You are on page 1of 4

See discussions, stats, and author profiles for this publication at: https://www.researchgate.

net/publication/309384850

Shacabku waa awood qarsoon!

Article · October 2016

CITATIONS READS

0 2,061

1 author:

Hassan Mudane
Istanbul Ticaret University
43 PUBLICATIONS   4 CITATIONS   

SEE PROFILE

Some of the authors of this publication are also working on these related projects:

I am currently working on the Somali Civil War: Root cause, and contributing variables View project

All content following this page was uploaded by Hassan Mudane on 23 October 2016.

The user has requested enhancement of the downloaded file.


Shacabku waa awood qarsoon Hassan Mudane

Shacabku waa isku dad balse waxay isdheer yihiin, wadanninimo, nabad jaceyl, geesinimo, halgan
iyo biseyl siyaasaddeed, adkeysi iyo dulqaad. Bal adiguba garo wixii ka dhacay dalka Turkiga
haddii ay ka dhici lahaayeen mid kamida waddamada qaarada Afrika maxaa dhici lahaa? Jawaabta
way iska cadahay. Dib u eeg wixii ka dhacay dalka Masar oo aan usoo qaadan karno tusaale,
qofwaliba wuu fahmi karaa fal jawaab celintii ay sameeyeen ciidamadii afgambiga waday ee dalka
Masar goortii ay shacabku is qabteen. Shan iyo tobankii julay, waxay ii ahayd habeen mugdi ah oo
cabsi badan waxaan joogay meel ka baxsan qolkayga yar, aniga iyo qaar kamida asxaabtayda
waxaan wada ciyaareenay kubbad, ka hor inta aysan ciyaarta dhammaan ayaa mid kamida
asxaabta ii sheegay in caawo xaaladda ay xun tahay waayo koox ka tirsan ciidamada dalka Turkiga
ayaa waxay iku dayeen afgambi militiri. Durbadiiba maskaxdayda waxaa ku soo dhacay sawir
qaldan oo foolxun, waxaan soo xusuustay wixii ka dhacay dalkayga hooyo ee Soomaaliya sanadkii
1991. Mar baan is iri tollow socdaalkii noloshaada bartaan ayuu ku soo dhammaanayaa, balse waa
Alle mahadii waayo arrinku sidii la filaayey muusan noqon ee wax baa is beddalay. Aniga iyo
asxaabtayda waxaan soo aadnay guriga xagiisa inkasta oo isku socodkii gawaarida la hakiyay
hadana waxaan go’aansanay in aan lugteena maalno oon soo lugayno, intii aan waddada ku soo
soconay waxaan ku soo aragnay dad badan oo hareeraha waddada socday iyo kuwa kale oo saf
ugu jiray bangiyada si ay lacagahooda ula baxaan.
Nasiib wanaag, sidii aan usoconay waxaan helnay gaari usocday xagga xaafada, gaarigii ayaan
gudaha usoo galnay, waxaana ka shidnaa raadiyo waxaa hadlaayay madaxweyne Erdogan wuxuu
dadkiisa ugu baaqaayay in ay bannaanka usoo baxaan oo ay ka hortagaan ciidanka afgambiga
waday wuxuuna yiri “Shacabku waa awood, ha isku soo baxaan hana muujiyaan dareenkooda.”
kelmaddaasi waxay ahayd mid siyaasad ku dhisan sidoo kalena waxay la mid ahayd bambo weyn
oo ku dul qaraxday darbigii ay dhigteen kuwii afgambiga qorshaystay waayo shacabku markii ay
maqleen baaqii madaxweynaha durbadiiba waxay bilaabeen in ay bannaanka usoo baxaan oo ay
ka hortagaan ciidankii afgambiga waday. Waxaa la dhihi karaa waxay sidaas u fallen si ay u
difaacdaan nabadooda iyo dimoqoraadiyadooda. Waxay gacmaha ku siteen calankooda waxayna
ku hal qabsanayeen Allahu akbar, Allahu akbar ma qiyaasi kareysid sida ay u tira badanaayeen
waxaad moodaa quraansho dhulka ka soo baxday oo kale, waxay fooda isdareen ciidamadii

