You are on page 1of 155

CAQIIDADA

ISLAAMKA

SU’AALO IYO JAWAABO


SU’AAL 1

S: Waa maxay caqiidadu?


J: Ereyga “Caqiido” macnihiisu waa; rumayn iyo wax aaminid. Caqiido = Tro eller
övertygelse att någon är sant.
SU’AAL 2

S: Waa maxay caqiidada islaamku?

J: “caqiidada Islaamka” waa rumaynta iyo aaminidda mabda´a islaamka. Haddii la


sii sharraxo waxaa caqiidada loola jeedaa; tiirarka “Iimaanka”. Trons 6 pelare.
SU’AAL 3

S:Waa maxay iimaanka iyo tilmaantiisu?

J: Iimaanku: waa rumaynta oo


1- Qalbiga laga rumeeyo
2- Afka laga qiro
3- Laguna dhaqmo
SU’AAL 4

S: Waa maxay arkaanul-iimaan ama tiirarka iimaanku? (trons pelare)

J: Tiirarka iimaanku waa lix tiir oo kala ah (6 pelare):


1) In Ilaahay la rumeeyo : Tron på Allah
2) In Malaa´iigtiisa la rumeeyo : Tron på änglarna
3) In Kutub-tiisa la rumeeyo: Tron på de heliga böckerna

4) In rasuulladiisa la rumeeyo : Tron på sändebuden


5) In maalinta qiyaame la rumeeyo : Tron på den sista dagen (domedagen)
6) Iyo in Qaddarka Alle- sharkiisa iyo khayrkiisaba- la rumeeyo: Tron på ödet
SU’AAL 5

S: Haddii qofku Arkaanul-iimaanka wada qiro ma noqonayaa muslin buuxa?


J: MAYA; sababtoo ah wuxuu qofku muslin buuxa noqonayaa marka uu
arkaanul-iimaanka wada qiro, kuna dhaqmo arkaanul-islaamka (Man måste
erkänna trons 6 pelare och praktisera islams 5 pelare
SU’AAL 6

S: Maxay kala yihiin tiirarka islaamku?


J: Tiirarka islaamku waxay ka kooban yihiin shan tiir oo kala ah (Islams pelare är 5)
1) shahaadada: In la qiro in aanu jirin cid xaq lagu caabudo Ilaahay mooyaane iyo in la qiro
inuu Muxammed (scw) yahay rasuulkii Alle (Trosbekännelsen eller shahada = "Det finns ingen gud utom Allah
och Muhammed är hans profet" )

2) Salaadda: In salaadda la tukado = bönen


3) Seko: In sekada la bixiyo : allmosor
4) Soonta. in la soomo bisha Rambadaan: att fasta månaden Ramadan
5) Iyo Xashka: in qofkii awoodaa uu tako Maka oo uu soo xajo = pilgrimsfärd till Mekka
LAYLIS (FRÅGESPORT) 1-6
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1- S: Waa maxay caqiidadu?


2- S: Waa maxay caqiidada islaamku?

3- S:Waa maxay iimaanka iyo tilmaantiisu?


4- Waa maxay arkaanul-iimaan ama tiirarka iimaanku? (trons pelare)
5- S: Haddii qofku Arkaanul-iimaanka wada qiro ma noqonayaa muslin buuxa?
6- S: Maxay kala yihiin tiirarka islaamku?
SU’AASHA 11

• S: Maxay ku kala duwanyihiin arkaanul-iimaan iyo arkaanul-islaam?


• J: Arkaanul-iimaan iyo arkaanul-islaam way isa soo dhexgelayaan. Tusaale ahaan tiirka
ugu horreeya arkaanul-islaamka waxa soo gelaya dhamaan lixda tiir ee arkaanul-
iimaanka. Laakiin haddii la kala qaado waxay noqonayaan sidan: arkaanul-iimaan waa
qalbiga, arkaanul-islaamna waa ficilka muuqda.
SU’AASHA 12

S: Sidee ayuu tiirka koowaad ee arkaanul-islaamku u koobayaa lixda tiir ee arkaanul-iimaanka?


J: Marka uu qofku qiro:LAA ILAAHA ILLA LAAHU ( ‫ ) ال إ له إ الهللا‬oo ah tiirka koowaad ee Arkaanul-islaamka qaybtiisa
hore, waxa uu buuxiyey tiirkii koowaad ee Arkaanul-iimaanka oo ahaa; “In Ilaahay la rumeeyo”. Sidoo kale marka la qiro:
Muxammed-un Rasuulu-Laah (CCC‫ ) محمداً رسولهللا‬oo ah tiirka koowaad ee Arkaanul-islaamka qaybtiisa danbe, waxaa soo
gelaya shanta tiir ee danbe ee arkaanul-iimaanka oo kala ah:
1. In Malaa´iigtiisa la rumeeyo
2. In Kutub-tiisa la rumeeyo
3. In rasuulladiisala rumeeyo
4) In maalinta qiyaame la rumeeyo
5) Qaddarka Alle- shar iyo khayrba -la rumeeyo.
SU’AASHA 13

• S: Gartay in ay isa soo gelayaan “Laa ilaaha illa Laahu” iyo “In ilaahay la rumeeyo”, balse sidee ayey shanta tiir ee
danbe ee arkaanul-iimaanku u soo hoos gelayaan qiritaanka :‫نمحمداً رسول‬C‫ أ‬CCC‫“ هللا‬Muxammed waa Rasuulkii Alle” ?
• J: Marka la qiro inuu Muxammed (scw) Rasuulkii Alle yahay, waxaa la rumeeyey rasuullada Ilaahay, maxaa yeelay
Nebi Maxammed(scw) wuxuu ka mid yahay Ilaahay rasuuladiisa. Haddii la qiro inuu Maxammed (scw) rasuulkii
Alle yahayna, waxaa la rumeeyey Kutubtii Ilaahay, maxaa yeelay nebi Muxammed (scw) wuxuu Rasuul ku noqday
in kitaabka Quraanka ah loo soo dhiibay, quraankuna wuxu ka mid yahay kutubta Alle.
• Rumaynta Nebi Maxammed (scw) waxa soo hoos gelaya, rumaynta wax alla wixii uu ka warramay. Sidoo kale in la
rumeeyo quraanka waxa soo hoos gelaya, rumaynta wax alla wixii Quraanku sheegay. Haddaba malaa´igta Ilaahay
iyo Qaddarka Ilaahay iyo Yoomal-qiyaamaha, saddexdaba waxa ka warramay Nebi Maxammed (scw), Quraankuna
wuu sheegay. Sidaas ayey isu soo hoos gelayaan arkaanul-iimaanka iyo arkaanul-islaamku. Sidaas darteed ayaa
qofkii beeniya qodob ka mid ah arkaanul-islaam ama ama arkaanul-iimaanka uu ula mid yahay mid beeniyey wixii
oo dhan.
SU’AASHA 14

• S: Ma jiraan wax u dhexeeya “Caqiidada islaamka” iyo iimaanka?


• J: Haa, waxa jira farqi yar. Caqiidada islaamku waxay la mid tahay arkaanul-iimaanka
ama tiirarka iimaanku ku taaganyahay ee lixda ah, laakiin iimaanku wuu ka guda
ballaadhanyey arkaanul-iimaanka oo camallada wanaagsan oo dhan ayaa soo gelaya.
SU’AASHA 15

• S: Ma sheegi kartaa daliil caddaynaya in iimaanku ka guda ballaadhanyahay


arkaanul-iimaanka ama caqiidada?
• J: Haa; tusaale ahaan nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Iimaanku wuxuu ka koobanyey dhawr
iyo todobaatan ama dhawr iyo lixdan qaybood, waxaa ugu sarraysa Laa ilaaha illa Laahu,
waxaana ugu hoosaysa dariiqa oo laga qaado wixii dhibaato leh, Xishoodkuna iimaanka
ayuu ka mid yahay”.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 11-15
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

11- S: Maxay ku kala duwanyihiin arkaanul-iimaan iyo arkaanul-islaam?

12- S: Sidee ayuu tiirka koowaad ee arkaanul-islaamku u koobayaa lixda tiir ee arkaanul-iimaanka?
13- S: Gartay in ay isa soo gelayaan “Laa ilaaha illa Laahu” iyo “In ilaahay la rumeeyo”, balse sidee ayey
shanta tiir ee danbe ee arkaanul-iimaanku u soo hoos gelayaan qiritaanka :‫نمحمداً رسول‬C‫ أ‬CCC‫“ هللا‬Muxammed
waa Rasuulkii Alle” ?
14-S: Ma jiraan wax u dhexeeya “Caqiidada islaamka” iyo iimaanka?
15-S: Ma sheegi kartaa daliil caddaynaya in iimaanku ka guda ballaadhanyahay arkaanul-iimaanka
ama caqiidada?
SU’AASHA 16

S: Waa maxay tiirka koowaad ee Arkaanul-iimaanku?


