You are on page 1of 32

cont

Tusmo
Shirkadda Telesom oo Wacdaro ka Dhigtay
Carwadii 6-aad ee Ganacsiga Somaliland
Munaasibadii 11-aad ee Abaal-marinta
Shaqaalaha Shirkadda Telesom ee 2013
Shirkadda Telesom oo $ 7,000 oo Dollar
Ku Wareejisay Waddada Xaafada Jigjiga
Telesom oo Imtaxaan Ka Qaaday Shaqaale
Loo Qaadanayey Saleska iyo ZAAD-ka
Hagaaska Arragga & Hagaaga Daryeelka
Indhaha Ubadka
Shirkadda Teleosm oo $20,000 Ugu Deeqday
Dhismaha Waddada Isku Xidha Berbera iyo
Raari- buur
Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku
Cashariyey?
Tababaraddii Shaqaalaha Telesom La Siiyey
Adeega Xawaaladda Dibedda ZAAD Services
Maxaad Ka Taqaanaa Daara Salaam Baanka?
4
6
11
13
14
16
18
21
22
22
WEEDHA TIFATIRAHA
GUDIDA TIFATIRKA
M
arka hore waxaa Mahad balaadhan iska leh
Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin badan oo
aan la soo koobin karin. Naxariis iyo Nabad-
galyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee
inoo kala caddeeyey xaqqa iyo baadilka.
Intaas ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla
waddaagno cadadkii 19-aad ee Wargayska Shirkadda
Telesom. Wargayskan ayaa soo baxa Afartii biloodba hal
mar. Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan
doonaa warbixino ka warramaaya waxyaalihii ugu
dambeeyey ee shirkaddu qabatay, hadday noqon
lahayd; Barnaamijyadda Arrimaha Bulshada,
Caafmaadka, Adeegyadda cusub,
Arrimaha Islaamka, iwm.
Maxamed Ibrahim Cabdilahi
Tifatiraha Majaladda
Cabdisalan Ismaacil Nuur
Eng. Faarax Sugaal Guure
Cabdiwahaab Maax
Cadnan Daahir Muxumed
Maxamed Cabdi Ahmed (Darbo)
Telesom Salaam Tower,
Khairia Street,
Tel: +2522-522383/522409
Email: media@telesom.com
Email: telesommedi@gmail.com
www.telesom.net
Hargeisa Somaliland
Ka Qayb-galayaasha
1. Maxamed Xaashi Cabdilahi
2. Cabdisamad Yaasin X. Cali
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
4
H
argeysa - (02 Jan, 2014)
- Shirkadda Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom ayaa
wacdaro ka dhigtay bandhiga
Carwada 6-aad ee ganacsiga oo lagu
qabtay Hutel Gulleed ee
magaalada Hargeysa.
Telesom oo ah shirkad
looga bartay adeeg hufan
oo tayo leh isla markaana
ah shirkadda ugu
balaadhan xagga adeegga
Isgaadhsiinta ayaa
sanadkan kaga qaybgashay
Carwadda Ganacsiga
Telesom Group kuwaasi
oo ay ku wehelinaayey
labada shirkadood ee
SALAAM FINANCIAL
SERVICES iyo SOMGAS.
Shirkadda Salaam Financial Services
ayaa Akowno iyo Adeega KAAFI u
furtay macmiil badan sidoo kale
codsiyo maalgalineed ka qabatay
dadweyne badan oo doonaayey
Adeega maal-galinta ee shirkada
Salaam Financial Services Bixiso. Hawl-
wadeenadda SALAAM ayaa si qalbi
iyo niyad furnaan ah ugu sharaxay
dadweynaha doonaayey in ay wax
ka ogaadaan adeegyada SALAAM
bixiso iyo Shuruudaha looga
baahan yahay qofa doonaya
inuu adeegyadaa istcmaalo.
SOMGAS oo ah shirkadda ugu
wayn Somaliland ee iibisa
shooladaha lagu karsado
cuntadda ayaa carwaddan
iyaduna ku soo bandhigtay
shoolaaha cuntada lagu karsado
oo dhawr nooc ah kuwaasi oo
lagu sameeyey qiimo dhimis
50% ah. Dadweyne badan
ayaa ka faaiidaystay qiimo-
dhismita ay u samaysay SOMGAS
Shirkadda Telesom oo Wacdaro ka
Dhigtay Carwadii 6-aad ee Ganacsiga
Somaliland
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
5
kuwaasoo la arkaayey iyagoo guranaaya shooladaas.

Dhanka kale saraakiisha sarsare ee shirkadda Telesom
Group ee ka hawlgala qaybaha kala duwan ee ay
shirkaddu ka kooban tahay ayaa la arkayey iyagoo si
qurux badan u soo camiray kuraasta safa hore ee
loogu talo galay dadka la qadariyo inay fadhiistaan.
M a x a m e d
Cabdi Darbo
k u - x i g e e n k a
madaxa Suuq-
geynta iyo
X i d h i i d h k a
d a d we y n a h a
ee Shirkadda
Telesom oo
ku hadlaayey
m a g a c a
shirkadda ayaa
ka waramay
qaabka ay
s a n a d k a n
s h i r k a d d a
Telesom uga soo
qayb- gas hay,
waxaanu yidhi
S a n a d k a n
Bandhigan carwada waxaanu kaga soo qayb galnay
magaca Telesom Group run ahaanti shirkadda Telesom
waa shirkaddii ugu horeysay ee wadankan ka hana
qaaday marka laga hadlayo waxa wada-lahaanshaha
layidhaado, runti wada-lahaanshahaa waa lagu
macaashay waxaana shuraako ku ah in ka badan 1,500
oo qof oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa jooga
ama dibadahaba ku maqan, Baanka Salaam oo aad
ogthiin inuu yahay mid wax badan ka qabtay adeegga
dadweynaha isla markaana ku shaqeeya nidaamka
islaamiga ah isla markaana aad uga barateen inuu isugu
kiin xidhay adeegyo kala duwan oo uu ka mid yahay
adeegga KAAFI, markasta oo aad doontaan Salaam
Baanka waxaad lacagihiina kagala bixi kartaan Jeeg laaan.
Mr. Darbo ayaa
intaasi ku daray,
Waxaa kale oo aanu
maanta meesha
keenay shirkadda
SOMGAS oo ah mid
aanu ugu talo galay
i s t ar aat i i j i yadda
fog inaanu ka
dhino mustaqbalka
shirkadda ugu weyn
ee wadamada
Gaaska Bariga
Africa oo dhan ka
Iibin doonta Gaaska,
adeega SOMGAS
waxaanu ugu talo
galay inuu ka jabnaan
doono dhuxusha
q i i m a h e e d a .
Shirkadda Telesom ayaa sanadkan soo bandhigtay Adeega
Facebook & Twiter oo lagu istcmaalo bilaa internet.
Ugu dambaynti Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland
Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaacil Saylici ayaa
shirkadda Telesom gudoonsiiyey Shahaado Sharaf lagu
maamuusay doorka ay ka qaadatay shirkaddu diyaarinta
Bandhiga Carwadda 6-aad ee ganacsiga Somaliland.
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
6
H
argeysa (14.03.2014)
Shirkadda Telesom ayaa
qabatay munaasibadii 11-
aad ee abaal-marinta shaqaalaha
weynaha shirkadda. Munaasibada
oo ka dhacay hotel Maansoor ee
Magaalada Hargeysa, waxaana ka
soo qayb galay Wasiirka Dhalinyarada
Dhaqanka iyo Ciyaaraha Cali Siciid
Raygal, Wasiirka Hawlaha Guud
iyo Guryeynta Cabdirsaaq Khaliif,
Wasiirka Diinta iyo Awqaafa
Sheekh Khaliil Axmed, gudoomiye
Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga
Kulmiye Maxamed Kaahin, Culimo-
awdiin, Salaadiin, Maamulka
Sare ee Shirkadda Telesom,
Gudoomiyayaasha Daladdaha SONYO
iyo NAGAAD, Mart Sharaf kale iyo
shaqaalaha Shirkadda Telesom.
Xafadan munaasibadda 11-aad ee
Abaal-marinta shaqaalaha shirkadda
Telesom ayaa shahaadooyin lagu
siiyey shaqaalihii kaalmaha koowaad
iyo labaad ka galay qiimaynti
shaqaalaha ee sanadkii 2013.
