You are on page 1of 7

Sookoobidda buugga ‘ Luuqadda Doodda ~

The Language of Argument.’


Hordhac

Buuggan innoo daaran waxa ladhkiisa la yidhaa ‘ The Language


of Argument’ oo Af Soomaali haddii aynnu soo dhawaynno ku
noqonaya ‘ Afka Doodda ama Luuqadda Doodda.’ Waxa aynnu
garawsannahay in mawduuckastaa uu leeyahay af gaar ah oo
lagu hadlo, oo uu baadisooc ahaan u leeyahay. Tusaale ahaan,
siyaasaddu af gaar ah ayay leedahay. Dhaqaaluhu af gaar ayuu
leeyahay. Sharcigu af gaar ah ayuu leeyahay. Beeruhu af gaar
ayay leeyihiin. Markaa waa gar in doodduna af gaar ah lahaato.

Waxa qoray, oo ku mitiday laba qoraa oo kala qalin duwanaa.


Midi wuxuu ahaa Daniel McDonald, oo noolaa intii u dhexaysay
(Julaay 30, 1960kii – Febraayo 15, 2007dii) oo Filinmetele iyo
qoraa ahaa. Da’ yaraan ayuu ku geeriyooday oo isaga oo 46 sano
jira ayuu wedku u yimid. Wuu dhintay. Laba carruura ayuu
adduunka korkiisa ku macasalaameeyay. Qoraaga kale ee la
qoray waa Larry W. Burton oo ah qoraa buugaag kaladuwan oo
mawdduuca xidhiidh la leh qoray.

Si guud buuggu wuxuu ka koobanyahay 385 bog. Daabacaaddo


kaladuwan ayaa laga sameeyay. Nuskhada aan anigu hayaa waa
soosaaristii 9aad, waxaanna la daabacay tan 9aad sannadkii
1999kii. Afar qaybood ayuu iskugu jiraa. Waxa aad mooddaa inuu
waxoogaa isku yara dhexdaadsanyahay xagga habaynta, oo
mawduucyo mudnaanta lahaa xagga danbe la geeyay.
Yeelkadiiye, si kooban ayaynnu afartaa qaybood u dul istaagi.
Aanan ku xasuusiyee, labadaa qoraa inta badan waxa ay
xooggasaari dooddu marka ay tahay mid qoran, oo qoraal lagu
gudbinayo. Se tee hadalkuna ka madhnaanmayso.

Nuxurka Buugga
Qaybta 1aad waxaa ladh ahaan ku suntan ‘ Qaababka Doodda’-
Macne ahaan, sida ay dooddu u dhigmayso ee loo sheegayo, ama
loo qorayo. Qaybta 1aad qodobka u horreeyaa waa ‘ Ka
Dhaadhicinta Qoraalka’ oo ay ka wadaan in waxa aad qoraysid
ama sheegaysid cidda ay khusayso aad uga dhaadhicisid si
farsamaysan, oo xirfadaysan. Labadan qodob ayay ku soo
koobeen:

B) Hano Dhegaystayaashaada, ama Akhristayaashaada:


Qodobkani waxa uu suurtagel ku noqon karaa in marka
koowaad aad garatid cidda aad la hadlaysid. In cidda aad la
hadlaysid aad garataa waxa ay kaa caawinaysaa in aad
erayada kalaxulatid oo qaabaysid.
T) Qeex Arrinta aad ka hadlaysid/Qoraysid: Waxa aad
sheegaysid marka hore si wanaagsan usoo huf, oo dadkana
u sheeg. Waxaa jira mawduucyo laga doodi karo, iyo kuwa
aan boos ku lahayn doodda. Qoraa Daniel iyo Qoraa Larry
Burton, waxa ay qabaan doodda aan anna qabo adna laga
yaabo inaad qabtid ee ah ‘ Inay jiraan waxyaabo aan dood
gelin.’ Sidoo kale, waxa ay qabaan in arrimaha qaar ay
rabaan in aad loo dul istaago oo in ka badan caddayntooda
la qeexo. Tusaale ahaan, waxa ay u soo qaateen haddii laba
qof ku murmaan Madaxweyne Kuxigeen Al Gore wuu
caqlibadanyahay iyo maya. Iskumay khilaafin timihiisa,
ilkihiisa, iyo dharkiisa, se qeexidda caqlibadnaantiisa dood
baa kaa taagan.

Qaybta 1aad qodobka 2aad ee ku xigaa waxa weeyi ‘ Male’


Habka uu qofku u dhigayo/sawir guud uga bixinayo ee uu
sookoobid guud ugu samaynayo caddayn aan dhammaystirnayn
( Wax uuna caddayn hubaal ah u haynin, se uu malaynayo). Waxa
aad ka hadlaysid waxa aad ku garanaysaa ‘ Male’ e ma hubtid oo
caddayn dhammaystiran uma haysid. Labada qoraa waxa ay
tusaale ahaan soo qaateen, waxa aad aragto Ubax cad. Se maad
wada arag Ubaxyada oo dhan. Haddii lagu yidhaa Ubaxu
midabkiisa noo sheeg?’ Dabadeedna aad ku jawaabtid ‘ Waa
caddaan’ caddayn xaddidan baad ku salaysay, waana male.

