You are on page 1of 24

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad

TUSMO

3 Weedha Tifaftiraha

4 Abaalmarinta Shaqaalaha

6 Telesom Iyo Tababaro Gobolada

8 Doorka Telesom Ee Bulshada

10 Telesom Iyo Jaamacadaha

12 Hormuudka Shaqaalaha Telesom

13 Farshaxanka Soomaaliyeed

14 Zeko Sooc

17 Maxaad Ka Taqaanaa Tuugga Araga

19 La Nolaanshiiyaha Garanwaaga

21 Baro Qaar Ka Mida Adeegyada Telesom

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo dhoweyno tirsigii 11aad
ee majaladda Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii biloodba
hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo saara Shirkadda Isgaadhsi-
inta ee Telesom, gaar ahaan waaxda Suuqgeynta iyo Xidhiidhka Dad-
Mustafe A. Muse weynaha (Marketing & Public Relations Department).
Majaladan waxa aad ka heli kartaa maqaalo xiiso leh oo isugu jira
dhacdooyinka iyo wararka Telesom, Adeegyo cusub oo faa’iido u leh
Mutadawaciinta (Contributors) kaalin
laxaad leh ka qaatay waxa ka mid ah: macaamiisha, barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo
barnaamijyo kale oo aqooneed.
1. Suldaan Maxamed Xasan
2. Cabdi Yuusuf (Boobe)
3. Sh. Almis Xaaji Yaxye Wixii macluumaad ama qoraalo faa’iido u leh dalka iyo bulshadaba
4. C/qani Saleebaan /Candlelight waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiisyada Suuqgeynta iyo Xidhiid-
5. Dr. Shiine (Manhal) iyo
6. Haaruun A. Abdulle hka dadweynaha ee Telesom oo ku yaala xarunta dhexe ee shirkadda
 haaruunahmed@hotmail.com ama ku soo dir ciwaanka:
 002522-4177688
Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland,
Office: +252 2 522168, Email: mpr@telesom.net ,
kibaaro@gmail.com.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Dhacdooyin

Eng. Cumar Jaamac Abtiile oo guddoomaya


abaalmarintii lagu maamuusay

MUNAASIBADII 8AAD EE ABAALMARINTA


SHAQAALAHA SHIRKADDA TELESOM
Halkudhiga sannadka: “Shaqaa sharaf leh” Haddaba, Bishii March, 2011 ayaa sidii caadadu ahayd waxa

I laalinta, daryeelida, ka-war-haynta, qiimaynta, abaal-


marinta iyo tababarida shaqaaluhu waa tallaabooyinka
ay shirkadduhu horumarka iyo guulo waaweyn ku gaad-
haan. Taasina waa ta keentay in shirkaddaha waaweyn ee
caalamku fiiro gaar ah u yeeshaan kobcinta shaqaalahooda.
xarumaha shirkadda ee dalka oo dhan hal mar lagu qabtay
munaasibadii 8aad ee abaalmarinaha shaqaalaha shirkadda,
iyada oo laga faa’iidaysanayo teknoolajiyadda casriga ah ee
Telesom ku caan baxday waxa la adeegsaday adeega casriga
ah ee MAQAL & MUUQAAL (Video Conferencing) iyo SHIR-
WADAREED (Tele-conferencing). Xafladaasna waxa lagu
Sidaas daraadeed, shirkadda Telesom iyada oo ka duulaysa abaalmarinayay shaqaalihii ugu darajada sareeyay qiimayn-
arrintaas waxa ay samaysa maalin sannadkiiba hal mar la tii sannadkii 2010. Sidoo kale, waxa abaalmarinta aan ka
xuso oo loogu magac daray ‘QIIMEYNTA SHAQAALAHA maqnay shaqaalihii sannadkii 2010 soo kordhiyay ama
TELESOM’. Maalintaas waxa dhammaan xarumaha keenay fikrado cusub oo waxtar u leh horumarka shirkadda
shirkadda ee dalka (Initiatives).
Jamhuuriyadda
Somaliland lagu Dabaaldega xafladan oo dhawr maalmood socotay waxa
qabtaa munaasi- hadal dheer oo isugu jiray ujeedada xafladda, mahadnaq,
bado lagu amaal- dardaaran iyo ballanqaadyo ka jeediyay guddoomiyaha
marinayo shaqaali- guud mudane, C/kariim Maxamed Iid, hadaladiisiina waxa
hii iyo waaxihii ugu ka mid ahaa; “Telesom waxa ay ka mid tahay meelaha la
kartida badnaa majeeranayo. Guulaha ay shirkaddu gaadhay waxa ka
sannadkaas. mas’uul ah shaqaalaha. Telesom lafdhabar ayay u tahay
dhaqaalaha dalka, sababta oo ah kaabayaasha isgaadhsiintu

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


MUNAASIBADII 8AAD EE ABAALMARINTA ……………….

waa waxyaabaha suurtogeliya horumarka dhaqandhaqaale


Employee of the Year of the Departments
ee dalka (Socioeconomic Development), sidaas awgeed waxa
loo baahan yahay in aynu xil iska saarno horumarinta, dayac- No Name Dept
tirka iyo casriyaynta adeegyada.” 1 C/kariim Xuseen Cilmi IT
2 Biixi Xasan Maxamed Engineering
Madaxa Hawlgelinta, mudane Ciise Maxamuud Faarax oo
isaguna xafladda ka hadlay ayaa hadaladiisii waxa ka mid 3 Axmed Cali Xirsi Sales
ahaa “Sannadkan Istaarajiyadii aynu dhiganay waynu 4 C/raxmaan Axmed Cabdi Supply Chain
gaadhnay, sababaha guusha keenayna waa xadhiga Ilaahay, 5 Cismaan Cali C/laahi ZAAD
balwadda iyo bilaa cibaadda oo aynu la dagaalanay, taas oo 6 Xasan Cabdi Yuusuf L/line
keentay in wakhtigan xaadirka ah aan Telesom laga soo he-
7 Baashe Cismaan Nuur TFC
layn cid balwad leh ama bilaa cibaado ah.”
8 Nuur Abdi Yuusuf Security
Madaxa shaqada iyo shaqaalaha Mudane, Cabdiqaadir Max- 9 Cali C/laahi X. Cumar Accounting
amed Sahal oo ka waramaya ujeedada qiimaynta shaqaalaha
10 Mustafe Askar Faarax HR
ayaa yidhi; “Ujeedada munaasibadani waxa weeyi, in qofkii
dadaalay ee karti la yimi la abaalmariyo, qofkii gaabiyayna 11 Mustafe Aadam Muuse MPR
lagu dhiirigeliyo, tababarona la siiyo.” 12 Maxamed Caydiid Max’ed ISP

Mudane, Sahal oo sharaxaya nidaamka shaqaalaysiinta Employee of the Year of the Site
shirkadda ayaa sheegay in waxyaabaha ay shirkaddu horu-
marka ku gaadhay yihiin; cadaaladda shaqaalaysiinta iyo No Name Site
shirkadda oo ka shaqaysa horumarka shaqaalaheeda.” 1 Cilmi Haaji Jaamac Cilmi Burco
2 Ahmed Sh. Yusuf Diiriye Boorama
Ugu danbayntii madaxa shaqada iyo shaqaaluhu waxa uu
madaxda waaxaha iyo xurumaha gobolada kula dardaarmay 3 Ismail Aw-Daahir Muumin Wajaale
in ay hab cadaaladi ku dheehan tahay u qiimeeyaan 4 Xussein Cawil Raage Berbera
shaqaalahooda, Illaahayna kaga cabsadaan. 5 Yaasiin Cali Mahad L/Caanood
Liiska shaqaalihii sannadka mutaystay kaalinta 1aad ee 6 Ahmed Saed Jaamac Buuhoodle
waaxaha iyo xarumaha ay ka tirsan yihiin (Employee of the 7 Moh'ed Abdikarim Cali Gabiley
department/site 2010): 8 Cismaan Moh'ed Muse Ceerigaabo
9 Cabdi Muse Cilmi Arabsiiyo
10 Ahmed Cismaan Axmed Sheekh
11 C/raxmaan Barkhad Qumane Lowyacado
12 Cismaan C/laahi Jaamac Ceel Afweyn
13 Aadan C/raxmaan Ahmed Caynabo
14 Moh'ed Nur Hussein Oodweyne
15 Ciise Cawaale Daahir Saylac
16 Sh. Cumar Hussein Abdi Xariirad
17 Moh'ed A/laahi Moh'ed Widhwidh
17 Saalax Dubad Dhiif Xudun
19 Siciid Aadan Jama Boon

