You are on page 1of 24

CARRUURTEENNA

Magaasiinka carruurta - En barntidning på somaliska

Stockholm Nr 3 2019

BUUGAAG CUSUB....
SAFARKAYGII SOMALILAND...

BARNI IYO BISADDEEDII MILGO...


1
Vem kom först:
Hönan
TIFAFTIRAHA GUUD/CHEFREDAKTÖR eller ägget?
OCH ANSVARIG UTGIVARE: Musa M. Isse
Tifaftiraha labaad/Redaktionsekreterare:
Sayid-Ahmed Dhegey

HAWLWADEENADA/REDAKTIONEN:
Musa M. Isse, Sayid-Ahmed Dhegey, Hani
Osman, Mona Monasar, Huda Yuusuf,
Ishrah Hassan Abdi och Amran Ahmed
Taageerayaasha/Övriga medarbetare i
detta nummer: Hassan Madar, Fardus M.
Ahmed, Farah Mohamud
MAAMULKA/PRENUMERATION:
Sayid-Ahmed Dhegey

SAWIRKA JALDIGA/OMSLAGSFOTO:
Unsplash
HABAYNTII/LAYOUT: Musa M. isse
Waxa soo saara ururka/Ges ut av Somali
Nordic Culture

4 jeer sannadkii/Antal nummer per år: 4


Madbacadda/Tryck: Partner Print
Stockholm
ISSN: 2002-2069
www.somalinordicculture.com
carruurteenna@hotmail.com

MACLUUMAAD KU SAABSAN MAGAASIINKA EN BARNTIDNING PÅ SOMALISKA OCH SVENSKA


Magaasiinka Carruurteenna waxa uu u taagan yahay Carruurteenna, som betyder “våra barn”, (c uttalas inte)
carruurta Soomaalida ah ee Iswiidhan ku dhaqan iyo är en barntidning som riktar sig främst till somalisk-sven-
guud ahaan ba carruurta ku nool caalamka. Waxa ska barn i Sverige. Den kommer ut 4 gånger om året
uu sannadkiiba afar jeer ka soo baxaa Stockholm. och utgivningsort är Stockholm. De flesta texter är på
Magaasiinkan oo dhashay sannadkii 2014, waxa soo somaliska, men några texter är också på svenska. Det är
saara ururka Somali Nordic Culture, oo ah urur ay ku föreningen Somali Nordic Culture som startade tidningen
jiraan arday, qorayaal, barbaariyaal carruureed, macal- år 2014. SNC är en ideell förening som består av student-
limiin, saxafiyiin iyo waliba farshaxanyaqaanno. er, författare, sagoberättare, bibliotekarier, journalister
och konstnärer.
Magaasiinkan waxa loogu talogalay carruurta ay
da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 jir. Waxaanay carruurtu Tidningen riktar sig främst till barn i åldern 7-14 år. Där
magaasiinkan ka heli karaan; barbaarin, sheekoxariiro, kan de läsa om stora händelser i världen, spännande
maaweello, dhaqan, taariikh, farriimaha carruurta, äventyr, sagor och aktuella reportage. Det finns också
cilmiga deegaanka, farshaxan, halxidhaale iyo warar. insändare, serier, tävlingar och pyssel i tidningen. Målet
Ujeeddada magaasiinkani waa sidii ay carruurta med Carruurteenna är att öka intresset för att läsa och
Soomaalidu u heli lahayd barbaarin iyo maaweelo skriva bland alla våra somaliskatalande barnhär i Sverige.
fiican, korna loogu qaadi lahaa xiisaha ay ubadku u
qabaan akhriska iyo qoraalka.

2 2
TUSMADA / INNEHÅLL

4 Safarkaygii Somaliland...
5 Muhiimadda buugaagta carruurta...
6 Naadiga Akhriska Timacadde...
8 Dhibaatada carruurta ka haysata...
9 Xaqiiqooyinka Kalluunka...
10 Xasuus Qorkii Dhako Dhako...
12 Barni iyo bisaddeedii Milgo...
16 Waraysi: Maxamed Axmed Askar...
18 Bandhiga buugaagta carruurta...
20 Sheeko taxane ah: Dalmar...
22 Toban erey oo ka bilaabma....