1
afgambiga waday balse maxaa kala raacay? Xaalka muusan noqon sida kii dalka Masar oo kale,
ciidamaduna meysan noqon sida kuwii dalka Masar oo kale, balse arrinka xiisaha leh wuxuu ahaa
markii la arkay askari ku hubaysan qori oo ay garaacayaan shacab rayid ah, sidoo kalena waxay ku
qasbeen in ay isdhiibaan hubkana dhigaan, laakiinse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay
maxaa ku dhacay ciidanka oo maxay isku difaaci waayeen? Anigu waxaan isleeyahay labo
arrimood ayaa sabab u ahayd in ciidamadu ay shacabka isku dhiibaan:
1. In markii horeba ciidamada qorshehooda ahaa in ay la dagaalamaan ciidamada kale ee ka
soo horjeesan doona afgambiga balse aysan qorsheha ugu jirin in ay shacabka xasuuqaan.
2. Maadaama horay loo yiri xaqa feeraha ayuu ka dilaacaa, waxaa laga yaabaa in Allah
qalbiyadooda argagax iyo cabsi ku riday taasina ay soo dedejisay in ay durbadiiba isku
dhiibaan shacabka.

Maxaa sababay in uu afgambiga fashilmo

Markaad dib u eegto taariikhda dalkaan turkiga waxaa soo maray dhowr afgambi oo kala duwan.
Tusaale sanadkii 1960, 1971, 1980 iyo 1997 waxaa dalka ka dhacay afgambiyo kala duwan oo
intooda badan lagu guulaystay, laakiinse afgambigaan laguma guulaysan waayo shacabka ayaa
diiday oo waxay dhaheen maya jawiga hanaga qasina oo nabada noo daaya! Balse anigu waxaan
qabaa in ay labo arrimood sabab u ahayd in uu fashilmo afgambiga:

1. Haddii aad doonayso in aad wax xado ma jeceshahay in lagu arko ama lagu maqlo? Isla
sidaas oo kale markii aad afgambi qorsheynayso waxay la mid tahay adiga oo ummad
dhan xoolahooda iyo maamulkooda xadaya marka si aysan bulshada kuu maqlin ama aya
kuu ogaanin marka horeba waa in aad iska xirtaa meelaha bulshada wax loogu gudbiyo
sida telefishanada, raadiyaha iyo baraha bulshada, balse markii ay ciidamada afgambiga
billaabeen meeshii laga rabay in ay xiraan raadiyaha iyo telefishinka qaranka waxay ku
mashquuleen oo ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidanka booliska iyo xarunta golaha
shacabka.
2. Haddii aad rabto in aad afgambi samayso iska hilmaam jiljileec iyo cabsi; xitaa haddii
shacabku uu kaa hor istaago qorshahaaga waa in aad gacan bir ah ku qabataa oo aad
cagta marisaa taasina meysan sameyn oo shacabkii ayaaba cagta mariyay.

2
Maxaan ka baran karnaa

Taariikhdu waa in ay wax kaa bartaa wixii dhacay, wax badan ayaa laga baran karaa wixii ka
dhacay dalka Turkiga iyo jawaabtii shacabka oo ahayd ‘Ha isku dayin markale in aad na
afgambiso’ sida ay shacabku ugu jawaabeen afgambiga waxay cashar siyaasaddeed u noqon kartaa
mustaqbalka dhow iyo midka fogba kuwa qalbiyadooda weli ay ku dambeyso aragtida afgambiga,
sidoo kale waxay cashar fiican u tahay madaxda qaarada Afrika kuwaas oo aan intooda badan
kasban qalbiyada shacabka mana aamminsana shacabku in uu yahay awood qarsoon! Haddaba,
shacabku way halgameen waxayna u halgameen nabadooda waxaa ka dhintay ku dhawaad labo
boqol oo qof balse tiradaas yar waxay sabab unoqdeen in ay maanta iyo berito ku sii noolaan
karaan labo boqol oo sano oo nabada!

WQ: Hassan Mudane


Author of Sirta Guusha

View publication stats

You might also like