You are on page 1of 32

04

Shirkadda Telesom oo Dhisme Cusub oo Labaad u


Dhistay Jaamacadda Hargeysa
................................................................................................

06

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaado


Gudoonsiiyey Shirkadda Telesom
..................................................................................................

07

Gudoomiyaha Shirkadda Telesom oo Ka Qayb-galay


Daahfurka Warshad Waraaqaha A4-ta Soo Saarta
......................................................................................................
Telesom oo Ku Tababartay Shirkadda
Laydka HEECO Barnaamij Casriya oo Loo Sameeyey
........................................................................................................

08
10
12

Shirka Sanadlaha Shirkadda ee 2014


........................................................................................................
Telesom oo Ka Qayb-gashay Munaasibad Xadhiga
Lagaga Jaraayey Dhismaha Wasaaradda Boosaha
iyo Isgaadhsiinta
........................................................................................................

13

Maalqabeenka Dunida Ugu Lacagta Badan ee Bill


Gate oo Telesom Ku Amaanay Adeega ZAAD
........................................................................................................

14

Telesom oo Maal-galisay Xafladda


Qalin-jabinta Jaamacadda Nugaal
........................................................................................................

16
18
24

Telesom oo Mashiin Casri ah oo Lagu


Baadho Xanuunadda Ku Wareejisay Xarunta
Global Polyclinic
........................................................................................................
Xarumaha Shirkadda Telesom Oo Lagu Sameeyey
Dab-damiyayaal Casriya
........................................................................................................
Telesom oo Xabsiyada Waaweyn ee Dalka Ka
Hirgalisay Barnaamiyo Lagu Toosinaayo Maxaabiista
Jeelasha Ku Jirta
.......................................................................................................

26

Shirkadda Telesom oo Maal-galisay Tartanka Fardaha


........................................................................................................

27

Baro Mid ka Mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom


........................................................................................................

28

Tababaradda La Siiyey Shaqaalaha Shirkadda


........................................................................................................

30

Shaqaalaha Ka Qalin-jabiyey Jaamacadaha Dalka


........................................................................................................

WEEDHA TIFATIRAHA

arka hore waxaa Mahad balaadhan iska leh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin badan oo aan la soo koobin karin. Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa
ha ahaato Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee
inoo kala caddeeyey xaqqa iyo baadilka.

Mohamed Ibrahim Abdilahi


Cheif Editor

Ka Qayb-galayaasha
1. Yasiin Nuur Mooge
2. Maxamed Xaashi Cabdilahi
3. Cabdisamad Yaasin X. Cali

Intaas ka dib, waxaa farxad weyn noo ah in


aanu idinla waddaagno cadadkii 21-aad
ee Wargayska Shirkadda Telesom. Wargayskan ayaa soo baxa Afartii biloodba hal mar.
Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan doonaa warbixino ku saabsan waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu qabatay.

GUDDIDA TIFATIRKA
Cabdisalan Ismaacil Nuur
Eng. Faarax Sugaal Guure
Cabdiwahaab Maax
Cadnan Daahir Muxumed
Maxamed Cabdi Axmed (Darbo)

Shirkadda Telesom oo Dhisme Cusub oo


Maantana

argeysa - (Telesom 30.12.2014) - Shirkadda


Telesom ayaa si rasmi ah
ugu wareejisay maamulka
Jaamacadda
Hargeysa
dhisme
cusub oo loo dhisay Jaamacda.
Munaasibada xadhiga looga jaraayey
dhismaha Jaamacada ayaa lagu
qabtay isla dhismaas cusub hortiisa.
Munaasibadan waxaa ka soo
qayb-galay
gudoomiyaha
Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi
X.Gaas, Gudoomiye Ku-xigeenka
Maamulka
iyo
Maaliyadda
Jaamacadda Hargeysa Maxamed
Cali Xirsi, Gudoomiye ku-xigeenka
Waxbarashadda
Jaamacada
Hargeysa Cabdisalaan Yaasin, Xubin
Guddida Boodhka Jaamacada ka
Mid ah Suldaan Axmed Daahir,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Waxbarashadda
Abiib
Axmed
Cali, Madaxda
Waaxaha Saleska,
Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka
Dadweynaha ee shirkadda Telesom.
Ugu horayn Munaasibadan waxaa
ka hadlay Gudoomiye Ku-xigeenka
Waxbarashadda ee Jaamacadda
Hargeysa waxaanu sheegay in

Issue 21 | Sep-Dec 2014

maanta la furaayo Daar ay shirkadda


Telesom u dhistay jaamacadda oo
dhinac ay shirkaddu ka isticmaalayso
iyo dhinacna ay jaamacadu ka
isticmaalayso.
G u d o o m i ye
ku-xigeenka
Jaamcadda
ayaa sheegay
in Telesom
ay
hore
uga dhistay
Cabdisalaan Yaasin
Jaamacadda
Hargeysa
dhisme weyn haddana ay ku soo
kordhisay dhisme kale oo weyn
oo ay isticmaali doonaa kuuliydda
daraasaadka sare ee Jaamacadu.
Waxaa isaguna ka hadlay xafladan
x a d h i g a
Suldaan
A x m e d
Daahir
oo
ka mid ah
boodhka
Jaamacadda
Hargeysa
waxaanu
Suldaan Axmed Daahir
mahadnaq
u
www.telesom.com

soo jeediyey shirkadda Telesom


waxaanu yidhi, Marka hore waxaan
salaamaayaa ciddii hawshan soo
agaasintay iyo shirkadda Telesom oo
qiimo weyn ugu fadhida waddanka
oo wax badan gashatay dhinac walba
kolka la eego ay tahay shirkad ficlan
la wadda leeyahay oo horumarka iyo
kolba dhinacii wax looga baahdo wax
ka qabata aad baan u salaamayaa
madaxdeeda iyo mijaheedaba.
Suldaan Axmed Daahir ayaa sheegay
in baahida Jaamacada Hargeysi ay
sii kordhaysa waxaanu tilmaamay in
tiradda ardayda Jaamacadda dhigataa
ay sii cagacagaynayso ilaa todoba
kun oo arday, waxaanu soo jeediyey
in lala socodo baahida jaamacada
maada ay waxbarashadu tahay
waxaynu caalamka kula tartamayno.
Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka
iyo
Maaliyadda
Jaamacadda
Hargeysa Md. Maxamed Cali Xirsi
oo isaguna ka hadlay munaasibadan
xadhiga lagaga jaraayey dhismahan
ay shirkadda TELESOM u dhistay

