada tamarta.
Sannadkii 1991-kii markii Somaliland ay
dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda
waxa isla markii bilaabmay adeegsiga
awooda tamartakorontada waxaana
badideeda maamula oo gacanta ku haya
shirkado soo saara korontada oo madaxbannaan, kuwaas oo midiiba ay laydhka
siiso waaxyo jaar ah oo dhinaca isku
haya, Shirkadahaas ayaa isugu jira kuwo
isku wada ganacsiyo kale iyo korontada
kuwo u gaar ah ka ganacsiga korontada
oo kaliya., waxaanay kuwa u gaarka ah
ka Ganacsatada korantada aya siiya
macmiishooda adeeg laydh oo ku filan.
korontada
Waxaanay shirkadahaasi ay jaan gooyaan

qiimaha ay ku iibiyaan korontada iyagoo


sidoo kalana ka hawl gala hagaajinta iyo
suuro galinta agabyada
lagama
maarmaanka u ah adeega korontada
waaxyaha ay dabka siiyaan.

With wind speeds averaging 7-9 m/s, Somaliland is one of the windiest
places in the world, and has ample opportunity for wind power
om)

Somaliland in kastoo adeega korontada


ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay
hadana nidaamka biraha qaada xadhkaha
dabku ma aha xiligan qaar u yaala si
nidaam ah. Waxaana jirta in waxyaabo
badan oo muhiim ah adeega korantadu in
uu ka maqan yahay shirkadaha yar yare
ee ka hawl gala qaybinta tamarta adeega
korantada.

MISHIINADA WAKHTI
XAADIRKA LA
ISTICMAALO IYO
QORSHAHA
MUSTAQBALKA
Teknoolajiyada lagu curiyo korontada ee
hadda ka jira Somaliland iyo kuwa la
doonayo in laga sameeyo wax ka mid ah
kuwa ku shaqeeya naaftada, kuwa ku
shaqeeya shidaalka culus , dabaysha iyo
cadceeda. Mashiinadaa ku shaqeeya
5| Waaxda Tamarta

76

naaftada ayaa ah kuwa laga dhaliyo


korontada lagu isticmaalo dalka in yar
mooyee, in kastoo isticmaalka
mashiinadaasi ay yihiin kuwo kharash
badan sababtoo ah had iyo jeer way
jabaan samayntoodana waxa ku baxa
kharash badan shidaalka ay isticmaalaana
waa qaali. Haddaba Somaliland waxay u
baahan tahay inay dhiirigeliso isticmaalka
teknoolijayada casriga ah ee lagu curiyo
korontada si ay u daboosho baahideeda
korontada.
Si wax looga qabto carqaladaha tamarta
ee hor taagan Somaliland, talaabooyin
ayay soo wadaan shirkado gaar loo

77

leeyahay, dawlada, iyo hayado caalami


ihi kuwaas oo loogu talogalay inkorontada
isbadalo lagu sameeyo hanaanka tamarta
dalka.
Wasaarado ka mid ah Somaliland ayaa
ka qayb qaadanaya sidii mashaariic
aqooneed iyo tababaro looga bixiyo si
loo fahmo isticmaalka tegnoolajiyada
kala duwan iyo waxtarkooda.
Waxaana soo socday mashaariic tijaabo
ah oo ay ka mid yihiin: (i) Rakibaada
qalab casri ah oo lagu ogaado dhaatada
dabaysha oo lagu rakibo afar magaalo oo
dalka ah si Somaliland looga hirgeliyo
khariidad qeexaysa dabaysha tamarta laga

curiyo si dadka maalgashanaya tamarta


ay u helaan macluumaad buuxa.
Magaalada Hargeisa waxa laga taagay
qalabkaas oo loo qoondeeyey goob
balaceedu leegyahay 36m dhererkeeduna
yahay 25m, halka Borama, Burco iyo
Berbera laga taagay biro dhererkoodu
yahay 25m; (ii) waxa garoonka Caalamiga
ah ee Cigaal laga sameeyey marawaxado
koranto ka curinaya dabaysha kuwaas oo
lagu maamuli doono nidaamka loo yaqaan
Shuraako Ganacasato iyo Dawlad (PPP);
iyo (iii) goob kale oo laga sameeyey
Berbera oo ay leedahay ganacsato oo
dabaysha laga curinayo koranto si loo
taageero baahida loo qabo korontada si
kor loogu qaado wax soo saarka kalluunka.
Kooxo kale oo ah ururo aan dawli ahayn
ayaa iskood isugu abaabula in ay
sameeyaan mashruuco lagu hir galinayo
xarumo laga sameeyo dab dhalin dhinaca
cadceeda ah si ay koronto u siiyaan
meelaha ay degan yihiin. Waxa iyana
jira ganacsato ku hawlan sidii ay awooda
cadceeda uga curin lahaayeen koranto
iyagoo guryaha dushooda u saaraya
muraadayaha soo qabta cadceeda, kuwaas
oo damacsan in ay weliba sii baadhaan
awooda koranto ee laga heli karo dabaysha
iyagoo isticmaalaya marawaxado
qiyaastoodu tahay ( 20kW ilaa 1.5MW).

XEERKA KORONTADA
IYO TAMARTA
Bishii June ee sannadkii 2013 ayaa
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Somailand markii ugu horeysay taariikhda
u gudbisay Golaha Wakiiladda Somaliland
Xeerka Tamarta Dalka, kaasoo haddii ay
ansixiyaan golahaasi laga heli karayo

barta internetka ay ku leeyihiin Golaha


Wakiladdu
oo
ah
http://
somalilandparliament.net. Sharcigaas
ayaa dhigaya in masuuliyada guud iyo
maareynta tamarta iyo korontada dalka
in ay hoos imanayaan guddi gaar u ah
hawlaha iyo shuruucda korontada dalka
taasoo ka shaqayn doonta qoddobbadan:
Bixinta waraaqaha ruqsadaha
ogolaanshaha cida furanaysa
ganacsi warshad koranto;
La socoshada wershadaha iibiya
korontada iyo isku xidhkooda;
Ilaalinta xuquuqaha guud ee
macmiisha korontada, qiimaha,
nabadgelyada ku aadan khataraha
k o r o n tad a, macaamilk a iy o
dhagaysiga cabashooyinkooda iyo
cadaalada;
Xoojinta horumarinta korontada,
qiimaynta agabyada iyo qalabka
korontada ee dalka la keeno
tayadooda, horumarinta shirkadaha
ka hawl gala korontada,
dhiirigalintooda iyo haddii la helo
maalgalin kuwooda u baahan,
fududaynta maalgashiga.
Guddidan ayaa sidoo kale ka shaqayn
doonta jaan goynta qiime macquul ah oo
ku haboon iibiyeyaasha iyo
macaamiishaba, iyo sidoo kale ka
caawinta qorshayaasha suuq geynta
dhiirigalinta iyo maalgalinta.
Sidoo kale guddidan ayaa ka shaqayn
doonta fadhiisinta qiimaha korontada
kaasoo wada raaligalin doona shirkadaha
iyo macaamiishaba.
Halka shirkadaha korontada ay u samayn
doonto kala xadaynta goobaha ay dabka
siinayaan iyadoo u samayn doonta
xuduudo ay ku kala baydhaan.
5| Waaxda Tamarta

78

KA FAAIIDAYSIGA WAAXDA KORAYSA EE


TAMARTA LA CUSBOONAYSIIN KARO .
Qayb ganacsi oo soo koraysa ayaa Somaliland keenta qalabka wax soo saarka
tamarta la cusboonaysiin karo, iyadoo ay ka faaidaysanayaan shirkadaha qalabkan
rakiba iyo kuwa iibiyaa. Wax soo saarka laydhku waxa uu u baahan yahay raasamaal
xoogan (Taas oo caqabad ku ah maalgashiga). Sidaa awgeed maalgaliyeyaasha
laydhka intooda badan, oo ay ku jiraan kuwa ku hawlan wax soo saarka tamarta
la cusboonaysiin karo, ayaa ugu horrayntii ku bilaaba maalgashi yaryar.
Tusaale ahaan, Shirkadda Golis Solar oo ah shirkad maxali ah oo rakibta qalabka
tamarta dabaysha laga dhaliyo iyo qalabka tamarta qoraxda, ayaa lagu tilmaamay
in ay dhaqdhaqaaq ganacsi oo sareeya ledahay, iyadoo rakibtay in ka badan 100kwh
oo Solar ah sannadkii 2012, isla markaana xadi la xusi karo oo qalabka tamarta
qoraxda dhaliya ka iibisay deegaanada miyiga. Golis Solar waxay soo waarideen
isla markaana qaybiyeen marawaxadaha tamarta dabaysha dhaliya (oo awoodooda
ka yar 500watts). Sidoo kale iyadoo fulinaysa barnaamij ay maalgelisay hayada
USAID, ayay Golis Solar dhawaan rakibtay xarumaha la socodka macluumaadka
dabaysha iyo sided marawaxadood oo awoodoodu tahay 20KW. Hawlqabadkani
waxaa uu gogol-xaadh u yahay mustaqbal abuurista Xarunta Dab-dhalinta Dabaysha
ah.
Shirkad kale ee Somaliland oo la yidhaahdo KAAFI waxa ay iibisa qalabka laydhka
laga dhaliyo oo isticmaala dabaysha iyo qoraxda. Guud ahaan waxaa soo kordhaya
xadiga dadka isticmaala laydhka oo laga dhaliyo ilaha tamarta soo cusboonaata.
Dhammaan waajibaadka hawleed ee
guddidu ay qabanaysaa waa kuwo ku cad
shuruucda iyo xeerarka lagu dhaqayo
tamarta iyo korontada dalka kaasoo loo
gudbiyay Golayaasha Sharci dajinta.

MAALGELINTA IYO
LACAG KU BIXINTA
TAMARTA
Maalgashadayaasha
Shirkadaha
korontadu waxay caqabada ugu weyn ee
ay waajahaan ku tilmaameen ururinta
lacag farabadan oo ay ku soo iibsadaan
mishiinada laydhka oo qiimayaashoodu
aad u qaali yihiin. Taas ayaa ah caqabada
ugu weyn ee ka hortimaada marka ay

79

doonayaan inay aasaasaan shirkad cusub


oo madax-bannaan oo laydhka (Taas oo
ay ugu muhiimsan tahay inay gacanta
kuugu jiraan qalabkii laydhku), iyadoo
taxadiga kale ee ka horyimaadaa uu yahay
marka ay qorsheeyaan inay laydhkooda
gaadhsiin meelo ka durugsan xarunta ay
ku taal shirkadooda (Tusaale: Wershadaha
ayaa waxay iibsanayaan mishiin dabdhaliye ah si uu uga yaraado kharashka
ay ku bixiyaan laydhka, iyadoo ay ka
suurtowdo inay shirkadaha iyo guryaha
u dhow dhow wershadoodana ay ka sii
iibiyaan.
Inta badan shirkadaha laydhka ee madaxa
bannaan ee loo yaqaan Independent Power

Somaliland waa meelo aad u dabayl badan, xawaaraha dabayshu


waxay si sahlan kor ugu dhaaftaa 7-9 mitir ilbidhiqsigiiba, qaar ka mid
ah qiyaaso la sameeyeyna waxay leeyihiin Somaliland 50% waxa ka dhaca
dabaylo xawaarahoodu uu suuro gelin karo in laga curiyo koronto 6
mitir halkii ilbidhiqsi kharashka ku baxayaana wuxuu si fiican ula tartami
karaa wershedaha korontada ee ku shaqeeya naaftada.

Providers, oo loo soo gaabiyo (IPP) ,


waxaa lagu horumariyay tiknoolajiyo
cusub
taas oo lagu maalgeliyay
raasamaalkii Mulkiilaha, iyadoo aan lagu
maalgelin deyn iyo maalgelin ka timi
dhinac kale. Xaaladda hadda jirta, oo ah
mid aanay maalgashadayaashu awoodi
karin inay deyn helaan, isla markaana ay
raasamaalkooda 100% u isticmaalaan
horumarinta mashaariicdooda, ayaa
waxay
kordhinaysaa
halista
bakhtiyaanasiibka maalgeliyeyaasha iyo
hoos-u-dhaca rajada inay lacagtoodu dib
ugu soo noqoto. Hase yeeshee waxaa jira
fursado maalgelineed oo ah tamarta
Somaliland oo sii kordhaya:
Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegtay
inay xiisanayso boos ay ka hesho
wax-soo-saarka Tamarta, isla
markaana ay suurta-gal tahay inay
albaabada u furto maalgelin ay ku
samayso nooc ka duwan tamarta
laga dhaliyo mishiinada shidaalka
ku shaqeeya.
Shirkadda Adeega Lacagaha ee
Salaam ayaa qorshaynaysa inay
noqoto maalgeliye cusub oo ka
qayb-qaata wax-soo-saarada faraha
badan, gaar ahaan kuwa ku wajahan
qurba-jooga Somaliland, isla
markaana inay daah-furto
mashaariic
ku
tacaluqda
kaabayaasha aasaasiga ah
(infrastructure) sida Tamarta
Dabaysha, eeg daraasadda xaga
dambe ee cutubkan.

NIDAAMKA
SHURAAKADA
Maalgeliyeyaasha mashaariicda Tamartu,
waxay maalgelinteedu u nidaamin karaan

dhawr dariiq oo kala duwan kuwaas oo


mid kastaaba leeyahay halistiisa iyo
rogaal-celintiisa:
Lahaansho Toos ah: Maalgeliyuhu
wuxuu si toos ah u soo iibsanayaa
agab ah mishiin laydh (Tusaale
ahaan Mishiin naafto ku
shaqaynaya), waxaana yeelanayaan
dhammaan kharashka iyo faaiidada
(100% iibka laydhka). Tani waxay
la macno tahay in haddii
Maalgeliyuhu uu yahay mid
macaash doon ah, inuu helayo
dhammaan macaashka ka soo baxa,
laakiin haddii shirkaddu noqoto mid
khasaare-u-joog ah, gebi ahaan
khasaaraha iyagaa isu qaba. Tani
waa mid halis badani ku gedaaman
tahay, rog-celinteeduna sarayso,
isla markaana waa dariiqa
aqlabiyada Maalgelinta Somaliland
ee wax-soo-saarka Tamarta.
Maalgelin Shuraako ah: Habdhismeedkan, waa mid ay tiro
badan oo maalgeliyeyaal ahi
lacagtooda isugu darsadaan kuna
maalgeliyaan mashaariic dhawr ah
oo Tamarta ah. Tani waxay leedahay
halis shuraako, sababtoo ah haddii
mashruuc maalgelineed fashilmo,
khasaaraha waxaa loo qaybinayaa
dhammaan
kooxdan
Maalgeliyeyaasha ah, dabcan
faaiidadana sidoo kale waxaa
qaybsanaya dhammaan kooxdan.
Waxase Muhiim ah in la xaqiijiyo
abuurista shuruuc cad ka hor
maalgelinta, isla markaana deeqda
(lacagta maalgelinta) waa inay
maamushaa cid ka madax bannaan
maalgeliyeyaasha (dad aan ahayn
dadka shuruukada mashaariicda ku
5| Waaxda Tamarta