J: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanku waa “In Ilaahay la rumeeyo” C‫هلل‬CC‫ا‬CCC‫ؤمنب‬CCC‫نت‬C‫= “ أ‬
TRON PÅ Allaah.
SU’AASHA 17

S: Waan gartay in ay ugu horrayso arkaanul-iimaanka ” ‫ أنت ؤمنب ا هلل‬oo ah in Ilaahay la


rumeeyo”. Haddaba waa maxay “In Ilaahay la rumeeyo”?
J: In Ilaahay la rumeeyo waxay tahay:
1) In la rumeeyo inuu Alle jiro
2) In la rumeeyo inuu Alle wax walba abuuray oo isagu adduunka maamulo nolol iyo
dhimashoba, isla markaana uu isagu makhluuqa kala xukumi doono
3) In la rumeeyo inuu kelidii caabudid xaq u leeyahay.
4) In la qiro magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.
SU’AASHA 18

S: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanka oo ah; “In Ilaahay la rumeeyo” iyo tiirka


koowaad ee arkaanul-islaamka qaybtiisa hore oo ah “ Laa Ilaaha illa Laahu” maxay
ku kala duwan yihiin?
J: “In Ilaahay la rumeeyo” iyo “ Laa ilaaha Illa Laahu”, Way isa soo dhex gelayaan, laakiin
“Laa Ilaah illa Laahu” oo ah kelmaddii tawxiidka, ayaa ujeedada islaamka sii
caddaynaysa.?
SU’AASHA 19

S: Waa maxay kelmadda tawxiidku?


J: Kelmadda tawxiidku waa ”Laa ilaaha illa Laahu " CCC‫الهللا‬CC‫ إ‬C‫له‬CC‫ إ‬C‫ " ال‬: Det finns ingen utom
Allaah.
SU’AASHA 20

S: Waa maxay “tawxiidku”?


J: Tawxiidku waa keli ahaanta Ilaahay oo la qiro, waana aasaaska ugu horreeya ee diinta
islaamka, waana macnaha “Laa Ilaaha illa laahu”.
SU’AASHA 21

• S: Waa immisa qaybood tawxiidku maxayse kala yihiin?


• J: Tawxiidka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah; 1)Tawxiidu rubuubiya 2)
Tawxiidu Uluuhiya iyo 3) Tawxiidu al-asmaa wa-sifaat.
• Rubuubiya= Rabbinimada: Enhet av Herreskap
Uluuhiya = Ilaahnimada : Enhet av Dyrkan
Tawxiidu al-asmaa wa-sifaat = magacyada Alle iyo sifooyinkiisa: Enhet av Allah Namn
och Attribut
LAYLIS (FRÅGESPORT) 16-21
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

16. S: Waa maxay tiirka koowaad ee Arkaanul-iimaanku?


17. S: Waan gartay in ay ugu horrayso arkaanul-iimaanka ” C‫هلل‬CC‫ا‬CCC‫ؤمنب‬CCC‫نت‬C‫ أ‬oo ah in Ilaahay la
rumeeyo”. Haddaba waa maxay “In Ilaahay la rumeeyo”?
18. S: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanka oo ah; “In Ilaahay la rumeeyo” iyo tiirka koowaad ee
arkaanul-islaamka qaybtiisa hore oo ah “ Laa Ilaaha illa Laahu” maxay ku kala duwan yihiin?
19. S: Waa maxay kelmadda tawxiidku?
20. S: Waa maxay “tawxiidku”?
21. S: Waa immisa qaybood tawxiidku maxayse kala yihiin?
SU’AASHA 22

S: Waa maxay Tawxiidu-rubuubiyah?


J: Tawxiidu rubuubiyah waa in la qiro jiritaanka Ilaahay iyo in aanay Eebbe cidi la
wadaagin falalkiisa, tusaale ahaan:
• Waa in la rumeeyo inuu Ilaahay kelidii abuuray, adduunka iyo waxa ku dhex jira.
• Waa in la rumeeyo inuu Ilaahay kelidii maamulo adduunka oo dhan nolol iyo
dhimashoba, kelidiina wax arsaaqo.
• Waa in la rumeeyo inuu Alle wax walba awoodo.
SU’AASHA 23

S: Qofkii qira tawxiidu-rubuubiyah, ma ugu filantay intaasi, in lagu sheego muslin?


J: Maya, tawxiidu-rubuubiyah kelidii islaam laguma noqdo, maxaa yeelay? Dadka intooda
badan way rumaysanyihiin jiritaanka Ilaahay. Gaaladii carbeed ee nebi Muxammed(scw)
loo dirayna way wada qirsanaayeen in Ilaahay uu wax abuuro, wax dilo, waxna nooleeyo,
waxna arsaaqo, laakiin intaas islaam kumay noqon, sababtoo ah waxa ka dhinnaa tawxiidu-
Uluuhiyah!.
SU’AASHA 24

S: Waa maxay Tawxiidu-uluuhiyah?


J: Kelmadda “Uluuhiyah” waxay ka timid kelmedda “Ilaah” oo la macne ah “Macbuud”
yacnii; kii la caabudayey. Markaa “tawxiidu Uluuhiya” waa in Eebbe kelidii la caabudo.

”enhet av dyrkan”
SU’AASHA 25

• S: Waa maxay Tawxiidul-asmaa wa sifaat?


• J: Tawxiidu al-asmaa wa sifaat: waa in la qiro magacyada iyo tilmaamaha Eebbe isu qiray
iyadoon la leexinayn macnohooda, loogana tusaale qaadanahayn, magacyada iyo
sifooyinka makhluuqa. Tusaale ahaan, Alle wax wuu maqlaa waxna wuu arkaa, haddana
cid la mid ahi ma jirto.
Enhet av Allahs namn och egenskaper
SU’AASHA 26

S: Qofka doona in uu islaamka soo galo, muxuu ku soo galayaa diinta?


J: Wuxuu diinta islaamka ku soo gelayaa in uu ku dhawaaqo Shahaada-teynka.

• Shahaadateyn = Labada ashahaado


Islams trosbekännelsen
SU’AASHA 27

S: Waa maxay Shaahaada-teynku?


J: Shahaada-teynku: waa qiritaanka “Laa Ilaaha illa laahu” iyo qiritaanka Muxammed-
rasuuluLaahi ” CCC‫نمحمدا رسولهللا‬C‫ادة أ‬C‫ وشه‬CCC‫الهللا‬CC‫ إ‬C‫له‬CC‫ إ‬C‫نال‬C‫ادة أ‬C‫ه‬C ‫”ش‬.

1- det finns ingen gud värdig dyrkan utom Gud


2- Muhammad är Guds sändebud
‫شهد أن محمدا رسول هللا‬
ُ ‫شهد أن ال إله إال هللا وا‬
ُ ‫‘ = أ‬Jag vittnar om att det inte finns någon gudom utom Gud
och att Muhammed är Hans profet’
SU’AASHA 28

• S: Ma isku midbaa Shahaada-teynka iyo Kelmadda tawxiidku?


• J: Maya, Shahaada-tenku waa qiraalka; Laa Ilaaha illa Laahu iyo Muxammed
Rasuulu-Laahi (scw). Halka Kelmadda tawxiidku ay tahay: Laa ilaaha illa Laahu oo
keliya.
‫شهد أن محمدا رسول هللا‬
ُ ‫شهد أن ال إله إال هللا وا‬
ُ ‫‘ = أ‬Jag vittnar om att det inte finns någon gudom utom
Gud och att Muhammed är Hans profet’
SU’AASHA 29

S: Waa maxay macnaha Laa Ilaaha illa Laahu?


J: Laa ilaaha illa Laahu, macneheedu waa :”Ma jiro mid xaq lagu caabudaa Alle
mooyaane”.

”Det finns ingen gud värdig dyrkan utom Gud


LAYLIS (FRÅGESPORT) 22-29
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

22. S: Waa maxay Tawxiidu-rubuubiyah?


23. S: Qofkii qira tawxiidu-rubuubiyah, ma ugu filantay intaasi in lagu sheego muslin?
24. S: Waa maxay Tawxiidu-uluuhiyah?
25. S: Waa maxay Tawxiidul-asmaa wa sifaat?
26. S: Qofka doona inuu islaamka soo galo, muxuu ku soo galayaa diinta?
27. S: Waa maxay Shaahaada-teynku?
28. S: Ma isku midbaa Shahaada-teynka iyo Kelmadda tawxiidku?
29. S: Waa maxay macnaha Laa Ilaaha illa Laahu?
SU’AASHA 33

S: Ilaahay mooyaane cid kale xaq uma laha, caabudaad. Haddaba waa maxay
cibaadadu?
J: Cibaadadu waa wax alla wixii Eebbe dadka amray in ay sameeyaan ama ka tagaan oo la
yeelo.
SU’AASHA 34

S: Maxaa ka mid ah noocyada cibaadada?


J: Cibaadada waxa ka mid ah waxyaalo fara badan sida; Shahaada-teynka, Salaadda,
sekeda, soonka, Xajka, ducada, dhaarta, sadaqadda, sujuudda, gawraca iwm.
SU’AASHA 35

• S: Maxaa loo caabudayaa Ilaahay?


