You are on page 1of 27

Casharka 1

Cilmi Baarista (Research)


Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?.

Cilmi baaristu waa hab cilimiyeeysan oo lagu baaro xogta


uu leeyahay mawaduuc cayiman.
Waa nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb
ka mid ah cilmiga jiro.

Marka loo eego Clifford Woody, cilmi barista waxaa uu ku sheegay in ay


tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo xalka, la sameeyo xog aruurin
ku saabsan dhibaatada, kadib xogta la falanqeeyo, ugu dabayntiina la
isbar bar dhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee ka soo
baxday xog ururinta.
Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista

hadafka cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase


ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.
In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga ogaado
(Exploratory Study)
In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, (Describtive study)
Qof

Koox

ama arin

In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo xiriir la leh
arin kale (diagnostic study)
In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo
doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)
Noocyada Cilmi Baarist
1. Pure Research:
Inta badan cilmi barista noocaan ah waxaa loo
sameyaa si loo ogaado xog aas aasi u ah cilmiga
Sayniska.
hadafku waxa uu yahay in la hurumariyo cilmiga jiro,
lacadeeyo lana sharaxo xiriirka ka dhaxeeyo
doorsoomayaasha (variables).
in la hurumariyo hadafka aqooneed ee aanu ka haysano
2. Applied Research:
dunida aanu ku nool nahay.
waxa loo amba qadaa si looga jawaabo su, aalo aan
jawaabtooda lahayn ama xal loogu keeno dhibaata jirta.
in wax la qeexo ee ma aha in la curiyo.
in xal loogu raadiyo dhib jirta ama su,aalo aan jawaab loo
hayn.
Qaybaha Cilmi Barista
I. Exploratory study: Daraasada noocaan ah
waxa ay isku dayaysaa in ay soo bandhigto xog
cusub iyadoo aysan jirin wax horay loo sii
saadaaliyay ama loo mala awaalay (hypothesis).
In aqoon dheeraad ah iyo faah faahin laga helo waxa
la baaraayo

In la curiyo fikir cusub, iyo in la hurumariyo


aragtiyaha (theories)

In la curiyo malo awaal cusub (Hypothesis)

In wadada loo sii xaaro suurta galnimada in cilmi


baaris kale oo dheeri ah la amaba qaado
I. Explanatory research:
Daraasada noocaan ah waxay ka jawabtaa, sababta iyo sida ay wax u dhaceen.
I. Sharaxdaa sababta ay wax u dhacayaaan,
II. Qimaysaa waxa sababa xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables).
III. Waxaa kaloo loo adegsadaa in lagu tijaabiyo xariirka ka dhaxeeya mala
awaanlka (Hypothesis) iyo samaynta ay isku yeelan karaan doorsooma
yaasha.
IV. Hadafku waxaa uu yahay in la helo xog badan.

I. Descriptive research:
Cilmi baarista noocan ah waxay qeexdaa arin gaar ah,
waxayna diirada saartaa waxa dhacaya hada.
waxay diirada saartaa imisa jeer ayay horay u dhaceen
arimaha noocaan ah.
Darasada kama hadasho sababta ay arin u dhacdo ama u
dhacday intaba.
waxaase ugu sii muhiimsan in la muujiyo xiriirka ka
dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables).
Predictive research:
Cilmi baarista noocan ah waxay
saadaalisaa
ifafaalaha mustaqbalka

iyo suurta galinimada waxaas in ay


dhacaan.
waxay ku bilaabataa in la raadiyo waxa dhici
doona iyadoo laga qiyaas qaadanaayo wixii
horay loo ogaa amaba horay u soo dhacay.
Selecting a Topic
Dadka wax qora waqti badan iyo taxadar dheeri ah
ayay ku bixiyaan cinwaanka. Waxaa jiro sadex nooc oo
inta badan loo qoro cinwaanka, waxayna kala yihiin
1. Cinwaan wax qeexayo (descriptive) waxaa uu tilmamaa
maadada cilmi baarista mana muujiyo waxa natiijo ah.