80

ah).
Dhismaha Lahaansho Damaanad
leh: Kani wuxuu la mid yahay
Maalgelinta Shuraakada ah, laakiin
Maalgashadayaashu waxay awood
u leeyihiin inay kala doortaan
heerka halista soo baxay, iyagoo u
kala qaybinaya A, B iyo C saddex
geesood, kuwaas oo mid waliba
leedahay taariikh lacag bixineed
(Ama Faaiido qaadasho) [Tusaale
ahaan; Saddexdii biloodba mar]. A
(Oo noqonaysa mid halis yar,
laakiin macaashkeedu yar yahay)
waxay qaadanaysaa macaash
hooseeya, rogaal-celin qeexan, isla
markaana waxaa si dhamaystiran
faaiidadeeda loogu celinayaa ka
hor cid walba; ka dib B ayaa helaysa
macaashkeedii oo ka sareeya kii
hore, intaas ka dib qaybta C ayaa
la qaadanaysa dhammaan
macaashka soo hadhay (Macaashka
ugu badan iyo khasaaraha ugu

badan), In kastoo nidaamkani uu


yeelanayo waxoogaa maamulis iyo
la-socosho ah (Taas oo loo
samaynayo kharashkeeda), haddana
wuxuu dhinaca kale kaa caawinayaa
in la helo maalgeliyeyaal farabadan
oo si nidaam ah u kala dooranaya
heerkooda haliseed iyo macaasheed,
isla markaana waa mid mustaqbalka
u baahan in daba-gal lagu sameeyo.
Shirkadaha iyo nidaamka Maalgelinta
Shuraakada ahi labaduba waxay iibin
karaan saamiyo (Tusaale ahaan Saamiga
Tamarta) si ay ugu helaan ilo-dhaqaale
oo deyn ah, oo ay lacag maalgelineed ugu
helaan mashaariic tamareed oo gaar gaar
loo leeyahay. Kuwan weli laguma
isticmaalin Somaliland, balse waa muhiim
in baadhis (Dabagal) lagu sameeyo, ka
dibna loogu saleeyo nidaam waafaqsan
shareecada Islaamka oo maalgeliyeyaasha
danaynaya. Koox maxali ah oo si siman
looga wada qaatay ayaa ku hawlan
baadhista saami Qurba-jooga looga

DARAASAD: SOMALILAND MAKIINADAHA NAAFTADA


IYO KUWA DABAYSHA KU SHAQEEYA ISBARBARDHIGOODA

Makiinadaha Saliida ku shaqaeeya iyo Korontada Dabaysha laga dhaliyo is


barbardhig xaga dhaqaalaha ah:
Korontada dabaysha laga dhaliyaa waxa uu fursad Soomaaliland u siinayaa in si
xoog leh loo dhimo saliida la soo dajiyo, lana dhimo kharashka guud ee kaga baxa
korontada.
Iyada oo ay ugu wacan tahay kharashka Soomaaliland kaga baxa xaga korontaada
oo celcelis ahaan dhan $1.00/kWh, waxa ay taasi macnaheedu tahay
maalgashadayaasha Soomaliland ee ka leexda ilaha koronto ee shidaalku in ay
dhimayaan khaarash faro badan taas oo macnaheedu yahay in ay muddo gaaban
isku bixinayso. Akhristuhu wuxu ka heli karaa Isbarbardhiga dhaqaale ee saliida
iyo tamarta dabaysha waaxda maalgashiga tamarta ee ku jirta Hagaha Maalgashiga
Website kooda oo ah: www.somalilandinvest.net.
81

qoondeeyo si loogu dhiirigeliyo


maalgelinta wax-soo-saarka Tamarta.
Hoos ka akhri daraasadda dhammaadka
cutubkan.

TIKNOOLAJIYADA
TAMARTA

Xukuumadda, Shirkadaha gaarka loo


leeyahay iyo Hayadaha gacan-qabashadu,
waxay dhammaantood wakhti-xaadirkan
ka shaqaynayaan inay xaqiijiyaan
samaynta biiad ay wax-soo-saarka
tamarta Somaliland ku heli lahayd
maalgelin. Tallaabooyinka xukuumaddu
qaadayso waxa ka mid ah dhismaha
awoodeed (ee Wasaaradda Macdanta iyo
Tamarta iyo qaadista aakhirataanka
samaynta Komishanka Tamarta
Somaliland), Qorista Xeerka Tamarta
Somaliland iyo sharciyadiisa, dhismaha
Xarunta Tamarta Somaliland, daba-galka
baahiyaha heer goboleed iyo ururinta iyo
baahinta macluumaadka iyo dhaatada ku
taxaluqa tamarta. Xukuumadda iyo
hayadaha taageerayaa waxay sidoo kale
ujeedadoodu tahay inay horumariyaan
wacyi-gelin loo adeegsanayo tiknoolajiyad
kala duduwan oo lagu dhiirigelinayo
dhismaha horumarin munaasib ah oo
shirkadaha gaarka loo leeyahay ah.
Hoos waxa ku yaal tallaabo ka fiirsasho
u baahan oo ay tahay in maskaxda lagu
hayo xilliga Somaliland lagu istimaalayo
tiknoolajiyada loo qorsheeyay ama la
filayaba in lagu isticmaalo Somaliland.
Nooc kasta oo ay noqdaan Mishiinadu,
maamulayaasha ku shaqaynayaa waa inay
awood u leeyihiin, isla markaana niyad
u hayaan inay daraasadeeyaan shidaalka
ay isticmaalayaan, wax-soo-saarka
laydhkooda iyo baaxada dabka ay

isticmaalayaan. Tani waxay u saamaxaysaa


inay si hubsiimo leh u sii ogaadaan
baahidooda mustaqbal ee heerkooda
maalinlaha ah (shidaalka) iyo sidoo kale
heerkooda wakhtiga dheer (Qalab cusub)
si ay u ogaadaan waxa ka xun, isla
markaana ay xisaabtan dhab ah ugu
sameeyaan macluumaadka maaliyadeed
ee qiimaha Mishiinka iyo sidii ay qiime
ugu goyn lahaayeen wax-soo-saarkooda
laydhka.
.

Mishiinada ku Shaqeeya Naaftada


(Aqlabiyadda loogu jecelyahay)
Mishiinada Naaftada ku shaqeeyaa caadi
ahaan waa kuwo faaiido leh marka lagu
shidayo meelaha looga baahan yahay iyo
adeegyo xadidan marka loo eego wakhtiga
iyo awooda dabka. Walow ay jaban yihiin,
fududaynta soo raristoodu, isla markaana
ay aad ugu fiican yihiin inay dhaliyaan
dab awoodiisu xoog badan tahay, haddana
dhinaca kale waxay isticmaalayaan
shidaal tiradiisu badan tahay isla
markaana waa in si fiican loo dayactiraa
si ay ugu shaqeeyaan sidii saxda ahayd.
Somaliland waxay soo martay, in qiimaha
shidaalku uu kor u kici karo, isla markaana
shaqaynta mishiinada oo aan helin dib u
hagaajin iyo dayactir ay si deg deg ah
ugu hogaaminayso inay mishiinadii
jabaan oo la galo xaalad laydhku aad u
qaaliyoobo.

Mishiinada Shidaalka Culus ku


Shaqeeya (Qorsheyntoodu suurta-gal
tahay)
Mishiinada Shidaalka culus waxay
isticmaalaan shidaal xaga is-haysadkooda
haydaro-karboonka ka badan shidaalka
Naaftada oo noqon karta shidaalka saliida
5| Waaxda Tamarta

82

ah ee culus ama Shidaalka Saliida ee


Badda. Mishiinadani sida caadiga ah waa
kuwo qiimahadooda lagu iibsadaa aad
uga qaalisan yihiin kuwa Naaftada ku
shaqeeya, balse qiimaha shidaalkooda
ayaa aad u jaban hadday gallaan noqoto
iyo hadday litir noqotaba. Si kasta ha
noqotee, si la mid ah mishiinada naaftada
ku shaqeeya, ayay mishiinada shidaalka
culus ku shaqeeyaa si caadi ah ugu baahan
yihiin dayactir, haddii kale waxaa si xoog
ah isku dhimaya wax-soo-saarkooda,
taasina waxay sababaysaa inay hawada
ku timaado wasakhow (Qiiq dhumuc leh
oo madow). In kastoo ay Mishiinada
Shidaalka Culus ku shaqeeyaa ay fursad
u yihiin yaraynta isticmaalka shidaalka,
haddana dhibaatooyinka ku lamaan
mishiinada naaftada ku shaqeeyaa oo
aan ka xusi karno kor-u-kac qiimaha
shidaal, waayitaanka qalabka dayac tirka
iyo daryeel ku filan oo ay waayaan ayaa
ah kuwo ay kala mid yihiin mishiinada
ku shaqeeya shidaalka culusi.

Somaliland waa goob dabayleed. Marka


la eego deeganada xeebta, xawaaraha
dabayshu wuxuu si sahlan kor u dhaafaa
7-9 mitir halkii il-bidhiqsi, isla markaana
waxay dadka qaar ku tilmaamaan in 50%
Somaliland xawaaraha dabaysheedu uu
munaasib ku yahay wax-soo-saarka
tamarta in ka badan 6 mitir ilbidhiqsigiiba waxay keenaysaa qiime
la tartami kara tamarta laga dhaliyo
xarumaha mishiinada laydh soo saara.
Xataa deegaano balaadhani waxay
leeyihiin dabayl xawaare sare ku socota
oo ku filan in lagu bedelo tamarta laydhka
ee bamamka ceelasha biyaha laga soo
saaro iyo laydhka lagu shito deegaanada
miyiga in ka badan 5 mitir ilbidhiqsigiiba. Tani waxay Somaliland u
tahay fursad weyn oo ay ugu wareegto
tamarta dabaysha, taas oo ah mid si deg
deg ah loo rakiban karo, lahayna takaaliif
shidaal, qiimaha hagaajinteeduna uu
yahay mid hooseeya, isla markaana leh
macaash faaiidadiisu deg deg tahay.

Tamarta Dabaysha

Raasamaalka bilowga ah ee ay ku kacayso


marawaxadaha dabayshu waa kumo aad
uga qaalisan kuwo awooda korontada ee
shidaalka ku shaqeeya (Laydhka
Dabayshu waa mid wejigiisa hore aad u
qaali yahay). Qiiyaas ahaan 75% wadarta
kharashka tamarta laga dhaliyo
marawaxadaha dabayshu waa kuwo
bilowga aad u sareeya marka la eego
qiimaha marawaxada, tiirkeeda, qalabka
laydhka, xadhkaha iyo shaqaalaha. In
kastoo uu aad u sareeyo qiimaha

Somaliland, tamarta qoraxda iyo dabayshu


waxay codsigeeda iyo tijaabintooduba
ka bilaabantay Hargeysa iyo Boorama
badhtamihii 1980 tanaadkii . Dabayaaqadii
siddeetamaadkii isugeyn 120 Bamamka
Qoraxda oo heerkooda awoodeed
gaadhayo 200-2.8kWp ayaa ka
shaqaynayay Boorama ilaa Ceerigaabo
iyo Laas-caanood. In ka badan 300 oo
qalabka tamarta qoraxda iyo dabaysha ah
ayaa lagu rakibay goobo caafimaadka
dadka iyo xoolahaba ah. Waxa kale oo
shaqaynayay mikiinado wax lagu ridqo
oo dabaysha ku shaqaynayey iyo Mishiino
dabaysha ku shaqaynaya oo ceelasha
biyaha lagu isticmaalayay.

83

Wejigeeda hore, haddana waxaa mid aad


u hooseeya ah kharashkeeda soconaya
ka shaqayn iyo dayartirkeeda ayaa aad
u yar (in ka yar 3% kharashkii lagu soo

Qiyaaso la sameeyey ayaa sheegaya in maalgashadayaasha


korontada dabayshu ay heli doonaan faaiido ka badan kuwa
maalgeliya mashiinada naaftada saddex sanno gudahood ka dib
marka la rakibo.

iibsaday ayaa sannadkiiba kaaga baxaya),


qiimaha shidaalkeeduna waa siiroo. Tani
waxay la macno tahay inaanay jirin halis
werwer shidaal ah oo mustaqbalkaa.
Waxa xusid mudan in dabayshu tahay tan
ugu wanaagsan marka la barbar dhigo
meelaha kale ee korontada laga helo ama
keydinta beetariga, markase ay hoosayso
xawaaraha dabayshu, waxaa darruuri ah
inuu jiro ku-talo-gal keyd ah oo caadiyan
ay ugu fiican yihiin tamarta mishiinada
shidaalka ku shaqeeya la dhaliyo.
Waxaa daruuri ah inaad is-bar-bardhig
ku samayso raadadka lacageed ee
maalgelinta mashaariicda wax-soo-saarka

tamarta oo muddo dheer ah, si aad u


ogaato kala duwanaanshaha macaashka
ka soo baxay maalgelinta tamarta
dabaysha marka loo eego maalgelinta
kuwo kale lagu sameeyay. Tusaale ahaan
Tamarta shidaalka, mishiinada naaftada
ku shaqeeyaa way ka jaban yihiin
marawaxadaha (ama deynabooyinka)
dabaysha. Shaxaha hoos ku yaal waxay
kuu muujinayaan kharashaadka ku kala
baxay tamar dabayleed iyo tamarta
Mishiinada Naaftada oo ku salaysan
muddo sannad ah, iyo wakhtigii ay
socdeen:

annual Cost of generation

(USdm)

3.50
3.00
2.50
2.00
1.50
1.00
0.50
Invest

Install

Diesel -600kW

Year 1

Year 2

Year 3

Wind -600kW

Year 4

Year 5

Wind -1.8MW

5| Waaxda Tamarta

84

Cumulative Costs of generation


(USdm)
8.00
6.00
4.00
2.00
Invest

Install

Year 1

Diesel -600kW

Year 2

Year 3

Wind -600kW

Si la mid ah sida ka muuqata natiijada


kala duwanaanshaha raasamaalka iyo
kharashka soconaya ee dabaysha iyo
naaftada, ayaa waxa iyana jirta kaladuwanaansho weyn oo u dhexeeya faraqa
macaashka wakhtiga uu soconayay. Ka
dib markii laysku geeyay guud ahaan
macaashkii sannadkii oo dhan soo baxay,
tamarta dabayshu waxay noqotay mid aad

Year 4

Year 5

Wind -1.8MW

iyo aad uga faaiido badatay tan Naaftada


marka la raaco wadarta macaashka saddex
sannadood. Saadaashu waxay muujinaysaa
in maalgeliyeyaasha tamarta dabayshu
ay bilaabi karaan inay sameeyaan lacag
aad uga badan ta ay sameeyaan
maalgeliyeyaasha tamarta Naaftadu
muddo ku siman saddex sannadood oo
maalgelin iyo rakibaad ah.

difference in net RevenueWind vs diesel ($USd million)


25.00
20.00
15.00
10.00
5.00
(5.00)

Invest

Install

Net Revenue - Diesel 600kW

85

Year 1

Year 2

Year 3

Net Revenue - Wind 1.8MW

Year 4

Year 5
Difference

difference in net RevenueWind vs diesel ($USd million)


6.00
4.00
2.00

(2.00)
(4.00)

Invest

Install

Year 1

Year 2

Year 3

Year 4

Year 5

Difference

Bishii March 2013, afar goobood oo


lagala soconayo macluumaadka dabaysha
ayaa laga taagay Hargeysa, Boorama,
Berbera iyo Burco. Macluumaadka
Xawaaraha dabaysha, Jihada iyo
heerkulka ayay si maalinle ah u
ururinayaan Koox Baadhayaal ah oo ka
soctay Wasaaradda Tamarta, waxaana
laga eegi karaa waaxda maalgashiga

Tamarta ee Diiwaanka Maalgashiga ee


barta internetka ee ah: www.
somalilandinvest.net. Muuqaal tusaale u
ah macluumaadka soo baxay wakhtigii
la diyaarinayay Diiwaanka Maalgashiga
ayaa halkan hoose ka muuqda, taas oo ka
dhigtay Somaliland mid ka mid ah
meelaha ugu dabaysha badan dhammaan
Qaaradda Afrika.

5| Waaxda Tamarta

86

CASE STUDY:
Somaliland
Installs First Pilot
Wind Farm
With the support of USAID, the
government of Somaliland installed the
first wind farm in the region in 2013,
which will power the Egal International
Airport in Hargeisa. The five 20kW
turbines will be managed under a
public-private partnership (PPP)
structure, and will showcase the
potential of wind power for investors;
while being used as a place for power
companies, Ministry engineers, and
electrical engineering students to learn
more about renewable energy.

