You are on page 1of 17

Milicsiga Buugga Diwaanka Qosolka

Mareegta Farshaxan

Juun,2009

Markii u horreysay ee aan arko buugga

Diiwaanka Qosolku waxay ahayd

26/04/09, maalintaas oo annnaga oo koox

ah aan ka soo qayb-galnay dabaal-deggii

Naadiga Akhristayaasha Hargeysa. Markii

aanu hoolka weyn ee Hoodaale 1 ee

Maansoor soo galnayba waxanu isha ku

dhufanay iyadoo lagu buuqsan yahay miis

yaallay dhinaca bidix. War baa ugu gaajo

kulule waxanu xiisaynay in aan ogaano

waxa meesha ka socda. Waanan ku

baydhnay. Yaa salaam! Waa buug cusub oo

qurux badan jaldigiisuna soo jiidasho

leeyahay. Waxa ku xarddhan laba midab oo

buluug iyo baarbal ah. Waxa far waaweyn

ku qoran “Diiwaanka Qosolka” waxana ku

sawiran dad fara badan oo wada qoslaya. Oday masrax taagan oo dadka qoslaya ka

soo hor jeeda ayaa isagana waxa ku dul qoran hal-ku-dhegga “EESH QIYAASAK..!”

Waxan u fahmay in laga wado Aw Xasan Sh. Cismaan. Ammintaas aragtida buugga
wax ka badan nooma ay suuro-gelin maadaama meesha ay xafladi ka socotay oo

nalaga filayey in aanu fadhiisano.

Ileyn xafladda waxa ku lammaanba bandhigga buugga! Dhallinyaro shan ka kooban

ayaa guud mar macaan noogu sameeyey kuwaas oo dadkii madasha fadhiyey aad uga

qosliyey qaarkoodna ay dibada ula baxeen qufac iyo hindhiso u raacday. Waa xaggii

Soomaalidee kooxda qosolka naga dhammaysay waxan ka xusuustaa Musaabaqo,

Mustafe Khayre iyo Khaalid Qodax. Haddii u magac bixi lay odhan lahaa waxan ku

sunti lahaa “Habeenka Qosolka Adduunka” ileyn imika waa tan maalmihii la kala

qaybsaday ee midba wax lagu sheegaye.

Iyadoo weli bandhiggii buuggu socdo ayaan ku war helay dadkii agtayda fadhiyey oo

kolba qof kacayo kii soo noqdaana uu sito nuqul Diiwaanka ah. “Miyaa la idin soo

siiyey?” iyo “maya’e waanu soo iibsanay”. Oo maxaa dadka iga reebaya. Aniguna

midh baan soo iibsaday.

Maalmihii xigeyba aniga, asxaabtayda iyo dhallinyaro kale oo fara badani buugga

dhammaantiis waanu akhrinay. Wuxuna noqday wax lagu hadal hayo goobaha

dhallinyaradu isugu timaad. Laakiin markii aan dhammeynay baanu is nidhi maxaad

isaga dhammayseen maad qosolka iyo farxadda yar-yaraysataan. Qaar ka mid ah

dadkii akhriyey waxay ii sheegeen in iyaguna ay dareenkaas oo kale qabeen. Nin

macalin ah oo aan u dhiibay ayaa ii sheegay in uu dugsiga u qaatay. Kadibna mar uu

ardayda laylis u diray ayuu is yidhi inta ay ka shaqaynayaan adiguna buuggan akhri.

Dabadeedna isaga oo ismoog ayuu qosol weyn ku dhuftay. Ardaydii baa yaabtay oo

iyaguna inta ay layliskii faraha ka qaadeen qosol kaga wada kacay oo dhinicii

macalinka soo eegay. Buuggii inta uu dhakhso u laabay ayuu ku idhi “Aamusa.
Miyaanan layli idiin dirin maxaad ku qoslaysaan”. Ardaydii baa iyaguna dhinacooga

yaabay oo yidhi “tolow macalinku miyuu istaadhay”. Markaa waxa iga dardaaran ah

haddii aad aragtaan qof keligii iska qoslaya, inta aydaan ku darin liiska dadka

waashay, gacantiisa ka hubiya in uu sito buuggii ka-qosliyiha ahaa ee Diiwaanka

Qosolka. Waa buug cajiib ah. Haddii lay weydiin lahaa magac u soo bixi, waxan

odhan lahaa “MURUGO-LA-DIRIR.”

Sidaan kor ku soo sheegay buuggani wuu cusub yahay oo 2009 ayuu soo baxay. Waxa

qoray Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo muddo dheer

qurbaawi ahaa haatana deggan Ivory Coast- Galbeedka Afrika. Dhexdiisa waxa ku

yaala sheekooyin 137 ah oo qaar gaagaaban iyo kuwo dhaadheerba leh, oo maad iyo

murtiba leh, oo dhinacyo badan oo kala duwan taabanaya- hadday tahay dhinaca reer

miyiga, magaalada, qurbaha, haweenka… kuwaas oo meel kuu buuxinaya sidii

maahmaahaha aad u adeegsan karayso. Waxa kuu muuqanaysa in qoraalka buugga ay

hawl badan la galiyey oo daraasad dheer dabadeed la qoray. Sababtoo ah

sheekooyinka uu xambaarsan yahay ee 137-ka ahi waxay ka dhaceen waddamo iyo

gobolo kala duwan, waxay ku dhaceen dad kala duwan waxayna u dhaceen siyaabo

kala duwan. Marka aad dhammeyso sheeko kasta waxa ku hoos qoran- Habsami

Adeegsiga Sheekada.

Qoraagu buugga wuxu u kala qaybiyey shan qaybood oo kala ah:

1. Sheekooyin qosol iyo mahadhooyin

2. Sheekooyin murti-suugaaneed oo qosol leh

3. Sheekooyinka qosolka leh iyo haweenka soomaaliyeed

4. Sheekooyinkii qosolka lahaa ee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur

5. Sheekooyinka qosolka leh ee qurbojoogga iyo saaxiibbadooda qalaad

Shantaas qaybood ma kala dhacaan oo suugaan, murti, aqoon iyo waayo-aragnimo

xeel dheerba waad ka baranaysaa. Waxa xiise badan ku gelinaya sheekooyinka qurba-
joogga, kuwa haweenka iyo, yaa salaam, 20ka sheeko ee qosolka iyo murtida badan

ee laga soo weriyey Alle ha u naxariistee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur oo reer

Burco ah aabihiina ahaa sheekhul-baladka magaalada Burco. Noloshiisa iyo

sheekooyinkiisa ayaaba runtii u qalma in sidooda buug looga qoro.

Runtii waxaan odhan karaa Diiwaanka Qosolku waxa uu soo baxay xili baahi badan

loo qabo qosolka, murtida, suugaanta, iyo farxadaba. Inta ogaalkayga ahna hore

looguma arga buug caynkan ah dhulka Soomaalidu degto. Sida uu Hadraawi

sheegayna waxaaba fiicnaan lahayd in loo turjumo bulshooyinka kale sida reer

Galbeedka. Jamaal Cali Xuseen oo isaga qudhiisu ah hal-abuur hibo u leh ka-qoslinta

waxan leeyahay shaqo wanaagsan oo cuus oo aan cid kale qabateen baad qabataye

Ilaahay ha kaa jasaa’i siiyo. Dhammaan bulshadeenana waxan ku dhiiri-gelin lahaa in

ay akhriyaan oo ka bogtaan.

