You are on page 1of 7

Cilmi baaris waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta sare gaar ahaan jaamacadaha.

Sida ka
muuqato eragya, waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS.

Cilmi baaristu waa hab celimiyeeysan oo lagu baaro xogta uu leeyahay mawaduuc cayiman.
Waxaa kaloo lagu qeexaa cilmibaaristu in ay tahay nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu
soo kordhiyo qayb ka mid ah cilmiga jiro.

Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista


Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in
jawaab loogu helo su aalihi aan la aqoon jawaabtooda iyo in la soo helo runta aan weli la ogaan
iyadoo lagu radinaayo hab cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka cilmi baarista waa
uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.

In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga ogaado (Exploratory Study)
In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof, koox ama arin (Describtive
study)
In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo xiriir la leh arin kale
(diagnostic study)
In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( Hypothesis
testing study)

Cilmi baaristu way nuucyo badan tahay wayna kala duwantahay. Inta aan la bilaabin cilmi
barista waxaa haboon in la is waydiiyo.

I. Cilmi Baaris Saafi ah (Pure Research)

Inta badan cilmi barista nuucaan ah waxaa loo sameyaa si loo ogaado xog aas aas u ah cilmiga
Sayniska. Marka la samaynayo cilmi barista nuucan ah, hadafku ma ahan in la adeegsado
durbaba oo la dabaqo natiijadii ka soo baxdo cilmi barista, ee hadafku waxa uu yahay in la
hurumariyo cilmiga jiro, lacadeeyo lana sharaxo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha
(variables).
Hadafka cilmi baaristan waxaa kale uu noqon karaa in la hurumariyo fahanka aqooneed ee aanu
ka haysano dunida aanu ku nool nahay.

Waxaa laga yabaa in uu qofka is waydiiyo, hadii aanan cilmi barista xal toos aha loogu raadinayn
dhib jiro ama anan looga jawaabeyn su,aalo aan jawaab loohayn xiligaas.

Maxaan lacagy iyo waqti ugu luminaa, maxaanse isugu dhibaa? Jawaabtu waxay tahay, cilmi
barista saafiga ah (Pure) waxay aas aas u tahay cilmi barista oo dhan, waxayna wadada u sii
xartaa in la amba qaado waxa loo yaqaano cilmi barista la dabaqay (Applied Research) hadii aan
la helin cilmi baaris saafi ah (Pure Research) way adkanaysaa in la amba qaado cilmi barista la
dabaqo waana sil salad isku xiran.

II. Cilmi Baarista la dabaqo (Applied Research)

Guud ahaan, cilmi barista la dabaqo waxa loo amba qadaa si looga jawaabo su, aalo aan
jawaabtooda lahayn ama xal loogu keeno dhibaato jirto. Inta badan hadafku waxaa uu yahay in
wax la qeexo ee ma ahan in la curiyo. Cilmi barista nucaan ah waxaa aas aas u ah oo ay raad
racdaa cilmi barista saafiga ah.

Hadaba, su,asho waxay tahay. Muxuu yahay farqiga u dhaxeeyo labada nuuc ee cilmi baariseed?
Mida hore, waxay ka caawisaa adanuhu in uu wax badan ka ogaado dunida aynu ku nool nahay.

Halka cilmi baariska kale ay ka caawiso aadanuhu in uu xal ugu raadiyo dhib jiro ama su,aalo
aan jawaab loo hayn.