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Dhacdooyin

Telesom oo tababaro siisay


shaqaalaheeda gobolada Somaliland
T ababarada shaqaaluhu waxa uu ka mid yahay waxyaa-
baha Telesom ay ku noqotay hormoodka adeegyada
isgaadhsiinta dalka. Sida ku cad ujeedooyinka waaxda
shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda Telesom waxa ka go’an
in la tayeeyo shaqaalaha iyo oo la siinayo tababaro kor loogu
qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda si ay shaqadu u noqoto
mid habsami ah, macaamiisha iyo dadweynaha ay shirkaddu
u adeegtana uga haqab-beelaan baahiyahooda gaarka ah oo
ay ku ladhan tahay daryeel iyo danayn ka timaada
shaqaalaha.
Iyada oo shirkaddu arrintaas ka duulaysa ayaa xafiiska
shaqada iyo shaqaaluhu go’aansaday in tababaradda lagu
tayaynayo shaqaalaha aan lagu koobin xarunta guud ee
shirkadda oo ah Hargeisa ee si isku mid ah loogu baahiyo
dhammaan shaqaalaha shirkadda ee ku kala filiqsan guud
ahaan dalka. Haddaba horaantii bishii April ayaa xafiiska
helay ugu sii gudbiyaan shaqaalaha kale ee gobolada iyo deg-
shaqaada iyo shaqaaluhu waxa uu soo xulay koox taba-
mooyinka ay ka yimaadeen.
barayaal ah oo kala tirsan waaxaha shaqada iyo shaqaalaha
Tababarkan oo socoday 9kii ilaa 14 bishii April, 2011 waxa
(HRD), Iibka (Sales), ZAAD iyo Suuqgeynta & Xidhiidka dad-
lagu qabtay magaaliiyinka Burco iyo Borama, mas’uuliyiin iyo
weynaha (MPR), kuwaas oo loogu talogalay in ay bixiyaan
shaqaale ka qaybgalay iyo magaalooyinkii ay ka kala yi-
duruusta kala ah; Marketing & Communications, Branding,
maadeen waxa ay kala ahaayeen:
Telesom Services and Features, customer care and complain
Tababarka 1aad – Xarumaha Bariga,
handling, ZAAD policy and procedures, ZAAD customer care
1. Maxamed Cabdi Faarax, Berbera
applications, GSM & SIM problems solutions, Sales Applica-
2. Axmed Cismaan Axmed, Sheekh
tions and reporting systems iyo Report writing layout.
3. C/samad Muxumed Axmed, Oodweyne
Tababarkan oo loogu wanqalay ‘Kor u qaadida adeegyada
4. Siciid Maygaag Kaneec, Caynabo
shirkadda iyo daryeelka macmiilka’, halkudhigna looga dhi-
5. C/raxmaan Faarax Boos, Buuhoodle
gay ‘U adeegsita macmiilka oo tayo leh, waa furaha macmiil
6. Cismaan C/laahi Jaamac, Ceel-Afweyn
daacad ah’ waxa la isla qaatay in uu noqdo TABABARKA
7. C/raxmaan Xuseen Maxamed, Ceerigaabo
TABARAYAASHA (TOT), si shaqaalihii tababarkaas fursada u
8. Maxamed C/laahi Maxamed, Widhwidh
9. C/raxmaan Axmed Xasan, Laascaanood
10. Siciid X. Cismaan Maxamed, Burco
11. Keyse Maxamed Cabdi, Burco
12. Faarax Jaamac Guuleed, Burco
13. Cabdiraxmaan Cali Cilmi, Burco
Tababarka 2aad – Xarumaha Galbeedka
14. C/rashiid Axmed Ibraahim, Arabsiyo
15. Maxamed Dayib Aw Cali, Gabiley
16. Axmed Aadan Jibriil, Wajaale
17. Sakariyo Abiib Aw Aadan, Boon
18. Cismaan Cabdi Muuse, Xariirad
19. Axmed Aadan Jibriil, Saylac
20. Mukhtaar Xuseen Xasan, Lawyacado
21. Axmed Sh. Yuusuf Diiriye, Boorama
22. Deeq Cabdi Xasan, Boorama
23. Geedi Cismaan Nuur, Boorama

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Telesom oo tababaro siisay shaqaalaheeda
gobolada Somaliland
“Cilmigu bixinta wuu ku koraa la bak-
haylidana wuu ku ba’aa. Sidaas
24. Maxamed Ibraahim Gudi, Boorama
daraadeed, aqoontan aad
25. Mustafe Maxamed Daahir, Boorama
barateen waa in aad sii gud-
26. Siciid Daa’uud Cumar, Boorama
bisaan.” C/Qaadir Aadam Nuur,
27. C/raxmaan Maxamuud Jaamac, Boorama.
maamulaha Telesom Borama.
Furitaankii iyo xidhitaankii tababarka
“Waxa isku keen xidhay Islaani-
gobolada bariga iyo galbeedkaba
madda ka sakow waa aqoonsiga
waxa ibo-bixiyay maamulayaasha
Telesom (identity).” C/Raxmaan
Burco Maxamuud Xaaji Ibraahim
Aadan Shire, guddoomiyaha taba-
iyo Borama Cabdiqaadir Aadan
barayaasha ahna Madax ZAAD Ser-
Nuur, iyo guddoomiyihii taba-
vice.
barayaasha C/Raxmaan Aadan
Maamulaha Telesom
Shire, hadaladoodina waxa ka
mid ahaa: Borama: Cabdiqaadir
Magacyada shaqaalihii tababarka Aadan Nuur
“Odhaahdaydu waa duco,
Waa eray dardaarana,
Awal ha ii horaysee, Maamulaha Telesom
Alla mahadii weeyaan,
Cirku waa il wacan yahay, Burco: Maxamuud
Eebbaa roobka noo shubi, Xaaji Ibraahim
Inamada la soo diray,
Agnaan baan wax sheegine,
Waa akhyaartii Telesom,
Waa wada aqoon yahan,
Amaan bay mutaysteen,

Ardayduna sidaan qabo,


bixinayay:
Abaalkeeda way gudi,
1. C/Raxmaan Aadan Shire, Waaxda ZAAD Service.
Aqoontay gudbinayaan” Maxamuud Xaaji Ibraahim, maamu-
2. Cali Cabdiraman, waaxda Iibka
laha Telesom Burco.
3. Maxamuud Khaliif, waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
4. Mustafe Adam, waaxda Suuqgeynta iyo xidhiidhka
dadweynaha.

Xarunta Telesom ee Burco Xarunta Telesom ee Borama

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Dhacdooyin

“TELESOM WAXA AY NOQOTAY MEEL


LA MAJEERTO”

T elesom bulshada Somaliland waxa ay


kaga jirtaa kaalin mugleh, haddii ay no-
qoto dhinaca dhaqaalaha, shaqo-
abuurista, hirgelinta tiknooliyadda casriga ah,
dhiirigelinta iyo maalgelinta aqoonta, caafi-
cood kaga guulaysteen dhigoodda dugsiga sare
ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood
oo ay isugu soo hadheen gebogabadiisii, ku-
waas oo 3 dhibcood keensaday. Waxaanna
kaalmaha saddexaad iyo afraad kala galay dug-
hooda dugsiga Muuse Yuusuf kadib markii ay
ku guryo noqdeen magaaladda Laascaanood,
isaga oo shahaado sharafyo iyo hadiyado qaali
ah oo ay ka mid yihiin mobiles guddoonsiiyay.
maadka, waddooyinka iwm. Iyada oo shirkaddu siyada Faarax Oomaar iyo Maxamuud Axmed Tartanka oo dhawr maalmood socday waxa soo
kaga qaybqaadata arrimahaas dhaqaale maali- Cali. gunaanaday Marwada 1aad Somaliland Aamina
yadeed iyo mid arrinba, taasina waa waxyaa- -waris Sheekh Maxamed oo hambalyeysay
baha Telesom ka dhigay meel la majeerto. Waxa xusid mudan in maamulaha dugsiyadda
hablaha dugsiga Nuuradiin ee tartanka ku guu-
Nuuradiin mudane Mahad Ibraahim ugu ma-
laystay iyo guud ahaan ardaydii kale ee ka
Tusaale ka mid ah waxyaabaha Telesom lagaga hadnaqay ardayda dugsigiisa ka tirsan ee
qaybgashay.
majeertay, waxa ka mid ah tartan aqooneed ay guushaas soo hooyey, isagoo ku dhawaaqay
shirkaddu sannad walba bisha ramadaan ee inay silsilado dahab ugu abaalgudayo saddexda
barakaysan u qabto da’yarta, gaar ahaan ar- hablood ee dugsiga Nuuradiin
dayda dugsiyadda sare, jaamacaddaha iyo mataleyey oo kala ahaa Samiira
degmooyinka, ayaa bishii January, 2011 Maxamed Ismaaciil, Muwaahib
hay’adda waxbarashadda ee African Educa- Sheekh Aadam (Aadan-siiro) iyo
tional Trust iyada oo adeegsanaysa qalabkii iyo Aasiya Maxamed Ayuub iyo labadii
hal-abuurnimadii shaqaalah iyo maamulka hablood ee dugsiga Muuse Yuusuf
Telesom waxa ay kedis aqooneed u qabatay matalayayba.
ardayda hablaha ah ee dugsiyada sare, gaar
ahaan 16-dugsi oo ku kala yaala Gobolada Sidoo kale, maamulaha shirkadda
Somaliland. Telesom ee magaaladda
Laacaanood mudane, C/Risaaq
Tartankaas oo si habsami ah u dhacay waxa Axmed Warsame oo ay hablaha
gabogabadii kaalinta kowaad ku guulaystay dugsiga Muuse Yuusuf ka socdeen
Dugsiga sare ee Nuuradiin ee caasimadda Har- ayaa si heersare ah u soo
geysa, kadib markii hablihii ka socday 5 dhib- dhaweeyay hablaha iyo maamula-