• J: Waxa Alle loo caabudayaa:
• Dadkaba wuxuu Alle u abuurtay in ay isaga caabudaan. Att dyrka Allah, är meningen med
livet.
• Nebiyadii Alle oo dhan waxa loo soo diray in ay dadka faraan cibaadada Alle. Profeternas
budskap.
• Alle wuxuu u ballan qaaday qofkii caabuda -ee aan cid kale la caabudin- inuu jannada
geeyo. För att hamna i himlen och undvika helvete.
SU’AASHA 36

• S: Haddii qofku Ilaahay caabudi waayo, maxaa ku jaban?


• J: Haddii qofku Ilaahay kelidii caabudi waayo, wuxuu Alle u ballan qaaday inuu
cadaabta geliyo.
SU’AASHA 37

• S: Waxyaalaha Ilaahay faray dadka in ay sameeyaan maxaa ugu muhiimsan?


• J: Waxa ugu muhiimsan “Tawxiidka Alle” oo ah in isaga kelidii la caabudo.
Tawxiid: Det finns bara En enda Gud som rätt att dyrkas.
SU’AASHA 38

• S: Maxaa ugu daran waxyaalaha Alle dadka ka reebay in ay sameeyaan?


• J: Waxaa ugu daran in Alle loo shirki yeelo oo cibaadadii uu xaqa u lahaa cid kale la
siiyo ama lala wadaajiyo.
• Shiriig = Shirki = dyrkan av någon eller något annat än Allah,
SU’AASHA 39

• S: In Alle loo shirki yeelo, waa maxay macneheedu?


• J: Waa in cid aan Alle ahayn cibaadada wax laga siiyo. Ilaahay waa keli in cid lala simo
ama lagu lammaaneeyo waa shirki ama gaalnimada ugu weyn.
• Lagu lammaaaneeyo = lagu labeeyo
SU’AASHA 40

• S: Shirkigu waa immisa qaybood?


• J: Shirkiga waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:
• A) Shirkiga wayn
• B) shirkiga yar
SU’AASHA 41

• S: Waa maxay shirkiga weyni?


• J: Waa in wax ka mid ah cibaadada loo leexiyo cid aan Alle ahayn, sida ducada,
salaadda, sujuudda, gawraca qurbaanka, rajaynta wixii Ilaahay kelidii karo, ka cabsashada
jinka, shayaadiinta, maytida iwm.
SU’AASHA 42

• S: Waa maxay shirkiga yari?


• J: Shirkiga yari waa laba nooc. Nooc loo jeedo oo muuqda iyo nooc qarsoon.
SU’AASHA 43

• S: Maxaa ka mid ah shirkiga yar ee muuqda?


• J: Waxaa ka mid ah:
• In lagu dhaarto cid aan Alle ahayn.
• In la yidhaahdo; Adiga iyo Ilaahay, ama ilaahay iyo hebel dartood ayey waxaasi u baaqdeen ama u
hirgaleen. Waxaa la diidanyahay isku lammaanaynta
• In la xirto shay ama la qaato shay iyadoo la aaminsayahay in ay balaayo qaadayso ama balaayo soo
socota difaacayso.
• In wax la baasaysto, sida shimbiraha ama xayawaan kaleba, iyadoo la aaminayo in balaayo ama
khayr weheliyo
SU’AASHA 44

• S: Maxaa ka mid ah shirkiga yar ee muuqda?


• J: Waxaa ka mid ah:
• In lagu dhaarto cid aan Alle ahayn.
• In la yidhaahdo; Adiga iyo Ilaahay, ama ilaahay iyo hebel dartood ayey waxaasi u baaqdeen ama u
hirgaleen. Waxaa la diidanyahay isku lammaanaynta
• In la xirto shay ama la qaato shay iyadoo la aaminsayahay in ay balaayo qaadayso ama balaayo soo
socota difaacayso.
• In wax la baasaysto, sida shimbiraha ama xayawaan kaleba, iyadoo la aaminayo in balaayo ama
khayr weheliyo
LAYLIS (FRÅGESPORT) 33-45
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

33.S: Ilaahay mooyaane cid kale caabudaad xaq uma laha. Haddaba waa maxay cibaadadu?
34.S: Maxaa ka mid ah noocyada cibaadada?
35.S: Maxaa loo caabudayaa Ilaahay?
36.S: Haddii qofku Ilaahay caabudi waayo, maxaa ku jaban?
37.S: Waxyaalaha Ilaahay faray dadka in ay sameeyaan maxaa ugu muhiimsan?
38.S: Maxaa ugu daran waxyaalaha Alle dadka ka reebay in ay sameeyaan?
39.S: In Alle loo shiriig yeelo, waa maxay macneheedu?
40.S: Shirkigu waa immisa qaybood?
41.S: Waa maxay shirkiga weyni?
42.S: Waa maxay shirkiga yari?
43.S: Maxaa ka mid ah shirkiga yar ee muuqda?
44.S: Maxaa ka mid ah shirkiga yar ee qarsoon?
45.S: Maxay ku kala duwan yihiin shirkiga yar iyo shirkiga weyni?
SU’AASHA 45

45- S: Maxay ku kala duwan yihiin shirkiga yar iyo shirkiga weyni?
45- J: Shirkiga weyn haddii lala yimaado diinta waa laga baxayaa laakiin shirkiga yar diinta
lagagama baxo. Shirkiga weyn qofka ku dhintaa cadaabta ayuu ku waaraa laakiin shirkiga
yar cadaabta laguma waaro haddiiba lagu galo. Shirkiga weyni wuxuu buriyaa dhammaan
wixii aad camal khayr ah soo shaqaysatay laakiin shirkiga yari wuxuu baabiiyaa camalka uu
ku jiro oo keliya. Shirkiga weyn Ilaahay uma dhaafo qofkii sameeya isaga oo islaamka dib u
soo gala mooyaane.
• Buriyaa = Baabiiyaa, waxba kama jiraan ka dhigaya
SU’AASHA 46

46- S: Waa maxay rumaynta Malaa’iigtu?


46- J: Rumaynta malaa’iigtu waa tiir ka mid ah lixda tiir ee iimaanka. Qofka rumayn waaya
malaa’iigta waa gaal mana noqonayo muumin.
SU’AASHA 47

47- S: Maxaa soo hoos gelaya rumaynta Malaa’iigta?

47- J: Rumaynta malaa’igta waxaa soo hoos geliya qodob:


• In la qiro jiritaanka malaa’igta iyo in ay yihiin makhluuq ilaahay.
• In la rumeeyo magacyada kuwa laynoo sheegay magacyadooda sida Jibriil, Mikaaiil, Maalik,
Israafiil, Ridwaan, Munkar iyo Nakiir
• In la rumeeyo sifooyinkooda aynu ognahay sida in Jibriil uu leeyahay 600 oo baal
• In la rumeeyo shaqada kuwa aynu ognahay shaqadooda sida malagga roobka maamula oo kale.
SU’AASHA 48

48- S: Waa maxay malaa’iigtu?


J: Malaa’iigtu waa makhluuq ilaahay abuuray oo shaqadoodu tahay in ay Alle adeecaan,
kamana daalaan xuska Ilaahay habeen iyo maalin. Wax ilaahay ku amray ma diidaan,
waxaanay fuliyaan wax alla wixii Eebe faro oo ka mid ah maamulka koonka. Malaa’iigtu
way badanyihiin, shaqooyinkooduna way kala duwanyihiin.
SU’AASHA 49

49- S: Maxaa laga abuuray malaa’iigta?


J: Malaa’iigta waxaa laga abuuray NUUR.
SU’AASHA 50

50- S: Malaa’iigtu maxay cunaan?


J: Malaa’iigtu waxba ma cunaan, umana baahna in ay wax cunaan.
SU’AASHA 51

51- S: Malaa’iigtu ma ragbaa mise waa dumar?


J: Malaa’iigtu waa Malaa’iig, rag iyo Dumar midna ma aha.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 45-51
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. S: Maxay ku kala duwan yihiin shirkiga yar iyo shirkiga weyni?


2. S: Waa maxay rumaynta Malaa’iigtu?
3. S: Maxaa soo hoos gelaya rumaynta Malaa’iigta?
4. S: Waa maxay malaa’iigtu?
5. S: Maxaa laga abuuray malaa’iigta?
6. S: Malaa’iigtu maxay cunaan?
7. S: Malaa’iigtu ma ragbaa mise waa dumar?
SU’AASHA 52
52- S: Shaqooyinka malaa’iigta kuwee ka mid ah?
J: Malaa’iigtu way badanyihiin, shaqooyinkooduna way kala duwanyihiin. Waxaa ka mid ah:
• Malaa’iigta sidda ama xambaarsan carshiga Ilaahay oo lagu magacaabo Xamalatul –carshi(‫رش‬C‫لع‬CC‫) حملة ا‬, kuwa carshiga sida.
• Malagga qaabilsan soo qaadidda diimaha ama waxyiga.
• Malagga qaabilsan roobka iyo doogga.
• Malagga qaabilsan afuufidda buunka/suurta marka adduunka la rogayo.
• Malaa’iigta qaabilsan ilaalinta dadka.
• Malaa’iigta qaabilsan qoridda camalka qofka shar iyo khayrba.
• Malagga qaabilsan geerida (Malakul-mawt)
• Malaa’iigta qaabilsan qaadidda nafaha muuminiinta
• Malaa’iigta qaabilsan qaadidda nafaha gaalada.
• Malaa’iigta qaabilsan ilmaha uurka ku jira, markuu caloosha galo ilaa intuu dhalanayo.
• Malaa’iigta qaabilsan buuraha.
• Malaa’iigta qaabilsan xaadiridda golayaasha lagu hayo dikriga Ilaahay.
• Iyo kuwa kaleba.
SU’AASHA 53

53- S: Magicii malagga qaabilsanaa inuu diimaha u soo qaado Nebiyada,?


