You are on page 1of 60

WAAYAHA IYO WACDARAHA QAADKA

M/Q:Cabdiqani Iid Cilmi

Taatiikhda Daabacaadda- May 25, 2013

qanoeid@gmail.com

1
Xuquuqda buugan waxa iska leh qoraaga,

fadlan lama kobiyayn karo ogolaansho la’aan.

Illaaahay fadligiisa qorista buugani waxa ay dhamaatay


taariikhdu markii ay ahayd 16.3.2013.

Daabacaadaa 1aad.

Cinwaanka Qoraaga: qanoeid@gmail.com

2
HIBAYN

Buugan oo ah buug aan aad u waynayn Waxan u Hibaynayaa


hooyaday Faadumo Yuusuf Muxumed oo aanan marnaba
abaalkeeda gudi Karin ibartayna in aan Guushu
dhamaan,Guuldariduna ahayn dhamaadka.

waxa kale oon u hibaynayaa buugan aabahay Iid Cilmi Ismaaciil


oo usoo dhabar adaygay sidii uu ii korin lahaa aniga oo ah ruux
ka dhisan dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada nolosha kuna
dadaalay sidii uu iigu kobcin lahaa diinta islaamka. Waxa kale
oonan marnaba hilmaami Karin inaan u hibeeyo buuga
walaashay Ifraax Iid Cilmi oo aad ii kaalmaysay yaraantaydii
iyo dhamaan walaalahayga aan guriga ku soo wada kornay.

3
TUSMADA BUUGA

 1.1 Hordhac………………………………………………
 1.2 Qaad ?..........................................................................

 1.3 Taariikhda Qaadka………………………………….


 1.4 Qaadka & Yaman………………………………….
 1.5 Qaadka &Somalida……………………………….

 2.1 Gabayga Qaadka ee Qoraaga…………………….


 2.2 Wacdaraha mirqaanka………………………….
 2.3 Habdhiska kimikaled ee Qaadka………………..
 2.4 Noocyada Qaadka……………………………….

 3.1 Dhacdooyinka mirqaanka………………………..


 3.2 Wakhtiyada loo fadhiisto Qaadka………………
 3.3 Qaadka & Caafimaadka………………………

4
 4.1 Qaadka & Diinta………………………………
 4.2 Aragtida sharci ee Qaadka…………………….
 4.3 gabaygii Qaadka ee Abwaan Hadraawi…………

5
HORDHACA BUUGA

Sida la wada ogyahay umid waliba waxa ay leedahay taariikh


amaba dhaqan soo jireena oo ka hadlaya dhacdooyinkii soo
maray.

Hadaba marka soomaali dhaqankeeda laga sheekaynayo ayaa


waxaa marnaba aan la hilmaami Karin geedka Qaadka la dhaho
oo ah geed meel dahaba kaga jira taariikhda soomaalida ama
shucuubta ku dhaqan mandiqada geeska afrika .

Dhaqanada soo jireen ka ah ee soomaalidu leedahay laguna


xasuusan karo halka Qaadku kaga jiray dhaqankeena ayaa
waxaa ka mida in masaajidadeenu lahaayeen qol lagu qayilo
illaa imikana la helo masaajido leh qolkii qayilaada.

Buugan ayaa waxa aan aad ugu soo koobkoobay si akhriskiisu


u fududaado dhamaan dhinacyada qaadka ee uu leeyahay hadii
ay noqoto taariikhdiisa, waayihiisa,

wacdarihiisa iyo aragtidiisa sharci waxa kale oo intaa


6
dheer gabayo haday noqoto qaar aan anigu curiyay ama qaar
hore usii jiray sida gabayga abwaan hadraawi ee qaadka.
Buugan ayaa waxa ku qoran dhamaan cilmigii uu u baahnaa
qof soomaaliyeed oon qaadka wax ka aqoon walaw haba
yaraadaane.

Marka aynu leenahay waayaha amaba wacdaraha Qaadka ayaa


waxaa lays waydiin karaa, waa maxay waayuhu ama
wacdaruhu?. Waayuhu waxa weeye dhamaan taariikhihii uu soo
maray geedku dhaladkiisii illaa wakhtigan aynu joogno halka
wacdarihiisuna ka noqonayaan dhacdooyinkii iyo falalkii ay
sameeyeen balwadlayaasha Qaadku kadib markii ay cuneen
Qadka ee ay mirqaameen.

7
 Qaad

Waa maxay Qaad?

Qaad ku waa geed aan midho lahayn lakiin caleemo leh oo


dadka qaarkii ay cunaan caleemihiisaa. geedkan oo aan la
garanahaynin taariikhdiisa rasmiga ah, ayaa waxaa loo celiyaa
dhalashadiisa islaamka ka hor amaba dhalashadii nabi Ciise
(CSW) ka hor, geedkan ayaa hadaba ka baxa meel ka saraysa
4000-9000 oo fiit heerka Bada halka dhararkiisuna gaadho
1.4m-3.1m, dhulal ka qaarkoodna waxaabu gaadhaa 6m.

Geedkan ayaa dadka cuna waxa uu galiyaa xaalad khayaali ah


isaga oo ka maaran siiya qofka cuna cuntada, cabista, hurdada,
iyo xiisaha dumarka, inta uu ku jiro xaaladaa khayaaliga ah .

Nin ka mida badwadlayaasha qaadka cuna oo maalin ii


waramay ayaa waxa uu ii sheegay in inta ay Qaadka u fadhiyaan

ay dareemaan xaalad farxadeed iyo ladnaanshiiyo warwarkii


haystayna uu ka tago waxa kale oo uu intaa ku daray in inta ay u
fadhiyaan Qaadka ay qorsheeyaan boqolaal qorshe oo waxba
kama jiraan ah.

Wadamadee ayaa uu ka baxaa Qaadku?


8
Inta la ogyahay waxa uu ka baxaa geedkani wadamo badan
iyaga oo qaarkood u beerta qurux ahaan hadaba wadamada uu
kabaxo Qaadku ayaa waxa lagu qiyasaa in ka badan
20dawladood oo caalamka ka tirsan, waxaana ka mid ah Yemen,
Kenya, Somalia, Ethiopia, oo ganacsi ahaan u beerta , waxa kale
oo uu kabaxaa geedkani wadamada ay kamidka yihiin Turkistan,
Saudi Arabiya, Morocco, Zambia.

Tix gabay ah oo qaadka ka hadlaysa .

Geed qaad la dhaha oo

Qiimihiisu jabnyoo

Qadarkiisu badanyoo

Qaxar iyo dhibaatiyo

Qayladiisu go’inoo

Dadka qaarkii cuna oo ,

Baraqo loo fadhiistaa

Soomali dhalan rogay.

Illaa tan iyo waagii

9
Soomaali noolayd

Intaa waa la cunayoo

Waa caleen qadhaadhoo

Cidi aan jeclayn oo

Aaba yaasha badankood

Iibskiis ku adagyoo

Ubadkood u iibshaan.

Dheeftiis waa mir iyo qaan

Maaweelo badanoo

Murrtidiisu marag iyo

Markhaati aan dhamaan iyo

Tahay looma ooyaan.

Geed guntiisu dheertoo

Waayeel nimaan ahayn

Cilmigiis ka dheeryahay.

Dad shisheeye beerto


10
Aan dadkiisu cuninoo

Umadeenu jeceshahay.

Dhamaanteen yar iyo wayn

jidka jidka wxyn u fadhinaa

Jaadka haybintiisoo

Hawlo aan la koobayn

Buu inaga habaabshee

Halla joojo Qaadka. !!!

 Taariikhda Qaadka

Qaadku waxa uu ka mid yahay geedadka aan taariikhdooda si


cad loo haynin hase ahaate waxaynu ka sheegi doonaa inta laga
hayo.

Qarnigii 12 aad ayaa waxa lagu bartay beerista Qaadka qaybo


ka mida ah yaman gaar ahaan Cutmah iyo Jabalu Sabra halka
Sanca lagu bartay Qaadka bilawgii qarnigii 13aad meesha
11
layidhaahdo Xaymah isaga oo kusii faafay Banii Madar isla
qarnigaa badhtamihiisii ayaa waxa uu ku

sii faafay Hamdaan.