Vill du veta
mer om mig?
kolla sidan 10

3 3
Safarkaygii Somaliland iyo fasaxii xiisaha badnaa

kuna taalla dhinaca galbeed ee magaalada


Sheekh. Buuro qurux badan ayaa aannu sii
dhex marnay markii aannu ku sii soconnay
magaalada Sheekh. Waxa kale oo aannu soo
marnay Berbera oo ku taalla badda Gacanka
Cadmeed. Waxa aannu jeclayn in aannu badda
ku soo dabbaalanno, laakiin ma aannu soo
dabbaalan. Waxa kale oo aanu rabnay in aanu
tagno magaalada Boorame oo maalintii ciidda
Carrafo aannu ku soo ciidno, laakiin ma aannu
tegin.

Foosiya oo la ciyaaraysa lax

Markii ay taariikhdu ahayd 16 Juun, 2019 ayaa


aannu ka dhoofnay Stockholm aniga, walaashay Asli
iyo Aabbo Sayid, annagoo u sii jeedna Hargeysa.
Waxa aannu raacnay dayaaradda ”Emirats” markii
ay saacaddu ahayd 15:30. Waxa aannu taransit ku
ahayn Dubay oo subaxnimadii hore ka raacnay Fly
Dubay. Inkasta oo aannu daallanayn, oo aanaanu
seexan habeenimadii oo dhan, haddana waxa aannu
daawanayney badda ay dulmaraysay dayuuraddu iyo
Foosiya oo taagan godka Shamaxle
buuro dhaadheer oo ku yaalla dhinaca Somaliland.
Marka danbe ee aannu tagno waa in aannu ku
Subaxnimadii hore goor ay ku beegnayd 7:30 ayaa soo dabbaalannaa xeebta Batallaale ee ku taal
aannu soo gaadhnay Madaarka Cigaal ee magaala- Berbera, waa in aanu tagnaa Boorame, Burco
da Hargeysa. Waxa naga horyimi adeer Yaasiin iyo iyo meelo kaleba. Hawadu kulayl bay ahayd
habaryaro Aamina, oo nagu soo doonay gaadhi- tusaale Berbera waxa ay ahayd 42 ° C. Badanaa
gooda quruxda badan oo ahaa gaadhi cusub, noo- Hargeysi waxa ay ahayd 30 – 35 ° C. waxa aan-
ciisa maan garanayn. Waxyar ka dib waxa aannu nu soo barannay erayo badan oo afsoomaali
gaadhnay gurigii oo ku yaalla xaafadda Jigjigayar, ah, waxa kale oo aannu soo barannay dad
waannu seexannay oo soo toosnay gelinkii danbe. badan oo aannu wax isu nahay (ilmaadeer,
ilmaabti, habarwadaag, habaryar, abti, eddo,
Intii aannu joognay Somaliland waxa aannu tagnay adeer, ayeeyo iyo awoowo.
Gogolwanaag, Arabsiyo, Gebiley, Berbera iyo Sheekh.
Waxa kale oo aannu soo marnay tuulo ku dhextaal- Qoraalkii: Fosiya Jama
lay buuro dhexdood oo la yidhaahdo Calaaculle, Habayntii iyo Tifatirkii: Sayid-Axmed Dhegey

4
Barnaamij ku saabsan muhiimadda buugaagta carruurta

Tirsiyo ka mid ah magaasiinka Carruurteenna iyo qaar ka mid ah


buugaagtii carruurta ee madasha lagu soo bandhigay.

