You are on page 1of 12

Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Xanaanada Caruurta – Fasalka 6-aad


TACLIINTA AKHRISKA IYO QORAALKA EE ISKUULKA
Xirmada Akhbaarta Waalidiinta

Xirmadaan Waxaa ku Jira:

1. Waraaqaha Akhbaarta Mawduucu ku Qorantahay

2. Fikradaha Hawlaha Guriga

Paul and Sheila Elementary School


65 E. Kellogg Blvd.
St. Paul, MN 55101
651-290-8354
Fax: 651-290-8357
www.wellstone.spps.org

St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 1
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Jadwalka Dhacdooyin

1. Dooda Waalidka
(1 Saac)

2. Hawlaha Fasalaka
(30 Daqiiqo)

Akhbaarta Fasalka Cunugayga

Magaca Macalimka Cunugaygu Waa ____________________________________.

Fasalka Cunugayga Waa ____________________.

St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 2
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Waraaqaha Akhbaarta Mawduuca

BARNAAMIJKA BARASHADA QORAALKA IYO AKHRISKA EE


DUGSIGA WELLSTONE:
Dhamaan Dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul, oo uu ku jiro dugsiga lagu magacaabo Wellstone Elementary,
waxay leeyihiin Fasalo Akhriska iyo Qoraalka lagu barto oo lagu daray duruusta maalin walba baxda. Labada
fasalba waxay soconayaan mudo hal saac ah, waxaana jira wakhti ay ardaydu u shaqaynayaan keli keli, kooxo
yar-yar, iyo mar ay ardayda fasalka oo dhan dooda wadaagayaan.

Tusaale:
Barnaamijka Akhriska
1. Anigaa Samaynaya, Adigu waad
daawanaysaa
Hadafka Barnaamijaka Akhriska: Anaa Jumladaan Akhrinaya; waad
daaawnaysaa waanad i dhegaysanaysaa
Hadafka Barnaamijka Akhrisku waa inuu abuuro arday Xor ah oo
isku kalsoon. Inta lagu jiro casharkaan yar, macalimiintu waxay 2. Anigaa Samaynaya, Waad i
isticmaalaan talaabooyinka soo socda si ay ardayda ugu caawiyaan caawinaysaa
inay noqdaan bartayaal iskufilan. Talaabooyinkaan isku day inaad Anaa jumlada akhrinaya; waxaad igu
raacdo markaad cunugaaga wax cusub barayso ama aad barayso caawinaysaa kalmadaha aad taqaanid.
sida guriga wax looga sameeyo. 3. Adaa Samaynaya Anaa ku caawinaya
Adaa jumlada akhrinaya; waxaan kaa
Heerka Caawimaada Macalimka iyo Xornimada Ardayga caawinayaa kalmadaha aadan aqoon.
1 2 3 4
Anigaa
4. Adaa Samaynayaa Anaa ku Daawnaya
Samaynaya Anigaa Adaa Samaynaya Adaa Adigaa jumlada si isku halayn leh u
Samaynaya Anaa ku Samaynayaa akhrinaya, anna waan ku daawanayaa waana
Adigu waad Waad i caawinaya Anaa Daawnaya ku dhegaysanayaa.
daawanaysaa caawinaysaa

Su?aalo Isdhaafsiaga:
1. Maxaad kubari kartaa ilmahaaga guriga adigoo isticmaalaya
xirfadaha iskaa-wax uqabsoda?

Qaabka Siminaarka Akhristayaasha:


Dugsiyada Xanaanada Caruurta ilaa fasalka 3aad gwaxay Siminaarka Akhristayaasha ku qaadanaysaa 120
daqiiqo.

Fasalada 4-aad – 6-aad waxay ku qaadanaysaa 90 daqiiqo.


Gabogabada
Furitaanka Kulanka Wakhtiga Shaqada Kulanka

Fasalka oo Dhan Fasalo Gaagaaban Fasalka oo Dhan


Cashar-yar Ayaa Wadaagaya
35-40daqiiqo
10-20 daqiiqo. 5-10 daqiiqo.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 3
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School
Inta Lagu Jiro Siminaarka Akhristayaasha, ardaydu waxay barandoonaan:
• Phonemic Awareness – Fahmitaanka dhaqa erayada. Intaanay caruurtu baran inay akhriyaan wax
qoran, waxay u baahanyihiin inay bartaan kuwo og sida erayada loogu dhawaaqo.

