You are on page 1of 13

Casharkii 13aad Habka Cilmi-Baarista

ee Research Method
Hadaf ka Cilmi-baarista (Research Objectives) Casharadii hore waxaan ku soo
sharaxnay bayaanka dhibaatada (problem statement) iyo suaalaha cilmi-
baarista (research questions) casharakan waxaan ku sharixi donaa
hadafka cilmi-baarista.

Cilmi-baaris waliba waxa ay leedahay hadaf ka duwan darasadihii hore loo


samayay. Hadafka cilmi-baarista waa in si cad oo la fahmi karo loo qexo.
Maxay tahay sababta ay muhiimka u tahay hadafka cilmi-baarista?
Hadafka cilmi-baarista waxaa uu soo kobaa baaxada cilmi-baarista, waxaa
uu jiheyaa xogta la doonayo in la soo ururiyo iyo in la fahmo dhibaatada
la qeexay.

Hadafka waxaa uu xadidaa talaabada uu qaadaayo cilmi-baaraha, sidoo


kale hadafka waxaa uu qexaa waxa la rajaynaayo in lagu gaaro cilmi-
baarista. Hadii si cad loo qeexo hadafka cilmi-baarista, waxaa si fudud
lagu ogaan karaa habka ku haboon ee xog ururinta(data collection)
faaqidida xogta (data analysis) iyo turjubaanida xogta (interpertation).

Marka la qorayo hadafka waa muhiim in uu jiro xiriir ka dhaxeeyo


bayaanka dhibaatada (Problem Statement) iyo hadafka cilmi-baarista.
Sidoo kale waa in uu jiro xiriir toos ah oo ka dhaxeyaa suaalaha cilmi
baarista (research questions) iyo hadafka cilmi-baarista. Ugu danbeyn
waa in uu jiro karo xiriir ka dhaxeeyo mala awaalka (hypothesis) ka iyo
hadafka cilmi-baarista.

Cilmi-baarayaasha qaar waxay marka hore qoraan hadafka guud (general


objective) oo ay u qoraan sida tuduc kadibna waxay qoraan midka gaar
kah (specific objetives) oo ay u qoraan si qodob qodob ah. Waxaa muhiim
ah in la ogaado in laqoro hadaka guud waa akhtiyaar (optional) waa laga
tagi karaa mana ahan daruuri in la qoro. Cilmi-baaraha toos ayuu u abaari
karaa khodobada hadafka asaga oo aanan u kala qaadin mid guud iyo
mid gaar ah toona.

Dhinaca kale waa muhiim in hadafka si macquul ah la iskugu xijiyo. Hadaf


waliba waa in uu kuu gudbiyo hadafka kale, yaysan dhicin labo hadaf
dhaxdood in uu ka dhasho (Gap). Hadafka ha iskugu xig xigo sida uu u
kala horeeyo una kala mudan yahay. Tusaale: Hadii cilmi-baaristaadu la
xiriirto in la ogaado shurudaha raga ama dumarka ay isku dortaan.

Hadafkaaga ugu horeeyo ha noqdo, in la helo dhamaan shuruudaha


midba midka kale uga baahan yahay in uu lahadaado. Marka sharuudaha
raadi oo tix. Aan dhahno waxaad soo heshay 30 sharuudod oo ay isku
doortaan raga iyo dumarka. Hadafka labaad waa in aad daraasaysid sida
ay ugu kal muhiim san yihiin sharuudaha, sharudee ugu horeyso teese
ugu danbayso ee la isku doortaa?.

Raga qaar ayaa laga yabaa in ay sharuuda ugu horayso tahay gabadha
ma qurxantahay? Tan ugu danbaysane ay tahay reerka gabadha lacag ma
leyihiin?. Sidoo kale dumarka qaar aya laga yabaa sharudooda ugu
horeyso in ay tahay ninka diin iyo dabeecad ma leeyahay? Tan ugu
danbaysane ay tahay six back maleeyahay.

Hadaba si hadafka uu is raaco u kala hormari sida ay u kala muhiimsan


yihiin ama ay iskugu tiirsan yihiin. Waxaa kale oo muhiim ah in hadafka
ahaado mid la gaari karo walibane wakhtiga la socdo. Hadafka cilmi-
baarista yuusan noqon hadaf mala awaal ah oo xaqiiqda ka fog lana gaari
karin xilga dhaw.

