You are on page 1of 3

Mudane Guddoomiye mohamed duran.

‫ الحمد هلل رب العالمين ثم الصالة والسالم على أشرف المرسلين أما بعد‬..

“‫”السالم عليكم ورحمة هللا وبركاته‬

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf iyo maamuus ii ah inaan si rasmi ah hortiinna uga dhawaaqo inaan u
taaganahay xilka gudoomiyaha naadiga ardada jaamacada daaha faraceeda
caabudwaaq.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Iyadoo aan wada dareensannahay duruufaha kala duwan ee ay soo martay


jaamacadeenu, iyo culayska uu leeyahay xilka Guddoomiyaha ardada, guddoomiye-
ku-xigeenka, iyo dhammaan Gudiga naadiga ardaa jaamacada daaha, ii oggolaada
inaan idinla wadaago sababaha aan u go’aansaday inaan isu soo taago xilkaan
sharafta leh.

Waxaan aaminsanahay, aadna la wada socotaan, inay mas’uuliyadda ugu weyn ee


gudoomiyaha iyo gudigiisu tahay dejinta iyo dhowrista dastuurka, shuruucda iyo
xeerarka jaamaca uyaala, la xisaabtanka maamulka, iyo horumarinta aqoonta iyo
xirfadaha shaqo ee udigu uuleeyahay. Sidaasoo kale dejinta dastuurka iyo
shuruucda kale ka sokow, waxaa gudoomiyaha saaran mas’uuliyadda u hawlgalka
horumarka jaamacada uu matalo.

Si loo xaqiijiyo arrimahaas oo idil, waxaa lagama maarmaan ah inay ardadu


yeeshaam guddoomiye daacad u ah jaamacada daaha. lehna aqoon guud iyo mid
diineed, khibrad iyo waayo’aragnimo raadraac sugan leh.

Haddaba, iyadoo la tixgelinayo aqoontayda sare, khibraddayda iyo kartidayda


waxqabad ee hoos ku qoran, waxaan doonayaa inaan uga faa’iideeyo, haddii Alle igu
guuleeyo hanashada xilkaan aan isu soo taagey.

1 Aqoon
Waxaan haystaa shahaadada dugsiga sare, waxaan ahaya hada

Simister 5 unagudbaya Simister 6 waxaan haystaa waqti aan uga faaiideeyo


jaamacada maadaama ay iidhiman tahay 2 sano.
2 Khibrad waxqabad

Waxaan haystaa halsano oo aan ahaa xoghayaha gudiga naadiga ardada oo aan kasoo

shaqeeyay waxyaabo badan, sida bilicda jaamacada oo ah, in geedo iyo cows

lagubeero.waxaa kamida marketing( suuqgayn) injaamacadu ayhesho ardo cusub sida

hortiina kamuuqataba. Diwaan galintii ardadii macadka ee lagasooqorayay xaafadaha kala

duwan ee dagmada.
Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo ka faa’iidasanaya fursaddaan, haddii aad codkiinna iyo kalsoonidiinna i


siisaan, waxaan hortiinna ku ballanqaadayaa inaan idinku hoggaamin doono:

1. Caddaaladda
Waxaan idiin ballan qaadayaa, haddii aad i doorataan, inaaan idinku hoggaamiyo
caddaalad, sinnaan iyo hufnaan.ààà

2. Ilaalinta xasaanadda iyo xuquuqda gudiga


Anigoo raacaya dastuurka iyo xeer hoosaadka gudiga iyo ardada, waxaan difaaci
doonaa xasaanadda iyo xurmada ardada iyo xoriyada ra’yiga iyo kala duwanaanta
aragtida dhamaan ardada anoo utixgalin doona tabashadooda, gaar ahaaneed iyo
mida guudba. Waxaan samayn doonaa hadii ale idmo oo aad igu aamintaan codkiina
in aan lafariisto dhamaan fasalada mid mid kadibna aan dhagaysto rayigooda iyo
figradaha kadhexguuxaya si aan uhelno wada shaqayn hufan.

3. Hormarinta aqoonta gudiga


Anigoo ka faa’iidaysanaya aqoontayda, iyo waayo aragnimadayda waxaan gudiga, ku
hoggaamin doonaa dejinta iyo qorshaha tayaynta xirfadeed ee gudiga, sida
tababarro ay ku qaataan gudaha jaamacada iyo dibadeedaba.

Waxaan xoojin doonaa xiriirka inaga dhexeeya ardada iyo maamulka .

4 Madaxbannaanida gudiga shaqooyinkooda:


Haddaad kalsoonidiinna i siisaan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan idinku
hoggaamin doono dulqaad, qaddarin iyo la-tashi, iyadoo la raacayo dastuurka iyo
xeerarka kale ee inoo yaalla. Waxaan ku go’aan qaadan doonaa talooyinkiinna,
waxaanan ilaalin doonaa wadajirkiinna iyo isku-wadkiinna, iyadoo aan marwalba
tixgelinaya kala duwanaanta afkaarta xorta ah.

6. Dejinta qorshaha dhismaha xafiisyada iyo xarunta gudiga.


Waxaan idinku hoggaamin doonaa dejinta qorsha-howleedka inoo yaalla ee halka
sano ee muddo xileedkeenna, si ay noogu caddaato howsha la iska rabo, waqtigeeda
iyo cidda ka mas’uulka ah.

7. Wada-shaqaynta gudiga, ardada iyo maamulka.


Si loo helo hufnaan iyo wada shaqayn dhab ah oo hirgasha waxaan balan qaadayaa
inaan kashaqeeyo inaan iskuxiro ardada, gudiga maamulka iyo macalimiinta.
Taasina waxay kaimaanaysaa kadib markaan dhagaysto cabashada ayqabaan ardadu
kadibna aan lawadaago maamulka iyo ciday qusayso.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Hal-ku-dhiggeygu waa: Caddaalad, Horumar, iyo Iskuduubni.

Ugu dambayn, waxaan si xushmad iyo qaddarin leh idiinka codsanayaa inaad
codkiinna iyo kalsoonidiinna i siisaan, si aan gacan uga geysto waxkaqabashada
baahida gudi iyo horumarineed ee jaamacadu ubaahan tahay.

Waxaan Alleheenna Qaadirka ah ka baryayaa inuu na solansiiyo tubta toosan


naguna guuleeyo sacyigeenna.

Waxaan idiin rajaynayaa GUUL iyo BARWAAQO.

Mahadsanidiin

‫والسالم عليكم ورحمة هللا وبركاته‬

You might also like