Darasaad: Maalgalinta Korontada


Dabaysha ee Soomaaliland iyada oo la
Adeegsanayo Maalgashiyo Hal Abuur leh
Transparency Solutions Ltd (TS) waa shirkad latalineed oo faracyo badan iyada
oo ujeedadeeda guudi tahay in ay dhisto mashaariic iyo xidhiidh muddo dheer
jira oo dhex mara Qurbe Joogta Soomaaliland iyo dhulkooda hooyo, iyada oo kor
u qaadaysa xasiloonida, barwaaqada iyo isku xidhnaanta bulshada iyada oo loo
marayo in la cayimo mashaariic wax ku ool ah oo maalgashi kuwaas oo horseedi
kara horumar dhaqaale faqrigana lagu dhimo. Horaantii 2013kii , shirkadu waxa
ay ku shaacisay websitekeeda Somali Star Investments taas oo bixisa arimo
dhaqaale ahaan la habeeyay sida wadaaga tabarucaadka, deyn gashiga qalaad, iyo
deymaha kale ee saami gashi taas oo ku cusub Soomaaliland/Somalia. Waa noocii
ugu horeeyay ee maalgashi taas oo dadka ka saacidi doonta dhaqaale ay ku
ururiyaan, kuna maalgashaan tamarta dib loo dhalin karo, kaabayaasha dhaqaale
iyo waaxyaha kale ee ganacsi.
Horaantii 2012kii, heshiis qotodheer oo wax ku ool ah ayay gaadheen Transparency
Solutions iyo Homestrings.com (waa goob la talin dhaqaale iyo goob maalgashi)
iyo shirkada Salaam Financial Services (waa hayad maaliyadeed) waxana ay ka

87

wada shaqaynayaan in ay cayimaan isla markaana qiimeeyaan mashaariicda kaabe


dhaqaale iyo fursadaha maaliyadeed kuwaas oo keeni kara horemar dhaqaale sida
shaqo abuuris iyo horumar dhaqaale.
Transparency Solutions waxa ay qorshaynasaa in ay samayso mashruuc tamar
dabaysha lagaga dhalinayo oo dhan 20MW kaas oo laga hirgalin doono
Hargeysa. TS waxa ay hogaan u noqon doontaa dhismaha maaliyada dhaqaale
ee maalgashadayaasha xiisaynaya (qurbejoogta iyo Somaliland wadanka
gudihiisa jooga).
Heshiis kala Iibsi Koronto (HKK), oo ah heshiis muhim ah, oo dhaqaale laga
ururinayo maalgashadayaasha ayaa la samayn doonaa lana saxeexi doonaa,
iyada oo ay dhinacyo ka yihiin dhammaan tamar dhaliyayaasha madaxa
bannaan iyada oo shardi looga dhigi doono in ay iibsadaan tamarta koronto
ee laga dhaliyo mashruuca 20 MW
Dhismaha mashruuca tamarta hawada waxa loo qorshayn doonaa iyada oo
iskaashi lala yeelanayo Shirkada Africa Eneblers oo heshiis is afgarad lala
gali doono. Africa Eneblers waxa ay hormuud u ahayd hore-u-marinta tamarta
dabaysha laga dhaliyo ee Itoobiya iyaga oo mariya qaybtooda LAFTO ee
farsamaysa marawaxadaha , taas oo mashaariic balaadhan oo dabaysha ah ka
wada dalka Itoobiya.
Shirkada EPC (engineering, procurement and construction) iyo soo-saarayaasha
marawaxadaha ayaa hawshooda bilaabi doona dabayaaqada sanadka 2013 ka,
iyada oo la rajeynayo in la rakibo ayna shaqayso dabayaaqada sannadka/
dhammaadka 2014.
Wixii warbixin ah ee dheeraad ah, waxad gashaa:SomaliStarInvestments.com.

5| Waaxda Tamarta

88

Khariidada cadceeda oo sheegaysa celceliska meelaha


ugu cadceeda badan ee Geeska Afrika (Cadceeda
caadiga ah diirimaadkeeda sannadkiiba) waxa xogtan
laga soo qaatay: somaliStarInvestment.com

laakiin haddii si guud loo eego dad


badan oo reer Somaliland ah ayaa
adeegsan kara qalabkaasi.
Qalabkan oo laga adeegsaday wadamo
badan oo ku kala yaala Yurub iyo Africa
kuwaas oo si weyn wax uga badalay
hanaankooda horumarineed ee tamarta.
Shantii sano ee u danbeeyay waxay hoos
u dhigeen kharashkii kaga bixi jiray soo
iibisiga shidaalka loo adeegsado tamar
dhalinta mishiinada, waxaanay iyagoo
nidaamka qalabkaa isticmaalaya ay
keydiyeen ama ka heleen tamarta
cadceeda qiyaas xadi oo dhan 0.20/kWh.
Xadigan qiyaaseed oo si weyn uga yar
kii loo isticmaali jiray hanaankii shidaalka
culus ahaa marka laysku soo uruuriyana
waa hab lagu dhimi karo kharashaadka
ku baxay iibsiga shidaalka loo
adeegsanayo tamar dhalinta waana tamar
kordhaysa mar kasta oo falaadhaha
cadceedu ay muuqato kulaylkeeduna uu
toos u imanayo oo ka badan kuwa sida
caadiga ah loo helo maalin kasta. Geesta

89

kale marka laga yimaado adeegsiga


qalabkan ee maalintii waxa kaloo jira in
uu keydinayo tamar badan oo ah mid
aan laga helin tamarta laga dhaliyo
shidaalka.
KU XIDHNAANSHAHA AWOODA
CADCEEDA: Ku xidhnaanshaha awooda
tamarta cadceeda Somaliland ee
shirkadaha korantadu waa in ay ku
darsadaan qorashayaashooda adeegsiga
fursdaha ka jira curinta korontada
cadceeda si ay u yareeyaan lacagta kaga
baxda kWh oo ay soo saaraan oo ay ka
dhaliyaan shidaalka waxaanay talaabadani
ku rumayn karaan iyagoo is dhexgelinaya
cadceeda iyo mashiinada ay hada hastaan
ka dibna maalgashi ku sameeya
muraayadaha (Solar Panels) lagu curiyo
korontada cadceeda. Hanaankan oo
shirkadaha iyo macaamiishoodaba u
sahlaya in ay ka yaraato lacagta adag ee
kaga baxda shidaalka qaaliga ah taas oo
ay sii maalgelin karaan haday u arkaan
inuu faaiido u keenayo.
KU XIDHNAAN LAAANTA
TAMARTA CADCEEDA: Adeegsiga
qalabka curiya cadceeda ayaa weliba
uga sii fursad fiican shirkadaha meelaha
aanay ka jirin awood koranto oo ah tan
shidaalka laga dhaliyo ama aan aadba
looga isticmaalin wax koronto ah,
waxaana laga heli karayaa in lagu
isticmaalo baahiyo badan oo ay ka mid
yihiin iftiiminta kooban ee meelaha la
degan yahay , buuxinta moobilada,
waxaaana dhammaan dabkaas oo dhammi
noqonayaa mid marka magaalada la joogo
uu qiyaaas ahaan isticmaaalo guri kaliya
halka marka meeshaas miyiga ah la joogo
ay ka faaiideysanayaan dad aad u tiro

Somaliland waxay leedahay illaa 3,000 oo saacadadood oo


ah cadceed saafi ah, laguna kalsoonaan karo sannadkii oo lagu
qiyaaso in ka badan 5.8 ilaa 6.0 kWh/m2 /day. Taasina waxay
Somaliland siinaysaaawood ay ku curiso korontada cadceeda
oo laxaad leh.

badan qalabkan ayaa ka kooban 2 soo


qabta faaladhaha cadceeda ah, 1 beytari
oo shidaya, 2 guluub, xadhiga lagu
buuxiyo moobilka, intaas oo ku xidhan
dab dhaliye awooda tamarta cadceeda
ayaa loo isticmaali karaa.
Baahida ku xidhnaanta tamarta ee
dadka reer magaalka ah ee dabaqada
dhexe ee isticmaala telefishanada,
raadiyawyada iyo moobilada gacanta ayaa
ah muftaaxa horumarka mujtamaca oo ku
waajahan nidaamka sida badan looga
faaiideysto ee loo yaqaan Cadceed

ka Curin) ama PV oo aynu ku soo


tilmaanay kor, waxa loo isticmaalo iyo
faaiidada ku jirta waxaanan tusaale u
soo qaadanaynaa qalabkaas oo laga
adeegsado dalka Kenya, iyadoo guryaha
adeegsadaa ay ka helaan awood tamareed
oo dhan qiyaasta tamarta korontada
200,000 unit waxaana jirta in uu kor u
kacayo qiyaas ahaan 18% sannadkiiba 6.
Dhismaha kaabayaasha aasaaska hoose
ee gudbinta awooda korontada (Suurtagal ay tahay inuu muddo dheer socdo).

Fursadaha Maalgashi ee Tamarta CadceedaFursad Gobolka Tiknoolajiyadiisu Isku


badalayso
Qalabka tamarta cadceeda ee isku dhan (waxa ku jira kuwo balaadhan, baytariyo,
kuwo mobilka lagu dabaysto, iyo laydh fiican) ayaa hadda laga helaa bariga Afrika
taas oo qiimaha hoos u dhigaysa (100$ baa lagu helaa isaga oo isku dhan) hafto
muddo dheer leh ayaa la sameeyay si loo dhimo culayska dhaqaalaha qoyska uu
ku leeyahay, iyada oo kharashka muddo dheer iyo sannado lagu fidinayo.
Eight19 waa mid ka mid ah nidaamyadani (www.eight19.com), taas oo bixisa
nidaam isku dhan una ogolaata dadka isticmala in ay si bille ah u soo bixiyaan
iyaga oo mobilka ku soo bixinaya. Shirkadu waxa ay u baahan tahay ganacsato
ku matala Bariga Africa. Waxa taasi dheer M-KOPA, oo ah shirkad xaga lacagta
lagu bixiyo mobileka ee loo yaqaan M-PESA, ayaa waxa ay samaysay nidaam la
mid ah taas oo u ogolaanaysa isticmaalayaasha qalabka cadceeda in ay muddo ku
soo bixiyaan iyaga oo adeegsanaya nidaam moobilka ah oo la mid ah Zaadka
Soomaaliland (www.m-kopa.com). Fursadaha tignoolajiyada gobolku waxa ay
maalgashadayaash u hor seedi doontaa fursado ay ku soo fidin karaan qalabka
qoraxda Soomaliland.

5| Waaxda Tamarta
Kammen: Daniel M. Kammen and Charles Kirubi - Poverty, Energy, and Resource Use in Developing Countries: Focus on Africa, Energy and
Resources Group, University of California, 2008. New York Academy of Sciences.
6

90

Gudbinta iyo Qaybinta Laydhka

Qorshaha dhexe ee ku xisaabtanka


qeybinta ama rakibida mishiinada
korantadu waxay ku xidhan yihiin hadba
koradhka magaalooyinka iyo meelaha
dadku ay degan yihiin, maadaama binu
aadamku aanu ka maari karin adeegsiga
tamarta korontada sidaa daraadeed
qorashaha korontadu waxa uu soo maray
taariikh iyo dariiq dheer oo uu kula jaanqaadayay nolasha aadmiga, taas oo dunidu
ay ka yeelatay qorsheyaal lagu hagayo
isla markaana lagu dhaqayo cida leh
shirkadaha korontada iyo macaamiisha
kala duwan ee ay u adeegaan iyadoo mar
kasta awooda la saarayay sidii loo yarayn
lahaa culaysyada soo waajaha
macaamiisha ku xidhan adeegsiga
korontada iyo siduu xiliba loo horumarin
lahaa dhammaan qalabyada la xidhiidha
korontada.
Xeerka qabyo qoraalka ah ee temarta
korontada oo wakhti xaadirkan doodiisu
hortaalo Golaha wakiilada Somaliland,
ayaa dhiirigelin doonaa maalgashiga
mishiinada iyo qalabka dhalinta, gudbinta
iyo qaybinta tamarta laydhka. Well
constructed and operated grids need to
be financed to ensure delivery of power
from generation to consumption. This is
a low-risk, low-return investment, but it
is also an area of opportunity for future

91

development as the power grid is


improved. Investment in distribution (and
eventually, transmission) is a long-term
prospect for Somaliland, but is an
important component of a future
electricity system.

Shooladaha Cunto Karinta

Dabka ama tamarta laga isticmaalo


guryuhu maaha mid yaraysa ku xidhnaanta
tamarta, balse waaba adeegsiga ugu weyn
ee laga isticmaalo guryaha, laakiin badi
Somaliland waxa laga isticmaalaa awood
kale oo oo ah xaabada dhirta iyo dhuxusha
laga shido, dhirta waxaa loo isticmaalaa
wax karinta maalinlaha ah.
Maadaama qiimaha shidaalka oo qaali ah
ay yaraanayso inta ku xidhan awooda
korontadu halka in badan oo reer
Somaliland uu saameeyay dhaqaale
yaraanta dalka ka jirta oo aan u saamaxayn
inay adeegsadaan awooda korontada.
Shooladaha loo yaqaan HECs oo laga
helo Somaliland ayaa ah kuwo madhxinaya
dhaqaalaha dadka isla markaana lagaga
maarmayo isticmaalka dhuxusha iyo
korontada halka ay ka leeyihiin fayo
dhawr caafimaaad oo fiican. Shooladahaas
ayaa si weyn u anfacay dadka saboolka
ah ee reer Somaliland waxaanay ka
samaysantay dhoobo iyo bir kali ah.

MAALGELINTA QALABKA CUNTO KARINTA EE


NADIIFTA AH
Shirkada Afjireh waxa la sameeyey sannadkii 2012 waxaanu ka qaatay Liisanka
Ganacsiga Somaliland bishii January 2012. Shirkada Afjireh ee Gaasta iyo
Shooladaha waxay leedahay qorshe ganacsi oo cad si ay u buuxiso baahida saylada
ee Somaliland iyadoo soo dejinaysa oo iibinaysa oo qaybinaysa shoolado ku
shaqeeya gaasta la shito oo ku jirta dhiilo loogu talo galay. Afjireh waxay u
ogolaanaysaa macmiisheedu inay iibsadaan ama kiraystaan shooladaha iyo dhiilaha
gaasta waxaanay ku iibinaysaa qiime macquul ah, taas oo furfuri doonta suuqa
kana heli doonta tiro balaadhan oo macaamiil ah. Hadda baahida loo qabo adeegaas
ayaa ka badan baaxada SomGas ee lagu hayo, taas oo ah shirkada keliya ee hadda
ka jirta Somaliland. Waxa jirta fursad weyn oo u furan maalgashi lagu sameeyo
suuqan.

5| Waaxda Tamarta
Kammen: Daniel M. Kammen and Charles Kirubi - Poverty, Energy, and Resource Use in Developing Countries: Focus on Africa, Energy and
Resources Group, University of California, 2008. New York Academy of Sciences.
6

92

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

6 /QAYBTA
KALLUUMAYSIGA
DULMARKA GUUD EE
KALLUUMAYSIGA
Goobta, Dhererka dhul-xeebeedka
iyo Soonaha Dhaqaalaha

Xeebta Somaliland waxay dhacdaa


Waqooyiga Dhulbadhaha, Inta u dhaxaysa
Loolka 10 0N iyo loolka 11 0N, iyo inta u
dhaxaysa dhigta 43.15/E iyo Dhigta 49 0E
ee Gacanka Cadmeed. Xeebtu waxay
dhererantahay masaafo dhan 850Km oo
leh buqcad dhaqaale oo u gaar ah oo
bedkeedu yahay 70,000 sq.km.