Sayid-Axmed Dhegey iyo Musa M. Isse Sidoo kale Najuum waa farshaxaniiste xiisay-
oo ka mid ah bahda Carruurteenna ayaa sa sheekooyinka carruurta iyo sidii ubadku u
20-kii bishii Juun 2019 barnaamij ku baran lahaayeen farshaxanka iyo waxsawirrid-
qabtay xarunta dhaqanka ee Hargeysa. da.
Barnaamijkan oo ku saabsanaa muhii- Barnaamijkan oo ahaa mid xiiso badan ayaa
madda ay leedahay suugaanta carruurtu si weyn looga dooday sidii loo heli lahaa
iyo kaalinta ay ka ciyaarto barbaarinta buugaag carruureed oo tayo leh oo af Soomaali
ubadka. Waxa sidoo kale barnaamijka ku qoran. Waxa si weyn looga hadlay kaalinta
ka qaybgalay Hana Daa’uud iyo Najuum suugaanta carruurtu ka ciyaari karto garaadko-
Arts oo ah laba gabdhood oo ka shaqeeya rinta iyo barbaarinta ubadka.
arrimaha carruurta.
Hana Daa’uud waa garyaqaanad u Dadweynihii madasha ka soo qaybgalay oo
doodda xuquuqda carruurta, waxaanay aad u badnaa ayaa su’aalo dhawr ah waydiiyay
barnaamijyo madadaalo ah u samaysaa martidii barnaamijka, waxaanu barnaamijkaasi
carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee noqday mid si weyn loo xiiseeyay.
Hargeysa.
5
Waxqabadka Naadiga
Akhriska Timacadde
loo qabo in la ururiyo oo la kaydiyo taariikhda
waxtarka leh ee reer Gabiley. Sida laysla qirsan
yahay, waxa lumay taariikho badan oo gobolku
lahaa, taasi oo u baahnayd in la kaydiyo. Wax-
aana inta badan taariikh qiimo badan la dhinta
waxgaradka iyo waayeelka waayay cid ka qorta
aqoontii ay xambaarsanaayeen.

Bulshada reer Gabiley waa bulsho nabdoon oo


Carruur wax ku dhex akhrisanaysa garaadka iyo gacantaba ka xasilan, waa bulsho
maktabadda naadiga Gabiley beeralay ah oo balaayada iyo sharka neceb. Sida
la wada og yahay ilbaxnimada adduunku waxa
ay ka bilaabantay dhul beeraley ah, Gabileyna

N
waxa ay la wadaagtaa wanaagaa uu leeyahay
aadiga akhriska Timacadde waa naadi dhulka beeraleyda ahi. Waayo, dadka dhulkaa
ka dhisan magaalada Gabiley, waxaana la ku nooli maaha bulsho dagaal oo mar kasta
aas aasay taariikhdu markay ahayd 14 seeftoodu galka ka saaran tahay, ee waa bulsho
Sebtember 2009. Waa naadigii ugu hor- badarkooda iska beerta, caanahooda iska dhama,
reeyay ee noociisa ah ee loo sameeyo u cadkooda iska cuna, ceeb iyo cadho midna aan
hiilinta qalinka iyo akhriska, si loo bad- laga soo sheegin.
baadiyo hiddaha, dhaqanka, afka iyo
taariikhda bulshada. Sidoo kalena dhal- Gabiley waa deegaan astaan u ah horumarka
linyarada loo baro faa’iidada uu akhrisku u Somaliland. Dhalinyartan isku bahaysatay in ay
leeyahay iyo kaalinta uu ka ciyaaro horu- kor u soo qaadaan dhaqankooda, isla markaana
marka bulshada. Naadigan waxa iska kaa- soo nooleeyaan afkoodii sii dhimanayay ayaa
shaday hirgalintiisa oo hiil iyo hooba isla bilaabay in ay dawo cusub u hehaan arrimaha
garab istaagay aqoonyahanno dareemay aan kor ku soo xusnay. Waxa ay isla garteen in
baahida fog ee loo qabo in la badbaadiyo xoojiyaan akhriska iyo qoraalka.
dhaxalka taariikheed ee bulshada reer Ga- Naadigani waa natiijadii ka soo baxday tashi-
biley iyo ta reer Somaliland. yo badan, doodo badan iyo dadaalo badan oo
dhalinyartan muwaadiniinta ah ee ka soo jeeda
Naadigan waxaa loo aasaasay in bulshada Gabiley ay sameeyeen. Dhalinyartani waxay
gobolka Gabiley lagaga jeediyo balwadaha qaateen xigmada tiraa “ Wixii rag u kaco rabi-
kala duwan sida, qabyaalada, qaadka iyo na aqbalo wuu rumoobaa”, Aakhirkiina waxay
tahriibta, islamarkaana kor loogu qaado go’aan midaysan ku gaadheen gudaha gobolka
dhaqanka wax-akhriska iyo qoraalka si ga- Gabiley in loogu magac daro naadiga Gabayaagii
raadka bulshada loo dhiso. Naadigu waxa caanka ahaa ee gobolka ka soo jeeday, ummada
uu dareensan yahay in hadda baahi weyn Soomaaliyeed oo dhamina wada taqaaney ee
Cabdillaahi Suldaan Timacadde.