Sanadkii taariikhta miilaadigu ahayd 1237 ayaa nin la odhan


jiray Najiib Samarqandi oo buug ka qoray Qaadka iyo Bunka
ayaa waxa uu ku sheegay buugaa isaga oo ka waramaya Qaadka
in uu yahay geed ka baxa Kilwa oo ah magacii hore ee
looyaqaanay Kenya geedkaas oo ay u adeegsan jireen in ay
firfircoonaadaan iyo in ay walaaca kaga hortagaan halka ay
sidoo kale ku daawayn jireen malankooliyada(beermadawga).

Ibnu Fadlulah Alcamiri oo noolaa 1249-1342 ayaa isna buug


uu qoray oo layidhaa Masalik al absaar ayaa waxa uu ku
sheegay in uu Qaadku yahay geed xabashiyeed oo aan lahayn
midho la cuno laakiin ay dadku cunaan caleemihiisa yaryar ee
jilicsan kaas oo qofka cuna kamuujiya fahmad iyo ladnaanshiiyo
kana maaran siiya qofka cunist, cabista, iyo galmada, waxa kale
oo uu ku daray qoraagani intaa in dadka cunaa ay kala
badsadaan cunistiisa una kala badasadaan sida ay ukala
mushkilado badan yihiin, waxa kale oo cuna qaadka dadka
doonaya inay soo jeedaan si ay u guurogalaan ama doonaya
12
inay shaqo hore u dhameeyaan ,qoraagu isaga oo ka waramaya
dadka reer yamaneed ayaa waxa uu kutilmaamay dadka

reer yamaneed in ay aad u jecelyihiin geedka Qaadka la dhaho


laguna tilmaami karo sida ay u jecel yihiin Qaadka in ay la
midtahay sida ay u jecelyihiin Hindidu maandooriyaha batalka
la yidhaa.

Wakhtiyadii u dhaxaysay 1314-1344 ayaa waxaa Qaadka


looga adeegsaday mandiqadan geeska afrika in lagaga hortago
kacdoonada iyada oo loo beerayo geedka Qaadka
kacdoomayaasha sida ay boqortooyo

ardul xabash ka jirtay ay ugu beertay dad kacdoon ahaa oo


kasoo horjeeday maamulkeeda oo ku dhaqnaa meel la odhan
jiray Maracade kadibna waxa ay kacdoomayaashii ku
mashquuleen cunista Qaadka waanay iska iloobeen kacdoonkii
dawllada, nin Sabru Diin la odhan jiray oo xukumi jiray Ifaath,
(ifaath waxa laysku odhan jiray jabuuti ilaa aaga saylac ) ayaa
waxa uu dagaal la galay boqortooyadii xabsheed waanu ka
guulaystay boqortooyadii hasa ahaatee waxa uu ka dhaxlay

13
cunista qaadka isaga oo ku sii faafiyay dhulkii kale ee
soomaalida badankiisa.

Ibnu Xajar al haysami oo ahaa culimadii shaaficiyiinta ugu


waawaynaa ayaa waxa uu qoray kitaab uu ugaga digayo dadka
lagu kalsoonyahay Qaadka, waayo waxa uu

nin Abiibakar la yidhaa uga waramay geedka Qaadka isaga oo u


sheegay in qofka cuna geedka Qaadka la yidhaa uu mirqaamo
murugadii haysatayna ay ka tagto firfircoonina helo mararka
qaarna in qofka kaadidiisa uu wadida soo raaciyo ay tahayna
wax lagu ibtileeyay dadkii yemen daganaa.

Shan nin oo loo diray in ay cilmi baadhis ku soo sameeyaan


dhirta cusub ee carabta sanadadii 1761-1763 ayaa badankoodu
dhinteen sababo la xdhiidha duruufaha safarkooda waxaana ka
soo hadhay nin Kiristan Naybur la odhan jiray ninkan ayaa
hadaba qoraalo uu sameeyay kaga waramay in Qaadku ka mid
yahay dhirta cusub ee uu kusoo arkay carabta uuna yahay geed

si fiican uga baxa bunka dhexdiisa Ninkan ayaa sidoo kale


sheegay in laga aaminsanaa wadamo ka mida carbaha in Qaadku

14
ka difaaco qofka cudurada lakala qaado iyo in uu dheefshiidka
wanaajiyo.

Sanadkii 1854 nin Richer la odhan jiray oo saaxil yimi isaga


oo cilmi baadhis wada kana yimid xagaa iyo masar, ninkan ayaa
markii uu masar joogay sheegtay in uu muslim yahay si uu u
dhigto diinta hasa ahaatee ma uu ahayn muslim, ninkan ayaa
markii uu yimid u sheegtay

soomaalidii halkaa daganayd muslim si kastaba ha ahaatee waa


la ogaaday in aanu muslim ahayn,kadibna waxa uu u kicitimay
xagaa iyo Herer mudo ka dib ayaa ninkaasi waxa uu warbixin ka
bixiyay dadka reer Herer isaga oo sheegay in dadkaasi ay maalin
walba cunaan una yaqaanan geedka Qaadka la yidhaa in uu
yahay Quutul awliyaa ayna dadka halkaa ku dhaqani u cunaan
Qaadka siyaabo ka duwan sidii ay soomaalidu u cuni jirtay!!
Waxa kale oo uu sheegay in dadkii halkaa daganaa ay uga
warameen in Qaadku khayaalka kordhiyo xaqiiqadana muujiyo.

Nin la odhan jiray Poll botta oo u ahaan jiray dhakhtar


maxamed caligii ka talin jiray masar badhtamihii qarnigii 18 aad

15
ayaa isaga oo cilmi badhaas uu kusameeyay yaman ka
waramaya ayaa waxa uu yidhi Qaadku waa geed ka baxa dhul
cabirkiisu gaadho 2200 ilaa 2400 oo feet waxa kale oo uu
sheegay in bunka iibkiisa laga jecelyahay Qaadka iibkiisa waxa

laga keenaa buu yidhi meel Saabir la yidhaa oo u dhaw Tacis


qiimihiisuna wuu sii kordhaa marka uu sii fogaadaba ninkan oo
isaguna ku biiray dadka qaadka cuna

intii uu yaman joogay iyo kadiba waxay dadka reer yamaneed u


sheegeen in uu yahay geed hurdada kaxeeya dareen kana dajiya.

1870 ayaa caalim turkiya oo la odhan jiray Axmed Rashad


waxa uu sheegay in qaadka yaman yaalay uu uqaybsamo sadex
nooc isaga oo sheegay in mid uu ka kululyahay khamriga halka
midkalena u dhigmo khamri ka kalena uu labadaba ka hooseeyo
waxa kale oo ka mid ahaa waxyaalihii layaabka lahaa ee uu
sheegay caalimkani in ninka reer yamaneed ee maalinkii ku
shaqeeya ama qaata 10qirshi in 8qirshi ku soo gato qaad.

Sanadkii 1935 ayaa dawladihii gumaysan jiray geeska afrika


ee kala ahaa engriiska faransiisk iyo talyanigu waxay isku

16
dayeen in ay qaadka joojiyaan iyaga oo soo hordhigay liig of
nayshaniski xiliga jiray qoraal ay kaga dalbayaan in qaadka la
joojiyo hasa ahaate kumay guulaysan in ay joojiyan sababo
badan awgeed oo ay ka mid tahay in dawlada Ethiopia oo
xiligaa ahayd dawlad cudud leh ay diiday iyo waliba dawlado
kale.

Waagii taariikhda miilaadigu ahayd 1947 ayaa engriisku waxa


uu ka mamnuucay Qaadka cunistiisa iyo ganacsigiisaba
dawladihii uu xukumi jiray inkasta oo

aanu mamnuucin mamnuucis dhamaystiran oo uu u sameeyay


dadka cuna iyo kuwa ka ganacsadaba liisan amaba warqad
ogolaansho ah oo ay ku cuni karaan kagana ganacsan karaan.