Ka Khari Bogga 5

Labaad u Dhistay Jaamacadda Hargeysa


Xadhiga ka Jaray
Jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi,
Sida aynu la wadda socono
Jaamacadda Hargeysa way sii
fidaysaa maalinba maalinta ka
dambaysa, sanad kastana waxaa ku
soo kordha
dhismayaal
i
y
o
adeegyo
c u s u b .
Haddaba
qolyaha ka
qaybqaata

Maxamed Cali Xirsi


dhismayaashaasi cusub waxaa
ka mid ah shirkadda Telesom oo
nambar one ka ah, hore waxay noogu
dhiseen hool 45 miter ah ooy u
dhiseen kuuliyadda ICT-ga. Hoolkaasi
oo ay waliba ku dareen qalabayntiisii
oo ay u keeneen dhamaan furniturekii, koombuutaradii iyo waliba
qalab aad loogu baahnaa oo ilaa
$20,000 ah rooter-dii oo nooca
CISCO loo yaqaano ah. Taasoo
ay waliba dhibaato ka qabsatay
keenisteeda. Maxaa yeelay Rooterdaasi waa qalab sensitive ah haye
yeeshee marka wadankeena la
keenayo suaalo badan ayaa la iska
waydiiyaa kastamada iyo meelaha
ay soo marayaan taana iyagaa inaga
caawiyey. Sidaasi waxaa yidhi
Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka
iyo
Lacagta
ee
Jaamacadda
Hargeysa Md. Maxamed Cali Xirsi.
Gudoomiyaha
Jaamacadda
Hargeysa oo
isna ka hadlay
b a a h i d a
loo
qabo
dhismahan
shirkadda
Telesom
u
Dr. Cabdi Gaas s a m a y s a y
ayaa
yidhi,

Telesom oo aanu in badan la


shaqaynay
si fiican bay noola
shaqeeyeen. Hoolkan ten by ten-ka
ah aad baa loogu baahnaa waayo
markay ardaydii badatay markii
Master Degree program-kii bateen
space-yaanu u baahanay kani wax
weyn buu taa ka taraya. Horena
dee way noola shaqeeyeen waxaa
inoo sheegay Maxamed Xirsi.
Telesom siyaalo kale oo badan oo
dadbanna wax bay noola qabtaan,
waxaanu simply leenahay waad
mahadsan tihiin, wada shaqayntana
halkaasaanu ka sii wadda wadaynaa
Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha
Jaamacada Hargeysa Dr. Cabdi Gaas.
Waxaa
isaguna
munaasibada
ka hadlay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Waxbarashadda iyo
Tacliinta Sare Md. Abiib Axmed Cali

Agaasime Abiib Axmed Cali


oo iskuna ku hadlay afka xukuumadda
waxaanu mahadnaq u soo jeediyey
shirkadda Telesom waxaanu ku dhiiri
galiyey in ay shirkaddu halkaasi ka
sii waddo dadaalka waxaanu yidhi,
Aad baanu ugu mahadnaqaynaa
shirkadda Telesom inay ka qayb
qaadato anigoo og inay horena uga
qayb qaadatay qaybaha ka mid ah
Jaamacadda ay ka dhistay qaybo
ka mid ah dhismayaashooda. kan
cusub ee ay imika soo kordhisay
ee hoolkaa cusub ee ardayda
master-tu ku dhiganayaanna aad
baanu
ugu
mahadnaqaynaa.

www.telesom.com

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda


Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare
Abiib Axmed Cali ayaa ugu baaqay
shirkaddaha kale ee ganacsiga iyo
kuwa shaqsiyaadku leeyihiin in ay
gacan ka gaystaaan taakulaynta
iyo
ka
qayb
qaadashadda
horumarinta Jaamacadaha dalka.
Ugu dambaynta waxaa madashaasi
ka hadlay Maamule ku-xigeenka
Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka
dadweynaha ee shirkadda Telesom
Md. Maxamed Cabdi Darbo
waxaanu mahadnaq u soo jeediyey
maamulka Jaamacadda Hargeysa
iyo xukuumadda waxaanu sharaxaad
ka bixiyey sida shirkadda Telesom
uga
qayb-qaadato
horumarka
dalka waxaanu yidhi, Shirkadda
Telesom waa shirkadda ay wadda
leeyihiin dadka reer Somaliland
ah waana shirkaddii ugu horaysay
ee waxa Saamiga ama share-ka
la yidhaah dalka ka hanaqaaday
laguna faaiiday. In ku dhow kun
iyo todoba boqol oo Somalilander
ah ayaana share ku leh. Iyadda oo
baahida noocaasi jirto shirkaddu
ay faaiido samayso haddana
waxay dhiiri galisaa Jaamacadaha
dalka iyo waxbarashadda sida
caafimaadka,
wadooyinka,
waxbarashadda, meelaha bulshadda
waxtarka u leh sida library-yada iyo
dhismayaasha anfaca u leh, wax
badan ayey ka qayb qaadataa.