6
Qaar ka mid ah ka soo qaybgalayaasha barnaamijyada naadiga akhriska Timacadde

Ujeedooyinkii loo Asaasay Naadiga Akhriska iyo Sida aynu ognahay carruurtu waa qayb mu-
Qoraalka Timacadde waxa ka mid ah: hiim u ah bulsho kasta. Waana beer haddii si
fiican loo beero, lana maal-geliyo midhahee-
1. In la abuuro is dhexgal bulsho oo ku dhisan da la dheefsan karo, haddii taa cagsigeeda la
horumar iyo is fahan. dayacana hoos u dhac weyn ku keeni karta
2. In lagu dhiirigaliyo dhalinyarta iyo dadka bulshadeenna. Haddaba isaga oo naadiga
waaweyn in ay wax akhriyaan. Timacadde dareensan faa’iidada ay yeelan
3. In la soo saaro qorayaal badbaadiya dhaxalka karto carruurtaasi oo hesha barbaarin iyo u
iyo taariikhda bulshada. jeexida waddo wanaagsan ayaa waxa uu aas-
4. Ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha bulshada. aasey barnaamij loogu magac darey “Dhaqan
5. Sameynta xarumo kayd oo dhaqanka iyo dhi- Wax-Akhris” kaasi oo toddobaadkii ama
gaalkiisa lagu xafido. bishii hal mar ka qabsooma xarunta Naadi-
6. In dhalinyarta laga wacyi galiyo aafada qaadka, ga. Ujeedooyinka Barnaamijka Dhaqan wax
qabyaalada iyo tahriibka. akhris wax aka mid ah:
7. In bulshada loo abuuro jawi isdhexgal oo dh-
aqan wanaag ku salaysan 1. In carruurta la baro dhaqanka isdhageysi-
8. In bulshada gobolka Gabiley la tuso nimcada ga iyo doodda.
iyo barwaaqada dhulkooda taal iyada oo qalinka 2. Barida ubadka dhaqanka akhriska iyo
la adeegsanayo. qoraalka.
9. In dhalinyarta gobolka ka soo jeeda la baro 3. Samaynta barnaamijyo madadaalo iyo ga-
habka wax akhriska , lana beddelo fikirkooda si raadkorin siinaya ubadka.
looga faa’iideysto hab toolmoon.

