You are on page 1of 1

Maanso hooyo mcn

Dulqaad bdn hooyo diran


Dareen bdn daymo wacan
Dimbiga nolasha dun wacan
Dumarka dunida u mudan
Dabiiba daweeya dagan
Daryeela nafteyda dira
Raboon ii daay dajiya
Ducada daa imoow ajiib
Dadoow aamiinta ku dara
Dadaashay walee dartee
Darxumo dacas iyo xanoon
Diif iyo soo mudate daal
soo jeedka usii darnaa
Dayrkii Aabo mar dumay
Nalkii dunida baqtiyay
Markuu dumay maalin qura adaa dusha saartay diran
Daldaloola adeega jiray
si aanu dadka iga garan aguunimo tii dayacan adaa idul dhigay faceyga
adaa kuu daalanahay
Dayaxa gaar baad i tiri
Adaa igu daray tacliin Dabadeyd waa taan aflaxay
Waxaan u dawaafayaa
Dadaalkane ugu jiraa abaalkii durugsanaa
Koley ma daboolayee
Duurkaan naga geysataan qaamuuska ku doogayaa
Dadnimadaada macaan
Dunida gaarsiinayaa
Kaldeeqaay hooyo qurux nolasha adigaa dabaray

You might also like