You are on page 1of 5

Waxkabaro Wadooyinka guusha keena

1- DULQAAD (PATIENCE)
Nuxurka macnaha dulqaadka ama Sabir waxa loola jeedaa in aan nafteena ka joojino
dhaqanka ah in ay quusato ama murugooto.
Dulqaadku wuxuu ka mid yahay aas’aaska guusha nolosha maxaa yeelay qofkastaaba
siduu u dulqaad badan yahay unbuu guusha u gaadhaa, samirku waa wadadii lagu
gaadhayay guusha waxaana jira caqabado badan (many constrain) oo noloshaada ka hor
imanaya intaad nooshahay kuwaasna waxa looga badbaadi karaa waa dulqaadka oo la
badiyo iyadoo markasta loo mahadnaqayo ALLAH laguna mahadnaqayo natiijo kasta oo
aad la kulantid.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

O you who believe! Endure and be more patient (than your enemy), and guard
your territory by stationing army units permanently at the places from where the
enemy can attack you, and fear Allah, so that you may be successful.
Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo
adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali
Cimraan:Aayada 200.
2- DADAALKA (EFFORT)
Dadaalku waa mid ka mida furayaasha guusha kaas oo loo baahan yahay in la sameeyo
shaqo kasta ama hawlkasta oo la qabanayo in loo dadaalo sida ugu fiican uguna
macquulsan.
Tusaale: ahaan inaad ku dadaashid sidaad u gaadhi lahayd qof kaa sareeya waxaana
wanaagsan marka qofkastaa rabo inuu horumar gaadho waa inuu meel hiigsadaa ama uu
jiraa qof uu is leeyahay gaadh.
3- AQOONTA (KNOWLEDGE)
Runtii sida aynu wada ognahay aqoontu qofka waxay gaysaa meel sare sidaa daraadeed
waxkasta oo aad is leedahay ku guulayso waa inaad aqoonteeda leedahay hadaanad
lahayna waa inaad waayo aragnimadeeda leedahay, haday kugu cusub tahayna waa in
aad raadsataa aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda adoo la tashanaya dadka aqoonta u
leh hawshaa aad qabanayso.
Aqoontu waxay ka qayb qaadataa horumarka qofkasta, waxayna gaysaaa qofkastaaba
halkuu hiigsanayay, aqoontuna waa wadadii guusha waxaanay ku tusaysaa jihada guusha
aad rabtid.
4- DHAQANKA (CULTURE)
Wanaajinta dhaqanka iyo akhlaaqdu waa ujeedada koowaad ee uu siday Nebi Maxamed
(CSW) waxa uu yidhi, “Waxa la ii soo diray si aan u dhameystiro akhlaaqda wanaagsan”
waxa laga doonayaa ummadda islaamka inay ku sifowdo dhaqan wanaagsan, qof kasta oo
muslim ahi waa inuu dabaqo dhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed (CSW).
Si aad u hormariso Naftaada una hagaagto Akhlaaqdaadu yeelo sifooyinkan iyo
Tilmaamahan.
Noqo ruux Sabra xiliga loo bahanyahay: samirka ayaa ah in aad ku samirto wax walba uu
Allah kuu qadaro, sidoo kale samirka ayaa ah in aad u dulqaadato ruuxa xuman kuu
geysta adoo awooda in aad ka arsato.
Samirk ka ayaa xijaab kaga noqondoona dhibaata badan oo ku soo gaari laheyd waxana
kugu jeclaandoona bulshada oo dhan waxa uuna qeyb weyn ka qaadan doonaa
Horumarka Naftaada.
Noqo ruux Cafis badan: cafiska ayaa ah in qofki aad u samirtay oo aadan ka aarsan in aad
niyad ahaan u cafiso aduun iyo Akhiraba si aysan xuja iyo nabsi ugu noqon danbigii uu
kaagalay adiga, Cafiska ayaa lagu garaa Hormar iyo daganaasho nafsadeed iyo walal
la’aan sababtoo ah hadii ruuxa danbiga kagalay uu qabligaada ku soo laabanayo waxa
kugu dhacaya walwal nafsaani ah.
Noqo ruux Raali galiya Dadka: Bani Aadam ayad tahay qalad iyo Gafna waa kaa dhici karaa,
hadaba si bulshada dhexdeeda lagaaga ixtiraamo oo adan u noqon mid dadka dulmiya,
raali gali qofkii u arka in aad ka qaldantahay hana dafirin qalad kaa dhacay adiga qiro oo I
ictiraaf ruuxa wax kaa tabta tabashadiisa, tix gali kuna dalaal qancinta ruuxa wax
kaatabta.Taasi waxa ay ka qeyb qaadankartaa horumarka naftaada iyo in dadku ku
aamino.
Noqo ruux Run badan: runta waxa kugu jeclaada kuguna aamina Dadka kugu xeeran oo ay
noloshu kaala dhaxeyso, runtu waa badbaadinta sharafkaada iyo sumcadaada waana
waddada horumarka noloshaada waxadna kaga badbaadi kartaa ceebta iyo foolxumada
laga dhaxlo beenta dadkana isma qabqabsan doontaan, runtu waa raaxada hadalka iyo
dhowrista akhlaaqda wanagsan, qofna ha ku qancin been si adan u qoomamayn.
Noqo ruux Ixtiraam badan: Dadka oo aad ixtiraamtaa ayaa kaalin weyn ka ah Horumarka
naftaada, inta aad dadka ixtiraamto ayaa lagu ixtiraamayaa ruux kasta oo aad si
ixtiraamleh ula macaamishana waxa aad ka kasban doontaa ixtiraan iyo qadarin,
dadka uwada ixtiraam si isku mida hana kala dooran, si aad Bulshad dhan u hanato qiima
weyna u kasbato.
Noqo ruux dareema Masauliyad : masuuliyada ayaa ah in ruuxu dareemo waajibka saran
taasi oo hagi doonta ka fogaanta dacaya iyo ka warqabla’aanta nolosha ku xeeran ruuxa,
marka aad dareento masuuliyad waxa aad noqon doontaa ruux feejigan darenkiisu xaadir
yahay lana jaanqaadi kara xaaladha markaas jira, arintan ayaa qeyb weyn ka ah
Horumarka Naftaada.
Noqo ruux kafaa’iideysta Waqtigiisa :waqtiga ayaa ah Hantida ugu qaalisan ee aadmigu
heysto, si aad waqtigaada ugu faaideysato ka fogow wax walba oo waqtiga kaa luminaya,
waqtigaaga u isticmaal wax mustaqbalkaada iyo Naftaada aad ku hormarin karto.
Markasta waxa wanaagsan inaad tahay qof hab dhaqankiisa wanaagsan yahay siaad
guusha ugaadho.
5- BALANQAADKA (APPOINTMEMT)
Balanqaadka ama oofintu waxay ah ka mid yihiin waxyaala guusha qofka khuseeya runtii
qofba qofkuu ka oofin og yahay ayuu ka horumar badan yahay:
Tusaale ahaan hadii aad haysato meherad oo aad macaa miishaada u balan qaado inaad u
keenayso alaab ay jecelyihiin waxay kuu horseedaysaa guul hadii aad xil haysana waxa
wanaagsan inaad wixii aad balanqaaday aad fuliso (do what you promise)
6- KARTIDA (CREATIVITY)
Qof walba oo insaanka ka mid ah waxa uu leeyahay mowhibooyin isaga u gaar, iyo karti uu dadka kale
kaga duwan yahay, sababta oo ah Ilaahay qof walba waxa uu ku abuuray waxyaaba isaga u khaas ah si
uu markaasi ugu fuliyo ujeeddooyinka ruuxiisa, naftiisa, noloshiisa, iyo shakhsiyaddiisa, hayeeshee
muhiimadda ugu weyn ayaa waxa ay tahay in qofka uu daaha ka qaado mowhibada iyo kartida uu
leeyahay uu Alle ku abuuray oo uu gudahiisa ka dhex raadiyo oo uu helo si markaasi u garto kartidisa
waxa ay tahay iyo mowhibadiisa si uu markaasi ugu faa’iideeyo naftiisa, dadkiisa, diintiisa dalkiisa iyo
ummaddiisa. kartidu waa wax Ilaahay qofka ku abuuray oo dheeraad ah oo uu dadka kale kaga soocan
yahay, maaha wax la baran karo ama laga barto iskuulada, machadyada, jaamacadaha iyo goobaha wax
lagu barto, balse waa wax horumarin lagu sameyn karo marka aad aragto inaad leedahay mowhiba iyo
karti ama awoodda aad leedahay.

