You are on page 1of 4

Dugsiga Hoose Dhexe Ee Yaasiin Cartan Galkacyo puntland soomaaliya.

LAYLI NAQTIIN AH NAXWAHA AFKA SOOMAALIGA Fasalka: 8aad


Magaca: ________________________________________________________________
Q. 1aad:- Hoosta ka xariiq meeleeyaha ku jira weedhahaan:
1- Kirligu wuxuu saran yahay miiska korkiisa.
2- Ardayga sabuuradda horteeda fadhiya iigu yeer.
3- Laxdu waxa ay fadhidaa guriga hortiisa
4- Faarax wuxuu taagan yahay nuur gadaashiisa
5- Koobkii agtaada ka fiiri.

Q. 2aad:- Weerahan soo socda ka soo saar magacyada gaarka ah:


1- Waxaan u socdaa magaalada xamar. _______________
2- Geedka Gudda mirihiisa ayaa la cunaa. _______________
3- Wiil-waal waxa uu ahaa halgamaa. _______________
4- Boosaaso waa magaalo ganacsi oo fiican. _______________
5- Hooyadii ayaa u bixisay saxardiid. _______________
Q. 3aad:- Soo saar magac u yaalada ku jira weerahaan
1- Isagu waa saygii xaaliyo. ________________
2- Laynoo ma ogola shirka innaga. ________________
3- Caasho iyo aniga kaayagee dheer? ________________
4- Iyaga ayaa ku qayliyey fasalka. ________________
5- Adiga ayaa helay ishii warka manta. ________________
Q. 4aad:- Meesha bannaan ku qor xiriiriyaha ku jira weedha
1- Maanta waan jiifsaday laakiin ma seexan. _______________
2- Ilmaha caano sii hooyo, anigana shaah ii keen. _______________
3- Waxaa la qalay neef ido ah, aniguse ma cuno hilibka idaha. _______________
4- Ma waxbaan bartaa mise waan shaqaystaa? _______________
5- Guriga xir oo dami layrka. _______________
6- Lacag waan haystaa hase-yeeshee iguma filna. _________________

Q. 5aad:- B. Hoosta ka xariiq ficilada ku jira weedhahaan soo socda:


1- Caasho iyo Cali dugsigii bay aadeen.
2- Yuusuf wuxuu akhriyey buugtii oo dhan.
3- Aabbe wuxuu tirinayaa lacagta dukaanka.
4- Siciid hadda ayuu seexday, ee ha toosin.
5- Sahro waxa ay garaacaysaa guriga albaabkiisa.

Q. 6aad: Buuxi meelaha bannaan adiga oo adeegsanaya shaxanka hoose erayada ku Jira:

Fal Shaqal Magac Xiriiriye Meeleeye

Magac-uyaal Fal-kaab Qodob Tilmaame Yaab! Naxwe


1- Waxa uu isku xiraa labo walxood oo kala madax bannaan sida labo xaraf, labo tiro I.w.m
____________________
2- Waa astaan timaada marka hadalka si adag loo yiraahdo ______________________
3- Waxa uu buuxiyaa meesha uu magacu ka maqan yahay ______________________
4- Waa eray magaca gadaal ka raaca kana dhiga mid la isla garanayo ______________
5- Waxaa loo bixiyaa shay ama noole, si looga garto kuwa la nooca ah ______________
6- Waa eray ka qayb qaata sifaynta sida falku u dhacayo _________________________
7- Waxa uu masuul ka yahay in ay shibbanayaashu macne sameeyaan ______________
8- Waa erey kuu sheega Meesha uu yaallo shayga aad raadinayso _________________
9- Waa eray kuu muujinaya goorta ama xilliga wax dheceen ama sida wax u dheceen
____________________
10- Waa astaan loo adeegsado sheegidda wax dhaw, fog ama cabbaar jira marka aad
Qof tusayso _____________________
11- _________________ Waa qaab dhismeedka luuqadda waxa uuna leeyahay xeer wada
Shaqeeya laguna barto sida loo hadlo ama wax loo qoro.

