You are on page 1of 1

Ku: Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland

Ujeedo: ka jawaabidda dacwadda musharax Maxamed Cabdirasaaq


Abshir
Anigoo ah Maxamed Yuusuf Maxamuud , ahna garyaqaanka guud ee dawladda
Puntland, waxaan maxkamadda sharafta leh ee sida tooska ugu socoto
dacwadaan ugu so gudbinaynaa jawaabta dacwadda ku tariikhaysan 12/07/2023
samadeeduna tahay MS/DPL/108/2023 waana sida tan soo socota.
Faahfaahin:
1- Mudane gudoomiye iyo garsoorayaal waxaan cadaynaynaa dacwadda uu so
gudbiyay musharaxa magaciisu sare ku xusan yahay in aanay sax ahayn wa
faqsanayn sharcigga doorashada golayaasha degaanka Puntland ,
madaama waqtigii cabashadda kaso dib dhacday sida ku cad qodobka 50
aad faqradiisa 2aad XDGD , ee oranaaaya ( wixii tabasho ah ama dacwad
ah oo ay xalin wayaan guddigga doorashooyinku waxaa loso gudbinayaa
maxkamadda sare mudo 10 cisho gudaheed ah , ku dhawaaqidda
natiijadda ku meel gaarka ah )
2- Natiijadda doorashooyinka goloyaasha degaanka waxay TPEC shaacisay
03/06/2023 musharaxuna waxu dacwadda so gudbiyay 13/07/2023 taas oo
dacwadaan ka dhigaysa mid wax kama jiraan ah baal marsana xeerka
doorashooyinka golaha degaanka.
3- Mudane gudoomiye garsoorayaal xafiiska Garyaqaan Guud ee dawladdu
PLN waxu arji u diray xafiiska guddigga doorashooinka TPEC arjigaas aan ka
dalbanay inay nala wadagaan habkii iyo natiijadii doorasha ee degmadda
Galkacayo waxayna no cadeeyen , in musharaxa dacwoodaha helay codad
dhan 380 halka musharaxa ka sareeyey ee guulaysatay uu helay 396 cod .
GARYAQAANKA GUUD EE DAWLADDA PUNTLAND
MAXAMED YUUSUF MAXAMUUD :________________________

You might also like