J: Malaggaas waxaa la yidhaa Jibriil (Malakul-jibriil), waana kan ugu weyn uguna fadliga
badan malaa’iigta.
SU’AASHA 54

54- S: Sheeg magaca malagga qaabilsan roobabka?


J: Malagga roobka qaabilsani waa Mikaaiil ama Makaahiil.
SU’AASHA 55

55- S: Sheeg magac malagga madaxda u ah malaa’iigta cadaabta?


J: Malagga haya furaha Cadaabta ee madaxda u ah malaa’iigta cadaabta, waa Maalik.
SU’AASHA 56

56- S: Sheeg magaca malagga u xil saaran rogitaanka dunida, siduuse u rogi doonaa?
J: Malagga qaabilsan rogitaanka dunida waa Israafiil, waxaanu afuufi doonaa buunka ama
suurka marka Alle u idmo.
SU’AASHA 57

57- S: Malaa’iigta Alle ku magacaabay “Sabaaniya” maxay tahay shaqadoodu?


Tiradooduna waa imisa?
J: Sabaaniya waa Malaa’iigta cadaabta. Waxaana ka mid ah 19 malag oo hormuudkooda ah.
SU’AASHA 58

• 58- S: Malaa,igtu sidee bay u eegyihiin?


• J: Malaa’igta waxaa laga abuuray Nuur, sida ay u eegyihiinna ma garan karno. Waxaase ku
cad quraanka iyo sunnaha in la siiyey awood ay marba qaab iskaga dhigi karaan. Marka ay
yihiin sidii alle u abuuray, waxay leeyihiin baalal.
SU’AASHA 59

• 59- S: Dadku ma arki karaan malaa’iigta inta adduunka la joogo?


• J: Haa , dadku way arki karaan malaa’iigta inta noole adduunka lagu arki karo, sida dadka
oo kale.
SU’AASHA 60

• 60- S: waa immisa Malaa’iigta qaabilsan itixaanka qabriga? Magacyadoodana sheeg.


• J: Malaa’iigta qaabilsan itixaanka qabriga waa laba, magacyadooduna waa Munkar iyo
Nakiir.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 51-60
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. S: Shaqooyinka malaa’iigta kuwee ka mid ah?

2. S: Magicii malagga qaabilsanaa inuu diimaha u soo qaado Nebiyada,?


3. S: Sheeg magaca malagga qaabilsan roobabka?
4. S: Sheeg magac malagga madaxda u ah malaa’iigta cadaabta?
5. S: Sheeg magaca malagga u xil saaran rogitaanka dunida, siduuse u rogi doonaa?
6. S: Malaa’iigta Alle ku magacaabay “Sabaaniya” maxay tahay shaqadoodu? Tiradooduna
waa imisa?
7. S: Malaa,igtu sidee bay u eegyihiin?
8. S: Dadku ma arki karaan malaa’iigta inta adduunka la joogo?
9. S: waa immisa Malaa’iigta qaabilsan itixaanka qabriga? Magacyadoodana sheeg.
SU’AASHA 61

• S: Malaa’iigta qorta camalka qofka maxay qoraan, maxayse u qoraan?


• J: Malaa’iigta qorta camalka qofka waxay qoraan waxkasta oo qofku sameeyo iyo
hadalkasta oo afkiisa ka soo baxa , shar iyo khayrba. Ujeedadu waa in qofka lagu
abaalmariyo aakhiro wixii uu adduunka ku sameeyo.
SU’AASHA 62

• S: Waa immisa malaa’iigta camalka qofka qorta, xaggayse joogaan?


• J: Markasta waxaa qofka la socda laba malag oo qoraya camalkiisa. Labadaas malag
waxay fadhiyaan qofka labadiisa dhinac bidix iyo midig.
SU’AASHA 63

• S: Malaa’iigta ilaalisa qofka maxay ka ilaaliyaan?


• J: Waxay ilaaliyaan qofka markuu hurdo iyo marka uu soo jeedaba. Waxay ka joogaan hor
iyo gadaal iyo hareerahaba. Waxay ka celiyaan wax kasta oo dhib ah wixii Alle u qoray
mooyaane. Marka uu yimaado wax Eebe u qoray ayey dhinac uga baydhaan.
SU’AASHA 64

• S: Sheeg wax Malaa’iigta iyo jinku iskaga mid yihiin, dadkuna kaga duwanyahay?
• J: Waxa jira arrimo Malaa’igta iyo jinku iskaga mid yihiin, dadkuna kaga duwan yahay,
waxana ka mid ah
• Jinka iyo Malaa’iigtu way arkaan dadka laakiin dadku si caadi ah uma arki karaan jinka iyo
malaa’iigta.
• Jinka iyo Malaa’iigtu waxay muuqaalkooda u ekaysiin karaan noole kale sida qof bina
Aadan ah. Laakiin dadku awoodda noocaas ah ma leh.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 61-64
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

• S: Malaa’iigta qorta camalka qofka maxay qoraan, maxayse u qoraan?


• S: Waa immisa malaa’iigta camalka qofka qorta, xaggayse joogaan?
• S: Malaa’iigta ilaalisa qofka maxay ka ilaaliyaan?
• S: Sheeg wax Malaa’iigta iyo jinku iskaga mid yihiin, dadkuna kaga duwanyahay?
SU’AASHA 65

• S: Sheeg waxyaalo ay jinka iyo dadku iskaga mid yihiin, Malaa’iigtuna kaga duwantahay?
• J: Waxaa ka mid ah waxyaalaha malaa’iigtu kaga duwantahay, jinka iyo dadkaba:
• Malaa’iigtu ma caasiyaan Ilaahay, laakiin dadka iyo Jinkuba way caasiyaan.
• Dadka iyo Jinkuba wax bay dhalaan, waanay is guursadaan laakiin Malaa’iigtu sidaas maaha.
• Jinka iyo dadkuba, wax way cunaan, cabbaan wayna seexdaan, laakiin Malaa’iigtu sidaas
maaha.
SU’AASHA 66

• S: Sheeg wax Malaa’igta iyo dadku iskaga mid yihiin, jinkuse kaga duwanyahay?
J: Waxa ka mid ah waxyaalaha jinku kaga duwanyahay Malaa’igta iyo dadka:
Ilaahay rasuullo ayuu ka dhexdoortaa Malaa’iigta iyo dadka, laakiin jinku rasuullo ma lahayn
SU’AASHA 67

• S: Waa maxay faa’iidooyinka ku jira rumaynta Malaa’iigta?


• J: Waxaa ka mid ah faa’iidada ku jirta rumaynta mal’aaliigta:
• Awoodda Ilaahay weynideeda oo la fahmayo marka la ogaado weynaanta Malaa’iigta uu Alle abuuray.
• Shukrinaqa ilaahay oo la samaynayo marka la ogaado sida Ilaahay dadka ugu sakhiray Malaa’iigta.
Sababtoo ah Malaa’iigtu way u ducaysaa qofka, dhibaatooyinka ayey ka waardiyeysaa waanay u
adeegtaa.
• Jacaylka Malaa’iigta oo badanaya marka la ogaado sida ay ilaahay u caabudaan iyo sida ay dadka ugu
adeegaan.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 68

S: Waa maxay rumaynta Kutubta Alle?


J: Rumaynta kutubta Alle waa tiir ka mid ah lixda tiir ee iimaanka. Qofka rumayn waaya
Kutubta Alle ama mid ka mid ah, waa gaal mana noqonayo muumin.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 69

• S: Maxaa soo hoos gelaya rumaynta kutubta Alle?


J: Rumaynta Kutubta waxaa soo hoos gelaya qodobadan soo socda:
• In la rumeeyo dhammaan kutubta uu Alle soo dejiyey; in ay xaggiisa ka yimaadeen oo ay yihiin
hadalkii Ilaahay oo dhab ah.
• In la rumeeyo kutubta sida gaarka ah Alle u xusay oo kala ah; Suxuf-Ibraahiim, Tawraad, Subuur,
Injiil iyo Furqaan. Kuwa aanu Alle inoo faahfaahinna waxaynu ku rumaynaynaa duuduubkooda.
• In la rumeeyo in Quraanku ugu dambeeyey kutubtaas, taageerayna balse ku dhaqankoodii uu
nasakhay.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 65-69
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

• S: Malaa’iigta qorta camalka qofka maxay qoraan, maxayse u qoraan?