Qalinkii: Sahra Kiin Abdirhaman Ahmed

wiil yarbaa bari ka bukooday reer wadaad u kitaab furay ayaay ugu yeedheen. Markii wadaad
ku reer ka ku soo socday waxaa soo ag maray adhigii reerka oo kambalka daaqaaya.wan shilis
oo galaalan oo adhiga ku dhex jiray oo midabkiisu cadaan iyo madaw isugu dhafanyahay ayuu
sheeda ka halaacsay oo isha galiyay.reerkii ayuu kusoo biraay,gogolbaa hadh-galbeedka
ardaaga reerka loo dhigay,islaantiina intay shaah dabka saartay ayaay taw tidhi oo kusoo
balamisay islaan kale oo la taalay inay shaah siiso raga.

Haddii shaahi la keeney ayuu arkay koob aan sidaa u sii waynayn,shaahse ku yarayn oo aan
dhag lahayn iyo mid dhag madoobe ah oo wayn “killo qaad”.waxaa isna koobabka ku jiray koob
shaaheed caadiya .isaga la yar oo hafar ah ‘dare ah’ waa kii caanaha islaamuhu dar dari
jireen ,makhaayadahana shaaha lagaga cabi jiray,ninkii reerka lahaa iyo qolo hore u sii joogtay
ayaa iyana meesha fadhiiya .markii shaaha la bilaabay waxaa loogu hor shubay kii bila dhagta
ahaa ee waxoogaaga leekaa,wuxuu yidhi wadaadkii I dhaafiiya aniga ka bilaa dhagtaa,ee ka
dhagta leh ayaan ku cabayaaye.
Haddi kii la dhaafiiyay oo dhawr kale oo uu kii isu waday ku jiranana dhaafeen,ayaa waxaa la
soo gadhay darihi oo loo fiiqay.shaahi waa gabaabsi,koob kalena maba hadhin,isna koob dhag
leh buu codsaday,meel uu ka noqdana maba jirto,sheekhii si qanac iyo qawadaad ka muuqaato
ayuu odhanaya “waar intuu le’eegyahay ee uu dhag leeyahay eega”.

Si kastaba ha isu ahaato’e hawshii kitaab furka yuu u gondaday. Wakhtiba kama uu lumin inuu
natiijadii kitaab-furka inanka yar bannaanka keeno isagoo waliba is dhago marinaaya su’aalo ay
waydiinayaan wiilka yar waliidkiis oo waxaa uu iska dhigaya nin qiraysan oo calam kale la
haysta oo ku mashquulsan sidii uu uga heli lahaa daawnta yarkan.si isku kalsoonaani ka
muuqaato ayuu u odhanaya “wadaadiisu waa isagoo loo qalo oo loogu duceeyo wan galaalan
oo sidan iyo sidaa u eeg,isaago xabbad xabbad u sharxaaya siduu u eeka wankiiuu ku soo dhex
arkay adhiga dhexdiisa markii dhawayd ee u kusoo socday guriga reerka.islaantii ninka yare e
buka dhashay, ayaa isla markiiba hinqasho la boodaysi ay u soo qabato wankii la yidhi
inankaaga ayaa kitaab-furkii ugu soo baxay oo wuu ku cafiimaadaya! Dhankii hab-hab
leh.waxaay xadhiga soo sudhaysa mid ka yar wankii uu wadaadku soo arkay oo se la kala garay
waxaa la mooda in meel kaliya labada wan laga wada hindisay, markii la eegay siday isu
shabahaan midab ahaan wallow ay kala jiidh iyo jibaad roon yihiin

Ishuu qac ku siiyay wadaadki wankii yaraa oo hortiisa la jiidaayo,naxdin ayuu afka kala qaaday !
waxaa uu filayay in kii wayna hortiisa la soo marin doono oo caawa baruuri qawlaalyada ka
daadan doonto intuu yalaalugooday oo uu is hayn waayay ayuu yidhi”Ah!bal waa xigmad
kaftameed la isticmaali karo marka wax la qawaado ,iyaada oo si qosol lehna fariiinta loo
gudbinayo.

Nin maalin guri marti ku ahaa ayaa xilligi qayilaada shaah loo soo kariyay .waxaa loo keenay
falaas yar oo shaaha oo qaada hal koob oo shaah ah intuu qawaday ayuu sidii wadaadkii yidhi
“Ah!bal intay le’egtahay ee ay falaas tahay eeg”!sidaay sarteed sheekadaani waa xigmad
kaftameed, la isticmaali karo marka wax la qawado,iyada oo si qosol lehna loo gudbinaayo.

Nin maamuuladii soo maray dalka ka ahaa agaasimeguud amaba “DG”ee wasaarada war
faafinta ,ayaa niman ay saxiib ahaayeen u shaxaad doonteen,markaa isagaa oo xalaadiisii ka
waramaaya markaay xafiiska ugu yimaadeen ayuu yidhi

“waaryaadheeheen waad la socootanoo aniga laba nin baa iga sareeya oo midi waa wasiirka ,ka
kaleena waa wasiir ku xigeenkaaniguna ka saddexaad ee wasaraada waar faafinta ayaan
ahay,hadaba wasiirku wuxuu cunaa wax alle wixii xayaaysiisa ee idaacada laga sii daayo .wasiir
ku xigeenkuna wuxuu cunaa wax alle wixii ogaysiisa ee idaacada laga sii daayo.markaa anaa
ugu hooseeyoo waxaan cuna wax alle wixii tacsi ah ee idaacada laga sii daayo.markaqa
hadadaad lix qof oo dhintay ilacaada ka maqashaan markaa saxiibayaal ii kalaya kollay qaad
waan qaadi karaaye”..

Macnaha ugu way nee sheekaadan ku jirta waa inuu agaasimahani doonaya inuu tuso
saxiibaadi inaanay meesha wax oolin.Arintan waxaa isticmaali kara qof ay u shaxaad yimaadeen
ama quud dareeyaan asxaabtiisu isaagoo laftigiisu khaatiyaan taganyahay Arrinta kale ee hab
adeegsiga sheekadaani uu noqon kartaa waa marka la doonaayo in la cambaareeyo oo farta
lagu fiiqo laaluushka iyo musuqa ragaadiyay laamaha maamuulka dawlada iyo noloosha
xafiisyaadeeda.

Nin dhalinyaro ah oo reer hargaysa ah ayaa gaadhi yar oo reerkoodu laha ku soo qaaday
saddex hablood oo jaarkooda ahaa oo jabuutii kazoo xagaa baxay goor fiid ah magaalada
hargaysa .hablaha inanka waa lagu soo daray oo waxaa la yidhi magaalada hablaha soo tus-
tus .ninkaas dhalinyarada ahi laftiisu arinkaas wuu u qushuucay wallaahi waa fursad wanaagsan
oo aan hablahan ku baran karo.