Waxaa dhacda ardayda ku cusub cilmi-baarista in ay qoraan Lix (6) ilaa


Todobo (7) hadaf oo ay donayaan in ka garaan cilmi-baarista. Waxaa
haboon in cilmi-baaraha uu san qorin wax ka badan afar hadaf ama
sadax, waliba arday Degree ga diyaarinaayo sadax kabadan ma ahan in
ay aqtaan. Ardayga Master ka ah xitaa waa kugu filan tahay sadax hadaf
in uu gaaro. Ha iska badanin hadafka, maxaa yeelay hadaf badan oo aad
qortaa waxay sii kordhinaysaa baaxada cilmi-baarista.

Xasuusnow waxaad haysataa waqti kooban iyo qarash kooban. Hadafka


cilmi-baaristadu ha ahaado mid lagu gari karo waqtiga aad haysato iyo
qarasha aad ugu talagashay. Dhinaca kale, ogow oo maskaxda ku haay,
natiijada ka soo baxdo cilmi-baarista waxaa la barbar dhigi donaa hadafki
aad sheegtay in aad gaari doonto bilawgii daraasada. Hadii hadafki aad
qortay aad gaari waydo sabab cadna aadan u keenin, ogow waad guul
dareysatay cilmi-baaristaada.

Ugu danbayntii, marka la qoraayo hadafka cilmi-baarista waxa muhiim ah


in laga bilaabo waxa loo yaqaano (Infinitive verbs ). Tusaale ahaan (To
identify, to establish, to describe, to determine, to estimate, to develop,
to compare, to analyse, to collect, to ensure etc).

Casharkii 14aad Habka Cilmi-Baarista ee


Research Method
Doorsoomayaasha (Variables) Cilmi-baaris waliba waxaa ay leedahay
doorsoomeyaal, ma jirto cilmi-baaris la samayay ama mid la samayn
doono oo anan lahayn doorsoome.

Dadka aqoonta durugsan u leh cilmi-baarista waxay ku doodaan, in


fahanka doorsoomayaasha ay muhiim u tahay cilmi-baaraha , hadii cilmi-
baarahu uusan fahansaneeyn doorsoomayaasha, waxay u badantahay in
uu ku guul daressto in uu soo saaro natiijadii looga baahnaa. Hadaba waa
maxay doorsoome? Doorsoome waa wax waliba ee la haankaro qiimo kala
duwan Tiro iyo Tayaba.
Doorsoomayaasha waa magacyo la siiyo waxyaabaha kala duwan ee
daraasada baarayso. Doorsoomaha waxaa uu leeyahay dabeecado la
cabiri karo oo kala duwan. Doorsoomaha waxaa uu ku imaankaraa si
dabiici ah ama waxaa sababi karo saamayn kaga timid doorsoome kale.

Guud ahaan doorsoomayaasha waa ay farabadan yihiin, waxaase ugu


muhiimsan shan (5) doorsoomayaal, shanta waxaa ugu sii muhiim san
labo doorsoome oo kala ah Independent iyo Dependent variables Wixi
ka soo haro Independent iyo Dependent variables waxaa loo yaqanaa
Extraneous Variables si aan u fahano labada ugu muhiimsan waxaan
casharkaan sharaxaad uga bixin doonaa labadooda oo kaliya. Casharada
danbo waxaan ku soo qadan donaa tusaaloyin la xiriiro doorsomayasha
iyo 3da kale ee ayane muhiimka ah. Insha allah.