Shan sano kadib ayaa engriisku markale mamnuucay Qaadka


mamnuucis dhamaystiran isaga oo ku soo rogay xukuno ciqaaba
gawaadhida Qaadka lagu qabto halka talyaaniguna sidoo kale uu
ka mamnuucay Qaadka dhulalkii uu xukumi jiray hadaba
mamnuucista Qaadku may ahayn mid ku kooban Somalia oo
kaliya ee englriisku waxa uu sidoo kalena Kenya ka mamnuucay

17
Qaadka cunistiisa iyo ka ganacsigiisaba waana sababta keentay
in Somalida koonfureed Qaadka helistiisu ku adkaatay
wakhtigaa .

Nasiibdaro engriisku kumuu gulaysan mamnuucistii uu ka


mamnuucay Qaadka qaybihii uu xukumi jiray ee somaliya oo
ahaa qaybaha waqooyi amaba dawlada Somaliland sababo
badan awgeed oo ay ka midtahay in culimadii iyo fanaaniitii
wakhtigaasi ay ahaayen qaar qaadka cuna badankoodu waxayna
dacaayad ku fureen engriiskii iyaga oo dadka ku kicinayay,
waxaana ka mid ahaa dacaayadihii ay culimada iyo fanaaniintu
dadka ku

kicinayeen in engiriisku doonayo in uu somalida baro khamriga,


waxayna ku guubaabiyeen somalidii in ay la diriraan engiriiska
si uu u fasaxo Qaadka wayna ku guulaysteen in uu engiriisku
fasaxo Qaadka waxaanu dib u fasaxay Qaadka sanadkii 1955.

Kenya ayaa iyadana Qaadka dib loo fasaxay 1973kii. kadib


madax banaanidoodii.

18
 Qaadka iyo Yaman

Yaman yaa cuna Qaadka ?

Yaman waxaa cuna Qaadka dhamaan heerarka ama noocyada


dadku ay ka kooban yihiin oo ay ka mid yihiin rag,dumar,
dhalinyaro,odayaal , taajir,faqiir, waxaana u badan dadka cuna
ardayda maxaa yeelay waxay aamin sanyihiin in uu ka
caawinayo akhriska iyo waliba fahamka, ‘anigu waxan
daganahay mid ka mida guryaha ay ardaydu dagto waxana lagu
qiyasa ardayda cunta qaadka in ka badan 80% hasa ahaatee
waxaa layaableh aniga iyo koox kale oo saaxiibaday ahi ma
cuno Qaadka waxa aanan wax akhrinaa 2 ama 3saacadood kidib
waan kacnaa oo jawiga aan wax ku akhriyayno ayaan badalnaa
si aanaan uga caajisin lakiin saxiibadayda qayilaa waxay

fadhiyaan in ka badan 12saacadood iyaga oon ka kacayn

barta ay fadhiyaan ilbidhiqsi, waxad waydiinaysaa maxad ka


faa’iiday akhriskan waxad la kulantay waxyaalo badan oonay
garanin ardaydu inta xariifiinta ah mooyaane.

19
Waxaanad ogaan doontaa in wax akhriska la akhriyo marka la
mirqaan sanyahay in aanu ka fiicnayn ka la akhriyo marka
caadiga la yahay ee ay tahay uun wax ay qiil ka dhiganayaan
uun ardayda balwadlayaasha ahi’ waxa yidhi sidan arday
yamaneed.

Caalim muslim ahaa oo la odhan jiray Ibnu Fadlilah alcaamiri


noolaana wakhtiyadii u dhaxeeyay 1249-1342 ayaa waxa uu
sheegay in rag culima ah uga sheekeeyeen in nin xabashiya oo
muslim ahi uu u tagay maalin maalmaha ka mida boqorkii
haystay yaman oo ku kalsoona si uu shaqo uga codsado kidib
waxa uu boqorkii ku amray ninkii xabashiga aha in uu doono
geedka Qaadka la yidhaa oo uu ku beero wadan kiisa markii uu
ninkii xabashiga ahaa keenay geedkii kuna beeray yaman ayaa
mudo kadib markii uu si fiican ubaxay geedkii waxa uu boqorkii
waydiiyay ninkii xabashiga ahaa waxa uu taro geedkani waxa
aanu ninkii xabashiga ahaa ee muslimka ahaa u sheegay in
geedkani uu yareeyo xiisaha cunista,

cabista iyo waliba xiisaha dumarka, boqorkiina wuu ka dhaartay


in uu cuno geedka Qaadka la yidhaa isaga oo sheegay in aanay
20
dunida jirin raaxo aan sadexdaa ahayni, caalimkan ayaa waxa uu
ku tilmaamay in dadka reer yamaneed ay ujecel yihiin Qaadka
sida ay Hindidu u jeceshahay maan dooriyaha batalka la yidhaa.

Qaadka ayaa ah laf dhabarta dadka reer yamaneed iyaga oo ku


badalay beerihii bunka beero qaad waxaana lagu qiyaasay in ka
badan 35% biyaha dalka in lagu istismaalo beeraha Qaadka
iyada oo waliba isticmaalka biyahu uu kor u sii kici doono 10-
15% sanadada soo socda. Waxana lagu qiyasay in halkii Kiish
ee Qaadi uu u baahan yahay maalin kast 500 oo litir si uu usoo
go’o. iyada oo isticmaalka biyuhu uu aad u sii kordhaya
magaalada sanca gaar ahaan xiliyada xagaagii ayaa
masuuliyiintu waxa ay ku taliyeen in dad badani ay u guuraan
dhinaca xeebaha si aanay u dhicin biyo la aani sanadada soo
socda. Arinkaliya ayaa sababay in dadka reer yamaneed ay
kabeeraan qaadka dhul aad u balaadhan arinkaas oo ah in cilmi
baadhis la sameeyay sanadii 2001 lagu ogaaday beerista hal
hiktaar oo Qaad ah in laga helayo 2.5milyan oo lacagta yamanta
ah halka beerista halka hiktaar ee

khudrada ah laga helayo 0570000. Waxa kale oo lagu


21
ogaaday cilmi baadhistaa in sanadadii u dhexeeyay 1970-2000
in uu kor u kacay dhulalka laga beero Qaadku 8000-103,000 oo
hiktaar.

Dadka reer yamaneed waxa ay leeyihiin galinka dambe wakhti


ay u fadhiistaan cunista qaadka ama sida Soomaalidu u taqaano
wakhti ay barjeeyaan.Waxa ayna subixii sii bilaabaan abaabulka
diyaarinta goobta ay ku kulmi lahaayeen galinka dambe.
Saaxiibada,jaamacadaha,jaarka iyo waliba dadka qaraabada
ahiba waxay iskugu yimaadaan guryaha loo diyaariyay si ay ugu
raaxaystaan cunista qaadka si wada jira. Badanaaba waxa uu
qofwaliba soo qaataa xidhmadiisa Qaadka ah isaga oo ku soo
duubaya plastic uu kaga ilaalinayo hawada iyo
qoraxdaba.Maxaa looga ilaalinaya Qaadka hawada iyo qoraxda?
Waxa looga ilaalinayaa hadii Qaadka ay ku dhacdo hawo badan
amaba qorax badani waxaa ka baxaaya maadada loo yaqaano
kasinoon(cathinone) oo ah maadada mirqaanka keenta waxaanu
Qaadkaasi noqonayaa mid bilaa faa’iido ah hadii maadadasi ka
baxdo. Dadka reer yamaneed ayaa waxa ay caado u leeyihiin
hadii uu qof aan sidan qaadkiisii uu yimaado meelaha ay ka

22
dhacayaan munaasabadaha gaarka ah ama aroosyadu in ay
iskugu soo dardaraan laamo Qaad ah.