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Shirkadda TELESOM oo qalab ugu deeqday
Jaamacadda Tima-cadde ee Gabiley

S
shirkadda Telesom uga ma-
hirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, hadceliyay qalabkaa ay ugu
ayaa 26, April 2011 qalab ka kooban deeqday Jaamacadda Gabiley.
Kambuyuutaro iyo mishiin wayn oo
“Anigoo ku hadlaya magaca
nooca dabka dhaliya 20KVA ugu deeqday maamulka, ka macalimiinta iyo
Jaamacadda Timo-cadde ee ardayda jaamacadda Tima-
Munaasibad loo sameeyay wareejinta de- cadde, waxaanu balanqaaday-
eqdaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacaddaas, naa in qalabkaas waxbarasho
waxa ka qaybgalay maamulka gobolka Ga- ee ay shirkadda Telesom
biley, masuuliyiin ka socday Telesom, maa- noogu deeqday in aanu sida
mulka iyo ardayda Jaamacadda Timo-cadde ugu haboon uga faa’iidaysano
iyo martisharaf kale. haddii Alle yidhaahdo, mar
labaad iyo mar saddexaadba
Guddoomiyaha Jaamacadda Tima-cadde Dr.
waanu u mahadnaqaynaa
Cismaan Aw Yuusuf Magan oo hadal ka
shirkadda Telesom,
jeediyay munaasibaddaas, waxa uu ka
waxaananu leenahay Illaahay
waramay baahida ay u qabeen deeqdaas
ha idinka abaalmariyo, haw-
qalabka ah ee la guddoonsiiyay, wuxuuna
shana halkaa ka sii wada,”
shirkadda Telesom ku amaanay sida hagar
ayuu raaciyay Dr. Magan.
la’aanta ah ee ay uga qayb qaadato horu-
marka Somaliland. “Qalabkan shirkadda Maxamed Isaaq Cilmi oo ah
Telesom ugu deeqday Jaamacadda Tima- madaxa Suuq-gaynta iyo
cadde, waxa uu ka kooban yahay 10 Com- xidhiidhka dadwaynaha u
puter iyo hal mishiin oo dab-dhaliye ah. qaabilsan shirkadda Telesom
Shirkadda Telesom waa shirkaddii ugu oo hadal ka jeediyay munaasi-
horaysay ee noogu deeqda qalab waxba- baddaas, waxa uu sheegay in shirkad ahaan jiraan shaqaale tiro badan oo ka soo jeeda
rasho, waxaana hubaal ah inay baahida ay diyaar u yihiin inay mar kasta gacan ka bulshada degaankaas, kuwaas oo hawl-
Jaamacadda qayb wayn ka dabooli doonaan gaystaan adeegyada arrimaha bulshada, isla wadeeno ka ah qaybaha shirkaddu ku
qalabkaasi. Waxaan aaminsanahay in markaana ay shirkad ahaan ka go’an tahay in leedahay gobolka Gabiley. “Runtii dadka
shirkadda Telesom horumar balaadhan ka wixii ay helaan qayb ku soo celiyaan bul- gobolkan waxa ka soo jeeda ama uu ka mid
gaadhay dhinaca Isgaadhsiinta. Waxa kale oo shada, isla markaana ay xoojiyaan adeegyada yahay kuwa ugu badan ee leh shirkadda
aynu ognahay inay shirkadda Telesom ay cusub ee bulshada reer Somaliland u sahlaya Telesom, dad Gabiley ka maalgashaday, dad
markasta mashaariicda horumarinta ee wa- nolol-maalmeedkooda. “Runtii anaga waxa Wajaale ka maalgashaday iyo kuwo badan
danka si hagar la’aan ah uga qaybqaadato,” farxad aad u wayn noo ah goobtii ugu mud- oo Hargeysa ka maalgashaday, weliba
ayuu yidhi guddoomiyuhu. Wuxuuna nayd dalka oo aanu maanta Jaamacadda ku waxaan ogahay qaar ka mid ah ganacsatada
guddonsiinay 10 Computer iyo ugu waawayn ee ka soo jeeda gobolkani in
mishiin wayn oo ah 20KVA shirkadan ay qayb ka yihiin oo dadka han-
ah….Anaga shirkad ahaan reer tiileyaasha ah ayay ka mid yihiin…Runtii
Gabiley waxa naga dhexaysa manfaca ay shirkaddani Somaliland u leeda-
wada-shaqayn waqtigii hay wuu badan yahay.”
shirkaddu soo degaysay iyo ilaa
maanta oo aynu shaqada wada Mas’uuliyiintii kale ee goobtaas ka hadlay
waxa ka mid ahaa Badhasaab ku-xigeenka
hayno, waananu idiinka mahad-
gobolka Gabiley mudane Cali Cabdi Cabdi-
celinaynaa,” ayuu yidhi Max-
laahi, Jiif Caaqil Cabdi Ciidle iyo Caaqil Aw
amed Isaaq. Wuxuuna intaa ku Ciise oo dhammaantood shirkadda Tele-
daray, in adeegyada shirkaddu som uga mahad celiyay qalabka ay ugu de-
bulshada u fidiso ka sokow, ay eqday Jaamacadda Tima-cadde.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Dhacdooyin

"Abaqaalka midhuhu waa aayaha Mustaqbalka" way


kaga dhabaysay ka dib markii ay muddo afar sanno ah
ay soo sidee fac firfircooni dadnimo iyo dedaal ar-
daynimo isku darsaday, doortay tayada ee aan tirada
daba ordin, facaasi oo ay jaamacaddu u sii diyaarisay
Mastertooda oo ay bixinayso, jaamacad ka mid
jaamacadaha adduunka ugu horreeya waana
Jaamacadda OUM(Open University of Malaysia).
Jaamacadda Geesku waa jaamacad jaad gooni ku ah
Shahaadooyin sare, manhaj tayo sare leh, iyo macalin
mudakariin ah, wakhtiguna wuu sheegi doonaa,
qalinkuna wuu qori doonaa, ardayduna way u aayi
doontaa, laakiin waa dadka doonaya inay
mustaqbalkooda ka dhigaan mid meel mar ah ee aan
doonayn shahaado degdeg ah”, maamulka
jaamacadda Geeska.

