Professional Documents
Culture Documents
Shar Ciga
Shar Ciga
SOOMAALIYA
WASAARADDA BOOSTADA
ISGAARSIINTA &
TEKNOOLAJIYADA
TUSMADA BUUGGA
QEYBTA 1-AAD ....................................................................................................................... 7
Erey-bixin iyo ujeeddada Sharciga .......................................................................................... 7
Qodobka 1aad: ................................................................................................................................ 7
Erey-bixin ......................................................................................................................................... 7
Qodobka 2aad: ................................................................................................................................. 8
Ujeeddada& Magaca Sharciga .......................................................................................................... 8
Qodobka 3aad: ................................................................................................................................. 8
Awoodda Sharciga ............................................................................................................................ 8
QEYBTA 1-AAD
Erey-bixin iyo ujeeddada Sharciga
Qodobka 1aad:
Erey-bixin
1. Hayadda isgaarsiinta : waxaa loola jeedaa hayadda isgaarsiinta qaranka.
2. Mareeyaha guud: waxaa loola jeeda maareeyaha guud ee haadda isgaarsiinta.
3. Goaan: waxaa loola jeedaa goaan qoran ay soo saartay hayadda isgaarsiinta
qaranka.
4. Hab-Dhaqan: waxaa loola jeedaa xeerar, xeer nidaamin iyo xeerarka
nidaamiya ruqsadaha kala gadisan oo ay bixiso hayadda isgaarsiinta.
5. Ruqsadda: waxaa loola jeedaa shatiyada(licenses) ay bixisay hayadda
isgaadhsiinta qaranka,ogolaanayana bixinta adeegyada isgaarsiinta si waafaqsan
xeerkan
6. Ruqsad guud: waxaa loola jeedaa ogolaanshaha awood baahsan ee
isgaarsiineed sida hirarka shabakadaha iyo numbarada qaranka.
7. Ruqsadle : waxaa loola jeedaa hayad(entity) walba oo leh ruqsad ay bixisay
hayadda isgaarsiinta qaranka
8. Furaha Qaranka: waxaa loola jeedaa 252(National code)
9. Summadda Qaranka: waxaa loola jeedaa Dot so (domain)
10. Fiber Optic: Waxaa loola jeedaa dhagaatiyaha xanbaara internetka iyo Hirarka
Isgaarsiinta
11. Hirarka Raadiyaha Isgaarsiinta: waxaa loola jeedaa qeyb ka mid ah
mowjadaha raadiyaha ee Hayaddu u qoondeysay adeegyada isgaarsiinta.
12. Qorshaha Lambarada Qaranka: waxaa loola jeedaa shax Hayadda
Isgaarsiintu ku muujineeyso qoondeeynta tirada lambarada taleefoonnada.
13. Adeeg Bixiye: waxaa loola jeedaa shirkad ay u sharciyeysay Hayadda
Isgaarsiintu inay adeeg isgaarsiin bixiso.
14. Wadatashiga Bulshada: waxaa loola jeedaa qaab wadatashi oo ku saleysan
hab-muuqda oo Hayadda Isgaarsiintu ku ururiso xogaha laxiriira Hormarinta
Isgaarsiinta.
15. Dadweynaha : waxaa loola jeedaa dadka waxgaradka ah sida culimaaudiinka,
aqoonyahanada iyobulshada rayidka ah.
16. Helitaanka Guud ee Adeegga Isgaarsiinta: Waxaa loola jeedaa helitaanka
adeeg isgaarsiineed dhammaan macaamiisha isgaarsiinta, iyadoo aan loo eegin
degaan fog ama dhow.
Qodobka 2aad:
Ujeeddada& Magaca Sharciga
1) Sharcigan waxaa lagu magacaabaa sharciga Isgaarsiinta Qaranka,
Ujeeddadiisuna waa:
a)-Inuu horumariyo siyaasadda Isgaarsiinta Qaranka.
b)- In uu abuuro xeer-nidaaminta Isgaarsiinta ee lagu maamulo dhammaan
qeybaha Isgaarsiinta ee ka jira dalka.
c)- In lagu dhisay hayadda isgaarsiinta qaranka.
2) Ujeeddada gaarka ah ee sharcigan waa xeer-nidaaminta iyo fududeynta
tiknoolojiyada iyo adeegyada isgaarsiinta oo ay ka mid yihiin:
Qaybta 2aad
Asaasidda Hayadda Isgaarsiinta Qaranka
Qodobka 4aad
Asaasidda Hayadda
Si loo gaaro ujeeddada ku xusan qodobka 2aad ee sharcigan, waxaa xeerkan lagu
dhisay Hayadda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka noqonaysa maamulka iyo
nidaaminta Isgaarsiinta dalka.
Qodobka 5aad
Xarunta Hayadda
Xarunta Hayaddu waa magaala madaxda soomaaliya ee Muqdisho, hasa yeeshee
waxay xafiisyo ku yeelan kartaa Maamul Gobolleedya dalka haddii loo baahdo.
Qodobka 6aad
Awooddaiyo waajibaadka Hayadda
1. Hayaddu waxey yeelaneysaa awoodda maamul ee isgaarsiinta qaranka, sida
ruqsad bixinta iyo xeer nidaaminta adeegyada isgaarsiinta dhamaan soohdimaha
Soomaaliya si waafaqsan sharcigan.
2. Ka sokoow arrimaha ku xusan faqradda koowaad, Hayaddu waxa ay awood u
yeelanaysaa fulinta arrimaha soo socda:
A. Waxey gali kartaa heshiisyo, qaadan kartaa deyn iyadoo la raacayo
nidaamka maliyadeedka ee dalka.