Cimilada iyo Jawiga

Xeebtu waa dhul kulul oo qalalan


wakhtiga intiisa badan, roobkuna waxa
uu ka yaryahay 50mm sannadkii. Heer
kulka biyuhu waxa uu gaadhaa 21C bisha
January iyo 37C bisha October. Dabaylaha
Maansuunka sannadkii Waxa la helaa
laba jeer. Maansuunka Koonfur-Galbeed
oo dhacda bisha June ilaa bisha September,
iyo Maansuunka Waqooyi-Barri oo
dhacda bilaha October ilaa March.

Deegaanada Ugu Waawayn ee Dhaca


Xeebta

Xeebta Somaliland waxa ku yaala


deegaano muhiim ah oo ay ku nool yihiin
bulshooyin kalluumaysato ahi. Marka
laga bilaabo Galbeed, waxay kala yihiin:
Lawyacado, Toqoshi, Saylac, Lughaya,
Ceel-Sheekh, Bulaxaar, Geri, Berbera,
CeelGerdi, Karin, Shalcaw, Xiis, Maydh,
Laas Qoray iyo Ceelaayo.

Dabeecadaha Dhul-Xeebeedka

Dhul-Xeebeedka Galbeedku waxa uu


leeyahay xeebo-ciideed balaadhan, halka
dhul-xeebeedka Barrigu leeyahay xeebociideed dhuudhuuban oo ay qaybiyaan

95

dhagxaan soo baxsan iyo gabiyo. Balaca


cidhifka dhulka biyaha gashan ee dhulxeebeedka Barrigu waa 5 ilaa 10km marka
laga cabiro 200m khadka qotoda. Cidhifka
dhulka ee biyaha gashani wuxuu u sii
balaadhaa dhinaca Saylac ee xadka
Djibouti oo uu gaadhaa ilaa 30-50kms.

Khayraadka Kalluunka

Somaliland Waxa lagu galadaystay dhulxeebeedka qani ah oo ku dhereran gacanka


cadmeed. Biyahaasi waxa ku fidsan
noocyo faro-badan oo kalluun ah, oo ay
ka mid yihiin, tuunada, albacore,
aargoosato, abumaqas, Libaax badeedka
iyo kuwo kale oo badan. In kasta oo xog
buuxda aan laga haynin, qiyaasaha laga
helay qiimayno kala filiqsani waxay
tilmaamayaan in ilaa xad ay Somaliland
la mid tahay dhul dhihin oon wali la
taabanin marka la eego khayraadka aan
laga faaiidaysan ee ku jira (IUCN 1997/99
iyo Cesvi 2011).
Celceliska qiimaha lacageed ee xadiga
kalluunka la daban karo sannadkii waxa
lagu qiyaasaa $32 million oo Dollarka
Maraykanka ah, marka loo eego qiimaha
uu markabka ku saaranyahay ($2/Kilo)
ee kala iibsiga suuqa Khaliijka Carabta
sida lagu daabacay qoraalo ay soo saareen
Qaramada Midoobay iyo Bangiga
Adduunku (JNA, Qoraalka Qaybta
Waxsoo saarka, Sept, 2007). Sida ay
muujinayaan qiyaaso dhawaanta la
sameeyay, kalluumaysatada Somaliland
waxay la soo bixi karaan 40,000 oo tan
oo joogto ah sannadkii.

Wax-soo-saarka Kalluunka ee

Qiyaasta calafka ay dabtaan


kalluumaysatada Somaliland waa 1500-

Somaliland waxa lagu mannaystay xeeb hodan ah oo dhinac socota


Gacanka Cadan. Baddani waxay hoy u tahay noocyo badan oo
kalluumo ah sida Tuunada, Albakoor, Aargoosto, Abumaqas,
Libaax Baddeed iyo kuwo kale oo badan.

2000 metric tone sannadkii. Intii ka


danbaysay 2012kii oo ay Wasaarada
Kalluumaysigu joojisay ruqsad-siinta
maraakiibta kalluunka ee Ajaanibka ah
ma jiro wax soo saar rasmi ah oo ka soo
baxa kalluumaysiga badwaynta. Sidaas
daraadeed ma jiraan maraakiib ajaanib
ah oo sifo sharci ah uga kalluumaysata
xeebaha Somaliland xiligan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa xusid mudan
in doonyaha kalluunka ee wadamada
jaarka, sida dalka Yemen ay wali sifo
sharci-darro ah uga kalluumaystaan

biyaha Somaliland. Arintan waxa laga


qaaday dalaabo adag. Way adag tahay in
si sax ah loo sheego tirada doonyaha
noocaas ah iyo xaddiga kalluunka ay
qabsadaan sannadkii; hase ahaatee, waxa
lagu qiyaasaa in kalluumaysiga sharci
darrada ahi gaadho 4800mt-6000mt
sannadkii. Yementa waxa lagu yaqaanaa
in ay adeegsadaan doonyo yaryar oo ka
samaysan qori amma caag ( 8-11m dherer
ahaan) oo qaadi kara 3mt ilaa 7mt.
Maalinimadii waxay aad uga fogaadaan
biyaha kalluumaysiga Somaliland iyagoo
ka cabsi qaba in la xidho.

Shaxdan 1: Kaalmaha bannaan ee u baahan in la buuxiyo qaybta kalluumaysiga Somaliland


Sanadkii

45000
40000
35000
30000
25000
20000
15000
10000
5000
0

40000
Qiyaasta Khayraadka dihin
ee aan la daahfurin ee lasoo
saari karo sanadkii: 32,000
tan

8000

Estmated potentioal catch (mt)

Annual catch (mt)

Noocyada Ugu Badan ee Kalluunka

Somaliland waxay hodan ku tahay khayraadka badda ee laga helo biyaha dhexe iyo
badda hoosteedaba.
Distribution of Targeted Fish Species by Region
Gobolka Dhul xeebeedka la
daraaseeyey(KM)

Noocyada Ugu badan ee kalluunka la


bartilmaameedsaday

Awdal

Sea Cucumber, Shrimps, Crabs and Rock fish,


Shark

230

Saaxil

210

Mackerels, Rock Fish, Lobsters, Shark

Sanaag

430

Tuna, Sardines, Anchovy, Shark Fins, Rock fish


and lobsters, 7

6| Waaxda Kalluumaysiga
7

Somaliland Chamber of Commerce Industry Agriculture. http://www.somalilandchamber.com

96

Fursada ay Somaliland ku balaadhin karto


ganacsigeeda waxa laga dheehan karaa
heerka qaybaha kalluumaysiga ee dalalka
jaarka ah. Dalka Yemen, oo Somaliland
ay badda wadaagaan waxa uu soo saaray
230,000, 180,00 iyo 174,800 oo metric
tons sanadihii 2006, 2007 iyo 2008 siday
u kala horeeyaan (Baanka Adduunka
2009). Gobolka Xadral Mowt ee Yemen
oo la siman dhul-xeebeedka Somaliland,
wax-soo-saarka kalluunka ee sannadihii
2003 ilaa 2005 waxa uu ahaa 85,511mt.
Sidaas daraadeed, wa gar in Somaliland
ay suurto gal tahay in laga helo wax soo
saar la mid ah.

97

DEEGAANKA LAGU
SHAQAYNAYO
Kartida maalgashiga ee Kalluumaysiga
Somaliland waa mid badan, hase ahaatee
ku tiirsan qoddobo badan oo ay ka mid
yihiin, in la helo Kaabayaal dhaqaale oo
la isku halayn karo.

Gaadiidka Badda

Dekada Berbera waa dekad caalami ah


taas oo qaadi karta lix markab oo waawayn
halkii marba. Waxa jira khadad maraakiib
caalami ah oo dakada ku xidha dakadaha
Aasiya iyo Yurub. Dekadu waxay

Rugta Ganacsiga, Wershedaha iyo Beeraha http://www.somalilandchamber.com

leedahay qalab adeeg oo casri ah, waxaana


rubuc qarnigii ugu danbyeey si aada kor
ugu kacay awoodeedaa dajinta iyo rarida
maraakiibta.

Kaydka Qabowga

Qaboojiyeyaasha ama warshadaha soo


saara barafku waa kuwo xadidan xiligan
Somaliland. Waxaana jira fursado
maalgashi oo badan si loo balaadhiyo
qaybtan muhiimka ah ee kalluumaysiga.
Sannadkii 1984, waxay deeq-bixiyeyaasha
caalamiga ahi ka dhiseen Magaalada
Berbera xarun qaboojisa laguna kaydiyo
kalluunka. Xarunta waxa loo sameeyay
inay kaydin karto 400 ton oo kalluun ah.
Dawladu waxay sii waday adeega xarunta
muddo sannado kooban ka hor intii aanu
qarxin dagaalkii sokeeye iyadoo kaalmo
kooban ka heshay ganacsatada. Xiliganse
ma aha xaruntani mid shaqaysa.
Wakhtigan xarumaha iyo qalabka
qaboojiyeyaasha ah ee ay isticmaali
karaan kalluumaysatadu waa mid xadidan,
waana mid wakhtigiisu dhammaaday oo
aan la socon karin shuruucda nadaafadeed
ee caalamiga ah. Si kasta ha ahaatee, ugu
yaraan waxa jira laba shirkadood oo
maxali ah kuwaas oo isku dayaya inay
abuuraan xarumo noocan ah. Intaa waxa
dheer, in hayad samo-fal oo Danish ahi
ay Berbera ka samaynayso xarun
qaboojisa laguna kaydiyo kalluunka.
Guud ahaan, inta badan kalluunka la soo
dabto waxa la keenaa xeeliga badda oo
kalluumaysatadu ay ka iibiyaan cid kasta
oo ay kula kulmaan xeebta. Waxa jira
laba shirkadood oo barafka u sameeya
kalluumaysatada Berbera, awoodooda

wax soo saar oo la isku geeyayna leeg


tahay 3 ton maalintii. Si kastaba ha
ahaatee, shirkado badan ayaa ku
dhawaaqay inay danaynayaan inay
magaalada Berbera ka abuuraan warshado
barafka sameeya sannadka soo socda.
Doonyaha gacmuhu waxay isticmaalaan
talaagado dusha ka furan iyo sanaaduuq
ka samaysan Fiber Glass oo ku haboon
kalluunka darayga ah; si kastaba ha
ahaatee, in la sii gudbiyo ama la habeeyo
kalluunka oo la gaadhsiiyo suuqyada
dalka (sida kuwa Hargeisa, iyo suuqyada
dibada), waxa jirta baahi loo qabo in la
balaadhiyo qaboojiyeyaasha waawayn,
dalkana la keeno mishiino barafka
sameeya, kuwo burburiya ama qurba
barafka iyo baabuur qaboojiyeyaal leh.

Qalabka Habaynta Ee La Ansixiyey


(Tusaale ahaan HACCP)

Si ay u gaadhaan suuqa kalluunka Barriga


Dhexe ee aadka u macaashka badan,
Kalluumaysatada Somaliland waxay u
baahan yihiin inay kor u qaadaan
adeegyadooda si ay u waafaqaan
shuruudaha adag ee dhoofinta kalluunka.
Tusaale ahaan, Barta Xakamaynta Iyo
Lafa-gurka Khatarta (Hazard Analysis
Critical Control Point) (HACCP) iyo
Shahaada-siinta ISO ee caalamiga ah
waxay muhiim u tahay in kalluunka loo
dhoofiyo dalalka Golaha Iskaashiga
Khaliijka (GIK) . Shahaado-siintani
waxay khusaysaa warshadaynta, safrinta
iyo qaybinta cuntooyinka badda.
Xiligan Somaliland kama jiraan Warshado
kalluunka habeeya oo haysta Shahaadada
HACCP. Si kastaba ha ahaatee, Maalgashi
lagu sameeyo tansiilaadka sii jira iyo
kuwa cusubi waxay u sahlaysaa
6| Waaxda Kalluumaysiga

98

maalgashaadayaasha inay fursad u helaan


suuqyo cusub, kobaca ku socda qaybtan
iyo baahida loo qabo in la waafaqo
shuruudaha dhoofinta awgood.

Kaabayaasha Dhaqaale Ee Dhismaha


Doonyaha

Wakhtigan Somaliland Waxa ugu caansan


doonyo dhererkoodu u dhexeeyo 6.4m
ilaa 8.5m oo ka samaysan fiber glass kuna
shaqeeya mashiino awoodoodu tahay 15
ilaa 25 Hp. Doonyahani waxay ka
hawlgalaan meelo aan dhawr kilometer
ka fogayn badda xeeligeeda, Intooda
badan waxa lagu sanceeyaa dalka
gudihiisa. Doonyahaas oo ka samaysan
Fiber Glass iyo Qori waxa sanceeya
Labada shirkadood ee gaarka loo
leeyahay, Gamuur oo Hargeisa ku taala
iyo Marine Products oo Berbera Ku taala.
Doonyahaasi malaha mishiino si fiican
shidaalka ugu shaqaynaya oo
beekhaaminaya. Haddaba waxa jira
fursado maalgashi oo lagu balaadhin karo
kartida samaynta doonyaha wadanka, gaar
ahaan Maraakiibta/doonyaha waawayn
ee awooda u leh kaydinta kalluunka hab
nadaafad leh, beekhaaminta shidaalka,
heerkooda badbaadada badduna sareeyo.

Helida Maaliyad

Ganacsatada kalluunku waxay u fidiyaan


dayn kalluumaysatada iyo dadka ka
ganacsada kalluunka, waxaanay ula
macaamilaan qaab wax is waydaarsi/wax
isku badalasho oo aan lacag naqad ah ku
dhisnayn. Waxa dalka ka jira shirkado
Islaami ah oo lacago daymiya
kalluumaysatada sida Dahabshiil iyo
Salaam. Shirkadahani waxay dalka ka
wadaan mashaariic kala duwan oo tijaabo
ah.

99

Somaliland kama jiraan bangiyo baayac


mushtari oo wax amaahiya ganacsatada,
hase ahaatee hayado iyo deeq-bixiyeyaal
waxoogaa ah ayaa tijaabinaya mashaariic
iyo deeqo lacageed oo ku waajahan
dhinaca wax soo saarka sida
kalluumaysiga. Barnaamijyadaa waxa ka
mid ah; Mashruuca USAID ee Iskaashiga
Kobcinta Dhaqaalaha, Mashruuca Baanka
Adduunka ee Maalgalinta Ganacsiga
Somaliland (MGS), iyo Maalgashiga
loogu talo galay wadamada colaadaha ka
soo baxay ee loo yaqaano Maalgashiga
Tartanka Shirkadaha ganacsi ee Africa
(Entreprise Challenge Fund, AECF).

Adeegyada

Somaliland kama jiraan goob-hawleedyo


lagu dayactiro qalabka iyo mashiina
doonyaha iyo maraakiibta.
Sidoo kale waxa xadidan dukaamada lagu
iibiyo qalabka dayactirka iyo mashiinada
doonyaha kalluumaysiga. Ganacsato
badan oo wadanka ah ayaa ka soo iibsata
qalabkooda ganacsatada kale ee jaarka
sida Boosaaso iyo meelo kale. Waxa cad
in ay jirto baahi loo qabo maalgashiga
adeegyada kala duwan ee kaabaya dhinaca
kalluumaysiga.

Aqoonta iyo Xirfadaha Dadka

Guud ahaan waxa jira gabaabsi dhinaca


xirfadlayaasha kalluumaysiga ee
wadanka, gaar ahaan:
  Farsamo-yaqaano mishiinada
kalluumaysiga
ku
takhasustay
 K h u b a r o
Tiknooljiyada
Mishiinada
kalluumaysiga
  Khubaro baadha tayada kalluunka

See: https://members.wto.org/crnattachments/2011/sps/ARE/11_1768_00_e.pdf

Celceliska sannadkii ee la filayo in la soo qabto waxa lagu


qiimeeyaa in ka badan US$32 Milyan.