Nasiib darro gadhiigiisu wuxuu ahaa mid gaboobay oo runtii sidaa usii darnayn .illayn waa nin is
dhisaaye galabtii ayuu geerashka geeyay .waa la soo giigiijiyayoo laga soo dhalaaliyay gudo iyo
dibad ba,si aanu hablaha cidla ula fadhiisan oo aanu fashiilaadi u dhicin!nin ay ilmaadeer
ahaayeen oo ah ninkii gaadhiga lahaa ahoo dibada baryaha ka yimid ayuu xataa gurigiisa tagay
oo cadar iskaaga soo buufiyay

Sacaadi iyo daaqiiqaado ayuu tirinaya ,waxaa kaabiga soo saraysa xilliigii balantu ahayd ee uu
hablaha qaadi laha ,waxaa la isu imaanaya hablihii waxay soo fuuleen gaadhigii waxbuu soo
uriyay markii ay sal dhigeen hablihii ayaa midood soo boodaysa oo odhanaysa “huuno saas ba
uraya,maahin!”

Inankii baa into hoosta ka farxay is yidhi wallaahi bahalkii cadarka ahaa ee aad isku soo dhubtay
noociisi ayaay hablihii garteenintuu soo booday ayuu markiiba yidhi isagoo dhoola cadaynaya
“aniga isku soo shubay”

Allow ha cadaabin nin aan waxba ogayn! Jabuuti erayga saas ooo fransiis ah ,wuxuu ka soo
jeeda badroolka baabuurta marka habluhu badroolbaay uriyeen oo inanka is dhisaayaana aniga
isku soo shubay.hablihii halkiibay qosol ka wadheen

Xiliiga aad uriso wax aanad garanayn ayaad odhan kartaa”SAAS BAA URAY”ama wakhtiyada la is
afgaran waayo ayaad sheekadan adeegsan karta.
Barrigii illahay ha u naxaariiste madaxwayne maxamed ibraahin cigaal wadanka haystayayaa
niman odaayaala oo beel reer soomaaliland ahi u tageen balse nin beesha ka soo jeeda wasiir
uga dhigi laha .odayaasha waxaa la socda laba afmiishaar oo beesha ka soo jeeda .markii
madaxweyne cigaal loo so bandhigay ayu markiiba u aqbalay si deg-deg ah nimankiina u
sheegayinu balan la leeyahya qolo wafti ajnabi ah oo wadanka markaa joogay.

Markuu si dhakhso ah odayaashi u nabad galyeeyay ,isaga oo sacaadi eegaaya ee odayaashi iyo
afmishaaradi dabada u baxeen ee beeshaa kazoo jeeday ayaa mid ka mid ah afmishaaradii
yidhi”waar odaygu ma isagaaba galkii waraaqdaa(envelope)-kii lacagtu ku jirtayee shaxaadka
ina siiyayba”.nin ka mid ah odaayaashi ayaa yidhi “waar ha na ceebaynekol hadii madaxwaynihii
inaga aqbalay waxaanu waydiina waa gardaro iyo meel ka dhac”kii afmishaarka ahaa ayaa
yidhi”waar anigaa odayga ku noqonayee iska sii socda “.beel kasta med noocaas oo kale ah
lagama waaye ,ninkii afmishaarka ahaa ayaa u galay madaax wayne cigaal isagaa oo xafiiskiisi
kaligi ku jira oo waftigii ajnabiga ahaa isu diyaarinaya ,markaasu ku yidhi”madax wayne inanka
aan hadalkiisa kala hadlayn wasiir ka dhig hadaad wasiir u waydana wasiir ku xigeen ka dhiigoo
bal baaqiiga noo cadee,no sarif”.wasiir ku xigeen oo lagu siiyo shaxaad ahaan .ina cigaalbaa
intuu qosol dhamaystay yidhi”waar waxoogaagan hooyooiga tag inanka wasiir waan ka
dhigayaaye”.

Sheekadan qosolka ah waxaa la isticmaali karaa marka qof lagu leeyahay waar waxayaga
duuduub noogu dhiib,amaba wax naga dhin ama si siyaasadaysan laftigeeda oo sida u eeg.

Nin reer miyi ah ayaa maalin xoolo ibiyay ,isaga oo aad ugu faraxsan lacagtii xoolaha laga
siistayoo jeebada sare ugu jirta oo anay ka qasnayn,ayuu goor casar ah soo hor maray
makhaayad qolo tafsiir iyo cashar diiniya uu wadaad u dhigaayo .in yar buu dhagaystay
“aduunka n waa la rogaaya oo circa waa la laabaya oo dhulka waa la duubaya “ninkii reer
miyiga ahaa ayaa into aad u naxay sawtan xoolihi yara ee aad soo ibisay lagaba af qabtay!mida
kale wuu liqi kari waayay sida dhulka iyo circa loo laabaayo oo isagu waxaa uu uga fakaray sidii
gogooshii la abayay oo kale markaa intuu soo booday ayuu yidhi:”oob oob wadaadaaw bal u
yara kaadi ,oo haddi dhulka iyo cirka la laaboxaggeeba lagu tiirinaya?’

Sheekadan waxaa la isticmaali kara marka sheeko baaxadeeda lala yaabo iyo sida aanay u
suurto gali Krin,iyaada oo la soo qabsan karo hal-hayska”anigu meesha lagu tiirinaayo garan
mayo”.
Ninbaa masaajid ka eedaami jiray oo mu’adin ka ahaa.subaxdii ayuu wadaadku saylada u dilaal
tegi jiray,si uu quutal daruurigiisa uga soo saaro dhaaraarba waxaa uu ibiiya xoogaa
xoolaa,maalin maalmaha ka mida ayaa suuqii xooluhu xumaanaya oo waxba laga iibsan waayay
wadaadkii .wuu yabaya oo tallo ayaa ku caddaanaysa .Isaga oo gadhkiisi u eeka sonkorta iyo
shaaha madoow ee la isku daray,rifaya bidaar aad moodo madaar diyaaradeed soo dagayso
kolba salaaxaaya ,ayuu u tagay dillaal kale si uu xalkiisa wax uga ogaado isna ,oo haddu wax ku
dhaamo bal shaxaad iyo in uu ka heli karo ugu qadaadiisa.haddaba intaanu u tagin ayuu laba
orgi oo loo sii dhibtay oo laga iibsan waayay meel kusii xidhay.

Ninkii dillaalka ahaa ayuu cabbaar ag jog joogay ,wuxuuna mu’adiinkii ogaanaya inu kan
laftigiisu waxba dhaamin oo isba manta qatanyahay.waxaa uu ku bilaabay halkii labadii orgiugu
xidhnaayeen.markuu meeshi soo yara gaadho ayaa meeshi u soo gaadho ayaa waxaa uu arkaya
labadii orgi ee uu kaga tagay oo aan meeshi kuba xidhnayn.cabaarbuu baadh-baadhayaa ilaa
markii dambe arkayo iyaado labadii orgi adhi kale ku dhex jiraan. Ninkii adhiga watay buu ku
qabsanaya uu ku odhanayaa, “waar xaggee ayaad ka keentay labadan orgi ninkiina wuxuu farta
ku fiiqaya dilaaalkii ka iibiyay.

Dillaalkii kale ayuu kaladhka laacaya uu ku odhanaya maxaa kuu geeyay labadayda orgi halkiiba
la isku dilaya oo ninkii wadaadka ahaa budh ku dhufanaya dilaalkii ilaa uu ugu tuuray oo
gaagabiyay wadaadkii waxaa uu dabadeed ka daba tagaya kii labada orgi laga ibiyaay oo isagana
is qabsanayaan markuu ku yidhaahdo dee lacagbaa la iga siiyaay halkiibuu kiina budh la
dhacaya oo ugu tuuraya. Waxaa uu isku dayaya inuu soo qabto labadii orgi. Midba ka cararaya
oo mu’adinkii kolba dhinac uga boodaya. Wuu qaban kari waayaya.kadib ayaa uu ka daba
cararaya geeska ayuu budhkii kaga dhufanaya oo isagiina gagabinaya.