Issue 21 | Sep-Dec 2014

Madaxweynaha Somaliland oo
Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey
TELESOM

argeysa
(Telesom-09-12-14)
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda
Somaliland Md. Axmed Maxamed
Maxamud Siilaanyo ayaa si rasmi ah
xadhiga uga jaray dhisme weyn oo loo sameeyey
Daladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO,
munaasibadan oo ka dhacday 09 December 2014
xarunta cusub ee daladda ee magaalada Hargeysa.
Munaasibada oo ay ka soo qayb-galeen madaxweynaha
Somaliland, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka
Maaliyadda, Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka
Madaxtooyadda, Wasiirka Dhalinyaradda iyo
Ciyaaraha, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,
xildhibaano, Masuuliyiin kala duwan, culimo-

Issue 21 | Sep-Dec 2014

awdiin,
Madax-dhaqameedyo,
Shirkadda
TELESOM iyo martisharaf kale oo tiro badan.
Madaxweynaha Somaliand Md. Axmed Maxamd
Maxamud Siilaanyo ayaa shirkadda TELESOM
gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku maamuuseen
maamulka Sare ee Daladda SONYO. Shirkadda
TELESOM ayaa goor kasta hiil iyo hooba la garab
taagan guud ahaan dhalinyaradda Somaliland gaar
ahaana Daladda Dhalinyaradda SONYO ee heer Qaran.
Shirkadda TELESOM ayaa qayb laxaadle ka qaadatay
dhismaha xaruntan cusub ee loo sameeyey daladda
dhalinyaradda SONYO ee magaalada Hargeysa.

www.telesom.com

Gudoomiyaha Shirkadda Telesom oo


Ka Qayb-galay Daahfurka Warshad
Waraaqaha A4-ta Soo Saarta

argeysa (Telesom-23.11.2014) Munaasibad lagu


daahfuray warshad soo saarta waraaqaha A4-ta
ah ayaa lagu qabtay xarunta warshadda AADCO
ee magaalada Hargeysa. Warshad ayaa la filaayo
in ay daboosho baahida Waraaqaha ee A4-ta ee dalka.
Munaasibadan waxaa ka soo gayb-galay Wasiirka
Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Waxbarashada
Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali
Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Warshadaha Cali Guray, Maayirka
Caasimadda
Hargeysa
Cabdiraxmaan
Soltelco,
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri,

soo qayb galno furitaanka warshadan. Waxaan uun aan


jeclaan lahaa in aan Aadan u barakayno oo aanu ugu
ducayno warshadan in Illaahay maalkii uu galiyey in ka
badan uu ka siiyo, umaddana mid ku anfaca uu Illaahay
ka dhigo. Qodobka kale ee runtii aan raacin lahaa waxa
weeyaan tii hore ee uu Aadan uu furay Somalidu waxaa
ay odhan jirtay Dayaxa iyo Dugsiga isku beegmay oo
macna ay tahay marka ay arrimahu isku hagaagaan.
Mujtamaceenii Reer Somaliland amaba umadda
Somaliyeed oo boqolkiiba 70 ay Soddan Jir ka yar tahay
oo ah bahda wax barashada ayaa uu tii hore u sameeyey,
tan danbena ganacsigeenii iyo laamaheenii dawlada
oo kor u kobcaya ayaa uu iyadana uu u sameeyey,
sidaai waxaa yidhi Md. Cabdikariim Maxamed Iid.
Gudoomiye Cabdikarin Maxamed Iid ayaa ka
hadlay caqabadaha haysta dalka waxaanu yidhi,
Runtiina carqalado badan ayaa jira, carqaladda
ugu wayn ee ina hortaaganna waa carqaladii
farsamada gacanta oo dalkeenu u baahan yahay
in aynu kobcino, Jaamacado badan oo dambe
oo waawayn uma baahnin ee Iskuulo farsamo
gacanta ah aynu u baahanahay, waxa weeye
warshad laysagu tagay oo ay ahayd in ay caanaha
soo saarto oo runtii ganacsatadu ay isagu
wada tageen, laakiin marka ay ganacsatadaha
wax ku soo dhacaan marka dambe waa uu
baqdaa oo waxa uu yidhaahda waar inta yar
halkan ku hayso dib meel dambe ha isaga
galinee, warshadaas waxa fadhiisiyey runtii
waxa ay ahayd allaabadii laga samaynaayey
runtii dalka ma taalo, shaqaale farsamadii
garanayaana dalkii ma jiro, waxaana aynu runtii
u baahanahay in taa la xoojiyo oo aynu iskugu
wada tagno,ganacsataduna ay fahmaan in haddii
aanay shaqaalaha maal gashi kaga qayb qaadan,
aanay warshadahooda iyo ganacsigooda iyo maal
gashigoodu in aanay u shaqaynayn run ahaantii.
Sidaasi waxaa yidhi Md. Cabdikariim Maxamed Iid.

Cabdikarin Maxamed Iid


Gudoomiyaha Shirkadda Telesom
vGudoomiyaha
Shirkadda
Telesom
Cabdikariin
Maxamed Iid, masuuliyiin ka socday Baanka
Aduunka iyo martisharaf kale oo tiro badan.
Gudoomiyaha Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo ka
hadlay furitaanka warshaddan ayaa yidhi Ganacsato
ahaan farxad ayaa ay noo tahay in aanu Aadan kala

Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikarin


Maxamed Iid ayaa munaasibadda kaga dhawaaqay
in shirkadda Telesom ay noqon doonto macmiilka
kowaad ee waraaqaha A4-ta ka qaata warshadda
AADCO waxaanu dawladda iyo ganacsatadda kale
ugu baaqay in ay macmiil u noqdaan warshaddan.

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

Telesom oo Ku Tababartay Shirkadda


Laydhka HEECO Barnaamij Casriya oo
Loo Sameeyey

urco (Telesom-24.12.14)
Shirkadda Telesom ayaa
barnaamij casriya u samaynay
shirkadda Laydka ee ay ku
midoobeen shirkaddaha Laydka Burco
ee HEECO. Barnaamijkan ayaa u sahli
doona shirkada laydka in si fudud
ay u maarayso xisaabaadka iyo la
socodka hawlaha adeegyadda laydhka.

tiradoodu dhamayd 14 shaqaale ah.


Tababarkan waxaa si wadda jir ah
u bixinaayey maamulaha Waaxda
Horumarinta Ganacsiga ee shirkadda
Telesom Eng. Cali Cumar Bosir
iyo Eng. Mukhtaar Abiib Jaamac.