  Khubaro dhinaca shuruucda badda


iyo kalluumaysiga
  Farsama-yaqaano ka shaqeeya
qaboojiyeyaasha

Wadooyinka Dhul-xeebeedka

Xiligan ma jiraan wadooyin laami ah oo


mara dhul-xeebeedka Somaliland.
Dhammaan magaalo xeebeedyadu waxay
leeyihiin wadooyin ku xidhan
magaalooyinka kale ee waaweyn, oo ay
ugu wayn tahay wadada wadnaha ee dhex
marta dalka taas oo magaalo xeebeeda
Berbera ku xidha labada magaalo ee dalka
ugu waawayn ee Hargaysa iyo Burco.

Arimaha Nabad-galyada

Somaliland waa dal xasiloon marka loo


eego mandaqada ay ku taalo, waxaana
lagu ammaanaa xasiloonida iyo
nabadgalyada ka jirta. Heerarka faldanbiyeedyadu Somaliland aad buu u
hooseeyaa waxaana ka jira habab loo
xaliyo khilaafaadka oo muddo dheer soo
taxnaa. Arinta budhcad-badeedu may
saamaynin meel qudha oo ka tirsan biyaha
Somaliland rubuc qarnigii ugu danbeeyay.
Dhanka kale, waxa hoos u dhac wayni ku
socdaa dhaq-dhaqaaqyadii budhcadbadeeda ka dib dadaalo caalami ah oo
laga sameeyay biyaha Gacanka Cadmeed
iyo Badwaynta Hindiya. Ammaanka
baddaha ee la adkeeyay waxa uu ka
niyadjabiyay
budhcad-badeeda
faldanbiyeedkan, sida ay sheegtay
daraasad dhawaan la sameeyay.

JAWIGA MAALGASHIGA
Suuqyada dalka

Dalabka iyo baahida kalluunka ee


suuqyada Somaliland maaha kuwo wali

la daboolay. Arintan waxa markhaati u


ah iibka kalluunka ee maalinlaha ah ee
suuqyada xeebaha iyo magaalooyinka
dhulka gashan. Dalabka kalluunka ee
korayaa waxa loo aanayn karaa isbadalka
ku yimi cunista hilibka adhiga iyo geel
oo lagu badalay kalluunka. Intaa waxa
dheer in qurbajoog badan oo dalka ku soo
laabtay iyo joogitaanka hayado iyo
shirkado badan oo caalami ahi ay kor u
qaadeen dalabka noocyo badan oo kalluun
ah oo tayo fiican. Waxa sidoo kale
dalabka Kalluunka kor u qaaday qiimaha
cuntooyinka kale ee laga helo Borotiinka
sida hilib geela iyo adhiga oo qaaliyoobay.
Qiimayn dhawaan laga sameeyay
suuqyada Somaliland ayaa sheegaysa in
qiimaha kiiloo-ga hilibka ahi marayo
$3.67 (saddex dollar iyo toddoba iyo
lixdan santi) oo saddex jibaar ka badan
qiimaha kalluunka. Faraqa u dhexeeya
qiimeyaasha kalluunka iyo hilibku waxa
uu dhaxalsiiyey dadka qaar inay u
badashaan Kalluunka halka ay ka helayaan
Borotiinkooda. Qiimaha kalluunku waxa
uu aad u sareeyaa Magaalooyinka badda
ka fog waxaanu ku jaban yahay magaalo
xeebeedyada qiimaha lagu soo rarayo oo
qaaliya darteed.
In kasta oo ay adag tahay in la helo xog
sax ah oo lagu ogaado xaddiga kalluunka
ay qaadi karaan suuqyada dalku bishii,
waxa la qiyaasayaa in bishi dalabka
kalluunku gaadhayo 280 metric tone
magaalooyinka waawayn ee dalka sida,
Ceerigaabo, Laascaanood, Burco,
Berbera, Hargaysa, Gabiley iyo Boorama.
Shirkadaha kalluumaysiga ee maxaliga
ahi waxa ay suuqyada keenaan 90m/t oo
kaliya bishii, taas oo ka dhigaysa dalabka
aan la haqab-tirin 180190m/t, waxaana
6| Waaxda Kalluumaysiga

GIK waa ururka isu tagat gacanka carabta ama khaliijka ee ku wareegsan qooriga Iran waxanay ka koobanyihiin: Bahrain, Kuwait, Oman,
Qatar, Saudi Arabia, and UAE. Cilmi baadhistan waxa lagu sameeyey wadamada khaliijka iyo Yaman iyo Masar.

100

inta badan dalabkaas laga soo haqab tiraa Muqdisho oo uu kalluunku uga yimaado
qaab la qaboojiyay ama la qasaacadeeyay. Lafa-gurka noocan ahi waxay salka ku
haysaa mala-awaalka in dhammaan qoysaska ku nool magaalooyinkaasi ay toddobaadkii
isticmaalaan 1 kilo oo kalluun ah.

$2.50

$2.00

$2.00
$1.50

$1.80

$1.40

$1.40
$0.95

$1.00

$1.20
Fish steak

$0.50
$-

Burao

Berbera

price/kg
Source: 2011 Somaliland Private Sector Development Assessment

101

Hargeisa

Suuqyada Gobolka

Itoobiya: Waa dal aan badd lahayn oo ay


ku nool yihiin in ka badan 80 million oo
qof. Korodhka ganacsiga iyo dalxiiska
ee Itoobiya waxa uu sare u qaaday dalabka
kalluunka. Wado furan dhammaan
xiliyada sannadka ayaa isku xidha Berbera
iyo Hargeisa oo taxan ilaa galbeedka
Borama. Sidoo kale wado furan dhammaan
xiliyada sannadka ayaa laga dhisayaa
magaalada xadka ku taala ee Wajaale oo
laga yaabo in la soo gabo-gabeeyo
sannadka 2014ka. Shirkado ka mid ah
Kalluumaysatada Somaliland ayaa
bilaabay inay galaan suuqan cusub,
bilaabayna inay u dhoofiyaan kalluun la
qalajiyay amma la qaboojiyay Addis
Ababa. Habkan waxa fududeeyay shirkad
xarun qaboojinta kalluunka ka furtay
wajaale si ay u xidhiidhiso shirkadaha
Itoobiyaanka ah ee iibsanaya Kalluunka
Somaliland.
Jabuuti: Suuqa kalluunka ee dalka
Djibouti waa mid si fudud loogu iibin
karo wax soo saarka kalluunka ee
Somaliland. Dhaqan ahaan dadka ku nool
Djibouti waxay aad u cunaan kalluunka
qiimaha kalluunkuna waa qaali. Magaalo
Madaxda Djibouti waxay martigalisaa
dad badan oo ajaanib ah, ha u badnaadeen
reer Yurub iyo Maraykane, kuwaas oo u
jooga sababo kala duwan. Caqabada
koowaad ee hor taagan in wax soo saarka
kalluunka Somaliland galo dalka Djibouti
waa maalgashi laaanta ka jirta dhinaca
wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaale
ee isku xidha labada dal. Ma jiraan
warshado soo saara barafka oo u dhexeeya
Berbera iyo Djibouti, taas oo Djibouti ka
dhigaysa halka aasaaska u noqon karta
barafka lagu kaydinayo kalluunka, iyo

shidaalka xeebaha galbeed ee Somaliland,


oo ay Barri ugu xigto Lughaya, maxaa
yeelay qiimaha barafka iyo shidaalkuba
waxay xoog ugu jaban yihiin Djibouti
marka la barbar dhigo Somaliland.
Djibouti waa dekad u adeegta oo ay ku
soo xidhaan maraakiib kalluumaysi oo
caalami ah, oo biyaha Somaliland uga
kalluumaysta sifo sharci iyo sharci
darroba ah. Maraakiibtaasi waxay ka
helaan wax soo saarkooda doonyo gacanta
lagu sameeyay oo ka yimaada Djibouti
iyo Somaliland.
Yaman: Dalabka kalluunka ee Yemen
waa mid aad u sareeya. Qaybo ka mid ah
kalluunka taga Yemen waxa uu ka
yimaada Biyaha Somaliland. Sida la soo
wariyay qiimaha kalluunka Yemen waxa
uu marayaa $5-$9 kiloogii, in kasta oo
ay ku xidhan tahay nooca kalluunka.
Dalabka kalluunka ee sareeya waxa
sababay in suuqyada kalluunka ee Yemen
ay aqbalaan dhammaan noocyada iyo
xaddiga kalluunka ah ee galaya, sidoo
kalena ay jirto fursad loogu sii dhoofin
karo dalka Sucuudiga.

Suuqyada Caalamka

Dalalka Khaliijka: In kasta oo ay adag


tahay in la qiyaaso xajmiga dalabka
kalluunku, waxa la soo warinayaa in uu
dalabka kalluunku aad u sareeyo wadama
khaliijka. Arintan waxa laga dheehan
karaa booqashooyinka is daba jooga ah
ee ay Somaliland ku imanayaan
ganacsatada wadamada Imaaraadka,
Kuwayd iyo Boqortooyada Sucuudiga,
kuwaas oo indha-indhaynaya fursadaha
maalgashi ee dhinaca kalluumaysiga.
Madaarka Caalamiga ah ee Berbera waxa
uu noqon karaa meesha ugu wanaagsan
6| Waaxda Kalluumaysiga

102

ee laga dhoofin karo kalluun daray ah oo


la qaboojiyey, amma la qalajiyey iyo
cuntooyinka kale ee badda laga soo saaro
kuwaas oo loo dhoofiyo suuqyo caalami
ah.

Qiimayaasha Kalluunka
Siyaasada iyo Sharciyada
Waaxda kalluumaysiga Somaliland waxa

lagu hagaa Xeer lambar 24 ee soo baxay


bishii Sebtember sannadkii 1995. Sidoo
kale waxa jira xeer-hoosaadka
kalluumaysiga oo sharaxaya sharciga.
Xigashooyin laga soo qaatay shabakada
Somaliland Law (http://www.
somalilandlaw.com/somaliland_fishery_
law.html#Top)

RUQSADA KALLUUMAYSIGA - SHARAXAADA GUUD


1. Wasaaradu waxay siin kartaa ruqsad kalluumaysi maraakiibta dibada iyo kuwa
maxaliga ah
2. Cidkasta oo danaynaysa kalluumaysigu waa inay haysataa ruqsad. Ruqsadani
ma khusaynayso shakhsiyaadka aan isticmaalayn markab kalluun.
3. Wasaaradu waxay siinaysanaa codsadaha ruqsada loo baahanyahay ee uu
damaanad qaaday sharcigu
4. Codsiga ruqsada oo ka kooban macluumaadka soo socda ayaa la soo gudbisan
karaa:
Magaca, sharaxaada/qeexida markabka, calanka iyo ( dakada uu ka
diiwaangashanyahay)
Magaca mulkiilaha, kirada, iyo naakhuudaha markabka
Tirada dhinaca ee markabka, summada radioga iyo hirarka
Sharaxaada kalluumaysiga sida uu dalbanayo codsaduhu:


I.
II.
III.

IV.
V.
VI.
VII.

VIII.

IX.
X.

Nooca kalluumaysiga
Qaabka iyo qalabka kalluumaysiga
Meesha wax soo saarka la dhigayo iyo sharaxaada suuqgaynta, iyo
halka ugu danbaysa ee wax soo saarka lagu iibin doono
Baaxada kalluumaysiga
Noocyada kalluunka iyo noolaha kale ee bada ku jira ee la soo qabto
Sharaxaad ku saabsan shaqaalaha markabka
Sharaxaad ku saabsan doonayaha yar yare ee kalluunka ee uu sido
markabku
Sharaxaad ku saabsan macaamiilka kale oo markabku la leeyahay
Somaliland
Damaanad qaad Bangi
Iyo macluumaad kasta oo ay codsato wasaaradu.

5. Markabka lasiiyo ruqsadu waxa uu muddo dhan 30( soddon) cisho gudahood
kusoo wargalinayaa wasaarada wixii isbadal ku yimaada markabka sida

103

Berbera sea port is an international port...There are international


shipping lines that link the port to all Asian and European ports.

wareejinta mulkiyada, kirada iwm.


6. Numberka ruqsada, magaca markabka iyo dekada uu ka diiwaangashanyahay
waxay si cad ugu qornaan doonan janbiyada/dhinacyada markabka.
Ka timid: 2011 Qiimaynta Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay ee Somaliland 2011

Faaiidada Maalgaliyeyaasha

Dawlada Somaliland waxay u fidisaa


cashuur dhaaf badan maalgashadayaasha
shisheeye iyo qurbajoogta Somaliland.
Saddexda sanno ee ugu horeeya,
hawlgalka kalluumaysi ee shirkada wax
cashuura lagama
Qaadayo (0% boqolkiiba). Intaa wixii ka
danbeeya, maalgashadayaashu waxay xaq
u yeelanayaan cashuur dhimis 50%
(Konton boqolkiiba) macaashka la
cashuuri lahaa taas oo kalluumaysiga ka
dhigaysa maalgashi waara oo lagu
dhiirado. Intaa waxa dheer, qalab kasta
oo loo soo iibsado kalluumaysiga,
habaynta kalluunka iyo suuqgaynta
kalluunkaba waxa loo soo dejisan karaa
bilaa cashuur.

Fursadaha Maalgashi
Waxa jira fursado maalgashi oo aad u
badan dhinaca Kalluumaysiga Somaliland,
kaliya maaha in la kordhiyo soo-saarka
kalluunka, laakiin guud ahaan horumarka
kaabayaasha dhaqaale iyo adeeg ee
taageera qaybta kalluumaysiga.
Fursadaha qaybta kalluumaysiga waxa
laga heli karaa:
 W a r s h a d a h a h a b a y n t a i y o
qasaacadaynta kalluunka oo laga
samayn karaa meelaha dekadaha u
dhaw. Wali lama haqab tirin
dalabka dhammaan suuqyada dalka
iyo gobolkaba. Abuuritaanka
warshado noocaas ahi waxay

furayaan albaabo cusub oo loo


dhoofin karo wax soo saarka
kalluunka gaar ahaan dalalka
jaarka.
  Qiimaynta Tayada iyo Ansixinta:
In la helo Shaybaadh qaranku
leeyahay oo leh awood ay ku bixiso
shahaadooyin caafimaad, iyana waa
fursado kale oo maalgashi oo
muhiim ah. In la gaadho suuqyo
dibada ah waxa u shuruud ah in la
waafaqo heerar caafimaad oo
caalami ahi.
  In la daahfuro Khayraadka biyaha
xeebaha ka baxsan: Qaabka
kalluumaysi ee ugu haboon ee
biyaha Somaliland laga hirgalin
karaa waa qaabka afka-qalaad lagu
yidhaahdo Purse Seining.
Qaabkan kalluumaysi waxa uu
isticmaalaa shabagyo waawayn oo
hoosta ka laalaada, dushana ku leh
sabeeyayaal.
Doonida
isticmaalaysaa habkan ee ay
saaranyihiin 30ka shaqaalaha ahi
waxay qaban kartaa 30MT maalintii.
Habkani uma baahna shaqaale
badan, hase ahaatee shaqaaluhu waa
inay noqdaan kuwo tababaran oo
leh xirfad ay kaga shaqeeyaan
qalabka.
  Fursadaha kale ee Maalgashi waxa
ka mid ah:
Warshado barafka u sameeya
kalluumaysatada tagaya
badwaynta
6| Waaxda Kalluumaysiga

104

Kayd qaboojiyayaal laga


sameeyo, Berbera, Hargeisa,
Borama iyo Magaalooyinka
kale ee muhiimka ah

In la sameeyo Goob-hawleedyo
lagu iibiyo qalabka dayactirka
iyo hagaajinta doonyaha.
Adeega la talinta iyo tababarada.