• S: Waa immisa malaa’iigta camalka qofka qorta, xaggayse joogaan?
• S: Malaa’iigta ilaalisa qofka maxay ka ilaaliyaan?
• S: Sheeg wax Malaa’iigta iyo jinku iskaga mid yihiin, dadkuna kaga duwanyahay?
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 70

S: Sidee Alle Kutubta u soo dejiyey?


J: kutubta qaarkood Alle ayaa toos ugu waaxyooday Nebiyada, qaarna malakul-jibriil ayaa
soo gaadhsiiyey Nebiyada, qaar kalena Alle ayaa iyaga oo qoran u soo dejiyey Nebiyada.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 71

• S: Kutubta Ilaahay, ma isku wada mid ayey ahaayeen?


• J: Maya, waxna iskaga mid ayey ahaayeen, waxyaaalana way ku kala duwanaayeen.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 72

S: Maxay iskaga mid ahaayeen kutubta Alle?


• J: Waxay iskaga mid ahaayeen in dhammaantood Alle soo dejiyey iyo in ay tawxiidka Alle
dadka ugu baaqayeen.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 73

• S: Maxay ku kala duwanaayeen Kutubta Alle?


• J: Waxay ku kala duwanaayeen in kitaab walba ka koobnaa sharciyo ku habboonaa dadkii
lagu soo dejiyey iyo wakhtigii ay joogeen.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 74

S: Sheeg ugu yaraan afar arrimood oo kitaabka Quraanka ahi uu kaga duwanyahay kutubihii hore ee Alle soo dejiyey?
J: Kitaabka Quraanku waxayaalaha uu kaga duwanyahay kutubihii hore waxaa ka mid ah:
• In uu yahay Kitaabkii ugu dambeeyey ee Alle Soo dejiyo.
• In uu Nasakhay dhammaan kutubtii hore ee Alle soo dejiyey.
• Kitaabadii hore waxaa loo soo dejin jiray qolooyin gaar ah, oo kitaabkiiba cid gaar ah ayuu ku socon jiray. Laakiin Quraanka waxaa loo
soo dejiyey dhammaan bina Aadanka.
• Kutubtii hore waxay lahaayeen wakhti go’an oo ku camalfalkoodu joogsado, laakiin Quraanka waxaa loogu talo galay ilaa inta adduunka
la rogayo.
• Kitaabadii hore waxaa loo xilsaaray ilaalintooda dadkii loo soo dejiyey, laakii Quraanka Ilaahay ayaa ballan qaaday ilaalintiisa.
• Camalfalka kitaabkii hore waxa uu joogsanayey marka kitaab kale soo dego. Quraankana kitaab kale kama dambeeyo, sidaas darteed
wuu jirayaa ilaa qiyaamaha.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 75

S: Sheeg magaca kitaabkeenna?


J: Kitaabkeenna magacyadiisu way badanyihiin, waxaana ka mid ah “Furqaan” iyo Al-qur’aan.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 70-75
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. S: Sidee Alle Kutubta u soo dejiyey?


2. S: Kutubta Ilaahay, ma isku wada mid ayey ahaayeen?
3. S: Maxay iskaga mid ahaayeen kutubta Alle?
4. S: Maxay ku kala duwanaayeen Kutubta Alle?
5. S: Sheeg afar arrimood oo kitaabka Quraanka ahi uu kaga duwanyahay kutubihii
hore ee Alle soo dejiyey?
6. S: Sheeg magaca kitaabkeenna?
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 76

S: Sheeg kitaabkii Nebi Ciise lagu soo dejiyey magiciisa?


J: Kitaabkii Nebi ciise lagu soo dejiyey waxaa la odhan jiray Injiil.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 77

S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Kitaabkii Injiil oo quraanku sheegay?


J: Waxyaalaha Quraanku sheegay in ay kitaabkii Injiil ku dhignaayeen waxaa ka mid ahaa:
Sifada nebi Muxammed (scw) iyo sifada asxaabtiisii
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 78

S: Sheeg Kitaabkii Nebi Muuse lagu soo dejiyey magaciisa?


J: Kitaabkii Nebi Muuse lagu soo dejiyey waxaa la odhan jiray Tawraad ama Tawreed.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 79

• S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Kitaabkii Tawraad oo quraanku sheegay?


• J: Waxyaalaha Quraanku sheegay in ay kitaabkii Tawraad ku dhignaayeen waxaa ka mid ahaa:
• “In qofkii qof dila loo dilo, qofkii il ka rida qof isna isha laga rido, qofkii sanka ka jara qof, isna sanka laga jaro,
qofkii ilig ka rida qof isna ilig laga rido iyo in dhaawacyada laysu jarto”.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 80

S: Sheeg Kitaabkii Nebi Daa’uud magaciisa?


J: Kitaabkii Nebi Daa’uud Magaciisu wuxuu ahaa Sabuur.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 81

S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Kitaabkii Sabuur oo quraanku sheegay?


J: Waxyaalaha Quraanku sheegay in ay kitaabkii Sabuur ku dhignaayeen waxaa ka mid ahaa:
“In ay dhulka dhaxli doonaan addoomada ilaahay ee suubban”
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 82

• S: Sheeg Kitaabkii Nebi Ibraahim magaciisa?


• J: Kitaabkii nebi Ibraahim magaciisu wuxuu ahaa; Suxufu-ibraahim.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 83

• S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Suxufu-ibraahiim oo quraanku sheegay?


• J: Waxyaalaha Quraanku sheegay in ay Suxufu-ibraahiim ku dhignaayeen waxaa ka mid ahaa:
• “In aan nafina aakhiro naf kale dembigeeda qaadahaynin iyo in aan qofna helahayn wax aanu shaqaysanin”
• Eeg suuratul-Najm 35-39
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 84

• S: S: Immisa Jis/jus ayuu ka koobanyahay Quraanku?


• J: Quraanku wuxuu ka koobanyahay soddon (30) jis.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 85

• S: Immisa suuradood ayuu ka koobanyahay Quraanka Kariimka ahi?


• J: Quraanka kariimka ahi wuxuu ka koobanyahay 114 suuradood.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 86

S: Immisa aayadood ayuu quraanku ka koobanyahay?


J: Quraanku wuxuu ka koobanyahay 6236 aayaadood.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 87

• S: S: Suuraddee ayaa quraanka ugu soo hor degtay?


• J: Waxaa ugu soo hor degtay suuratu- Calaq (Al-iqra) weliba shanta ayaadood ee ugu horreeya.
TIIRKA 3AAD: IN KUTUBTA ALLE LA RUMEEYO.
SU’AASHA 88

• S: Immisa suuradood ayuu ka koobanyahay Quraanka Kariimka ahi?


• J: Quraanka kariimka ahi wuxuu ka koobanyahay 114 suuradood.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 76-88
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. S: Sheeg kitaabkii Nebi Ciise lagu soo dejiyey magiciisa?


2. S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Kitaabkii Injiil oo quraanku sheegay?
3. S: Sheeg Kitaabkii Nebi Muuse lagu soo dejiyey magaciisa?
4. S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Kitaabkii Tawraad oo quraanku sheegay?
5. S: Sheeg Kitaabkii Nebi Daa’uud magaciisa?
6. S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Kitaabkii Sabuur oo quraanku sheegay?
7. S: Sheeg Kitaabkii Nebi Ibraahim magaciisa?
8. S: Sheeg wax ka mid ah waxyaalihii ku qornaa Suxufu-ibraahiim oo quraanku sheegay?
9. S: Immisa Jis ayuu ka koobanyahay Quraanku?
10.S: Immisa suuradood ayuu ka koobanyahay Quraanka Kariimka ahi?
11.S: Immisa aayadood ayuu quraanku ka koobanyahay?
12.S: Suuraddee ayaa quraanka ugu soo hor degtay?
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 88

• S: Waa maxay rumaynta rususha Alle?


• J: Rumaynta rususha Alle waa tiir ka mid ah lixda tiir ee iimaanka. Qofka rumayn waaya rususha Alle
dhammaantood ama mid ka mid ah, waa gaal mana noqonayo muumin.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 89

• S: Rumaynta Rususha Alle Maxaa soo hoos gelaya?


• J: Rumaynta rususha waxaa soo hoos geliya qodobadan:
• In la rumeeyo in ummad walba Alle u soo diray Rasuul ugu baaqayey in ilaahay kelidii la caabudo (tawxiidka),
lagana tago wax kale oo la caabudo (Shirkiga). Rusushaas oo soo wada gudbiyey wixii loo soo diray, iyaga oo aan
waxba ka beddelin, waxbana aanay ku darin waxbana ka dhimin.
• In si gaar ah loo rumeeyo ciddii magiciisa laynoo sheegay sida Nebi Muxammed, Nebi Ibraahin, Nebi Muuse, Nebi
Ciise iyo Nebi Nuux. Kuwa magacyadooda aynaan garanayna duuduub ayaa lagu rumaynayaa.
• In la rumeeyo Qisooyinka iyo wararka Nebiyadaas ku saabsan ee saxiixa ah.
• In aynu ku dhaqanno sharciyada Nebigii innaga laynoo soo diray ee ka mid ahaa rasuullada, waana Nebi Muxammed
(scw).
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 90

• S: Nebi iyo rasuul ma isku mid baa?


