You are on page 1of 4

1

Haddii Qalinkii Qalalay!


W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

Abwaanka caanka ah Cabdi Muxumad Amiin (Ilaahey ha u naxariistee) ayaa wuxuu


curiyay hees hal-xiraalle ah asaga oo sawir ka bixinaaya xaalada Soomaaliya ee 1969.
Abwaanku wuxuu hal-xiraalkaas ku weydiiday su’aalo ay ka mid yihiin “haddii dawadii
bukooto maxaa lagu dabiiba”? iyo “haddii dabkii dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa”?
Hal-xiraalka hore, waxaa loola jeedaa “[daliilnimada] diintiyo, dastuurkiyo xeerka,
haddii dabool la saaro, dawo bukoote weyee”. Hal-xiraalka labaadna waa “ruux hadii la
doorto darajadii la saariyo, xilkii daryeelli waayo, dab dhaxamoode weeyee”.
Haseyeeshee, abwaanku ma sheegin sida lagu diirin karo dab dhaxamoode, laguna
daweyn karo dawo bukootay; laakiin, wuxuu bixiyay tilmaan iyo tusaaleyn aad u fiican.
Annaga oo abwaanka tusmadiisa raaceynaa, waxaa soo if-baxay hal-xilaalaha ah “hadii
qalinkii qalalo, maxaa lagu qoraayaa? Qalinku wuxuu qalalaa haddii si wax loo qoro la
waayo oo wax kasta isku darsamaan, kheyrka iyo shartuna is-dhex galaan, ama qoraalku
naftaada khatar geliyo. Maanta labadaas xaaladood ayaa taagan. Waxaan joognaa yaan la
hadlin, yaan la qorin, haddii kale ciqaabteedu waa toogasho iyo dil! Alle ha unaxariisto
inta geesiyaasha ah oo gardarada loogu dilay hadalka iyo qoraalka ee uu ugu dambeeyay
Agaasimaha Idaacadda iyo TV Shabelle mudane Mukhtar Moxamed Hiraabe.

Sida qalmaan badan ay uqalaleen, ayaa qalinkeygii qalalay oo qoritaanka waa diiday!
aniguna kama aan quusaan oo quusitiinu ma aqaan. Mar kasta oo aan isku dayo inaan
wax qoro, waxaan sheego waa waayay. Hadana ma aamusi karo oo waxaan xasuustaa
xadiiskii Nabigeynaa (saw): “Ruuxii arka wax munkar ah, haku bedelo gacantiisa, hadii
uu kari waayo, haku bedelo carabkiisa, haddii uu kari waayo, haku bedelo qalbigiisa,
taas ayaana ah meesha ugu daciifsan imaanka”. Inkasta micnaha xadiiskaan siyaabo
kale duwan loogu adeegsaday oo koox kasta oo dagaal ku jirta usoo daliishato iney
munkar reebayso, laakiin sida la ogyahay, xoog adeegsi sharciyeysan (legitimate use of
force) waxaa iska leh dawlad sharci ah. Xoog adeegsi ma aha hawl utaalla koox aan
dawlad aheen, marka laga reebo gobanimo-doonka xaqqa ah. Haseyeeshee, labada qodob
2

oo kale, kuwaas oo kala ah in wixii munkar ah laga hadlo ama qabliga laga naco waa arin
ruux kasta lagana rabo. Gaar ahaan, aqoonyahaanada waxaa looga fadhiyaa iney ka
hadlaan waxyaabaha foosha-xun ee ka socda koofurta Somaaliya. Waa in laga hadlaa
arimahaas si Ilaahey agtiisa cudur-daar looga helo, loona badbaadiyo qarannimada,
maatada, sharafta iyo karaamada Somaaliyeed.

Laakiin, maxaa la sameynayaa haddii qalinku qoritaanka diido? Waxey noqotay in


qalinka la qur’aan saaro oo Ilaahey loo baryo iyo in loo wardiyo, loona duco qaado.
Sidaas darteed, ayaan saqda dhexe dhawr rakco ugu dukaday, waxaan ku baryaayay Ilaah
ducada Qur’aanka ku jirta ee ah “ Rabi ishrax lii sadrii, wa yasir lii amrii, waxlul
cuqdatan min lisaani yafqahu qawlii” oo ah erayadii uu ku duceystay Nabi Muuse (CS).
Micnaha ducadaasu waa: “Ilaahow laabteyda iifur, arinkeyga ka dhig mid fudud,
carabkeygana ka fur gunuda si ay hadalkeyga u fahmaan”. Saqda dhexe, aniga oo
duceysanaya, waxaan maqlaayay oohinta caruurta cabsida iyo qaajada la seexan waysan
oo hooyadood dhabta ku hayso ayada oo Ilaahey u eed-sheeganeysa. Waxaan maqlaayay
ayada oo dheheysa“ Ilaahow kuwaan naga qabo”, “ Ilaahow kuwaan naga qabo”, “ ma
sidaan ayaa diin ah!” “Ilaahow adiga kale ayaan ku dansheegtay ee naxariistaada nala
soo gaar, kuwa daalimiinta ahna naga qabo”!. Waxaa kale oo dhegaheyga kusoo
dhacaayay riinka iyo adaarka dhawaaca dawo la’aantu hayso oo waran geedaha
hoostooda iyo habaarkooda oo aan kala go’a laheyn! Waxaan maqlaayay dhawaaqa
waayeel aan qixi karin oo xanuun iyo daryeel la’aatu hayso oo ashahaatanka iyo
subxanalayska aan kala joojineyn!. Waxaan maqlaayay … waxaan maqlaayay ….
Waxaan maqlaayay wax kasta oo dhaqaajin kara damiirka aadamiga oo aan marna laga
amusi karin!

