Af-Soomaaliga ayaa ah mid fac weyn oo dhinac walba ka dhamaystiraa. Ma ahayn Af qoran, balse wuxuu sannooyin badan ahaa mid jiritaankiisa ay xidido u ahayeen Suugaanta iyo dhaqanku. Af- Soomaaliga ayaa waxaa ka buuxa suugaan taas oo sabab u noqotay inuu ahaado mid jiilba jiilka kale u gudbiyo. 1972 ayaa Dowladii Kacaanka ahayd ku talaabsatay Qorista Afka Soomaaliga. Talaabadaasi waxay horseeday in dib loo dardargeliyo Af-Soomaaliga qaab qoraalkiisa iyo tayayntiisaba. Guddigii Qorista Af-Soomaaliga ayaa door muuqada wuxuu ku lahaa sidii uu Afka hooyo u noqon lahaa mid la jaanqaada afafka caalamiga ah. Hoggaamiyihii Kacaankii Okt 1969 Sareeye Gaas Max’ed Siyaad Barre si xoog ah ayuu ku fulliyey qorista Af-Soomaaliga sida uu caddeeye Xuseen Kadare ma jirin xilligaas cid ka hor imaankartay rabitaanka Kacaanka ee qorista Af- ka Hooyo, waxaana culays lagu saaray Guddigii Qorista Af-Soomaaliga inay ka jiba keenaan howshaas laga filayey inay dhamaystiraan. Guulaha laga gaaray qorista ayaa waxay da’ yarta Soomaalida u horseeday inay wax badan ka bartaan Afkooda Dhaqankooda iyo Suugaantooda. Nasiib daro burburkii ku dhacay qarankii Soomaaliya wuxuu si weyn u asiibay Af- Soomaaliga marka dhinacyo badan laga eego. Way muuqataa dhalan rogga dhinac walba ah ee Af-Soomaaliga haleelay qoraal iyo ku hadalba. Bulshada Soomaalida oo ah bulsho hadal ayaa u qaxday dunnida daafaheeda, qaxaasi wuxuu door ku yeeshay Af-kii Soomaaliga, waxaana abuurantay bulsho af iyo dhaqan ahaan ka duwan bulshadii hore ee Soomaalida. Waxaa isbedelay qaab hadalka iyo qoraalba. Qoxootinimadu waxay ku soo kordhisay Af-kii Hooyo inay luqado kala duwani ku dhexmilmaan. Burburkii ka dib waxaa abuurmay hadal Af- Soomaali ah oo ka duwan siday Soomaalidu afkooda uga hadli jireen, ka hadli maayo kala duwaanaanshihii gobolda Soomaaliya ee dhawaaq hadalka Af-Soomaaliga ee waxaan ka hadlayaa oo iftiiminayaa isbedelka Af-Soomaaliga muuqda. Tusaale ahaa Weriye BBC-da uga soo warama Kenya/Bashka Jug Soo Dhacay ayaa warbixin uu Idaacadiisa u soo dirayey wuxuu u tebiyey sida. ‘’ Wasiirayaasha ayaa booqday goobtaaa’’ oo runtii laaxin ku ah Af-Soomaaliga. Wuxuu kaloo yiraahdaa Magaalayaal, dhibaatayaal….. Soomaaliya oo burburkii ka dib yeelatay Warbaahin (Qoraal iyo Tebin) door ku yeelatay dhalan rog ku dhacay Af-Soomaaliga. Waxaa meesha ka baxay kaallintii waxbarashada dugsiyada ee manhajka Af-Soomaaliga taasoo jiilka qaran burburka ku raabtay samayn Af Soomaaliga ay ku hadlaan. Waa xaqiiq in Af Soomaaliga ay soo dhex galeen eryo Afaf kale oo cusub. Bahda Warbaahinta ee qoraalka iyo hadalka ayaa door ku leh qaabkan cusub ee Af Soomaaliga loogu hadlo amaba loo qoro, sannooyinkii ugu dambeeyey kaasooy ka muuqato marin habow dhinacyo badan leh. Khudbadaha siyaasiyiinta ayaa iyaguna door ku leh qaabka cusub ee Af Soomaaliga ah Axmed Ismaaciil Samantar ayaa BBC-da Waraysi uu siiyey 20 May 2010 ku yiri:- ‘’Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dhexdooda waxaa ka samaysay qoon’’ iyadoo ay ku haboonayd inuu yiraahdo ‘’Waxaa ka samaysantay qoon.’’ Sidoo kale Max’ed C/laahi Farmaajo 20 Nov 2010 VOA ayuu ka yiri ‘’ Waxaan soo maray goobayaal” halkuu ka oran lahaa Goobo. Sahra Cabdi Axmed VOA waxay tiri ‘’Tobonkii Cunnug ee ugu sareeyey dugsiyada sare.’’ Waayo cunug dugsi sare ma dhigto. Abukar Boston BBC wuxuu yiri:- Fagaarayaasha Taxriir . halkuu oran lahaa Fagaaraha Taxriir. Waqtiigii Shiinuhu dhisayey Wadada isku xirta Beledweyn iyo Burco Af Soomaaliga waxaa ku soo kordhay Fiican Fiican. Bariidinta Soomaalida ayaa ahayd ’’ iska warama’’ Jawaab cellinta ayaa ahayd ‘’ Nabad’’ iminka waxaa bedelay halkii Nabad ahayd ‘’ Fiican Fiican’’. Waxaa kaloo bulshada Soomaalida ku soo batay eryo macne kale loola jeedo oon macnahoodii ahayn sida;- Waa baceeyey , caag ayuu iga dhigay, waa dhako kale. Tiro yar ma ahan qaabka Erayga Af – Soomaaliga macna ahaan looga duway waqtigii hore sidii loo yaqaanay ‘’ Gabadhaasi waa Halis’’ waxaa loola jeedaa ‘’ Gabadhaasi waa qurux badan tahay.’’ Laakiin macna ahaan waxaa halis loo yaqaan wax khatar ah. Quruxdii ayaa loo rogay Hallis Ku hadalka Af Soomaaliga ee weriyayaasha ayaa qudhigood samayn ku yeeshay dhallan roggan Af Soomaaliga. Tusaale ahaa’’ Doon ayaa quustay.’’ Halkuu ka oran lahaa ‘’ Doon ayaa degtay’’. Waayo waxa quusa dadka , Kaluunka iyo noolaha kale. Ee doonyuhu ma quusaan ee waa degaan. Marka siyaasiyiinta iyo weriyayaasha qaarkood hadlayaan oo ay sheegayan colaad dad ka dhexeysa waxay yiraahdaan ‘’ Colaad kala dhexeysa’’ halkay ka oran lahaayeen ‘’Colaad ayaa ka dhaxaysa.’’ Ama ‘’Heshiis kala dhexeysa’’ Halkay ka oran lahaayeen ‘’ Heshiis ayaa ka dhexeeya” Marar badan ayaa waxaa muuqata doc faruur lagu samaynayo ku hadalka afka Soomaaliga iyadoo aanay jirin cid si gaar ah ugu xilsaaran oo ka ilaalinaysa inuu murrug galo qaabka ku hadalkiisa. Waxaa muuqata inuu jiro marnaasho dhinaca Naxwaha Af-Soomaaliga oo si weyn la isugu hawlin. Tusaale ahaan Erayda Aniga, Adiga , Isaga, Iyada ,Annaga, Idinka, Iyaga. Ayaa ku hadalkooda si aan haboonqaarkood keeni karta jahwareer ay fahmi kari waayaan dadka Soomaalidu. Inta badan Eraydan waxaa isticmaala Weriyayaasha iyo dadka u shaqeeya haya’daha Samafalka.ay loo isticmaalaa taasoo mararka keeni karta jahwareer ay fahmi kari waayaan dadka Soomaalidu. Inta badan Eraydan waxaa isticmaala Weriyayaasha iyo dadka u shaqeeya haya’daha Samafalka. Faruuranka Af –Soomaaliga ayaa waxaa sal u ah Naxwahiisa oo aan la sal dhigin. Qof kastaan siduu doono ugu hadlo ‘’Anigu Ma Yaqaano’’. Oo loola jeedo ‘’Anigu ma Aqaan.’’ Dhibaatada ugu weyn ee haysta Af- Soomaaliga ayaa hab qoraalkiisa aan saldhiga lahayn. Qofkasta oo wax qoraa siduu doono ayuu u qoraa Af-Soomaaliga Hab qoraalka ayaa isaguna yeeshay hab cusub oo aan hore wax loogu qori jirrin. Dhamaan markaad eegto Wargaysyada, Baraha Inter-netka ee adeegsada luqada Soomaaliga waxa kuu muuqanaya qaab cusub oo Af-Soomaaliga loo isticmaalayo kaas oo aan ahayn midkii saxda ahaa. Qoraaladaasi ma lahan joogsi, hakad iyo dhamaan calaamadaha loo isticmaalo qaab qoraaladda la qorayo ee faraha kale Caalamka Sidaa darted ayaa Af- Soomaaligu u baahan yahay qaab looga ilaaliyo khaladaadka ku soo dhex dhuumanaya. Waxaan qabaa inaanu kobcin Af- Soomaaligu mudadii burburka ahayd waayoma uusan haysan meel gabaad u ah oo ka difaacada khaladkaa ku dhex milmayey. Nolosha Soomaalida oo xilligii hore u badnayd reer Guuraa oo badankoodii reer magaal aan habasnay isugu biyo shubtay. Waxaa kaloo door ku leh dhalan rogga Af- Soomaaliga Soomaalida Quro-joogta ah ku soo dhex qasay Af-Soomaaliga eryo ku cusub oo ka mid ah Af-Afka dalalkay u qaxeen. Gababgo.
