Professional Documents
Culture Documents
Othman A. Mahamud
Founder AMNI Centre For Security Analysis &
Development Research Organisation, Garoe Puntland, Somalia
Abstract
Keywords
Hordhac
Darasadii 1aad hore u qoray January 16, 2018ka waxan ku soo qaatay in
Britishku xeebaha waqooyi Somalia ku soo guuray ka dib markii
boqortooyadii Turkiga Ottoman Empire ay ciidankoodi uu horjoogaha u
ahaa Khedive Ismail Masri u dhashay kala baxday. Ka dib markii ay
dhanka Sudan Masar - boqortooyada Ottoman halkaa ka talinaysay -
culays ka soo food saarey kacdoonkii Mahdigii Sudan. 1884kii ayaa British
oo Aden, Yemen ku sugnaa awalna xeebaha Waqooyiga Somalia ganacsi
la lahaa u arkay fursad islamarkaasna soo degay Saylac, Bulxaar iyo
Berbera ciidanka uu watay markaa waxay ahaayeen 40 Askari qura.
“Hunter selected the Aden Second Assistant Resident, Langton
Prendergast Walsh , who was a former Commander of the Aden
Settlement Police to be a Vice-Consul and the British local commander in
Somaliland…….Hunter installed Walsh and his 40 Aden policemen in
Berbera.”
Fasirad: “Mr. Hunter (Captain Frederick Mercey Hunter oo ahaa madax
koowad ee xarunta Aden) ayaa u doortay ku xigeenka caawiyaha xarunta
Mr. Walsh markii horena ahaa Madaxa Boliska ee Aden in uu noqdo ku
xigeenka Qunsulka iyo Madaxa English ka ee Somaliland……Hunter wuxu
fariisin uga dhigay Walsh iyo 40 kii askari oo Aden boliska ka ahaa
Berbera.”
Heshiiyadii ama Axdigii wajigii 1aad lala galey British-ka sanadkii 1884kii
qaba’iladii suulka ku duugay, tarikhda heshiisyadu qabsoomeen iyo siday u
kala hor mareen waa:
1- Habar Awal, July 14, 1884
2- Gadabursi, December 11, 1884, goobta Zaila
3- Habar Tolja’ala, December 26, 1884, goobta Aden
4- Eessa Somal, December 31, 1884, goobata Zaila sidoo kale
5- Habar Gerhajis, January 13, 1885, goobta Aden
F.G. Dhamatod heshiisyadan waxay dhaqan galeen isla goorta la saxiixay
oo tarikhdooda ku xusan tahay.
F.G. Heshiiska sii horeeyay uu British la galey Majerten wuxu dhex marey
iyaga iyo Boqor Osman oo xaruntiisa ahayd Bargaal (Cape Guardafui),
heshiiskan Britishku wuxu ku bixin jiray dhaqaale lagu ilaaliyo maraakiibta
kaga xumaata xeebaha Somalia sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhisida
Munaarada Bargaal ee marakiibta laga hago.
Heshiishkii 2aad British-ka & Odey-dhaqameedyada
—————————-
Ka dib markii British-ku isku fidiyay dhulka xeebaha bada Cas laba sano
gudahood wuxu ku gaaray magaalada Las-qoray oo ka mid ah
magaaloyinka qadiimka ah ku yaal xeebaha Somalia. British-ku wuxu
halkaa heshiish laba daraf ah la gashey qabiilka Warsangali (Mohamud
Harti) January 27, 1886kii si u ugu soo biiro heshiiska British Somaliland
Protectorate ku sameysmatay. Nuqulka heshiiskan aya u qoran:
“ART. I. The British Government, in compliance with the wish of the
undersigned Elders of the Warsangali, undertakes to extend to them and to
the territories under their authority and jurisdiction the gracious favor and
protection of Her Majesty the Queen- Empress. II. The said Elders of the
Warsangali agreed and promise to refrain from entering into any
correspondence, Agreement, or Treaty any foreign nation or Power, except
with the knowledge and sanction of Her Majesty’s Government.”
Fasirad: “ART. I. Dawlada British iyada oo tixgalinaysa doonista
Odey-dhaqameedyada Warsangali saxiixay heshiiskan, waxay dusha u
ridanaysaa in ay u fidiso iyaga iyo deegankooda hoos keento dawladooda
iyo xukunkooda wanagsan oo xushamada leh iyo ay ilaaliso Boqortooyada
(Her Majesty the Queen- Empress). ART. II. Odey-dhaqameedka
Warsangali way ogolaaden iyo waxay kaloo balan qaadayaan in ay ka
joogan aysan galin wax macaamila, Heshiis ah ama Axdi la galin wadama
ama awoodo shisheeye, marka laga reebo ogolaanshaha iyo ogaanshaha
Boqortooyada England (Her Majesty’s Government).”