W aa dareen farxad iyo raynrayn leh, waa


dareen qofka qalinjabinaya qiimo gaar ah
u leh, waalidkiisana naruuro galinaysa,
cidkastoo taageero ka gaysatayna ay la farxayso
markay arkaan midhihii ay beereen oo baxay misna
Jaamacadda Hargeysa:
Sidoo kale, shirkadda Telesom waxa ay gacan wayn ka
gaysataa jaamacadaha kale ee dalka iyada oo sannad
walba deeq lacageed iyo mid adeeg gaadhsiisa
jaamacadahaas. Tusaale ahaan sannadkan 2011 Tele-
bislaaday
som waxa ay jaamacadda Hargeisa ugu deeqday dhis-
Waxay ahayd 9kii October 2010 iyo hoolka Maansoor maha hool weyn oo kulliyadda IT-ga loo dhisayo,
halkaasi oo lagu qabtay xafladii qalinjabinta ee duf- maalgelinta barnaamijkii todobaadka dhaqanka
cadii ugu horraysay jaamacadda Geeska oo ay gacan (Cultural week).
weyn ka gaysatay shirkadda Telesom, ardaydii ka qal-
linjabisay waxa ay iskugu jiray saddex kulliyadood, Jaamacadda Golis:
Computer Science, Economic and Management Sci- Jaamacadda Golis xidhiidh joogto ah ayay la leedahay
ence, iyo Sharia and Law. Waxay u ahayd jaamacadda shirkadda Telesom. Guddoomiyaha guud ee
geeska maalin wayn oo ay sugaysay ardayda, maca- Jaamacadda Golis Prof. Siciid Axmed oo ka waramaya
limiinta iyo maamulkuba oo ah inay arkaan qalinjabin- xidhiidhka Telesom iyo tayada aqooneed ee
taasi. jaamacadda Golis ayaa waxa uu yidhi; “Haddii wadan
“Ugu horayn aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa la horumarinayo waa in afar qodob laga helaa wa-
shirkadda Telesom iyo maareeyaheeda Cabdikariim dankaas: inuu helo aqoon, inuu la soo baxo waxa uu
Maxamed Iid oo mar kasta oo aanu mashruuc ula cunayo, inuu helo aqoonyahan dhiska ah, iyo inuu
tagno aan maya na odhan,” Sh. Almis Xaaji Yaxye, helo tiknoolajiyadda casriga ah iyo maamulkeeda.
guddoomiyaha Jaamacadda Geeska. Anaga oo afartaas ka duulayna ayaanu bilawnay
aasaaska kulliyadaha jaamacadda Golis oo ah guud
“Astaanta iyo halhaysta jaamacadda Geesku waa
ahaan qaar aan jaamacadaha kale haynin.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Muuqaalka maamulka Jaamacadda Admas oo qalabka Video Conferencing-ka kula xidhiidhaya ardaydooda Ceerigaabo

Jaamacadda Golis waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay yaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Aw
Jaamacadda caalamiga ah ee Ukraine. Arrimahaas Yuusuf Magan.
marka laga yimaado shirkadda kaliya ee dadaalkaas
Jaamacadda Admas:
nagu garab gashaa waa shirkadda Telesom oo had iyo
jeer nagu taageerta horumarka waxbarasho ee Inkasta oo sannadadii hore ay Telesom dhaqaale
Jaamacadda.” maaliyadeed ugu deeqday jaamacadda Admas, san-
nadkan Jaamacadda Admas waxa ay ku guulaysatay in
Jaamacadda Tima-cadde:
ay noqoto jaamacaddii ugu horaysay ee hab maqal
Jaamacadda Tima-cadde waa jaamacad curdin ah oo iyo muqaal ah (Video Conferencing) kula xidhiidhay
ka dhisan gobolka Gabiley, horumar laxaad lehna ku arday ka tirsan jaamacadda Admas oo degan gobolka
gaadhay muddo aad u kooban. Jaamacadda Tima- fog ee Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo, adeeggan oo
cadde waxa ay ka kooban tahay shan kulliyadood oo layaab ku noqday maamulka jaamacadda Admas
kala ah: kulliyadda waxbarashada (Education), kulli- waxa suurtogaliyay shirkadda Telesom.
yadda maamulka, maaraynta iyo dhaqaalaha (Business
Meelaha kale ee Telesom saddexdii bilood u dan-
& Economics), kulliyadda beeraha iyo deegaanka
beeyay sannadkan 2011 gacan maaliyadeed ka gaysa-
(Agriculture & Environment) iyo kulliyadda IT-ga.
tay wax ka mid ah:
Telesom waxa ay jaamacadda ugu deeqday qalab qii-
1. Dhakhtarka guud ee Gabiley $2000
mahoodu dhan yahay $10,000, kuwaas oo kala ah
2. Laba waddo Jigjiga yar $6000
Computers, iyo Engine weyn oo loogu tallogalay koron-
3. Jaamacadda Timacadde Gabiley $10,000
tadda Jaamacadda.
4. Hay’adda Candle light $4000
“Telesom waa shirkaddii ugu horaysay ee Jaamacadda 5. Dugsiga Sare Sh. Ibraahim, Burco, $3800
Tima-cadde oo ah jaamacad cusub iyo dhakhatarka 6. Dawladda Hoose Baligubadle 1,200
guud ee Gabiley soo gaadhsiisa dhaqaale, waanu ugu 7. Jaamacadda Hargeisa, Culture week $2,500
mahad naqaynaa maamulka shirkadda,” guddoomi- 8. Dugsiga Hawd, Buuhoodle $500 iwm.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Baro mid ka mid ah hormuudka
Shaqaalaha Telesom
Akhriste, waxa qormadeenii “Baro Mid ka mid ah hor- Dhinaca waxbarashada
muudka shaqaalaha Telesom, inoogu marti ah Mukhtaar dadban, Mukhtaar waxa
Maxamed Muxumed oo ka mid ah shaqaalaha xarunta uu machadka SITCO Col-
dhexe ee Telesom, gaar ahaan Waaxda Internet-ka lege Diploma-da kaga
qaatay culuunta Is- Mukhtaar Maxamed
Mukhtaar Maxamed Muxumed waxa uu sannadkii 1985 ku ticmaalka Computer-ka
dhashay magaalada Baligubadle. Mukhtaar waxa uu waxba- (Computer Applications)
rashadiisa dugsiga hoose/dhexe ku qaatay Dugsiga Axmed 2008. Waxa uu Star Computer College ka bartay isla cu-
Guray ee magaalada Hargeysa. Dugsiga sarena waxa uu ku luunta la xidhiidha technology-ga gaar ahaan, Computer
dhamaystay Dugsiga Sare ee AlJazeera. Hadda ayuu Muk- Hardware Installation and Troubleshooting, Networking,
htaar arday ka yahay Jaamacada Admas (Admas University Database Management (SQL), iyo Microsoft Visual Basic
College) gaar ahaan Kuliyaga ICT-ga. Programming.
Shirkada telesom waxa uu ku soo biiray sanadkii 2007 bi- Tababarada uu qaatay mukhtaar aad ayay u badan yihiin
lawgiisii halkaas oo uu ka mid noqday shaqaalada Telesom waxaa ka mid ah tababarka ZXDSL FSAP 9800 DSLAM level-B
qaybta landline. Bilowgii 2010 waxa uu u wareegay waaxda for Telesom technical engineer, tababarka dhinaca L/line-ka
ISP Internetka ee shirkad oo uu ilaa hadda ka shaqeeyo. ah oo ku saabsan dhinaca farsamada ah (Technical solu-
tions), Tababar la xidhiidha cables telephone waxaana
Mukhtaar waxa uu ka mid yahay shaqaalaha had iyo good awooda la saarayay: Distinguishing of secondary and pri-
ku dedaala waxbarashada, waxanu wakhtigiisa firaaqada ah mary cable and color bindings; Cable constructions and
ku dadaalaa in uu barto aqoon guud iyo mid gaar ahaaneed classification of cable colors; Installing cables to CCP and
oo la xidhiidha shaqadiisa. crone mounting.