Maqnaanshaha doorkii Suugaanta iyo hal-
abuurka oo ka yar hoos-maray kaallintoodii noolaynta Af-Soomaaliga ayaa ka mid ah waxyaabaha dhalan rogga ku sameeyey Af-Soomaaliga. Sidoo loo samata-bixiyo waxaan qabaa waa in la helo u heelanayaal doorkoodu muuqdo u taagan ka ilaalinta dhalan rogganka Af-ka Soomaaliga MAHADSANIDIIN
Abdishakur Mire Adan
E-mail cobol319@gmail.com Sheekh C/llaahi Diiriye Abtidoon, Sheekh Axmed Dahir Aweys, Sheekh C/qaadir Cukaash, Axmed Caadil, Sheekh C/llaahi Ciise Cilmi iyo Sheekh C/raxmaan Barre. Raggan waxaa u muuqatay sida qabiilooyinka ku nool Koonfurtu u soo dhoweynayeen ciidamada Shisheeye. Sidaa daraadeed may doonayn in ay iska hor-yimaadaan iyaga iyo qabaa’ilku. Way ku guulaysteen kooxdani in la kala diro dagaal-yahan. Sheekh C/qaadir Nuur oo ka hadlaya siday ula dar-daarmeen dagaal-yahaniintii ku soo noqonayay gobollada W/Bari. ’’ Amar adag ayaan siinnay, kaas oo ahaa inay dhulkii si geesinimo ah u galaan, in kastoo aan laga soo dhoweynayn, waxaan ku boorrinay inay dulqaad badan yeeshaan, cidkasta oo ay u ciilqabaan iska illaawaan, oo aan aargoosi la samayn. ’ CUTUBKA III. 1993-1997 DAGAALKII MUQDISHO. ‘’ Dagaalkii Muqdisho ee Islaamiyiinta iyo Unisom, Galabtii 03 Oktobar1993, Burburintii Kaniisada .’’ AL-ITTIXAAD & ETHIOPIA. ‘‘Dagaaladii dhex maray Ethiopia iyo Al-Ittixaad gudaha Ethiopia.’’ AL-ITTIXAAD & GEDO. ‘Dagaaladii dhex maray Ethiopia SNF iyo Al- Ittixaad .’’ Dagaalkii Muqdisho ee Islaamiyiinta iyo Unisom Dagaalkii Muqdisho ee Islaamiyiinta iyo Unisom 3dii Dec.1992 waxay Qaramada Midoobay saxiixeen qaraar lambarkiisu ahaa–794. kaasoo oggolaanayay in ciidamo loo diro Soomaaliya. Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay Butrus Ghali ayaa u soo jeediyay madaxweynihii Maraykanka George Bush-kii weynaa in dhammaan hubka laga dhigo kooxaha ka dagaallamaya Soomaaliya. Taladaas ayuu Butrus Ghali shuruud uga dhigay nabad laga gaaro Soomaaliya. 9kii Dec. 1992 ayay markii ugu horreysay ciidamada Maraykanku soo caga dhigtaan ciidda Soomaaliya, cutubyo ka tirsanaa ciidanka badda oo tiradoodu gaaraysay 1800 (Kun iyo Sideed Boqol) askari ayaa ka soo dagay xeebta Muqdisho. Madaxweyne Goerge Bush ayaa amray in ciidan dhan Shan iyo Labaatan kun (25000) oo askari loo diro Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ahayd ololihii loogu magac daray, Rajo Soo Celinta (Restore Hope). Dagaalkii Muqdisho ee Islaamiyiinta iyo Unisom Hoggaanka guud ee Al-Ittixaad waxay isla qaateen inaan dagaal la gelin, sidaas darteed diyaar garow kama muuqan dagaalyahanada Al-Ittixaad. Waxaase jiray koox uu horseedka ahaa Sheekh C/laahi Axmed Sahal oo iyagu gaar isaga taagay Al-Ittixaad lana baxay magaca Jabhadda Badbaadinta