• J: Rasuul iyo Nebi waa isku mid guud ahaan laakiin wax yar ayey ku kala duwanyihiin. Rasuul kastaa waa Nebi.
Laakiin nebiyada qaar ayaan rasuullo ahayn.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 91

• S: Maxay ku kala duwanyihiin Nebi iyo rasuul?


• J: Nebiga lagu soo dejiyey kitaab gaar ah ee loo diro inuu faafiyo kitaabkaas waa Nebi rasuul ah. Laakiin Nebiga
la faro inuu sii faafiyo kitaab hore loo soo dejiyo laguma sheegayo rasuul ee waa nebi keliya.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 92

• S: Maxay iskaga mid ahaayeen rasuullada Alle?


• J: Rasuullada Alle waxay iskaga mid ahaayeenin ay dadka ugu baaqayeen tawxiidka Eebbe oo ah in Alle
cibaadada loo keli yeelo, caqiido ahaan iyo camal ahaanba, isla markaana la beeniyo waxkasta oo Alle sokadii la
caabudo.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 93

• S: Maxay nebiyadu kaga duwanyihiin dadka kale?


• J: Nebiyadu waa dad la mid ah bina aadanka kale, laakiin waxay dheeryiihiin in Ilaahay u waxyoodo una doortay
in ay dadka u caddeeyaan waxa Eebe ka rabo.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 94

• S: Nebiyadu ma bilaa gef bay ahaayeen mise sida dadka kale ayey gefi jireen?
• J: Nebiyada Ilaahay waa ka dhawranyihiin :
• A) Dembiyada waaweyn.
• B) iyo in ay galaan qalad la xidhiidha waxyiga Eebbe soo dejiyey. Laakiin khaladaadka yaryar waxay kala siman
yihiin bina aadanka kale oo way gefi jireen. Habase ahaatee Alle wuu u sheegi jiray gefka ay galaan isla markiiba.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 95

• S: Nebiyadii alle ma nool yihiin weli mise way dhinteen?


• J: Nebiyadii Alle way dhinteen dhammaantood Nebi ciise mooyaane (cs).
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 96

S: Nebiyada Alle soo saaray imisay ahaayeen?


• J: Nebiyada Alle soo saaray way fara badnaayeen, tiradoodana cidi ma oga ilaahay mooyaane. Qaarkood
quraanka ayaa lagu sheegay qaarkoodna laynooma sheegin. Habase ahaatee waa waajib in la wada rumeeyo.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 97

• S: Nebiyada magacyadooda quraanka laynoogu sheegay waa imisa?


• J: Nebiyada magacyadooda quraanka lagu sheegay waa 25 nebi, waana muhiim in la barto magacyadooda.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 98
• S: S: Sheeg magacyada 25-ka nebi ee quraanka lagu xusay?
J: Nebiyadaas waxay kala yihiin:
1. Nebi Aadan (scw)
2. Nebi Idiris (scw)
3. Nebi Nuux (scw)
4. Nebi Huud(scw)
• 5. Nebi Saalax (scw)
• 6. Nebi Ibraahin (scw)
• 7. Nebi Luud (scw)
• 8. Nebi Ismaaciil (scw)
• 9. Nebi Isxaaq (scw)
• 10. Nebi Yacquub (scw)
• 11. Nebi Yuusuf (scw)
• 12. Nebi Shucayb (scw)
• 13. Nebi Ayuub (scw)
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 98
• 13. Nebi Ayuub (scw)
• 14. Nebi Dul-kifl (scw)
• 15. Nebi Muuse (scw)
• 16. Nebi Haaruun (scw)
• 17. Nebi Daa’uud (scw)
• 18. Nebi Saleebaan (scw)
• 19. Nebi ilyaas(scw)
• 20. Nebi al-yasac (scw)
• 21. Nebi Yoonis(scw)
• 22. Nebi Sekeriye(scw)
• 23. Nebi Yaxye (scw)
• 24. Nebi Ciise (scw)
• 25. Nebi Muxammed (scw)
LAYLIS (FRÅGESPORT) 88-98
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. 88. S: Waa maxay rumaynta rususha Alle?


2. 89. S: Rumaynta Rususha Alle Maxaa soo hoos gelaya?
3. 90. S: Nebi iyo rasuul ma isku mid baa?
4. 91. S: Maxay ku kala duwanyihiin Nebi iyo rasuul?
5. 92. S: Maxay iskaga mid ahaayeen rasuullada Alle?
6. 93. S: Maxay nebiyadu kaga duwanyihiin dadka kale?
7. 94. S: Nebiyadu ma bilaa gef bay ahaayeen mise sida dadka kale ayey gefi jireen?
8. 95. S: Nebiyadii alle ma nool yihiin weli mise waa dhinteen?
9. 96. S: Nebiyada Alle soo saaray imisay ahaayeen?
10.97. S: Nebiyada magacyadooda quraanka laynoogu sheegay waa imisa?
11.98. S: Sheeg magacyada 25-ka nebi ee quraanka lagu xusay?
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 99

• S: Xagga fadliga ma isku wada derejay ahaayeen Nebiyadu?


• J: Nebiyadu way kala fadli badanyihiin. Nebi walbana Alle wuxuu siiyey fadli dheeraad ah, qaarkoodna waabu la
hadli jiray. Waxaana ugu sii fadli badan nebiyada laysku yidhaahdo Ulul-casmi. Habase ahaatee ma habboona in
nebiyada faan iyo tartan la geliyo.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 100

• S: Nebiyada laysku yidhaahdo ulul-casmi waa kuwee?


• J: Ulul-casmi waa shanta nebi ee ugu fadliga badan nebiyada waxayna kala yihiin magacyadoodu: Nebi Nuux
(scw), Nebi Ibraahin(scw), Nebi Muuse(scw), Nebi Ciise(scw) iyo Nebi Muxammed(scw).
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 101

• S: Nebigee ugu fadli badan shanta Nebi ee ulul-casmiga?


• J: Shanta nebi ee ulul-casmiga waxaa ugu fadli badan nebi Muxammed (scw) oo ah ka ugu fadli badan nebiyada
Ilaahay, isla markaana ah qofka ugu khayrka badan makhluuqa ilaahay oo dhan.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 102

• S: S: Muxuu Nebi Muxammed kaga duwanaa nebiyada kale?

• J: Ilaahay wuxuu siiyey Nebi Muxammed (scw) khayraad dheeraad ah oo aan la siinin nebi kale. Waxaa ka mid
ah dheeraadkaas Alle siiyey nebi Muxammed (scw) shantan arrimood:
1. Nebi Muxammed(scw) waxaa loo soo diray dhammaan beni aadanka iyo dhammaan jinniga, halka nebiyadii hore loo
diri jiray nebi walba qoladiisa oo keliya.
2. Ilaahay wuxuu ugu gargaaray, in cadowgiisa uu baqe ku rido isaga oo u jira in bil loo socdo.
3. Waxaa ummaddiis Alle u ogolaaday in dhulka meel walba ay ku tukan karaan kuna daahirsan karaan, taas oo aan loo
ogolayn ummadihii hore.
4. Waxaa loo xalaaleeyey maalka laga helo cadow lala dagaallamayo “Qaniimada” taas oo aan loo ogolayn nebiyadii hore.
5. Wuxuu Alle siiyey shafeecada weyn ee Yoomal-qiyaamaha uu u shafeeca qaadayo dadka oo dhan, isaga oo Alle u
waydiinaya in dadka la kala xukumo.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 103

• S: S: Rasuulkii ugu wakhtiga dheeraa xagga diin fidinta kumuu ahaa, immisa sano ayuuse diinta
faafinayey?
• J: Wuxuu ahaa nebi Nuux (scw) waxaanu diinta faafinayey 950 sano.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 104

• S: Dad intee le´eg ayuu Nebi Nuux ku guulaystay in uu soo hanuuniyo wakhtigaa 950 sano ah?
• J: Sida Alle inoo sheegay, waxaa rumeeyey dad aad u tiro yar inkasta oo aan laynoo sheegin tiradooda.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 105

• S: Ehelkiisi ma wada rumeeyeen Nebi Nuux?


• J: Maya, qaar ayaan rumaynin, waxaana ka mid ahaa wiil uu dhalay iyo xaaskii nebiga.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 106

• S: Maxaa ku dhacay dadkii rumayn waayey Nebi Nuux?


• J: Markii ay rumayn waayeen nebi Nuux, una diideen inuu diinta faafiyo ayuu Alle halaagay, isaga oo ku hafiyey
biyo.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 107

• S: Maxaa ku dhacay dadkii rumayn waayey Nebi Nuux?


• J: Markii ay rumayn waayeen nebi Nuux, una diideen inuu diinta faafiyo ayuu Alle halaagay, isaga oo ku hafiyey
biyo.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 99-107
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. . S: Xagga fadliga ma isku wada derejay ahaayeen Nebiyadu?