TAARIIKHDA WAXBARASHO

2009 to Hadda Jaamacadda Admas, Kulliyadda ICT


2010—2010 September – October, Culuunta IT-ga ZXR10 Level-B data network for Telesom technical engineer.
2010—2010 October 1 – october15 Culuunta IT-ga ZXDSL FSAP 9800 DSLAM level-B for Telesom technical engineer
2008---2008 Culuunta IT-ga, Star Computer Center
Computer hardware installations and troubleshooting
Networking
Database management (SQL)
Microsoft visual basic programming
2004---2005 Diploma of computer proficiency, Sitco College, Hargeisa (MS Dos, Microsoft word, Excel Access and
Microsoft PowerPoint).
2007—2008 Shahaadada dugsiga sare, Aljazeera
2008—2008 Tababar ku saabsan telephone cables:
Distinguishing of secondary and primary cable and color bindings
Cable constructions and classification of cable colors
Installing cables to CCP and crone mounting
2007—2007 April- may duruus ku saabsan cilad saaridda line-ka iyo daryeelka macmiilka (landline technical solution and Cos-
tumer care).
2004—2005 Barashada Luuqadda Ingiriisiga, Noradin
ABAALMARINIHII UU KASBADAY

2008—2009 Shaqaalihii ugu wanaagsanaa waaxda Landline-ka sannadkii 2008 (Certificate of performance achieve-
ment in recognition of best Employee of the year in the Telesom L/line Department of the Company’s
2008 staff performance appraisal).
2009—2010 Darajada A ayuu ku guulaystay sannadkii 2009 (Certificate of appreciation in recognition for his out-
standing Performance of the year 2009 at Telesom Company).
Gebogebadii Mukhtaar oo kaliya maaha shaqaalaha kor u qaaday Aqoontooda, Xirfadooda & Horumarkooda shaqo ee waxaa
jira Shaqaale badan oo aanu mid mid ugu soo qaadan doono tirsiyada soo socda ee majalada Telesom.
Waxa diyaariyay xafiiska HRM-ka

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe)

M ooyuhu wuxu ka mid yahay agabka ugu mudan ee ay dadka


Soomaaliyeed meel ay joogaanba u adeegsadaan nolol-
maalmeedkooda joogtada ah. Waa agab miyi iyo magaalaba aan
looga maarmin nolosha. Mooyaha iyo tibtuba waa agab ay adag tahay in la sar-
gooyaa waqtiyadii ama xilliyadii ay ku soo biireen nolosha dadka Soomaaliyeed,
waxa se la garan karaa in tan iyo maalintii quudashada midhuhu ku soo biirtay
nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed ay mooyaha iyo tibtuna la kowsadeen.
Wixii intaa ka horreeyay dadka Soomaaliyeed waxay u badnaayeen xoolo-
raacato cadka iyo caanuhu ay u ahaayeen mudanka waxa ay quutaan. Haddii ay
labadaa wax u dheeraayeen waxa u soo raaci jiray quudashada midhaha oo xil-
liba xilligii ka horreeyay dhulku hodan ku ahaa.

“Mooyaha, Mooyaha iyo tibta oo aan kala hadhin waxa loo adeegsadaa tumista midhaha
kala geddisan ee la quuto oo ay saldhig u yihiin: hadhuudha, arabikhida, qamad-
inka iyo midhaha kale ee la beerto ee aan looga maarmin nolosha. Mooyaha iyo
Magacii, tibtuba waxa ay ka mid yihiin agabka aan laga keenin dibadda bal se laga qoro
dhirta dalka ka baxda.

Calaliye, Mooyaha inta badan waxa laga qoraa dhir faro badan oo geed-quwaaxu u mu-
dan yahay. Dhirta mooyaha laga qoro waxaynu ka soo qaadan karnaa: Lebiga,

Ciil-tire, Reydabka, Dheenta, Gobka, Yocobka iyo Jiica. Waxa kale oo laga qoraa Ga-
raska oo degaammada woqooyiga ka baxa. Mooyaha iyo tibtaba waxa qora dad
xirfad-yaqaan ah oo ku xeel-dheer farsamada qorista. Inta badan qorista
Tibahana, mooyaha waxa loo adeegsadaa qalab lagu qoro oo ay ka mid yihiin: gudimo,
dulmar, jubbi iyo xaallaafato oo intuba hawlo kala geddisan oo qorista la

Culus iyo, xidhiidha loo adeegsado. Gudimada oo laga yaabo in degaammada qaar looga
yaqaan gudin-quraar jarista iyo sargooyada hore ayaa loo adeegsadaa. Jubbida
oo aan mooyaha oo keliya loo adeegsan waxa inta badan lagu qoraa gudaha
Cabban baa, gaar ahaan hawlaha dhammaystirka iyo xaal-xaalka hoose oo gudaha u badan.
Xallaafatada qudheeda gudaha ayaa lagu simaa ama lagu sigib-tiraaba. Hawla-

La yidhaa, han qorista la xidhiidha ee aan mooyaha oo keliya ku ekeyn bal se agab badan
oo kale la wadaago waxa kale oo loo kala saaraa dul-qor iyo feedho-qor. Tibaha
dhirta laga gooyo ama laga qoro waxa ka mid ah: garaska iyo quudka.
Dumar-dhibe, Marka mooyaha iyo tibta hadhuudhka lagu tumayo, waxa weheliya hees-
hawleed u gaar ah oo ay hablaha wax ku tumayaa hawsha isku illowsiiyaan.
Ragga-dhaye, Maanso ahaan hees-hawleedka mooyuhu waxay ka mid tahay badaha ugu gaa-
ban badaha maansada Soomaaliyeed.

Dhimannaye, Haddii aynu tusaale gaaban ka soo qaadanno hees-hawleedkaa mooyaha, sow
ta tidhaahda:

Soo dhac,” “Mooyaha,


Magacii,
Calaliye,

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


AQOON

Zeko Sooc
Waa maxay Seko?
Mahad naqana waxaa ka mid ah in la bixiyo sekada ilaahay
ku waajibiyay maalka uu kuu dhiibay, sida loo bixinaayana
waxaa inoo cadaysay sunnada rasuulkeena suuban (KNNH).

Shuruuda ay ku waajibtaana waa sidan:

1. 1 – In ay gaadhaan xadka ay seko ka waajibto oo kala


Waa Qorme taxane ah oo aanu ka soo qaadanay buug yare ah sidan:
uu diyaariyay Suldaan Maxamed Xasan oo ka tirsan BOD  Geela waxaa ay ku waajibtaa markay tira-
-ka shirkadda, kaas oo uu ku diyaariyay noocyada zakada, diisu gaadho shan tuldood (neef) si buuxda u
habka loo bixiyo, maalka ay ku waajibto iyo wakhtiyada lahayd sannad kaamil ah,
la bixiyo.  Lo,du waxay seko goys ku noqotaa soddon
ormadani waa qaybtii 2aad neef (30).
 Adhiguna waxaa uu seko goys ku noqdaa
2- ALAABTA LAGA GANACSADO: afartan neef (40).
2. Waa sannad dhamaystiran ka soo wareego lahaan-
Waxaa culimada Islaamka intooda badani isku shaha maalkaas, iyada oo aynu ka duulayno odhaahdii
waafaqsanyihiin in badeecada laga ganacsado ay sekawdo nebigeena suuban oo ahayd :
marka ay sannad ku jirto gacanta ganacsadaha. ) )‫رواه الترمدي الزكاة فً مال حتى ٌحول علٍو الحول‬
Haddaba sidee ayaa loo sekeynayaa?
Waxaa loo sekeynayaa sidan: Marka uu soo galo waqtigii Waa inay xoolahaasi yihiin kuwa iskood u daaq taga san-
sekadu waxaa la qiimaynayaa alaabta taala meheradaada nadka intiisa badan oo aanay ahayn kuwo la raashimo,
iyada oo lagu qiimaynaayo sicirka ay subaxaa ka joogto waayo xoolaha la raashimo seko kama baxdo tiradoodu
suuqa haka sareeyo qiimihii ay markii hore joogtay ama intay doonto ha leegaatee iyo kuwa lagu shaqeeyo sida
ha hooseeyee, iyada oo wixii jumlad ah lagu qiimaynaayo kuwa beeraha lagu qodo oo kale. Sidoo kale, waa loo gay-
qiimaha jumlada, wixii tafaariiq ahna lagu qiimaynaayo nayaa maqasha ay xooluhu dhaleen oo waxaa lagu tirinayaa
qiimaha tafaariiqda, kadib waxaa loo geynayaa wixii xoolaha la sekaynaayo.
kaash ah ee uu hayo ganacsaduhu iyo daynta ka maqan ee
uu u aqoonsaday inay usoo noqonayso, dabadeed wuxuu 4 - Tirada laga bixinaaya nooc kasta waatan shaxdeedu
ka jarayaa daynta lagu leeyahay, wixii soo hadha ayaa Tirada uu ku sekoobo Geelu:
lagu dhufayaa 2.5% ama 2.575%. Marba taariikhda uu 1- 4 waxba kama baxaan.
seko bixiyuhu tirsanaayo mida islaamka (qamariga iyo 5—9 waxaa ka baxaaya neef adhi ah oo sannad jir ah.
miilaadiga). Sidaas ayay noqonaysaa habka sekada badee- 10—14 waxaa ka baxaaya labo neef oo adhi ah.
cadu. 15—19 waxaa ka baxaaya saddex neef oo adhi ah.
20—24 waxaa ka baxaaya afar neef oo adhi ah.
3 - HABKA SEKAYNTA XOOLAHA NOOL: 25—35 waxaa ka baxaaya nirig geel ah oo laba jir sanaysa.
Sida aynu wada ognahay waxaa ilaahay ku waajibiyay 36—45 waxaa ka baxaaya qaalin dhadig oo saddex jir-
maalka aynu haysano ee noolaha ah seko la siinaayo cid sanaysa.
ilaahay ku magacaabay kitaabkiisa kariimka ah iyo sun- 46—60-waxaa ka baxaaya qaalin dhadig oo afar jirsanaysa.
nada rasuulkaba, KNNHA maalkuna waa nimco ilaahay 61—75 waxaa ka baxaaya qaalin dhadig oo shan jirsanaysa.
uu siiyay adoomihisa kuna eegaayo sida ay ugu mahad- 76—90-waxaa ka baxaaya laba qaalmood oo saddex jir-
naqaan allihii siiyay waxaana alle ku yidhi kitaabkiisa: sanaaya.
91—120-waxaa ka baxaaya laba qaalmood oo afar jir-
)‫أولم يرو أنا خلقنالهم م ّماعملت أيدينا أنعاما فهم لها مالكىن‬ sanaaya.
.‫وذل ّلناها لهم فمنها ركىبهم ومنها يأكلىن‬ Intaa wixii ka danbeeya waxaad ka bixinaysaa 50-kii
. )‫ولهم فيها منافع ومشارب أفاليشكرون‬ kastaba qaalin afar jirsanaysa, 40kii kastana qaalin saddex
73& 71 ‫يس أية‬ jirsanaysa, sidaas ayaa loo wadayaa sekada geela markasta.