DARAASAD
Maalgashiga kalluumaysiga ee
Somaliland
Berbera waxay leedahay xarun kalluunka lagu qaboojiyo oo wayn, hase ahaatee
waligeed ma helin kalluun amma doonyo kalluumaysi oo ku filan inay haqabtiraan Sidaa waxa sharaxay Axmed Cismaan Ismaaciil oo ah aasaasaha shirkada
GETCO oo fadhigeedu yahay Berbera, taas oo qorshaynaysa inay furto warshad
yar oo lagu habeeyo kalluunka iyo xarun lagu qaboojiyo oo qaadi karta 1 ilaa 100
ton oo kalluun ah.
Ka dib cilmi-baadhis baaxad leh oo lagu sameeyay Suuqa kalluunka, Axmed
waxa uu sannado dhawr ah qorshaynayaa inuu ganacsigiisa ku fidiyo habaynta
kalluunka. GETCO waxay ku maalgashanaysaa abuuritaanka warshada samaysa
barafka, xarun qaboojisa kalluunka, iyo doonyo kalluumaysi iyo qalab lagu
habeeyo laguna qasaacadeeyo kalluunka hanti dhan $200,000 (laba boqol oo kun
oo dollar).
Waxaanu qorshaynaynaa inaanu dhisano gebi amma dekad yar si ay kalluumaysatadu
si fudud ugu soo xidhmi karaan qalabkayaga Ayuu yidhi Axmed.
GETCO waxay qorshaynaysaa inay Berbera ka abuurto ugu yaraan 15 shaqo oo
joogto ah oo cusub, taas oo ay ku jiraan dumar kuwaas oo ka shaqayn doona
qaybta habaynta kalluunka, darawalo, hawl-wadeenada mishiinada kala duwan
iyo ilaalada. Dhammaan shaqaalaha waxa la siin doonaa tababar toos ah oo shaqada
ah. Balaadhinta ganacsiga GETCO waxa uu siin doonaa fursad kalluumaysatada
yar yar ee Berbera. GETCO waxay soo iibsan doontaa mishiin sameeya barafka,
5 ton saacadiiba, taas oo shirkada u sahli doonta inay kalluunka keento caasimada
Hargeisa una dhoofiso Ethiopa oo ah suuqa ugu wayn ee shirkada GETCO.

105

FAAHFAAHIN: AKADEMIYADA BADDA IYO


KALLUUMAYSIGA EE BERBERA
Akademiyada Badda iyo Kalluumaysiga ee Berbera waxay ku diiwaan gashantahay
hayad madaxbannaan oo aan faaiido doon ahayn. Hayadan oo ah ilaa heer
Jaamacadeed waxay himiladeedu tahay inay noqoto xarun waxbarasho oo aqoonta
iyo cilmi baadhis laga helo taas oo horseedaysa horumarin waara oo ku saabsan
dhinaca kalluunka iyo maraakiibta Somaliland.

Waaxyaha Akademiyada Nautical science

  Culuumta Badda
  Kalluumaysiga
  Injineeriyada Baddaha
  Lacagta iyo Maamulka
Waaxda Kalluumaysiga waxa hoos yimaada:
  Qaybta Cilmi Baadhista iyo Adeeg- gaadhsiinta
  Qaybta Kalluunka iyo Baddaha
  Qaybta Tababarka Dheeraadka ah

Barnaamijyada

Iyadoo ka duulaysa ujeedadeeda Jaamacadu waxay yoolka saaraysaa saddex


barnaamij oo muhiim u ah:
1. BARNAAMIJKA AKADEMIYADA
Jaamacada Barnaamijkeeda waxbarasho wuxuu ka kooban yahay:
  Barnaamij afar sanno ah ee shahaadada Jaamacada (Bachelor);
  Barnaamij laba sanno ah oo Diploma ah
  Barnaamij shahaado
[Ardaydii ugu horaysay ee hawshan waxbarasho loo qaatay waxay galeen September 2012]

2. BARNAAMIJKA WAXBARASHADA DHEERAADKA AH


Tababar ayaa la bixinayaa ku saabsan kalluumaysiga iyo badda. Jaamacadu waxay
bixinaysaa koorasyo loogu talo galay dadka ka shaqeeya ama doonaya inay ka
shaqeeyaan hawlaha kalluumaysiga iyo maraakiibta sida: kalluumaysatada,
baddmareenada, shaqaalaha dekeda, iyo dadka iskuulada sare ka tegay ee aan
dhammaysan.
3. CILMI BAADHIS
Jaamacadu waxay ku samaynaysaa cilmi baadhis arimo badan oo ay ka mid yihiin
sida loogu nool yahay, waxyaalaha ku jira, tirada badda iyo sida ay noloshu isu
bedesho, saamaynta uu ku leeyahay kalluumaysigu tirada kalluunka iyo silsilada
quudka badda, habaynta cuntada badda iyo suuq gaynta, kalluumaysiga maxaliga
ah iyo aqoonta badda, wasakhaynta badda iyo difaaca deegaanka, maamulista
6| Waaxda Kalluumaysiga

106

dekedaha iyo horumarkooda, tignoolajiyada lagu kalluumaysto, dalxiiska badda,


maraakiibta iyo badda ijiindheeradooda.
Haddaad war saxa rabtid la xidhiidh websitekan: https://www.facebook.com/
BerberaMaritimeUniversity.

107

6| Waaxda Kalluumaysiga

108

WAX-SOO-SAAR
KALLUUN ISKU JIRA OO
DHAMMAYSTIRAN
HAWLGAL
KALLUUMAYSI OO
SAYLAC KU WAJAHAN
Qorshaha Suuqgaynta

Suuqa halbawlaha u ah mashruucan


kalluunka laga soo saarayo Somaliland
waa magaalada Djibouti oo in ku siman
laba saacadood oo safar dooni ah u jirta
Saylac. Kalluunka waxa lagu kaydinayaa
baraf wakhtiga soo saarka waxaana lagaga
iibinayaa isagoo qabow shirkado gaar ah
qiime hore looga sii heshiiyey. Inta aanay
soo laabanin doonyaha kalluunku, waxay
Djibouti ka soo iibsan karaan dhammaan
waxyaabaha ay u baahan yihiin sida;
shidaalka, saliida, qalabka dayactirka,
barafka, cuntada iyo biyaha.

Qaabka Hawlgalka

Maalgashaduhu waxa uu u baahan yahay


inuu soo iibsado markab wayn oo
kalluumaysi oo loo isticmaali karo
ujeedooyin badan oo qaadi karaysa 8-10
metric tone oo kalluun ah iyo afar
doonyood oo yar yar. Doonta wayni
waxay u noqon karaysaa fadhiisin afarta

doonyood ee yar yar oo ay ka qaadan


karaan shidaalka, barafka iyo waxyaabaha
kale ee loo baahan yahay. Doonyaha kale
waxay soo dabtaan waxay ku kaydin
doonaan qaboojiyaha doontan. Sidoo
kale, doonta waxa lagu rakibi kara qalab
kalluumaysi oo casri ah si ilaa habeenkii
ay u kalluumaysan karto. Intaa waxa kale
oo dheer in maalgashaduhu uu heshiis la
gali karo kalluumaysatada kale isagoo
qiimo wanaagsan kaga iibsanaya
kalluunka ay ka soo dabtaan badda
gudaheeda iyagoo jooga oo aan u baahanin
inay dib ugu noqdaan dekadii ay ka soo
baxeen. Haddii kalluunku doonta wayn
uga yimaado saddexdaa ilood(
kalluumaysatada maxaliga ah, doonyaha
yar yar iyo doonyaha waawayn), waxa la
qiyaasayaa in qaadka kalluunka ee doonta
wayni ku buuxsami doonto 15 cisho. Ka
eeg macluumaad dheeraad ah oo ku
saabsan khaas ahaan doonyaha loo baahan
yahay, dhammaadka macluumaadka
mashruuca.

Saldhiga Kalluumaysiga

Doonyaha kalluumaysi ee ganacsigan


waxa fadhiisin u noqon kara xeebta
Saylac, Tusaale ahaan. Xeebtani waxa ku
jira khayraad kalluun oo fara badan sidoo

Raasamaalka galaya Mashruuca

Qalabka
Tirada
Dooni Wayn, , FRP, 13m dherer ahaan, si
1
buuxda ugu qalabaysan kalluumaysi
Doonyo yaryar , FRP, 6.4m dherer ahaan
4
Mishiino kalluumaysi (grears) (tiro ku filan)
Qalab ku talo gal, sida qalab hurdo, wax
karsi iyo kayd
Isu Gayn
109

Qiimaha$
$100,000
$16,000
$13,000
$2,000
$113,000

Shaqaalaha Loo baahan yahay

Khaas

No

Naakhuude
Hawl-wadeenada Mishiinada
Kalluumaysato xirfad leh
Karaani
Iibiye

1
1
19
1
2

Mushaharka Isu Gaynta


Bilaha ah (US$) Sannadkii
1000
12000
800
9600
250
57000
300
3600
400
9600
Isu Gayn
$91,800

Mushaharka waxa dheer, cunto lacag laaan ah oo la siiyo shaqaalaha ganacsigan.

Qorshaha Fulinta ee Mala-awaalka ah

Shaqo
Baadhis Internetka ah (in la raadiyo doon
kalluumaysi oo ku haboon)
Dalabka doonta iyo keenisteeda
Isu Gayn

kale waxa hadhsada doonyo tiro badan.


Goobtu waxay leedahay faaiido wayn oo
aan lagula tartarmi karin, taas oo ah u
dhawaanshaha suuqa Djibouti (20 mile).

Maamulka Ganacsiga

Tusaale ahaan, ganacsigu waxa uu xafiis


iyo kayd ku yeelan karaa Saylac.
Mulkiilaha ganacsigu waxa uu noqon
karaa Maamulaha ganacsiga, isagoo ay
gacan siinayaan sarkaal logistikada ah,
iibiye iyo xisaabiye ama karaani.
Doonyaha kalluumaysiga oo laga soo
iibiyo lagana soo qaado farsamayaqaanada
maxaliga ah, abuurista xafiis diiwaangalin,
booqasho goobta kalluumaysiga iyo suuqa
waxay barbar socon doonaan hawlaha

Mudada (billo)
1
24
3-5

iibka iyo harumarinta ganacsiga ee kor


ku xusan.

Kharashka hordhaca ah
Waxa jiri doona kharash loogu baahan
doono kharashaadka la xidhiidha diiwaan
galinta ganacsiga, abuurista xafiiska,
shaqaalaysiinta iyo indha-indhaynta
suuqa Djibouti.

Raasamaalka Loo Baahan yahay


Lacag lagu qiyaasay $25,000 ayaa loogu
baahnaan doona soo iibsashada kalluunka,
bixinta kharashka shidaalka iyo barafka,
iyo kharashaadka xafiiska.

6| Waaxda Kalluumaysiga

110

Cost of the Project

Items
A. Dakhliga Iibka
B. Kharashka wax soo saarka

Cost US$
US$280,800

Shidaalka kalluumaysiga
Shidaalka safarada
Saliid
Baraf
Cunto
Dayactirka Mishiinada
Badalida mishiinada kalluumaysiga
Biyo
Shidaalka karsiga
Iibsashada kalluunka
Mushaharooyinka
Faaiidada iibka (2.5%)
Kharashka Maaraynta
Isu gayn dhexe ( sub)
C. Dakhliga Guud
Kharashka hoos u dhaca
Cashuurta iibka (5%)
D. Dakhliga naqadka ah

$15,600
$1,430
$1,703
$9,750
$4,387.50
$3,000
$4,690
$1,200
$2,555
$23,400
$91,800
$7,020
$6,000
$172,535.50
US$108,264.50
$6,250
$3,510
US$98,504.5

Xisaabinta Macaashka

Wax soo saarka ganacsigu waxa uu ka iman doonaa saddex ilood:


  Doonta wayn
  Doonyaha yaryar
  Kalluunka laga iibsado kalluumaysatada maxaliga ah.
Wax soo saarka guud ee sannadkii waxa lagu qiyaasay 70.2 metric ton. 16.7% oo kaliya ayaa
la filayaa inuu ka iman doono kalluunka la soo iibsan doono.

WAX SOO SAARKA KALLUUNKA EE LA QIYAASAY SANNADKII

Isha wax soo saarka


Doonta wayn
Kalluunka doonyaha yaryar
Kalluunka la soo iibsanayo
Isu gayn
111

Tirada (Tonnes)
19.5
39.0
11.7
70.2

Somaliland waa waddan guud ahaan nabad ah, oo ku faana xasiloonida


iyo nabadgelyada uu haysto.

Dakhliga Iibka

Qiime dhan US$4000/ton waxa sannadkii ka soo xaroon doonta dakhli dhan
$280,800.00.
Barta Is-bixinta = $ 66,905.0
MALAYAASHA MUHIIMKA AH

Hawl-galka Kalluunka
Tirada Maalmaha kalluumaysiga sannadkii

270

Tirada safar ee lagu tagayo suuqa sannadkii


Dhererka safarka (15 cisho oo la kalluumaysanayo; 5
cisho oo suuqa la qabanyo)
Wax soo saar
Doonta wayn maalintii
Doonta yar maalintii
Kalluunka la iibsanayo maalintii
Qiimaha Kalluunka
Qiimaha lagu soo iibsanayo
Qiimaha lagu iibinayo
Shaqaalah Doonta
Tirada kaluumaysatada doon kasta
Tirada shaqaalaha doonta wayn

13
20 days

100kg
50kg
60kg
$2/kg
$4/kg
4
5

KHUSUUSIYAADKA: DOONYAHA WAAWAYN

Dhererka guud

14m

Balaca
Qotoda
Qaadka kalluunka iyo barafka
Awooda matoorka
Xawaaraha socodka

3.74m
1.80m
8-10mt
100 -150hp
15 -20knots

KHUSUUSIYAADKA: DOONYAHA YARYAR

Dhererka guud

6.4m

Balaca
Qotoda
Qaadka kalluunka iyo barafka
Awooda matoorka

2.2m
0.80m
0.5mt
15hp
6| Waaxda Kalluumaysiga

112

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

Local salt traders in Borama transport, bag, and sell raw crushed salt from
the historic salt wells of Tokhoshi, near the coastal town of Zeila.

7 /XOGTA MASHRUUCA
SIFAYNTA MILIXDA
GOGOL DHIG
Curiyaha Sodium Chloride ee sidoo kale
loo yaqaano milixda, ama milixda miiska,
waa wax-soo-saar aad u muhiim ah
dhammaan adduunka oo ay Somalilandna ka mid tahay. Milixda waxa lagu daraa
cuntada, waxaana ku dara cida soo saarta
cuntada ama qofka quudanaya, waxay kor
u qaada dhadhanka cuntada, waxay ka
ilaalisaa inaanay qudhmin, way isku
haysaa, waxa loo isticmaalaa khamiirinta,
ilaalinta qarada iyo midabaynta. Dhanka
kale, milixda waxa loo isticmaalaa
hoodhinta iyo dawaynta hargaha, oo lagu
daro saanta xoolaha si ay uga ilaaliso
inuu jeermis ku dhasho wajiga hoose ee
hargaha iyo inay qoyaan siiso saanta.
Waxa sidoo kale loo isticmaalaa
warshadaynta cuntada, xidhmaynta iyo
qasaacadaynta, duubista, caanaha iyo
midhaha la ridqo. Milixda waxa isticmaala
warshadaha oo ay ka mid tahay sahaminta
gaasta iyo shidaalka; midabaynta
haraaqaha iyo warshadaynta biraha
culculus sida Almumiiniyamta, Berrylium,
Copper, Steel iyo Vanadium. Sidoo kale
milixda waxa loo isticmaalaa habaynta
rabadhka, samaynta waraaqaha, mufaaska
(faro mariska), iyo adkaynta dhismayaasha
shubka ah iyo aasaaska biriishyada
waawayn. Isticmaalka milixdu waxa kale
oo uu galaa samaynta dawooyinka iyo
daawooyinka xoolaha iyo in dhalaalinta
barafka ee dalalka qaboobaha ah xiliga
jiilaalka.
Xiligan milixda waxa laga soo saaraa
biyaha badda oo la uumi bixiyay ama gal
milixeedyo xeebta ku teedsan. Waxa kale
oo laga soo saara qodista milixda cusbada.
Xaga wax soo saarka milixda waxa ugu

115

badan adduunka Shiinaha. Sannadkii


2010, adduunka waxa laga soo saaray 270
million oo tone oo milix ah. Shanta wadan
ee ugu wax soo saarka badan dhinaca
milixda waxay kala yihiin ( million tan):
Shiinaha(60.0), Maraykanka (45.0),
Hindiya (20.0), Jarmalka (20.0), iyo
Kanada (14.0).
Marka la eego wacyiga Somaliland iyo
Mandaqada geeska Afrika, ma jiraan
warshado badani, sidaas daraadeedna
isticmaalka mixlidu waxa uu ku koobnaan
doonaa in cuntada lagu darsado,
cuntooyinka la habaynayo, hoodhinta
hargaha iyo marooyinka. Hase ahaatee,
isticmaal kale oo muhiim ah oo milixdu
leedahay waxa weeyaan milxinta xoolaha.
Xoolaha waxa loo dhigaa cusbo iyo carro
isku jirta dhawr jeer toddobaadkii si loo
yareeyo dirxi ku dhasha calooshooda
hilibkoodana looga dhigo hilib jiidha oo
jilicsan.