B. Iney yeelato, heysato, iibsato, kireysato hanti guurta ah ama ma guurta ah si
waafaqsan sharciga maaliyadeed ee Qaranka.
3. Talo bixinta, diyaarinta xeer-hoosaadyada la xiriirta qaybaha isgaadhsiinta,
kana qayb qaataan fulintooda, ayadoo hayaddu latashaneysa dhinacyada ay
quseyso (wasaaradda iyo adeeg bixiyayaasha).
4. soosaaridda xeer-nidaamiyeyaal iyo goaamada lagama maarmaan u ah fulinta
xilkeeda iyo sharcigan, kuwaas oo ay ka midyihiin, xeerarka aasaasiga ah ee
farsamo ee hayadda.
5. Bixinta ruqsadaha iyo soo jeedinta canshuuraha la xiriira maaraynta hirarka,
kala soocidda xisaabaha, isku xirka, lasocodka shebekedaha iyo adeegyada
isgaarsiineed.
6. Talo ka bixinta tariifadaha, lambarada, kobcinta tartanka isgaadhsiinta,.
7. xallinta khilaafaadkashirkadaha iyagoo u saaraya gudiyo farsamo oo
dhexdhexaadiya.
8. ilaalinta xuquuqda macaamiisha, iyadoo si gaar ah loo eegayo:-
A. Ilaalinta sirta macaamiisha Iyo aogaha adeegga..
B. Tariifada Addeegga
9
Qodobka 9aad
Qaab-dhismeedka Hayadda Isgaarsiinta Qaranka
Qaab dhismeedka Heyadda Isgaarsiinta Qaranku waxuu noqonayaa sida soo
socota:-
1. Golaha Maamulka (Board of Directors)
2. Maareeye guud
3. Maareye ku xigeen
4. Sidoo kale hayaddu waxey yeelan kartaa waaxyo kala duwan oo mid walba
howl gaar ah u xilsaaran.
10
Qodobka 10aad
Golaha Maamulka Cusub
1-Golaha Maamulku waxaa uu ka kooban yahay sagaal(9) xubnood oo ka kala
immaanayo.
A. 2 xubnood wasaaradaa boostada iyo isgaarsiinta
B. 4 xubnood shirkadaha Isgaarsiinta
C. 1 hal Qareen oo ka immaanayo Xafiiska Garyaqaanka Guud.
D. Maareeyaha iyo ku-xigeenkiisa.
2- Xoghaynta Golaha waxaa noqonayo madaxa waaxda maamulka ee hayadda
wuxuna u qaabilsan yahay hadal qoraalka shirka iyo xiriirinta Golaha, gaarsiinta
xogaha dhammaan xubnaha Golaha, hasa yeeshee ma ahan xubin ka tirsan Golaha.
3- Wasirka Wasaaradda ayaa xubin ka mid Golaha u macaabayo inuu u noqdo
guddoomiyaha Golaha afartii sanaba mar.
Qodobka 11aad
Mudada Xil-hayntaGolaha
Marka laga reebo Maareeyaha iyo ku xigeenkiisa, Xubnaha Golaha Maamulka
waxay haynayaan xilka xubinimada mudo Afar (4) sanao ah oo loo cusboonaysiin
karo hal mar oo kaliya.
Qodobka 12aad
Kulamada Golaha Isgaarsiinta Qaranka
Golaha Isgaarsiintu waxaa uu yeelankaraa shir caadi ah iyo shir aan caadi ahayn
haddii loo baaahdo, waxayne u dhicikaraan sida soo socoto:
1. Kulamada caadi ah ee Goluhu waxay dhacayaan bishiiba saddexdii billood
mar, haddii aysan Goluhu goaansan in la qabto waqti ka dheer ama ka gaaban
saddexdii bilood mar.
2. Maareeyaha guud waxaa uu ka codsan karaa Golaha inay isugu yimaadaan
kulan deg degah,oo aan cadi ahayn haddii loo baahdo, sidoo kale haddii ay
isku raacaan sadex meelood labo meel xubnaha Goluhu in la qabto shiraan
caadi ahayn.
3. Shirka wuxuu ku ansaxayaa marka ay ka soo qayb-galaan shan(5) ka mid ah
xubnaha Goloha isgaarsiinta qaranka iyo Mareeyaha guud, waxayna go'aanka
ku gaarayaan cod hal dheeri ah (50+1) tirada guud ee xunnaha Golaha, xubin
kastaana waxey xaq u leedahay in la soogaarsiiyo agendaha shirk ugu yaraan
ka hor muddo 24 saac qabsoomidda Shirka.
4. Goluhu waxaa uu fadhiga ku marti-qaadi karaa wasiirka wasaaradda iyo qof
kasta oo kasoo qeyb gaalkiisu u aragkaan muhiim. Waxaana ka reeban
11
Qof kasta oo xubin ka noqonayo Golaha Maamulka waxaa loo shardiyaa shuruudo
la mid ah kuwa lagu xiray madaxda Sare ee Hayadda, waxayna xilkooda ku waayi
karaan si la mid ah isla madaxda sare ee Hayadda.
Qodobka 15aad
Gunnada Xubnaha Golaha Cusub
Shaqada Goluhu waa shaqo waqti dhiman, waxaana loo magacaabayaa dad
shaqooyin kale haysta, waxayna yeelanayaan gunno marka ay shirayaan , waxaana
lagu xadididoono Xeer hoosaadka Hayadda, oo ay xaq u yeelanayaan in laga
bixiyo wixii kharash ah ka yimaado shirarka.