• Phonics – Fahmitaanka in xaraf waliba dhawaq sameeyo, markii dhawaqa xarfaha oo dhan laysku
darana waxay samaynayaan kalmado, sidaas ayaan ku baranaan akhriska iyo qoraalka kalmadaha.

• Fluency – Waa awooda si sax ah loogu akhrin karo kalmadaha ayaadoo si sax ah loogu dhawaaqayo.

• Erayada Cusub – Kalmadaha ama erayada ay caruurtu isticmaasho marka ay akhrinayaan ama ay
dhegaysanayaan.

• Fahmitaanka–Sababta wax loo akhriyaa waa in la fahmo. Akhrisku waa in la fahmo wixii la akhriyey.

Siminaarka Fasalka Qoraalka


Hadafk Siminaarka Qoraalka:
Hadafka Barnaamiaka Qoraalku waa in qofka lagu abuuro caado ah inuu maalin walba wax qoro si uu u noqdo
qoraa taabagal ah.

Qaabka Siminaarka Qoraalka:


Ardaydu 60 daqiiqo ayey u isticmaalayaan Students spend 60 minutes in Writers Workshop.

Mini Lesson Wakhti Shaqo Wakhtiga Wadaaga

Fasalka oo Dhan Shakhsi-Shakhsi Fasalka oo dhan


Casharka-yar
40-45 daqiiqo. 5-7 daqiiqo.
10 -20 daqiiqo.

Inta lagu jiro barnaamijka Qoraaga, ardaydu waxay barandoonaan:


• Inay dad hada ka hor buugaag wanaagsan qoray ka bartaan siyaabaha kala duwan ee wax loo qoro.
• Inay qoraan 10 sheeko ayagoo isticmaalayaa habkii qorayaasha hore mareen si ay qoraalka uga dhigaan
wax taaba gal ah.
• Sida loo qoro sheekooyin qofka akhrinaya soo jiita oo uu had iyo jeer rabo inuu sii akhriyo.
• Sida loo qoro sheekooyin xiisa leh oo qofka akhrinayaa aanu ka daali karin.
• Sida loo qoro sheekooyin qofka akhrinayaa uu fahmi karo.
• Sida loo qoro sheekooyin xasaasiyada kiciya ama qiira leh.
• Sida loo abuuro sheekooyin akhristaha la xiriira. How to write bringing a story to a close.
• In sheego waxa qoraalku yahay sidiisaba iyo inay qoraalkooda la wadaaga qaar kale.

St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 4
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Xirfada Qoraalka iyo Akrirska


Wixii akhbaar dheeraad ah ee aad uga baahantahay Mustawaha Tacliinta iyo Akhriska iyo Qoraalka, waxaa booqataa
http://education.state.mn.us/mdeprod/groups/Standards/documents/LawStatute/000269.pdf

Dugsiyada Xanaanada Caruurta


1. Ku dhawaaq shanqadaha xarfaha badankooda Say the sounds of most letters.
2. Aqoonso, magacoow, samee in badan oo alifbeetada carfaheeda waaweyn ah iyo in badan oo
xarfaheeda yaryar ah.
3. Tilmaan, oo samee, adigoo ku luuqaynaya kalmadaha. Tusaale: Bisad and Koofiyad.
4. Isticmaal cilmiga aad dhawaaqa xarfaha u leedahay si barato sid aloo higaadiyo dhoowr kalmadood oo
fudud.
5. Waxaad kalmadaha u isticmaashaa inaad ku sharaxdo meesha, xajmiga, midabka, qaabka, ficilka, iyo
jihada iyo inaad magacoowdo dadka, meelaha, waxyaabaha kale..
6. Su’aalo dadka waydii kuwii lagu waydiiyana ka jawaab.
7. Qor ama sawir wax la xiriira waxay akhrinayaan ama wixii loo akhriyey.
8. isku xir oo isla xiriiri sheekada iyo buugga iyo khibradaada
9. Dhagayso oo fahan macnaha sheekada.
10. Soosaar cida matalaysa iyo dhacdooyinka sheekada ku jira.
11. Mar kale sheeg oo ku soo celi sheekooyinka adigoo isticmaalaya sida ay u qoranyihiin ee ah qaybta
hore, qaybta dhexe, iyo dhamaadka.
12. Si madadaalo ah udhegayso ama u akhri shee hal sheeko.
13. Xafid oo ku soo celi gabayada, luuqda, iyo heesaha.
14. Fartaada kalmadaha ula raac laga bilaabo bidix ilaa midig ama kor iyo
hoosba.
15. Boggaga waxaad u rogtaa horay iyo gadaal.
16. Akhri 10 kalmadood oo kuwa soo noqnoqashada badan ah.
17. Jumlad kasta oo dhamaystiran waxaad dhamaadkeeda ku qortaa joogsi.
18. Daabac magaciisa/magaceeda koowaad.