WAX SOO SAARKA


MILIXDA EE
SOMALILAND
Goobo biyaha baddu ku soo caarido oo
ku yaala Woqooyiga Galbeed ee
Somaliland ee Saylac u dhow ayaa ahaa
meelo laga gurto milixda ka dhalata
biyaha badda ka dib marka ay uumi
baxaan. Milixda waxa kale oo laga soo
saaraa ceelal-milixeedyo iyo goobo ay
mawjadaha baddu dhigeen biyaha dhanaan
agagaarka Berbera iyo qaybaha Bari ee
dalka. Iyadoo hadana taasi jirta, milixda
cuntada lagu darsado inteeda badani
waxay Somaliland uga timaadaa dalka
Yemen oo u dhoofiya wadamada kale ee
gobolka.

Somalilands salt producing sites have fast, favourable salt


production conditions including highly saline lagoon water, flat
land, and sun and wind.

Goobaha milixda laga soo saari karo ee


Somaliland waxay haystaan dhammaan
xaaladihii ku haboonaa wax soo saarka
milixda oo ay ka mid yihiin; biyo dhanaan,
dhul siman, cadceed iyo dabayl.
Somaliland waxay tahli kartaa inay soo
saarto milix tayadeedu aad u sarayso oo
aan kaliya ku koobnayn suuqa maxaliga
ah ee loo iib gayn karo suuqa gobolka
(Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika)
ee loo yaqaan MENA. Waxa la qiyaasay
inay jiraan shakhsiyaad dhawr boqol
gaadhaya oo ka ganacsada milix aan la
habayn xeebta Toqoshi oo inta badan lagu
iibiyo suuqa maxaliga ah. Dadka soo
saara milixda qaydhiin waxay isticmaalaan
habab wakhti hore la isticmaali jiray,
waxaana baahi wayn loo qabaa in la
casriyeeyo habka wax soo saarka ee
milixda. Waxa cad inay jiraan fursado
maalgashi oo ka bannaan qaybtan. Dooda
qaybtan Hagaha Maalgashigu, waxay ku
kooban tahay wax soo saarka milixda la
sifeeyey iyadoo la isticmaalayo milixda

dalka laga soo saaro. Shaxda ku lifaaqan


faqradan ayaa la isticmaalayaa si loo
dhiiri galiyo maalgashiga.
Dalka Jaarka ah ee Itoobiya waxa uu soo
dhoofsadaa dhammaan milixdiisa.
Dalabka guud ee milixda la sifeeyay ee
gobolku u baahan yahay sannadkii waxa
lagu qiyaasaa 150,000 MT. Wakhtigan
Somaliland malaha karti lagu burburiyo,
daqiijiyo laguna daro curiyaha Iodine
milixda. Hase ahaatee, warshadii ugu
horaysay waxa laga dhisay Borama.
Suurtogalnimada dhaqaale ee soo saarka
milixda la sifeeyay iyo suuq gayntuba
waxa ku cad yihiin halka hoose. Tusaale
ahaan, warshadu waxay soo saaraysaa

SUURTO-GALNIMADA
MAALIYADEED
Maalgashiga guud ee qalabka iyo
dhismaha shirkadani waxa uu noqon karaa
sida ku xusan shaxankan 1aad:

SHAXANKA-1

KHARASHKA MASHRUUCA
Faahfaahin
Dhul (5000 Sq Mtrs)
Dhisme (500 Sq Mtrs)
Warshada iyo Mishiinada
Faaiidada Raasamaalka
Isugaynta Kharashka

Xaddiga (USD)
$50,000
$200,000
$100,000
$350,000

7| Waaxda Milixda
In the 2012-2013 bilateral Ethiopia-Somaliland trade negotiations, salt (along with fish) were prioritized by both parties as sectors where
Somaliland has a potential to exploit more local resources, and Ethiopia has increasing demand.
10

116

A local Borama-based company is constructing Somalilands first processing


facility to refine and iodize raw Tokhoshi salt and is exploring opportunities to
expand to the export markets of Ethiopia.

117

Liiska Mishiinadu waxay ku xusan yihiin shaxanka-2aad.


Shaxanka-2

No.
A.
1
2
3
B.
1
2
3
4
C.
1
2
3
D.
1
2
E.
1
2

QEEXIDA SHAYGA
Qaybta Milixda Qaydhiin
Qaybta milixda qaydhiinka ah lagaga shubo
Marinka Milixda qaydhiin
Burburiyaha Milixda qaydhin
Qaybta qoynta
Haanta samaynta dareeraha
Bamamka
Haanta Maydhista
Haanta qaybinta hawada iyo walxaha adag
Qaybta kala saarista noocyada dareerayaasha
kala duwan
Adkeeyey
Warejiye
Iodization Screw Blender
Qaybta Qiyaasta
Haanta Qiyaasta
Bambka Qiyaasta
Qaybta Xidhmaynta
Mishiinada Xidhmaynta
Xidhayaasha Jawaanka
WADARTA KARTIDA XIDHIIDHSAN (HP)

Qty.
1 No
1 No.
1 No
1
4
1
1

No.
No.
No.
No.

1 No.
1 No.
1 No.
1 No.
1 No.
2 No.
6 No.
50

7| Waaxda Milixda

118

Waxa halkan hoose ku xusan wax yaabaha la sii saadaaliyay ama maleeyay Shaxanka3aad.
shaxanka-3

Estimates of Installed Capacity of


Processing Plant and Utilization
Year 1
Year 2
Item Particulars
Units Qty
MT Units Qty
MT
Installed Capacity @ 2.5 MT/
Hr
No of Working Hrs / Shift
Hrs
Qty of Salt Processed / day

MT

No of Work days/Month

Days

Hrs
15

25

Qty of Salt Processed / Month MT

MT
Days

375

15
25

MT

Days

Qty of Salt Processed / Year

MT

4500

MT

4500

Target Production

MT

1639

MT

2484

119

Days

375

No of Work Days/Year

No of Work days Required to Days


Achieve Target
Capacity Utilization %
%

300

109

Days
36

300

4500

166
55

7| Waaxda Milixda

120

shaxanka-4

QIYAASTA KHARASHKA, DAKHLIGA IYO MACAASHKA MILIXDA LA SIFEEYEY


Faahfaahinta Shayyada
Jawaanada Milixda qaydhiin ee 45 Kgs calaa xabo
Safrinta/rarka
Qiimaha milixda qaydhiin markay warshada soo gaadho
Xaddiga wax soo saarka (milixda khasaartay 8%)

Isticmaalka Korontada, biyaha iwm


Koronto 10 kW/MT
Biyo 0.5 Cu Mt/MT
Shidaalka
Mushaharooyinka iyo gunooyinka
Ku darida Iodine

Qardaasaynta
1 Kg Kiish
50 Kg Kiish (50 midh oo kiishash 1Kg ah cala xabo
Dayactir
Qiime-jabid
Tababarka
Qaybin
Tabaruca bulshada

Wadar dhexe
Kharashaad kale

Wadarta Kharashka wax soo saarka


Iibka
Macaashka Guud

121

Daraasada halkan lagu soo bandhigay waxay qeexaysaa warshed


samaynaysa milixda maxaliga ah ee laga soo saaro Tokhoshi taas
oo ku soo celinaysa lacagtii gashay muddo laba sanno ah sida ku
cad faaiiido celin dhan 50%.

Sanadka 1aad
Halbeeg

Tiro
Jawaano
39,600

36,432

sanadka 2aad

Rate Qadarka

MT

USD

USD

1,782

2.50

99,000

19

1.9

188,000

36

287,000

55

36,432

1,782

1.00

17,820

Cu Mt

1,782

1.25

1,114

0.2

1.00

Lit

Nos

1,639

Tiro

Rate

Qadarka
USD

Jawaano

MT

USD

60,000

2,700

2.80

168,000

19

2.20

369,600

41

537,600

59

55,200

kW

MT

Halbeeg

2,484

kW

2,700

1.10

29,700

Cu MT

2,700

1.50

2,025

0.2

2,484

4.50

11,178

0.06

136,620

15

49,680 0.22

10,930

2,484

12,420

Lit

4.00

6,558

0.05

81,972

16

32,789

0.20

6,558

1,639

3.70

6,066

20,000

20,000

3,000

0.6

4,500

0.5

8,197

13,662

5,500

8,000

503,784 96

876,635

97

19,950

28,845

3.2

905,480

100

1,639

5.00

MT

Nos

2,484

5.0

5.50

523,734 100
1,639

400

655,776
132,042 20

2,484

500

1,242,000
336,520

7| Waaxda Milixda

122

27

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

As the residential and commerical construction sector expands in Hargeisa, construction


companies are investing in local workshops to ensure more local manufacturing.

8 /DAREENKA
GANACSATADA
CAQABADAHA SOO
FOOD SAARA
MAALGASHIGA IYO
SHIRKADAHA
SOMALILAND
Hordhac
Iyadoo dawlada Somaliland si buuxda
uga dharagsan baahida loo qabo in la
abuuro Jawi macaan oo lagu gaadho
koboc dhaqaale oo waara, waxay aad u
danaynaysaa in jawiga maalgashiga
halbawle ay uga dhigto harumarinta
shuruucda si mudnaanta loo siiyo fulinta
siyaasadaha muhiimka ah ee dalka ku
hayn kara wadada dib u soo kabashada.
Arintan waxa loo dabaqay in la dhaqan
galiyo shuruuco maaliyadeed, bangiyada,
tamarta, ganacsiga iyo maalgashiga iyo
ilaha wax soo saar ee muhiimka ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira caqabado
hor yaala maalgashiga iyo shirkadaha
maxaliga ah ee Somaliland. Ururka
Warshadlayda Somaliland waxa uu soo
wariyay in 39 ka mid ah 54 warshadood
oo darajada dhexe iyo hoose ah oo is
diiwaan galiyay 2010 ay xidhmeen.
Daraasaadka joogtada ahi waxay
muujinayaan in maalgashiyada cusubi
aanay hanoqaadin marka la bilaabo ka
dibna ama ay guul daraystaan ama
xidhmaan. Inta badan kuwaasi waxay
ahaayeen maalgashi ay sameeyeen
qurbajoogtu, kuwaas oo aan haysan xogta
suuqa ee aasaasiga ah ama taageero
xoogan markay maalgashiga samaynayaan.
Qaybtan Hagaha maalgashigu waxa uu
akhristayaasha u soo bandhigayaa kuwo
ka mid ah casharada laga bartay
maalgashiyada cusub ee la daraaseeyay.

125

Caqabadaha Soo Food saara


Ganacsatada Somaliland

Caqabada ugu muhiimsan ee soo food


saara ganacstada Somaliland waa kuwo
ku taxaluqa fursad u helida adeegyo
maaliyadeed, kaabayaal dhaqaale oo xun,
iyo shuruuc koraysa hase ahaatee aan
dhammaystirnayn. Isla markaana waxa
xawli ku socda ganacsiga gaarka loo
leeyahay oo leh kartida uu ku bixin karo
fursado maalgashi oo fara badan.
Sida lagu ogaaday Sahaminta Heerka
Kalsoonida Ganacsiga Somaliland (
HKGS, 2012), iyo cilmi-baadhis lagu
sameeyay wax soo saarka kalluunka
(2013), taas oo ay iska kaashadeen
Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga,
Rugta Ganacsiga iyo USAID, caqabadaha
ugu waawayn ee ay la kulmaan ganacstada
Somaliland kuwaas oo fashil badan ku
sababay shirkadaha yar yar, waxa ka mid
ah:
  Qiimaha tamarta oo sareeya
  Shaqaalaha xirfadlayda ah ee
maxaliga ah oo gabaabsi ah
 K h a r a s h k a s h a q a a l a h a i y o
mushaharooyin aan ku filayn
  Gashiga alaabta qaydhiin ee
shirkadaha oo ah kuwo aan la
saadaalin karin oo aan la isku
halayn karin
  Culays dhinaca cashuuraha ah
  Maqnaanshaha adeegyo lacago lagu
daynsado iyo maalgashi ganacsi
  Tartan kaga yimi alaabta jaban ee
la soo dhoofiyo
  Caqabadaha dhanka xuquuqda
hantida iyo kalsoonida muddada
dhulka
  Fulin laaan dhinaca heshiisyada
ah

The growth in the number of business registration translates


into the growth of the formal economy and underlines the
increased confidence of existing businesses and new investors
in the level of security and political stability.

  Kaabayaal dhaqaale oo xun, gaar


ahaan wadooyin waawayn iyo
wadooyin gala warshadaha iyo
kharashaka transporationka oo
qaaliya
Waxa xusid mudan, in daraasadaha laga
sameeyay maalgashadayaasha maxaliga
ah, in nabadgalyada iyo badbaadada
aanay u arag caqabad wayn. Guud ahaan
Somaliland waxa loo tixgaliyaa meel
nabad iyo ammaan ah oo lagu ganacsado.
Si loo fahmo caqabadaha ugu waawayn
ee hor yaala shirkadaha ganacsi ee
Somaliland, dadka la waraystay waxa la
waydiiyay inay taxaan caqabadaha siday
u kala mudan yihiin mid hoose ilaa mid
sare. Caqabada koowaad ee soo food saara
ganacsatada waxa la qiray inay tahay
Dhaqaale laaanta (90%) waxa soo raacay
qiimaha tamarta oo sareeya (75%) afarta
goobood ee laga sameeyay daraasada
(Awdal, Maroodijeex, Saaxil, iyo
Togdheer).
Si kastaba ha ahaatee, xeerarka kaabista
iyo wax ka badalka lagu sameeyay,
sharciga cusub ee la aqbalay ee bangiyada
iyo xeerka cusub ee bangiyada ganacsiga,
sharciga cusub ee tamarta taas oo
dhiirigaliya maalgashiga tamarta
dabiiciga ah si qiimaha hoos loogu dhigo,
Somaliland waxay haysataa awood ay ku
soo jiidato maalgashiga ganacsiga gaarka
loo leeyahay ee halbawlaha u ah dib u
dhiska iyo koboca dhaqaalaha oo lagu
cidhib tiri karo saboolnimada, laguna
abuuri karo fursado dhaqaale iyo shaqo.

