You are on page 1of 4

Sookoobidda buugga “ ‫~تعليم المتعلم طريق التعلم‬Barashada uu

baranayo Ardeygu Habka wax loo barto.”

Hordhac

Buuggan la yidhaa “‫تعليم المتعلم طريق التعلم‬.” Waxa qoray Sheekh Burhaan
Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji. Sarnuuji meeshii uu ka soo
jeeday ayay ahayd, oo hadda qiyaas ahaan waa meesha u dhexaysa
Webiga Jiinjaan, iyo Turkistaan. Wuxuu dhashay 591dii Hijrada.
Fiqiyaqaannadii waaweyneed ee Xanafiyada ayuu ka mid ahaa.
Wuxuunna ku caanbaxay ka hadalka mawdduucyada aqoonta ku saabsan.
Shaqadiisuna qoraa ayay ahayd.

Buuggan uu muddada hore qoray, waa la iskaga danbeeyay oo dhawr


wadaad oo kale ayaa dabadii dib u cusboonaysiiyay oo daabacay. Waxa ka
mid ah Salaax Maxamed Khiimi, oo sannadkii 1987kii Dimishiq ku
daabacay, intuu taxqiiqiyay. Kan aan anigu hayana waxaa soo saaray, oo
xataa Muqaddamada ku darsaday Sheekha Jabuuti ee Cabdillaahi Cali
Geelle. 2012kii ayuu daabacay. Jeldiga horana wuxuu ba ku qortay ‘‫’تخريج‬
oo macnaheedu tahay ‘ Soosaare.’

Buuggu waa buugyare kooban, oo aqoon badani ka tiixayso. Bogag ahaan


ma badna illaa 63 bog ayuu ka koobanyahay. Qaybo dhawr ah ayuu
leeyahay.

Qoraagu sababta uu buugga u qoray wuxuu ku sheegay markii uu arkay


qaar badan oo ardeyda ka mid ahi waqtigeennan inay doonayaan inay
waxbartaan, haddana ay helayn midhihiisii, iyo dheeftiisii. Waayo,
waddadii loo marayay ayay ka leexdeen, ama ka qaldantay; tiirarkii uu ku
taagnaana dhegahay ka furaysteen. Taasaa keentay inaan buuggan qoro
ayuu leeyahay.

Waxan uu qoray halka uu ka keenay ayuu carrabaayay, wuxuu leeyahay


waa wixii aan ka maqlay Macallimiintaydii aqoonta iyo murtida lahaa. Iyo
waxa aan ka ka soo xigtay buugaagta aqoonyaahanka.

Gudaha Buugga

Wuxuu ku bilaabayaa muhiimadda ay aqoontu leedahay, fahankeeda iyo


fadligeeda. Marka koowaad wuxuu soo daliishaday xadiiskii Suubbanaha
ee ahaa : “ Doonidda/dalbidda aqoontu waa ku faral ninkasta oo Muslin
ah, iyo gabadhkasta oo Muslimad ah.” Qofka faral kuma aha inuu barto
aqoon walba, se waxaa ku faral ah inuu barto aqoonta kolba taagan,
ayuu leeyahay. Waayo, waxaa la yidhaahdaa: “ Aqoon la barto waxaa ugu
fiican ta la barto waxa taagan/ xaaladda. Shaqo la qabtana waxa ugu
wanaagsan ta la ilaaliyo taagnideeda. Qofka Muslinka ah na waxaa lagu
faralyeelay inuu barto waxa taagan hadda, xaaladdii la doono ha
ahaatee.”

Sharafta ay aqoontu leedahay wuxuu ku sheegayaa inay tahay wax


DADKA loo gaar yeelay, oo NOOLAHA kale la wadaagin. Waayo,
waxyaabaha kale ee sida Geesinnimada, awoodda, IWM waa lala
wadaagaa oo noolaha kale wuu la wadaagaa; se aqoonta lalama
wadaago.