2. Nooca labaad waxbuu cadeyaa (declarative) waxaana ka


muuqda erayo sharaxaya natijada cilmi baarista.

3. Midka sadaxaad waxaa uu uqoranyahay qaab su,aal waydiin ah


(question).
Selecting a Topic
Cinwaanka waa waxa ugu horeeya ee qofka
aqristaha ah uu arkaayo.
Waxaa loo baahan yahay in uu ahaado mid cad
oo la fahmi karo.
Cinwaanka fiican waxaa uu udhaxeeyo 8-12
eray.
Isticmaal erayo ku haboon in ay wax qeexaan
(Descriptive words)
waxaa jiri kara cinwaano ka kooban labo
qaybood

1. Cinwaanka waxaa u kubilaabmaa qaab suaal kadib


waxaa racaaya ficil sameeyaha jumlada (subject
sentence).

2. Cinwaano kubilaawdo magac kadib ay raacaan labo


dibcood (colon) iyo jumlad wax cadaynaysa
(declarative sentence)
Hordhaca Cilmi Baarista
Hordhaca muhiim ayay u tahay cilmi baarista, waana qaybta
hanata amaba soo jidadata aqristaha.
Aalaaba hordhaca waxaa aad uga muuqda
Erayada aas aasiga u ah cilmi barista (Key words).

waa muhiim in hordhaca loogu sheego


wax uusan ogayn,

looguna balanqaado qaybaha kale ee qoraalka ka dhiman in ay ku qoran yihiin iyada


oo faahfaahsan.

Suurta galnimada ka danbaysa in la amba qaado cilmi barista.

Suurta galnimada ay wax ugu soo kordhin karto aqoonta hada jirto.
Hordhaca Cilmi Baarista
Waxaa jira qidado ka caawin kara qoraaga in uu qoro hordhac
wanaagsan, xiiso leh, kuna dhiiraglinkara aqristaha in uu
wada aqriyo xogta.
Waxa ka mida ah.
Marka hore in lasoo koobo qoraalka,

In la qeexo dhibka jira oo la rabo in labaaro.

In la shego su,alaha cilmi barist la xiriira ee la iswaydinayo.

In la sheego muhiimada ay leedahay cilmi baarist

in la sheego saadaasha ama malaawalka cilmi baarista.

waxaa haboon in lagu daro hordhaca xigasho kooban oo la


xiriiro waxyaabihii horay loo qoray
Problem Statement
waxaa haboon in dhibka jira ee u baahan
xalka in uu cilmi-baaris ku sameeyo
Si baayaanka dhibaatada u ahaado mid awoodleh,
waxaa haboon marka la qorayo in la isticmaalo
su,aal waydiiya yaasha kala ah.
Maxaa dhacay?

xagee ka dhaceen?

sidee u dhaceen?

iyo sababtee u dhaceen?


Tusaale.
dhibta jirto yeey sameynaysaa?
dad gar ah,

hayad gar ah?

Dhibaatada ilaa intee ayay garaysaa,

maxaysa tahay xuduudaha dhibaatada?.

Saamaynta dhibaatada intuu la egyahay.

Saamaynta dhibaatada maxay sababi kartaa?

Hadii la xaliyo maxa dhacaayo?

Hadii aan la xalinse maxaa dhacayo?

Dhibaatada goormee ayay dhacdaa?

Xiligee loo baahan yahay in la xaliyo dhibaatada?

Xagee ka dhacdaa dhibaatada?

Maxay muhiim u tahay in aan xalino dhibaatadaan?

Xalka sameeynta uu yeelanayo maxay tahay?

Yay dan ugu jirtaa xalka dhibatadaan?


