You are on page 1of 19

Daloollada ilkaha carruurta waa laga hortagi karaa.

Waxay
dhacaan markii jeermiska ku jiro afka dhax galaan sonkorta ku jiro
cabitaanada iyo cuntada. Kama hortagi kartid jeermiska iyo
sonkorta, laakiin waxaad xadeyn kartaa isku bandhigashadaada.

Daloollada ilkaha waxay sababi karaan dhibaatooyin caafimaad ka


xun sida infakshanka ilkaha, infakshanka jirka, ama xittaa dhimasho.
Qaybta deg-degga ee isbitaalka ha u tegin afka ku damqanaya
ilkaha ku bukana ha iska qalin.
Baro sida aad cunuggaada ku caawin kartid ka hortagga daloollada
ilkaha adigoo eegaaya bogga internetka Minnesota Oral Health
Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Miyaad ogeed in daloollada ilkaha ku bilaabaan karaan
carruurta ka yar 1 sano jir oo qabo hal ama labo ilig
kaliya? Carruur badan oo aan la siin xannaanada ilkaha
ayaa waqti hore ka dhaco ilkahooda ilmanimo daloolo
awgeed. Ilkaha waxay carruurta ku caawiyaan
calaalinta, si fiican u hadalka, iyo ilkaha joogtada ah
ayeey meel sax ah ku toosiyaan.
Waa muhiim in ilkaha carruurta waqti
hore dhicin. Ilkaha carruurta
waa muhiim. Baro sida aad
u caawin kartid ka hortagga
daloollada ilkaha carruurta
adigoo eegaaya bogga internetka
Minnesota Oral Health Project
(Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro
Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.



Supported by
MD5M Lions


Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.

Daloollada ilkaha carruurta waxay sababaan dhibaato ka
badan xanuunka.
Sanad walba, ku dhowaan 51 milyuun oo saacado dugsi ayeey
carruurta gefaan infakhshanka
ilkaha awgeed. Dadka daryeelo carruurta
qabo infakshanka ilkaha ayaa ayagaba
ku qasban inay shaqadooda gefaan
taasoo looga jeedo inay lacag lumin
doonaan oo waxaa suurtogal ah inay
xittaa lumiyaan shaqadooda ka maqnaanshada shaqada
awgeed. Qaar ka mid ah daryeel bixiyayaasha ma awoodaan
inay carruurta guriga la joogaan, sidaas awgeeda carruurta oo
ilkaha xanuunaaya ayeey dugsiga u diraan, kaasoo dhibaato
ka dhigo waxbarashadooda iyo midda ardayda kale.
Wanaaji fursadaha waxbarashada cunuggaada si uu wax u
barto, waxaad kaas ku fulin kartaa ilko oo caafimaad leh.
Baro wax ka badan adigoo eegaaya bogga internetka
Minnesota Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha
Minnesota) minnesotaoralhealthproject.com
oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Waxa Sababo Daloollada Ilkaha

Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.
Haddii aad carruur daryeesho, ilaali waxa ay cabaan.
Cabitaanada ku jiro sonkor sida caanaha, casiirka iyo soda pop
(markii si joogto loo cabo) waxay waxyeelayn karaan ilkaha
ilmanimada IYO ilkaha joogtada ah ee cunugga. Cabitaanadaan
cab kaliya markaad cunto cuneyso.
Biiyo caadi ah sii waqtiyada kale.  
Ilkaha ku hay si caafimaad ah adigoo:
•  Cabaayo biiyo ku jiro floraydh
•  Isticmaalaayo daawada ilkaha ku jiro floraydh laba mar
maaliintii
•  Si joogto u booqanaayo takhtarka ilkaha ama haddii
cunuggaada haysanin takhtar ilko, weydii takhtarka ama
kaaliyaha caafimaad ee cunuggaada inay afar jeer
sanadikiiba ilkaha cunuggaada mariyaan ranjiga floraydh.
Daawada floraydh ee takhtarka mariyo ilkaha cunuggaada
ayaa caawinaad leh.
Ha hishoon; SOO CODSO. Floraydhka wuxuu badbaadiyaa oo
toosiyaa ilkaha oo wuxuu ka hortagaa daloollada ilkaha.
Wax ka badan ka baro ka hortagga daloollada adigoo
eegaaya bogga internetka Minnesota Oral Health Project
(Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.
Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


