You are on page 1of 5

Faaiidooyinka hurdada iyo qaabka la

rabo in uu u seexdo Ardayga

Mawduuceyga maanta waxaa uu noqon doonna Haduu Alle ka raali noqdo


Faaiidooyinka hurdada iyo qaabka la rabo in uu u seexdo Ardayga

Bani aadamka waxa uu u baahan yahay hurdo si uu u ilaaliyo Caafimadka iyo firfircoonida
jirka, hurdadu waxey kamid tahay nimcooyinka ugu waaweyn ee uu Alle bani aadamka ku
maneystay Alle subxaana Wataaca waxa uu leeyahay
َْ ‫نْفِيْ َٰ َذ ِل‬
(َْ‫كْ ََل َياتْْ ِلِّقَومْْ َيس َمعُون‬ َّْ ‫ارْ َواب ِتغَا ُؤ ُكمْ ِ ِّمنْ َفض ِل ِْهْْۚ ِإ‬ ِْ ‫) َو ِمنْْآ َياتِ ِْهْ َمنَا ُم ُكمْ ِباللَّي‬
ِْ ‫لْ َوالنَّ َه‬
“Waxaa kamid ah aayaad Alle Hurdadiina habeenkii iyo maalintii iyo
doonidiina Fadliga Alle, Taasna calaamada ayaa ugu sugan kuwa wax
maqla”
Alle waxaa kale uu leeyahay
ُ ‫) َو َجعَ ْلنَا نَ ْو َم ُك ْم‬
( ‫سبَاتًا‬
“Miyaannaan hurdada Raaxo idinka dhigin”

َ ‫س َباتًا َو َجعَ َل النَّ َه‬


ً ‫ار نُش‬
(47:‫ُورا) [الفرقان‬ ُ ‫سا َوالنَّ ْو َم‬
ً ‫] َو ُه َو الَّذِي َجعَ َل لَ ُك ُم اللَّ ْي َل ِلبَا‬.
“Alle waa midka idinka yeelay Astur, Hurdadana Raaxo, Kana yeelay
maalinta soo kulan

Hurdada waxey Muhiim u tahay jirka Caqlig iyo caafimadka qofka, Qofka bani
aadamka ah hadii uu helo hurdo tayo leh Waxaad ka dareemeysaa nashaadkiisa iyo
firfircoonidiisa, Qofka marka uu seexdo hurdo ku filan waxa uu helayaa nashaad iyo
firfircooni balse hadii uu hurdo ku filan seexan waayo waxaa laga yaaba iney soo
waajahdo caafimaad darro, Hurdada faaiiyoonkeeda waxaa kamid ah marka lagasoo
tago faaiidada ay jirka u leedaha, Waa xasuusiso dadka ayey waxey xasuusisa
qiyaaamaha Hurdada waa ka go’d qeyb dhaqdhaqaaqa kamid ah waxeyna aad ugu
egtahay geerida, Sidaaso kale hurdada waxey bishaaro u tahay adoonka, hurdada
dhaxdeeda waxaa ah Bishaareyn iyo ka digis.

Qofka bani aadamka ahna marka uu seexdo waxa uu hurdada ku arkayaa riyooyin
Riyooyinka waxey noqon karaan kuwo bishaareyn ah, ama kuwo digis ah, ama kuwo
mu’minka sugid u ah

Waqtiyada hurdada; Marka aan u fiirino sunnada nabiga scw Waxey aheyd Salaada
cisho waxyar kadib,
Faaidada Ay Leedahay In Habeenkii Xili
Hore La Seexdo

Koox khubaro ah oo u dhalatay dalkaasi Ingiriiska ayaa daraasad ay sameeyeen ku


sheegay inay hurdada goor hore la seexdaa ka faa’ido badan tahay ta goor dambe la
seexdo, iyaga oo intaasna ku daray inay markasta dejiso maskaxda marka hurdadaasi
goor hore la seexdo.

Kooxdan oo uu hogaaminaayey nin lagu magcaabo Satoshi Kanazawa kana tirsan


maxadka lagu magcaabo London Institute for Political and Economic Sciences ayaa
sheegay inay dhibaato badani kasoo gaadho dadka markay habeenkii goor dambe
seexdaan, taas oo ay ugu horeyso deganaansho la’aan dhinaca niyada iyo naftaba ah.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey in goor hore oo la seexdaa ay keento inay maskaxdu
nasasho wanaagsan hesho, kadibna ay dib u soo kabato, xusuustana ku
wanaagsanaato.

Waxaana tijaabo lagu sameeyey dad dhawr ah kuwaas oo si tabaruc ah ula


shaqaynaayey kooxdan cilmibaadheyaasha ah, waxaanay dadkaasi ahaayeen kuwo ugu
dambayn seexda 12:29 habeenkii subixiina soo toosa 7:52 subaxnimo oo shaqo taga iyo
kuwo seexda ugu horayn 1:44 habeenimo subixiina soo toosa 11:07 sidaana ku shaqo
taga.