ADEEGA LACAGTA
Xaaladaha dalalka ka soo ka baxa
khilaafka iyo dagaalada oo dhaqaalahoodu
aanu helin kaalmo caalami ah iyo aqoonsi
siyaasadeed, dadaalada dib loogu
dhisayay dawladnimada iyo nidaamka
dawladnimo ee ay Somaliland qaaday
waxay ahmiyad u ahaa nabadgalyada,
halka ay ka dhisi lahayd hayada dawliga
ah. Horumarka laga sameeyay dhinaca
nabadgalyada iyo sharciga iyo kala
danbayntu waxay kor u qaaday fursadaha
ganacsi ee u furan maalgashadayaasha,
iyadoo sidoo kalena saamayn togan ku
yeelatay socodka kaalmada bani
aadamnimo ee lagu taageero adeegyada
dadwaynaha, iyagoo ku imanaya qaab
mashaariic horumarineed. Si kastaba ha
ahaatee, adeegyo lacageed oo wax ku
ool ahi waa suurtogaliyaha koboc
dhaqaale, waxaana loo tixgalinayaa
dakhli abuur iyo kabasho dhaqaale.
Marka laga yimaado ammaaahda ganacsi
ee xadidan, dhinaca adeega lacagtu waa
qaybta ugu horumarsan uguna horaysa
dhaqaalaha Somaliland. Ganacstada
gaarka ahi waxay si joogto ah oo halabuur leh uga jawaabaan dalabka
macaamiishooda. Dhinaca lacagaha waxa
haysta laba shirkadood oo waawayn oo
Somali ah, oo kala ah Shirkada Telesom/
Salaam iyo Somtel/Dahabshiil, kuwaas
oo maamula saami wayn oo ka mida $1
billion oo doolar oo ah lacagaha xawilaada
ee soo gala Somaliland sannadkii.
Shirkadaha kale ee lacagaha xawilaada
ka shaqeeya waxa ka mid ah 20 shirkadood
oo kale oo yar yar. Hase ahaatee,
shirkadahaasi ma bixiyaan adeeg
maaliyadeed oo dhammaystiran oo loogu
8| Dareenka Ganacsatada

126

baahan yahay horumar ay calan side ka


tahay ganacstada gaarka ahi. Intaa waxa
soo raaca, in maqnaanshaha bangiyo
waawayn iyo hayado adeega lacagta ahi
waxay si wayn dabar ugu tahay horumarka
dhaqaale iyo maalgashiga oo ay
hogaamiso ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Sidaas oo ay tahay, waxa jirta fursad
wayn oo maalgashi oo u bannaan baananka
caalamiga ah, shirkada adeega lacagaha,
iyo hayadaha lacagaha yar yar in ay
maalgashadaan qaybtan.

ISGAADHSIINTA
Isgaadhsiinta Somaliland waa mid u
koraysa si xawli ah. Waxa saamiga suuqa
ku loolamaya lix shirkadood oo aanay
dawladu lug badan ku lahayn, taasina
waxay Somaliland ka dhigaysaa dalalka
ugu jaban dhinaca qiimaha telefoonada
gacanta qaarada Afrika. Dadka isticmaala
telefoonada gacanta waxa lagu qiyaasay
dhawaan inay gaadhayaan 20% bulshada
3.5 Million ka ah ee Somaliland ku nool
oo u dhiganta ku dhawaad 700,000 oo
Macmiil ah.
Intaa waxa dheer,
isgaadhsiinta Somaliland waxay
dhiirigalinaysaa in cilmiga isgaadhsiinta
lagu darro muqararka jaamacado dhawr
ah iyo machado, bixiya tababaro, sidoo
kalena waxay ay shaqo abuur u tahay
dhallinyarta ka soo qalin jabisa
Jaamacadaha dalka iyo shaqooyin badan
oo dadban sida dadka ka ganacsada
telefoonada, dayactirka telefoonada iyo
ku shubashada lacagta. Shirkadaha ugu
waawayn dhinaca isgaadhsiinta waxa ka
mid ah, Telesom (oo qayb ka ah shirkada
adeega lacagta ee Salaam), Somtel (oo
ka tirsan shirkada xawilaadaha lacagta
ee Dahabshiil), , Africa online iyo
127

Nationlink.

GAADIIDKA
Xiligan hadda la joogo, kaabayaasha
dhaqaale ee dalka khaasatan waddooyinka
waxay ka kooban yihiin 780km oo
wadooyin ah, hal dekad oo wayn, laba
gegi diyaaradeed oo waawayn, iyo afar
garoon oo xaadhan . Ma jiraan waddo
tareen, ama marin biyoodyo. Ilaa iyo
dabayaaqadii 1980gii ma jirin maalgashi
buuran oo la galiyay horumarinta
kaabayaasha dhaqaalaha sida gaadiidka
(transportka), sidoo kale dayactir badan
may helin kuwii sii jiray. Safarka wadada
ayaa wali ah qaabka ugu muhiimsan ee
loo safro gudaha dalka, maxaa yeelay ma
jiraan wadooyin ay maraan tareeno iyo
maraakiibta baddu. Gaadiidka cirku waxa
uu door wayn ka ciyaaray horumarinta
warshadaha yar yar ee dalka.

Gaadiidka Badda iyo Qaybta


Dekadaha
Dekada Berbera waxa tartan ugu jira
adeegatada maraakiibta iyo doonyaha
shiraaca ah. Waa dekad hoos u qodan,
taas oo ay ku soo xidhaan maraakiibta
ganacsiga badda ee Somaliland, qiyaas
ahaan 1.5 Million tone oo xamuul ah
sannadkii. Dekada Berbera waxay heshay
ahmiyad kordhaysa oo lagaga doortay
dekada Djibouti si ay ugu adeegto suuqa
Itoobiya.
Waxa jira shabakad isku xidhan oo ah
shirkado u fidiya adeeg maraakiibta,
safrinta, gurista iyo rarida, iyo ganacsiga
caalamiga ah, taas oo qiimo ahaan
noqonaysa US$1.5 billion (ilaa xad
waaxda ugu badan) oo marta dekada

Multinational companies such as Coca Cola - which opened a factory outside of Hargeisa last
year, are leading the way for other foreign investors to explore Somalilands business potential.

8| Dareenka Ganacsatada

128

Berbera oo ay ku jirto dhoofinta xoolaha


nool. Berbera waa dekada ugu wayn
Somaliland waxaanay qaabilsan tahay ku
dhawaad 95% (Shan iyo sagaashan
boqolkiiba) soo dajinta iyo dhoofinta
Somaliland oo dhan. Fursadaha Maalgashi
waxay ka jiraan dhinac adeegyada
xamuulka iyo rakaabka ee dekadaha ku
xidhan Berbera.

Gaadiidka Dhulka
Deegaanada kala duwan waxa isku xidha
shabakad wadooyin heerka labaad ah oo
ku sii xidhma wadooyinka waawayn,
intooda badana waa wadooyin jid-cad iyo
dhagax ah. Wadooyinka miyiga taga waa
wadooyin ciid ah, kuwaas oo ku xidhma
wadooyinka aasaasiga ah iyo wadooyinka
darajada labaad.
Qiimayn ay dawlada Somaliland samaysay
dhawaan waxay ku sheegtay in loo baahan
yahay lacag dhan US$154 million si loo
dayactiro oo dusheeda loo simo wadada
halbawlaha ah ee isku xidha Berbera iyo
Hargeisa ilaa wajaale, taas oo ku xidhan
naqshada iyo heerka la qaato iyo sidoo
kale inay u baahnaan doonto miisaaniyad
10% oo u dhiganta US$15.4 ilaalin iyo
dayactir sannad walba.

Gaadiidka Cirka/Duulista Hawada


Somaliland waxay leedahay laba gegi
diyaaradeed oo caalami ah oo ku kala
yaala Hargeisa iyo Berbera. Gegida
diyaaradaha ee Berbera waxa fadhiisan
kara diyaaradaha waawayn ee xamuulka
iyo kuwa rakaabka. Inta badan dhammaan
magaalooyinka kale ee waawayn waxay
leeyihiin gegi diyaaradeed oo yar oo
siman (laami marsan) ama aan sinayn oo
ay ku dagi karaan diyaaradaha yar yar

129

(sida Burco iyo Boorama). Ka dib kaalmo


dhaqaale oo Somaliland ka heshay dalalka
Khaliijka, dayactirka iyo dib u dhiska
gegida diyaaraduhu ordaan (run ways)
way socdaan, taas oo ay ku jirto balaadhin
wayn oo dhawaan (dhamaadka 2013) la
dhamays tiray oo lagu sameeyay madaarka
Hargeisa.
Madaarka Berbera iyo Hargeisa waxa ka
shaqeeya diyaaradaha Itoobiyaan
Airways, African Express, Juba Airways,
East African, Daallo Airlines iyo
diyaaradaha UN-ka iyo EU-da. Waxa jira
duulimaadyo ka kala baxa Berbera iyo
Hargeisa oo u kala goosha ilaa Addis
Ababa, Dubai, Muqdisho, Nairobi iyo
Djibouti.

JAWIGA GANACSIGA
Diiwaangalinta Ganacsiga
Survey-ga 2012 ee kalsoonida ganacsigu
waxa ay muujisay in ka badan kala badh
ganacsiyada Somaliland la diiwaangaliyay
intii u dhaxaysay sannadihii 2000-2009.
Hase ahaatee, diiwaangalinta ganacsiyadu
cirka ayay isku shareereen saddexdii
sanno ee ugu danbaysay. Korodhka ku
dhacay diiwaangalinta ganacsiyadu
waxay muujinaysaa koboca ku dhacay
ganacsiga tooska ah, waxaanay hoosta ka
xariiqaysaa kalsoonida korodhay ee
ganacsiyada
sii
jiray
iyo
maalgashadayaasha cusub ee heerka
amniga iyo xasiloonida. Arintani waxay
ka dhalatay kor u qaadista tayada waaxaha
dawlada taas oo ay sababtay heerka soo
wanaagsanaanayay ee amniga iyo
xasiloonida dalka.

Korontada
Tamartu waa waxyaabaha furaha u ah ee
dhaqaajiya horumarka dhaqaalaha uu dal
leeyahay. Ka dib markii dalku ka soo
kabtay dagaaladii sokeeye iyo burburkii,
tamarta laydhku waxay door muhiim ah
ka ciyaartay dhaqaajinta dhaqaalaha dalka
si uu u koro una gaadho horumar waara.
Muhiimada ay tamartu u leedahay
maalgashiga iyo inay tahay caqabadaha
ugu waawayn ee hor taagan maalgashiga
Somaliland waxa cadeeyay dad tiro badan
oo la waraystay ayaa sheegay in tamartu

tahay waxa labaad ee ay ka warwaraan


sida ku cad shaxanka 1. (in ka badan 70%
boqolkiiba, wuxuunbaa ka horaysa
maaliyad laaan). Si kor loogu qaado
maalgashiga iyo heerka nolosha, waxa
aad u muhiim ah in kor loo qaado wax
soo saarka tamarta. Qaybta maalgashiga
tamarta ee Hagahani ayaa qoraya
maalgashiyo kala duwan oo lacag lagaga
samayn karo qaybtan muhiimka ah,
isagoo isla markaana la shaqaynaya
dawlada iyo ganacsiga gaarka ahba si loo
gaadho macaamiil badan, qiimahan hoos
loogu dhigo si lacagtii uga soo noqoto.

8| Dareenka Ganacsatada

130

Hagaha Maalgashiga Somaliland


Fursadaha iyo Shuruudaha

2013 - 2014

The Financial Services sector continues to expand in Somaliland offering a variety of


services and products to individuals and businesses that are becoming more linked to
regional and global banking networks.

LIFAAQYO

Lifaaqa 1aad
WAXYAALAHA MUDAN, KUWA LA XADIDAY IYO KUWA LA DIIDAY

Waxyaabaha mudan
Dawlada Somaliland waxay aad u soo dhawaynaysaa Maalgashiga Tooska ah
ee Caalamiga ah ee ku aadan qaybaha soo socda:
Kaabayaasha Dhaqaalaha- Wadooyinka, dekadaha, biyaha iyo madaarada
Dab-dhaliyeyaasha- Dab-dhaliyeyaasha culculus ee ku shaqeeya naaftada,
dab-dhaliyeyaasha dhuxul dhagaxda, iyo tamarta dabiiciga ahba
Dhoofinta Xoolaha nool, Beeraha iyo Shirkadaha Kalluumaysiga
Qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee casriga ah, iyo guriyeynta la tahli
karo sida guryaha la isku xidh-xidho
A qoon tayo saraysa( dugsiyo, Koolajyo iyo Jaamacado) sidoo kale waa
muhiim

Waxyaabaha xadidan iyo kuwa la mamnuucay


Wax soo saarka iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka, hubka iyo sancaynta
baaruudda iyo waxyaabaha qarxaa waa mamnuuc. Khamriga iyo aflaamta
qaaqaawani waa ka mamnuuc dalka inay soo galaan.

133

Lifaaqa 2aad
LIISKA FASAXYADA DADWAYNAHA

No. NOCYADA FASAXYADA


Fasaxyada Islaamka

CISHO

Ciidul Fitri

2 Cisho

Ciidul Adxa

2 Cisho

Micraajul Nebi

1 Cisho

1da Muxarim (Sannadka cusub ee Islaamka}

1 Cisho

Dhalashada Nebiga

1 Cisho

Fasaxyada Qaranka
1

1da January (Sanndaka Cusub)

1 Cisho

1da May (Maalinta Shaqaalaha)

1 Cisho

18ka May (La soo noqoshadii Xornimada Somaliland) 2 Cisho

26ka June (Maalintii calanka la taagay)

ISU GEYN

1 Cisho

12 Cisho

*Maalmaha fasaxyada Islaamku sannad kasta way isbedalaan marka loo eego sannadka Miilaadiga ah.

SAACADAHA SHAQADA
Saacadaha Shaqada Dawlada:
7:00am 2:00pm
Saacadaha Shaqada ganacsatada :
7:00am 12:00am
4:00pm 9:00pm
Saacadaha Shaqada Shirkada Adeega Lacagta:
7:00am 12:00pm
4:00pm 5:30pm
Saacadaha tukaamaysiga:
8:00am 12:00pm 4:00pm 9:00pm

Lifaaqyo

134

LIFAAQA 3aad
NIDAAMKA MAAMUL EE SAXADA CAAFIMAADKA XOOLAHA NOOL

Nidaamka Maamulka Saxada iyo Caafimaadka dhoofka xoolaha nool ee ku
waajahan GCC
D hammaan xoolaha nooli waa inay ka bad qabaan xannuunada gudba
(TADs).
Xoolaha waa in loo gawracaa hab waafaqsan shareecada Islaamka inta
aan loo dhoofin GCC.
Intaa waxa dheer, in xoolaha lagu hayo maxjar muddo inta aan la soo
dhoofin ( tusaale ahaan 3 toddobaad).
Marka shahaadada caafimaadka laga reebo waxa loo baahan yahay
shahaadada halka uu ka soo jeedo neefku.

Shuruucda Saxada iyo Caafimaadka Dhoofintna hilibka


Shahaado Xalaal hilibka lagu qalay oo ay bixisay shirkad caalami ah
oo la aqoonsan yahay ayaa looga baahan yahay hilibka la soo dhoofinayo.
Hilib xoolaad oo lagu quudiyay borotiin ama dux xayawaan lama soo
dhoofin karo.
Dhoofka hilibku waa in uu si cad u sheegaa xiliga la gawracay neefka iyo
xiliga uu dhacayo.

135

Lifaaqyo

136

MAHADNAQ:
Hagaha Maalgashiga waxa habayntiisa iyo nashqadiisa lahaa: Kaamil Haider.
Sawirada oo dhana waxa la weydiisanayaa Abdi Roble and Tariq Tarey
Ilaa sawirka ku jira bogga 63 (Fuad Dahir), 51-52, 66, 69-70 (Nicholas Parkinson), iyo bogga 82 (Edwin Mireri).

MINISTRY OF TRADE AND INVESTMENT

Hagaha Maalgashiga

Somaliland

Fursadaha iyo Shuruudaha


2013 - 2014
www.SomalilandInvest.net

You might also like