Shaqaalahaasi oo la gudoonsiiyey
abaal-marino lacageed iyo
shahaadooyin lagu dhiiri galinaayo
shaqadii wacnayd ee shirkadda
Telesom u soo qabteen. Shaqaalahan
shahaadooyinka la gudoonsiiyey
ayaa ka kala socday xarunta guud
ee shirkadda Telesom iyo xarumaha
ay shirkaddu ku leedahay gobolada
dalka oo dhan.
Ugu horayn waxaa furitaanka xafda ka
hadlay maamulaha Waaxda Shaqadda
iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Telesom
muddane Cabdiqaadir Maxamed
Sahal waxaanu sharaxaad dheer
ka bixiyey marxaladaha shirkada
Telesom ay u soo xulato shaqaalaha,
siday aqoontooda u dhisto, qaababka
ay shirkadu u dhiiri galiso shaqalaha,
noocyada dheefaha kala duwan ee
shirkadu siiso iyo ujeedada qiimaynta
shaqaalaha laga leeyahay.
Muddane Cabdiqaadir Sahal ayaa si
aad ah ugu nuuxnuuxsaday kaalinta
ay shaqaaluhu horumarka kaga
jiraan, waxanu yidhi, Haddii la
waayo shaqaalo hawl-kar ah waxay
shirkadaasi noqonaysaa shirkadda
fadhiid ah, si loo helo taasi waxaa
loo baahan yahay in la helo shaqaale
ku haboon hawsha shirkadda.
waxaa kale oo uu yidhi, Qofasta
oo shirkadda Telesom ka mid ah
waxa u dareemayaa jawi xasilooni
oo shaqadiisa aamni uu ku yahay oo
aanu ka cabsi qabin in uu shaqadda
si fudud looga eryi
MUNAASIBADII 11-AAD EE ABAAL-MARINTA SHAQAALAHA SHIRKADDA
TELESOM EE 2013
Eeg Bogga 6-aad
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
7
karo.
Hawl-galiyaha guud ee shirkadda Telesom muddane
Ciise Maxamud Faarax oo isna madasha ka hadlay ayaa
mahadnaq u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda Telesom
ee sanadkii 2013 shaqadda wayn u soo qabtay shirkadda
Telesom. Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in dhibaatada
dalka ka jirta ee shaqalo laaanta ahi ay ugu wacan
tahay dadkeenii oo aan
diyaar u ahayn shaqadda
qofastana uu doonayo in
uu noqdo qof shaadhkiisu
cad yahay. Gudoomiyaha
ayaa yidhi, Maanta haddii
la yidhaahdo shirkadda
Telesom shaqo ayaa ka
banaan waxaa laga yaabaa
in 2000 ama 3000 oo qof
soo codsadaan, haddii
la yidhaahdo dawladda
Hoose shaqo ayaa ka
banaana waxaa laga yaabaa in aanay dad badani soo
codsan.
Gudoomiye Ciise Maxamud Faarax ayaa ka digay khatarta
MUNAASIBADII 11-AAD EE ABAAL-MARINTA SHAQAALAHA SHIRKADDA
TELESOM EE 2013
ay dalka ku keeni karto shaqooyinkii hoose ee ay gacanta
ku hayaan dadka ajaanibka ah kuwaasi oo uu tlmaamay
in ay hadhow ubadkoodu kala wareegi doonaan, taasin uu
mustaqbalka dalka ay halis galin karto.
Dhanka kale waxaa isaguna madasha ka hadlay Sheekh
Almis Yaxye waxaanu xusay in diinta Islaamku ay dadka
ku boorisay in shaqo kasta oo uu qofu qabanaayo uu u
qabto sida ugu fican joogteeyana. Sheekha ayaa sheegay
in horumarka lagu gaadho in la tayeeyo qofa shaqaalaha
iyadoo qofaasi laga tayeynayo dhanka maskaxda iyo
qalbiga si uu qof ku noqdo qof aamin ah oo hawl-kar ah.
Sheekha ayaa mar uu ka hadlaayey shaqo laaanta dalka ka
jirta waxanu sheegay in shaqooyinkii sarena ay hayaan dad
ajaanib ah oo tradooda lagu qiyaasay 5000 oo qof kuwaasi
oo qaata musharax
u dhexeeya
$3,000 ilala
$4,000 oo dollar
bishii. Kuwaasi
oo sanadkii qaata
qiyaasti $20 milyan
oo dollar. Sheekha
ayaa sheegay in
lacagtaasi ay
shaqo u abuuri
karto 20,000 oo
dhal i nyaradeena
ah kuwaasi oo jaamacada dalka ka soo qalin-jabiyey.
Waxaa isna munaasibaddan 11-aad ee Abaal-marinta
shaqaalaha Telesom ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo
ku hadlaayey afa Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay
in shirkadda Telesom iyo shirkadaha kale ee dalku ay
iyagu samaysteen shaqaalahood. Suldaanka ayaa ku
guubaabiyey shirkaddaha kale in ay ku daydaan shirkadda
Telesom.
Gudoomiyaha Daladda Haweeenka ee NAGAAD Kaltuun
Sheekh Xasan Cabdi oo ku hadlaysay afa haweenka
ayaa hadaladeedii waxaa
ka mid ahaa, Runti
waxaan uga mahadnaqayaa
shirkadda Telesom abaal-
marinta ay shaqaalaheeda
gudoonsiinayso. Waxaanan
shirkaddaha kale ugu
baaqayaa in ay ku
daydaan. Marwo Kaltuun
Eeg Bogga 8-aad
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
8
Sheekh Xasan ayaa shirkadda Telesom ugu baaqday
in ay ka qayb-qaadato wacyi galinta bulshadda oo kolba
meeshii u baahan in bulshadda laga wacyi galiyo ay fariimo
gaagaaban u dirto bulshadda.
Gudoomiyaha Daladda
SONYO Mubaarik Cismaan
Taani oo isna ku hadlaayey
afa dhalinyaradda
Somaliland ayaa xusay
in shirkadda Telesom ay
shaqaalaheedu u badan
yihiin dhalinyaro waxaanu
u hambalyeeyey shirkadda
Telesom oo uu ku sheegay in ay tahay shirkadda kaliya ee
nooceeda ah oo bilowday in ay Abaal-marin gudoonsiiso
sanad walba si xidhiidh ah shaqaalaheeda.
Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye
muddane Maxamed Kaahin oo isna munaasibaddan abaal-
marinta shaqaalaha
shirkadda Telesom ka
hadlay waxaanu yidhi,
Aad iyo aad baan
uga mahadnaqayaa
madaxda shirkada
Telesom sida ay u
soo agaasimeen
xafadan abaalmarinta
shaqaalaha shirkadda
Telesom. Muddana
Kaahin ayaa sheegay in dal kasta horumarkiisu uu ku
xidhan yahay shaqaalihiisa in la dhiiri galiyo shaqaalaha
ay keento in horumar lagu sii talaabsado. Gudoomiye
Maxmed Kaahin ayaa mar uu tlmaamayey doorka ay
shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladuhu ka soo qaatay
horumarka dalka waxa uu sheegay in ay dalka meel dheer
kala soo dhaceen oo ay maanta wax badan bulshadii
horumarkeedii u sahleen. Gudoomiye Maxamed Kaahin
ayaa shirkadda Telesom iyo shirkaddaha kala ka codsaday
in ay siyaasiyiinta ka dhigaan mobaylada trada badan ee
kala jaad-jaadka maadama ay hadda gaadheen aqoonti
lagu midayn lahaa.
Ugu dambaytnii waxaa xafada soo gabagabeeyey Wasiirka
Dhaqanka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland
Muddane Cali Siciid Raygal oo ku hadlaayey afa golaha
wasiiradda Xafadda ka soo qayb-galay. Wasiirka ayaa
mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyey Shirkadda Telesom
iyo shaqaalaheeda, waxaanu sidoo kale uga mahadnaqay
shirkadda Telesom sida ay ula shaqayso xukuumadda
Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in runti ay jirto in
dalka ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ah, waxanu tlmaamay
in hawshaasi loo baahan yahay in la iska kaashado.