Himilada Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ti-


macadde waa in bulshada lagu wacyigaliyo faa’ii-
dada akhriska & qoraalku ay u leeyihiin jirin-
taanka iyo horumarka bulshada. Isla markaana la
helo goobo wax akhris, kadibna qoraallo la reebo,
farshaxano badan la sameeyo. In la soo saaro Waxa qoraalka soo diyaariyay:
qorayaal da’yar iyada oo tababaro loo sameynayo, Naadiga Akhriska Timacadde
si ay ugu hiiliyaan horumarinta afka, dhaqanka
iyo tariikhda. Hiigsiga Naadiga Akhriska iyo
Qoraalka Timacadde waa in la helo bulshada
gobolka Gabiley oo ka horumartay dhanka wax
akhriska iyo qoraalka.
Dhibaatada carruurta ka haysata dugsiyada
Waxa inta badan la arkaa carruur Dhibaatada carruurta ka soo waalidkuba u kala yaqaanno
dhibaato ka haysato dugsiyada. raaci karta guriga, waxa soo carruurtiisa baahiyahooda ayaa
Haddii ay tahay deggenaanshaha raaca dhibaato kale oo kaga ay lagama maarmaan tahay in
ilmaha, fahamka uu fahmo waxa iman karta carruurta habka macallinkuna uu kala yaqaan-
loo dhigayo, caajis badan, dedaal wax loogu dhigayo. Sida ku no ardaydiisa.
la’aan, maqal la’aan aanu maqlayn cad maqaal cinwaankiisu yahay Dhibaatada uu ardayga dug-
macallinka iwm. Arrimahaas waxa Att gå i skolan , Lena Ollmark, siga hoose ama dhexe kala
sabab u noqon kara waxyaabo journalist 16/09/2013, inta badan kulmi karo dugsigiisa waa
kala duwan. Waalidku waxa uu carruurta aadka u da’da yar muhiim in waalidku la socdo.
jecel yahay in ilmihiisu ahaado ee dugsiyada bilawdaa, kuma Xidhiidhka waalidka iyo dug-
mid wax barta, maqla macallinka baraarugsana in ay dedaalaan, siga carruurtiisu dhigtaan waa
iyo in fahamkiisu sarreeyo. laakiin waxa ay u baahan yihiin lagama maarmaan. Kuma filna
in la dhiirrigeliyo oo loo jeexo in waalidku tago marka loo
Waxa dhici karta in dhibaatada hab waxbarasho oo ardayga yeedho oo keliya. Carruurtu
ilmaha ka haysata dugsiga ay ka da’da yari fahmi karo. Taas oo waxbarashada waa ay ku kala
soo raacday guriga, balse aan ardayga la tusayo mas’uuliyad duwanaan karaan, mid baa
waalidku ku baraarugsanayn. uu isagu leeyahay iyo joogtayn Sayniska jecel oo ku fiican, mid
lagu tababaro. baa Taariikhda ama luuqadaha
Tusaale ahaan in goor hore car- ku fiican. Taa laftigeeda waa
ruurtu seexato waxa ay faa’iido u Waa in ardayga lala sheekaysto lagama maarmaan in waalid-
tahay caafimaadka ilmaha yar ee oo la waydiiyo sida uu u arko ku la socdo waxa uu ilmihiisu
soo koraya. Haddii habeenkii lagu dhibaatadiisa. Waa in macall- ku fiican yahay si aanuu ugu
mashquulo ciyaaraha computerka inka tababarka macallinimo leh qasbin in uu Injineer ama
ama tilifoonka gacanta, oo goor uu dhegaystaa ardayga si arda- dhakhtar noqdo mustaqbalka.
danbe lagu gaadho. Waxa hubaal ygu uu horumar u gaadho waa
ah in kicitaanka aroornimo ay ad- muhiim ka qayb qaadashada
kaanayso. Marka ardaygu dugsiga qorshaha loo sameeyey. Waxa Sayid-Axmed Dhegey
tago waxa uu dareemayaa caajis, hubaal ah in carruurta baahida
sababta oo ah hurdadii ayaanu ka ay macallinka uga baahan yihiin Xigasho: Att gå i skolan, Lena
dhergin. aanay isku mid ahayn sida
Ollmark, journalist 16/09/2013

88 8
Xaqiiqooyinka Kalluunka

- Kalluunku waa noole ka mid ah naflayda ku dhex nool biyaha.


- Kalluunku waxa uu hawada ka qaataa biyaha ku xeeran.
- Noocyada uu kalluunku u kala baxaa waa qiyaastii 30,000.
- Kalluunka noocyo ka mid ah ayaa isku qariya biyaha hoostooda.
- Kalluunta Tuna loo yaqaanaa waxa uu saacaddii ordi karaa 70 km.
- Kalluunku sida xayawaanka kale ayuu maskax leeyahay.
- Kalluunku waxa uu leeyahay lafo.
- Hilibka kalluunku waa wax macaan.
9 9
Xasuus Qorkii Dhako Dhako

Salaasa (Talaado)

Waxa aan isha ku hayey boqolkii shandadood ee habar-


yartay iyo caruurteedu jiidayeen. Waxa aan is lahaa waxa
ay sidaan hadiyado ay dadka u qaybinayaan, waxaanse
yaabay markii ay shandadihii midkii ay furaanba dhar
duug ah ka soo gureen, ka dibna yidhaahdeen qaybsada.
Waxa aanba u maleeyey in ay islaantu suuqa bacadlaha
dukaan huudheedh ah ka furanayso. Waxa iga yaabiyey
dharkii caruurteeda ka yaraaday ayaaba anaga naga wada
weynaaday.

Hal surwaal oo aan isha ku hayey,


ayaan isku qiyaasay kiina mar keliya
uun buu iga siibtay. Anigii baaba ku
dhex dhacay. Weligay waxaas oo kale
ma arkin. Waxa ay ciyaalku cunaan
ayaan garan waayey.