Independent variable, waa doorsomaha kaligiis istaago, waa doorsoomaha


aan isbadalka ku imaanin balse waxaana uu sababaa isbadalaka ku
yimaado midka tiirsanaha ah. Cilmi-baaraha waxaa uu adeegsadaa
doorsoomaha kaligiis istaago si uu ucabiro waxa uu sababo
dorsoomaha. Inta badan marka la samaynaa cilmi-baarista waxaa la
baraa waxa sababo iyo saamaynta labada doorsoome (cause and effect ).
Ugu danbeeyntii, darasada waxay soo saartaa nuuca xiriir ka dhaxeeyo
doorsoomayaasha iyo waxa uu yahay (posative ama nagative) Tusaale
kooban, dada qofka uu jiro, waa doorsoomaha kaligii istaago. Qofka waxa
uu cuno, lacagta uu leeyahay, aqoontiisa, ma badalin karaan dada uu jiro.
Doorsooma kaligiis taagan waa midka wax sababo (cause). Marka la
samaynaayo daraasada, Cilmi-baaraha waxaa uu adeegsadaa
doorsomaha kaligiis istaago, si uu u ogaado hadii isbadal uu ku
dhacaayo doorsomaha aan istaagi karin kaligiis.

Dependent variable waa doorsoome ku tiirsane, kaligiis ma istaagi karyo


sidaasi darteen waxaa samayn ku yeesho doorsomaha kaligiis istaago,
taasina waxay kentaa in uu isbadal ku dhaco. Awooda isbadalka waxay ku
xiran yahay inta ay la egtahay saamaynta doorsoomaha kale. Marka la
samaynaayo cilmi-baaris waxaa inta badan la baraaa saamaynta
doorsomaha kaligiis istaago uu ku leyahay doorsoome ku tiirsanaha.
Tusaale kooban, waqtiga lagu bixiyo waxbarashada iyo darajada
imtixanka. Waqtiga waxbarashada waa doorsoomaha kaligiis istaaga.
Darajada imitixanka waa ku tiirsane oo waxay ku xirantahay inta ardayga
waqti badan uu galiyay waxbarashada. Hadii ardayga waqti badan uu ku
bixiyo waxbarashada darajada imtixaanka waxay u badan tahay in ay kor
u kacdo. Hadiise uu jiif waqti badan ku qaato oo uu san ka faaiidaysan
waqtigiisa, waxay u badantahay in darajadiisa ay hoos u dhacdo.
Hadabada, waqtiga waxbarashada waa doorsoomaha galigiis istaago,
halka doorsoomaha darajada imtixaanka uu yahay ku tiirsane.

Hadii aan si guud u sheego, doorsoomaha kaligiis istaago waxaa uu


sababaa isbadal ku dhuco doorsame ku tiirsanaha. Cagsigeeda, suurtagal
ma ahan in tiirsane isbadal ku keeno midka kaligiis istaagi karo. Tusaale,
waqtiga lagu bixiyo waxbarashada waxaa uu isbadal ku kenaa natiijada
waxbarashada, lakin suurtagal ma ahan, indarajada imtixaanka ay isbadal
ku keento waxqtiga waxbarashada.

Si aan waxbadan uga fahno, labada nuuc ee doorsoomayaasha ah.


Casharka soo socdo waxaan ku soo bandhigidonaa tusaaloyin ku aadan
doorsoomayaasha.

Casharkii 15aad Habka Cilmi-Baarista ee


Research Method
Tusaalooyinka Doorsoomayaasha Sidi aanku soo sharaxnay casharkii hore,
marka laga hadlaayo doorsoomayaasha (variables), cilmi-baaraha waxaa
uu daraaseeyaa sida doorsoomaha kaligiis istaago (independent variable)
uu samayn ugu yeesho doorsoome kutiirsanaha (dependent variable).
Waa lagama maarmaan in cilmi-baaraha uu doorto doorsoome la cabiri
karo. Dooroosmuhu waa in uu lahadaa halbeeg lagu cabiri karo. Waxaa jiri
karo dooroosamayaal aan lahayn halbeeg toos ah oo lagu cabiro. Si loogu
fahmo si fiican, qaybta hoose waxan ku soo badhigi donaa tusaalooyin la
xiriiro labada doorsoome ee saamaynta isku leh. Kadibna, suaalo lagu
ogaanaayo fahanka aqristaha.