Hadaba caadadan xun ayaa waxa ay ku bixiyaan dadka reer


yamaneed in ka badan 35% dhaqaalaha bishii soo gala qoyska
runahaantiina waa lacag badan markaad ogaato in celceliska
dhaqaale ee bishii soo gala qoysaska qaarkood in uu aad uga
yaryahay 100$ waxaana qaadka la soo iibsadaa ka hor
cuntooyinka amaba baahiyaha kale ee qoyska. Waxa dhibaato
leh in Aabayaasha iyo Hooyooyinka Qaadka u cuna si joogta ah
ama si goosgoos ah in ay ku qaataan inta badan wakhtiga ay
firaaqada yihiin “‫ ”أحزاب القات‬oo ah meelo aynu ku tilmaami
karno ama u dhigma Maqaaxiyaha .Qaadku ma aha mid guryaha
yamanta oo kaliya saameeyay lakiin se waxa uu saameeyay
dhaqaalaha bulshada oo dhan. Waxa ay yamani caan ku ahayd
beerista Bunka hasa ahaatee beero badan oo ahaa beerihii bunku
ka bixi jiray ayaa waxaa loo badalay beero Qaad si ay u
xoogeeyaan caadadooda, iyo in ay ka helaan faa’iido ka badan ta
ay bunka ka helayaan. Hadaba dhaqaalaha yaman ayaa waxa uu
u sii socdaa hoos maxaa yeelay waxa ay yareeyeen dhoofintii
bunka.

23
 Qaadka & Soomaalida

Soomaalida iyo Qaadka ayaa ah laba aan kala maarmi Karin,


waxaanay ku bixiyaan soomaalidu inta badan wakhtiga ay
firaaqada yihiin cunista Qaadka.

1314-1344 ayaa nin Sabru diin la odhan jiray oo muslim ahaa


xukumi jirayna ifaath (waxaa laysku odhan jiray jabuuti ilaa
agagaarka saylac) waxa uu dagaal la galay boqortooyadii
xabsheed ee wakhtigaa jirtay isaga oo kaga guulaystay
dagaalkaas balse waxa uu ka hantiyay xabashidaas cunista
qaadak waxaanu ku sii faafiyay dhulalkii kale ee soomaalida.

1947kii ayaa Engriisku waxa uu ka hor joogsaday qaadka


dhulalkii soomaaliyeed ee uu xukumi jiray gaar ahaan
somaliland isaga oo u sameeyay dadka ka ganacsada iyo kuwa
cunaba waraaqo ogolaansho ah oo ay kusoo gadan karaan amaba
kaga ganacsan karaan.

1952kii ayaa engriisku waxa uu si dhamaystiran u hor istaagay


qaadka isaga oo ka mamnuucay qaadka dhamaan dhulalkii uu
xukumi jiray isaga oo ciqaabo ku soo rogay cida lagu qabto
iyadoo ka ganacsanaysa ama gadanaysaba. 1955kii Engriisku

24
waxa uu dib u fasaxay qaadka sababo badan awgeed oo ay ka
mid yihiin waxgaradkii dalku in ay is hortaageen
mamnuucistiisa.

Wakhtiyadii hore ayaa soomaalidu waxa ay u taqaanay in


geedkan qaadku uu yahay mid u gaara culimada gudbinaysa
diinta iyo guurtida garta loola tago hadaba waxaa caado u ahayd
culimadii hore ee soomaaliyeed badankooda in aan qaadka la
cuni jirin iyada oon la soo waysaysan, waayo waxa ay

aaminsanaayeen in qaadku yahay geed barakaysan , wakhtiyadii


ka dambaysay xiligaa ayaa waxaa loo arki jiray qofka ku rida
caleen qaad dabka in uu yahay Habaarqabe waana laga ilaalin
jiray in caleen qaad ku dhacdo dabka.

Wakhtigan aynu joogno ayaa waxa aad arki kartaa in qaar ka


mida ah masaajidadaa Hargaysi ay leeyihiin qol lagu qayilo
taasina waxa ay ku tusaysaa ixtiraamkii ay u hayeen
culimadeenii hore Qaadka, hadaba wakhtigan waxaa caan ah in
aan waxgaradku iskugu iman goob hadii aan qaad oolin amaba
aan la keenayn sidoo kalena aanu shir qabsoomayn hadii aan

25
qaad jirin, waxa layaab leh in wakhtiyadan dambe qaadka loo
keeno raga jooga meelaha masiibadu ka dhacday sida geeriyaha,
xabaalaha, dagaalada waana dhaqan xumo ku soo biirtay
baryahan dambe balwadlayaasha qaadka.

Qaadka keenidiisa ayaa hadaba waxaa ku baxa lacag aad u


badan oo hadii hal maalin wadanka la galin lahaa waxyaalo
badan qaban lahayd, xamar ayaa waxa la sheegay in maalin
walba ay ku soo dagaan 12diyaaradood lacagta ku baxdana ay
dhantahay $ 87,771 hadaba kharashka ku baxa qaadka sanadkii
ba ayaa ah ($ 87,771x365=$32,036,415). Waaana lacag hadii
soomaalida badan keeda loo sheego aanay rumaysanayn waayo
qafwaliba waxuu aaminsan yahay in laga qaado 20kun oo
somaliland shilin ah. Hadii xamar oo dagaalo iyo rabshado ka
socdaan ay ku bixiso qaadka $32,036,415. Hargaysina imisay ku

bixisaa talaw! ?

Soomaalida iyo qaadka ayaa leh Taariikh aad u gun dheer oo


dahab ah dhayalna aan lagu dhamayn karahayn hasa ahaatee
waayadan dambe ayaa waxa uu isku badalay qaadku wax ay
cunaan dadka jaahiliinta ah iyo dadka aan fikirahaynini taasina
waa ta sababtay in la arko dad aan qaadka cunistiisa ka
26
dulkacahayn habeen iyo dharaarba waxayna sababtay in ay soo
baxaan caruur aad u tiro badan oo darbi jiif ah, dawarsadayaal
ah , tuug ah amaba dadka habeenkii dhaca kadib markii ay
waayeen Aabo xanaaneeya oo daryeela.

 Gabayga Qaadka ee Qoraaga

Gabaygan waxaa curiyay aniga oo ah Qoraaga buuga,


waxaanan curiyay habeen jimca ah bishuna ay ahayd 19-4-2013.

Dhibaatada Qaadku keeno

Dhamaan teen waan ogsoonay

Inuu dhalinyaro curyaanshay

In uu waayeel habaabshay

Inuu hooyo hoy ka saaray

Gashaanti inuu haleeyay

Halyay inta uu lintaaqay

Intuu wiil hami lahaa

Hog aan la ogayn ku aasay.


27
Intee umad aan jeclayn

Quxuunti qoruu kaxeeyay

Intee curad aan lahayn

Intuu cadan ooga heesay

Badwayn badhtankeed ku awday.

Intee jaamici jiree

Jidkii nabigeena suubban

Sinaba aan u dhinac marayn

Salaadiyo sunada ooga

Intuu galab uun gilgilay

Ku yidhi gaydhaw kacoo

Halkuu qayrkaa u qaxay

Qadhaadh iyo diif ma laha e

Baraago iyo boodh ma laha e

Intood boqol doler keento

Kaalay oo ila tahriib


28
Talaaba kaa xigta

Xoolo aan dhamaan iyo

Inaad xoogaa maashee.

Asxaabteen waxaa dhameeyay

Dhulkoodii waxa u diiday

Waxaa diihaalka baday

Badwayn badankood ku daadshay

Waxaa baahida ku keenay

Busaarada aan dhamaanayn

Dadaw Qaadkaasi weeye.

 Wacdaraha mirqaanka

Ugu horayn weedhan mirqaan ayaa aslkeedu yahay marka la


micneeyo MIR iyo QAAN.