Ninkii oo xanaaqsan oo labadii qawlal ka xumbaynaya oo gawnaxyada cadho la buuraya, ayaa is


ogaanaya oo ku baraarugaya salaadii oo xiliigeedi soo dhawaaday xagii masaajidka ee uu ka
eedaami jiray ayuu is odhanaya bal ku carar intaan laga gaadhin xiliigi eedaanka kiiyoo budhkii
adhaaxda haysta oo sii socda oo isla sheekaysanaya oo xanaaqsan ayuu waxaa uu maqlaya
masaajid kiisii uu ka eedaami jiray oo laga eedaamay isagoo murara dilaacsan ayuu soo
gaadhaya oo eedaankii la dhameeyay oo lagu jiro wakhtigii yaraa ee u dhaxaysay marka
eedaanku dhaco iyo intaan salaada la bilaabin oo ay dadka qaar laba ragcadood oo sunne ah
iska tukanayaan.intu hor istaagay meel u dhaw halkii sheekha dadka tujinayaa istaagi jiray ayaa
isaagoo labada daanba ka xumbaynaya oo budhkiisiina adhaxda haysta ayuu odhanaya :”waar
yaa eedaamay”!juuq la! Hadana wuu ku celinaya :”waar yaa eedamay baan idin yidhi”! yaab iyo
naxdin baa lala amuusay !inta uu balla daymooday doc kasta indhaha ku eekeeyo ayuu
odhanaya :”iska daaya aqiinkaan ku garane,kol hadii aad jawaab waydana”.sabaabta oo ah
ninkii eedamay ayaa yaalaabaaqiinkii salaada ka hor sameeya , halkaasaanu rabay inuu ka
daalacdo kii eedaankiisi isku taabtay,si uu isagana budhka ula dhaco

Sheekadan dhawr siyaabood ayaa loo adeegsan karaa.mar waxaad isticmaali karta marka wax
walba laguu sheegi waayo ee aad leedahay kolay anigaa iska garan ee iska daaya waxaa kale oo
la adeegsan kara xalaada inta badan la isku xanaaqo ee arinku gurracanyahay. Mida kale
waxaad adeegsan karta marka arimahaagi cid kale faraha la gasho oo aad odhan karta “waar
horta yaa eedaamay” ama “iska daaya aqiinkaan ku garrane

Laba shay oo ay soomaalidu aad uga sheekayso waa jinka iyo qabyaalaada. Hadaba bal markay
iyaagu is galaan tolow maxaa kazoo baxaya waaba yaabe?sheeko qosol leh ayaa jirtay oo nin
baa beri jin galay waxaan uga jeeda yaalaaba waxaay dhacda marka qof laga dhex hadlo ee cod
aan kiisii ahayni uu ka dhex hadlo ayaay soomaalida badankeedu waxaa qudha ee ay ciirsataa
ay tahay in ay qur’aan ku akhrido iyaadoo codkaadi ku salaysay jin qofkaasi galay.haddaba
ninkaa uu jinkaasi galay ayaa waxaa loogu yeedhaya laba nin oo midna yahay wadaadkii
qur’aanka ku akhriyay,ka kan kalena uu ahaa gacan yare wadaadka kaalmeeya .

Markii ay dul yimaadeen ninkii uu jinku ku jirey ayaa codkii ama jinigii la sheegayey ayaa la
hadlaya wadaadki iyo gacan yarahiisii.hadaba waxaa jinkii waraysanaya gacan yarihii,halka uu
wadaadkii isagu qur’aankii duddubiinaayo si uu jinku dhakhso ugu baxo,iyaadoo ay bar-bar
taagan jihiin ehelkii iyo asxaabtii ninkii lagu jiray oo iyaagu naxdin la anfariirsan.

Wuxuu waraysigii jinku socdaba oo wadaadkuu ququliyaba,mar dambe ayuu waraysigii u


leexaanaya xagaa iyo gabyaalad.jinkiiba markaa sheeganaya isla qoloda ama jilibka uu ka soo
jeedo gacanyarahan waray sanayaa .hadaba mar qudha ayuu boodaya gacan yarahii oo uu ku
odhanaya wadaadkii “waar ninka qur’aanka ka aad yar ilayn tol buu noqdaye”.

Waa sheeko aad adeegsan kartid xiliyada aad aragtid qabyaalad waalan oo u hiilan indho la’oo
asalkeedu uu qabyaalad kazoo jeedo.markaasaad odhan kartaa;”ma sidii jinkiibaad qabyaalad
ugu hilanaysaan oo aad sheekadan shaaca ka qaadi kartaa”ama adigoon cidna wareerin uun
baad sheekadan ka sheekayn oo ay dadku dhamays tiran waxaad uga jeedo.

Waxaa yaalaaba dhacda inuu qaadku dadka qaar gaadsiiyo inay ku kacaan ficiilo iyo falaadyo
aan caadi ahayn oo wax yaalaha qaarkood ay runti ay qosol keenaan. Bal hadaba waxaynu
eegayna laba sheeko oo gaagaaban oo arintaasi ku saabsan mirqaan dhaafka

b.ta hore waa sheeko ka dhacday magaalada nayroobi ee wadanka kiiniya nin baa jiray aad u
cuna qaadkan la yidhaahdo mirooga waliba noociisa gangeetti ku sii ab tirsada oo laha caado
aad u yaab badan. Marka uu qaadka cunaayo ee aad loo mirqaamo ayuu isagu dadka ka horayn
jirey waxaa ninkaasi caado u ahaay in dadka uu la qayliyo ee ay wada fadhiiyo koox ahaan intu
qof ugu yeedho oo banaanka u la baxo sidii uu wax u sira u sheegayo uu ku odhan
jirey:”aboowe mirqaanka manta ma ka yaabtay ?”marku qofku soo kiciyayna isagoo naxsan ugu
jawaabo haa uu hadda ku odhan jiray :”waa waxaan aniga qudhaydu ka yaabanahay!”khalaas.

t.ninkale oo isaagu dhinacaaiyo hargaysa joogaa wax sameen jiray oo mirqaanku ku waynaan
jiray marka laga kaco qaadka.isagu marku qaadka ka kaco intuu go’soo huwaado ayuu
magaalada ku wareegi jiray ninkaasi habeenkii oo dhan wuxuu raadin jiray qof uu ka dhuunto
ama uu gaas siiyo markaasina waa marka qudha ee mirqaanku ka jabaayo ee uu seexaan karo,
hadii kale,caawa oo dhan buu wareegaya oo raadiinaya qoflka uu rabo inuu ka dhuunto si uu u
seexdo inuu ka dhuunto shiddooyiin badaanaa bahalku!.

Xiliyada aad ka sheekaynaysid wareerka qaadka iyo sida uu qof walba ka dhigo waa mid aad
tusaale uga soo qadan kartid sheekadani

Maalin ay ku soo began tay nebiigeennii suubbaana ayaa waxaa la sameeyay qado balaadhan
oo maalinta faraxa ah ay il-yartu is qabatay oo miskiin iyo maal- qabeenba ay isugu yimaadeen
hadaba waa tii caadada ahaan jirtay in sinxi ballaadhan in ka badnayn (7) qof raashinka la isagu
soo dari jirey oo ay dadku raashinka wadaagi jireen.

