You are on page 1of 5

Fahad Yaasin || Sanduuqi Siraha Somalia Iyo Sirihii Uu Banaanka

Keenay !!.

Wuxu ku suntanaa inuu ahaa hogaamiyihi ugu awooda badnaa


dowladii xilkeedu dhamaaday ee hogaanka haysay 5 sano u
Danbaysay , sida uu ugu xeel dheera inuu sameeyo
dhacdoyinka ayuu hadana ugu xeel dheera inuu qariyo
shakhsiyadisa

Waxay dadka badankodu ku tuhmi jireen inuu daaha gadaashisa ka jaan_goyn jiray
masiirka dalka , wuxuuna awood u yeeshay inuu dhidibada u taago sirdoon dhisan oo
ka madax banaan fara gashiga shisheeye …

Sida uu sheegay waraysigiisi ugu danbeeyay maalmihii u danbeeyay wuxu ahaa


shakhsiga loogu hadal haynta badnaa haystayna dhamaan baraha bulshada iyo
warbaahinta dalka … waraysi siLsilad ah oo ilaa hada laga tabiyay ilaa 5 qaybood

Ayaa noqday waraysigi ugu daawashada badnaa iyo la socodka badnaa ee abid laga
qado qof soomali ah … waxaynu u jeedna Fahad Yaasin agaasimihii NISA iyo
siyaasigi Haystay cinwaanada siyaasaded ee dalka 5 tii zano e lasoo dhaafay

Qisadeena maanta waxaynu u kala qaybin doona dhowr qaybood oo aynu ku dul istagi
donno waraysigii agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin,, Sidii kiiskiii Dilka ahaa
ee Ikraan TahliiL ,, hogaamiyahan badalay Fahad Yaasiin iyo sidoo kale qaybta u
danbaysa oo aynu ku dul istaagi doonno waxa aynu ka baranay ama ka Fahanay
shakhsiyada Fahad Yaasiin intii uu waraysiga bixinayay madaama uu ahaa hogaamiye
marna kasoo muuqan warbaahinta intii uu xilka ugu sareeya ee sirdoonka somalia
NISA uu Hayay

Fahad Yasiin Haji Daahir marka laga yimaado inuu ahaa agaasimihii hore ee hayada
NISA iyo sidoo kale la taliyaha madax waynahii 9aad ee ee somalia Maxamed
abdiLaahi Farmaajo ….. hadana ma jiraan wax intaasi dhaafsiisan ay dadku ka
ogaayen

Wuxuu ahaa masuulkii ugu horeeyay siyaasada somalia oo intii uu jogay xilka aysan u
suurto galin dadka inay helaan sawiro iyo wax xog ah oo ku saabsan noloshiisa

1
Set By : Hasan Abdikadir Be Development Person Progressive
Fahad Yaasin || Sanduuqi Siraha Somalia Iyo Sirihii Uu Banaanka
Keenay !!.
hadana ka fogaashaha uu ka fogaaday cameradaha kamay dhigin mid ka fogaada
dhagaha dadka

Waxay dhowr jeer carabka ku dhufteen mucaaradki dalka inuu ahaa xogaamiye
dahsoon oo daaha gadaashisa ka jaan jooya masiirka siyaasadeed ee dalka iyagoo
xitaa marar badan ku Nuux_Nuux sady inuu ka saamayn badan yahay madax waynihii
xiligaasi hogaanka u hayay dalkaasi

Wuxuuna fahad yaasin 5tii sano u danbaysay cinwaan uu ahaa badi wararka lagu
dhaliilayay ee dowlada hadana sidaasi oo ay tahay marnaba lama arkin isaga oo soo
fadhisanaya war_baahinta ama baraha bulshada wax fariin ah kusoo qoraya balse
wuxuu ahaa mid aamusan oo aad uga dheer war baahinta

Markii la shaaciyay inuu bixin doono waraysigiisa ugu horeeyay ee uu bixiyo waxay
hal mar indhihii dadwaynuhu ay u wada jeesteen dhiniciisa iyada oo ay dadku laba
arimood ba rabeen inay wax ka ogaadaan waa mide : qofka uu yahay fahad yasin oo
in badan maqalkooda kusoo noq_noqday Iyo sidoo Kale inuu daaha ka qaado
dhacdooyinki ka dhacay hayada sir doonka ee NISA mudadii uu joogay

