You are on page 1of 2

Marag haloo yeelo

24/12/2012

By Jh suleiman

omane24@yahoo.com omane24@gmail.com Suleiman-jama@hotmail.com

Nin la yidhaahdo Axmed Cabdi Qaybdiid oo ku magac dheer(Axmed Caynaanshe), Oo aanu saaxiib nahay ayaan maalin dhoweyd waxaanu ku kulanay makhaayad laga cunteeyo Oo ku taal magaalada Johannesburg.markaanu qadeyney ayuu si kaftan ah wuxuu u yidhi anigu waan hurdo tegeyaa adna waxay ila tahay inaad xagaa iyo beerta u jihaysan doontid isagoo u jeeda qaad ayaad doonanaysaa.beryahan qaadkii si baan uga soo taaganahay waxayna u badan tahay inaan faraha ka qaadi doono ilayn adba waadigaa joojiyaye ayaan ugu jawaabey, intuu dhaqaaqay ayuu ii soo eegay isagoo aad Moodo inuu Leeyahay (faan badanaa iyo ma adigaa ku dhaca). Markaa waxay ila noqotay inaan arintaa wax ka idhaahdo. 1. 2. 3. 4. 5. 6. 7. 8. 9. 10. 11. 12. 13. 14. 15. 16. 17. 18. 19. 20. 21. 22. 23. 24. 25. 26. 27. 28. 29. 30. 31. 32. 33. 34. 35. 36. 37. 38. 39. 40. 41. 42. 43. Axmedow maqaal iyo tix baan maandhe qorayaaye Arin igu mudnaa oo wax badan laabta miranaayey Ayaan caawa meel saarayaa kuu marinayaaye Marag inaad ka noqotaan rabaa maansadaan tirine Bal i maqal adaa mooyi yidhi meeriskaan idhiye Miidaanka beertiyo* jidkaa muqayil loo ootay Mayfair* la waa maalin qudha inaan maqnaadaaye Gurigaa musbaarada wax muda deyrka lagu meershey Axmed Aar* malkaduu qaytayee lays dhex maaxaayo Ayaan qaad macmiil laygu dhigay duhurki miistaaye Bakhayl baa ku meer meeriyoo meeqadaa gurae Anigoon masuugaynin baan maalka bixiyaaye Oon mahadnaq ugu sii daraa kana maleegtaaye Miis lama fadhiistiyo gidaar meel makhaayadahe Min akhyaari joogtaa barjaha lagu murqaamaaye Mar hadaan ragii maali jirey macalin sheekaynin Ama aan maqaawiir wax garad medeni haasaawin Mejlis buuqa iiguma baxdiyo mawlacyada qaare Isagoon wax miisaaminoo aan macnaha dhuuxin Mid siyaasad ay madax martoo gelinba reer maaga Oo muusanow waxaan aheyn laga macaashaynin Mas dil lama fadhiistiyo mar duul kii mar dhoof tegaye Muran iyo qabiil kama baxaan madal ay joogaane Masaliyo furaash iyo barkimo madhanta taageerta Makhsin gogoli taal baan hadhkii midigta tiirshaaye Suugaanta kama maaraniyo muusig iyo luuqe Murti lays ku baantaa jirtiyo midhaha qaarkoode Oo dheguhu goortay maqlaan laga mafsuudaaye Intaan Maxamed Kuluc*iyo Sagsaag*Mooge*ku caweeyo Sow mirasho soojeed barjaha muuni kuma gaadho Marka waagu muuqdee salaad muadinkii yeedho Inta aan musbaaxyada danshoo meel kastaba awdo Oo daaqadaha maro ku xidho kuna madoobeeyo Dhaaxaan mugdiga weheshediyo muusig ii baxaye Oo sii macaansadey fadhiga mawjad sii galaye Markaasaan aduunyada mugeed wada mushaaxaaye Oo meerayaasha u baxaa maylka tiriyaaye Oo aan masaafo cabiraa soo mitiriyaaye Oo marin ka jeexaa cirkoo laami mariyaaye Waase male awaal iyo khayaal muqayil caadkiiye Inkastood mashaariic dhistoo mawqifyo aad gaadho Weligaa waxaad maamushaa madhax ma yeeshaane Goortaad murqaan goyso bay kaa masaxantaaye