Fasalka 1
1. Soosaar xarfaha, kalmadaha, and jumladdaha.
2. Is barbardhig kalmadaha lagu hadlay iyo kuwa qoran.
3. Soosaar erayada hal abuurka leh adoo habka gabayga raacaya.
4. Akhri 100 ka kalmadood ee ugu soo noqnoqashada badan.
5. Si sax ah oo fuseex ah kor ugu akhri qoraalka Fasalka 1-aad.
6. Soosaar oo abuur kalmado macnahoodu iska soo hor jeedo iyo kalmado iskumacne.
7. Adigu isa sax markaad akhrinaysid.
8. Saadaalin ka bixi maxsuulka sheekadu ku dhamaanayso.
9. Soosaar cinwaanka iyo jaldiga ugu sareeya ee buugga.
10. Joogsi ku isticmaal jumlad walba dhamaadkeeda.
11. Ku biloow xaraf ka mid ah xuruufta waawey markaad qorayso magac gaar, magac u yaalka “I”, iyo
xarafka u horeeya ee kalmada ugu horaysa jumalad kasta.
12. Isticmaal calaamad su’aal iyo calaamatul cajaa’ib.
13. Isku soo dubarid jumlado fud-fudud.
14. Si sax ah u hikaadi kalmado 3-4 xaraf ka kooban.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 5
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School
15. Kalmadaha waxaad u qortaa sida alifbeetadu isugu xigto adigoo raacaya kalmad waliba xarafka ay ka
bilaabato.
16. Xad haboon isu jirsii kalmada kalmadaha iyo jumladahaba.

Fasalka 2-aad
1. Si fuseex ah u akhri 200 ee kalmadood ee ugu soo noqnosho badan.
2. Si sax ah, fuseex ah, oo kala dhigdhigan kor ugu akhri qoraalka ku haboon fasalkan.
3. Soosaar hor-galaha iyo dib-galaha.
4. Isticmaal dikshinariga ku haboon fasalkaan si aad u hesho macnaha erayada.
5. Soo saar dulucda casharka, xaqiiqda casharku ku saabsanyahay, faahfaahinta
caawinaysa qoraalada aan beenta ahayn..
6. Soo koob qoraalka.
7. Akhri oo dhagayso gabayada, sheekooyinka dhaqanka, riwaayadaha, sheekooyinka alifaada ah ee aan
runta ahayn, akhbaarta, iyo dhacdooyinka (biography) Maraykanka, iyo kuwa wadamada kaleba.
8. Soosaar oo sharax jilayaasha ugu waaweyn, jaangooyada sheekada iyo qaabka loo dhigay.
9. Soosaar oo si sax ah u isticmaal magacyada, magac u yaalada, iyo ficilada.
10. Soosaar oo isticmaal kalmadaha wax sharaxa sida sifeeyayaasha
11. Jumlahada ku isticmaal dhamaadka ku haboon. Tuslaale ahan: Joogsi (.), calaamatul cajaa’ib (!),
calaamatul su’aal (?)
12. Ribootgaree dulucda casharka adigoo la wadaagaya waxyaabaha la xiriira ee ay ka mid yihiin,
xaqiiqooyinka.
13. Soosaar jaldiga, bogga cinwaanka, iyo qaybta erayada cusub macnahoodu ku qoranyahay ee buugga
(glossary).
14. Waa inaad fahansanaato in noocyada kala duwan ee buugta ah sida kuwa ka hadla khiyaaliga, kuwa ka
hadla dhabta ama xaqiiqda, kuwa tixraaca leh, inay dhamaan leeyihiin ujeedooyin kala duwan.