Habeen habeenada ka mida ayaa 3nin sheeko iyo mirqaan


dheer kadib waxa ay u kicitimeen guryahoodii, hasa ahaatee
cabaar markii ay socdeen waxa ay ku kala hadhhadheen
29
wadooyinka waxaana socdaalkii ku soo hadhay Nin kaliya.
markii uu ninkii dhexda sii socday ayaa waxa uu arkay ceel,
waxaanu damcay in uu ku dabaasho ceelka si uu u qaboobo
waayo Ragu maraka ay mirqaamaan aad ayay u kululaadaan
waxayna u baahdaan in ay is qaboojiyaan, sikastaba ha ahaatee
Ninkii waxa uu dhigtay maryihii waxa aanu ku dabaashay
ceelkii kadibna isago oon dharkiisii xidhan oo mudh iyo andariir
ah ayaa waxa uu u kicitimay halkii xaafadiisi ka xigtay markii
uu xaafadiisii soo gaadhay ee ay ehelladiisii arkeen in uu
qaawan yahay ayaa ay bilaabeen in ay Ninkii isku jabiyaan oo
ay xidhxidhaan. Hasa ahaatee isagu waxba ma uu
dareensanayn, mudo ka dib markii waagu baryay ee caqligiisii u
soo noqday ayaa waxa uu arkay in uu xidhxidhanyahay waxa
aanu ehelladiisii ka codsaday in ay ka furfuraan xadhiga. Isaga
oo u sheegay in uu kasoo laabtay waali gaaban.

Nin Reer miyi ah ayaa habeen habeenada ka mida waxa uu


laqayilayay qaar ka mida asxaabtiisa, iyaga oo sheekaysanaya
ayaa saaxiibadii waxa ay u sheegeen in ay bari subaxa kaxayn
doonaan adhi ahmin ah si ay ugu soo iibiyaan magaalada, kadib
waxa uu Ninkii ka codsaday saaxiibadii in ay usiikaxeeyaan 50

30
neef si uu isaguna ugu soo iibiyo saylada, wayna ogolaadeen
saaxiibadii, Ninkii waxa uu bilaabay in uu ka kaco goobtii lagu
qayilayay oo uu gurigiisii u kicitimo si uu u soo kexeeyo
xoolaha. Maxaa yeelay saaxiibadii waxa ay socdaalayaan bari
aroorta hore , goorsheegtu waa cabaaro 8fiidnimi. ninkii markii
uu ka tagay tuulihii lagu qayilayay ee uu gaadhay xaafadiisii
ayaa waxa uu u sheegay ooridiisii in ay soo saarto 50kii neef ee
ahminka ahaa waxaanay waydiisay “xageed gaynaysaa
goortan?” iyada oo ka codsatay in uu iska daayo xoolaha ilaa
inta waagu baryayo waayo waxa ay ka cabsanaysay in bahalladu
dhexda kaga boobaan hasa ahaatee kama aanu ogolaan waayo
waxa uu ahaa nin mirqaansan, kadib markii ay u soo saartay
50kii neef ee uu dhexda sii socday ayaa waxaa dhexda ku helay
bahal Weere la yidhaa oo aan cunin adhiga balse madaxa uun
qabta oo dila neefka, markii uu adhigii arkay bahlka ayaa uu
diday oo midba meel ka dhacay , nasiibdaro markii uu ninkii is
yidhi adhiga ka daba carar ayaa uu geedad isku dhexbaxay oo
dhulka jiifa uu ku dhexdhacay waxaana geedadka ka mid ahaa
geed la yidhaa Bilcin geedkaan oo leh qodxo qaabkoodu yahay
sida Bisha ayaa ninkii meel walba ka qabsaday gaar ahaan
meelo xasaasi ah intii uu iska furfurayay qodxahana weerihii
31
adhigii ayuu wada laayay hal neef mooyee 49kii kaleba waa uu
dilay neefka badbaadayna reer ayuu u dhacay xeradooda oo uu
ku badbaaday.

 Habdhiska kimikaleed ee Qaadka

Sanadkii 1975 ayaa waxa la ogaaday in qaadka ay ku jirto


maado loogu agac daray kaasin (cathine) halka sanadkii 1978
kiina la ogaaday maadada kale ee lagu magacaabay kaasinon
(cathinone) labadan maado ayaa ah maadooyinka ugu khatarsan
ee ku jira qaadka kuwan oo ka masuula in ay keenaan waxa lagu
magacaabo mirqaanka. Maadooyinkan ayaa waxa ay qaadka ku
nagaadaan hadii laga ilaaliyo hawada iyo kulaylka badan. Marka
laga ilaaliyo labadaana waxay qaadka ku jiri ka raan mudo ku
dhaw 60saacadood. Qaadka waxaa lagu soo duuduubaa diirka
muuska amaba balastik iyada oo badanaana ay rusheeyaan
sababtuna waa in aanay ka bixin maadooyinkaa aynu soo
sheegnay maxa yeelay hadii ay ka baxaan waxa uu qaadku
noqonayaa bilaa faa?iido amaba bilaa mirqaan oo cidi xiisayn
mayso.

32
Cathinone structure.

Scientific classification

Kingdom: Plantae

(unranked): Angiosperms

(unranked): Eudicots

(unranked): Rosids

Order: Celastrales

Family: Celastraceae

Genus: Catha

Species: C. edulis

 Noocyada Qaadka

33
Wakhtiyadan dambe ayaa waxaad moodaa in qaadka
magacyadiisu ay aad usoo tiro badatay iyada oo sababtuna ay
tahay in bulsho waliba magacyo gaar ah ay ula baxday, hasa
ahaatee iyada oo magacyadu kala duwanyihiin ayaa hadana
qaadku isku mid yahay. Hadaba noocada qaadka ugu caansan
ayaa waxa ay yihiin sadex waxayna kala yihiin.

DADAR:dadarta ayaa waxa ay tahay mida ugu caansan


noocyada lagu cuno soomaaliland iyada oo ay cunaan badanaa
dadka dabaqada dhexe ku nool iyo dabaqada hooseba iyada oo
waliba wakhtiyadan dambe ay cunaan xataa dadka dawarsadaa
sababtuna ay tahay qiimaheeda oo aad usoo jabaaya oo waliba
ku dhawaanaya in uu bilaash noqdo. Hadaba waxay ka baxdaa
wadanka Ethiopia iyo yeman waxaanay ka kooban tahay qiyaas
ahaan 40 laamood oo iskugu jira yaryar iyo waawayn iyada oo
laamaha yaryar loo yaqaano gush. qiyaas ahaana ah ilaa 25
laamood, kuwa waawayna waxa loo yaqaan laamo kana
koobanyihiin ilaa 15 laamood.

Dadarta waxaa la cunaa curubta ama caleenta inta jilicsan ee


baarka ah, caleemaha inta waawayn ee adagna waa la qubaa oo
waxaa la yidhaahdaa garaabo. Cunistiisuna waxay ugu fiican

34
tahay maalinta uu soo go?o iyo habeenkeeda hadii uu intaa
dhaafana waxa uu noqdaa baarixi oo waa la qubaa ama xoolaha
ayaa lasiiya, mar marka qaarkoodan sida ka dhacda
magaalooyinka waawayn waxaa loo gudbiyaa tuulayaasha aan
maalintii qaadku gaadhin si loo baarixi tiro. Waxaanay
cunistiisu ugu fiicantahay inta u dhaxaysa 1:00 duhurnimo ilaa
6:00 fiidnimo waana sababta keentay in aan habeenkii aad loo
cunin.

HERERI:hererigu waa nooc ka mid ah noocyada qaadku


ukala baxo, waa geed dharar ahaan ka dheer geedka dadarta
wuuna ka caleemo balaadhan yahay, xidhmo ahaana wuu ka
waynyahay dadarta. Hererigu waa geed aan dheecaan badan
lahayn oo caleemo qadhaadh leh. Xaga mirqaankana wuu ka
mirqaan yaryahay oo wuu ka qabawyahay dadarta. dadka
hereriga sida aadka ah u cunaana waxay ka dhaxlaan ilko la?aan.

Hererigu wuu ka adag yahay dadarta caleen ahaan, sidaasi


awgeed kuuma gelayo taraag dheer oo loogu qaado meelo uu
dhawr habeen u sii dhaxayo, culays ahaana wuu ka culus yahay
dadarta, cuf ahaana wuu uga weyn yahay.

