You are on page 1of 3

Qorshaha bisha 4aad: 18/4/2022

Shaqada Halbeegga

Iibka buuggaagta 300

Macmiisha la diiwaangalinayo 50

Maktabaddaha cusub 3

Xayaysiis buug cusub + heshiis 7


daabacaadeed
Post-yo Maktabadda 40 post ( Maalinkii Afar)

Wasaarado 3 ( Deyn ururin)

Buugga Xilkas Faafin 5 Maktabadood ( Gaadhsiin)

Buug Wareejin 3 maktabadood

Xayaysiis qaybaha buugaagta 10

Su’aal waydii 3
Diyaarin xusas 2

Diyaarinta qorsheynta Zoom Events 3 barnaamij muddeyntooda

Faalleynta buugaag kala duwan 10 buug midkiiba 3 faallo


Qorshe fulineed:
1. In la sameeyo discount guud oo dhammaan buugaagta ah; kaas oo
lagu baahiyo bogga shirkadda, fadliga Ramadaanta Darteed
2. In qorayaada lala wadaago warqadda dosciunt-ka oo ay soo
geliyaan barohooda bulshada, siiba qoraayada buugaagta badan loo
daabacay iyo kuwa buugtoodu cusubtahayba
3. Waa in maktabadaha loola xidhiidhaa si joogto ah; laguna
waregliyaa buugaagta suuqa leh ee aanay iyagu haysan.

4. Waa in buugaagta qaab xidhmo ah loo suuqgeyaa iyada oo loo


eegayo mawaadiicda ay ka hadlayaan ee kala duwan. Wixii isku
mawduuc ahna maalin kasta lasoo geliyaa
5. Waa in faallooyin laga sameeyaa buugaag; sida aynu kor ku xusnay
tusaale ahaan 10 buug oo midkastaba 3 faallo laga sameeyo
maalinkii.
6. Waa in la soo celiyaa posters-kii qiimee buuggan, faallo ka bixi,
buugga toddobaadka, sawiradii dalabyada i.w.m
7. In xidhiidh la sameeyo kaas oo buug carruureedka suuq cusub
loogu abuurayo
8. Waa in marketing-ka loo qoondeeyaa Budget gaar ah oo
muddadaas lagu sameeyo sponsor joogto ah.
9. In la diiwaangeliyo xogta macmiil kasta ooo buugaag iibsada; isla
markaana laga qaado sawir haddii uu ogolyahay.
10. Waa in dib loo soo furo account-kii ay shirkaddu ku lahayd zoom,
la bixiyo wixii deyn taagan isla markaana lala xidhiidho qoraayo
kala duwan; laga qabto ballan taas oo buugiisa lagu falanqeyn
doono. Waa in bishan gudeheeda la diyaariyaa saddex qoraa iyo
qofka qaban doona.
11. Waa in Maktabadaha wanwanaagsan laguu wareejiyaa buugaag,
hannaanka xisaabxidhka loosoo sameynayo iyo muddada ay
oollayaanna la isla qaataa. Waxa muhiimaddu tahay in buugaagta
meelo kala duwan la gaadhsiiyo iib wanaagsanna la sameeyo.
12. Waa in lagu dedaalaa in maalmaha xusaska la diyaariyo desings
kala duwan oo la xidhiidha maalmahaas, sida maalinta Ciidda,
Maalinka shaqaalaha, iyo qoraallo xuskooda lagala qayb
qaadanayo, laguna baahiyaa facebook, twitter, Instgram iw.wm.
13. Waa in la xayaysiiyaa dhammaan buugaagta cusub ee
daabacaadda galay/ hadda gelaya, inta la diyaariyo desing-kooda la
geliyaa bogga weyn ee shirkadda. Sidoo kale la geliyaa poster-ka
heshiiska daabacaadeed isla maalinkaasba.

You might also like