You are on page 1of 14

Gabbal-dhaca cadceed-yahay

U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa,
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo


Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa,
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?

Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay,
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh,
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo,
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee,
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha,
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee,

Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh,
Ku sibbaaqday guudkiyo
Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen


Gobaad haybaddeediyo,
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli,

Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan,
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn,
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee,
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo,
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo,
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.

HAYAAN

Hayaanku ma meel fog baa


Hillaacu ma beegso baa
Habeenkii socod miyaa Hadhkii
ma ha seexan baa
Waqtigu ma haloosi baaNinkii
hakadaa boqoolka
Habaaska miyuu dhaxlaa?
Quruumaha hore u guuray
Barwaaqada haybsanaaya
Intaad hiigsan layd gadaasha
Hareerta ka raac miyaa?Hadduu
maalku kaa harraado
Harooyinka gee miyaa? Hurdada
ku dan seeg miyaa?

Adduunyadu waa hadhkaas


Hirba hir buu daba socdaaye
Hankaaga fogee miyaa?
Hawshaada ku toos miyaa?
" Hubsiino halbaa la siistaa"
Halkii daran baahidaada
Hantida u qorshee miyaa?
Dantaadu ma haybi baa
Aqoontuna hodon miyaa Iftiin
iyo hibo ku ladhan oo
Indhoolaha haga miyaa?

Waxaa cirka lagu hujuumay


Waxsaa dhulka lagu hubsaday.
Waxaa badahaa hugmaaya
Bidhaansha guntooda hoose -
Waxaa uumiyaha hanuunshay -
WAxaa cudurkii halgaaday.
Waxaa jahligii haleelay Waxaa
gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?

Dadkaa heegada is geeyey


Dadkaa haqab-beelka gaadhay
Hub-qaad haga dayo miyaa?
Ninkaa buurta roobku helay-
Gunteeda ka heesayow
Figteedaa nolol habboon

Qasab Kuma Balwayn karo

Wallee been ma qaayibo!


Wallee gabay qardoofa ah
ama iga qandoodsama,
qalbigaygu ma hollado!
Wallee "Qaaf" ujeeddo leh
qiimahayga kuma rido!
Magac waa qasaanade,
Wallee qado ma dhaafsado!
Ninkii beesha qaayiba
qar hadduu ku soo dumo,
Wallee ciidda kama qodo!
Wallee qalabka maansada
heesaha qumbuladda ah,
uma qubo dhugmo la'aan!
Taariikhda qoranee
qalinkeedu daalayn,
Wallee qalad yar kuma daro!
Wallee qalindharaaraha
dembi qaranka laga galay,
kama qariyo waratada!

Shacbi qawdhamoo kacay


qarqarsiga hadduu jaro,
Wallee qoofal kuma xidho!
Wallee qoonta mililka leh,
qaarka sare ma dhaydhayo!
Haddii ay qurgooyiyo
joogto qoorta soo dhigo,
Wallee gabay ma quruxtiro!

Haddii qoys agoon yahay


wixiisii rag qaybsaday
qaangaarna sare kaco
qabyadooda raadshaa,
" Qori sii!" ha joogtee,
Wallee quuso kuma diro!

Waxaruhu sidaan qabo,


weligoodba qoor-qabad
biyo kuma qurquriyaan,
anna qiiro mooyee
qasab kuma balwayn karo.

Qaraf iyo tixaa gabay


ku qaraabo uma baran
quudkaygu muu gelin,
qatanaha saboolka ah
dantoodaan ku qummiyaa.
Hadba wiilka qooqane
maalintaasi qoodha ah
qushuuciisa ma akhriyo,
ways kala qabweynahay
qofna kabaha uma tiro.

Qolo sheegasahana, daa!


Iska daa qabiiloo
qarankeenna oo idil
qol yar baan u haystaa.
Qummaneey xuduuddiyo
qaaradaha la kala xidhay
qoqob bay i geliyaan.
Haddaan qabi lahaa taag
quruumaha adduunyadu
may kala qaloodeen,
qodaxdaan ka guri laa
qoys baan ka dhigi
laa.........................ma dhamays
tirna.