35
Hererigu wuu ka adkaysi badan yahay dadarta waxaanu ooli
kara ilaa sadex maalmood hadii meel qabaw iyo biyoleh lagu
kaydiyo, cadceeda iyo hawada badnna laga ilaaliyo, sidoo
kalena aan la huurin oo dhididka laga dhawro. Qofka hereriga
cunaa waxa uu cunikaraa oo kaliya curubta (caleenta inta
jilicsan ee hore) wuxuu leeyahay hererigu caleen waawayn oo
garaabo ah lamana cuno, waxaa lagu cabiraa xidhmadiisa habka
halbeega, waxaana ugu wayn hab cabirkiisa kiilo waxaa ku xiga
Badh, sadex-meelood waxaana ugu dambeeya afar-meelood
mijinta dadarta ahi waxay u dhigantaa qiyaas ahaan sadex-
meeloodka hereriga ah, halka afar-meeloodka hereriga ahina uu
udhigmo caqaarta dadarta ah.

MIIROO: Miiroogu waa qaad aad u yar yar oo xidhmadiisu


le’eg tahay Cii-caqaarta dadarta, halka marduufkiisu le’eg yahay
mijinta dadarta ah, waxaana xidhmadiisa la yidhaahdaa
Uurbeyto, Mijin iyo Marduuf. Miiroogu waa qaad aad u kulul oo
ka mirqaan badan qaadka kale oo dhan. Waxa la cunaa diirka
qoryaha oo keliya, halka caleentiisa iyo garaabadiisaba la
daadiyo, waxa celeentiisa laga qaadaa dibiro, sidaasi awgeed
waxa la cunaa curubta qoyan ee laamaha xaggooda hore iyo

36
diirka laamaha. Markaa waa qaad mirqaan badan oo qofka
cunayaa hawadaa isku shareero marka uu qayilaayo mirqaan
dartii. Badanaa miirooga waxa lagu cunaa waddanka Kenya oo
uu ka baxo, Soomaaliya iyo waddamada Yurub sida Netherlands
(Holland) iyo United Kingdom (England) oo la geeyo.

 Dhacdooyinka mirqaanka

Habeen habeenada ka mid ah ayaa rag dhaliyara ah saaxiibana


ah oo u shaqaynayay sharkad dhisme ayaa maalintii oo dhan
shaqaynayay fiidkii markii ay soo rawaxeen ee ay lacagtoodi
shirkada ka soo qaateen ayaa waxa ay u fadhiisteen qayilaad
dheer ka dib markii ay mudo u fadhiyeen qayilaadii ee ay aad u
mirqaameen goor sheegtuna ay ahayd 12:00 ayaa uu qaadkii ka
dhamaaday waxaanay damceen in ay xaafadahoodii iskaga
hurdo tagaan kadib ayaa mid ka mid ahi is yidhi kabtaadii xidho,
kabtii suna waxay ahayd buudh waaxana ag fadhiday bisad yar
oo dhaxanta kaga ag gabanaysay, kadib kabtiisii muu soo
qaadane bisadii ayuu soo qabtay oo af-kii kala qabtay lugtiina
galiyay af-keedii. Saaxiibadiina qosol ayay la suuxeen.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nin damcay in uu magaalo u


safro kadib diyaar garaw badan waxa uu gaadhigii u raacay,
37
magaaladii uu usocday markii uu gaadhay waxa uu ku dagay
hoteel mudo markii uu hoteelkii dagnaa ayaa uu helay nin ay
xidid yihiin, Ninkii ayaa gurigiisii geeyay goor habeen ah.
Markii ay hurdadii ka soo tooseen subixii ayaa ninkii martida
loo ahaa waxa uu soo iibiyay bag qaad ah dabadeedna maalintii
oo dhan ayay qayilayeen iyaga oo barjeeyay oo jabaneeyay
markii ay fiidkii la gaadhay ee goor sheegtu ahayd cabaaro 6:30
ayaa ninkii martida loo ahaa gurigii ka yara tagay si uu hawlo u
soo yara qabsado isaga oo gurigii kaga tagay ninkii martida ahaa
oo kaliya. Ninkii martida ahaa markii uu mudo yara qayilayay
ee uu mirqaana cirkaa marayo in uu qarxana uu ku siganayo in
leen waa nin ilaa maant qayilayee ayaa uu kululaaday waxaanu
damcay in uu soo maydho markii uu musqushii galay ee uu soo
maydhay qaboobayna ayaa uu musqushii ka soo baxay hase
ahaatee nasiib daro waxa uu musqusha kaga dhex yimi
dharkiisii, waxaanu dumarkii xaafada ku soo baxay isaga oo
qaawan hasa yeeshee isagu is ma?aanu ogayn waxaanu ku war
helay markii ay dumarkii yaayaaceen, markii uu Ninkii dharkii
xidhayna xamaamtiisii ayaa uu qaatay oo xaafadii wuu ka
baxsaday sidii nin waalan.

38
 Wakhtiyada Qaadka loo fadhiisto

Xilliyada qaadka loo fadhiisto ayaa waxa ay u kala khatarsan


yihiin sida qaadku u kala khatarsan yahay. Wakhti waliba waxa
uu ka khatarsan yahay wakhtiga ka dambeeya hadaba
wakhtiyada qaadka loo kala fadhiisto ayaa waxa ay kala yihiin

JABBANE:Jabbanaha waxaa lagu magacaabaa qaadka galinka


hore la cuna waana ku ugu khatarsan oo qofka subixii
jabbaneeya cunto ma cuno maalintaas oo dhan badankeeda.
Waxa kale oo uu qofku ka qaada qayilaada subixii mirqaan
badan maxaa yeelay qaadku marba marka kasii horaysa waa uu
ka mirqaan culisyahay.waxaa intaa u dheer qofkaa jabbanaynaya
in aanu shaqo tagin waayo galinkii hore ayaa uu qayilayaa
taasina waxay sabab u noqon kartaa in uu qofkaasi shaxaadka
ama dawarsiga si fudud ku barto oo uu waxa shaqada la
yidhaaba naco.

BARJAHA:Barjaha ayaa ah magaca loo yaqaano qayilaada


galabtii amaba galinka dabe oo dhan. Hadaba barjayntu waxa ay
ukala dhib yartahay sida aya ukala dambayso, galinka dambe
ayaa ah galinka soomaalida badankoodu qayasho maxaa yeelay
galinka hore waa ay xoogsi tagaan si ay u soo helaan lacagtii ay
39
ku soo gadan lahaayeen Qaadka iyada oo galinka horena lagu
tilmaami karo in uu yahay goorta ay qayilaan dadka bilaa
camalka ahi.

 Qaadka & Caafimaadka

Qaadka ayaa lagu tilmaami karaa in uu yahay curyaamiyaha


koobaad ee soomaalida isaga oo sabab u noqday dadka cuna in
ay qaadaan Gaastari, Qabsin,Waali, iyo xanuuno kale oo badan
oo aynaan soo koobi Karin waxaana ka mid ah.

Dhimirka:Saamaynta ugu muhimsan ee qaadku waa tan


dhimirka, taasoo la xidhiidha awooddiisa maandoorinta. Qofka
cunidda qaadka badsadana waxaa lagu yaqaan cadho badan iyo
ilaalin la’aan tebinta fikradaha iyo dhaqdhaqaaqa jidhka,
kuwaasoo sabab u noqon kara dagaal iyo shilal, siiba markii uu
qofku baabuur wado.waxaanu qaadku galiyaa cunaha inta uu
cunayo qaadka xaalad dagaal, Cunidda badan oo raagta ee
qaadku waxay iyadu keeni kartaa waalli dhab ah.

Dheefshiidka:Maaddooyinka cathine-ka, cathinon-ka iyo


tanniinyada ee qaadka ku jiraa waxay dhabqiyaan hawlaha

40
dheefshiidka, taasoo keeni karta hamuundarro, caloolholoc
(gastritis).

Afka:Wuxuu burburiyaa ilkaha iyo cirridka, taasoo dhibaato u


keenaysa hawsha calalinta iyo caafimaadka afka.

Cudurrada faafa ee dhiska dheefshiidka:Cudurradaasi waxay


ku soo duggaalaan sida nadaafad xumada leh ee qaadka loo
iibiyo, isagoo gacmo badan oo aan nadiif ahayn soo mara, busta
iyo cayayaankana aan laga xafidin.

Cudurrada habkaan ku iman kara waxaa ka mid ah


cagaarshow, daacuun, shuban, tiifow, ameeba, iwm, oo ah kuwa
laga qaado nadaafadxumada cunnada iyo biyaha.