FLORAYDH  
Floraydh’ka wuxuu muhiim u yahay caafimaadka ilkaha sababtoo
ah wuxuu ka hortagaa daloollada ilkaha.
Wuxuu ku jiraa badanaa cuntooyinka aan cunno iyo biiyaha aan
ka cabno tuubada gobolka Minnesota.
Floraydh wuxuu ilkaha ka dhigaa
kuwo u adkeysta waxyeellada oo
wuu adkeeyaa. Haddii cunuggaada
cabo biiyaha ceelka, weydii
waaxda caafimaadka deegaankaaga
qiyaasta floraydh ku jiro biiyaha sababtoo ah biiyaha ceelka
badanaa waxuu leeyahay qiyaas yar oo floraydh ah.
Mar walba haddii uu suurtogal yahay cab biiyo ku jiro floraydh.
Sidoo kaleba, filtarka dib u celinta osmosis (ee ma ahan kuwa
dhuxusha leh) waxay biiyaha ka saaraan floraydh.
Hubi inaad ahaato qof floraydh ahaan aqli leh.
Baro wax ka badan adigoo eegaaya bogga internetka Minnesota
Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Xannaano Ilko Fiican Loogu
Talagalay Carruurta

Ilkaha cunuggaada waxay muhiim u yihiin caafimaad


wanaagsan iyo horumarkooda.
Waxaad ka hortagi kartaa daloollada ilkaha ilmaha adigoo
raacaayo tallaaboyinkaan fudud:
•  Xadey cabitaanada iyo cuntada sonkor ku jiro
•  Hubi in cunuggaada labo mar maalintiiba ilkaha ku
buraasho daawada cadeyga oo ku jiro floraydh laga bilaabo
goorta iligga koowaad soo baxo.
•  Cunuggaada takhtarka ilkaha gey lixdii bilood si ilkahiisa loo
baaro oo ilkaha la mariyo ranjiga floraydh.
•  Haddii cunuggaada takhtar ilko qabin, weydii takhtarka ama
kaaliyaha caafimaad ee cunuggaada inay ilkahiisa seddaxdii
biloodba mar mariyaan ranjiga floraydh ayagoo ugu
dambeyntii ka bilaabaayo markuu hal jir yahay.
Baro wax ka badan adigoo eegaaya bogga internetka
Minnesota Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka
Ilkaha Minnesota) minnesotaoralhealthproject.com oo naga
dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Jaaliyaddaada waxay rabaan inay wanaajiyaan
caafimaadka ilkaha cunuggaada.
Takhaatiirta, takhaatiirta ilkaha, kaaliyayaasha
caafimaadka, kaaliyayaasha takhtarka,
farmashiistayaasha, macalimiinta, shaqaaleyaasha
bulshada, ganacsatada, waalidiinta, kooxaha
adeegyada bulshada iyo warbaahinta ayaa isku
yimid si ay u aasaasaan Mashruuca Caafimaadka
Ilkaha Minnesota (Minnesota Oral Health
Project).
Si wadaag ah ayeey u rabaan inay yareeyaan tirada
carruurta qabo daloollada ilkaha.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa markii
ilkaha si wanaagsan loo xannaaneeyo.
Ku soo biir kooxda oo baro wax ka badan adigoo
eegaaya bogga internetka Minnesota Oral Health
Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha
Minnesota) minnesotaoralhealthproject.com oo
naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u