Wasiirka ayaa fariin u diray dhalinyaradda dalka ee ku sii
qulqulaaya waddamada reer galbeedka waxanu dhaar
ku maray wasiirku in aanay Yurub, Maraykanka iyo
Waddamada Eeshiya aanay midna oolin shaqo sharaf leh
oo uu qofu suud iyo tay u soo xidho balse uu shaqooyin
hoose oo dalkeenaba
ka banaan uu ka qabto
wadamadaas. Wasiirka
ayaa sheegay in ay
jiraan dhalinyaro intay
meel qurux badan
isku soo sawiraan in
ay dhalinyaradda kale
facebook-ga usoo
dhigaan ka dibna
dhalinyaro badan
ay nafooda khatar
galiyaan, ka dibna
marka ay meesha
gaadhaan ay la
kulmeen qofii oo
meel hoosaysa ka shaqaynaya. Wasiirka ayaa codsaday
in bahalka facebook-ga laga wadda shaqeeyo sidi dhinac
fican loogu adeegsan lahaa mar haddii aan la joojin karin.
Gabo-gabadii xafadda Abaal-marinta shaqaalaha
Shirkadda Telesom waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey
shaqaale tradoodu gaadhayso dhawr iyo sodon shaqaale
ah kuwaasi oo ku guulaystay kaalmaha kowaad iyo
labaad. Shaqalaas oo ka kala yimid gobolada dalka oo
dhan. Waxaan shaqaalaha abaal-marinta gudoonsiiyey
wasiiradda Hawlaha guud iyo Guryeynta, Diinta iyo Aw-
qaafa, iyo gudoomiyaha guud ee Shirkada shiradda
Telesom Cabdikarin Maxmaed Iid shirkadda Telesom.
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
9
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
11
H
argeysa (25.03.2014)
Shirkadda Telesom ayaa
lacag deeq ah ku wareejisay
guddida dhismaha waddada
xaafadda Jigjiga yar ee magaalada
Hargeysa. Xafadan gudoonsiinta
lacagta ayaa ka dhacday badhtamaha
waddada ee xaafada Jigjiga yar.
Waddadan ayaa laga dhisi doonaa
bariga xaafadda Jigjiga yar ee
magaalada Hargeysa, waddadan
oo dhererkeeda lagu qiyaasay hal
kiiloomitr iyo boqol mitr, waxaanay
ka soo bilaabi doontaa iskuulka
agoomaha ee dhalinta kacaanka
waxanay ku dhamaan doonta
waddada jigjiga yar ee sunshine.
Ugu horayn waxaa munaasibadaasi
ka hadlay madaxa xidhiidhka
dadweynaha iyo Suuq-gaynta
shirkadda Telesom muddane
Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu
xusay kaalinta ay shirkadda Telesom
kaga jiro horumarinta adeegyadda
bulshadda. Muddane Darbo ayaa
yidhi, Waxaanu maanta guddida
xaafadda Jigjiga yar u qaabilsan
horumarinta wadooyinka aanu
gudoonsiinaynaa lacag dhan $7,000
(todoba kun oo dollar) oo aanu
ugu talo galnay waddo wayn oo ku
kacaysa kiiloo-mitr iyo waxoogaha
oo laga dhisaayo xaafadda. Shirkadda
Telesom-na hadd iyo jeer waxaa u
arin ah in gudidii, ama xaafaddii, ama
gobolkii, ama degmaddii horumar
samaynaysa sida waxbarashadda,
caafmaadka, wadooyinka,
masaajidda, malcaamadaha
cid alla ciddii wax qabsanaysa
horumar ah in ay ka taageerto.
Dhanka kale waxaa isagun maddasha
ka hadlay gudoomiyaha guddida
h o r u ma r i n t a
waddooyinka
x a a f a d d a
J i g j i g a
y a r
muddane
Ma x a m e d
Sheekh Cabdi
Lodoon, waxaanu
shirkadda Telesom
uga mahadnaqay gacanta
ay ka gaystay mashruucan.

Waxaan isna madahasha ka hadlay
Sheekh Axmed-iid Aadam iyo Jaamac
Cali Cilmi waxanay shirkadda
Telesom uga mahadnaqeen doorka
ay ka qaadatay dhismaha waddad
xaafadda Jigjiga yar dhexmaraysa.
Waxay sidoo kale baaq u direen
bulshadda ku nool xaafadda Jigjiga
yar in ay ka ayb qaataan dhismaha
wadadan. Waxay sidoo kale ugu
baaqeen bulshada muxsiniinta
ah in ay doorkooda ka qaataan
dhismaha wadadan oo ay
sheegeen in ay faaiido badan
u leedahay bulshada xafadan
dagan iyo qofasta oo soo mara.
SHIRKADDA TELESOM OO $ 7,000 KU
WAREEJISAY GUDDIDA DHISMAHA WADDADA
XAAFADA JIGJIGA YAR
Shirkadda Telesom oo Imtaxaan
Ka Qaaday Shaqaale loo
Qaadanaayo Sales & ZAAD
Hagaaska Arragga & Hagaaga Daryeelka Indhaha Ubadka
Qore: Dr. Jimcaale Daahir Cumer
H
agaaska Arraggu (amblyopia)
waa habsami-u-koridda mid
ka mid ah labada indhood oo
arrageedu hantaaqmo sabab
la xihiidha isha oo aan la adeegsan. Inta
badan labada indhood midkood ayay
xaaladani ku habsataa waxaase dhici
karta in labadoodaba ay saamayso.
Hagaaska Araggu isha uu haleelo
waxaa la yidhaa Isha Hadhaaga ah
(lazy eye). Waxaa Hagaaska Aragga
mararka qaarkood wax lagaga
qaban karaa muraayad marar kalena
muraayaddu waxba kama tari karto.
Fahmida Muhimada Habsami-u-
korida Aragga
Ilmuhu markuu soo dhasho waxbuu
ku arki karaa labadda indhoodba.
Si kastaba ha ahaatee, muddada
ay korniinka ku jiraan, marinadda
arragu waxay ka soo filaan indhaha,
waxayna u arooraan xagga maskaxda
oo ay gudaheeda ku libdhaan. Isla
mudadaas ayay maskaxdu ku ababtaa
inay fasirto bildhaanta araga ee
indhaha uga yimaada. Korniinkan
aragu wuxuu socdaa ilaa ilmuhu
gaadhayo daada 7 ama 8 jirka.
Mudadaas ka dib, marinadda araggu
iyo qaybaha maskaxda ee araga
ku lugta lihi way dhamaystrmaan
lagamana yaabo in la badali karo.
Haddii, sabab kastaa ha jirtee, ilmaha
yar labadiisa indhood midkood
amabase labadooduba araggoodu
gaabis yahay, korniinka araggu si
fican uma hana-qaadayo. Taasi waxay
keentaa araga oo daciifa, waxaana la
yidhaa Hagaaska Arragaga. Marka la
soo koobo si qoto dheerna loo eego,
Hagaaska Arragu, waa maskaxda oo
ku kalsoonaan wayday muuqaalkii
uga yimid sawirka isha gaabiska ahi
waday ee koriin xumadda araggu ku
dhacay. Xataa haddii isha la daweeyo,
gaabiska ku yimaada awoodda
araggu intabadan waa halbacaad
lagu lisay haddii aanay daawayntaasi
kasoo horayn dada 7 jirka.
Maxaa keena Hagaaska Arraga?
Waxyaabo dhowr ah oo kala duwan
ayaa keena Hagaaska Aragga. Labadda
ugu muhiimsan sababaha keena
Hagaaska Aragga waxaa ka mid ah:
Cawarnida
Cawarnidu waa iyaddoo labadda
indhood ay labba jihoood kala duwan
eegaan. Tusaale ahaan, mid ka mid
ah indhuhu waxay eegtaa toos halka
ta kale ay eegto gudub, hoos, dhinac
ama dib. Madaama aanay labadda
indhood garbo-siman ahayn waxay
firshaan laba wax oo kala duwan
taasoo keenta in maskaxda ay iska
indho-trto si aanay labbo shay oo
kala duwan mar u wadda eegin. Tan
macnaheedu waxa weeyi in maskaxdu
hal shay uun markiiba ay ka bog
karto taas oo noqonaysa in Il keli ah
ay adeegsato maskaxdu. Inta badan
cawarnidu waxay haleeshaa dadka
xiliga caruurnimada xiligaas oo ah
marka ay maskaxdu barato eegmadda.