Daniel iyo larry, waxa ay iswayddiinayaan dhawr qodob oo


khuseeya ‘ caddayntaa aan ku filnayn’ Waxa ka mid ah:

B) Muunadda ( Sample) ka miyaa la garanayaa?

T) Muunaddu ma tahay mid innagu filan?: Halkan waxa ay


qabaan in marar badan qofku waxa uu ku doodayo ay ka kala
dhimanyihiin, oo qalad ka dhici karo. Sidoo kale, waxa ay
qabaan in Muunadda kaladhimani ay keeni karto
daabaqadaynm ( Shey ama dad wax aynna ahayn lagu
shaabbadeeyo oo lagu nabo).

J) Muunaddu miyay meteli kartaa kuwo kale?: Tusaale ahaan,


waxa ay soo qaadanayaan: “ Hablaha Diraweliinta ahi way ka
fiicanyihiin ragga Dirawaliinta ah; waayo way ka shil
yaryihiin.’

Qeybta 2aad waxa ay ladh uga dhigeen ‘ Falanqaynta Doodda.’


Mawduucan waxa aad mooddaa inay ka gaabiyeen, oo aynna aad
uga hadlin. Waayo wax ku saabsan xeerarka falanqaynta, iyo sida
loo sameeyo toona may qorin; marka laga reebo tusaalayaal, iyo
sheekooyin ay dadkale qoreen oo so ergisteen. Markaa haddii
aan ka Sandheere ahaan wixii aan ka fahmay tusaalayaasha
fekerkayga ka dhiibto, waxa aan ku soo koobi intan:

1- Ogow waxa aad falanqaynaysid: Waxyaabo kaladuwan ayaa


la falanqeeyaa oo laga hadlaa. Sida looga hadlayaa waxa ay
ku xidhantahay kolba waxa uu yahay. Tusaale ahaan, haddii
aan lacag ka hadlayo, waxyaabaha ugu waawayn ee aan
falanqaynlahaa waxaa ka mid ah; qiimadhaca lacagta,
waxyaabaha koriya, Sicirbararka, sida loo maamulo, sida loo
xisaabiyo IWM.
2- Dhinacyo badan ka eeg: Marka aad wax falanqaynaysid
dhinacyo kaladuwan ka joogso. Tusaale ahaan isku day
inaad waxkasta oo xidhiidh la leh wax ka sheegto, ama ugu
yaraan tilmaanto.
3- Si la fahmi karo u dhig falanqaynta: Isku day in waxa aad ka
hadlaysid/ qoraysid la fahmi karo. Ogow, oo dadkan ku
dhegaysaya tixgeli bal inay kula socdaan, ama wuxuun kaa
fahmayaan.
4- Sookoob: U samee meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku
dhammaado.

Qeybta 3aad waxa ay ladh uga dhigeen ‘ Suugaan ku Doodid’


Macne ahaan, waxa ay ka wadaan in doodda gabay, Buraanbur,
hees IWM ah lagu dhiibto. Halkanna sidoo kale, qoraayadu
meelaha ay ka gaabiyeen ayay ka midtahay, oo may sheegin
hannaanka iyo habka la raacayo marka Suugaanta lagu Doodayo,
ee doodda gabay, iyo wax la mid ah lagu dhiibayo. Gabayo
qallalan oo bilaa sharraxaad ah, oo u badan kuwa Shakespeare
ayay ku qoreen. Waxa si muhiim ah in aynnu isla fahanno in
Gabayga, buraaburka, heeshawleeddada, riwaayadaha, IWM ay
door muhiim ah ka qaataan doodda arrin ku saabsan ee lagu kala
aragti duwanyahay. Innaga ka soomaali ahaan, arrintaasi way
innagu badantahay, oo waayadii hore waxa ugu badan ee doodda
lagu dhiiban jiray Suugaan bay ahayd. Haddii laba qof wax ku
kaladuwanaadaan ‘ Hadal’ inuu ku sheegaa way adkayd, se
noocyada kaladuwan ee Suugaabta ayuu ku cabbiri jiray.