Ka Eeg Bogga 15aad

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Zeko Sooc
Waa maxay Seko?
Tirada ay lo,da kaga baxayso waa sidan:
1—29-waxba lagama bixiyo oo seko kuma waajibin.
30—39 waxaa ka baxaaya neef lo, ah oo labo jirsanaaya
dibi ama weyl midkuu doono ha ahaadee.
40—59 waxaa ka baxaaya qaalin dhadig oo saddex jir-
sanaysa.
60—79 waxaa ka baxaaya laba neef oo dhadig ama lab ah
oo laba jirsanaaya .
70—89 waxaa ka baxaaya laba neef oo kala ah dibi yar oo
laba jirsanaaya iyo qaalin saddex jirsanaysa .
Intaa dabadeed waxaad ka bixinaysaa soddonkii kasta neef
laba jirsanaaya, afartankii kastana neef saddex jirsanaaya,
adigoo raacaaya hadalkii nebigeena suuban:
( ،‫ وفً كلّ أربعٍن مسنت ) رواه أبوداؤود والترمدي‬، ‫فًٍ كلّ ثالثٍن تبٍع‬
.‫وصححو ابن حبان والحاكم‬

Tirada uu adhigu ku sekoobo:


Waxaa adhigu ku sekoobaa tirada afartanka debed daaqa
ah ee sannadka dhamaysta waxaa ka baxayaana waa sidan:
1—39 waxba kama baxaan.
39—120 waxaa ka baxa neef dhadig oo aan ka yarayn
sannad
121- 200 waxaa ka baxaaya labo neef oo adhi ah.
201—300 waxaa ka baxa saddex neef oo adhi ah.
Haddii uu intaa ka bato waxaad raacaysaa dariiqada ah
100 neefba inaad ka bixiso neef adhiya, waxaana ay culi-
madu u shardiyaan in adhigaasi uu sannadka oo dhan ama
inta badan ee sannadka daaq tag ku noolaa ee aan la
raashimayn (caws loodhigayn).

Fiiro gaar ah:

Wixii xoolo nool ah ee dad isugu jara mudada ay ku se-


koobaan oo sannad ah way isku sekoobaan oo ma banaana
in la kala soocaa marka ay sekadu soo gelayso, iyada oo
lagala cararaayo in seko laga bixiyo dadka wada lihina
waxay u qaybsanayaan sida ay u kala xoolo badan yihiin,
tusaale ahaan: haddii laba qof ay wada leeyihiin adhi dhan
120, oo mid leeyahay 80 neef midna leeyahay 40 neef,
waxaa loo qaybinayaa saddex meelood, dabadeed ninkii
lahaa 40 ka neef wuxuu celinayaa qiimaha saddex mee-
lood meel ahaan, waa marka neefka sekada ahi uu bixiyay
ninka leh 80ka neef, haddii kalena waxaa loo rogayaa
xaga kale.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad
CAAFIMAAD

Maxaad ka taqaanaa Tuugga qar-


soon ee Araga xada?! (G A L A U C O M A)
G laucoma ama cudurka biyaha
indhaha ku furma – waa
xanuun ama cudur indhaha
ku dhaca, kaas oo xidhiidh la leh,
markuu cadaadiska isha gudaheed
(Inter ocular pressure), uu kor aad
ugu kaco, taas oo sababta in
nafaqadii uu u baahnaa xididka araga
(Optic nerve), uu heli waayo, kadibna
ay dhacdo in xididka araga uu dhinto
(aragga lumo).
Xanuunka glaucoma (glaucomatous
process) waxa uu ka koobanyahay
saddex waxyaalood oo wada socda:
 In cadaadiska isha gudaheed
(high IOP) uu aad kor ugu kaco,
 Araga hareeraha oo luma
(peripheral or visual field lost) iyo
 Madaxa xididka araga oo kanaalo aad u yar yar oo ku yaala africaanka,Soomaalida 90% noocan
dhaawac gaadho (cupping Optic xagasha caloosha isha (anterior ayaa ku dhaca.
disc). chamber angle), qofka marka uu da,a 2-Glaucoma xagal xiran –(clause an-
Glaucoma waa cudurka labaad ee dhexaad gaadho, ama sababo kaleba gel glaucoma)- noocaan maadama uu
sababa indho la,aanta caalamka oo ha ahaatee, kanaaladaa ayaa qaar ka cadaadiska isha si dhakhso ah kor ugu
dhan, 15-20% dadka indha la,a oo mid ah xidhma, ama shaqadooda kaco, wuxuu leeyahay calaamado ay
dhan glaucoma ayaa sababay, si kale gaabiya, taasna waxay keentaa in ka mid yihiin, isha oo casaata, xanuun
hadaan u dhigno glaucoma wuxuu ku biyihii isha gudaheed ku xanibmaan, aad u culus, mararka qaar dhanjaf oo
dhacaa hal qof, labaddii boqol ee qof, oo sidaa caadiska isha kor ugu kaco, kale ah, taasi waxay bukaanku ku
ee da’adoodu ka weyn tahay 50 jir, oo xanuunka sidaa ku dhasho. kaliftaa in uu dhakhtar si deg deg ah u
dadka da,dooda ay ka weyn tahay raadsado, noocaan wuxuu ku dhacaa
80jirna, tobankii qofba qof buu ku Glaucoma afar nooc ayaa ugu mu- asiyaanka(Asian) indho yarta,
dhacaa. hiimsan: 3-Glaucoma caruurtu ay ku dhashaan
1-Glaucoma xagal furan –(Open angel ama bilaha ugu horeeya ku dhaca
Isha qeybteeda hore biyo ayaa ku jira, glaucoma) badanaaba wax calaamad (Congenital glaucoma) –
oo halkaas ku samaysma, 2-3mm ah ma laha ilaa uu xanuunku meel fog calaamadahiis waxaa ka mid ah, ind-
ayaa daqiiqadii samaysma, intaa in la gaadho, ama araga uu lumo, haha oo aad u waynaada
mid ah, ayaa daqiiqadii dib ugu laabta wuxuuna ku dhacaa dadka madow, (buphtalmos), waxaana aad muhiim u
dhiigwareega, ayagoo maraya ah, noocaan in dhakhso loo ogaado,
qaliinna dhakhso loogu sameeyo.
4-Secondry glaucoma – oo ah il
dhaawac ama infection horey ugu
dhacay, ama caadka (cataract) uu aad
ugu raagey, kadibna xanuunkii hore
uu sabab u noqdo glaucoma. .