Dheelitr Laaanta Ifa
Dheeltr laanta Ifa waxaa keena
bikaacada Isha oo si mug leh u
frdhin wayda ama dheelitri kari
wayda ifa soo gala. Dheelitr laaanta
ifa waxaa ka mid ah: gaabashada
Ilayska iyo taraarida Ilayska.
Haddii labadda indhood midkood
dheelitrkeeda ifu qaldan yahay
waxay u badan tahay in Isha
kalena la qabto.Waxa kale oo dhici
karta in labada indhood midkood
dheelit laaanteeda ifu yahay
araga dheer halka Isha kale tahay
dheelitr laaanta araga gaaban.
Marka arrinku sidan dambe yahay
waxaaa dhacda in labadda indhood
midkood mar kale maskaxdu
waxay iska bakhtinaysaa Isha
ifeedu gaaban yahay halka ta kale
uun ay adeegsanayso xaaladaas
oo keenaysa Hagaaska Aragga.
Waxaa kaloo xusid mudan inay
jiraan waxyaabo kale oo keeni kara
in ilmaha aragiisu gaabis noqdo
amase hagaaso. Tusaale ahaan, caad
saarma Koorniyaha ayaa qalindaari
kara ilayska galaya ilmaha indhihiisa.
Sidee Loo Daaweyn karaa Hagaaska
Aragga?
Hagaaska Aragga wuxuu leeyahay
wax-ka-qabasho haddii hore loo
aqoonsado loona daaweeyo.
Daawaynta ama wax-ka-qabashadda
Hagaaska Arragu waa iyaddoo isha
hagaastay lagu dirqiyo inay shaqayso
oo gudato hawsheeda taasoo
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
14
noqonaysa in shaqadda laga joojiyo
isha kale ee hagaagasan laguna
dahaadho walax qarisa muddo 3 ilaa
4 Saacadooda maalinti. Marar kalena
daawayntu waxay noqon kartaa
dawo dhibco ah oo isha lagu shubo.
Dhibaatadda xagga dheelitr
laaanta ifa waxaa lagu sixi karaa
muraayad waxaase dhacda in
waalidka ilmuhu aanu ogaan Karin
dheelitrlaaantan ifa ee indhaha
ilmaha ilaa baadhis lagu sameeyo.
W
idwidh (23.01.20140)
Shirkadda Telesom
ayaa xarunteeda
magalaadda widhwidh
olole nadaafadeed oo socday muddo
saddex maalmood ah ka wadday
6-da xaafadood ee ay degmadda
Widhwidh ka kooban. Ololahan oo ay
iska kaashadeen Shirkadda Telesom,
dadweynaha iyo maamulka Widhwidh
ayaa u qabsoomay si habsami ah.
Dhamaan shaqaalaha Shirkadda
Telesom ee magaalada Widhwidh ayaa
ka qayb-qaatay ololahan nadaafadeed
ee lagu nadiifnaayey magaalada.
Waxaana ololahaasi hor kacaayey
maamulaha xarunta Telesom
Widhwidh Md. Cabdilahi Cawil.
Shirkadda Telesom oo
Olole Nadaafadeed
Ka Fulisay Degmadda
Widhwidh
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
15
Q
ormadeennan waxa
aynu ku soo qaadan
doonnaa badhasaabbadii
Ingiriiska ee maamulay
Maxmiyaddii Somaliland
inti u dhaxaysay 1884-1960.
Badhasaabyaddii Guumaysigii
Ingiriisku u soo magacaabay dhulka
Somaliland waxay ahaayeen:
Frederick Hunter (1884 - 1888),
Edward V. Stace (1889 - 1893),
Charles W. H. Sealy (1893 - 1896),
William B. Ferris (1896 - 1897),
Jemes H. Sadler (1897 - 1901), Eric
J. E. Swayne (1902 - 1905), Harry S.
Cordeaux (1905 - 1910), William
H. Manning (1910 - 1911), Horace
A. Byat (1911 - 1914), Geofrey
F. Archer (1914 - 1922), Gerald H.
Summers (1922 - 1926), Harold
Kitermaster (1926 - 1932), Arthur
S. Lawrance (1932 - 1939), Vincent
G. Glenday (1939 - 1941), Gerald R.
Chater (1941 - 1943), Gerald F. Fisher
(1943 - 1948), Gerald Reece (1948 -
1954), Theodore O. Pike (1954 - 1959)
iyo Douglas B. Hall (1959 - 1960).
F.G: Frederick Hunter (1884 -1888)
wuxuu ahaa ninkii heshiiska
la saxeexday Beelihii reer
Somaliland, ee Xeebaha Deganaa.
Heshiisyadii Ingiriiska iyo Odayaasha
Reer Somaliland
Inaan marna la bixin Karin,
lana iibin Karin, lana kirayn
Karin loona ogolaan Karin
cid kale oo qabsata. Daw-
ladda Ingiriiska aanay dhul-
kan dadkani degi Karin.
Waxaa loo ogolaaday dhamaan
maraakiibta wadata calanka
Ingiriiska inay ka ganacsan
karaan xeebaha Somaliland.
Dhamaan dadka uu ingriisku
u taliyo ee ku nool ama soo
booqda dhulka qabiilkan de-
gan yahay waxay helayaan
nabadgalyo buuxda iyo ilaalin.
In si buuxda loo joojiyo ganacsi-
ga adoomaha la soo marinayo
dhamaan dhulka Somaliland.
Dawlada Ingiriisku waxay
awood u leedahay inay mag-
acawdo wakiil u fadhiya dhul-
ka somaliland waxaana loola
dhaqmi hab xishmo txgalin.
Inaan heshiis lala galin Kar-
in dawlad shisheeya ah.
Gerald T. Fisher(1943 - 1948) waxa
loogu magac-daray dugisga Sh.
Bashiir Hargaysa, oo wakhtgaasi
la dhisay lana odhan jiray Fisher.
Gerald Reece (1948 -1954) waxa
loogu magac-daray dugisga Reece
Hargaysa oo wakhtgaasi la dhisay.
Badhasaabadii Ingiriiska ee
soo Maray Somaliland 1884
ilaa 1960
Qalinkii: Cali Cabdi Coomay
email: calicoomay@hotmail.com
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
16
H
argeysa (15.03.2014)
Shirkadda isgaadhsiinta
Casriga ah ee Telesom ayaa
ka qayb-qaadatay dhismaha
waddada isku xidha Berbera ilaa Raari-
buur waxaanay kaga qayb-qaadatay
deeq lacageed oo dhan $20,000.
Dhismaha Waddadan oo cabirkeedu
dhan yahay 142km waxaa ku bixi
doona kharash lagu qiyaasay
$1 milyan oo dollar waxaana
iska kaashanaaya Bulshadda
deegaanka, Dawladda Somaliland,
maamulka gobolka Saaxil, shirkadda
Telesom, iyo ganacsato kale.
Mashruuca dhismaha waddadan oo
socday in muddo ah ayaa si rasmi
ah u bilaabmay bishii November
2013, waxaana ilaa hadda la
dhamaystray qiyaasti 50km.
Shirkadda Telesom oo markasta
u heelan in si mug leh ay uga qayb
qaadato mashaariicda horumarka
dalka waxay wajigan koobaad ee
Shirkadda Telesom oo $20,000 Ugu
Deeqday Dhismaha Waddada Isku
Xidha Berbera iyo Raari- buur
mashruucan kaga qayb-qaadatay
$20,000. Munaasibada gudoonsiinta
lacagtan oo ka dhacday xarunta
Guud ee Telesom waxaa lacagtaasi
gudoonsiiyey guddida
dhismaha Waddada
Berbera ilaa Raari-buur
Agaasimaha Gacansiga
ee Shirkadda Telesom,
Md. Cabdisalaan
Ismaacil Nuur, isagoo
mahadnaq u soo jeediyey
dhamaan qaybaha kala
duwan ee ka soo qaybqaadatay
mashruucan dhismaha waddada.
