Professional Documents
Culture Documents
HORDHAC
Cudurka dhiig-karka waa cudur joogta ah oo kamid ah cudurada u gogol
xaadha xaaladaha caafimaad ee dilaaga ah sida wadna istaga (heart
attack), maskax oo dhiig-furmo (stroke), kelya oo fadhista(kidney failure),
cudurada xididada dhiiga sameeya (vascular diseases), iyo sidoo kale
xaalado kale oo cul-culus, hadaba qeybta koobaad ee maqaalkan waxaan
ku eegi doonaa waxa uu yahay cudurkan, calaamadihiisa, iyo waxyaabaha
sababa ama keeni kara. sidoo kale haduu alle idmo qeybta labaad waxaan
ku eegi doonnaa habka loo daweeyo iyo talooyin muhiim ah oo ku socda
bukaanka
qaba
cudurkan,
talooyinkaas
oo
khuseeya
nolol
maalmeedkooda.
WAA MAXAY DHIIG-KARKU?
Cadaadiska dhiiga ama pressure ka dhiigu waxa uu ku xidhan yahay
hadba awooda uu wadnuhu ku shaqaynayo, hadii si kale loo sharaxano
waa marka dhiiga wadnuhu tuurayo ama ka imanayaa ee waraabinya
dhamaan xubnaha jidhka intiisa kale uu cadaadis badan oo aan caadi
ahayn kusoo tuurayo dhiiga sidoo kale waxa dhiigarka lagu qeexi karaa
marka cadaadiska dhiiga ee halbowlaha wadnuhu
(arterial blood
CALAAMADAHA DHIIG-KARKA
Inta badan dhiig-karku waa cudur shibane ah waana sababta keentay in laguba naaneyso
Dilaaga Aamusan (silent killer) bukaanada qaar waxey qabaan sanado badan iyagoon
dareensaneyn, in badan oo kalena waxabay ku war helaan iyagoo maraya baadhitaano guud
halka qaarkoodna kuba waabariistaan wadno xanuun iyo wixii la mid ah iyagoon ogeyn
waxa sababay in uu yahay dhiig-kar, balse waxaa jira calaamado mararka qaar la arko
waxaana kamid ah madax-xanuun gaar ahaan qeybta dambe ee madaxa, warareer, araga oo
wax iska badalaan, barar, iyo mararka qaar suuxdin. laakin calaamadahaas ma aha kuwo
dhamaantood lala xidhiidhiyo dhiig-karka waxaana la sheegaa in qaarkood ay yihiin xaalado
nafsiyan (psychological) ugu dhaca dadka ogaaday in ay dhiig-kar qabaan. Dhanka kale
dhiig-karku hadii uu yahay secondary oo uu la xadhiidho xaalad kale oo caafimaad waxaa la
socon kara caalamado kale oo la xidhiidha hadba nooca xanuun ee ku sababay dhiig-karka
sida:
Madax xanuun
Daal
Dawakhaad.
Dareenka gacmaha ama lugaha oo taga ama lawaayo ( numbness)
dhiig sanka ka yimaada ama qufac dhiig wata (epistaxis. Hymoptysis)
Neef aad ukhtar ah oo qofka qabata.
Dhaxal: qoyskaaga hadii uu dhiig-karku ku jiro, fursada in uu kugu dhoco waa laba
jibaar marka loo eego dadka kale ee aan asal u laheyn cudurkan, (sababtuna ma cada).
Isir: dhiig-karku wuxuu ku badan yahay dadka madowga ah marka loo barbar dhigo
dadka cadaanka ah, (sababtuna ma cada)
Dada: dhiig-karka wuxuu ku badan yahay dadka dada ah,wuxuuna si gaar ah ugu
badan yahay raga.
Buurnida: mar kasta oo misaankaga baruureed badan yahay, wadnahaagu wuxuu u
baahanayaa in uu awood dheeraad ah u isticmaalo sidii uu jirka ku wada gaadhsiin
lahaa dhiig taasina waxay kordhisaa kor u kaca cadaadiska dhiigaaga.