2. S: Nebiyada laysku yidhaahdo ulul-casmi waa kuwee?
3. S: Nebigee ugu fadli badan shanta Nebi ee ulul-casmiga?
4. S: Muxuu Nebi Muxammed kaga duwanaa nebiyada kale?
5. S: Rasuulkii ugu wakhtiga dheeraa xagga diin fidinta kumuu ahaa, immisa sano
ayuuse diinta faafinayey?
6. S: Dad intee le´eg ayuu Nebi Nuux ku guulaystay in uu soo hanuuniyo wakhtigaa 950
sano ah?
7. S: Ehelkiisi ma wada rumeeyeen Nebi Nuux?
8. S: Maxaa ku dhacay dadkii rumayn waayey Nebi Nuux?
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 107

• S: Sidee ayey uga badbaadeen halaaggaas, Nebi Nuux iyo dadkii Alle rumeeyey?
• J: Intii aan biyaha lagu hafinin ayuu Alle amray Nebi Nuux inuu sameeyo doonni. Markii ay doontii
dhammaystirantay ayuu saaray dhammaan dadkii Ilaahay rumeeyey iyo dhammaan xayawaankii dhulka joogay
nooc walba laba ka mid ah oo dhedig & lab ah. Dabadeedna biyihii dhulka iyo biyihii cirkaba waa la soo fasaxay,
sidaas ayaanay ku rogmadeen gaaladii beenisay Nebi Nuux.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 108

• S: Ma Nebi Nuux ayaa ugu horreeyey wax doonni sameeya? Maxayse ka samaysnayd doonta Nebi Nuux?
• J: Doonta Nebi Nuux waxay ka samaysnayd alwaax iyo masaabiir. Lama hubo in ay ahayd doontii ugu horraysay
ee la sameeyo, waase loo maleeyaa.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 109

• S: Muxuu Nebi Nuux dadka ugu baaqayey?


• J: Nebi Nuux wuxuu dadka ugu baaqayey in ay Ilaahay kelidii caabudaan (tawxiidka) oo ay iskaga tagaan
sanamyo ay caabudi jireen.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 110

• S: Maxay ahaayeen sanamyada ay caabudi jireen qoomkii Nebi Nuux?


• J: Waxay ahaayeen dad saalixiin ahaa oo markii ay dhinteen loo dhisay taallooyin si loogu xasuusto. Markii
wakhtigu dheeraaday waa la illoobay sababtii taallooyinka loo sameeyey oo ahayd xasuus. Dabadeed waa la
caabuday oo Ilaahyo ayaa laga dhigtay.
• Saalixiin = dad Ilaahay ka baqa oo cibaadada ku toosan.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 111

• S: Maxaa magacyadooda la odhan jiray Sanamyadaas?


• J: Sanamyadaas shan ka mid ah waxaa la kala odhan jiray: Wadde, Suwaac, Yaquus, Yacuuq iyo Nasre
LAYLIS (FRÅGESPORT) 107-111
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

• S: Sidee ayey uga badbaadeen halaaggaas, Nebi Nuux iyo dadkii Alle rumeeyey?
• S: Ma Nebi Nuux ayaa ugu horreeyey wax doonni sameeya? Maxayse ka samaysnayd doonta
Nebi Nuux?
• S: Muxuu Nebi Nuux dadka ugu baaqayey?
• S: Maxay ahaayeen sanamyada ay caabudi jireen qoomkii Nebi Nuux?
• S: Maxaa magacyadooda la odhan jiray Sanamyadaas?
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 112

• S: Nebi Huud Qoomkee baa loo diray?


• J: Nebi Huud waxaa loo diray qoomka la odhan jiray reer Caad oo ahaa dad aad u laf waaweyn oo aan iyagoo
kale la arag.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 113

• S: Muxuu Nebi Huud ugu baaqayey reer Caad?


• J: Nebi Huud wuxuu ugu baaqay qoomkiisii reer Caad in ay alle kelidii caabudaan (tawxiidka) oo ay iskaga
tagaan waxyaalaha kale ee ay caabudayaan.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 114

• S: Maxaa ku dhacay reer Caad markii ay raaci waayeen Nebi Huud?


• J: Markii reer Caad ay rumayn waayeen Nebigii Ilaahay, waa la halaagay. Waxaa lagu halaagay Duufaan iyo
Dabayl ku kacday oo siddeed (8) maalmood iyo todoba (7) habeen, isku laba rogaysay. Sidaas ayaanay ku
dhammaadeen oo waxaa ka hadhay nebigii iyo dadkii yaraa ee raacay.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 115

• S: Nebi Saalax qoomkee baa loo diray?


• J: Nebi Saalax waxaa loo diray qoomkiisii oo lagu magacaabi jiray reer Samuud oo ka dambeeyey reer Caad.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 116

• S: Maxay ahayd mucjisadii la siiyey Nebi Saalax?


• J: Mucjisadii Nebi Saalax waxay ahayd hashii ilaahay u soo saaray si ay ugu qancaan run sheegnimada Nebiga.
Markii Ilaahay Hasha u soo saarayna way sii kibreen oo hashii way dileen, iyagoo boqnaha gooyey.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 117

• S: Markii ay reer Samuud beeniyeen nebi Saalax, hashiina ay dileen maxaa ku dhacay?
• J: Markii ay nebigii beeniyeen ee hashii ay dileen ayuu Alle u diray malag ku qayliya si ay u rogmadaan.
Malaggu markuu ku dhawaaqay dhulkiibaa la gariiray dhammaantoodna afka ayey u dheceen waanay wada
dhinteen.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 112-117
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

• S: Nebi Huud Qoomkee baa loo diray?


• S: Muxuu Nebi Huud ugu baaqayey reer Caad?
• S: Maxaa ku dhacay reer Caad markii ay raaci waayeen Nebi Huud?
• S: Nebi Saalax qoomkee baa loo diray?
• S: Maxay ahayd mucjisadii la siiyey Nebi Saalax?
• S: Markii ay reer Samuud beeniyeen nebi Saalax, hashiina ay dileen maxaa ku dhacay?
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 118

• S: Nebi Ibraahin muxuu kaga duwanaa nebiyada kale oo lagu xasuusan karaa?
• J: Nebi Ibraahin wuxuu leeyahay fadliyo badan oo uu kaga duwanyahay nebiyada kale waxaana ka mid ah:
• Nebi Ibraahin isaga ayey ka soo farcameen inta badan ama dhammaan nebiyadii ka dambeeyey. Sidaas darteed
ayaana loogu magacaaba aabihii nebiyada.
• Ilaahay wuxuu ka dhigtay nebi Ibraahin “khaliil” oo macneheedu yahay mid uu si gaar ah u jecelyahay.
• Wuxuu ka tirsanyahay shanta Nebi ee ugu fadli badan nebiyada, kuwaas oo lagu magacaabo “Ulul-casmi”.
• Waa nebigii dhisay kacbada.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 119

• S: Nebi Ibraahin qaabkee ayuu dacwaddiisa u soo bandhigi jiray?


• J: Dacwaddii Nebi Ibraahin waxay lahayd laba tilmaamood oo kala ah;
• (A) Inuu meelo kala fog iyo ummado kala duwan socod ku gaadhi jiray
• (B) Inuu Isticmaali jiray dood cilmiyeed, qancin iyo caqli adeegsi, taas oo keenaysay inuu ka gar helo kawa ka
soo horjeeda. Waxaa ka mid ah dadka uu ka gar helay boqorkii Namruud.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 120

• S: Nebi Muuse sidee quraanku uga sheekeeyey?


• J: Qisada Nebi Muuse waa qisada ugu badan ee quraanku ku soo celceliyo. Waxay ka hadlaysaa, Nebi Muuse,
reer Beni Israa’iil iyo Fircoon
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 121

• S: Muxuu ku baaqayey Nebi Muuse?


• J: Nebi Muuse wuxuu ku baaqayey tawxiidka Alle iyo in reer Beni Israa’iil laga xoreeyo cadaadiskii Fircoon ku
hayey.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 122

• S: Muxuu Nebi Muuse kaga duwanaa Nebiyada kale?


• J: Nebi Muuse wuxuu kaga duwanaa nebiyada kale in Ilaahay si toos ah ula hadli jiray.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 123

• S: Sheeg laba nebi oo aan midkoodna aabbo dhalin?


• J: Labadaas nebi ee aan aabbeyaashu dhalin waa Nebi Aadam iyo Nebi Ciise. Nebi Aadanna isaga ayeyba dadkoo
dhami ka soo farcameen, nebi Ciisena hooyo keliya ayuu lahaa oo waxaa dhashay Maryama bintu Cimraan.
TIIRKA 4AAD: IN RASUULLADA LA RUMEEYO.
SU’AASHA 124

• S: Ma jirtay qof dumar ah oo Nebiyad ahayd?


• J: Maya, ma jirin Nebi haween ahaa. Nebiyadu waxay ahaan jireen dhammaantood rag reer magaal ah.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 118-124
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

• S: Nebi Ibraahin muxuu kaga duwanaa nebiyada kale oo lagu xasuusan karaa?
• S: Nebi Ibraahin qaabkee ayuu dacwaddiisa u soo bandhigi jiray?
• S: Nebi Muuse sidee quraanku uga sheekeeyey?
• S: Muxuu ku baaqayey Nebi Muuse?
• S: Muxuu Nebi Muuse kaga duwanaa Nebiyada kale?
• S: Sheeg laba nebi oo aan midkoodna aabbo dhalin?
• S: Ma jirtay qof dumar ah oo Nebiyad ahayd?
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 125

S: Waa maxay rumaynta maalinta dambe?