GEERIYEEY XISHOODLAAY

Maansadan waxaa curiyay


abwaanka caanka ah ee
Maxamed Xaashi Dhamac
(GAARIYE). Isagoo u gabyaya
Abwaankii qaaliga ahaa C/lahi
Sildaan timacade,Wuxu yidhi:

Xilli waliba deeqdii 


Gamaan waliba xoogii 
Xeer-beegti taagtteed 
Xog-ogaal tibaaxdii 
Dawlis waliba xaabkii 
Xaabo waa bisaylkeed 
Xigsan ina Suldaan galay 
Xiisaheeda gaarka ah
Geeriyeey xishoodlaay Xejiyaay
fogeeyay 
Xaasha e af tahanimo Hadii uu
xabaal galay 
Abwaankii xidigin jiray Murtidii
xag loo dayo 
Xulashada ahayd iyo Xarragada
higaadii 
Ayaa xarafkii hoos dhabi? 
Faraskii xiddeysnaa xakami
ayaa sudhi? 
Codkiisi xarraankiyo
Kamadhnaa xabeebtee 
Xuli jiray wadnahayee Wixii xay
ah daayoo 
Xawaalada gilgili jiray Xaraka
sawki tiri jiray 
Geelana xasilin jiray Xakab go'ay
hadduu yahay 
Xaaddaydi yaa kicin? Gabaygii
xalaashiyo 
Xaqa sheeg ha joogtee Dan ku
xeeban jirin ee 
Xeelli-hadal ku caan baxay 
Mabda' aan la xadi jirin 
Suugaanta xaramka ah
Xurmadeedii yaa marin? 
Xayndaabkii maansada Geerida
xasaysaay 
Hadaad jebisay xeerkii Anna
damac xasuuseed 
Adna dan iyo xeeshaa Waa
xabag cadaadeed.

Madax Goodir

Mar aan gaban ahaa beri


galab aan adoogay
geed uu fadhiyi jirey
sheeko kooban kaga guray,
wuxuu yidhi: "guyaal hore
boqor geesalaa jirey
oo goostay weligii
inaan iinta lagu garan.
Fule waa geddiisoo
wuxuu goorba hubiyoo
gedfo oo cimaamado,
nin gaaraa sirtii helay
godob buuse taransaday
garashadu u sabab tahay
qof gafaana laga dhigay,
hadduu gaabsan waayana
inuu gowrac jiro maqal.
Hadba giirka loo kici
goldalooladuu helay
inay gudubto loo diid.
Isna waa gartiisee
liqi waa gasiinkii
war guntamay la foolqaad
hadba gaadhka meel dhigay
dadka uurka googo'ay
isna garay ka wada qari,
kuna oloshey gogoshii."

"Goobyaalka layliga
kolkay gama' is waayeen
gelin dhexe rugtiisiyo
gurigii ka soo bood,
gudcur beegsey duurkiyo
gelliyada dugaagga leh
mugdigii galaydhkiyo
garanuugta kala didi,
gocoshiyo xasuus iyo
kalgacayl sabooleed
gaashaan ka sii dhigay."

"Wuxuu gebidhacleeyaba
kolkii waagu galac yidhi
geed hoostii faadhfaadh
sidii bahal god dheer qoday,
dabadeed gafuurkiyo
gadhka ciidda saaryoo
la faq goofkii keligii
dulucdiina gaadhsii,
'inuu boqorka Goojaa
madax goodir leeyahay'."

"Hadda iga ma goyside


waxaad iga guraysaa,
sheeko beri la ii galay.
Geeskii warkiisii
kii cabudhay kolkii ganay
garbihiisa laga duul
gebigii fudayd noqoy
goobtiina aasyoo
ka hurgufay go'iisii
galbay oo ka sii socoy." 
"Ka gadaalna meeshii
laye 'goortii roob helay,
geesaa ka soo baxay.'"

You might also like