Islaamka. Jabhadan ayaa si weyn uga qayb qaadatay dagaalkii Maraykanka lagaga soo horjeeday e ka dhacay dariiqyada Muqdisho. Waxay C/LLAAHI AXMED SAHAL. dagaalka ku jireen iyagoo ka barbar dagaalamaya maleeshiyaadkii MFCaydiid. Waxay kooxdani si gaar ah u fullin jireen qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah eel ala beegsanayey ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya joogay 1993. Dagaalkii Muqdisho ee Islaamiyiinta iyo Unisom Sheikh Xassan Daahir Aweys ayaa aad uga biya diidsanaa in dagaal lala safto oo loo hiiliyo Gen. Max’ed Faarax Caydiid kooxdiisa, wuxuu tilmaamayey inaan Islaamiyiinta iyo qabiilku isku milmin, waxaana fekerkaas aad ula qabay in badan oo ka mid ahaa hogggaanka Al- Ittixaad. Waxaase aragtidaasi isbeddeshay kolkii Sheekh Xassan Daahir socdaal ku tegay waddanka Suudaan intii u dhexaysay April ilaa Jun 1993dii. Dagaal-yahanada Islaamiyiinta waxay si muuqad ugu lug yeesheen dagaalkaas ka socday Muqdisho, SHEEKH XASAN DAHIR. inkastoo Al-Ittixaad aanay wax lug ah ku lahayn. ASida Richard A, Clark ku qoray buuggiisa Against All Enemies .Adrmiral Jonathan Howe oo aad u fahamsanaa awoodda ciidamada Maraykanka wuxuu ka dalbaday Pentagn-ka ciidamo xoojin ah Delta Force iyo diyaaraddaha AC-130 ee wax garaaca si ay u burburiyaan adeegga aasaasiga ah ee maleeshiyaadkii Gen.MFCaydiid. Xarunta Pentagn- ku way diidday in ciidammo Kumaandoos ah ’’ Delta Force’’ loo diro Soomaaliya iyo weliba iyadoo la joojiyay duqaymihii diyaaraddaha AC-130.
ADMIRAL JONATHAN HOWE
Dagaalkii Galabtii 3dii Oktoobar1993. Galabnimadii 3dii Oktober 1993, waxaa dhacay dagaalkii ugu adkaa ee dhex maray taageerayaasha Gen. MFCaydiid oo Islaamiyiinta is garabsanayey iyo xoogaggii Marayka ee nabad ilaalinta u joogay Muqdisho, ciidamada gaarka ah ee Rangers loona xilsaaray soo qabashada Gen. MFCaydiid, waxay gaareen goob ku taalla xaafad cidhiidhi ah oo u dhoweyd hotel Olympic31 Muqdisho. Hase ahaatee tiro ka mid ahaa malleeshiyaadka Gen. MFCaydiid iyo dagaal-yahanno Islaamiyiina ayaa deg-deg u soo gaaray aaggii ciidamada Kumaandooska ah ee Maraykanku hawlgalka culus ka fullinayeen. Dagaal-yahannada Soomaalidu jiha walba ayay raas kaga soo rideen ciidamadii Rangers-ka ee aadka u tababarnaa ee xafadaha dhexdooda sida gaadmada ah ku soo galay. Dagaalkii Galabtii 3dii Oktoobar1993. 1.Donovan L. Briley, 2- Daniel D. Busch, 3- James M. Cavaco, 4-William D. Cleveland, 5-Thomas J. Field, 6-Earl Fillmore, 7- Raymond Frank, 8- Gary I. Gordon, 9- James C. Joyce, 10- Richard W. Kowalski,11- James Martin, 12- Timothy Martin, 13- Dominick M. Pilla, 14- Matthew L. Rierson, 15- Lorenzo M. Ruiz, 16- Randall D. Shughart, 17-James E. Smith, 18-Clifton Wolcott.