J: Rumaynta maalinta dambe amaba maalinta qiyaame waa; in la rumeeyo waxkasta oo iman doona geerida
dabadeed oo kitaabka lagu sheegay ama Nebi Muxammed (scw) sheegay.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 126

• S: Maxaa soo hoos gelaya rumaynta maalinta dambe?


• J: Rumaynta maalinta dambe waxaa soo hoos gelaya:
• In la rumeeyo geerida iyo waxa ka dambeeya sida; su’aalaha qabriga, cadaabul-qabriga iwm.
• In la rumeeyo calaamadaha qiyaamaha ee ka soo horreeya rogmashada adduunka.
• In la rumeeyo suurta la afuufayo ee lagu rogmanayo marka dambena laysku soo saarayo.
• In la rumeeyo yoolka maalinta qiyaamaha ee lays taagayo iyo dhibkiisa
• In la rumeeyo xisaabta qiyaamaha ka dhacaysa.
• In la rumeeyo jannada iyo nimcadeeda.
• In la rumeeyo cadaabta iyo xanuunkeeda.
• .
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 127

• JS: Maxay ku kala duwan yihiin saddexdan erey:


• A) Maalinta dambe
• B) rogmashada adduunka iyo
• C) Yoomal-qiyaamaha?

• J: Saddexdan erey waxay kala yihiin:


• A) Maalinta dambe waxaa loola jeeda aakhrio oo dhan, laga bilaabo dhimashada ilaa is abaalmarinta.
• B) Rogmashada adduunkana waxaa loola jeedaa marka suurta la afuufo si loo soo afjaro noloshii adduunka oo
dhan.
• C) Yoomal-qiyaamahana waxaa loola jeeda maalinta dheer ee loo taaganyahay xisaabta.
• .
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 128

• S: Hadma ayey bilaabmaysaa maalinta dambe?


• J: Waxay bilaabmaysaa marka uu qofku dhinto.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 125-128
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

• S: Waa maxay rumaynta maalinta dambe?


• S: Maxaa soo hoos gelaya rumaynta
• S: Maxay ku kala duwan yihiin saddexdan erey:
• Maalinta dambe
• rogmashada adduunka iyo
• Yoomal-qiyaamaha?

• S: Hadma ayey bilaabmaysaa maalinta dambe?


TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 129

• S: Maxaa la kulmaya qofka, marka uu dhinto?


• J: Marka uu qofku dhinto waxaa la kulmaya itixaan ay ka qaadayaan laba malag. Itixaankaasi wuxuu ku
saabsanyahay caqiidadii uu qofku rumaysnaa.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 130

• S: Labada malag ee qaabilsan itixaanka ama su’aasha qabriga, maxaa la yidhahdaa magacyadooda?
• J: Labadaas malag waxaa lagu kala magacaabaa Munkar iyo Nakiir.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 131

• S: Waa maxay su’aalaha labadaa malag ay qofka ku waydiin doonaan qabriga?


• J: Labada malag ee Munkar iyo Nakiir waxay qof walba waydiinayaan marka uu dhinto ee la xabaalo , saddex
su’aalood oo kala ah:
1. Rabbigaa waa ayo?
2. Diintaadu waa tee?
3. Nebigaagu waa kuma?
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 132

• S: Jawaabaha saxda ah ee labada malag ka rabaan qofka dhintay maxay yihiin?


• J: Jawaabaha saxda ahi waxay yihiin:
• Rabbigay waa Alle
• Diintaydu waa islaam,
• Nebigayguna waa Muxammed (scw).
• Jawaabahaas wuu u sahlayaa ilaahay qofka muuminka ah, qofka munaafaqa ah ama kii ka shakisanaa-na waa lagu
adkaynayaa ama laga masaxayaa.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 133

• S: Muxuu la kulmayaa qofka muuminka ahi marka uu su’aalaha ka jawaabo?


• J: Marka itixaanka qabrigu dhammaado, waxaa u bilaabmaya qofka muuminka ah ee garta jawaabta saxda ah,
hordhaca nimcooyinka jannada uu geli doono.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 134

• S: Maxaa ka mid ah nimcooyinka qabriga?


• J: Nimcooyinka uu muuminku ku helayo qabriga waxaa ka mid ah arrimahan:
• Waxaa loo goglayaa gogol ka mid ah gogosha jannada.
• Waxaa loogu labbisayaa wax ka mid ah dharka jannada.
• Waxaa loo ballaqayaa albaab ay jannadu leedahay, si uu ugu il qabowsado nimacada meeshaas taal iyo si uu u helo
udgoonkeeda.
• Qabriga waa loo waasicinayaa.
• Waxaa loogu bushaaraynayaa raalli ahanshaha Alle iyo Janadda.
• Qabriga ayaa loo nuurinayaa.
• Waxa uu helayaa hurdo raaxo leh.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 135

• S: Maxaa ku dhacaya qofka munaaqa ah marka uu ka jawaabi waayo su’aalaha qabriga?


• J: Marka itixaanka qabrigu dhammaado, waxaa qofkii itixaanka ku dhaca u bilaabmaya, Cadaabul-qabriga oo ah
hordhaca cadaabta weyn ee uu geli doono qiyaamaha ka dib.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 136

• S: Maxaa ka mid ah cadaabta qofka xun loogu soo bandhigayo qabriga?


• J: Cadaabul-qabriga lagu ciqaabayo munaafiqa waxaa ka mid ah arrimahan:
1. Waxaa lagu garaacayaa dubbe bir ah.
2. Waxaa qabriga loogu goglayaa dhamac.
3. Naar ayaa loogu labbisayaa.
4. Waxaa loo furayaa albaab xagga naarta ah.
5. Qabriga ayaa lagu cidhiidhinayaa.
6. Waxaana loogu bushaaraynayaa cadaabta aakhiro.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 137

• S: Hadma ayuu dhacayaa qiyaamuhu?


• J: Cidi ma oga wakhtiga uu dhacayo qiyaamuhu, ilaahay mooyaane. Ilaahayna wuxuu sheegay inuu cid walba ka
qariyey Qiyaamaha. Habase ahaatee waxaa la sheegay calaamado ka soo horreeya oo lagu garan karo.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 138

• S: Calaamadaha Yoomal-qiyaamaha ka soo horreeyaa maxay kala yihiin?


• J: Calaamadaha qiyaamaha waxaa loo qaybiyaa laba qaybood; calaamado yaryar iyo calaamado waaweyn.
Waxaana soo horreeya calaamadaha yaryar.
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 139

• S: Maxaa ka mid ah calaamada yoomal-qiyaamaha ka soo horreeya ee yaryar?


• J: Calaamadaha Qiyaamaha ee yaryari way badanyihiin, waxaana ka mid ah:
1. Soo bixiddii Nebi Muxammed (scw) iyo dhimashadiisii.
2. Ammaanada oo la dayaco oo ah in madax laga dhigto cid aan u qalmin.
3. Cilmiga diinta oo la waayo.
4. Ku dhaqanka Ribada oo badata.
5. Sinada oo badata.
6. Khamri cabbidda oo la xalaashado
TIIRKA 5AAD: RUMAYNTA MAALINTA DAMBE (YOOMAL QIYAAMAHA)
SU’AASHA 139

7. Dilka iyo dagaallada oo bata.


8. Wakhtiga oo isu dhawaada.
9. Masaajidada oo la qurqurxiyo.
10. Dhul gariirrada oo bata.
11. Dadka asalkoodu yurubiyaanka yahay oo fara bata.
LAYLIS (FRÅGESPORT) 129-139
KELIGAA ISWEYDII AMA QOF KALE LA CIYAAR TIJAABI IN AAD JAWAABAHA GARANAYSO.

1. S: Maxaa la kulmaya qofka, marka uu dhinto?


2. S: Labada malag ee qaabilsan itixaanka ama su’aasha qabriga, maxaa la yidhahdaa magacyadooda?
3. S: Waa maxay su’aalaha labadaa malag ay qofka ku waydiin doonaan qabriga?
4. S: Jawaabaha saxda ah ee labada malag ka rabaan qofka dhintay maxay yihiin?
5. S: Muxuu la kulmayaa qofka muuminka ahi marka uu su’aalaha ka jawaabo?
6. S: Maxaa ka mid ah nimcooyinka qabriga?
7. S: Maxaa ku dhacaya qofka munaaqa ah marka uu ka jawaabi waayo su’aalaha qabriga?
8. S:Maxaa ka mid ah cadaabta qofka xun loogu soo bandhigayo qabriga?
9. S: Hadma ayuu dhacayaa qiyaamuhu?
10. S: Calaamadaha Yoomal-qiyaamaha ka soo horreeyaa maxay kala yihiin?
11. S: Maxaa ka mid ah calaamada yoomal-qiyaamaha ka soo horreeya ee yaryar?

You might also like