Markaas ayaan qalinkeygii kusoo jeestay oo aan baryay; fadlan wax qor waqti la amuso
lama joogee! wuxuu iigu jawaabay: anigu waxba ma qori aqaan, waxba ma qori karo.
Waxaan mar kale ku iri: qor oo hawshii laguugu yaqiinay ee qoritaanka aheed haka
fadhiisanin! wuxuu hadan ku jawaabaya, haddii xaalku sidaas yahay, hadaba iisheeg
maxaan qoraa? Waxaan ku iri: sanado badan waxaan kuu sheegi jiray wax kasoo qaado,
aniga caqligii ayaa iga faaray ee adigu wax soo xasuuso! Wuxuu qalinkii isdaba geliyay
3

su’aalaha ah: oo maxaa la qorayaa? Yaa wax loo qorayaa? Afkee wax ku qoraa? Waxaan
ku iri: Somali wax u qor, af-Somaali wax ku qor, wixii la qorayana aniga ha iweydiin.
Wuxuu igu yiri: sida aan arki jiray, Somaalida intooda badan wax ma qoraan, waxna ma
aqriyaan, inta yar oo wax aqrisana intooda badan wax ma fahmaan, inta yare ee wax
fahamtana intooda badan fikirka la qoro dan kama leh ee waxy aqriyaan ruuxa wax qora
markii la reebo in yar oo Ilaahey u naxariistay! Qalinkii wuxuu yiri: anigu reerna kama
tirsani, kooxna kuma abtirsado, Somaali ma ihi, waxaan ahay aadami, waan ku abtirsadaa
Nabi Aadan (CS), waxaan qoraa runta, waxaan ka tarjama nabadda iyo hurumarka,
waxaan jecelahay nidaamka iyo dawaldnimada. Hadaba, sidii aan Somalida noocaas ah
wax ugu qorayaa, igama dhaaftidoo?

Waxaan ku iri: lagaama dhaafaayo ee wax sheeg, hadii lagu dhaafo, waxey la mid tahay
ayada oo la isdhiibay, ayada oo kuwa dagaalada hurinaya loo hogaansamay, ayada oo
mustaqbalka mugdi la geliyay, sidaasna ma aha dhaqanka ruuxa muslimka ah oo laga
rabo inuusan marna quusan. Wuxuu ugu dambeyntii yiri: hadaba waxaa qorayaa dhawrka
eray ee soo socda ee dadka iga gaarsi. (1) Ha isdilinna, ha isku xoog-sheegana, ha
isxaqirina, wada-tashada, walaalooba. (2) Wada hadla, shesheeye ha isku
kaalmeysana, faragelin shesheeye ka maarma. (3) Dawlad la’aan wax uga daran
Somaalida ma laha, dawlad la’aan lama dhaqangeli karo shareecada Islaamka.
Dawlad ayaan idinku ogahay.

Waxaan ku iri: intaas Somaalidu waa ogyhiin, hadana waa lagu kari waayay iney ku
howlgalaan ee maxaa talo ah? Wuxuu yiri: “madax nool iyo middi saawir ah midna
lagama quusto”. Waxaa Ilaahey naga rabaa inaan la quusan oo dadaal joogta ah aan ku
jirno oo meel kasta aan ka baadi-goobno xalka. Sidaas ayaa abwaanka caanka ee
Somaaliyeed Moxamed Ibrahin Xadraawi si qurux badan ugu cabiray gabagaan aan qeyb
ka mid ah soo qaatay:

Markay dani meeday tidhi Maxaan talo meel ka dayey


Markay dani maaha tidhi Weydiiyey qof meel ka dayey
Markay dani maaha tidhi Ku laabtay halkaan ka dayey
4

Markay dani maaha tidhi Ka sii dayey meel la dayey

Qalinkeygii wuxuu soo gunaanaday qoraalkiisa asaga oo intii hore ka rajo fiican markaan
waano iyo duco iskugu daray: “Ilaa dulmigii mudadda dheer la gelaayay laga tooban
keenayo, Ilaa inta dawlad diidka ah Ilaahey soo hanuuninaayo ama laga adkaanaayo,
ilaa inta dadka wanaagsan madaxda bulshada iyo dalka ka noqonayaan, wax weyn
iskama bedelayaan xaalka Somaaliya”. Hadaba, furaha guusha Somaaliya waa inuu
dhaco isbedelka caqliga iyo fikirka oo ku yimaada waxbarasho iyo barbaarin. Waxaan ku
soo gunaadeenaa qoraalkaan, ayaadda Qu’aanka ah “Ilaahey ma bedelo xaaladda qawn
ku suganyihiin [wanaag iyo xumaan], ilaa ay ka bedelaan waxyaabaha naftooda ku jira
[khayr ama shar]…”. Waa taas tubta toosan, wadadda guusha, wadda kalena ma jirto!
Xataa haddii qalinkii qalayay, ha quusan oo qoraal ha dayn !!!

You might also like