1010
Arbaca

Islaantan Cambaro ee jaarka ahi maa-


lin walba wax cusub ayey la timaadaa.
Waxa aan arki jirey iyada oo inta ay
islaanta hooyaday u timaadda ku leh
guriga ayaa fal la iigu aasay. Maanta
waxa ay la timi sheeko cusub oo ay
leedahay inankaygii Meygaag ayaa
naagi wiilkeedii oo jiman galeen ay
rabtaa in ay ku wareejiso.
Weligay jin la isku wareejinayo ma
maqal, mana arkin.

Hooyaday oo badanaaba iska dhigi jirtay in aanay


sheekooyinkaas jimanka aaminsanayn, ayaan arkay
oo dhegaha u laalaadinaysa sheekadii islaanta. Cam-
baro oo inta badan haddii ay bisad ka hadlayso
maroodi leekaysiin jirtay ayaa hooyaday ku tidhi:
“Cosobeey, waxaas caruur tahriibaysa sow ma arag-
tid...naagtan Quduro ee jaarka ah ayaa ka mas’uul ah.
Markii ay jimanka wiilkeeda ka saarto ayey wiil kale
ku wareejisaa, ka dibna wiilkii ay ku wareejisay ayaa
meel uu marayba la waayaa.” Waxa iyada oo hadalkii
sii wadata ay hooyaday ku tidhi “waxaad yeeshaa
Cosobeey, quraan saar, qardhaasna u xidh wiilashaa-
da.”
Aniga oo Cambaro la yaaban oo weli eegaya ayaa
waxa dhinacayga soo joogsaday kii iga yaraa ee Raage
oo qardhaas weyni qoorta u sudhan tahay, isaga oo
weliba feedho qaawan oo aad moodid in saliid loogu
soo maydhay.

Wallaahay in aanan qardhaas xidhanayn,


aniga ayey rabtaa in ciyaalka iskuulku ii
maleeyaan in aan jiman qabo oo iga kala
cararaan.

Xigasho: Buugga Dhako Dhako ee uu qoray


qoraaga Farah Mohamoud Mohamed 11 11
Barni waxa ay leedahay bisad qurux badan, oo magaceedu yahay Milgo. Barni waa
ay jeceshay bisaddeeda. Waxa ay maalin walba siisaa hilib, caano iyo biyo.

Barni har en fin katt som heter Milgo. Barni älskar sin katt. Varje dag ger hon sin
katt kött, mjölk och vatten.

12
Barni waxa ay maalin kasta bannaanka kula soo ciyaartaa Milgo. Barni waxa ay
jeceshahay leexada. Waxa ay ku leexaysanaysaa geed ku yaalla gurigooda hortiisa.

Barni är ute på gården varje dag och lekar med sin katt. Barni älskar att gunga.
Hon gungar i en gunga som hänger i ett träd framför deras hus.

13
Barni waxa ay tegaysaa dugsiga. Waxa ay illowday in ay bisadda ka furto qolka ay
ku jirtay. Milgo maalintii oo dhan bay ku jirtay qolkeedii yaraa. Way gaajootay,
waxaanay wayday meel ay ku kaadido.

En dag, när Barni går till skolan så glömmer hon att öppna dörren till det lilla hu-
set där hennes katt bor. Milgo sitter instängd hela dagen utan att komma ut.
Hon
blir mycket hungrig och har ingenstans att gå för att kissa.

14
Imika ayay Barni soo xusuusatay in ay bisaddii ku jirto qolkeedii. Barni waxa ay
albaabka ka furaysaa Milgo. Milgo oo cadhaysan ayaa wajiga ka xagatay Barni.

På väg hem från skolan kommer Barni ihåg att Milgo sitter instängd i det lilla
huset. Hon springer hem för att släppa ut Milgo. När hon öppnar dörren hoppar
Milgo på henne och river henne i ansiktet.

Xigasho: Buugga Barni och hennes katt Milgo ee uu qoray


qoraaga Musa M. Isse
15
Waraysi aannu la yeelanay Maxamed A. Askar

Waxa uu xubin firfircoon ka noqday ururkii ardayda


Jaamacadda (Student Union) waxaana uu madax ka
ahaa Jaraa’id ay ardayda Jaamacadda Camuud soo
saari jirtay oo la odhan jiray (The intellectuel). Nasiib
darro iyo nasiib wanaag mid ay ahaydba, Askar ma
uu noqon macallin marka laga reebo laba bilood
oo waxbarashada ka mid ahayd oo uu macallin ka
noqday dugsiyada sare ee Dayib-Guray iyo Faarax
Oomaar.