F.G. Heshiisyada afarta ah, sadex ka mid ah waxa la saxiixay horaantii ilaa
dhamadkii bisha February 1886kii waxay si rasmiya ah dhaxal-gal u
noqdeen June 16, 1886kii, afar bilood ka dib xiligii la saxiixay.
Heshiiska/Axdigii lala galey Habar Awal ayaa afarta heshiis u dambeeyey
waxa la saxiixay March 15, 1886, wuxuna dhaxal-gal noqday si rasmi ah
September 15, 1886kii lix bilood ka dib. Sababta Samaroon/Gadabursi iyo
Essa Madowe Axdiga wajiga 2aad 1886kii British-ku uga reebay baaris
dheer ka dib meel ay ku cadahay ma arag sababta, waxansa u badan
tahay in mudada labada sano u dhaxeysa labada Axdi in ay British go’aan
sadeen Axdiga 1886kii afar qabiil kaliya ku soo kooban maadama ay yihiin
qabiilada u badan deegamadas. Iyo in British-ku xeerinayey Axdigii Article
35 1885kii ee Berlin Conference.
Dhanka kale, Heshiisyada Britishka iyo Afarta qabiil ay wada galeen marka
laga reebo dhulka dhanka xeebta Bada-cas ku teedsan - oo lagu cadeeyay
heshiisyada oo xarumo ‘British Posts’ ka sameenayey - laguma cadayn
dhulka dhanka barriga ‘inland’ kaga aadan xeebaha halka baaxad iyo
dherar ku egyahay Axdiyada la kala qortay ee heshiska. Qabiilada
dhankooda ma keenin xiliga ay heshiiska galeen wax cadaymo ah; qoraal
ama qariidad ku xusan oo qeexaya dhulka ay sheeganayaan in ay ka
taliyan ama dagan yihiin inta baaxadiisa cel-celis la’egtahay. Sida darteed.
Waloow sharciyada heshiisyada lagala qortay marna dood aysan ka dhalan
hadana dhanka xaqiijinta dhulalka la sheegtay in ay sax yihiin waa mid
mugdi wayn ka jiro ilaa iyo hada. Wasiirka Arihaha Isticmaarka ee Dalka
British-ka (Minister of State for Colonial Affairs) Mr. Henry Hopkinson ee
xilgaa ayaa February 25, 1955kii fadhi Aqalka Hoose Parliament British
‘House of Common’ ka yeeshay doodii ka dhalatay bixinta dhulka Hawdka
xaqiijiyey:
“Those Agreements …..are certainly as binding and valid today as they
were when they were signed, but the exact area covered by them never
defined. The only indication of its extend was a reference to two points on
the coastline in a notification which was made to the Powers which signed
the Berlin Treaty of 1885…..Nothing was said whatever about the limits of
the extension in the hinterland.”[1]
Fasirad:“ Heshiisyada…….xaqiiqdii waa lagu khasban yahay maanta waa
shaqeynayaan siday horey u shaqeen jireen oo loo saxiixay, laakin
baaxada dhul ahaan ay soo koobayaan waligeed lama qeexin. Cadeynta
kaliya balacoodu laga soo bar-tilmaamsadey waa labada barood oo
dhanka xeebta ah sida ku cad cadeynta loo sameeyay Quwadood
(Wadamada Gumeysiga ee reer Yurub), kaas oo la saxiixay Heshiiskii
Berlin 1885kii….Waxba lagama oran wax alale waxay xuduudaha dhulka
(xeebta) ku hareeraysan la’eg yahay.”
British-ku qirashada in aysan wax cadayn ah jirin balaca & dhararka toona
barriga dhulka qabiilada sheeganayaan wuxuu jid uga dhigayey heshiiskii
Angalo-Ethioian 1897kii in u ahaa mid sax ah heshiisyadii qabiilada
Somalida ka horeeyayna aysan khilaafsaneyn maadama Somalida dhulka
barriga sheegan sidaa darteedna uusan u aqoonsaneyn:
“Moreover, whereas the Agreements with the Somalis neither prescribed
any definite territorial arrangment nor purported to define the regions to
which they applied.”[1]
Fasirad: “Inta waxa dheer, halka heshiisyada Somalida lala galey marna
ma cadeynayn wax qeexitaan ah oo qorsheen dhul ah mana soo jeedin in
la qeexo dhulka ay sheegteen.”