Barnaamij-xisaabeedkan cusub ee
shirkadda Telesom u samaysay shirkadda
Maamulaha Shirkadda Telesom ee
Laydhka HEECO ayaa ku shaqaynaya
Xarunta magaalo
Network-ga shirkadda
madaxda Gobolka
waxaanu
shirkadda
Togdheer ee Burco
HEECO u sahlayaa in
Maxamuud
Xaaji
qaab xisaabeedkeedu
Ibraahin ayaa ka
noqdo mid fudud, waxa
warbixiyey adeegan
uu kor u qaadayaa
shirkadda Telesom u
daryeelka
macmiisha,
samaysay Shirkadda
isagoo qofku si fudud
laydhka Burco ee
lacagaha lagu leeyahay
HEECO. Sida uu
ZAAD ugu soo diraya
Maxamud X. Ibraahim
sheegay
maamule
shirkadda
sidoo
kale
Maxamuud
Xaaji
adeegani waxa uu shirkadda
barnaamijkan waxa tababar lagu siiyey
u sahlayaa in wixii cilad ah lagu
shaqaale shirkadda HEECO kuwaasi oo
soo wargaliyo shirkadda HEECO.

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

Eng. Cali Cumar Bosir

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

Shirka Sanadlaha
H

argeysa (Telesom-11 Dec, 2014) Waxaa huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa lagu
soo gabo-gabeeyey shirka Sanadlaha ee Shirkadda Telesom ee 2014. Shirkan waxaa ka qayb
galay maamulka Sare ee shirkadda iyo maamulayaasha xarumaha shirkaddu ku leedahay
goboladda dalka, waxaana shirkaasi lagaga hadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa horumarka shirkadda.

Telesom Horumar iyo


Xisaabtan Joogto ah
10

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

Shirkadda ee 2014

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

11

Telesom oo Ka Qayb-gashay Munaasibad


Xadhiga Lagaga Jaraayey Dhismaha
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

argeysa

(Telesom-02.12.2014)

Madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo
ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub
oo loo sameeyey Wasaaradda
Boosaha
iyo
Isgaadhsiinta
Somaliland,
xafladan
xadhiga
lagaga jaraayey dhismahan ayaa ka
dhacay isla xarunta wasaaraddan.
Xafladan
waxaana
ka
soo
qayb-galay
Madaxweynaha
Somaliland, Wasiirka Boosaha
iyo
Isgaadhsiinta,
Wasiirka
Arimaha
Gudaha,
Wasiirka
Maaliyadda, Wasiirka Hawlaha
Guud iyo Guryeynta, Wasiirka
Xidhiidhka Golayaasha Qaranka,
Xildhibaano, Shirkadda Telesom,
ganacsato kala duwan, madaxdhaqameedyo, culimo-awdiin iyo
marti sharaf kale oo tiro badan.
Munaasibadan waxaa ka hadlay
Masuuliyiin tiro badan kuwaasi
oo sharaxaad dheer ka bixiyey
waxqabadka
xukuumadda
Madaxweyne Axmed Maxamed
Maxamud Siilaanyo, dhismayaasha
faraha badan ee dalka ay xadhiga
ka jareen, wadooyinka la dhisay,
miisaaniyadda ay kordhisay dawladdu
iyo waxyaabaha kale ee la qabtay.
Hawlo-galiye ku-xigeenka shirkadda
Telesom Faarax Sugaal Guure
oo ka hadlay xafladan ayaa ku
nuuxnuuxsaday doorka ay shirkadda
Telesom ka ciyaarto horumarka
dalka, adeega ZAAD iyo sida uu
dhaqaalaha dalka qayb laxaad leh uga
qaatay adeegaasi oo uu sheegay inay
dunidu inagu majeeratay sida uu uga
hana-qaaday dalka. Faraax Sugaal

12

Issue 21 | Sep-Dec 2014

kale ee ay
dawladdu
uga baahato.
Ugu dambayn
w a x a a
xafladaasi
soo
xidhay
madaxweynaha
Jamhuuriyadda
Somaliland
Md.
Axmed
Maxame d
Maxamud Siilaanyo waxaanu hadal
kooban oo uu fagaraha ka jeediyey uu
ugu horayn ku hambalyeey dhismaha
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
loo dhisay, waxaanu mahadnaq iyo
duco iskugu daray dhamaan dadkii ka
soo qayb-qaatay agaasinka xafladan.

Faarax Sugaal Guure


ayaa ku hambalyeeyey Wasaaradda
Boosaha iyo Isgaadhsiinta dhismaha
cusub ee loo dhisay, sidoo kale waxaa
uu sheegay in shirkadda Telesom
ay markasta diyaar u tahay in ay ka
qayb-qaadato
horumarka
bulshadda,
waxaanu kale oo
uu tilmaamay in
shirkadda Telesom
ay
ka
qaybqaadato dhismaha
wadooyinka
dalka, dhismaha
Jaamacadaha dalka
iyo
taageeradda
www.telesom.com

Shirkadda Telesom ayaa waddashaqayn


buuxda la leh Wasaaradda Boosaha
iyo Isgaadhsiinta waxaanay shirkadda
Telesom markii la dhamaystiray
dhismaha wasaaradda waxay ku
qalabaysay xafiisyadda dhamaan
qalabka kombuutaradda ee laga
shaqaynayo dhismaha Wasaaradaasi.
Telesom ayaa sidoo kale balanqaaday in ay Wasaardda Boosaha
iyo Isgaadhsiinta kala shaqayn
doonto sidii ay u horumari lahayd.