III. Cilmi baaris Sahmiyeed (Exploratory study)

Cilmi barista nucaan ah waxaa la sameyaa marka ay san jirin wax horay looga qoray arintaan oo
ay tahay marki ugu horeysay ee lagu sameyo cilmi baaris. Cilmi baaristu waxay isku dayaaysaa
in aay ogaato xog badan oo la xiriirto arintaan madama ay tahay markii ugu horeysay ee cilmi
baaris nuucasi la sameeyo.
Darasad Sahmiyedku waa ay dabacsantahay (flexible) waxaa lagu xalin karaa nucyada kala
duwan ee su,aalaha cilmi baarista sida (Sababta, Maxay, iyo Sidee). Cilmi baaristu waxa ay isku
dayaysaa in ay soo bandhigto xog cusub iyadoo aysan jirin wax horay loo sii saadaaliyay ama
loo mala awaalay (hypothesis). Hadaba cilmi baaris sahmiyeedka waxaa lagu soo kobaa sidan:-

A. In aqoon dheeraad ah iyo faah faahin laga helo waxa la baaraayo

B. In la curiyo fikir cusub, iyo in la hurumariyo aragtiyaha (theories)

C. In la curiyo malo awaal cusub (Hypothesis)

D. In wadada loo sii xaaro suurta galnimada in cilmi baaris kale oo dheeri ah la amaba
qaado

E. In la helo jiho macayim ah loo raaco daraasadaha mustaqbalka

IV. Cilmi Baaris Qeexineed (Descriptive research)

Cilmi baarista nucaan ah waxay qeexdaa arin gaar ah, waxayna diirada saartaa waxa dhacaya
hada. Sidoo kale waxay diirada saartaa imisa jeer ayay horay u dhaceen arimaha nuucaan ah.
Darasada kama hadasho sababta ay arin u dhacdo ama u dhacday intaba. Sababaha loo
ambaqaado darasadan nuucan ah way fara badan yihiin waxaase ugu sii muhiimsan in la muujiyo
xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables ).

Marka darasadan la amabaqadayo cilmi baaruhu waxaa uu adeegsan karaa qidado kala duwan oo
uu xogta ku soo ururiyo. Waxaan ka mid ah qidadaha. In uu indho indheen ku ururiyo xogta ama
daraseen. Darasadu waxay u kuur galaa (xalada, dabeecadaha, dhaqanka iyo rayiga) ay leyihiin
koox gaar ah. Sidoo kale waxaa la adegsan karaa waraysiyo kala duwan oo dadka lala yeelanayo.

Daarasda qeexida waa loo adegsan karaa hababka Taranta (quantitative) iyo Tayada (Qualitative)
In la go,aamiyo nooca la adegsanaayo waxay ku xirantahay su,allaha cilmi baarista (Reseach
Questions)
V. Cilmi Baaris Sharaxeed (Explanatory research)

Daraasada nuucaan ah waxay sharaxdaa sababta ay wax u dhacayaaan, waxay qimaysaa waxa
sababo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables). Waxaa kaloo loo adegsadaa in lagu
tijaabiyo xariirka ka dhaxeeyo mala awaanlka (Hypothesis) iyo samaynta ay isku yeelan karaan
doorsooma yaasha. Cilmbi baaris sharaxeed ku waxay ka jawabtaa, sababta iyo sida ay wax u
dhaceen. Waxay raadraacdaa waxa sababa iyo samaynta xiriirka ka dhaxeeyo labo doorsome.

Cilmi baaristan waxaa la amba qadaa marka xogta lahayo ay yartahay lana rabo in la sii faah
faahiyo xogtaas yar oo la keeno faah faahin dheeri ah. Hadafki waxaa uu yahay in la helo xog
badan.

VI. Cilmi Baaris Saadaalineed (Predictive research)

Cilmi baarista nuucaan ah waxay waxay saadaalisaa ifafaalaha mustaqbalka iyo suurta
galinimada waxaas in ay dhacaan. Cilmi baaristaan intabadan waxay ku bilaabataa in la raadiyo
waxa dhici doono iyadoo laga qayaas qaadanayo wixi horay loo ogaa amaba horay u soo dhacay.
Cilmi barista nuucaan ah waxaa lagu lifaqaa fasiraadi ay soo jeedisay cilmi baari sharaxeedki
(Explanatory research)