Markii uu Jaamacadda dhameeyay waxa uu Askar


Mohamed A. Askar
ka mid noqday dhallinyaro badan oo ka qayb qaatay
dib-u-dhiska dalka isaga oo xubin muuqata ka noq-
Mohamed A. Askar waxa uu ku bar-
day Ururada Bulshada. Waxa uu ka soo shaqeeyay
baaray waxna ku bartay ilaa heer
Ururo badan sida SAYS oo ah urur dhallinyaro oo ka
Jaamacadeed magaalada Borama ee
dhisan magaalada Borama, SYPN oo ah urur dhal-
xarrunta Gobolka Awdal. Waxa uu
inyaro oo ka dhisan magaalada Hargeisa iyo wal-
Maxamed ka mid ahaa ardaydii ugu
iba Dalladda Ururada Dhallin Yarada Soomalland
horaysay ee macallinimo loogu carbiyo
(SONYO). Labada urur ee horeba waxa uu Askar
Jaamacadda Camuud xiligaas oo baa-
ka soo noqday madaxa ugu sareeya dhinaca fulinta.
hi aad u wayn loo qabay macalimiin
Intii uu ka shaqaynayay ama la shaqaynayay urura-
dhigta dugsiyada sare ee Soomaaliland.
da dhalinyarada reer Soomaaliland, waxa uu Askar
Si loo daboolo baahidaa, waxa 2003
helay fursaddo badan oo uu kor ugu qaado aqoonti-
Jaamacadda Camuud laga bilaabay
isa iyo waayo-aragnimadiisaba; waxa kale oo uu ku
kulliyadda tababarka macallimiinta oo
bartay asxaab badan oo ku baahsan Soomaaliland
isla sannadkaana la qaatay ardaydii ugu
iyo Soomaliyaba.
horaysay ee macallinimo loo tababaro.
Askar waxa uu ka mid noqday 64
arday oo Soomaaliland iyo Puntland
ka kala yimid oo kulliyadaa lagu furay;
waxana loo tababaray in uu noqdo ma-
callin dugsi sare oo dhigi kara maadooy-
inka Bayolojiga iyo Kimistariga, waxana
uu Jaamacadda dhameeyay 2005.
Intii uu Jaamacadda ku jiray, waxa uu
ka qayb qaatay hawl maalmeedkii Jaa-
macadda ee ka baxsanaa waxbarashada
caadiga ah.

Khalid 5 jir, Abdilahi 3 jir, Rayan gu’ jir


16 iyo aabbo Maxamed.
Sannadkii 2011 waxa uu Askar yimi wadd- Ugu danbayn Askar waa Aabbo leh seddex
ankan Iswidhan isaga oo markaa hadafkiisa carruur ah, arday dhigta Jaamacadda iyo ma-
koowaad ahaa in uu korodhsado aqoontiisa callin dhiga iskuullo badan oo ku yaala Stock-
oo uu Jaamacad galo. Sidii uu moodayay hom. Askar, Xaaskiisa Khadra, iyo carruurtoo-
wax uma fududaan oo aayar uun Jaamacad da, Khalid, Abdulahi iyo Rayan waxa ay nolol
muu galin ee, caqabado badan ayuu la farxad leh ku noolyihiin xaafad ka mid ah
kulmay. Caqabadaha qaar dadka Soomaal- xaafadaha Stockholm. Dedaalka Askar, waxa
ida ayaa uu kala mid ahaa qaarna isaga laga baran karaa wax badan sida: Samirka,
ayay gaar u ahaayeen. Caqabadaha isaga dulqaadka, isdhiibid la’aanta, fahamsanaanta
u gaarka ah waxa ka mida, inkasta oo cid aqoonta iyo xoogga ay leedahay. Askar waxa
la wadaagtana la heli karo, in ninkii Askar uu barbaariye u yahay carruur badan oo
ee Jaamacadda ka baxay ee shahaadadda soomaali ah oo dhigta dugsiyada Iswidhan.
iyo waliba waaya-aragnimo shan sanno ah Waxa uu macallin u yahay carruur badan oo
watay la yiri eber ka soo bilaw waxa aad laga yaabo in aanay afsoomaaliba garanayn
sidato ee waaya-aragnimo iyo aqoon ah ayaa uu u dhigaa afkooda hooyo. Baal taariik-
caddayn ku filan oo aan ku aqoonsano uma heedkan kooban ee Maxamed A. Askar, waa
haysatide. tusaale fiican oo wax badan laga baran karo.