Jimicsi Laaanta: jimicsi laaanta waxaa lala xidhiidhiya sababaha dhaliya ama uga
dara dhiig-karka.
Sigaarka ama Tubakada: kaliya ma aha in maadooyinka ku jira ay kor u qaadayaan
cadaadiska dhiiga balse sidoo kale waxay dhaawacayaan xididada taasoo keeneysa in
ay adkaadaan islamarkaane yaraadaan.
CUSBADA: Sida caadiga ah cusbada iyo biyaha ku dheeraadka ah jidhka waxa saara
kelyaha oo kaadida ku dara, balse qofku hadii uu qaato milix badan oo anay kelyuhu
saari Karin, wuxuu jidhku u baahdaa in uu sidoo kale biyaha dib uga soo nuugo
kelyaha si uu u saxo dheeli-tirka milixda iyo biyaha, taasoo sababta in biyo badan iyo
milix ay aheyd in jidhka laga saara ay dib ugu soo noqoto, taasoo sababta in
dheecaanka ku jira gudaha xididada ay ka bataan sidi caadiga aheyd, waxaana ka
dhalanaya arimahaasoo idil in uu kor u koco cadaadiska dhiiga.
Hadaba aynu is weydiino cudurkan sida loo maareeyo ? Maxaase looga baahan yahay qofka
qaba in uu noloshiisa ka badalo, arimahaa oo idil waxaan ku wada ogaan doonnaa
maqaalkeena xiga inshaallaahu tacaaa.
Ha lagaa soo cabbiro cadaadiska dhiigga. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona
haddii aad qabtid dhiig kar ama cadaadis dhiig oo sareeya. Cadaadiska dhiig ee la
rabo waa 120/80. xitaa haddii cadaadiska dhiigaagu ku siman yahay tirada la rabo, ha
lagaa cabbiro ugu yaraan hal mar sannadkii.
Xukunka la wareeg: raac talaabooyinka lagu yareynayo cadaadiska dhiiggaaga haddii
uu aad u sareeyo. qaad imika talaabooyinka aad caafimaad ku heli karto, si hadhow
aanuu kuugu dhicin dhiig kar ama cadaadis dhiig oo sareeya. si aad uga badbaadid
dhiig kar:
Higso miisaan caafimaad leh : Isku day inaanuu kugu soo kordhin miisaan dheeraad
ahi. Iska yaree miisaanka haddii miisaankaagu sareeyo. Isku day inaad si tartiib ah
miisaanka u lumisid, qiyaastii nus rodol ilaa 1 rodol todobaad kasta ilaa aad ka
gaadheysid miisaan caafimaad leh.
Noqo qof firfircoon maalin kasta. Waa aad socon karta, ciyaari kartaa ha ahaate kubad
ciyaar dhaqameed iyo ciyaraha kaleba, waxaad kale oo isticmaali kartaa salaanka ama
jaranjarada dhismayaasha ama waxa kale oo aad sameyn kartaa firfircooni kasta oo
aad jeceshahay.
Yaree milixda iyo soodhiyamka aad ku isticmaashid karinta cuntada. iibso
cuntooyinka lagu dul qoray ma laha soodhiyam (sodium free), soodhiyam yar
(low sodium) ama soodhiyam la yareeyay (reduced sodium). Miiska cuntada ka
qaad weelka milixda. jooji khamriga iyo balwadaha xun ee diintu xarantinimaysay
sidoo kale dumarka uurka lihi waa inaanay cabbin wax alcohol ah . Haddii aad
leedahay cadaadis dhiig oo sareeya ama dhiig kar, ha joojin halganka wax-kaqabashada. qaad talaabooyin waxana suurogal ah inaad xakameysid ama yareysid
cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig karka aad qabtid.
Dhamaad