Dhanka kale, iyaguna madasha
gudoonsiinta lacagta waxaa ka
hadlay Maxamed Axmed Faarax
(Fool) iyo Cumar Xasan Yawlac oo ku
hadlaayey afa Guddida Dhismaha
Waddada Berbera ilaa Raari-buur,
masuuliyiinta ayaa shirkadda
Telesom uga mahadnaqay doorka
ay ka qaadatay dhismahan, waxanay
u soo jeediyeen shirkadda in aanu
deeqdani noqon ti ugu dambaysay
balse ay ka sidoo kale ka qaybqaadato
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
17
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
18
X
illigii miyiga iyo mileygii
dadkeennu 100%, ahaayeen
xoolo dhaqatada, gabayga
ayaa ahaa midka u sita laamaha
maansada, isagaa lagu cabiri jiray
meertada nolosha iyo waayaha
jiraba; sida, ammaanta, collaadda,
nabadda, guubaabada, faanka,
digashada, farriinta, ergada, doodda,
iyo kafankaba. Haseyeeshee,
xilligii magaalo shafa la dhigey
gabaygu dib ayuu u gurtey. Markii
uu gabaygu lug danbeediyeyna waxa
halkiisii buuxiyey fanmasraxeedka
oo noqdey mid la jaanqaada is
bedelka xiimaya ee xaallada bulsho
iyo dookha dadka, waxaana muhiim
ka dhigey waa dabciga soomaalidu
u leedahay fan caashaqidda xad
dhaafa ah.
Damaashaad jeclidda iyo xiiseynta
fagaare ku kulanka. Haddaba, haddii
aan dib u milicsano taariikhdii
fankaasi soo maray, waxa aynu
ognahay in fanku soo maray
dhawr marxaladood oo mid waliba
waayahiisa leeyahay. Waxaanna lagu
soo koobi karaa saddex dan xilli ee
kala ah:
Bilawgii fanka ( 1954-1962-
kii)
Bari-samaadkii fanka (1962-
1972-kii)
Aakhirul cimrigii fanka ( 1972
illaa iyo waxii ka dambeeyey)
Xilligii bilawgu waa aas-aasiddii iyo
raad qaadisti, waxaannu bilaabay
koritaan dag-dag ah, waxaannu soo
jiitey qayb ka mid ah bulshada.
Marka aynu nimaadno marxaladda
labaad oo ku beegan wakhtgaa aan
kor ku xuseney, waa xilligii uu fan
masraxeedku yeeshay shacbiyaddii
ugu balaadhneyd, noqdeyna gobol
ka mid ah nolosha shacbiga.
Riwaayaddahii wakhtgaa la dhigey
way badnaayeen, waxaanan odhan
karnaa way qaan gaadheen. Waxa
xilligaa la curiyey riwaayaddihii ugu
magaca dheeraa ilaa maantana aan
la dafri Karin iney ugu sarreeyeen.
Haddii aan in yar idinka xasuusiyo
waxa ka mid ahaa riwaayaddahaasi
sidan:
Shabeel naagood
Hadimo
Reer baaw yaa ku leh
Aqoon iyo af-garad
Dab iyo dhagax
Indho sarcaad
Ama la I doorey ama daadku
I qaad
Gardiid waa Alle diid
Laguma dhaamee dhaqaaq
Gobonnimo ha tuurin
Haddaba suaashu waxay tahay
masraxa xilligaa maxaa ka dhigey
beri-samaad?. Masraxa soomaalida
dhawr siyaabood ayaa loo
dhigi karaa. Hadaynu se ku soo
dhawaanno waxaynu odhan karnaa
sidan:
Xorriyadda hal-abuurka oo
aan cabudhsaneyn
Suugaantu xilligaa waxay
ahayd tarjumad dhab ah
oo cabireysa dareenka
dadweynaha
Dhiillada siyaasadda
dawladda iyo falalka ka soo
hor jeeda qiyaamka suuban
Qawadkii la qawadsanaa maamulka
ayaa ka dhigey masraxii beri-
samaadka dheri hoosta ka karaaya
oo uu masraxu ka qaadanayey
uumigii dhaqaajinaayey, waxaana is
qoraayay adduun arag iyo qiimayaw
cusub oo samaynaya qaabab fara
badan oo ay isku muujinaayaan.
Haddaba, haddii aan u nimaadno
qaybti saddexaad ee loogu
yeedhay aakhirul cimrigii fanka,
waa wakht ku beegan 1973-kii.
Fan masraxeedku dhallashadiisii
ilaa bilawgii toddobaatannaadkii
kor ayuu u socdey, sidii aan ku soo
aragney labadii marxalladood ee
aan ka soo sheekeynay. Abaaro
1973-kii ayuu bilaabay inuu halkii
uu maraayey ku wareego, inti
ka dambeysayna hoos ayuu u sii
socday, waxaanna dhalatay cillad
halis ah, waxaanu galay xilli dib u
gurasho iyo marxalad galoof ah.
Haddii masraxii bari-samaadka ku
naaloon jirey. Xoriyatul qawl xilligii
askarta arrintu waa is badashay.
Qori caaradii iyo car bal juudh dheh
ayaa tmid, raggii masraxa yoolka leh
waraabin jirey waxay noqdeen mid
midida daabka loo geliyo, oo dil lagu
hadido, mid loo digo, mid xabsi loo
diro, iyo mid dibooda oo debeddaha
u suudala
Goortaa masrixii wuxuu mart u
noqday riwaayado tro badan oo isku
hal mawduuc ah. Cudurka qudha ee
ay daweeyaanna yahay JACAYL.
Ruwaayadahii jacaylka ahaa
ma dafri karno iney lahaayeen
qurux mug iyo murtba leh.
Hasayeeshee, farriintooda ayaa
koobneyd, cilladuna kama iman
xaga hal-abuurka ee waxay ka tmi
xaga taliska iyo maamulkii dalka.
Taliskii askarta ee gacanta kululaa
laba qodob ayay suugaanta ka
ogolaayeen
Amaanta kacaanka Oktoobar
Iyo jacaylka
Haddaba arrinti waxay ku soo
ururtey hayska demegsanaatee
yeedhaw dam weeyaan. Amintaa
ayaa layska hawl yareystay dadkii
dhammaantoodna waxay fuulleen
Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
19
dooni jacayl, waxay ku dabaasheen
webi jacayl, waxay ka hirqadeen
xareed jacayl, waxay subciyeen
duruus jacayl. Waxaana la soo
hurgufey joonyo riwaayado wada
jacayl ah sida kuwan hoose oo aynu
ka xusi karno:
Dab jacayl kari waa
Jin iyo jacayl
Jeel iyo jacayl
Jihad iyo jacayl
Qabrigii jacaylka
Xuskii jacaylka
Xeerkii jacaylka
Xidigti jacaylka
Maxkamaddii jacaylka
Xuud baa liqay jacaylkii
Jacayl boob uma baahna
Jacayl, jacayl, jacayl kuli wada jacayl
iyo qaar kaloo badan.
Marka aad dhex maaxdo gudaha
riwaayadaha jacaylka ah waxaad
ugu tagaysaa hadallo qaawan oo
si feynaya gabadh jidhkeed sida
tusaalayaashan
Ta balaadhan, balaadhan ee
bawdada moodo halweyn
Ta balaadhan balaadhan ee xaluska
mooddo bartikha
Ama kama foga qiimaha
riwaayaduhu iyo heesuhuba jidhka
gabadh la bardaaminaayo oo
xubnaheeda la sifeynaayo. Tusaale
kale waxa aynu soo qaadan karnaa
heestan
Markaad sii socoto okay
Markaad soo socoto oreydh
Markaad istaagtana asxan
Haddii wali aan sii milicsano dhanka
heesaha, qiyam iyo xishoodba
kobtan ayuu goblamay, inkastoo
laysla mashaqoobay bal aan tuducyo
ka xusno
Aan wadaagno ciyaartee
I weydaarso gacmaha
Shafa kaalay igu qabo
yaa garayska kaa fura
Kuu salaaxa gaadada
Canbaruudka naasaha
Waxba hayga celinee
Ii cantuug dibnaha oo
Shafa igu cam-cam
Qaaaaaaaaq xeradaa Alla bii!!! Bal
waxa ay ku hadlayaan eeg. Ciin bay
daaqdey!
Waa yaabe! Haasaawaha
dhallinteennu ma sidaa suu ahaa
mise Art-ka ayaa dhaqanka ka
madaxbanaan. Rag iyo dumarkan
masraxa ku laacdamaaya, ee isku
dhegay ee isla suuxay, waa ayo
bulshada ay matelayaan waa
suaale? Tolow ummaddeena
cudurka ugu weyn ee hayaa ma
jacaylbaa? Imisa qof ayuu sannadkii
inaga dilaa tolow?
Suugaanteenii sakad walba waadh
qalabeysan ayay ka furatay. Cudurka
keliya ee ay daweysaana waa jacayl,
weliba bilaa lacag bay ku daweysaa.