Maalqabeenka Dunida Ugu Lacagta Badan ee Bill Gate


oo Telesom Ku Amaanay Adeega ZAAD ee Somaliland
Ka Hirgalisay

SA,
Boston
(Telesom-26.10.2014)
- Shirka SIBOS oo laga
ga hadlaayey Baananka
Caalamiga ah iyo xawliga ay ku
socdaan lacagta Elekatarooniga ah
ee mobaylada la iskugu xawli oo ay
soo qaban qaabiso hayadda SWIFT
waxa gaba-gabadii shirkaasi ka hadlay
maalqabeenka dunida ugu lacagta
badan ee leh shirkadda Microsoft Mr.
Bill Gate waxaanu khudbadiisii ku soo
qaatay sida shirkadda Telesom uga
hirgalisay Adeega ZAAD Somaliland.
Bill Gate ayaa khudbadan uu ka
jeediyey shirweynaha caalamiga
ee SIBOS waxaa uu tusaale u soo
qaatay Shirkaddaha Isgaadhsiinta
ee ka shaqeeya adeega lacag dirida
Mobayladda. Tusaalaaha koowaad
waxa uu ku soo qaatay laba
shirkadadood oo laga hirgaliyey
Bangaladesh kuwaasi oo uu ku
tilmaamay in 5 sano ka hor ay
goaansadeen in ay dalkaasi ka
hirgaliyaan
adeega
Xawilaada
Lacagta Mobaylada, taasoo uu
sheegay in Bangadesh ay dad
aad u yari leeyihiin xisaabaadka

Bill Gate
Mulkiilaha Shirkadda Microsoft
Bangiyadda, balse dadka intooda
badani ay isticmaalaan moobaylo,
sidaasi daraadeed adeega lacag dirida
mobaylka waxay ka bilaabay dalkaasi
2011, waxaana hadda adeegaasi
isticmaala in ka badan 13 milyan oo
macmiil ah. Bill Gate ayaa sheegay
in dadki ay lacagaha isku xawilaan
mobayladooda, alaabooyinka ay kaga
iibsadaan tukaanadda iyo waxyaalaha
kale. Bill Gate ayaa intaasi ku daray
in boqolkiiba toban (10%) GDP
Bangaladesh in bishiiba in ka badan
1 bilyan oo Dollar uu ka dhex dhaco
lacagaha la iskugu diro mobaylka.
Bill Gate ayaa tusaalaha Labaad u
soo qaatay Shirkadda Telesom sida ay
uga hirgalisya dalka adeega ZAAD,
waxaanu qudbadiisan ku sheegay in
muddo saddex sano ah dadka laga
dhaadhicinaayey sidii ay u aqbali
lahayeen isticmaalka adeega Lacag
Diridda Mobaylka (ZAAD), waxa
uu sheegay waxyaalaha keenay in
adeegani uu horumariyey habka
lacagta ay dadku isugu diraan ee ka
magaalada joogaa uu ka miiga jooga
ugu diri karo. Bill Gate isagoo ka
hadlaya sida shirkadda Telesom uga
hirgalisay Somaliland adeega Lacag

www.telesom.com

Dirid ayaa yidhi, Waxaan la yaabay


in aan arko meel sida Somaliland
lacagtu meesha ka baxdo waxaan
taasi keenay in dadku ay Accoundnadood electronic-ga ah bishiiba ku
shubtaan lacagahooda. Shirkadda
Iskaadhsiinta mobaylka Telesom
Somaliland ee halkaasi sida aadka
uga hawl gasha dadku waxay aad u
isticmaalaan lacagta mobayilada la
iskugu diro. Celcelis ahaan lacagta
lagu diro mobayladu waxay ka badan
tahay lacagta dadku isku diraan.
Qudbadan maalqabeenka Dunida
ugu lacagta badan ee Bill Gate uu
tusaalaha ugu soo qaatay adeega
ZAAD ee shirkadda Telesom ka
hirgalisay Somaliland waxa uu
sumcad iyo sharaf u soo hooyey
dhamaan bulshada Reer Somaliland,
waxaanay midhadhal u tahay
mabaadiida iskaashi ee shirkadda
Telesom loo aasaasay. Telesom oo
ah shirkad ay wadda leeyihiin in ka
badan 1500 oo Saamilay ah oo ku
nool dhamaan dhulka Somaliland
iyo Waddamada dibadda, waxay
door laxaad leh ka qaadatay kobcinta
dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Issue 21 | Sep-Dec 2014

13

Shirkadda Telesom oo Maal-galisay


Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda
Nugaal

aascaanood

(Telesom-14.10.14)

Shirkadda Telesom ayaa


maal-galisay
xafladda
qalin-jabinta jaamacadda Nugaal
oo sanadkan ay ka qalin-jabiyeen
dufcaddii 5-aad. Munaasibadan
ayaa ka dhacday xarunta Jaamacadda
ee
magaaladda
Laascaanood.
Xafladdan waxaa ka soo qayb-galay
Wasiiru Dawladaha Nabadaynta
Gobaladda Bariga Md. Cali
Maxamud Axmed (Cali-sandulle),
Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga iyo
Maal-gashiga Caalamiga ah Md.
Bashiir Cabdi Xariir, Gudoomiyaha
Gobolka Sool Maxamed Faarax
Aadan,
Maayarka
magaalada
Laascaanood Cabdiqaadir Jaamac
Faarax, Maamulka Jaamacadda

Nugaal, Maamulaha Shirkaddda


Telesom ee Xarunta Laascaanood,
Madax-dhaqameedyo, Ganacsato,
Waalidiinta, Ardayda jaamacadda
iyo marti sharaf kale oo badan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal
Prof. Cabdirisaaq Lafoole oo ka
hadlay xafladaasi ayaa hambalyo u
soo jeediyey dhammaan ardayda
ka
qalin-jabisay
Jaamacadda
Nugaal kuwaasi oo dhamaystay
degree-gii koowaad ee kulliyadaha
kala ah Shareecadda Islaamka,
Caafimaadka,
Waxbarashadda,
Maamulka Ganacsiga iyo ITga. Gudoomiyaha Jaamacadda
Nugaal oo ka hadlay munaasibadda
ayaa shirkadda Telesom uga
mahadnaqay taageeradda ay ka
gaystatay qabashadda xafladda