20/6/2021 kii cabaar 8 Fiidnimo waxa gurigeeda laga qaaday


gabadh ka tirsanayd hayada NISA oo la odhan jiray Ikraan
TahliiL … iyada oo lagu qaaday gaadhi la sheegay inuu u
shaqaynayay hayada NISA …

Gabadhan oo ahayd 26 Sano Jir

ayaa sawir laga qaaday gaadhiga aaday oo ag taagan gurigeeda


oo wax yar uun u jira dhismaha hayada NISa waxaanu ahaa
sawirkii ugu danbeeyay ee laga helo kahor intaan la waayin
meel ay jaan iyo cidhib dhigtay …

hayada NISA ayaa sheegtay inay dishay Al shabaab Gabadhan laakiin masii raagin
warkani kahor inaysan al shabaab sheegin inaysan dilin lagana been abuurtay

2
Set By : Hasan Abdikadir Be Development Person Progressive
Fahad Yaasin || Sanduuqi Siraha Somalia Iyo Sirihii Uu Banaanka
Keenay !!.
kiiskan ayaa dhaliyay muran xoogan …!!

Laakiin waraysigii fahad yaasiin bixiyay ayuu ku sheegay inuu waxba ka ogayn
dhacdadasi sidoo kalana uu xiligiii ay dhacaysay ka maqnaa dalka .. kuma joogsan
halkan balse fahad ayaa ku warejiyay taliyaha cusub NISa Mahad salad

Isaga oo sheegay mahad salad iyo masuuliyo badan oo qayb ka ah


shirqool siyaasaded oo ay sirdoon shisheeye u maleegen oo ay ka
danbeeyen kiiskan yoolkuna uu ahaa in dusha loo saaro hayda nisa
laguna sumcad dilo …

Hadalka fahad yasin ayay dad badani u arkeen inuusan ahayn hadal xiligiisi kusoo
beegmay uu yahayna hadan la micno ah : maaahmahda somaliyed ee odhanaysa
:”qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisa “

Ayna tahay eed lamid ah tii loo jeedin jiray xiligii uu isgu agaasimaha ahaa waxayna
ku andacoonayan dadka dhaliilaya hadalkiisa inuu isagu ahaa masuulkii ugu sareeyay
hayda NISA hawsha loo dhibayna ay ahayd in intii uu xilka joogay laga rabay rabay
inuu banaanka keeno dhamaan siraha dahsoon ee ku aadan kiisaska noocan ah

Hadaba hadii aynu laba dhinac ka eegno hadalkan fahad yaasiin iyo kiiska ikraan
tahliill inagoo soo qaadanayna dhacdoyin lamid ah oo ka dhacay dalal siyaasad ahaan
ay somalia isku dhow yihiiN …… aynu ku horayno aragtida koowad oo ay qabaan dadka
taagersan hadalka fahad yaasiin

Waxaynu dhamanten wada ogsoonahay inay tahay hayada sir doonku hayada badi
gacanta ku haysa badi faylasha [ files ] xasaaasiga ah , muhiimna ay tahay inay
qaado talaabo kasta oo ay ku jirto maslaxada amniga Qaranka iyadoo meel la iska
dhigaayo dhamaan khilaafadka siyaasaded ….

3
Set By : Hasan Abdikadir Be Development Person Progressive
Fahad Yaasin || Sanduuqi Siraha Somalia Iyo Sirihii Uu Banaanka
Keenay !!.
Tusaale ahaan hadaynu dalka turkiga eegno oo xiligan maraya siyaasad ahaan
meeshii ay maraysay somalia xiligii ay doorashada ku jirtay waxa dhacday 6 bilood
kahor gaar ahaana bishii 1aad ee sanadkan 2022 uu sirdonnka dalkaasi ka
helay mobile ka mid kamid ah askar ka tirsanayd ururka BKK oo kamid ah ururada
argaxiso ee ka dagaalama dalka turkiga gabadh xildhibanad ahayd sawir kula jirtay

Xildhibanadan waxa laga xayuubiyay xasaanadii waxa bolowday howl gal lagu
raadinayo in lagu soo hor istaajiyo maxkamada xiligay dhacaysay dhacdadani waxay
ahayd 6 Biloood uu kahor xiliga aan [ documentigan diyaarinayo ]….