Dawada ay qortaana waxa la yidhaa
laga laabta ii saar
Waxa iyana astaan u ahaa masrixii
jacaylka calaacal iyo baroor aan
dhamaaneyn sida
Dhintey, lay xabaal, lay dhaxal
Luuf-luufay, leeleeley, beerkaa
ilaalaada
Wadnahaa I foorara, sanbabkaa I
madhay
Beryahaa maan qadeyn, indhahaa I
casaaday
Hurdana hadalkeedaba daa.
Waxa aynu odhan karnaa waa
weedho ku jira riwaayaddahaas aan
soo sheegey iyo waliba kuwa kale.
Waxa xaqiiqo ah in dhiirigalinta
masrixii jacaylku ahaa sakhraamiin,
iyo irbad sun ah oo bulshada lagaga
sixrayey xaqiiiqada nolosha
Alle hawraxmee gabay ma jiro wuu
asaasaqaye
Amaan iyo jacayl bay haddeer eedey
maansaduye.
Haddaba suaasha lays weydiin karaa
waxay tahay. Maxaa laga faaiidey
masrixii jacaylka? Waa maxayse
farriinti uu gudbinaayey?
Haddii aynu si kooban uga jawaabno
waxa aynu ku soo koobi karnaa
qodobadan hoose:
Xoodaaminta dareenka jinsi
ee da yarta
Fududeynta xidhiidh sharci
darro ah oo dhex mara ragga
iyo dumarka
Jebinti deyrka xishoodka
iyo dhawrsanaanti
barbaarteenna
Fududeynta tumashada
Ka fogaanshaha nolosha
dhabta ah
Gunti iyo gunaanadkii qoraalkeygan
kooban waxa aan ku soo
gunaanadi suaalo aan u arko in
ay muhiim yahiin. Garanay goorta
ay suugaanteennu foof-daran
habawdey, waxayse weydiintu tahay
ilaa goorma ayay dayawga ku sii jiri
doontaa?
Hal-abuurkeennase xilka ugu weyn ee
saarani ma dhaymaha jacaylkaa?
Waa halkii Afrax yidhiye masraxa
jacaylka ha la cuudiyo
Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
21
S
hirkadda Telesom waxay alaabaa ku
dadaashaa in ay kor u qaado tayadda,
aqoonta iyo xirfadda Shaqale Weynaha
Telesom. Shirkadda iyadoo ka duulaysa
Istaraatiijiyadda Guud ee Shirkadda waxaa
sanadkasta xafiska shaqadda iyo shaqaaluhu
uu bartilmaameedsadaa inuu ka dhabeeyo
himilooyinka iyo hiigsiyadda dhaw ee loo dajiyo
shaqaalaha si wax soo saarka shirkaddu uu
kor u kaco. Haddaba qormaddan waxaynu
ku eegi doonaa qaar ka mid ah tababaradii
ugu muhiimsanaa ee la siiyey shaqaalaha
shirkadda ee Qaybaha kala duwan ka hawl-gala.
Tababarka Shuruucda Gaadiidka iyo
Caalamadaha Wadooyinka
Shirkadda Telesom iyadoo la jaanqaadaysa
horumarka dalka ka socda, sidoo kalena
ilaalinaysa shuruucda kala duwan waxa
ay tababar la xidhiidha sharciga Gaadiidka
iyo Calaamadaha Wadooyinka u qabatay
25 ka mid ah shaqaalaha Telesom
kuwaasi oo lagu baraayey shuruucda
Gadiidka. Tababarkan oo uu bixinaayey
sarkaal khabiir ah oo ka mid ah ciidamada
Nabad-galyadda wadooyinka ayaa muddo
5 maalmood ah ku siiyey tababarka
Shuruucda Gaadiidka iyo Caalamadaha
Wadooyinka. Shaqaalaha Telesom
ayaa aad u soo dhaweeyey tababarkan
waxaanay la dhaceen duruustii ay barteen
muddadii shanta maalmood ahayd.
Tababarkanki waxa la qabtay 25 ilaa 31 April 2014.
Wajiga Labaad ee Tababarkan oo ahaa
Tababarka Shuruucda Gadiidka,
Calaamadaha Wadooyinka Iyo First Aid
waxaa loo qabtay shaqaalaha inta badan u
baxa taraaga kuwaasi oo la iskugu daray laba
Tababar. Barashadda gargaarka degdeg ah
iyo Shuruucda Gaadiidka iyo Calaamahada
Wadooyinka. Tababarkan waxaa ka qayb galay
16 ka mid ah wadayaasha Shirkadda Telesom.
Waxaanay tababarkan fuliyey laba khabiir oo
midna bixinaayey duruusta caafmaadka ee
gargaarka degdeg ah, ka kalana bixinaayey
Shuurcda Gaadiidka iyo Calaamada Wadooyinka.
Tababarkan waxa la qabtay 05 ilaa 9 April 2014.
Labadan Tababar waxaa iska kaashaday Qaybta
Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Qaybta Gaadiidka
ee Shirkadda.
Tababarka Internetka
Qaybta Shaqadda iyo Shaqaaluhu waxaa ay
tababar u qabtay 25 shaqaale ah oo ka mid ah
shaqaalaha Qaybta Landline-ka. Shaqaalaha
ayaa lagu tababaray sida internetka loo sameeyo
xidho, Sida ciladaha looga saaro iyo sida loo
rakibo internet-ka bilaa xadhiga ku shaqeeya.
Tababarkan ayaa socday muddo 12 maalmood
ah waxaana la soo gabo-gabeeyey 17 April 2014.
Tababaraddii Shaqaalaha Telesom
La Siiyey
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
22
A
deega Xawaaladda Debedda
ee ZAAD Services wuxuu
ka mid yahay adeegyada
casriga ah ee loo yaaqaan
Mobile Money Transfer (MMT), kaas
oo la isugu diro lacagaha dunida ee
maanta isaga oo aad uga sahlanaaday
nidaamka xawaaladdaha casriga ah
(Traditonal Money Transfer TMT
-), waxaana
laysla qiray inuu
yahay mid ay ku
nasteen oo aad
ugu fududeeyey
ma c a a mi i s ha
xawaaladdu in
ay lacagahooda
helaan ama
u diraan
debedda iyagoo
aan booqan
x a f i i s y a d a
xawaal adaha.
A d e e g a
X a wa a l a d d a
Debedda ee
ZAAD Services
wuxuu si aan
hore dalka
loogu arag u
f u d u d e e y e y
in lacagaha
xawaal addaha
ee laga soo diro
debedda lagu
heli karo oo ay
si automatc ah ugu soo dhacaan
xisaabaha macaamiisha adeegsata
ZAAD Services ee xawaaladaha looga
soo diro debedda iyada oo aanay u
baahnayn macaamiishu in ay tagaan
xafisyada xawaaladdaha. Tani waxay
meesha ka saartay wakht badan
iyo nooli baabuur (transportaton
cost) oo haatan macaamiil badani
ka raysatay. Adeega xawaaladda
debedda ee ZAAD Services uma
baahna xafis aad booqato, aqoonsi,
damiin la soo ka xaysto iyo rasiidho
badan oo la saxeexo toona, wuxuuna
si toos ah ugu soo shubayaa lacagaha
xawaaladdaha debedda laga soo
diro xisaabahooda macaamiisha
ZAAD Services iyaga iska hurda,
iska shaqaysanaya, iska nasanaya,
ama iska jooga guryahooda.
Adeega Xawaaladda Debedda ee
ZAAD Services waa adeeg haatan
si walba u sahlay adeegyada
xawaaladda debedda ka tmaada
ama loo diro ee Somaliland, kaas oo
macmiil walba halkiisa ugu suurto
gelinaya inuu xawaaladdaha debedda
looga soo dirayo uu ku qaato hawl
yaraan ama mida uu dirayoba
u dirsado debeda hadal laaan.
Hadaba, Adeega
x a w a a l a d d a
debedda ee ZAAD
Services waxa
ku xidhan oo
x a wa a l a dda ha
macaamiishooda
u soo mariya
xawaalado badan
oo caalamiya
kuwaas oo ay
ka mid yihiin
Tawakal Express,
FastPay Express,
WorldRemit, Taaj
Express, Bakaal
Express, iyo
iskuxidhka weyn
ee caalamiga
( I nt er nat i ona l
Mobile Money
Hub) ee
loo yaqaan
H o m e S e n d
ee isku xidha
x a wa a l a dda ha
ka shaqeeya
Mobile Money-ga ee dunida oo
fadhigeedu yahay magaaladda
Brussels ee dalka Belgium.