Dhowran.
Sida Daryeelayaasha U Yareyn Karaan
Horumarka Daloollada Ilkaha Waqtiga
Ilmanimada
1) Maalin walba ilkaha cunuggaada ku nadiifi maro yar oo nadiif
ah.
2) Mujuruca cunuggaada afkaaga ha gelinin. Horey ha u calaalinin
ama ha dhe-dheminin cuntada cunuggaada.
3) Markii iligga koowaad soo baxo, ku nadiifi buraash jilacsan iyo
qiyaas yar oo daawada cadeyga ku jiro floraydh. Kadibna gudaha
afka ku nadiifi maro yar oo qoyaan ah ilaa cunuggaada ka awoodo
inuu asaga daawada cadeyga tufo (markuu gaaro 6-7 jir).
4) Aysan ka eheen waqtiga cuntada, dhalada ama koobka
kabbashada ku shub kaliya biiyo aan sonkor leheen. Weligaa
cunuggaada dhalo ha ku siinin sariirtiisa
5) Cunuggaada takhtar ilko u gey markuu sanadguuryadiisa
koowaad gaaro.
6) Haddii cunuggaada uusan qabin takhtar ilko joogto ah, weydii
takhtarka ama kaaliyaha caafimaad ee cunuggaada inay seddaxdii
bilba mar ilkahiisa mariyaan ranjiga floraydh iyo taloyin sida ilkaha
cunuggaada lagu haayo si caafimaad-qab ah.
7) Baro sida aad cunuggaada ku caawin kartid ka hortagga
daloollada ilkaha adigoo eegaaya bogga internetka Minnesota
Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.
Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Wanaajinta Aqoonta Caafimaadka
Afka
Wanaaji caafimaadka afka cunuggaada.
Takhtarka ilkaha cunuggaada, takhtarka, kaaliyaha caafimaad,
ama kaaliyaha caafimaadka bulshada weydii:
1) Calaamadaha ugu horeeyo ee daloollada ilkaha
(calaamadaha cad).
2) Floraydh – wuxuu yahay iyo sida uga hortago daloollada
ilkaha.
3) Sida uu muhiim u yahay biiyaha tuubada
oo ku jiro floraydh iyo sida loo ogaado
haddii biiyahaada tuubada ku jiro floraydh.
4) Faa’iidada ranjiga floraydh.
5) Faa’iidada daawada lagu buuxiyo
Daloollada ilkaha –waxay yihiin iyo sida loo
helo. Dabooleyaasha ilkaha way ka duwan yihiin ranjiga floraydh
laakiin si isku mid ah ayeey muhiim u yihiin.
6) Sida muhiim u yahay in qiyaas yar ee daawada cadeyga oo
ku jiro floraydh lagu buraasho ilkaha labo mar maalintiiba.
7) Sababta ay ilkaha carruurnimadu muhiim u yihiin inkastoo ay
dhacaan.
Baro sida aad cunuggaada ku caawin kartid ka hortagga
daloollada ilkaha adigoo eegaaya bogga internetka Minnesota
Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions
Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.
BIIYAHA
Dhammaanteena waxaan u baahannahay biiyo si aan
caafimaad-qab ku joogno.
Biiyaha tuubada waa nadiif oo waa caafimaad in
la cabo. Dhadhan fiican ayuu leeyahay.
Ma lahan kalooriye.
Qiyaas ahaan 99% ee biiyaha laga helo
jaaliyadda Minnesota waxaa ku jiro
floraydh kaasoo joojiya horumarka daloollada ilkaha. Biiyaha
ku jiro dhalada wuu ka qaalisan yahay oo badanaa ma lahan
floraydh. Haddii aad cabto biiyaha ceelka, Waaxda
caafimaadka deegaankaaga ha baaraan si ay u ogaadaan
qiyaasta floraydh ku jiro biiyaha.
Badanaa biiyaha ceelalka Minnesota waxay qabaan floraydh
yar, ilkaha kama ilaalin karaan horumarka daloollada ilkaha.
Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota (Minnesota Oral
Health Project) waxay taageeraan biiyo floraydh ku jiro.
Baro wax ka badan adigoo eegaaya bogga internetka
Minnesota Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha
Minnesota) minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro
Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa.

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Talo Ku Socota Daryeelayaasha
Ha hishoonin.
Awood dareem.
Cunuggaaga ku caawi nadaafadda ilkahooda.
Haddii cunuggaada qabin takhtar ilko uu si joogto u tegi
karo, weydii takhtarkiisa ama kaaliyahiisa caafimaad inay
ilkaha cunuggaada afar mar sanadkiiba mariyaan ranjiga
floraydh. Daloollada ilkaha waxaa looga hortagi karaa
floraydh, buraashka ilkaha, iyo yareynta waxyaabaha
sonkor ku jiro.