44. Ama meeshi baad kaga kacdaa muhindiskaagiiye 45. Hadii kale maroor bay noqdaan maalin gelinkeede 46. 47. 48. 49. 50. 51. 52. 53. 54. 55. 56. 57. 58. 59. 60. 61. 62. 63. 64. 65. 66. 67. 68. 69. 70. 71. 72. 73. 74. 75. 76. 77. 78. 79. 80. 81. 82. 83. 84. 85. 86. 87. 88. 89. 90. 1. 2. 3. 4. 5. 6. 7. 8. 9. Afartaa sidii macalinkii muunad ma u sheegay Miimkiyo higaadiyo naxwaha maysu wada muujey Caawana mid baan maaganee maanso iga hooya Hereriga minjaha loo xidhaye muuska lagu duubay Mitimbiiligiyo daba musbaar maydhaxliyo cawsle Maroongiga la diirtiyo gisaha meerow laga keenay Marameelihiyo* baagihiyo* miirow iyo geed jin* Macaan iyo qadhaadh wuxuu lahaa wuu i soo maraye Hayeeshee muraad iiga qumin melefsigiisiiye Waa maal ku dheel loofarnimo waxaad ka maashaaye Maskax daashey iyo qaadiraa laga macaashaaye Noloshaba mushkilad buu ku yahay moodka iyo noole Mahadhooyinkuu geystey baan midhadh ka faaloone Muruqmaal mid lagu soo tabciyo muqadin waayeel ah Inta qaad nin beri muuqan jirey khayrki hoos mariyey Ama uu marley iyo haween marinka weydaarshey Oo muunadii uu ka diley midabki loo uumay Marwo iyo intuu mudanaheed meel xun kala geeyey Macaluul intuu baday caruur kuna masruuf weydey Malyuun iyo badh bay gaadhayaan maataduu rogaye Waa geed wax laynoo marshoo aad u muhataaye Oo aad mushahar iyo mulkiba jeebka madhisaaye Waa geed maxbuus kaa dhigoo lagu mashquulaaye Oo aad muraad iyo wax qabad kaga maqnaataaye Ma shaqayste geed ka dhigoo melega weeyaane Ood meehanow iyo shaxaad magac ku weydaaye Waa geed manfaco kaa jaroo sabarku miiqmaaye Oo uu maqaarku engegaa muuqa oogaduye Ma huraan dalkii iyo qurbaha labada meeloodba Waa geed mujtamacii la degey oo masiibo ahe Inuu meherad shaydaan yahaan muran ka taagnayne Dacar lagu mergedo iyo sun baa lagu metaalaaye Moorfiin*ka daran iyo xashiish midho dhunkaaleede Maandooriyuu ugu xun yahay mur iyo waabaye Ma tabcade budhweyniyo malaal mukhawi mooyaane Ninba maalin buu maanacaa maya yidhaahdaaye Adba waadigii miran jiraye hay miliilicine Magarkaa ku dhigay labada fool meeye baa xigiye Inta aan ilkaha qaar i madhan ama madoobaanin Ama aan dhentiis*milic kulayl miciyaha i siibin Waa iga mamnuuc baagihii moogan dabadeede Macaariiftu hay wada maqleen maansadaan qoraye Mareegaha netku ha daabaceen meylka tebiyaaye Moolkiyo magaalada ha xulo maarket iyo suuqe Miyina ha ka duushee tixdaa marag ha loo yeelo Beerta: xarunta qaadka lagu iibiyo Mayfair *waa xaafad ku taal johannesburg oo soomaalidu degto . Axmed Ibraahin Aar (Marameele,Baage, iyo Geed jin)magacyo loo yaqaan qaadka South Africa ka baxa qaar ka mid ah. Maxamed Axmed Kuluc Cabdalle Maxamed Sagsaag Maxamed/Axmed Mooge Moorfiin (morphine) Dhentiis (dentist) dhakhtarka ilkaha

You might also like