Fasalka 3-aad
1. Soosaar oo si fiican u xaqiiqso kalmadaha macna ahaan iska soo hor jeeda, kuwa
isku macnaha ah, kalmadaha isku si u qorma isku sina loogu dhawaaqa, iyo
kalmadaha.
2. Isticmaal digshinariyaal iyo maalaha kale ee kalmadaha macnahooda laga
baadho (glossary) si aad u fahanto macnaha kalmadaha kugu cusub.
3. Waxaad kor u akhridaa buuqta fasalkaaga ku haboon (kuwaa soo aadan
horay u arag ama u eegin) adigoo fahamaya si sax ahna u akhrinaya.
4. Ka sheekee oo ku soo celi, si kooban ugu soo celi hadal ahaan akhbaarta, qoraal ahaan, iyo habka loo
yaqaan graphic organizer.
5. Soosaar oo ka fakar macnayaasha is shabaha, iyo kuwa mithaalka isku ah.
6. Waxaad biloowdaa inaad kalmadaha isbadalka keena ku qortid farta loo yaqaan rugcada
7. Waxaad biloowda inaad barato sida kombuyuutarka loo garaaco.
8. Waxaad qortaa hal tuduc (baaragaraaf) oo ay ku jiraan:Write a paragraph that includes:
• Inaad ka durugto meesha qoraalku ka bilaabanyo
• Jumlad aad ku muujinayso dulucda hadalkaaga
• 3-5 Jumladood oo aad ku taageerayso doodaada
• iyo jumladdii aad ku soo gabagbaynaysay
9. Isticmaal, daabac, sawir, oo fiidyoow ahaan u duub si dhakhso ugu soosaarto fikraha iyo cilmiga. Use,
print, pictures, audio and video to express ideas and knowledge.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 6
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School
10. Sideedba qoraalku wuxuu isugu jiraa mid waxsharxaya, mid fikraha soo koobaya (Narative), mid
akhbaar bixinaya (informative), iyo mid gabay a

