You are on page 1of 2

Gaaraabidhood: Waa sheeko oo ku saabsan taariikhda soomaalida waxaana loo sameeyey si ka

duwan sida taariikha loo qoro, qoruhu wuxuu adeegsadey qaab xallad leh, laakiin wuxuu
mushtamaca kala kulmay dhib iyo taageero isku jira.: Lumna: Lumna waa gabar ilbax ah oo ku
soo kortay Kampala waxaana dhalay nin taajir ah waxaa soo guursadey Hanad oo markii hore lo'
ku raaci jirey miyiga Jigjiga laakiin hadda Uk qaxooti ku ah waa labo qof oo midabka isaga eg
laakiin miskaxda ku kala duwan.
Birikh: Waa taariikh nololeedka Dahabo waa gabar soomaaliyeed oo miyi ka timid waxayna ku
soo dhexdhacday magaalo madaxdii Soomaaliya oo aysan cidna ka aqoon haddii ay ka
taqaaneyna waxaa lagu yiri: "Xamar iska celi" Dahabo waxay u deexatay saaxiibteed Faaduma
oo ugu timid in ay guurkeeda labaad ka taliso laakiin la talintii waxaa ka soo burqaday mowjado
sir ah.
Asli Sanyare: Xasuus qor: Islaan Cabdullaahi Yuusuf Xuseen, wadanka Soomaaliya meel aanan
tegin waxaa ka jirta Boosaaso iyo Hargeysa maanta waxaan joogaa Balibuslle, laakiin hal qof
kama aqaan waana goor fiid ah. Reer guri qurux badan degen ayaan albaabka ku garaacay si aan
caawa ugu hoydo, ileen reer magaalka laguma hoydo, waxaa la igu yiri: " Meeshaani boos ma
leh, ee waryaa ka dhaqaaq" Dhanka centerka ayaan isaga sii luuday, ka dibna meel ayaan iska
fariistay sidii mukulaal hoy la'aan ah. Magaaladu hoteel ma leh, laakiin xataa haddii ay leedahay
lacagi aaway? Dadku waa uu iswada yaqaan dukaamadana iyaga oo furan baa masaajidka la
aadaa sidii Baraawe oo kale, qofkii soo galana waa la yaqaan haddii uu inta la tukanayo wax
xadana waa la soo qabtaa, waa balad aamin ah. Waxaa hadda isha i saartay Asli Sanyare
Ciidegale waxayna garatay in aan baladka ajnabi ku ahay ama aan meesha marti ku ahay,
waxayna igu tiri: "Furahaas qaado" Intii ay farta iigu fiiqday guri weyn oo aan la yaabay
quruxdiisa, waligey meel ka fiican ma seexan. Meel kasta waan ku xusaa abaalka Asli Sanyare
kolkaas nin aan Afgooye ku arkay baan ugu waramay taariikhdaas wuxuuna igu yiri: "Asli
waxay la dhalatay maalqabeenno iyo madax caan ka ah Soomaaliya waxayna u dhaxdey taajir la
oran jirey Xarfe Xuseen Xiirey.
maalin iyo Mogadishu: xasuus qorka Maaful Faarax Xasan. Abwaan Hurfe Guutaale Hurfe
Guutaale, dhanka kaambo-Amxaaro ma aadin waxaan la wareergey dayrka dheer, ee guriga
safiirka amerikaanka, wadada safaarada Jabuuti lama laaban ee waxaan toos u qaaday wadada
hormarta xaafiiska UN-ta, ee Soomaaliya ugu weyn waxaan hadda galay xaajiyad hor taagan
baar Liido, markii aan dhaafnay iskuulkii Badda ayey xaajiyadii istaagtay waxaa maxaddada
taaganaa Cali Cilimi Afyare, Cali Afyare xaajiyadii ma uuu galin, ee waxaan hadda u jeedaa
baabuur u istaagay, markii aan dhaafnay sugunto Liido ayaa isha ku xaday bankigii ganacsiga
iyo hoteel al-Curuba oo bidix iga saaran dhanka middigna Sufeeya center, sartii maaliyadda iyo
sartii Uunlaaye waxaan xajiyadii gaga haray meeshii ay u socotay oo ahayd Afarirdood, waxaan
sii ag maray bacadlaha Ceelgaab, waxaan hadda u jeedaa tuugo afarturub lacag kaga heleysa
ciiyaal gobollada ka yiimid, ciyaalkii waxaan ku yiri: "War tuugada iska ilaaliya" Waxaan ku
sigtay in ay tuugadii i disho, waxaan hadda taagan nahay maxaddo ku aadan Dhagaxtuur dhanka
kalena kaga aadan Raadiye Mogadishu iyo iskuulkii Allahi wiil yar ayaa inta uu caasi duullaya
ka degey wuxuu leeyahay: "Lamabar-afar" Dadka baska saaran iyaga ayaa isku maqan, laakiin
anigu waxaan ku maqnay daawashada magaallada waxaan markii hore dhinac bidix ka eegayey
majaajidkii isbahaysiga haddana waxaa dhinaca middig iga qabtay xaruntii gurigii ummada iyo
taalladii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, durba waxaan u jeestey dhanka bidix waxaana igu