Wax ka baro xannaanada ilkaha iyo cunto habboon; door


wayn ayaa ku saaraan si aad ilkaha cunuggaada ku hayso si
caafimaad qab ah.
Baro wax ka badan oo ku saabsan caafimaadka afka
adigoo eegaaya bogga internetka Minnesota Oral Health
Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi kara!
Supported by
MD5M Lions
Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.
Faruuraha Kor u Qaad – Ilkaha ka Eeg Meelo
Cad, Waa Calaamadda Koowaad ee
Daloollada Ilkaha
Meelaha cad ee ilkaha waa calaamadaha koowaad ee daloollada ilkaha.
Waxaa la joojin karaa inay isku beddelaan midab kafee ah markii la
mariyo ranjiga floraydh.
Baro sida looga helo ilkaha cunuggaada.
Sawirka bidix wuxuu ku tusinaayaa
sida faruurta kor loo qaado
oo si wanaagsanilkaha loo arko

Sawirka midig wuxuu ku tusinaayaa


Meelaha cad ee ilkaha oo ah calaamadda
koowaad ee daloollada ilkaha.
Dhabxanagga afka
Sawirka bidix wuxuu muujinayaa meelaha
isku beddeley kafee. Haddii ranjiga
floraydh lamariyo meelaha cad ee ilkaha
waxaa badanaa la
joojin karaa daloollada ilkaha.
Haddii ilkaha ku aragto meelo midabkooda kafee ah, waxaa loo baahan
yahay in iliggaas daloolka laga xiro ama la baxsho.
Haddii aad su’aalo ka qabtid waxyaabaha aad ka aragto afka
cunuggaada, cunuggaada u gey takhtarka u xilsaaraan xannaanadiisa
caafimaad oo ka codso haddii uu u baahan yahay ranjiga floraydh oo la
marin karo rugta caafimaad ee takhtarka.
Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka Minnesota Oral Health
Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!
Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Xannaanada Afka Wuxuu
Bilowdaa Waqtiga Dhalashada
Maadaama aad dhowaan hooyo noqon doontid, waxaad u baahan
tahay inaad ogaato sida aad u daryeeli leheed ilkaha koowaad ee
dhallaankaaga cusub ka hor intii aysan soo bixin.
•  Mar walba aad quudiso dhallaankaaga cusub, si tartiib ah maro yar
oo qoyan ah ku nadiifi afkiisa.
•  Kani wuxuu caadi ka dhigi doonaa nadiifinta afka cunuggaaga,
asagana laftigiisa wuu u baran doonaa, kaasoo hawsha fududeen
doono markuu ilkaha ka soo baxo.
•  Cunuggaaga ka ilaali cabitaanada sonkor ku jiro. Kuwaani waxay
sababi karaan daloollada ilkaha.
•  Inkastoo ilkaha ilmanimada dhici doonaan, aad ayeey muhiim u
yihiin: waxay cunugga ku caawiyaan calaalinta cuntada, iyo inay
ereyoyinka si fiican ku dhawaaqaan.
•  Markii iligga koowaad soo baxo, labo mar maalintiiba
ku buraash cadey jilacsan iyo qiyaas yar ee daawada
cadeyga oo ku jiro floraydh (qiyaas ahaan digirta
cagaarka ah nuskiisa). Waxaad isticmaali kartaa isla
daawada cadeyga aad adigaba isticmaasho.
Markaad ilkaha buraashto, afka ku nadiifi maro yar
oo qoyaan ah si aad uga saarto daawada cadeyga ku
soo harey.
Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka
Minnesota Oral Health Project (Mashruuca
Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com
oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!