Waxanay kooxdani sheegeen in dadka habeenkii seexda 12:29 subixiina toosa 7:52
subaxnimo ay ka fiican yihiin dhinaca deganaanta iyo xusuusta kuwa seexda 1:44
subixiina soo toosa 11:07 minit, iyaga oo isticmaalaayey xadiyada lagu qiyaaso ama
lagu cabiro xadiga deganaanta ee dadka oo ah inta u dhaxaysa 90_110.

Dadka inta badan seexda saqda dhexe ee habeenkii ayay sheegeen kooxdan daraasada
samaynaysay inay dhinaca xusuusta ka hooseeyaan dadka, iyaga oo sheegay inay
qiyaastoodu noqotay 75 qiyaasta lagu cabiro deganaanta iyo xusuusta, sida lagu
sheegay wargeyska lagu magcaabo Al-Jazeera ee kasoo baxa wadanka Sucuudiga.
Faa’iidada Hurdada Duhurkii

Dad badan ayaa ma’oggan faa’idada ay hurdada qadada kadib u leedahay dib u soo
celinta tamarta qofka. Cilmibaaris dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfutay
in hurdada maalintii ay nasiso maskaxda qofka iyo muruqyadiisa isla markaana xoojiso
nasashada iyo furfurnaanta dabeecaddiisa. Sidoo kale waxa ay dib u soo celisaa
awoodda iyo tamarta qofka ee dhinaca fikirka iyo baraarugsanaanta maskaxda, waxa
ayna badisaa wax-soo-saarkiisa iyo xamaasaddiisa shaqo.

Waxaa kaloo Qofka ka yaraado diiqada iyo welwelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka
ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin
caafimaad badan oo ay ka mid tahay: korriin xumo, sonkorow, dhiigkar, hilmaan,
xifdin la’aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaco.

Cilmibaaris kale oo lagu sameeyay arday dhigato jaamcad ku taallo wadanka


ingiriiska, ayaa la arkay in ardayda jiifato duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan dhinac
kasto ardayda aanan jiifanin, waxaa la is barbar dhigay xaga firfircoonida, xasuusta,
xifdinta iyo farxada iyo la jaanqaadka dadka kale.

Laakiin faa’idooyinkaas badan ee hurdada maalintii macnaheedu ma’aha in ay qof


kasta ku habboontahay, waxa ayna khubaradu aaminsan yihiin dadka ka cawda in
habeenkii aanay gam’ayn waxaa lagula taliyaa in aanay maalintii seexan si aanay
hurdadiisa habeenkii u carqaladayn.

Waqtiga ku Habboon Hurdada Maalintii:

Xeeldheerayaasha cilmibaaristan ku sameeyey waxa ay ku talinayaan in aysan hurdada


duhurka kadib ka badan 20 daqiiqo, waqtigaas oo ay u arkaan in uu ku filan yahay in
qofku uu dib u soo ceshado awooddii iyo tamartii maskaxda ee hawshii maalinnimo
kaga baxay. Haddii uu qofku u arko in waqtigaasi aanu ku filnayn waxa ay khubaradu
kula talinayaan in uu hurdo 90 daqiiqo iyaga oo sheegay in waqtiga hurdada
maalinnimo oo labadaas waqti ee aynu sheegnay loo dhexeysiiyaa ay keento in qofku
soo tooso isaga oo dareemaya daal iyo burbur badan. Saacadaha ugu habboon in uu
qofku hurdadan seexdaana waa inta u dhaxaysa kowda duhurka dabadii illaa saddexda
casarkii.
Talooyin kugu caawin karo hurdo lagu nasto
•jiifo habeen walbo waqti go'an iskuna day in aad so toostit waqti go'an
•ka fogoow cabista qaxwada iyo kafeeyga ama wax yaalaha hurdo la aanta kugu rida
ha jimic san markii aad hurdi rabtit ama 4 saac hurdada hor
•haku casheenin4 cuno culus
•kadhig jawiga qolkaaga mid hurdo waa in u mugdi ahaado dagan diiran oo aan buuq
leheeyn -haduu buuq jiro jiro dhagaha iyo indhaha daboolo
•hurdada ka hor ku qubeeyso biyo diiran ama quraan aqriso
•is bar in aadan sariirtada u isticimaalin wax aan hurdo eheen u aad sariirta hurdo
oo kaliya
•markii aad jiifato hadii aad ka fakareeyso wixii aad lasoo kulanty maanta isku day
in aad ku bedesho wixi aad qaban leheyd markii aad so toostit subixi

Mid kamid ah Culimadii Islaamka ayaa yiri;


‫تكتسب المعالي**ومن طلب العال سهر الليالي‬
ُ ‫الكد‬
ِ ‫بقدر‬
ِ
‫ومن رام العال من غير كد**أضاع العمر في طلب المحال‬
‫تروم العز ثم تنام ليالً**يغوص البحر من طلب الآللي‬
Inta daalkaagu noqdo ayey noqotaa sareyntaada
Qofkii sareyn dalbaana habeennu dhafraa
Qofkii sareyn dalbaa dhib la’aan
Cumriga ayuu wuxuu ku dayacay waxaan suurtagal aheyn dalabkooda
Sareyn baad dalbeysaa kadibna habeennad seexaneysaa
Badda waxaa timbado qofka jawharta dalbaayo

diyaarinta; mohammed bin farah

You might also like