Tusaale (1) aad doorsoomayaasha

Cilmi-baare ayaa waxaa uu donayaa in uu baaro sida walwalka ama


jahwareerka saameeyn ugu yeesho dikaanka garaaca wadnaha.
Doorsoomaha kaligiis istaago waa Walwalka/Jahwareerka. Doorsoome ku
tiirsanaha waaa dikaanka garaaca wadnaha. Cilmi-baaraha waxaa uu
baraa sida walwalka ama jahwareerka samayn ugu yeesho heerka
dikaanka garaaca wadnaha. Waxaa laga yabaa markasto oo walwalka
kordho dikaanka garaaca wadnaha waa uu kordhaa. Cagsigeeda hadii uu
yaraado walwalka in uu yaradaa dikaanka garaaca wadnaha.

Tusaalaha (2)aad doorsoomayaasha

Cilmi-baare ayaa doonayo in uu baaro sida meerinta casharka iskuulka


(tutoring) ay samayn ugu yeelato dhibcaha imtixaanka. Hadaba meerinta
casharka (tutoring) waa doorsoomaha kaligiis istaago, halka dhibcaha
imtixaanka ay ka yihiin doorsoome ku tiirsane. Natiijada imtixaanka
waxay ku xirantahay hadba sida ardayga wax loogu soo meeriyo iskuulka
ka dib.

Tusaalaha (3) aad doorsoomayaasha

Cilmi-baare ayaa doonayo in uu tijaabo ku ogaado sida chemical kala


duwan ee loo isticmaalo bacriminta beeraha u saamayn ugu yeelankarto
bixista dhirta. Hadabada chemical ka kala duwan waa doorsoomaha
kaligiis istaago, halka bixista dhirta ay tahay doorsoome ku tiirsane.
Marwaliba oo bacrimin badan la isticmaalo waxay kor uqadaa dhaqsaha
ay dhirta ku baxdo cagsigeeda hadii aan la isticmaalin barcimin dhirta
uma baxayso sidii la rabay.

Tusaalaha (4) aad doorsoomayaasha

Cilmi-baare ayaa doonayo in uu baaro sida dhagaysiga Quraanka uga


caawiyo ardayga in uu ka helo dhibco fiican imtixaanka Carabiga.
Dhagaysiga Quraanka waa doorsomaha kaligiis istaago halka darajada
imtixaanka ay tahay doorsoome ku tiirsane. Si loo ogaado samaynta
Quraanka uu ku leyahay barashada carabiga iyo imtixaanka waxaa la
samaynaa koox arday ah ayaa marwaliba waxay dhagaysanayaan
Quraanka halka kuwa kale aysan dhagaysanayn. Bil kadib waxaa imtixaan
u wada fadhiisanayo kooxdii Quraanka dhagaysan jirtay iyo kuwii aan
dhagaysan jirin. Hadii kuwa Quraanka dhagaysan jiray ay dhibco ka badan
helaan kuwa kale imitixaanka, waxay cadeen u noqonaysaa in dhagaysiga
Quraanka uu samayn ku leyahay fahanka luqada iyo darajada
imtixaanka.
Suaalo

Si aan u ogaano in aad fahantay waxa ay kala yihin doorsomaha kaligiis


istaago iyo doorsoome ku tiirsanaha. Waxaa ka soo jawaabataa suaalaha
soo socdo adiga oo soo kala shegayo labada doorsoome.
1. Cilmi-baare ayaa donaayo in uu baaro hadii buun buuninta idaacadaha ay sii
siyaadiso dhibaatada.
2. Cilmi-baare ayaa donayo in uu baaro cunista jaadka sida ay samayn ugu yeelato
burbur ka qooska
3. Cilmi-baare ayaa doonayo in uu baaro sida dumarka ay ugu kala nugul yihiin
cimilada qabowga iyo mida kulul.
Isku day in aad ka soo jawaabto. Dhibmalaha hadii aad qalado. Hadii aad
saxdane waa sidi la rabay. Ku soo dir
jawaabtaada. fayosom@hotmail.com Waxaad haysataa 2 maalmood.
Casharkii 16 aad Habka Cilmi-Baarista
ee Research Method
November 1 (Jowhar)Doorsoomayaasha (variables) Casharkii hore waxaan ku
soo sheegnay in ay jiraan doorsoomeyaal badan balse ay shan doorsoome
ugu muhiimsan yihiin.