Problem Statement
Ugu danbeeybtii, qorista bayaanka
dhibaatada waxay ka koobanyahay afar
qaybood
1. Hadafka ama sid haboon ee loo rabo in ay wax
noqdaan.
2. Xaqiiqda hada jirto oo ka duwan wixi larabay in
la gaaro
3. Caqabada ka imaankarto hadii aanan wax laga
qaban waxa socdo
4. Nooca cilmi baarista ee la samaynaayo si xal
loogu raadsho dhibka jira.
Tusaale
1. Sida larabo in ay wax noqdaan
(Hadafka): Jaamacada XY baayaankeeda
howlgalka waxaa uu balan qadayaa in ardayda ay heli
donaan wax barasho tayo leh, macalimiin qibrad leh oo
shahaado sare ah ka haysto maadada ay dhigayaan iyo
waliba in jaamacada ay adeegsan doonto manhaj
(curriculum) tayadiisa sarayso.
2. Xaqiiqda: Ardayda dhigato jaamacada XY waxay ka
cabanayaan in ay san helin macalimiin leh qibrad sare
haystane shahaado sare. Sidoo kale ardayda jaamacada
waxay ka cabanayaan in aysan helin manhaj tayo leh oo la
raaco iyo in ay jirto in aan la helin buugaagti wax laga baran
lahaa.
Caqabadaha ka dhalankaro: Hadii jaamacada aysan helin macalimiin shahaado

sare ka haysta maadada ay dhigyaan una tababaran wax barida, waxaa dhacaysa

in jaamacada ay awoodi wayso in ay soo saarto arday aqoontooda jamacadeed

dhisantahay. Sidoo kale hadii aysan jaamacada helin manhaj (curriculum) tayo leh

oo wax lagabarto, waxaa dhacayso in ardayga marki uu jamacada dhameeyo uu

awoodi waayo in uu shaqo helo, hadii uu helano uu gudan waayo wajibki

aqooneed ee looga baahnaa.

Cilmi-Baarista la samaynaayo: Iyada oo laga jawaabaayo dhibka jira waxaa

cilmi- baaris lagu samaynayaa, tayada macalimiinta wax ka dhiga jaamacada XY.

Nooca uu yahay manhajka jaamacada iyo ardaydii jaamacada ka qalin jabisay

sida loo shaqalaysiyay iyo heerkooda shaqo gudasho.


Research Objectives
Hadafka cilmi-baarista waxaa uu soo kobaa baaxada
cilmi-baarista, waxaa uu jiheyaa xogta la doonayo in
la soo ururiyo iyo in la fahmo dhibaatada la qeexay.
Cilmi-baarayaasha qaar waxay marka hore qoraan
hadafka guud (general objective) oo ay u qoraan
sida tuduc kadibna waxay qoraan midka gaar kah
(specific objetives) oo ay u qoraan si qodob qodob
ah.
Tusaale
Hadii cilmi-baaristaadu la xiriirto in la
ogaado shurudaha raga ama dumarka
ay isku dortaan.
1. in la helo dhamaan shuruudaha midba midka
kale uga baahan yahay in uu lahadaado.
1. Marka shuruudaha raadi oo tax. Aan dhahno
waxaad soo heshay 30 shuruudod oo ay isku
doortaan raga iyo dumarka.
2. in aad daraasaysid sida ay ugu kal muhiim
san yihiin shuruudaha, shurudee ugu horeysa
teese ugu danbaysa ee la isku doortaa?.
Tusaale
Ugu danbayntii, marka la qoraayo hadafka cilmi-
baarista waxa muhiim ah in laga bilaabo waxa loo
yaqaano (Infinitive verbs ).

Tusaale ahaan (To identify, to establish, to describe, to


determine, to estimate, to develop, to compare, to analyse, to
collect, to ensure etc).
Suaalaha cilmi baarista
Dadka qibrada u leh cilmi baarista waxay ku bilaaban
cilmi baaristooda suaasha ay dadka kale jawaabta u
raadinayan iyo suaalo aan ilaa hada laga jawaabin.
Waxaa muhiim ah in la ogaado,
suaalaha cilmi baarista in aysan noqon kuwa laga sii jawaabi karo.

Cilmi-baaruhu waa in uu ka fogaado suaalaha jawaabtooda la heli


karo iyada oo aanan cilmi-baaris la samayn.

Suaalaha waa in ay ahaadaan suaalo aan jawaab loo heyn ama aan
loo heli karin ilaa laga sameeyo cilmi-baaris.
Waxaa haboon in cilmi-baaruhuiswaydiiyo
suaalaha soo soocdo:-
Suaasha xagee ka timid?