Adeega Xawaaladda
Dibedda ZAAD
Services
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
23
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
25
H
argeysa - (11.04.2014) -
Tartanka dhalinyaradda
cuslaatay oo laba bilood
iyo badh ka socday
magaalada Hargeysa ayaa lagu
soo gabogabeeyey garoonka
Dhalinta Kacaan. Tartankan oo ay
isku soo hadheen labada kooxood
ee Goljano iyo Jigjiga Yar, waxay
guushii ku raacday kooxdii Jigjiga Yar.
Tartankan oo bilaabay 24 January
2014 soona gabagoobay 11 April
2014 waxaa ku tartameeyeen
dhalinyarada cuslaatay oo iskugu
jiray ciyaartoygii ciyaari jiray
Sideetamaadkii, sagaashamaadkii,
iyo sanadadii u dambeeyey waxaa
ka soo qayb-galay 10 kooxood oo
kala ahaa: 1) Telesom, 2) Haboon
Constructon, 3) Masalaha, 4)
Goljano, 5) Xawaadle, 6) New
Hargeysa, 7) Beerta Xoriyadda, 8)
Stars, 9) Jigjiga Yar, iyo 10) Boorama.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso
badan oo dadweyne kala duwan oo
iskugu jiray dhalinyaro iyo waayeel
ayaa ka soo qaybgalay daawashadiisa.
Waxaana maalin kasta oo Khamiis
iyo Jimcaha uu ka dhici jiray
garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta
Kacaanka ee magaalada Hargeysa.
Ciyaarti kama-dambaysta waxaa
iskaga hor yimid labada kooxood ee
Jigjiga Yar iyo Goljano waxaa labada
kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar
farsamadeedu sarayso, waxaanay
labada kooxoodba isku qaadaayeen
weerar iyo weerar-celin joogta ah.
Labadda kooxood ayaa midna wax
goolal ah la iman labadii qaybood ee
ciyaarta, sidoo kalena aan wax kaadh
cas iyo mid huruud ahna aan loo
taagin ciyaaryahanadii ciyaaraayey.
Aakhirkii waxa labada kooxood
loo dhigay rikoodhayaal waxaana
ciyaarti ku dhamaantay 3 iyo 2
ay guushii ku raacday kooxdii ku
ciyaaraysay magaca xaafadda Jigjiga
Yar ee magaalada Hargeysa.
Shirkadda Telesom oo ahayd
shirkaddii maal-galisay tartankan
dhaliyaradda Kubadda Cagta
Cuslaatay ayaa gudoonsiiyey koobab
iyo biladdo kooxihii ciyaaraayey,
shakhsiyaadkii soo abaabulay iyo
ciyaaryahankii ugu goolasha quruxda
badnaa. Maxamed Cabdi Darbo
oo ah madaxa Xidhiidhka Suuq-
gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
ee shirkadda Telesom ayaa abaal-
marinadda gudoonsiiyey ciyaartoyga
waxaa ka mid ahaa: Guddidii
Soo Abaabusay oo ay ka mid
ahaayeen, Cabdikarin Maxamed
Xirsi, Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali
(Shabeel), Cabdi Muuse, Cabdiqaadir
Muxumed Aadan, Ciyaaryahankii
ugu goolasha Quruxda Badnaa Idiris
Cabdi Aadan, Wariyaha Ciyaaraha
Geeska Afrika Samatar Maxamed.
Waxaa sidoo kale shaado
la gudoonsiiyey Shirkadda
Telesom waxaana u gudoomay
Maxamed Cabdi Giire.
Shirkadda Telesom Oo Maal-galisay Tartan
Ciyaareedka Dhalinyadda Cuslaatay
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
28
D
aara Salaam waa baan
caalami ah oo laga
hirgaliyey magaalada
Hargeysa. Bangigan waxaa
sharciyaddiisa la dhamaystray
bishii April 2014. Baanka Daara
Salaam waxa uu ka soo dhex
baxay Salaam Financial Insttuton
taasi oo la aasaasay 2010. Salaam
ayaa muddo Afar sano ah ku
shaqaynaysey hayadd bixisa
adeegyo maaliyadeed oo u shaqaysa
qaab Baan. Muddadaasi Salaam
Baan waxaa xadidaan adeegyada
ay bixin karto ee uu bixiyo Bangi.
Haddaba si aanu wax badan uga
ogaano adeegyadda uu qabto
Salaam Financial Services iyo
waxa uu yahay Daara Salaam
Baan. Waxaanu waraysi gaar ah
kala yeelanay Gudoomiyaha Guud
ee Bangiga Daara Salaam Md.
Maxamed Ibraahin Xaaji Muuse.
Waraysiga ayaa u dhingaa sidan:
S: Muxuu yahay Salaam Baan?
J: Salaam Baan waxaa uu markii hore
ku shaqaynaayey magaca Salaam
Financial Services oo ah hayadda
Maaliyadeed oo sida bunuunta u
shaqaysa. Salaam markasta waxa
uu qabanaayey wax kasta oo
Bangi qabanaayey oo waliba Bangi
Islaamiya, haddii ay tahay furashada
xisaabaadka qaybihiisa kala duwan.
S: Muxuu Salaam Financial Service
Bulshadda Ku Soo Kordhiyey Inti uu
jiray?
J: Salaam Financial Services waxa
uu ku soo kordhiyey bulshadda
Somaliland inay fahmaan waxaa
uu baan yahay iyo sida loola
mucaamalo. Waxyaalaha uu Salaam
Financial Service bulshadda u qabtay
waxaa ka mid ahaa waxa uu u
sahlaayey dirida lacagaha dibadaha
loo diro ee loo yaqaan tellers transfer
S: Halkee buu Salaam Financial
Services Xafisyo ku leeyahay?
J: Salaam Muddadaa uu jiray ee afarta
sano ahayd horumar balaadhan buu
sameeyey. Waxyaalaha horumarka la
taaban karo ee uu sameeyey waxaa
ka mid ahaa in uu furuuc ku yeesho
gobolada dalka. Sida magaalooyinka
waaweyn ee Burco, Berbera, Borama,
Wajaale iyo sanadkan oo aanu ku
darnay Laascaanood iyo Ceerigaabo.
Waxa kale oo Bangigu doonayaa
inuu isku baalaadhiyo magaalada
Caasimada ah ee Hargeysa
gudaheena oo aanu laba farac ka
furnay. Farac Radio Hargeysa agteeda
ah iyo Farac Jigjiga yar ah. Furuucdaa
uu Bangigu ku leeyahay gobolada
sida xarunta guud ee Hargeysi u
shaqayso ayey iguna u shaqeeyaan.
S: Adeeyada Salaam kuwee bay
dadku aad u dalbadaan?
J: Waxaa aad muhiim u ahayd oo
dadku xiisaynaayeen maalgalinta oo
ay dadku dalbanaayeen waxyaalaha
ay baahida u qabaan sida
dhismayaasha, qalabka dhismaha,
dhulka, Gaadiidka kuwa lagu
shaqeeyo iyo kuwa lagu raaxaysto,
qalabka beeraha sida cagacagafyada,
qalabka kale ee madaxa hadhuudhka
ka saara, cagacagafyada waaweyn ee
dhulka lagu qodo ama wadooyinka
lagu sameeyo iyo gaadiidka
waaweyn. Qaybtaasi oo ah qaybta
maalgalinta wax weyn baanu ka
qabanay wax weyn buu dhaqaalaha
wadanka ku soo kordhiyey.
S: Waa Maxay Adeegyadda uu
Qabto Salaam Financial Services?
J: Adeeygadda ugu muhiimsan
ee Salaam Baan qabto marka
laga yimaado xisaabaadka, waxa
xisaabaadka soo raaca, waxa uu
xidhiidh la leeyahay ZAAD Services
oo ah adeeg caan ah oo dadku wadda
yaqaanaan, xidhiidhka uu la leeyahay
waxaa weeye qofa ZAAD Account
ku leh Salaamna ku leh Account ama
xisaab waxaa jira wax la yidhaahdo
isku-xidh Account-ku ku lahaa ZAAD
iyo Account-kii uu Salaam ku lahaa,
taasoo u sahlaysa qofasta oo
ZAAD leh, Salaam Account-na leh
meelkasta uu ka joogo shabakadda
Telesom in accoun-kiisii uu lacagna
ku soo shuban karo kalana bixi karo
adeegaasi oo aanu u bixinay KAAFI.