Doorashada Mowduuca (Selecting a Topic) :

Cilmi baaristu waxay u baahantahay waqti, qarash iyo adkaysi. Waxan halkan ku soo
bandhigaynaa qididadah lagu doorto mowduuca wax laga qoraayo.
Waxaa muhiim ah in qofka uu doorto mowduuc uu aad u xisaynayo uu diyaar u yahay in
uu waqti iyo garaad uu ku bixiyo.
Dooro mowduuc aad aqriskiisa ku raxaysanayso aadna fahmayo xogtisa hoose
Waxaa haboon mowduuca la doranayo in uu ahaado mid xiriir la leh noloshaada iyo
mustaqbalkaaga shaqo. Tusaale, hadii aad jeceshahay in aad noqoto ganacsade ama aad
tahay, mowduucaga ha ahaado ganacsiga iyo wax la xiriro. Hadii aad rabto in aad noqto
siyaasi mowduucaga hala xiriiro siyaasada.
Mowduuca ha ahaado, mid aad horay wax uga soo baratay oo aad ku course kiisa soo
qadatay oo waliba aan darajo fiican ka haysato natiijadiisa imtixaanka. Dooro
madooyinka aad A ka haysato oo aad ku raxaysanaysay xiligi aad baranaysay. Haka
dooran wowduuca maado aad C ka hayso ama aad ku dhacday.
Samee waxa loo yaqaan (Brainstorming) aruuri rayiyo kala duwan oo la xiriiro wowduca
Iska hubi in mowduuca aad maamuli karto (managable) xogtiisane aad heli karto
Aqri oo soo ururi xogbadan oo la xiriirto mowduuca aad rabto in aad wax ka qorto
Marwaliba oo la dooranayo mowduuc waxaa haboon in la iswaydiiyo sualaha looyaqaan (5Ws)
maxaan u doranaa moducaan? Maxaa xiiso ah uu iileyahay aniga? Rayi maka haystaa arimaha
quseyo moducan?

Yuuquseyaa mowducan oo xogtiisaa laga helaa marka xog ururiska la gaaro? Ka fogow
mowducyada ay kugu adkanayso in aad xogtooda hesho ama cida ay qusayso aad awoodin in aad
la kulanto.

Tusaale ahaan hadii xogta lagaaga bahanyahay in aad ka soo ururiso madaxda ugu sarayso dalka
sida Madaxwaynaha iyo Ra,isul wasaraha iyo Wasirada. Adigane adan ahayn siyaasi awood u leh
in uu la kulmo dadkaas.

Waxay kugu noqonee in ay waqti dheer kaa qadato ama in aad ku guul daraysato. Marka ka
taxadir cida mowduucaaga uu higsanayo in uu ka helo xogta.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad taqaano mowduca aad wax ka qorayso qoraayaasha ugu waa
wayn ee ugu caansan. Qorayasha waxay shegaan cilmi baarista mustaqbalka la rabo in la amaba
qaado ee quseeyo mowducaas. (Future recommendation)

Ogow waxa ayihiin su,aalaha ugu waa wayn ee la iska waydinayo mowducan? Majirtaa dood ka
taagan mowducan oo aan jawaab loohayn? Ma jirtaa oraahyo iyo aryiyo kala duwan oo laga kala
qabo woducan oo la isku qilaafsanyahay? Hubi in mowducan oo meel ka bananyahay (GAP)

Is waydii hadii aan doorto mowducan ma wuxu muhiim u yahay gudaha, heer qaran mise heer
caalami. Majiraa meel gaar ah uu bartilmaa maysanayo mowducaaga.
Ugu danbaynti mayahay moducaan mid hada muhiim ah oo xilagaan la joogo loo baahanyahay
mise waa mid xiligiisi ka soo gudbay. Ma waxaad rabtaa in aad is bar bar dhigto xiligii hore iyo
xiliga hada la joogo?.