Fasalka 4 -aad
1. Soosaar oo faham u yeelo kalmadaha asaasiga ah, meeshay ka soo askumeen, kalmadaha macnahoodu
iska soo hor jeedo, kalmadaha isku macnaha ah, kalmadaha macnaha sarbeebta ah leh (idioms),
kalmadaha isku dhehmada iyo iku dhigaalka ah macnahooduna kala duwanyahay iyo kalmadaha hal
macne ka badan leh, ka fakar micnaha kalmadaha iyo sidaad macnaha qoraalka ah oo dhan ku fahmi
lahayd.
2. Isticmaal dikshinariyaal, buugaagta macnaha kalmado khaas ah lagu soo ururiyo (glossaries) is aad
macnaha kalmadaha kugu cusub u hesho.
3. Soo koob oo faahfaahi wixii la akhriyey.
4. Hel ama soosaar dulucda (main idea) oo ka fakar waxyaabaha qeexaya qoraalka runta ah ee aan
khiyaaliga ahayn (non-fiction text).
5. Kala saar xaqiiqda iyo waxay ay kula tahay, ka fakar sababta iyo cawaaqibka oo gunaanud iyo gabgabo
ka ka gaar (draw conclusion).
6. Kordhi hababka kala duwan ee aad wax u qorayso si aad u cadayso macnaha qoraalka oo ku soo dar:
• Qancinta
• Qoraal aad ku mahad celinayso.
7. Isticmaal hab isku duba ridan oo ku soo dar arimaha soo socda:
• Qoraalka hore (prewriting)- isticmaal hababka diyaargaroowga qoraalka sida uririnta ficradaha
(brainstorming), ururinta qoraalada yar-yar (Journaling), diyaarinta hore (sketching), liisgaraynta,
isku duba ridka khadka qoraalku raacayo (outlining) adoo niyada ku hayo cida ku dhegaysanaysa
ama halka aad diirada ku hayso.
• Daraafgaraynta (drafting) - isku duba ridka, fikradaha aad ku caawinayso qoraalkaaga oo aad
fikradaas u kala qaybiso jumlado baaragaraapyo.
• Rogitaanka (revising) wanaajita wax tayada waxyaabaha qoraalku ka koobanyahay, habka uu
isugu duba rindanyahay, qaabka jumladaha hadalka, iyo kalmadaha la dooranayo.
• Sixitaanka (editing) – Sixitaan la xiriira dhinacyada hikaada erayada iyo naxwawaha qoraalka ku
samee qoraalakaaga.
• Daabacaada (publishing) - waa in la soo saaro qoraal laga faaiidaysan karo isla markaasna
qoraalka lala qaybsado dhegaystaasha.– producing a document and sharing the writing with the
audience.
8. Waxaad abuurtaa ribood akhbaar gudbinkara oo kala dhig-dhigan, oo ay ku jiraan xog aad soo ururisay,
iyo isku dubaridka fikradha iyaddoo loo eegayo xogta la soo ururiyey, habaynta akhbaarta, iyo inaad ku
samayso wixii sixitaan ah ee horay umarinkara qoraalkaaga.
9. Si sax ah ugu isticmaal calamaadaynta qoraalka kala la dhig-dhiga ee ay ku jiraan calaamadaha soo
socdaa:
• abastiroofi
• Xaraf wayn ka biloow dhamaan magacyada gaarka ah
• Xarfaha utaagan kalmada la soo gaabiyey
• Xarfaha jumladuhu ka biloowdaan
• Isticmaal kooma meelaha looga baahanyahay oo dhan
commas in a series
• Calaamadaha “xigashada”
10. Qoraalkaaga si la akhrin karo ugu qor far caadiga ah iyo tan rugcada ahba.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 7
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School
11. Soo jeedi hadal bandhig ah.

Fasalka 5-aad
1. Kala saar dhabta iyo dhalanteedka hadalkaaga oo keen cadayn aad ku taageerayso doodaada.
2. Kafakar (Determine) sababta iyo cawaaqibka oo gunaanad fiican hadalkaaga ka soo dhiraandhiri.
3. Si qodadheer u akhri oo u qiimee meesha uu qoraagu ka hadlayo iyo sababta uu uga hadlayo.
4. Kalasaar naxwa ahaan faraqa u dhexeeya fikraha laga hadlayo ee qofka sadexaad ee aan muuqan (third
person omniscient) iyo fikradaha muujinaya qofka koowaad.
5. Soosaar oo ka fakar macnaha amaaradaha iyo mitaalada.
6. Kordhi hababka kala duwan ee aad wax u qorayso si aad u cadayso macnaha qoraalka oo ku soo dar:
• Qancinta
• Qoraal aad ku mahad celinayso.
7. Waxaad abuurtaa curis baaragaraafyo tirabadan leh oo ku jiraan:
• Siqashada (in yar oo laga durko marka baragaraaf la bilaabayo) saxda ah samee oo ha ka badin
hana ka yarayn.
• Baragaraaf horudhac ah,
• Cadaymaha aad ku taageerayso.
• Baaragaraafka aad ku soogabagabaynayso.
8. Higaada qoraalka markale isha mari oo sax wixii ilduuf ah ee ku
jira.
9. Qeex waxa qoraalka la xado ama sharci darada lagu qaato waxa macnaheedu yahay adiguna ka taxadar.
10. Waxaad qoraal ku soo saartaa wax si wanaagsan loo fahmi karo oo ah akhris, gabay, ama riwaayad.
11. Go’aan si wanaagsan looga baaraan degay ka bixi fariimaha lagu xayeysiiyo isgaarsiinta miidhiya, sida
filimada, talifishinka, raadiyaha, iyo jariiradaha.