Yaa halis ugu jira in uu ku dhaco


xanuunka glaucoma?-(Risk factors)

Ka Eeg Bogga 18aad

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


CAAFIMAAD

Maxaad ka taqaanaa Tuugga qarsoon


ee Araga xada?! (G A L A U C O M A)
wax calaamad ah, ama wax xanuun Xanuunka glaucoma lama bogsiink-
Waxaad halis u tahay xanuunka glau- ah oo qofku dareemi karo, kuna kalifi aro, wixii dhaawac ah ama waxyeelo
coma: kara in uu dhakhtar indhaha raad- ah ee gaadhay xididka araga, ama
 Haddii aad leedahay qof qoyska sado, waana taa sababta aan ugu aragii intii hore u luntay lama soo
ka mid ah oo qaba xanuunka magacownay tuug qarsoon, waxaa celin karo, laakiin marka bukaanka
Glaucoma ( sida labada waalid, jira halqabsi soomaaliyeed oo odho- daaweyn loo bilaabo, cadaadiska isha
aweewe, ayeeyo iyo walaalo naya “Dhurwaaga ciyaaya iyo kan gudaheed ayaa la yarayn karaa, taasin
IWM) aamusan kee baa daran” halka er- waxay keenaysaa in waxyeeladdii ay
 Hadii aad qabtid sonkor/macaan, eyga dhurwaa waxaad ku bedeshaa halkaa ku hakato ama ku istaagto, oo
dhiig-kar, cuduradda wadnaha, tuug ama xanuunkan magaciis bukaanka loo badbaadiyo aragiisa
shaqo yaridda qanjirka qoorta waxaad halkaa ka helaysaa halista uu intii ka hadhsanayd ee aan weli
(hypothyroidism). xanuunkaan uu ku hayo ummad- dhaawacmin. taasi waxay na tusaysaa
 Haddii aragaaga fog aad u gaa- deena. in ay aad muhiim u tahay in xanuunka
ban yahay (nearsighted) Si halistaa loogu hortago waxaa loo marka uu bilow yahay, in la ogaado,
 Haddii isha dhaawac kaaga dha- baahan yahay, wacyigelin balaadhan, isla markaana bukaanka daaweyn loo
cay, laguu sameeyey qali- iyadoo la adeeg sanayo TV, bilaabo, taasina waxaa la gaadhi
taanadda indhaha, ama xanuun idaacadaha, jaraa’iidyada iyo joor- karaa oo keliya, marka qof kasta oo
infection isha ah, oo muddo naaladda, ama wadadii kale um- 40 sanno kur u dhaafay ugu yaraan
dheer ku hayey (chronic eye in- madda wax loogu sheegi karo. sannadkii mar uu maro baaritaan
flammation) Calaamadaha aan badnayn ee cudur indhaha, sidoo kale qof kasta oo ku
 Haddii da,daada ay kor u biyaha, waxa ka mid ah: jira liiska halista (Risk group) ee aan
dhaaftey 40, oo aad tahay  Aragga fog oo soo gaabta (Blurred kor ku soo sheegnay, waa inuu 6-dii
madow ama asian Vision), biloodba mar baadhitaan indhaha uu
 Haddii caadka (cataract) uu aad  Aragga dhinacyada oo luma maraa.
kuugu raago. (Visual Field Lost), ilaa uu ka no-
 Haddii aad qaadatid doowinka qdo mid dhuuban, sidii adigoo DAAWEYNTA (TREATMENT)
hormoonada (Steroits) laga tubo wax ku eegaysid oo kale Habka daaweynta cudurkan waxay
sameeyey muddo dheer. (Tunnel Vision). noqonaysaa sida tan:
 Giraamo iftiin ah oo ku  Daawo dhibco ah oo indhaha
Calaamadaha xanuunka glaucoma wareegasan wax yaabaha ifaya lagu dhibciyo iyo kaniino.
(Signs) (Halos around lights)  Qalliin ama layzer.
Sidaan horey iidiinku sheegnay,  Isha oo casaata, xanuun isha aad u  Qalliin iyo daawo wada socda.
xanuunka glaucoma, gaar ahaan kan daran,oo mararka qaar sida dhan-
soomaalida ku dhaca (90%), oo ah jaf noqon kara, lalabo iyo mataq
nooca glaucoma xagal furan, ma laha

-
h ak
d l
ah nha
id Ma
m
a sha an.
k
r a ad
q aa wlg rm
a a o
a lk a h ay q
qa a k riy
uu tiirt yaa
M a di
ha ee

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Deegaanka

A/qani Salieban /Candlelight

Geedka garanwaaga waa geed soo-galootiya oo ka yimid uu la kowsadaan tartan


dhul shisheeye asal ahaana ka soo jeeda Latiin-Ameerika, dhex-mara soo-galowga iyo dhirta kale ee deegaanka ku
magaciisa cilmiyeedna uu yahay “Prosopis Juliflora”, ka nool. Geedkani waxa uu
qalaadna uu yahay Mesquite. Dhawaaqa ereygan mid la
mid ah (maskiit) waxa u yaqaana bulshada ku nool tartan markiiba la galey dhirtii deegaanka ku nooleyd, gaar
nawaaxiga deegaanka Bullaxaar oo 135km waqooyi kaga ahaanna dhirta ay isku ayliga yihiin ee dhir-qodaxeedka
beegan Hargaysa. Daraasad geedka garanwaaga laga di- waaweyn sida Galoolka, Qudhaca, Maraaga iyo wixii la hal-
yaariyey oo ay sameysay hay’adda Candlelight ayaa lagu maala.
xaqiijiyey in Bullaxaar tahay goobtii ugu horeysay ee lagu Tartankan waa mid u dhaxeeya geedka Garanwaaga iyo
beeray geedka Garanwaaga (1950-kii) xilligii gumaysiga. dhirta kale, waana mid ku salaysan hab-nololeedka iyo la
Ujeeddada loogu beeray waxay ahayd in geedka garan- qabsiga bii`ada qarfaha ah sida ay ugu kala saamaxayso
waaga uu dugaal u noqdo dhir timireed lagu tijaabinayey labada dhinac ee tartanku ka dhaxeeyo.
goobtaa (Bulxaar).
Dhinaca dhirta deegaanka hore ugu taalay iyagu waa kuwo
Sidoo kale waxaa daraasadu sheegtay in sanadadii sid- cimilo ahaan la falgaley deegaanka, waxase dhinaca kale ee
deedtamaadkii (1980’s) lagu arkay xeryihii la dajiyey geedka Garanwaaga uu tartankiisu yahay in uu sii baro-
qaxootigii ka soo qaxay Itoobiya sida Biyo xidhkeenka, dhaafiyo dhinaca Adkaysi,Nolasha iyo Taranka, Waxaaney u
Sabacad, Agabar, iyo Laas-dhuure ayaa intii ka dambay- muuqataa in uu kaga guulaysanayo marka loo eego sadexdan
say xilligaa si wayn geedku ugu baahay dhulka ama arimood:
hareereeyey degsiimoyinka xeryahaa qaxootiga. Is-
1. Adkeysiga geedka Garanwaaga waxa uu fursad u
baahinta ama faafidda geedkan kuma koobna degsii-
haystaa in uu biyaha ka helo ubucda dhulka hoose ilaa
mooyinkaa qoxootiga ee aan soo magacowney ee waxa la
qaba intabadan dooxyada (Togaga) biyaha qaada hareera- 60 mitir ama ka badan, oo aaney dhirta kale fursad u
hooda oo si wayn geedkani ugu filiqsan yahay ilaa iyo haysan, taasina waxa ay sababaysaa in uu uga adkeysi
bato dhirta kale biyo la`aanta iyo abaaraha.
halka ay biyahaasi kaga darsamaan badda. Sababaha uu
geedkani u doortey in uu uga baxo dooxyada(Toga) 2. Nolasha geedka Garanwaaga waxa uu fursadda labaad
hareerahooda waxa ay tahay dabeecaddiisa oo ah in mee- ee uu haystaa ay tahay ku noolaanshiiyaha lama da-
laha biyaha leh ama isugu soo ururaan inuu xoog ugu gaanka (saxaraha) oo dhul ahaan ka qarfaysan
tarmo. deegaankeenna, taasina waxa ay u saamaxaysaa in
Sida caadada ah, wax kasta oo deegaan ku soo biira waxa Ka Eeg Bogga 20aad