Qodobka 16aad
Dalabka Macluumaadka
1) Hayadda Isgaarsiinta Qaranka waxay weydiisan kartaa ruqsadlaha bixiya
adeegga isgaarsiinta inuu kacaawiyo Macluumaad ay u arakto inay lagama
maarmaan u tahay gudashada waajibaadkeeda waxna u dhibeyn xuquuqda gaar
ah ee shaqsiga si waafaqsan xeerkan.
2) Hayadda Isgaarsiintu waxay ilaalinaysaa sirta ganacsi iyo xogaha kale ee
qarsoodiga ah oo ay ka soo ururisay shirkadaha si waafaqsan xeerkan Iyo
shuruucda kale ee dalka.
12
Qaybta 3aad
Awoodda Shaqo Qorista Hayadda
Qodobka17aad
Awoodda Shaqo Qorista
1. Sida ku cad sharcigan, Hayaddu waxay leedahay awood ay ku qorato shaqaale
kasta ee ay u arakto in aan looga mamaarin howlaha Hayadda, iyada oo la
raacayaa sharciga shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.
2. Hayadda Isgaarsiintu waxay diyaarinaysaa, hirgalinaysaana hannaanka shaqo
iyo shaqaale ee Hayadda, gaar ahaan arrimaha ku saabsan mushaharka,
gunnada howlgabka iyo gunnooyinka kale.
3. Hayaddu waxay dib u eegis iyo tixgelin ku sameyn kartaa mushaharaadka iyo
gunnooyinka la siiyo shaqaalaha si waafaqsan siyaasadda guud ee Dowladda.
4. Iska hor imaadka danaha is diiddan ee ku xusan qodobka 30aad ee sharcigan
waxaa lagu dabaqayaa dhamaan shaqaalaha oo ay ku jiraan xubnaha sare ee
Hayadda.
Qodobka18aad
Xuquuqda Shaqaalaha Hayadda
Dhamaan xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha Hayadda waxaa lagu dhaqayaa
sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda
Qodobka19aad
Qaabka macaabidda madaxda Hayadda
Xubnaha Hayadda Isgaarsiinta Qaranka waxay ku imaanayaan sida ay ku
yimaadaan saraakiisha sare ee dowladda si waafaqsan dastuurka iyo sharcigan.
Qodobka 20aad
Shuruudaha madaxda Hayadda
1- Masuul kasta oo ka mid ah madaxda Hayaddu waa inuu yahay Soomaali.
2- deggan yahay dalka, dadiisuna ka yareyn 30 sano.
3- waa in xagka maskaxda iyo jirkaba ka fayoow yahay, gudan karaana
waajibaadka shaqo.
4- waa in uusan wax dambi ah ka galin dalka isla markaasna noqdaa qof loo
aqoonsanyahay asluub wanaag iyo dhowrsanaan.
5- leeyahayna xirfad aqooneed oo heer jaamacadeed ah iyo waaya aragnimo ugu
yaraan 5 sano.
13
6- waa inuu leeyahay mid ama laba ka mid ama laba kamid ah xirfadaha hoos ku
qoran:
A. Aqoonta Sharciga
B. Aqoonta Arrimaha Macaamiisha
C. Aqoonta Isgaarsiinta
D. Aqoonta Teknoolajiyada Casriga
E. Aqoonta maamulka iyo Dhaqaalaha
Qodobka 21aad
Shuruudaha Maareeyaha Guud
Ka sokow shuruudaha ku xusan qodobka 12-aad, maareeyaha guud waa inuu
leeyahay shahaado jaamacadeed oo heerka labaad mid ka mid ah cilmiyadan:
14
Qodobka 23aad
Masuuliyadda Maareeye ku xigeenka
Qaybta 4aad
Waajibaadka iyo wada-shaqaynta
Qodobka 27aad
Waajibaadka Wasaaradda
Waajibaadka Wasaaradda ayadoo la tashanayso wasaaradaha Isgaarsiinta ee
Dowlad-goboleedyada waa:
1. diyaarinta, soo bandhigidda siyaasadda guud iyo qorshaha isgaarsiinta dalka
oo qaabaysan, iyada oo la tashanaysa dhinacyada ay khusayso.
2. horumarinta Istaraatijiyadda siyaasadeed ee lagu fidinayo baaxadda adeegga
isgaarsiinta si loogu dhiirrigeliyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dalka.
3. dhiirigalinta shirkadaha isgaarsiinta wadaniga ah sidii loogu heli lahaa
fursado waxbarasho, tacliin sare ee dhanka Isgaarsiinta iyo macluumaadka
xiriirka laleh tiknooloojiyadda.
4. Kormeeridda iyo laxisaabtanka Hayadda Isgaarsiinta Qaranka.
5. Ku wacyi-galinta bulshada, macluumaadka aqooneed ee ku saabsan
isgaarsiinta, helidda aqoonta teknoolojiyada casriga ah si ay uga qeyb
qaataan kobcinta dhaqaalaha, hormarinta bulshada iyo sare u qaadidda
wacyiga iyo ilbaxnimada bulshada.
6. ilaalinta habsami u socodka adeegga Isgaarsiinta iyo internetka.
7. Kormeeridda Shirkadaha Isgaarsiinta Qaranka
Qodobka 28aad
Wada-shaqaynta Wasaaradda iyo Hayadda
1. Hayadda Isgaarsiintu waxay qorsheyneysaa horumarinta Isgaarsiinta dalka,
iyadoo ku saleyneysa si wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiadda.
2. Wasiirka iyo golaha Wasiirradu waxay tixgelinayaan wixii ka soo baxay
wadatashiga guud ee dejinta, sameynta, wax ka bedelidda siyaasadda
isgaarsiinta ee hayadda sida ku xusan Qoddobka 27aad ee sharcigan.