Dooro mowduuc xiligaas tagan la jaan qaadi karo. Waqti ha iskaga lumin in aad FARAACIINTI
wax ka qorto. Dadka waxa jecelyihiin in ay aqriyaan xalada markaas taagan wixi laga qoray sida
FACE BOOK, Viber, Whatsup.

Hadii aad moduucaga yahay waxa la xiriiri aaladihi laga soo tagay sida (TYPE) ka waa hubaal
in aysan jirin cid aqrinayso. Ugu danbayti dooro moduuc xiliga la jaanqadi karo.

Cinwaanka hagaagsani waxaa uu qayb wayn ka yahay tayada cilmi baarista, waxaa uuna micno u
yeelaa guud ahaan cilmi baarista.

Cinwaanka waa waxa ugu horeeyo ee qofka aqristaha ah uu arkaayo. Waxaa loo baahan yahay in
uu ahaado mid cad oo la fahmi karo. Jamacadaha qaar waxaa jiro gudi qiimeyo cinwaanada
cilmi baarista, hadii ay ku qancaan cinwaanka ardayga waxaa loo ogoladaa in uu ambaqaado
cilmi baarista, hadii kale dib ayaa loogu celiyaa ardayga ilaa uu kala yimaado cinwaan tayo leh
oo loogu ogolado in uu cilmi baarista amaba qaado. Waxaa jiro talaaboyin farasameed la
adeegsado oo maskaxda lagu haayo marka la qoraayo cinwaanka.

Cinwaanku waa in uu ahaado mid fudud, kooban oo soo jiidasho leh. Hadafka kowaad ee
cinwaanku waa in uu bixiyo sharaxad kooban oo ku saabsan cilmi baarista waxa ay tahay. Ka
dhig cinwaankaga mid kooban oo cad. Ka fogoow faahfaahinta aan muhiimka ahayn. Cinwaanka
fiican waxaa waxaa uu udhaxeeyo 8-12 eray. Waxaa mamnuuc ah in cinwaankaaga uu ka
badnaado 15 eray. Hadii ciwaankaagu noqdo mid iska dheraado, aqristaha waxaa uu luminaa
hadafki cinwaanka. Sidaas darteed isku day in aad soo koobto adigoon luminayn hadafka
cinwaanka laga lahaa.
Isticmaal erayo ku habeen in ay wax qeexaan (Descriptive words) cinwaanka fiican waa in ay ku
jiraan erayo qeexayo deebacadaha cilimi baarista. Ka fikir isticmaalida erayada dadka ay ku
raadinkaraan cilmi baaristaada marka ay Google laha isticmalayaan. Ka fikir erayada muhiim ka
ah ee durbaba uu soo heli karo Google ka ee la xiriiro madada aad wax ka qorayso. Hadii aadan
isticmaalin erayada muhiim ka, waxaa dhacayso in aqristayaal badan aysan helin xogtaada
madama ay adagtahay in Google ka uu soo qabta (key words) ka cinwaankaaga.

Cinwaanka waa waxa ugu horeyo ee lagu soo bandhigo baraha waxa lagu baaro ee lo yaqaan
(online ama digital library). Ogow hadii aqristaha uu soo jiito cinwaankaaga waxaa uu go,aan
sanaa in uu wada aqriyo xogtaada dhamaanteed, taasina qoraaga waxay ka saacidaysa in la soo
xigto qoraaladiisa oo la iibsado waxa uu qoro.

Ka fogow in aad u isticmaasho cinwaankaaga xarfaha lasoo gaagaabiyaya iyo erayo aan la
garanayn waxa ay u taagan yihiin oo dadka ku adag in ay fahmaan (Jargon). Waa loo isticmaali
karaa ciwaanka xarfaha qaar oo la isla wadayaqaan sida AIDS. Marwaliba waa muhiim in
ciwaanka uu bixiyo dareen soo jiidasho leh marka ugu horeysaba.

You might also like