Ma waxay ka timid qoraaladi hore (literature) mise waxay ka timid dhinaca shaqada (Practical) ka?

Suaasha aad dooratay matahay su,aal ku haboon oo ay xiseeynayaan dadka ku xeel dheer mowduuca?

Suaalahan mayihiin suaalo xiligan taagan mise waa kuwa laga tagay?

Waqtigan ma ku haboontahay in sualahan laga jawaabo?

Dadka cilmi-baarista maalgaliya ma danaynaayaan in ay ogadaan suaalahan jawaabahooda oo diyaar

ma uyihiin in qarash ku bixiyaan?

Suaalahan horay jawaab maloogu raadiyay?

Hadii horay looga raadiyay, ma jiraan suaalo laga tagay oo u baahan in laga jawaabo?

suaalaha jawaabtoodu ma waxay buxinayaan boos kabanaan tacliinta (academic) mise boos ka

banaan shaqada (Practical)?.


Tusaale
1. Raga maka caqlibadan yihiin dumarka? Suaasha noocaan ah

waxay xadaynaysaa doorsoomayaasha la rabo in la cabiro: Jinsiga

iyo Caqliga, lakin, weli macada sida lagu qiimaynaayo: Habkelagu

qexaa cabirka caqliga? Waxaa haboon in loo qoro sida soo

socoto:

2. Miyay raga dadoodu u dhaxayso 18-35 helaan tiro (score) ka

sareesa dumarka dadoodu u dhaxayso 18-35 marka la maraayo

imtixaanka garaadka caadiga ah? Marka aad eegto nidaamka loo

qoray suaasha labaad, way ka faah faah santahay mida hore.


Doorsoomayaasha
(Variables)
Doorsoome waa wax waliba ee la haankaro
qiimo kala duwan Tiro iyo Tayaba.
Doorsoomayaasha waa magacyo la siiyo waxyaabaha kala
duwan ee daraasada baarayso.
Doorsoomaha waxaa uu leeyahay dabeecado la cabiri karo
oo kala duwan.
Doorsoomaha waxaa uu ku imaankaraa si dabiici ah ama
waxaa sababi karo saamayn kaga timid doorsoome kale.
Noocyada
doorsamayaashaa
Guud ahaan doorsoomayaasha waa ay farabadan yihiin,
waxaase ugu muhiimsan shan (5)
Independent variable
waa doorsomaha kaligiis istaago,

waa doorsoomaha aan isbadalka ku imaanin balse waxaana uu sababaa isbadalaka ku


yimaado midka tiirsanaha ah.

Dependent variable
waa doorsoome ku tiirsane,

kaligiis ma istaagi karyo sidaasi darteen waxaa samayn ku yeesho doorsomaha


kaligiis istaago,
Awooda isbadalka waxay ku xiran tahay inta ay la egtahay saamaynta doorsoomaha
kale.
Noocyada
doorsamayaashaa
Mediating variable
waxaa uu saadaaliyaa xiriirka ka dhaxeeyo labada
doorsoome
Marka uu jiro doorsoome dhexdhexaadiye doorsoomaha kaligiis
istaaga samayn toos ah kuma yeesho doorsoome ku tiirsanaha
waxaana uu sharaxaa sida ay muhiimka u tahay in labo doorsoome
isku xirmaan oo samayn loogu yeesho doorsoome kutiirsanaha.
Moderating variable
doorsoomaha nuucaan ah waxaa uu badalaa awooda ama xiriirka
ka dhaxeeyo doorsoomayaasha.

Waa in lacabiro samaynta xiriirka iyo qiimaha uu leeyhay


doorsoomaha wax hago.

control variable
Dooroosamahaan inta badan waxaa loo isticmalaaa cilmi-baarista
science ka ee la xirirto tijaabada.

Isbadal laaanta doorsoomaha waxay sababtaa in la ogaado xiriirka


u dhaxeyo doorsoomayaasha kale.

You might also like