3. Wasaaraddu marka ay gudanayso masuuliyaddeeda iyo xiriirka ay la leedahay
Hayadda Isgaarsiinta, waxay tixgalinaysaa ilaalinta madax bannaanida
Hayadda Isgaarsiinta oo ku saabsan gudashada waajibaadkeeda iyo hirgelinta
Sharcigan.
16
Qodobka 29aad
Masuuliyadda Wasiirka
Wasiirku ama cid wakiil ka ah ayagoo tixgalinayo Qodobada 27aad iyo 28aad ee
Sharcigan, waxa uu yeelanayaan masuuliyadaha iyo shaqooyinka soo socda:
Qaybta 5aad
Wada-tashiga Shirkadaha Isgaarssinta
Qodobka 30aad
HabkaWada-tashiga
1. Hayaddu waxay qaban kartaa: -
a. Wadatashi hayadda iyo Shirkadaha waa saldhigga wada shaqaaynta
labada dhinac si loo gaaro himilada iyo higsiga in la helo isgaarsiin
leh halbeeg Caalami ah oo lagu baahiyo Dalka ayadoo laga wada
shaqaynayo horumarionta iyo Casriyaynta Saktarka.
b. Hayaddu waxay qaban kartaa wadatashi guud oo ku saabsan
arrimaha ay u soo jeediso Wasaaraddu si loo gaaro qorshaha
Dowladdu ka leedahay Siyaasadda Guud ee Isgaarsiinta, haddii ay
Hayaddu u aragto inaan looga maarmin Shirkadaha.
2. Wadatashiga loo qabanayo Shirkadaha , waxa uu noqonayaa mid u dhaco si
daahfurnaan ah u jeedkiisuna yahay, sidii looga wada shaqayn lahaa danta
Guud iyo dhisidda isku kalsoonaan dhexmarto Dowladda iyo Shirkadaha ka
shaqeeyo Saktarka.
3. Waxaa ka reeban wadatashiga arrimaha ku saabsan xog-shaqsiyeed u gaar ah
macmiilka, waxaana wadaagikaro oo kali ah, adeeg bixiyaha iyo Hayadda
17
Qodobka 33aad
Habka Goaan qaadashada Hayadda
1. Hayaddu waxay hubinaysaa in dhammaan goaannadeeda ay ku salaysan
yihiin si daahfuranaan ah.
2. Hayaddu waxay u ogolaaneysaa shirkadaha inay ka qayb-galaan
wadatashiga iyo dhageysiga cid kasta oo daneynaysa sida macaamiisha iyo
dadwaynaha kale, isla markaana ka soo jawaab celinaya arrimaha
wadatashiga kuna salaynkarto goaannadeeda ayadoo tixgalinayso danta
guud si waafaqsan sharcigan isgaarsiinta.
3. Arrin kasta oo hortaalo, Hayaddu waxay ka soo saari kartaa jawaab qoraal
ah, kaas oo lagu sharxayo sababaha tallaabooyinka ay u qaadday iyo inuu
kusalaysan yahay xaqiiqada macluumadka horyaal.
4. Goaannada Hayaddu waxay noqon karaan tallaabo walba oo la jaanqaadi
karta duruufaha jira si waafaqsan Sharcigan.
5. Hayaddu waxay diidi kartaa talaabo kasta ama codsi kasta oo aan
waafaqsanayn sharcigan, iyadoo sababaynaysa.
Qodobka 34aad
Dib-u-eedidda Goaannada Hayadda
1. Cidkasta oo ku noqotay dhibbane sabab la xiriirta tallaabooyinka ay qaadday
ama goaannada gaartay Hayadda Isgaarsiintu, wuxuu ka codsan karaa
Hayadda inay dib u eegis ku sameyso goaankeedii hore.
2. Dhammaan xaaladaha lagu codsanayo dib u eegista, waxay Hayaddu
bixinaysaa ogeysiin oo ay ku gaarsiinayso cidda ay quseyso in goaankii ay
horay u gaartay Hayaddu dib u eegis laga soo codsaday, ayadoo la tixgalinayo
dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
3. Cidkasta oo ay waxyeello ka soo gaartay goaan ay gaartay Hayaddu waxuu
racfaan u qaadan karaa maxkamadda awoodda u leh.
4. Maxkamadda waxay awood u leedahay inay ku raacdo, wax ka badasho ama
diiddo goaankii Hayadda si waafaqsan sharcigan iyo shuruucda kale ee Dalka
Qodobka 35aad
Iska hor-imaadka danaha Isdiidan
19
Qaybta 6aad
Maamulka Hirarka Isgaarsiinta
Qodobka 36aad
Qoondaynta iyo Bixinta Hirarka
1. Wasaaradda waxay u idman kartaa Heyadda Isgaarsiinta in ay u matasho
shirarka hayadaha caalamiga ah iyo kuwa dawladaha deriska ah.
2. Heyadda Isgaarsiinta ayaa ka masuul ah qorsheynta, maamulidda, qoondaynta
iyo kormeeridda isticmaalka mowjadaha raadiyaha iyo internetka dalka.