Qaybta 4aad waxa ladh uga dhigeen ‘ Siddeeda Xeer ee Qoraalka


Toolmoon.’ Sidii aan hore u sheegay inta badan labada qoraa
waxa ay xooggasaari doonaan ‘ Doodda Qoran.’ Aynnu soo
koobno Xeerarka:

1- Dooro Ladh: Doorashada mawduucu inay waxyaabaha ugu


adeg ee doodda qoraalka tahay ayay qabaan. Qofku marka
uu badhaadhihiisa ka dhiibayo arrin waxa ay u baahantahay
inuu doorto ladh uu ku caanamaalo oo geeddisocodka
dooddiisa wax ka tara. Sida badanna waxa la yidhaa
mawduucu waa kalabadh qoraalka uu qofku qorayo, waayo
qoraalka ayuu ladhku muraayad u yahay, oo waa meesha
laga duulayo.
2- Xogo Dhaba hel: Marka aad dood dhiibanaysid waxa ay u
baahantahay xog inaad haysid. Mawduuc ma lafaguri kartid
haddii aanad xog ka haynin, waayo haddii aanad xog ka
haynin waa lagugu rogi karaa, oo albaabkasta waa lagaa soo
xidhi. Xogaha meelaha laga helaa way badanyihiin.
Maktabadaha, Telefoonka, Aaladaha Casriga ah, Internetka
iyo kuwa kale ayaa ka mid ah meelaha laga helo. Ugu
danbayn ku dadaal caddaaladda qoraalka oo wax runa oo la
hubo xarriiq.
3- Ladhkaaga Xakamee Baaxad ahaan: Labada qoraa waxa ay
qabaan in doodda goob iyo ammin lagu saleeyo. Waayo
haddii aad badisid halbacaad lagu lisay inay noqotaa laga
yaabaa. Aad isku wayddii amminta aad haysatid, iyo
baaxadda mawduuca aad lafaguraysid. Dabadeedna ku
salee waqtiga oo soo yaree.
4- Xogtaada Habee: In doodda la habeeyo oo qaab sida
qoraallada kale ah loo habeeyo ayay qabaan labada qoraa.
Waxa ay ku leeyihiin ‘ U samee Hordhac, Nuxur, iyo
Gebagebo. Saddexdani waa waxa aasaaska u ah qoraalka
iyo hadalkaba. Ku dadaal inaad hadalkaaga sidaa ka
yeeshid.
5- Qoraalkaaga Xiiso u Yeel: Dad badan
hadalkaaga/qoraalkaaga waxba ka soo qaadi maayaan
haddii aanad xiiso u yeelin. Dheg jalaq u siin maayaan
haddii aad adigu marka hore dhegaha ka furaysato xiiso u
yeelidda dooddaada. Waxyaabaha hadalka xiisaha u yeelana
waxaa ka mid ah runta iyo dhabnimada.
6- Qoraalka Ha Kala Saafnaado: Inta aad wax qoraysid, gaar
ahaanna doodda iska ilaali erayada iyo sida ay u kala
muhiimsanyihiin. Isku day inaad adeegsatid erayba ka uu ka
muhiimsanyahay. Marar badan iska dhaaf inaad adeegsatid
erayo iyo tuducyo badan oo aan dooddaada muhiim u ahayn.
U qor hadalka ama u hadal si aan maldahnayn ama
duurxulnayn.
7- Iska Ilaali Erayada Dareennada Kiciya: labada qoraa
qodobkan waxa ay ku soo aroorinayaan in qofka doodayaa
iska ilaaliyo erayo dareennada kiciya sida kuwa ka hadla
jinsiga. Waayo, saamayn aan yarayn ayay keeni karaan.
Saamayntaa waxa ugu yar in mawdduucii qalnaa ee laga
doodayay laga mashquulo, oo lagaga mashquulo hadal soo
darriyay oo dusha ka yimidday. Sidoo kale, in marar badan
la iska ilaaliyo erayada qosolka keeni kara. Maaha
marwalba, se marka arrin aqoonaysan laga doodayo waa in
la iska ilaaliyaa. Waayo, ka Sandheere ahaan, waxa aan
qabaa in qosolku mawduuca leexin karo oo dooddii la isku
dhilayay damin karo, dhinaca kale intuu u rogo ka dhigi
karo wax aan sidaa u sii ridnayn. Dabadeedna inta la kala
caajiso arrintu kaftan isku baddesho, oo caddaymihii badnaa
ee la keeni lahaa kaftanku awoodda kala wareego.
8- Iska Ilaali Surmaseegtada Farsameed: Halkan waxa ay kaga
warramayaan marka aad doodda qoraysid inaad aad uga
taxaddirtid in qalad farsamo oo badani kaa dhaco. Waxa ay
soo aroorinayaa in qofku aad u ilaaliyo calaamadaha,
Waawaynaynta xuruufta qaar, IWM.

Gebagebo

Afartii qaybood ee buugga bud’dhigga u ahayd waa kuwaa.


IIntaas ayay ku idilyihiin. Habayaraatee in aynnu wax uun ka
fahannay ayaan rajaynayaa.
Qofkii heli karaa buugga ha akhristo xogo intaa ka badan ayuu ka
dhaxli karaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Noofanber 22, 2019.

Boorama, Awdal.

You might also like