Jaamacadda Nugaal iyo sidoo


kale taageeradda joogtadda ah ee
ay Jaamacadda la garab-joogto.
Waxaa iyaguna munaasibadda
xafladda qalin-jabinta Jaamacadda
Nugaal ka hadlay Wasiirul
dawlaha Nabadeynta goboladda
bariga dalka Md. Cali Maxamuud
Axmed (Cali-sandulle), Wasiir Ku
xigeenka wasaaradda Ganacsiga
Somaliland Md. Bashiir Cabdi
Xariir, Gudoomiyaha Gobolka
Sool Maxamed Faarax Aadan
iyo
Maayarka
magaalada
Laascaanood Cabdiqaadir Jaamac
Faarax.
Masuuliyiintan
ayaa
hambalyo iyo bogaadin u soo
jeediyey dhamaanba 115 arday
ee ka qalin-jabiyey kuuliyadaha
kala duwan ee Jaamacadda
Nugaal waxaanay ku booriyeen
in ay sii wataan aqoontooda.
Maamulaha Shirkaddda Telesom ee
Xarunta Laascaanood Cabdirisaaq
Axmed Warsame ayaa sharaxaad
dheer ka bixiyey kaalinta ay Telesom
kaga jirto horumarka gobolka,
Jaamacadda Nugaal iyo sidoo kale
adeegyadda ay shirkaddu bulshadda
u fududaysay. Waxaanu ugu
dambayntii mahadnaq balaadhan
u soo jeediyey macalimiinta
iyo maamulka Jaamacadda ee
u heelin dhisida iyo kobcinta
garaadka dhalinta soo koraysa.

Midig: C.risaaq Axmed Warsame, Cali Maxmud (Cali-sandule), Bashiir Cabid Xariir

14

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

15

Shirkadda Telesom oo
Mashiin Casri ah oo Lagu
Baadho Xanuunadda
Ku Wareejisay Xarunta
Global Polyclinic

Telesom oo Ka Taageertay Maamulka


Gobolka
Daadmadheedh
Olole
Wadooyinka Dhir Xidhay Lagu
Banaynayey

argeysa (Telesome-08.10.2014) Shirkadda Telesom xarunteeda magaalada


Oodweyne ayaa ka taageertay maamulka
gobolka Daadmadheedh olole dhirta
lagaga banaynaayey jidadka magaaladda Oodweyne.
Shirkadda Telesom ayaa maamulka gobolka
Daadmadheedh ka caawisay shidaalka baabuurta
wadday Ololaha lagu banaynaayo jidadka magaalada
oodweyne. Munaasibadan shidaalka lagu wareejinaayey
maamulka gobolka Daadmadheedh waxaa ka soo
qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh,
Maayirka magaalada Oodweyne, Maamulaha
shirkadda Telesom ee xarunta gobolka Daadmadheedh
Cabdiraxmaan Jaamac iyo masuuliyiin kale.
Maamulka Gobolka Daadmadheedh oo ka hadlay
munaasibadda ayaa shirkadda Telesom uga
mahadnaqay taageeradda ay ka taageertay shidaalka
loo isticmaalayey in dhirta garanwaaga ah lagaga
baneeyo wadooyinka iyo jidadka kale ee magaalada
dhexdheeda ah. Telesom ayaa dhankeeda sheegtay in ay
masuuliyadii ka saartan tahay inay qaranka kala qaybqaato wixii danta guud ah ee qaranku u baahan yahay.

Midig: Maxamed Cabdi Darbo, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf

16

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

Maansadda: Talo San

aansadan Talo San waxa curriyay Abwaan Siciid Maxamed Salaad


oo ka tirsan shaqaalaha TELESOM gaar ahaan qaybta Ilaaladda.
Maansadani waxay ka hadlaysaa horumarka tiknoolajiyadda
casriga ah ee Shirkada Telesom ku soo kordhisay dalka taas oo
dunida oo dhami garwaaqsatay amaan badana usoo jeedisay shirkada Telesom,
tusaale ahaan mulkiilaha shirkada Microsoft islamarkaana ah ninka dunida ugu
taajirsan Mr. Bill Gate ayaa dhawaan fagaare caalami ah ka sheegay horumarka
tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkada Telesom Somaliland ku soo kordhisay.
Abwaan Siciid Maxamed Salaad oo maansadan tiriyay 20 November 2014 waxa
uu maansada ku bilaabay:

Siciid Maxamed Saalah

Talada tii toosan ba tabaalaha kaa jirtee,


Mid taamoo laga aflaxay mid aan tiirkeedu jebin,
Anaa Telesom ku huba dunidu wey talaabsatoo,
Tiknoolaji baa hagee tiriiga inoo bixiyo,
Hadaan Telesom la helin miyaynu tisqaadi layn,
Qayrkeena tiigsan layn soo maynu takooraneen,
Barbaarta tacliinta iyo waayeelka haddii ay tahay,
Intay tartay ee ku nool tiraan lagu koobi Karin,
Dhamaan Afrikaa tabtoo ku taama sidaynu nahay,
Inay ku talaabsadaan dalkooda raggii waxtaray,
Tabcee u horseeday guul taarikh dahabay galeen,
Miyaa la tirtiri karaa tashay wada leeyihiin
Tilmaamaha wey sugaan afkaartana way tixgelin
Nin tiigsaday meelo sare ku taamay inuu hormaro
Halkuu tusku mayriciyo tigaadu bartay ku tiil
Inuu tagayaa hubaal qof aad tabtay oo dhul dheer
Intuu tagey kaa qarsoon hadaan telefon ku
Jirin sow maad u talaabsateen
Tareen kuma beegsateen tirooyin ma sii dhaxdeen
Inay Telesom jirtoo dadkeenu ku tiirsan yahay
Halbowlana ay u tahay tilmaamtaasi way cadee
Tiraabta waxaan ku xidhay Allow waa tira yaroo
Ifkani waa laga tagee intaanu kor taaganiyo
Markay taayadu dhantahay
Tubtuu maray nabigayagu scw
Raboow nugu toosiyoo
Ta kheyrka le noo jihee.