Cudurrada faafa ee dhiska neefseedka:Faafidda cudurrada


noocaan ah waxaa kaalmeeya jawiga cabbursan ee goobaha
qaadka lagu cuno, iyadoo maqaaxiyaha yaryar sigaar badan lagu
cabbo, muddo dheerna laysku neefsanayo. Maadaama habka
laysu qaadsiiyo cudurrada faafa ee neefseedku uu yahay in
uumanka cudurradaas keenaa ay soo raacaan neefta uu qofka
jirrani soo saarayo oo usoo gudbaysa dadka fayow waa la wada

41
garan karaa sida jawiga cabbursan ee aan soo sheegnay u
kaalmayn karo kala qaadidda cudurrada noocaan ah. Bal
maleeya khatarta weyn ee ay u ban dhiganyihiin dadka qaadka
cunayaa haddii uu ku dhex jiro qof qaaxo sambab qabaa.

Cudurrada bulshada (cudurrada fisqiga):Sida la


ogsoonyahay qaadka cuniddiisa waxaa marar badan is-dhexgala
rag iyo haween oo keena xidhiidh xaaraan ah. Cudurro xunxun
ayaana sidaas lagu kala qaadi karaa oo ay ka mid yihiim: jabto,
waraabow, AIDS iyo kuwo kaleba. Waatii uu yidhi Abwaankii
qaadka ka gabyeyna:

Qalbi kacay qalab aan lahayn qaadow adigaa leh


Labo qaawan oo aan is qabin qaadow adigaa leh
Qol ciriiriyoo qaac lagu iltiray qaadow adigaa leh.

Bulshada:Dhibaatooyinka bulsho ee qaadku sababaa way


badanyihiin waxaana ka mid ah kuwa soo socda:

 a) Khilaaf iyo kala tag qoyska dhexdiisa ah


 b) Dayicid daryeelka iyo tarbiyadda carruurta
 t) Dhaqanxumo, xishood daro
 j) Sigaarcab.

42
 Qaadka & Diinta

Cunida qaadku waxay dhabqisaa gudashada waajibaadka


diinta iyada oo salaadu ugu horayso. Sida cunida qaadku u
dhabqisana waa sidan.

-in qofka salaadu katagto inta uu qaadka cunidiisa u fadhiyo ama


hurdo la tagto soo jeedka badan kaddib.

Cibaadooyinka kale ee cunidda qaadku dhabqin karto waxaa


ka mid ah bixinta sakada iyo sadaqada kale iyo gudashada xajka,
taasoo ka imanaysa kharajka badan ee qaadka ku baxa oo haddii
aanay jiri lahayn lacagta isaga ku baxda looga faa’iidaysan kari
lahaa gudashada waajibaadkaas diimeed.

Waxaa yaab iyo amakaag leh in dadka qaarkii u maleeyo in


kharajkii kaga baxay dadkii uu qaadka u qaaday uu la mid yahay
sidii sako uu bixiyey oo kale!! qofka noocaas ahna arinkiisu
waxa uu noqonayaa “kaaf iyo kala dheeri iyo kaan u dhigtayba
maaha”, marka meeshii uu ajarkii sakada ka filanayey lagu soo
oogo dambi.

43
Ilaahay wuxuu yidhi: “Dhab ahaan shaydaanku wuxuu
doonayaa inuu idinka dhex rido colaad iyo cadho, khamrada iyo
khamaarka awgood, iyo inuu idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo
salaadda ee ma tihiin kuwo reebtoomaya”? (Suuratul Maa’idah,
aayad 91)

 Aragtida sharci ee qaadka

Faallahaas dheer ee ku saabsan waxyeellooyinka qaadka


kaddib, waxaa is weydiin leh: qaadka cuniddiisa iyo ka-
ganacsigiisu ma xaaraan baa mase waa xalaal?

Jawaabta su’aashaas waxaa ila habboon in loola noqdo


quraanka kariimka ah iyo sunnada dahiran.

Quraanka

1. Ilaahay wuxuu yidhi: “Kuwa raacaya Rasuulka, Nebiga


ummiga ah oo ay agtooda ka helayaan, isagoo ku qoran
Tawraadda iyo Injiilka, kaasoo faraya waxa san kana reebaya
waxa xun, una xalaalaynaya waxyaalaha wanwanaagsan kana
xarrimaya waxyaalaha xunxun” (Suuratul Acraaf, aayad 157).

44
qaadku, marka laga eego xagga dhibaatooyinkiisa tirada badan,
sow kama mid aha waxyaalaha xunxun ?

2. Ilaahay wuxuu yidhi: “Waxay ku weydiinayaan, Nebiyow,


waxa loo xalaaleeyey.

Waxaad ku tiraahdaa waxaa laydiin xalaaleeyey waxyaalaha


wanwanaagsan” (Suuratul Maa’idah, aayad 4). qaadku ma ka
mid yahay waxyaalaha wanwanaagsan ee la xalaaleeyey?

3. Ilaahay wuxuu yidhi: “Cuna waxa aan idinku arsaaqney


iyagoo xalaal ah oo wanaagsan” (Suuratul Maa’idah, aayad 88).

Sida muuqata, labada aayadood oo dambe waxay isku xireen


xalaalnimada shayga iyo wanaaggiisa, taasoo laga fahmayo
inaan waxa xumi xalaal ahayn.

Axaadiista

Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo kor kiisa ha ahaatee, waxaa


laga weriyey

axaadiista soo socota oo arrinta aan ka hadlaynno ku saabsan:

45
1. “Wax kasta oo wax sirkhaamiya waa xaaraan”. Haddaba,
qaadku dhibaatadaa wuu keenaa.

2. “Wax kasta oo wax sirkhaamiyaa waa khamro, khamro


kastaana waa xaaraan”. Sida muuqata, xadiiskaani
mukhaadaraadka oo dhan wuxuu soo hoos gelinayaa xugunka
khamrada, sababtoo ah inay kulligood wadaagaan falka
maandoorinta.

3. “Wixii intooda badani wax sirkhaamiso intooda yarina waa


xaaraan”. Xadiiskaani wuxuu inoo caddaynayaa in
xaaraannimada maandooriyeyaasha aanay shardi u ahayn in wax
badan laga qaato ee ay intooda yarina xaaraan tahay.

 Gabayga Abwaan Hadraawi ee Qaadka

Uub baad ku jirtaa qarsoone


Ka soo baxa iilka Qaadka
Adduunka ragoow mar kaalay
Abuurtiyo heega daawo
Awoodaha saaran daawo
Falaadkiyo alabbadeeda
Ilaah samihiisa daawo

46
Udbaha iyo teedka daawo
Aloolka ku jeeran daawo
Hagoogta aslaysa daawo
Cadceedda ifaysa daawo
Ilwaadkiyo nuurka daawo
Abaabul-caddaanta daawo
Ummuuraha toosay daawo
Dayaxa ishin-buuxsankiisa
Aashaa socodkiisa daawo
Cir-jiidhiyo ololka daawo
Rugaa afo-gaalladiisa
Laxaa iyo ururka daawo
Aleelaha guudka daawo
Habeenka amuuman daawo
Shareerkiyo aqalladiisa
Haddana ashqaraarradiisa
Ardaayada gogosha taalla
Ammuuraha seexday daawo
Haddaanu arbeebigeedu
Ku barin abtirsiimadeeda
Inbiig ku dhex joogi maysid.
47
Ugaas bokhran baad ahayd?e
Irdaha noloshaad ahayd?e
Ilayska dhulkaad ahayd?e
Ragoow indho-beelistaad
Asaayo maxaa ka beermay
Halkaad ku lahayd astaanta
Maxaa umal soo fadhiistay
Maxaa gudcur soo af yeeshay
Naftaada markaad illowday
Bal soo tiri aafadaada
Wixii lumay aynabkaaga
Bal daawo inkaarahaaga!