Nin oday ah oo maalinta dhalashaadi nebiga joogey ayaa aad u gaajoonayey markiisi
horeba.waxaa taa ugu darsantay in cuntadii lagala raagay markii uu cabaar sugay ee uu kolba
jaleeco dhinicii bariisku kazoo socday,waxaa markii dambe isaga iyo shan qof uu ku jiro lasoo
hor dhigay sinxi wayn oo bariisa oo muunadaysan oo ay ku shaqlanyihiin hareerihiisa hilib iyo
baradho.sinxigaasi kulaaylka kazoo baxaaya qiiqiisa waxabad moodaysa wershadihi waaweyna
ee qiiqa sii dayn jiray .

Dadkii kale ee ninka la wadaagayay rashiinka iyagu sinxiga ayaay il-qoodha ka


khaawiisayaan,dhinacna bahal gaajo ah ayaay beerka is hayeen indhihii ayaay ku dul ilaaween
sinxigan duxdu ay dul sabaynayso oo cidna cid kale uma war hayso.ha yeeshe ninkii odayga
ahaa oo la laba boglaynaya,ayaa isagu sugi kari waayay into qiiqa sinxiga ka socday damayo oo
wuxuu markiiba ku boodayaa xabad baradho ah oo yar oo uu mar qudha afka wada
galinaya.bahaashii kuleelkeedi cunaha u istaagaysa ninkii ayaa ilmeeyey oo qolaadii la fadhidey
ay biyo ula soo caraartaymarkay arkeen xalkiisa iyaago aan fahan sanayn waxaa ku dhacay
ninka odayga ah.

Markii uu biyihii uu iskaga dajiyay ee uu nafisay,ayaay qoladii ay cuntada wadaagayeen iyaago


yaaban waydiiyeen iyagoo yaabban bal waxaa ku dhacay ee ninkan kaga ilmaysiyey.halkii wax
kale looga sugaayay ayuunbuu la soo booday ,”nabigiibaan xasuustay”,isaagoo u jeeda qiirada
xasuusta nabigii ayaa igaga ilmaysiiyay,ilayn nin weyn weeyaanoo wuxuu odhan kari waayay
bahashii baradhada ahayd ayaa cunaha ii istaagtay,madaama anay cidnaba ogayn goortuu
baradhada halqafay ee afka ku muguujiyey

Markaad cunto ku saxato iyaaga oo dadku ku wada eegaya ama sanqadhaada la maqlo ama
adigoo aan is ogayn aad cuntada markiiba ku bilaawdiid xaggaad dadka ka sugi lahaayd, ayaa
sheekada la iskaga jeediyaa.
Nin reer soomaaliland ah oo magaciisa la odhan jiray cilmi axmed abtidoon (Raymond) Ilaahay
ha u naxariistee ayaa waxaa dhacaysa in nin walaalkiisahi uu ka wareerinayo inu geel
iibsaado.hadaba Raymond waxaa uu aha nin reer magaal ah oo aan geela dan ka lahayn.lakiin
ninkan walaalkiis ah ayaa culeys ku saaraya oo waliba ugu balan qaadi doona inu isagu geela
dhiqi doono.

Raymond ayaa isagu markii dambe geeli iibsanaya si uu walaalkiisna u manaafacaadsado,una


dhaqdo.nasiib daro Raymond geeli wareen ayuu u keenaya oo ninka walaalkiisa mushaakilkiisa
oo dhan wuxuu dul keena Raymond.raymond iyo walaalkiis ayaa malintii dambe is af dhaafaya
isagoo Raymond leh”waar niyahaw markaad geelan xoorka ka maalaysidba ma tidhaahdid
faa’iidada ila qaybsee,dee dhib iyo dheefba aan wada qabno,lakiin dhibaatada uun baan ku
keenaya ma oggoli.”ninkii walaalkiis ahaa ayaa into xanaaqo ku odhanaya Raymond,”geelaagi
waankuu dhaqayaaye waa ku kaa.”Raymond ayaa isaguna ugu jawabaya si cadhaysan oo
odhanaya ,”iskaga tag imika halkaa uu joogo taga dhaqaaq”.

Hadaba waxaa dhacaysa maalin maalmaha ka mida ninkii Raymond oo fadhiya maqaaxi shaaha
laga cabbo,ayaa laba nin oo reer miyi ah oo aan isu garanaynin weji ahaan sheekaysanayaan oo
mid ka mida kii kale ku odhanaya “saxiib miyaanad maqal in geeli Raymond uu badh waraabe
cunay “.markii hadalkaa la leeyahay Raymond qudhisu wuu maqlaya oo maqaaxida ayuu koone
ka fadhiya .hadaba nimankii Raymond muu waraysan isumana sheegin inu raymord
yahay,laakiin hoosta ayuu uga qushuucay warkaasi.

Maalin markay kazoo wareegtay ayaa odayaal beeshoodi ahi Raymond u imanayaan ,iyaga oo
isaga dhaliilaayainu geelisii baylah ka dhigay oo kii walaalkiis ahaa uu ka eryay Raymond ayaa
odayaashi ugu jawaabay,”waraabahaa geelayga cunay ayaa ii dhaama kana ad leedihiin walaalo
ayaad tihiin”!odayaashi ayaa iyaga oo yabban ugu jawaabay sidan;”oo maxaa dhacay oo aad
hadalkaa u tidhi”.raymond ayaa marka u jawaabaya oo ku odhanaya odayaashi;”ilaa intii uu
geelayga warabuhu cunay ayuun baan sumcad yeeshay oo waraabaha ayaa ii dhama kaan
walaala nahay.imika uun sawma la ogaan in uu Raymond lahaa geel,intii uu kii walaalkay
hayay,idinku miyaad maqasheen Raymond geelisii oo la hadal hayo

Waa sheeko ay xigmad wayni ku dheehan tahay oo aad adeegsan karto marka aad doonaysid in
aad qof aad gar kaga heshoxilliyada aad ku doodayso in dhib iyo dheefba la wada qaybsado
maadaama dadka badankooodu ay dheefta inaad la qaybsato uun rabaan oo dhibta uun ka
cararaan.sheekadan waxaad isticmaali karta inaad si qurux badan fariintaada uu
dhiibtiid.

Oday soddog ah ayaa waxaa u dhex galay innatiisii u dhalay iyo ninkeedii oo is qabsaday muran
waynina ka dhex taagan yahaybal si uu u badbaadiyo reerkaa dumaya.hadaba waxaa uu la
qabsan waayay sida uu afsoomaaligan dembe ee dhalinyaradu ku hadasho isu badalay.taasina
waxaay ku keentay isagii jaahwareer.hadaba sheekadani waa wixii odayga ku dhacay.odaygii
ayaa u tagay ninkii uu soddoga u ahaa ee inanta ka qabay oo uu is yidhi bal horta warayso
intaanad inanta u tagin oo galgacayl abbaanimo ku madax marin.odaygii baa markii uu
waraystay bal sidi wax u jiraan,ayaa uu wiilkii ugu jawaabay,”jadh bay keentay”. Odaygiiba into
yaabay oo inankii soddoga u ahaa ka xishooday inuu bal waydiiyo waxaa uu uga jeedo.ayuu ka
tagay isagoo dhabanka gacanta ku haya.