MAYD ASKARI MARAYKAN AH.
Waxaa ku dhaawac-may dagaalka 74 (Todobaatan iyo Afar) askari oo kale, iyadoo maxbuus ahaan loo qabtay duuliyihii mid ka mid ah labada diyaaradood ee la soo riday Capt. Micheal Duran. Soomaalida waxaa dagaalkaas lagu dilay in lagu qiyaasay 500 (Shan Boqol) oo qofood, dhaawacuna kor u dhaafay ilaa 1000 (Kun). Hase yeeshee buuga uu qoray Richard A, Clark oo uu u baxshay Against All Enemies ’’ Inside America ’s War On Terror”, waxaa ku xusan in Soomaalida dagaalkaas laga dilay 1200 (Kun iyo Laba Boqol) oo ruux. Richard A, Clark ayaa ahaa madaxii la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada ee maamulladii Maraykanka George W. Bush iyo Bill Clinton. Dagaalkii Unisom iyo maleeshiyaadkii Caydiid ee ay taageerayeen Islaamiyiintii Jabhadii Badbaadada Islaamku wuxuu ku soo gabagaboobay in golaha amaanka dib ugu noqdaan qaraakii ahaa soo qabashada Caydiid isla markaana isaga baxaan Soomaaliya. Burburitii Kaniisada Muqdisho1994. Marka dib loo eego Kaniisadda weyn Muqisho ayaa waxay leedahay taariikh si gaar ah u taabanaysa Soomaalida. Kaniisaddan ayaa la dhisay ka dib markii Talyaanigu wada qabsaday Soomaaliya dhinaceeda Koonfureed, isla markaana uu ka adkaaday boqortooyadii Majeertiinya ee xarunteedu ahayd Baargal, iyo Saldanadii Hobyo sannadihii u dhexeeyay 1925-1926. Kaniisadda Muqdisho ayaa ah mida ugu qudbiga dheer Kaniisadaha Geeska Afrika ayaa tan iyo waqtigii la furay 1dii March 1928 si aad ah ugu howlanayd fidinta diinta Masiixiga DHISMIHII KANIISADA MUQADISHO gudaha Soomaaliya. Furitaankii Kaniisaddan waxaa xarigga ka jaray wiil uu dhalay Boqorkii Talyaaniga oo la oran jiray’’S.A.R. il Principe di Piemonte’’. Burburitii Kaniisada Muqdisho1994. 23kii Jan. 1994tii garabka hubaysan ee Al-Ittixaad Al-Islaam ayaa miinooyin ku xiray Kaniisaddii weynayd ee Muqdisho. Howsha burburinta Kaniisadda Muqdisho waxaa fulliyey xubno ka mid ah Jabhadda Badbaadinta Islaamka ee uu hoggaaminayay Sheekh C/laahi Axmed Sahal ‘‘Abu Yaxya’, Aabbaarihii 1dii duhur-nimo ee maalintaas ayaa waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay dhismiha Kaniisaddii weynayd ee Muqdisho. Qaraxaas ayaa buburiyay wajiga hore ee Kaniisadda, dhaawac aad u weyna gaarsiiyay. Kaniisadaasi burburinteedu waxay astaan cad u ahayd nacaybka fog ee dadka Soomaaliyeed u qabeen quwadaha shisheeye ee dalkooda qabsaday. Al-Ittixaad Al-Islaam iyo Ethiopia. Guud ahaan dadka Soomaalida ahi waa dad isa suran. Burburkii dowladii Soomaaliya waxaa gaaray degaanka Ogaadeenya ee dhulka Soomaaliyeed ee Ethiopia Haysato Qaxooti fara badan oo ka qaxay Soomaaliya . waqtigaas waxaa kaloo burburtay dowladii Shuuciga ahyd ee Ethiopia ka talinaysaya. Sanadkii 1991 Al-Ittixaad Soomaali galbeed waxaa ogolaansho siisay dowladda Ethiopia ka xisbi ahaan. Hase ahaate waa lagala noqday waxaan bilowday iska hor imaad dhiig badani ku daatay. Waxaa Holooyo lagu dilay weerar ay Ethipia ku qaaday hogaamiyihii Al-Ittxaad Soomaali galbeed Sheekh Cabdullaahi Bedey iyo Amiir Cali Kaar. Waxaa bilowday dagaal aan la isu naxay oo dhex maray Al-Ittixaad Soomaali Galbeed iyo Ethiopia kaasoo mudo sanooyin ah ka socday degaanadaas. Dagaaladii Gedo Ethiopia/SNF iyo Al-Ittixaad. Kolkii laga saaray Maleeshiyaadkii USC Gedo bartamihii 1992. Ayaa Al-Ittixaad waxay si tartiib ah ugu fideen degmooyinka Luuq iyo Dolow iyagoo halkaas ka qabtay howlo lagu horumarinayo bulshada dhinaca aqoonta iyo samalka, waxay degmooyinka ay gacanta ku hayeen ku soo rogeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka CUTUBKA IV. 1997-2000 1-Kala dhanbamalankii Al-Ittixaad. ‘’ Salafiya Jadiid, Al-Ictisaam Bil Kitaaba Wa’ Sunnaha iyo Salafiya Jihaadiya.’’ Milicsiga Islaamiyiinta kale.
