You are on page 1of 3

Imtixaan Bileed Maaddo:- Af-soomaali

Fasalka:- 8aad Taariikhda:- __/__/2022

Dugsiga Hoose Dhexe Ee Yaasiin Cartan Galkacyo puntland soomaaliya.

Magaca:- ________________________________________________________
AKHRI SHEEKADAAN KANA WARCELI SU’AALAHA KA DAMBEEYA
Dadka soomaalida ahi waa dad ku caan baxay deeqsinimo, martisoor iyo isu huridda wixii
lahayo.haddaba qoys ka mid ahaa qoysaska soomaalida ayaa xilli galab ah waxaa ku soo tubaday
saddex nin oo baadi goobayey geel ka lumay.saddexda nin markii ay arkeen reerka ruunka
wanaagsan yaalla ayey cindiga galiyeen iney u hoydaan geeliina ka haybiyaan.

Qoyskii waxaa loogu yimid labo hablood,salaan ka dib waxa ay weydiisteen baadidoodii raq,raad iyo
ruux ninkii wuxuu intaas sii raaciyey waxaa geela ka mid ahaa Awr qoor ah laakiin aan gulguladiisa
soo ridi karin iyo hal igar ah oo caano badan dhiiqda ama madi ah.

Mid ka mid ah gabdhihii ayaa tiri;”waxaa aan arkay raad geel oo ay ku jiraan hal dabo go’an, hal isha
midig la’,hal shafka la’ iyo mid qaaje ah”.

NImankii oo yaabban ayaa yiri”ma raadkiisa ayaad aragtay mise ruuxdiisa?”

Waxa ay tiri gabadhii”waxaan arkay raadkiisa” Nimankii oo ashqaraar iyo amankaag uu fuqba gar
ku dhegey ayaa midkood yiri:”maxaad ku garatay?” waxa ay tiri”waxaan arkay meel uu geelu habeen
jilib carreeyey,hal ka mid ah meeshii ay fariisatey saaladii ma aysan firdhin,midna dhirta ay daaqday
oo ku dhan waxa ay ka daaqday dhinaca bidixda ah,midna intii yarayd oo ay meesha fadhiday wey
galgalaneysey , tan qaajaha ahi dhinaca harka ayey dhirta ka daaqaysay oo waxaa ay ka cararaysey
cad-ceedda.

Haddaba anigu geelaas ayaan arkaye haddii uu kiinii yahay doonta markii uu waagu idin beryo,ayey
hadalkii ku soo gabagabaysay. Sidii caadadu ahayd hablihii waxa ay nimankii u keeneen gogol,dabna
waa u shideen,waxa ayna uloogeen orgi weyn,cidda goror biyood laguma arko ee hilibka waa ay u
soleen, midwalba waxaa gaar loogu keenay hilib ku filan.

Markii nimankii ay mar is rogeen ayey gabadhii mid ka mid ahi isa soo dul taagtay kuna tiraabtay
weedhaan caanka baxday;”waa raagney oo rag la’aan baa noo leh, waa riyo oo ido la’aanta baa
noo leh ,waa solay oo biyo la’aan baa noo leh”.

Nimankii martida ahaa aad ayey u maqsuudeen,Nimanku waxa ay la haayeen hooskatuur mid ayaa
yiri haddaan inantaan soo doontid waxaan ku siinayaa kaalo fiican. Wuxuunabu soo gole-fariistey
gabadhii geela tilmaantay waana la siiyey.

B) Ka warceli waydiimaha sheekada ka yimid 3 DHIBCOOD

1. Ujeedada sheekada adigoo eegaya,maxay Ku caan baxeen dadka soomaalida ah?

_______________________________________________________________________
2. Nimanka martida ahi maxay baadi goobayeen?
_______________________________________________________________________
3. Gabadhu hasha shafka la’maxay ku garatay?
_______________________________________________________________________

T) Goobo gali warcelinta saxda ah: 5 DHIBCOOD

1. Noocyada guurka ee soo socda waxaa ugu mudan;

B.masaafada T.hibaynta J.geed fariisi
2. Neefka caanaha badan waxaa lagu magacaabaa
B. Baqal T. Madi J. Baaqimo
3. Ninka guursada xoolaha la siiyo waxaa la yiraahdaa
B. Karaamo T. Kaalmo J. Kaalo
4. Hasha salaaxmada lagu maalo ooo ilmaheedu dhintay waxaa la yiraahdaa
B. Igar T. Ogol J. Silig
5. Neefka loo qalo dadka martida ah waxaa la yiraahdaa
B. Jar T. Sumal J. Loogid

J) Isku aadi ereyadaan iyo macnahooda 4 DHIBCOOD

TIRO EREYO JAWAABO MACNAHOODA
1 Ku soo tubaday Niyada galiyeen
2 Jilib Careeyey Ka baafiyeen
3 Ka haybiyeen Cabbaar fariistay
4 Cindiga galiyeen Ku soo hoyday

QAYBTA LABAAD NAXWAHA AFKA SOOMAALIGA 20 DHIBCOOD

B) Hoosta ka xariiq meeleeyaha ku jira weedhaan

1. Faadumo waxay taagan tahay baska gadaashiisa
2. Buugu wuxuu saaran yahay miiska korkiisa
3. Ka soo saar qaanada hoosteeda buugta ku jirta
4. Cabdi wuxuu saaran yahay gaariga korkiisa

T) Raaci ereyaaan hoose qodobka naxwe ee ku haboon 4 DHIBCOOD

1. Wiil
2. Dameero
3. Miis
4. Libaax

QAYBTA SADDEXAAD MAAHMAAHYO 5 DHIBCOOD

B) Isku aadi maahmaahyadaan labadooda qaybood

1. Miro geed saaran kuwo gunti ku jira Mar
2. Carrab lo’aad caws looma Looma daadsho
3. Geel labo jir soo wada La baxshaa
4. Nin shimbiro gaadaya waraf Tilmaamo
5. Majo dhooqo midba marbaa Ma tuuro
T) Keen min hal maahmaah oo ay lee yihiin kuwaan soo socda 4 DHIBCOOD

1. Libaaxa
________________________________________________________________________
2. Lo’da
________________________________________________________________________
3. Geela
________________________________________________________________________
4. Ariga
________________________________________________________________________

QAYBTA AFARAAD WAYDIIMO 25 DHIBCOOD

1. Waa maxay maahmaah ?

____________________________________________________________________
2. Yaa tiriyay gabayga “Fiinyahay” ?
____________________________________________________________________
3. Yaa tiriyay gabayga “Waa duni” ?
____________________________________________________________________
4. Yaa tiriyay geeraarka “deegaanka” ?
____________________________________________________________________
5. Sanadkee ayuu dhintay abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) ?
____________________________________________________________________

QAYBTA AFARAAD SUUGAAN 25 DHIBCOOD

 Fiin yahay adaa olalayoo oohin ciirsadaye

 ________________________________________________________________________

 Awlaadu dhalay waa sida adoogoode

You might also like