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Deegaanka

tankoodu yaraado, Isla markaana ay le’daan dhirta wa-


dhirta bii`adeenna laga helo uu kaga nolol wanaag- daniga ah.
sanaado.
Sidaa awgeed, Daraasani waxa ay ka talo-bixisey hababka
3. Taranka geedka Garanwaaga waxaa kale ee uu fursad looga manaafacaadsan karo, ka dib markii la sameeyey
saddexaad u haystaa ay tahay abuurka (siidhka) ka soo badhitaan iyo la tashiyo bulshada reer miyiga ee ku nool
go`a ayaa ah mid goor walba laga heli karo inta badan, dhulka Geedkani ku habsadey. Talooyinka ay soo bandhi-
halka dhirta kale ee deegaankeenna laga helayo gatey daraasani waxa ka mida in in loo adeegsan karo Dhux-
abuurka xilliyo gaar ah. Taasina waxay ka qayb- usha,kaydka Calafka Xoolaha xilliyada abaarta, iyo inta
qaadanaysaa faafidda xoogga ah ee geedka. Waxaa badan waxayaabaha kale ee loo adeegsado dhirta kale ee
sidoo kale tarmidda geedkan Garanwaaga ka qayb wadani
qaata cunidda xoolaha ee midhaha geedka, marka
xooluhu ay cunaan midhaha ay soo maraan dheef-
shiidka caloosha xoolaha si deg-degsiimo leh ayaa
markiiba u abqaalma(Biqil) marka la barbar dhigo mid-
haha kale.
ka-manaafacaadsiga: Waxaa iyaduna meesha aan ka
maqneyn ka-manaafacaadsiga geedka Garanwaaga ayaan
looba adeegsan dhinacyada waxtarka uu ka leeyahay oo
keentey in uu ka tirro bato dhirta kale oo iyagu aan laga
food-qaadin adeegsiga noocyadooda kala duwan oo culays
baaxa weyn ku ah, taasina waxa ay sababaysaa in tar-

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad
ADEEGYADA

BARO QAAR KA MID AH ADEEGYADA TELESOM

Mysms waa barnaamij casri ah oo macaamiisha, gaar ahaan


Waa adeeg kuu suurtogelinaya in aad Moobilka Telesom ka
ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo hay’addaha u
raadin karto macnaha Af Soomaaliga ee tarjumada ereyada
fududaynaya in ay macaamiishooda iyo shaqaalahooda u
wada diri karaan fariimo mar kaliya, iyaga oo isticmaalaya Ingiriisiga. Ereyada qaamuuska waxa iska leh oo macnaha
hab casri ah (web interface). Qiimaha adeeggani waa $0.05 ururiyay Sahal Dictionary. Moobilkaaga qaybta farriimaha
per message/hit. waxaad ku qortaa labada xaraf ee EN, dabadeedna raaci
Faa’iidooynka adeegga Mysms ereyga aad doonayso in aad macnihiisa af-soomaaliga
 Si fudud ayaad u isticmaali kartaa hesho. Tusaale: SOO QOR en peace
 Magaca meherada ayay fariintu ku baxaysaa
DABADEEDNA U DIR NAMBARKA 150
 Macaamiil badan ayaad mar kaliya u diri kartaa fariinta
 Macmiil kaliya aad u diri kartaa Waxaad heli doontaa macnaha tarjumada Ereyga Peace iyo
 Fariimaha joogtada ah meel gaar ah ayaad ku kaydsan kuwo kale oo la xidhiidha ereygaas. Waana sidan:
kartaa, sida ‘CIID MUBAARIK’ Peace (n) – nabad, nabad-qabid (xasilooni)
 Si fudud ayaad u ogaan kartaa fariintii aad dirtay in ay
gaadhay cidii aad u dirtay
 Waxaad u isticmaali kartaa Suugqeyn Marketing
 Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa daryeelka ma-
caamiisha (Customer Service/Care). Waa adeeg u sahlaya macaamiisha in ay waddamada
Talaabooyinka Isticmaalka Mysms: Djibouti iyo Maraykanka ku isticmaali karaan Simcard-
 Booqo xarumaha Iibka Telesom ka Telesom. Dhawaan sim-card-ka Telesom waxa uu
 Buuxi Foomka Codsiga
ku shaqayn doonaa guud ahaan daafaha dunida,
 Bixi $20 oo diwaangelinta ah
 Ku shubasho ugu yaraan $5 oo u dhiganta 100 farrii- haddii Alle ogolaado.
mood (SMS) Faa‟iidooyinka Roaming-ka:
 Macmiilku waa inuu leeyahay email Account. 1. Xidhiidhkii Gudaha iyo Dibadda oo aan kala go’ayn
Abuurista Mysms Account 2. Telefoonadii kuugu jiray simcard-ka Telesom oo
 Booqo web-ka https://mysmstelesom.com
sidoodii ahaanaya
 Dooro Create Account
3. Telefoon kale uma baahanaysid wakhtiga aad
 Buuxi Foomka soo baxa
 Dooro Register joogto wadamadaas
 Dabadeed fur Email-kaaga, dooro Linkiga Activate 4. Wakhtigii aad ku raadsan lahayn sim-card cusub
 Dabadeed la xidhiidh Xarunta Saleska si ay kuugu ogo- oo ku badhxaya
laadaan inaad isticmaashid, lacagtana kuugu shubaan. 5. Qoyskaagii iyo Qaraabadaadii oo si toos ah aad u
wada xidhiidhaysaan.

Waa adeeg u sahlaya dad isku group ah in ay ku wada


hadlaan qiime 20% ka jaban ka ay macmiilka kale ku wada
hadlaan. Adeegan waxa loogu talogalay in loo sameeyo
Hay’addaha iyo shirkadaha ay ugu yaran ka shaqeeyaan
20 qof, sida:
1. Hay’adaha Caalmiga ah/Maxaliga ah
2. Ganacsatada waaweyn
3. Goobaha waxbarashada
4. Hay’adaha dawlada iwm.
Haddaba, si aad adeegan u isticmaasho fadlan ka diwaan-
geli shaqaalahaaga xarumaha Iibka Telesom.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


BARO QAAR KA MID AH ADEEGYADA TELESOM

Si aad u isticmaasho adeeggan. Raac tallaabooy- Si aad u heshid Wararka Caalamka iyo kuwa
inkan: Dalka:
Si aad u ogaatid Qiimaha Allaab: Si aad u hesho wararka wargeysyada midkasta soo
Mobile-kaaga ku qor: Xarafka “F” adiga oo raaci-
naya allaabta magaceeda ama moodelkeeda sida qor xarfaha loo soo gaabiyay, una dir 150:
tusaale ahaan – “F NOKIA 3310” Jam – Jamhuuriya, HA – Haatuf, OG – Ogaal, GA –
Dabadeedna waxad SMS ku dirtaa numberka “555”. Geeska Afrika, MA – Maandeeq
Waxyar sug. Waxad heli doontaa jawaabta Qiimaha WARARKA DIBADDA
“Nokia 3310”
bbc – BBC, jzr – Aljazeera, Africa – Africa News,
Si aad u heshid Macluumaad Guud (General Infor- Sport – Sports News, Voa – Voice of America
mation): ASCAARTA & XOOLAHA OO AF-SOMALI AH
Mobile-kaaga ku qor xarafka “G” adiga oo raaci- Waxaad qortaa „SAR‟ si aad u hesho, macluumaad
naya macluuumaadka aad rabto, tusaale ahaan “G
ku saabsan: Sarifka Lacagaha qalaad ee dalka gudi-
The President of Somaliland”
Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” hiisa, Sayladda Xoolaha dalka iyo Badeecadaha
waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta magaca dalka gudihiisa.
madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Si aad u heshid Tarjumadda macnaha Erey:


Mobile-kaaga ku qor xarafka “D” adiga oo raaci-
naya ereyga aad macnihiisa doonayso, tusaale
ahaan “d incredible”
Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555”
waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta
macnaha ereyga “incredible”

Si aad u heshid saadaasha cimilada adduunka:


Mobile-kaaga ku qor xarafka “W” adiga oo raaci-
naya magaalada ama goobta aad cimiladeeda Si aad u dirto Email fadlan raac talaabooyinkan:
doonayso, tusaale ahaan “w Berbera” Marka hore message cusub furo kadibna ku qor
Dabadeedna waxaad SMS ku dirtaa numberka “555” Emailka loo diraha space durug kadibna qor fariintii
waxyar sug. Waxa aad heli doontaa jawaabta
aad dirayso, waxaanad u dirtaa number-ka 555. Intaa
saadaasha cimilada magaalada Berbera.
kadib qofkii aad Emailka u dirtay wuxuu Inbox-kiisa ka
Si aad u heshid Sarifka Lacagaha Caalamka: helayaa message-kii aad u dirtay.
Mobile-kaaga kuqor lacagaha aad doonayso in aad Tusaale:
isu beddesho sida “I Euro in USD” ama “1 Gbp in
To: 555
USD”. dabadeedna SMS message u dir “555”
Waxyar sug. Waxa aad helaysaa Qiimaha Isu bed- New message:
delka Lacagihii aad qortay. canana10@gmail.com,
Iga guddoon salaam gacaltooyo.

Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad


Telesom Newsletter, April –June 2011 , Tirsiga 11aad

You might also like