Supported by
MD5M Lions
Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.
Arrimaha Halis U Ah In Cunug
Yar Ku dhaco Daloollada Ilkaha
–  Maalintiiba uusan floraydh ka helin biyaha la cabbo ama daawada
lagu cadaydo
–  Markii afar mar sanadkiiba ranjiga floraydh takhtarka ilkaha ama
takhtarka cunugga uusan marin ilkaha
–  Si joogto ah qaato cabitaan iyo cunto sonkor leh
–  Waqti dheer isticmaalo daawo dareere ah oo lagu macaaneeyey
sonkor
–  Isticmaalka dhalo ama koobka kabbashada ee ku jiro wax aan eheyn
biiyo tuubo waqtiyada u dhexeeyo cuntada ama waqtiga seexashada
–  Xubin qoys oo qabo daloollada ilkaha
–  Daryeele bixiye oo mujuruuca geliyo afkooda ka hor intii ay ilmaha
siin, ama horey u dhe-dhemiyo ama calaaliyo cuntada cunugga
–  Qabin takhtar ilko oo si joogto ah u arko cunugga si looga hortago
dhibaatada ilkaha oo loo xalliyo wixii dhibaato ah ee soo baxo
–  Cunug qabo baahi caafimaad gaar ah, ay ku jirto daahitaanka
horumarka, naafonimo jireed, maskaxeed, caafimadeed ee ka hortago
ama xadeeyo hawl-fulinta xannaanada afka ee daryeel bixiyaha
Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka Minnesota Oral
Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.

Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


.
Xannaanada Deg-degga Ah Ee Ilko
Xanuunka Waa Xannaano Aan
Dhammeystirneen
•  Qoysas badan aan qabin takhtarka ilkaha, Goobta Deg-degga isbitaalka
ayaa u ah rugta ay tegaan markii infakshan iyo xanuun ka dareemaan
ilkaha.
•  Laakiin ogow in . . . .
•  Xannaanada goobta deg-degga isbitaalka (ER) uusan
dhammeystirneyn, sababtoo ah takhaatiirta ER waxay infakshanka iyo
xanuunka ku daaweyaan daawoyin. Ma hagaajiyaan ilkaha.
•  Dhibaatada ku qasbey cunugga ama qofka wayn inuu ku tego ER
ayaa badanaa soo laaban doono, marmar bishiiba mar.
•  Maadaama aad daryeesho carruur yar, isku day inaad ilkaha cunuggaada
ku hayso si caafimaad leh adigoo:
•  Ilkaha buraashaayo labo jeer maalintiiba oo ka
bilaabaayo iligga koowaad.
•  Subaxa iyo habeenka cunuggaada dhalo ama
koobka kabashada ku sii biiyaha tuubada oo kaliya.
HA KU darin sonkor biiyaha

Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka


Minnesota Oral Health Project
(Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com
oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!
Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Miyaad rabtaa in cunuggaada lahaado ilko
ilmanimo iyo kuwa joogtada ah oo
caafimaad leh?
Haddii sidaas yahay, weydii takhtarka
cunuggaada ranjiga floraydh.
Ranjiga waxaa lagu mariyaa in ka yar 5
daqiiqo oo looma baahno in la isticmaalo
qalabyo.
Si aad wax ka badan u barato eeg bogga
internetka Minnesota Oral Health Project
(Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga
dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!