Adeegyadda ugu muhiimsan waxaa
ugu horeeya Muraabaxadda,
Muraabaxadu sida lagu yaqaano
fqiga Islaamiga ah waxay u
dhigan tahay shaygii oo faaiido la
saaraayo, waa qiimihii uu shaygu
lahaa oo faaiido la saarayo. Qofa
macmiilka ah ayaa lagaga iibinayaa
hafo ama installments uu ku
soo bixinaayo muddo hal sanno,
ama sanad iyo badh, laba sano
kolba wixii hadba lagu heshiiyo.
Waxaa kale oo ka mid ah adeegyadda
aanu qabano Mudaaraba.
Mudaarabaddu waxaa weeye qofii
macmiilka ahaa waxa uu la imanayaa
fkrad ganacsi, isagu maalgalin uma
hayo laakin waa fkrad marka dhinac
walba laga eego wax ka soo bixi
karaan. Markaa bangigu waxaa uu
awoodayaa macmiilku lacagti uu
u baahnaa ee uu mashruucaa ku
fulin lahaa in uu siiyo. Dabadeedna
lagu heshiiyo qaaciido boqolay ah
oo ah lacagtaa wixii aad ka soo
saarto bangiguna intaasuu leeyahay
adiguna intaasaad leedahay ah.
Markaa bangigu inti uu jiray
Muraabaxadda iyo mudaarabada wax
badan buu ka fuliyey oo aan yarayn
oo ay u badan tahay Muraabaxadu.
Waxaa jira mid saddexaad oo la
yidhaahdo Mushaaraka oo ka mid
a waxyaalaha aanu hadda wax ka
qabanay. Mushaarakada Bangigii
iyo Macmiilkii waxay wadaagayaan
ganacsi. Ganacsigaasi waxa uu
noqonayaa ganacsiga aynu naqaano
ama services. Laba lacagood baa
Maxaad Ka Taqaanaa Daara Salaam Baan?
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
29
la isku darayaa boqolay bay iskugu
jiraysaa. Hadhow faaiidada soo
baxda waxaa loo qaybsanayaa
boqolaydaa ay iskugu jirtay.
S: Waa kuwee Bangiyadda ay wadda
Shaqaynta Leeyihiin Salaam?
J: Salaam Financial Services
muddadii uu jiray waxaa uu la
xidhiidhi jiray baan la yidhaah Salaam
Afrika Baan oo xaruntisu tahay
magaalada Jabuut. Kaas ayaa u ah
Correspondent Bank ama xidhiidhiye
caalamka ku xidhiidhiya. Marka
lacagaha la diraayo isaga ayaanu
sii marinaa marka la soo diraayana
Bangigaasay soo martaa. Dalka
Gudihiisan waxa uu xidhiidh la lahaa
Bankiga kaliya ee dalka ka jira ee la
yidhaah Salaam Baan. Bangiyadaasi
xidhiidh toosa ah ayanu lahayn laakin
bunuuk badan oo caalamka ku taal
oo aanu xidhiidh toos ah la lahayn
laakin correspondent Baanka ku
xidhaayey laguma soo koobi karaayo
tro ahaan. Aduunka Bangi ku yaal
oo aan na soo marin waa yaryahay
haddii uu ku yaal Maraykanka,
haddii uu Sacuudiga ku yaalo, AUE,
Maleesiya, Chine, India, Pakistan
iyo East Afrika inteeda badan.
S: Shuruudo Nooceeya ayaa looga
baahan yahay qofa Maal-galinta
doonaya?
J: Shuruudaha aanu ku xidhno waxaa
ugu adag muraabaxada, shuruudaha
aanu ku xidhno way badan yihiin.
Waxaa ka mid ah oo caan baxday oo
dadku aad u yaqaanaan sheerarka
shirkadaha. Markii hore waxay
gaar ku ahaan jireen shirkadaha
isgaadhsiinta sida Telesom iyo Golis.
Balse hadda waxaa jira shirkaddo
kale oo soo raaca oo aanu dhawaan
magacooda shaacin doono oo aan
sheerarkooda iyo saamiga lagu
leeyahay aanu iyaga u aqbali doono in
ay noqdaan damaanad. Shirkaduhu
si caama shirkaddaha lagu kalsoon
yahay oo ay u soo raacdo in ay dagan
yihiin. Waxaa kale oo u raacda in
shirkadahaasi ay sanadkii yihiin
kuwo faaiido soo saara. Waxaa
kale oo aanu aqbalnaa damiinul
maal oo ah in qofa damiinayana
lacagtaasi haddii laga waayo uu
iska bixin karo. Waxaa kale oo aanu
aqbalnaa hantda ma guurtada ah
haddii uu qofu isku damiinanaayo
iyadoo aanu raacinayno qof
labaad oo isagii damiinta.
S: Tan iyo inti aad wadeen
bixinta adeegyada Muraabaxada,
Mudaarabada iyo Muskhaarada
ma jirtaa wax dhibaato ah oo aad
kala kulanteen dadkii aad daymaha
siiseen?
J: Kolay hant la bixiyo way iska
dhib badan tahay soo celinteeda
iyo qaabka loogu wadda dhaqmaa,
balse aad baan ugu amaanayaa
macmiilka aanu ilaa hadda la kulanay
boqolkiiba 99% shuruudaha qaabkii
aanu ugu dhingnayna waa ka soo
baxaan, soo celinta sideedii bay
uga soo baxeen. Waxaan odhan
karaa afartaa sanadood cidda aanu
iskaga hor nimid ee laga yaabo
iyagoo jabiyey kana soo bixi waayey
ama hantdoodii wixii ay ka bixin
waayeen lacag ahaan uga qaadanay
ilaa imika in aanay saddex qof ilaa
afar qof ka badnayn iyadoo laga
yaabo dadka aanu la macaamilaynaa
inay 600 oo qof by kor u dhaafeen.
S: Maxaa Cusub ee aad Soo
kordhiseen sanadkan?
J: Labadii bilood ee u dambeeyey
waxaanu soo kordhinay adeegan
loo yaqaan ATM (Automatc Teller
Machine) adeegaasi oo wajiga
kowaad Hargeysa ka fulinay wajiga
labaadna aanu gobolada u gudbin
doono. ATM sidiisaba waa makiinad
lacagta lagala baxo oo shabakadahaa
caalamiga ah ku xidhan ilaa
hadda Hargeysa waxaanu dhignay
3 meelood oo aanu tjaabinay
qaabka loo istcmaalay. Xaqiiqatan
muddadaa labada bilood ah si fican
baa loo istcmaalay. Istcmaalka ATM-
yaduna waxa uu ku xidhan yahay
laba siyood. Mar kaadhadhka lagu
istcmaalaayo anagaa u samaynayna
dadka qaar, marka kale dadka
dibadaha ka yimaada ee wata
Master Card-ka, Visa Card-ka iyo
kaadhadhka kaleba ee loo istcmaalo
ATM-yadda ee Debit Card-ka loo
Maxaad Ka Taqaanaa Daara Salaam Baan?
yaqaan waxay ka istcmaali karaan
ATM-ka anagaa u fududaynay.
S: Salaam Financial Services waxaa
loo badalay Daara Salaam Banka ma
haysataan Sharcinimadii Baanka?
J: Bisha Afraad Kowdeedii waxaanu
dhamaystrnay shuruudihii Bangiga
Dhexe ee Somaliland u dhigay
Bangiyadda inuu ku aqoonsado ama
Ruqsadda ku siiyo. Waxaan flayaa
inta aanay bishu dhamaan in aanu
Ruqsadii qaadan doono iyadoo aanu
ka helnay Bangiga Dhexe warqadii
ogolaanshaha in aanu bangi ahaan u
shaqayn dono. Bangiga waxaanu ku
diwaan galinay Daara Salaam Bank,
magaca aanu ku shaqan doono waxa
uu noqon doonaa Daara Salaam Bank.
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
30
Telesom Newsletter | Jan-April 2014
www.telesom.net
31

You might also like