Sidoo kale waxan sheegnay in shanta doorsoomo labo kamid ah ay ugu sii
muhiimsan yihiin. (dependent and independent variables) Hadaba
cashrka manta waxaynu ku egaynaa sadaxda doorsoome ee kale oo iyane
muhiim u ah cilmi-baarista. Sadaxda waxay kala yihiin doorsoome
dhexdhexaadiye (Mediating variable), doorsoome dhexe ama
hage(Moderating variable) iyo doorsoome ilaaliye (Control Variable)

Doorsoome dhexdhexaadiye waxaa uu saadaaliyaa xiriirka ka dhaxeeyo


labada doorsoome ee kala ah doorsoomaha kaligiis istaago iyo
doorsoome ku tiirsanaha. Marka uu jiro doorsoome dhexdhexaadiye
doorsoomaha kaligiis istaaga samayn toos ah kuma yeesho doorsoome
ku tiirsanaha, taas badalkeeda saamaynta waxaa loo sii maraa
doorsoome dhexdhexaadiye si loo gaaro doorsoome ku tiirsanaha.
Hadaba si doorsoomaha kaligiis istaago uu saamayn ugu yeesho
doorsoome kutiirsanaha waxaa lagama maarmaan ah in leholo
doorsoome dhexdhexaadiye.

Doorsoome dhexdhexaadiye waxaana uu sharaxaa sida ay muhiimka u


tahay in labo doorsoome isku xirmaan oo samayn loogu yeesho
doorsoome kutiirsanaha. Inta badan doorsoome dhex dhexaadiyo waxna
ma xoojiyo waxna ma nusqaamiyo. Cilmi-baare yaal badan waxay
daraaseyaan sida doorsoome dhexdhexaadiye u fududeeyo samaynta
doorsoome ku tiirsanaha.
Tusaale gaaban doorsoomaha X ayaa waxaa uu samayn ku yeshaa
doorsoomaha Y asaga oo u siimayaaryo doosoome dhexdhexaadiyaha M.
Si kale hadii aan u iraahdo. Doorsoomaha X waxaa uu la xiriraa M si uu
ugaaro doorsomaha Y. Sawirka hoose waxaa uuna tusaa sida doorsoome
dhexdhexaadiye isugu xiro doorsoomaha kaligiis istaago iyo doorsoome
ku tiirsanaha.

Sida ka muuqato sawirka xiriirka labada doorsoome ma ahan toos. Fiiro


gaar ah, doroosamaha dhexdhexaadiyaha wax mabadalo, manusqaamiyo
mana saaidiyo.

Dhinaca kale waxaa jiro doorsoome kale oo layiraahdo doorsoome dhexe


balse ah doorsoome hage. (Moderating variable) doorsoomaha nuucaan ah
waxaa uu badalaa awooda ama xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha.
Doorsoome hagaha waxaa uu la yimadaa saamayn. Doorsoomaha waxaa
uu kor uqadaa, hoos u dhigaa ama wax ka badalaa jihada xiriirka ka
dhaxeeyo labada doorsoome. Hadafka laga leeyahay doorsomaha loo
yaqaano Moderator Waa in lacabiro samaynta xiriirka iyo qiimaha uu
leeyhay doorsoomaha wax hago.

Guud ahaan samaynta doorsoomaha wax hago waxay tilmaam u tahay is


dhexgalka kala dhaxeeyo doorsoomaha kaligiis istaago si loo xoojiro
doorsoome ku tiirsanaha. Farqiga u dhaxeeyo labada doorsoome ayaa ah.
Mid samayn ayuu yeshaa oo waxabuu xojiyaa, halka midka kale uu yahay
isku xire oo kaliya waxna ma badalo waxna ma nusqaamiyo.

In la goaansado midkee dhexdhexaadiye ah midkeese hage ah waxay u


baahanatahay in cilmi-baaraha si taxdar leh ugu fiirsado xiriirka nuuca uu
yahay. Waxaa dhici karo doorsoome noqon karo labada dhinac. Hadba
waxay ku xirantahay sida ay la iskugu xiro doorsomayaasha iyo sida loo
fasiro.