Supported by
MD5M Lions
Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.
Cabitaanada Ku Jiro Aashito Way u
Xun Yihiin Ilkaha
•  Qaar ka mid ah cabitaanada waxay qabaan isla qiyaas aashito sida
batariga! Aashitada waxaa lagu qiyaasaa 0-14 kaasoo 0 yahay heerka
ugu sarreeyo ee aashitada iyo 14 midka ugu hooseeyo. Kani waxaa lagu
magacaaba pH’ka walaaxa. Aashitada ku jirto batariga wuxuu leeyahay
pH 1.00. Halkaan ka eeg pH’ka qaar ka mid ah cabitaanada caadi ah:
Sonkor (qaado shaahi
pH oo ah 12 ounces
Pepsi: 2.49 9.8
Coke: 2.53 9.3
Mountain Dew: 3.22 11
Casiir Oranji 3.30 – 4.19
Casiir Tufaax: 3.4 4.8
Biiyo: 7.0 0
•  Aashitadaan wuxuu ilkaha ku yeeshaa saamayn
xun. Wuxuu baa'inayaa dhaldhalaalka ilkaha oo
wuxuu ilkaha ka dhigaa kuwo xasaasi iyo nugul u
ah daloolka ilkaha.
•  Markii cabitaanada aashitada ah ay xittaa
leeyihiin sonkor badan, waxyeellada gaaro
ilkaha ayaa sii weynaanaayo.
•  Buraashka ilkaha waxyeelladaan ma wada joojin karo!
•  Habka ugu fiican ee looga hortagi karo waxyeellada ilkaha ee sababo
cabitaanada aashitada ah waa in cunuggaada siiso oo kaliya biiyo iyo
caano.
•  Haddii aad rabtid inaad cunuggaada siido cabitaan aashito ku jiro ha
isticmaalo dhuun yar wax lagu cabo sidii dareeraha u taaban ilkahiisa.
Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka Minnesota Oral Health
Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota)
minnesotaoralhealthproject.com oo naga dooro Facebook.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Buuxinta Daloollada Ilkaha Ma
Ahan Xalka Daloollada Ilkaha
•  Markii la buuxiyo daloolka iligga, weli meelaha ku
heeraraan daloolka ayaa sii bukaan kara, kaasoo u
baahan in si joogto loo hagaajiyo.
•  Waqti ka dib, iliggaas wuxuu u baahan doonaa in si ka
badan loo buuxiyo, maar la saaro, xididka la soo dilo ama
iligga laftigiisa la baxsho. Hal ilig wuxuu ku fadhiyi karaa
kumaakun doolar.
•  Si looga hortago burburka ilkaha, xanuunka, gefidda
dugsiga, iyo in iligga la baxsho, ranjiga floraydh mari
iligga ka hor intuu sii halaabin oo u baahan in la buuxiyo
daloolka.
•  Dhaldhalaalka ilkaha ee ranjiga floraydh la mariyey wuu
ka adag yahay midka caadiga ah markii la eego daloolka
ilkaha.
•  Ranjiga floraydh uma baahno takhtar ilko inuu mariyo ama
in iligga la qodo. Waxaa ranjiga ilkaha marin karo
takhtarka cunuggaada, kaasoo qayb ka ah xannaanada
caafimaadka cunugga.

Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka


Minnesota Oral Health Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha
Minnesota) minnesotaoralhealthproject.com.

Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!


Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.


Arrimaha Halis U Ah Iyo Kuwa Ka
Hortago Daloollada Ilkaha
Arrimaha Halista u ah Ka hortago
Daryeelaha ugu muhiimsan wuxuu 12 Cunugga wuxuu qabaa hoy ilkaha
bilood la soo dhaafey qabey lagaga baaro*
daloollada ilkaha
Daryeelaha ugu muhiimsan ma qabo Cunugga wuxuu cabaa biiyo ku jiro
hoy ilkaha lagaga baaro* floraydh

Wuxuu habeen iyo subaxba Seddaxdii bilba mar ayaa ilkaha


isticmaalaa dhalo ama caag la cunugga la mariyaa ranjiga floraydh
nuugo ee ku jiro dareere sonkor leh.

Si joogto ayuu macmacaan u cunaa Ilkaha cunugga waxaa la buraashaa


laba jeer maalintii ayadoo la
isticmaalaayo daawada cadeyga ku
jiro floraydh laga bilaabo goorta
iligga koowaad soo baxo

Ku qoran Medicaid ama MNCare *Leh takhtar ilko oo sanadkiiba labo


jeer u booqdo si looga hortago
daloollada ilkaha oo u tegi karo
marar kale si loo baaro iyo/ama
ilkaha laga daaweeyo haddii loo
baahdo
Si aad wax ka badan u barato eeg bogga internetka Minnesota Oral Health
Project (Mashruuca Caafimaadka Ilkaha Minnesota) minnesotaoralhealthproject.com.
Daloollada ilkaha waa laga hortagi karaa!

Supported by
MD5M Lions

Xuquuqda Daabacadda 2013, Madaxda Jaamacadda Minnesota. Dhammaan Xuquuqyada u Dhowran.

You might also like