3. Heyadda Isgaarsiintu waxey awooddeeda ku dhaqan galineysaa Sharcigan,
heshiisyada Isgaarsiinta lala galay gobalka iyo kuwa caalamiga ah, si waafaqsan
Sharcigan
Qodobka 37aad
Maamulka Hirarka Raadiyaha
Ka sokoow awoodaha uu siinayo xeerka warbaahintu, wasaaradda warfaafinta,
Hayadda Isgaarsiintu iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku saabsan maamulka
hirarka raadiyaha waxay masuuul ka tahay arimahan soo socda:-
1. Dhiirigelinta in loo isticmaalo mowjadaha hirarka raadiyaha qaab horumar
nidaamsan iyo beekhaamin cilmiyeysan leh, si ruqsadda adeeg bixiyaha
20
21
Qodobka 40 aad
Nidaaminta isticmaalka Hirarka
1. Hayaddu waxay maamulaysaa hirarka raadiyaha iyo qoondayntooda sida ku
xusan qod. 5aad ee sharcigan, ayadoo ujeeddeedu tahay ilaalinta ku
dhaqanka iyo hubinta in adeeg bixiye kastaa u isticmaalo ujeedaddii loo
siiyay isla markaana ku ekaado hirka loo qoondeeyay.
2. Hayaddu waxay qabankartaa wadatashi furan sida ku cad sharcigan,
ujeeddadiisuna tahay sidii loogu samayn lahaa xeer-nidaamiye hagaya
ruqsadlaha iyo isticmaalka hirarka.
Qodobka 41aad
Khidmadda isticmaalka Hirarka
1. Cidkasta oo doonayso inay isticmaasho Hir raadiyo, TV, Isgaarsiin iyo
wixii la mid ah oo u baahan in loo isticmaalo hir mucayan ah, waxaay
qaadataa Ruqsadda istcmaalka Hirarka iyo Isgaarsiinta, ciddi hore u
isticmaalijiratyna waa inay waafajisaa adeeggeeda sharcigan.
22
Qaybta 7aad
Ruqsadaha
Qodobka 42aad
Ruqsadaha
1. Qofna kuma shaqeysan karo shabakad isgaarsiineed, isagoo isticmaalaya
Hirarka Raadiyaha ee Isgaarsiinta, saldhig warbaahin ama bixin adeeg
isgaarsiineed Soomaaliya gudaheeda, asagoo aan u heysan ruqsad adeegga
isgaarsiinta uu bixinayo.
2. Hayaddu waxay bixin kartaa ruqsad isgaarsiineed oo oggolaaneysa bixinta
adeegyo isgaarsiineed qaab ku saleysan ruqsado gaar ah iyo ruqsado guud si
waafaqsan shuruudaha ruqsad bixinta iyo nidaamka Hayadda u dagsan.
3. Hayaddu waxay boggeeda internetka ku daabacaysaa adeeg bixiyayaasha
isgaarsiineed ee uqalma ruqsahada guud iyo kuwa gaarka ah.
4. Ruqsadaha Hayaddu marka ay goaaminayso cidda u qalanta Ruqsadaha guud,
ama kuwa gaarka ah, waxay hubinaysaa in cidi hore u haysatay Ruqsadda
bixinta adeeggaas oo kale, waqtiga goaanka la gaarayo, inaysan wax dhibaato
ah ka soo gaarin goaankaas.
5. Ruqsadlaha aan isticmaalin ruqsadda uu qaatay oo aan bixin adeeggii uu
uqaatay muddo lix bilood ah, way ka dheceysaa ruqsaddu magdhow laaan.
Qodobka 43aad
Habka Ruqsadbixinta
1. Hayaddu waxay bixin kartaa Ruqsad guud ee adeeg isgaarsiineed iyadoo ku
bixineyso muddo cayiman sida uu qabo Sharcigan
2. Habka Codsiga ruqsadaha isgaarsiinta wuxuu noqonayaa mid qoraal ah, laguna
soo hagaajinayo Hayadda, iyadoo la raacayo qaabka ay Hayaddu u diyaarisay
ruqsad bixinta, laguna soo lifaaqayo macluumaadka loo baahan yahay iyo
caddeyn muujinayso in la bixiyey khidmaddii codsiga, sida waafaqsan
Sharcigan
3. Hayaddu waxay siinaysaa codsadaha jawaab qoraal ah goaankii ay ka gaartey
codsiga muddo 14 maalmood oo maalmo shaqo ah, kana bilaabata markii laga
guddoomey codsiga.
4. Hayaddu hadday goaansato inaysan siin codsadahaas Ruqsadda, waxay
muddo 14 maalmood gudaheeda ah si qoraal ah ugu wargelinaysaa codsadaha,
loona sharaxayaa sababaha goaankeeda si faah-faahsan islamarkaasna
waafaqsan Sharcigan iyo shuruucda kale ee Dalka.
23
5. Ruqsadda guud ee lagu bixiyey si sharcigan waafaqsan, haddii aan looga joojin
Ruqsadlaha si qoraal ah, wuxuu ku jirayaa kuna shaqeeynayaa si sharci ah oo
awoodeysan ilaa laga gaarayo waqtiga dhamaanshaha ruqsadda.
6. Ruqsadda ay bixisey Hayaddu si waafaqsan sharcigan, laguma wareejin koro,
lagama iibin karo qeyb ama dhamaan shakhsi ama shirkad kale iyada oo aan
oggolaansho qoraal ah laga helin hayadda.
Qodobka 44aad
Bixinta Ruqsadda guud
1. Ruqsadda adeegga isgaarsiinta guud waxa loo bixinayaa habka Ruqsad
qaadashada guud.
2. Hiraraka iyo numbaradda isgaarsinta.
3. Ruqsadda guud waxa la siinayaa codsadaha marka uu buuxiyo shuruudaha loo
dajiyey bixinta ruqsadda guud, iyada oo Hay'adda isgaarsiinta ka dalban karto
xog dheeraad ah.