Hadaba hadii mugdi wayn ku jiro dhanka British-ka iyo kan European-ka
sida cadeynmaha khariidadii dawladihii Isticmarka Berlin Treaty 1885kii
lagu diiwan galiyey halka dhulka barriga ee British Somaliland
xuduudaheeda dhacdo. Waxa iswaydiiyn mudan sidee ku timid in qabiilka
Dhulba-hante (Said Harti, Darod) oo dega afar dalool dalool ka badan inta
British Somaliland loo yaqaaney xayndaabka British Protectorate uga mid
noqday iyadoo qabiilada Dhulba-hante wax heshiis ah la galin Britishka
xiligii (1884-86kii) qabiilada kale waqooyi daga u kala tar-tamayeen
gacansaarka boqortooyada British-ka. Mr. Henry Hopkinson (Minister of
State for Colonial Affairs) ayaa yiri:
“The tribal Elders voluntarily placed themselves under British protection.”
Fasirad: “Madax dhaqameedyadu qabiilada iyagaa iskood u hoos yimid
xukunka British-ka.”
Jawaab u helida su’aalahan iyo kuwa badan oo kale ka dhalan kara dooda
Aqalka Hoose ka dhacday February 23-25, 1955kii waxay shaki wayn
galinayaan hubaal ahaanshaha in qabiilka Dhulba-hante sharciyan ka mid
yahay qabiil ahaan iyo dhul ahaan British Protectorate. Dawlada Britishka
ayaa xiliga doodii bixinta dhulalka Hawd, Reserve Area socdeen cadeesay
in dhul aysan qabsan qabiilkiisana heshiis la galin loo qaban karin in ay
bixiso. Af-hayeenkii Aqalka Hoose ‘House of Commons’ xiligaa kala
fadhigu socday Mr. William Marrison ayaa qeexay:
“Consequently it was not in our power to give away that which we did not
possess.”
Fasirad: “Sidaa darteed ma ahayn awoodeena inaan bixino waxaan awalkii
horeba gacanteena ku jirin.”
Qodabka Article 35 wuxu dhaqan kalay isla xiga shirka Berlin 1885kii
dhacay, waxay tani cadayn u tahay markii Britishku heshiishka qabiilada
waqooyiga Somalia la galayey 1886kii qabiiladii xeebaha bada Cas degan
kaliya in uu xeerinayey ku dhaqanka qodabkan (Article 35 of Berlin
Conference) oo marka qiyaastii mudo sanad ah jiray ama ku dhow, Article
35 ayaa diirada saarayay:
“However, as the Berlin Act was limited in its scope to the lands on the
African coast, there were numerous instances where European powers
claimed rights over lands in the interior without demonstrating the
requirement of effective occupation articulated in Article 35 of the Final
Act.”[13]
Fasirad: “Si kasta oo ahaato, madaama Sharciga Berlin ay diiradisu ku
aadanayd dhulka xeebta Africa, mararka qaarkood waxaa dhacaysay
meelo awoodaha reer Europe-ka sheeganayeen xuquuqda dhul-gudaha ah
iyaga oo ka muujin wixi looga baahnaa qabsasho rasmiya oo shaqaynaysa
sida ku uu dhigayo qodabka Article 35 ee sharcigiisa u dambeeya.”
Sida darteed suurtagal ma noqon karto wada kasta ha loo maro in maanta
mar labaad dib loo soo noolayn karo qarniga 21aad xeer dawladihii
Isticmaarka qudhoodi sharuucdii gumaysiga ka saareen kulankii
Berlin,1885kii.
Dhanka kale gooni isu taaga ama raadin Ictiraaf Caalamiya, 27 sano la soo
dhaafay Somaliland waxay ku ahayd baadi-goobid baadi aan jirin.
British-ka oo ah Dawaladii Isticmaarsatay gobalada waqooyi sababta ugu
muhiimsan aysan heshiisyadii 1884-86kii la gashay qabiilada inta badan u
aqoonsanayn sharciyan (legal obligation) balse niyad ahaan aqoonsan
yihiin (moral obligation). Waxay tahay, aqoosiga heshiishyada qabiilada
lala galay ee sii horeeyay waxay bud-dhig u yihiin in Somaliland la
aqoonsado dal ahaan, sida darteedna dhulka Hawd iyo Reserve Area
British-ku 1897kii iyo 1954kii u gacan-galiyey Ethiopia in ayagana British
Somaliland ka mid yihiin loo aqoonsado maadama heshiisyada ku xusan
yihiin khaasatan heshiisyadii qabiilada Habar Awal, Garhajis & Habar
Toljecle saxiixeen sanadkii 1886kii. Daraasadu waxay iyana caadka ka
qaadaysaa hawl-galka Somaliland ugu magacdartay ‘soo xirida xuduudaha’
British Somaliland in ay tahay mid salka ku haysa maamul balaarin uun
balse habayaratee saamayn ku lahayn Ictiraaf lagu helo sababaha kor ku
xusay awgood.
B.Q