Q. 7aad ka dhig erayadaan hoose keli qodban iyo wadar qodban


Keli Keli-qodban Wadar Wadar-qodban
1- Ri Warmo
2- Faas Ceelal
3- Sac Gawaari
4- Laan Lammaanayaal
5- kursi Aryo

T) Weedhahaan soo socda raaci qodobka


1- Beer fal ha baxdee _____________________________________
2- Dhurwaa baa hal cuney _____________________________________
3- Wiil ayaa kubbad ciyaaray _____________________________________
4- Webi biyo ka soo dhaami _____________________________________
5- Waxar baa ri nuugtay _____________________________________
J) Qodobka la socda ka reeb erayadaan soo socda
Tusaale: Weysha Weyl
1- Wiilka ___________________________________
2- Hasha ___________________________________
3- Weriyaha ___________________________________
4- Libaaxa ___________________________________
5- Laxda ___________________________________
X) Weerahaan hoose si sax ah u qor
1- Seeto dani waa . _____________________________________________________
2- Maxay maahmaahi waa? _______________________________________________
3- Laf-dhabarta waa nolosha biyuhu. ________________________________________
4- Dhalay wuxuu sacu wayl. _______________________________________________
5- Muhiim deegaankeennu dhirta waa. _______________________________________
Q. 8aad : Ku muuji astooyinkaan bisha dhexdeeda
1- Hakad ( )
2- Jiitin ( )
3- Dhibic hakad ( )
4- Hamsada ( )
5- Astaan joogsi ( )
6- Astaan weydiin ( )
7- Kolmo ( )
8- Astaan yaabeed ( )
9- Hawaar ( )
Q. 9aad: Ku qor DHAN iyo DHIMMAN weerahaan tan ku saxan
1- Cali waxa ay is raadinayeen kii shalay inoo yimid ……………………………………..
2- Ayaan iyo Aabbaheed waxay …………………………………….
3- Koo baa idiin yeeray …………………………………………….
4- Anigu ma jecli hilibka digaaga Asii ……………………………
5- Idinku waxa aad cuntaan rootiga leh …………………………

GABAY
Gabaygaan waxaa tiriyay Xaaji Aadan Af-qalooc wuxuuna si wayn ula dardaarmayay
dhalinyarada, markuu arkay dadkii waxgaradka ahaa oo sii yaraanaya, wuxuuna kula dardaarmay
inay isku xilqaamaan masuuliyada, aayaha dalkooda iyo dadkooda wuxuuna yiri:

 Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye


 Mid yaroo iniintiisa ah baa soo awaal baxa’e
 Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya’e
 Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
 Ubadkooda hadha baa tabcoo aayatiin hela’e
 Markii Aadam iyo xaawa iyo kaynta la abuuray
 Sidaasay arwaaxda iyo dhirtuba u isir raayeene
 Ummaddan shabaabkeedu hanan waw ayaan xumo’e
 Inamo iyo hablaba waxaad tihiin aaranki baxay’e
 Itaal gabe dadkiinnii hore oo waydin aragtaane
 Idinkaa ammaanada xilkii eeggan qaabilaye
 Iskaa wax u qabsadu nolosha waw udub dhexaadkiiye
 Israafka iyo fadhigu waa waxaad ku ambanaysaan’e
 Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegay oohin kugu reebye
 Ayaantii ku dhaaftaana waa waxan la eegeyne
 Arsaaq yaridu waa caajiskaan la ogglayn hawle
 Ma amdaro cirkuye lacagta waa lagu adeegaaye
 Axadkii kaslaan ahi sabool abadkii weeyaane
 Rabbi nimuu laxaadka u ebyey oo camal awood waayey
 Oo aan shaqo naftiisa u oggolayn waa abaal dhacaye
 Istiqlaalka waxaa taam ka dhiga waa adduunyada’e
 Mar haddii dhaqaaluhu aakhiro calanku uumowye
 Kolkaasuu amaahiyo baryaba arad ku doonaaye
 Icaanaduna xornimaday u tahay eebadii melege
 Albaabkuu gumaystuhu ku xado umamka weeyaane
 Wixii uu ajnabi kuu qabtona aayatiin ma lehe
 Isku tiirsi baydiin eg iyo ururin xoolaade
 Ictasima Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode
 Aaydaha diintiyo sharcigu waynagu amreene
 Axaadiista Nebigey ku timi aad ku aragtaane
 Ikhtilaafku waa naar jannana waa isku imade
 Ragannjimo nimaan tacab ku arag aayar heli waaye
 Ishtihaada gobanimo dhibbaa lagu ilaashaaye

DHAMMAAD…

You might also like