Fasalka 6-aad
1. Kafakar macnaha kalamdaha aan la aqoon adigoo isticmaalaya cilmigii Greek-ga caadiga ah, taariikhda
Latin-ka, horgalayaalka (prefixes), iyo dibgalashaasha (Suffixes).
2. Si qodadheer u akhri oo u qiimee meesha uu qoraagu ka hadlayo iyo sababta uu uga
hadlayo.
3. Soosaar oo sharax xiriirka ka dhexeeya waxyaabaha ku jira arimaha khiyaaliga ah
sida jaangooyada, jilaaga, qaabka dejinta, dagaalka/heshiiska, hiyiga ay ku socoto,
iyoqaabka luuqada. Identify and describe the relationships among elements of
fiction including setting, character, plot, conflict/ resolution, theme and tone.
4. Qiimee jilaaga adigoo ka eegaya fakarkiisa, kalmadahiisa, ficiladiisa iyo sida loo
sharaxayo waxyaabaha uu soo warinayo.
5. Mar marka qaarkood u qor hababka soo socda ay ka mid tahay laakiin aan ku koobnayn: gabayo,
sheekooyin, riwaayadao, teese (bandhig fikradeed), joornaalo, waraaqo, fikar jihayn ah, sawirka guud,
xiriirka ganacsiga iyo bucsharada iyo riboodyo kale. Marka uu dhamaysto fasalka 8-aad ardaygu waa
inuu aqoon u leeyahay oo qorikaraa dhamaan arimaha aan qodobkaan kusoo sheegnay.
6. Samee sheeko gaaban oo muujinaysa jaangooyo, dad/jilayaal, wadahadkal iyo dagaalka adigoo
isticmaalaya, sharaxaad, iyo luuqad soo jiidata oo ay fahmayaan dhegaystayaashu.
7. Waxaad abuurtaa ribood akhbaar gudbinkara oo kala dhig-dhigan, oo ay ku jiraan xog aad soo ururisay,
isku dubaridka fikradha iyaddoo loo eegayo xogta la soo ururiyey, habaynta akhbaarta, iyo inaad ku
samayso wixii sixitaan ah ee horay umarinkara qoraalkaaga.

St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 8
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Ilmaha ku Dhiirigali Akhriska iyo Qoraalka Inta Guriga La Joogaan.

Su?aalo Isdhaafsiaga:
1. Ma noo sheegi kartaa sidaad ilmahaaga ugu dhiiri galisid in ay
wax akhriyaan waxna qoraan markay guriga joogaan?

1. Waxaad hubisaa in cunugaagu ugu yaraan 30 daqiiqo wax akhriyo maalin kasta

2. Caruurtu waxay u baahanyihiin inay meel degan oo nal fiican leh shaqada guriga ku sameeyaan.

3. Telifishinka dami marka shaqada guriga laga shaqaynayo.

4. Cunugaaga waa inaad u dejisaa wakhti go’an oo uu seexdo habeen


walba. Waxaa aad muhiim u ah in caruurta dugsiga hoose dhigataa ay
helaan 10-12 saacadood oo hurdo ah habeen walba.

5. Inuu cunugaagu hurdo ku filan helo oo quraac fiican cuno waxay ku


caawinaysaa inuu maalinta si fiican ula bilaabo asagoo diyaar u ah inuu
iskuulka wax ka barto.

6. Cunugaaga ku caawi inuu tacliinta ku raaxaysto adigoo waxkasta oo uu qabanayaba tacliinta ugu
dhexdaraya. Tusaale ahaan markaad meel u wado oo aad gaari ama bas saaran tihiin raadi ama isku day inaad
kalmado cusub u abuurto adigoo isticmaalaya taargada baabuurka iyo lamabarada iyo xarfaha ku qoran.

7. Waa in cunugaagu ku daawadaa adigoo wax qoraya.

8. Cunugaaga ku caawi inuu rumaysto in akhrisku muhiim yahay hawl muhiim ah oo nolol maalmeedka ka
mid ah. Waa ilmahaagu ku daawadaa adigoo akhrinaya tilmaamo muhiim ah oo jadwal, liiska cuntada, iyo
waxyaaba kale.

9. Qoraalka meel gooni ah u qorshee, waxaad u diyaarisaa qalimaan iyo xaashiyo badan oo kala duw-duwan.
Meesha qoraalka loogu tala galay waxay ahaan kartaa meel sahlan sida miis yar oo aan muhiim ahayn ama
waxay noqon kartaa miiska caadiga ah ee qoraalka loogu talagay. Arimo maad leh oo qoraal loogu talagalay
haddii aad ku darto waxaa laga yaabaa inay cunuga ku dhiirigaliso inuu wax qoro.