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

17

Xarumaha Shirkadda Telesom Oo Lagu


Sameeyey Dab-damiyaal
Shirkadda Telesom ayaa sanadkan bilowday olale kor loogu qaadayo ilaalinta amaanka Shaqaalaha iyo
hantidda Shirkadda Telesom. Waaxda Supply Chain-ka oo qaabilsan soo iibinta iyo daryeelka hantidda
shirkadda ayaa sanadkan xooga saartay sidii ay shirkaddu uga hortagi lahayd khatarta uu leeyahay
dabku, waxaanay dhamaan xarumaha shirkadda ay u dhamaystirtay qalabka dabka lagula dagaalamo.
Waaxda Supply Chain-ka iyo Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ayaa si wadda jir ah tababaro u siiyey shaqaale
weynaha shirkadda Telesom qaabka loo isticmaalo qalabka dab-damiska iyo sidoo kale sida loo xakameeyo dabka.

Mahad Muxumed Faarax


Maamulaha Supply Chain-ka

18

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

19

Astaanta Shirkadda Teleso

hirkadda Telesom iyadoo ka qayb-qaadanaysa bilicda iyo qurxinta magaalooyinka dalka,


waxay meelo badan oo dalka ah ka hirgalisay kaabadaha Kantarooladda. Kaabadahan
ayaa ah kuwo astaan u ah kaantarooladda magaalooyinka laga soo galo. Sidoo kale
shirkaddu waxay boodhadh waaweyn oo ay ku suntan tahay astaanta shirkadda Telesom,
magaca magaalada la soo galaayo iyo maalada ku sii xigta iyo inta kilo mitir ee u dhaxaysa
labadii magaalaba ka samaysay magaalooyinka waaweyn ee Bariga iyo Galbeedka dalka.
Boodhadhkan waaweyn ee shirkadda Telesom u samaysay kaantarooladda laga soo galo
magaalooyinka dalka waxaa aad ula dhacay bulshadda gaar ahaanna dadka dalxiiska ku maraaya
ee ay ku cusub tahay socodka magaalooyinka dalka gudihiisa.

20

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

om ee Goboladda Dalka

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

21

22

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

23

Telesom oo Xabsiyada Waaweyn ee Dalka Ka


Hirgalisay Barnaamijyo Lagu Toosinaayo
Maxaabiista Jeelasha

argeysa (Telesom-09.09.14) Shirkadda


Telesom ayaa Barnaamij khayri ah
oo lagu dhisaayo akhlaaqadda iyo
iimaanka maxaabiista dalka ka hirgalay.
Mashruucan shirkadda waxa sanadkan 2014 ka
hirgalisay xabsiyadda Burco, Bo0rama iyo Gabiley.
Barnaamijkan ayaa suurto galinaayo in wakhtiyadda
nasashadda ee galinka hore iyo galinka dambe maalin walba
loo sii dayn doonaa casarka Tafsiirka Quraanka Kariimka
ah ee Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Qaar ka mid ah
muxaadirooyinka Sheekh Mustafe Sheekh Ismaacil Haaruun,
Duruusta iyo casharadda ka baxa Masaajiadda waaweyn
ee ku yaala magaalooyinka laga hirgaliyey mashruucan.
Barnaamijkan waxaa si aad ah u soo dhaweeyey qaar ka
mid ah maxaabiista ku jira Jeelaha Boorama iyo Gabiley
waxaanay Telesom uga mahad celiyeen Barnaamijkaa
Khayriga ah. Sidoo kale waxaa iyaguna mahadnaq
balaadhan shirkadda Telesom u soo jeediyey Taliyayaasha

24

Issue 21 | Sep-Dec 2014

Xabsiyadda Gabiley iyo Boorama kuwaasi oo Telesom ku


bogaadiyey Barnaamijkan laga hirgaliyey Jeelashooda.
Magaalada Burco ayaa noqotay magaaladii saddexaad
ee Telesom sanadkan 2014 ka hirgaliso barnaamijka
lagu dhisaayo aqoonta iyo akhlaaqadda maxaabiista
ku jira jeelka weyn ee magaalada Burco. Munaasibad
barnaamijkan laga hirgalinaayey magaalada Burco oo ka
dhacday huteel Golis 24 December 2014 ee waxaa ka soo
qayb-galay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Xabsiga weyn
ee Burco, WGuddida Culimadda Burco, Guddida Wanaagfarista iyo Xumaan Reebista, Isku-duwayaasha Wasaaradda
Diinta iyo Aqwaafta iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo
Shirkadda Telesom. Waxaana dhamaan masuuliyiintani
ay si mugle uga hadleen qiimaha uu leeyahay mashruucan
wacyi-galinta diiniga ah ee lagu soo kordhiyey jeelka
weyn ee Burco waxaanay shirkadda Telesom iyo cidii kale
barnaamijkan taageertayba uga mahad-celiyeen hawshan
khayriga ah ee shirkaddu ka hirgalisay jeelasha dalka.

www.telesom.com

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

25

Shirkadda Telesom oo Maal-galisay Tartanka


Fardaha

26

argeysa (Telesom) Shirkadda Telesom ayaa maal-galisay tartanka fardaha oo lagu


qabtay magaalada Xudun ee gobolka Sool. Tartankan oo ay ka soo qayb-galeen fardofuul tiro badan oo ka kala yimid deegaano badan oo gobolka Sool ka tirsan. Tarantankan
ayaa socday muddo todoba maalmooda, waxaana la soo gabo-gabeeyey July 2014.

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

Baro Mid ka Mid ah Shaqaalaha


Shirkadda Telesom
Ayaan Xaamud Jaamac Xasan waxay ku dhalatay
dalka Djibouti 08 March 1990. Ayaan Xaamud
Waxbarashada ka bilowday malcaamad quraan
ku taalay magaalada Gabiley, waxay Quraanka
karmiimka ah ku dhamaysay muddo laba sano
ah. Waxbarashadda Maadiga ah Ayaan waxay
Dugsiga Hoose/Dhexe Ku qaadatay Dugsiga Sh.
Muxumed Warsame ee magaalada Gabiley iyadoo
dhiganaysay intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2006.
Ayaan waxay waxbarashadda
Dugsiga sare ka bilowday
2006-dii
Dugsiga
Sare
SOS ee magaalada Sheekh
waxanay
ka
qalinjabisay sannadii 2010.
Ayaan Xaamud waxay
waxbarshadda
Sare
ee Jaamacadda ka
bilowday
2010
Jaamacadda
A d m a s
kuuliyadda
Xisaaaaadka
( M a j o r
Accounting
BA),
waxaanay ka qalinjabisay 2013. Ayaan
waxay sidoo kale aqoon
korodhsi
ka
samaysay
Jaamacadda Abaarso Tech
waxaanay shahaado Dimploma
Maaliyadda ah ka qaatay
2011. Ayaan Xaamud iyadoo ka
duulaysa aragtidda odhanaysa
waxbarashaddu
dhamaad
ma
leh
waxay
sanadii 2013 markii ay dhamaystay degree
koowaad ka bilowday Jaamacadda Islaamic
Online kuuliyadda Daraasaadka Islaamka.