Isku soo duubduubo

Fahad yaasiin eeda loo haysto wxay ahayd inuu ka danbeeyay kiisas dhowr ah oo uu
kamid ahaa kiiska ikraan tahliil , Hadaba su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah
sababta loogu diiday intii uu xilka joogay sidoo kalana uu ahaa madaxa ugu sareeya
ee NISA loo diiday inuu banaanka keeno badhitaankii ay samaysay hayadu

Uu dhowr jeer isku dayay inuu soo ban-dhigo , maxay ahayd sababta in xitaa la
gaarsiiyo heer loo diido inuu dalka dib ugu soo noqdo

Abid taariikhda ma dhicin in qof danbiile ah oo lagu og yahay danbi in loo diido inuu
yimaado dalkii uu danbiga ka gaystay balse waxaaba dhacda in mararka qaar dadaal
iyo dhaqaalaba lagu bixiyo sidiii dalka dib loogu soo celin lahaa danbiilayaasha !!

Hadaba hadii uu fahad yaasiin ahaa danbiile side ayuu ugu madax adeegi karaa inuu
yidhaahdo halaysku yimaado oo aynu wada fadhiisanao idiina soo bandhigo xogta ay
heshay hayadaa aan madaxda ka ahay , kadibna xogtaasi ku saleeya talaabada aad
qaadaysaan iyadana waa waydiin u baahan jawaabteeda ?!!

# Aynu u nimaadno qodobkena u danbeeya qisadena maanta oo aynu ku dul istaagi


dooNO waxa aynu ka fahanay shakhsiyada agaasimihii hore ee hayada NISA fahad
yaasiin intii uu socday waraysigani !!

---- continue

4
Set By : Hasan Abdikadir Be Development Person Progressive
Fahad Yaasin || Sanduuqi Siraha Somalia Iyo Sirihii Uu Banaanka
Keenay !!.
Fahad Yaasiin oo sida aynu soo sheegnay ahaa qof daahsoon oo aysan cidna xog ka
hayn ,ayaa waraysigan uu bixiyay uu banaanka usoo saaray inuu leeyahay

shakhsiyad : Degenaan , dhiiranaan , iyo feejignaan kulansatay

sidoo kale uu yahay shakhsi af_tahan ah oo heli kara hadalka kana feejigan in su’aal
aanu rabin lagu gaado

sidoo kale hadii aad u fiirsatid hadaladiisa waxa ka muuqata masuuliyad uu isasa
saarayo oo ku aadan sirihii Qaranka ee ay haysay hayadii uu madaxa ka ahaa ee
NISA

isaga oo dhowr jeero waraysigu socday ka gaabsaday inuu faahfaahiyo ama sheego
xogo siro qaran ah oo awood u lahaa inuu u adeegsado si Rag iska dhicin ah !!

laakiin uu ka door biday inuusan xogta qaranka meel walba ka sheegin sidoo kalana uu
yahay shakhsi Damiirkiisa qof ahaaned iyo siyaasada isku milin

mar _walbana xooga saara inuusan kasoo muuqan haykalka dowlad uusan qanaaco
ahaan isagu uu ku qanacsaneen qaab shaqadeeda xili waalba oo laga siiyo

iskusoo duub_duubo waraysiga Fahad yaasiin ayaa sababay curashada hadal hayn
badan sidoo kalana daaha ka qaaday dagaalka daahsoon ee aan waxba la isku reeban
ee aysan badi dadku ka war hayn 5tii zano ee ugu danbeeyay

Copy Right Owner = @ Hasan Abdikaadir

Hasanabdikadir15@gmail.com

5
Set By : Hasan Abdikadir Be Development Person Progressive

You might also like