Odaygii oo yabban ayaa bal markan u tagaya innantii uu dhalay si u uga waraysto sabaabta ay
ninkeeda isku khilaafeen.innantii ayaa marku su’aalay ugu jawaabaysa ,”ma naqas buu kula
yimid?”!odaygii oo yaban ayaa u tagay nin kale oo dhallinyaro ah oo ay saxiib yihiin.ninkan
odayga soddoga u ah ee ay is khilaafeen .yaabka yaabkiis,kan kale ee ay odayga saxiib yihiina
wuxuu ku jawaabaya,”waa dhako kale ‘e ooho ka dheh.”markan odaygii oo labada gacmoodba
dhafoorada ku haya ayaa u tagay oday kale oo ay saxiib ahaayeen kuna
odhanaya,”afsoomaaligii goorma la badalay?”

Sheekadan marka afsoomaaliga suuqi ah oo aad fahmi waydey hadlo ayaad si kaftan ahaana
ugu tuuri karta si aad fariintaada u gudbisid inaanad fahmin waxan la isla dhex marayo.

Barigii af soomaaliga reer miyiga la baray 1974kii ,ayaa waxaa dhacaysa in nin dhalinyaro ah oo
ka mid ahaa macalimiintii af soomaaliga dhigaysay tuulo yar si dadka halkaa jooga akhriskiisa
iyo xisaabta hoose eek ala jarta iyo isku darka ugu dhigo dadkaa ku dhaqna tuulada yare e ay
dadku u badnaayeen xoolo dhaqato.

Ninkii macallinka ahaa markuu u bilaabo xisaabta kala jarka iyo isu gaynta ,dadkii tulaada ayaay
aad ugu adkaatay siduu uga dhaadhicin lahaaxisaabta,maalintii dambe ayuu tusaale soo
qaadaya uu is yidhi allayle imikay si fiican kan ugu fahmidoonaan maadama aad ka hadli
doontid wax ay wada garanayaan,macaallinkii ayaa waxaa uu doonaya inuu ka dhaadhiciyo
dadkan xisaabta kala-jarkaa ee 8-3=4 oo ah marka toddoba laga jaro saddex ayaa waxay la mid
tahay afar.hadaba waxaa uu tusaale ugu soo qadanaya xerro ay toddoba riyaad ku
jiraan.markaasu odhanya markay toddoba riyaad ku jiraan xero ee saddex cirka u boodaan
maxaa hadhaaya?haddaba issaagoo sugaaya jawaab noqonaysa afar riyaad ayaa soo hadhaya,
ayaa nin reer miyi ah oo ku jiray dadka oo isagu into farta taago odhaanaaya;”macallin riyaha
ayaan kaa aqaana oo haddii ay midi boodo iga walle inaanay midi ku hadhayn xero oo way ka
wada boodayaan”

Marka aad doonaysid inaad hoga tusaalaysid in dad wax isku wada raacay oo aan qaladka iska
qabanine waa sida riyahaas oo kale oo iska daba boodayaa taasi farrin adagna way
diraysaa.midda kalena si qosol leh ayaay u gudbinaysa farrintii
Laba nin oo saaxiib ah ayaa runtii busaarad ama lacag la aan xumi ku dhacaysaa iyadoo xilligaa
ku sugan magaalada hargaysa. Labada nine e saaxiibka ah ayaa maalintii danbe u adkaysan
waayey gaajadan cidhbaha goysay. Midka mid ah labadaa nin ayaa intuu yaa fakaro ayaa kii kale
ku odhanayaa waar anigumaqaaxidan ayaan galayaa oo cunto soo cunayaa adigu waxaad
doontid samee kii kale ayaa ilaahay yaab isugu kenay oo is odhanaya oo tolow ninkii saaxiibkaa
ahaa miyuu waashay ilayn wuu ka war hayaa inaanu wax lacag ah jeebadiisa ku hayn labadii nin
ayaa midina maqaaxidii jaf yidhi si uu cunto usoo cuno kan kalena sugayaa inta kii maqaaxida
galay isagoo qoorta lahayo laga soo tuurayo albaabka .ninkii maqaaxida galay ayaa dalbanaya
hilib iyo bariis oo si ficaan oo war war lahayn u cunaya cuntadiisi sidii nin is huba oo jeebadu u
buuxdo markii uu cuntada dhamaaystay ayuu dalbanaya maraq markii maraqa loo keenay ayuu
inta uu hariiraha iska eego inay cidi soo eegayso uu jeebada ka soo saaraya xabad baran baro ah
oo intaanu maqaaxida galin uu gidaar kazoo qabtay,iyadoo aanu saaxiibkii arkayn.xabaadi baran
barada ahayd ayuu ku ridaya maraqi iyaada oo aanay cidi eegayn mar qudha ayuu samada ka
qaylinaya isagoo leh waar waamaxay waxani waar waamaxay waxani!mar qudha ayaay inankii
mudalabka ahaa iyo kii maqaaxida laha u imanayaan si ay uwaydiiyaan waxaa ninkan kaga
qaylisiiyaydadkii hareeraha ka xigayna ninkii ayaay mar hareeraha soo wada eegayaan.ninkii
maqaaxida lahaa ayaa marka uu arkay waxaa dhacay iyo maraqa baranbarada ku dhex jirtay
ayaa intuu naxo si hoos ahaana ugu odhanaya waar illahay ceebtaada ha asturee dadka le
yaanay cuntada ka kicine waxaad cuntayna cidi wax kaa qaadi mayso ee arinta ha fogayn ninkii
cuntada cunayay inta uu hosta ka farxo ilayn lacag ma hayee odhanaya waar nadaafada ku
dadaala oo waxaas oo kale yaanay mar kale dhicin ninkii oo loo mahad naqaayo ayaa waxaa uu
ka baxaya maqaaxida .

Dabadeed waxaa uu u imanaya isaga oo caloosha salaaxaya saxiibkii oo goorahan ba u dhag


dhigaayayba bal waxaa lagu samaynayo saxiibkii saxiibkii wuu yabaya oo wuxuu odhanaya waar
saxiib maxaad samaysay aniguna aan sameeyo’e kalkiibu ninkii soo dhargay kii kale u sheegaya
wax kasta oo u sameeyay si kan kalena u raaco wadaadi kan kalena sidii oo kale ayuu jeebka ku
qaadanaya baranbaradii.markuu cuntaada dhamaystay ayuu odhanaya waar maraq ii keena
nasiib darro waxaa loo sheegaya a in maraqii dhamaaday xagii wax kale laga sugayay ayaa intuu
baranbaradii jeebada ka soo saaro odhanayaa “oo markaa xagaan geeyaa haduu maraqii
dhamaaday” halkii bay arintii u ninkii hore sameeyay ku fashilmaysaa laakiin ninkii maqaaxidii
lahaa qosol ayuu la rafanayaa oo uu dabadeed ku amrayaa sahqaalihiisii in ninkan daacada ah
aan waxba loo raacin