10. Waxaad cunugaaga siisaa wax kasta oo u sahlaya inuu wax qoro, sida inuu liisgareeyo waxyaabaha uu
jeclaan lahaa, qorshayaasha xaflada, martiqaadyada, iyo inuu waraaq u qoro dadka ay qaraabada yihiin.

11. Haddii ay suurta galtahay, waxaad ilmaha siisaa dikshinariyaasha luuqada, dikshinariyaasha sawirada,
maabab, sawiro maabab muujinaya, iyo waxyaabaha kale ee tacliinta ku taxaluqa ee ku caawinaya inuu ilmuhu
wax qoro ama wax akhriyo.

12. Hadalo yaryar isu qora oo waraaqo u qora qoyska intiisa kale.

13. Waxaad samaysaan kalandaariyaha qoyska oo ku dhiiri gali in cunugaagu wax ku qoro, sida maalmaha
dhalashada iyo maalmaha aan iskuulku jirin.

14. Waxaad aadaa maktabada oo ilmahaaga kaarka maktabada u samee si ay buugaag maktabada uga
daynsadaan.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 9
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Waxyaabaha la akhriyo
Buugta, Noofalada, iyo Joornaalada iyo Daasadaha cuntadu ku
buugta kala ee caadiga Jariiradaha jiraan iyo Leebalka ku
ah. Dhegan

Buugaagta Sawirada Waraaqaha Laysu Diro Buugta Talefoonka


Kaliya ah (Kalmado kuma iyo Kaararka Boostada
qora )

Dikshinariyaasha Iimaylada Liiska Waxyaabaha


Laysku Darayo

Kalandar Calaamadaha Wadooyinka Funaanadaha

Hi
MOM!

Maababka Taagaga Magacyada Lagu Hadalka Jirka (Body


QoroTags and Name languages)
Tags

Fariimaha Qoran ee Taargada Baabuurta Symbols


Taleefonka Laysugu diro

Ogaysiis iyo erayo ku Muuqaalka Buugga Dalabka Cuntada


qoran Bay’ada/Calaamadah

St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 10
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Fikradaha Hawlaha Guriga

Hawsha #1: Akhri, Sawir, oo Qor


Maxaa la qabanayaa?
1. Si wada jir ah cunugaaga ula akhri sheeka gaaban
2. Ilmahaagu xaashida qaybteeda sare haku sawiro sawirka qaybta uu
sheekada ugu jecelyahay.
3. Haddii uu cunugaagu waynyahay oo uu wax qori karo, ha ku qoro
sheekada sawirka hoostiisa ugu dambayntiina ha kuu akhriyo.
4. Haddii cunugaagu yaryahay, waxaad waydiisaa inay kuu sheegaan sawirada marka ay sheekada
qorayaan, ugu dambayntiina ha kuu akhriyeen.

Waamaxay sababta aan arimahaan u samaynayaa?


Waxay caruurtu xirfadaa wax akhriskooda ku kobciyaan kuna wanaajiyaan haddii ay dib u akhriyaan
kalmadihii ay qoreen. In sawiro shakeeda lagu daro waxay caruurta ku caawinaysaa inay bartaan in
sawirada buugtu ay caawinayso akhriska. Caruurtu inay sheekada hadal ahaan u jeediyaan waxay ku
caawinaysaa inay kobciyaan ama horumariyaan sida hadalka laysugu xijiyo. Arintaani waxay
midaynaysaa dhegaysashadii, Hadalkii, akhriskii, Qoraalkii. Arimahaani xirfado loo baahanyahay si
iskuulka natiija wacan looga keeno.