. Haddaba qofka awoodaha ama kartida uu leeyahay waxa loo qeybiyaa noocyo kala
duwan, waxaana ka mid ah:
Awoodda Caqliga, waa mid ka mid ah sifooyinka uu qofka kaga soocan yahay dadka kale
waana mid ka mid ah hubka ugu muhiimsan ee nolosha qofka waxaana lagama
maarmaan ah in qofka uu gacanta ku dhigo awooddan oo kaga soocan yahay dadka kale,
sidoo kale waxaa jira awoodo kale oo badan uu qofka leeyahay oo ka mid ah awoodda
fekerka, aragtida, aragtida fog iyo xikmadda, awoodda qaadashada go’aamada muhiimka
ah, middan ah awoodda go’aan qaadashada waa mid dadka oo dhan u wada baahan
yihiin.
Awood Ijtimaaci : middan ayaa waxa ay tahay awoodda uu qofka kula xiriiri karo
mujtamaca intiisa kale si uu markaasi ugu dhowaado dadka ay dana wadaagga yihiin,
mucaamaladoodana u wanaajiyo, qof walibana waxa uu leeyahay qaab feker ka duwan
midka kale, mid waliba waxaa lagaa doonayaa inaad kula dhaqantid caqligiisa inta uu le eg
yahay iyo qaab fekerkiisa heerka uu gaarsiisan yahay.
Awood Thaqaafadeed, waa awood sidoo kale dadka ku kala duwan yihiin gaar ahaan qaab
hadalka iyo qoraalka, qofka marka uu qof la hadlayo ama uu dad la hadlayo waxa uu
adeegsadaa hadalo markaasi qofka aad ugu riyaaqa dhegaha iyo qalbiyada dadkana soo
jiita, hadal walbana waxa uu dhigaa booskiisa, sidaasi si la mid ah qoraalka uu sameynayo.
Haddaba waxaa jirta awoodo markaasi u baahan in laga shaqeeyo si markaasi qofka u
noqdo mid diyaar u ah inuu guul ka gaadho nolosha ,waajahana loolamada ama
caqabadaha nolosha ka buuxa,

Shay kasta oo la qabanayo waa in aad awoodeeda iyo kartideeda leedahay oo aa’dan
cidkale kuu fulin waxkasta oo aad jeceshayna waa inaad awood aad ku samayso leedahay
awoodu maaha xoog laakin waa isku darka aqoonta, waayo aragnimada ,dulqaadka , iyo
waxkasta oo awood kuu siinaya inay hawlkasta sideeda u dhamaysid.
W/Q: Abdijabar Abdilahi Farah (Abdijabar Dhegjar)
Email:jabbar_dhagjar@hotmail.com
Phone no: 01722723286 Dhaka, Bangladesh

You might also like