taagan xaruntii 88 ee booliska , baskii waxaan uga haray Dabka, bas kale ma raacin ee waxaan
kor u qaaday jidka Hodan u baxa, waxaana hadda i dhaafay 2 hablood oo midi dirac madow tafta
haysato, intii aan istaagay baan hablihii sii eeggey markaan gabdhihii ka soo jeestay baan maqlay
heestaan oo dukaan dhanka middig wadada kaga yaal ka shidan, intii aan ku leexday meeshii ay
heesto ka yeereysey baan dukaankii soo galay waxaa jooga wiil shaqo haya iyo nin weyn oo
hoos fadhiya wiilkii ayaa igu yiri: "Maxaan kuu qabtaa?" Waxaan ku yiri: "Odeyga ii duub"
Markaas ayuu ninkii weynaa ee hoos fadhiyey yiri: "Wiilka u duub" Waxaan hadda fahmay in
meesha aan ku jiraa ay tahay Raaxeeye ninka weyna yahay Maxamed Suleymaan Tubeec
wiilkuna yahay wiilkiisa.

Hurfe Guutaalle waxaad igu soo celisay xasuuso hore.Aniga iyo Maryan: Waxaan rabey in aan
saaxiibkay waco, laakiin teleefoonkii wuxuu ku dhacay guri khalad ah waxaana iga qabtay gabar
cod macaan, waan soo khaldamay ma oran ee meeshii ayaan ku saaxiibnay kolkii aan lix blood
isnaqaanay ay galab igu tiri: waryaahee Cabdow haddii aynu is arano ka waran? Anigu waxaan
hablaha kula balamaa meelo ii gaar sida Daljirkadahsoon, hoteeel Jubba, Jubba -Jalaato iyo
Boostada weyn irideeda, laakiin inantii waxay tiri: "Dee walaalo taalada Sayidka iyo guriga
ummada dhexdooda ayuun baan garan" Saaxiibkay Jaamac Maxamuud Qaas baan ku iri:
"Gabadha baabuurta midna aynu ku soo qaadno midna aynu ku celino, si aynu waalno" Waxaan
hadda taagan nahay taalada Sayid Maxamed Cabdulle Xassan gadaasheeda waxaana nagu soo
socota inan 1,80 cm ah oo dirac iyo garbasaar xiran dhanka taalada ee ay inantu ka soo socoto
waxaa xiga saaxiibkay Jaamac Maxamuud Qaas gaarigana wada wuxuuna hadda igu leeyahay:
"Waryaa Maaful gadaal fariiso" Wax yar ka dibna wuxuu gaarigii soo dhigay maxkamadii sare
ee Shebeelle ku taaley wuxuuna igu yiri: -"Waryaa Maaful gal xafiiska" Waxaan hadda sii
eeggayaa gaariiga Pikup-ta ah ee ka sii laabnaysa jidka u dhexeexa iskuulkii Yasssin Cusmaan
iyo Daljirkadahson, inantii la iga qaaday waxaan ku hilmaamay booska cusub ee aan caawa soo
helay, wixii habeenkaas danbeeyeyna waxaan hablaha kula balimi jirey taallada Sayid Maxamed
Cabdulle Xasan.
i Yuusuf: Meel dheer baad u jeeda laakiin annagu kulma aragno ma rabtid in aan sii guulno, ee
waxaad rabaa in aan ceel u hoyano, adiga ayaan adduunka kugu neceb nahay, laakiin adigu
annaga ayaad adduunka noogu jeceshay, waxaan kugu nacnay waa dantayada oo aad nagu
canaanatid, Salaad Tiiteeye wuxuu yiri: Adduunka waxaan nebcahay walaalkay Faarax Yusuuf
Gaban "Faarax Gaas" Waayo wuxuu igu canaantaa salaada" Laakiin Faarax Gaas walaalkiis
Salaad kuma daalo adiguna naguma daashid, kaayagii socon waaya waad fuulisaa waxaad
seexisaa rako dheer, laakiin annagu kuuma ogin laakiin markii aad dhuumatay (dhimatay) ayaan
fahanay. Hadda ayaan, garanay ceelkii aad noo wedey hadda ayaan garanay in guulku xun
yahay. Waxaan ka baqayaa in aan ku caabudno, waa hubaal in aan ku caabudi lahayn haddii
uusan Ilaahay jirin. Cabdirashiid Faarax Xasan.

You might also like