4. Codsadaha wuxuu buuxinayaa form-ka ruqsadda guud ee hay'addu diyaarisey
Qodobka 45aad
Muddada Ruqsadda guud
Muddada ruqsada guud ee adeeg bixiye isgaarsiineed waxaa lagu nidaaminayaa
Xeer- hoosaadka Hayadda aydoo lagala tashanayo Wasaaradda Boostada,
Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, isla markaana la tixgalinayo baaxadda adeeg-
bixiyayaasha.
Qodobka 46aad
Qiimaha Ruqsadda guud
Qiimaha ruqsadda guud waxaa xadidayo Golaha Wasiirada kabbid soo jeedinta
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada, ayadoo la tixgalinayo
qaabka Caalamka looga dhaqmo iyo duruufaha u gaarka ah Dalka, waxaana la
raacayaa nidaam maaliyaeedka Dalka, haddii loo baahdo waxaa warbixin dheeraad
ah laga waydiinkaraa Hayadda Isgaarsiinta Qaranka.
Qodobka 47aad
Cusboonaysiinta Ruqsadda
1. Hayaddu waxay cusbooneysiineysaa Ruqsad marka uu Ruqsadlaha soo
codsado, una hoggaansamay dhamaan shuruudihii hore ee lagu siiyey ruqsadda
sida ku cad sharcigan iyo hab-nidaamin Hayadda.
24
Qodobka 49aad
Kala noqoshada Ruqsadda
Hayaddu waxay amar qoraal ah ku hakin kartaa ama ku soo ceshan kartaa
ruqsaddii ay bixisay marka ay dhacaan xaaladahan soo socda:
25
Qaybta 8aad
Isku- xirka Shabakadaha Adeegga Isgaarsiinta
Qodobka 50aad
Codsiga Isku-xirka
1. Haddii adeeg-bixiye isgaarsiineed oo leh ruqsad adeeg uu ka codsado isku-
xir shirkad kale oo adeeg isgaarsiineed bixisa, waxaa la waafajinayaa
sharcigan isgaarsiinta iyo heshiiska u dhexeya labada shirkadood.
Qodobka 51aad
Shuruudaha Isku-xirka
1. Dhamaan isku-xirka shirkadaha waa inay noqdaan mid qoraal ah una
hoggaansan qodobada Sharcigan iyo xeer nidaaminta hayadda.
2. Shuruudaha isku-xirka shirkadaha isgaarsiintu waa inay marka hore ku
heshiiyaan shirkadaha isku xirmaya, hasa yeeshee Heyaddu way soo
faragelin kartaa ayadoo kaashanaysa wasaaradda waxaana la waafajinayaa
sharcigan.
3. Haddii ay Heyaddu aragto in heshiiska oo dhan ama qayb ka mid ah aysan
waafaqsaneyn qodobada sharciga ama hab-nidaaminta Heyadda, waxay
goaamin kartaa inay shirkaduhu soo waafajiyaan heshiiskooda Sharcigan
iyo shuruucda kale ee Dalka.
4. Haddii ay dhinacyadu gaari waayaan go'aan laysku raacsanyahay ama ku
yimaado dib udhac heshiiskooda, Hayaddu waxay soo faragalin kartaa,
go'aanna ka gaari kartaa arrinta la isku hayo ayadoo loo marayo si
waafaqsan Sharcigan
26
27
Qaybta 9aad
Qorshaha Lambar-bixinta Qaranka
Qodobka 55aad
Qoondayntaiyo Bixinta lambarada
1. Waxa reeban in la isticmaalo lambarrada qaranka, iyadoo aan loo heysan ruqsad
ay bixiysay Hayadda Isgaarsiinta qaranka si waafaqsan Sharcigan
2. Furaha qaranka 252, iyo Sumadda qaranka dot So (domain) waa hanti
Dowladdu leedahay, waxaana u xilsaaran Hayadda Isgaarsiinta qaranka,
waxaana loo maamulayaa si waafaqsan Sharcigan, iyadoo la dhowrayo
xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
3. Hayadda Isgaarsiinta qaranka waxay qoondeyneysaa qaabka loo isticmaalayo
lambarada dalka, sidaa darted shirkad kasta oo isgaarsiineed waxay soo
codsanaysaa in laeg ama u dhiganta baahideeda.
4. Hayaddu waxay leedahay awood ay ku ilaaliso, kuna sameeyso xeer-
nidaamiye habka loo isticmaalayo qorshaha qoondeynta iyo bixinta lambarrada
Qaranka iyo shabakadda internetka, taasoo lagu isticmaalayo in lagu bixiyo
adeegyo Isgaarsiineed.
Qodobka 56aad
Diidmada Codsiga
1. Haddii ay Hayaddu diiddo codsiga bixinta lambarada ama diiwangelinta
shabakadda adeegga Internetka sida waafaqsan Sharciaga hayadda, waxaa ay
ku soo saaraysaa goaan qoraal ah, iyadoo ku caddeynayaa sababta keentay
diidmada codsiga.
2. Codsaduhu wuxuu ka codsan karaa Hayadda inay dib u eegis ku sameyso
goaanka codsigiisa lagu diiday.
3. Codsaduhu dib ayuu u soo codsan karaa lambarrada ama diiwaangelinta
shabakadda Internetka uu dalbanayo, isagoo dib u habeyn ku soo sameynaya
qodabadii iyo sababihii loogu diiday soona waafajinaya habraacyada haadda.
4. Haddii ay Hayaddu mar kale diido codsiga, waxa uu codsadaha u gudbin karaa
dacwad maxkamadda awoodda u leh.
5. Waxaa reeban ogolaansho ruqsad la xiriirta lambarada iyo diwaangelinta
shabakadaha internetka ee ku dhisan khiyaano (fraud).