‘’ Al-Islaax, Tabliiqa, Takfiirka.’’
CUTUBKA IV. 2000-2002 1-Durbaan tukiinkii Carta iyo doorka Islaamiyiinta ‘’Doorka Maxkamaha ee dawladii Carta’’ 2-Dagaalkii Dibqalooca
‘’Dhacdadii 11Sept 20001, Islaamiyiinta iyo
Shirkii Eldorate,Keyna’’ Dhacdadii 11Sept 20001. Dhacdadii 11Sept 2001 waxaa ay dunida u horseedday dagaal loo bixiyay “La dagaalanka Argagixisada (the War on Terror/Terrorisim)” oo Maraykanku horseed ka noqday, dawladaha kale ee Galbeedkuna kula shuraakoobeen (kula jireen). Dagaalkaas in badan dunida muslimka ah iyo Waddammo kale oo aan Muslim ahayn balse siyaasad ahaan ay reer Galbeedka kala fog yihiin, waxaa loo arkaa mid marmarsiinyo looga dhiganayo duullaan si bareer ah loogu qaadayo waddammo iyo shakhsiyaadka reer Galbeedku u arkaan in ay danahooda ka horyimaaddeen, gaar ahaan dadyowga iyo dalalka Muslimka ah. Madaxweynehii Maraykanka ee waqtigaas George W. Bush oo hoggaanka u hayay barnaamijkan la dagaallanka argagaxisada ayaa fagaare uga dhawaaqay in dagaalka uu ku jiro dalkiisu uu la mid yahay dagaalkii Saliibiyiinta (Macatab u dirirka). Dagaalkii Dibqalooca Intii ka dambeysay sannadkii 2000 Soomaaliya waxaa ka hirgalay mashruuc la magac baxay Dagaalka Dibqallooca oo ah afduubidda, dilka iyo gacan gelinta shakhsiyaad ay doonayeen Maraykanka iyo Ethiopia. Ka Ganacsiga dadka ayaa noqday mid ku soo kordhay xaaladda siyaasadda dalka qab-qablayaashu hor boodayeen. Dalka intiisa badan waxaa ka socday sannooyinkii dambe afduubyo iyo dilal qorshatsnaa. waxaa ay bilaabeen in ay khaarajiyaan shaqsiyaad Soomaali ah oo ay ku tuhmeen in ay ku lug leeyihiin ama gacansaar la leeyihiin mashruuca ka ganacsiga dadka ee afduubka iyo dilalkaba isugu jira. Sida ay qortay haya’adda ICG, nin la odhan jirey Dhege oo ka mid ahaa dadkii fulliyay afduubkii ragga Oramada ah ayaa lagu dilay degmada Huriwaa, magaalada Muqdisho xilli uu wax ka cunayay goob shaaha laga cabbo ee taalay aagaas July 2004. Dilka ninkaas waxaa geystay sida ilo kala duwani sheegeen dabley ka tirsan Islaamiyiinta Jihaad doonka ah kuwaas oo kaga aargudanayay afduubka iyo dhiibista raggii Oromada ahaa ee ka tirsanaa Jabhadda OLF iyo rag hore oo Islaamiyiinta xidhiidh la lahaa oo hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka iyo Ethiopia loo gacan geliyay. Dilalka iyo afduubka noocaas ah ayaa loo yaqaan “Dagaalka Dibqallooca”. MAHADSANIDIIN
SU’ALO, JAWABO & TALA
SOO JEEDIN
Nagala soo xiriir:
Abdishakur Mire Adan E-mail cobol319@gmail.com Tel: 90744045