Doorsoomaha sadaxaad ee aan casharka ku sharaxayno waxaa uu


noqonaa doorsoomaha loo yaqaano (control variable). Dooroosamahaan
inta badan waxaa loo isticmalaaa cilmi-baarista science ka ee la xirirto
tijaabada. Doorsoomahan isma badalo inta ay socoto barista. Isbadal
laaanta doorsoomaha waxay sababtaa in la ogaado xiriirka u dhaxeyo
doorsoomayaasha kale. Marka la samaynaayo tijaabada waxaa loo
baahan yahay in uusan isbadalin si loo tijaabiyo xiriirka doorsomaha
kaligiis istaago iyo doorsoome ku tiirsanaha. Waxaa xusid mudan in la
ogaado in doorsoomahan uu san ahayn hadafka kowaad ee cilmi-baarista.

Si aan si fiican ugu fahano doorsooomayaasha sadaxda ah. Casharka soo


socodo waxaan ku soo qaadan donaa tusaaalooyin la xiriiro
doorsoomayasha iyo sida ay u shaqeyaan. (Insha allah)

F.G. waxaan diyaar u ahay in aan si bilaash ah (volunteer) ah ku baro


ardayda somaliyeed course la xiriiro cilmi-baarista. Hadaba hadii aay jirto
jamacad ku taalo dalka (Somalia) haysato nidaam online wax loogu
gudbinkaro ardayda. Fadlan ila soo xiriir.

You are here:


Home /

Diinta-Aqoon
, Wararka

Casharkii 17 aad Habka Cilmi-Baarista


ee Research Method
Tusaaloyin la xiriiro Doorsoomayaasha kala ah (Mediator,
Moderator & Control variable)

Intii la socotay casharkii hore, waxaan sharaxaad uga bixiyay


doorsoomayaasha kala ah Mediator, Moderator iyo Control variable.
Inta badan ardayda way ku jahwareeraan kala saarida dooryaasha sadaxda
ah gaar ahaan mediator iyo moderator. Hadaba si aan wax badan uga
fahano, casharkan waxaan ku soo qaadan donaa tusalooyin la xiriiro
doorsoomayaasha sadaxda ah.
Tusalaha (1)

Cimi-baare ayaa doonayo in uu baaro walaaca ku salaysan buuga qalin


jabinta jaamacada in lagu dhameeyo waqtigii loogu talagalay.Hadaba
walaaca iyo ku dhamaynta waqtigii loogu talagalay buuga xiriir toos ah kama
dhaxeeyo. Waxa loo baahan yahay in la helo doorsoome dhexdhexaadiye
(Mediator). Doorsoomaha ah dhiiranaan (motive) waxaa uu noqon karaa
dhax dhaxaadiye. Si buuga loo dhameeyo waqtigii loogu talagalay cilmi-
baaraha waxaa uu ubahanyahay in uu ku dhiiranaado in uu waxbadan
aqriyo wax badane qoro. Wax akhris badan iyo qoris badan waxay ku
hogaamin karaan cilmi-baaraha in uu buuga ku dhameeyo waqtigii loogu
talagalay. Doorsooma dhex dhexaadaka (mediator) meesha ku jiro waa
dhiiranaanata wax akhriska iyo qorista.

Tusaalaha (2)

Cilmi-baare ayaa doonayo sida ardayda dhawan qalin jabisay jaamacada


caafimaadka ay u saxiixi karaan samaynta qaliino waawayn. Arday dhawan
qalin jabiyay way ku adagtahay in uu sameeyo qalin wayn. Waxaa loo bahan
yahay in la keeno doorsoome dhex dhexaad, waxan qaadanaynaa
doorsoomaha tababar ku noqo noqosho (Practice). Si ardayga u sameeyo
qalinka waxaa uu baahanyaha marka hore in uu sameeyo tababar ku noqo
noqosho (Practice) Hadabada practice waxaa uu noqon karaa doorsoomaha
loo yaqaano mediator

Tusalaha (3)

Tusalaha sadaxaad waxaan ku soo qadanaynaa doorsoomaha wax hago


(Moderator). Cimli-baare ayaa doonayo in uu baaro sida hoteelada
muqdisho lacag uga helaan caasumida fanaaniinta. Waxaan aburaynaa
doorsoome hage la yiraahdo fananka la jecelyahay. Dadka yay jecelyihiin
(farxiya kaba yare, iyofarxiya fiska) hadii fanaanka lajeclayahay la keeno
lacag badan ayaa la helaa, hadii aan la keenin lacag yar ayaa la helaa.
Nuuca fanaanka la keeno waxay samayn ku yeelanaysaa dhaqalaha laga
qabto habeenkaas. Hadaba doorsoomaha wax kordhiya ama nusqaamiya
waa fananka la jecelyahay. Markasto oo fanaan la jecelyahay la keno lacagta
waa badanee..