6. Hayaddu waxey awood u leedahay in ay joojiso isticmaalka lambarrada iyo
diiwaangelinta shabakadaha Internetka ee ku dhisan khiyaano (fraud).
7. Cidkasta oo isticmaasho numberada shabakdaha internetka ee ku dhisan
khiyaano (fraud) waxaa loo cuskan karaa xeerka ciqaabta soomaaliyeed.
Qodobka 57aad
Xeer- nidaaminta Khidmadaha Lambarada
Hayaddu waxay soo saari kartaa xeer nidaamin lagu hormarinayo ujeeddooyinka
Sharcigan iyo khidmada lambarrada iyo shabakadaha internet-ka, ayadoo la
kaashanayso Wasaaradda, isla markaana tixgalin la siinayo Siyaasadda Isgaarsiinta
Qaranka.
Qodobka 58aad
Liiska Lambarrada Adeegyada gaarka ah
29
lambarrada adeegga deg-degga ah iyo kuwii kale ee loo arko in ay yihiin dan
guud.
Qaybta 10aad
Xuquuqda Shirkadaha Isgaarsiintaiyo Macaamiisha
Qodobka 59aad
Ilaalinta Xuquuqda Shirkadaha Isgaarsiinta wadaniga ah.
1. Waxaa la dhiirigalinayaa, lana dhowrayaa xuquuqda shirkadaha isgaarsiinta
waddaniga ah iyo guud ahaan maalgashadayaasha waddaniga ah, isla markaana
waxaa la ilaalinayaa xuquuqdooda iyo jiritaankooda.
2. Hayadda waxaa ka ilaalineysaa shirkadaha isgaarsiinta wadaniga ah in uu ku
yimaado burbur sababtiisu tahay tartan sharci dara ee ka yimaadda maalgashiga
shisheeyaha.
Qodobka 60aad
Oggolaansha Hirarka iyo qalabka Isgaarsiinta
1. Hayaddu waxay bixinaysaa ruqsadda isticmaalka hirarka mowjadaha.
2. Hayaddu waxay leedahay ka tala bixinta iyo fududeynta agabka isgaarsiinta ee
waddanka la soo gelinayo, taasoo ay keensanayaan shirkadaha bixiya adeegga
isgaarsiinta.
3. Hayaddu iyadoo hirgelineysa howshan waxay qabaneysaa wadatashi guud oo
ay la yeelaneyso shirkadaha isgaarsiinta si ay iskula meel dhigaan hayadda loo
aqoonsanayo halbeegga sheybaarka qalabka isgaarsiinta, hayadahaas
oggolaanshaha ay bixiso oo laga aqoonsan yahay Soomaaliya.
4. Hayadda isgaarsiinta qaranka waxay diiwaangelineysaa, heyadda loo
agolaaday in lasiiyo ruqsadda halbeegga sheybaarka qalabka isgaarsiinta.
30
Shirkadaha isgaarsiinta dalka way soo jeedin karaan in wax laga beddelo ama
lagu daro hayadda qalabka baarta.
5. Cidkasta oo wadani ah waa keeni karaa qalabka isgaarsiinta, hase yeeshee
waxaa uu dalbanayaa ruqsad uu ku keeno qalabka isgaarsiinta, wuxuuna
raacayaa shuruudaha loo dajiyay, isla markaana wuxuu bixinayaa khidmadda
loo qoondeeyay adeegga, waxaana xaddidaya Hayadda isgaarsiinta qaranka.
Qodobka 61aad
Xaqa Marinka Adeeg-bixiyaha
1. Ruqsadlaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta wuxuu xaq u leeyahay in si
waafaqsan sharciga loogu oggolaado dhex-maris uu dhex marsado dhulka guud
qalabkiisa, meel walba oo waddanka ka mid ah, marka uu dhisayo, dayactirayo
ama ka shaqeynayo xarumaha looga baahan yahay gudashada waajibaadka
ruqsadda loo siiyey si uu u bixiyo adeeg isgaarsiineed.
2. Ruqsadlaha bixiya adeegyada isgaarsiinta waxa uu xaq u leeyahay in si sharciga
waafaqsan loogu oggolaado uuna helo dhex-mariska uu marsado qalabkiisa
dhulalka sida khaaska loo leeyahay, iyadoo ogolaansho iyo heshiis la
waydiisanayo milkiilaha isla markaana ay waajib ku tahay in uu aqbalo
codsigaas, sida uu qabo sharciga isgaarsiinta qaranka.
3. Ruqsadlaha bixiya adeegyada isgaarsiinta waxa xaq loogu leeyahay in uu
dayactiro dhibka uu u geystay hantida gaarka ah iyo tan guud.
4. Hayaddu waxay soo rogi kartaa xeer nidaamin lagu bixinayo magdhaw lagu
hagaajinayo dhibkii ay geysatay isticmaalidda xaqa loo siiyay dhexmarsashada
qalabka iyo kii loogu geystay, dhulka/hawada guud ama kan gaarka ah.
5. Hayaddu waxay leedahay awood ay ku dhegeysato, goaanna uga gaarto wixii
is-afgaranwaa ah ee ka dhasha isticmaalka xaqa Marinka ee Adeegbixiyuhu
xaqa u leeyahay.
Qodobka 62aad
Helitaan Adeeg Isgaarsiineed oo baahsan.
1. Adeeg bixiyayaasha ayagoo kaashanayo Hayadda Isgaarsiinta Qaranka waxay
u howlgalayaan in dadweynaha ay gaarsiiyaan baahida ay u qabaan isgaarsiinta
gaar, ahaan maagaalooyinka, tuulooyinka, miyiga, iyo meel walba oo ay baahi
isgaarsiineed ka jirto.