Shuruudda laga rabo qofka wax barana ayuu taxayaa, isaga oo qaybqayb
u samaynayaa. Waxa ka mid ah:

1- Niyada: Marka wax la baranayo niyadu waa muhiim, waanna


bilowga waxkasta. Nebigu SCW wuxuu yidhi: “ Camalku waa
niyada.”
2- Inuu doorto aqoonta uu rabo inuu barto: Marka uu dooranayo
ha u kala horreysiiyo sida ay u kala muhiimsanyihiin. Isaga oo ka
bilaabaya mid ba ka uu ka muhiimsanyahay.
3- Inuu Macallin doorto: Macallin uu wax ka faa’idi karo oo
wanaagsan inuu doorto ayuu sheekhu xusayaa. Macallinku kaalin
wayn ayuu waxbarashada ardeyga ku yeeshaa.
4- Inuu wayneeyo aqoonta iyo dadka aqoonta leh: In aynna
aqoonta si wanaagsan loo baranayn haddii ehelkeeda la
ixtiraamayn ayuu sheekhu xusayaa. Ninkii Gabyay wuxuu yidhi: “
Macallinka iyo dhakhtarkuba kulama taliyaan haddii aan la
ixtiraamin, xanuunkaaga u samir haddii dhakhtar ku madax
adeygto; Jaahilnimadaadana u samir haddii aad macallin ku madax
adeygto.”
5- Dadaal: Ardeyga waa lagamamaarmaan dadaalku waqtiga uu
waxbaranayo. Dadaalku inuu albaabkasta oo xidhan furo ayuu
xusayaa qoraagu. Hore ayaa loo yidhi: “ Qofkii dadaalaa wuu helaa;
qofkii albaab garaacana waa laga furaa.”
6- Joogtayn: ardeygu waa inuu joogteeyaa, oo waxa uu baranyo si
joogto ah uga warhayaa.
7- Hammi: Hammigu inuu kaalin muhiima ka qaato barashada qofka
ayuu qoraagu xusayaa.
8- Talasaarashada Alleh: waa lagamamaarmaan talasaarashada Alle
qofku marka uu waxbaranayo.
9- Waqtiga: Qofku waa inuu waqtiga ku xisaabtamaa, sidoo kale uu
ogaadaa da’duu doono ha joogee inuu waxbaran karo. Qoraagu
waxa uu xusayaa waqtiyada uu qofku wax akhriyayo, waxa ka mid
ah kuwa ugu fiican Salaadda Maqrib iyo Cishaa’iga inta u
dhexaysa, iyo waqtiga suxuurta.
10- Inuu wax korodhsado: Ardeygu waa inuu marwalba wax
korodhsadaa, oo uu markasta isku dayaa inuu wax cusub soo
biirsado.
11- Xalaalmiirashada: Ardeygu waa inuu xalaalmiirashada ku
dadaalo waqtigan uu waxbaranyo. Inkasta oo xalaalmiirashadu
wanaagsantahay waxqtikasta, haddan ardeygu waa ka ugu baahi
badan.

Qoraagu waxa uu waxyar ka taabanayaa waxyaabaha qofka xifdigiisa


ilaaliya. Waxa ka mid ah ayuu leeyahay:

1- Dadaalka.
2- Joogteynta.
3- Cuntada yaraysiga.
4- Salaatul layla oo la tukado.
5- Qur’aan ka oo la akhriyaana waa ka mid.

Gegagebo

Buugyarahani intaas, iyo kuwo soo hoosgalaya oo ka farcama ayuu


koobsanayaa. Waa buug aad u anfacaya dadka ardeyda ah, iyo kuwa
doonaya inay waxbartaan.

Ciddii rabta inay waxbarato, ama ku ba jirta waxa aan kula talinayaa inay
buugga akhriyaan oo dhugtaan.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

15 Dec, 2019.

Boorama, Awdal.

You might also like