Askar ma uu niyad jabin, kamana uu ha-


dhin hadafkii uu Iswidhan u yimid ee ahaa
in uu Jaamacad galo. Sidii lagu wargaliyay
ayuu yeelay oo wax walba eber buu ka bi-
Ku saabsan Maxamed Axmed Askar :
laabay wuxuuna Ilaahay qadaray in uu mar
labaad, 11 sanno kadib shahaaddo dugsi
sare qaatay. Taas oo macneheedu yahay in
uu Askar laba jeer dugsi sare dhigtay laba
shahaadona qaatay, mid 2003 uu qaatay oo Magaca: Maxamed Axmed Askar
Soomaaliland ah iyo mid 2014 uu qaatay oo Ku nool: Stockholm, Sweden
Iswidhan ah. Arrin fudud ma ahayd in uu Xirfadda: Macallin
Askar sidaa yeello? Jawaabti waa may, arrin Wakhtiga firaaqada: akhris iyo la sheekaysiga
fudud ma ahayn runtii! Waase arrin uu qof
asxaabta.
walba samayn karo haddii uu dadaalkeeda
iyo dulqaadkeeda la yimaaddo.

Askar waxa uu isla sannadkaa uu dugsiga


sare ee Iswiidhan dhammeeyay uu galay
Jaamacadda ugu wayn waddankan Iswidha
ee Stockholm Univeristy waxa uu shahaa-
dada koowaad ee culuunta siyaasadda ka
qaatay sannadkii 2018. Hadda waxa uu Soo diyaarintii: Sayid-Axmed Dhegey
dhigtaa shahaadada labaad waxana uu bar-
taa qayb ka mid ah culuunta siyaasadda oo
ah hoggaaminta iyo maamul wanaaga.

17
Bandhiga Buugaagta Carruurta

Waa buug cusub oo uu af Soomaali u turjumay Musa M. Isse


18 Waxa aad buuggan ka iibsan kartaa Vilja Förlag
www.viljaforlag.se
Buuggani waxa uu ka mid yahay taxane buugaagta carruurta ah oo laga soo turjumayo afka
Iswiidhishka, loona turjumayo afka Soomaaliga. Waxa turjumay Musa M. Isse

Haddii aad buugaagtan xiisaysanayso la xidhiidh shirkadda SomaBooks:


http://www.somabooks.se / Email: info@somabooks.se
ama ka dalbo Adlibris iyo Bokus.
19
Dalmar waxa uu u sii socdaa dugsiga.

20 20
Dalmar waxa uu la fadhiyaa ardaydii ay saaxiibada ahaayeen iyo macallinkiisii.

21 21
Qorax

Toban erey oo ka bilaabma xarafka Q

1) Quraarad-da
 2) Qunbo-da
3) Qalin-ka
4) Qaanso-da
Isku day in aad qorto toban eray oo kale oo ka
5) Quful-ka bilaabma xarafka ”Q”. Saddex ka mid ah geli
6) Qasri-ga weedh una soodir Magaasiinka Carruurteenna,
7) Qori-ga oo ku soo dir emailka hoosta ku qoran.
8) Qabuure-ha
9) Qallooc-a
10) Qurux-da

Diyaariye: Sayid-Axmed Dhegey


carruurteenna@hotmail.com

22
23
Prenumerera på Carruurteenna

Prenumerera på Carruurteenna helår (4 nummer) för


450 kronor.

Kontakta oss gärna om ni vill beställa tidningen


Carruurteenna eller har andra frågor.

Soo dalbo magaasiinka

Markasta oo uu soo baxo waxa aannu kuugu soo


diri doonaa gurigaaga ama goobtaada shaqada.
Waxaanad sannadka dhan bixin doontaa 450 kr.

Somali Nordic Culture


www.somalinordicculture.com

Postadress:
Somali Nordic Culture
Box 572
175 26 Järfälla

You might also like