Marka aad doonaysid in aad daacad hadashid arin markii hore ay ku jirtey khiyaamo ama
laguugu qabtay ama qof kale lagu qabtay oo aad doonaysid inaad yaraysid dhibaatadiin iyo
dagaalkii iman lahaa ayaad sheekadan ku hogo tusaalayn kartaa
Anagaa oo goor galab casar ah joogna gurigayagii nayroobi wakhtiyadii aan ku noola aan ka
shaqayn jiray magaaladaasi ayaa waxaa guriga nala joogay anagoo badnayn digtoor cabdi sallax
oo reer jabuuti ahaa oo aan aad isugu dheernahay hadaba waxaa uu digtoor cabdi u Imanayay
nin marti magaalada ku ahaa oo reer jabuuti ah oo sibinaar ku socday ninkii waanu u
tilmaamnay gurigayaga oo ku yaal xaafada livegton ee nayroobi kenya si uu noogu
yimaado.hadaba waxaa baryaha dhamaaday shirkii nayroobi ee barlamaanka lagu
doortay,madax waynaha lagu doortay eedawladii ku meelgaadhka ahaa ee
soomaaliya.maalintaa waxaa fadhiyay dad aan odhan karaayo waxaay kasoo jeedeen shantii
soomaaliyeed.waxaa la falanqeeyay siyaasadii soomaalida ee marka meesha ka socotay oo ay
iskugu haysteen cabdilaahi yuusuf iyo sheikh shariif xasan oo isagu baarlamaanka u ahaa af
hayeen .

Nimaan ka mid ah dadkii meesha fadhiiyeen ayaa waxaa ay aad u dhaleeceeyeen sheikh shariif,
kuligayaga waxaanu dhagaaysanayna dooda meesha ka soconaysa ninkan jabuuti ka yimid wuu
aamusan yahay oo meel gees xigta ayuu fadhiistay wa xooga qaad ah uu jabuuti kala yimidna ku
barjaynaya,si fiicana wuu u dhagaysanaya .adigu wax hadalkii la sii wadaba,markii dambe ayaa
kooxdii ka soo horjeeday sheekhshariif ayaa oodhaysa ;”wuu hadla maahin?”!dadkii ayaa intay
wada naxeen ayaanay hore u fahmin.hadana into hadlo ayuu si fiican u sii sharaxaaya oo
odhanaya :”wuu hadla maahin?halkaasa inta la qoslay,warkii lagu gabaa-gabeeyay oo ninkaa
reer jabuuti sheekadii saacada socotay kusoo xidhay

Waxaa la isticmaali kara marka laga hadlaayo marka dadka qof maagaan oo intiisa uun culaysa
ka saran iyagoo aan eegayn waxyaalaha uu qofku ku wanaagsanyahay ayaa si kaftan ah ayaad
tusaale ugu soo qadan
karta.

Laba nin oo reer marqaan isku ah,hawdka magaalada buuhoodle ayaa maalin malmaha ka mida
ku kulmaya magaalada muqdisho,iyado midina baabuur wato,ka kalena yahay askari tarafik
ah{turbotariya}ah oo wadada ilaalinaya .hadaba waxaa dhacaysa inuu askarigii istaajiyo
baabuurkii.ninkii baabuurka waday ayaa si fiican u salaamaya ninkii askariga ahaa oo is yidhi
waallahay wuu ku ku gartay oo inuu ku salamo ayuu rabay.markii salaantu dhamaatay ayuu
askarigii waydiiyay waraaqihii baabuurka iyo ogolaanshihii wadiida baabuurta (licer).ninkii
baabuurka waday ayaa u qaadan waayay oo isyidhi malaha ninku wuu kugu ciyaarayaa oo
kaftan ayuu ugala yeeda.hadaba ninkii askariga ahaa ayaa into wajiga badalo tusaaya inaanu ku
ciyaarayn.ninkii baabuurka watay ayaa odhanaya hadal xigmad leh oo dadku badanaba
isticmaalo oo ah;”waar ma inageeni isku reer cali gari ayaa isu askariyaynayna”isaagoo uga
jeeda ma inageeni is naqaanay ee waliba isku sii jilibka hoose ayaa shuqul isula nimid.

Sheekadan waxaad adeegsan karta marka qof aad garanaysid uu kula yimaado shuqul kale oo
aanad raali ka ahayn adigoo fikirkaaga u dhibaanaya si qosol leh.
Waxaa dhacday xilligii uu ingiriisku ka talinayay gayigeena ayaa magaalada hargaysa waxaa lagu
dhex sameeyay musqul ama suuli (public toilets) ay dad waynu isticmaali karaan .waxaa looga
jeeda in dadka magaalada dhex maraya aanag ku kaajin.hadaba ingiriiskii ayaa is yidhi qoro qof
shaqaale ah oo suliyaadooda isku duba rida baahiyahooda oo isticmaalkooda suga.hase yeeshe
dhibaato ayaa dhacday,waxaa la waayay cid allaale cid soo doonata shaqaale.qof kasta waxaa u
yidhaah;”gaalaadi ingiriiska ahayd aad ayaay ula yaabtay dadkan saboolka ee shaqo laa’aanta
iyo busaarada la jooga suuqyada.sidii lo’geesaha is galisay geed hadhaca hoostiis oo cadceeda
kulaylkeedi daaqi ka soo hirey.igland ayaa laga keenay gaal ingiriis ah oo cad oo ka shaqeeya
suuliyada hargaysa laga sameeyay.ingiriisku waxaa uu taas uga jeeday inaan wax ceeba ku
jirin.im suuliyada laga shaqeeyo.gaalkii marka uu dadkii suuliyada isticmaalayay kala
hagaajiyay,ee wixii meel aan ku haboonayn ku saxaroonayay talaabo ka qaadayay.ayaa dadkii
magaaladu u bixiyeen nanaays ah ; ”xaar weerar”.

Sheekadan waxaad adeegsan karta markaad xogay tusaalaynaysid,qof ka shakisan wax


wanaagsan oo u qaban lahaa,laakin ka baqaaya waxay dadku odhan lahayeen.

Nin reer xamar ah ayaa maqaaxi burco ku taal qado u soo doontay.markii uu fadhiistay
maqaaxidii ayaa waxaa uu yimid ninkii cuntada bixinayay (mudalabkii)una sheegay waxaa
yaala”waxaanu haynaa,bariis baasto,hilib geel,qallaabi iwm.”ninkii reer xamarka ahaa ayaa
waydiinaya mudalabkii”yaakhi lingue ma yaalla noo!”

Ninkii maqaaxida ka shaqaynayay ayaa inta uu garan waayo ugu jawaabay oo waamaxay
liigu?ninkii reer xamarka ahaa ayaa odhanaya “carrab waaye”NOO!?intuu carrabka gacantiisa
saaray yidhi”liingue carrab ma haysaa noo!.ninkii makhaayada ayaa inta uu iska dhaqaaqay
yidhi:jaw ninkii nooloow maxaa aragti kuu laban”

Ninkii makhaayada ayaa iska shaqaystayoo hawshiisi sii watay in mudo ah markii uu faadhiyay
uu ninkii reer xamarka ahaana fillaayo in wax loo soo wado,ayaa waxaa dareemay ninkii
makhaayada lahaa oo maqalka fadhiya in ninkan waageeniga u muuqda in doora uu meesha uu
fadhiyay in wax loo keeno.

Inankii makhaayada ka shaqaynayay ayuu u yeedhay oo ku yidhi”waar hebeeloow maxaad


ninkaa martida ee inta badan fadhiyay aad ugu keeni wayday dalabkiisa?”