Unuunka dhirtaad ka goysay


Aahdeeda bal soo dhegayso
Hashii iyo awrka geela
Abaaludda loo dareershay
Ureenkiyo tiinka daawo

48
Rasaasta alwaysa daawo
Oomaarkiyo dhiigga daawo
Areerinka meydka daawo
Islaan curadkeeda weyday
Asayda la saaray daawo.
Habliyo ubixii dalkeenna
Markay Ingiriis u xiistay
Markii Inglan looga yeedhay
Wedkay ku aroortay daawo.
Uneexada gabanka xoortay
Abaydinka dooxa yaalla
Abkiisa la sheegi waayay
Aboodigu boobay daawo.
Addoonka addoonka maagay
Ku yidhi isku Aadan miihin
Gabooye agtiisa yaalla
Walaalnimadii ka ootay
Aayaadkiyo diinta qeexan
Sidaas kaaga aayo beelay
Halkuu illin mooday daawo.
Cirkii onkodkiyo hillaaca
49
Daruuraha alabaskooda
Cuslayn jiray alalagtiisa
Bal daawada uummigiisa.
Dhulkii ubixiyo caleenta
Ugbaadkiyo doogga laaca
Ilwaadkiyo nuurka sheegtay
Awaaraha jiifa daawo.
Basaastiyo oonka daawo
Geyiga umal-toobankiisa
Ayaayurantiisa daawo
Bal dhawr laba-eefiddaadu
Waxay af-dhabaandhab keentay!
Garaadka abloobay daawo
Adduunyadu baadi maaha
Mudkeediyo bulad ammaanka
Afkii cunay quusan waaye
Hadduu laba-aabudh saaray
Hadduu ugubkeeda leefay
Muxuu ka dhex joogi uuska.

50
Ugaasadu meeday? hee dhe
Dorraato miyaan la aasin
Miyaan kafan loo amaahan
Miyaan axan loo yaboohin
Markii araggaa la waayay
Miyaan jinku qaylo oogsan
Miyaan insigii gadoodin
Miyaan ollogeenu yaabin!

Ishaaro san kaama hayno


Shidaad naga oollin maysid
Ogaal nagu caymin maysid
Itaal nagu xoojin maysid
Qudhaanjo afuufi maysid
Dalool naga awdi maysid
Xashiish nala ururin maysid
Aqool nala seesi maysid
Aqoon nagu biirin maysid
Xilkaagana oofin maysid
Afkaagana dhawri maysid
51
Sidii gabadhii Ayaan?e
Ayaan-Hooday dhahaan?e
Abwaannimo sheegan maysid
Aroor qudha toosi maysid
Dhiggaagiyo aynigaaga
Adduunka la qaybsan maysid
Iskaaba xusuusan maysid
Wixii Rabbi kuu abuuray!

Intaydu ku deeqi mayso


Intaada ku biirin maysid
Hantida arladoo dhan taalla
Haddaad irbad nooga keento
Ducaa ku asqayn lahayd?e
Inkaar naga waayi maysid.

Ufiyo bacad baan fadhiistay


Anfaaciga aad cunayso
Ilaaqda raggaan ku keenay

52
Waxaan u adkaystay maagis
Amaah iyo qaylo joogta
Uurkayga waxaan ku haysto
Afkayga ka sheegi maayo
Asluubtana qoomi maayo
Awaashiyo waayahayga
Ka daalaco oogadayda.

Haddaad na ilaalin weydo


Axsaanta ku laaban weydo
Abaal nagu yeelan maysid
Ammaan naga dhowri maysid
Anigu kugu faani maayo
Dharaar kugu aarsan maayo
Adiga kuu uunsan maayo
Agtaydana jiifi maysid
Haddaan beri kuu il-duufay
Haddeer ku abaysan mayo.

53
Markay ajashaada gaadho
Cidina kuu ooyi mayso
Ilaahay ka dhuuman maysid
Jannada ku aroori maysid
Cadaabta ka oolli maysid
Godkaaguna waa aboor
Abeesiyo waa ciqaab.

Ragoow amarkaaga weyni


Haweenka uleeya maaha
Dhibtooda ku iida maaha
Ufaan uf qadhiidha maaha
Albaabbada kheyrku seegay
Caqaar ku aroosta maaha
Asaasaq ku gaadha maaha
Ku aakhiro-seega maaha.

Ragoow irdho qaadan maysid


Ugaadhsi ka seexan maysid

54
Abeerka badbaadin maysid
Ugeybkana dhaafi maysid
Haddaad cunto aayahaaga
Xulkooda haddaad abbaarto
Unuunka haddaad ka goyso
Areebo sidaad ka yeeli?.
Sabeen inanteennu maaha
Adeeri ka sii mug weyn?e
Asoolka hablaa ka daaya!

Abaartiyo roobka dhoofay


In waalan, intiinna dhoohan
In qaawan, intii sawaaban
Dhammaan ifafaalayaasha
Ka muuqda adduunyadeenna
Ragoow ubadkaaga leexday
Islaamnimadii ka baydhay
Agoonnimadooda buuxda
Dhashiinna ku aabbo weyday
Asmay ku calool galeen?e
55
Ammaanada boodhka taalla
Ragoow ololaynta Jaadka
Haddaad kaga ood fogaatay
Maxaa arrin kuu dambeeya!

Ragoow ka adkoow xilkaaga


La saayira ooryihiinna
Irmaanta xaqeeda siiya
Ragoow ubadkaaga toosi
Wixii arrin kaa daboolan
Iimaanka ku baadi-doona
Afeefna ka yeesha xaajo
Ilaashada baylahdiinna.

Alhuumadu way fiddaaye


Haddaad ummad liil ka weydo
Hadday ahab yeelan weydo
Waayeelku hadduu ab-guuro
Hadduu odaygeedu waasho

56
Hadduu la anbado xilkiisa
Hadduu runta aamusiiyo
Hadduu kolba eed xanbaarto
Asuulkiyo xeerka soohan
Hadduu marba oof-daloosho
Hadduu laba-eef caddaysto
Iimaanka hadduu xaraasho
Hadduu wacadkiisa iibsho
Araadi hadduu ku doono
Ilaahay ka yaabi waayo
Hadduu kolba iin? caddaysto
Hadduu umal saaqa yeesho
Sidii abris qooqan guuxo
Hadduu sida awr xunbeeyo
Hadduu abur xoor leh saydho
Hadduu ilko jiira yeesho
Hadduu noqdo aadun huursan
Abeesada meel la daaqo
Aqoonta qofkii ku dhaama
Hadduu asaraar ku beensho
Dhirtuba kala ayni weeye
57
Hadduu Garan-waa? abuuro
Hadduu kala geeyo uunka
Hadduu marba qayb la ooyo
Hadduu marba iil banneeyo
Hadduu yahay uur-ka-gaal
Wanaagga ku aabi badan.

Aleelo hadduu ku waasho


Islaan iyo foox karaarsan
Agtooda hadduu fadhiisto
Ijaabo ka baadi-doono
Ibliiska hadduu la showro
Hadduu marba ood ka boodo
Ishaaro xun baa qarsoon.

Haddaanay astaan lahayn


Abbaar iyo nuxur lahayn
Aroor iyo raad lahayn
Ammaaniyo qawl lahayn

58
Asluub iyo dhaqan lahayn
Islaamnimo sheeganayn
Hadday wada eexo tahay
Hadday asaroorin tahay
Asaasiran lagu bursado
Hadday dabin aasan tahay
Shil iyo wada eeso tahay
Hadday wada aano tahay
Hadday agaraadam tahay
Addoonsigu diin u yahay
Hadday orgobaysan tahay
Iimaanku ka qooman yahay
Hadday Arraweelo tahay
Hadday abnawaasad tahay
Af-duub iyo beeno tahay
Axsaantu ka maydhan tahay
Hadday orgi iyo ri? tahay
Or iyo wada qaylo tahay
Hadday adhiyaysi tahay
Hadday adhax-tuujin tahay
Ilduuf iyo jeeble tahay
59
Hadday wada ?Aniga? tahay
Siyaasadi aabbe ma leh.

Ku daalka abaabulkeeda
Alooskiyo baanaheeda
Ujeeddo ka keeni maysid!!!

60

You might also like