31
Qodobka 64aad
Si xun u isticmaalidda awoodda Suuqa
1. Waxaa kareeban Ruqsadle kasta oo bixiya adeeg isgaarsiineed oo ay Hayaddu
oggolaatay, inuu ku kaco fal ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeelleeyo tartanka
suuqa xorta ah ee isgaarsiinta dalka.
2. Waxaa kareeban in Ruqsadle bixiya adeeg isgaarsiineed inuu galo heshiis ama
ballan qaadyo, taasoo ujeeddadoodu tahay in hoos loo dhigo tartanka suuqa
Isgaarsiinta dalka.
3. Haddii ay Hayaddu u aragto, ka dib dhageysi iyo wadatashi loo qabtay
dadweynaha si waafaqsan sharcigan, in ruqsadle Isgaarsiineed uu ku kacay falal
ujeeddadoodu tahay khasaaarin hantiyeed oo suuqa ganacsiga Isgaarsiinta ku
yimaada, Hayaddu waxay qaadi kartaa talaabooyinka soo socdo:
A. Ku soo rogitaan ganaax lacageed oo ay Hayaddu xaddido iyadoo
tixgalinaysa waxyeellada uu suuqa u gaystay falkiisa sida ku cad Sharcigan
B. Haddii Hayaddu u aragto in waxyeellada uu gaystay falkaas ka dhalan
karto dhibaato loo gaystay cid kale, waxaa loo gudbin karaa maxkamadda
awoodda u leh si ay go'aan uga gaarto inta uu gaarsiisan yahay
faldambiyeedkaas, ciqaabta ku habboon iyo in ay xaddido magdhawga ka
dhalan kara khasaaraha uu gaystay.
32
Qodobka 65aad
Faaf-reeb
Shirkaduhu waxay masuul ka yihiin anshaxa isticmaalka adeegga ay bixiyaan,
waxayna faaf-reeb ku samaynayaan dadka u isticmaala waxyaabaha diinta
Islaamka iyo anshaxa suuban ka soo horjeeda.
Qodobka 66aad
Amniga Qaranka
1. Waxaa waajib ku ah Ruqsadle kasta ilaalinta amniga qaranka, waana inuu
fuliyaa codsiyada hayadda iyadoo la raacayo shuruucda dalka.
2. Haddii ay jiraan baaris sababo la xiriira nabadgelyada qaranka, waxaa laga
codsan karaa lambarka macmiilka, marka ay Hayadda Isgaarsiinta Qaranka
ama hay'adaha Amnigu u soo dalbadaan si qoraal ah, haddii looga baahdo xog
dheeraad ah, ayadoo laa marayo maxkamadda awoodda u leh. Waxaana ku
waajib ah ruqsadlaha in uu ilaaliyo sirta xogta laga dalbaday oo aysan gaarin
cid kale.
3. Haddii loo baahdo baaris la xiriirta amniga qaranka waxaa la tixgelinyaaa
duruufaha nabadgalyada dalka iyo ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee
muwaadinka.
Qodobka 67aad
Diiwaangalinta SIM kaarada
1. Shirkadaha Isgaarsiintu waxay diiwaangelinayaan dhammaan dadka iska leh
SIM Kaarada Telefoonka iyo kuwa la siinaayo SIM kaaryada marka uu
sharcigan dhaqan-galo, si loo sugo milkiyadda iyo xuquuqda gaarka ah ee
macmiilka.
33
Qaybta 11aad
Qodobka 68aad
Hirgalinta Sharcigan
1. Hayaddu waxay leedahay awood ay ku hirgelinayso Sharcigan iyo xeer
nidaaminta hayadda isgaarsiinta qaranka, hasa yeeshee ayadoo la tixgalinayo
duruufaha gaarka ah uu Dalku ku sugan Wasaaradda, Hayadda iyo adeeg
bixiyayaashu waxay iska kaashanayaan sidii si buuxdo loogu hir-galinlahaa
Sharcigan.
2. Hayaddu waxay leedahay awood ay ku kormeerto in loo hoggaansamay
sharcigan iyo xeer nidaaminta hayadda ay soo saartay.
3. Hayaddu waxay raacaysaa qaab daah-furan, waafaqsanna sharciga isgaarsiinta
qaranka.
4. Hayaddu waxay awood uleedahay in ay ganaax saarto ciddii jabiso sharcigan.
Lana siiyo magdhaw cid walba oo ay dhibaato ka soogartay ku xad gudubka
sharcigan.
5. Hayaddu waxaa kale oo ay dhaqan galinaysaa heshiisyada caalamiga ah ama
kuwa goboleed oo ay Soomaaliya qayb ka tahay kuwaasoo la xariira arrimaha
isgaarsiinta.
Qodobka 69aad
Xaaladahii ka horreeyay Sharcigan
Cidna laguma qaadi karo ganaax kasta oo ka dhashay falal ama talaabooyinka uu
reebay samayntooda Sharcigan falalkaasoo dhacay ka hor dhaqan-galkiisa hasa
yeeshee waxaa la waafajinayaa sharcigan kaddib marka uu dhaqan-galo.
Qodobka 70aad
Baabiin
Waxaa la baabi'iyay sharci kasta oo ka hor imaanaya ama aan la socon karin
Sharcigan
34
Qodobka71aad
Dhaqan-gal
Sharciagni waxaa uu dhangalayaa marka uu ansixiyo Golaha Shacbiga kadibna
madaxwaynuhu saxiixo , laguna soo saaro faafainta Rasmiga ah ee Dowladda.
35