Tusaalaha (4)

Cilmi-baare ayaa doonayo in uu baaro sida dhiiranaanta (the motive) aqriska


iyo qorista u caawiyaan ku dhameynta buuga qalin jabibta jaamacada
waqtigi loogu talagalay. Waxaa muhiim ah in lagu daro doorsoome hagaha la
yiraadto WAQTI. Waxaa la saadalinaa cilmi-baaraha waqtiga badan ku bixiyo
in uu wax aqriyo waxna qoro, waxay u badantahay in uu ku dhameeyo
waqtigi loogu talagalay. Cagsigeeda, cilmi-baari waqti yar ku bixiyo in uu
wax akhriyo ama qoro way ku adkaataa in ay buuga dhameeyo waqtigi loogu
talagalay. Hadab dhiiranaanta kaligeed wax matarto hadii aanan waqtibadan
lagu bixin. Hadaba WAQTIGA waa moderator waxaa uu kala saraa in waqti
loogu talagalay lagu dhameyo ama in dib u dhac imaado.

Tusalaha (5)

Cilmi-baare ayaa doonayo in uu baarso sida wakhtiga firaaqada layahay


loogu bixiyo aaladaha bulshada sida FACEBOOK. Waxaan u baahanahay in
aan keeno doorsoome waxna xoojin karo ama nusqaamin karo (Moderator).
Waxaan qaadanaynaa doorsoomaha (dada). Waxaa la saadalin karaa,
dhalinyarada markasto oo firaaqo leeyihiin waxay jecelyihiin in ay ku
bixiyaan Faebook. Si taasi ka duwan dadka waa weeyn ee cimriga ah ama
duqoowshada waxaa laga yabaa amaba ay u badan yihiin in waqtigooda
firaaqada ah aysan ku bixin facebook. Hadaba, Dada waa doorsoomaha
saameynta leh, ee wax kordhiya ama naaqusiyoModerator

Tusaalaha (6)
Cilmi-baare ayaa doonayo in uu baaro sida dhaawacyada fudud ee soo gaaro
dadka loogula cararo dhaqtarka. Waxaan u baahanahay in aan keeno
doorsoome hagaha la yiraado (Jinsiga) waxaa la saadaalin karaa in raga
aysan u badneeyn in dhaawac fudud ugu cararaan dhaqtar in uu arko, halka
dumarka ay u badantahay in ay arkan dhaqtar xita hadii uu soo gaaro
dhaawac aad u fudud. Hadaba jinisga raga iyo dumarka waa ku kala
duwanyihiin aragtida dhaqtarka. Sidaasi aawadeed doorsoomaha jinsiga waa
hage (moderator) waxbuu kordhiyaa ama hoos u dhigaa. Aragtida dhaqtar
ka ee dhaawacyada fudud

Tusaalaha (7)

Cilmi-baari ayaa rabo in uu baaro sida raga iyo dumarka ay ugu kala adkaysi
badan yihiin Qabawga. Hadaba waxa lagama maarmaan ah,
doorsoomayasha in ay sinadaan oo aan look ala badalin. Meel qabow isku
mid ah in la geeyo, dharka ay gashan yihiin in ay isku mid ahadaan, cuntada
ay soo cuneen isku mid ahaato, dada isku mid ahaato. Iwm. Kadib la baaro
midka u nugul qabowga. Doorsoomayasha nucas ah ee isku midka ah ayaa
loo yaqanaa (controllers) inta badan waxaa lo isticmalaa marka la baarayo
daawoyinka iyo waxyaabaha la xiriiro science ka.

You might also like