You are on page 1of 5

Ma xasuustaha ereyadii Abwaan Sooraan "markii dhawayd maxaad i

lahayd"?, laakiin ma xasuusatid diricaad/surweelkaad suuqa la'aaday


Axadii hore. Haddii aad raacado habkaan waxaan hubaah inaad
xusuusan karayso wax walba oo aad akhriday, aragtey, maqashay,
xidhatey ama cuntay.

Waa dabeecadda maskaxda in aad wax hilmaanto. Ma ahan wax xun


hilmaanku, in aad wax hilmaami waydo waa aafo. Noloshu waa kharaar
iyo macaan, suura gal ma ahan inaad kharaarka iska xasuusnaato! Bal
ka waran haddaad iska riman tahay waalidkaa dhimashadiisii, ama ayna
mar na maskaxdaada ka bixin ereyadii xanuunka badnaa ee Faysal Cali
Waraabe?

Waxaan jecel nahay inaan xusuusano dhammaan waaya aragnimadii iyo


aqoontii aanu baranay si aan u deegsano markasta oo u baahano. Waa
wax wanaagsan inaad xasuusnaato casharadii fasalkagii 1aad laguu
dhigay, laakiin taasi macquul kuu lama muuqato sababtoo ah waxaadan
raacan habka maskaxdu wax u qabato mudo dheer. Maxay tani u
dhacdaa? Sideen wax uga qaban karnaa?

Hagaag, waxaan kuu sheegayaa xooggaa talooyin fudud ah oo


xasuustaada kordhinaya.

Marka hore maxaynu wax u illaawaynaa? Sababta oo ah maskaxdaadu


ma ahan xaasuub inta aad wax ku shubto aad mar walba ugu tagayso.
Maskaxdu waa muruq wax ku fahma ku celceliska iyo ficilada dareenka
leh. Qaraxii Soobe Mugadisho ka dhacay soo ma xasuusto? Miyaa ku
celcelisay? Jawaabtu waa maya, waayo wuxuu ahaa ficil dareen taabad
leh oo aadan si fudud maanka uga tirtirmayn.

Lanbarada taleefankaga kugu jira ma wada xasuusan karayso. Tan


looma sababayn karo in maskaxadadu qaybta xusuusto howl gab
noqotey. Maskaxdu waa xubin xiisaha iyo xamaasada aad shayga u
hayso wax ku kaydisa. Haddii dadka qaar aadan magacooda xasuusan
ma ahan inaad maskax liidato ee xiisaha shaqsigaad u haysaah kugu yar,
sidoo kale haddii maado kugu adag tahay inaad xusuusto xiisaha aad u
haysaa yar. Laakiin dhamaan waxaas oo dhan waa la xalin karaa
dawadoodaa qaadaneynaa maanta.

Herman Ebbinghaus waa dhakhtar cilmu-nafsiga bartey oo Jarmalka u


dhashay wuxuu baaray xusuusta iyo qaabkay u shaqayso. Wuxuu
jaantus ku muujiyey habka hilmaanku ku yimaado. Wuxuu jaantuskiisa
ku tusaaleeyey in marwalba oo ku celceliska shayga aan yareyno waxaa
yaraanaya xusuusta shayga. Taas macanaheedu waa in hal saac kadib
wixii aan baraney illowno kala bar macluumaadkii aan baraney. Maalin
kadib na waxaad xasuustaa kaliya 30% macluumaadkii aad
baratey(Shaxda hoose ka eeg).

Marka sidee wax walba loo xasuustaa?

Waxa jira farsamo lagu seeteeyo oo loo yaqaanno ku celcelin baahsan.


Si aad ugu hayso macluumaadkaaga maskaxda waqti dheer waxaad u
baahan tahay inaad geliso xusuustaada qaybta muddada-dheer.
Farsamooyinka Xusuusta:

Aan labo u kala qaadno xusuuta, xusuuta kooban iyo xusuusta waligeed
ah. Haddii aad ku sugan tahay xaalada aad rabto inaad saacado kooban
wax xusuus naato ama maalin oo kaliya inaad wax ku xasuusato.
Markaa farsamadan ayaa faa'iido kuu yeelan doonta, tusaale ahaan,
waxaa loo isticmaalaa diyaarinta imtixaanka, khudbadaha, heesaha,
gabayada iwm. Taas oo aad diyaarineyso hal habeen ka hor ama dhowr
saacadood ka hor khudbaha ama heesaha, Qur'aanka iwm.

Hab kaan raac:

1. Ku celiceli macluumaadka ilaa intaad ka xifdineyso.

2. Ku celi mar 2aad kadib 15-20 daqiiqo.

3. Ku celi mar 3aad ka dib 6-8 saacadood.

4. Ku celcelinta ugu dambeysa 24 saac kadib laga bilaabo xilligaad


xifdinta joojisay.

Ha aqrin wax kale mudada u dhaxaysa. Hayga dhabqin macluumaadka


inta udhaxaysa muddadaa kooban, kaliya wax kale samee Facebook
dabaalo, saxiibtaa iskala qaxweeh meelaha dagan oo buuqa yar iskaga
laydhso maskaxdaada nasi. Haddaba markastoo xusuus gaaban aad
samaynayo isticmaal farsamadaan.

Sidee wax loo xusuustaa muddo dheer?

Haddii aad rabto inaad xusuusato waxyaabaha muddo dheer markaa


waxaad u baahan tahay inaad sii dheereysato muddada ku celcelinta.

Waa tan sida aad u baahan tahay inaad sameyso:

1. Ku celceli marar badan waxaad akhrineyso.

2. Ku celcelinta 2aad waxay noqoneysaa ka dib 20-30 daqiiqo.

3. Ku celceliska 3aad ka dib 1 maalin.

4. Ku celcelinta ku xigta 2-3 toddobaad kadib.

5. Iyo ku celcelinta ugu dambeysa 2-3 bilood ka dib.

Sidan ayaad wax ku xasuusan kartaa waqti dheer. Maskaxdu waxay u


maleyneysaa marka kowaad ee aad wax ku shubto inaad u soo
laabaneyso, ku balanqaadi mayso inay kuu kaydinayso haddaadan u soo
laaban oo mar labaad ku shubin. Haddii aad ku soo laabato mar 2aad,
3aad, 4aad ka dib waxay qiraysaa in sheygaan muhiim kuu yahay
ayaduna kolkaasay amareysaa inaan ninkaas wixiisa laga tirtirin.

Waxaan rajeynayaa in ay farsamooyinkani waxtar kuu yeelan doonaan.


Waad ku mahad san tahay akhariskaga la wadaag dhalinyarada kale .

/
WQ Ahmed Abdi Qurbaani

You might also like