Hawsha #2: Akhrinta Liisaska


Maxaa la qabanayaa?
1. Si wada jir ah, waxaad u samaysaan liiska waxyaabaha ay ka koobantahay cunto aad rabtaan inaad
karisaan, oo liiskaa isla akhriya.
2. Waxaad hubisaa inaad haysataan dhamaan waxyaabihii ay cuntadaasi ka koobnaan lahayd.
3. Haddii ilmahaagu yaryahay ha kaa caawiyeen waxyaabaha aad
cabiraysid, shubaysid, oo walaaqaysid.
4. Haddii ilmahaagu waynyahay waa inay akhriyaan liiska waxyaabaha
laysku darayaa ay ka kooban yihiin, waana inay soo saaraan dhamaan
qaybaha loo baahanyahay.
5. Si wadajir ah, inaad isla karisaan iyo inaad isla cuntaan ugu
raaxaysta. Together, enjoy cooking and eating.

Waamaxay sababta aan arimahaan u samaynayaa?


Cunta karintu waa arin maad ahaan caruurta loogu bari karo akhriska asaasiga ah, xisaabta, iyo xirfada
sayniska. Akhrinta liiska walxuhu ka koobanyihiin waxay muhiim u tahay ujoodooyinka nolosha
dhabta ah isla markaana waxay muujinaysaa mid ka mid ah sababaha muhiimka ah ee aan ugu
baahanahay inaan barano sida wax loo akhriyo.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 11
Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School

Hasha #3: Qor liiskWrite a Grocery List


Maxaa la qabanayaa?
1. Haddii ilmahaagu aad u yaryahay, ha kaa caawiyeen markaad ka
fakarayso oo qorayso liiska waxyaabaha aad ka soo gadanayso dukaanka
waana inay ku daawnayaan marka aad liiska qorayso.
2. Haddii ilmahaagu wayn yihiin, liika waxyaabaha aad soo gadanayso
guriga ha ku qoreen, marka aad dukaanka tagtaana shaygii aad dambiisha
ku ridaba liiska ha masaxeen.

Waamaxay sababta aan arimahaan u samaynayaa?


Arintaani waxay ilmaha u ogolaanaysaa inay wax u qoraan sida ujeedooyinka dhabta ah. Liis ayey
samaynayaan kadibna si dhab ah ayey alaabta liiska ku qoran dukaanka uga soo gadanayaan. Arinta
markii ujeedo dhab ah loo qorayo faraxad ayey leedahay, waxayna caruurta ku dhiiri galin kartaa inay
adeegsadaan xirfadaha qoraalka ee ay yaqaaniin si ay u noqdaan qoraa wanaagsan.

Hawsha #4: Isticmaal Kombuutarka


Maxaa la qabanayaa?
1. Haddii aad kobuyuutar leedahay, u ogoloow cunugugaagu inuu xarfo u qoro xubnaha kale ee
qoyska ama waraaqo si uu u tijaabiyo xajmiga iyo noocyada kala duwan ee xarfaha iyo barnaamijyada
laga helo kombuyuutarka.
2. Haddii aad sidoo kale leedahay interneet, waxaad ogaataa inay jiraan boggag interneetka ka mid ah
oo madadaalo waxbarasho leh oo aad ilmahaaga la gali kartid. Waxaad ku qortaan xarfo, waraaqo iyo
fariimo oo waxaad u dirtaan saaxiibadiina iyo qoyskiina. Waxaad xasuusnaataa inaad had iyo jeer
caruurtaada la socoto marka ay interneetka ku jiraan.
3. Boggaga interneetka oo madadaalo iyo waxbarasho leh: Fun and free educational websites:
• http://www.funbrain.com/
• http://www.4kids.org/
• http://www.kidsknowit.com/
• http://pbskids.org/
• http://www.apples4theteacher.com/
• http://earth.google.com/
• http://www.mapquest.com/
4. Haddii aadan kombuyuutar iyo/ama interneet lahayn, waxaa jira combuyuutaro iyo interneet laga
helo maktabadaha (laybareeriyaasha) dawalada oo loogu talagalay in dadku isticmaalaan.

Waamaxay sababta aan arimahaan u samaynayaa?


Marka ay caruurtu kombuyuutarka wax ku teebgaraynayaan, waxay korodhsanayaan xirfado badan oo
ay ka midtahay awooda akhriskooda iyo qoritaankooda oo ay kordhinayaan. Ardayda waawayn ee si
fiican teebgaraynta u yaqaan, si degdeg ah oo dhamaystiran ayey shaqadooda ugu gudan karaan
kombuyuutarka.
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 12

You might also like