waxaanay ka mid noqotay shaqaalaha ka hawlgala Laanta Daryeelka Macmiisha ee Waaxda


Suug-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha oo ilaa
hadda ay ka tirsan tahay. Ayaan Xamaud waxay
muujisay muddadii saddexda sanno ahayd ee ay
joogtay shirkadda Telesom dadaal dheeri ah iyo
shaqo hufan oo ay daacadnimo ku dheehan tahay.
Ayaan Xaamud Jaamac waxa ay nasiib u yeelatay
in muddadii saddexda sano
ahayd ee shirkadda Telesom
ay ka tirsanayd in ay ka
qayb-qaadato
tababaro
kala duwan oo la siiyey
shaqaalaha shirkadda
guud ahaan iyo gaar
ahaan
shaqaalaha
ka
hawlgala
Laanta daryeelka
Macmiisha.
Tababaradda
u
g
u
muhiimsan ee
aynu
ka
soo
qaadan
karno
tababaradda
ay
qaadatay
waxaa ka mid ah:
1. T a b a b a r k a
Daryeelka
Macmiisha
2. T a b a b a r k a
Ilaalinta Amaanka IT-ga
3.
Tababarka Badbaadada
iyo
Difaaca
Dabka
4. Kor u Qaadida Filashooyinka Macmiisha
5. Iyo Tababaro kala duwan oo kale

Dhanka shaqadda Ayaan Xaamud waxay shirkadda


Telesom ku soo biirtay 01 January, 2011,

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

27

Tababaradda La Siiyey Shaqa

W
dalka.

aaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ee shirkadda Telesom oo goorkasta u heelan kobcinta iyo kor u
qaaddida garaadka iyo aqoonta shaqaale weynaha shirkadda ayaa afartii bilood ee u dambeeyey
sanadkan 2014 waxa uu tababaro kala duwan siiyeen shaqaale tiro badan oo ku kala sugan
xarunta guud ee magaalada Hargeysa iyo xarumaha kale ee shirkaddu ku leedahay goboladda

Guud ahaan xafiiska shaqadda iyo shaqaaluhu wuxuu tababar siiyey shaqaale gaadhaya 438 shaqaale oo ka mid
ah shaqaalaha ka hawl-gala Waaxaha Sales-ka, ZAAD-ka, Marketing-ka, Engineering-ka, Landline-ka, Supply
Chain-ka, Human Resource-ka, Internal Audic-ka, Accounting-ka iyo sidoo kale shaqaale ka tirsan xarumaha
goboladda ee magaalooyinka Laascaanood, Caynabo, Burco, Sheekh, Berbera, Arabsiyo, Gabiley, Wajaale iyo
Boorama.
Tabaradda la siiyey shaqaalahan waxaa ka mid ahaa:
1.
Tababarka doorka Waajibaadka Ilaalinta Dab-dhaliyayaasha iyo Habka Solar-ka
2.
Tababarka IGW & SQL
3.
Tababarka Xirfadaha Hogaaminta
4.
Tababarka Suuq-gaynta
5.
Tababarka Diwaan-galinta
6.
Tababarka Hababka Ugu Wax Soo Saarka Badan Suuq-gaynta
7.
Tababarka Dhiiri-galinta Shaqaalaaha
8.
Tababarka Wadda shaqaynta Shaqaalaha iyo Saamaynta ay ku leedahay Daryeelka Macmiisha
9.
Tababarka Qiimaynta Shaqaalaha
10. Tababarka Dab-damiska
11. Tababarka Sida loo maamulo Hantida ma guurtadda ah iyo Lacagaha
Waaxda shaqaladda iyo Shaalaha oo soo aagsintay tababaradan ayaa qabtay intii u dhaxaysay bishii Sept ilaa
Decembter 2014. Waxaa tababaradan bixiyey khubaro barayaal sare ka ah Jaamacado kala duwan oo dalka
gudihiisa iyo dibaddiisa ku yaala iyo sidoo kale shaqaalaha shirkadda ee leh waayo aragnimo iyo aqoon dheeraad
ah.

28

Issue 21 | Sep-Dec 2014

www.telesom.com

aalaha Shirkadda Telesom

www.telesom.com

Issue 21 | Sep-Dec 2014

29

aamacadaha
dalka
waxaa sanad kasta
ka
qalin-jabiya
qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Telesom, inkasta oo shirkadda shaqaalaheedu ay noqdeen kuwo haysta degree kowaad ee Jaamacadda. Haddana waxaa jira shaqaale badan oo bilaabay degree labaad ama post graduate ama Master degree. Haddaba qormadan waxaanu ku soo qaadan
doonaa qaarka mid ah shaqaalaha shirkadda Telesom ee ka qalin-jabiyey sanadkan Jaamacadaha dalka:

Hambalyo Dhamaan Shaqalaaha Shirkadda ee


Qalinjabiyey Sanadkan 2014

Maxamed Cumar Cali


Accounting - Camuud

Cali C.maalik Cabdi


Dev Mgt -Admas

Cismaan Daarood Xasan


IT - Golis

Maxamed Jaamac C.laahi


ICT -Admas

Saleebaan Maxamed Xasan


IT - Golis

C.raxmaan Isamcil Jamac


ICT -ALPHA

C.qaadir Muxumed Aadan


Accounting- CSI

C.raxmaan Cali Cilmi


Management- Burco

Maxamed Cawil Muxumed


Dev Mgt - CSI

You might also like