“kee”ayaa yarkii mudalabka ahaa odhanayaa,saa waa kii reer xamarka ahaa ee carrabka
doonayayoo wali sidii u fadhaya!ninkiibaa intuu circa ka qayliyaaybuu odhanayaa ninkii maqalka
fadhiyay ee meesha lahaa”jaw,waar waar yaanu carrabka kaa goosan ,wallaahi bal caraar oo
agtiisa tag,bal inaad bilaa carrab ku soo noqon waydid”

Sheekadan waxaad u adeegsan kartaa dhawr siyaabood,markaad wax caja’b ah aad aragtid ama
sida marka u doonayo inuu hadlo oo uu ka baqayo in laga xanaaqo
.

Laba nin oo geel jirayaal ahaa ayaa isla qaada dhigey sheekada ku socota magaalada iyo
waxyaabaha ay la yaabeen ee ay magaalada kusoo arkeen marka ay magaalada tagaan ee
caanaha geeyaan.mid ka yimid ayaa yidhi”waar magaalada ka waran adigaa ka yimid
magaaladee”markaasu yidhi kii kale”waar magaaladii way walatay oo midh midh ayaay iskula
hadlayeen(qof waliba naftiisa ayuu la hadlayaa).”waxaa uu soo arkay dadkii oo telefonka
(mobel-ka)wada sita oo ku hadlaaya) waxaa kale oo aan la soo yaabay ayuu yidhi sida uu u
dheereeyo bahalka ay gaadhiga ku sheegaan kii kale ayaa qoslay oo isaga ugu jawaabay “kaw
ma adigaa waxba og!miyaanad arag gaadhiga waxa ka dheereeya oo ka yaab badan ninka
habeenka oo madoow tooshka la hor orda,kaas ayaan anigu la sii yaaba!

Marka adigoo wax la yaaban wax kaasii yaabiya aad aragto ayaad adeegsan kartaa sheekadan
qosolka ah

Odaybaa guursaday gabadh carmal ah ama garoob ah oo isagoo in doora ka yar baryahaas uun
buu aroos galay oo odayaasha saxiibaadii ah may arag gabadhan uu guursaday maliintii dambe
ayaa isagoo geedka la hoos fadhiya odayaashii ,ayaa gabadhii odaygu guursaday ,iyaadoo
markaas uun saylada ka timid ayaa soo maraysa geedkii odayaashu fadhiisan jireen ee
gurigeeda u dhawaa, odayaasha waxaa ku jiray odaygeeda.

Hadaba markii ay dhaaftay ayaa odayaashi mar qudha jaleen gabadhii oo qaarka dambe u yara
wayneeyd.odaygii gabadha qabay ,ayaa intuu dhidiid waaweyni kasoo booday isaagoo wajigiisa
hinase ka muuqdo odhanaya :”naa naaga fadhiiso anagiina na waashay musliinkiina
waashay”markaa fariin buu u diraya odayaashi markaa uu leeyahay waar ha iga eegina iyadiina
leeyahay dadka ha soo hor marin”

Waxaa sheekadan la soo qaadan karaa marka aad qudhaadu hinaasto ee aad si qosol leh u
dhibanaysid fariintaada,waliba marka aad aragtid marka aad aragtid in xaaskaaga ama ninkaaga
ili ku maqantahay ee la eegaayo.

Maalin ayaa salaaddi casar ku xidh-dhay jamaacadii isagoo marka ragcadii labaad u tagan ayaa
telefonkiisii gacantu soo dhacaya into jeebadiisa gacanta kula boodo ayaa uu telefonka
baqtinaya oo si ficaan u amuusinaya .markii la gaadhay rukuucdii ragcadaasi,oo jilbaha la haysto
ayaa hadana telefoonkii soo dhacaya oo isaagoo rukuucaya is odhanaya dusha ka bakhtii
madaama uu telefonkii ugu jiro jeebada,nasiib daro waxaa u si lama filaana u taabanaya
botonkii telefonka la qabanayo la qabto ,markaasu kasii darayana oo uu isbikarkiina ku
dhufanaya iyaadoo la rukuucsanyahay ayaa waxaa teleefonka ka dhex hadlaysa oo odhanaysa
“xabbiibi macanoow xalay oo dhan kamaan seexan ee maxaad telefonka iga qaban
wayday”xallay oo dhan kamaan seexan”iyo wax yaale kale oo kasii daran”hadalkaas oo
masaajidka oo dhan laga maqlayay ayaa ninkii oo dhididsan ayaa ku walanaya si u u bakhtiyo
telefoonka gabadhiina ka sii daraysa mar ba marka kasii dambaysa,ilahay waxaa uu ogaa ninka
naxdinta iyo dhidiidka waawayn ee ka soo booday hadii anay dadku tukanayn qosol ayaay ka
wadhi lahayeen,(illayn naxdin looma dhinto)

Sheekadan markad doonayso inaad xooga tusaalayso dadka masaajidka telefoonka oo shidan la
gala ama asluubta salaadda ayaad u isticmaali kaartaa

Waxaa jiri jiray laba nin oo jaajaalayaaal ah,afkoodana manaafacaadsada oo maalin walba ku
shaxaad taga.maalintii dambe ayaay fakareen oo yidhaahdeen.’waar maxaad maalin walba
shaxaad uun calaf inooga dhigay’.midhbaa fikrad ku soo jeediayay inay nin dhalinyaro ah oo
reerkooda ugu dadaal galaan sidii meel loogu dhiibi lahaa.inankaasi marka uu shaqeeyo ee meel
qabsado waxa ay ku wadaan inuu u noqdo il-dhaqqle oo ay kaga nastaan shaxaadkii joogtada
ahaa.biilkoodana isaga uun ay ka heli doonaan.

Nimankii nin wasiir ah ayay ka saxeexdeen siduu ninkaa yare e ay isku reerka yihiin loogu dhiibi
lkahaa meel ay u arkayeen inay dhaqaale lahayd.markii ninkii yaraa meeshii loo dhiibay ayuu
ninkii yaraa sidii laysku ogaa uu waxba siin waayay oo isagu kaligiisuun iska jaqay
macaankii.maalintii dambe labadii nin oo maroora dilaacsan ayaa ileen waxay ku hadlaana
garan maayaane oo ayagaa meesha u dhiibaye,u fakareen balsidii yarkan macaankii waxba
kasiin waayay loo eryi lahaaa..

Midbaa fakaray oo yidhi’waar yarku siduu u naaxay miyaanaad arag waaba xad dhaafe.waa
runtoodoo yarkii ay meesha u dhiibeen ee ay markii hore u tageen waxayna ku yidhaahdeen
sacaadatul-wasiir.ninkii yaraa ee aanu meesha kunidhi u dhiib ama magtiisii na sii ama noo soo
eri.”

Wasiirkiibaa hadalkaa layaabay oo yidhi’waar idinkaaba meesha yidhi ninka u dhiibe waamaxay
hadalkani’.midbaa markaa hadalka nuxurkiisii u dhiibay oo yidhi”wasiir hadii aad inanka aad
noo soo eryi waydid wuu naga qarxayaa,miyaanaad arag siduu u naaxay markaa intaanay
magtu ku raacinnoo soo eri”.iyagoo u jeeda haduu yarku meesha sii joogo oo waxaa uu cunayaa
sii bataanmaalinta dambe waabu iska qarxayaa.ma aragtaa sida xariifnimada leh ee ay
nimankaasi doonayaa inay inanka ku eryaan maadaama uu waxba siin waayay….

You might also like